Tag: Maxamed Daahir Afrax

  • Xubinta 11aad

    — 1 — Xamarta Waqooyi haddii mar uun dani ku geyso, Hawl Wadaag kor u sii dhex qaaddid, Jidka Soddonka ka tallawdid, Waddada Daraawiishta la sii socotid, bannaanka shishe markaad u baxdid, waxaa bidixda kaa qabanaya buur aan weynayn oo isaga iyo agagaarkiisuba maalintii cagaar qurux badan yihiin, habeenkiise mugdi cabsi leh. Buurkaas rakadiisa ayay […]

  • Xubinta 10aad

    — 1 — Saacaddu waa shantii galabnimo iyo shan iyo soddon daqiiqo. Ciise-Dheere iyo afadiisii, Leyla, qolkoodii jiifka ayay dhex taagan yihiin. Leyla waxay ku hawlan tahay sixiddii u dambeysay ee ay ku tifaftiraysay labbiska ninkeeda. Shaatigii ay galabtaas u doortay bay saxarro aan jirin sacabka ka marinaysaa. Badhammadii ay xirxirtay bay mid furan ka […]

  • Xubinta 9aad

    — 1 — Fatuurad cad oo kala jiidan ayaa soo hor fariisatay sar gaaban oo guduudan, korkana jiingad gambis ah ka hagoogan. Nin xoog weyn oo fatuuradda dhex fadhiyay ayaa intuu saddex jeer saliidda cagta ku cadaadiyey, matoorka kaga cabaadiyey. Waa baaq ay isla yaqaanniin isaga iyo qof gudaha ku jirtay. Waa siduu rabaye codkii […]

  • Xubinta 8aad

    — 1 — Diiq baa dhawaaqay. Mid kalaa ka jiibiyey, wadaad baa u marag furay. Aamuskii madoobaa buu addin kala dhex kacay. Ka baxshaa ba’ay. Alalaas baa afarta jaho is-qabsaday. Digaag aleeggadaya. Wadaaddo addimaya. Dameero orinaya. Dhallaan ooyaya. Dumar aamusinaya, iyo wixi la mid ah. Aaway dunidii daqiiqado ka hor shibta ahayd? Diiqii dhawaaqay baa […]

  • Xubinta 7aad

    — 1 — Maana-Faay weli sariirteedii bay dul xooran tahay. Dharkii dugsiga weli iskama beddelin. Sidii buu surweelkii kaakiga ahaa bowdyaha uga ceejinayaa. Shaatigii caddaa ee gacmo-gaabka ahaana xabadka uga cadaadinayaa. Sidii bay weli labadeedii lugood, mid kabteedii wadataa sariirta u dul xooran tahay. Tii kale oo kabtii iskeed uga dhacdayna uga lulataa. Hooyadeed Aay-Caddeey, […]

  • Xubinta 6aad

    — 1 — Fatuurad cad oo kala jiidan baa la soo wareegtay nalka baabuurta kala hora rukunkiisa ku hor yaal taallada Daljirka Dahsoon. Koonfur bay u weecatay. Waddada Soomaaliya ayay cagta la haleeshay, iyadoo luudaysa sidii wax soo daalay, ama jahadu ka dhunsan tahay ee aan u socon meel la og yahay. Waxay sii luuddaba […]

  • Xubinta 5aad

    — 1 — Gabbalkii oo guduutay, gaashaanna u ekaaday, baa gebigii qarin lahaa ku sii hoobanaya. Maalintii baa sii cararaysa. Habeen carcartiisii qabaa ku daba jira. Injineer Axmed Jaamac dariishad furan buu ka daawanayaa cilcillowga makhribka ee cirka iyo caadka ku saynsaabanba midabka casaanka ah ku aslay. Sariirtiisii midabkeedu huruudda ahaa buu salka ku hayaa. […]

  • Xubinta 4aad

    — 1 — Qorraxda Maarso sidii caadada u ahayd ayay gantaalaheeda kulul ugu garaacaysay naflaydii maalintaas Muqdisho u soo harsatay. Meel looga badbaadi karaa ma jirin. Milicda dibedda ka holcaysa ayaa uumigeeda guryaha gudahooda u gudbinaysey. Jaamac Dhagay markuu gam’i waayey, ayuu ka soo sare kacay sariirtii uu ku galgalanayey, isagoo dhididkii korkiisa qooyey xabadkiisa […]

  • Xubinta 3aad

    — 1 — Xaafaddani weli waa sideedii: luuq-luuqyadii isu wada ekaa iyo sarihii gaboobay ee la mooday in uu isku fuundi dhisay, fuundi aan ahayn kuwa hadda jooga ee farshaxanka yaqaan, xisaabtana ku darsan in loo baahan doono waddooyin baabuurtu maraan, iyo dariishado ay ka soo galaan neecawda iyo iftiinka qorraxdu. “Laabkani sow ma ahayn kii gurigooda […]

  • Xubinta 2aad

    — 1 — Sahra Yuusuf guri bulakeeti ah oo afar qol ka kooban ayaa mid u kiraysan yahay. Aad bay u nadiifisay una sharraxday. Geeska midig waxaa gidaarka cirifka ku haysa sariir foormiig ah oo si fiican u goglan, koomadiin sideeda u madow baa ag yaala. Harqad yar oo ay gacanteeda ku toshay baa ku […]