Xubinta 9aad

— 1 —

Fatuurad cad oo kala jiidan ayaa soo hor fariisatay sar gaaban oo guduudan, korkana jiingad gambis ah ka hagoogan. Nin xoog weyn oo fatuuradda dhex fadhiyay ayaa intuu saddex jeer saliidda cagta ku cadaadiyey, matoorka kaga cabaadiyey. Waa baaq ay isla yaqaanniin isaga iyo qof gudaha ku jirtay. Waa siduu rabaye codkii baa gudaha u gudbay.

Waxaa maqashay Beyddan Shabeel oo hor fadhiday, shaqo iyo sheeko wixii ay u baahdaanna ka haqab tiraysay, laba nin oo qolka labadiisa gees laba joodari iyo dhawr barkimood ku kala dangiiga, laba gabdhood oo dhawaan qaan-gaarayna midba tiisa afarta addin dhexdooda ku haysto, sidii hooyo iyo ilmaheed, afkana qaad ugu gurayso, marka uusan isagu ammuuro kale ku hawlin!

Muusikada baxaysa, marqaanka lagu dhex jiro iyo buuqa la isku maaweelinayo, ma ahayn mid wax laga maqli karo, xitaa haddii daaradda bambooyin ka qarxaan. Hase yeeshee, Beyddan Shabeel horay bay labadeeda dhegood ugu carbisay in ay midina ku jeesato martida u fadhida, midda kalena martida cusub ee soo degeysa dhaqdhaqaaqooda dibedda kala socoto. Looma baahna in ay is-arkaan labada martiyood, ama is-ogaadaanba! Yartii u adeegaysay oo bannaanka ka shanqaraysa ayay amar siisay, “Naa fiiri baabuurkaas!”

In yar kaddib bay Faaduma-Yarey warbixintii u keentay. Iyada iyo guntiinadeedaba waxaa ka muuqda diiftii iyo daalkii ay ku rideen hawlaha adag ee is-daba joogga ah ee ay Bayddan martideeda ku farax gelinayso, si gacmahoodu jeebabka ugu dhiirradaan, “Naa dhakhso qolkaas soo gogol! Keer soo nadiifi! Shaah kale soo kari! Khum-khum soo shid! Kooka-Koolla iyo sigaar soo gad! Biyo soo aroor! Suuliga biyo gee! Macawiisaha iyo dhiinsoolayaasha dhaq, waa kuwii caawa lagu fariisan lahaayee!” Amarradaas fulintooda ayaa gabbalku ugu dhacaa, waaguna ugu baryaa. Kala fogaa fahma-darrada Faadumo-Yareey ka muuqata iyo sida ay u shaqaynayso. Waa agoon 13 jir ah ee aabbaheed beer yar degmada Afgooye ku lahaa. Markuu dhintayna iyada iyo afar walaalaheed ah oo ka sii yaryar, Xamar u soo dalaabeen. Dilka, af-xumada iyo shaqada naxariis la’aanta ah waxay ugu dul-qaadataa si ay kuwii ka yaryaraa rooti ugu geyso. Badanaa inta jeer ay habeen-barkii ula gudday hambada shaaha iyo cashada ay ka kacaan martida marqaansan ee Bayddan. Markii soo daadi la yiraahday dambiil ku aruursataa, si ay walaalaheed noloshooda ugu badbaadiso!

Intay si miskiinnimo ah irridka isu soo taagtay bay tiri, “Waa ninkii buurraa oo baabuurka dheer wadan jirey.”

Bayddan sidaas kuma garan karto, immisaa nin buuran habeen kasta baabuur dheer soo hor dhigata! Intay yartii indhaha ku caddaysay bay tiri, “Heedhe ninka buurani waa kuma?”

“Kii oo habeenkii dhaweyd Seynab la fadhiyey.”

Saynab baa intay garatay ninkii ay qaadka afka ugu guraysay afartiisa addin ka dhex qaylisay, “Naa waxay sheegaysaa odaygii Jaamac-Dhegay!”

Bayddan halhaleel bay bannaanka ugu boodday. Ma Jaamac-Dhegay baa nin laysku ladi karo ah? Waa ragga ay ku dhaadato! Waxay ka xumayd inaanay habeenkaas fariisin karin, oo gurigii hortiis la buuxiyey. Inuu ka xumaadana way ka welwel qabtaa. Tolow maxay ku raalli gelin doontaa? Iyadoo baabuurka daaqaddiisii uu ka furay hal lug sii gashanaysa ayey tiri, “Waar Jaamac! Ma adigii baa? Ii warran, beryahaan waa i nacdoo lagu waaye! Caawa meel xun baad iiga timid, kuwo baas oo aan iska dhaqaajin kari waayey baa gurigii fadhiya. Ii dhiib sigaar!”

Baakad sigaar ah iyo tarraq hortiisa yiil buu soo haabtay. Intuu baakadkii daboolka ka rogay ee xabbadihii safnaa mid soo dhaweeyey buu u taagay. Markay la baxday buu intuu tarraqii hal xabbo ka shiday dhankeeda isula qalloocshay. Intuusan gaarsiin buu madaxeeda shishadiisa wuxuu ka arkay gabar bilicsan oo gudbaysa. Waa Maana-Faay oo ka soo laabatay gurigii Sahra Yuusuf ee ay ilaa shalay ku dhuumanaysay. Waxay u socotaa gurigii walaasheed Leyla.

Intuu gabadhii hiyi-raacay, ayuu dabkii gacantiisa ku illaaway, ilaa uu kulaylkii dareemay tarraqiina tuuray. Intay daymo duluc leh ku eegtay bay tiri, “Ma ku gashay, inaad baxday waa ku arkaaye?”

“Gelid keliya maahee way iga dhex dustay! Inta aad caga-booreyda iyo low-galaaska nagula wareegaysid, bal car qoftaas oo kale keen!”

“Waar waad caytamaysaaye waad og tahay in aanan caga-boorey keenin. Tan qudheeduna meel igama jirto, hadday dahab kula tahay. Caawadaas la joogaan hore kaaga dari karaa, laakiin, ma istaahishid.”

Intuu kursigii kor uga booday oo kulligii dhankeeda u jeestay buu xammaasad filan-waa ku yiri, “Ilaah baan kugu dhaarshaye ma taqaan?”

Intay xabbaddii sigaarka ahayd afka ka bixisay, ee cuntub qiiq ah hawada ku dartay bay tiri, iyadoo qab-weyni la madaxtaagaysa, sidii ay ceel batrool ah ku fadhido, “Weli Bayddan barashaa kuugu dhimman. Ma taqaan, ma taqaan? Kam shufnaa maraakiib macaa-dallaa huuri! Middaan iska daaye meeqaa ii qarsoon xuural-ciin dhayla ah oo haddaad dhammaanteed dhunjisana aadan ku marganayn! Maxaad fali lahayd haddaan ku tusi lahaa dad aan ogahay!”

“Dadkaas kale oo dhan iska haysoo, tan uun mar qura ma i soo hor fariisin kartaa?”

“War i maqal, Maana meel kaama jirtee, Bayddan gacanteeday kuugu jirtaaye, waxaan ku iri…” bay tiri, sidii qof arrintaasi la fududdahay ee wax ka muhiimsan soo wadda. Haddana intay jimicsatay bay tiri, “Heedhe bal casho ii dir, caawa gaajo xun baa i haysee. Naa kaalay casho ii soo gad! Meeday tii gabar ahayd?”

Way og tahay inaan gabari maqlayn. Cashana dirsan maysee ujeeddo kaley leedahay, ninka ay gaadaysaana wuu la garanayaa. Waayo-aragnimadeeda ayaa bartay gol-jilicda ragga laga soo galo iyo sida marka uu godlan yahay looga gaarsiiyo. Intuu jeebka gacanta u diray buu waraaqo lacageed oo mad-madow ka soo bixiyey, isagoo leh, “Maxaa tiri, Muuna miyey ahayd? Bal iigu soo celi magaceedii.”

“Maana-Faay, faceeda-ka-roon!”

“Ma ciddooday la joogtaa mise waa fiidmeer? Hoo cashada u dirsoo,” ayuu yiri isagoo laba warqadood oo min boqol shilin ah u soo taagaya, uurkana ka leh, Intaani waa carbuuntii ee qabso, cunaha dig lagu yiriye! Casho in aadan baahi u qabin waan is-ognahaye!

“Jaalle qoftaani qof cayaar-cayaar gasha ma aha,” Bayddan oo markay lacagta aragtay codkeedii dhadhan macaan iyo firfircooni ku dheehday baa sidaas tiri, “Waa gabar yar oo gurigooda ku asturan, macdanteediina ku duugan tahay. Waa bitamiinkaas miiddu da’ayso! Qof waxyaalaha aad la maaggan tahay loo quuri karo ma aha, immisa nin baa ka daba dhareeraya, ee aan ka diiday inaan u fududeeyo, adiga uun baan ku qaadi waayey oo Jaamac igu noqday mooyee!”

“Allaa-yacisag! Aniga dhan adaa i leh!” buu si raxmad leh ugu yiri, isagoo gacaltooyo aan laabta jirin, garbaha gacan ka saaraya.

“Bayddan Shabeel dhanka ay kaa jirto dhaxani kaa soo geli mayso,” bay ku dhigatay, “Adigase waan ku aqaanoo marka aad dan leedahay uun baad isu kay bihin-bihisaa.”

“Inta aan noolahay agtaada iga day, baan ku iri! La’aantaa abaar!” buu ku beer laxawsaday, haddana intuu codkii adkeeyey u raaciyey, “Hadda goormaad qoftaas igu allifaysaa?”

“Barnaamijkaaga Jimcaha qorshaha ku darso.”

“Waa hagaag, inkastoo Jimcuhu igu fog yahay.”

“Maxaad ku ordaysaa, Jimcaha afar beri uun baa kaa xigtee?”

“Warkaagaa jira, laakiin, Jimcaha waa la hubaa inaan Muuna helayo sow ma aha?”

“Maana Jimcaha gacantaaday ku jirtaa. Igu hallee aniga! Qorshe kale ma geli kartid!”

“Bal fikrad iga sii dabinka aad u dhigi doontid, si aan wax uga sii ogaado.”

“Ka bax baddaas! Anigey i jirtaa waddada aan u maraayo. Adigu gabar diyaar ah baad iga taqaan.”

“Warkaagaa jira. Saacadda aan is-keenayo uun ii sheeg.”

“Anigaa Khamiista kuu imaanaya, haddii lacalla wax lagaaga soo baahdo; haddii kalena kolley qorshaha iyo saacaddaan kula socodsiin doonaa.”

“Waa hagaag. Nabadgelyo.”

“Nooli kulante!”

 

— 2 —

Maana-Faay waxay ku dhex jirtaa toddobaadkii ugu adkaa taariikhda nolosheeda. Guriga walaasheed Leyla ayey karantiil ahaan u joogtaa. Waa gurigii ay hawo-gaddiska u soo aadi jirtay markay ku cabburto gurigooda jawigiisa. Hadda isagii baa ka hor yimid. Leyladii maaweelin jirtay maalmahaan way ku kacsan tahay. Waxay ku eedaynaysaa in ay u soo jiidday caro waalidkeed u qaado. Xaafaddii oo dhan waxaa gashay, Leyla Maana waxay la rabtaa ninkeeda saaxiibkiis.

Ciise-Dheere marka uu guriga joogo aad buu ugu dadaalaa in uu dumaashidi maaweeliyo, niyaddana u dhiso. Sida Maana ayuu qudhiisu maalin walba ku fekeraa, Tolow Axmadkii muxuu ku maqan yahay, muu naga soo dhakhsado! Maana yididdiilada qura ee ay nolosha ka qabto waa soo noqoshada Axmed iyo tallaabada uu ku badbaadin doono aayaheeda. Ciise iyo Sahraba waxay mar kasta ugu laab qaboojiyaan, in uu soo dhow yahay, isla maalinta uu soo galana qaadi doono tallaabo farax gelisa. Maalintii dhawr jeer bay shaqadiisa iyo gurigoodaba taleefoon u dirtaa. “Axmed ma imaaday?” bay ku waalatay. “Weli ma imaan,” baa lagu wadna gooyey. Shantii beri ee uu maqnaa shan bilood bay kala badatay. Lama tirin karo inta jeer ay gurigiisa cidlada ah ka soo daclisay.

Marka Ciise guriga ka maqan yahay, sida badan Sahra Yuusuf bay u maaweelo doonataa. Sahrada qudheeda welwel iyo walbahaar kuma yarayn. Xil culus bay dareemaysay. Taar iyo telefoonba walaalkeed jawaab way uga wayday. Mar bay damacday in ay gabadha Jilib uga daba geyso, halkaasna lagu soo mehriyo. Haddana way la habboonaan weyday in ay arrintaas keligeed ku tala baxdo. Waxay ku fekertay in ay abtigeed arrinta la socodsiiso. Haddana way ka hakatay. Yaa og waxa ka imaan doona, waayeelku si kalay u fekeraane! Waxay ka baqday in ay bad gasho!

In isagii la sugo wax dhaama ma leh, wixii uu maqnaadaba waa maalmo yare, intaasna gabadha sii maaweeli, ayey talo dhaafsiin weyday.

Iyada iyo Maana maalin joogto ayey isu arki jireen. Galabtaas Sahra waxay soo aadday gurigii walaasheed Leyla. Maanay doonaysay. Iyaduna intii ay jidka ku sii jirtay bay gurigeedii u daba martay. Maana markay Sahra guriga ka wayday baa wax cululubteen. Goor ay soo leexatay iyo meel ay soo martay midna ma garanayne waxay is-aragtay iyadoo gurigii Axmed ag-taagan. Irridkiisii oo furan ayey isheedu ‘qac’ ku tiri. Dareen silloon baa qabandhaco kadis ah korkeeda ku yaaciyey, xaaddeedana dhaqaajiyey. Ma naxdin baa? Ma farxad baa? Ma labadoo is-huwan baa? Ma garanayso. Keliya waxay garanaysay in daqiiqaddaas qalbigeedu lahaa, Alla waa yimid macaanahaygii! Bishaaro badanaa!

Iyadoo xammaysan bay albaabkii garaacid la’aan jiirtay. Irridkii bay ‘dalaq’ tiri. Indhihii hilowga gaamuray iyo hammuunta jacaylku hawadinaysay baa sariirtii huruudda ahayd durbadiiba ku hagoogtay qac. Nin ku dangiigay baa farxad hore ula soo booday. Qofkii sii xammaysnayd naxdin bay dib ula boodday, “Aaa!” intay tiri, sidii bahal dad-cun ahi ku soo booday.

Ninkii oo wajigiisa farxaddii degdegga ku soo gashay degdeg uga tirantay, ayaa intuu markiisa dib u hakaday, cod aan yaab ka saan-la’ayn ku yiri, “Haye Maana? Sow adiga argagaxay! Maxaa kugu dhacay?”

In yar bay ka aammusnayd, markii ay neef ceshatoyna, cod niyad-jabsan hoos ugu jawaabtay, “Waxna!”

Kulmiye intuu sare kacay ayuu gabadhii albaabka xaggiisa cucubnayd gacanta soo qabtay, si naxariis lehna ugu yiri, isagoo kursi u tilmaamaya, “Soo fariiso abaaye! Mininku minankaagii lee waaye! Kow, ka warran caafimaadka?”

Maalintii Axmed baxayey, ayuu Kulmiye weydiistay in uu guriga furihiisa u sii hayo. “Waan kuu sii ilaalinayaa, habeen-habeenkii aan u baahdana waan ka faa’iideysanayaa,” buu ku yiri. Laakiin ujeeddadiisa weyni taas ma ahayn. Waxay ahayd tan galabtaas farxadda ka keentay. Waxaa ku soo dhacday in uu Maana ku gaado. Wuu iska garanayey in ay kolleyba marmar soo kormeeri doonto, bal in Axmed yimid iyo in kale. Wuxuu is-yiri, Hadda uun baad fursad u haysataa in aad ka faa’iideysatid gabadhii quruxda badnayd, qalbigana jilicsanayd.

Muddadii Axmed maqnaa maalintii u horreysay iyo tii xigtay midna Maana guriga ma soo aadin. Maalmihii dambe oo dhanna, isaga qudhiisaaba bad kale ku jirey, xaafaddaana u kansho hayn.

Muddooyinkaan dambe, Kulmiye aad buu u soo darsaday. Wuxuu caadaystay in uu beryo badan oo isku xiga khamri iyo sakhrad isugu bixiyo. Inta uu caadiga yahay waxaa ka badan inta uu sakhraansan yahay. Waqtigii uu shaqo tagi lahaa ama waxyaalo kaloo dani ugu jirto ku gudan lahaa aad buu u yaraaday. Kharashkiisii xad-dhaaf buu noqday. Waqtigii uu dakhli ku soo saari lahaana sidaasuu ku dhumiyey.

Taasi waxay aad u xumaysey xiriirkii ka dhexeeyey dhinac isaga iyo Hay’adda uu ka shaqeeyo; dhanka kalena isaga iyo qoyskiisa. Markii labada qolaba waayaan, ee midiba mid weydiiso, ayaa marka dambe laga soo helaa isagoo meelo xun dhacdhacaya ama hurda. Xagga shaqada digniin badan, ganaax badan iyo hoos-u-dhac badan intaba wuu kala kulmay. Rukhso uun baa u hartay, iyadana ma kala jecla. Xagga qoyska xiriirkii oo idil waa laga goostay. Waa qoys ladan oo lacagta uu gubayo badankeeda uu iyaga ka heli jirey. Ugu dambayntiise aabbihii markuu ka quustay wuxuu ku yiri, “Maandhow bannaanka iga mar, carruurta ha iga fidmayne!”

Beryahaan dambe dhibaatooyin culus baa ka soo food saaray xagga dhaqaalaha. Saaxiibbadiisii ay baddaas ku wada jireen markii uu kaalintiisii gabay, ayay badankoodu ka daysteen kharashkii ay ka bixin jireen. Aad buu u xayraansan yahay. Wax walba wuu ku kacsan yahay, xataa nafsaddiisa. In badan buu ku tashadaa in uu is daba qabto, ee dabeecadihiisa baddelo. Haddana mar walba wuu ku guulaysan kari waayaa. Waalidki caasi kuma ahee aad buu u jecel yahay, laakiin waxaa ku adkaata fulinta waxa ay la jecel yihiin. Ilaa hadda waa ka xishoodaa in uu aabbihii sigaarka ku hor cabbo, wax ka weynna iskaba daa. Wanaagga lagula taliyo aad buu ugu riyaaqaa, khaladaadkiisa u garaystaa, waanada u qaataa, in uu ku camal fali doono u ballan-qaadaa. Haddana markii fulinta la gaaruu dhexda ka barriiqdaa, isagoo baddii dhex muquufayuu is-arkaa.

Khamriga iyo dumarka ayuu is yiraahdaa isku ilowsii dhibaatada. Markaasuu noqdaa ninkii holaca ku dhex jirey, oo bensiinka biyaha moodaye is yiri ku qabooji!

Maana-Faay ayuu galabtaas ku tashaday in uu isku ‘qaboojiyo!’ Aad buu ugu farxay, markii ay u soo gashay. Daacadnimo is-tustus ah buu ku soo dhaweeyey. Qalbi-furnaan xad-dhaaf ah buu u muujiyey. Kaftan iyo maad buu ku hafiyey. Saskii markii ay u soo gashay ku dhacay raadkiisii buu ka tirtiray.

Wallaahi yarkaan dumaashi boqor eh waaye! bay niyadda ka lahayd, iyadoo kaftankiisa u qoslaysa. Asaguna hoostuu uga mindiyo lisanayey, faan been ah ku asqaysiinayey. Tartiib-tartiib buu sheekada majaraheedii meeshii uu rabey ugu leexiyey. Tabtii baase ka xumaatay.

Markii ay ‘Axmed’ marar badan soo hadal qaadday, ayuu is yiri, Ninkaan ay ku wardinayso ka sii yara jeedi.

“Axmed wax akhbaar ah ma ka heshay?” iyo “Goormuu imaanayaa?” bay dhawr jeer ku celcelisay. Maadaama uu ogaa in uu kadis ku baxay, iyadana war gelin, waxaa ku soo dhacday in uu gol-dalooladaas ka faa’iidaysto.

“Markii uu baxayey kollayba wuu kula socodsiiyey sow ma aha?” ayuu ogaal-waydiiyey.

“Maya,” Maanaa daacadnimo ugu jawaabtay.

“See ku dhici kartaa?” Kulmiyaa la soo booday.

“Waxaa la dhahayey kadis aas ku baxay,” Maanaa wiilkeedii ku difaacday.

“Ma-kee?” Kulmiyaa ka hor keenay, “Toddobaad ka hor baabu annaga noo sheegay in uu Jilib u bixi doonee.”

“Wallaahi?” Maanoo dabinkii ku dhacday baa la soo boodday.

“Si xun buu yeelay saaxiibkay,” Kulmiyaa sii watay, “Markuu yimaadana waan ku canaanan doonaa arrintaas.”

“Ad Setamaan ka hor aas kuu sheegay miyaa?”

“Haah, waliba intuusan ii sheegin baan maqlaayey habeen isagoo Mulki u sheegaya, markaasaan waydiiyey oo waxaan…”

“Yaah, yaah?” Maanaa markay magaca dhaddig maqashay, intay is celin wayday hadalkii ka dhex gashay, “Mulkina yaa waaye?”

“Gabadha saaxiibtiis ah nooh! Mulki sow ma taqaanid, yartii hadda markaad soo galaysey iridka ka sii baxaysey?”

“Wax irid ka sii baxaaya ma arkin,” Maanaa si xanaaq ah u tiri.

Intuu koomadiinka gacan-togaaleeyey, oo sawir uu maanta galiyey ka soo saaray buu yiri, “Mulki waa is-taqaanniine, waa tan nooh!” Intay sawirkii si qallafsan uga dhifsatay, in yar ka dibna tuurtay, bay wajiga jilbaha gashatay.

Kulmiye hoostuu ka qoslay, isagoo sawirkii dhulka ka haabanaa, halkiisiina ku celinaya.

Saasaa la rabaa! buu uurka ka yiri; afkana su’aal been ah ku kajamay, ee yiri, isagoo iska dhigaaya sidii nin aan qarracanka ay la muusoonayso weli dareemin, “Waa is taqaanniin sow ma aha?”

Markay u jawaabi weyday buu sidii nin markaas in ay ooyayso gartay, intuu ku soo dhawaaday, wajigeeda kor u toosiyey, isagoo leh, “Maxaa dhacay Maana? Waa maxay sidaani? Ashidanti! Khalad weyn baan sameeyey. Looma baahnayn in aan kuu sheego. Kuumana sheegeen haddaan moodayo in aadan la socon. Isagaa i yiri gabdhuhu waa is ogyihiin, raalli bayna isaga yihiin in Mulki gabadhayda kowaad tahay, Maanana tan labaad. Waan ka xumahay sirta iga fakatay, laakiin waxaasi micna ma leh, iska illow abaaye. Waad og tahay dhallinyarada hadda joogta in uusan jirin qof hal saaxiib ku kooban, gabar iyo wiilba. Adiguba kolley ugu yaraan hal ama laba wiil oo kale waad leedahay. Haddii aadan lahaynna waa kuu nacasnimo. Ama carruur baad tahay, oo weli waqtigaadan la socon.”

Kulmiye halkaasuu ka sii amba qaaday hadal dheer oo biyo dhiciisu ahaa in uu si aan af-ku-ballaaris ahayn ugu shukaamiyo in ay isaga xiriir la yeelato; isagoo ka dhaadhicinaya in uu ilaa muddo dheerba jeclaa, saaxiibkiisna ku xaq dhowrayey. “Haddase,” ayuu ku andacooday, “Jacaylkaygii wuxuu soo gaaray heer uusan oggolayn in qofna lagu xaq dhawro. Jacaylku cid walba isagaa ka xaq leh.”

Maana intii horoo dhan hadalkiisa uma dhugmo lahayn. Waxa uu sheegayana, waa maqlaysay uun mooyee badi ma fahmayn. Qarracankii masayrku ku riday bay la qalbi fuqsanayd. Dhulka iyo cirkaa la wareegay. Meel ay joogtana ma garanayn. Gabadhiisa kowaad waa Mulki aa? “Axmed waa dhintay,” mooyee war ay maqashoo uga naxdin badan ma jiri karo.

Markii dambayse ku baraarugtay hadalkii Kulmiye, in uu shukaansanayana dareentay. Laba daraadle waxaa dhiillo galiyey sida uu marba marka ka dambaysa ugu soo dhawaanayo, eegmada lulaysan ee uu isha u dabayo iyo gacan-togaalayska uu durba ku bilaabay.

Sidii qof hurdo ka soo toostay bay madaxa kor u qaadday. Indhaha wajiga ka saartay. Tin iyo cirib u eegtay, sidii iyadoo leh, War horta kumaad tahay? Miyaadan ahayn kii ay wiilkayga saaxiibka ahaayeen? Wuxuu la yeeshay muuqaal ka fool xun sidii uu markii hore ula ekaa. Wuxuu la noqday qof hor leh oo aan ahayn kii ay galabtoo dhan la qoslaysey, ee is lahayd, Dumaashi boqor ah waaye, iyadoo moodaysey in uu dumaashinimo u soo dhawaynayo. Waxyaalihii uu u sheegayoo dhan bay maskaxdeeda dib ugu shaandhaysay.

Intay istaagtay bay tiri, iyadoo sii dhaqaaqaysa, eegmo yasid ahna dib ugu haraatinaysa, “Abboo iga raalli ahaw; gabdhaha aa i moodey camal ma ihi. An naftirkay waa kugu sirmay. Haddiin saan kuu mudaayo, galabta dheerba ma kula soo fariisa leheen. Haddana jaaw!”

Siyaalo kala duwan buu isugu dayey inuu celiyo, ujeeddadiisiina ka gaaro. Hase yeeshee kuma guulaysan. Waxaa sii maja xaabiyey dad guriga hortiisa fadhiyey oo uu ka baqay in ay ceebtiisa ka markhaanti noqdaan.

 

— 3 —

Daqiiqado intii ay ahaayeen uusan garanayn, kollaybase aan toban ka badnayn markii ay ka sii maqnayd, jacdii ay ku reebtay raadkeediina wali wajigiisu la qamiirsan yahay, ayuu iridka shishadiisa ka maqlay saan rag oo xaggiisa u soo tallaabsanaysa. Indhihii uu hore u taagayba waxaa ka hor yimid nin shandad sita oo soo galay.

“Weey Axmed! Soo noqosho wanaagsan!” buu ka hor geeyey. Niyad kama ahayne wuxuu isku dayayey in uu ku raad gato.

Farta iyo meesha bugtaa is oge, Axmed isagoon wali dhar baddalashadii dhammaysan, ayuu hore ka waydiiyey, “Gabadhii war ma ka haysaa?”

Kulmiye waa isku yare naxay. Su’aashaasi waxay la noqotay, “Wixii aad gabadhayda ku samaysay maxaa kugu kallifay?”

“Gabadhaadii baa?” Kulmiyaa ku ararti dheeraystay, isagoo saaxiibkii wajiga ka dadbaya, sidii uu ka cabsanayo in uu niyaddiisa daalacdo.

“Gabadhaadii waan arkay.”

“Haye? Haddaas waajibaadkaagii waad gudataye. Bal iiga warran saaxiibow?” Axmed baa si xiisa leh ula soo hiyi kacay.

“Warramiddaas maad iga daysid!” Kulmiyaa ugu jawaabay.

“Maxaa dhacay?” Axmed baa dareensaday.

“In aad iga daysaan jeclahay, adna kuu rooro,” Kulmiyaa ku andacooday.

Axmed oo wajigiisa astaan dhiillo ku sawirantay, ayaa intuu kursigii soo dhawaystay si adag u yiri, “Waxba ha i meermeerine, ii sheeg sida wax u jiraan!”

“Maya saaxiib, waxba ma jiraan,” buu ugu warceliyey, isagoo dhiillada uu ku tallaalay is moogaysiinaya.

Maadaama uu garanayey warka uu sheegi doono inuu yahay mid Axmed kicin doona, isagana sheegistiisu ku habboonayn, ayuu rabay in uu ka dhigo wax khasab looga keenay. Wuxuu is yiri qoftii aad fara xumaysay, kollayba way kaaga dacwoon doontaaye, intayan ceebtaada sheegin, ceeb u samee, wixii ay kaa sheegtana ha loo qaato dad xinifi dhex martay oo is masabidi kara.

Markii Axmed si kulul ugu adkeeyey in uu warka shaaca ka qaado, ayuu si dabacsan u yiri, “Ma habboona in dadka loo kala war sheekoodo, hase yeeshee saaxiibkay baad tahoo waxba kuuma qarin karee, calaa kulli xaal, qoftii habeen dhawayd baan meel aan wanaagsanayn isku aragnay. Run ahaan la yaab bay igu noqotay gabar yar oo ardayad ah in ay meelahaas oo kale joogto. Ama ay la socoto dad kharriban oo waxyaalo fool xun samaynaya. Labadayada qofba qof buu ku naxay. Aniga way iigu jirtaye, intaan gacanta soo qabtay baan waano ku bilaabay. Cay iyo dagaal bay iigu jawaabtay. Kii watey oo si xun u cabsanaa baa ii soo fara baxsaday. Kala qabtaay, kala marshaay baa ka dhacday, kuwii kalana way iiga hiilliyeen. Saaxiibtiis baad ku diraysey baa la igu eedeeyey. Anna waxaan ku dooday in ay walaashay tahay, xaqna u leeyahay in aan xumaanta ka celiyo.

“Waxyaabihii dhacay ma sii wadwadi karee, qoftii dumaashiday ahayd habeenkaas waan kala dhimanay. Haddee anigu horaan kuu iri naagaha hadda jooga lama aamino. Mid kastoo malaa’ig isaga kaa dhigta, inta ay kaa maqan tahay sun bay kuu walaaqaysaa. Balaayey qasaysaa. Boqol nin bay hoosta ku wadataa!”

Axmed Jaamac af dhalaalaa ka soo haray. Madaxii baa cuslaaday. Dhiiggii baa hal-bowlayaasha ku karkaray. Ninka u warramaya aqoon fiican buu u leeyahay. Waa malaynayaa waxa uu u sheegayo in ayan run wada ahayn. Ama wax run ka ahiba jirin. Laakiin in yar oo run ka ah hadday ku jirto isaga walbahaar ugu filan.

Xataa hadduu boqolkiiba boqol been noqdo, maqalka uu dhegtiisa ku soo dhacay baa Axmed jirro ku ah. Haddaad ninkaan mar hore si buuxda xargaha ugu jari lahayd, dhibaatadani kuuma timaaddeen! buu uurka iska yiri.

Intuu walaaciisii sariirta iskula tuuray buu Kulmiye ka codsaday in uu u firaaqeeyo, si uu u nasto. Hurdo ku soo dhici mayne, markuu cabbaar galgashay buu intuu qubaystay Maana baadi goob ugu dhaqaaqay. Si aan yeelaba waa in aan caawa helaa! isagoo leh ayuu gurigii Sahra isku sii daayey. In uu Sahra u diro mooyee, meel kaloo uu u mari karaa ma jirto. Makhribkii buu Xamar Jabjab isa sii taagay. Mise Sahra gurigii way ka maqan tahay. Xaggee bay aadday baladu? Meel kastoo uu ku malaynayey wuu ka raadshey. Saddex saacadood buu marna gurigeeda ku soo noqonayey marna meeshii kaloo uu ku malayn karo isku sii daynayey. Saacad aan Xamar-Weyne la dhex geli karin, Maana-Faayna la haweysan karin markii la gaaray buu gurigiisii isaga noqday, isagoo Sahra Yuusuf haaraamaya.

Bal eega isla wareegtadaasi sida ay caawa qasacadaha iiga jabisay! Qoftii aan aawadeed u soo ordayey, ee si aan caawa u arko, raggii ila socday u diiday in aan caawa Marka isaga soo nasanno, waa tanoo, waxaan seexanayaa anigoon arag. Seexashana iima dhadhammaysee waa ii habeen madow!

War la’aaneey ba’. Baadiyi nin aan lahayn bay ag joogtaa! Maansha la yiri. Yaa u sheega Maana-Faay in ayan caawa sarihii Xamar Weyne ku oodnayn. Yaa gaarsiiya in ay iska dhex fadhido gurigii Ciise-Dheere, ee uu saacad kasta albaab daaye, dariishaddana ku garaaci karo. Intii uu Sahra baadi goobayey, mar bay ku soo dhacday in uu Leyla u tagee iyada kaalmaysto. Haddana wuu ka xishooday, waqti dambana way ku noqotay.

Habboonaan lahaydaa in uusan fikraddaas ka noqon. Cadow uusan ogayn oo isaga u bir tumanayey ayuu dhufayskiisa ugu geli lahaa. Booraan loo qodayey buu dumin lahaa. Bayddan Shabeel oo gabadhiisa dabin u dhigaysa ayuu guriga ku qaban lahaa. Wuxuu ka naxsan lahaa iyadoo kolay khayaamo la ag fadhida Leyla Xaaji Muumin oo gurigeeda jikadiisa gambar dhigatay. Kolayga waxaa ugu jira dhar beec ah ooy ugu marmarsooto guryaha baadidu ka gasho.

Bayddan waa qof bulshayad ah, hadal badan, qalana aqoon. Siiba qofkii ay dan ka leedahay waxay ula dhaqantaa sidii saaxiib ay is kaftan yaqaanniin, xitaa hadduu yahay qof ay markaas isugu horrayso. Iyada iyo Leyla isuma cusba, aqoon fiicanna isuma leh. Dhawr jeer oo beryahaan dambe ah ayay guriga timid, iyadoo ku marmarsoonaysa ganacsi iyo wax la mid ah. Leyla ugu horrayntii waxay Beyddan u aqoonsatay islaan gaddislay ah oo aad u qalbi furan, soo dhawaynna mudan.

Hase yeeshee dhawaan waxaa ku soo duulay warar madmadow ku jiro oo lagu xamanayo in ay ka mid tahay naagaha guryahoodii u rogay suuq ‘jacaylka’ lagu iibiyo, iyaguna dallaalka iyo canshuuraha ka gurta!

Beydan iyadoon cidna idan waydiisan, nabdaadintii martinnimadana iska hor marin, ayay intay si isku kalsooni ah gambar u soo jiidatay, ee Leyla soo ag dhigatay sheeko saaxiibtinnimo hore uga bilowday. Iyadoo kolaygeedii furfuranaysa, ayay tiri, “Ina Xaaji Muuminey, haddaad ogaan lahayd alaabta aan caawa kuu wado waad muraaqoon lahayd.”

Intay soo hiyi kacday bay tiri, “Haye eeddo, maxaa waaye?”

“Iska fiiri alaabtaan casar-legadka iyo isku soo haadka ah! Waa dhar cusub oo maanta ii soo dagay,” ayay tiri iyada oo u soo taagaysa laba guntiino oo kala nooc ah, uurkana iska leh, Naa waxaan waa la iiga daran yahaye, meeday naagtii Maana-Faay ahayd? Xaggee baad ku qarisay? Waxay filanaysay markay guriga soo gashayba in ay arkayso. Markay arki waydayna iimaan xumo weyn baa gashay. Waxay is tiri, Armayba gurigoodii u noqotay? Haddaysan caawa helinna qorshihii Jimcaha ee ay Jaamac-Dhagay ka ballan qaadday, waa wax kama jiraan, waayo berri waa Arbaca.

Intii ay Leyla dharka fiirfiirinaysay, Baydan waxay maskaxda ku sii aruursanaysey erayo aan laga shakiyi karin oo ay si dadban ugu waydiiso halka ay jirto Maana-Faay.

Hase yeeshee hawshaas waa laga soo furtay. Dhabarkeeda ayay ka maqashay Maana-Faay oo intay gudaha ka soo baxday walaasheed ku leh, “Abaay Leyla, cunuggii waa toosay.”

Abshir! Aleylehe waa tan! Waa haysaaye ha sii dayn! Intay jalleecday bay tiri, “Tanina ma yarteennii Maana-Faay baa? Eeddo. Ii warran. Naa heedhe adiga Leyla ah, gabadhaan il go’day oo besteed ah, maxaad u baanan wayday? Allow anaa magacay ba’ay! Waa carruur carruur la joogta! Naa gabadha waxaad yeelaysaa, bitimiin iyo waxaa jira waxyaalo nafaqo leh. Qaar anaaba haya oo berri u keeni doonee. Gabar nooli meesha iima joogtee; bal day indhaheedii meelay ka soo jeesteen! Kaalay eeddo halka ii soo fariiso!”

Maana-Faay intay soo luudday, bay soo ag fariisatay ‘deeqsiyaddii’ ka talinaysay ‘aayaheeda.’ Leylana intay hadalkeedii u bogtay, bay la sii doocdoocisey. Waayo waxaa kurbo weyn ku haysey qoftaan sii luufluufaysa iyo sida wax looga qaban karo. Intay sacabka garabka ka saartay bay tiri, “Eeddo iska dhaaf fekerka iyo isla hadalka. Ceeb weeye gabar yaroo iyadoo intaas la’eg fekeraysa. Adduunku waa laba beri labadaada beri ha iska khasaarin. Intaad dhallinyar tahay waqtigaaga farxad baa lagu dhammaystaa. Waligaa nin la isma raaciyo, lama aamino. Marka aad adigu israacinaysid, isagu wuu kugu nacayaa. Habeenkii dhawayd oo aad halkaan barooranaysey aad baan kaaga naxay, waxaa suurtowda markaad adigu sidaas yeelaysey in uu isagu naag kale la tumanayey. Adigu wali carruur baad tahay. Ninka tuubbaa la gashadaa, dantaadana laga wataa, laakiin marna la isma siiyo.”

Markay halkaas maraysey bay Maana-Faay ka ag kacday intay u adkaysan wayday erayadeeda. Dadka waxay u neceb tahay qofkii ku waaniya Axmed ha is raacin. Qofkii isaga wax ka sheegana waxaa ku soo dhacda intay ku soo booddo in ay carrabka ka qaniinto. Xataa hadduu yahay qof iyada daacad u ah, waxay u qaadataa in uu xaasidkeeda yahay, ee ka goynaayo gacaliyaheeda. Ama hadal xun bay ugu jawaabtaa, ama way ka ag kacdaa.

Baydan markay aragtay Maana-Faay jacaylkeedu in uu gaarsiisan yahay heer aan wiilkeeda lagu diri karin, ayay jartii degdeg u baddeshay. Intay gacanta soo qabatay bay tiri, “Kaalay eeddo, nimanka aan fiicnayn baan ka hadlayey, laakiinse Axmed waa inan aad u wanaagsan. Bal fiiri sida aad noqotay! Xataa xarragadii waad illowday beryahaan. Bal fiirso dharkaan. Waa ‘moodo’ aan weli ku soo gaarine.” Maana way ka maagtay. Ma xarrago, iyo dhar iibsi baa haya? Leyla oo rabtay in ay fekerka ka fududayso ayaa ku dhiirrigelisay ee tiri, “Fiirso Maana, haddii wax oo ku anfaco ku aragtid, anaa kuu iibihaaya.”

Bayddan intay fursaddaas ka faa’iidaysatay bay tiri, “Maana marada anfacaysa anigaa aqaan, oo hadday aragto ayan ka jeesanayn. Jidkay iiga soo dhammaatay. Waa la iga kala boobay. Waa maro aan qof arkay deyn karin.”

Maana intay hawo gashay bay tiri, “Hadda eber waaye miyaa?”

“Gurigay taal iyadoo dhowr jaad ah. Waxaa fiican in aad adigu ka soo xulatid tii dooqaagu jeclaysto. Lacagtana qiime yar baan idinku siinayaa! Gabadhaydii baad tahay, daawooyin lagu naaxo oo fekerkaan iyo waxaan kaa bi’inayana waan ku soo siin.”

“Minanka intee waaye?”

“Waa meeshaan dhow, isla Boondheerahaan. Buurkaan markaad ka dhaadhacdid, sarta duugga ah ee labada dabaq ah horteedana hadda la dhisaayo, sarta guduudan ee ku xigta waaye; iriddeeduna cagaarka tahay. Caawa meelo kalaan sii marayaa in aan ku daahiyana ma rabo. Habeen dambe hal saac baan ku sugayaa. Adigu marada soo sheel yarayso, kaddibna aniga iyo Leylaa qiimaha iska arki doonna. Waxba isla waayi maynno. Carruurtaydii baad tihiin. Sow sidaas inooma aha Leyla?”

“Waa yahay eeddo, mahadsanid.”

Beydan iyadoo faraxsan bay iridka ka baxday. Way isugu hambalyaynaysey guusha ay ka gaartay tallaabadeedii koowaad ee ay ku bilowday hawshii Jaamac-Dhegay u xilsaaray. Laakiin hawshu aad bay u culus tahay.

Waa nooca ugu adag hawlaha Baydan Shabeel. Gabar yar oo nin aad u jecel sidee loogu gacan gelin karaa nin kale! Inkastoo hawshu qallafsan tahay, haddana Beydan waxaa caawinaya khibradda dheer ee ay u leedahay arrimaha noocaas ah. Way taqaan jidka gaaban ee ‘guusha’ lagu gaari karo iyadoon waqti dhumin. Isku lug-goyn mayso xiriirka jacaylka oo si u dhisan in ay ninkii kale soo dhex geliso. Taas horay bay tijaabooyin badan uga soo martay, una socon wayday. Ugu horraynta waa in la kala gooyaa xarigga jacaylka. Waa in la isku diraa labada is jecel. Laakiin dhankee laga soo galaa?

Dhanka gabadha waa tii hollisay, kuna guuldarraysatay. Waa in ay wiilkii raadisaa. Waa in ay ka gaarsiisaa inta aan isaga iyo gabadhu kulmin, ee sirtu faraha bixin. Waqtigu waa ciriiri. Waa in ay berri subax ku kallahdaa. Odaygii qooqayna waa in ay isla berri-subax lacag badan ka qaaddaa. Inta ay mashruuciisa gacanta ku hayso, waa in ay ka faa’iidaysataa. Go’aankaas ayay Bayddan habeenkii Arbacada ku seexatay.

 

— 4 —

Jaamac Dhegay kursigii Xafiiskiisa ee haybadda lahaa buu dib ugu dhacadiidsaday. Dawan gacantiisa ku dhawaa buu suulka ku cadaadiyey. Dhawaaqiisii baa dibedda ka dananay. Gabar dhaga nugul oo qalin iyo Bolok Noot la ordaysaa u soo gashay. Waa Xog-hayntiisii oo dawanku soo diray. Intuu gees-gees u eegay buu si culus ugu yiri, “Dhageyso, saaka cidina yay ii soo gelin yaah! Shaqooyin baan qabsanayaa, ma garatay?”

“Waa yahay,” bay ugu jawaabtay, iyadoo sii gaddoomaysa.

Xisaabo ka murgay ayuu rabay in uu u helo firaaqo uu uga baaraan dego. Yartii markay laba tallaabo qaadday buu intuu wax gocday ku yiri, “Maqal, ma dad baa hadda i sugaya?”

“Haa, waa la dhooban yahay,” bay ugu jawaabtay intay dib u soo noqotay, sidii iyadoo dadkaas ilaa saaka u safnaa uga naxariis dalbaysa.

“Maxay yihiin waxa dhooban?”

“Waxaa waaye, Agaasimayaashii Waaxyaha qaarkood iyo…”

“Kuwaas shaqooyinkiinna iska wata dheh.”

“Iyo Isuduwayaashii Gobollada ka yimid.”

“Iyagana berri kaalayaa la idin yiri ku dheh.”

“Waxaa kaloo jooga kuwii shaqaalaha ahaa oo beryahaan oo dhan mushaarkooda u dacwoonayey.”

“Kuwaasi maxay aniga iga soo doonayaan, sow taan mar hore iri u taga qolyaha ku shaqada leh? Wax walba ma anigaa la iigu imaanayaa? Xafiiska buuqa ka qaadoo orda shaqaysta dheh, dadkaani iimaankay la’ yihiine.”

Waxay ku sigatay in ay tiraahdo, “Iimaanka ma la’a, xuquuqdoodii bay la’ yihiin. Maxay ku shaqaystaan, sidaad isugu tuurtuurayseen baa carruurtoodii dabkii ka damaye?” Ma iyadaase oran karta?

“Kow, wax dadweyne ahi ma joogaan?”

“Haah, dhawr qof baa joogta.”

“Yaa ka mid ah?”

“Islaan annagoo dhan na soo jiirtay oo lahayd khasab baan ugu galayaa baa ka mid ah.”

“Waa mid see u taal? Magaceeda ma kuu sheegtay?”

“Waa islaan buuran oo maalin dhawaydna kuu imaanaysey. Magaceeda Barni iyo Beydan wax ay ku sheegaysey ma aqaan.”

“Beydan Shabeel miyaa?”

“Haah, haah, saasay dhahaysey.”

“Soo daa, soo daa, iyada hawl baan u dirsanaynaaye. Dadka kalena sidii aan kuu sheegay yeel.”

“Okey!”

Beydan markay soo gashay buu intuu isa soo taagay, bartamaha xafiiska uga hor tagay, isagoo si farxad leh ugu tannaagoonaya, “Ahlan wa-sahlan! Ahlan wa-sahlan! Iska warran Xaajiya?” Salootadii marti-sharafta ayuu ku soo dhaweeyey lana fariistay.

“Saaka sidaan kuu sugaayey malayn kari maysid,” Jaamac baa erayadiisii af-gobaadsiga ahaa sii amba qaaday. “Booqashadaadu waxay ka marag furaysaa in aad tahay qof axdi leh.”

“Maxaa axdi ah, balaayaad qoorta noo gelisaye,” Beydan baa weerarkaas ku goof xaaratay, “Beryahan oo dhan hawl kale ma qabsan. Danahaygii oo dhan baad i seejisay, intaan dhoocishaadii ka daba shaqaynayey.”

“Ugu dambayntii guul baad ii waddaa sow ma aha?” Jaamac baa waydiiyey, uurkana uga raaciyey, Ujeeddadaada kale waan iska fahmayaaye!

“Taasi khasab weeyee,” Beyddan baa ku digatay, “Meel Beydan gashay guusheeda muran kama taagnee. Dhibaato waxay ka timid, naagtu wiil bay caashaqsan tahay. Ciyaalkaan caashaq iyo wax daran lagama waayee. Waxaan ku leeyahay indho iyo dhego kale ma leh, ilaa isaga laga sii jeediyo agteeda qori lagama jabsan karo.”

“Wiilku waa mid sidee ah? Ma kuwa ay ciyaalbiidka isla yihiin baa?” Jaamac oo masayr galay baa waydiiyey.

“Waa waxaas baasoo ay mindhaa meelaha isla yaacaane.”

“Caashaq iyo waxaasi wax jira ma ahee, iska shuqul ciyaal weeyee. Wiil ciyaal-suuq ahoo aan hanti lahayn muxuu u tarayaa! Markii lacag iyo barwaaqo la tuso, iyadaa dan u nacaysee.”

“Wallee kani mid ay nacayso ilama ahayn, khasab in lagu nacsiiyo ma ogiye!”

“Oo sidee haddaas lagu nacsiinayaa?”

“Taas aniga ii daayoo, adiga lacag iyo baabuur baa lagaa rabaa.”

Intuu jeebka gacanta geliyey buu yiri, “Lacag immisaa loo baahan yahay?”

“Keen saddex kun oo waxyaalaha ugu daran lagu difaaco, inta kale anaa ku darayee!”

Gacantii jeebka ku maqnayd buu soo celiyey, isagoo yaab indhaha la taagaya, uurkana ka leh, Dhuunta lagugu dheg! Saddex kun ku te! Ma Warshad bay ii dhisaysaa? Afkana wuxuu si qabow uga yiri, “Saddex kun oo dhan baa?”

“Adigana bakhaylnimadaan kugu nacay,” Beydan baa ku canaanatay. “Saddex kun ma lacag baa? Jaad baan goglayaa. Casuumad baan samaynayaa. Dad baan soo kiraynayaa, rag iyo dumarba leh. Alaab baan soo gadayaa. Haye saddex kun waxba ma tarayso. Ugu yaraan saddex kale waa in aan jeebkayga uga daraa!”

Jaamac Dhagey wuxuu caan ku yahay gacan adayg. Marka qura ee uusan lacagta u nixin waa marka uu barnaamij tumasho qabanqaabadi ku dhex jiro. Si aan barnaamijku uga kala dhantaalmin, wuxuu u huraa wax kasta. Jeebkii uu gacanta u dirayey waxaa ugu jirtey dhawr boqol oo shilin. Lacag kaloo uu leeyahay uma dhaweyn.

Intuu khasnajigii mashruuca u yeertay, ayuu ku yiri, “Kharashkii hab-maamuuska saddex kun oo shilin iiga soo bixi. Wadayaasha baabuurta yaryarna mid iigu yeer!”

Wadihii markuu u soo galay, ayuu ku amray, “Xaajiyaddaan la shaqee ilaa caawa. Bensiin fiicanna qaado!”

“Waa yahay taliye, shaqaalihii aan rawixin jireyna waxaan ka baqayaa in ay i sugaan. Waaxdii aan la shaqaynayey qudhooduna maanta hawlo badan bay sheeganayeen waxay igu…”

“War adigu muran badnidaa! Bad aan laguu dirsan hagaline, soco amarkaan ku siiyey fuli! Cid aan Xaajiyaddaas ahaynoo aad maanta ka amar qaadan kartaa ma jirto. Ciddii kaloo kula hadasha, Maareeyaha u taga dheh. Soco!”

Beydan Shabeel saddexdii kun iyo baabuurkii bay iridka kala baxday, wadihiina ku amartay, “Warshadda Muraayadaha na gee. Dhakhso!”

 

— 5 —

Injineer Axmed Jaamac, sidiisii buu shaqada ugu soo kallahay. Laakiin subaxaas kallahaaddiisii waxba lagama dheefin. In muddo ah Xafiiska waa dhex fadhiyey. Wax la sheegase weli kama qaban. Shaqooyin badan, oo intii uu maqnaa is dul fuulay, ayuu halkii uu ka billaabi lahaa ku wareersaday. Sidiisana wuxuu ahaa maqane-jooge. Muuqaalkiisii waa joogay, maankiisuna Maana-Faay buu ku maqnaa. Meesha uu caawa kula kulmi doonuu ka fekerayey. Sidii ay xalay isu seegeen buu ku walaacayey. Warkii Kulmiye ku afuufay buu ka qabandhacoonayey. Qof saan culus oo ku soo socduu dareemay. Miiskii Xafiiskuu madaxa kor uga qaaday. Mise islaan buuran baa u soo laba lixaadsanaysa. Si indha-adayg ah bay isu soo maqiiqday.

Markay albaabka soo dhaaftayba, hadal dheer bay hore ka bilowday, “Haye ditoore, maxaad sheegtay, waanba ku soo daalay meeshiinna fogaanta badane? Alla muxuu koray, wiilkii haddeer carruurta ahaa!” Intay boorsadii miiska dul dhigatay, kursigii hortiisa yiilna iyadoon cidna idan ka sugin isku barakaadisay, bay warkeedii sii wadatay, iyadoon injineerka siinayn fursad uu jawaab ugu celiyo.

“Aa! Ruux iguma jiro! War heedhe, Axmed. War Maandhow meeshiinnaa maanta arrini iga soo gashaye, warqad baan wataaye, waxaan rabaa in aad igala hadashid ninka meesha haysta. Adigu haddee i garan maysidoo dad ma taqaanide, waana gartaayoo intii aad caqlisatay reer Kismaayaan ahaaye, anigu eeddadaa baan ahay, dadka kaloo dhan baan isnaqaan, adiga qudhaadana arrimahaaga korkaan kala socdaa. Aad baan ugu farxay markaan maqlay in aad dhawaan guursanaysid. Gabadhu waa gabar wanaagsan, intii la doono; waa kuugu hambalyaynayaa.

“Dhallinyaradiinna hadda joogta waad naga fiican tihiin dadkayagii hore. Barigii hore gabdhaha ilbaxa ah ee iska tunta, sida gabadhaada, way guur gafi jireen, haddase idinku waxaas waad ka ilbaxdeennoo, gabdhihiinna raalli baad uga tihiin in ay iska waqti qaataan, sidaasaana fiican.”

Injineer Axmed intii horoo dhan isagoo yaabban buu aamusnaan ku dhagaysanayey islaanta daldalmaysa, hase yeeshee markii ay halkaas maraysey ayey boogtii dillaacday. Meel halis ah bay ka taabatay. Intuu is celin waayey, buu hadalkii khasab uga kala gooyey, ee yiri, “Dhegeyso marwo! Gabadhayda miyaad adigu taqaan?”

“Allow nimaan wax ogeyn ha cadaabin. Ma anigaan ina Shabeel ah baad i leedahay miyaad taqaan Maana-Faay Xaaji Muumintii aan habarteed ka soo umuliyey, ilaa maalintaasna meeshii ay raad dhigtaba ogaa?

“Mayee yartu waa wanaagsan tahay, intii la doono naag ka qurux badan oo aad guursan lahaydna ma jirto. Beentu waa shay xaaraan ahe. Intii wax yihiin xoogaa waa iska qalbi furan tahay. Taasina ceeb ma aha haddaad u oggolaatay baashaalkeeda iyo in ay habeen-habeen dhallinyaradeeda iskala qayisho. Qof xirxiran ma fiicna. Keliya ka waani in aan khamriga la barin, waayo habeen dhawayd meel laga sheegayey waxaa jooga niman xunxun oo gabdho badan khamri iyo waxyaabo fool xun baray!”

Axmed intuu mar qura dhulku la wareegay, ee meel uu joogo iyo meel laga jiro kala garan waayey, ayuu labada gacmoodba miiska ku garaacay naagtiina hadalkii ku xiray ee yiri; isagoo kor u qaylinaya, “Aamus! Xaggee ku aragtay waxa aad sheegaysid?”

Intay is miskiinisay, ee sidii qof hadda is-garatay isu ekeysiisay, bay tiri, “War maandhow raalli ahow, wax aan arkay iyo wax aan kuu sheegay midna ma jiraan, anigaa gefey oo kharaf ah, wixii aan kuu sheegay iska illow, qarow bay ahaayeene. Afkaygow yur!” Uurkana waxay ka tiri, Ma la helay tumaatida halkii loogu tala galay!

Intuu labada suxul miiska ku soo cuskaday, ee indho wixii xanaaq hayey wada koobaya ku fiiqay ayuu yiri, “Dhegayso duqda! Wax waad sheegtay lagaana maqal, meel aad ka noqotidna ma joogtid, hadda waxaan kaa rabaa in aad caddaysid wixii aad sheegtay, ee i taabsiisid. Haddii kale waxaad tahay dadka warxuma-tashiilka la wareega, sharcigaan kula tigsanayaa!”

Intay sidii qof aan waxaa oo dhammi qiime ugu fadhiyin isugu qososhay bay tiri, “In aad wax taabatid haddaad rabto, caawa siddeedda Boondheere imow! Buurka markaad hoos uga daadegto, sarta duugga ah, ee saddexda dabaq ah horteedana dhismaha cusub ka socdo, sarta ka soo horjeedda ee guduudan, albaabkeeduna cagaarka yahay, tag halkaas haddaad indhahaaga rumaysanaysid.”

Injineer Axmed kuma harin adkaysi dambe oo uu hal eray ku yiraahdo ama ku dhagaysto, waxaa dareen cabsiyeed ka galay in uu duqdaas weyn ku qarxado, kuna ceeboobo, isla markiina waxaa u soo galay nin shaqaalaha ah oo waraaqo wata markaasuu isagoo ninkii waraaqihii ka qaadanaya Beydan ku yiri, “Nabad gelyo eeddo, shaqooyin badan baa ii yaale, waad mahadsan tahay.”

Beydan waa iska dhaqaaqday, iyadoo afka ka leh, “Waxaa la yiri, ‘khayr ha galin, shar kuuma yimaadee.’ Anigaa lugahayga ku soo doontay dhib aan ii dhawayn, bal maan afkayga haysto?” Uurkana ka leh, Allaylehe kubbaddaasina shabaqii waa gashay. Goolkii labaadna waan dhaliyey. Waa inoo caawa iyo cayaartii kama dambaysta ahayd!

 

— 6 —

Intii ay isa sii majiiraysay isagoo yaabban buu isha la sii raacayey. Markay ka libirtay bay maskaxdiisu filinkii dib u soo furfurtay, Yaah? Maxay ahayd axadkaan mucjisada ah? Xaggee laga soo diray? Maxay tiri? “Haddaad gabadhaada u fasaxday in ay dhallinyarada is kala qayisho!” Balaayo kula qayishay! Ma laga yaabaa in ay run sheegayso? Wax kastaa waa dhici karaan. Dad iyo duurba wax aadan ka filayn baa kaaga soo baxa! Laakiin maya. Qoftu ma Maana-Faay baa mise waa qof kale? Goormay qaadka iyo ehelkiisa baratay? Xaggee bay u mareen? Maya. Maya. Wax dhici kara ma aha. Wax kalaba ha sheegto islaanta sibraha weyn! Laakiin lacalla haddii…

Taleefoon baa ku qayliyey. Filinkiina ka kala gooyey. Hadduu cabbaar iska dhega tiray buu mar dambe gacan wahsanaysa ku soo haabtay. Intuu dhegta saaray buu cod daallan oo la moodo in uu tub dheer soo maray ku yiri, “Haah?”

“Subax wanaagsan Axmed!” buu dhankii kale ka maqlay. Ninkii hadlaayey buu gartay. Markaasuu cod firfircoon oo kii daallanaa ka duwan ku jawaabay, “Ahlaan Ciise, aroorya suubban!”

“Soo noqod wanaagsan! Aabbaa ii sheegay in aad shalay timid.” Ciise Dheeraa salaantii ugu buuxiyey.

“Mahadsanid walaalle! Ka waran ciddii?”

“Wax waliba waa hagaag, mahadsanid,” Ciisaa jawaabtii aad ugu soo koobay, haddana isagoo ujeedda uu u soo wacay u gudbaya u raaciyey, “Adiga uun baanu ku tawnay. Qoftii Maana ahaydna way iska ladan tahay. Labadaan beri annagay nala jirtay. Waana…”

“Tee? Ma Maana-Faay?” Axmed baa filan-waagii la soo booday, sidii nin aan hadalka si fiican u maqal. Si fiican u maqalye dhagihiisuu rumaysan la’aa. Su’aasha kadiska ahi iskeed bay uga soo fara baxsatay.

Ciise Dheere oo xaaladdiisa fahamsan baa si deggan warbixintii ugu sii waday, “Aahey. Adiga mashaakillo iska yar yar baa intii aad maqnayd cidda xaggeeda iska jiray. Waxaan garannay inta aad imaanayso in Maana gurigayaga iska joogto. Hadda waa khayr haddaad timid. Kolleyba gurigaan kugu sugaynaa. Wixii faahfaahin ahna markaasaynu si fiican isu waraysan doonnaa!”

Axmed Jaamac mar saddexaad baa dhulku la wareegay. Wixii horoo dhan bilaash! Walwalkii ugu waynaa warkaanaa ku dhaliyey. Su’aalo badan buu Ciise ku celceliyey. Wuxuu ka doonay in uu warka mugdiga uga saaro, ama wax faahfaahin ah u raaciyo. Laakiin Ciise wuxuu ku adkaystay faahfaahintu inayan taleefoon ku habboonayn. Balse loo baahan yahay in la iska arko. Isla markaasna wuxuu ugu laab qaboojiyey in aan wax dhibaato ahi jirin, wax walibana hagaagi doonaan.

Axmed laabtiisu mid sidaas ku qaboobaysa ma ahayn. Haddii aan warar hore soo gaarin u malee in uusan midkaan sharaysteen. Haddase wiish buu u yeeriyey. Hun horaa laqanyo kicisay! Hadalladii uu hore u beensaday baa ku soo duxay. Warkii uu shalay-galab Kulmiye ka qaadan waayey buu dib u soo gocday. Habartii buurnayd baa mar labaad hor timid. Sar guduudan baa u sawirantay. Muuqaal fool xun buu ka dhex arkay. Intuu ka mashiiqsaday buu wajiga ka dadbay.

Waa filinkii kharaaraa! Waa u muuqdaa. Waataas Maana-Faay oo wareeg ka timid saqda dhexe gurigoodii gargaraacaysa! Waa la soo eryey. Waaba la dayriyey, sidii walaasheed Iisha. Kulmiye iyo khamriya-cabyaashii kaloo uu sheegayey baa cidla ka helay. Malaha awalba qaarkood baa soo daahiyey. Xarumahoodii bay ku soo dhaweeyeen. Baddeeday dhinac ka dabaalatay. Islaantu halkaasay ku aragtay, ama loogu sheegay. Ka dib baa Ciise Dheere raadiyey. Isaga iyo Leylaa soo waday. Waxay is tuseen, “Inta Axmed u imaanayo aan gurigeenna ku celinno, markuu yimaado isagaa asturi doonee!” Waa anigaas idiin asturay! Balo iyo baas baa idiin astura! Yaa qob moos loo dhigayaa! Qoor iyo xero khasaaro weyn baa igu dhacday! Qaddar ba’ay! Qoftii ma sidaasaa u dambaysay! Maxaa ku dhacay adduunkii? Goormay qorraxdii galbeed ka soo baxday? Maana-Faay tii aan aqiin ma ahee tu kalay noqotay miyaa? Tijaabooyinkii aan soo mariyey ma dhalanteed bay noqdeen? Tolow maxaa lagu sameeyey, miyey sixreen? Wax sixir la yiraahdaa ma jiraan. Mise wax horaa jirey oo anigaa dheg-weyn iska ahaa? Waryaa naagtu riwaayad bay kuu dhigaysay! Najis inantii! Ma anigay i siri kartaa sur xumayde? Waa waxaad ka gurataa!

Mise dadkanaa riwaayad kuu dhigaya? Maana sow miskiintii aad ogayd ma aha? Goormay fursad u heshay in ay meelahaas oo idil tagto? Ma maalmihii yaraa ee aad maqnayd bay waqti u heshay in ay intaas dad ah xiriir la yeelato? Wax dhici kara ma aha. Dadkaaani yay ku waalin! Arrinta Ciise sheegayaa waa arrin kale. Isagaaba yiri, “Waa arrimihii xagga dugsigeeda ku saabsanaa.” Wax kale ma aha.

Kulmiye sow ninkii aad tiqiin ma aha? Maxaad ka waraysanaysaa? Islaantii ganaca weynayd oo sidii wax waalan daf ku soo tiri, iyadana iskaba xoor! Wixii ay quraamaysay badda ku shub dheh! Ka bul dhaha beenaalayaal yohow! Ha igu dirina wadnahayga gabalkiisa, gacaladayda Maana! Ha iga duminina gurigii aan dhisayey. Guriga Maana-Faay hadduu dumo, guur oo dhanba waan ka dhaaran, gamboolay dambana ma aaminayo. Maalintii aan dalka ku soo laabtay hadalkii aan Kulmiye kula asaraartamay baan ka toobad keenayaa. Duulkaas lama aamini karo.

Ka bax, ka bax! Waxaasi ma jiraan. Wiswiska badan waa cudur. Saadaasha xun ma fiicna. Dib u dhigashadu waa tii waxaan kuu keentay. Waa in uu fulaa go’aankii aad waalidka isla gaarteen. Toddobaadkaan waa in ay bilowdaan hawlihii aqal galkayga. Iyadana kulankayaga ugu horreeyaan warka shaaca uga qaadayaa.

Maya. Kulanka u horreeya ka sal gaar wararkaan la sheegayo. Laakiin way qarracmaysaa haddaad wajiga ka saartid wararkaas foosha xun oon waxba ka jirin. Iyadaa is taqaan. Ha qarracanto intii meesha madmadow ku jiri lahaa. Yaa huba in aan wax ka jirin? Waxba yay isu kaa miskiinin. Horaa loo yiri sir naageed lama sal gaaro. Haddaan meesha wax ku jirin maxaa gurigoodii ka soo waday?

Saacado fara badan ayuu isla hadalkaasi Axmed Jaamac kula wareegaalaysanayey goobaabin aan madax iyo majo lahayn, oo halkii ay ku dhammaataba ka bilaabanaysa. Maalintaas qado uma dhadhamin, hurdana indhihiisa ‘hooddi’ ma oran. Goormay qorraxdu dhacaysaa? buu ku calwasaadayey. Markay dhacday buu Boondheere u labistay. Toddobadii fiidnimo oo daqiiqado yar dhiman ayuu gargaraacay iridkii duugga ahaa ee guriga mitirkubbada ah.

Gabar dhuuban oo uusan garanayn baa ka furtay. “Maana-Faay ma joogtaa?” buu hadal uga bilaabay. Markii erayadu afkiisa ka soo dhammaadeen buu is gartay. Gabadhii oon wali u jawaabin buu su’aashaas ka soo fakatay ka shallaayey. Wuxuu is yiri, Reer-magaalnimadu waxay ku jirtay in aad iska dhigtid nin guud ahaan qoyska booqasho ugu yimid; maadaama aad Ciise iyo Leylaba si wanaagsan isu taqaanniin.

Intii uu su’aashiisa uu la degdegay isku dhaliilayey, ayuu maqlay gabadhii oo ka jawaabaysa, “Maya walaalle, Maana ma joogto.”

Qaraaraa jawaabta! U daranaa qalbigiisa! Meel qarsoon baa ‘qac’ tiri. Qabandhacaa ku jajabtay. Intuu gawsaha is dhaafsaday buu gabadhii su’aal kale weydiiyey, isagoo ku dadaalaya in aan wadnihiisa gariiraya wajigiisa laga garan, “Guriga sow lama joogo?” Waa su’aashii uu jeclaa in uu hadalka ka bilaabo. Wuxuu is dhibay in uu si deggan u yiraahdo, sidii nin aan Maana oo keliya doonayne, dadka guriga jooga u siman yihiin.

“Haa, waa la joogaa, gudub abboowe,” gabadhii baa si xushmad leh ugu jawaabtay.

Hase yeeshee markuu gudbay wuxuu ogaaday dadka joogoo ay sheegaysaa in ay yihiin cunuggii Burhaan ahaa iyo yartii eeddada u ahayd oo looga tagey. Yartii baa soo dhawaysay, dadkii kale meelaha ay jiraanna wixii ay ka ogtahay uga warrantay. Ciise Dheere intuu hal-haleel ku qadeeyey buu shaqo ku laabtay. Xitaa in uu Axmed imaatinkiisa sheego, degdegiddii buu la illaaway. Markuu Warshaddii tegey buu xasuustay. “Leylana gabar jirran oo looga war keenay bay goor aan fogayn u gurmatay. Maanana meel aan dheerayn bay dhar ka soo iibsanaysaa, mar dhow waa imaanaysaa,” yartii baa ku rajo galisay.

Rajadaas ayuu Axmed ku fariistay. Fadhigii baa ku dheeraaday. Isaga iyo carruurtii baa isku hor caajisay. Saacaddii buu ku xayraamay. Toddobadii iyo toban. Iyo rubuc. Iyo labaatan. Iyo bar. Qoftii weli lama hayo. Walaacii iyo isla hadalkii baa ku soo noqday. Siddeeddii oo toban dhimman markay isku taagtay baa dulqaadkiisii buux dhaafay. Intuu miiska tantoomay buu iska kacay. Isagoon yartii “nabadgelyo!” oran buu iridka ka baxay. Arrin uu dib ka soo gocday baa xanaaqiisa dedejisay. Qoftii sooma socoto. Wixii islaantu sheegaysay baa run ah. Nacasnimo weyn baad samaysay. Waxaa la rabay in aad qofta soo dhawayside, si fiican u waraysatid. Guriga ay tilmaamaysay yaa loo maleeyaa in ay leeyihiin? Kollay waa guri dhallinyaro ardaaliin ah. Haddaan magaceeda iyo meesha laga helo weydiin lahaa wax dhan bay ahaan lahayd! Tolow xaggee ahayd meeshii ay tilmaamaysay! Sug hadda! Boondheere! Buurkii ay sheegaysay sow kaas ma aha? Malaha maba foga!

Buurkii buu ka dhaadhacay. Dhismooyinkii hortiisa iyo hareerihiisa ka muuqday buu indhaha ku taagtaagay. Aaway sarihii iyo dabaqyadii ay sheegaysey? Waxa meesha ku yaal carshaan iyo baraakooyin fool xun bayba u badan yihiine! Cajuusa mina-naar! Maxay been ii maleegtay!

Cabbaar buu meelihii ku warwareegay, isagoon rajo weyn ka qabin in uu heli doono sar guduudan oo irid cagaaran, mid saddex dabaq ahina ka soo hor jeedo! Yaa yiraahda jid-caddihii aad ka soo tallawday bidix ula weeco, aad aragtid sartii guduudnayd oo kuugu sugaysa meel aan konton tallaabo ka fogayne? Ma guriga Beydan Shabeel baa guryo ku qaldami kara? Gawaarida is-daba maraysaaba summad ugu filane!

 

— 7 —

Qolalkii fadhigu way wada cammiran yihiin. Hal mid baase habeenkaas Beydan ahmiyad weyn u leh. Waa qolka iridka xiga ee Injineer Axmed lagu sugaayo. Afartiisa gidaar saddex waxa buuxiyey saddex ninoo saddex gabdhood ku kala dheggan, qaad firaashyada ay ku fadhiyaan dul saaranna raabsanaya. Labo is haysataba waxaa hor yaal miis yar oo ay dul tuban yihiin bekeeriyaal, baakadyo sigaar, termuus shaah ah, mid biyo ah, dhalooyin barafuun ah iyo wixi la mid ah. Bartamaha waxaa taal burjiko marba khum-khum lagu ridayee qiiqeeda iyo kan sigaarku intay hawada ku midoobaan isu kaashanayaan wasakhaynta ogsojiinkii qolka soo galay intaan irdaha laga xiran.

Gidaarka albaabku ku yaal waxaa fadhiya nin aan gabar ku dhegganeyne qaadkiisa uun gurubsanaya. Waxaa dad ugu dhow Maana-Faay Xaaji Muumin oo joodariga uu ku fadhiyo dacalkiisa salka ku haysa. Dhexdooda waxaa daadsan dhar dumar oo cusub. Waa maxay amarkani? Maana-Faay maxaa ku dhacay, ee dadka noocaan ah dhex fariisiyey?

Toddobadii fiidnimo ayay sidii ballantu ahayd soo doonatay dharkii ay ku ballamisay ‘eeddo’ Beydan Shabeel. Barxadda hore ayey tagtay. Bersad aan cid kale joogin bay fariisisay. Buskud iyo ‘Faanta’ qabow ku marti soortay. Ammaan iyo beer-laxawsi bay ku afuuftay. In muddo ah ayey Maana uurka ka damcaysay afkana kala xishoonaysey in ay sheekada ka dhex gasho, si ay dharkii u weydiiso. “Tolow tii maxaa qabsaday, maqnaan badanaa!” Beydan baa su’aashii Maana uga hor tagtay.

“Tee?” Maanaa weydiisay.

“Waa tu gabar ahoo armaajadii aan guntiinooyinka kaaga soo bixin lahaa furaheedii nagala tagtay.”

“Hadda bes miyaa?” Maana oo tagid u qiil raadsanaysa ayaa tiri.

“Maya, maya! Hadday imaanaysaa eeddo! Guri dhow baan haddaayey alaab uga dirsaday. Waaba nagu soo daahdaye haddase, way soo dhowdahay!” Intay ‘album’ weyn ku tabbacday bay u raacisay, “Sawirradaan fiirfiiri, dad aad taqaanna kolley way kaaga soo bixi doonaane.”

Waxay basanbaasiso, markay “Waan daahsanahay,” tiraahdaba gabar maqan oo been ah canaanato, iyadana sheeko halalaasi ah u saartaba, markii saacaddu siddeeddii ay Axmed ballamisay shan daqiiqo markey dhimmanayd, ayay intay kacday qol kale u laabatay. Waxay soo noqotay iyadoo cuntub dhar ah sidda. “Hooyo dharkii aan kula rabey furihiisii gabadhii baas waa tan oo nagala soo daahdaye, in aan gurigii kaa daahiyana ma rabee, bal hadda kuwaan hoo wax ku anfaca ka fiirso!”

Maana intay cabbaar rog-rogtay bay tiri, “Kuwaan wax i anfaco ma uga jeedo.”

“See waaye hooyo macaan! Qaar badan oo cajaa’ib leh baa ku jira. Sow ma aragtid middaan isku soo haadka ah oo gabdhaha facaaga ahi beryahaan ku daateen?” Intay gacanta qabatay, ee istaagtay bay u raacisay, “Kaalay dadkaani ha kula arkeene, halkaanaa waxaa jooga dad dharka aad u kala yaqaane!”

Qolkii qiiqa badnaa bay geysay. Maana waa ammankaagtay. Beydanna iyadoo daldalmaysa ayey dharkii ag dhigtay ninkii iridka soo xigay ee naag la’aanta fadhiyey, kuna tiri iyadoo dhulka hoos sii fariisanaysa, “Waryaa Muuse, waa taad dharka dumarka khabiir ku ahayde, hoo iigu soo saar gabadhaan guntiino quruxdeeda u qalanta qofta aan dadka ugu jeclahay weeyee; waa qofta keliyee aan ka jeclahay kuwa aan dhalay!”

Markay Maana-Faay intaas maqashiisay bay intay kor u eegtay ku tiri, “In yar halka ii soo fariiso hooyo macaan, ma taagnaan kartide!” Halka ay u tilmaamaysaa waa joodarigii Muuse ku qayilayey dacalkii ka bannaanaa.

Maana intay iridkii ay amankaagga la taagnayd ka soo luudday bay meeshii Beydan u tilmaamaysay salka dhigatay, iridka xaggiisana u sii jeesatay, markay arki wayday kursi iyo meel kaloo bannaan.

“War noo dhakhso adiga Muuse ahi, gabadha ha iga daahine, awal bay tu inkaar qabtaa daahisaye!” Beydan baa ku dhaga hadashay, hoosna Muuse uga il jabisay. Wuu gartay iljabintaas micnihiisu in uu yahay, Qoftii waa tane, naga tiiri meesha! Shaqadeeda waad garanaysaa!

Muuse iyo asxaabtiisii kale waxay hayeenba way sii daayeen. Gabadha martida ah soo dhaweynteedaa loo wada guntaday. Kaftan iyo ammaan baa loola kala baxay. Dhar-u-xuliddeedii baa lagu marmarsooday.

Tartan baaba laga furay. “Anigaa u xulaya!” iyo “Anigaa u soo saaraya!”

“Xuural-ciinta dharkeeda anaa idinka badiya!”

Buuqii markuu isku dhacay, bay Beydan ka dhex siibatay. Intay sidii qof aan tagayn u kacday bay tiri, “Tii waa timid baan u malaynayaayoo wax u hadal eg baan maqlayaaye, bal aan furahaygii ka soo qaato!”

Markay daaradda u baxday bay intay Faaduma-Yarey u yeertay hoos wax ugu sheegtay, “Wixii Maana-Faay ku weydiiya, hadday dumar yihiin, way baxday ku dheh, hadduu wiil maarriin ah yahayna qolkaas u gudub dheh! Wixii aniga i doonayana waxaad ku tiraahdaa nus saac ka dib bay Xaajiyaddii imaanaysaaye u soo laabta!”

Beydan guryihii dariska la ahaa bay mid ku dhuumatay. Ciidankeediina xilkii ay u dhiibtay bay si ‘daacadnimo’ ah qolkii qiiqa badnaa uga dhex fulinayaan. Kaftankii durba waxaa loo weeciyey xagga qaadka, markii Maana-Faay yare degtay, “Ka warran dadkayagaan waaweyn oo cagaarka daaqaya, sidii xoolihii?” Muusaa Maana ku hoosaasiyey, haddana intuu laan uu doocdoocinayey kula soo dhawaaday u raaciyey, “Geedkaan waligaa ma aragtay? Bal hoo aad ugu fiirso!”

Qaad way maqli jirtay, waligeedse ma arkin, meel lagu cunayana uma soo joogin. Ma moodi jirin in uu sidaas u egyahay, una micne daran yahay. Si kaluu maskaxdeeda ugu sawirnaa. “Qaadka la sheego cooskaan lee miyaa?” bay tiri, intay laantii loo dhiibay kor iyo hoos ka fiirisay, sidii qof la yasayo. Muuse fursaddaas waa ka faa’iidaystay. Intuu ku soo dhawaaday buu cashar dheer oo qaadka ku saabsan la kala baxay. Qolyihii kalena shumis isku dayasho ah bay laba-laba iskula jeesteen.

Qof degdegsan baa idin la’aan dalaq soo yiri. Dadkii laba-labada isugu dhagganaa bay ishiisu ku dhacday. Intuba inta ka dhakhsa leh. Isagoon wali ka bogan buu hoostiisa ka maqlay cod uusan ka habaabayn oo soo leh, “Alla waa Axmed! Macaane!”

Sidii wax koronto qabsatay baa korkiisu mar qura wada gariiray. Wadnuhu kor u booday. Indhihiisuna meeshii hadalku ka yeeray hoos ugu qamaameen. Waxay ku dhaceen Maana-Faay oo intay laan qaad ah tuurtay sidii wax waalan u soo fara baxsanaysa, si ay wiilkeeda isugu duubto. Filanwaagii bay la khafiiftay. Farxadda kadiska iyo xad-dhaafka ah, qofka way ka argagixisaa, waxa uu samaynayana moogaysiisaa. Argagaxa noocaas ah ayay markii isheedu qabatay ku boodday. Goor ay laantii tuurtay, goor ay soo boodday, goor qalbigeedu hadlay iyo wax ay ku hadashay midna ma ogayn.

Miyirkii yaraa ee Axmed maankiisa ku harsanaa, waxaa is raaciyey qaadka ay tuurtay iyo ninka lugaha qaawan ee halkii ay ka soo kacday dhacadiida! Markuu muuqaalkaas arkay baa xaaddiisa tinba meel is-taagtay. Wuxuu jeclaystay in uu gabigiisuba qumbulad noqdee guriga qarxiyo, waxa ku jira gubo, isaguna gubto! Qofkii boholyowga kula soo boodday, intuu dib uga faagtay buu dharbaaxo xooggiisii iyo xanaaqii hayey ku dhan yihiin ka hor geeyey. Sidii qof sar dhaladeed laga soo tuuray bay jeegada u dhacday, far garaarisana laga waayey. Filanwaagii, hiyi-kicii, naxdintii, farxaddii iyo xanuunkii halka mar ku wada kulmay ayaa maskaxdeedii tabaalaysnayd miyir gaddiyey.

Wiilka qudhiisu wax yar buu ka agab sokeeyey. Isagu ma suuxin sideeda, miyir kalese kuma dhaamin. Goor uu gabadha u gacan qaaday, goor uu baxay, meel uu maray iyo meel uu u dhaqaaqay midna ma is ogeyn, isagoo xeebta lugaynaya uun buu is arkay. Riyo iyo soo jeed mid uu ku sugan yahay buu ka shakiyey. Meel uu ka yimid iyo meel uu ku socduu kala garan waayey. Halkii uu marayey buu is taagay, si uu miyirkiisii u baadi goobo.

 

— 8 —

Leyla walaasheed way daahsatay, Maanadii maxaa daaray? Waa siddeeddii fiidnimo, markii ay Xamar Weyne ka soo laabatay, su’aashaasay ku calwasaadaysay. In Axmed yimid waa loo sheegay. Mar waxay is tiri, Ma isagii bay jidka iska heleen? Maleheeduse wuxuu u badnaa in gabadhii amar kale qabsaday. Ma jidkaa laga af duubay? Ma ciyaal-suuq baa dilay? Ma meel cidla ah bay ku dhacday waa tii iska fahma darrayde? Walwal badan baa ku soo dhacay. Bal maxaad keligeed u dirtay? bay isku canaanatay.

Tobankii caweysnimo markay wayday bay garbasaarteeda dhegta qabsatay. Meeshii xalay islaantu gurigeeda ku tilmaantay bay ku dhaqaajisay. Tilmaantii bay isku dayday inay dib u xasuusato. Badiba kala illowday. Meeshii ay qiyaasaysay markay gaartay bay waxba kala garan wayday. Walaac bay la jeesjeesatay. Yaan warsadaa hadda waayee? ayaa madaxeeda ku wareegaysay, markii ay maqashay cod dhaddig oo leh, “Leyla Xaaji Muumin ahaa! Haye datooreesa, caawa soo dheeraatayaa!” Hadday jalleecdayba, waa haweenay ay macruuf yihiin oo Xaafadda deggan.

“Aay Xaawo, see tihiin!” Leylaa ku jawaabtay. “Yaakhey dukhdoo Beyddan Shabeel la dhahaayo oo inta deggan minankeeda ma kasaysiin?”

“Beyddan Shabeel aa? Bisinka iyo burdaha! Heedhe Beyddan Shabeelna maxaa wax kuugu daray, adaanba dab yar shidayne?”

Leyla sidii wax argagaxay bay indhaha taagtay, afkana sacabka saartay sidii iyadoo su’aashii ka soo baxday ka qoomamaynaysa. Haweenaydii bay xog waraysi ugu dhaqaaqday. Beyddan Shabeel waxa ay tahay baa war buuxa laga siiyaa. Yaxyax iyo amankaag is huwan bay la anfariirtay. Walwalkii hayey waa laba jibbaarmay. Wiish hor leh baa ku yeeray! Gurigii ay goobaysay waxaa loo caddeeyey in uu yahay meel aan qof sharaf ilaashanaysaa foodda gelin karin. Iyadu ujeeddo kasta ha u tagtee, marba haddii la arko iyadoo sartaas guduudan sii galaysa, ama ka soo baxaysa, waxaa lagu darayaa liiska hablaha suuqa!

“Ar aniga cawada yaa ii islaan eh? Abbaay hadda seen wax yeelaa? Meehaas ma tagi kari, walaashaydana ma ka hari kari, meel kaloo aan ka warsadana ma kasaayo!” ayey ku cabatay.

Xaawadii baa is xil qaantay. Waxay ku talisay in ay labadoodu is raacaan. Waxay u sheegtay haddii qof waayeel ah xaafaddana laga yaqaan ay la socoto, dacaayad iyo daandaansiba in ay ka nabad galayso. Ra’yigaasay isku raaceen.

Sidii bay labadoodii isu gaashaan-buursadeen. Luuqii madoobaa ee guriga Beydan Shabeel looga laaban jiray, madixiisa soke markay gaareen, ayey is tuseen malluug meel cabbaar ka horraysa sii kacaa-kufaysa. Waa noole taag daran oo culays tabartiisa ka weyn la tukubaya. Hadday u soo dhawaadeen, waa gabar feyr ah, guntiino calal ah oo darfaha ka jeexan, badankeeduna qoyan dhar ka qabta. Waxa ay la kacaa-kufaysaa, waa aashuun biyo ah oo iyadoo la duuduubay ka weyn. Biyaha uu culayska la qubayo iyo kuwa xagaayada Xamar cirka ka soo qubayso, ayaa isu kaashaday qoyaanka qoftaas taagta daran dhaxanta ku salladay. Intay aashuunkii si dhib leh dhulka u dhigtay bay ag yuurursatay, iyadoo daal, gaajo iyo dhaxan isu gaashaan-buursaday la neeftuuraysa.

Dumarkii soo daba socday markay la sinnaadkeeda soo gaareen, ayey eegmo u-nixid iyo ogaansho doon isugu jirta isha la sii raaceen.

“Eeddooy aashuunkaan ii saara!” ayay cod dhaxan iyo taag-darro la jaraynaya ku tiri. Eegmadoodii naxariista lahayd ayaa ku dhiirri gelisay in ay gargaar weydiisato. Inkastoo ayan weli nasan, waxay ka cabsatay in ay weydo cid dambe oo dusha u saarta aashuunka iyadoo la duuduubay ka weyn, in ayan keligeed dhulka ka hinjin karinna ay ogtahay.

Markay intay ku soo leexdeen is kor taageen ayay Xaawo aqootay, “Alla waa yartii miskiinta ahayd,” bay si murugo leh u tiri, haddana raacisay, “Faadumo! Ma adigii baa? Allow maxaan ku arkay adigoo goor xun wax tabartaada ka weyn la kufkufaya! Hooyo islaantii ganaca weynayd ma musaleylkaan bay meeshaan ogaa biyo ka soo dhaami ku tiri? Iska keen hooyo, wallee taasi aakhirkeeda cuqubadaaday u dhiman doontaaye! Adna maxaad fiidkii hore u soo dhaamin weyday, intaad habeen barkaan ciyaal-suuqa iyo dhaxanta khatarta ku galaysa?”

“Ilaa fiidkii waa daldalayey.”

“Oo xaggee intaas wax ku daldalaysay, ma geel baad waraabinaysaa?”

“Waxay dhahday fuustada soo buuxi, ragga guriga ku qayilaaya haddii biyuhu ka go’aan waa korkaaga.”

“Oo maad tiraahdid aashuunkaan ma qaadi karo?”

“Waan dhahay.”

“Ka bacdi?”

“Kabacdi waxay dhahday: haddii aad shaqeeseheen iiga bax gurigeyga!”

“Gurigaa ba’ jixinjix daranaa.”

Leyla intii hore sheekada lama haysan, inkastoo ay yarta rafaadku ka muuqdo ka calool xumaatay. Markii qayilaadda la sheegay bay qofta laga hadlaayo maleysay. Markaasay Xaawo weydiisay, “Beydantii miyaa?”

“Haa walaaley, yartaas miskiinta ah bay ifka ku kadeedday.”

“Oo minanka biyo ma gashatoo, sida la sheegayo waaba khabtaaye?”

“Guriga biyo waa ku jiraane iyadaa goysay. Dad waxay ugu sheekaysaa tuubbadii baa kharribantay, kas bay u goysay. Waxay is dhacsiisay, waa gurigaas balaayadu is daba maraysee, intii bil walba lacag badan biyo lagaaga qaadan lahaa, gabadhu bilaash ha kuugu soo dhaamiso, markay gabadha shaqo kale u dirsatana mindhaa dameer bay ka shubataa.”

Leyla intay Faadumo-Yarey oo xagaayada arradka iyo qoyaanka ku haadsatay la jaraynaysa il raxmadeed ku milicsatay bay weydiisay, “Ad laakiin maa isaga tagtid, dhibkeeda?”

“Abbaay meel kaloo an aado ma kasaayi!”

“Waalidkaaga ma noola miyaa?”

“Hooyaa nool.”

“Maxay suubisaa?”

“Waxna. Makhaayaddoo Afgooye ku taal ay mar-markoo muufada u dubtaa. Marna waxay dhahaan naago kalaa noo suubihaaya. Marmarkoo intay iska timaaddaa, waa iska tuugsataa.”

“Walaalahaa waaweyn ma jiraan?”

“Anlee u weyn.”

“Kuwii kale intee jiraan?”

“Labadii igu xigay koo intuu joogaa, Xamar, caseeye waaye, koona meel aas jiro ma la kasaayo, waa ciyaal darbi aa la dhahaayey: mar uu wax dafo iyo mar la dilaayo waaye.”

“Masaakiin! Iihi? Kuwa kalena?”

“Kuwa kale yaryar waaye, hooyay la jiraan waa iska tuutuugsadaan, mar inta marna Afgooye.”

“Adooga markaas dhimahaayey wax ma heesan miyaa?”

“Beer aan khabney. Hortii qof oo tacabto aa la waayey, hadda markii tabca leheenna, ninkoo taajir eh aaba aseendadiisa ku darsaday.”

“Maad dacweysiin?”

“Waa dacwoonay.”

“Ka bacdi?”

“Ka bacdi waxaa la dhahay, haddii idinka tabcan weyseen, sharciga waxaa waaye in qoftii tabcaheesa la siiyo.” Markay intaas tiri bay gurigii meel dhow ka aragtay markaasay, sidii qof khatar lama filaan ah ka digaysa, intay codkii hoos u dhigtay iyadoo boobsiinaysa tiri, “Aay Xaawo, ii dhiiba ashuunka! Haddii oo aniga geyn Xaajiyadda waa igu khayliney!”

Intii Xaawo aashuunkii u sii dhiibaysay bay Leyla tiri, “Makhal Faadumo! Gabartoo Maana-Faay la dhoho ma joogtaa minanka?”

“Maana-Faay, Maana-Faay!” Intay ku celcelisay yare fekertay. Magacaasi kuma cusba, middii lahaydna way soo dhifan wayday. Markaasay tiri, “An gabdhahaan ma kala kasi kari, wax lee soo galaayo, wax lee sii baxaayo, wax lee baabuur sii koraaya, wax lee ka soo degaayo, an magacyaalkooda ma kasi kari.”

“Maya, maya,” Xaawaa ka dhex gashay, “Naga dhaaf Leyla, waa runteede waxba kama garan karto, islaantii u yeeratay baynu la xisaabtamaynaa.” Haddana intay Faadumo-Yarey ku jeesatay bay tiri, “Sow ma joogto duqdii?”

“Haa waa joogtaa.”

“U sheeg, bannaankaa laguu joogaa dheh, baladaas is-dhex yaacaysa ma dhex gali karnee.”

“Waa yahay, waa mahadsan tihiin,” intay tiri bay gurigii hore u gashay. Biyihii bay fuustadii loogu tala galay ku shubtay. Ka dibna qolkii ay Beyddan ku ogayd abbaartay. Intay sideedii edeb miskiinnimo iridka isu taagtay bay tiri, “Aay Beyddan lama haween aa bannaanka kuu joogta.”

Beyddan way malaysay dumarkaas dibedda isu taagay in ay yihiin kuwo Maana-Faay daba jooga. Dadkeedii caadiga ahaa hadday ahaan lahaayeen, way og tahay in ayan gabbadeene, qoob iyo qaylo ku soo gali lahaayeen. Intay yartii, sidii ay dambi gashay indhaha ku gubtay bay si kulul u fartay, “Naa ma joogto dheh, dadkaan maslaxad la’aanta la wareegaya buuqooda ma doonaynee!”

Haddana intay codkii hoos u dhigtay, hareerahana eegtay u raacisay, “Gabar Maana-Faay la yiraahdo hadday ku weydiiyaanna ma noo imaan dheh! Ma garatay naayaa? Soco nagala tag uskaggaaga iyo qoyaankaaga! Ma keentay biyihii laguu diray?”

“Haah,” bay ugu jawaabtay, iyadoo ka soo hor dhaqaaqaysa, si ayan qaylada ugu sii badin.

Markay dhawr tallaabo qaadday bay wax gocatay. Magicii markii Leyla weydiisay ay garan wayday ayey mar saddexaad Beyddan ka maqashay. In ay markii koowaadna iyada ka maqashay bay xasuustay. Maana-Faay. Maana-Faay! Haah! Haddaan gartay! Waa gabartii oo fiidkii ay i dhahaysey, “Wixii Maana-Faay ku weydiiya, hadday dumar yihiin, way baxday ku dheh, hadduu wiil maarriin ah yahayna, qolkaas u gudub dheh!” Hadda maxaan dhahaa dadkaan? Wallaahi yaab waaye!

In muddo ah ayey daaradda sii dhaqaaq-joogsanaysay. Dadka dibedda ka sugaya warkii ay kula noqon lahayd baa ku adkaaday. Ma runtay u sheegtaa, mise beentii Beyddan soo fartay bay u gudbisaa! Sida hore hadday yeesho, waxay noqonaysaa qof sirtii guriga bixisay, amarkii madaxdeedana jabisay, taasina waxay ku dhalinaysaa dareen dambiilenimo; waxaabase dareenkaas uga sii daran kan cabsida, waayo haddii Beyddan ogaato in ay sidaas yeeshay waa maalintii qiyaamaheedu dhici lahaa! Sida kale hadday yeeshana, waxay noqonaysaa in ay dad xaq ku socdo, iyadana axsaan u sameeyey been u sheegto, gabadhoodii laga soo xadayna ka qariso. Habeenkaas oo qura uma sama-faline, marar badan bay Xaawo agoontaas dulman ixsaan u samaysay. Iyada iyo Beyddanna iskuma doorsato. Jacaylka ay iyada u hayso iyo nacaybka ay Beyddan u qabto ayaa isu dhigma. Haddana Beyddan amarkeeda ma jabin karto.

Iyadoo wali walaacsan bay dadkii warka ka sugayey isa soo ag taagtay.

“Haye Faadumo! Aaway Xaajiyaddii?” Xaawaa weydiisay.

Iyadoo hoos u jeedda ayay cod gaaban ku tiri, “Waxay dhahday ma joogto dheh.”

Haddana intay afka sacabka saartay, sidii iyadoo eraygii ka soo fakaday ku celinaysa, ayay isla markiiba tiri, “Waxaan dhihi lahaa, ma joogto.”

Xaawo iyo Leyla intay is dhugteen bay hal mar isla yiraahdeen, “Maxaad tiri?”

“Ma joogto,” Faadumo-Yarey baa ugu celisay, iyadoo indhahooda wajiga ka dadbaysa, si uusan beenteeda u kashifin. Goorteed, ma goor wax walba la fahmay?

“Ma joogto aa?”

“Faadumo! Bal kaalay hooyo, afkeennu waa isu ammaane, xaggaan inoo soo yar dhaqaaji!” Xaawaa intay gacanta qabatay ku tiri, iyadoo luuqa mugdiga ah xaggiisa u sii daadihinaysa “Waxaan ku weydiiyey, hooyo,” bay cod gaaban ku sii wadatay, iyadoo madaxa u salaaxaysa, “Ma joogto dheh bay ku soo tiri sow ma aha?”

Faadumo-Yarey intay xoogaa aamustay bay haddana cod la moodo cunug oohini soo hayso ugu jawaabtay, “Haah!”

“Micne ma leh; awelba iyada waxba ku aanu fali mayne, waxaan ku weydiiyey, guriga gabdho badan baa jooga miyaa?”

“Haah!”

“Maxay samaynayaan?”

“Iyaga iyo niman aa isla qayilayaan.”

“Dhammaantood?”

“Haa.”

“Maqal Faadumo! Adigu waa taad waligaa gabar fiican ahayde, anigana waad ogtahay Beyddan Shabeel inaan kaaga roonahay kaana jeclahaye, haddaan wax kuu dirsado ma ii soo fulinaysaa?”

“Haah.”

“Haddaba waxaan kaa rabaa, adigoo aan lagu garan inaad ii soo ogaatid, gabdhaha guriga fadhiya mid Maana-Faay la yiraahdo in ay ku jirto iyo in kale, sidii aad ku soo ogaan lahaydna anigaa kuu tilmaamaya, haye dheh?”

Faadumo intay in yar aamustay bay tiri, “Waa ku jirtaa!”

“Yaah? Tee?” Xaawo iyo Leylaa hal mar la soo wada booday.

“Gabartoo Maana-Faay la dhoho,” Faadumo-Yarey baa ugu jawaabtay.

“Ma hubtaa?”

“Waa hubaa.”

“Oo markii hore ma naga qarinaysay? Maxaad noo tiri ma garanayo?”

“Markaas ma xusuusanayn, hadda Xaajiyaddaa i xasuusisay.”

“Maxay ku tiri?”

“Gabar Maana-Faay la dhoho hadday ku weydiiyaan, ma noo imaan dheh.”

Labadii marwo afar indhood oo shaki iyo dareen la waaweynaaday baa la isku eegay.

“Adigu goormaad aragtay?”

“An waxaan arkay fiidkii idoo bersadda fadhida, oo Xaajiyaddu dhar beec eh tustusayso. Bes, haddana lamadooda waxay galeen qol oo niman iyo gabdho ku qayilaayeen. Ka bacdi Xaajiyaddii aa ka soo baxday, waxay i dhahday, ‘Wixii Maana-Faay ku weydiiya, hadday dumar yihiin way baxday dheh, hadduu wiil maarriin ah yahayna qolkaas u gudbi.’ Bes ka bacdi wiilkii aa imaaday, qolkii aan dhahay u gudub. Haddana isaga iyo gabartii wali meehii lee iskula qayilayaan!”

Inta hore sidii ay u aragtay bay u warisay. Gaba-gabadana sidii ay u qaadatay bay u sheegtay. Ilaa hadda waxay u haysataa gabadha Maana-Faay la leeyahay in ay islaantu u fataalaysey wiilka maarriinka ah, ee loogu tala galay in uu habeenkaas la qayilo. Markii Axmed qolka ceebeed ka soo noqday Faadumo-Yarey ma arkayn.

Afartii indhood oo ciil iyo amankaag la sii weynaaday, baa mar kale is eegay.

“Aaway hadda iyaka? Intee ku jiraan?” Leylaa ritim kulul, oo si lama filaan ah uga soo baxay ku weydiisay, sidii iyadoo Faadumo-Yarey canaananaysa.

“Safka midigta, qolka geeska u soo xiga waaye,” bay ugu jawaabtay.

“Waa yahay Faadumo; orod marka adigu, hawshaada iska qabso!” Xaawaa tiri.

“Haye, nabadey, saacaddaan waaba la i daahsadee,” Faadumoo sii dhaqaaqaysaa tiri.

“Haddii Xaajiyaddu na kaa weydiiso, way baxeen dheh, qof kale in aan ku weydiinayna ha u sheegin yaah?”

“Waa yahay.”

Markay ka libirtay bay talo iskala soo hor jeesteen. “Maxaa la qaban karaa?” baa la is weydiiyey. Leyla wayba is madax martay. Wixii loo sheegay bay qaadan kari weyday. Muraara-dillaac bay ku sigatay. Waxay ku gooddiday in ay guriga isu tuurto, waxa u jira qalalaase ka dhex riddo, walaasheed ul uga soo saarto! Tii kale oo ka waayeelsanayd baa yare dajisay, ee ku tiri, “Sharaftaaday wax u dhimaysaa, haddii aad xilligaan xun meeshaas xun ka dhex qayliside, wax yar halka igu sug, anigaa raadinaya tab aan si nabadgelyo ah gabadheenna nooga soo saaree.”

Qolkii Faadumo u tilmaantay bay, “Hoodi, hoodi,” intay tiri, iyadoon jawaab sugin iska gashay. Hawo khamri iyo qiiq sigaar ka buuxaan baa ka hor timid. Judhiiba lablabbaa jirkeeda saaqday. Daqiiqad nuskeed bay intay adkaysatay dadkii qolka ku jiray isha marisay. Haddii ay urka khamriga iyo qiiqa sigaarka u sii adkaysan lahayd, wax ka daran oo ayan u sii dul qaadan karin bay aragtay. Rag iyo dumar is dhex daadsan, dadnimadii ka tegay, da’doodii illaaway, xishoodkii ku dul tuntay. Waxa ay ku kacayaan iyo waxa ay ku hadlayaan isma dhaamaan. Erayo aan qof miyir qabaa dhegaysan karin bay ku hantaatacayaan.

Kuwa hadlayaaba roone, gabadhii ay raadinaysay, meel xun bay bilqan tahay. Halkii ay ku miyir gaddoontay bay wali gorofsan tahay. Xaawo, waxay u qaadatay in ay sakhrad ka badatay la gataati dhacday, ee marqaan xarfa-taraaray meesha la galgalanayso! Intay amankaag afka qabsatay bay lafaheeda la baxsatay.

“Walaaley, naga keen meesha darxumadeeda, middaas samir iyo iimaan Alla ha kaa siiyee!” ayay hadal uga bilowday Leyladii ka dhur-sugaysay. Wixii ay soo aragtay bay si tifaftiran uga warrantay. Leyla guul darradii bay gurigeedii kula noqotay, iyadoo ciil iyo calool-xumo la caga-jiidaysa, dareenkeeduna yahay sidii iyadoo ka soo noqotay qabri lagu aasay walaasheed Maana-Faay!

 

— 9 —

Maana-Faay garaadkeedii saacadaha badan ka maqnaa wuu u soo noqday. Umana soo wada noqone in yar bay miyirsatay. Indhahay kala qaadday. Afarta gees bay eegtay. Geestay eegtaba gidaar baa ka hor yimid. Waa afar gidaar dhexdood. Waa qol xiran gudihiis. Indhahay marmaratay. Hoos bay dhulka u eegtay. Mise khashin badanaa! Maxaa is dhex daadsan! Qoryo la diirtay gucummadood, sigaar la cabbay gummudyadiis, tarraq la gubay dhuxulihiis, maacuun wax lagu cabbay oo is dhex quban, gogol lagu galgashay oo is dhex bilqan iyo khashinka oo fara badan bay keligeed dhex jiiftaa. San-ku-neefle kale ma weheliyo. Maxay ahayd meel baastani? Intay salashay bay mar qura sara kacday. Saacad u xirnayd bay daymo ku boobtay. Waxba way ka fahmi weyday. Waqtiga iyo meesha midna ma garanayso. Ma habeen baa mise waa maalin? Ma guri baa mise waa cidla? Wuxu ma riyaa mise waaba run? Waxba uma kala cadda. Saacaddii bay mar kale ku noqotay. Aad bay ugu fiirsatay. Afartii bay sheegaysaa. Afartu waa afartee? Ma afartii habeennimo mise tii maalmeed?

Intay boodday bay bannaanka u kudday. Bad mugdi ah baa ka hor timid. Haddaas waa habeennimo. Mugdigii bay ku sastay. Misna iftiin kadis ah baa wac yiri. Mugdigii mar qura kala didiyey. Daaraddii ay dhex taagnayd u muujiyey. Mar labaad bay sastay. “Naa Maana,” ayay midigteeda ka maqashay. Mar saddexaadkii bay sastay. Meeshii magaceedu ka soo yeeray bay madaxa kula boodday. Mise waa islaan buuran oo qof hoosta laga furay albaabki unuunka ka soo jeedda.

“Eeddo ma toostay? Kaalay sariirtaan ii seexo, ka gal dhaxanta, yaadan iga hargabsane!” Beyddan Shabeel baa u raacisay, iyadoo bannaanka u soo wada baxaysa, guntiinadii ay ku huruddey nuskeed ka daba jiitamayeyna kor u aruursanaysa.

Maana markay qofta la hadlaysa aqoonsatay, ayaa ugu horraysay garasho ay garato meesha ay joogto. Sidii ay meeshaas ku timid bay gocatay. Wixii habeenkaas ku dhacay bay garwaaqsatay. Filinkii foosha xumaa bay xasuusteedu ugu soo celisay. Muddo aan hal ilbiriqsi ka badnayn ayay muuqaallo midba midka kale ka kharaar yahay maskaxdeeda isku jiireen. Qol xiran oo qiiq ka buuxo. Joodariyaal dhulka goglan. Niman iyo naago hoosta isaga jira oo cagaar ruugaya. Cagaarkii oo iyada loo dhiibayo. Nin dhuunta ka soo galay oo war ku daldalaya. Qof si lama-filaan ah dalaq u soo yiri. “Alla waa Axmed! Macaane!” Balow! Dharbaaxo xiimaysa. Bac! “Aaa! Alla ba’ayeey!” ayaa lagu war helay.

Sidii wax daqiiqaddaas ku dhacay bay qarracan kadis ah la qaylisay. Fiidkii markii ay Axmed indhaha saartay, farxad bay la argagaxday. Hadda markay in uu ka carooday xasuusatayna, fajac iyo naxdin bay la argagaxday. Meesha uu ugu yimid ugana tagey fool-xumadeeda ayaa ka sii argagixisay.

Fikradda xun ee uu ka qaatay baa fajac ku ridday. Baroorteedii baa dad dhawaan seexday hurdada ka soo salaleen. Kuwo marqaan la heesayeyna, intay xiddigaha ka soo dageen, dhegaha taageen. Daris hurdo bogayna hareerahay ka soo baxbaxeen. Meeshii Maana baroorta kula dhacday baa lagu soo xoomay. Wax kasta waa la isku dayey si qofta xilliga xun barooranaysa, qayladeeda la isaga aamusiyo. Hadal ay ka yeesho daaye, hilibkooda way karin lahayd, hadday awooddo. “Muslin haddii tihiin, meehaan mar iga wada,” ayay ku adkaysatay. Calool nuglaa! Cidda wadaysaa yay tahay? Sow tii hore loo yiri, nin ku dilay har kuuma jiido!

Dhawr jeer bay bannaanka hollisay. Haddana ku dhiirran wayday in ay xilligaas luuqyada mugdiga ah isku biimayso. Meesha ay joogto iyo meel ay uga dhaqaaqdana ma kala garanayn. Maabku waa ka khaldanaa. Dadkii qayladeeda ku soo baxay, tartiib-tartiib bay qolalkoodii ugu laabteen. Iyadu qol dambe in ay foodda geliso, way ka dhaaratay. Beyddan Shabeel intay nalkeedii dansatay albaabkeediina xiratay bay sariirteedii ku laabatay.

Maana xagal mugdi ah oo jikada ku dhow bay garka iyo labada low is gashatay. Hal qof baa agteeda ku soo hartay. Waa Faadumo-Yarey oo ay oohintii ku daaratay. Markii hore dadkii Maana ku hareeraysnaa duleedkooday murugo la taagnayd. In ay ku soo dhawaatee ilmada ka tirto jeclayd, misna ku dhici la’ayd. Canaanta Beyddan ee cadaabka ka kulul bay ka cabsoonaysay. Waxa Maana ka ooyayso aad uma fahmin, waxayse dareentay in ay dulman tahay, arxan iyada uga sokeeyoo u jixinjixayaana jirin. Abuuris si dahsoon ugu beeran ayaa dareensiisay isir labadooda ka dhaxeeya, ehelnimo hiil uga baahan, aayatiin isugu xiran. Diir ay wadaagaan baa dubaaxiyey. Meel baa danqatay. Ilmaa ka daadatay!

Waa run, danyarta loo xoogsheegto iyo inta la dulman oo idil, waa isku isir. Diir baa isugu yaal. Dantoodaa mid qura ah. Mid ahaanta cadowgoodaa iyagana midaysa, in ay meel uga soo wada jeestaanna ku khasbaysa. Kuwa Maana-Faay shirqoolaya, saqda dhexe ka oohinaya, dadkeedii ku diraya, mustaqbalkeeda ku joogjoogsanaya, kuwaas danahooda aad u qiimaha yar daraaddood qof dhan u dilaya; waa isla kuwa Faadumo-Yarey faqriga haysta ka faa’iideysanaya. raashinkooda luflufkiisa ku addoonsanaya, saboolnimada ku xaqiraya, sida dadnimada ka baxsan ula dhaqmaya.

Iyadoo guntiinadeedii darfaha jeexnayd ku duuduuban ayay Maana-Faay soo hor kadalloobsatay, markii loo firaaqeeyey. Intay jilbaheedii wajigu ku dhex aasnaa hal gacan ku cuskatay, gacantii kalena madaxa ugu salaaxday, ayay cod naxariistii ifka la keenay ku idishahay ku tiri, “Maana! Aamus hee abbaaye macaaney!”

Cod-malaa’igeedkaas ayan meesha ka filanayn, Maana wuxuu ka taabtay meel halis ah. Wajigii aasnaa ayay tartiib jilbaha uga soo dhex saartay. Indhihii ilmadu ka da’aysay bay kala qaadday. Waxay aragtay noolahaas tabarta yar, daacadnimada la ilmaynaysa, mugdigii looga kala tagey madaxa u salaaxaysa, dhaxanta iyo cidladana u aaba yeelayn. Muuqaalkaas laxowga iyo la yaabka leh baa laabteeda gilgilay. Wax jiriirico la moodaa jirkeeda mar wada saaqay.

Intay ilmadeedii illowday bay tii dhabanka Faadumo ka tifqaysey sacabka marisay. Isweheshi gacalnimaa laabtu isu guuxday. Sidii hooyo iyo ilmaheed muddo isu hiloobay baa hab la isa siiyey. Iyagoo hoosta isaga jiraa mid waliba tii kale, dhabankeeda illinta ka qallajisay. Faadumo barandadeedii jikada u dhex tiil bay Maana ku martiqaadday. Tartiib-tartiib baa la isu waraystay. Mid waliba tii kale u xog warrantay. Faaduma-Yarey baa bilowday. Kadeedka ay ku nooshahay bay jaalkeeda uga sheekaysay. Dhibaatadii qoyskooda ee kadeedkaas badday bay u faahfaahisay. Si ay ugu tacsiyayso ayay tusaalaynaysay in ay jiraan dad badan oo ay haystaan dhibaatada ay la ooyayso kuwo ka waaweyn, isla markaasna aan ooyayne, iyagoo aamusan guclaynaya.

Maana-Faay midhkaas way garaysatay, markeedana Faadumo u tacsiyaysay, ka dibna uga warrantay wixii ku dhacay ee xilligaas ka oohiyey. Sheekadii jacaylkeeda oo idil bay dabada u qabatay. Iyadu kuma tala geline afkeedaa iska hadlayey. Waa dabeecad lagu yaqaan dadka wax jecel. Mar kastoo ay sheeko afka u kala qaadaanba, qalbigoodu wuxuu u jiitaa in ay ka sheekeeyaan jacaylkooda. Ruuxii naftu jamatay bay ku hadaaqaan. Had iyo jeer ka sheekeeyaan. Qofka ay uga sheekaynayaan waxa uu yahay uma aaba yeelaan; in uu sheekadaas danaynayo iyo in kale ma tixgeliyaan. Nafsadda wax jecel uun baa intaas nafis ka dhuganaysa.

Maana-Faay, gabadhii yarayd ee ay martida u ahayd wax walba way u sheegtay. Wiilka ay jeclaatay, kii ciddoodu siisay, sidii ay u diidday, guriga walaasheed ee ay ku soo carartay; xitaa meesha uu ku yaal guriga Leyla way u tilmaantay; sidii ay Beyddan Shabeel isku arkeen, dharkii ay ka soo doonatay, sidii ay qolka lagu qayilayo ku galisay, gacaliyeheedii Jilib ugu maqnaa ee kadiska ugu soo galay. Dharbaaxadii uu ku salaamay, meeshii ay ku dhacday.

Halkaas markay maraysay bay oohintii ay cabbaar ka nasatay la muraara dillaacday. Faadumo-Yarey oo la moodo in ay labadooda iyadu weyn tahay baa mar labaad aamusisay. Markaan aad bay u fahamtay mushkiladda Maana ka oohinaysaa waxa ay tahay. Uur-ku-taalladii ay ku daaratay iyo umalkii ay Beyddan Shabeel u qabtayna way sii laba jibbaarmeen.

 

— 10 —

Wehelkii Faaduma-Yarey, wuxuu Maana-Faay ku caawiyey in ay halkeeda ku sugto labadii saacadood ee habeenka ka harsanayd. Laba sanoo cadaab ah way kala cuslaayeen. Dildillaaca waagu markuu dariiqyada kala tusay bay intay Faadumo-Yarey dhabannada ka dhunkatay lug isku taagtay. Qorraxdoon wali soo bixin bay gurigii mitir-kubbada ahaa albaabkiisii duugga ahaa xoog u garaacday, iyadoo indheheeda guduutay masar ilmo qoysay ku qarinaysa. Waxay tiigsanaysay in ay walaasheed u habar wacato, ee wixii ku dhacay uga warranto, si ay ugu soo gurmatee, gacan u siiso.

Leyla warba kama sugine, markay muuqeeda aragtay bay is madax martay. Waji kaduudan iyo indho kulul bay kala hor timid. Wax xun intii afkeedu haleelay bay u taana-taanaysay, “Wajigaada i doori, isla-wareegyahay, aalkolistada eh! Bax meehiid saacaddaan ka timid ku nakho, mar dambena agtey yaan kugu arkin!” ayay ugu soo gabagabaysay, iridkiina ka xiratay!

Miskiintii tabaalaysnayd albaabkii xirnaa bay oohin la ag fariisatay. Intii ay ku qaadatay ma garan karto. Mar dambaase fikradi ku dhalatay. Far iyo suul bay isku taagtay. Gurigii Axmed bay ku fara baxsatay. Intuusan shaqo aadin ku gaar! bay is tiri. Haddaayey, markii ay walaasheed ku soo ordaysay waxay is lahayd iyadaa kuu maslixi doonta, sidii wax u dhaceenna ka dhaadhicin doonta. Hadda markii Leyladii ka dartayna, labadiinnaa is hudhan bay is tiri.

 

— 11 —

Axmed habeenkaas hurdo laba indhood isuma geyn. Isagoo sidiisii u labbisan, siduu sariirta iyo kursiga marba mid isugu dul xoorayey, sidii neef la gowracay, ayaa waagu ugu baryey. Markaasuu gurigii ka baxay. Bannaankii uu baabuurka shaqada isu taagi jiray buu u baxay, saacaddii uu soo mari jiray oon dhaweyn.

Isagoo halkii dhulka faalinaya, Maana-Faay oon ilaa xalay daqiiqadna maskaxdiisa faaruqin la doodaya, sidii uu isu illowsiin lahaa ka fakaraya, ayuu hortiisa dhaqaaqilyo ka dareemay. Indhuhuu kor u qaaday. Mise maansha-Allaah! Maana-Faay qudheedii baa meel aan fogayn soo leeg-leegsanaysa. Sidii ruux koronto qabsatay buu u gariiray. Jiriiricaa jirkiisa dhammaysay. Waxay la noqotay in dhuuntu xirantay, dhiiggii halbowlayaashiisa meeraysanayeyna meeshiisii ku dhagaxoobay. Wuxuu dareemayey laxow silloon oo uu u kala garan waayey naxdin, farax, caro, rayn-rayn iyo cabsi mid uu yahay. In uu intaba isugu jirayna u dhow. Wixii uu fali lahaa baa wareer hor leh ku noqday. Waqti uu ka fiirsadana maba haysto.

Boqollaal go’aan oo midba mid burinayo ayaa muddo aan hal ilbiriqsi ka badnayn maskaxdiisa isku jiray. Qalbigiisa wax jecel iyo qabkiisa nin ahaaneed baa midba dhinac u jiidanayaa. Qalbigu wuxuu ku boorrinayaa, Haddii gacaladaadii aad gocashadeeda hurdo gama’ la siin wayday, hoygaaga kuugu timid, hoodo iyo nasiib weeyee, ka hortagoo hab soo sii! Markuu u hinqadee hiyiga la kaco, ayaa qabka qayladiisu xakamaha ku qabanaysaa, Yac! Ma qoftii xalay fadeexaddaad ogayd ku dhex jirtay, horena warkeedu kuu soo gaaray baad hoosta soo gashanaysaa, ee hawo dambe kaa haysaa? Dhiiglaawe! Haddaad dhimanayso dhareerka waa la iska duwaa!

Guubaabadii qabka ayaa gocashadii qalbiga ka adkaatay. Intuu jinniyo isku riday buu jahadii ay ka soo socotay maahee tii kale u dhaqaaqay. Waa balaayo ay horeba u filanaysaye, intay awood wixii ku harsanaa addimada isugu geysay bay ka daba orodday. Waa isku dayiddii ugu dambaysaye, qoob iyo qaylay isugu dartay, “Macaanow waa ku tuugaayaaye, halkoo mar lee i dhagayso, ka bacdi wixiid rabtidba samee!” ayay cod in oohini soo hayso la moodo kala daba tannaagootay. Oraahdaas sida ay u tiri iyo halka ay erayadu ka soo go’ayeen, ma aha wax lagu tilmaami karo afka aynu naqaan! Axmed Jaamac qalbigiisa halkii ay ka sareen iyo xanuunkii ay ku reebeenna, isaga uun baa garanaya! Siiba erayga ‘Macaanow!’ ayaa sida fallaartii halkii bugtay toos u beegsaday, laabtana balbaliyey. Wuxuu ku sigtay in uu gabigiisuba dhalaalo, sidii baraf dab la saaray! Wuxuu dareemay quwad ka xoog badan oo xagga gabadha u jiidanaysa. Waxaase taako u noqday gaarigii shaqada oo isla daqiiqaddaas isa soo ag taagay.

Awood kastoo uu isku sii adkayn karo intuu isu geystay, qayladii qabka iyo tii gaarigana kaalmaystay, ayuu cod gariiraya gabadhii ka daba qaylinaysay ugu jawaabay, “Iga daba har baan ku iri, hadalkaygana ii daa isma naqaan aniyo adigu! Orod wax ku yaqaan Siinaay ka raadso, anigu qaad ma cuni aqaane!” baabuurkiina hore ka fuulay, horena ka dhaqaaqay!

Habaas iyo hungo ayaa Maana-Faay u soo haray. Hoog adduunka jira oo kaas kala weyni subaxaas mugdiga ah ma jirin. Ilayskii hididiilada ee u dambeeyey baa ka damay. In ay oydo xitaa way tahli wayday. Horay baa illintii uga dhammaatay. Afarta jaho xaggee bay u dhaqaaqdaa? Yay u ciirsataa? Ciddoodii horay bay u kala dhinteen. Leyladii ugu roonayd waa tii saaka albaabka ka soo xiratay. Ninkii ay aawadi isu biimaysay, arooskeedii u burburisay, aabbeheed ugu gacan sayrtay, udub-dhexaadkii nolosheeda ka dhigatay, waa kaas saaka cidla ciirsila’da uga dhaqaaqay. Erayadiisii kharaaraa baa weli maskaxdeeda ka dhawaaqaya, dhibaato aan la koobi karinna nafsaddeeda ku haya. Cajalad aan dhammaanayn baa ugu soo celcelinaysa, “Iga daba har baan ku iri! Isma naqaan! Orod wax ku yaqaan Siinaay ka raadso!” Midba mid ka kharaar. Kan dambaase ugu daran, “Orod wax ku yaqaan Siinaay ka raadso!” Uur-ku-taallo weynaa! Saanna ma ii dambaysay? Ma maantaa la igu daray dumarkii Siinaay laga sheegayey, ee qaadka iyo tumashada meheradda ka dhigtay? Alla anaa iska dhintay! Yaa ii sheega dambi aan galay oo dulmigaas ku mutaystay? “Orod wax ku yaqaan Siinaay ka raadso!” Alla anaa iska dhintay! Bes waaye adduunkaan aniga! Inteen aadaa? Bes waaye aniga! Aaway farmashiye? Farmashiye! Farmashiye! Bes waaye! Bes waaye!

Farmashiyihii u sokeeyey bay is dhex taagtay.

“Aboo sunta cayayaanka ma haysiin?”

“Haah,” intuu yiri buu shelfiska ku jeestay, si uu u soo bixiyo.

Iyaduna dib bay isugu noqotay si ay lacagta ugu soo bixiso. Boorsadeedii bay haab-haabatay. Mise maxaad ii dhiibatay? “Aaway boorsadaydii?” Iyadoon farmashistihii war dambe ku celin bay ka baxday. Waa in ay boorsadii heshaa. Xaggee bay ku soo illowday? Meeshii ay markii Axmed ka tagay fariisatay bay ku noqotay. In ayan saakoo dhanba boorso sidan bay xasuusatay. Wax ay hubtaana ma jiraan. In ay guri-baaskii xalay ku soo illowday bay malaysay.

Malahaasaa sax ah. Soo illaawid keliyase arrintu ma ahayne, Beyddan Shabeel baa kas iyo maag uga qarisay, intii ay suuxsanayd. Waxay ka dhiganaysay rahaamad Maana-Faay mar kale guriga ku soo celisa. Waxaa ku jirtay lacagtii loogu soo dhiibay in ay dhar ku soo iibiso. Lacagtaas ka sokow, waxaa ku jirtay alaab Maana qiime weyn u leh oo ay is tiri kama maaranto. Shayga dhab ahaan Maana ugu qiime badnaa, in ay ka maarantaana ka suurtoobin wuxuu ahaa masawirka Axmed Jaamac!

 

— 12 —

Subaxdaas Khamiisaad ee qofba si waagu ugu baryey, Beyddan Shabeel hore uma toosin. Soo jeedkii xalay baa sariirta ku daahiyey. Goor ay barqadii tahay bay walwal la soo boodday. Qalawdii u horraysayba waxaa ku soo dhacday shimbirtii qoolkii ka baxday! Qoftii baxsatay!

Iyadoon wali aad u baraarugin, musqul iyo meel kalena ku leexan bay daaradda ku soo hanbabartay. Hareerahoo idil bay indhaha ku taagtaagtay. Mise maxaad ii dhiibatay? “Naayaa Faadumo,” bay si dhiillo ku jirto ugu qaylisay.

Xalay mirtii dhexe, markii ay Maana-Faay oo murugo iyo ciil la ilmaynaysa daaradda uga hoyatay, waxay ku seexatay in ay aroorta hore soo kacdo, si kastoo ay yeeshana ku dadaasho in aysan gabadhaasi gacanteeda ka bixin, ilaa inta ay gaarsiinayso ninkii ay ka gadaysay. Ka dib wixii doonaaba ha dhaceen, iyada waxba kama gelin; mar haddii ay heshiiska dhankeedii oofisay, ‘gunnadii’ ay ‘mutaysatayna’ gacanta ku dhigtay!

Haddii ay waqti habboon toosi lahayd, way hubtaa in aysan tab iyo xeel weydeen. Haddase hurdadii baa khatashay. Waa tanoo qoftii ay toddobaadkaan oo idil ku hawlanayd xeradii waa hungo! Ballantii Jimcadana waa caawa. Iyadoo dhiillaysan bay marada dhegta qabsatay.

“Naayaa Faadumo! Meeday jinni-la-tegtii miskaha xumayd? Naa kumee, naayaa?” Faadumo-Yarey oo aan waxba galabsan bay hiifaysay, sidii caadada u ahayd.

“Heeh! Way kan!” bay tiri, intay jikada ka soo baxday.

“Aaway gabadhii?”

Inkastoo ‘gabdhuhu’ fara badan yihiin, haddana Faadumo-Yarey way garatay midda la waydiinayo. Iyadoon “gabadhee?” waydiin bay ugu jawaabtay, “Waa baxday.”

“Way baxday aa? See ku bixi kartaa? Goormay baxday?” Beyddan baa is daba dhigtay. “Xaggee bay aadday? Way baxday, way baxday. War miyaa way baxday? Naa maxaad ii kicin wayday markay gabadhu baxaysay? Maxaad qabanaysay waa adiga rifrifka leh sidii yaanyuur macaluushaye?”

Bal maxay waxaasoo cay iyo canaan ah ku mutaysatay? Ma gabadhay iyadu bixisay, mise awel bay kala ballantay in ay kiciso ama gabadha celiso? Faadumo-Yarey su’aalahaas iyada uun baa hoos isu waydiisay. Beyddanse ma waydiin, mana waydiin karto. Waxay waaya-aragnimo u leedahay hal eray oo ay ku soo celisaa inuu u soo jiidi karo hal maalin ama hal toddobaad oo kadeed ah! Intay aflagaaddadeedii iska liqday bay sideedii iyadoo aammusan hoos u hogatay, sidii qof danbiga lagu eedaynayo qirsan!

Barqadaas oo idil Beyddan way xanaaqsanayd. Canaanta Faadumo-Yarey afkeeda uun baa isaga bartaye, uurka kama jirin. Canaanta dhabta ah iyadaa isu jeedinaysay. Waxay isku dhaliilaysay sida fudud ee gabadhii faraheeda uga siibatay. Waxay ka walwalaysay in Jaamac Dhegay oo ordayaa fara marnaantaas ugu yimaado, ama ugu yaraan talefoon u soo diro. Maxay ugu jawaabi doontaa? “Barnaamijkii Jimcada caawa waa baaba’ay!” af ay ku tiraahdo ma qabto. “Waa jiraa,” cid ay ku tiraahdaana gacan uguma jirto. Xaggee bay Maana-Faay mar labaad ka dooni kartaa? Shaki la’aan waxay jirtaa gurigii walaasheed Leyla. Waa qoftii ay xalay wixii la ogaa ku dhigtay. Aadis ay gurigeedii ugu tagto iska daaye, daqiiqad kasta waxay wadnaha farta uga haysaa weerar godkeeda ugu yimaada oo ay ku soo qaadaan Leyla iyo eheladii kale ee Maana-Faay!

Sarteedii guduudnayd waxay la noqotay goob dakano oo sii joogisteeda khatar weyni ugu jirto. Wardoonka ay Jaamac Dhegay ka filanaysay, iyo weerarka ay eheladii Maana-Faay ka malaysanaysay ayaa ku noqday laba cabsiyood oo aan u kala roonayn. Sidaa darteed waxay ku dhuumatay guri ay daris yihiin, ka dib markay Faadumo-Yarey ballan ku adkaysay, una tilmaantay cidda laga qarinayo, haddii ay yimaadaan ama talefoon soo diraan iyo arrimaha muhimka ah ee haddii ay ka fursan waydo loo baahan yahay in ay uga war keento.

Waxay quud darraynaysay in ay meeshaas ay ku dhuumatay go’aan uga gaarto waxa ay qaban karto iyo qorshaha cusub ee ay Jaamac Dhegay u dajin karto.

Boorsada Maana-Faay ee weli gacanteeda ku jirta, ayaa ugu muuqatay raad rajo fiican laga qabi karo.

Iyadoo dhufayskeedii wali ku dhakan, ee haweenaydii guriga lahayd hadal tiro ku maaweelinaysa, ayay ku war heshay Faadumo-Yarey oo dul taagan.

“Naa haye! Maxaa jira?” Yartii bay waydiisay, intay indho dareen galay ku taagtay.

“Gabadhii waa soo noqotay! Waxay…” Faadumo-Yarey baa ku warrantay.

“Yaah? Soo noqotay aa? Naa ma la hubaa?” Beyddan oo farxad iyo filan-waa la hanbabartay baa hadalkii ka dhex gashay.

“Haa, waa la hubaa. Waxay dhahday…”

“Maxay ku tiri?”

“Waxay dhahday boorsadaydii Xaajiyadda ii soo warso.”

“Yaa la socda?”

“Qofna ma la socoto. Keligeed waaye!”

Beyddan Shabeel wax daqiiqaddaas loo sheegi lahaa oo warkaas uga farax badan in ay jiraan lama ahayn. Intay xaab-xaabsatay bay gurigeedii u laba lixaadsatay. Maana-Faay oo boorsadeedii iyo Faadumo-Yarey daaradda hore ku sugaysa, ayay la soo laabatay. Beer-laxawsi iyo madax-salaax hor leh bay ku asqaysiisay.

“Ii warran eeddo macaan! Aad iyo aad baan uga xumahay wixii xalay dhacay. Dhallinyarada hadda joogta waxaan ku nacay fudaydka iyo hubsasho la’aanta. Nasiib-darro, markuu imaanayey guriga waan ka yar maqnaa. Qolo marti ah baan sii dhawaynayey. Jidkuu iiga hor yimid markuu ka soo noqday. Haddee wuxuu ahaa nin xanaaqsan oo balaayo ku raran tahay. In uu si fiican iila hadlo waa diiday. Waxaan iri war heedhe ha carruuroobine, is daji oo aniga hadal iga maqal, anigaa sida wax u jiraan kaa dhaadhicinayee; qoftaas malaa’igta ah oo la wada og yahayna sharafteeda meel ha uga dhicin, waxaas aad fahamtay Ilaahay kuma jirrabine.

“Markii dambe wuxuu i yiri, ‘Hadda waan wareersanahoo waxba dhagaysan kari mayee, berri Xafiiska iigu imow, wixii jirana markaasaad iga dhaadhicin doontaa.’ Marka haddaan u tagayaa, anigaa soo qancinaya, oo u sheegaya in uu fududaaday oo khalad sameeyey, waliba waan soo canaananayaa, waxaan leeyahay: gabadhii aad u gaftay waa in aad xaal siisaa haddii kale isma sheeganno! Aniga waxba igama diido; anigaa kaa ballan qaadaya in uu caawa ama galabtaba, isagoo xaal-marin kuu wada, kuu yimaado; adigu waad iska sii nasanaysaa, qabqabowgaasaad iska sii cabbaysaa, waad iska qadaynaysaa, qofna isma arkaysaan; ma garatay hooyo? Aniguna haddaan dhaqaaqayaa. Meeday? Naa iigu keen gabadha Faanta qabow iyo mac-macaan! Bal eeg waxa daal iyo diif ka muuqata! Allow anaa magacay ba’ay! Waa qof ay…”

“I makhal eeddo!” Maana-Faay oo intaas oo dhan ka aamusnayd baa markay halkaas maraysay, intay nolol is yare galisay hadalkii ka dhex gashay, “Khado iyo khabkhabow midna ma kaa rabo, minankaana mar dambe lugtey ma geli haayo. Asxaan ii samee, boorsadaydii lee i sii. Wax kale ha ii sameen. Minankaada ma u jeedo. Dhibkiis intii horaa igu filan. Waxaa i gaarsiisay in walaasheyda xitaa i soo buriso, anigoo waxba suubin!”

Walaasheedna waa soo eriday yaah? Oo hadda bannaankayba kuu joogtaa? Fiicanaa, Beydan Shabeel baa uurka ka tiri, afkana intay sii macaanisay cod daacad-iska-yeel ah ku tiri, “Hooyo ha carruuroobin! Anigu waxaan raadinayo ee u dhibaatoonayaa waa adiga maslaxaddaada. Qof maanta wanaag igala kaa jecel ma jirto, maxaa yeelay gabadhaydii baad tahay. Xalayna nasiib-darro aynaan filayn baa dhacday mooyee, sidii aad ku timid waxay ahayd bilic iyo wanaag aan anigu kula jeclaystay in aan dhar gabdhaha asaaggaaga ah kaa sara mariya ku siiyo. Haatanna balaayo ma jirto. Waxba ha ka walwalin. Shayddaanka iska naar. Walaashaa iyo wiilkaagiiba anigaa kaa ballan qaaday in aan isla maanta gacanta kaa soo saaro, oo ay waliba ku xaal mariyaan. Khalad bay fahmeen, anigaana ka saaraya. Boorsadaadiina anigaa meel kuu galiyey; waxaan ka baqay in lagaa xado. Gurigaanna haddii aad kahsatay waan kaa wadayaa buuqiisa iyo rabashkiisa. Waxaan ku geynayaa gabar aan habaryar u ahay guri ay deggan tahay oo iyada mooyee cid kale aydaan is arkayn. Waa fiilo Ilaahay qurux u dhiibay oo indhuhu kuugu doogsanayaan. Gabadhuna waa mid aan Alla qaadin. Waa qof dahab ah oo haddaad aragtid ay kugu soo dhacayso waligaa ha ka agtagin. Halkaasaad sii sugaysaa, inta aan kaaga war keenayo wiilkaa iyo walaashaa. Wax kastoo aad u baahan tahayna halkaasaa gabadhaasi kuugu diyaarinaysaa: qado, qubays, muusik aad walwalka ku ilowdid, wax walba. Haddana wax yar kursigaan ii sii fariiso, Faantadaan iska sii kab kabbo, inta aan boorsadii kuu soo bixinayo gabadhiina taleefan u dirayo.”

Maana, iyadoon haah iyo maya midna oran bay kursigii loo keenay ku fariisatay. Waxaa ku dhalatay in ay u baahan tahay fursad ay uga fekerto buuqii badnaa ee Beyddan ku furtay. Waxay islaanta ugu caraysnayd dhibaatadii gurigeeda ka raacday iyo dhaqankeeda oo ay ka yaqyaqsatay; hase yeeshee wali ma ay garan wixii xalay ku dhacay in uu ahaa shirqool ay iyadu ula-kac ugu abaabushay.

Beyddan intay qolkeedii jiifka dalaq tiri bay talefoon kula boodday. Shan lambar markay wareejisay, ayuu qayliyey talefoonkii gaarka ahaa ee Xafiiska Jaamac Dhegay. Cabbaar buu dhagaystay, ee iska sii watay dooddii iyo awaamiirtii uu ugu jawaabayey qolyo ka hoos shaqeeya oo hor fadhiyey. Mar dambuu si culays iyo qabweyni ku jirto samaacaddii u soo qaaday, isagoo wali hadalkii wata, sidii nin talefoonka quursanaya, ee arrinta uu ku dhex jiraa kala weyn tahay.

“Halow,” ayuu goor dambe ku yiri cod culus oo la moodo in uusan raalli ka ahayn. Mar qura ayuu dadkii hor fadhiyey ka yaabsaday. Waxay arkeen ninkii cuslaa oo intuu baal ka fududaaday, mar qura farxad kadis ah kula qayliyey, “Weey! Ahlan wa-sahlan! Ii warran Beyddan! I sug wax yar!” Intuu is qabtay, oo talefoonka afkiisii sacabka saaray buu dadkii hor fadhiyey ku yiri, “Waxaad yeelaysaan; hadda hawlo badan oo degdeg ah baa ii yaale, hal saac ka dib isu kaaya keena! Iridka ii sii xir Sahraay, cidina yay ii soo gelin!” Xoghayntiisii oo dul taagnayd buu amarkaas ku diray, haddana talefoonkii ku laabtay, “Iga raalli ahow, qolyo ila joogay baan hawlo u kala dirayaye. Ii warran Xaajiya! Haddaan niyadda kugu hayey. Waad cimri dheer tahay. Borobiyo talefoonka markaan qaadi lahaa buu soo qayliyey. Haddaan rabay in aan ku soo waco, si aan u ogaado barnaamijkii caawa, arrintii halka ay marayso. Kolley barnaamij Beyddan badrooniyad ka tahay in uu najixi doono waan isaga kalsoonahaye, keliya waxaan rabay in aan ku weydiiyo saacadda aan is keenayo; haddase waxaan ku faraxsanahay in aad adigii i soo wacday. Sida kale? Sow iima ladnid?”

“Dhagayso, ladnaantaas waa la iiga daran yahaye!” Beyddan baa markeeda buuggeedii la kala baxday, “Barnaamijkii waa diyaar, kow dheh!”

“Hayeh? Waan iska garanayaaye, hadda maxaan kulahaa! Iiga warran qorshihii xalay?”

“Jartii xalay waa lagu guulaystay wax waliba waxay u dhaceen sidii loogu tala galay.”

“Wanaag!”

“Cunuggii aan kuu sheegayey xalay buu shadeeftiisa qaatay; qoftii iyada ahayd maanta adigay bannaanka kuu joogtaa, iyadoo biyo dahab la moodo!”

“Ilaah baan kugu dhaarshaye gacanta ma ku haysaa?”

“Wallee daqiiqaddaan aan kula hadlayo aqalkaygay dhex fadhidaa; codka aan gaabinayo iyadaan ka qarinayaa.”

“Ii dhiib gacanta! Ka marag in aad qof nool tahay!”

“Waliba si ay si buuxda noogu soo xera gasho, walaasheed intaan ku diray bay gurigii ka soo cayrisay, wixii dambi ah Alla ha naga cafiyee! Waxaan rabaa in aad gashid aroos yar oo khudba-sireed ah, ilaa inta aad sanka ka keenaysid fetamiinkaas macaan.”

“Feri guud! Feri guud! Warde waa sidaan kaa filayaye.”

“Hadda anigu horaan kuu iri: Meeshaan kaa jiro dabayli kaa soo geli mayso! Adiga uun baan kuu shaqeeyaa; nin aan adiga ahayn in aanan waxaas iyo wax u dhow midna u sameeyeen waataan curadkayga waayaa!”

Jaamac Dhegay qosol baa ka soo baxsan gaaray. Wuxuu ku sigtay in uu yiraahdo, “Curadkaagu nasiib daranaa, haddiiba uu jiro, imisa nin baa maalin walba sidaas loogu dhaartaa, si lacag looga godliyo.”

Mase orane intuu uurka ku ceshaday buu afkana nifaaq keedii u dhigma ka yiri, “Maxaad u dhaaranaysaa Xaajiya, ma taasaad aniga ii sheegaysaa, meeshaydaan ku fadhiyaaye, abaal-gudkeediina diyaar baan la ahaye; ii wad qorshihii arooska yar.”

“Dhagayso, Fiilladii Cagaarnayd sow inoo cidla ma aha?”

“Boqol fiilloo cagaaran baa inoo cidla ah.”

“Halkaasaan qorsheeyey in aad kula aqal gashid.”

“War dhammaaday weeye.”

“Haddaba laba arrimood oo yar-yar keliyaa adiga lagaaga baahan yahay; hawsha inteeda kale aniga igu daa maal iyo muruqba.”

“Maxay yihiin labada arrimood? Wixii la iiga baahan yahay oo dhan ii sheeg, diyaar baan u ahaye!”

“Mayee waxba lagu dhibi mayee, arooska dhibta waa laga ilaaliyaa, illayn ‘hawl’ culus baa sariirta ku sugaysee!”

Qosol dheer baa lagu wada dhuftay, Beyddan baa kala goysay ee tiri, “Kow dheh, kaftanku ha ii dambeeyee, sac baa raaf igu hayee, waxaa lagaa rabaa in aad shaqaalihii Fillada Cagaaran amar degdeg ah siisid. Hadda talefoon u dir, waxaad tiraahdaa: hablaha idiin imaan doona soo dhaweeya, guriga u fura, qado la yaqaanna ha loo sameeyo.”

“Taas gartay. Haddaan amrayaa. Ka walwel la’aw!”

“Waxaan ugu warramay gabar aan habaryar u ahay baad maanta la qadaynaysaa, marka waxaan rabaa gabdhahaygii baxbaxsanaa middood intaan fillada u sii diro, in aan iyadana ka daba geeyo, ee ay halkaas ku soo dhawayso sidii qof guriga deggan; ilaa maantana ku maaweeliso inta ay ka qalo-goynayso; illayn qoftu waa iska carruuroo wixii xalay qabsaday bay wali la calool xuntehee! Ma i af garatay?”

“Aad iyo aad.”

“Adiga iyo saaxiibbadaa midkood fiillada dhankeeda kale iska soo harsada; laakiin ilaa gabbal-gaabka ha is tusina. Calaa kulli xaal, intaas ka dib, qorshuhu si uu u socon doono, innagoo wada joognaan isla habeyn doonaa, hadda talefoonka kuma wada dhammayn karno; anigaa goor dhow Xafiiska kuugu imaan doona. Hadda fiilladii talefoon u dir, anigana gaari aan ku shaqeeyo ii soo dir!”

“Waa yahay.”

“Xoogaa gabdhuhu waxyaalo yar-yar oo ay u baahan yihiin ku sii gataanna shufeerka ugu soo dhiib, waxa kaloo dhan anigaa dabbarayee!”

“Waa hagaag! Waxa kale adigu dabbar!” buu afka ka yiri, isagoo uurka ka gunuunacaya ee niyadda ka leh, Waxa kale anaa dabbaraya ku te! Maxaad kaloo dabbaraysaa i cayraysaye? Maxaadse gabdhaha masaakiinta ah u hafraysaa? Lacag aan soo dhiibo in aadan la socodsiinayn waxna ugu gadayn halkaygaan ku fadhiyaaye! Iska wad kollay maanta halladaad baad igu haysataayoo kawaankaan kuu saarnahaye!

Intii Bayddan talefoonka ku hadlaysay, Faadumo-Yarey waxay ugu dhakanaysay bersadda u furan qolka jiifka ee talefoonku ku jiro. Wixii ay ku hadlaysay eray-eray bay u maqlaysay. Markii Beyddan qolka u gudubtay ka dib bay Faadumo bersadda soo gashay. Armaajo bersadda taal bay alaab jikada uga soo doontay. Arrinta Beyddan ka hadlayso markay maqashay bay aad u danaysay. Armaajadii bay hoos fariisatay, indheheedii alaab been-been ah ku jeedisay, maankeedii iyo maqalkeedii oo dhanna hadalka qolka ka yeeraya ugu dheg raaricisay.

Eraygii ay maqashaaba amankaag iyo uur-xumo is-huwan buu ku sii kordhinayey. Markaas ka hor arrinta Maana-Faay jaahwareer bay ku ahayd. Ujeeddada Beyddan uga dan leedahay bay garan la’ayd. Hadda uun bay wax waliba u caddaadeen, markay dhacdooyinkii oo idil isu geegeysay. Markaan uun bay fahamtay shirqoolka loo dhigayo ‘saaxiibteeda’ cusub runtiisu waxa ay tahay. Ciil iyo calool-xumo hor leh bay faruurta dhexda ka qaniintay. Illayn wixii hore ee Maana xalay ka ooyeysay waxba ma ahayn! Tan loola soo dhakan yahay aaba ka daran! Alla yaa u diga miskiinta! Yaa yiraahda minankaas ha isku tagin! Yaa dhaha wali waa caymataaye meesha ka carar! Sug, intaan duqdu soo bixin aan u soo sheego!

Intay xagga iyo xagga iska fiirisay bay iridka ‘furdux’ ka tiri, iyadoo wadnuhu ‘jugjug’ leeyahay, sidii tuug aan waaya-arag ahayn oo aqalkii ugu horreeyey udhacaya! Iyadoo daaraddii Maana fadhiday ku sii ordaysa, ayay gadaasheeda ka maqashay cod ay neceb tahay oo ku tannaagoonaya, “Naayaa Faadumo.”

“Heeh!” meeshay ka oran lahayd “haq” intay tiri bay halkeedii ku qallashay! Dhawaaqaas ka daba yeeray, halkii uu nafsaddeeda uga dhacay haddii xabbadi uga dhici lahayd, way uga dhaawac yaraan lahayd! Waxay la noqotay, wixii maankeeda ku jiray in ay Beyddan daalacatay, dhawaaqeedaasina yahay yaa ku yiri war sheekood oo sirtayda kashif? Dhulka iyo cirkuba intay la wareegeen, bay ku sigatay in ay dhacdo! “Naa kaalay dukaanka alaab iiga keen!” bay haddana gudaha ka maqashay. Amarkaas dambay ku yare degtay.

Intii ay dukaanka ku maqnayd oo dhan, waxay ka fekeraysay sidii ay ku heli lahayd fursad ay Maana-Faay ugu digto, inta goori goor tahay. Waxay ka raja qabtay in ay fursaddaas heli doonto inta islaantu ku hawlan tahay gaariga ninkii ay la hadlaysay u soo diri doono iyo gabadha ay u sii diri doonto ‘Filladii’ ay sheegaysay.

Waa arrin suurta-gal noqon lahayd, haddii Faadumo dhakhsan lahayd; laakiin dukaanka loo diray oo fogaa ayaa u diiday in ay soo dhakhsato.

Intii ay maqnayd ayuu baabuurkii yimid, Beyddan sii yare raacday, Seynab oo guri aan fogayn joogtay ku sii dartay, dardaaran buuxana siisay, ka dib gurigii iyo gabadhii ku soo laabatay. Faadumo-Yarey waxay timid goor waxaas oo dhammi dhaceen, gaari intuu Seynab Filladii Cagaarnayd geeyey, jidka ku soo jiro, Beyddan intay Maana-Faay gambar soo ag dhigatay, maaweelis iyo madax salaax la ag fadhido.

 

— 13 —

Sahra Yuusuf Talaadadii iyo Arbacadiiba imtixaan bay ku mashquulsanayd. Maana-Faay iyo cid kaleba uma kansho helin. Barqadii Khamiista, markii quraacda loo soo baxay bay is tiri, Qoftii saaxiibtaa marna dumaashidaa ahayd waad moogaataye maanta ka war doon. Waa in ay ka waraysataa walaasheed Leyla. Talefoon bay qabsatay. Markay shan lambar wareejisay, ayay macallimiintii ag joogtay maqleen iyadoo leh, “Maalin wanaagsan! Walaal waxaan rabi lahaa in aan la hadlo kalkaaliso Leyla Xaaji Muumin?”

“Walaal, qolka qalliinkay takhtarka kula jirtaa, mana looga yeeri karo!” ayuu cod dhaddigeedkii talefoonka ka qabtay ugu jawaabay.

“Waa hagaag,” intay tiri bay sammaacaddii dhigtay. Haddana intay qaadday bay shan lambar oo kale wareejisay; in yar ka dibna tiri, “Sow ma aha Warshadda Muraayadaha? Maalin wanaagsan! Walaal bilisxaanak ma ii sheegi kartaa Injineer Axmed Jaamac in uu Jilib ka soo laabtay iyo in kale?”

“Haa walaal, shalay buu soo laabtay, haddase ma joogo, maanta wuu yare fahma darraayoo goor dhawayd buu fasax qaatay.”

“Mahadsanid!”

“Adaa mudan! Soo dhawow!”

Aad bay ugu faraxday imaatinka Axmed. Xil culays weyn ku hayey buu ka furanayaa. Go’aan deg deg ah bay gaartay. Waa in ay galabta wax badan qabataa. Axmed iyo Maanaba isu martaa. Mashruucii isu guurintooda u hawl gashaa. Wixii dhacay Axmed uga warrantaa. In arrinta la dadajiyo ku guubaabisaa. Dib-u-dhigasho dambe waa dhammaatay. Isla caawa waa in gabadha cidda la soo baraa. Maana-Faay quruxdeeda iyo qiimaheeda abti Jaamac la soo tusaa. Wixii maanta ka dambeeyana loo aqoonsadaa qof rasmi ahaan uga tirsan qoyska reer Jaamac Dhegay.

Waalidkeedna dan baa loo heshiin doonaa. Jacaylka iyo rabitaanka labadooda ayaa wax kasta ka adag. Maalintaas oo idil Sahra qorshahaasay qaadaa dhigaysaa, marba wax ka baddelaysaa, wax ku daraysaa ama ka dhimaysaa.

Afartii galabnimo ayuu Axmed Jaamac ku naxay gacan dhiirran oo albaabkii uu hoosta ka xirtay ku garaacaysa. Gaw-gawdii buu gansaday. Qofna in uu qaabbilo ma doonayn. Casarkaas Khamiisaad ee isaga u madow, in cidi aragto ama ka hadliso aad buu u dhibsanayey. Cidla-raadis buu maanta shaqadii oon dhammaan uga soo fasax qaatay. Qadona kuma leexane, toos buu qolka isugu xiray. Qarracankii shalay-galab, hurdo-seeggii xalay, qalbi-fuqiddii saaka, isla hadalkii maanta; intaas oo isu kaashatay ayaa caafimaadkiisii wax weyn u dhimay, dhadhankii cuntadana ka dhumiyey. Wuxuu dareemayey culays ku habsaday iyo caafimaad-darro guud oo jiirgo’ iyo madax-wareer u badan.

Isagoo sariirta gorofsan, hurdase ilaa shalay il guduudin ayuu gaw-gawda maqlay. Giirkuu la sara kacay. Wadnahaa gariiray.

Go’naye waa iyadii! Qoor iyo xero waa soo noqotay! Hiyigaa mar qura kacay. Laabtaa hafeefatay. Habbisadii baa ka duushay. Sow kan baal ka fududaaday! Hadda maxaad samaysaa? Wallee waa la is hayaa. Maad hore u sii tashatid? Ma anaa imaatinkeeda filanayey? Intuba inta ka dhakhsa leh. Garaacii waa soo giirtey, gaw-gaw-gaw!

“Axmed!”

Guri ba’ay! Waa quud aan jirin qoryo u guro! Qoftuba iyadii ma aha! Waa Sahra Yuusuftii! Maxay iga soo doontay baladu?

Habbisadii baa ku soo noqotay. Meel lagu kala gabbado lama joogo! Intuu is dhibay buu albaabkii furay. Farxad iyo fudayd bay kula soo booddey, “Axmed! Abboowe!” iyadoo leh bay intay hab ku tiri dhabannada ka dhunkatay.

“Walaalle! Ii warran! Ilaahay ma ku nabad keenay?” Sahraa farxad dhab ah nabdaadinteedii ku sii wadatay, iyadoo boorsadii iyo garba-saartii dhiganaysa, sidii qof gurigeedii timid. War la’aaney ba’!

Markay intaas maraysay bay wax gansatay. Waxay dareentay in uusan farxadda iyo salaanta la qaybsanayn. Si fiican bay u eegtay. Mise wiilka wajigiisu waa baddelan yahay. Indhihiisa guduutay, ee godka kasoo jeestay bay ka naxday. Aamuskiisa aan caadiga ahayn bay sharaysatay.

“Abboowe, ma xanuunsan tahay?” bay cod dhiillaysan ku waydiisay.

“Waan iska yare xanuunsanahay,” buu ugu jawaabay, isagoo sariirta madaxeeda barkinta ku sii dhacadiidsanaya.

“Sidee laguu hayaa bisinkee?” ayay walwal badan ku waydiisay, intay soo ag fariisatay. “Maanta mar aan Warshadda kaa wacayna ‘waa fahma darraa’ waaba la igu yiriye?” Sahraa u raacisay.

“Wallaahi Sahraay sida la ii hayo kuu sheegi kari mayo, keliya waxaan kuu sheegi karaa in aan caafimaadkaygu wanaagsanayn.”

“Alla abboowe xaggee lagaaga badan yahay? Takhtar ma u tagtay? Isbitaal ma ku geeyaa?”

Su’aalo badan oo walwal daacadnimo iyo u danqasho walaalnimo ka muuqdaan markay isu daba qabatay, ayuu arkay in loo baahan yahay in uu dajiyee qaboojiyo, markaasuu yiri, “Maya gacaliso! Waad mahadsan tahay! Jirro sidaas ahi ima haysee, waa iska juuc-juuc iyo daal wali iga bixin. Iska warran adigu?”

“Nabad! Dhibaatada iigu weyn maqnaantaadaa keenaysay; haddaad timidse waa khayr. Markaad baxday baa dhibaato bilaabatay! Waqti aan loo baahnayn baad tagtay. Xalay ma is aragteen Maana-Faay?”

Markii “Maana-Faay” afkeeda ka soo baxday buu isagoon is ogayn ku qayliyey “Aa!” gacantana dhafoorka kula booday, sidii xabbadi kaga dhacday! Sahra waa isku naxday. In yar bay amankaag la aamustay.

Haddana hadashay ee tiri, “Maxaa kugu dhacay?”

Markuu cabbaar isagoo dhafoorrada haysta ka aamusnaa buu goor dambe yiri, “I dhagayso Sahra! Haddaad walaalnimadeenna qiimaynayso, gabadhaas aad magacawday mar dambe hadalkeeda ha igu soo qaadin, magaceedana ha i maqashiin!”

Intay afka gacanta saartay bay tiri, “Amaraa i haysta! Saanna maxay ahayd? Abboowe maxaa dhacay, gabadhaas waaba tii dhammaydoo aan galabta arrinteeda kuugu imide? Xaggee amarku ka dhacay? Warka ii caddee!”

“Wax aan kuu caddaynayaa ma jiraan! Qoftaas hortiina adaa qoorta ii galiyey, qof aadan waxay tahay aqoon. Dhibaatada maanta i haysata adaa ii horseeday; haatanna qoftaas hadalkeeda haddaad igu sii wadwadid, guriga waan kaaga baxayaa!”

Sahra intay eedayntaas jid-darrada ah ka kululaatay bay tiri, “Adeerow aniga waxba buuro ha ii korine waxa aad damacsan tahay runtooda ii sheeg! Maxaan qoorta kuu galiyey? Ma qoftii markaad igu waashaye, jiif iyo joogba ii diiday, aan gacanta kugu siiyey, ee aan dhibkaan ogaa aawadaa uga soo maray baad maanta iigu abaalgudday in aad tiraahdid ‘dhibaataad ii horseedday!’ Maxay tahay dhibaatadaan kuu horseeday?”

“Dhibaatada ka weyn maxay tahay,” Axmed oo markiisa in uu is difaaco u soo jilba-jabsaday baa bilaabay, “In aan halka la jiifo jacayl indha la’? Maxaa igu jirrabay in aan jeclaado naag habeenba meeshii gabbalku ugu dhaco geerash loola fariisto?”

“Waa maxay waxa aad ku hadlaysaa? Ma Maana-Faay Xaaji Muumin baa geerash loola fariistaa? Mise qof kalaad ka hadlaysaa?”

“Qofta aan ka hadlayo waad ogtahay.”

“Ma ciyaal-suuqii aad hoosta ku wadatay baa quraan-dhurwaagaas kaa soo dhaadhiciyey?”

“Anigu ciyaal-suuq war kama dhagaystee, wax aan indhahayga ku soo arkay baan ka hadlayaa.”

“Maxaad indhahaaga ku soo aragtay?”

“Waxaan ku soo arkay shariifadda aad sheegayso oo qaad-wale qaawan hoosta uga jirta, qaadkii ay afka ugu guraysayna gacanta ku haysata! Intaasi ma ku deeqdaa?”

Intay amankaag afka sacabka saartay, indhahana fagiijisay sidii iyadoo kala hubinaysa ninka hadlayaa in uu ina abtigeed Axmed Jaamac-Dhegay yahay iyo in kale, ayey ku muusa-nawday, “Ba’ayeey! Wiilkii waa naga waashay! Abboowe! Ma qarwaysaa, mise waa soo jeeddaa? Maxaad ii tiri jirro caynkaas ahi ima hayso? Sow adigaan isku darmaday? Ina keen takhtarkii madaxa kuu geeyee.”

“Labadeenna qofkii miyir-qab u dhow waa la ogaan doonaaye, haddaad ii sama falaysid, sheekadaas iga xir!”

In ay ka xirtaa kama suurtoobi karin. Boqollaal su’aalood bay ku soo celisay. Inkastoo ayan been uga baran aad bay ugu adkaatay in ay waxa uu sheegayo rumaysato. Waxay ku khasabtay in uu sidii ay wax u dhaceen tallaabo-tallaabo iyo eray-eray ugu sheego: laga soo bilaabo xog-warrankii Kulmiye ku salaamay, talefoonkii Ciise-Dheere ku dareen galiyey, islaantii shalay Xafiiska ugu wargeysay, aqalkii ay u tilmaantay iyo foolxumadii uu kala kulmay, ficilkii uu sameeyey, ilaa imaatinkeedii ay saaka guriga uga daba timid iyo sidii uu ugu gacan sayray.

Sahra dhaka-faar iyo dhaygag bay dhabannada la qabsatay. Cabbaar bay fekertay. Madixii baa cuslaaday. Maabkii baa ka khaldamay. Mar dambay intay sacabbada isku dhufatay, la soo boodday, “Maya Axmed! Ma dhici karto! Aslanba ma dhici karto! Wax kalaba ii sheeg! Warkaaga ma beensanayo, laakiin wax kalaa meesha ku jira! Arrintaas waa in laga sal gaaraa!”

“Awelba anigaa waallaa,” Axmed baa yiri, sidii isagoo keligi isla hadlaya, gabadha hadalkeediina u dhag raaricinaya. “Markii aan hablaha haatan jooga aamminay, ee qalbigayga u huray! Hadimadooda horaa la iiga digaye, anigaa qaadan waayey; dhegweynnimadaydii baa halkaas i dhigtay! Ka marag Kulmiye in uu iga waaya-aragsan yahay. Bilaash baan ugu gacan sayray. Waa iga qummanaa markuu i lahaa, ‘Gabar maanta joogta la isma raaciyee, inta laba habeen lagu moodaa la yiraahdaa cagta saar waddada.’”

“Waan ka xumahay in aad galabta ku dhaadato cashar riqiis ah oo ay kuu akhriyeen Kulmiye iyo wax la ayni ah!” Sahraa ku tiri cod ay ka dhadhamayso in ay dhab ahaan uga xun tahay.

“Isagaa runnimada uga dhow casharkii aad ii akhriday berigii aad gabadhaas is kaaya baraysay,” Axmed baa kula dooday, “Miyaadan maanta arag in aad khaldanayd, markii aad igu wacdinaysay, ‘Gabdhaha nimankaa intay khatalaan cidla uga taga?’ Waa tane gabadhii aad i lahayd ha khatalin, sow iyadu ima khatalin?”

“Anigu wali ma rumaysni.”

“Maxaadan rumaysnayn?”

“In ay Maana ku khayaantay iyo in ay waxa aad sheegaysay ku kacday iyadoo miyirkeeda qabta!”

“Haddaad rumaysanaysid iyo haddii kaleba, way ku kacday baan ku leeyahay; waxayna igu kalliftay in aan qaato taladii aan Kulmiye hore ugu diiday, in aanan naag dambe daacad u noqon, iyo in aan wax guur la yiraahdaba qorshahayga ka saaro! Maanadii aan malaa’igta u haystay haddii ay sidaas noqotay naagta damboo la aammini karaa ma cirkay ka soo dhacaysaa? Shan fac bay iiga xaaraansan yihiin!”

“Maqal walaale!” Sahraa tiri, iyadoo erayada carrabka ku adkaynaysa, “Waad ku khaldan tahay go’aankaas degdegga ah. Xalay waad fududaatay, saaka waad carruurowday, haddana waad degdegaysaa, haddaan runta kuu sheego! Laab-la-kac yuu ku qaadin! Degganaan iyo hubsiinaa loo baahan yahay. Adduunkaan wax waliba way dhici karaan. Horaa loo yiri hubsiino hal baa la siistaa.

“Anigu Maana aqoon baan u leeyahay. Wixii ka suurtooba iyo wixii aan ka suurtoobi karinna si fudud baan u garan karaa. Wax naf-hurid la yiraahdaa haddii ay adduunkaan jiraan, qoftaasi Axmadow adigay nafteeda kuu hurtay, indho aan adiga ahaynna ma leh. Haddii aad garabkeeda ka baxdidna waan hubaa in aan ifka nolol dambe u jirayn, adiguna goor aan goor ahayn baad ka shallayn doontaa.

“Toddobaadkaan bilowgiisii gabadhaasi waxay aawadaa u samaysay naf-huriddii u weynayd ee qof eynigeeda ahi samayn karo; waa arrintii u weynayd ee aan galabta kuugu imid in aan kula socodsiiyo; waxaa dib iiga riday mushkiladdii cusbayde aad iga hor keentay.”

“Maxay samaysay?” Axmed oo warka cusub u hanqal-taaggiisa hora tibyeysanaya ayaa waydiiyey.

Waxay uga warrantay arooskii ballaarnaa ee Xamar-Weyne laga abaabulay iyo sidii Maana-Faay isaga daraaddi ugu burburisay. Wixii dhacay oo idil bay u faahfaahisay: dagaalkii qoyska, dumiddii labada aqal, dayrintii Maana, daydayiddii ay isaga raadisay, dadaalkii Leyla, daahiddiisii la raagsaday iyo illintii badnayd ee Maana-Faay ka daadatay.

“Haddaba walaalow, Ilaah baan kugu dhaarshaye,” Sahraa ugu gabagabaysay, “Sidee baan ku rumaysan karaa, qoftii caynkaas ahayd, horana labadeennuba aynu dabcigeeda iyo raadkeeda u niqiin, intii aad maqnaydna xalay iyo habeen hore ka hor meesha ay joogto iyo waxa ay ku sugan tahay aan saacad-saacad ula socday, ee waliba intii badnayd aqalkayga joogtay, sidee ku rumaysan karaa qayilaad iyo tumashay u banbaxday? Goormay waqti iyo niyad u heshay in ay niman kale shukaansato? Ma hal mar bay heerkii tumashada u dambeeyey dariishadda uga soo boodday?”

Axmed iskuma dayin in uu Sahra uga jawaabo su’aalahaas iyo kuwo ka sii badan oo ay miiska soo saartay. Sidii isagoon maqlayn buu meel kale u sii jeeday. Wuxuu isku dayayey in uu helo jawaab marka hore isaga qancisa. Warkii cusbaa wuxuu ku noqday mucjiso hor leh. Hal-xiraale murugsan. Mawjado is hardinaya. Madixii baa sii cuslaaday. Su’aalo badan buu Sahra ku celceliyey, intii ay warka u wadday. Isagaa keligii aamuska iskula doodayey. Wuxuu u kala baxay laba nin oo iska soo hor jeeda; mid Maana-Faay eedaynaya iyo mid difaacaya ee marba qiil u raadinaya.

Waxa uu ku walaacayo Sahra way malaysay. Wixii aad ku oran lahayd u dhammaysay, bay is tiri. Waqti in ay ka tagto ku habboon buu la noqday. Waajibkii ay galabtaas isa saartayna wali fari kama qodna. Waa in ay waqtiga ka faa’iidaysataaa. Intay Axmed iyo saacadda midba mar eegtay bay tiri, “Axmed! Hadda waan kaa tagayaa. Halka aan aadayana kuu sheegayaa. Gabadhii baan raadinayaa… Markii aan…”

“Ma anigaad ii raadinaysaa?” Axmed baa ka dhex galay. “Ii raadin maysid gabadhaas.”

“Sug hadda, warka waa la iska maqlaaye! Macangag ha iska dhigine!” Sahraa ku canaanatay. “Hadda waxaan abbaarayaa gurigii walaasheed Leyla. Kollayba halkaasay joogtaa. Iyadii waan arkayaa. Baaris kalena waan samaynayaa. Arrinta xaqiiqadeedii anigaa soo salgaaraya, markaas ka dib baan kugu soo noqon doonaa; adigu keliya iga ballan qaad in aan caawa guriga kaa helo!”

“Waad iga heli doontaa,” buu si qabow u yiri.

“Waa hagaag! Nabadgelyo!” bay tiri, iyadoo sii baxaysa. Tagsi bay hore ka boobtay. “Walaal Boondheere iga gaarsii!” tagsiilihii bay ku adkaysay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *