Laheystayaal

Cabdullaahi Janno

[email protected]


Magaceyga kuuma sheegayo. Waxaadse ii taqaannaa si qoto dheer. Si ka qoto dheer aqoonta aad adigu isku leedahay. Qabiil aanan ku jirin wuu yar yahay. Waxaan kuu ahay xiddig. Waxaad ii tahay laheyste. Danahaaga ayaad igu aamintay. Oo ammaan iigu dartay. Mowqif iyo mabda’ ma lihi—oo daneyste ayaan ahay. Nasiib wanaag, waa adiga cidda magac iyo karaamo ii yeeshay. Waa adiga cidda aan awrka ku kacsado. Ku daneysto. Haa, waa adiga shacabka ah cidda i garab taagan. I buunbuuniso. Ii doodda. Geesinnimo aanan anigu laheyn igu abuurtay. Waa adiga shacabka ah cidda magaceyga faafiso. Sheegsheegto. Faaniso. Waddani iigu yeerto. Geesi iigu yeerto. Mujaahid iigu yeerto.
Alleylehe waxaa jiro kuwo caqli leh, oo si dhab ah u og inaan ahay tuug. Qaa’in. Beenaale. Dilaa. Dagaal-ooge. Qabqable. Daalim. Misana way isaga key hiilliyaan. Way ii nacamleeyaan. Way ii sacabo-tumaan. Way ii jidboodaan. Ii geeraaraan. Sawirro ila galaan. Oo caleemo qoyanna ii lulaan. Ogow, iskama abuurmin. Waxaa i abuuray shacabka. Oo i naaxiyay. Oo aan ku tiirsanahay. Waxa ayna shacabku nafaqo iiga dhigaan xasadka iyo dulmiga. Markaasaan sii dhiirradaa aniguna.
Ma kuu sheegaa sirta aad iigu noqotay laheyste? I dhageyso. I dhuux. Xitaa haddii aan kuu sheego sirta aan kugu xukumo, cabsi kama qabo dhankaaga. Xasuusnow, waad i boqortay. Hoggaan iga dhigatay. Igu aamintay codkaaga. Igu aamintay aayaha reerka iyo caruurtaada. Inta aan qabiil kale dulminayo waxaan agtaada ka ahay shariif. Awliyo. Halyeey. Xaaji. Waddani. Hoggaamiye. Sheekh.
Bal aan ku noqdo sirta aad laheystayaal iigu noqoteen. Hana hilmaamin anigu kalsooni iskuma qabo. Waxaan ahay fuley. Hayeeshee shicibka adigoo kale ah ayaa ii hiilliya. Waa su’aalee sideen kuugu noqday xiddig? Sidee adiguna laheyste iigu noqotay?
Jawaabtu waa sahal. Lix qolo ayaan ku tiirsanahay. Hiilna iigu deeqay—adigana kaa hiilliyay.
Kow, aqoonyahan ayaa garab ii ah. Waxay igu difaacaan qoraallo iyo wareysiyo ay qiil ugu bixinayaan waallida aan ku dhaqmayo. Haddii aan wax laayo ama dibindaabiyo, waxay ii bixiyaan cudurdaar. Waxay igu tilmaamaan hoggaamiye fiiro dheer leh, oo dadkiisa iyo dalkiisa jecel. Waddani ah.
Labo, wadaaddo ayaa aayado iyo xaddiisyo qiil iigu bixiyo. Hadii aan dhintana janaasadeyda u tartamaya, dunidana ku faafinaya inaan ahaa mujaahid shahiid ah.
Saddex, rag abwaanno ah ayaa ii geeraaro. Sidii qof xaaji ah ii qaddariyo. Wanaag inaan sameeyay ii qiro. Danta shacabka inaan hormuud u ahayna igu ammaano. Waxay sidoo kale iga difaacaan abwaannada kale ee i dhaleeceeyo.
Afar, hablo ayaa buraanbur iigu mashxarado. Ii alalaaso. Ii duceeyo. Iigu xadreeyo inaan ahay geesi. Lib aan mudanna i siinaya. Waxay igu ammaanaan laandheerinimo. Halyeynimo. Cad-goosi. Ragannimo. Cajiib!
Shan,weriyayaal badan ayaa awliyo iga dhigo. Waxay igu sheegsheegaan mareegyada wararka ee qabiilka. Oo gefkayga ka dhigaan mid xaq ah. Dan ah. Dadkii aan dulmiyay ayay qalinka ku sii dulmiyaan—eeddana dusha uga tuuraan. Dulmigii aan geystayna qalinka ayay ku asturaan, oo ii xulaan ereyo dabacsan. Sawirradeyda ayay maalin walba soo dhejiyaan sidii inaan ahay qof jiro oo waxtar leh.
Lix, dhallinyaro caadifadeysan ayaa sawirkeyga iyo hadalkeygaba ku faafiso facebook iyo youtube. Oo intaas i ammaanaya. I difaacaya. Oo ii nacamleeya. Wanaag aan anigu isku aqoonna igu sheego.
Xaasha!
Soo ma aragtid, in aad laheytayaal ii tihiin? Waxaan ahay gardarro garab og. Miskiin. Nin hiil leh ayaan ahay. Cidda ii hiillisayna waa adiga shacabka ah. Cidda aad ka hiillisayna waa nafsaddaada—dantaada. Aayahaaga. Jiritaankaaga. Karaamadaada. Sirta aan kaaga adkaaday waa middaas. Waana ogahay waxba igama qaadi kartid. See wax iiga qaadi kartaa? Ma leedahay awood? Miskiin. Labaatan iyo saddex sano ayaad laheyste ii tahay. Heeryada ku saaran sidee isaga rogeysaa? Iga filo inaan sir labaad kuu sheego mar dhow—kolleyba waan hubaa inaadan waxba iga qaadi karin,e. Miskiin.
Mid xasuuso: aadunuhu wuxuu nafsad ahaan iska jecel yahay inuu muuqdo, oo uu tartamo, oo la sheegsheego. Dunida hormartay, nin walba takhasuskiisa iyo waxqabadkiisa ayuu ku muuqdaa oo abaal-marinno lagu siiyaa. Mid baa aqoonta ku qaato abaalmarinta Nobel Prize-ka; mid baa ku soo caan-baxo tartanka ciyaaraha; mid baa ku soo caan-baxo hindisidda wax cusub sida Facebook; mid baa ku soo caan-baxo inuu quuso badaha salkooda; mid baa ku soo caan-baxo tafidda buuraha dhaadheer; mid kalaa ku soo caan-baxo inuu duur-joogta daraaseeyo; midna dhanka fanka iyo farshaxanka. Annaguse Soomaali ahaan hal meel ayaa si’aad ah looga muuqdaa waayahan danbe: waana siyaasadda.
Nasiib darro, anigu kuma soo shaac bixin siyaasad wanaag iyo qaran dhisid. Hawlahaasi aqoon uma lihi. Anigu waxaan ku soo caan baxay inaan huriyo colaad. Inaan adeegsado ereyga looma dhamma. Inaan xasdo oo farta ku fiiqo xumaanta qabiillada kale. Inaan ku gooddiyo oo gurbaanka u tumo colaad sokeeye.
Ma kuu sheegaa wax iga yaabshay? Waxaa iga yaabshay inaad ii hiillisay. Oo aad ii soo qaaraantay. Oo aad curadkaagii labaatan jirka ahaa ciidan iiga dhigtay adigoo og inaan qabri u wado. Adigoo og inaan duur cidlo ah kaga carari doono dhaawaciisa. Adigoo og in meydkiisa ay haaddu feenan doonto. Adigoo og inaan daneyste ahay oo aanan kala jecleyn wiilka ii dagaallamayo iyo xaar-walwaalka. Miskiin! Illeyn sagaaro ima barato.
Nasiib wanaag, iskuma xishootid. Oo ma waantoowdid. Oo caqliga kama shaqeysid. Oo weliba adigoo og inaan shalay duur uga soo cararay dhaawacii wiilkaaga ayaad misana maanta walaalkiisii ka yaraa ciidan iiga dhigeysaa. Oo sabab? Ma caqligaad la’dahay? Haddii aan shalay wiilkaagii dagaal u kaxeeyay, maad i yureysid? Oo ila xisaabtantid? Maxaad iigu hibeynaysaa wiil kale? Soo hooyo ma foolan? Soo isaguna uma laqman doono sidii walaalkiis shalay? Maya, caqliga ma li’id. Ee qalbadda ayaad la’dahay. Qalbadda? Sidee?
Halkii aad aniga ii caroon laheyd, oo aad igu eedeyn laheyd dhimashada wiilkaaga, waxaad caro iyo cuqdad u sii qaadeysaa qabiilkii uu wiilkaagu la dagaallamay. Waa sidaan rabayee markaasaan aniguna sii dhiirradaa. Oo idaacadaha ka dhaartaa. Oo colaad cusub huriyaa. Oo durbaan dagaal garaacaa. Saa mar labaad iyo mar saddexaad iyo mar kunaad ayaad wiilashaada iiga dhigtaa ciidan. Weliba adigoo raalli ah. Miskiin. Laheystayaal weligood ma xoroobaan. Anigu kama daallo inaan colaad huriyo, adiguna kama daashid inaad iigu taageertid. Oo xaggee iiga hareysaa? Miyaadba iga hari kartaa? Fiqi tolkii kama janno tago—waa murti Soomaaliyeed.
Bal eeg, qasaare waxaan aheyn igama dheeftid. Halkii aan Soomaalida isku keeni lahaa, aniga ayaa sii kala didiya. Halka aan qaranka dhisi lahaa, waan sii kala furfuraa—ama aan siyaasad ku kala furfuro ama aan qori ku kala furfuro. Halkii aan wax ka qaban lahaa barakacayaasha xerooyinka daadsan, aniga ayaaba abuuro barakacayaal cusub. Idinka shicibka ahina waad igu taageertiin. Keliya waxaa un idiin muuqdo nabarka aan gaarsiinayo qabiil kale. Hayeeshee ugu danbeyntii cidda uu wiilku ka dhintay waa adiga. Cidda ay degmo ama tuulo ka gubatay waa adiga. Cidda ay lacag iyo waqti ka luntay waa adiga. Miskiin laheyste ah. Markii aan arko inaad baabah ku noqotay colaad aan dan ku watay, waxaan ka hadlaa idaacadaha. Oo aan beesha caalamka ka baryaa in ay gargaar u fidiso barakacayaashiinna. Markaasaad halkii aad ila xisaabtami laheydeen ayaad iigu deeqdaan ammaan iyo bogaadin ku aaddan hadalka aan
idaacadda ka sii daayay. Markaas ayay rajo cusub i soo gashaa. Rajo ah in weli aad laheystayaal ii sii noqon kartaan. Ebed.
Bal eeg qasaarooyinka aan idiin geystay gudaha iyo qurbahaba. Weligaase ma is weyddiisay dhibta aan kuu geystay adiga shicibka ah?
Kow, qaxooti ayaan ka dhex abuuray dalkii gudihiisa. Caruur iyo cirroole ayaa barakacayaal ku ah xerooyin dalka gudihiisa ku yaallo. Waa dad Muslimiin ah. Misana Soomaali ka sii ah. Waxaad oggolaateen in ay dadkaasi beylah u noqdaan cudurro, dhaxan, gaajo, roobab, iyo kufsi. Kamana danqataan.
Labo, dalkii ayaan curyaamiyay dhan walba. Oo dunida ka reebay. Magac-xumana u soo jiiday.
Saddex, dhallinyaradii ayaan ku qasbay inay tahriibaan maadaama aan ka burburiyay dalkoodii.
Afar, dhallinyartii aan u qixiyay qurbaha waxaa qaar lagu addoonsadaa Yemen; qaar waxaa lagu laayay Liibiya; qaar badda ayaa liqday; qaar waxaa lagu gubaa South Africa; qaar waxay ku jiraan xabsiyada Giriigga; qaar kalena ku dayacan yihiin waddooyinka dalka Talyaaniga. Waxaan idin gaarsiiyay heer aan idinku sharfo in la yiraahdo xeryaha qaxooti ee dunida ugu weyn ee Dhadhaab waxaa deggan Soomaali. Kolleyba waan ogahayoo ceeb idinma karto. Indhihiinnu waxay ku sii jeedaan xifaaltan qabiil iyo iska dhici reer hebel. Ishiinu ma qabato meel shishe—meel sokeeyena ma dhaafto.
Shan, waxaan diiday inuu dhasho qaran Soomaaliyeed. Waddankiina waxaan ka dhigay bahalo-galeen illaa ay abuurantay al-Shabaab oo dhulkii fasahaadisay iyo shisheeye miirtay kheyraadkii dalka.
Lix, waxaan qiimo-beel ku riday dadnimadii muwaadinka Soomaaliyeed. Bal eeg, markuu qaran helay ayuu Cabdi Bile wacdarro ka muujiyay tartanka oroddada adduunka. Bal eeg, markuu qaran helay ayuu Mo Farah guul u soo hoyay dalka Ingiriiska. Bal eeg, markuu qaran helay ayuu Magan Daahir Yuusuf wacdarro ka muujiyay ciyaaraha kubadda miiska ee dalka Holland. Dhallinyaradaas guusha waxaa ugu wacnaa dowladaha ay ku tiirsanaayeen, kuna hoos noolaayeen. Taas caksigeeda, bal eeg dhallinyaradii Soomaaliya uga qeyb-galay ciyaarihii oroddada Olimbikada ee 2012 iyo London. Bal eeg ciyaarihii Olimbikada 2008 iyo China. Dhallinyaradii mataleysay dalka Soomaaliya waxaan ka dhigay dad lagu maadeysto. Qaran soo saaro ma’aysan heysanin. Anigaa u diiday—idinka shacabka ahna waad igu garab gasheen. Kuna mahadsanidiin.
Todobo, waxaan ku guuleystay in dalka Soomaaliya uu noqdo dal ay daashadeen gaajo iyo jahli. Dhallinyaro badan ayaan mustaqbalkooda mugdi geliyay. Xitaa kuwii waxbarasho helayna waxa aysan helin tacliin tayo leh oo gaarsiisa heer ay ku fikiraan. Ama ay ku hantaan aayahooda.
Dhibaatooyin intaa ka badan ayaan si toos ah iyo si dadban ugu geystay dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Welina waad i garab taagan tihiin. Oo i rabtaan. Qiilna ii bixisaan. Cajiib!
Waa su’aalee, miyuusan idinku jirin shaqsi fariid ah? Qof fariid ah oo iga qabta dulmiga aan idinku hayo? Dulmiga aan ku hayo naftiinna? Maalkiinna? Iyo magaciinnaba? Maad eegtaan sida aan dunida idiinkaga reebay? Oo aad uga harteen faciinna? Oo dhashiinna ay rubuc qarni dib u dhacday? Maya, maba idinka filayo inaad fahantaan dhibka aan idinku hayo. Ma idinkaaba awoodi karo inaad i qabataan? Ila xisaabtantaan? Miskiin. Dad laheystayaal ah awood ma leeyihiin? Dad uu qalbigu xasad la miriray dantooda ma gartaan? Aayahooda ma ceynsadaan? Karaamo ma yeeshaan?
Habraha iyo odayaasha waaba gartayee, maxaan ku mutay inuu ii hiilliyo wiil dhallinyaro ah? Oo labaatan jir ah? Bal eeg, iskool uma dhisin. Shaqo uma abuurin. Ceel uma qodin. Nabad uma oggoli. Tahriib kama baajiyo. Qaxootinnimo kama badbaadiyo. Reer iyo guri uma dhiso. Karaamo iyo magac uma yeelo. Waa nasiib wanaaggeygee maxaan ku mutay hiisha dhallinyarada? Shalay walaalkiis ayaan dagaal uga soo dilay. Maantana isaga ayaa ciidan ii ah—oo i garab taagan.
Waa sidaan sheegayoo aniga ayaa nasiib wanaagsan. Oo nasiib u helay shacab aan ila xisaabtamin. Shacab i kaalmeeyo. Shacab keliya un arko wixii aan farta ugu fiiqo oo ah reer hebel aynu iska dhicinno. Intaas un ayay ku qancaan. Oo igu daba feellaan. Igu boqraan. Ima dhahaan cisbitaallo inoo dhis. Ima dhahaan jaamacado inoo dhis. Ima dhahaan shaqo noo abuur. Ima dhahaan amniga noo adkee. Dantoodana iguma soo qaadaan. Fiicanaa! Su’aashu waxay tahay, qof laheyste ah miyuu khiyaar leeyahay? Iyo talo? Iyo cod?
Ogow wiilasheyda midna kuma dhinto dagaalka. Wiilal kale ayaan sidii xaabada ku guraa colaadda. Markaasaan misana dhaawacooda cisbitaalka ku booqdaa anigoo taay iyo suut madow xiran. Oo aan isku soo sawiraa. Oo aan isaga dhigaa hoggaamiye danqanaya. Ka dibna waxaa abaal-gud la iiga dhigaa jago. Oo waxaaba la sii qiraa jiritaankeyga. Oo waaba la i sii aqoonsadaa. Miskiin fowqal miskiin. Illeyn sagaaro ima barato.
Xildhibaan noqdayaa, jeneraal ciidan noqdayaa, wasiir noqdayaa, madaxweyne goboleed noqdayaa, madaxweyne qaran noqdayaa….shacabku iima waayaan jago ay igu abaal-gudaan. Alla maxaad riixdeen mid fariid ahaa oo wax idin tari lahaa. Oo watay fikir qaran iyo badbaado dad. Wiilka idinkaga dhinto colaadda, gabadha la kufsado, cirroolaha barakacayo, iyo agoonta macluusha ah ee indhuhu uu duqsigu ka leefayo waxaad ka jeceshihiin anigoo jago helo. Deeqsinimo idinkama ahanee xumeynta qabiil kale ayaa idiin muuqdo.
Bal eega, waxaad maalin walba maqashaan in xilka uusan qof walba u qalmin. Nebi Muxamed calayhi salaatu wasalaam waa tuu mar asxaabigii Abuu Dar ka reebay inuu jago qabto. Wuxuuna nebigu sabab uga dhigay in asxaabigaasi uusan ka bixi karin hawshaa culus. Idinka shacabka Soomaaliyeed ahna aniga oo qabiiliiste daalim ah ayaaad xil aanan u qalmin iigu abaal-guddeen idinkoo ku xumeynaya qabiil kale. Maxaa taa ka dhashay? Waxaa ka dhashay inaad laheystayaal ii noqotaan. Dunidana ka hartaan. Bil xaqiiqan, anigoo kale dunida waxaan ku jiraa cisbitaallada waallida ama xabsiyada aadka loo ilaaliyo. Soomaaliyase boqor ayaad iga dhigteen. Kii fariidka ahaana gablan ayaad ka dhigteen.
Shacabka Soomaaliyeedow waxaad i siiseen fursado aan dunida laga helin. Fursado aan laga helin meel sharci iyo kala danbeyn ka jirto. Fursado ayaad i siiseen uu qaa’in anigoo kale ahi ku naaxo; kii daacadda ahaana uu wax ku seego. Aqoonyahanka ila shaqeysto ayaan ka maqlay iyagoo hadal haaya nin la yiraahdo George Herbert. Wuxuu ninkaasi yiri: colaaddu tuugo ayay abuurtaa; nabadduna way daldashaa (war creates thieves, peace hangs them). Nasiib wanaag, aqoonyahanka ila shaqeysto aniga way i daahiraan, oo danbi-laawe iga dhigaan. Waxayse tuugo u yaqaaniin rag kale oo qabiillo kale ka dhashay. Fiicanaa!
Madaxda ajnabiga ah ee ku nool dunida kale, waa ka qatan yihiin nasiibka aan ka helay shacabka Soomaaliyeed ee casrigaan. Bal eeg, aniga cid ila xisaabtanto ma jirto. Madaxda dunida hormartay waxaa la xisaabtamo shacabkooda. Oo yiraahdo aan ku doorannee caruurta iskoollo ma u dhistay? Caafimaadka tayadiisa sare ma u qaadday? Shaqooyin cusub ma abuurtay? Jidad cusub ma dhistay? Caddaaladda ma hormarisay? Cadowga qarankeenna ma naga difaaci kartaa?
Anigase shacabkeygu waxay ku mashquuleen reer hebel wallee xabbadda ayaa taqaan. Reer hebel hala iska qabto. Markaasay aqoonyahankii, wadaaddadii, abwaannadii, weriyayaashii, odayaashii, iyo dhallinyartii igu daba feelaan. Aniguna waa sidaan rabayee fitnada ayaan sii huriyaa. Oo buunbuuniyaa. Oo aan idaacadaha ka dhahaa looma dhamma ama ku marmarsiyoodaa ereyada rabitaanka shacabka. Sidaas ayaana garab ku helaa. Kuna hantaa laheystayaal dhoohanayaal ah. Masaakiin. Laheystayaal aan ila xisaabtamin. Ha hilmaamin, anigoo kale waxaa laga helayaa badi qabiillada Soomaaliyeed. Oo aan u ahay halyeey iyo hoggaamiye.
Kaaga sii daranee uma baxsataan badi aqoonyahankii qurbaha wax ku soo bartay. Qarankana way gabeen. Aqoonyahanku waxay u kala baxaan saddex qeybood. Kow, kuwo qabiil igu taageero oo aan dalka anficin. Labo, kuwo aqoontooda ku shaqeysto, oo aan faraha ila soo gelin—xaqana u hiillin, dulmigana ka dhiidhiyin. Saddex, kuwo ka faanay sheegashada magaca Soomaali oo ku dhex milmay qowmiyado kale. Halhalkoo fariid ah wuu jiraa oo jecel dalkiisa inuu anfaco. Hayeeshee wuu harqaday. Oo ku harqaday mowjadaha shacab diiddan waxqabadkiisa. Shacab uu ka lumay qiyaaskii qarannimo iyo miyirkii Soomaalinimo. Fariidkaas aniga ayaa ka hortaagan inuu soo galo arrimaha Soomaaliya—adiga shacabka ahna waad igu taageertay hawshaas.
Bil xaqiiqan, waxaan ogaaday in beel iyo beled la dhiso waxaa ka sahlan in beledka la burburiyo, beelaha degganna la barakiciyo. Ogow sidaas waa sidaan rabay waayo anigu maba aqaan sida wax loo dhiso. Shacabku waxay laheystayaal iigu yihiin inaan mar walba u abuuro xasarad iyo colaad cusub. Oo aan qabiillo kale faraha ku fiiqo. Oo aan eedda dusha uga rido meelo kale. Markaaseey i aamminaan. Ii nacamleeyaan. Maxaase iga galay? Danteydu waa un jago iyo dhuuni hel. Maxaa iga galay wiilka dhimanaya? Murti Afrikaan ah baa oraneysay: haddii aad aragtid oday ku dul fadhiyo maqaar shabeel, ogow waxaa shabeelka u soo dilay wiil dhallinyaro ah. Qaran burburay maxaa iga galay? Jago un ii sheeg. Kursi. Kursi. Kursi.
Ogaada Soomaaliyeey, daaro burburay iyo dhaqaale hoos u dhacay kuma koobna qasaaraha aan idin gaarsiiyay. Maya, intaas wuu ka qoto dheer yahay. Waxyaalaha aan ku guuleystay waxaa ugu weyn waa inaan kala dilay, oo isku diray, oo aan naceyb iyo colaad dhex dhigay shacab isku af ah. Isku diin ah. Isku diir ah. Dunidu way ku diimaan oo ay ku faani lahaayeen haddii ay heli lahaayeen shacab annagoo kale ah. Hayeeshee anigu waxaan ku guuleystay inaan baabi’iyo oo ay Soomaalidu ku kala tagto wixii qaaska u ahaa shacab ahaan oo ay ugu weyn yihiin afka, diinta, dhaqanka, iyo muuqaba. Cajiib. War miyuusan idinku jirin qof fariid ah oo i qabto? Way jiraan fariid iyo fariidad. Hayeeshee adiga shacabka ah ayaa u diiday hoggaanka—anigana igu soo daba feelay. Qaar fariidka ka mid ahna waxaadba u dishaan aano qabiil ama fatwo shabaab. Miskiin.
Dr. Calaawi oo ah caalim Soomaaliyeed ayaa mar la weyddiiyay sababka ay Soomaalidu isugu baaba’day. Run badanaa, bal eeg jawaabtiisa: “Dadka kale waxay doondoonaan waxay KU HESHIIYAAN; annagu Soomaali haddaanu nahay waxaan doondoonnaa waxaan ISKU DIIDNO”! Waa runtiisa—waa aniga cidda ku guuleysatay kala dilka ummad isku af iyo dhaqan iyo diin iyo muuqba ah. Wada-hadal iyo xal waaro waxaan ka jeclahay colaad iyo xasarad iyo jahwareer. Sababtu waxay tahay haddii nabad la helo, dadku way miyirsanayaan. Haddii ay
shacabku miyirsadaanna waxay ku baraarugayaan inaan anigu ahay cadowgooda koowaad. Labaad. Saddexaad…..iyo kunaadba.
Anigu buugaagta ma akhriyo—xitaa si saani ah wax uma qori karo. Hayeeshee aqoonyahan baan ku tiirsanahay. Intaas way i ag joogaan, oo iska kay dhisaan. Oo jago igu gaadayaan. Qaar baa buugaag waaweyn intaas xambaarsan. Mararka qaarkood waxaan maqlaa iyagoo ka sheekeynaya buugaag la qoray. Bal aan dhowr ka soo qaato. Iska kay dhageyso kolleyba uma maleynayo inuu buug ku beddeli karo. Waa sir lid igu ah. Hayeeshee misana kuguma ogi dadnimo iyo karti aad heeryada ku saaran isaga riddid. Bal ila arag buugaagta aan ka maqlay aqoonyahanka daba-dhilifka ii ah.
Buuggii Dagaal Waa Ka Dare (2004) ee Yaasiin Ciise Wardheere ayaa idin waaniyay. Wuxuu idin yiri dadku waa saddex nooc: mid cunno ah; mid daawo ah; iyo mid sun ah. Kan cunnada ah waa hoggaamiyaha mar walba loo baahan yahay, oo bulshadiisa anfaco maalin walba sidii cunnada. Kan daawada ah waa midka xalka looga baahdo markay dhibtu timaaddo. Kan sunta ahina waa midka shacabka walaalaha ah kala dilo, oo qaarna ka dhigo kuwo eeganaya kaalmo shisheeye, qaar kalena ka dhigo kuwo qurbaha ku tabaaleysan. Run ma aqaan, laakiin ogaada anigu kuma jiro labada hore oo ma ihi xalka Soomaaliya.
Buuggii Waa Sirgaxannee Sax Ma Jirinnaa? (2006) ee Khaliif Ashkir Diini wuxuu ku baaqay in laga koro dhaqanka xun ee dagaallada laga dhaxlay—iyo qabyaaladda. Dhaqankaasi wuxuu keenay qasaare xun. Wuxuu qoraagu yiri: “Soomaalida waqtigeedii wuxuu ku dhammaaday shalay oo ay raadineysay xorriyadda iyo maanta oo ay raadineyso dowladnimadeedii.” Run badanaa! Wuxuu kaloo Soomaalida u kala saaray labo qeybood: “Keli-wanaag” iyo “Kulli-xume.” Sifooyinku mid waa bogaadin; midna dhaliil. “Keli-wanaag”: wuxuu qoraagu ku bogaadiyay shaqsiga Soomaaliga ah “firfircoonaan, deeqsinimo, waxgaradnimo” iwm. Macnaha shaqsiga Soomaaliga ahi waa qof jiro oo karti iyo garasho leh. Dhanka kale, “kulli-xume” wuxuu qoraagu ku sifeeyay shacab caado ka dhigtay “dareen la’aan, waddaninimo xumo, fiiro gaabnimo” iwm. Cidina dheg jalaq uma siinin waanadiisa iyo talo-bixintiisa. Aniguna waaba sidaan doonayay. Waan ka tanaaday—oo ka taajiray “kulli-xumenimada” shacabka. Wada-tashi iyo towfiiqna u diiday. Buuggii Dal Dad Waayay iyo Duni Damiir Beeshay (2004) ee Dr. Maxamed Daahir Afrax wuxuu ka dhawaajiyay in laga yaabee ay shacabka Soomaalidu wada waasheen. Dal aysan u danqaneyn dadkii lahaa ma dad fiyow baa? Waa su’aal uu qoraagu dhex dhigay Soomaalida. Dheg jalaq looma siinin taladiisa. Durbaanka ayaad ii tunteen haddaad shacab tihiin. Markaasaan aniguna dunida idinka reebay. Wuxuu sidoo kale qoraagu xusay in shacabka
Soomaaliyeed laga la’yahay dad fariid ah oo buuxiyo saddex kaalimood oo muhiim u ah danahooda iyo jiritaankooda—kaalimaha kala ah: gar-wadeenka siyaasadda; gar-wadeenka fikirka, iyo gar-wadeenka dhaqaalaha. Isma faaninayo, hayeeshee aniga ayay i difaacaan dadkii gar-wadeenka idiin noqon lahaa. Laheystayaal ayay ii noqdeen. Ma ka heshay?
Tixdii Cabdullaahi Timacadde ayaa dhegihiinna ka buuxdo: Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane. Keliya waxa aad tixdaas soo qaadataan markii aad dooneysaan inaad durtaan qabiil kale—hayeeshee idinka kuma dhaqantaan. Anigii burburka iyo qabyaaladda hormuudka ka ahaana igu daba feeshaan. Oo dulmiga aan wado qiil ayaad u bixisaan—umana aragtaan inaan qabiileeste ahay. Iga dheh la jiifshaanna bannaan.
Soomaaliyeey Toosoo / Toosoo isku Tiirsada ee / Hadba kiina taag daranee / Taageera weligiinnee—waa hees aad ii qaaddaan markaan qurbaha idinku soo booqdo. Calamo ayaad ii lushaan. Haddii aad ahaan laheydeen shacab taageero kooda taagta darran, ima aydaan soo dhaweysateen. Oo waa hore ayaad i yureyn laheydeen. Kuwa taagta daranna u hiillin laheydeen. Sidoo kalena maydaan taageerteen foor boonti faayf (4.5).
Abshir Bacadle waa tuu idinka yaabay, oo uu tixdiisii la magac baxday Qabyaalad ku yiri: kama quusto kheyrkee dadkuna igama qaataane. Oo sidee kheyrka ku qaadaneysaan idinkoo aniga gurbaanka ii tumaya? Oo iigu yeero halyeey? Waddani? Hoggaamiye? Inaan hoggaamiye noqdo oo aan dantiina garto iska daayee shacabyahow wallaahi aniga xitaa ma aqaan waxa aan doonayo. Hayeeshee ma doonayo midnimada shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah. Kaagamana sheekeenayo qasaaraha aan kuu keenay. Waxaan sababay in aan abuuro singal maadaro ku dayacan qurbaha; Soomaali diintooda dayacay ama ka baxay; waayeello ku jaba barafka xilliga qaboobaha. Ogow hoggaamiyuhu sidiisaba wuxuu u kala baxaa labo nooc: the servant leader iyo self-serving leader—oo kala ah hoggaamiye ka shaqeeyo danta guud ee ummaddiisa iyo mid caksigiisa ahoo daneyste ah oo calooshiisa u shaqeeyo. Waxaan hadalkaan ka maqlay aqoonyahanka ii ah laheystayaasha. Waxay igu ammaanaan inaan ahay hoggaamiye ka shaqeeyo danta guud. Cajiib! Jaahilba aan ahaadee ma moogi nusqaanteyda iyo iinteyda. Waan ogahay inaan ahay waxa aan ahay. Kama aan xishoodo inaan ku sifoobay hoggaamiyaha labaad ee daneystaha ah maadaama aanan weli arkin shacab i yureeya oo ila xisaabtama.
Quraanka kariimka ayaa ummadda Nebi Maxamed—calayhi salaatu wasalaam—ku ammaanay inay yihiin ummaddii ugu fiicneyd ee la abuuray maadaama ay kheyrka iyo samaha ka shaqeeyaan; dulmiga iyo xumahana reebaan. Weli waa iga dhaadhici la’dahay ummad Muslimiin ah oo igu kaalmeynayso dulmiga iyo xasadka.
Gunaanadku wuxuu yahay, iga hooya ballantii aan idinka qaaday. Ballantii quseysay sirta labaad. Bal ila fahma sirta labaad. Horta xabbad iyo qori wax la iigama qaadayo. Keliya un waxaa igu filan iyada oo amar-diiddo la igu sameeyo. Sahal! Iyo idinka oo u hiilliyo fariidkiinna fiirada dheer ee daneeyo horumarkiinna. Sharaftiinna. Magaciinna. Karaamadiinna. Baraarihiinna. Qarannimadiinna. Xikmad baa jirta saalixiintii hore laga dhaxlay oo oraneysa: “Kun macal xaq bilaa khalq”—oo macnaheedu yahay u hiilli xaqa adigoon ku xisaabtamin cidda kula jireyso iyo cidda ku mucaaradeyso. Fariidkiinna wuxuu u baahan yahay qof fikirkaas heysta, oo xaqa ku taageero. Anigana iga xor iga noqdo. Sidoo kale xasuusta mahadhadii Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye). Shacabyahow ma ka faa’iideysateen? Sidee uga faa’iideysataan ma idinka ayaaba xor ah? Soo laheyste iima tihid? Bal aan mar kale iska kaa xasuusiyo tixdii Gaarriye: Abkuu doono ha sheegtee / Wuxuun baa ehel ii ah / Dad ninkaan af-aqaanee / Si’ wax iila arkaayee / Na mideyso ujeeddo.” Fariidkiinna idin badbaadin lahaa wuxuu u baahan yahay shacab higsanaya yoolka ay tixdaasi tilmaameyso—shacab maskaxda xor ka ah, qalbigana ka fiyow. Ma tahay shacab ujeeddo leh? Buugga Governance (2010) ee Ismaaciil Cali Ismaaciil wuxuu soo weriyay nin hoggaamiye kooxeed ahaa. Wuxuu hoggaamiye kooxeedkaasi yiri xalka Soomaaliya wuxuu ku jiraa masaafurinta ragga jabhadaha horboodayay oo ku qaraabanayay magaca beelaha walaalaha Soomaaliyeed. Taa ma dhicin—oo qabqable walba adiga shacabka ah ayaa tol u noqday. Oo difaacay. Hayeeshee runtu waxay tahay maanta musaafiris looma baahno waayo dunidu waxay noqotay hal xaafad oo warka iyo xiriirku way suuroobaan dal iyo dibed hadba meeshaad joogtid. Musaafuris waxaa ka sahlan idinka oo qalbiga iga saaro—oo fariidkiinna u hiilliyo. Su’aashuse waxay tahay: sidaa ma yeeli kartaan? Oo fariidkiinna ma u hiillin kartaan? Idiinkagama baran. Buugga Himilidaada Hano (2013) ee Maxamed Siibed wuxuu xusay wiil dersi u doontay oday xikmad lahaa. Odaygii wuxuu wiilkii u kaxeeyay safar. Reer baa marti-geliyay habeennimadii. Reerka hal sac ayaa u joogay. Oo reerka oo dhan ay ku tiirsanaayeen. Martidii waxaa loo maalay sacii. Waa la kala seexday. Hayeeshee odaygii ayaa isla habeennimadii hurdada ka kacay reerkii oo jiifo. Saa intuu ku leexday mooradii ayuu gowracay sacii lagu arkay reerka. Wiilkii wuu sasay. Odaygiise inta gacanta ku dhegay wiilkii ayuu dhaqaaqay—oo ay safarkoodii sii wateen. Odaygii xikmad buu u dan lahaayee sannad ka dib ayuu reerkii ku soo noqday iyadoo uu wiilkii la socdo. Mise reerkii waa barwaaqo. Waa beero waaweyn. Waa dalag go’ay iyo dhul ballaartay. Wiilkii iyo odaygii oo isla socdo ayaa reerkii bariidiyay. Waxay reerkii dhaheen sacii aad berigii nagu ogeydeen mid habaar qabo ayaa naga gowracay annagoo huradna. Hayeeshee markaynu miyirsannay waxaan garowsannay in ninku uu duceysanaa. Sababtu
waxay tahay saca uu naga gowracay wuxuu naga hor taagnaa barwaaqadan aynu maanta gaarnay oo beero waaweyn leh, dalag soo go’ay leh, dhaqaale kobcay leh, iyo nimco iyo baraare leh. Markaas ayuu wiilkii garowsaday xikmadda loo gowracay sacii. Shacabyahow saddex iyo labaatan sano ayaa idiin ahaa sidii sacaas—oo aad iga dhammi jirteen caano sumeysan oo ah xasad iyo dulmi ku aaddan beelaha walaalihiinna ah. Miskiin. Illaa haddana sidii sacaas ayaad keligeey igu fara-adeygteen. I kolkooliseen. Fariidkiina iska yureyseen. Haddaba saca gowraca shacabyahow si’aad u gaartaan meel ka sarreysa meesha aad maanta joogtaan. Caawiya fariidkiinna. Iga hara. Waxaa aniga gowrac iigu filan idinkoo qalbadda iga saara. Oo i yureeyo. Oo ila xisaabtama. Oo aan qabiil iigu soo dhaweysan. Waase iga su’aalee kalsoonidaas ma isku qabtaan? Ma iga maarantaan? Qalbiga ma iga saari kartaan? Ma u hiillin kartaan fariidka dantiinna u taagan? Laheystayaal aan mabda’ iyo mowqif laheyn dheh—wallee dadnimo idinkuma ogi. Bilaash kuma aydaan noqon “kulli-xume”. Buugga Dhab u Fiiri Waayaha (2012) ee Axmed Ismaaciil (Axmed Deeq) wuxuu xusay aafo ku habsatay shacabka walaalaha ah. Hayeeshee aafadaas cidda ka danbeysay waa aniga. Haa, waa anigakan aad tolka iyo sokeeyaha iga dhigatay. Wuxuu qoraagu qoray: Xumaan iyo xasad baa la inagu abuuray, naxli iyo nuxus baa dhexdeenna la dhigay. Waa la inoo kala sheekeeyay, waana la ina kala qoqobay. Dabadeed cududdeenii baa wiiqantay; caqligeennii baa kala dhantaalmay; aayaheennii baa eydu cuntay. Iskuma uur fayoobin, iskumana caloolsamin. Kaalintii aan bulshada ku lahayn baan gabnay. Qanac iyo quus baa quluubteenna ku samaysmay. [Kh]ayrkeen baan ka hadhnay. Inteenna kulantaa reernimo ayay isku aragtaa, inteenna kala tagtaana reernimo ayay ku kala tagtaa. Cabasho iyo caloolyow baa innaga soo hadhay. Xooggeenii baa daah la inaga saaray. Ma maqashay qeylo-dhaanta qoraaga? Ma maqashay? Wuxuu yiri, “Xooggeenii baa daah la inaga saaray.” Gari Ilaah bay taqaan. Dulmi aadan adiga shacabka ah isku sameyn anigu kuuma geysan. Waa adiga cidda xooggaaga arki waayay, oo fariidkaaga taageeri waayay, oo mustaqbal wanaagsan sahansan waayay. Waa adiga shacabka ah cidda ii noqotay laf dhabar aan ku tiirsanahay. Waxaan halaag iyo qasaare aheynse miyaad iga dhaxashay? Miskiin.
Sidaan horey u sheegayba, xalku ma ahan masaafuris qabqable iyo daneyste. Xalku waa idinka shacabka ah oo garta kaalintiinna. Idinka shacabka ah oo i yureeyo. Idinka shacabka ah oo ku dhaqmo Aayaddii aheyd Ilaah ma beddelo qowm illaa ay qowmku iyagu beddelaan nafsaddooda. Meel waxa laga beddelana waxaa ugu weyn qalbiga. Caqli-xumo kuma ogi shacabka Soomaaliyeed. Qalbiga oo lala dagaallamase ma sahlana. Waxaase taa ka sii horreyso inaad ku baraarugtaan meesha la idinka heysto. Inta taa ka horreyso aniga ayaad laheystayaal ii tihiin. Masaakiin. Alla maxaan idiin sheegay sir igu lid ah.
Laakiin waan idin aqaanee ma ku kalsoon tihiin inaad igu gadooddaan? Haddii aad u hiillisaan dadka waxtarka idiin leh, yaa idinka celinayo reer hebel? Illeen iyagaba waxay ku daba safan yihiin mid anigoo kale ah oo daneyste ahee? Inta ay jirto cabsida laga qabo qabiil kale aniguna waan jiri doonaa. Nafaqadeydu waa cabsida u dhaxeyso beelaha walaalaha Soomaaliyeed. Taas ayaa baraare ii ah—adigana luggooyo kuu ah.
Horta ereyga fariid ee soo noqnoqday maxaan ka jeedaa? Yaa fariid ah? Yaa u qalmo? Oo shacabka hoggaamin karo? Oo dantooda iyo maslaxoodda lagu aamini karaa? Hal sheeko iga hooya. Waxaan ka maqlay aqoonyahanka ii shaqeeyo oo ku maadeysanaya. Waa sheeko ku jirto buugga Dagaal Waa Ka Dare.
Sheekadu waxay aheyd nin ayaa gowracay xaaskiisa—taasoo weliba isaga u dhashay caruur. Saa beeshii ay gabadha ka dhalatay ayaa dagaal warmaha u soo qaatay. Oo duullaan ku ahaa ninkii dilay gabadha. Hayeeshee odaygii gabadha dhalay ayaa arrinta soo dhex galay. Oo muxuu sameeyayna? Wuxuu odaygii gacanta soo qabtay gabar kale oo la dhalatay tii la gowracay. Wuxuu deetana gabartan labaad u guuriyay ninkii dilay gabadhiisii hore. Fariid!
Beeshii odayga waxaa u cuntami weysay tallaabada uu odaygu ku dhaqaaqay. Misana go’aanka isaga ayay u daayeen. Oo ay ka hareen. Odaygii wuxuu halkaas ku baajiyay dagaal iyo fitno sii faafto. Saa beeshii uu ka dhashay ninkii gabadha dilay ayaa odaygii u keenay labo boqol oo halaad oo mag iyo xaal-marin ah. Fariidka aan ka hadlayo waa odaygan oo kale. Fariidku waa midka badbaadiyo dhiigga dadkiisa, kana shaqeeyo nabaddooda, una diido inay barakacaan, beylahna noqdaan. Waana midka aad shacabyahow ka hiilliseen. Oo aad dhayalsateen.
Hadalkiyoo kooban, shacabyahow ii sii foosha wiilashii aan berrito dagaalka u kaxeyn lahaa. Ii sii dhisa guryihii aan madfaca la dhici lahaa. Ii sii shaqeeya lacagtii aan berrito idinka guran lahaa. Ii sii tiriya gabayadii aad berrito igu ammaani laheydeen. Ii sii baarbaara aayaddii iyo xaddiiskii aad qiilka iigu bixin laheydeen. Soo geesi idiinma ihi? Soo halyeyga reerka ma ihi? Hoggaamiyihiinna? Soo kii dantiinna aad ku aaminteen ma ihi? Miyaad iga maarantaan? La’aantey ma jiri kartaan?
Xaasha!
Rubuc qarni ayaan idinka soo lumiyay—haddii aan rubuc qarni kale idinka lumin karana diyaar baan u ahay. Masaakiin laheystayaal ah. Fariidkiinna waad fogeyseen. Aniga ayaad sokeeye iga dhigateen; aniguse shisheeye iigama sokeysaan—oo danteyda ayaan idinku fushadaa. Miskiin. Cidina idiinma maqna; ceelna idiinma qodna.

Dhammaad

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *