Category: Sheeko Gaaban

  • Ismaan Lahayn

    Marnaba ismuu lahayn tan oo kale ayaad kala kulmaysaa. Waxa islaahaan wayaay moodiisi hore iyo dhabta meesha taala. Axmed wuxuu ku dhashay magaalada hargeysa hilladii 1991, mana uusan arag rafaad iyo jab intu noolaa, inkaastoo reerkoodu bandarka ku lahayn waxa aduunyo aha oo buuran haddana, hooyadii iyo aabihii waxay ku dedaali jireen inaanuu dareemin waxa […]

  • Laheystayaal

    Cabdullaahi Janno claahijanno@gmail.com Magaceyga kuuma sheegayo. Waxaadse ii taqaannaa si qoto dheer. Si ka qoto dheer aqoonta aad adigu isku leedahay. Qabiil aanan ku jirin wuu yar yahay. Waxaan kuu ahay xiddig. Waxaad ii tahay laheyste. Danahaaga ayaad igu aamintay. Oo ammaan iigu dartay. Mowqif iyo mabda’ ma lihi—oo daneyste ayaan ahay. Nasiib wanaag, waa […]

  • Looma Dhamma

    Cabdullaahi Janno Febraayo 27, 2012 Abaaro. Colaado. Burcad-badeed. Xaalufin deegaan. Mooryaan-garreey. Gumeyste madow. Gumeyste cad. Dallaal sokeeye. Daneyste shisheeye. Waa nasiibka Soomaaliya iyo maanta. Qeybta 1-aad Xamar, Soomaaliya Cawil waxa uu dhex joogaa biibito shaah iyo macmacaan fudud lagu iibiyo. Waxa uu dul fadhiyaa kombiyuutar. Oo wararkii dalka ka daalacanayaa. Waxa maqalka biibitada taagnaa oday […]

  • Hadimo Jacayl

    Waa sheekho aad u xiiso badan oo ka warramaysa dhibka, rafaadka, iyo hadimooyinka ay dadka dibadda ka yimadaan ku hayaan dhalinyarada is jecel ee dalka iyo siday ugu nugul yihiin waalidku dadka dibadda ka yimaada ee aan loo tix galin jacaylka lamaanaha ee wiilka iyo gabadha iyo guusha uu ku danbeeyo jacaylka runta ahi. Waxaa […]

  • Qays iyo Leyla

    Layla iyo Qays, waa sheeko jacayl ah oo ka mida sheekooyinka ugu caansan bariga dhexe, sheekadan waxay taariikhdeedu u noqoneysaa ilaa qarnigii 7aad, Layla iyo Qeys waa sheeko sida oo kale ku faaftay Waqooyiga Afrika iyo Hindiya, hadaba Layla iyo Qeys maxay ahaayeen? Sheekadoodu sidayse u dhacday? Nin la odhan jiray Majnuun (ninkii waalnaa) oo […]

  • Libaaxii Indhaha Guduudnaa

    Aamina Shirdoon Bari hore, ayaa waxaa jiray tuulo yar oo ku taalla Soomaaliya, bariga Afrika. Cidhifka tuulada waxaa jiray dhulbeereed hodan ah meeshaas oo ay dadku ka beertaan dalaggooda ooyna ku raacdaan idahooda. Tuuladu aad ayay u qurux badnayd laakiin sidoo kale waxay ahayd mid khatar badan, mararka qaarna waxaa adkayd in laga ilaaliyo dalagga […]

  • Boqorka iyo Galleyrkiisa

    Jeems Bidaarguul Jankiis Khaan wuxuu ahaa boqor weyn oo dagaalyahan ahaa. Wuxuu ciidankiisu isagoo hogaaminaya kuduulay Shiinaha iyo Furus, wuxuuna qabsaday dhulal badan. Waddan kasta, dadkiisa waxay sheegi jireen ficiladiisii; waxayna yiraahdeen illaa xilligii Aleksandar-kii Weynaa, boqor Jankiis la mid ah lama arag. Maalin maalmaha ka mid ah, isagoo deegaankiisa jooga, dagaalna uu ka nastay, […]

  • Keebaa Xariifsan, Laxda ama Libaaxa?

    Sabriin Xasan Bari hore, ayaa waxaa jiray libaax xeel badan iyo lax xariifad ah. Maalin, ayaa laxda xariifadda ah ayadoo la daaqaysa saaxiibadeed caws meel banaan markaas oo libaax xeelbadan uu ka soo gurguuranayo keynta asagoo ku soo wajahan. Markii uu libixii ka soo muuq baxay caws dheer idihii waxay isku diyaariyeen inay cararaan sababtoo […]

  • Boqorkii Lahaa Dhagaha Dameerka

    Ismaaciil Daahir Bari hor, ayaa waxaa jiray Boqor kaasoo lahaa dhago balaqsan oo u qaab eg dhagaha dameerka. Boqorku waxuu aad ooga xishoonayay dhagihiisa badanaana wuu dabooli jiray marka uu joogo meel layskugu imaado sidaa darteed dadka tuulada looma oggolaan inay ogaadaan sirtiisa. Qofka kali ah ee waligii arkay dhagaha boqorka waxuu ahaa timo jarihiisa. […]

  • Ninba Wuxuu Geystaa Loo Gudaa

    Liiban Axmed Riti iyo dawaco ayaa waxay ahaayeen saaxiibo aad ah waxayna ahaayeen tuug waaweyn. Maalin, ayaa labada saaxiibo waxay go’aansadeen inay wabiga ka gudbaan sidaa darteed waxay u socdaaleen beer u dhaw inay ka soo xadaan wax la cuno. Dawacada yari ma dabaalan karto sidaa darteed ritigu waxuu ku yidhi saaxiibadii, ‘Dhabarkayga ku soo […]