Qaybta Koowaad

Qaybta kowaad, guud ahaan waxay ka hadlaysaa dhalashadii Sayid Maxamad, korriimadiisii, bar-baarintiisii, waxbarashadiisii iyo siduu dadka iyo dalka u bartay, tegiddiisii Xajka iyo ka soo noqoshadiisi, Berbera iyo wixii uu kala kulmay iyo markuu ka baxay, degiddii Qoryaweyn, abaabuliddii Daraawiishta iyo siduu isugu dubbariday, warbixin Ingiriisku qoray, iyo bilowgii dhaqdhaqaaqa, dilkii Garaad Cali iyo wixii keenay, markay Daraawiishi Ogaadeen u guurtay iyo waxay ka muteen, dagaalkii Xabashida ee Jigjiga, duullaankii u horreeyey, kalakicii Gurdumi, Gonda-gooye iyo wixii ka dhacay, duullaankii Xabashida iyo markay Daraawiishtu Nugaal ku soo noqotay tan iyo dagaalkii Afbakayle markuu dhacay.

DHALASHADII SAYID MAXAMED

Wax lala yaabo ma aha haddii nin wadaad ahi dadkuu ka dhashay ka tago ama ka guuro oo degmo kale dhex dego; ha yaqaanno ama yuu aqoonne, ha ka fogaadeen, ama ha u dhowaadeene, sidaasuna waa culimada alabkeeda, meel kasta ha joogeene; maxaa yeelay ninka wadaadka ahi wuxuu rumaysan yahay meeluu joogaba ama meeshuu tagaba inuu Ilaahay maganti yahay oo dadka meeshaa uu tegey deggan la walaal yahay, oo iyaguna diinka ka baranayaan, isna xoolo iyo xurmaba ka helaayo.

Taariikh aan la xusuusnayn, cidina sheegi karin ayaa Shiikh Xasan Nuur oo Sayid Maxamad awowgiis ahaa ka teyey Gobolka Qallaafo, oo ah dhulka Webi Shabeelle ku magacaaban, halkaas oo beeshuu ka dhashay degganayd. Wuxuu u kacay Nugaal oo ahayd dal wanaagsan, duunyadana hodan ka ah, si fiicanna loogu noolaan karey, culimaduna had iyo jeer u xoola doonan jireen.

Shiikh Xasan markuu Nugaal mudda joogey oo uu dadkii iyo dalkii kala bartay, xoolo fiicanna ka helay waxa gashay hawo guur, dabadeedna wuxuu guursaday gabar reer Nugaaleed ah oo magaceeda lagu tibaaxay Khadiijo Jaamac.[(1)Lama oga in afadaasi min weyntii ahayd iyo in kale.] Shiikhu Nugaal wuxuu ku guursaday afar dumar ah oo u dhalay carruur badan, carruurtaa tiradooda waxa lagu sheegay 12 wiil iyo 11 gabdhood. Waxaa la weriyey in Shiikh Cabdille oo Sayid Maxamed aabbihiis ahaa carruurtaas ugu weynaa.

Shiikh Cabdille Xasan wuxuu ku dhashay, sida la weriyey, dooxada la yiraahdo Casuura oo magaalada Laascaanood dhinaca waqooyi Galbeed ka xigta, una jirta hilaadda dhawr iyo soddon mayl. Wuxuu ku koray kuna barbaaray diintana ku bartay gobolka Nugaaleed oo barwaaqo ahaa, dabadeedna reerkoodii wuxuu noqday dad Nugaal rasmi ahaan u deggan.

Waxa la weriyey Shiikh Cabdille isagoo 26 jir ah inuu guursaday gabadha la yiraahdo Timiro Seed Magan, kuna caan baxday Carro Seed. Waxa la yiri, waxay u dhashay 10 carruur ah, waxaana u weynaa Maxamad, hase ahaatee Shiikh Cabdulle carruurtii uu dhalay wexey tiradoodu gaareysaa soddomeeyo.

Shiikh Cabdille Xasan Daraawiish dhiskeedii waa ka qayb galay, dagaallada badankoodiina waa ka tala galay, wuxuuna ku dhintay Xaruntii Daraawiishta Taleex 1913, qabrigiisuna waxa laga dhisay qubbad caan ah.

[Qabrigii Shiikh Cabdulla Xasan, Taleex]

Maxamad Shiikh Cabdille Xasan wuxuu ku dhashay dhulka loo yaqaan Ciid-Nugaaleed ama Laaso oo ah degmada Buuhoodle, balliga la yiraahdo Sacmadeeqo oo magaalada Buuhoodle toddoba mayl u jira, kana xiga dhinaca waqooyi. Wuxuu dhashay guga la baxay Gobeysane, waxaana la sheegay inuu ahaa gu’ barwaaqa ah oo dad iyo duunyo wixii dhashay ay hanaqaad noqdeen. Wuxuu dhashay ababaaraha markay taariikhdu ahayd 1856. [Rag taariikhda Daraawiishta wax ka qoray waxay yiraahdeen Sayidku wuxuu dhashay 1864, hase ahaatee ta Daraawiishi waa diidey.] Daraawiish badankeedu waxay yiraahdeen: Sayid Maxamad saddex meelood ayuu Nebi Maxamed kala mid ahaa: Magaca, da’da iyo jahaadka. Hase ahaatee, sheekadaasi inoo caddayn mayso guguu dhashay. Wuxuu ku koray Nugaal, dadkooduna wuxuu ahaa xoolaley daaqsato ah. Guud ahaan xoolaha markaas la haystay waxa ugu badnaa geel iyo fardo, reer beedahana waxa u taliya roobka, dhaqankooduna wuxuu yahay inay gugii iyo dayrtii hadba dhinac u guuraan, mar haddaan dhulku magaalo iyo beero midna lahayn. Dabeecadda ayaa qof walba waxay ku abuuraysaa inuu xoolaraac noqdo.

Sidaas daraaddeed, waxaan oran karnaa: Sayid Maxamad carruurnimadiisii wuxuu ahaa xoolaraac, lamana sheegin carruurta kale wuxuu kaga duwanaa ama dheeraa.

Sidii dhaqanka Soomaalidu u badnaa ama raaskuu Sayid Maxamad ka dhashay hiddo u lahaa, toddoba jir baa Quraanka loogu bilaabay. Macallinkii Quraanka u dhigi jirey waxa lagu naanaysi jirey Kud-quraan. Maxamad toban jirkii buu Quraanka ku dhammeeyey, taasina wax lala yaabo ma aha oo ardada ayaa sidaas u badnayd. Wiilnimadiisii waxa lagu sheegi jirey fahmo badnaan iyo firfircooni. Waxa hubaal ah haddii wiilku Quraanka dhammeeyo in calaamooyinkii macallinimadu ka muuqato, isla markaasna cilmiga barashadiisa lagu gargaaro. Sidaas daraaddeed, ayaa Maxamad aabbihiis kutubta cilmiga ah ugu bilaabay, taasina waxay dhalisay inuu culimada xerta ah oo cilmiga raacanaysa la fariisto, markay degmada dhex marayaanna raaco oo la socdo. Hase yeeshee, gadaalkii xertii buu ka mid noqday, taasina waxay dhaxalsiisay in lagu magacaabo Aw Maxamad Shiikh Cabdille. Magacaasu wuxuu siiyey ama u kordhiyey xurmo iyo xushmo gaar ah oo uu ku helay diinta xaggeeda.

Dhulku masaajid iyo madaaris midna ma lahayn, oo wuxuu ahaa miyi, waxaase jirey meela xeri deggan tahay iyo dugsiyo Quraanka lagu barto iyo meela laysugu yimaado xilliyo aan go’nayn iyo meelo lagu shiro ama diinta lagu akhristo, ama lagu kala warqaato ama wixii dan ah la isku weydaarsado. Waxa kaloo jirey waqtiyaal caan ah oo sharciga Islaamku jideeyey in laysu yimaado sida labada iidood oo kale oo wacdi iyo waano la kala qaato.
Haddaba, waxaa hubaal ah in Aw Maxamad shirarkaas culimada diintu markay dadka wacdiga iyo waanada u jeedinayaan ka faa’ideysan jirey.

Sheeko ku-tiri-ku-teen ah waxaannu ku maqalnay in Aw Maxamad soddomaadkiisii dhul badan oo dalka gudihiisa ah oo kala duwan maray isagoo cilmi doon ah, hase ahaatee taasi run iyo been miday tahay lama oga, waxaase la weriyey inuu cilmiga ka bartay Shiikh la oran jirey Shiikh Abokor Shiikh Ibraahin laguna naanaysi jirey Abokor Fool-dheere, oo degmadiisu ahayd dhinaca waqooyi ee Webi Shabeelle, waxa la weriyey Sayid Maxamad baa eegay Ceelka Walwaal, kolkaasuu dhererkiisii la yaabay oo wuxuu yiri, “Cilmigii Abokor Fool-dheere ayaa buuxin lahaa.” Meel kasta cilmiga ha ka barto, nin kastaba ha ka akhristee, waxaa hubaal ah inuu Sayid Maxamad diinta Islaamka iyo afka Carabiga aad u yiqiin, gaar ahaan qaybta loo yaqaan Cilmi-aale oo afka Carabiga furaha u ah. markaasna wuxuu la baxay Shiikh Maxamad Shiikh Cabdille.

TEGIDDIISII XAJKA

Waxa caado u ahaa wadaadka iyo ninka waayeelka ah oo magac ku yeero inuu had iyo jeer xajka hammiyo. Sidaa daraaddeed kolkuu Shiikh Maxamad sano soddomaad ku jirey wuxuu u sodcaalay dalka Xijaas si uu xajka u soo guto diintana u soo kororsado, waxaana sii raacay koox culimo ah oo reer Nugaaleed u badan. Lama caddayn karo inuu isagu madax u ahaa iyo in kale, waxaase kooxdaas ka mid ahaa labo abtiyaashiis ah, Xaaji Aadan Seed iyo Obsiiye Seed. Waxa hubaal ah raggaas qaarkiis inuu isaga ka da’ weynaa, kana cilmi roonaa, tiradoodana waxa lagu sheegay saddex iyo toban. Hase ahaatee magacyadoodii waa lagu kala bayray. Qaarkood wuxuu ku dhintay Maka iyo Madiina, oo sooma noqon, qaarkoodna waxa lagu diley dagaalladii iyo jahaadkii, qaarkoodna waxay ku beexaameen lama oga.

Shiikh Maxamad hadduu Xajkii gutey wuxuu isku deyey inuu culimada Maka joogta cilmiga ka kororsado, waayadaasna ninkii Xaramka soo galaa intuu doono ayuu joogi karey, xeer u diidaayeyna ma jirin, dabadeedna culima badan oo reer Maka ah iyo kuwo kala duwan oo dalal dibaddaa ka soo xajiyey ayey isbarteen, sheekona waa dhex martay.

[Sawirrada Maka iyo Madiina]

Arrinta weyn oo beryahaas socotey oo culimada iyo dadka kaleba aad afka ugu hayeen ama laga sheekaysanaayey, Shiikh Maxamadna dhegihiisa ku maqlayey waxay ahayd: Dagaalkii ka socdey Suudaan oo uu Maxamad al-Mahdi ammaanduulaha ka ahaa. Culimo badan oo dariiqooyin kala duwan haysata oo jahaadka iyo falligiisa had iyo jeer faallayn jireyna waa joogeen. Iyadoo arrintu sidaa ahayd, in kastoo qof goob joog u ahaa aannaan arag, haddana waxaa hubaal ah inuu si rasmi ah ugu tegi jirey, kana qayb geli jirey fadhiyaal caadi ah oo lagu qaban jirey Majliska Sayid Maxamad Saalax oo reer Suudaan ahaa, dariiqada Saalixiyana abuuray, madaxna u ahaa. Dabadeedna Shiikh Maxamad Saalax iyo xertiisii baa lays bartay, taasina waxay dhaxalsiisay inuu u riyaaqo dariiqada Saalixiya oo ahayd laan ka mid ah dariiqada Axmadiya. Dabadeedna wuxuu qaatay Saalixiya oo Jameecadeeda ka mid noqday, Shiikh Maxamad Saalaxna fadhiyo gaar ah buu la qaatay, si looga wada hadlo dariiqada Saalixiya sidiii loogu faafin lahaa dalka Soomaaliya, siyaaradana Maka loogu soo diri lahaa.

Lama oga Shiikh Maxamad Cabdille markaa ka hor dariiqaduu ahaa ama haystay, hase ahaatee dadka qaarkii waxay leeyihiin wuxuu ahaa Qaadiriya, in kastoo aan dalka dariiqooyin kale soo gelin, haddana lama hubo.

Hilaadda laba gu’ hadduu Xaaji Maxamad Xaramka gudihiisa joogey oo Shiikh Maxamad Saalax xer u ahaa, xagga diinta ha ahaato xagga dariiqada Saalixiyase ha ahaatee, amar buuxana ka helay inuu Shiikhu dariiqa berri Soomaal ka noqdo, wixii tala ah ama dardaaran ahaana ay kala dhammaysteen, wuxuu u soo kacay dalkiisii hooyo. Markaasna wuxuu gaaray derejooyinkii xagga diinta ee dalka Soomaaliya lagu yiqiin tii ugu korreysey. Kuwaasoo ka koobnaa: Macallin, Aw, Wadaad, Xaaji iyo Shiikh.

Lama hayo wax caddaynaaya markuu Maka ka soo noqday inuu doonni soo raacay oo badda soo maray iyo inuu baadiyaha Yamaneed soo maray iyo inuu meel kale u kacay. Dadka qaarkii waxay qabaan war ku-tiri-ku-teen ah inuu Masar tegey; taasna lama hubo wax raad ahna looma hayo. Midda aan muran ka joogini waxay tahay dhinac kasta ha ka yimaadee inuu sodcaalkiisii Cadan soo maray oo dhawr bilood joogey. Ammintaasna Soomaali badan ayaa magaalada Cadan degganayd, dhaqaalaha dalka Soomaaliyana aad buu Cadan ugu xirnaa.

SAYID MAXAMAD IYO BERBERA

Berbera waxay ahayd magaalo fil weyn oo magac dheer. 1884kii ayaa dawladda Ingiriisku maamulkeeda qabsatay. Turki baana uga horreeyey oo waxay ka dhiseen masaajiddo iyo meelo cilmiga lagu barto diinta Islaamkana tusaale u ah. Waxay kaloo ahayd magaalo ganacsiga adduunka caan ku ah, Badda Casna fure u ah, xagga berrigana aan magaalooyin kale ka xigin Adari mooyee. Soomaalida badankeedana magaalay u ahayd oo meel kasta waa uga soo safri jireen. Sidaa daraaddeed ayaa waxa lagu tilmaami jirey ama ay ahayd magaalo badda iyo berrigaba u furan oo culimo iyo caamo nin waliba yimaado, gaar ahaanna culimada cilmi-doonka ahi soo tammadiso.

Xaaji Maxamad intaanu iman waxa magaalada Berbera joogey guuto culimo ah oo dariiqada Qaadiriya u badan. In kastoo dariiqada Axmadiya ay dalka Soomaalida xoog ku lahayd, haddana geesta waqooyi itaal weyn kuma lahayn; in yar oo laanta Andaraawiya ka mid ahayd oo Berbera joogtey mooyaane. Xaaji Maxamad oo dariiqada Saalixiya wata ayaa Cadan doonni ka soo raacay, oo wuxuu ka soo degey Berbera. War lagu kalsoon yahay wuxuu sheegayaa markuu xeebta yimid oo damcay alaabtiisii inuu qaato, ayaa nin Ingiriis ah oo dekedda ka shaqaynaayay ku yiri, “Alaabta cashuur ka bixi, adaan cashuurtii bixinna alaabta qaadi maysid.” Taasi Xaaji Maxamad waxay ku noqotay la yaab iyo fejeciso, hase ahaatee wuxuu ku yiri, “Adiga yaa cashuur kaa qaaday markaad halkan ka soo degtey? Waddankase ma adaa leh, maxaad cashuur iiga weyddiinaysaa?”

Gaalkii wuxuu damcay inuu ninkaa amarkiisa diidey xiro. Hase ahaatee turjubaankii iyo rag kaleeto oo meesha joogey ayaa ka masla- xay oo waxay yiraahdeen, “Wadaad waalan weeyee iska dhaaf.” Waxa la leeyahay magacaa la yiraahdo Mad Mullah halkaas buu ku baxay. Dabadeedna gaalkii isagoo hadalkiisii la yaabsan ayuu faraha ka qaaday.

[Magaalada Berbera 60 sano ka hor.]

Xaaji Maxamad wuxuu degey Berbera, wuxuuna guursaday afo la oran jirey Barni Xirsi oo u dhashay carruurtiisa wiilkii ugu weynaa Mahdi Sayid Maxamad. Wuxuu halkaa ka abuuray majlis dariiqada Saalixiya leedahay oo ijaasada [Waa hadal gaaban oo qofka la baro oo ballan qaad ah] lagu bixiyo, wuxuuna bilaabay wacdi iyo waano fara badan oo diinta Islaamka fidinteeda ku saabsan, iyo ammaanta dariiqada Saalixiyada. Taasina magaaladii waxay gelisey bulaan iyo xiisad hor leh, wadaaddadii magaalada horey u joogeyna waa laysku maandhaafay. Maxaa yeelay wadaaddada Qaadiriya ma oggolayn in dariiqa cusub waddanka la soo geliyo. Hase ahaatee gadaalkii waxay noqotay in la wada hadlo, kutubtana la isu soo gurto oo masalooyin diinta ah laysla wada eego. Culimadii markaa Xaaji Maxamad ka soo hor jeeddey waxa ka mid ahaa Shiikh Cabdillaahi Caruus, Shiikh Ibraahim Xirsi Guuleed, Shiikh Kabiir Aw Cumar, Aw Gaas Axmed iyo culimo kaloo fara badan.

[Masaajid magaalada Berbera Turkigu ka dhisay.]

Xaaji Maxamad wuxuu ahaa nin aftahan ah oo siyaasad badan dadkana soo jiidan og. Haddiiba magaaladii wuxuu ku yeeshay saa- xibba u hiiliya iyo wedeeyo garab taagan iyo xer badan oo uu diinta u mariyo oo isaga gaar u ah iyo rag kale oo dariiqadiisa raacsan. Bulaankii iyo doodihii badnaa waxa ka dhashay inuu Xaaji Maxamad yiri, “Qaadka cuniddiisu waa xaaraan, gaalada in xiriir lala yeesho ama meel lala degaana waa xaaraan.” Taasna culimadii kuma jeclaysan.

1891 ayaa xeebta Berbera waxa ka soo degey Mission Kirishtaan ah oo diinta Masiixiga mad-habteeda Kaatooligga ah faafinaya oo magaciisa la oran jirey French Roman Catholic Missions. Waxaana madax u ahaa baaderi magaciisa la oran jirey Father Cypriana, dhalashadiisuna ahayd Beljik. Dabadeedna magaalada Berbera gudaheeda iyo laba meelood oo dibadda ka ah oo la kala yiraahdo Dhay-moole iyo Majacaseeye ayay ka fureen dugsiyo Kirishtaan ah oo carruurta Soomaalida diinta Masiixiga lagu baro. Xaaji Maxamad Cabdille Xasan aad buu gaaladaa gumeysiga ah iyo waxyeelladoodaba wax uga sheegay, dadkana uga digey.

Iyadoo arrintii halkaa taagan tahay ayaa waxa dhacay argagixiso fool xun oo Xaaji Maxamad siyaasaddiisii aad u taageertay. Taasoo ahayd mid Berbera dabayl ka kicisay.
Waxa jirtey in Turkigii Xeebta Maakhirkoos u talin jirey 1865 ka hor ay magaalada Berbera ka dhiseen daar weyn oo dawladdu leedahay iyo masaajid ku qabsan. Dabadeedna daartii waxa degey nin Ingiriis ah, masaajidkana sida caadada Islaamku tahay had iyo jeer waa laga addimi jirey, waana lagu tukan jirey. Dhawr goor haddii gaalkii ka cawday oo culimadii la hadlay oo ku yiri qaylada iga daaya, hase ahaatee aan hadalkiisii dheg loo dhigin, ayuu maalintii dambe wadaadkii masaajidka ka addimaayey xabbad ku dhiftay. [Arrintaa sheekaan ku maqallay ee wax qoraal ah iyo dad goob joog u ahaa midna ma arag.] Taasina aad bay magaaladii u kicisay, Xaaji Maxamad wuxuu sheegaayeyna marag bay u noqotay, isagana caro iyo caloolxumo bay u kordhisay, hadallo waaweynaa wuu ka geystey, isagoo dadka ku guubaabinaya dagaal, jahaad iyo in gaalada la laayo. Hase ahaatee niman doxorayaal ah baa gaalkii magaalada Berbera maamulaayey u tegey oo waxay ku yiraahdeen, “Wadaad dhiirran oo dawladda iyo dadka daacadda u ahba aad war uga sheegay, ummaddana isku diraya ayaa jira.”

Arrimaha weli raadkoodii sii nool yahay oo aan la allaawin waxa ka mid ahaa wadaad la oran jirey Aw Gaas Axmed ayaa markuu hadalladii Xaaji Maxamad eegay, fanfanka ka soo baxayana arkay, gaalkii u tegey oo wuxuu ku yiri, “Wadaadkaasu wax buu soo wadaa. Haddaan haatan la qabanna meel fog baa laga dooni doonaa.” Hase ahaatee gaalkii hadalkaa dheg uma raaricin. Aw Gaas Axmed wuxuu weydiistey in hadalkaas uu sheegay loo qoro. Dabadeedna markii hadalkii rumoobey Aw Gaas mushahar baa loo qoray, intuu noolaana waa qaadan jirey.

KABIXIDDIISII BERBERA

Iyadoo arrintii sidaa u socoto, Xaaji Maxamad gadaalkii wuxuu goostay inuu Berbera ka baxo oo reer baadiyaha dhex tago. Ujeeddada weyn ee reer miyiga uu u doortayna waxay ahayd saddex hal:

1) Ammintaas Soomaaliya boqolkiiba-99 waxay degganayd baadiyaha.
2) Dadka baadiyaha degganaa Ingiriiska wax xiriir ah ama heshiis ah lama lahayn.
3) Reer baadiyaha maskaxdooda lama qaldin oo gumeysiga iyo xeeladihiisaba waa ka fayoobaayeen xaajiguna ujeeddadiisa wuu dhacsiin karay.

Dabadeedna 1897 dabayaaqadiisii ayaa Xaaji Maxamad ka baxay magaalada Berbera, isagoo koox wadaadda ahi la socdaan, wuxuuna sii maray meelihii Mission-ku degganaa, isagoo doonaya inuu ogaado heerka arrinkoodu marayo iyo shaqada ay halkaa ka wadaan. Waxa la weriyey Xaaji Maxamad inuu u yeeray wiil ku jira dugsiga Mission-ka oo uu ku yiri, “Magacaa?” Wiilkii wuxuu yiri, “Magacayga waxa la yiraahdaa Joon Cabdillaahi.” Dabadeedna yaa tahay buu ku yiri, wiilkiina wuuxu yiri, “Reer Father baan ahay.” Halkaa waxa uga caddaatay in diintii la beddeley, carruurtiina la magacdooriyey, dalkiina la qaatay. Doglaas Jardiin oo arrintaas ka warramayna wuxuu yiri:

“To some extent this propaganda was assisted by the labour of a French Roman Catholic Mission in Berbera, which fed and educated the starving and homeless children of the country with a view to converting them to the Christian religion.” [THE MAD MULLAH OF SOMALILAND, Douglas Jardine, O.B.E. (Secretary of the Administration, Somaliland, 1916-21) First Edition; London 1923; p. 48.]

Hadalkaas af Soomaali waxaa loogu tarjami karaa sidatan:

“lnta badan, iidhehdaas fidinteeda waxaa si weyn u caawiyey hawlihii baaderiyada Katooligga Faransiiska ee Berbera fadhiyey oo cunto iyo tacliinba siinaayey carruurtii dalka ee bakhtiyeysey oo aan hoyga lahayn, si loogu abaabiyo diinta Kirishtada.”

Markuu meelahaa indha indheeyey, horay buu u sii dhaafay oo wuxuu tegey Shiikh oo Dariiqo Qaadiriya ahi tiil. Culimadii joogteyna wuxuu kala hadlay gaalada diinta Masiixiga ah faafinaysa oo dooneysa inay diinta Islaamka beddelaan. Dariiqada Shiikh hadduu ka soo kacayna, wuxuu yimid Burco oo markaa ahayd ceel xooluhu ka cabbaan. Dabadeedna wuxuu u dhaafay dhinaca Oodweyne oo uu kula kulmay Suldaan Nuur Axmed Ammaan oo dalkaas magac weyn ku lahaa. Halkaasna si wanaagsan baa Xaaji Maxamad loogu soo dhoweeyey, Suldaankiina wey is-afgarteen.

DEGIDDII QORYAWEYN

Qoryaweyn waa Ceel magaalada Caynaba geesta galbeed ka xiga oo hilaadda 29 mayl u jira oo aan saas biyo badan u lahayn, Sayid Maxamadna halkaasaa ugu horreysey meel uu Daraawiish asaaskeeda ka bilaabo, dariiqada Saalixiyana ka fidiyo.

1898 ayaa Sayid Maxamad Ceelkaa Qoryaweyn hooso ama waab lagu tukado kutubtana lagu raacdo ka dhisay. Muddo gaaban ka dibna wuxuu u rogey masaajid weyn wuxuuna dadka ugu baaqay in diinta la barto, Dariiqada Saalixiyana la galo, xoolahana siyaaro laga bixiyo, Daraawiishna la noqdo; wuxuuna bilaabay dicaayad iyo wax-ka- sheegid gaalada ka hor jeedda, si dadku u garto ugana digtoonaado gumeysiga iyo waxyeellada uu leeyahay. Muddo gaaban dhexdeed dad fara badan baa u riyaaqay dariiqada Saalixiya, magaca darwiish la yiraahdana waa hirgalay dadkiina wuxuu siiyey duub cad iyo tusbax KUUK ah. Digrigii dariiqada Saalixiya iyo tawasulkii Shiikh Maxamad Saalax astaanta u ahaa baa halqabsi u noqday, taasina waxay dhalisay inay meeshii xarun noqoto oo culimo iyo caamo nin waliba yimaado isagoo reerkiisii wata, diintana baranaya.

Markuu reer baadiyaha dhex tegey wuxuu ku dadaalay inuu xumaantii dadka ku kala dhex jirtey ka saaro oo heshiis iyo walaalnimo dhex dhigo taasna aad baa loogu jeclaystay, waxaaba la yiri, “Waa weli Ilaah ummadda u soo diray.”

Sayid Maxamad wuxuu gaar ahaan u muujiyey baahida uu u qabo hub iyo fardo inuu helo, wuxuuna dadka ku waaniyey ninkii diinta daacad u ahow ama janna doonayow buntuqaaga iyo faraskaaga dariiqada keen. Xeeladda labaad oo la yaabka leh oo uu ku kacayna waxay ahayd ninba ninkuu ka waxtar roona ayuu si wanaagsan u soo dhoweeyey oo gacanta qabsaday.

1899 waxa dhacday arrin sheeka lala yaabo leh. Waxa la yiri dhawr nin oo ilaalo ah oo ciidammada Ingiriiska ka tirsan, ayaa Sayid Maxamad u tegey. Nimankaas lama oga in Ingiriisku soo diray iyo in kale. Markuu sooray aadna u maamuusay ayuu ku yiri, “Dabkaad sidataan, gaal baa leh ee maad daraawiishta kaalmo u siisaan ama naga iibsataan?”

Dabadeedna nin raggaa ka mid ahaa oo la oran jirey Ducaale Xirsi ayaa hadalkii u guuxay oo buntukhiisii afar geel ah Sayid Maxamad ka siistay. Ragga taariikhda qora qaarkood waxay yiraahdeen markuu ninkaasu ka xog warramay, wuxuu war ku bixiyey in buntukhii Sayid Maxamad ka xaday. Hase ahaatee daraawiishi waxay tiri sidaa ma ahayn. Ninkaasi xogwarrankiisii wuxuu ku yiri, buntukhii Sayid Maxamad baa iga xoogey. Si kastaba arrintu ha ahaato ama ha u helee waxa hubaal ah in buntukhii Sayidka gacantiisa galay. Sida runta ah hubka ey Daraawiishi ku dagaal gashay badankiisa wexey ka furteen ciidankii Ingiriiska, gaar ahaan labada goobood oo kala ahaa Beer-dhiga iyo Cagaar-weyne. Buntukhaasina wuxuu ahaa kii ugu horreeyey ee gacantiisa gala, marka loo eego hubka ey furteen. Ninkii magaalada Berbera Ingiriiska u fadhiyey waraaq erayo kululi ku qoran yihiin oo uu buntukhaa ku doonayo buu Sayidka u soo diray. Sayidkuna wuxuu ugu war celiyey waraaq la mid ah oo uu buntukhii ku diidayo.

Labadii waraaqood waa kuwakan:

[The Mad Mullah of Somaliland, Douglas Jardine, O.B.E. (Secretary to the Administration, Somaliland, 1916-21) First Edition; London 1923; p. 41-2.]

حرر في بربره ٢٩ مارس ١٨٩٩

١٩ ذي القعدة ١٣١٦

من حاكم بربره إلى الحاج محمد عبدالله

بعد السلام

بلغنا أن واحد رجل يدعى دعاله حرسي من أصحاب القبطان كوكس هرب ببندق كان سرقه وإن الرجل المذكور أتى بالبندق إليكم فنحرر هذا الكتاب منا فنحبكم أنه إذا كان هذا البندق لديكم يلزم إرساله حالا إلى بربره والسلام

كورد وصاحب

بربره

[Warqad Ingiriisku Sayid Maxamed u diray]

لا إله إلا الله محمد رسول الله
يا رجل ما سرقت منك شيئا ولا من غيرك اجر مرادك ممن سرقك واخدم من اخترت والسلام

[Warqad Sayid Maxamed Ingiriis ugu jawaabay]

WARBIXIN QARSOON

Bilihii Daraawiishtu Ceelka Qorya-weyn degganayd waxaa la faafiyey, ama la fidiyey, dicaayad guubaabo hanjabaad iyo faan oo waxa la is dhexmariyey. “Berbera waa la gubi gaalana waa laga saari, baddaana waanu tallaabi, beri waxaanu dhigno ha la ogaado,” iyo wax la mid ah. Sayidku waraaq buu u diray Suldaan Diiriye Suldaan Xasan, isagoo uga digaya in carruurtooda la gaalaysiiyo, waraaqdaas markii laga dhex akhriyey shir weyne Suldaan Diiriye ka talinaayo waxa kacay bulaan xagga diinta ah iyo dabayl bari ka soo dhacaysa. Doglaas Jardiin oo arrintaas wax yar ka qoray wuxuu yiri:

“Do you not see,” the Mullah wrote to the Aidagalla tribe in July 1899, “that the infidels have destroyed our religion and made our child­ren their children?” With a religious revival in view he laboured, le­gitimately enough, for four years from 1895-1899, but with scanty success.

Bishii Luulyo 1899, Sayidku waraaq buu u diray degmada Ciidagale isagoo ku leh, “Saw ma aragtaan inay gaaladii baabi’iyeen diinteennii oo carruurteennii ay ka dhigeen carruurtoodii?” Sayidku isagoo doonaya inuu sameeyo kacaan diiniya garna u leh afar sano oo ka bilaabata 1895-1899 ayuu ku hawllanaa, in kastoo aanu guul weyn ka gaarin.

Sayidku markii hore Siyaasaddiisa wuxuu ka bilaabay dhinaca diinta wuxuuna ku kacay inuu Masiixiga iyo Maxamadiyada isku diro; sida runta ah taasna guul buu ka gaarey. Waana arrinta qur ah oo uu dadka ku kiciyey ama lagu raacay. Waagaas waxa jirtey haddii waraaq Daraawiish ka timi la helo badanaaba Ingiriiska ayaa loo gudbin jirey si kalsooni iyo xoolaba looga helo. Sida laga xigtey xog warran uu u qoray qunsulkii guud ee markaa dalka Soomaaliya Ingiriiska u fadhiyey Taliyaha Guud ee Cadmeed oo shaqadiisu ku xirnayd.

Muddo ka dib ayaa waraaqdaas loo geeyey qunsulkii guud ka dibna faalla dheer buu ka bixiyey wuxuse aad ugu dheeraaday mishinkii Berbera fadhiyey dabadeed waraaqduu diray 20kii Agoosto 1899 oo weliba siyaasad qarsoon lagu diray waa tan:

To: Her Majesty Principal Secretary of State for Foreign Affairs, London.

Hargeysa, 20th August, 1899.
No. 69.
Political – Confidential.

My Lord
I have the honour to enclose translation of a letter from the Mul­lah Muhammad Abdullah to the Aidagalleh, as a specimen of the manner in which he has been trying to seduce the tribes from their allegiance to us. Although this letter has only now come into my hands there is reason to believe that it reached Sultan Deria of the Aidagalleh some two months ago, for the Sheikh Madar tells me that about that time Sultan Deria sent a message to him saying that he had heard from the Mullah and asking his advice as to whether he should join him or not.
The allusion to “making our children their children” evidently refers to the Roman Catholic Mission at Berbera, about which it is known that Sultan Nur sent and took false reports to the Mullah, probably with the view of ingratiating himself with him.

I may here explain that the Mission consists of three members – two Fathers and one Brother – and 69 boys. The mission has been established for many years in Berbera, and though it was looked upon with suspicion at first that feeling has worn off and the people are now well accustomed to the presence of the Fathers, and pay little attention to their educational proceedings. No boy can be received into the Mission without the consent of a near relation who has to sign a paper in the presence of the Vice-Consul that he leaves the boy of his own free will and that he will not with-draw him before a certain age, which is generally fixed at eighteen. As a rule the boys are brought to the Mission by their parents to save the latter the expense of keeping them. The fathers take great pains with the education of the boys but they have not been altogether fortunate in those they have turned, out; and in the case of the few converts they have made these revert to their people. As Medical Missionnaries the Fathers have done a great deal of good in dispensing medicines and healing the sick in the town, and this is appreciated by the town people.

Attached to the Mission, but in a separate building, are a Lady Superior and two Sisters. They never have more than three or four small girls from the wive and trays of the town, who stay but a short time with them. The institution is a failure; the Sisters are generally ill, and I have more than once suggested to the Fathers the impropriety of subjecting the Sisters to the deleterious effects of residence for con­secutive hot weathers on the Coast for such poor results.

It is the hope of the Mission that they may be allowed to move on to the upland of the Protectorate. Such a question, they have been told, cannot be considered for some years to come.

I do not consider that the presence of this Mission in Berbera has had anything to do with the movement that originated in the Dolbahanta, though it is doubless a useful lever with which to try and raise disaf­fection amongst our Mahomedan tribes. I showed the letter to which allusion has been made above to Sheikh Madar, the head of the re­ligious community here and he at once said “Why, it is the writer who is destroying our religion.”

I have very little to report regarding the Mullah, he is still in the neighbourhood of Bohotele, but rumours are current that he is shortly making a move towards Burao. On the other hand the sections of the eastern Habr Yunis who have all along been reported to be with him, have now written in asking to be allowed to go to Berbera. They have been told to send their headmen to Berbera where they will be told the conditions on which they will be permitted to bring in their caravans. I propose to allow these people to trade as usual with our ports as it is my object to detach them quietly from the Mullah, but in order to have a hold over them after the caravan season is over I shall take a cash security from each section before it is permitted to bring its caravans.

Habr Yunis tribes, where I shall be in close touch with Berbera and better able to sift the reports from the eastern districts than I am here.

I have the honour to be Your Lordships most obedient Humble Servant H. B. M. Consul General Somali Coast Protectorate.

A copy of this Despatch is being sent to Cairo.

Warqaddaas waxa Af Soomaali loogu tarjumi kara sida soo socoto:

Ku: Xoghayaha Guud ee Boqoradda ee Arrimaha Dibedda, Landan
Lam. 69
Hargeysa, 20kii Agost 1899

Sir-qarsoon

Mudanahaygii,

Waxaa sharaf ii ah inaan halkan kuugu soo lifaaqo tarjamada warqad wadaadka Maxamed Cabdulle uu u diray Ciidagale, gaar ahaan sida uu isugu deyey inuu u beerlaxawsado oo ka gooyo daacadda ay noo yihiin. Iyadoo warqaddaan ay haatan i soo gaartey, waxaa la maleyn karaa in Suldaanka Ciidagale oo ah Suldaan Diiriye uu helay war­qaddaas muddo laga joogo labo bilood, maxaa yeelay Shiikhaa wuxuu iigu sheegay warqaddiisa uu ka helay farriin wadaadka uu ku weydiisanayo inuu kala taliyo hadduu ku soo biiri lahaa dariiqada iyo haddii kale.

Marka uu leeyahay “Carruurtayadii ayey carruurtoodii ka dhigayaan,” wuxuu ula jeedaa Kaniisadda Masiixiga ah ee ku taal Berbera taasoo la ogsoon yahay in Suldaan Nuur warar been ah wadaadka ka siiyey, lagama yaabo inuu naftigiisu damacsan yahay inuu wax la qabsado wadaadka. Waxaan halkan kuugu tifaftiri karaa Mishinku inuu ka kooban yahay saddex qofood: Labo baadari (wadaad) iyo hal baadari-ku-xigeen iyo 69 wiil. Kaniisaddani waxay ka dhisnayd Berbera sanooyin fara badan, inkastoo markii hore aad looga tuhun qabay, haatan waxaad mooddaa dadku inuusan dan ka lahayn habka waxbariddooda. Canugna loomo oggola inuu Mishinku qabto isagoo eyan la socon wixii markaa ehel ugu dhaw, iyadoo weliba Qunsul ku-xigeenka hortiisa lagaga saxiixayo warqad uu ku caddaynaayo in­uusan ka saari doonin Mishinka ilaa uu ka gaaro 18 sano.

Waxaa caado ahayd in wiilasha ay keenaan Mishanka waalidkood. si ay ugu fursadaan kharashka korintooda iyo waxbariddooda.

Baadiriyaashu dhibaato xoog leh ayay kala kulmeen waxbaridda carruurtaas, laakiin nasiibdarradu waxay ahayd, inta yar oo ay gaaleysiiyaan, marka ay reerahoodii dib ugu laabtaan ayay waxay ku noqdaan diintoodii Islaamka.

Marka aan ka eegno hawsha Baadiriyaasha xagga caafimaadka, waxay qaybshaan daawooyin, waxay daweeyaan kuwa jirran ee magaalada taasoo reer magaalku aad ugu qaddariyo.

Waxaa Mishinka la xiriira oo gooni u deggan saddex gabdhood oo wadaadda ah (Soorrooyin) oo midi madax tahay. Weligood ma helin wax ka badan saddex ama afar gabdhood oo yaryar ah oo aan waalid lahayn ama wax daba jooga, kuwaasoo ay ka soo kaxaystaan dariiqyada magaalada, waxayna la joogaan muddo gaaban, ku abuurista Mishinka halkan waa lagu khasaaray, gabdhaha wadaaddada ah, inta badan waa bukaan, dhawr goor waxaan kula taliyey Baadariyaasha, inay ka kaxeeyaan gabdhaha wadaaddada ah hawadan xeebta oo aad u kulul, mar haddii natiijada ay soo saarayaan eyan u dhigmin dhibaatada gaaraysa caafimaadkooda.

Mishinku wuxuu rajeynayaa in loo oggolaado inuu u guuro Maxmiyadda gudaheeda oo uu ka fogaado xeebta, arrintaas waxaa horay loogu sheegay, inaan sannadaha soo socota lagu tashan karin. Aniga ilama aha joogista Mishinka magaalada Berbera iney lug ku leedahay dhaqdhaqaaqa Dhulbahantaha, inkastoo aan shaki ku jirin iney taasi ka careysiineyso Muslimiinta raaciyadda inoo ah. Warqadda aan horay u soo sheegnay waxan tusay Sheekh Madar, oo madax u ah dariiqada halkan joogta, wuxuuna igu yiri markiiba “Maxaa dhacay, ninka warqaddan soo qoray ayaaba duminaya diintayadiiye.”

War fiican kama hayo Wadaadka, laakiin war ku tiri ku teen ah wuxuu sheegayaa in dhowaan uu u guuri doono xagga iyo Burco.

Midda kale qolooyinkii reer Bari ee Habar Yoonis, oo horay u raacsanaa Wadaadka, haatan warqad bay soo qoreen oo ay ku waydiisanayaan in loo oggolaado iney tagaan magaalada Berbera. Waxaa loo sheegay iney u soo diraan madaxdooda Berbera, halkaasoo loogu sheegi doono shuruudaha loogu oggolaanayo inay safarradooda soo geshaan magaalada. Waxaan soo jeedinayaa in Habar Yoonis loo og­golaado iney ka ganacsadaan dekedahayaga ulajeeddadaydoo ah iney ka soo go’aan Wadaadka, ama aan gacanta ugu hayo, marka uu xilliga safruhu dhammaado, jilib walba waxaan ka qaadayaa dammaanad lacageed, inta aan loo oggolaan iney safarradooda kaxaystaan.

Berrito qalcaddayda waxaan u rari doonaa xagga iyo Habar Yoonis galbeed, halkaasoo aan u dhowaanayo Berbera, si aan si hagaaagsan ugu kala saaro wararka ka imaanaya degmooyinka Bari.

Waxaa sharaf ii ah inaan kuu ahaado Mudane, adeegahaagii daacadda ahaa, H. B. M. Qunsulka Guud Maxmiyadda Xeebta Soomaaliyeed

Nuqul ka mid ah warqaddan waxaa loo diray Qaahira.

Ugu dambaystii Mishinkii Kirishtaanka ahaa Soomaaliya waa laga saaray, Kaniisaddiina waa la xiray, markii Ingiriisku saadiyey haddii Mishinku dalka ka guuro, dagaalka iyo werarradu waa damayaan, hase ahaatee malahaasi waa beenoobey, sida uu sheegaayo arji uu qoray nin baadari ah oo Cadan fadhiyey 1911kii isagoo dawladda Ingiriiska weydiisanaya in loo oggolaado inuu mar labaad magaalada Berbera kaniisad Kirishtaan ah ka furo taana waa laga diidey.

1899 bartamihiisii ayaa Sayid Maxamed isku dubba ridey dad lagu qiyaasay hilaadda 5000 oo qof oo rag iyo dumar isugu jira, magaca Daraawiisheedna wata, xoolo ku filan oo geel iyo fardo u badanna haysta, iyo laba boqol oo buntukh. Dadkaasina wuxuu u badnaa dadkii Nugaal degi jirey. Arrimaha Sayidka ay u taageereenna waxa ugu wacan laba hal:

1. Sayidka oo ka dhashay oo ay aqoon dheeraad ah u lahaayeen, dadkana Diinta Islaamka iyo Dariiqada Saalixiya ugu baaqay.
2. Iyagoo Ingiriiska wax xiriir ah ama heshiis ah aan la lahayn. Xeebahana aan wax ganacsi ah la lahayn iyo iyagoo reer baadiya ahaa.

1899 bishii Abriil ayaa Ingiriisku dhab u rumaystay in meeshaas dhaqdhaqaaq iyaga ka soo horjeedaa jiro, hase ahaatee waxaan la hubin dhaqdhaqaaqaasu inuu horay u socon doono iyo in kale. Goor gumeysigu damacsan yahay bal in rag ciidammada wardoonka ka tirsan halkaas loo diro si loo ogaado waxa meeshaa ka socda ayaa Daraawiishtii Qoryaweyn ka guurtay oo waxay u kacday dhinacaas bari. Geeddigaasu wuxuu baabbi’iyey cabsidii Ingiriisku ka qabay mar haddii Wadaadkii iyo wuxuu watay baadiyaha bari u guureen waxba tari maayaan.

Dariiqadii hadday Qoryaweyn ka guurtay waxay degtey balli la yiraahdo Dareemacaddo oo Buuhoodle dhanka waqooyi galbeed ka xiga. Gugaa waxa loo bixiyey Tawasulley maxaa yeelay tawasulkii halku-dheggiisu ahaa “Shay Lillaahi Sheekh Maxamad Saalax” oo dariiqada Saalixiya astaanta u ahaa ayaa aad u faafay, dadkii Ciid iyo Nugaal degganaa iyagoo aan hambayn cidina ka harin ayay daraawiish noqdeen. Dad kaloo culimo u badan oo muhaajir ahina waa yimaadeen, warkoodiina kor buu u kacay, dadkuna waa jeclaaday.
Sayidku wuxuu ku caan baxay aftahamo, deeq, wax qaradnimo iyo isagoo diinta Islaamka aqoon dheer u lahaa markaasaa dadkii meel walba uga yimid si ay u dhegeystaan hadalladiisa murtida leh iyo waanadiisa macaan, taasi waxay keentay in la yiraahdo ninku waa weli xagga Eebbe looga warramo.

Odayaal warkooda Iagu kalsoon yahay waxa laga weriyey nin danley ah oo aan magaciisii la helin ayaa nin la oran jirey Firin Qodax Faahiye oo hodan maal qabeen ahaa, geela u raaci jirey, waxana lagu heshiiyey inuu gugii la arkaba qaalin geel ah hawl u siiyo. Hase ahaatee markuu dhawr gu’ geelii ilaalinaayey ayuu hawlkiisii weydiistey. Firin wuxuu yiri, “Waxba ku siin maayo.” Taasna ninkii geeljirka ahaa waa ka xumaaday. Dabadeedna wuxuu goostay mar haddii xaqiisii loo diidey inuu xoolaha Firin wax ka dhaco. Wuxuuse ka yaabay in laga daba yimaado oo la dilo ama dadka uu dhex marayaa waxyeello u geystaan.

Markii dambe ayuu wuxuu sheeko ku maqlay iyadoo la leeyahay wadaadka soo baxay wuxuu jecel yahay fardaha oo ninkii faras u geeya wuxuu ka siistaa toban geela. Ninkii geela raaci jirey wuxuu goostay inuu faras Firin leeyahay la baxsado, dabadeedna wadaadkaa u geeyo oo geel ka siisto. Taasina waa u suura gashay, habeenkii dambe ayuu faraskii la tegey.

Firin Qodox waa raacdo galay oo wuxuu ninkii iyo faraskii ugu tegey Dariiqadii, wuxuu arkay faraskiisii oo fardihii Daraawiishta ku jira, wuxuu yiri, “Faraskan anaa layga soo dhacaye ha lay siiyo.” Ninkiina arrintu siday ahayd ayuu ka warramay. Dabadeedna waxaa Firin Sayidkii ku yiri, “Ninkanu xaq buu kuu sheeganayaaye ka gar bax.”

“Ninku hadduu wax ii sheeganayo Ferenjiga haw tago oo hayga dacweeyo, anigase faraskayga ha lay siiyo,” Firin baa yiri.

Sayidkii wuxuu yiri, “Mar haddaad gar qaybtii Muslinka diiddey oo tan gaalka oggoshahay, gaal baad tahay, oo waad xujawdey, sharciguna waa ku dilayaa.” Dabadeedna waa la diley, ninkaasaana ugu horreeyey nin xaruntii Daraawiishta ku dhinta, Garaad Calina wuxuu ahaa ninkii labaad.

BILOWGII DHAQDHAQAAQA

Abbaaraha bishii Oktoobar 1899 ayaa Daraawiishtii talo ku gaartay mar haddaynu damacsannahay inaynu diinta noolayno, dariiqada Saalixiyana faafinno, gaaladana ku jahaadno, dad iyo duunyo urursano, waxaa lagama maarmaan ah inaynu garab iyo gaashaan ka helno degmooyinka galbeed Togdheer, Burco, Oodweyne iyo intii ka dhaxaysa deggan. Dabadeedna hub iyo faras wixii markaa la heli karo inta la urursaday ayaa waxa la guddoonsaday in galbeed shir loogu baxo. Sidaasna waxa looga jeedey laba hal:

1. In gaalada la cabsi geliyo oo dhaqdhaqaaq la sameeyo.
2. Aadane waa indho kumiyirre e in Israacooda iyo wadajirkooda degmooyinka galbeed deggan ku soo jiitaan.

Beryahaasna waxa Daraawiishta dhexdeeda laga faafiyey ninkii aan ina raacin oo waxaynnu wadno innala wadin waa gaala caawin ee ha la xujeeyo, xoolahana ha laga dhaco. Si arrintaas loo beeniyo darteed ayaa rag shan kun oo nin lagu qiyaasay, Sayid Maxamadna hor socodaa ay galbeed u ambabaxeen. Dabadeedna colkii wuxuu te­gey Beer, Burco iyo Oodweyne. Wuxuu dareemay mooyee, markii Beer la maraayey ayaa Garaad Cali Garaad Maxamuud dib uga noqday.

Dadkii arladaa degganaa dhiilaa gashay oo waxay moodeen in iyaga lagu soo duuley, hase ahaatee waxa lagu yiri, “Waxaan ku jahaadeynaa gaalada iyo dadka raacsan,” dabadeedna waxay gubeen dariiqo Qaadiriya ah oo Shiikh degganayd. Doglaas Jardiin wuxuu qoray:

“Waxaa beryahaa la faafiyey in Wadaadku Berbera gubi doono, Mishinkana baabi’in doono, dabadeedna cabsi daraaddeed ayaa Hindigii iyo Carabtii maalqabeenka ahaa magaaladii ka qaxeen oo Cadan u dhoofeen.”

In kastoo gadaalkii ballan fur foolxumi dhacay oo talo iyo arrinba lagu kala boodey, haddana markaas aad baa loogu dabbaal degey, Daraawiishta ujeeddadeeduna waxay ahayd dhoolla tusad iyo hanjabaad siday doonayeenna waa u meel martay. lyagoo xoolo siyaaro loo siiyey oo geel iyo fardo u badan wata ayay dib u soo geddoomeen.

Dayrta la oran jirey Tawasulle gugeedii ayaa Daraawiishtii xagga bari u sii guurtay, warkoodiina aad buu dalka ugu baahay, dadkiina ugu riyaaqay, geeddigaasna waxa ugu wacnaa laba hal:

1. Sayid Maxamad oo doonaayey inuu reer abtigii dhex tago si uu garab iyo gaashaan iyo gargaarba uga helo, iyo raggii la socdey oo jiitey.
2. Ololaha Daraawiishta oo dalka bariga deggan lagu fidiyo, laguna faafiyo dabadeedna dariiqadii waxay tagtay Dhuuglihi, Widhwidh iyo hareerihiisa, dadkiina waa batay; dabadeedna waxa la gartay saddex hal
– In la abuuro niman magacooda la yiraahdo Qusuusi oo had iyo jeer Sayidka la taliya.
– In la sooco Gaarhaye xarunta gudaheeda iyo Sayidka ilaaliya.
– Qofkii la garan waayo ama loo maleeyo inuu Daraawiish ka meel yahay ama doonaya inuu is hor taago marka hore in la waaniyo oo lala taliyo, hadduuse taladaas iyo waanadaas qaadan waayo in laga tashada.

Ingiriisku wuxuu sheegay: Bishii Oktoobar 1899, inay Boosaaso u gudubtay dooni wadata calanka Faransiiska oo sidda banaatiikh iyo saanad, waxa hubkaa iibsaday Boqor Cismaan, dabadeedna wuxuu u gudbiyey Sayid Maxamad.

Haddaba haddaynu hadalkaas runtiisii baadi doono, Xaaji Xasan Aw Faarax oo ka mid ahaa ragga ganacsatada waagaas taariikhda Daraawiishtana aad ula socdey, wuxuu yiri:
Laba nin oo la kala oran jirey Xaaji Cismaan Cali Guuleed iyo Cali Askar Maxamad Meecaad ayaa Sayid Maxamad u geeyey labaatan buntukh oo waxay ka siisteen midkiiba toban geel ah. Waxa laga yaabaa in nimankaasi dabka ka keeneen Jabuuti, waxase hubaal ah in banaatiikhdu Daraawiishta Boosaaso uga iman jirtey mar hore iyo mar dembeba.

[Official History of the operations in Somaliland, 1901—1904 Vol. I, p. 50.]

DILKII GARAAD CALI

Garaad Cali Garaad Maxamuud oo ammintaas reer Nugaaleed Boqor u ahaa iyo rag kale oo talada ku raacsanaa ama la talin jirey ayaa run ahaan arrinta Sayid Maxamad wado diiddanaa oo dariiqada. Dabadeedna rag xigaalo u ah ayaa loo diray oo waxa la yiri, “Bal Garaadka ha lala hadlo.” Hase ahaatee Garaadka markii xaajadii loo geeyey oo lagu yiri, “Dariiqada qaado, jahaadkana nala gala,” wuxuu soo jeediyey talo ah: “Wadaadku wixii diin ah ama diinta ku lug leh ha xukumo. Wixii reer ah ama dadka Nugaal deggan xaalkooda ah ha dhaafo, dhulkayagana gaalo ma joogto, tan xeebaha iyo magaalooyinka lagu sheegayana dagaal ku doonan mayno.”

Maantii dambe ayaa Sayidkii Garaadkii cid u diray oo wuxuu ku yiri, “Garaad bal aan tashannee noo kaalay.” Dariiqadana rag badan oo Garaadka la dhashay ama la xidid ah baa jooga, isla markaa Garaadkii inuu dariiqada tago oo Sayidka iyo raggiisa la xaajoodo waa oggolaaday. Ammintii ballanku ahaa ayaa Garaadkii iyo rag la socdaa dariiqadii yimaaddeen. Dabadeedna Sayid Maxamad baa yiri, “Garaad labadeennu aan aqal gaar ah tagno oo wada hadallo.” Hase yeeshee Garaadkii waa diiday oo wuxuu yiri, “Anigu raggayga kama faqo.” Markaasaa Sayidkii ku dedaalay si uu u hagaajiyo aqal weyn oo ragga wada qaada. Kolkaasaa Garaadkii xan wuxuu ku yiri, “Kabash-kabashley, wallee aniga iyo adigu Nugaal kama wada talino.” Hadalkaa ayaa Sayidkii loo sheegay. In kastoo hadal waayeel oo hufan lagu wada hadlay Garaadkii wuxuu yiri, “Nugaal iyo dadka deggan anaa Boqor u ah. Taladooda nin iiga dambeeya maahee ninna uga dambayn maayo!”

Bishii Oktoobar 1899 ayaa waxa sir lagu ogaaday in Garaadkii laba warqadood oo kala duwan diray: middood wuxu u diray Bo­qor Cismaan oo u talin jirey Gobolka Boosaaso iyo xeebaha Bari oo ku yiri, “Wadaad Ogaadeen ah oo dariiqo aan dhulkan laga aqoon wata ayaa dunidii walaaqay, dadkiina kaxaystay. Dab iyo askarba ii soo dir.” Mid kalena wuxu u diray Ingiriiska. Hase ahaatee waraaqdaa uu Ingiriisku u diray waa la qabtay. Markii taa la ogaaday, horena loo tuhumsanaa, waxa loo qaatay inuu Daraawiish ka soo hor jeedo. Dabadeedna rag baa loo diray oo waa la xujeeyey waana la diley isagoo war ma qabto ah.

[THE MODERN HISTORY OF SOMALILAND, by I. M. Lewis, London 1965, p. 70]

Taasi hadday dhacday, dadkii waxa gashay dhiillo, raggii madaxda ahaa qaarkoodna waa ka xumaaday, Daraawiishtiina waxay ku sigatay inay kala yaacdo. Markaasaa Sayid Maxamad iyo raggiisii waxay ka baqeen in arrintu xumaato; waxayna la noqotay inay Nugaal ka guuraan oo Ogaadeen u kacaan. Kolkaasaa dariiqadii guurtay oo waxay u kacday arla Ogaadeen.

DARAAWIISH IYO OGAADEEN

Daraawiishi Ciid iyo Nugaal hadday ka guurtay oo u kacday arlo Ogaadeen, waxay saldhigtay Haradigeed oo ah bartamaha degmada reer Subeer. Cabdi Maxamed Waal, oo ahaa nin karmeed la yaqaan ayaa daraawiishta hor maray, si wanaagsanna waa u taageeray, dabadeedna waxa Sayidka u dhisay walaashiis Tooxyar Shiikh Cabdulle. Si maamuus iyo xarrago leh ayaa loo soo dhoweeyey looguna soo shiray. Markii Sayidkii u warramay, ujeeddadiisii iyo wuxuu damacsan yahayna u sheegay, aad baa werdigii dariiqada Saalixiya loo qaatay. Waxa aad loola sii dhacay markuu degmooyin badan oo colaadi ka dhexeysey heshiis dhex dhigay, dadkiina wanaag iyo walaalnimo loogu baaqay.
Markuu Haradigeed tegey wuxuu soo saaray xukun ku saabsan Nabadgelyada dadka wuxuua ku dedaaley inuu nabad dadka dhex dhigo oo wixii xaq isku lahaa kala siiyo, ninkii xumaan geystana xaraasho. Taa waxaa marag u ah Geeraar uu markaa mariyey Xuseen Dhiqle. Wuxuu yiri:

Niman baa Cagaciidiyo, Camuudoo ka horreysey iyo
Cabaydhii Gacan-dhiille, Ciilkoodii la buka oo
Ku cadgoosan xaraashka, inaanaan cawsna ku tuurin,
Sayidii waa nagu ceebe caynkee baan tashannaa!

Muddo gaaban dabadeed, ayaa Sayidku dadkii dhulka degganaa isugu yeeray oo wuxuu weydiistay in jahaad loo guntado, diinta iyo dadkeedana loo hiiliyo, dab iyo faras wixii la hayana Daraawiishta loo­gu deeqo. Taasna dadka badankiisii waa u riyaaqay oo waxay la no­qotay wanaag iyo samafal Ilaah loogu dhowaanayo.

Waxa jirtey in 300 oo Xabashi ahi Galbeed ka soo duuleen oo Webi Shabeelle hoos u soo raaceen iyagoo doonayay inay dadka reer guuraaga ah xoolo sed ah ka gurtaan. Dabadeedna dagaal baa dhex maray Soomaalida xoolaleyda ahayd iyo colkii Xabashida ahaa. Markaasaa Xabashidii waxa laga furtay 72 buntukh. Sayid Maxamadna wu­xuu maqashiisnaa in dabkaas la hayo, ujeeddadiisuna waxay ahayd inuu helo si uu ku helaba.
Sayid Maxamad shiddo badan kalama kulmin dabkaa heliddiisi. Muddo dhawr toddobaad ka yar ayaa loogu keenay 72 qori iyo rasaastoodii iyo boqollaal fardo ah. Taasina waxay Sayidka u kordhisay kalsooni iyo niyadsami siday isaga la ahayd. Markuu dabkaa, faraskaa iyo rag badan oo raacsan helay, tolkiisna dhex joogo wuxuu la soo baxay taba cusub oo aan la filayn, tabahaasna waxa ka mid ahaa:

1. Wuxuu yeeshay gaadh adag oo aan amar la’aan loo geli karin iyo rag ilaaliya.
2. Rag khaas ah oo uu gooni ahaan ula tashado.
3. Dil, dhac, xaraash iyo xukun Sayidka ku siman oo aan ninna la tixgelin iyo arrima kale oo dadkii ka diday.

Markii Daraawiishtu Nugaal ka soo guurtay waxa muuqday inay ka soo fogaadeen Ingiriis iyo dhulkuu taliskiisa sheeganaayey; hase yeeshee Ingiriisku Xabashiduu la hadlay oo wuxuu ku yiri, “Nimankii fallaagada ahaa oo Wadaadka Waalani watay, dalka Ogaadeen ayey soo galeen, waxaannuna war ku helnay inuu degey Haridigeed. Waa inaad ciidammo u soo dirtaan oo wax ka qabataan.” Sidaa daraaddeed ayaa boqorkii Xabashidu wuxuu Harar ka soo diray ciidan hubkiisii u dhan yahay. Ciidankaas Xabashida ahi wuxuu weeraray degmooyin reer baadiya ah oo degganaa Dhagaxbuur iyo hareerihiisa, kuwaasoo ay ku tuhmeen inay Daraawiish xiriir la leeyihiin, waxayna ka dhaceen xoolo fara badan. Taasna waxay uga jeedeen inay dadka cabsi iyo baqdin geliyaan, xoolihiina waxay geeyeen Jigjiga.

Daraawiishtii markay maqashay waxa meesha Xabashidu ka geysatay col bay abaabuleen oo duullaan bay humeen si looga hor tago cadowgaas gardarrada u soo duuley oo dadka dhacay.

[(1) The Mad Mullah of Somaliland, by Douglas Jardine, O.B.E. (Secretary to the Administration, Somaliland, 1916-21) First Edition, London 1923.]

Bishii Maarso 5tii 1900, ayaa Daraawiishta iyo Xabashida dagaal ku dhex maray Ceelka Jigjiga. Si ba’an ayaa goobtaas laysugu diley, labada geesoodna dad badan baa kaga dhintay. Ragga taariikhda qora ee goobtaas ka hadlay waxay yiraahdeen, waxa Xabashida laga diley 230 nin in ka badan, daraawiishna 170 nin. Xabashidu waxay ku warrantay sidaas si ka duwan oo waxay yiraahdeen, faanna haw ahaatee, “Annagaa wax jebinnay oo Daraawiish laynay, xoolihiina kaxaysannay.” Haddaba si kasta arrintu haw dhacdee, markii colkii Xabashida laga soo noqday xoolihiina laga soo dhacsaday, hub doorana laga furtay, ayaa Daraawiishi xaruntii dib ugu soo noqotay. Goobtaasina waa dagaalkii ugu horreeyey oo Daraawiish iyo dawlad gumeysato ah dhex mara.

Sayidku aftin iyo waraaquu u diray degmooyinkii degganaa Koofurta Bari ee Hargeysa, isagoo uga digaaya gumeysiga iyo tabihiisa iyo Kirishtaanka carruurta kaxaysanaya, waxaana la mariyey tixahan:

Ninkii heer u weynaa inuu hawsha galo baw eg,
Hal nin raray horseed uma ekee soo hitigin bow eg,
Ninkii aabbihii hawsha waday inuu hayaa baw eg,
Wiilkii halyeeyihii jahaad inuu holaa bow eg,
Gaalada in laga soo haraa habar magaadlow eg!

Bishii Juun 1900, yaa Daraawiishtu ku duushey beelo degganaa Gaaroodiga u dhexeeya Hargeysa iyo Oodweyne. Kuwaasoo siday Da­raawiishtu sheegatay lagu tuhmay inay Ingiriiska xiriir la lahaayeen. Geel lagu qiyaasay 2 kun oo halaad bay degmooyinkaa ka soo dhaceen. Duullaankaasi wuxuu caan ku yahay oo loo yaqaan Dayax-weerar. Ragga taariikhda sheegaa siday weriyeen kaasi waa duullaankii ugu horreeyey oo Daraawiish qalqaalo ugu kacdo, xoolo Soomaaliyeedna la­gu dhaco. Iyadoo laysku ogaa in diinta kor loo qaado, dalkana gaalo laga daafaco, ayaa colkaa la ambabixiyey. Nin Shiikh ah oo la oran jirey Shariif Cabdulle Shariif Cumar ayaa ilaalo u ahaa, Sayidkuna waa diray. Markii colkii dareeray, culimadii diintuna hor socoto geelaana la soo dhacay ayaa nin arrintaas ka yaabay geeraar mariyey oo wuxuu yiri:

Col Shariif; waceysiyoo, Caalin reero dhacaaya,
Cilmi geel lagu qaado, Sayidkii Calmanaayow,
Cimri yuu ku simaayoo, ciribteeda ogaada!

Geela beeshaas laga helay iyo xoolo ka horreeyey oo dad iyo duunyaba lahaa oo banka Jigjiga laga soo dhacay ayaa Daraawiishi xoog ku yeelatay, tabarna ugu horreeyey, hase ahaatee markii dambe Sayidku waa ka qoomameeyey oo waa kii lahaa:

Ciida gale ma daaroo, an danqaabi maayoo
Duubigey calaamayn Diiriyaanu xididnoo
Dayax weerar jeer hore rag baa igu dukhuloo.

Dagaalkii Jigjiga oo Xabashida lagaga gol roonaaday markuu dha­cay gadaalkiisii ayaa Boqorka Xabashada oo ahaa Minilig talo Ingiriiska u soo jeediyey oo wuxuu yiri, “Waxaan ku talinayaa in dawladda Xabashida iyo dawladda Ingiriisku wadajir col u qalqaaliyeen si loola dagaallamo nimankaa fallaagada noqday oo Wadaadka Waalani wato, intayan dunida kharribin.” Taladii Minilig Ingiriiska u soo jee­diyey oo aanu soo xiganey waa tan:

“ln the meantime, the Negusa Negust (King of Kings) the Empe­ror Menelik, more correctly styled Conquring Lion of the Tribe of Judah, Menelik II, the Elect of God, King of Kings of Ethiopia, had proposed a combined movement of British and Abyssinian forces against the Mullah, and in November it was decided to raise a levy of 1000 Somalis, including the mounted companies, with British Of­ficers, under Captain Local Lientenant-Colonel E. J. E. Swayne, In­dian Army, to cooperate with the Abyssinians. The plan was that the Abyssinians should drive the Mullah from the Ogaden, while our force would attack him from Burao, should he retreat to Bohotle in accor­dance with expectations. Thus, preparations were begun for the first expedition against Somaliland’s turbulent priest.”

Hadalkaas waxa af Soomaali loogu tarjami karaa sidatan:

“Markay arrintii saas ahayd, Boqorkii Boqorrada Itoobiya Imbradoor Menelik 2aad oo badanaaba la yiraahdo Libaaxii Guusha ee qabiilka Juuda, kuu Ilaah Doortay wuxuu soo jeediyey in la dhiso ciidan ka kooban Ingiriis iyo Xabashi oo ka hor taga wadaadkaas. Bishii Nofember waxa lagu taliyey in la abuuro ciidan 1000 nin oo Soomaali ah ka kooban oo ay ka mid yihiin laba cuntub oo fardooley iyo rakuubley ah, ayna u taliyaan saraakiil Ingiriis oo uu madax u yahay dhame, meeshaanse u ah Gaashaanle Sare, E.J.E. Sweeyn, oo ka tirsan ciidamada hubka sida ee Hindiya oo ay iskaashadaan Xabashida. Taladu waxay ahayd inay ciidammada Xabashidu Sayidka ka oryaan Ogaadeenya, ciidammadayaduna ka weeraraan xagga Burco, hadduu u baqdo dhinaca Buuhoodle sida laga filaayo. Sidaasaa lagu tabaabulsheeyey colkii ugu horreeyey ee lagu saaro Wadaadka Soomaaliyeed ee macangagga ah.”

Ingiriisku intaanu taladii Minilig soo jeediyey jawaab ka bixin ayuu bishii Sebtembar 1900, waraaq Sayid Maxamad ka helay digniin ah; taasoo uu ku leeyahay dalkayga nooga guura oo dalkiinnii u kaca ama waa idin la dagaallamaynaa ee ogaada. Taasina Ingiriiska waxay gelisey welwel iyo cabsi oo weligood waxay ka baqaayeen in wadaadku noqdo wadaadkii Suudaan ka kacay oo kaleeto Sheekh Maxamad al-Mahdi, waraaqdii Sayidku dirayna waa tan:

From Mohammed Bin Abdulla Hasan to the English.

This is to inform you that you have done whatever you have de­sired. You have oppressed our ancient religion without cause. Fur­ther, to inform you that whatever people obey you they are liars and slanderers.

Further to inform you that Mohammed, your Akil, came to ask from us our arms; and we, therefore, send you this letter. Now cho­ose for yourselves. If you want war, we accept it, but if you want peace, pay the fine. This and salaams.

Iyadii oo Af Soomaali ahna waa tan:

Waxay ka timid Sayidkii waxayna ku socotaa Ingiriis.

“Waxaan ku ogeysiinayaa in aad wax kasta oo aad rabteen samayseen, diintaydii qadiimka ahaydna waad cadaadiseen sabab la’aan. Teeda kale waxaan idin ogeysiinayaa may dadka idin raacsani yihiin beenaalayaal iyo fidmad wadayaal. Waxaan kaloo ku ogeysiinayaa in uu caaqilkiinnii Maxamad noo yimi isagoo na weyddiisanaya hubkayaga. Sidaa daraaddeed annaguna warqadan baannu kuu soo dirnay. Haddaba kala doorta, haddaad dagaal dooneysaan waannu oggol nahay laakiin haddaad nabad dooneysid sedo bixi. Intaas iyo nabadgelyo.

SHIRQOOLKII GURDUMI

Dadku wuxuu ahaa reer guuraa roobku u taliyo oo hadba meeshii naq leh ama deegaantu u badato u guura; sidaasoo kale ayaa dariiqaduna u guuri jirtey. Iyadoo la yaal balliga Gurraati ayaa waxa xujoobey sida la leeyahay iyagiyo ku allahoode nin la oran jirey Shide Dhabarjilic, oo ragga madaxdaa ka mid ahaa, waana la diley. Dilkiisana waxa sabab u ahaa: markuu Sayidku hubsaday inuu Daraawiish xoog leh haysto ama arkay sida yaabka leh oo loo raacsan yahay ama dariiqada Saalixiya loo qaatay ayuu intuu kala batay culimadii iyo raggii madaxda ahaa isugu yeeray oo wuxuu ku yiri, “Waxa laydinka doonayaa in nin waliba beeshuu madaxda ka ahaa soo raro oo dariiqada keeno.” In kastoo taasi arrin culus ahayd, haddana rag baa yeelay, ragga badankiisiina waa diiday, waxa la weriyey Shide Dhabarjilic oo sheekadiisu gadaal ku iman doonto inuu ka mid ahaa raggii taladaas si caddaan ah u diiday, dilkiisiina iyadaa sabab u ahayd. Dabadeed Sayidku wuxuu guddoomiyey in ninkaas la dilo; hase ahaatee waxa loo diley si qaab daran oo laga jir naxo. Oo waa sidee? Inta markii hore xabbad lagu dhuftay, ayaa meydkiisii fardo lagu tunsiiyey. Dabadeedna qoobkii fardaha ayaa hilibkiisii googooyey.

Iyadoo ninkaas dilkiisii laga xun yahay, hase yeeshee la qabo in diintu dishey ayaa sir qabiil ku lug lihi Sayidka ka fakatay. In kastoo sheekadu isku mid tahay haddana weriyeyaashii waxay ku kala bayreen sidii arrintu u dhacday. Ragga taariikhda weriya qaarkood waxay yiraahdeen Sayidka ayaa shir u qabtay dadkuu ka dhashay, waxaana la fariistay dundun hoosteed, wuxuuna yiri, “Shirkan nin aan Xaliimo Geri iyo Sheekh Baahilaawe iska dhaleen mooyee nin kale caawa yuu iman.” Markii shirkii la fariistay ayuu wuxuu yiri, “War Shide Dha­barjilic Xasan-jiijiile maw aar galaa?” Waxa la yiri, “Sayidii haa.” Kolkaasuu wuxuu yiri, “War nin aan buti ahayni meesha ma joogaa? Bal nin walbowba ninka ku xiga eeg.” Haddii lays wada eegayna waxa la yiri, “Sayidii waxa inala fadhiya Duux Warsame oo weligiisba ahaa nin inaga mid ah.” Sayidkii wuxuu yiri, “Wixii caawa meesha lagaga hadlaa waa ballan Ilaah, ninkii sheegaana ballankii Ilaah buu furay.”

Dhuux Warsame waxa laga weriyey: wixii habeenkaa meeshaa lagaga hadlay “Shide Dhabarjilic Xasan-jiijiile ma u aar galaa?” oo ballanka ka horreeyey maahee inta kale aboor baa iga jeexi kara. Waxay ku dareen hadalkii wuxuu u sheegay Xuseen Iljeex (Xuseen Xirsi Dalal). Rag kalena waxay weriyeen sidaas si ka duwan oo waxay yiraahdeen: Sayidka oo faras la yiraahdo Caynab-sonkor la daba taxaabayo, koox jifidiisa ahina la socoto oo aan filayn in hadalkiisa cid kale maqlayso ayuu wuxuu yiri, “War Shide Dhabarjilic Xasan-jiijiile ma u aar galaa?” Isla markaa waxa gadaalkiisa taagan, hadalkana maqlaaya Xuseen Xirsi Dalal ‘Iljeex’. Sayidkii intuu naxay ayuu wuxuu yiri, “Xuseen, Xuseen. Xuseen! Toban faras iyo boqolbaa xalay barkinka kuugu soo baxay ee ha qaadan aqoon waayin. Bal Caynab-sonkor ama Qaac guddoon, sagaalkii kalena ha qaadan waayin.” Markaa ka dibna fadhiyo badan buu la qaatay si aanu warkaas u sheegin, wuxuuna ku dedaalay inuu Xuseen xoolo ku qanciyo, hase ahaatee Xuseen ma yeelin hadalkiina ma qarin ee wuxuu u sheegay rag Shide ay ilma adeer ahaayeen; taasina waxay dhalisay aammin-ka-bax.

Iyadoo hurgomooyin badan oo taasi ka mid tahay la qabo, dabkii iyo faraskii hore loogala wareegeyna laga qoomamaynayo, ayaa nin la oran jirey Xasan Bidde Khalaf Dalal oo ragga madaxda ah ka mid ahaa sidiisana nin karmeed ahaa habeenkii oo dhan loox Quraan ku dhigaayey. Subaxdii baa looxii oo khaddii qoyan tahay wiil Sayid Maxamad dhalay sacabka mariyey oo Quraankii ka baabi’iyey. Markaasaa Xasan intuu carooday wiilkii dhirbaaxo ku dhiftay. Markaasuu wiilkii sida kubbadda u duulay, Sayidkii markuu qaaqdii maqlay ayuu intuu aqalkii ka soo boodey, wuxuu yiri, “War yaa wiilka diley?” Markaasaa dadkii Quraanka dhiganaayey oo boqollaal kor u dhaafay dhammaan waxay yiraahdeen, “Sayidii Xasan Biddaa diley.” Kolkaasuu aqalkiisii dib ugu laabtay. Waxa la weriyey Xasanbidde intuu kacay oo aqalkii­sii tegey ayuu jiifsaday. Hase ahaatee saacad dabadeed ayaa waxa u tegey Axmed Xassan Yuusuf oo wuxuu ku yiri, “Waaryaa ma og tahay inaad saaka xujawdey?” Wuxuu yiri, “Waan ogahay, maxaanse yeelaa?” Markaasaa Axmed wuxuu yiri, “War kacoo isxuja furfur, dabadeedna aan tashanno.”

Rag xaajo ma maarayn waayo e Xasan intuu kacay ayuu marada dacalkeeda wuxuu ku qaatay guntin saanad ah oo wuxuu la wareegey ooddii aqalka Sayidka ku meersanayd. Waxa la yiri, Sayid Maxamad fardaha waa ka arag dheeraa. Wuxuu arkay Xasan oo marada dacal­keeda wax ku sida oo oodda la meeraya. Markaasuu, wax u sheegay lama yaqaannee, intuu af labadii yeeray, wuxuu yiri, “War ninka gaarka ahow, Xasanbidde ii soo daa.” Markaasuu ka wareegay. Waxa la yiri kolkuu Xasan aqalkii soo galay, ayaa Sayidkii wixii marada ugu guntanaa ku boodey oo wuxuu ku yiri, “War maandhow ma saanad baa?” Wuxuu yiri, “Sayidii haa.” Wuxuu yiri, “Maandhow ma qorigii baad waagii dhoweyd ka reebtay?” Xasan wuxuu yiri, “Sayidii maya ee nin gabar annaga ah qaba ayaa Adari iiga soo dhiibay oo xalay baa la ii keenay.” Markaasna Sayidkii dhawr goor wuxuu ku noqnoqday “Cimrigaaga Alla ha dheereeyo, cimrigaaga Alla ha dheereeyo, war maandhow bahasha iigu dedaal.” Habeenkii baa waxa isu tegey labadii ballanku ka dhexeeyey oo ahaa Xasan Khalaf Dalal iyo Axmed Xasan Yuusuf. Biyo kodoy u dhacaan, hadalna dan buu u go’aaye waxay ku heshiiyeen in Sayid Maxamad laga tashado. Dabadeedna waxay taladii ula tageen Maxamed Xasan Geeddi oo ahaa nin waaya arag ah. Markay u sheegeen waxey doonayaan ama ay damacsan yihiin, Maxamad wuxuu yiri, “War bal korkayga eega. Dermadii aan ku jiifey oo aan feker daraaddii ku galgalanaayey ayaa jirkayga murxisay oo sidaa u gashay.” Dabadeedna waxay ku tashadeen: “Ninka Sayid Maxamad la yiraahdaa wuxuu sameeyey wax ka daran buu soo wadaa ee inta goori goor tahay aan iska qabanno.” Taas haddii laysla gartay waxay kaloo ku heshiiyeen inay ku dedaalaan in taladaas la meel mariyo. Haddii arrintii la hogahogeeyey oo dhawr toddobaad la waday waxa kaloo laysku af gartay laba hal inay lagama maarmaan tahay:

1. In si qarsoodi ah loogu sheego ragga ay ku kalsoon yihiin.
2. Arrinta in degdeg loo fuliyo intaanu Wadaadku dhulka ku xididdaysan.

Isla markaa waxay bilaabeen hebel u sheeg, hebelna u yeer, taasina waxay qaadatay dhawr bilood. Maantii danbe ayaa nin magaciisa lagu tibaaxay Cali-kilin oo talada wax ka ogaa hase ahaatee arrinta fulinteedii raagsadaya waqtigiina u dheeraaday, geeraar mariyey oo wuxuu yiri:

Ogaadeen habilaawow, Ina hoos ka le’eedow,
Hiil waxaan geli hayninow, Geed weynaan har lahaynow
Hugladii ban ku tuloo, har qooley an ku deeqinow
Darmaan heenso wanaagsan, Aan orodkii hollinaynow
Ohey way iyo way eey!

Dabadeed Sayidkii markuu geeraarkaas maqlay dareen baa galay hase ahaatee meeluu wax u qaado ayuu garan waayey. Dabadeedna colkiisii gaarka ahaa ayuu faray inay feeyigaadaan, aqalladiisiina waa isu soo raray.

Muddo ka dibna waxa is-helay 80 nin oo kala daran iskuna kalsoon. Dabadeedna waxay ku ballameen saaddambe in laysugu yimaaddo balliga la yiraahdo Gurdumi, nin walibana hubkiisa soo qaato, faraskiisana soo heensaysto.

Haddii taladii loo fariistay waxay gooyeen sidii rag kale looga qayb gelin lahaa iyo sidii arrinta loo fulin lahaa, waxayna isla garteen in nin waliba ninkuu aamminka ku qabo talada gaarsiiyo, laguna dedaalo inaan xogtooda la ogaan, muddona waa inoo maalintaas iyo meel hebla.

Waxay arrini hadba geed harsataba, wax Sayidka iyo dariiqada madaxa la tusaba, dayrtii arrinta la bilaabay dayrteedii kale ayaa shirkii ugu dambeeyey la qabtay. Markii la hubsaday inay habboon tahay ayaa lays weydiiyey sida ugu fudud oo arrinta loo fulinaayo ama loo maamulaayo. In kastoo ujeeddadu isku mid tahay waxa la weriyey labo siyood oo kala duwan:

1. Rag waxay weriyeen iyagoo taladoodu u qorshaysan tahay ayay Sayidka la hadleen oo waxay yiraahdeen: Sidaad noogu timid kuuma aanu dabbaaldegin. Waxaannu garannay inaan da­riiqada u soo shirno oo kuu dabbaaldegno ee muddo noo qabo. Markaasuu muddo maalin la yaqaan ah u qabtay, sidaasayna dariiqada ku yimaadeen.
2. Rag kalena waxay yiraahdeen: Dabbaaldeg ma jiro ee toos bay u soo shireen.

Si kastaba arrintu haw dhacdee ugu dambaystii rag dhawr boqol tiradiisu gaarto ayaa waxay guddoonsadeen inay berri oo kale isugu yimaadaan balliga la yiraahdo Gurdumi oo biyihiisu gamashi yihiin dadkuna daba goosanayo. Isla maalintaas sidii awelba caadada u ahayd, ayaa Sayidka, khusuusida iyo Daraawiishta gaarka ka ahi waxay yimaa­deen balligaas oo salaaddii Duhur ku tukadeen. Markaa waxay ku tashadeen intay fardaha soo fuulaan inay balliga tagaan oo sida la sheegay Sayidku waa war jecel yahay, intay u yeeraan oo ku yiraahdaan war baannu helnaye kaalay, markay gooni ula soo baxaan afar waran isu dhaafiyaan.

lyadoo talada lagu socdaa ay sidaa tahay ayaa markii Balliga Gur­dumi la soo galay, Maxamad Xasan Geeddi wuxuu arkay, Cabdi Garaad Yuusuf oo talada laga qarshay asaan laga maarmi karin oo Daraawiishta ku dhex jira. Markaasuu wuxuu ka baqay markay qarxato in la dilo. Kolkaasuu intuu raggii ka leexday Balligii qarkiisa la wareegay oo Garaadkii dhegta afka u saaray oo wuxuu ku yiri, “War shirqool la doonayo in Sayidka lagu dilo baa jira e, meesha ka soo bax.” Markaasaa Garaadkii intuu naxay wuxuu arkay ragga horraantiisii oo Sayidkii kaabiga u jira iyo iyagoo u yeeray. Markaasuu intuu sidii libaax u boodey, Sayidkii gacanta ku dhegey, “Sayidii in lagu dilaa loo dan leeyahaye meesha ka baxso.” Markaasaa Sayidkii intuu boodey oo Daraawilshtii gaarka ahayd ku dhex dhacay wuxuu yiri, “War cabbaysta, war cabbaysta!” Kolkaasay Aw Cabbaas oo meeshii Duhurka lagu tukuday fadhiya waran ku dhufteen oo waxay yiraahdeen, “Xujoy ku har.” Isla markaas laba saf baa loo kala dillaacay, maydkiina wuxuu noqday sida kashkaashka. Dabadeedna qoladii shirqoolka wadday waa baqeen, waana la kala qaxay, galabtaasna ninba wixii xoola ahaa oo uu gacanta la helay ayuu horay u kaxaystay ama u buubsaday.

Daraawiishtii intay is-uruursadeen ayay qaxii ka daba duuleen. Weerarkiina waxay gacanta ku dhigtey geela la baxay Garbacase, goobtaas waxa loo yaqaan “kala kicii Gurdumi,” gabaya badan baa laga mariyey.

GONDAGOOYE

Qalalaasihii Gurdumi hadday dhaceen kaddib ayaa Daraawiishtii raqdii ka guurtay oo waxay degtay meel la yiraahdo Dhiita oo laba geeddi-guur u jirta Gurdumi, kana xigta dhanka waqooyi. Rag talo kama dhammaatee, haddii dib laysugu noqday oo xaajadii la hileeyey waxa nimankii shirqoolkii abaabulay ku tashadeen in Daraawiish ergo loo diro, si wixii dhacay looga wada hadlo, loogana heshiiyo, da­badeedna 32 nin oo caqli iyo codkarnimaba rag laga xulay ayaa loo di­ray, hase yeeshee taladaas guuli kama dhalan oo markay dariiqadii tageen ayaa labo labo laysugu xiray oo lugaha bir lagaga jebiyey. Daba­deedna Sayidkii farduu diray oo waxa la faray inay raggoodii u sheegaan, wuxuuna yiri, “Waxaa ku tiraahdaan, ragga furta oo waxaad ku furataan labo buntukh oo Daraawiish galabtii Gurdumi lagala cararay,” iyo ninkiiba 100 halaad, hase ahaatee iyagaaba Sayidka geel ka doonayey. Muddana waa u qabtay, muddadiina laguma iman. Haddana muddo kalaa loo qabtay, taana waxba waa la keeni waayey. Dabadeedna muddo saddexaad buu u qabtay, markii waxba laga waayay waxa nimankii lagu xukumay in la laayo, taana waxa loo yaqaan Gondagooye. [Waxa jira gabay yaab leh oo Cabdi Xirsi Gondagooye ka tiriyey ee doon.]

Waxa la weriyey, subaxda la layn doono habeenkeeda Sayidku wuxuu ku taahaayey:
“Cashadu Aw Cabbaas ila ballamay, caaway saw maaha.”

Raggii la laayey waxa ka mid ahaa Cabdi Maxamad Waal oo Sayidka walaashiis qabay, waxa la weriyey Tooxyar waxay ku dadaashay inaan ninkeeda la dilin, hase ahaatee qob iyo qadan midna kuma helin, markii la dileyna waa oydey dabadeedna waxa la yiri naa yaan lagu dilin aamus, waxayna marisay buraanbur, waxay tiri:

Bilaawahakan daabka la hayaa ha hadduu i dilo
Dadkiiba idlaaye aakhira haddaan u dego
Cabdi haddii la igu daro derejadee ka roon.

Dariiqadii waa guurtay oo waxay degtey balliga la yiraahdo Caado, rag Xuseen Xirsi Dalal ‘Iljeex’ wato ayaa Xabashi qayla geys ugu kacay markay ka war heleen in raggii la laayey. Da­badeedna Amxaarada ayaa col Adari ka soo qalqaashay, colkaasuna wuxuu soo maray jid aan laga filayn, garwadeenna waxa u ahaa niman Soomaali ah. Intay Xabashidii marin geddiyeen oo hoos iyo Doollo ka wareejiyeen ayay arladii Daraawiishi degganayd geesta bari kaga keeneen.

Ammintaas Xabashidu hub fiican ma haysan, waxay ku dagaal gashana waxa u badnaa seef qalloocan iyo buntukhii jikraha ahaa, Daraawiishuse buntukha xoog bay u haysatay, waase saanad la’aayeen. Hase ahaatee, intay xoolihii qaxiyeen ayay baqe-beenle ku dagaal galeen. Si kastaba arrintu ha u dhacdee Daraawiishtu waa baqatay, xoolo aan yareyn oo mood u badanna waa ka carareen. Waxay u kaceen Nugaal iyo dhulkay markii hore ka yimaadeen.

1. Garaad Cali waa tii la diley.
2. Jigjiga waa tii Xabashida Iagu weeraray.
3. Dayax-weerar oo ka danbeeyey baa la dhigay.
4. Kala-kicii Gurdumi baa dhacay.

Maxaa xigi?

In kastoo Daraawiishi nabaddii geed dheer oo aan laga soo rogi karayn ku laashay, haddana Nugaal bay dib ugu soo laabtay. Maxaa taa ka dambayn? Dariiqadii waxay degtey Baaraan oo magaalada Laascaanood koonfur Hawd ka xigta, waana xarunta la baxday Fadhiweyn, dabadeedna dabayshoodii ayaa dhulkii gilgishey. Waxa la ogaaday, in Ingiriisku col soo dumay oo dagaal ku qalqaalo jiro, inuu Daraawiish ku duulana goostay, dhaqsana u soo bixi doono. Hase ahaatee taas Daraawiishi heegan bay u tahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *