Tag Archives: Axmed F. Cali “Idaajaa”

Af-Soomaaliga iyo Warfaafinta Maanta

Af-Soomaaliga iyo Warfaafinta Maanta

Axmed F. Cali “Idaajaa”

 

In kastoo aanu maanta lahayn dawlad u xil-qabta, isla markaasna aanu jirin guddi iyo hay’ado u gaar ah oo dibudhacii kolba uu muto ka samatabbixiya amaba lagala xisaabtamo, haddana af-Soomaaligu wuxuu weli inaga mudan yahay inaynu sidan u dhaanno! Ku-dhowaad labaatan sano ayuu silic iyo saxariir ka dhergey. Ku-dhowaad labaatan sano ayaanu helin cid ka naxda iyo qolo u soo gurmata toona. Sidaas darteed, waa rajay oo hooyo ma laha, waa agoon oo aabbe looma oga, waana tolgaab oo cid uu u qayshadaa uma noola! Xataa, dagaal-oogeyaasha ay Soomaalidu ka wada haagtay midna kama uu helin, welina jabhad u dooddaa uma ay dhalan!

Waa af hodon ah oo, sokeeyaha ka hor, labadii qarni ee u dambeeyey ay si walba shisheeyaha daneeyaa u qirayeen hodontooyadiisa xagga erayada, maansada iyo, guud ahaan, suugaantiisa aan qornayn ee dadka ku hadlaa ay curiyaan, jecel yihiinna. Waa af fil weyn oo dhismaha weedhiisa, murtidiisa iyo maahmaahdiisaba laga garan karo qarniyo faro badan in lagu soo hadlaayey, sidaasna uu ku yeeshay astaamo u gaar ah oo xeerar ad’adag cuskan.

Sida qaar kale oo Afrikada Bari lagaga hadlo, waa af aan ka abuurmin afaf badaha shishadooda ka soo doolay iyo afguri gobolka horay uga jirey oo isdheehay, dabadeedna isku milmay! Waa af xiriir dhowi ka dhexeeyo kuwo kale oo Geeska Afrika lagaga hadlo sida afafka Cafarta iyo Oroomada. Waase af isku filan oo dhammidood ka madax bannaan, ayna caddahay inuu iskiis u koray.

Dhawr-iyo-soddon sano oo qura ayuu qornaa, sidaas oo ay tahayna waa af awood u yeeshay kasmooyinka iyo fikradaha casriga ah in looga helo eraybixin uu ummadda ku hadasha ugu gudbiyo. Afguri badan oo lahjado* kala kaan ah waa af aan lahayn oo inta ku hadashaayi ay dhib la’aan wax isugu gudbin karto, isuguna garan karto. Isku soo wada duub oo, waa dad la’ yahay mooyee, waa af, isaga oo mudan, ku tirsami kara afafka nool ee daafaha dunida lagaga hadlo, waana af murtida uu xanbaarsan yahay awgeed uu, wadar ahaan, aadanuhu wax ka korosan karo.

*lahjado (dialects)

* * *

Milgada sidaas u weyn afka lihi sow, kolka, inagama mudna in aynu sidaan u dhaanno oo intii la kari karo, macne ahaan iyo naxwe ahaanba, aynu u ilaalinno? Sow inagama mudna xeerarkiisa haddaba aynu wax ka naqaan in aynu dhawrno, si aanay da’yartu u qaayibin gefaf-afeed haddaba laga sixi karo?

Sow inagama mudna in aynu ilaalinno dhismaha hagaagsan ee weedhiisa, si, berri-ka-maalin, cilmi-baareyaasha afafku aanay ugu wareerin, waxna ugu wareerin?

Runtii, intaasba afkeennu wuu inaga mudan yahay, haddii aynu yeeli weynona, waxaa suuraggal ah innaga oo weli nool inaynu ifka ku aragno Soomaali magaca wada sheeganaysa oo af qura inay ku hadlayso ku andacoonaysa, haddana aan is’afgaranayn! Haddaynu af-Soomaaliga isku ladno, waxaan ka cabsi-qabaa waayeelkeenna maanta nooli inaynu noqonno kuwa ugu dambeeya oo iyaga oo garanaaya dhegeysta, dhadhansada, kuna raaxaysta gabayadii quruxda badnaa ee Raage Ugaas, Faarax-Afcad, Saahid Qamaan, Sayid Maxamad Cabdille, Faarax Nuur, Cali-Dhuux, Cabdi Xirsi, Qamaan Bulxan, Aadan-Gurey, Salaan Carrabey, Ismaaciil Mire, Maxamad Aadan-Caws, Cali Xuseen, Cali Afyare iyo tobannaankii la ayniga ah ee, innaga Soomaalida ahi, aynu ku dhaadanno!

* * *

Intaan, haddaba, ararta halkaas ku hojiyo maan kolka hoos u daaddego oo danta maan u dhaadhaco. Waa sidaaase, sannadihii ugu dambeeyey ayaan waxa aan kansho u helay inaan dhegeysto qalabka warfaafinta ee af-Soomaaliga wax ku baahiya iyo inaan akhristo qaar ka mid ah wargeysyada gudaha dalka iyo dibeddiisaba afkaas lagaga soo saaro. Sidoo kale, waxaa maalin-maalin ii suuraggasha in aan isha mariyo baraha Internetka oo inta mindhaa 4.5 loo qaybsaday uu tol wali oo Soomaaliyeed mid ku yeeshay! Markaas baan kolba weedho sibaaban ku hakadaa. Kolba asaaskii naxwaha afka oo dhaawacan ayaan ka dul-dhaacaa. Kolba erayo si sirgaxan loogu adeeganaayo ayaan duljoogsadaa.

Kolba qaar macnihii ay lahaayeen mid aan ahayn loo xanbaarshey ayaan ku dhaygagaa, lana yaabaa.

Saan qalin iyo xaashi cad baan agagaarkayga ka haabhaabtaa; anigoo maaggan inaan uruuriyo oo aan meel qura ku soo koobo gefaf-afeedka dharaar noolba dhegahayga ku soo dhaca ama ay indhahaygu qabtaan. Mase wax xaashi iyo laba lagu soo koobi karoba ka badan, kana baaxad weyn!

Si kastaba ha ahaatee, kol dambe ayaan waxaan go’aansaday bal qaar gefafkaas ka mid ah inaan dadweynaha u soo bandhigo, isla markaasna warfaafinta maanta jirta aan ku baraarujiyo baahida loo qabo inaynu u fiirsanno hagaagsanaanta erayada afka iyo weedhaha aynu adeegsanayno. Marnaba ku andacoon maayo in aan ku jiro af-Soomaaliga dadka dadka ugu badsha iyo kuwa xiga toona, waxaanse ka mid ahay inta wax ku qorta oo dhadhansiga murtidiisa iyo macaansiga maansadiisa ay naftu ku soo gasho; sababtaas ayaana, malaha, ugu weyn sababihii iigu wacnaa hawshan aan sina fudaydka ugu tilmaannayn inaan gorodda la galo.

A. Erayada

Sidaan, haddaba, meel hore ku soo sheegay, gefafka maalin walba afka ku soo kordhayaa tiro ma laha, waxaana ka mid ah qaamuuska ama erayada oo si silloon loo adeegsado, naxwaha iyo xeerarkiisa oo aan loo meelo-deyin, eraybixin afafka shisheeye inooga timid oo si aan hagaagsanayn loo adeegsado ama, iyada oo aan loo baahnayn, lagu beddalanaayo tii aynu horayba u qaayibney ee waa hore afkeenna ka midka noqotay.

Gefafka naxwaha, kuwa eraybixinta iyo arrimaha kaleba ha ii dambeeyeene, waxaan u horraysiinayaa erayada qaarkood iyo sida qaldan ee warfaafinta Soomaalidu ay waayadan u hirgelisey amaba, indhaheenna oo shan ah, ay eeggaba u hirgelineyso. Markaas ka dibna waxaan ku xijin doonaa inaan sheego macnaha dhabta ah ee ay erayadaasi af-Soomaaliga ku lahaayeen, ka hor kooxaha warfaafinta qaar ka mid ahi intii aanay dhalan-rogin, sidaasna aanay dad badan ku marin-habaabin.

1. Beel: Waxaan maqlaa weriyeyaasha qaarkood oo oranaaya: “Laba beelood ayaa meel hebla shalay dagaal ku dhex-maray.” Maalmo ka dib ayaan haddana maqlaa, iyada oo uu weriyuhu leeyahay: “Laba beelood oo walaalo ah ayaa ku diriray meel hebla,” isaga oo mooggaan u jeeda kuwii maalintii hore dagaallamay lafo ka mid ah!

Dhaqanka reer-miyigeenna markaynu u noqonno, eraygaan ‘beel’ waxa uu tilmaamaa qoysas toban ilaa dhawr iyo toban gaari kara oo, badanaa, laba ama saddex oday kala tirsada ama, haddii si kale loo yiraahdo, abtirsiino aad u dhow wadaaga. Aalaaba, seben hagaagey oo barwaaqo ah ayay beeshu abuurantaa, marmarna dano ka dhexeeya ayay u dersaan sida ‘dugsi-Quraan’ ay wada oogtaan xilli macallin wanaagsan la helay. Waxay kaloo beeshu abuurantaa xilliyada colaadda; markaas oo loo baahan yahay in la iska kaashado u-jilibdhigidda col laga baqaayo oo, wadar ahaan in la isaga celiyo mooyee, aan qoysqoys loogu birdhigi karin. Erayada kale ee erayga ‘beel’ la macnaha ahi waa ‘duddo’ iyo ‘qayro’; in kastoo Soomaalida reer-magaalka ahi aanay midkoodna isticmaalkiisa ku soo dhowaan.

Dhawr-iyo-tobankii sano ee aynu soo dhaafnay, erayga ‘beel’ wuxuu ka mid ahaa kuwa, haddii tiro-koob la sameeyo, ugu badnaan lahaa xagga ku-adeegashada.

Waa eray maalin walba ku soo noqnoqda afka ragga siyaasadda ku xoogsada iyo weriyeyaasha warfaafinta ay Soomaalidu dhegeysato. Mar walbaba inta eraygaas adeegsataaba waxay seejiyaan, asal ahaan, macnihii uu u lahaa, waxayna ugu adeegtaan fikrad ka ballaaran oo aanu buuxin karin. ‘Qabiil hebel’ ama ‘tol hebel’ halkii ay ka oran lahaayeen, waxay oran, ‘beel hebla.’ Kolkaas baan is’iraahdaa: “Waa yaabe, tol dhan ama qabiil idil oo dadka wada sheegtaa ay labaatan oday iyo ka badan isugu tagaani, sidee buu beel ku noqon karaa?”

Tol oo ah, af-Soomaali ahaan, erayga macnahaan ku habbooni wuu sii kala qaybsamaa oo wuxuu u sii kala baxaa lafo iyo jilibbo, beelise ma yeelan karto oo jilib iyo lafba iyada ayaaba ka hoosaysa, kana tiro yar. Hadday sidaas tahayna, suuraggal ma aha tolweynihii oo idil inaynu ‘beel’ ku sheegno, isla markaas lafihii uu u kala baxaayeyna aynu beel ugu yeerno!

Dir iyo Daarood, Hawiye iyo Raxanweyn iyo magacyada kale ee la midka ah, sidee baynu ‘beelo’ ugu sheegi karaynaa, iyaga iyo, sidoo kale, qaybaha ay u sii kala baxaanba? Kolley, sheegsheeggooda iyo wax-ku-qaybsigooda haddii aan la deyn karayn, maxaa diidaaya waxa ay dhabtii yihiin oo ‘qabiil’ ama ‘tol’ ah inaynu ku sheegno, qaybaha ay u sii kala baxaanna aynu jilibbo iyo lafo ku tilmaanno, sidaasna gefkaas dhowaan-soo-galka ah aynu afka uga saxno? Jawaabtu, siday aniga ila tahay, waa waxba. Mase la yeeli?

2. Magac-darid: Waxaan maqlaa weriyeyaasha qaarkood oo oranaaya: “Haddana, waa xubintii aannu ugu magac-darnay sidaas iyo sidaas.” Ama iidheh dhegeysatada loola jeedo, laguna leeyahay: “Xaafad hebla waxaa laga furay makhaayad aad u wanaagsan, taas oo loogu magac-daray Kaah!” Erayga magac-daridduna meelahaas oo kale ma galo, kumana habboona.

Hiddaha Soomaalida waxaa ka mid ah kolka reerka wiil u dhasho in inta xoolaha neef laga qasho goobtaas loogu walqalo oo loogu magac-bixiyo. Badanaa, magac-bixinta inanka waxaa iska leh aabbihiis, in kastoo kolkolka qaarkoodna laga talo-geliyo xigtada kale ee habeenkaas ama maalintaas goobjoogga ah.

Marar badan ayaa waxaa dhacda in loo dooro magaca uu leeyahay ku ka mid ah inanka dhashay adeerradiis, abtiyaashiis amaba labadiisa awoowe mid ahaan. Sidoo kale, waxaa loo bixin jirey magac dheer oo loo yaqaan nin geesi ah ama shiikh ah ama awliyo ah ama si kaleba bulshada dhexdeeda uga tilmaaman amaba, markaas ka hor, uga tilmaannaan jirey. Taasna waxaa laga fishaa wanaag iyo, timaaddada, inuu canuggaasi la anshi noqdo abtiga, adeerka amaba nin-karmeedka kale ee loogu magac-daray.

Iyada oo kooban, macnaha eraygu waa qof dhashay oo loo bixiyey qof kale oo la yaqaani magac uu horay u lahaa.

Tusaale ahaan, nin Cabulqaadir la yiraahdo ayaa waxaa la weyddiin jirey: “Hebelow, maxaa Cabdulqaadir laguugu bixiyey?” Markaas buu ku jawaabi jirey: “Aabbahay baa Dariiqada Qaaddiriyada ahaayoo, wuxuu iigu magac-daray Shiikh Cabdulqaadir Al-Jiilaani.”

Ama haweeneey gabar dhashay ayaa la weyddiin jirey: “Heblaay, maxaad gabadhaada Xaawo ugu bixisay?” Markaas bay oran jirtey: “Waxaan ugu magac-daray, Alla ha u naxariistee, Xaawo-Taako; bal inay qof dalkeeda jecel noqoto.”

Tu kale ayaa la weyddiin jirey: “Heblaay, maxaad adigu inantaada Faadumo ugu bixisay?” Markaas bay iyana oran jirtey: “Waxaan ugu magac-daray Faadumo Rasuul, bal inay diinta ku fiicnaato.”

Sidoo kale, adeegsiga eraygu markuu hagaagsan yahay waa marka aad tiraahdo: “Hoteelkii Jubba ee Xamar waa ku oolli jirey waxaa loogu magac-daray webiga Jubba ee Koofurta Soomaaliya mara, Hoteel Taleexna waxaa loogu magac-daray xaruntii dooxada Nugaaleed ku tiil ee uu lahaa halgamaagii weynaa, Sayid Maxamad Cabdille Xasan.”

Hase ahaatee, weriyeyaasha qaarkood sidaas si aan ahayn ayay magac-daridda ugu adeegtaan. Waxaan maqlaa qaarkood oo oranaaya: “Waxaa heestaan naga soo codsaday hebel iyo hebla, waxayna u dirayaan, uguna hanbalyaynayaan hebel iyo hebla oo meel hebla uu wiil ugu dhashay; kaas oo Liibaan loogu magac-daray!” Waxay u jeedaan inay yiraahdaan: “… kaas oo Liibaan loo bixiyey,” ama loogu walqalay, maxaa yeelay, sida muuqata, ma jirto, haddii ay jirtona nalooma sheegin cid kale oo Liibaan la yiraahdo, inanka yarna loogu magac-daray.

Waxaa iyaduna sidaas oo kale gef u ah, dhowaanna aan idaacadaha qaarkood ka dhegeystey, iyada oo la leeyahay: “Isreebreebka hore ee doorashada madaxtooyada Maraykanka waxaa ugu muhiimsan maalinta loogu magac-daray ‘Super Tuesday’; taas oo sannakaan ku aaddan 5ta Febraayo oo saaddambe ku beegan.” Kaasina, waa hadal aan hadda hagaagsanayn, asii hagaagsanaan lahaa haddii ay meel uun ka jiri lahayd maalin kale oo iyaduna magacaas leh, Maraykankuna ay toodaan ugu magac-dareen.

Magac-dariddu macnaha dhabta ah ee ay leedahay waxaad ka heli karaysaa hees jacayl ah oo ay Soomaalidu aad u taqaan, sheeko dhab ahaan u dhacday darteedna ku soo baxday. Aniguse goobjoog ma ahayne, kuwii ahaa qaarkood ayaa ii warramay oo igu yiri:

Alla ha u naxariistee, hal’abuurkii caanka ahaa ee la oran jirey Maxamad Cali Kaariye ayaa beri waxaa haleelay dareenka jacaylka; kaas oo dhismaha jirkiisa iyo maankiisaba si degdeg ah ugu fiday. Gabadha uu jacaylkeedu wareemay waxaa, Eebbe qaddarey, inay ahaato mid uu magac iyo muuqba u garanaayo oo ay hay’ad qura ka wada xoogsadaan, sidaas darteedna toddobaadka intiisa badan ay, weji ahaan, kulmaan, laabuhu yeelkoode!

Ha yeeshee, la-kulankaasi fannaanka waxba uma lilleyn jirin oo ololka dabka kalgacalka kama uu qaboojin jirin. Maxaa yeelay, wax ugu wacnaaba, gabadhu iyada oo og qalbiga Maxamad Cali inuu xaggeeda soo jiro ayay haddana ismoogeysiisaa. Iyada oo og inay iyadu maankii ka xadday ayay haddana ka sii jeensataa. Inna uma baxdo, uma jilicdo, umana jixinjixdo. Fannaankuna, in kastoo maalmihii dambe inuu is’illowsiiyo uu ku dedaali jirey, haddana ma samro oo inay u gacan-haadiso kama quusto!

Beri dambe, isaga oo aqal gudihiis rag dhawr ah kula caweynaaya, qudhiisuna uu markaas sheekada wado ayaa si lamafilaan ah waxaa dhegihiisa ugu soo dhacay gabdhaha xaafadda middood oo tu kale u yeeraysa. Waxay ugu yeertay isla magacii ay lahayd inantii uu isagu jeclaa ee, markuu hanan waayey, inuu is-halmaansiiyo uu ku tashaday. ‘Heblaay!’ markay tiri ayuu qarracmi gaarey.

Tummaati aanu aqoon meel ay uga timid ayuu dhinacyada oogadiisa ka dareemay. Markaas baa miyirkiiba ugu dambaysey. Wuxuu kala garan waayey magaca uu maqlay in isaga loola jeedo iyo in kale. Kolkaas buu fadhigii halhaleel uga kacay, isaga oo aan dan iyo daarad ka gelin raggii uu haasaawinaayey iyo sheekadii uu u wadey toona. Dheg la qabto isaga oo aan lahayn ayuu qolkii dibedda uga boodey.

Waxba isaga oo ay u kala caddaan la’ yihiin, irriddana liqdaaran ayuu nabarkii labaadna ku dhacay. Wuxuu maqlay gabadhii loo yeeray oo tii u yeedhay ku leh: ‘Hee, hebla!’ Mase codku waa codkeedii oo aan car isku rogin! Waa tii uu jeclaa ee u soo loodsami weydey codkeedii! Suu waa isdabammaray oo sarejoogga ka dhici gaarey. Markaas buu afarta garjaho indhaha midba mar u diray. Wuxuu isleeyahay: “Qofka loo yeeray ee aad codkeeda maqashay tu kale ma ahee, waa iyadii oo galabta ku soo raadisey oo intay, malaha, kaa naxday goosatay inay sida kuu dhaanto!” Mar kale ayuu afarta garjaho indhaha u kala diray. Jaanqaad meel dhow ah ayuu dareemay, kolkaas buu dhanka midige ku xasilay. Mase waa gabar; gabadhii magaceeda iyo codkeeda uu maqlay ee uu agagaarka ka jeedaalinaayey. Hase ahaatee, in kastoo xagga muuqa iyo midabkaba aan tiisii laga aqoon, haddana tiisii ma ahayn! Markaas baa nabarkii saddexaad lagu soo tuuray!

Saddexdaas nabar markay isu raacday ayay laabtii oloshey. Sheeko uu islahaa, ‘way kaa dhammaatay’ ayay maankiisa ku soo celiyeen. Sidii wax la arooriyey ayuu u ekaaday. Raggii iyo aqalkii dib uguma laabane, horay buu isaga dhaqaaqay, isaga oo ay murugo buuxisey. Waa hal’abuurkii weynaaye, hees buu halkii ka bilaabay; heesta sidiisa caanka u noqotay ee Xasan Aadan uu qaado. Waa heesta uu ku bilaabay:

Kuwa loogu magac-daraye
Muuqa aan la kala garan
Caku mohashadoodee
Heesaha macaan iyo
Muusiggiyo codkay diley!

Dhegaha aan ka maalee
Markii aan illaawoba
Wax i soo mir-kiciyoon
Maqlo waayi maayee;

Ma hayoo, mana sugaayoo
Iimana maqnee;
Maareeyoo sidee buu cishqigu
Maskaxdiyo qalbiga
Uga miirmayaa!

Erayga ‘magac-dariddu’ marka uu hagaagsan yahay waa tabtaas uu fannaanku heesta ku bilaabay. Sidaas darteed, waxaa habboon inaynu kala baranno magacbixinta iyo magacdaridda, dabadeedna innaga oo kala naqaan aynu eray walba halka uu ku habboon yahay u adeegsanno.

3. Afhayeen: Waxaan maqlaa weriyeyaasha qaarkood oo oranaaya: “Afhayeen u hadlay dawlad hebla ama wasaarad hebla ayaa meel hebla arrinta caynkaas iyo caynkaas ah ka sheegay.” Taasina waa gef xagga afka ah oo bulshada dhexdeeda siduu ugu shaacay markaan u fiirsanno ay adag tahay inaynu iska saxno!

Yeelkeede, taariikhda afka markaynu dib ugu noqonno, maxay Soomaalidu eraygaan u tiqiin? Waxay u tiqiin ninkooda afafka qalaad wax ka yaqaan oo isaga af-celin jirey iyaga iyo shisheeyihii dalkeeda gumeysan jirey ama ganacsiga ku soo gaari jirey amaba doolka ku imaan jirey. Wuxuu la mid yahay erayada afceliye, afnaqe iyo turjubaan oo isagu ah eray Carabiga kasoo jeeda, Soomaaliduna ay sida uu yahay ugu adeegsato.

Inuu macnahaas lahaana waxaa laga heli karaa meerisyada maansadeennii hore qaarkeed. Dhammaadkii qarnigii 19d ama bilowga kii 20d ayaa laba qolo oo Soomaali ahi waxay ku heshiiyeen inay isgaashaanbuursadaan oo col iyo abaarba ay iska kaashadaan; iyaga oo, sida la yiri, u dan lahaa qolo kale oo labaduba ay cadowgooda u arkayeen. Sida aynu hadda wax yeelno, heshiiskaasi markii uu dhacay inta qodobbadiisa xaashiyo lagu qoray laguma kala saxiixan, odayadii goobta isugu yimid oo idilina suulka ma ay saarin. Waxaase loo daayey oo laba geeraar labadoodii qolo ugu kala saxiixay laba nin oo aad u gabyi ogaa, labadaas qolo ergadoodana ku kala jirey, waa Faarax Nuur iyo Maxamad Bulxan oo Maxamad-Cawar loo yiqiine. Waxaa ku horreeyey Faarax Nuur oo goobtii ka tiriyey geeraar gole-ka-fuul ah oo 16 qodob ah; waa geeraarka gadaalkii Axdi loo bixiyey; kaas oo uu ku faahfaahiyey, maalintaas ka dib, xiriirka labada qolo sida loo baahan yahay inuu ahaado. Markaas buu Maxamad Bulxanna isla markiiba wuxuu kaga jawaabey geeraar isna gole-ka-fuul ah oo 16 qodob ka kooban; geeraar kii Faarax la xaraf ah, uuna ku oggolaanayo codsi iyo talooyin wixii uu Faarax iyaga u soo jeediyey.

Si kastaba ha ahaatee, qodobbadii Faarax Nuur ayaa waxaa ku jirey mid uu qolada Maxamad-Cawar kaga codsanaayey inay ka kaalmeeyaan dhinaca afhayeennada Maamulkii Ingiriiska oo qoladiisu aanay waxba ku lahayn, qolada Maxamadse ay ku tiro badnaayeen. Had iyo jeerna, Xafiisyada Gumeysiga markii dacwo loo tago, waxaa ku xoog badnaan jirey oo ay gartu u go’i jirtey kolba ninkii ama dhinacii afhayeenka laaluusha amaba, xigaalo ay yihiin awgeed, uu ugu eexdo. Qodobkaas isaga ah wuxuu Faarax Nuur ku yiri:

Ninka gaalka ag-joogee
Afhayeen la yidhaaho
Ninkaan wiil ka ilaashiyo
Ilma-adeer ku lahayn
Waa la iibsanayaaye
Haddaydaan naga eegin
Adinkaa axdigii iyo
Aamminikiiba furaaya!

Maanta oo la joogo, macnahaas ay Soomaalidu u tiqiin eraygaas waa lumiyey ama waa la gefsiiyey, waxayna warbaahintu siisay macne kale oo hor leh, dadka intiisa badanna loo baray. Waxaa hadda erayga afhayeen lagu magacaabaa kolba qofka loo igmado inuu ku hadlo magaca dawlad, hay’ad ama urur uu ka tirsan yahay; isla qofkaas oo af-Ingiriiskana loo yaqaan spokesman ama spokesperson. Aniga oo og in la iga yeeli doonaa in aysan fududayn ayaan haddana waxaan is’iraahdaa: Erayga afhayeen inta aynu u deyno macnihii uu horay u lahaa, maxaa, afkeennu waaba hodone, inoo diidaaya inaynu niraahno: “Nin u hadlay dawladda Ingiriiska ayaa maanta ku dhawaaqay xeer cusub oo argaggixisada lagula dagaallamaayo.” Ama in aynu niraahno: “U-hadlaha xukuumadda Ruushanka ayaa ku dhawaaqay in aanay oggolaan doonin faraggelinta reer-Galbeedku ay arrimahooda gudaha ku hayaan.” Bal inta dadka wax u sheegtaa taladaas daymo ha u yeelato.

4. Abwaan: Waxaan maqlaa weriyeyaasha qaarkood oo oranaaya: “Gabaygaas aad maqasheen waxaa inoo marinaayey abwaan hebel-hebel.” Ama mid kale oo oranaaya: “Heestaas waxaa miraheeda tirshey abwaan hebel-hebel.” Waase ku-kakabise, eraygu meelahaas ma galo, kumana habboona.

Abwaan waa eray ay Soomaalidu ku magacawdo ninka aqoonta dheeraadka ah u leh dhaqanka iyo ilbaxa qolada iyo degmada uu u dhashay iyo, sidaas oo kale, qolyaha kale ee la deriska ah. Waa nin si wacan u yaqaan xeerarka iyo axdiyada u dhexeeya tolka uu isagu ku abtirsado iyo kuwa kale ee ay ood-wadaagta yihiin.

Sidaas awgeedna, waa nin aan kolnaba looga maarmin geedka garranka iyo wada-xaajoodka. Guud ahaan, waa nin si ballaaran ugu dhuun-daloola hiddaha iyo taariikhda bulshadiisa, si wanaagsan oo loo jeelona uga sheekayn kara; isaga oo aan buugag ka akhrisan, waxbarasho rasmi ahna aan abwaannimadiisa ku helin.

Qaamuuska af-Soomaaliga ee Yaasiin Cismaan sida ku xusan, erayada la midka ah amaba ugu dhowi waa waayo’arag, waxyaqaan iyo buuni. Macnahaas isaga oo maanka ku haya ayuu guddi-hoosaadkii Guddiga Af-Soomaaliga eraybixinta ugu qaybsanaa wuxuu 1972kii eraygaas u bixiyey buugga weyn ee lagu ururiyo laamaha kasmooyinka kala kaanka ah ee uu aadanuhu gaarey, reer-Galbeedkuna ay ugu yeeraan erayga ah encyclopedia.

Labadaas macne midkoodna maanta Soomaalidu eraygaas uma taqaan, wuxuuna yeeshay macne kale oo ay warbaahintu u hirgelisey, kaas oo ah gabyaa, riwaayad-curiye amaba hal’abuurka heesaha tirsha. Waxaan maqlaa iyada oo la leeyahay: “Abwaanka da’da yar,” markaas baa hoosta iska iraahdaa: “Alla abwaannimo iyo da’yaraani kala fogaa!”

In kastoo ay hal’abuurkiisa u wanaagsan tahay, haddana gabyaaga lagama rabo inuu waayo’arag noqdo ama uu aad u yaqaan taariikhda degaankiisa iyo dadyowga ku nool. Isaga oo da’ yar oo aan guryahooda dhaafin ayuu gabyaa wanaagsan noqon karaa. Isaga oo aan garaad badan lagu kuunyin oo dadkiisa isaga dhex-jira ayuu noqon karaa maansoyahan afkiisa la wada dhawro.

Taariikhda dalkiisa iyo dadyowga la deriska ah isaga oo aan wax badan ka aqoon ayuu hal’abuur wacan ku tilmaannaan karaa.

Haddaba, gabyaannimo waa hibo gaar ah oo abwaannimada ka duwan, in kastoo mararka qaarkood ay suuraggal tahay in laga kor-dhaco qof labada tilmaamoodba isku darsaday oo kol qura abwaan iyo gabyaaba wada ah! Si kastaba ha noqotee, qofka maansada tiriya gabyaa ama geeraarshe ayay Soomaalidu u bixisay, afka ayayna dhaawici kartaa, isaga oo aan ahayn, haddii aynu abwaan ku sheegno.

5. Degaan: Waxaan maqlaa weriyeyaasha qaarkood oo oranaaya: “Bacda lagu adeegtaayi deegaanka ayay u daran tahay.” Ama mid kale oo ku warramaaya: “Wasiirka deegaanka ayaa sheegay in loo baahan yahay in dunidu si wadajir ah ay daryeelka deegaanka isaga xil-saarto.” Ama mid saddexaad oo ku soo wartebinaaya: “Waxaa deegaanka xeebta Ayl lagu haystaa markab dal hebel laga leeyahay oo la soo afduubay.”

Marka hore, erayga ay weriyeyaashu u jeedaani waa degaan ee deegaan ma aha. Waxaa laga soo dhanbashay erayga degid, wuxuuna ku isir yahay degmo iyo degganaan oo ah erayo kale oo lagu tilmaamo meesha ama geyiga lagu nool yahay. Wuxuu ku jiraa qaar tiro badan oo intii la qoray uu adeegsigoodu af-Soomaaliga ku soo batay, iyaga oo, si kutalaggal ah, macne cusub loogu xanbaariyey.

Waxaa loo bixiyey, wadar ahaan, waxyaalaha nolosha dadka lamahuraanka u ah ee, mar walba, in la ilaaliyo la isku tirtirsiiyo sida dhulka aynu ku dul-dhaqan nahay; hadday tahay baddiisa ama birrigiisa ama hawadiisa ama noolaha kale ee biyihiisa iyo bannaankiisaba aadanaha ku weheliya. Sidaas marka uu eraygu u qoran yahay oo shaqalkiisa hore (e) uu gaaban yahay ayuu macnahaas qaadi karaa, una dhigmi karaa erayga qalaad ee la feer-dhigay, waa erayga ah environment.

Ha yeeshee, waxa aan jirini waa erayga deegaan (-ka) oo isaga oo lab ay haatan laamaha warfaafintu ay macnahaas ugu adeegtaan, aadna mooddo inuu dadweynuhuna kaga dayday, sidaasna, indhahayaga oo shan ah, uu ku hirgelaayo.

Dhanka kale, waxaa jira erayga deegaan (-ta) oo ah magac dheddig, lehna laba shaqal oo dheerdheer. Waa eray ay Soomaalidu u taqaan dhirta faraha badan ee ka baxda dhulka sida wacan uu roobku ugu da’o, sida aadka ahna u doogta.

Eraygaas dambe iyo macnaha uu xanbaarsan yahay ayuu u jeedey gabyaagii reer-Hawdeedka ahaa ee la oran jirey Cabdillaahi Muuse, kolkii uu gabayadiisa midkood ku darsaday:

Deegaan sideed kaaga dhereg doobka reeruhuye
Dar kaloo haween lihi wax badan kaa dukaansade e!

Sidaas darteed, erayga degaan oo ah magac lab, shaqalkiisa horena gaaban yahay ayaa jiree, deegaan (-ka) oo magac lab ah, labadiisa shaqalbana dheerdheer yihiini ma aha eray sax ah, kumana habboona fikradda aynu rabno inuu inoo xanbaaro. Waxaase jira erayga deegaan (-ta) oo ah magac dheddig, markii qodob-dheddigeedka la raaciyona noqonaaya: deegaanta, waxaana loo baahan yahay in sidaas loo kala qeexo, dhigid iyo dhihid labadaba.

6. Baaq: Waxaan maqlaa weriyeyaasha qaarkood oo oranaaya: “Hadal uu shalay meel fagaare ah ka jeediyey, waxa hebel oo madax ahi uu dadweynaha ugu baaqay inay nabadda ilaaliyaan.” Ama mid kale oo ku warramaaya: “Wasiirku wuxuu beerreyda gobol hebel ugu baaqay in xilliga soo aaddan ay waxsoosaarkooda kordhiyaan.” Waase ku-kakabise, baaqu halkaas oo kale kuma habboona, mana galo.

Baaq waxa uu af-Soomaaliga ku yahay eray ama erayo ama dhaqdhaqaaq wax la isku dareensiiyo oo dad is’ogi ay, si dadban, wax isugu sheegaan. Oorida iyo saygeeda ayaa baaq wax isugu sheegi kara, iyada oo martida u joogtaayi aanay dareemin. Hooyada ayaa carruurteeda qaarkood wax ku ogeysiisa baaq ay isla og yihiin. Barbaarka iyo gashaantida isxodxodta ayaa waxay ku heshiiyaan baaq ay farriimaha gaaggaaban isugu gudbiyaan, dadka kalese, in kastoo ay iyaga meel la joogaan, aanu waxba ka ogaan karin.

Colka Soomaalidii reer-miyiga ahayd kolka uu duulaayo waxa uu samaysan jirey baaq ay isku og yihiin oo, inta aan la dhaqaaqin, ay wada qaybi jireen, kaas oo markii ay habeen noqoto oo la isdhex-galo lagu baajin jirey, rag isku jaal ah oo aan isgaranayni inay isdilaan; kamma’ ahaan.

Bal aan tusaaleeyee, niman duullaan ah ayaa waxay ku soo dhowaanayaan reerihii ay geli lahaayeen. Aqalladoodii iyo xoolahoodii kolkay u muuqdaan ayuu ammaanduuluhu colka hojinayaa, si uu ugu yeelo baaq ay, hadhow, isku afgartaan.

Ugu dambaysta ayay ku ballamayaan baaq ka kooban labada eray ee kala ah Yaasiin iyo Tabaarak, kuwaas oo laba iyaga ka mid ahi markii ay kala shakido ay isweydaarsan doonaan, sidaasna ay isku garan doonaan, kuna kala bedbaadi doonaan.

Iyada oo mugdi ah oo dagaaalkiina weli socdo ama intuu dhammaaday qolo la baqe-eryaayo ayay laba iska hor-imaanaysaa, ku walibana hubkiisii oo u diyaar ah ayuu gacanta ku haystaa. Ha yeeshee, in kastoo ninba uu midka kale dhab uga digtoon yahay, haddana labada midina ma rabo ina’adeerkiis la soo duuley ama jaallihiis inuu, si kamma’ ah, ku dilo. Kolkaas buu midkood la soo boodaa: “Yaasiin!” Midka kalena, haddii uu la qolo yahay, intuu baaqa qaybtiisii kale xusuusto ayuu oranayaa: “Tabaarak!” Markaas ayay israacaan oo halka colkoodii jiro ay wadajir u beegaan. Haddiise uu jawaabta saxda ah garan waayo, kii hore waxaa u caddaanaysa ninka hor-taagani inuu ka mid yahay cadowgii ay xiirexiiraha ahaayeen, markaas oo uu waranka kala hormari jirey ama, haddii laga gacan fudud yahay, isaga lagala hormari jirey.

Sida uu yahay waxa eraygaas u adeegsan jirey Xooggii Dalka Soomaaliyeed oo lahaa ciidan gaar ah, lana oran jirey Baaqa Qarsoon, in kastoo aan loo baahnayn erayga ‘qarsoon’, haddiiba baaq la soo qaaday. Waxa uu Xooggu eraygaas ula jeedey waxa reer-Galbeedku ay code-ka ugu yeeraan ee ay ciidammadu dhanbaallada isugu gudbiyaan, iyaga oo adeegsanaaya xarfo iyo astaamo ay mar hore, si gaar ah, ugu heshiiyeen.

Maanta, badanaa dhallinyarada warfaafinta wax ka tebisaa erayga baaq uma adeegsadaan macnahaas aan soo sheegnay ee uu afkeenna ku leeyahay. Waxaa la maqlaa war-tebiye meel ka soo warramaaya oo leh: “Meel hebla shir lagu qabtay waxaa ka soo qayb-galay hebel oo madax ah, wuxuuna dadkii goobtaas isugu yimid ugu baaqay inay iskaashdaan!” Alla haka cafiyee, sida inoo wada muuqata, meeshaan baaq kuma jiro, maxaa yeelay ma jiraan wax la qarinaayey oo ka dhexeeya amaba ay si gaar ah isugu ogaayeen ninka madaxda ah iyo dadkii shirka ka soo qayb-galay ee uu la hadlaayey. Waxaa war-tebiyaha ku habboonayd inuu yiraahdo: “Dadkii uu la hadlaayey waxa uu hebel kula taliyey ama uu ku guubaabiyey ama uu ku baraarujiyey ama uu ku tirtirsiiyey inay iskaashadaan.”

7. Tibaax: Waxaan maqlaa weriyeyaasha qaarkood oo oranaaya: “Madaxweyne hebel ama Ra’iisulwasaare hebel oo la hadlaayey Golaha Wasaaradda ayaa tibaaxay inay dardar-geliyaan hawlaha u yaal.” Ama mid kale oo oranaaya: “Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobey waxa uu tibaaxay in dunidu si wadajir ah ay wax uga qabato kulaylka cimilada oo maalinba maalinta ka dambaysa ka soo daraya.” Maxay, haddaba, tibaaxi tahay?

Waa eray lagu tilmaamo war la maqlay ama la sheegay, hase ahaatee aan cid hubtaayi jirin. Malahaygana, erayga ugu dhowi waa male. Waxaad oran kartaa: “Waxaan tibaax ku helay lacagtii aan waayey inuu hebel hayo, hebelna uu la og yahay.” Waa war aad maqashay, hase ahaatee aan ahayn mid sugan oo, adiga oo cuskanaaya, aad xoolahaagii ku doonan karayso, hebelna aad ugu sheegan karayso.

Tusaale ahaan, laba nin oo reer-miyi ah, meelna wada dega ayaa midkood wuxuu kan kale weyddiin jirey bal inuu helay tulud geel ah oo uu ogaa inay ka maqnayd, kan lihina uu ceel iyo carshinba ka baadiggoobi jirey. Markaas buu ku jawaabi jirey: “Weli gacantayda wax kuma jiraan, tibaax baanse helay.”

Waxaa la oran karaa: “Wasiirka Maaliyadda ee dal hebel wuxuu sheegay in warbixinnada uu helayaa ay tibaaxayaan in sicirka saliiddu uu aad u kordhi doono haddii Iiraan la weeraro.” Weedhaas waxaa laga garanayaa in warbixinnada Wasiirka la soo gaarsiiyey ay cuskan yihiin warar aan markaas sugnayn oo runtooda la gaari doono markii Iiraan la weeraro oo keliya, waana macnaha dhabta ah ee uu eraygu leeyahay.

8. Booqasho: Waxaan maqlaa weriyeyaasha qaarkood oo oranaaya: “Guddoomiyaha baarlamaanka Iiraan ayaa maanta booqasho ku tegey dalka Masar.” Maalin kalena waxaan maqlay ku kale oo ku warramaaya: “Koox isugu jirta ururrada aan dawliga ahayn oo samafalka ka shaqeeya ayaa saaka waxay tagtay Ceelasha Biyaha; halkaas oo ay kooxdu ku booqatay kumaankun qof oo ka soo qaxay dagaallada Xamar ka socda.”

Erayga booqasho sidaas iyo siyaalo la too* ah ayay haatan warfaafintu u adeegsataa, wuxuuna u eg yahay wax sidaas ku hirgalay. Hase ahaatee, waa adeegsi ay wax si ka yihiin. Waa adeegsi aan waafaqsanayn macnihii hore ee uu eraygu lahaa.

In kastoo ay dad yari xusuusan yihiin, haddana erayga booqasho wuxuu af-Soomaaliga ku yahay socod gaaban oo loogu tago qof xanuunsan; kaas oo xigto, wadey iyo aqoonniba noqon kara.

Waa eray waayo hore aynu marin-habaabinney oo macnihiisii asalka ahaa laga afduubay. Anse ilaa hadda ma qaayibin, markii aan maqlana waxaa maankayga ku soo dhaca bugto iyo qof bushi la il-daran oo la kor-dhooban yahay, dadkii soo booqdayna ay u ducaynayaan. Runtii, weli waan yaabaa marka aan idaacadaha ka maqlo iyada oo la leeyahay: “Madaxweyne hebel wuxuu booqasho ku tegey dal hebel,” sidii iyada oo uu dalkaasi jirran yahay, dadkiisuna ay isbitaallada ku wada jiraan!

Waxaase jirta hees uu eraygu sida hagaagsan ugu jiro oo Basra uu magaceedu ahaa. Mireheeda waxaa iska lahaa hal’abuurka la yiraahdo Cabdulqaadir Xuseen oo Fuushane lagu naanayso, waxaana qaadi jirey heesaaga caanka ah, Xasan Diiriye. Meeriskeeda koowaad ayaa wuxuu ahaa:

Berigii baa
Caashaqan baas
La igu beeree;
Baahaan qabaayoo
Waan kuu basaasee
Hadmaad i baanan?
Basraay Basraay
Barashadaadii
Buur dheer i saartoo
Bugtaan ka qaadee;
Aan bogsadee i baano
Hay baal-marine i booqo.

Maxaa, kolka, inoo diidaaya inaynu niraahno: “Madaxweyne hebel wuxuu dal hebel ku tegey sodcaal rasmi ah?” Ama haddii aanay sababtu shaqo ahayn inaynu niraahno: “Wuxuu hebel dal hebel ku tegey dalxiis iyo daanshadaanshood.” Ama haddii aanu sodcaalku hawl iyo dalxiis toona ahayn inaynu niraahno: “Qaraabo-salaan ayuu hebel meel hebla ku gaarey?”

Malahayga, jawaabtu waa waxba, waxaanse shaki ka qabaa warfaafinta Soomaalidu inay eraygaan booqasho u soo celin doonto macnihiisii uu, asal ahaan, u lahaa oo da’dii hore ee afka ina dhaxalsiisay ay u tiqiin.

9. Boqoole: Waxaan maqlaa weriyeyaasha qaarkood oo oranaaya: “Hebel oo wafti ballaaran hoggaaminaaya ayaa shalay goor hore wuxuu u boqoolay gobol hebel.” Waxaase igala darraa weriye kale oo aan maqlay isaga oo ku warramaaya: “Madaxweyne hebel ayaa xalay fiidkii dal hebel u boqoolay!”

Markaas baan dib u xusuustaa macnihii koobnaa ee, asal ahaan, erayga boqoole uu afkeenna ku lahaa.

Wuxuu eraygani ka mid yahay dhawr kale oo, macne ahaan, la deris ah, Soomaaliduna ay ku kala tilmaanto xilliyada sodcaalka. Waa erayo aynu ku garan karno qof hebel goortii uu sodcaalay iyo, halkii uu ku sugnaa, ammintii uu ka dhaqaaqay: Ma aroor bay ahayd? Ma waxay ahayd harsimo iyo wiirawiire? Ma galab bay ahayd? Mase habeen dumey bay ahayd? Waxaa erayadaas ka mid ah: jarmaado, kallaho, boqoole, dhalandhool, wirwir, carraabo, guure (guurid), gudoodi iyo malaha qaar kale oo haatan maankayga ka maqan.

Haddii uu qofku aroor hore dhaqaaqay waxaa la yiraahdaa: “Hebel wuu jarmaaday ama wuu kallahay.” Barqo-har-raac ama harsimadii haddii uu anbabbaxayna waxaa la yiraahdaa: “Hebel wuu boqoolay ama wuu dhalandhoolay ama wuu wirwiray.” Haddii uu galab dhoofayna waxaa la yiraahdaa: “Hebel wuu carraabay ama wuu galbaday.” Haddii goor habeen ah uu waddada cagta saarayna waxaa la yiraahdaa: “Hebel wuu dheelmaday ama wuu guureeyey ama wuu guuray ama wuu gudey.”

Erayadaas mid qura ayaa laga maqlaa wartebiyeyaasha warfaafinta af-Soomaaliga ku hadasha; kaas oo ah ‘boqoole’ oo ay u adeegsadaan xilliyada sodcaalka oo idil. Iyada oo laga yaabo goor galab ah inuu sodcaalay ayaa qaar ka mid ah weriyeyaashu waxay ku warramaan: “Madaxweyne hebel ayaa shalay dal hebel u boqoolay…” waana gef aan sabab lahayn. Maxaa, kolka, inoo diidaaya, haddiiba aynu naqaan goortii uu ninkaas madaxda ahi sodcaalay inaynu adeegsanno kolba erayga ku habboon oo goortaasi ay afkeenna hodonka ah ku leedahay? Waxay ila tahay waa waxba.

10. Qoomiyad: Waxaan maqlaa weriyeyaasha qaarkood oo ku warramaaya: “Nin u hadlay ururka magaciisu sidaas iyo sidaas yahay ayaa maanta waxa uu London ka sheegay in qoomiyadda Benaaddiriga si ulakac ah, iyaga gaar ahaan, loogu dulmay dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya ka qarxay bilawgii 1991kii.”

Ama mid kale oo oranaaya: “Xildhibaan hebel hebel oo Baydhaba shir-jaraa’id ku qabtay ayaa sheegay inaan qoomiyadda Digil-iyo-Mirifle ku qanacsanayn dhismaha xukuumadda cusub iyo, qoomiyad ahaan, tirada wasiirrada ee iyaga laga siiyey.” Kolkaas baa waxaan dareemaa macnaha erayga qoomiyad inaan aqoon dhab ah loo lahayn, gaar ahaan kuwii dadka kale iska hor-wadey ee ay ahayd erayada jaadkaas ah inay aad u aqoodaan.

Wuxuu eraygani ka soo jeedaa afka Carabiga (Al-Qawmiyyah), kasmobulshadeedka iyo siyaasadda kolkii loo eegona wuxuu la macne yahay erayga ummad oo isaga qudhiisu Carabiga inaga soo galay. Labaduba waxay muujinayaan dad dhul loo og yahay wada dega oo af iyo dhaqanba wadaaga, taariikh ay soo mareenna ay ka wada dhexayso. Qoomiyado dhawr ah ayaa dal qura ku noolaan kara, marar aan badnaynna mid keliya ayaa ku noolaan karta.

Dalalka ay qoomiyadaha badan ku nool yihiin ee ay Soomaalida deriska yihiin waxaa ka mid ah Itoobiya oo ay wada deggan yihiin Amxaaro, Tigraay, Cafar, Oroomo, iyo kuwo kale. Sidoo kale, qoomiyado kala duwani waxa ay wada deggan yihiin Keenya oo iyadana ay ku wada nool yihiin Kuukaayo, Luwo, Kalanjiin, Masaay, Luuya, Meeruu iyo soddomeeye kale. Intaasna waxay tu waliba gaar ahaanteeda u leedahay dhaqankeeda, afkeeda, wax ay, hidde ahaan, u caabudi jirtey iyo, dhul ahaan, soohdimaho ay isu taqaan, loona yaqaan.

Soomaaliya iyadu waa dalka qura ee Afrika ku yaal, dadkiisuna ay wadaagaan af, diin, dhaqan, isir iyo geyi isku yaal oo aan loo dhexaynin, sidaas darteedna lagu sheegi karo dalalka qaaradda oo idil midka ay qoomiyadda qurihi ku dhaqan tahay. Cilmi ahaan, taasi waa arrin waayo hore laga faraxashay oo aan hadda dood la gelin karin, in kastoo lala wada yaabban yahay ummadda wax walba sidaas u wadaagtaayi sababta ay, siyaasad ahaan, isugu afgaran la’dahay.

Waase yaabe, arrinta sidaas ah, weligeedna aan laba ku murmini waxay u eg tahay warfaafinta af-Soomaaliga ku hadasha qaarkeed in aanay oggolayn! Haddii aanay sidaas ahayn, maxay ku dhacday weriye idaacaddiisa dhanbaal u tebinayaa mar aan fogeyn inuu yiraahdo: “Ammaanxumada waayadan Boosaaso ka jirtaa waxay saamaysay nolosha qoomiyado muddoba Buntlaan wax ka degganaa; kuwaas oo ay ka mid yihiin Koofurta Soomaaliya qaar ka soo jeeda iyo kuwo dalalka deriska ah ka yimid!”

Ma aragtaa haddaba, isaga oo aan u dan lahayn, sida weriyuhu uu Soomaalida Koofurta u fogeeyey, ugana dhigay qoomiyad dadka dhulka Bunt ka duwan? Ma aragtaa sida uu u simay iyaga iyo qoomiyadaha Itoobiya ka yimid, markii loo eego Soomaalida Boosaaso iyo Bari ku nool?

Mar kale, waxay u eg tahay weriyeyaasha qaarkood inay rabaan Soomaalidu inay ka koobnaato qoomiyado kala gaar ah sida derisyadeeda. Haddii aysan sidaas ahayn, maxaynu u maqalnaa qoomiyadda Raxanweynta ama qoomiyadda Banaadiriga, iyo wax la mida? Mase meesha waxaasiba kuma jiraane, macnaha qoomiyadda ayaan inaga wada dhaadhacsanayn? Malaha taa dambe ayaa roone, iyada u daa.

11. Qalanjo: Waxaan maqlaa hebla qalanjo, iyada oo lagu celcelinaayo oo hablaheenna qaarkood naanays looga dhigaayo ama riwaayad la dhigi doono lagu xayaysiinaayo oo inanta jilaysa magaceeda la inoogu soo bandhigaayo.

Markaas baan yaabaa oo haddana muusoodaa? Waxaan isweyddiiyaa: Qalanjooy, maxaad tahay, erayguse ma yahay mid ku habboon macnaha aynu u xanbaarinnay?

Sida la og yahay, hooballada filimmada iyo riwaayadaha jilaa isku heer ma aha. Way kala waayo’aragsan yihiin, sidaas darteedna way kala kaalin weyn yihiin.

Waxaa jira qaar laba ama saddex jeer oo keliya daawatada soo hor-joogsada iyo kuwo rakada tiyaatarka aan wax badan ka maqnaan. Waa kuwa dambe gudbinta qaybaha waaweyn ee sheekada kuwa lafdhabarta u ahi.

Markiise dhammaantood la isku soo kiciyo waxaa ugu kaalin weyn gabdhaha tu ka mid ah oo soo-saaraha hawl-faneeddu (filin iyo masrax) uu ku doorto quruxdeeda, waayo’aragnimadeeda iyo bandhig-wanaaggeeda. Goleyaasha fanka ee reer-Galbeedka waxaa gabadhaas oo kale looga aqoon jirey prima donna oo la macne ah ‘marwada koowaad’; haatanse waxay ku koolkooliyaan erayada stella ama star oo afkeenna xiddig ku ah.

Innaga Soomaalida ahi si fudud baynu u marin-habownay markaynu isku daynay gabdhaheenna tilmaamahaas leh inaan ula baxno magac kuwaas shisheeye u dhigma. Waxaanse garan la’ahay qofkii erayga qalanjo ina soo hor-dhigay oo haddana ku guuleystey inuu ina oggoleysiiyo, innaga oo aan waxba weyddiin!

Haddaba, sidii aynu ugu dagannay si ay inoogu caddaato, bal erayga macnihiisa aan toyanno. Oo durbadiiba intaan la soo boodo aan iraahdo: Maroodiga lab waxay Soomaalidu ku magacawdaa boor, kiisa dheddigna qalanjo! Waxaa u daliil ah tuduc ku jira gabay uu reer-Muduggu aad u yaqaan oo soddonnadii qarnigii 20d uu tiriyey gabyaagii caanka ahaa ee Ayax Maxamad Dhawre la oran jirey. Waa gabaygii Quursidiid loo bixiyey ee qayb ka mid ah uu ku lahaa:

Qalanjada maroodiga ninkii waayo lagu qaybshey
Oo toban haruuboo qar jaran Eebbe kaga quudshey
Gujadiyo qaniinyada ninkii labadabuu quuray
Oo qaar-dambeedkiyo candhada feerka kaga qaaday
Oo caanuhuu qubay ilmadu qoysey baad noqone!

Runtii, markaan hebla qalanjo maqloba, waxaan is’iraahdaa: “Waaba qalanjo iyo qurux!” Waxaan isweyddiiyaa: “Ama boor ha ahaado ama qalanjo ha ahaatee, bilic lagu cawryo miyuu maroodi leeyahay? Ma wax inta heeso lagu tiriyo gabar lagu ammaani karaa? Ma wax inan dhaban leh lagu maakubi karaa?” Weli waxaan ka yaabbanahay ciddii hor iyo horraanba inoo soo jeedisey iyo fudaydkii aynu kaga oggolaannay, erayguna uu ku hirgalay!

Sow, kolka, kulama qummana inaynu niraahno Xiddigta Filinka ama Xiddigta Riwaayadda kolka aynu xusayno gabdhaheenna dhabanka leh ee goobaha fankeenna ka hawl-gala.

12. Faro-ku-tiris: Erayga faro-ku-tiris waxa ay Soomaalidu ku tilmaantaa wax ay tiradoodu kooban tahay oo haddii ay ugu bataan toban gaari kara, haddii kalena kaba yar. Waa wax markii la doono in la tiriyo aan la kala illoobi karin oo faraha gacmaha lagu kawkabin karo. Waxaad oran kartaa: “Hebel iyo hebli, in kastoo ay 3 sano isqabeen, haddana inta jeer ee ay meel ku kulmeeni waa faro-ku-tiris.” Ama waxaad oran kartaa: “Dagaalladii Soomaaliya ka dhacay qoys aan dhibaato ka soo gaarini waa faro-ku-tiris.”

Macnaha eraygu isaga oo sidaas ah ayaan maalin aan sii fogeyn waxaan dhegeystey idaacadaha af-Soomaaliga wax ku tebiya middood. Weriyeyaasha midkood ayaa wuxuu ka warramayaa nin geeriyoodey oo u dhashay dalalka Geeska Afrika dal ka tirsan. Isaga oo ku ammaanaya halgankii gobannimada dalkiisa kaalintii weyneyd ee uu ka soo galay ayuu yiri: “Hebel, Alla ha u naxariistee, wuxuu ka mid ahaa dadkii faro-ku-tiriska ahaa ee gobannimada dalkiisa u soo dagaallamay!”

Saa, keligey baan ahaaye, waan muusooday. Haddiibana waxaa igu soo dhacday macnaha erayga ‘faro-ku-tiris’ku in aannu weriyahaas ka dhaadhacsanayn, haddii uu dhab u aqoon lahaana aanu sidaas ugu sirmeen, gefka sidaas u weynna aanu ugu dhaceen. Waxaan la yaabay macnihii uu u dan lahaa sida uu u seegay oo aqoon la’aanta eraygu ay ugu horseedday macne kale oo halis ah, hubaalna ay tahay inaanu ahayn kii uu u jeedey!
Wuxuu u dan lahaa ninka geeriyoodey inuu ku tilmaamo nin-karmeed aad iyo aad uga muuqdey halgankii gobannimada ee dalkiisu uu madaxbannaanida ku taabay. Hase ahaatee, taas kuma uu guuleysan, isla markaasna wuxuu meel uga dhacay ummad-weyntii uu ninkaasi ka baxay, isaga oo ku tilmaamay halgankeedii gobannimada, tiro ahaan, intii ka qayb-gashay inay aad u koobnayd, inay faro-ku-tiris ahayd!

Ma aragtaa sida uu u sinbiriirixday? Ma kuu caddahay, isaga oo aan is’ogeyn, godobta uu qaran idil iyo taariikhdiisa ka galay? Shaki kuma jiro gefka xaddigaas leh in aynu ku dhici karayno marka aynu adeegsanno erayo, dhab ahaan, aynaan u aqoon macnaha ay xanbaarsan yihiin. Kolka, waxaa habboon qalabka warfaafinta markaynu hadal ku dawinayno amaba aynu wax ku qorayno inaynu adeegsanno erayada kuwooda aynu dulucdooda naqaan oo keliya, inta kalena aynaan isku shiddayn.

13. Dawlad iyo xukuumad: Waxaan maqlay weriyeyaasha midkood oo oranaaya: “Sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ayaa wuxuu waxqabad la’aan iyo fadhiidnimo ku eedeeyey dawladda Nuuri Al-Maaliki ee dalka Ciraaq.” Maalin kale ayaan haddana waxaan maqlay mid kale oo oranaaya: “Shalay ayaa waxaa Baydhaba shirkii ugu horreeyey ku yeeshay dawladda ra’iisul-wasaare Nuur-Cadde uu dhowaanta soo dhisay.” Labadan eray ee ‘dawlad’ iyo ‘xukuumad’ waxay ka mid yihiin erayada ay weriyeyaashu isku beddashaan ee, marar badan, ay isku sida ugu adeegtaan kolka ay wararka iyo warbixinnada tebinayaan; taas oo aan sax ahayn. Labaduba waxay ka soo jeedaan afka Carabiga, Guddiga Af-Soomaaliguna wuxuu sannadkii 1973kii go’aamiyey in iyaga la qaato marba, hidde ahaan, waxa ay tilmaamayaani haddii aysan ahayn hay’ado iyo fikrado ay bulshadeennu tiqiin oo ay magacna u lahayd.

Dawlad oo marmarka qaarkood la garab-dhigo erayga qaran waxaa la adeegsadaa marka state loo jeedo. Waa eray gudo weyn oo loo wada xanbaariyo laamaha saddexda ah ee maamulka qarammada casriga ahi uu u qaybsamo, kuwaas oo kala ah: Xeer-dejinta, Fulinta iyo Garsoorka.

Erayga xukuumad oo u dhigma government, isagu intaas wuu ka kooban yahay, si gaar ahna wuxuu u tilmaamayaa Laanta Fulinta ee dawladda. Haddii si kale loo yiraahdo, xukuumaddu waxay ka koobantaa wasiirka koowaad (Ra’iisulwasaare), wasiirrada uu maamulkiisa u magacawdo, wasaaradaha kala duwan iyo hawlwadeennada hay’adaha kale ee Adeegga Rayadka ah loo yaqaan (Civil Service).

Sidaas darteed, waa gef in la yiraahdo dawladda Cali Geeddi; iyada oo loo jeedo xukuumaddiisa. Gef kaa ka sii weynse waxaa ah in la yiraahdo, ‘dawladda kumeel-gaarka ah’; iyada oo loo dan leeyahay ‘xukuumadda ku-meel-gaarka ah.’

Waxaan is’iraahdaa: “Xukuumad waaba la gartay oo way dhalataa, wayna dhacdaaye, bal xaggee lagu arkay dawlad ku-meel-gaar ah?” Jawaabtu waa meelna, waase haddii – Eebbe ka magane – aanay Dawladda Soomaaliyeed ku caddaan doonin dunida tii ugu horraysey oo ku-meel-gaar noqota!

14. Dawli iyo Caalami: Waxaa beryahaan laga hadlaayey heshiiskii 28kii Febraayo ee dhowaanta la dhex-dhigay xisbiyada dalka Keenya ee lagu kala magacaabo Bii.En.Yuu (PNU) iyo Oo.Dhii.Em (ODM), kuwaas oo ku eedoobey doorashadii Madaxtooyada ee dabayaaqadii sannadkii hore la qabtay. Maalmahaas bay ahayd markii aan maqlay wartebiye ku warramaaya: “Haddii uu heshiiskani hirgalo, waxaa hubaal ah inuu isbeddalaayo hannaanka dawliga ah ee ay Keenya ku soo socotey 40kii sano ee ugu dambeeyey.” Mar kalena waxaan maqlay weriye arrimaha Soomaaliya ka faalloonaya oo leh: “Dagaalkii sokeeye ee muddada dhawr-iyo-tobanka sano ah dalka ka socdey wuxuu baabbi’iyey dhammaan hay’adihii dawliga ahaa ee ay ummadda Soomaalidu lahayd.”

Ujeeddo ahaan, labada hadalba waa run oo muran kama taagna, waxaase gef ah erayga ‘dawli’ sida ay labada weriye ugu adeegteen, saa hay’ado dawli ah oo Keenya ama Soomaaliya ay leedahay ma jiraane, dal keligiis hay’ado dawli ah lihina ifka kuma abuurra.
Haddaba, dhibtu isaga ayay ka jirtaaye, macnaha erayga ‘dawli’ muxuu yahay?

Sida la garan karo, waxaa laga soo dhanbashay erayga ‘dawlad’, xagga naxwaha kolkii loola bayrona waa tilmaame. Waxaa lagu tilmaamaa dhaqdhaqaaq, urur ama hay’ad, aalaaba, ay dawladaha dunidu si uun ugu wada lug leeyihiin. Toddobaatannadii qarnigii hore markii af-Soomaaliga la qoray ayaynu u qaadannay inaynu ku beddalanno labada eray ee afafka Ingiriiska iyo Talyaaniga ka soo kala jeeda; kuwaas oo kala ah: international iyo internazionale.

Hay’adaha dawliga ahi way badan yihiin, waxaana, malahayga, ugu caansan Qarammada Midoobey midda aynu u naqaan ee dawladaha dunida oo idili ay maanta xubnaha ka wada yihiin. Axdiga asaaskeeda sida ku xusan, waa hay’ad loo abuuray in lagu ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida dunida, waxaana wada dhisay qarammadii waayadaas gobta ahaa, ka dib markii Dagaalkii Labaad ee Adduunka laga soo doogey. Taas ka sokow, waxaa jira hay’ado dawli ah oo samafalka aadaminnimo oo keliya isku hawla, kolba meeshii macluul, cudur, dagaal ama dhibaato kale laga sheegona u guntada, gargaarna ula degdega.

Waxaa ka mid ah hay’adaha lagu kala magacaabo: Caritas, Save the Children, Oxfam, Care International, Medecenes Sans Frontiers iyo qaar kale oo daafaha dunida danleyda Adduunka Saddexaad ugu samo-fala. Waxaa iyaguna jira hay’ado dawli ah oo ku shuqul leh dhawrista Xuquuqda Aadanaha; kuwaas oo ay waayadaan ugu magac dheer yihiin Amnesty International iyo Human Rights Watch.

Sidaas darteed, doorashadii Keenya qalalaasihii ka dhashay waxa uu wax u dhibay waa waxqabadkii hay’adihii dawladda Keenyee, ma aha hay’adihii dawliga ahaa ee Keenya. Sidoo kale, dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya waxa ku baabba’ay waa hay’adihiisii dawladeede, ma aha hay’adihiisii dawliga ahaa!

15. Caalami: Erayga dawli waxaa la mid ah erayga caalami oo isaguna xagga Carabiga inaga soo galay, toddobaatannadii qarnigii horena afkeenna si rasmi ah loogu soo biiriyey. Waa eray aynu ku tilmaami karayno oo keliya waxyaalaha ‘dawliga’ lagu sheegi karo sida hay’adaha iyo ururrada ay hawlahoodu dunida inteeda badan ku wada baahsan yihiin. Hase ahaatee, marar badan ayaan maqlaa iyada oo siyaalo aan hagaagsanayn loo adeegsanaayo. Tusaale ahaan, mar baa waxaa dhegahayga ku soo dhacday iidheh idaacad Ef.Em (FM) ah laga baahinaayo oo lagu leeyahay: “Xaafad hebla waxaa laga furay makhaayad caalami ah oo magaceedu sidaas iyo sidaas yahay; taas oo aad ka heli karayso cunno kasta oo ay naftaadu jeclaato iyo shaqaale kuu jajaban intaba.”

Marka uu weriyuhu sidaas leeyahayna waxaa suuraggal ah, xaafaddaas ha joogtee, in aanay makhaayaddaasi ifkaba meel kale kaga ool! Sidaasina waa gef, maxaa yeelay erayga caalami ma xanbaarsana macnihii uu weriyuhu u dan lahaa. Malahayga, wuxuu rabey intuu makhaayadda ammaano inuu yiraahdo: “Waa makhaayad wacan” ama “Waa makhaayad wanaagsan”, markaas buu adeegsadey erayga caalami oo meeshaani aanay meeshiisii ahayn.

Inta aan ogahay, makhaayad caalami ahi ma jirtee, waxaa jira hoteello caalami ah. Waa hoteello qaaradaha oo idil ku yaal, waxaana laga wada heli karaa magaalooyinka waaweyn ee dunida kuwa ugu magaca dheer. Meel kastaba ha ku yaalliine, waxay weligood leeyihiin magac iyo astaan qura, waxaana, aalaaba, iska leh shirkad qura ama qoys keliya. Xagga dhismaha, waa isku hab, midabkuna waa isku mid. Meel la joogoba, muuqaalkooda kore iyo midkooda guduhu ma kala duwana. Cunnada kolba ay martidooda siiyaan iyo sida ay ugu adeegaanna lama kala yaqaan.

Badanaa, waa hoteello qaali ah oo aan lagu wada degi karin. Ragga iyo dumarrada tanaadka ah oo keliya ayaa tammadiya oo inta habeenno ku hoyda ku raaxaysta. Hoteelladaas iyaga ah kuwooda ugu magaca dheer waxaa, haddaba, ka mid ah: Hilton, Meridien, Sheraton, Intercontinental iyo qaar kale oo siyaalahaas aan soo sheegay ku wada tilmaaman, sidaasna caalami ku ahaaday.

16. Jaamacad iyo Kulliyad: Galab ayaan waxaan dhegeystey weriye idaacadda uu ka xoogsado Jabbuuti uga soo warramaaya. Wuxuu yiri: “Magaalada Jabbuuti waxaa maanta laga furay jaamacad cilmiga takhtarnimada laga barto.” Marar kale oo badanna waxaan maqlaa iyada oo la isugu warramaayo: “Hebel ama hebli sannad hebel ayay jaamacadda Lafoole ka qalin-jebisey!”

Halkaan waxay dhibaatadu ka taagan tahay erayga jaamacad oo labada jeerba sida loo adeegsadey ay laaxin tahay. Labada jeerba waxa laga hadlayaa waa kulliyade, jaamacad ma aha, waana laba magac oo afka Carabiga ay Soomaalidu ka soo amaahatay. In kastoo labadu ay xiriir dhow leeyihiin, haddana midkood waliba fikrad gaar ah iyo macne gooni ah ayuu xanbaarsan yahay. Maxay, haddaba, jaamacadi tahay, maxayse kulliyadi tahay?

Waxaa jaamacad lagu magacaabaa dugsiyada wax laga barto midka ugu sarreeya ee, ugu dambaystana, markii laga aflaxo laga qaato markhaaticilmiyeed lagu muujiyo ruuxa wataayi in kasmooyinka aadanuhu yaqaan middood uu dhab wax uga bartay. Laamo-cilmiyeed faro badan, isla markaasna kala duwan ayay jaamacad waliba u qaybsantaa, laan walbana kulliyad ayaa lagu magacaabaa.

Tusaale ahaan, Jaamacaddii Ummadda ee Soomaaliya, sida jaamacadaha kale, waxay ka koobnayd kulliyado faro badan oo isugu jira kuwo Kasmooyinka Sayniska lagu baran jirey iyo Kasmooyinka Bulshada kuwo lagu baran jirey.

Qaarkii sayniska lagu baran jirey waxaa ka mid ahaa Kulliyaddii Kiimikada, tii Handasada, tii Daawada, tii Xannaanada Xoolaha, tii Beeraha iyo kuwo kale.

Qaarkii Kasmooyinka Bulshada lagu baran jirey waxaa iyagana laga magacaabi karaa tii Cilmi-Afeedka, tii Warfaafinta iyo tii Barbaarinta ee Lafoole; taas dambe oo ahayd tii ugu horraysey, uguna magaca dheerayd kulliyadihii ay Jaamacaddii Soomaaliya ka koobnayd.

Haddaba, imminka ayay malaha inoo caddahay labada eray sida ay u kala duwan yihiin iyo macnaha uu mid waliba leeyahay. Waxaynu ogaanney waxa dhammaadkii sannadkii hore Jabbuuti laga furay inaysan jaamacad ahayne, ay ahayd kulliyad takhtarnimada laga barto. Sidoo kalena, waxaynu u ogaanney xaruntii Lafoole la baxday ee Kasmada Barbaarinta laga baran jirey, bareyaasha Dugsiyada Sarena ay ka soo qalin-jebin jireeni inay kulliyad ahayde, aysan jaamacad ahayn.

17. Hawl iyo Shaqo: Waxaan maqlay weriyeyaasha qaarkood oo oranaaya: “Hebel oo dal hebel ku maqnaa ayaa maanta ka soo noqday; isaga oo muddo bil ah halkaas hawlo shaqo ugu maqnaa!”. Maalin kalena waxaan maqlay wartebiye Xamar ka soo hadlaaya, kana warramaaya hoogga iyo ba’a ay weriyeyashu Soomaaliya ku qabaan. Markaas buu yiri: “Toddobaadkii aynu soo dhaafnay oo keliya waxaa Xamar lagu diley 3 weriye; iyaga oo hawlahoodii shaqo gudanaaya.”

Laba saddex jeer kolkaan weedhaas maqlay ayaan ogaadey inuu yahay gef hor leh oo dhowaan afka lagu soo kordhiyey; gef , weliba, aad u muuqda oo si fudud loo dareemi karo. Waa gef 20 sano ka hor qofkii ku tiraaba ay bulshadu ku qoonsan lahayd, ha yeeshee faca maanta joogaa aanay isdareensiin, qalabka warfaafintana aan cidi kula yaabin. Halkee baa, haddaba, uu gefku weedha kaga jiraa?. Jawaabtu waxay tahay: Wuxuu kaga jiraa israacinta labada eray ee kala ah hawl iyo shaqo, kuwaas oo, iyada oo aan waxba loo dhexaysiinnin, ay labada weriye adeegsadeen.

Sida ay Soomaali badani garan karto, hawl iyo shaqo waa laba eray oo ulajeeddo mid ah wadaaga, midkood walibana uu kan kale ku macne yahay.

Qaamuus ahaan, hawli waa shaqo, shaqona waa hawl. Sidaas awgeedna, mid keliya ayaa kugu filan, haddii aad wax qoraysid ama qalabka warfaafintaba aad wax ka baahinaysid.
Dulucdeedu waxay tahay: Laba magac oo, iyada oo aan wax kale loo dhexaysiinnin, la israaciyaa waxba ujeeddooyinka hadalka kuma kordhiyaan.

Waxay la mid tahay adiga oo yiraahda: ‘Berri ‘Boosaaso Bandar-Qaasin’ ayaan u sodcaali doonaa?’ Ama adiga oo yiraahda: ‘Dad badan ayaa ‘duumo dhaxan’ sannad walba qaaradda Afrika ugu le’da’. Ama adiga oo yiraahda: ‘Hebel waa nin muran akeekan badan’. Erayada Boosaaso iyo Bandar-Qaasim waa laba magac oo isla magaalo keliya loogu yeero, haddii aad midkood ku sheegtona midka kale sheegistiisa baahi loo qabaa ma jirto. Duumo iyo dhaxan iyana waa laba magac oo isla cudur qura loo yaqaan, waana cudurka qaniinyada kaneecada qaarkeed laga qaado. Haddii, kolka, aad labada mid ahaan adeegsatana midka kale adeegsigiisu waa hadaltiro. Sidaas oo kale, ‘hebel waa muran badan yahay’ inaad tiraahdo waa hadal la yaqaan, ‘waa akeekan miiran’ inaad tiraahdaana waa wax iyadana la garan karo. Ha yeeshee, waxa aan la garan karin oo innaba aan wax soo kordhinayni waa inaad labada eray israaciso, dabadeedna aad tiraahdo ‘hebel waa nin muran akeekan badan’.

Haddaba, sidaynu soo aragnay, ’hawlo shaqo’ waa laba eray oo israacintooda uu laaxin qurihi ka kordhaayo, waxaana iska cad haddii la israaciyo in aanu midkoodna kan kale macne cusub ku biirinayn oo ujeeddada guud ee hadalkana aanu faahfaahin dheeraad ah inaga siinayn.

Waxaa, kolka, habboonaan lahayd labada magac inta la kala xiriir-furo in midka hore tilmaan la raaciyo, lana yiraahdo: “Hebel oo dal hebel ku maqnaa ayaa maanta ka soo noqday; isaga oo muddo bil ah halkaas hawlo dawladeed ugu maqnaa!”. Ama in la yiraahdo: ‘Toddobaadkii aynu soo dhaafnay oo kleliya waxaa Xamar lagu diley 3 weriye; iyaga oo hawlahoodii warfaafineed gudanaaya’. Ama in la yiraahdo: ‘Raggii ay shalay maxkamaddu xukunkooda ku dhawaaqday waxaa ku jirey qaar inta xarig dheer lagu xukumay, haddana shaqo adag loogu daray’.

Maalin kale ayaan haddana waxaan maqlay weriyeyaasha midkood oo leh: “Dawladda Turkigu waxay qiratay inay shalay guluf dagaal ku qaadday waqooyiga dalka Ciraaq; halkaas oo ay ku weerartay dagaalyahannada Xisbiga Kurdiga ee Pkk lagu magacaabo”. Waxaa weedhaanna ku jira gef la mid ah kii aynu soo aragnay oo ah israacinta laba magac oo aan waxba loo dhexaysiinnin.

Waa israacinta guluf iyo dagaal oo ah laba magac oo mid waliba uu midka kale ka madax-bannaan yahay, in kastoo, qaamuus ahaan, ay isu dhow yihiin. Dagaal waa magac lagu tilmaamo waxa ka dhex-dhaca laba dhinac oo inta si uun wax ugu heshiin waayey faraha isa saara. Waa dirir oo waa islayn. Gulufna waa magac loo yaqaan col tiro yar oo fardooley ah. Sidaas darteed, labada israacintoodu ujeeddada waxba kuma kordhinayso.

Magac magac kale la raaciyaa sida ay laaxin u tahay oo aanay macnaha guud waxba ugu kordhinayn ayay tilmaaan tilmaan la raaciyaana laaxin u tahay, iska daa maqlaha ama akhristaha inay garashada ujeeddada wax dheeraad ah uga iftiimisee. Intii muddo ahba waxaa Soomaalida dhexdeeda ka hirgalay oraah qalad ah, ha yeeshee aan cidina dhaagin. Waa oraahda, ‘fiican badan’ oo Soomaali aan tiro yarayni ay hadda kaga jawaabto su’aalaha isnabdaadinta iyo iswaraysiga daarran sida: ‘Maxaad sheegtay? Iska warran? Xalay maxaad ku barideen? Carruurtii sidee kuu yihiin? Reerkii maxaad kaga war-qabtaa?’ iyo kuwa kale ee ay isku jaadka yihiin. Halkaanna waxa ay dhibaatadu ka jirtaa waa israacinta labadan eray ee kala ah fiican iyo badan oo ah laba tilmaamood, ha yeeshee aad arkayso si qalad ah in magac iyo tilmaan la isaga dhigaayo.

Sidaan meel hore ku soo sheegay, waa oraah qalad ah oo haddana afkeenna si sibiq ah ku soo gashay. Dad yar ayaa xusuusan taasina inay dhacday 1900 iyo toddobaatannadii qarnigii 20d. Waxaa beryahaas lagu kaftami jirey, oraahdaasna lagu dhaajin jirey niman shisheeye ah oo barashada afkeenna la daalaadhacaayey.

Waxay ahaayeen injineerradii Shiinaha ahaa ee ku hawllanaa dhismaha waddada dheer ee isku xirta gobollada Hiiraan iyo Togdheer.

Dabadeedna, Soomaali badan ayaa ku sirantay oo mooddey ‘fiican badan’ in lagu jawaabaa inay tahay oraah sax ah, mana aha oraah sax ah iyo wax u dhow toona!

18. Subax wanaagsan, habeen wanaagsan…: Beryahaan dambe waxaynu maqalnaa weriyeyaasha qaarkood oo, haddaynu nahay daawatada ama dhegeysteyaasha, kolkay ina bariidinayaan oranaaya: “Dhegeysteyaal, ‘subaxnimo wanaagsan’ ama ‘galabnimo wanaagsan’ ama ‘fiidnimo wanaagsan’ ama ‘maalinnimo wanaagsan’ ama ‘habeennimo wanaagsan’” iyo qaar kale oo la too ah?

Sannad idil lagama joogo kolkii ay idaacadaha qaarkood bilaabeen dadka ay la hadlayaan in ay erayadaas ku salaamaan. Dabadeedna, dhallinyarada warbaahinta ayaad mooddaa inay ku daateen, isagana daydeen adeegsiga nabdaadinta caynkaas ah, gaar ahaan marka ay soo-jeedinta barnaamijyadooda gudo-gelayaan.

Haddaba, isnabdaadinta sidaas ahi, af ahaan, ma hagaagsana, waxaana ku jira laaxin loo baahan yahay in laga saxo. Hase ahaatee, inta aanan laaxinkaas soo dibed-bixin, aan dib ugu yare noqdo hababkii ay Soomaalidu isu nabdaadin jirtey, gaar ahaan waayadii dhaqankeedu uu, badiba, reer-miyinnimada ku dhisnaa.

Laba qof oo aan is’aqooni kolkay meel isaga hor-yimaadaan, kolba koodii nabdaadinta ku hormara ayaa wuxuu oran jirey: “Nabad ma sheegtay?”. Markaas buu kan kalena wuxuu ku jawaabi jirey: “Nabad baan sheegaye, adigu maxaad sheegtay?” Kolkaas ka dib ayay is-haybsan jireen, iskana waraysan jireen mid waliba waxa uu rabo inuu wax ka ogaado iyo dantii uu ku raad-joogey: Baadixoolaad, abaar iyo aaran, roob iyo deegaan, colaad iyo nabad iyo dhammaan labada mid walba meesha ay saantiisu ka soo jeeddo wixii lagu qabey. Taasina waa markii ay arrintu joogto laba ruux oo socoto ah ama koox negi oo meel shiran ku ah iyo koox kale oo markaas la soo joogsatey.

Ha yeeshee, waxaa jirta isnabdaadin kale oo si gaar ah iyada looga garan karo dhinacyada isnabdaadinayaa waqtiga ay markaas ku sugan yihiin; ma habeen baa, ma maalin baa?. Bal tanna aan tusaaleeyo: Nin socoto ah ayaa goor ay fiid hore tahay waxa uu la soo joogsan jirey reer, wax yar ka hor, rugahoodii u soo hoydey oo xoolihii soo xeraystay oo maalay oo carruurtii seexsaday amaba ay markaas u seexanayso. Goortaas oo kalena nabdaadinta ninkaasi waxay u badnayd inay noqoto: “War maxaa lagu soo uruuray?”. Dabadeedna, odayga reerka u weyn ayaa ku jawaabi jirey: “Nabad baan ku soo ururraye, adigu maxaad sheegtay?”. Halkaas buu iswaraysiga kale ka sii socon jirey, ninkaasina reerka ayuu habeenkaas martiyi jirey ama meel kale oo uu yaqaan ayuu u sii dheelman jirey.

Isla ninkaas socotada ahi kolkuu waabberigii ku soo baxo reero kale oo xoolihii ay weli u xeraysan yihiin oo markaas haruubbada u qaatay amaba kala soo baxay waxa uu ku nabdaadin jirey: “War maxaad ku barideen?”. Ama ‘Maxaa lagu beryey?”. Ama ‘Ciddu maxay ku bariday?”. Odayga reerka ama ragga waaweyn ee uu dhalay midkood ayaa markaasna ku jawaabi irey: “Nabad baannu ku barinnay. Alxamdulillah. Wax soo aaddan Allaa og. Wax weyddiin ogaal. Warkayaa inta le’eg. Waa sidee, adigu maxaad sheegtay?”
Mararka qaarkood haddii ninkaas reerka lihi uu dayrsanaayo ee uu gocanaayo dareen dhowaan qoladooda la soo gudboonaadey (sida rag laga laayey, xoolo laga mooradduugey, dumar laga boojiyey, iwm), nabdaadinta ah ‘maxaad ku barideen?’ wuxuu kaga jawaabi jirey: “La soo kaakac. Nin iyo waagii. Madaxa la qaad! Aadane mooyee, Eebbe wax ka sheegan mayno! Ninkeed-dhibi ma yara’ iyo erayo la mid ah oo midka socotada ahi uu ka garan jirey dhacdo aan la mahadini inay reeraha ku cusub tahay.

Guud ahaan, sidaas bay muddo dheer isnabdaadinta Soomaalidu iska ahayd, waxayse wax iska beddaleen oo ay wax ku soo kordheen xilligii Gumeysiga, gaar ahaan barkii labaad ee qarnigii 20d. Qayb weyn oo bulshada Soomaaliyeed ka mid ahi waa markii ay reer-magaalowdey. Dhallinyaro door ahi waa markii waxbarashada casriga ah ay dugsiyadii shisheeyuhu furay ugu xeraysatay. Waa xilligii ay bilaabatay inay dhexdeenna ka hirgalaan hababkii isnabdaadinta ee qarammadii ina gumeystey ay ina bareen sida: Buon giorno, Buon pomeriggio, Buona sera, Good morning, Good afternoon, Good evening, iwm.

Muddo waxay sidaas ahaato oo hababkii isnabdaadinta afafka shisheeyaha lagu xarragoodaba, waxaa la soo gaarey dhammaadkii 1900 iyo afartannadii iyo bilawgii 1900 iyo kontonnadii, markaas oo xisbigii gobannimoddoonka ee Leegada (SYL) loo yiqiini uu calan-wallaynaayey. Sida laga yaabo in weli la xusuusan yahay, waddaniyad heer jidbo gaarsiisan iyo qab ummadnimo oo caqiido diineed lagu saawayn karo ayuu xisbigu beryahaas dadkii ku wada tallaalay, waxaana ujeeddooyinkii u dhignaa ka mid ahaa in afsoomaaliga la qoro, sidaasna afafka shisheeyaha looga maarmo.

Haddaba, sannadkii 1949kii ayaa magaalada Xamar iyo Leegada dhexdeeda waxaa laga unkay urur-dhaqameed la baxay, ‘Goosanka Afsoomaaliga’; kaas oo ay asaastay dhallinyaro uu, Allaha u naxariistee, hormuud u ahaa afyaqaankii la oran jirey Yaasiin Cismaan Keenadiid. Waxay ahaayeen dhallinyaro aqoonta dhaqankooda ku darsatay tii casriga ahayd ee ay ka kororsadeen dugsiyada maamulkii Talyaaniga iyo kii Ingiriiska ee dal-weynaha Soomaalida u wada taliyey intii u dhexaysey 1941-1950kii. Waxay ahaayeen qaar uu derderey jacayl aan soohdin lahayn oo ay u qabeen afsoomaaligooda; kaas oo ay u arkayeen eray iyo oraahba, inuu aad hodon uga yahay, sidaas darteedna aanu u baahnayn afaf qalaad erayo looga soo amaahdo. Markaas bay aad isugu hawleen eray kasta oo afafka shisheeyaha ku abtirsada, Soomaaliduna ay ku hadasho inay ku beddalaan ku’ la mid ah oo, asal ahaan, af-Soomaali ah.

Xilligaas ayay bilaabeen waxa aynu haatan ‘eraybixinta’ u naqaan. Xilligaas ayay afka ku soo dareen erayo faro badan oo ku cusbaa, eeggase ka mid noqday.

Xilligaas ayay dhallinyaradaasi waxay Soomaalidii reer-magaalka ahayd ka reebeen ku-adeegsiga isnabdaadintii afafka shisheeyaha uga timid, dhowaantana ay qaayibeen. Waa xilligii ay soo saareen weedhaha ay ka midka yihiin : ‘Subax wanaagsan’, ‘galab wanaagsan’, ‘habeen wanaagsan’ iyo ‘maalin wanaagsan’, kuwaas oo haddiiba bulshada dhexdeeda ka hirgalaya, lagagana maarmay: Good morning, Good afternoon, Good night, Buon giorno, Buona sera, Buon pomeriggio iyo weedhaha qalaad ee la midka ah.
Sida, haddaba, inoo wada cad, isnabdaadintan cusubi waxay mid waliba ka kooban tahay laba eray oo qura. Erayga hore waa magac sida subax, galab, habeen iyo maalin. Midka labaadna waa tilmaan oo waa ‘wanaagsan’; kaas oo magac walba gadaal ka raaca.

19. Oddoros: Saraakiisha Jamciyadda Quruumaha ayaa markii ay muddo joogaanba ka soo dega garoonka No. 50, si ay u oddorasaan habka ay kaalmadu dadka u baahan ay u gaareyso.

20. Qardajeex: Mar dhawr bilood haatan laga joogo ayaa meel Boosaaso u dhow waxaa lagu af-duubay weriye Faransiis ah oo hay’addii warfaafineed ee uu u shaqaynaayey xagga masawir-qaadidda ugu qaybsanaa. Wuxuu doonaayey, isaga oo maamulka dhulka Punt aan ogeysiin inuu gaaro xeebta Mareero la yiraahdo; halkaasna uu kala soo laabto masawirro uu ka soo qaado dadka Yaman doolka ugu sodcaala ee doonyaha halakaysan inta la iga ijaaro badda tarabtarabta ugu le’da. Masawirradaasi waxay noqon lahayeen kuwii ugu horreeyey oo dadkaas geerida u bareeray ay dunidu abid ka aragto, weriyuhuna, hadday u suuraggasho, intay magac dheeriyi ka raacdo ayuu haddana ku dallici lahaa!

Dabadeed, madaxda geyigaas nin ka mid ah oo ka jawaabaya su’aal ay idaacadaha qaarkood weyddiiyeen ayaa yiri: “Weriyaha Faransiiska ah ee halkaas lagu af-duubay wuxuu ahaa nin qardajeex ku socda”. In kastoo uu dedaaley, haddana ninkaas madaxda ahi kuma uu guuleysan macnihii uu rabey erayga ku habboon inuu afka uga helo. Ulajeeddadiisu waxay ahayd weriyaha la afduubay inuu taxaddar li’i ku canbaareeyo. Wuxuu doonaayey inuu ku eedeeyo waxa ku dhacay iyo burcadda uu u gacan-galay inuu isagu isu geystey, markii madaxda dhulka Punt uu sodcaaalkiisa kala tashan waayey oo bedbaadadiisa uu iyaga ugu magan noqon waayey. Markaas buu adeegsadey erayga qardajeex oo tilmaamaya falkii uu weryuhu ku kacay mid ka fudud.

Maxaa, haddaba, qardjeex la yiraahdaa? Waa laba eray oo wadajir ahaantooda loogu tilmaamo ku-sodcaalka dhulka ay geedaha badani ka baxaan ee aan waddooyinka lahaayeen. Waxaa la yiraahdaa: “Roobab mahiigaan ah oo waddada gooyey dartood, baabuur badan ayaa saaka magaalada qardajeec ku soo gashay”. Waxaa kaloo la yiraahdaa: “Ma og tahay hebel intuu jidkii xalay ka habaabay inuu soo qardajeexay, dabadeedna uu yimid, isaga oo ay qodxo ka meel-waayeen.”

Badanaa, socodka sidaas ah qofka u bareera ama ay dani baddoba loogama cabsado dhibaato weyn oo ay noloshiisu halis ku geli karayso. Malaha, waxa ugu daran oo soo gaaraayi waa qodxo muda ama maryaha ka dillaaciya iyo geedgaab uu ku xajiimoodo kolka oogadiisa inteeda bannaan ay istaabtaan. Cabbaar ka dibna, waxay u badan tahay inuu qofkaasi helo tubo toosan, waddooyin haloosi ah ama dhul bannaan oo uu ku sodcaalo.

U malayn maayo, kolka, falka weriyuhu qardajeex uun haddii uu ku ekaan lahaa in wargeyskii uu u shaqaynaayey, dawladda Fransiiska ee uu u dhashay iyo Midowga Yurubba ay bedbaadada naftiisa uga welweli lahaayeen sidii xoogga lahayd ee ay uga welweleen dhawrkii maalmood ee uu gacanta burcadda ku jirey. Weriyuhu isaga oo og dhulka uu marayo inaan kala-dambayn sidaas ahi ka jirin ayuu haddana u bareeray inuu keligiis sodcaalo. Sow isagu kuma dhiirran maamulka gobolka intuu iska indho-tiro in keligiis cad oo madow uu Mareero isa sii taago; isaga oo og inay keli-safriddaas halisi uga imaan karayso, halka uu u socdaana aysan ahayn xeeb ku-bedbaadiddeeda la hubo oo lagu masayn karo xeebaha koonfurta dalka Faransiiska ee Cote d’azur loo yaqaan!

Haddaba, falka weriyaha shisheeye lagu eedeeyey qardajeex lama yiraahdee, wuu ka weyn yahay. Waa jar-iska-xoornimo ama waa qar-iska-tuurnimo. Sidaas awgeed ninkii madaxda ahaa ee waraysiga bixinaayey waxaa ku habboonayd inuu ku jawaabo: “Weriyaha Faransiisku wuxuu ahaa nin jar-ika-xoor ah, haddii kale qar-iska-tuur ah.”

21. Shaac-ka-qaad:

22. Kaalin libaax leh

B. Erayo shisheeye oo aan baahi loo qabin: kuwa Soomaaliyeed maxaa lagu nacayaa?
Soomaaalidu, sidaynu wada og nahay, waa ummad wax-akhriska iyo qoraalkuba ay ku cusub yihiin. Sidaas darteed, waa ummad idaacadaha aad u dhegeysata oo jecel waxa dunida ka dhacaaya inay ku maqasho afka ay garanayso oo keeda ah. Markaan anigu hanaqaaday, dhallinyaro iyo waayeelba, wararka uu weriyuhu tebinaayo ka sokow, afsoomaaliga uu ku hadlaayo ayaa loo fiirsan jirey.

Weriyeyaasha ayaa la kala baran jirey. Sidaas darteedna, maalinta ‘hebel’ uu warka leeyahay ama ‘barnaamij hebel’ uu soo tebinaayo, si wacan ayay dhegaha loogu raaricin jirey, ‘hebel’ kale maalinta uu soo sheegayose, codka raadiyaha ayaa la iska gaabin jirey! Waa la iska dhigi jirey oo waxaan garanayaa iyada oo ay dhallinyaradu isku daydo ‘weriye hebel’ inay dhaajiyaan oo sida uu u hadlo ay iyaguna u hadlaan, erayada uu badanaa adeegsadana ay weerahooda ku soo daraan. Sidoo kale, weriyeyaasha barbaradka ah qudhoodu waxay ku dedaali jireen inay isu ekaysiiyaan kuwii caanka noqday ee ka horreeyey midkood; taasoo ay ka filayeen aqoonsiga dhegeysatada inay si degdeg ah ugu taabaan.

Taas darteed, waxaynu weriyaha ku tilmaami karaynaa, shalay iyo maantaba, toos iyo gurracba, bare ay dhegeysatadu afka ka bartaan oo, dhinaca waxabarashada guud, bulshada aad uga saameeya. Malaha, waa sababta inoo fasiraysa weynida xilka daryeelka afsoomaaliga ee weriyeyaasha maanta dusha ka saaran; xilkaas oo ay ka soo dhalaaleen warfidiyeennadii wax ka soo tebin jirey idaacadaha afsoomaaliga ku hadla sannadihii konotonnadii, lixdannadii iyo toddobaatannadii qarnigii hore iyo, guud ahaanba, wixii qorista afka ka horreeyey.

Afka oo aan qornayn iyo ka dibba, waa raggii ku guuleystey, war iyo warbixinba, dhegeysatadooda inay ugu gudbiyaan afsoomaali barax la’. Waa ragga lagu xusuusan doono aqoontii qabku weheliyey ee ay u lahaayeen dhaqankooda iyo afkooda. Waa ragga ay tahay inaynu ku maamuusno sidii ay afsoomaaliga u kobciyeen ee ay uga dhigeen af qaadi karaya fikradaha casriga ah iyo eraybixinta afafka qalaad ee sayniska, teknoloojiyada iyo kasmooyinka bulshada.

Waxay ahaayeen raggii afka ku soo daray erayo faro badan oo awel hore aan ku jiri jirin, haatanse ka mid noqday sida:

1. dayax-gacmeed (satellite)
2. Qarammada Midoobey (United Nations)
3. hantiwadaag (socialism)
4. horumar (progress)
5. hubka halista ah (nuclear weapons)
6. hubka iswada (automatic weapons)
7. hirarka gaaggaaban (short waves )
8. hirarka dheerdheer (long waves)
9. hirka dhexe (medium wave)
10. biyo-dhaca Fiktooriya (Victoria falls)
11. barwaaqo-sooran (commonwealth).
12. geeddi-socodka nabadda (peace process)
13. buuraleyda Goolan (Golan heights)
14. maan-dooriyeyaal (drugs)
15. gacan-ka-hadal (violence)

… iyo qaar kale oo dharaar noolba aynu ka maqalno idaacadaha Afsoomaaliga ku
hadla.

* * *

Arartayda iyo ulajeeddada ka dambaysaaba waxaad mooddaa in ay u eg tahay maahmaahdii ahayd: ‘Wadaad maqan ammaantii, waa wadaad jooga caydii!’
Waana loo qaadan karaa. Runtii, weriyeyaasha da’dii hore waxaa i xusuusiyey dhallinyarada dhowaanta warfaafinta ku soo biirtay oo qaar ka mid ah aan ku darraabaayo sida ay uga liitaan afsoomaaliga tayada sare leh ee idaacadaha u qalma iyo, isla markaas, sida ay u moog yihiin, afsoomaaliguna, tabta afafka kale, inuu barasho uga baahan yahay.

Haddaba, taag iyo aqooni meel ay dhigtoba, xilka daryeelka afsomaaliga intiisa ugu weyni, maalin kaleba yeelkeede, waxa uu maanta dusha ka saaran yahay qolyaha warfaafinta, gaar ahaan idaacadaha iyo warfidiyeennada ka xoogsada ee wararka iyo warbixinnadaba ka dawiya. Taas aniga oo maanka ku haya, bal aan tusaaleeyo gefafka dhegeysiga idaacadaha qaarkood aan ka qabtay oo warfidiyeenka xilligan aan farta ugu fiiqaayo, si aynu u ilaalinno bedqabka tiirarka dhaqankeennu ku qotomo midka ugu qaalisan; waa afsoomaaligee. Gefafkaas oo aan ka yaabaayo, haddii aan daymo loo yeelan, inay sidaas ku hirgelaan ayay ila noqotay inaan dadka ku baraarujiyo, in kastoo aanan hubin sida ay mudan yihiin in dhegaha loogu raaricin doono.

Yeelkeede, gefafkaas oo dhawr qaybood loo kala dhigdhigi karo waxaa ka mid ah:

1. Gefaf erayada afka qaarkood ku saabsan;
2. Kuwo xagga naxwihiisa la xiriira; iyo;
3. Erayo afaf shisheeye ka soo jeeda oo dhiggooda afkeenna laga heli karo, sidaas darteedna aan adeegsigooda baahi loo qabin;
4. Tarjamad xarfi ah iyo wax-curis la’aan: Oraah inta warbaayiyaasha midkood inta maalin laga maqlay looga wada dayday; iyada oo aan afka laga waayin si kale oo loo yiraahdo.

Intaas aan ku dhaafo 10kaasi erayada ay ka midka yihiin ee warbaahinta qaarkeed ay sida qaladka ah u adeegsato, una gudbo kuwo afaf shisheeye laga keenay oo aynu maalin walba maqalno. Waa dhab oo afafka adduunku erayada way kala amaahdaan, hase ahaatee amaahashada caynkaas ah waxaa laguu oggol yahay markii ay kuwa afkaagu kugu yaraadaan. Haddaba, su’aashu waxay tahay, ‘kuweennii oo daf ah maxaynu qaar qalaad ku falaynaa?.’ Erayadaas afafka shisheeye gardarrada ay uga soo qaataanna waxaa ka mid ah:

1. Suxufi: Bartamihii 1900 iyo sagaashannadii ayuu eraygani si kediso ah dhinac walba inooga soo galay. Hotel suxufi! Suxufi Xamar jooga! Suxufi ‘wargeys hebel’ ka tirsan! Hebel ayaa meel hebla’ suxufiyiin kula hadlay! Cidina isma weyddiin: eraygu halka uu ka soo jeedo iyo mid u dhigma in aynu leennahay iyo in kale. Waa lagu qamaamay, laguna kawkabay sidii ari wax badan biyo ka qatanaa oo kaalinkii ceelka iyo isaga la isaga dhex-baxay!

Horta eraygu waa carabi, isaga oo sax ahna waxay carabtu ugu dhawaaqaan (As-Saxafi). Waxaa laga soo dhanbashay erayga asalka ah: ‘As-Saxaafah.’

Afsoomaaliga waxa uu ku yahay warbaahin amase warfaafin oo inooba ahaa magac wasaaradeed. Miyaynu illowney Wasaaraddii Warfaafinta?! Qofka ka shaqeeya amaba hawlaha warfaafinta u tababbaran, sow taynu ku magacaabi jirney warfidiyeen? Sow taynu lahayn warfidiyeenno soomaali ah? Bal maxaa lagu nacay oo ‘suxufi’ iyo ‘saxaafad’ looga doortay?

Lama yaqaan sababta ay weriyeyaashu iyaga ku jeclaysteen; iyaga oo heli kara dhiggooda oo afsoomaali ah.

2. Muhaajiriin: 10kii sano ee u dambaysey waxaa soo kordhaayey dunida saddexaad dadka ka tirsan ee sida qarsoodiga ah Yurub ugu soo qulqulaaya.

Sida la malayn karo, sababuhu waxay u badan yihiin dagaallo sokeeye oo ay ka baxsanaayaan ama dandarro xagga dhaqaalaha ah oo ay u joogi kari waayeen.
Qulqulkaasi mar walba ma tabaalo la’a, waxaana badaha ku baabba’a dad faro badan oo inta lacag laga qaatay doonyo aan hagaagsanayn laga soo buuxiyey.

Cid walba dadkaasi waa leeyihiin, waxaase u badan kuwa ka dalaaba Bariga Dhexe, Afrikada Waqooyi, Geeska Afrika iyo Yurubta Bari.

Si joogto ah ayaa, haddaba, ay dadkani wararka ugu jiraan, waxayna idaacadaha qaarkood ku tilmaamaan ‘muhajiriin’; iyada oo aad mooddo inay afsoomaaliga eray uga waayeen ama inay uga helaanba aan isku dhibin.

Socodka sidaas ah ee dal iyo degaan hore inta laga tago lagu aado dal iyo degaan hor leh waxa ay soomaalidu u taqaan doolaalo, dadka sidaas yeelana waxaa la yiraahdaa dool.

Libaaxa ayaa ka mid ah dugaagga doolaalada lagu yaqaan ee, badanaa abaaraha dartood, kolba dalkii uu joogi jirey mid aan ahayn lagu arko. Markaas oo kale waxay oran jireen, “Libaax dool ah ayaa degmada soo galay” oo ay ula jeedaan libaax degaammo kale ka soo doolaalay amba ka soo dalandoolay.

Cayaartoygii jiibsaday ee gabadhii uu jeclaa farriinta daboolan u diraayey waa kii lahaa:

Libaax dalandoolay duur ma ceshee
Digaay! dalku waysku yaallaa.

Sidaas darteed, weriyeyaasheennu uma baahna erayga ‘muhaajiriin’ oo carabi ah inay dhegeyteyaasha wax ugu sheegaan. Waxaa ku habboon inay yiraahdaan, “Dal hebel dad ka soo doolay ayaa xeebaha Yurubta Galbeed shalay soo gaarey” ama “ 200 oo qof oo dool ah ayaa markab kula jabay bartamaha badyarada Cadmeed.”

3. Bareejo: Barnaamijyada cayaaraha oo lagu soo qaato tartanka kooxaha kala duwan dhex-mara waxaynu ku maqalna weriye meel wax ka soo tebinaaya oo leh, “Koox hebla’ iyo koox hebla’ cayaar kubbadda cagta ah oo magaalo hebla’ ku dhex-martay waxay ku dhammaatay bareejo; mid walibana 2 gool ayay dhalisay. Waa eray af-talyaani laga soo qaatay ‘pareggio’ oo aan weriyaha soomaaliyeed baahi u qabin, maxaa yeelay waxa uu haystaa erayo u dhigma oo sal adag afkiisa ku leh.

Wuxuu haystaa erayada ah ‘barbarro’ ama ‘barbardhac.’ Markaas ayuu ku soo warrami karaa, “Koox hebla’ iyo koox hebla’ oo xalay cayaari ku dhex-martay garoon hebel ayaa barbarro noqday. Ama waxa ay oran karaan, “cayaartii labada kooxood waxay ku idlaatay ‘barbardhac’ markii ay tu’ waliba 2 gool dhalisay.”

Labada erayba waxay ka soo jeedaan xeerarka cayaaraha bardooddanka ee, hidde ahaan, ay soomaalidu u lahayd sida legdanka, bootimaalaysiga, yoolyoolka iyo kuwa la midka ah;

4. Mr. Guuleed ama Mr. Faarax: Gobannimada ka hor soomaalidu ma lahayn talis dhexe oo dalka ka wada taliya. Ma aynu lahayn boqorro ciidammo leh oo laga baqo, amarkoodana lagu wada qasbanaa. Wiilwaal iyo qaar kale oo tiro yar markii laga reebo, boqorrada, garaaddada iyo ugaasyada soomaalidu ma lahayn awoodda wax-muquuninta ee kuwa dhiggooda ahi ay dunida kale ku lahaayeen.

Astaan-sharafeed ayuun bay tolka u ahaayeen, waxayna u guddoomin jireen kolba wixii talo ah oo ay guurtidu ula timaaddo.

Sidaas darteed, waxaa la inagu tilmaamaa inaynu nahay ‘bulsho wada siman’ (egalitarian society) oo aan lahayn hannaanka kala-sarraynta ee ummadaha kale ay soo mareen, welina ay ku dhaqmaan. Taasina waxyaabaha ay keentay waxaa ka mid ah afkeenna in laga waayo erayada tilmaama meekhaanka siyaasadeed iyo midka bulsho ee ay u badan tahay afafka ummadaha kale in laga helo.

Madax-dhaqameedka iyo shiikha buuniga ah mooyee, nin walba waxaynu ugu wici karaynaa magaciisa oo keliya; iyada oo aynaan waxba ka hormarin.

Hase ahaatee, waxay sidaas ahaatoba, bartamihii toddobaatannadii qarnigii hore ayay xukuumaddii Kacaanka ee hantiwadaagga ahayd waxay malaha u baahatay eray afsoomaali ah oo u dhigma midkii ay bulshada shuuciga ahi isugu yeeri jirtey, iskuna aqoonsan jiretey; kaas oo ahaa erayga tvarish markuu Ruush yahay, comrade markuu ingiriis yahay iyo compagno markuu Talyaani yahay.

Dabadeed, maalin maalmaha ka mid ah, isaga oo Shabeellaha Hoose kormeer ku maraya ayuu madaxweyne M. Siyaad Barre wuxuu meel fagaare ah ka soo jeediyey inuu door-bidaayo erayga ‘jaalle’ in la qaato, laguna beddalo erayada shisheeye ee kala ah: Mister, Signore iyo As-Sayid oo ah kuwo afaf shisheeye laga soo amaahday, magacyada dadkana, maamuus ahaan, looga hormariyo.

Wuxuu ahaa eray hore oo tartanka iyo cayaaraha bardooddanka ay soomaalidu ku tiqiin, gabayadii horena muush ka ah. In kastoo waayadii dambe midab hantiwadaag loo yeelay, haddana wuxuu noqday eray si degdeg ah u hirgalay oo ka mid noqday eraybixinta siyaasadeed ee Soomaaliyadii xilligaas.

Sidii ay xukuumaddaasi u burburtayba, eraygaas cidina ma soo qaadin, wax beddalyna idaacadaha kama hirgelin. Marmar ayaa la maqlaa erayga ‘mudane’ oo ah eray xilligii Kacaanka ka horreeyey lagu aqoonsan jirey raggii baarlamaanka loo soo dooran jirey. Magacyadooda ayaa laga hormarin jirey, iyaga ayuun buuna gaar u ahaa.Waxaa la oran jirey, “Mudane hebel-hebel ayaa meel hebla’ tegey” ama “sidaas iyo sidaas yiri”. Mase ahayn naanays-sharafeed rag oo idili u sinnaa.

Si kastaba ha ahaatee, weriyeyaasha qaar ka mid ah ayaa waayadan waxay adeegsadaan erayga Mister (Mr.) marka ay wararka ku xusayaan nin soomaaliyeed; magac ha lahaado ama yuusan lahaane. Waxaa, haddaba, aniga si aad ah iila qaab daran in qof afsoomaali ku hadlayaa uu yiraahdo Mr. Guuleed ama Mr. Faarax oo ah laba eray oo aan meel wada geli karin, la isna oggolaysiin karin!

‘Jaalle’ iyo ‘mudane’ haddii aan la rabinna, waxaa ila habboon, cidna damqi maysee, magaca oo sidiisa ah in la sheego;

5. Tirada telefoonka: Ma aqaan in la ila dareemay iyo in kale, waxaanse la yaabaa soomaalida xilliyadan oo, yar iyo weynba, tirda telefoonka af-ingiriis isugu sheegta. Tusaale ahaan, qof baad ku leedahay, “Telefoonkaaga ama midka hebel ii yeeri”, markaas buu inta kuu bilaabo ku oranayaa, “Qoro: eight, nine, three, five, four, six……..” ilaa uu dhammeeyo! Maxaa loo qaadan karaa?

Kolley saboolnimo xagga afsoomaaliga ah looma aanayn karo, mana aha inaan qofku afkiisa tirada ku aqoon, maxaa yeelay iyada iyo abtirsiinaduba waa aqoonta ugu horraysa ee aynu hooyada ka baranno. Maxaa u diidaya inuu yiraahdo, “siddeed, sagaal, saddex, shan, afar, lix…?”

Mar kale: maxaa loo qaadan karaa ama lagu fasiri karaa? Bal adba!;

C. Gefaf naxwe: Hababka wadaraynta magacyada:

Sida afafka kale, afsoomaaligu wuxuu leeyahay xeerar dhismaha weedhiisa xukuma. In kastoo aan dadweynaha si ballaaran loogu dhex-faafin, haddana xeerarkaasi maanta waa kuwo intooda badan la yaqaan. Iyagaas ayaa qaabeeya isrogrogga falka, qaybaha magacyada iyo sida loo kooxeeyo, qodobbada uu magac waliba qaadan karo, qurubyada iyo sida ay weedha u saameeyaan, qaybaha hadalka mid waliba meesha ay weedha ka gasho iyo wixii la hal-maala.

Haddaba, aan halkan si kooban ugu soo bandhigo qaybo ka mid ah gefafka xagga naxwaha afka ku saabsan ee warfidiyeennada qaarkood ay ku dhacaan kolka ay barnaamijyadooda dawinayaan, gaar ahaan wadaraynta magacyada iyo wixii la xiriira:

Lab ama dheddig kii ay ahaadaanba, magacyada afsoomaaligu waxay leeyihiin dhawr siyood oo loo kooxeeyo. Waxaa ka mid ah:

1) magaca oo gadaal laga raaciyo (-o) sida oday iyo odayo ama nirig iyo nirgo;
2) magaca oo gadaal laga raaciyo (-yaal) sida tuke iyo tukeyaal ama dubbe iyo dubbeyaal ama aabbe iyo aabbeyaal;
3) magaca oo gadaal laga raaciyo (-yo ) sida gabay iyo gabayo ama mindi iyo mindiyo;
4) magaca oo gadaal laga raaciyo (-oyin) sida waddo iyo waddooyin ama hooyo iyo hooyooyin;

Afartaas siyood iyo qaar kale oo aan ka boodney ayaa magacyada afsoomaaliga loo kooxeeyaa ama loo wadareeyaa. Waxaase jira habab kale oo aan afkeenna sal ku lahayn, idaacadahase aynu ka maqalno. Waxaa ka mid ah: magaca oo, si loo kooxeeyo, gadaal laga raaciyo dibkabaha (-iin); taas oo aan ku tusaalayn karayno saddexda eray ee kala ah Falastiiniyiin, mintidiin iyo dagaalyahaniin:

  1. Falastiiniy (-iin): Habkani, sidiisaba, waa hab wax loo wadareeyo oo afka Carabta ka soo jeeda, dhowaanna ina soo galay. Waa magac loola jeedo carabta degta dalka Falastiin, waana eray kolkii afkaas lagu hadlaayo sidaas uu u qoran yahay sax ku ah, hase ahaatee khilaafsan xeerarka kooxaynta magacyada afsoomaaliga. Waxay la mid tahay innaga oo niraahna: Jarmaliinta, Hidiyiinta, Ingiriisiyiinta, Talyaaniyiinta; taas oo dhadhankeeda qaladka ah aynu si fudud ku dareemi karayno. Sidaas darteed, waxaa ila habboon ummaddaas kolkii aynu soomaalida u sheegayno inaynu ku niraahno: dadka Reer-Falastiin ama Reer-Falastiin oo keliya;
  2. Mintid (-iin): Marka hore kani waa eray afsoomaali ah oo aan u baahnayn in habkan carabiga ah loo wadareeyo. Waxaan u jeedaa erayadu haddii ay afsoomaali yihiin waxay, sidii aan soo aragnay, leeyihiin hababkooda gaarka ah ee ay u wadaroobaan. Marka labaadna waa eray tilmaan ah oo keli iyo kooxba aan beddalmin. Waxaa la yiraahdaa, ‘nin mintid ah’ sida loo yiraahdo, ‘100 nin oo mintid ah.’ Waa tuu ninkii gabyey lahaa: Mintid faro yar mirihii bataa kama macaashaane! Sidaas darteed, waxaa gef ah in la yiraahdo, ‘ururro mintidiin ah’ ama ‘kooxaha mintidiinta ah ee dal hebel…’ Waxaa habboon oo xeerarka naxwaha afkana sal ku leh in la yiraahdo, ‘ururro mintid ah’ iyo ‘kooxaha mintidka ah ee dal hebel…’;
  3. Dagaalyahan (-iin):: Isna waa eray afsoomaali ah oo leh qaab loo wadareeyo; kaas oo aan ahayn qaabka carabiga ah ee uu hadda u qoran yahay, warfidiyeennada qaarkoodna ay ugu tiraabaan. Wuxuu ka mid yahay magacyo, cayn ahaan, lab ah, kuna idlaada shibbaneyaasha kala ah n, l, d, r iyo b.

Magacyada sidaas ah markii ay wadar noqonayaan shaqalka (-o) ayaa gadaal ka raaca, waxaase ku dhaca isbeddal dhinaca codka ah. Shibbanaha ugu dambeeya ayaa laballaabma. Waxaa tusaale u noqon kara: sacab iyo sacabbo, gamuun iyo gamuunno, shabeel iyo shabeello, wadaad iyo wadaaddo, iwm.

Haddaba, erayga ‘dagaalyahan’ oo ku dhammaada shibbanaha ‘n’ wuxuu u wadaroobaa tabta kuwaas afarta ah, sidaas awgeedna ‘dagaalyahanno’ ayuu noqonayaa marka wax nin ka badan lagu tilmaamaayo;

5. Eedaymo: Erayga (eed) waxa uu ka mid yahay kuwo uu warfidiyeenka cusubi ku turunturroodo, gaar ahaan marka uu doono inuu wadareeyo. Waa magac dheddig oo hal-alanle ah (one-syllalbe word), isaga oo kalena waxa uu ku kooxoobaa ama uu wadar ku noqdaa marka gadaal laga raaciyo shaqalka (-o).

Aan ku tusaaleeyo, naxwe ahaan, erayadan ay isku dabeecadda yihiin: hees iyo heeso, meel iyo meelo, seed iyo seedo, seef iyo seefo, beel iyo beelo, beer iyo beero, iwm. Erayga ‘eedaymo’ oo qaarkood ay wadarta ereayga (eed) ugu adeegtaani ma wadaroobi karo, maxaa yeelay magac ma aha, naxwe ahaanna waa qalad.

Waxa uu ka soo jeedaa erayga ‘eedayn’ oo ah masdar (infinite), masdarkuna ma wadaroobo. Sidaas darteed, erayga ( eed ) marka aynu wadar ka dhigayno wuxuu noqonayaa ‘eedo’ ee ‘eedaymo’ noqon maayo. Waxaa u daliil ah tuduc ku jira gabay uu Cismaan Baxnaan tiriyey oo ahaa:

Weligaa dumaal kaa fog baad duub u xidhataaye
Dadkuna haatan waa yaabban yahay daqaqankaagiiye
Danina kuuma geynnine adaa doonta eedaha1 e.

Bal u fiirso. Wuxuu gabayaagu yiri, ‘eedaha’ oo ah wadarta eed (eedo) oo qodob la raaciyey.

5. Qalalaasooyin, dhimashooyin iyo dilal: Saddexduba waa erayo aynu dharaar walba idaacadaha ka maqalno, lana yaabno. Naxwe ahaan, magaca Afsoomaaligu mar waa lab, marna waa dheddig, mar waa keli, marna waa koox, mar waa caadyaal, marna waa cillanaad, mar waa gaar, marna waa mid guud.

Saddexduba waxay ka mid yihiin magacyada qaarka ay afyaqaannadu ku tilmaamaan ‘uuryaallo’ oo ay ula jeedaan magacyada kuwa aan la taaban karin (abstract nouns) oo, macne ahaan, in loo garto mooyee aan muuqan karin.

Waxay la mid yihiin run, been, doqonnimo, hantiwadaag, daacadnimo, iwm.

Erayada sidaas ahi, afsoomaaliga markii ay joogto, ma wadaroobaan. Waxaase hubaal ah weriyeyaasha soomaalidu inay arkeen erayadaas oo afafka shisheeye qaarkood qaab-wadareed ku leh, markaasna ay ku daydeen. Waxay la kulmeen erayada af-ingiriiska ah ee kala ah: ‘riots’, ‘deaths’ iyo ‘killings’, dabadeedna waxay u rogeen qalalaasooyin, dhimashooyin iyo ‘dilal!’

Haddii ay af-ingiriiska qaabkaas wadareed ku leeyihiin, afsoomaaliga kuma yeelan karaan. Sidaas daraaddeed saddexduba, tiro ahaan, waa magacyo keli ah, markii ay wax badan tilmaamayaanna waxba iskama beddalaan. Waxaad oran kartaa, “Magaalooyin dhawr ah ayaa shalay waxaa ka dhacay qalalaase xoog leh, sida lagu soo warramayna, dilka halkaas ka dhacay tiradiisa waa la yaabay, dhimashadu waa tarab-tarab oo xisaab ma laha.’;

6. Dalka Ruushku waxay sheegeen: Falku (verb) wuxuu tilmaan inaga siiyaa yeelaha (subject); xagga tiradiisa iyo xagga cayntiisa labadaba. Falka ayaa laga gartaa hadduu yeeluhu keli yahay iyo hadduu koox yahay. Sidoo kale, isaga ayaynu ka ogaan karnaa haddii uu dheddig yahay iyo haddii uu lab yahayba.

Sidaas darteed, haddii uu yeeluhu keli yahay, falkuna waa inuu ku tiro noqdaa oo uu keli noqdaa. Tusaale: waxaad oran kartaa, “Jarmalka iyo Faransiisku waxay diideen qorshaha dagaalka ee Maraykanku uu Ciraaq ku weeraray.’ Hase ahaatee, ma oran karaysid, “Jarmalku waxay diideen qorshaha dagaalka ee Maraykanku uu Ciraaq ku weeraray.” Waxaa qumman in la yiraahdo: “Jarmalku wuxuu diidey…” kolka uu yeeluhu wadar yahay sida Jarmalka iyo Faransiiska, falkuna wuu wadaroobayaa, wuxuuna noqonayaa ‘diideen’, haddiise uu keli yahay waa inuu ‘diidey’ noqdaa.

1 Waxa uu tuducani ku jiraa gabay uu Cismaan u tiriyey gabayaagii weynaa ee ay walaalaha ahaayeen: Samatar Baxnaan mar uu Samatar dumaaley laba dumar ah oo, dhaqan ahaan, aanu dumaashooda lahayn.

Xeerka caynkaas ah ayay maalin walba weriyeyaasha qaarkood ka tallaabsadaan. Waxaynu maqalnaa iyaga oo leh, “Dalka Ruushku waxay sheegeen…!” ama “Jamciyadda Quruumuhu waxay yiraahdeen…!” ‘Dalka Ruushku’ waa keli, sidaas darteed falka ah ‘sheegeen’ ma uu qaadan karo. Sidoo kale, ‘Jamciyadda Quruumuhu’ iyaduna waa keli, sidaas darteed falka ah‘yiraahdeen’ ma uu qaadan karo. Waxaa, naxwe ahaan, hagaagsan in la yiraahdo, ‘Dalka Ruushku wuxuu sheegay’ iyo ‘Jamciyadda Quruumuhu waxay tiri.’ Waxaa iyaduna sax ah inaad tiraahdo, ‘Qarammada Midoobey waxay yiraahdeen…’, maxaa yeelay falku wuxuu waafaqsan yahay yeelaha oo wadar ah: ‘Qarammada Midoobey.’

7. Laba qof (-ood): Waayadan gefaf-naxweedka afsoomaaliga dhexdiisa caanka ku noqday waxaa ka mid ah wadaraynta erayga qof; taas oo ka soo horjeedda xeer la yaqaan, kuna saabsan hababka kooxaynta magcyada oo si fudud la isaga dhaadhicin karo. Magacu haddii uu dheddig yahay oo tiro laga horraysiiyo waxa uu wadar noqdaa markii (-ood) gadaal laga raaciyo sida;

1. kab ( -ta): 4 kabood
2. doc (-da) : 3 docood
3. mag (-ta): 10 magood
4. seef (-ta): 50 seefood
5. beer (-ta): 15 beerood
6. meel (-sha): 11 meelood
7. beel (-sha): 12 beelood
8. xeeb (-ta): 60 xeebood

Haddiise uu magacu lab yahay, hal-alanlena yahay oo tiro laga horraysiiyo ma wadaroobo. Sida uu kelida ku yahay ayuu, markii uu hal ka batona, iska ahaadaa sida;

1. bog (-a): 2 bog
2. tol (-ka): 3 tol
3. kol (-ka): 4 kol
4. col (-ka): 5 col
5. hog (-a): 6 hog
6. qol (-ka): 7 qol
7. god (-ka): 8 god
8. qof (-ka): 9 qof
9. qod (-ka): 10 qod
10. reer (-ka): 11 reer
11. tog (-a): 12 tog.

Sidaas daraaddeed, erayga qof haddii tiro laga horraysiiyo isma beddalo oo wadar ma noqdo, maxaa yeelay waa magac, cayn-naxweed ahaan, lab ah.

Dulucda xeerku waxay tahay: in la yiraahdo laba qofood iyo 100 qofood toonihi ma bannaana, maxaa yeelay, naxwe ahaan, waa qalad.

Inahaas ayaan ku deynayaa gefafka ugu muuqa dheer ee ku saabsan xagga macnaha erayada iyo naxwaha afsoomaaliga. Waa gefafka dharaar walba weriyeyaasha idaacadaha qaarkood aynu ka maqalno, kolka ay wararka iyo warbixinnada inoo soo tebinayaan. Siday ila tahayna, tusaaleyaashii aan soo taxay waxa ay tilmaan inaga siin karaan xaddiga ay gefafkaasi leeyihiin iyo sida, haddii aan la iska hagaajin, timaaddada afkeenna ay ugu yeelan karaan saamayn aan wanaagsanayn.

D. Gebaggabo:

Bilawga qoraalkan sidii aan ku soo xusnay, afsoomaaligu waa af hodon ah oo, murtida ballaaran ee uu xanbaarsan yahay darteed, mudan in la ilaaliyo oo dadka ku hadlaa ay xil dheeraad ah iska saaraan. Waa af wax weyn ku kordhin kara suugaanta caalamiga ah ee lagu dhaato, waase haddii uu helo aqoonyahanno u kaca oo maansadiisa quruxda badan dunida u bandhiga. Intaba waxaa igala sii weyn, waa tiirka ugu weyn tiirarka ummadnimo ee isku haya soomaalida Geeska Afrika ay iniba meel kaga nooshahay.

Sidaas darteed, daryeelkiisu waa xil culus oo, guud ahaan, ina saaran haddaynu nahay soomaalida waayadan nool. Hase ahaatee, xilligan qaran-jabku uu soomaalida ku socdo, xilkaas isaga ah looma sinna. Intiisa badan wuxuu dusha ka saaran yahay qoreyaasha, warfidiyeennada iyo dhammaan inta ay hawshoodu tahay inay afkaas kula xiriiraan ummadda ku hadasha.

Maantadan la joogo marka la isa sii kala reebo, warfidiyeenka idaacadaha ka hadla ayaa xilkaas weyn u sii aano ah. Isaga ayuu dadweynuhu maalin walba dhegeystaa. Isaga ayay dhallinyaradu ku dayataa, una haysataa dadka intiisa kale inuu afka ka badiyo. Isaga ayaa bulshada dhexdeeda erayo qaldan ka hirgelin kara, kuwo hagaagsanna dhegeysteyaasha dibnaha ugu tiri kara. Isaga ayaa macaanka afka soo bandhigi kara oo ina jeclaysiin kara, isaga ayaana ka dhigi kara wax aan dhegtu u hiloobin oo afafka kale ay ka door-biddo. Si uu, haddaba u guto, daryeelka afka xilka ka saaran, kolka horeba, waa inuu aqoonsadaa inuu leeyahay awoodda xaddigaas leh. Taasina waxay horseedaysaa inuu u fiirsado afka uu ku hadlaayo iyo tayada weedha uu tebinaayo. Waa inuu hubiyaa erayada uu adeegsanayaa inay, jirrid ahaan, afsoomaaliga sal ku leeyihiin, oraahda uu ku tiraabayaana ay u dhisan tahay hab waafaqsan xeerarka naxwe ee uu leeyahay.

Taasna wuxuu weriyuhu ku gaari karaa isaga oo, siday ila tahay, raaca talooyinkan soo socda ee aan ku wado inay ka kaalmayn karaan gudashada waajibka culus ee aan carrabka ku soo dhuftay:

1. Waa inuu garawsadaa afsoomaaligu, intiisa badan, inuu ka soo jeedo bulsho reer-miyi ah oo xoolo-raacato ah; hiddaheeda iyo afkeeduna ay isku xiran yihiin;

2. Waa inuu barasho joogto ah ugu jiraa taariikhda dhaqanka bulshada iyo macnaha erayada furaha u ah;

3. In kastoo aanu weli dhab u kala miirmin, haddana waa inuu aqoonsadaa inay jiraan af rasmi ah oo qoraalka iyo warbaahinta ku wanaagsan iyo ‘af suuq’ in xaafadaha lagaga hadlo mooyaane, aan idaacadaha iyo wargeysyada ku habboonayn. Afkaas rasmiga ahi wuu abuurmay, maantana wuu jiraa oo waa midka aynu haddaba wax ku qorno. Gefafba ha ka buuxeene, waa afka aynu ku aragno warbaahinta qoran iyo midda layska arko, isla markaasna aynu ka maqalno idaacadaha afsoomaaliga wax inoogu soo tebiya;

4. Inta aanu adeegsan waa inuu u dhabbe-galaa abtirsiimada erayada (etymology) iyo kuwa uu isku beddalan karo ee isku sida uu u adeegsan karo (synonymous);

5. Si uu carrabkiisa u soofeeyo, adeegsiga erayada habboonna uu ugu carbiyo, weriyuhu waa inuu ku dedaalaa macaansiga dhaxalka suugaaneed ee ummadda oo weliba uu kor ka qaybaa maansadii hore ee soomaalida inta ugu badan ee uu kari karo;

6. Waa inuu bartaa naxwaha afsoomaaliga oo, shisheeyeba ha u badnaadee, wax badan laga qoray laga soo bilaabo 1903dii ilaa 1999kii;

7. Sidoo kale, waa inuu wax badan ka ogaadaa eraybixintii afka ku soo korodhay tan iyo intii la qoray (1972) ilaa tii lagu soo saaray shirkii eraybixinta afsoomaaliga ee Jabbuuti ka dhacay sannadkan (Maarso – Mey 2002da);

8. Ugu dambaysta, waxaan ku talin lahaa hay’adaha ama idaacadaha kala duwan ee wararkooda afsoomaaliga ku baahiyaa inay daryeelka afka qaybtooda ka qaataan oo, markii muddo la joogoba, ay abaabulaan aqoon-isweydaarsi weriyeyaasha u shaqeeyaa ay ku kulmaan; wixii gefaf loo arkona lagu hagaajiyo 2. Birmingham (England); Nofembar, 2002 idaajaa21@hotmail.com

2 Raadraaca qoraalkan lagala tashaday:

1. B. W. Andrzejewski iyo I. M. Lewis (1964): Somali Poetry, Oxford University Press, London.
2. Yaasiin C. Keenadiid (1984): Qaamuuska Af-Soomaaliga, Firenze: E. Ariani/L’arte della stampa.
3. Shire Jaamac Axmed (1976): Naxwaha Af-Soomaaliga, Muqdisho, Akademiyada Dhaqanka.
4. Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli: Barashada Naxwaha Af-Soomaaliga, HAAN Associates Publishing, London 1999.

Gobolka Gedo iyo Ururka Al-Itixaad Al-Islaami

GOBOLKA GEDO IYO URURKA AL-ITIXAAD AL-ISLAAMI: MAXAA RUN AH? MAXAANSE AHAYN?

AXMED F. CALI “IDAAJAA”

NOFEMBAR,  1994

ROMA—ITALIA

 

HORDHAC

Saaxiibbeyaal… akhristeyaal: Qoraalkan oo aan ku magacaabay: “Gobolka Gedo iyo Ururka Al-itixaad Al-islaami: Maxaa run ah? Maxaan ahayn?”, wuxuu ku dhisan yahay sodcaal 100 maalmood ah oo aan gobolkaas ku tegey intii u dhexaysey bilihii Juun ilaa Sibtembar ee sannadkaasu, 1994ka. Ma ahayn arrin aan iyada kabaha u illaday oo markii hore ii qorshaysnayd. Waxay igu dhalatay kaddib markaan gobolka bil joogey oo aan arkay sida laanta Gedo ee urur-diineedka Itixaadka lagu magacaabaa ay u saamaynayso nolosha siyaasadda, midda dhaqaalaha iyo midda bulshada ee dadweynaha halkaas deggan.

Waxaan la kulmay dad badan… dad aan 50 ka yarayn… waa culimmo; waa odayaal madax ah… waa saraakiil ciidan… waa dhallinyaro wax soo baratay iyo kuwo aan wax soo baran. Waa dad Itixaadka ka tirsan iyo qaar ka soo horjeeda… waa dad SNFta u ol’oleeya iyo kuwo aan la tusi karin! Intaasba waa la kulmay. Waxaan, dabadeed, isku deyey inaan baalasha soo socda ku muujiyo hawlaha ay Itixaadku Gedo ka hayaan: Caqiido ahaan iyo siyaasad ahaanba. Sidoo kale, waxaan taabtay xiriirka ay la leeyihiin bulshada degaanka, gaar ahaan Ugaaska tolka gobolka dega, odayaasha jilibbada iyo hoggaanka jabhadda SNFta oo ah midda ay dadweynaha gobolkaasi taageeraan.

Maanta iyo shalayba, welwelkaygu wuxuu ahaa, mar walbana yahay in dalka Soomaaliya uu ka dhaco dagaal diin ku dhisani, ka dib markuu u burburay mid qabiil ku dhisan oo adduun iyo aakhiraba seejiyay! Sidoo kale, waxaan ka welwelsanahay inuu dalkeennu mar kale u gacan-galo diktatooriyad qof ama kooxi hoggaamiso oo shacbiga soomaalida gumeysata. Waxaan ogahay inaan diinta Islaamku oggolayn xukunka qof keligiis gacanta ugu jira, haddii xataa uu qofkaasi yahay midka aadanaha ugu anshaxa wanaagsan, alla-ka-cabsi badanna ku tilmaaman.

Haddii, kolka, markii aad qoraalkan dhammayso aad ka welwasho arrimaha aan anigu ka welwelaayo, waxaan isku hambalyayn doonaa inaan ka gaarey dantii aan ka lahaa. Ugu dambaystii, marka laga reebo wararka aan dadkii ii sheegay cuskiyey, aniga ayaa mas’uul ka ah dhammaan fikradaha iyo sheekooyinka qoraalkan ku jira.

 

-I-

Beledxaawo, amaba sidii waayadii hore loo yiqiin Buuloxaawo, waa magaalo yar oo ku taal cirifka ugu baalleeya Gobolka Gedo oo isna ku yaal koonfur-galbeed Soomaaliya. Waxay soohdin hal kiilomitir ka yar la leedahay Mandheera oo iyaduna ku taal cirifka ugu baalleeya Gobolka Waqooyi-bari ee Keenya, 1963kii ka horna loo yiqiin ‘northern Frontier District’ (NFD). Gedo oo idil sida lagu yaqaan, waxay B/Xaawo ku tilmaaman tahay cimilo kulul, asii qallalan oo lahayn hawada qoyan oo u daran dadka lafaha iyo kalaggoysyada ka sheegta. Berigii ay dawladdii soomaalidu jirtey, waxay ka mid ahayd magaalooyinkii loo aqoonsanaa ‘dekedaha’ ee ku dhisnaa ganacsiga soodejinta iyo weliba dhoofinta, dakhli aan yaraynna waxay soo gelin jirtey dawladdeeda hoose iyo tii dhexe oo Xamarba.

Waxaa beryahaas, subax noolba, suuqyadeedii waaweynaa u soo dukaansi-tegi jirey dadweyne faro badan iyo rag ka tirsanaa ciidammadii Keenya ee Mandheera fadhigoodu ahaa; halkaasoo ay ka heli jireen qalabka aan cuslayn, asii waxtarka leh, ayna soo ifbixisay teknoloojiyada Jabbaanku, sida saacadaha, raadiyeyaasha mawjadaha gaggaaban leh, kaamerooyinka, telefishannada iyo weliba dharka kala duwan oo ka kala imaan jirey Yurub, Hindiya iyo dalalka Carabta. Ganacsatada magaaladu waxay iyaguna dalka Keenya ka keeni jireen oo ay Muqdisho gaar ahaan Via Egitto ka soo buuxin jireen badeecooyinka kala ah sigaar, saabuun, jaadariyo, barkimooyin, weelka cinjirka laga sameeyo ee biyaha lagu dhaansado, dharka nooca loo yaqaan buljiga iyo, sidoo kale, galleyda shiidan.

B/Xaawo iyo Mandheera siday u ahaayeen laba magaalo oo iskaabta oo aan midina midda kale ka maarmin, mid walibana ay ciidankeeda gaarka ah u lahayd ayaa la soo gaarey sannadkii 1991kii; sannadkii aanay soomaalidu herdidiisii ka ducaysan ee ay guuldarradu ku soo waabberiisatay! Wax waliba si degdeg ah ayay isu beddaleen; waase dhinaca B/Xaawo keliya. Bishii Jannaayo ilaa Maarso ee sannadkaas, hannaankii dawladnimada soomaalidu siduu meel walba oo kale uga burburay ayuu B/Xaawana uga burburay. Waxay isu beddashey magaalo kala-dambayntii lumisay oo ay waddo walba taagan yihiin kooxo ku hubaysan hub nooc walba ah oo laga boobay xeryihii Xoogga Dalka Soomaaliyeed; xeryahaas oo u gacan-galay kolba qabiilkii degganaa magaalo kasta oo ay ku yiilleen. Derbigii dawladnimo ee ay ku tiirsanayd kolkuu dumay ayay iyaduna duntay, Mandheerana irdaheedii ayay xiratay, maamulkeeduna wuxuu beddalay habkii deriswanaagga iyo maamuuska lahaa ee uu kula dhaqmi jirey maamulkii B/Xaawo oo isna beryahaas isku dhabar-jebiyey, asii aan ku guuleysan inuu isu muujiyo inuu sidiisii hore yahay oo Jamhuuriyaddii Soomaaliya ay weli nooshahay! Dedaalkaas maamulkii u dambeeyey ee B/Xaawo meelmar ma noqon, iyaga iyo dadweynihii ay matalayeenna waxaa loola dhaqmay si xil leh. Waxaa loo arkay sidii iyo wixii ay ahaayeen: Dad aan lahayn cid hoggaamisa oo haddii ay wax geystaan aan lahayn xafiis looga ashtakoodo… yar iyo weynba, dad wada hubaysan oo saanadda culus iyo midda fududiba ay 24 saac kasta dhinacooda ka holcayso, weliba iyada oo aanay jirin qolo kale oo ku soo duushay! Xaruntii Muqdishaad ee loo safri jireyna way xirantay. Siday weligeed u soo ahayd magaalo u dhexaysa ummadda soomaalida oo idil ayay muddo aad u gaaban waxay ku noqotay magaalo tol keliyihi leeyahay. Waxaa qabsaday qabiil ay colloobeen midka dega B/Xaawo iyo Gedoba.

Halka keliya ee dadka u furrayd oo ay cunto iyo isgaarsiinba ka heli kareeni waxay noqotay Mandheera. Labadaba way ka heleen, hase yeeshee kharash badan bay ugu kacday: Quursi, laaluush, dil, jirdil, kufsi iyo dibindaabyo guud oo aan madax iyo manjo loo kala soocin. Maamulka iyo Booliska Mandheera waxay labaduba go’aansadeen, in badanna ay fuliyeen in soomaalida si wadajir ah loo ciqaabo, mar walba oo uu midkood ku galo dembi dhinaca Keenya! Dad yar bay la ahayd in arrintaas laga dacwoon karey, inta badanse waxay rumaysnayd inaan dacwo waxba tarayn, wixii ay askarta Keenya Reer-Beledxaawo ku samaynayeenna ahaayeen wax ay mudan tahay cid kasta cid kasta oo dumisa derbigii dawladnimo ee ay ku tiirsanayd! Taas oo lagu qancay baa, malaha, sabab u ahayd, dhibaatada dadka ku dhacaysey xaddi kasta ha le’ekaatee, inuu falcelisku yaraado, mar walbana maskaxda lagu hayo baahida weyn ee ay dadku u qabeen toddobaadkiiba labada maalmood ee ay albaabbada Mandheera u furraayeen, loona oggolaa inay gelinka hore ka soo adeegtaan.

In kastoo ay dhibaatadaasi ku dhacaysey, in kastoo dagaalladii dalka ka qarxay ay dhaqaale ahaan iyo ciidan ahaaba kaga qaybgelaysey, in kastoo dad badan oo aysan qaadi karin, Xamarna ka soo qaxay uu degmaystey, haddana waxay muujisay inay ahayd magaalo ka adadag dubbaha ugu horreeyaa mid uu dumin karo. Bishii Luulyo ee ’91kii weli suuqyadeedii waaweynaa way lahayd, weli ganacsigeedii wax qumman isma dhimin, bacadlaha dharkuna wuu buuxay, welina kii Xamarweyne ayuu u muuqaal-ekaa!

Tilmaantaasu waa mid hore oo ay magaaladaasu beri lahayd, maantana waxay leedahay tu kale oo aan ku tashanahay, si teelteel ah, meelo dambe oo qoraalkan ka mid ah inaan wax kaga xuso.

 

-II-

Xaafadaheada tii aad doonto xalayto ku hoyee, markii aad B/xaawo joogto waxaa iska caado ah inaad faras-magaalaha barqadii u soo saqaafto oo aad ku biirto dadka shaqada iyo rajadaba la’ ee aanay maalmahooda maalinna tan kale ka duwanayn! Waxaa la hor-fadhiyaa waabab yaryar oo ramaali laga sameeyey: tiirar iyo laamo dhuudhuuban oo dhirta miyiga laga soo jaray, siligna uu isu hayo, dushana lagaga daboolay balka baarta webiga ka ag-baxda, caws ama qayb ka mid ah teendhooyinka ay hay’adaha samafalku deeqda u bixiyaan. Dhismeyaashaas oo loo yaqaan ’buushash’, waxay dalka oo dhan aad uga soo shaac-baxeen wixii ka dambeeyey burburkii dawladdii soomaalida; iyadoo uu qofkii doonaaba ka dhistay meel kasta oo, haddii ay dawladi jiri lahayd, aan loo oggolaadeen sida waddooyinka magaalooyinka, dhismeyaasha dawladda hortooda iyo beeraha fadhiga dadweynaha iyo neefsiga degaammada loogu talo-galay. Buushashka oo ah astaan ka mid ah astaamaha nidaamdarrada ay dawlad la’aantu keentay waxay dadka iska lihi ugu adeegtaan makhaayad amase baar ahaan, maalinta oo dhan waxa lagu gadaana kama badna saddex ama afar tarmuus oo ah shaah caddays ah iyo dhawr koonbo oo caano ah. Waxa lagu fariistaa kuraas loox ka samaysan oo raaxo daran, kiibana saddex qof loogu talo-galay. Waxaad mooddaa dadka iska lihi inay dulqaad u leeyihiin rag badani inay kuraasta buuxiyaan, iyaga oo aan shaahana cabbayn, caanana gadanayn, sababta oo ah awoodda waxgadashada oo aad u yar. Haweeney ‘makhaayadahaas’ middood lihi siday iigu sheekaysay, maanta waa dhif qof B/xaawo deggan oo awood u leh inuu isla helo cuntada lagama-maarmaanka u ah nolol-maalmeedkiisa iyo lacag dheeraad ah oo uu buushashka shaah caddays ah kaga cabbo!

Sidayda oo kale qofkii inta dhawr sano ka maqnaa ku soo noqdaa waxa uu, saboolnimada ka sokow, durbadiiba magaalada ka dareemi karaa arrin ama ifafaale cusub oo aan laba sano ka hor lagu arki jirin. Dadka buushashka hortooda ku sheekaysanaya waxaa ka dhex-muuqanaya niman dhallinyaro ah oo aad garan karto inay bulshada inteeda kale ka soocan yihiin: markii aad u fiirsato nooca xiriirka sheeko ee ay la leeyihiin ragga kale ee wada fadhiyaan iyo dharka gaarka ah ee ay xiran yihiin,

Waxaad wejiyadooda ka dareemi kartaa shaki dhowaan-gal ah oo ay ka qabaan bulshada inteeda kale; taasoo ay u haystaan, looguna sheegay inay tahay mid lunsan oo haddana col ku ah. Laba ama saddex kolkii ay dhan yihiin oo ay buush horti fadhiyaan, waxay jecel yihiin inay isu muujiyaan inay yihiin koox goonni ah oo ka digtoon wixii aan iyaga ahayn! Waxaa dhowaan loo qaybiyey surweello kaaki ah oo ah kuwa ‘jungle’ka loogu yeero ee ay askaruhu dagaallada ku galaan. Kaas ama mid kaleba ha ahaadee, surweel walba inta dhanka hoose laga soo laallaabay ayaa laga sarraysiiyey anqawga, si kubka intiisa badani u muuqato, ayna ugu noqoto astaan iyo tilmaan ay isku gartaan. Qaarkooda macawista xiran laftoodu waxba kama duwana kuwa surweellada, marka laga eego cabbirka la rabo inay maradu cirbaha ka soo fogaato. Badanaa waxay ka siman yihiin cimaamad cas oo in yar oo ka mid ah ay madaxa saartaan, inta badanna, si dherer ah, ay dhabarka uga laallaadiyaan, ahna nooca ay ragga reer-Sacuudiga ahi hagoogtaan. Intooda ay u suurowdo, mid waliba wuxuu xil iska saaraa inuu la baxo gar weyn oo la iska sii daayo… gar aan la oggolayn timaha dheeriga ah in laga jaro amaba la qurxiyo oo la simo.

Waqti badan uma baahnid si aad u ogaato dhallinyaradaasi inay ka tirsan yihiin urur-diineedka hubaysan ee lagu magacaabo Al-Itixaad Al-islaami; kaasoo aanay dad badani ogaal u lahayn wixii ka horreeyey burburkii dawladda soomaalida. Gef igu noqon mayso haddii aan ku andacoodo dhallinyarada ka tirsan 99% magaciisa wax dhaafsiisan inaanay ururkooda ka ogeyn! Dhawrkii bilood ee aan Gobolka Gedo joogey maan arag dhallinyaradaas mid ka mid ah oo, ha badnaato, hase yaraatee, wax iiga sheegi karey taariikhda iyo mabaadi’da ururka uu u heellan yahay.

Qaar ka mid ah markii aan si toos ah u weydiiyey madaxda sare ee ururka iyo goortii la asaasay, waxay ii muujiyeen su’aashaasi inay tahay mid aanay weligood isweydiin, anigana waxay ii arkeen nin ’faduul’ badan oo goob halis ah ku sii tallaabsanaya!

Waxaad mooddaa inay taasi u dhacday si ulakac ah oo siyaasadda hoggaanka sare ee Ururka ay ka mid tahay dhallinyarada, arrimaha diinta mooyee, inaan maskaxdooda, marxaladdan hore, lagu ‘mashquulin’ danaha kale ee siyaasadeed ee la rabo in, mustaqbalka cududdooda lagu xaqiijiyo. Waxa ay aragtidaasi kuu rumoobaysaa markaad ogaato inaanay jirin innaba wax qoraal ah oo ku saabsan danaha ururka ee muddada dheer ku qorshaysan iyo habka la doonayo in lagu fuliyo. ‘wax qoraal ah’ markaannu leennahay waxaannu u jeednaa mid la faafiyey iyo barnaamij qeexan oo looga gol leeyahay in lagu qanciyo xubnaha la rabo inay ururka ku soo biiraan, da’ iyo dabaqaddii ay noqdaanba. Inkiri mayno inuu jiri karo ama uu jiroba qoraallo qarsoodi ah oo ku saabsan qorshaha kama-dambaysta ah ee ururku leeyahay; kaasoo ku eg isticmaalka guddiyada sare, kolba meeshii amaba meelihii ay ku kala sugan yihiin.

– III –

Ruuxu ha degganaado ama booqasho ha ku marayee, hadduuba beryahan Gedo tago wuxuu dareemayaa baahi indheergaradnimo oo ku dhiirrinaysa wuxuun inuu ka ogaado ururka Al-Itixaad oo ah ifafaale ku cusub goobta siyaasadeed ee Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaanna gobolkaan aynu hadalkiisa hayno. Sow gar ma aha inaynu kolka derisno, haddii uu yahay urur magac diineed xambaarsan, asii aan qarinayn inuu yahay mid siyaasi ah? Urur ku hawllan inuu dalka soomaalida ku dhex-faafiyo fikir-diineed ku cusub oo si ulakac ah loogu beddalaayo hab-dhaqankii diinta islaamka ee ay culimmadii soomaalidu bulshadeenna dhexdeeda ka soo hirgelinaysey 12kii qarni ee ugu dambeeyey? Sow ma habboona inaynu derisno hadduu yahay urur hubaysan oo ciidammadiisa leh, rabana inuu dalka oo dhan gacanta ku dhigo, isla markaasna aan aamminsanayn tiirka ugu weyn diimoqraadiyadda oo ah mabda’a doorashada hoggaammada bulshooyinka? Sow gar ma aha inaynu xog-ogaal u noqonno haddii uu ku guuleystey inuu si buuxda u qabsado, una maamulo magaalo ka mid ah kuwa koonfurta Soomaaliya ugu magaca dheer, uguna faca weyn degaammada reer-beledka ah ee dhawrka qarni ka hor ka asaasmay webiga Jubba jiinkiisa? Haddii ay Luuq-Ganaane ka taliyaan, xoogna ku haystaan, sow waajib inaguma aha inaynu sababta ogaanno, isla markaasna aynu malayno tallaabooyinka xiga ee ay gobolka ka damacsan yihiini kuwa ay noqon karaan?

Intaasiba kolkii ay gar iyo dawba iigu muuqdeen ayaan go’aansaday inaan, adiga akhristaha ah, ku nasiyo oo aan anigu hawsha badankeeda dhabarka u rito… waxaan goostay, anigoo ka fogaanaya laablakac iyo eexba, inaan ku ogeysiiyo qayb ka mid ah wixii aan ogaaday, adigoo ka badbaadey sodcaalladii hawkarka badnaa iyo canaabtii ay baaristaasi i marisay. Kolka horese, aan kaa kaxeeyo Beledxaawo oo intaan Doolow ku mariyo ku geeyo Luuq-Ganaane, halkaas iyo webiga jiinkiisana aan kaaga soo tebiyo wixii xog ah oo mudan inaan kuu soo tebiyo.

Waa i kaas aniga oo jeeniqaarsan abxaddaydii yarayd ee haragga ka samaysnayd, una boqoolsan waddada la dhigo baabuurta ay dadweynuhu Luuq u raacaan. Baabuur yar oo ah farsamada Jabbaanka, nooca Toyota Pick-up ayaa u horreeya. Waxaa iga horyimid kaarigii oo ii sheegay inay shirka meeli ka bannaan bahay… waxaan bixiyey 20,000/= oo shilin, anigoo ku faraxsan inaan shirka meel ka helay… iyo inaan ka nabad-geli doono habaaska xad-dhaafka ah ee dadka dusha saaran indhaha ka ridi doona! Socotada intooda badani way ku qasban yihiin inay dusha kiraystaan, shirkana ma haweysan karaan, maxaa yeelay bixinta kirada intaas le’egi waa astaan ladnaansho oo aan beledka ka jirin!

In kastoo shirka gaariga loogu talo-galay wadaha iyo ruux rakaab ah oo qura, haddana waxaan kula kulmay gabar xijaaban oo hortay laga kireeyey, kursigii aan keligey fariisan lahaana ku sii fadhida! Taas oo kale markay arkaan, dadweynuhu ma yaabaan, waana wax la isaga bartay, gaar ahaan afartii sano ee ina dhaaftay, ruux walibana uu isagu dawladda isu ahaa. Baabuurta Soomaaliya maanta ku dhex—socotaa tirsi (taargo) ma leh, waraaqo lahaansho ma leh, qaarkood nal ma leh, mana jiraan wax kuu muujinaya wadeyaashu inay, haba yaraatee, wax tababbar ah waana soo qaateen! Wax yar mooyee, intooda badani waa bililiqo—ku-hel… waana baabuurtii laga boobay qarankii soomaaliyeed ee burburay; hay1adihii ciidammada iyo kuwii rayadka ahaa dirkaba. Baabuur waliba ‘il dhaqaale’ ayuu u yahay reer ama reero idil oo noloshooda ka suga. Wade waliba wuxuu, sidaas awgeed, isku dayaa inuu gaarigiisa ka majuujiyo dheefta ugu badan ee, mar alla markii uu safroba, uu ka majuujin karo. Masruufka reerka ama reeraha ka sokow, wade walba waxaa laga doonayaa inuu gaariga ka soo saaro kharashka shidaalka iyo kolba biraha ka xumaada beddalkooda; kuwaasoo, haddii la heloba, aad qaali u ah. Sidee baa, kolka, loo hurayaa in rakaabka ugu badan iyo xamilka ugu culus gaariga gurada loo saaro, iyada oo aan dan laga gelin awoodda wax-qaadkiisa iyo xeerarka waddooyinka ee ay fog tahay kolka ay wadeyaasha soomaalidu dib u xusuusan doonaan!

Si kastaba ha ahaatee, kowdii iyo barkii duhurnimo ayaan ku fariistay kursigii inanta iyo aniga nalaga wada kireeyey. Waxay isku dayday inay iga yar durugto, ha yeeshee wax qummani uma suuroobin. Meel ay u durugto oo bannaan ayaanba jirin! Wuxuu ahaa kursi aad u kooban oo i xusuusiyey maahmaahdii ahayd, ’harag sagaaro iiga kac mooyee, iiga durug ma leh’. ciriiri badanaa, baabuurkuse gaabiyee! In yar kolkuu socdaba intuu kululaado ayaa la joojinayaa oo haanta iyo habka qaboojinta biyo lagu shubayaa. Waddada hareeraheeda, dhulku waa agan. Gugii dhowaa iyo dayrtii ka horreysey midna ma helin. Waa geedgaab qallalan oo ay qorraxdu dubatay iyo habaas kulul oo shaaggii la rogaba baabuurka iyo inta saaranba wada qarinaya. Hadba hortaada ayaad, si kedis ah, ugu arkaysaa leexo isgalluubtay oo aad ul mooddo, cirkana isku shareeraysa… waa astaan ka mid ah astaamaha lama-degaannada oo ku tusinaysa baahida biyaha iyo kaymaha ee qaybo badan oo dhulkeenna ka mid ah la liitaan.

Dhabbuhu waa camuud ruubad ah iyo dhagax kolna uu shaaggu tafaayo, kolna uu ka soo hoobanaayo, asii laami siman loo qaadan karo, markii loo eego waddooyinka kale ee isku xira lixda degmo ee uu gobolka Gedo ka kooban yahay. Dadka badankiisu waddada xumaanteeda kama sheegtaan, maxaa yeelay meelo gobolkooda ka baxsan uma sodcaalaan, sidaas darteedna, wax dhaama oo ay garab—dhigaani uma jiraan! Waduhu waa qayilayaa, waxaana u shidan cajalad si xun u duuban oo uu ka dhegeysanaayo qaar ka mid ah heesihii jacaylka ee Khadra Daahir. Dhilashada qaadka iyo wadista gaariga markuu ku dari waayey socodsiinta cajaladaha ayuu gabadhii oo xigtey ka codsaday inay iyadu hawshaas dambe ku qaybto. Si fiican bay uga soo dhalaashay, ilaa uu madaxii igu yar xanuunay! Anigoo u bartay ciriirigii aan ilaa Beledxaawo ku soo jirey ayay arrin cusubi soo korodhay. Si kedis ah ayaa baabuurkii loo joojiyey, ka dib markii ay rakaabkii dusha saarraa qaarkood ay sidaas weydiisteen. Show nin baa xanuunsaday. Show wuxuu ka baqay, hadduu dusha sii saarraado, inuu mantago oo uu ka sii daro. Wuxuu goostay inuu qoladayada shirka ku soo biiro! Wadaha ayuu adeer u ahaaye, go’aankiisii waa u fulay! Isaga oo qaadkiisii midigta ku sita ayuu shirkii ka soo koray dhinaca wadaha, lana qaybsaday kursigii isteersada! Wadihii gabadhii ayuu ku soo janjeersaday, gabadhiina aniga ayay igu soo dhacday, aniguna daaqaddii baan ku malaasmay! Ninkii soo kordhay iyo wadihii toonihi ‘raalli ahaada’ gabadhii iyo aniga nama oran. Waxaannu noqonnay sidii kalluun la ridqay oo qasacad yar inta lagu shubay lagu laxaammaday!

Laba saacadood ka dibba, waa Doolow oo ku taal daanta bari ee Webi Daawo, soohdin-biyoodna la leh soomaalida galbeed ee raacsan Itoobiya. Waa magaalo magac dheer oo da’ weyn, asii aan wax kale u dheerayn. Dhanka aan kaga nimid markaad ka soo gashaba, waxaa midigta kaa qabanaya dhismeyaal dawladeed oo, burburka dhowaan soo gaarey aawadiis, aad moodeyso inay boqol-jir yihiin, in kastoo aanay, da’ ahaan, 30 sano wax qumman ka weyneyn. Magaalooyinka gobolku siday u badan yihiin, ganacsiga Doolow ka socdaana waa shaaha iyo caanaha buushashka lagu gado. Dhirta waaweyn ee webiga jiinkiisa ku sariiran ayaa iyagana hoostooda wax lagu kala iibsadaa. Malahayga, waxa ugu wanaagsan ee ay soomaalidu webiyaasheeda ka heshaa waa dhirta haraca ah ee ka ag-baxda, ayna kulaylka qorraxda kaga gabbato. Inay ku oon-baxaan iyo inay xoolaha ka waraabsadaan mooyee, soomaalida weli way u dhimman tahay inay barato siyaabaha kale ee lagaga faa’idaysan karo biyaha webiyaasha.

Aniga oo meel buush ah hor-fadhiya oo karuur geel ku fiiqsanaya, kuna maqan aayaha soomaalidu waxa uu ku dambayn doono ayaan ku baraarugay guuxii matoorka baabuurka oo u darban inuu dhaqaaqo. Halkii aannu u soconnay iyo Luuq ayaannu u carrawnay, annaga oo adeegsanayna waddo tii galabta ka duwan, asii aan ka raaxo badnayn. Waa waddo dhisan oo toosan, ayna ka muuqato inay faro aadane beri hore taabteen. Sannadkii 1934kii ayaa waxaa dhisay maamulkii Faashiga ahaa ee Talyaaniga, xilligaasna ka talinaayey Soomaaliyada koonfureed, waxayna qayb ka ahayd dedaalkii dagaal iyo ol’olihii askareed ee ay xukuumaddii Mussolini ku qabsanaysey dalka Itoobiya. In kastoo dhismahaas lags joogo 60 sano oo gaw ah, haddana markaad aragto kaabadaha badan ee biyo-mareennada ka dul-dhisan, welina aan jajabin iyo laamiga meelaha qaarkood ilaa hadda saaran ayaad ka yaabaysaa ‘raadkaas ilbaxnimadu’ siduu ugu cimriyey bartamaha bedownimada!

Waxaan gurguurannaba, siddeeddii fiidnimo iyo xoogaa markay ahayd oo aannu, malaha, magaaladii Luuq ku dhownahay ayaa qoladayadii shirka fadhiday wax iska beddaleen, gaar ahaan wadihii iyo adeerkiis oo, mindhaa, xanuunkii hayey daayey kolkii uu dhab u marqaamay! Labadiiba qaadkii afka ugu jirey ayay iska tufeen, kii noolaana waa qarsadeen… sigaarkii ay cabbayeen ayay iska baqtiiyeen, kii baakadyada ugu jireyna waxay gashadeen kursiga hoostiisa, ugu dambaystiina heesihii bay iska damiyeen. Luuq oo aan intaasba laga oggolayn, qofkii lagu helana lagu ciqaabo, ayaa isha baalkeeda ah. “Waa magaalo la haysto… waa meel gacan-gashay..” waxaa yiri wadihii oo, ay hubaal ahayd, inuu ka xumaaday inuu qaadka tufo oo, uu sidaas ku marqaan-jabo! Intii aanan haaraankiisii ka faalloon ayaan soo joogsannay kaabaddii weyneyd ee webiga labadiisa jiin iyo magaalada isku xirasey. Labada dhinacba waxaa ka fadhiya oo qoriga AK—47 ku ilaalinaya dhallinyarada ka tirsan Al-itixaad; kuwaas oo qaar ka mid ah gaarigayagii la soo saaray, si ay u hubiyaan in aannaan ka leexan rugtii hore ee Booliska Degmada oo qasab laga dhigay ruux kasta oo socoto ahi maro, ka hor inta aan gelidda magaalada loo oggolaan! Dunidu waa gudcur maararruugle, waxaana xerada dhexdeeda wax looga ifsanayaa dhawr toosh oo loo kala amaahanayo baanjinta abxadihii tirada badnaa ee dadkayagii sodcaalka ahaa ay siteen. Waxaa naloo sheegay qof waliba inuu abxaddiisa furo, una diyaariyo in la baaro. “Maxaa laga baarayaa?” ayaan weydiiyey inankii aniga baaristayda loo qaybiyey. Sidii isaga oo aad mooddo inuu ka jawaabayo arrin wax badan la haybiyey oo uu jawaabteeda qaybsan yahay ayuu yiri, “Qaad iyo sigaar!”

-IV-

Meel hore oo qoraalkan ka mid ah sidii aan ku soo xusnay, magaalada Luuq oo Gobolka Gedo ka tirsan waxaa haysta oo si buuxda uga talisa laan ka mid ah Ururka Al-itixaad laamihiisa Soomaaliya iyo dibedahaba ka jira. Markii ugu horreysey ee ay gacantooda gashay waxay ahayd bishii Mey sannadkii 1992kii, kolkii ciidanka SNFta1 iyo kooxo iyaga ka tirsani, ay si aan kutalaggal ahayn, isaga kaashadeen sidii ciidankii USCda2 ee Gedo qabsaday magaaladaas looga saari lahaa. Muddadaas ku dhow saddexda sano ee ay Al-itixaad ku hoos-noolayd, Luuq waxay ka go’nayd gobolka, ay maamul ahaan ka tirsan tahay, intiisa kale. Waxay ka ’madaxbannaanayd’ faroggelinta shisheeyaha, faroggelinta dadweynaha dhexdeeda ku dhaqan qudhiisa iyo faroggelinta madaxda SNFta ee iyaga keliya ay soomaalida iyo dunida kaleba u aqoonsan tahay inay gobolka iyo lixdiisa degmoba ka taliyaan! Marka aad inta tagto u fiirsato sida loogu nool yahay, markaad u dhabbeggasho xiriirka maamuleyaasha iyo dadweynaha u dhexeeya iyo markaad toyato midka u dhexeeya maamuleyaasha iyo dadyowga dibedda magaalada deggan ayaa waxaa kugu soo dhacaya magaalooyinkii mid waliba keligeed dawladda isu ahaan jirtey ‘city-states’ ee dunidii hore laga yiqiin; kuwaas oo kolkuu aasku dumo albaabbada loo xiri jirey ee wixii aan gudahooda ku jirin col u arki jirey, shiishkana ku hayn jirey! Ruuxii milicsada goobta ay ku taallo ee ay dadkii hore ka askumesn, sida uu webigu ugu hareeraysan yahay, sida ay u leedahay surin, sooggelid iyo kabbixidba, keligiis loogu adeegsan karo iyo sida ay maamuleyaashii Talyaanigu, bilawgii qarniga, dusmada derbiyada xoogga badan leh ugu sameeyeen; intaasba ruuxii dhab ugu fiirsadaa wuxuu gar u leeyahay inta uu yaabo inuu isweydiiyo, ‘… tolow, muuqaalka iyo maamulka iswaafaqay, ma kutaloggal Eebbaa?’

Inta aanan u daaddegin qorshaha siyaasadeed ee muddada fog ah, ururka Al-itixaadna uu ka damacsan yahay Soomaaliya iyo guud ahaan bulshooyinka muslinka ah ee Geeska Afrika, waxaa ilaa habboon inaan, si koban, wax uga iftiimiyo, caqiido ahaan, halka uu ururkaasi ku arooro, nooca fikriga islaamiga ah ee uu fidinaayo iyo culimmada waaweyn ee soomaalidu sababaha ay ku diiddan yihiin. In kastoo, sidaan meel hore ku soo iri, dhallinyarada ururka taabacsan ee aan Gedo kula kulmay intooda badani aanay war u haynin waddada la qaadsiinayo, haddana taariikhda fikriga islaamka qofkii wax uga bilaaban yihiini wuu garan karaa, weliba si fudud, waxa la fidinayaa waxa ay yihiin. Luuq iyo Beledxaawo markaad dhex-qaaddo ee aad milicsato kutubta yaryar ee ay dhallinyaradaasi sidato ayaad durbadiiba ogaaneysaa sida degdegga ah waxa dadka loo barayaa inuu yahay fikriga Wahaabiga ah ee diinta Islaamka xilliyadii dambe ku soo kordhay. Waxaa fikrigaas magaciisa lagu laray ninkii soo ifbixiyey oo la oran jirey Sheekh Maxamed Cabdulwahaab oo 300 oo sano ka hor ku dhashay Gobolka Najd oo ka tirsan dalka haatan loo yaqaan Boqortooyada Sacuudiga. Markuu soo baxayba, wuxuu ninkaasi ku dooday dhammaan muslimiintii uu isagu xilligaas soo gaarey inay baadinnimo ku jireen, isaguna uu u guntaday sidii uu ugu yeeri lahaa tawxiidka dhabta ah, ugana samatabixin lahaa ‘shirkiga’ oo ah awoodda Eebbe oo cid kale wax laga siiyo.

Waxaa ka dhaadhacday waxyaabihii uu, diin ahaan, rumaysnaa inay sax ahaayeen meel walba oo jasiiradda carbeed ah inuu si degdeg ah ku gaarsiiyo. Wuxuu goostay haddii uu tashigaasi si nabadeed ku meelmari waayo inuu xoog adeegsado. Magaalada Ad—dirciya oo uu masaajidkeeda waayeel ka ahaa ayuu ka bilaabay inuu ka faafiyo wixii uu aamminsanaa, ciddii aan ku raacinna wuxuu, si fudud, ugu sheegay gaalnimo! Sida laga garan karo taariikh-nololeedkiisa, ruux keliya oo caqiidadadiisa taageera ayuu ka waayey qoyskooda oo ahaa barashada diinta qoys caan ku ahaa, gaar ahaan aabbihiis iyo walaalkiis Suleymaan Ibn Cabdulwahaab. Haddiise aan iska deyno erayada kulkulul ee ay weriyeyaashu sheegeen ‘aabbe Cabdulwahaab’ inuu inankiisa Maxamad ah ku tilmaamay, kuna cambaareeyey, waxay nala tahay inaan wax ba ku jabnayn erayo kuwa duqa ka fudud iyo sheeko dhex-martay labada walaalaha ah: waa Suleymaan iyo Maxamade.

Sheekh Suleymaan oo ka welwelsan sida uu walaalkiis ugu dheggan yahay caqiidadiisa cusub ee uu diyaarka ugu yahay inuu, daraaddeed, dad u laayo ayaa maalin maalmaha ka mid ah weydiiyey oo ku yiri: Maxamedow, tiirarka (arkaanta) Islaamku waa immisa? Wuxuu ku jawaabey waa shan. Kolkaas buu Suleymaan yiri: Waa runtaa, adigaase lix ka dhigay, tiirka lixaad ee aad ku dartayna wuxuu yahay; qofkii aan adiga ku raacini inuusan muslin ahayn!

Toddoba sano kolkuu aragtidiisa faafinaayey ayaa waxaa la soo gaarey sannadkii Hijriga ee ahaa 1150, sannadkaas oo ahaa kii uu M. Cabdulwahaab aad uga soo shaac-baxay Gobolka Najd iyo miyigiisa. Waxaa raacay Amiirkii magaalada Ad-dirciya Maxamed Ibn Sacuud inuu dacwadaas cusub ugu adeegto ballaarinta Boqortooyadiisii markaas ka hor sida weyn u koobnayd. Duullaammo aan kalaggo’ lahayn ayuu ku qaaday qabaa’ilkii carbeed ee ka baxsanaa taliskii Ad-dirciya, waxaana raacay dad aan yarayn oo ka baqay ciidammadiisa amaba bedow ahaa oo u xishay xoolihii ay dagaallada ka helayeen ee uu Sheekh Maxamed ugu sheegay inay la xeer yihiin kuwa jahaadka gaalada lagu taabo ee ay muslimiintu qaybsadaan! Dhul aad u ballaaran ayay muddo gaaban ku qabsadeen, waxaase ku daatay dhiig badan oo, malaha, inuu daataa aanay diinta Islaamka wax ugu fillayn. Sannadkii Hijriga ee 1217kii markii ay magaalada Daa’if qabsadeen ninkii ka taariikheeyey wuxuu yiri, “Waxay laayeen saqiir iyo kabiir, madax iyo manjo… Carruurta dhabta hooyadood ayay ku gawracayeen, xoolaha way dhacayeen, dumarkana way qafaalanayeen, waxayna ku kacayeen waxyaabo aan la soo koobi karin..” Duullaammadaas kolkii uu ka sheekeeyey ayuu ku soo gebaggabeeyey, nWaxay ahaayeen belaayo uu Eebbe ku jirrabay addoommadiisa iyo fitnooyinka Islaamka dhexdiisa ka soo daahiray kuwa ugu waaweyn middood!5

Maxay, haddaba, ahayd caqiidadii uu faafinayey ee ay muslimiinta aan yarayni daraaddeed u lumeeni? Aqoonyahannada Islaamka intooda badani arrimaha ay isku raacsan yihiin, asii uu M. Cabdulwahaab diiday waxaa ka mid ah: Tawasulka oo ah marka la ducaysanayo in Rabbi lagu baryo magacyada iyo fadliga addoomaha wanwanaagsan ee la rumaysan yahay inay agtiisa maamuuska ku leeyihiin. Sidoo kale, wuxuu diiday booqashada qabriga Rasuulka Islaamka (NNK), wuxuuna mashiiqsaday qoyskiisu (Ahl Al-beyt) inay wax dheer yihiin, kana mudan yihiin muslimiinta intooda kale. Culimada Islaamka intooda badani arrimihii ay qarniyada rumaysnaayeen, welina ay rumaysan yihiin, isaguse uu sheegay inaysan bannaanayn waxaa ka mid ah In Nebiga la weydiisto qiyaamaha inuu Eebbe jeerdhaaf iyo naxariis uunka uga durraanto, taasoo ah arrinta ’Shafaacada’ loo yaqaan. Wuxuu, haddana, is-hortaagey oo meelihii uu qabsaday oo idil ka joojiyey dhaqammo-diineed muddo dheer soo taxnaa, sida Rasuulka (NNK) oo aadaanka ka dib lagu salliyo iyo ducaysiga salaadaha dabadooda; qofqof ha ahaato amaba kooxda wada tukatay ha ahaatee. Wuxuu kaluu ku baaqay inaysan bannaanayn 12ka bisha Mawliid6 muslimiintu intay kulmaan inay Rasuulka weyneeyaan, dhalashadiisiina ku farxaan, isna faraan raacista sunnihii uu aadanaha uga tegey. Waa arrinta ay soomaalidu Xuska Nebiga u taqaan ee dunida Islaamka oo idil dhaqanka u ah, marka laga reebo meelaha yar ee ay Wahaabiyadu ka taliso. Guud ahaan,isagoo ku doodaaya inuu la dagaallamayo ‘shirkiga qarsoon’ oo laga yaabo inay muslimiintu ku dhacaan ayuu ku gacan-sayray wax alla wixii dheeraad ah (fadli), maamuus ah amaba weyneyn ah oo uu Rasuulku (NNK) dadka intiisa kale kaga soocnaan karo! Sida ay Wahaabiyadu qabto, ammaanta Nebigu waa xaaraan, waxayna diidaan maansada arrintaas ku saabsan amase siiradiisa lagu soo qaado, sida labada qasiido ee caalamka muslinka ah caanka ka ah ee la kala yiraahdo: Al-burdah iyo Al-hamziyah ee uu tiriyey Al-buusiiri oo Basri ahaa. Waxay ku sheegaan fhees’ heesaha kale aan ka duwanayn!

Dhinaca laqbaha Qur’aanka kariimka ah (Tafsiirka), Wahaabiyadu waxa ay ku dhiirratay soohdimo ay culimmadii hore ka maagi jireen. Waxay ka tallawday, jebisayna xeer awel hore la degsaday; dulucdiisuna ahayd in laga gaabsado arrimaha sifooyinka Eebbe ku saabsan ee muranka geli kara. Iyadoo ay dunida Islaamku wada qabto Rabbi inuu goob kasta ku sugan yahay, cirka, dhulka iyo inta u dhexaysana uu ‘ogaal’ ku koobay ayuu Sheekh M. Cabdulwahaab kor ugu dheeraystay ‘daato ahaan’ inuu Eebbe ku sugan yahay toddobada cir iyo carshiga meel ka sarraysa. Waxa uu arrintaas u cuskaday dhawr aayadood oo ay ka mid tahay aayadda 5d ee ka tirsan suuradda 20d ee Qur’aanka kariimka ah, taasoo oranaysa; “Eebbe carshiga dushiisa ayuu ku ekaaday” Culimmadii isaga ka horreysey ee waaweynaa, iyagoo ka baqaya Rabbi iyo waxyaabaha uu abuuray in siiyaan tilmaamo isu eg, maankana ku haya aayadaha sida caddaanka ah u sheegaaya wax la mid ahi inaanay jirin7, waxay ekaanshaha kaga gaabsadeen inuu yahay ‘ekaansho isaga u cuntama’. Waxyaqaanka diintu waxay Wahaabiyada iyo kuwa raacsan ku inay daatada Ilaahiga ah ka yeeleen ‘oogo u baahan meel go’an oo ay ku sugnaato, meelaha kalena uga duwan’, taasoo – kor ahaa amarkiisuye – uu si walba u mudan yahay in laga hufo.

Waxyaqaankii hore ee Islaamku waxay kaloo ka hakadeen inay Eebbe u sugaan xubno ay ka mid yihiin weji iyo gacmo oo uu Qur’aanku meelo dhawr ah magaciisa weyn ku laray; wejiga Eebbe iyo gacanta Eebbe8. Halka ay badi aqoonyahannadu wejiga ‘daatadiisa’ ugu laqbeeyaan, gacmahana, iyaga oo aftahammada carbeed isha ku haya, ugu fasiraan awooddiisa, Wahaabiyadu sidaas ma yeesho, waxayna Eebbe u sugaan ‘weji’ iyo ‘gacmo’, sidii ay awel horeba ugu sugeen oogo meel go’an ku xasilloon!

Dhinaca Fiqhiga, Wahaabiyadu waxay u janjeertaa Imaam Axmed (dhintay AD855) oo ka mid ahaa raggii dejiyey mad-habaha afarta ah ee ay muslimiintu ku kala dhaqmaan midda uu ku magacaaban yahay ee Xanbaliyada loo yaqaan. ‘waxay u janjeertaa’ markaannu leennahay waxaannu u jeednaa akhristaha inaan dareensiinno inuu jirey xilli uu M. Cabdulwahaab ku baaqay in afarta Imaam iyo mad-habahoodaba laga boodo, ruux walibana inta ka maarmo uu kitaabka Qur’aanka ah iyo Sunnada si toos ah u abbaaro, masaladii uu doonana sidaas ugala soo baxo. Qoreyaashii xilligaas noolaa siday weriyeen, arrintaas kolkii lagu qoonsaday ee ay u neelmari weydey ayuu ka noqday, wuxuuse u bayray inuu ceebeeyo culimada kale ee afarta dugsiyadooda ka kala tirsanayd, mad—habahoodana kutubta dheeraadka ah ka dejin jirtey. Si gaar ah wuxuu u weerari jirey culimmadii mad-habta Xanbaliyada oo qaarkood ay faafiyeen qoraallo ay isaga kaga soo horjeedeen, ayna ku qeexeen isaga iyo kuwa raacsani in aanay Imaam Axmed Ibn Xanbal ku abtirsan karin.9

Soomaalidu, sidii ay boqollaal sano soo ahayd, welina ay tahay waa ummad wada muslin ah oo caqiido ahaan Ashcariya ah10, mad-hab ahaanna ku dhaqata mad-habta Al-Imaam Ash-shaafici (dhintay AD 820) oo sida Imaam Axmed ka mid ahaa afartii aqoonyahan ee ilaa maanta muslimiinta oo idili, meel ay joogaanba, ay mid ahaan taabacaan, kolka ay joogto arrimaha ku saabsan shareecada Islaamka ee sida fudud looga baran karo dhaqan-diineedka ku aaddan xiriirka aadanaha dhexdiisa ah iyo midka la rabo inuu qofka iyo Eebbe u dhexeeyo (Al-mucaamalaat wal-cibaadaat). Raggaas oo isku darsaday aqoon ballaaran iyo alle-ka-cabsi xilligoodii markhaati looga wada ahaa waxay dusha u riteen xilka ah dadweynaha muslinka ah inay si fudud u soo hordhigaan qoraallo iyo fikrado tusinaya habdhaqan diintooda waafaqsan, mar haddii aanay suuraggal ahayn qof waliba Qur’aanka iyo Sunnaha Nebiga (NNK) inuu iskiis ugala soo dhex-baxo xalka kolba arrintii soo foodsaarta ee uu, diin ahaan, ugu baahdo hab sugan oo uu ku furdaamiyo.

Dhaqan-islaameedka ilaa haatan soo taxnaa wuxuu ahaa in afartoodaba, si siman, loo qaddariyo oo qofkii muslin ah oo midkood raacsani uu aragtida saddexda kalena maamuuso. Waxa kale oo dhaqan-diineed wanaagsan ay culimmadu ku sheegtaa ruuxii mad-habahaas afarta ah middood bartaa inuu iyada ku ekaado xagga ku-dhaqanka ee aanu kolba tu kale u boodin ama aanay, sida dadweynaha caadiga ah u sinnaan.11 Sidaas oo ay tahay, haddana ruuxa muslinka ah waxaa loo oggol yahay mad-hab uu muddo taabacsanaa oo afarta ka mid ah inta uu ka xiriir-furto inuu xerta tu kale ku biiro, isagoo -malaha- si uun ugu qancay aragtida Sheekh-hebel inay tubta xaqa uga dhowdahay aragtida saddexda kale. Ha yeeshee, qof, koox iyo dawlad muslin ah toonihi xaq uma laha qof amase koox kale oo muslin ah inay mad-hab gaar ah, si kutaloggal ah, oo aan xeeli ka marnayn ugu hagto, iyada oo la muujinaayo mad-habtaas oo keliyihi inay tahay midda diinta Islaamka waafaqsan.

Culimmo aan yarayn oo aan Gobolka Gedo kula kulmay siday dareensan yihiin, Luuq iyo Beledxaawo eo uu Itixaadku joogo waxaa labadii sano ee ugu dambaysey ka socdey ol’ole aan kalaggo’ lahayn oo soomaalida halkaas ku dhaqan looga tirtiraayo Fiq-higa Shaaficiyada iyo Caqiidada Ashcariyada, halkoodiina loogu beddalaayo Fiq-higa Xanbaliyada iyo caqiidada Wahaabiyada. Waxaa kolba goobtii la isugu yimaado la isku weydiiyaa ol’olaha xaddigaas leh baahida keentay maxay tahay? Maxaase sabab u noqon kara dedaalka shakigu ku saynsaaban yahay ee dulucdiisu tahay in dalka Soomaalida lagala diriro Caqiidada Ashcariyada oo in ku dhow 100% muslimiinta sunniga ah ay taabacsan yihiin? Maxay tahay danta dar-allada ah oo ku jiri kartaa faafinta caqiidada Wahaabiyada oo, in kastoo muddo laba qarni iyo bar ka badan fidinteeda lagu hawllanaa, haddana jasiiradda carbeed dhinacna u dhaafi weydey, isla markaasna aan dalkeenna sumcad fiican ku lahayn?12 Su’aalahaas ayay isweydiiyaan culimmada gobolka qaarkooda aan Itixaadka ka tirsanayn, inta badanna jawaabaha laga bixiyaa ma noqdaan kuwo sabab diineed la cuskiyo. Inta laga warhayo, ilaha dhaqaale ee uu ururku wax ka helo waxaa ugu muuqaal dheer dad ka tirsan Boqortooyada Sacuudiga oo kolkii muddo la joogaba lagu dhex-arko Luuq iyo Beledxaawo. Dadkaas oo la rumaysan yahay inay yihiin ganacsato iskeed u shaqaysata amaba ururro caalami ah ku jiraa waxay bixiyaan qayb ka mid ah sakada xoolahooda oo caddaan amaba cunto ah. Sidoo kale, waxaa bil walba isla dadkaas laga sugaa mushaarka macallimiinta wax ka dhigta dhawrka dugsi ee ururku maamulo, labadaas magaalana ku kala yaal. Deeqdaas cuntada, caddaanka iyo dharkaba isugu jirta, in kasta oo sida la ii sheegay, aanay joogto ahayn, haddana waa waxa ugu weyn ee ururka jiritaankiisaba lagu macnayn karo. Isla deeqdaas waxaa lagu daboolaa kharashka dhaqdhaqaaqa madaxda sare iyo midka ciidanka joogtada ah ee xeryaha ururka ku sugan amaba ilaalo ahaanta loo dhigo waddooyinka labada magaalo soo gala.13

Sababahaas dhaqaale oo aan la tarrixin ayaa la isku raacsan yahay inay ugu wacan yihiin caqiido—rogga iyo mad-hab-beddalka qorshaysan ee Gedo iyo Soomaaliyada kaleba ka socda. Haddii si kale loo dhigo, si ay urur ahaan u sii jiraan, qorshahooda muddada fog ahna ku gaaraan, waxay madaxda ururku ku qasban yihiin ilo dhaqaale inay yeeshaan, taasoo markii loo eego habdhaqanka dunida maanta ka jira aan si sahlan iyo cashuur la’aan lagu xaqiijin karin! Markan oo kale, cashuurta ugu dhibta badan ee uu qofku bixin karaa waxay tahay, isagoo aan, diin ahaan, naftiisa ugu qancin, inuu beddalo caqiidadii uu afartanka sano iyo dheeraadka uu kusoo ahaa Sheekh-hebel!

Iyadoo qayb ka ah cashuurtaas bixinteeda aya labadaas magaalo, gaar ahaan Luuq, waxaa maanta lagaga diimaa kutubtii dalka Soomaalida qarniyaasha caanka ka ahayd ee Fiq-higa Shaaficiyada laga baran jirey, sida Safiinat As-salaah, Al-minhaaj, Al-muqni Al-muxtaaj iyo dhammaan kuwii Caqiidada Ashcariyada ee sifooyinka Eebbe laga raacan jirey sida kii la oran jirey Caqiidat Al-cawaam. Dhallinyarada la doonayo in fikriga Wahaabiga ah lagu duro, waxaa halkii kutubta Shaaficiyada laga bari lahaa laga baraa kuwo yaryar oo ay qoreen qaar ka mid ah culimmada Wahaabiyada, weliba kuwooda ay Boqortooyada Sacuudigu rasmi ahaanta u aqoonsan tahay, sida Bin Baaz. Waxaad kale oo ka yaabaysaa sida dadka looga simaayo amaba looga haqabtiraayo kutub laba ama saddex ah oo uu qoray M. Cabdulwahaab, kuna saabsan caqiidada saxda ah, sidii ay isaga la ahayd! Waxaa iyaguna gacmaha dadka aad ugu jira kutub lagu soo ururiyey xadiiska Nebiga (NNK) qaarkood oo ay isku soo dubbarrideen qaar ka mid ah warasadii M. Cabdulwahaab; qoyska ilaa maanta lagu magacaabo ‘Reer-Sheekh’ ama ’Aal Ash-Shaykh’. Culuunta xadiiska iyo guud ahaan diinta islaamka rag ku xeeldheer oo aan Luuq iyo Beledxaawo kula kulmay waxa ay ii sheegeen xadiiska kutubtaas ku faafsani inuu yahay oo keliya intaan caqiidada Wahaabiyada ka hor-imaanayn!

Kutubtaas cusub iyo ragga qaybinayaa waxay bulshada dhexdeeda iyo goobaha cibaadada ku soo kordhiyeen dhaqanno-diineed hor leh oo ay dad badani ka wareereen, gaar ahaan dadweynaha muddada dheer intii u soo ahayd culimmada iyo weliba caamadii ay iyagu indhaha u ahaayeen! Mad-habta Xanbaliyada oo aan soomaalidu aqoon jirin ha laga soo guuriyo amaba fikriga Wahaabiyada si toos ah ha ugu abtirsadeene, waxaa mar qura soo shaacbaxay masalooyin dhawr ah oo dadweynihii kala geliyey khilaaf-diineed oo aan awel ka dhex-jirin. Masalooyinkaas oo u badan hannaanka tukashada iyo arrimo la xiriira waxaa ka mid ah:

1)        weysada in la cusboonaysiiyo haddii uu qofku hilib geel cuno

2)        in kabaha lagu tukan karo, haddii la doono;

3)        inaan bisinka kor loogu dhawaaqin kolka suuradda Faatatixada la bilaabayo ee lagu jiro salaadaha akhriskooda lagu dheeraysto ee saddexda ah (Maqribka, cishaha iyo subaxa);

4)        In aan lagu dhawaaqin niyaysiga gudashada salaadda, lana xusin salaaddu midda ay tahay, nooca ay tahay iyo inta ragcadood oo ay tahay.16

5)        in lala diriro, lana ceebeeyo qaadashada tusbaxa iyo werdiga tirsiga go’an leh ee salaadaha ka dib la caadaysto;

6)        inaysan diinta raad ku lahayn ducada wadajirka ah ee salaadaha ka dib uu imaamku hoggaamiyo.

Intaas ka sokow, hawlgalka maalin walba ah ee Al-itixaadka Gedo ruuxii u fiirsadaa wuxuu si caddaan ah u arki karaa dagaalka aan waanwaanta lahayn ee ay ku hayaan ‘TASAWUFKA’ islaamiga ah, iyada oo ay danta weyni tahay dadweynaha iyo culimmadoodii hore in shaki la kala geliyo! Gudaha Beledxaawo iyo Luuq markaad joogto waxaa dhegahaaga ku soo dhacaaya erayo lagu durayo ‘tasawufka’ oo aad badanaa ka maqlayso dad aan macnaha eraygaba wax qumman ka aqoon oo leh, ‘Sheekh—hebel waa iska suufi’; taasoo loola jeedo in lagu sharafjebiyo Sheekh laga yaabo inay bulshadu diinta Islaamka uga dambayso, asii ka warwareegay amaba toos u diiday inuu ururka Al-itixaad ku biiro. Wadaad ay arrintaasi la soo gudboonaatay oo Nayroobi iigu sheekeeyey ayaa yiri, “Dawladdii Maxamed Siyaad qofkii wax ku diida, si ay waxyeelladiisa marmarsiinyo ugu hesho, waxay ka faafin jirtey, ‘waa kacaandiid’, Al-itixaad qofkii ka leexdana waxaa loo helay, ’waa suufi!’” Sheekh kale oo aan isna Beladxaawo ku arkay, kana mid ah culimmada halkaas maamuuska ku lihi wuxuu igu yiri, “Madaxda Al-itixaadku waxay kuwa taabacsan afka ugu tiraan inaan ’suufi’ ahay, anigoo aan weligay raacin Dariiqooyinka ’Tasawufka’ middoodna, in kasta oo aan dhab u qaddariyo iyaga iyo culimmadii dhidibbada u aasay ee u googgo’ay baafinta JACAYLKA EEBBE ee baraxa la’.”

Wuxuu Sheekhaasi17, isagoo aad ugu mahadsan, meel ’buush’ ah hortiis,

muxaadaro laba saacadood socotey iga siiyey farqiga u dhexeeya tasawufka tawxiidka qofka muslinka ah kaabi kara amaba adkayn kara iyo midka waxyeellayn kara ee, gaar ahaan, dadka caamada ah marin—habaabin kara. Wuxuu, si aanan filayn oo aqooni ku dheehan tahay, iigaga sheekeeyey culimmadii ’tasawufku’ waxtarkii ay waqtigoodii Islaamka u lahaayeen, sidii ay faafinta diinta uga qaybqaateen iyo sidii ay guud ahaanba ummadda Islaamka rumaysan magaca dheer ugu soo jiideen. Wuxuu si wacan iigaga taariikheeyey tiirarkii ’tasawufka islaamka’ ee ay ka midka ahaayeen: Raabica Al-Cadawiya (dhimatay AD 801) oo ahayd haweeney Reer-Basra ah, markii ugu horreyseyna soo ifbixisay fikradda ah Jacaylka Eebbe ee dan la’aaneed, Al-Junayd oo Reer-Baqdaad ahaa (dhintay AD 910), Dun-Nuun (dhintay AD 859), Abuu-Xaamid Al-Qazaali (dhintay AD 1111), Cabdulqaadir Al-Jiilaani (dhintay 1166) iyo weliba kuwii soomaalida ahaa, Sheekh Cabdurraxmaan Az—zeylici, Sheekh Uweys Bin Axmed (dhintay 1909) iyo Sayid Maxamed Cabdille Xasan oo, halgankiisii waddaniga ahaa ka sokow, madax ka ahaa Dariiqada Saalixiya ee ku magacaaban Sheekh Maxamed Saalax oo Reer-Maka ahaa.

Wuxuu Sheekhaasi muxaadaradiisii iigu soo gebaggabeeyey, “Waxaa la iga doonayaa inta aan ‘wahaabi1 noqdo oo Al—itixaad ku biiro in aan culimmada heerkaas ah iyo kuwa la midka ah ee muslimiinta ah ku sheego kuwo iimaankoodu dhaawacan yahay oo aan gaalada ka agab-sokayn!” Waxa uu raaciyey, “Qof ashahaadanaya, haddii aan gaal ku sheego, aakhiro Eebbe hortii, maxaan ku hadli?” Hadalkaas dambe ee Sheekhu wuxuu ka tarjumayaa dhaqan soo taxnaa oo ilaa maalintii ay soo ifbaxday ay Wahaabiyadu ka dhigatay caado, maantana si xoog leh, Luuq iyo Beledxaawo looga dareemi karo; dhaqankaas oo ah in, si fudud, qof muslin ah gaalnimo loogu xukumo! Taasi waxay badanaa dhacdaa kolka ay arkaan ruux si uun Rasuulka (NNK) u weyneynaya, maamuuska awliyadii dhimatay ku hadaaqaya, waalidkii dhalay xusaya oo inta masaakiinta u looga ka codsanaya inay aabbihi amaba hooyadii Rabbi jeerdhaaf uga baryaan.

Bishii Agoosto ee sannadkan intii aan Beledxaawo joogey ayay soo gashay maalintii Xuska Nebiga ee 12kii bisha Mawliid, maalintaas iyo habeenkeeda oo ay dunida muslinka ahi maamuusto, soomaaliduna, miyi iyo magaalaba, ay caado soo-jireen ah u leedahay inay aad u weyneyso. Waxa ay culimmadu maxfallada la isugu yimaado maalintaas ka jeediyaan khudbado ku saabsan taariikhda iyo tilmaanta Shakhsiga Rasuulka iyo dhibaatooyinkii isaga iyo asxaabtiisii ay fidinta Islaamka ka soo mareen. Laba maalmood ka hor intii aan maalintaas la gaarin ayaa waxaa si kafool kafool ah isaga horyimid culimmo ka tirsan Ahl As-Sunnah wal-Jamaaca iyo qaar Wahaabiyada ah oo Al-itixaadka taabacsan. Dulucda dooddu waxay ku soo urursanayd: Nebiga (NNK) dhalashadiisa ma la xusi karaa oo waa wax bannaan, mise ma bannaana oo waa xaaraan? In kastoo markii ay dooddaasi dhammaatay aanay labadii qolo midna tii kale qancin, haddana raggii soo dhegeystey qaar ka mid ahi sidsy ii soo tebiyeen waxaa cadcaddaa oo ay goobtii guuli ka raacday culimmadii Ahl As-Sunnah wal-Jamaaca ee ay la ahayd Xuska Nebigu inuu yahay wax, caqiido ahaa, bannasn, in la isfaro oo weliba la isku guubaabiyana mudan. Dhacdadaas kolkii ay bil qurihi ka soo wareegtay, anigoo Nayroobi jooga, ayaa waxaa gacantayda ku soo dhacay wargeys magaciisu afcarbeed yahay oo la yiraahdo ‘Al-Mustaqbal’, ha yeeshee afsoomaali kaga soo baxa magaalada Toronto ee dalxa Kanada.

Wargeyskaas oo ama uu Al-itixaad leeyahay amaba taageera waxaa dushiisa lagu daabacay su’aal far waaweyn ku qoran oo oranaysa: Ma la xusi karaa Nebigeenna? Jawaabta aan meelna laga soo xigan ee uu qoruhu sida dhiirran ee degdegga ah noogu soo gudbiyey waa ’maya’, maqaalka meelihiisa dhexda ah ama ugu dambeeyana kuma qornee, waxaannu ku arki karnaa sadarrada 2d iyo 3d! Wuxuu yiri, “…xuska mawliidka Nebigeennu waa bidco aan diinta raad ku lahayn oo ku tusinaysa in la hayo jidka nasaarada iyo Yahuudda.”18

Wahaabiyada iyo inta raacsani kolka ay xuska Nebiga diidayaan waxa ay ku doodaan muslimiinta inay ka ilaalinayaan ’shirkiga’, diiddan yihiinna in loo barto in si joogto ah, Rasuulkaba ha ahaatee, loo weyneeyo cid aan Ilaah ahayn. Waxaa u fudud, laguna eedeeyaa inay wax walba ‘shirki’ ka dhex-arkaan, dabadeedna muslimiinta wixii aan iyaga ahayn, ay gaalo ku sheegaan, iyaga oo u daliishanaya aayadaha kufaartii Maka iyo kuwii la midka ahaa ku soo degey.19 Dan kama yeeshaan aakhiro-seegga ku sugan qof muslin ah oo gaal lagu sheego iyo weliba sida uu tuhunkaas oo kale uu cududda ummadda u kala dhantaali karo. Culimmada Ahl As-Sunnah wal-Jamaaca siday qabaan, ummadda muslinka ah ineeda badanina ku raacsan tahay waxaa lamahuraan ah in la kala sooco laba arrimood: Midda hore waxay tahay sida ay waajib u tahay in Nebi Maxamed (NNK) la weyneeyo oo dhammaan abuurta kale oo Eebbe laga sarraysiiyo. Tan labaadna waxay tahay in Rabbi kelinnimo loo qiro, lana rumeeyo – amarkiisu kor ahaaye – abuurtiisa oo idil inuu keli kaga yahay daatadiisa, sifooyinkiisa iyo falalkiisa. Qof alla qofkii aammina wax uu Eebbe abuuray inay wax la wadaagaani waa gaaloobey, wuxuuna la mid noqonayaa gaaladii ‘sanamyada’ ilaahnimada u rumaysnayd ee caabudi jirtey. Dhinaca kale, qofkii Rasuulka (NNK) meekhaanka iyo derejada uu leeyahay hoos uga dhiga isna caasi buu ahaanayaa ama wuuba gaaloobayaa. Qofkiise Rasuulka weyneyntiisa ku dheeraada oo, isagoo aan sifooyinka Rabbi ku tilmaamin, si walba oo kale u maamuusaa xaqa ayuu ku taagan yahay, wuxuuna iskummar ilaaliyey Rabbinnimadii iyo risaaladii labadaba.20

Waxaa daliil cad loo hayaa oo sunnaha ku xusan, asxaabtii sii horreyey ee Nebigana laga ogaadey inay bannaan tahay, welibana habboon tahay in la weyneeyo anbiyada, awliyada iyo dhammaan addoomaha wanwanaagsan, isla markaasna magacyadooda baryada Eebbe loo kaashan karo; iyadoo la iska ilaalinayo in loo nisbeeyo awood iyaga ku abuuran oo ay naftooda ama tu kale waxna ugu tari karaan, waxna ugu dhibi karaan. Culimmada Islaamka intooda badani (Jumhuur Al-Culamaa) waxay u kala bayri waayeen qofka muslinka ahi inuu baadinnimo ka fog yahay haddii aanu cid kale u sugin awoodaha Eebbe uu keligiis isa siiyey ee ay ka midka yihiin: Saamaynta, abuurista, jirsiinta, ciribtiridda, waxtaridda iyo waxdhibidda.

Waxaad mooddaa qaybtan ku saabsanayd caqiidada Wahaabiyada ee uu Al-itixaadku dalka soomaalida ku faafinayaa inay ka dheeraatay intii uu kutalaggalku ahaa, sidaas daraaddeed bay nala noqotay inaan ku soo ebinno xaqiiqooyin dhawr ah oo gunaanad ku habboon:

1) Xaqiiqada koowaadi waxay tahay: Wahaabiyadu, in kastoo muddo saddex qarni ku dhow la isku deyaayey in la fidiyo, inay gaari waydey dhulkii ay ku dhalatay meel wax badan ka durugsan. Waxaa la sheegay degmooyin ka mid ah Boqortooyada Sacuudiga inaanay weli gaarin, iyadoo weliba ah caqiidada Reer-Boqor ee sida rasmiga ah loo dhiirri-geliyo. Waxaad taas barbar-dhigtaa sidii uu muddada gaaban ugu faafay fikriga Walaalaha Muslinka ah (Al-ikhwaan Al-muslimuun) oo 1928kii haddeer ahaa uu Sheekh Xasan Al-Bannaa dalka Masar ku asaasay, isagoo dar Ilaah isugu xilqaamay dunida islaamka inuu baraarujiyo, awoodda ay leedahay tuso, weerar-maskaxeedka lagu hayana uu uga digo; Muddadii gaabnayd ee uu Sheekhu noolaa (Dhintay 1947) ayay tirada Walaalaha Muslinka ahi malaayiin gaadhay, maanta oo la joogana waxay laamo iyo taageerayaal firfircoon ku leeyihiin shanta qaaradood ee dunida iyo meel walba oo dad muslin ahi ku dhaqan yahay;

2) Xaqiiqda labaadi waxay tahay, meelaha kooban ee ay Wahaabiyadu ilaa hadda gaadhay inay ku gaadhay oo keliya dagaal dhiig badani ku daatay iyo cabsiggelin;

3) Tan saddexaadi waxay tahay: Wahaabiyadu waa dhaqdhaqaaqa qura ee Islaamka ku abtirsada, asii sida ururrada Masiixiyiinta ah adeegsada dhaqaale iyo hunguriggelin,21 si uu ku helo muslimiin caqiidadooda taabacda iyo taageerayaal cusub;

4) Tan afraadi waa Wahaabiyada oo cid alla ciddii fikrigooda ku diidda si fudud ‘gaalnimo’ ugu sheegta; taasoo qayb ka ah dedaalka joogtada ah ee ay ugu jiraan inay taariikhda Islaamka ka tirtiraan Sheekh hore, mid dambe iyo aqoonyahan kasta oo aan ahayn M. Cabdulwahaab iyo haddiiba ay cid raaciyaan Ibn-Taymiyah (wuxuu noolaa qarnigii 14d);

5) Xaqiiqda shanaadina waxay tahay, ururka Al-itixaad, sababo dhaqaale aawadood, inay si xamaasad leh, ugu yaraan Gobolka Gedo, uga fidinayaan caqiidada Wahaabiyada, ha yeeshee aanay ku dhici karin inay afmuggiis ku qirtaan. Waxay og yihiin sida ay Ashcariyadu dalka ugu dhex-faafsan tahay, Wahaabiyaduna ay ugu sumcad-liidato, taasina waxay sababtay, sida ururrada qarsoodiga ah, iyagoo magacii daboolaya, inay caqiidadii faafiyaan.

Nin Maxamed Cabdulwahaab soo gaarey oo ka yaabay intii yarayd ee isaga raacday mooyaane sida uu muslimiinta kale ‘gaalada’ ugu sheegay ayaa maalin maalmaha ka mid ah inta la kulmay weydiiyey su’aashan: Habeen kasta oo soonqaad ah immisa ayuu Eebbe xoreeyaa? Kolkaas buu ku jawaabay: wuxuu xoreeyaa boqol kun, habeenka bisha ugu dambeeyana wuxuu xoreeyaa bisha oo idil tiradii uu xoreeyey tiro u dhiganta. Markaas buu ninkii yiri: Tirada aad sheegtay haddii toban meelood loo qaybiyo 00 haddana meel ka mid ah toban loo sii qaybiyo, dadka ku raacsani meel ahaan ma gaaraane, waa kuwama muslimiinta uu Eebbe xoraynayaa, haddiiba adiga iyo inta ku raacday keliya aad islaannimadii ku koobtay? Ina Cabdulwahaab hadalkaas jawaab waa u waayey!

 

-V-

Talisyada aan diimoqraadiyada ku dhisnayn ee qoriga aamminsani iyaga ayaa geeridooda soo dedejiya 00 qabrigooda gacmahooda ku qota. Iyaga ayaa kobciya 00 koriya jeermigii, ugu dambaysta, dili lahaa, maalin walbana waxa ay ku duraan dheef uu ku naaxo. Dulmiga iyo cadaadiska talisku kolkii ay kordhaanba, waxaa kordha nacaybka uu dadweynuhu u qabo iyo tirada diyaarka u noqota la dagaallanto 00 jilbaha u dhigto. Ciidan kastaa ha u dhisnaado, xoog iyo hub inay doonaanse ha urursadeene, taariikhdu, tii hore iyo midda dhowiba, waxay ina bartay xorriyadda dadweynaha talisyada cabburiyaa – haba raageene – inay si foolxun ku dhammaadaan. Xorriyaddu, iskeedaba, kuma jirto waxyaabaha qofka ama ummadaha ka maqnaan kara ee ay muddo dheer ka maarmi karaan; haddii ay samaan ku waayaanna, geeso dhiig leh iyo xumaan bay ku doonaan, ugu dambaystana ku soo dhacsadaan!

Taasi inta aanay imaanse, waxaa lamahuraan ah in la helo hoggaan u qalma himilada la higsanaayo; hoggaan geya inuu xorriyadda miciyaha libaaxa ka soo dhirindhiriyo oo, iyadoo aan laba-dhex lagu kufsan, awood u leh inuu guryo-keeno. Nasiibdarrose, hoggaankaas suubban ee aannu soo tilmaannay kama soo fufi karo dhulka qaniinka badan iyo hawada hallaysan ee talisyada dimoqraddi-diidka ahi ay ka abuuraan kolba meeshii ay ka jiraan. Mucaarad la kala doorto oo barnaamij lihi ma dhismo, talisyada noocaas ahina marna ma oggolaadaan. Qof kasta oo haweysta inuu muujiyo inuu mucaarad ku yahay, waxay ku qaadaan ol’ole, markuu ugu roon yahay, ceebayn ah, iyadoo, inta badan, lagu tilmaamo inuu dalka ‘khaa’in’ ku yahay!

Waxaa ummadda u muuqda laaca xorriyadda iyo doogga ay u malaynayso inay ugu tegi doonto, waxayna u dhego-fududdahay sidii ay isaga qaadi lahayd heeryada ‘gumeysiga sokeeye’. Sidoo kale, waxay u heellanaataa cid alla ciddii maqashiisa inay hiilkeeda tahay. Taliska ay iska ridayso ha aragtee, ma aragto, ismana weydiiso duulka u gacan-haadinaya ee sokeeyaha isaga dhigayaa inay danteeda wadaan iyo in kale. Sidaasna waxaa ku abuurma, dadweynaha caraysanna ku kala qaybsada ururro qarsoodi ku dhisma oo, danata madaxdooda iyo ladagaallanka taliska dalkooda ka jira mooyee, aan innaba lahayn qorshe hoggaamineed oo mudan in la soo bandhigo!

In kastoo ummadaha dunida saddexaad ku dhaqan ay badankoodu soo mareen tijaabo taa aan soo tilmaannay la mid ah, haddana waxay ila tahay neesha ay raadka weyn ku reebtay ee ay aad uga muuqataa inay tahay dalka Soomaaliya. Madaxweyne M. S. Barre (dhashay 1919) oo sida talisyada dimoqraaddi-diidka ah aqoonsan waayey waxtarka uu mucaaradka sharciyaysani yeelan karo, wuxuu dhiirriggeliyey soo-bixidda jabhado bilawgii qarsoodi ku samaysmay oo qabiil ku dhisan, taageerayaashi ay lahaayeenna ay ka koobnaayeen oo keliya ninka ama kooxda asaastay tolka ay ka dhasheen jilibbo ka tirsan. Ugu yaraan afar jabhadood oo hubaysan, dantoodii lagu dhawaaqayna ahayd in M. S. Barre kursiga talada laga tuuro ayaa dalka laga asaasay muddadii u dhexaysey 1978kii ilaa 1989kii; sannadkaas horena, sida la xusuusan yahay wuxuu ahaa sannadkii soomaalida lagaga adkaaday dagaalkii gobannimoddoonka ahaa ee lagu xoraynaayey Soomaaliyada-galbeed. Jabhadahaasi, sidii aan kol dhoweyd carrabka ku soo dhuftay, waxay ku dhismeen hab qabyaaladeed, sidaas darteedna ma lahayn qorshe midaysan oo ku saabsan hawlgalkooda ciidan ahaaneed amaba istaraatiijiyad siyaasadeed oo, haddii ay guuleystaan, ay dalka ku maamuli doonaan. Jabhad waliba iskeed ayay u hawlgashay oo ay marna taliska ula dagaallamaysey, marna ‘wadahadallo hab qabiil ah’ ula gelaysey, taasoo sababtay in mid walba si fudud goobo badan loogu daadduumiyo.

Qabaa’il dhawr ahi inta ay midoobaan, isku dan noqdaan, dabadeedna xaqiijinta dantaas ay u wada xusul-duubaani ma aha wax dhaqanka qabyaaladda ku jira, taliskii M. S. Barrena, xaqiiqadaas ayuu si walba uga faa’idaystay. Nabadsugiddiisii awoodda badnayd waxay ku guuleysatay inay jabhadihii dhismay midba midda kale ku dirto oo weliba inay ‘jabhad-hebla’ gudaheeda u dhacdo ay madaxdeeda shaki weyn kala geliso. Sanooyinkii siddeetanaadkii waxaa la soo gaarey waqti la kala saari waayey madaxdii mucaaradka sheeganaysey qaarkii, dhab ahaanta, rididda xukunka u halgamaayey iyo qaarkii nabadsugidda xukuumadda mushaarka ka qaadanaayey ee ururradii ay ka tirsanaayeen ugu jirey inay kala diraan oo keliya! Siduu ii sheegay sarkaal sare oo haatan Yurub ku nool, kana tirsanaa ciidankii nabadsugidda ee uu Midawgii Soofiyeti hagar la’aanta u tababbaray, ’waxyaabihii ay hay’addaasi intii ay jirtey fulisay laba ayaa ugu waaweynaa: waa mide, inay soo ururisay warar wada run noqday oo ku saabsanaa hubka, mooraalka iyo diyaargarawga ciidammadii Itoobiya, ka hor intii aanay soomaalidu qaadin dagaalkii 1977-1978kii ee, faroggelintii shisheeyaha oo keliya lagaga adkaaday. Waa midda labaade, inay baajisay isu-imaad kasta oo sababi karey jabhadihii taliska la colka ahaa inay midoobaan ama, ugu yaraan, ay iskaashi yeeshaan!

Waxaa, kolka, la isweydiin karaa, haddiiba miisaanka awooddu uu sidaas ahaa, waxa sababay jabhadihii qorshe la’aanta iyo taagdarrada ku tilmaannaa inay taliskii Xamar si fudud kaga guuleystaan? Su’aashaas waxaa lagaga jawaabi karaa iyadoo, taariikhda gumeysiga iyo Soomaaliya ka sokow, dib loogu noqdo dhawr arrimood oo ay ka mid yihiin habdhismeedka bulshada soomaalida iyo, guud ahaan, sidii loo soo hawadiyey siyaasadda iyo dhaqaalaha dalka soddonkii sano ee u dhexaysey 1960-1990. Sidaas daraaddeed, waxaa la iska garan karaa qoraalkan koobani inaanu dusha u ridan karin xilka ka-jawaabidda su’aashaas iyada ah. Saas oo ay tahayna waxa aannu, annaga oo hubna, oran karnaa: Taliskii M. S. Barre ee rasmi ahaanta 21ka sano Soomaaliya uga jirey wuxuu mootanaa muddo in doo ah ka horreysey goorta ay dad aan tiro yarayn la tahay inuu geeriyoodey! Dabayaaqadii 1969kii oo ahayd markii uu talada dalka la wareegay haddii laga soo bilaabo, mar walba wuxuu taliskaasi ku tiirsanaa ‘sharciyadda muruqa’ amaba awoodda ciidankii loo yiqiin Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee, dhinacyada tababbarka iyo qalabkaba, kol loo aqoonsaday inuu ahaa ciidanka labaad ee Afrikada madow markii dhammaan la isku soo kiciyo!

Ciidankaasi ma soo dhaafin dabayaaqadii 1978kii iyo jabkii dagaalkii Soomaali-galbeed, halkaasoo dhaawac aan kakicid lahayni uu taliskii ka soo gaarey, halbawlana uu ku go’ay. Bilo ka dibna, xubno badan 00 xooggaas ka tirsan 00 saraakiil iyo askarba lahaa ayaa ku kala biiray jabhadihii ay qabaa’ilkoodu kala samaysteen. Waxaa, dabadeed, ban fagaare ah isugu soo haray taliskii 00 ilko-beelay iyo kooxihii ka soo horjeeday 00 ay kala hoggaaminayaan saraakiishii Xoogga Dalka ka tirsanaan jirtey; kuwaasoo halkii ay waayadii hore dawladda dhexe daacadda uga ahaayeen, imminka uu mid waliba qabiilkiisii daacad uga yahay!

Dhinaca kale, waxaa isla taliskaas dagaal ku soo qaaday kooxo aan loo malaynayn inay ku soo qaadayaan, sidaas darteedna aanu iska jiri karin. Xubno waaweyn oo ka tirsanaa golihiisi wasiirrada iyo saraakiishii sar-sare ee maamulka rayadka ah ayaan ka daalin kufinta taliska maalinna, gaar ahaan tobankii sano ee jiritaankiisii ugu dambeysey; kuwaas 00 ay ahayd, inta ay ku jiraan, inay colka ka daafacaan, haddii kale isaga baxaan oo si toos ah jabhadaha ugu biiraan. Falkii kooxahaas iyo natiijadii ka soo baxday waxay ina barayaan sida ay run u tahay maahmaahda soomaaliyeed ee tiraahda, ‘geel ninkii lahaa dhacayo lama dhicin karo!’

Markii, haddaba, la isku daro maamulxumadii dalka ku baahday, waanwaan la’aantii uu hoggaankii sare ka muujiyey dhinaca xukun-wadaagga, burburkii aanu ka soo kaban ee xoogga dalka soomaaliyeed, dagaalkii hoose ee ay xubnihii maamulku isaga soo horjeedeen, cunaqabatayntii dhaqaale ee dawladaha waaweyn qaarkood ku hayeen, loogana jeeday inta uu talisku ku xantiiro inuu xukunka iskiis isaga wareejiyo; intaas oo la isku daray ayaa lagu macnayn karaa sidii ay ku suuraggashay jabhado aan taag lahayn 00 qabiil ku dhisani inay si fudud taliskii jilbaha ugu dhigaan, isla markaasna ay baabbi’iyaan hannaankii dawladnimo ee jiri jirey.

Talisku ma diidi jirin oo keliya jabhadihii hubaysnaa ee doonaayey inay awoodda qoriga xukunka kula wareegaan. Wuxuu kaloo diidi jirey, kuwaas hubaysanna ula mid ahaa qofqofka amaba kooxaha xilliyo kala durugsan marba isku deyi jirey inay bixiyaan talooyin ay la ahayd inuu isbeddal wacani ku imaan karo. Nasiibdarro, talisku wuxuu isku hab kula dhaqmi jirey qorigii jabhaduhu siteen, aayaddii ay wadaaddadu daliilinayeen, heestii ay fannaaniintu qaadayeen, riwaayaddii ay hooballadu dhigi jireen iyo dhammaan wixii ra’yi ah oo ka duwan midka ay madaxda sare qabto; weligiisba danta ummadda ha lagu tilmaamee. Intii hubka ku diriraysey hadday doorteen inay dibedaha colal kaga soo duuliyaan oo ay sidaas xukuumadda ku ridaan, kuwii habkaas diiddanaa ee erayga iyo tusaalaha murtida leh adeegsanaayey iyana waxay noqdeen wax jeelasha ku raaga iyo dayro ah oo si ulakac ah loo qabjebiyo. Sababahaas dartood, ma ahayn wax fudud jawigaas dhexdiisa in lagu abuuro ururro siyaasadeed oo, iyaga oo aan la is-hortaagin, u xusulduuba beddalaadda xukuumadda, hab nabadeedba ha doorteene.

Hadmaa, haddaba, la asaasay Ururka Al-itixaad? Waxaa ila habboon, su’aashaa intaynaan ka jawaabin inaan si degdeg ah wax uga niraahno xiriirkii weligiisba liitay ee u dhexeeyey taliskii M. S. Barre iyo qaar ka mid ah culimnada soomaalida. Iska-hor-imaad la dareemo kii ugu horreeyey oo ka dhex-qarxa labada dhinac wuxuu, sida la xusuusan yahay, ku beegnaa sannadkii 1975kii, markii la soo saaray xeerkii sumcadda xumaa ee lagu magacaabi jirey ‘Xeerka Qoyska’. Wuxuu xeerkaasi si indho-adayg ah uga hor-imaanaayey aayadaha Qur’aanka kariimka ah qaarkood, kuwaasoo uu Rabbi si cad ugu jideeyey dhaxalka iyo arrimo kale oo ku saabsan xiriirka qoyska muslinka ah ku saabsan. Wadaaddadii arrintaas ka diiray si aan naxariis iyo caddaalad 1ahayn ayaa loola dhaqmay, toban ka mid ahaana surka ayaa la ag-dhigay, iyadoo aan iyagiina, si wacan, loo dhegeysan, xukuumadduna aanay isa siin waqti ay ku caro-baabba’do!

Weli waxaa la isweydiiyaa sababta ama sababaha xukuumaddii M. S. ay arrinta sidaas degdega ah ugu maamushay. Ma waxaa lagu muujinaayey inuu dalku si fiican u qaatay Hantiwadaagga Cilmiga Ku Dhisan oo aanay jirin awooddii culimmada diintu, sidaas darteedna ay Jamhuuriyaddu mudan tahay inay ku biirto naadiga dalalka ‘horusocodka’ ah ee uu Midowga Soofiyeeti hoggaamiyo? Mise waxaa looga jeeday inay noqoto farriin kama-dambays ah oo uu talisku doonaayey inuu u tebiyo guud ahaan wixii mucaaradnimo ku jirtey, gaar ahaanna culimmada laga yaabo inay mustaqbalka ku daydaan kuwaas la laayey ee, maalin jimce ah, ku dhiirraday inay ‘Xeerka Qoyska’ afmuggii ku cambaareeyaan. Waxay u badan tahay labada sababoodba inay ku jireen maskaxda hoggaankii sare ee taliska, iyagoo islahaa ‘laba shimbirood dhagax qura ku dila.’

Si kastaba ha ahaatee, dhacdadaasi waxay astaan u noqotay bilawga colaaddii dabada dheeraatay ee u dhexaysey xukuumaddii Muqdisho oo dhinac ah iyo culimmadii soomaalida qaarkoodii ay ka dhaadhacday inay xukuumaddaasu diinta islaamka hoos u dhigaysey, Shuuciyaddana, si rabid leh, ay u faafinaysey. Sidoo kale, waxay dhacdadaasi taliska u geysatey dhibaato kaga timid xiriirkii uu la lahaa dalalka muslinka ah, gaar ahaan Carabta hodanka ah, markaas ka horna uu dhaqaale badan ku qabey. Dhaqaalahaas oo ay ka jareen ka sokow, waxay dalalkaasi soo dhoweeyeen culimmadii taliska mucaaradka ku noqotay ee dhulkooda magangelyada ugu doolay; kuwaasoo, dabadeed, halkaas kasii waday dedaalkii ay ugu jireen xukuumadda Xamar inay ku ridaan, iyagoo ku soofaynaaya bulshada muslinka ah ee dunida wixii ay ka gaari kareen.

Runtii, waxay arrintaasi taliskii u geysatey dhibaatooyin aan yarayn, hase ahaatee, wax qumman kama tarin sidii ay culimmada soomaalidu gudaha dalka uga samayn lahaayeen dhaqdhqaaq-diineed sharciyaysan amaba, xataa qarsoodi ah. Taasna waxaa loo saarin karaa feejignaantii xukuumadda iyo culimmada lafteeda oo aan, sida qaybaha kale ee bulshada, isku ra’yi ka noqon karin, kuna heshiin karin: Nooca ururka ay samaysanayaan, ujeeddooyinka uu yeelan karo, cidda hoggaaminaysa iyo tabaha uu u hawlgeli karo. Waxaa, kolkii, muddo la joogaba la maqli jirey ‘Sheekh-hebel’ waa la xiray ama ‘masaajidkii hebel ahaa albaabbada ayaa la isugu dhuftay’ amaba ilaa amar dambe, ‘waxaa laga joojiyey tafsiirkii lagu geli jirey.’ Caro dadweyne oo guud iyo cambaarayn dibedaha lagaga dhawaaqo mooyee, ma jirin wax cod ah oo, qoraal qarsoodi ahna allaha ka dhigee, dalka gudihiisa laga maqli jirey.23 Sidaas ayay arrimuhu ahaayeen ilaa la soo gaarey 1991kii oo la manjoxaabiyey xukuumaddii Madaxweyne M. S. Barre.

Haddaba, mar labaad, aan ku noqonna su’aashii ahayd: Hadmaa la asaasay ururka Al-itixaad? Haddaan raacno, sida ay tahayna aan isaga qaadanno culimmada ururka mid ka mid ah oo aan Gedo kula kulmay24 jawaabtii uu su’aashaa ka bixiyey: Waxaa gudaha Soomaaliya lagu asaasay sannadkii 1983kii, wuxuuna ka dhismay iyada oo la isku daray urur-diineed waqooyiga ka jirey oo la oran jirey Al-waxda iyo mid koonfurta ka jirey oo isna la oran jirey Al-jamaaca Al-islaamiyah… iskuddarkii ka dib, waxaa Guddoomiye25 u noqday Sheekh Cali Warsame oo reer-waqooyi ah oo markii hore qaybta Al-waxda madax ka ahaa. In kastoo aan cidina xusuusan karin inuu mar qurana faroggeliyey arrimaha siyaasadda ee dalka, haddana ururka Al-waxda ee waqooyiga waa la maqli jirey, iyadoo ay hawlihiisu ku ekaayeen fidinta dugsiyada Qur’aanka laga barto iyo, guud ahaanba, faafinta diinta islaamka, taasoo lagu fasiri karo sababta uu talisku jiritaankiisa ugu dulqaatay. Dhinaca kale, ururxa Al-jamaaca Al-islaamiyah ee naloo sheegaayo inuu koonfurta ka jirey ma ahayn mid magaciisu ummadda soo gaarey, haddii uu jireyna ma soo dhaafin maskaxda xubnihii abuurkiisa isku soo qaaday! Teelkeede, Sheekhii Reer-Gedood sidii uu ii sheegay, waxaa Al-itixaad hoggaamiye u ah, loona qaadan karaa inuu hanuuniye guud u yahay Sheekh Maxamed Macallin Xasan, in kastoo aanu weligiis si toos ah madax ugu noqon.26 Arrintaas oo aan markii hore sidii la iigu sheegay isaga qaatay, kol dambe ayaan ka shakiyey markii aan dhegeystay waraysi ay laanta af- soomaaliga ee BBCdu Sheekhaas dhowaan la yeelatay.

Waraysigaas waxaa lagu weydiiyey waxa uu ka qabo ‘tasawufka’, raggii suufiyada caanka ku ahaa iyo siduu u arko dhallinyarada soomaaliyeed ee iyaga wax ka sheegta. Wuxuu u jawaabey si 100% ka duwan caqiidada Wahaabiyada ee ay Itixaadku Soomaaliya ku fidiyaan. Jawaabihiisii waxaa ka mid ahaa, “tasawufku waa fikri-diineed ku jira Islaamka, kuna ammaanan, ujeeddadiisuna waxaa weeye sidii uu ruuxa muslinka ahi naftiisa ugu carbin lahaa joogtaynta xuska Eebbe, iyadoo la caadaysto werdi joogto ah oo Rabbi loogu dhowaanayo. diinta Islaamka raggii dunida ku faafiyey ee meel walba geeyey waxay u badnaayeen suufiyiin… Tusaale waxaa loo soo qaadan karaa Sheekhii Soomaaliyeed ee suufiga ahaa oo isagu dalka Yugaandha (Uganda) diinta Islaamka geeyey oo ku faafiyay… waa Sheekh ay dadka dalkaasi ilaa maanta xusuusan yihiin oo ay kuu sheegi karaan…” Isaga oo aad mooddo inuu la hadlayo dhallinyarada Itixaadka oo ceebaynta tasawufka afka loogu tiray ayuu Sheekh Maxamed su’aashan soo jeediyey, taas oo ahayd, “… dhallinyarada tasawufka iyo suufiyiinta wax ka sheegeysaa, ha noo sheegeen waxa ay iyagu diinta u qabteen? Wuxuu ku soo idleeyey, “Qofka muslinka ah inaad qodqoddo oo aad hubiso caqiido sax ah inuu ku taagan yahay iyo in kale, adiga laguuma dirin, iimaanka kaaga ahna shardi uma aha.”27 Waraysigaas ka dib, waxsan suurayn waayey xiriirka ka dhexayn kara Sheekha jawaabihiisu caynkaas yihiin iyo Al-itixaad oo aan tasawufka islaamka iyo gaalnimadu wax qumman u kala soocnayn!

Ciddii doontaa ha hoggaamisee, Al-itixaad waa urur jira, urur hubaysan, urur ku hawllan ciidan-qorasho joogto ah, urur leh xiriir dibadeed. Waa urur tashigiisa aan la qarini yahay inuu xukunka Soomaaliya kula tartamo jabhadaha dhawr iyo tobanka ah ee haatan dalka ka jira, xataa haddii inta midoobaan isaga ka meel-noqdaan! Markii ugu horreysey ee sida balaaran loo maqley waxay ahayd bishii Juun 1992kii; waqtigaasoo ay magaalada Boosaaso, Garoowe iyo meelo kale oo gobolladaas ah dagaallo ba’ani ku dhex-mareen ciidammo ay lahaayeen iyo kuwii Jabhadda SSDFta28 oo iyada loo aqoonsan yahay inay ka taliso gobollada Bari, Nugaal iyo qaar ka mid ah kuwa dhexe. Sababaha qaraxa dagaalladaas waxaa, sida la xusuusan yahay, ugu weynaa cidda maamulaysa magaalada Boosaaso iyo dekaddeeda, sida la weriyeyna markii labada dhinac la isku daro waxaa goobahaas ku geeriyootey tiro gaareyaa 600 oo nin.29

Haraagii ciidanka Al-itixaad ee degmooyinkaas lagaga gacan-sarreeyey waxaa lagu qasbay inay waqooyi-bari ka qaxaan, waqooyi-galbeed u baynuunaan, Laaaqoray iyo agaheeda isku urursadaan, muddo ka dibna uu inan waliba u kaco halkii iyo degmadii uu u dhashay amaba, qabiil ahaan, uu tolkii dego. Wuxuu kaloo jabkaasi dibedda u soo saaray khilaaf aan la wada ogeyn oo muudaba ka dhex-jirey hoggaamiyeyaasha ururka; kaasoo lagu s00 koobi karo su’aashii xilligaas taagnayd oo ahayd: Ma habboon tahay, mase ma habboona inaynu gobollada dalka qaarka ‘dagan’ duullaamo ku qaadno, dabadeedna qabsanno, mar haddii aanay jirin xukuumad dhexe oo inaga ceshanaysaa? Dagaalkii Boosaaoo raggii galay waxay galeen iyada oo aan meel la isla dhigin su’aashaas jawaabteeda, taaaina waxay u horseedday in, wadataahi badan ka dib, la gaaro go’aammo laga dhex-arki karo waayo-aragnimadii iska-hor-imaadkaasi uu faa’ideeyey. Waxaa ka mid ahaa:

  1. Inaan ururku, marxaladdan, ku dagdegin inuu dalka meelo ka qabsado oo uu xukumo;
  2. In xoogga la saaro sidii mabaadi’da ururka loo faafin lahaa; ciidan iyo hubna loo heli lahaa;
  3. Inaan la gelin dagaal aan la hubin in lagu guuleysanayo, iyada oo mar walba la isku deyaayo, hab nabadeed, dadka maskaxdiisa iyo dalkaba in lagula wareego,
  4. Iyo inaan dagaallada jabhadaha soomaalida u dhexeeya laga qaybgelin

 

– VI –

Markaad u fiirsato gobollada dalka oo idil, waxaad arkaysaa Gedo inay tahay gobolka qura ee aan go’aammadaasi ka fulin, gaar ahaan midka 1d. Sidee bay, haddaba, taasi ku dhacday? Maxaase suuraggeliyey? Ma dagaal bay ku qabsadeen meelaha ay gobolka ka haystaan, mase si kale? Su’aashaas kolka laga jawsabayo, lama huri karo in wax laga yiraahdo dagaalladii sokeeye ee 1992kii Soomaaliya ka soconaayey, gaar ahaan kuwii gobolka Gedo ka dhacay. Dabayaaqadii bishii Abriil ee sannadkaas ayay ahayd markii USCda Caydiid ay gobolkaas sida fudud ku soo jibaaxday ee ay wada qabsatay, isla markaasna M. S. Barre 00 halkaas joogey ku qasabtay inuu Keenya galo 00 magangelyo siyaasadeed weydiisto. Sidii la filaayey, SNFta iyo dadka taageeraa waxay go’aansadeen inay ciidammadaas gobolkooda ka saaraan, taasina waxay ku hirgeli kartey 00 keliya, iyadoo hub iyo ciidanba, wixii la heli karey, si wadajir ah loogu hawlgalo. Ururka Itixaadka 00 berigaasba lahaa ciidan tababbaran 00 hubaysani arrintaas waa uu diiday, codsigii taliyeyaasha SNFta iyo odayaasha qabiilkana uma soo loodsamin. Waxaa loo arkaayey, in kastoo ay ahaayeen urur magac diineed sita, inay gobolka u dhasheen, ayna gar tahay qolada ay ku abtirsadaan kolba colkii dibedda kaga yimaada inay ka daafacaan. Iyaguse sidaas uu ’tolkocd’ u arkaayey isuma arkayn, waxaana ka go’nayd, iyagoo fulinaaya qodobka 4d ee ugu dambeeya go’aammada kor ku xusan, inaysan ka qaybgelin dagaallada u dhexeeya SNFta iyo USCda 00 aan middoodna iyaga ‘sokeeye’ u ahayn.

Ha yeeshee wax waliba uma dhicin sidii ay madaxda Itixaadku jeclaan lahaayeen. Waxaa qof walba u caddayd in aanay dhexkubbari noqon karin ama aanay heli karin bedbaado aan dadweynaha kale ee gobolku haysan. Wuxuu dareenkaasi, dabadeed, dhexdoodii ka sii bixiyey niman ay la xumaatay inay ‘xoraynta’ gobolka faraha ka laabtaan, iyada oo weliba guryahoodii xoog lagu haysto, hantidoodiina la dhacaayo. Arrin ay ku kala qaybsameen ayay noqotay, heshiis loo dhan yahayna waa laga gaari waayey, kolkii ay madaxdii sare ku adkaysatay ciidankoodu inuu dirirta bannaanka ka joogo ilaa toos loo soo weeraro.

Qaar ka mid ah saraakiisha SNFta ee dagaalladaas hoggaaminaayey sida ay ii sheegeen, aad bay u yarayd kaalintii uu Itixaadku ka qaatay hawlgalkii ciidanka USCda gobolka lagaga saaraayey. Bishii Mey aakhirkeedii, 1992kii ayay wax ka galeen mid ka mid dagaalladii ay SNFta iyo USCdu Luuq ugu loollamayeen, taasina, siday saraakiishaasi ii sheegeen, waxay ku dhacday amar-diiddo ay ku kaceen koox ururka ka tirsan 00 ‘waajib dii¬need’ u arkay inay geyigooda iyo dumarkooda colka Xamar kaga soo duulay ka ceshadaan. Dagaalkaas Luuq 00 aysan qudhiisa wadajir u gelin, heshiisna ku ahayn mooyee, Itixaadka Gedo wuu diiday inuu mid kale ka qaybgalo amaba uu hubka ciidanka SNFta qaar u gudbiyo, in kastoo ay mar walba ku doodaan inay ‘tolkood’ qayb ka yihiin! Sidaasoo ay tahayna, shirweyne kol dambe Xamar lagu qabtay oo laamaha Al-itixaad oo idili ay isugu yimaadeen ayaa ‘Itixaadka Marreexaan’ waxaa lagu cambaareeyey inay SNFta la falgaleen, dagaalkii ay ciidanka Caydiid wax kaga qaadeenna waxa lagu tilmaamay ‘mid, diin ahaan, baaddil ah!’31

Sidii la doonaba ha loo arkee, kolkii lagu guuleystey in USCdii Luuq laga saaro ayay SNFtu bilawday inay isu diyaariso sidii ay degmooyinka kalena uga saari lahayd, taasoo – sidii aan meel hore ku soo sheegay – uu Itixaadku diiday inuu gacan ka geysto. Isla markaasna, waxay odayaasha gobolka iyo jabhadda taliyeyaasheeda ka codsadeen in iyaga, maamul ahaan, Luuq loo dhiibo, daafaceedana lagu halleeyo, haddii ay USCdu soo rogaal-celiso. Si fudud baa looga oggolaaday, iyaguna waxay ballan-qaadeen inay ‘gacanta tolka’ ku soo celin doonaan, mar alla markii degmooyinka oo idili ay ciidammada qalaad ka ‘xoroobaan’. Odayaasha gobolka mid ka mid ah oo ku jirey heshiiskaas raggii Al-itixaad la galay ayaa, isaga oo sida wax u dhaceen ii fasiraya igu yiri, “… Waxay nagaga faa’idaysteen dagaalladii aan USCda kula jirney… waxay nagu yiraahdeen, ‘inta Baardheere colka laga saarayo ayaannu Luuq idiin sii haynaynaa’ … qorshe gaar ah oo ay naga 1ahaan kareen ma aannaan garan karin, shakina kama aannu qabin, maxaa yeelay waxay wada ahaayeen wiilashayadii oo aannu sal iyo baar u wada niqiin… waase nagu ballanfureen, go’aankii ugu horreeyey ee ay soo saareen bishii Juun, ‘92kiina wuxuu noqday inay baabbi’iyaan Guddigii Odayaasha Degmada Luuq oo meeshaba iyagu u dhiibay…”32 Haddii ay Luuq sidaas sahlan gacan Itixaadka ugu dhacday, waxaa uga sii sahlanayd Beledxaawo; saraakiishii USCda ka saartay qaarkood oo ilaa markaas SNFta ahaa ayaa Itixaad isu rogey, in kastoo sarkaalkii tallaabadaas ku kacay uu kol dambe ka baxay ururkii uu magaalada dhan siiyey.33

Ciidan ahaan, Itixaadka Gedo, sida la rumaysan yahay, wuxuu soo dagaal-gelin karaa, ugu yaraan, 200 oo dhallinyaro ah oo tababbar askareed leh. Waxay qayb fiican ka haysteen hubkii faraha badnaa ee ay soomaalidu ka boobta xeryihii Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwii Booliska, had iyo jeer iyo maalin walbana waxay diyaar u yihiin hub iyo saanad dheeraad ah inay dadweynaha gobolka ka gorgoriyaan, kana iibsadaan. Saraakiisha sare ee ururka nin ka tirsanaa, asii dhowaantan ka baxay siduu u dhigay, “… waxay ku hawllan yihiin hub-iibsasho joogto ah, waxayna aamminsan yihiin qoriga oo ay doonayaan inay dhul iyo dadba ku hantaan…”34

Waxay leeyihiin dhawr xero oo ku kala yaal meelo magaalooyinka iyo waddooyinka waaweyn ka fog. Halkaas baana lagu kaydiyaa hubka iyo saanadda, laguna tababbaraa xubnaha, askar ahaan, lagu kalsoonaan karo, ee uu soo gudbiyo waxa loo yaqaan ‘Xafiiska Jihaadka’ ee ciidan-qorista u xilsaaran. Warar aan la xaqiijin karin, asii gobolka ku baahsani waxay sheegayaan, saraakiil shisheeye ah oo dalalka muslinka ah qaarkood laga soo diray inay marmar xeryahaas tagaan, ciidanka ururkana tababbar ku siiyaan.

Dhallinyaro cusub oo aan weligood askar noqoni in kastoo ay ku jiraan, haddana madaxda iyo ciidanka intiisa la isku hallayn karaa waxay ku abtirsadaan xubnihii Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee, burburkii dawladda ka dib, ay xubin waliba geyiga tolkeed dego ku noqotay. Waxaad ku dhex-arki kartaa qaar badan oo ka tirsanaa saraakiishii iyo askartii loo yiqiin ’koofiyad-casta’ ama guutadii 91d ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda saldhiggeedu ahaa. Tusaa1e ahaan, sarkaal sanooyinkii ugu dambeeyey siddeetanaadkii ayaa ‘92kiina Luua tal ahaa taliyihii guutadaas ayaa ‘92kiina taliye looga dhigay Luuq, isaga oo inta ‘hanuunay’ Itixaadka ku biiray! Nin aannu ifafaalahaas ka sheekaysannay ayaa igu yiri, “tababbarka keliya ee saraakiishaas iyo askartaasi ay soo qaateeni haddii uu ahaa dagaal iyo dagaal-gelin, dawladdii ay ciidanka u ahaayeenna ay burburtay, maxaad ula yaabaysaa haddii ay maqleen cid ‘baaq-dagaal’ ugu yeeraysa, wixii ay yiqiinneenna wax u dhaafinaysa?” In kastoo uu ninkaasi arrinta dhinaca ganacsiga farsamada ka eegay, haddana lama inkiri karo inay jiraan dhallinyaro mabaadi’da ururka u jidbaysan oo, sida da’yarta oo idil caadada u ah, aan inna wax waanwaan ah ka oggolayn fikradaha ay waayeelku maskaxdooda ku shubeen.

Ciidanka waxaa iyaguna ku jira dhallinyaradii dugsiyada dhexe ama kuwa sare dhigan jirtey ee 1991kii ka dib ay waxbarashadii ka kala go’day. Sidoo kale, waxaa iyaguna ka mid ah ardadii jaamacadda ummadda ku qornayd oo ay iyagana u suuroobi weydey inay helaan ‘deeq waxbarasho’ oo ay inta u hartay ku dhammaysan karaan. Meeshii ay doonaanba ha ka kala yimaadeene, saraakiisha, askarta iyo ardaduba waxay wadaagaan, mar qurana soo wada foodsaaray waxyaabo lagu soo koobi karo: Jahawareer, mustaqbal mugdi ku jiro, saboolnimo iyo shaqo la’aan! Culuunta bulshadu sida ay ina barayso, arrimahaas oo kale haddii ay dhallinyarada la soo gudboonaadaan, si biimo ah oo aan degganayn, ayay ku raadiyaan habkii ay kaga bixi lahaayeen, waxayna u dhego-nuglaadaan ciddii u gacan-haaddisa. Taas baa, malaha inoo fasiraysa waxa afartii sano ee ina dhaaftay ay dhallinyaro badan oo Reer-Gedo ahi ay marna SNFta ugu dagaallamayeen, marna Al-itixaadka ugu biirayeen, marna ay uga baxayeen!

Dhallinyaradaasi waxay aad uga muuqdaan magaalada Luuq oo xubnaha Al-itixaad, meel ay dunida ka joogaanba, ay u haystaan inay tahay ‘xarunta’ ay ifka ku leeyihiin.35 Qaybaha hore ee qoraalkan meelo ka mid ah sidii aan ku soo sheegnay, magaaladaasi waxay, maamul ahaan, ka go’an tahay Gobolka Gedo intiisa kale, ciidanka ururkuna wuxuu u ilaaliyaa si aad u feejigan, iyadoo la moodo in looga soo digay ciidammo ku soo fool leh oo dhowaan ka qabsan doona! Degmooyinka kale ee gobolka qofkii ka yimaada waxaa loola dhaqmaa sidii qof shisheeye ah oo dal iyo qaarad kale ka soo doolay. Haddii uu xataa degmada u dhashay oo ‘hebel’ loo garanaayo, ma jiro qof socoto ah oo ka bedbaadi kara in Rugta Booliska la geeyo, laguna baaro, iyada oo laga goobaayo jaad, sigaar iyo… iga rumayso… sawirro!

Jaadka iyo sigaarku waa laba shey oo nolosha qofka aad ugu daran, magaalo ama dal adduunyada ka mid ah in laga joojiyaana waa tallaabo ruux kasta oo xilkas ahi uu ku farxi lahaa. Ha yeeshee, ma aha wax fudud, xataa haddii xeer-ciqaabeed lagu fuliyo qof kasta oo joojintaas is-hor-taaga. Meel kaleba innaga oo aan u kicin, waxaa tusaale inoogu filan 19kii bishii Maarso, 1983kii xeerkii joojinta jaadka ee ay xukuumaddii M. S. Barre soo saartay; kaas oo laba sano ka dib ciidammadii dalka u wada rogey in jaadka soo gelisa, in kala wareegta iyo in labadoodaas ugaarsata amaba wax ka shaxaadda!

Markii ay Luuq jaadka iyo sigaarka ka joojiyeen, waxay Itixaadkuna soo saareen xeer-ciqaabeed dhaqanka soomaalida xu foolxun; kaasoo ah in qofkii labada midkood lagu helo meel fagaare ah lagu karbaasho oo  10 ilaa 30 darbadood tiro u dhexaysa lagu dhufto! Taariikhda isticmaarsigii soomaalida qofkii la socdaa siduu og yahay, Talyaaniga iyo Ingiriiskuba xilligii ay dalkeenna gumaysanayeen, marna kuma dhiirran inay karbaashka xeerarkoodii ciqaabta ku daraan, iyagoo iska ilaalinaayey raacatadaas islaweynida badan inay qabkooda dhaawacaan, dabadeedna la eedo! Si kastaba ha ahaatee sarkaal Itixaadka ka tirsan oo aan weydiiyey waxa ay ciqaabta karbaashka ku doorteen wuxuu ii sheegay hadal run loo qaadan karo, asii ay badrad iyo naxariisdarro ka muuqdaan. Wuxuu yiri, “ururku awood dhaqaale uma laha inta uu dembiileyaasha xarig ku xukumo inuu jeelasha ku hayo oo maalin walba uu halkoodaas cunto ku siiyo!”

In kastoo joojinta qaadka iyo sigaarka dad jebiyey la karbaashey, haddana labadeeda midna magaalada kama joogsan, waxaana loo isticmaalaa tabtii hore. Waxa keliya
ee soo kordhay waxay yihiin inaan dukaammada iyo suuqyada lagu kala gadan. Jaadku wuxuu magaalada kaga yimaadaa dhinaca Beledxaawo, waxaana baabuurta lagaga dejiyaa webiga jiinkiisa galbeed, meel 300 oo tallaabo aan waxba ka fogeyn kaabadda uu ciidanka Itixaadku joogo halkaasoo ay ganacsatadu, isaga iyo sigaarkaba, kula kala wareegaan. Bishii Sibtembar ee sannadkan ‘94ka markii aan Luuq tegey, marduufka jaadka ahi wuxuu ka joogey intii uu Beledxaawo ka joogey, taasoo ku tusin karta in aan amarkii joojintu dhaqangal noqon! Sidoo kale, waxaan isna wax iska beddalin qiimaha sigaarka, dadkii cabbi jireyna, tiri ahaan, isma dhimin, siduu ku kaftamay nin dadkii lagu karbaashey ka mid ahaa oo aan Luuq ku waraystay. Ninkaas oo aan dareensiiyey jaadka iyo sigaarkuba inay xun yihiin oo in la joojiyaa ay wax wanaagsan tahay ayaa igu yiri, “marka aad qaadayso tallaabadaas oo kale, waxaa loo baahan yahay dadweynaha inta badani inuu taageersan yahay… Ma aha laba nin oo keliyihi inay dadka kale oo dhan iyagu wax u go’aamiyaan… midda kale, jaadka iyo sigaarkuba waxay ka yimaadaan Mandheera oo Keenya ah, waxayna soo maraan Beledxaawo, markaas ka dib bay Luuq soo galaan…” Wuxuu ku soo ebyey, “… haddii ladagaallanka jaadka iyo sigaarka uu Itixaadka dhab ka yahay, iyaga ayaa soohdinta iyo Beledxaawo xoog ku haystee, maxay halkaas ugu horjoogsan waayeen?” Waa su’aal meesha ku jirta.

Dhallinyarada ururka ku soo biirta marka laga dhaadhicinayo jaadka iyo sigaarka inay joojiyaan, waxaa loo sheegaa inay, diin ahaan, xaaraan yihiin oo khamriga iyo khamaarka la mid yihiin. Badanaa looma baahdo in loo sheego dhibaatooyinka caafimaadka iyo kuwa dhaqaalaha ee ay qofka iyo qoyskaba u geysan karaan; kuwaasoo ay culimmada Islaamka qaarkeed cuskadeen kolka ay labadaas shey ‘xaaraan’ ku sheegayaan. Dhinaca kale, waxaa jiro culimmo badan oo ka dhawrsata inay si qayaxan ‘xaaraan’ ugu sheegto, mar haddii aan Eebbe Qur’aanka kariimka ah ku xusin, sunnadana aan meel lagu diiday laga helayn. Waxay, sidaas darteed, isaga gaabsadaan inay yihiinwaxyaabo xun oo mudan in la naco (Makruuhaat), maxaa yeelay Eebbe keliya ayaa waxna xaaraamayn kara, waxna xalaalayn kara, awooddaasna cidi lama wadaagto.

Sheekh Axmed-Siraad Sheekh Cabdullaahi oo ka mid ah culimmada waaweyn oo haatan Gedo ku nool ayaan weydiiyey haddii ay, diin ahaan, bannaan tahay in qofka jaad iyo sigaar dartood lagu karbaasho. Isagoo aad mooddo inuu u liicsan yahay aragtida ah inay xaaraan yihiin ayuu yiri, “labaduba waa wax xil leh oo si walba u xun, qofka isticmaalana waa ku dembaabayaa, ha yeeshee, waa dembi isaga iyo ilaahiis ka dhexeeya… cid kale xaq uma laha, xilna kama saarna inay dembigaas u raacato oo ku ciqaabto!”

– VII –

Halganka joogtada ah ee uu Itixaadku ugu jiro gacan-ku-dhigidda Gedo wuxuu dhibaato u geystey nolosha siyaasadda iyo midda dhaqaalaha ee dadweynaha Gobolka. Taas si aan u muujinno waxaa lagama-maarmaan ah inaan faahfaahinno dhawr arrimood oo ay ka mid yihiin: xiriirka uu Itixaadku la leeyahay hawlgalka Jamciyada Qurumaha ee Soomaaliya (UNOSOM II), midka uu la leeyahay SNFta, hay’adaha samafalka ee Gobolka ka shaqeeya iyo aragtida ay ka haystaan Ugaaska Reerka iyo odayaasha kale ee, hidde ahaan, bulshada hoggaamiya.

Itixaadka, SNFta iyo Unosom: Laga soo bilaabo bishii Disembar, ’92kii, markii uu Maraykanku Soomaaliya ciidan ahaanta ku soo galay, Itixaadku marna ma qarsan inay ka soo horjeedaan joogitaanka iyo faroggelinta shisheeyaha, sabab kasta taasi ha lahaatee. Taasna waxaa ugu wacnaa madaxda Itixaadka oo aan moogeyn mawqifka adag ee ay, guud ahaan, Reer-Galbeedku ka taagan yihiin ururro-diineedka waddammada Islaamka ka jira ee siyaasaddoodu tahay, iyagoo qoriga adeegsanaya, inay hoggaanka dalalkooda la wareegaan. Waxaa kaloo laga yaabaa isla madaxdaasi inay si wanaagsan u garanayeen inaysan ku jiri doonin kooxaha iyo ururrada soomaaliyeed ee lala xaajoon doono, kolkii laga hadlaayo sidii dalka maamul hor leh loogu samayn lahaa. Isla beryahaas, dad badan oo soomaali iyo shisheeyaba leh ayaa isku deyi jirey inay ogaadaan sababta ‘runta’ ah ee Maraykanka ku qasabtay 30 kun oo nin ciidan gaaraya inuu Soomaaliya ka dejiyo. Sababaha dhaqaalaha iyo kuwa siyaasadda ka sokow, waxaa iyadana la soo qaadi jirey sabab kale oo ahayd: Wuxuu Maraykanku doonayaa inuu indhaha ku hayo, isna hortago dhaqdhaqaaqa seef-la-boodka ah ee Islaamka ku abtirsada oo danihiisa fog ee gobolka halista ku ah; Masar, Soodaan, Itoobiya, Iiraan iyo Soomaaliya oo ay hadda ku xoogeysanayaan. Waxaa loo malayn karaa inay wararkaasina kordhiyeen colaaddii ay Itixaadku u muujiyeen Maraykanka iyo weliba Unosom oo markii dambe xilkii uu hawlaha gargaarka iska saaray kala wareegtay.

Sabab doontaa ha u qarsoonaatee, dad badan oo soomaali ah ayaa si xad-dhaaf ah ugu farxay faroggelintii Maraykanka iyo bulshada adduunku ay soomaalida ugu soo gurmadeen dabayaaqadii ‘92kii. Boqollaal qof oo dirir sokeeye iyo dawlad la’aan u baabba’ay ayaa maalin walba macaluul ugu dhimanaayey Xamar, Baardheere, Baydhabo iyo meelo kale oo dalkeenna ka mid ah. Dadkaas intii ku dhex-jirtey iyo intii ba’ooda telefishannada ka daawan jirtey ma awoodi karin inay gurmadkaas is-hortaagaan oo ka shakiyaan amaba ay ku taliyaan in la hakiyo inta la helaayo sababta ‘runta’ ah ee faroggelinta ka dambaysa! Waxay ahaayeen boqollaal qof oo si degdeg ah ugu baahnaa cunto, dawo iyo nabadgelyo; saddexdaas oo ay ka waayeen dalkii ay u dhasheen iyo iyo kuwii madaxda isaga dhigayey. Waxaa mudan in la xusuusto toddobaadyo tiro yar ka dib in lagu guulaystey dantii dhoweyd ee gurmadka laga lahaa. Waxaa si layaab leh u yaraaday cudurradii gaajada iyo macaluushu ay sababayeen ee maalintii soo gashaba, Baardheere keliya, ay boqollaalku u god-gelaysey, cuntadii iyo dawadiina, laba bilood ka dib, waxaa la waayey cid qaadata! Sababta uu, haddaba, hawlgalkii rajo-soo-celinta (Operation Restore Hope) soomaalida badankeeda taageerada uga helay waa middaas ee ma aha inuu ku guuleystey in dalka uu u soo celiyey dawladnimadiisii burburtay. Taas iyada ma jirto cid eed laga saari karo oo aan ahayn madaxda ururrada soomaalida, maxaa yeelay nin isagu gurigiisa duminaya cidina uma dhisi karto.

Si kastaba ha ahaatee, Jamciyadda Quruumuhu waxay in badan isku dayday inay ururrada soomaalida meel isugu keento, si ay khilaafka ka dhexeeya uga heshiiyaan, isulana meel-dhigaan sidii ay dawladdoodii burburtay dib ugu dhisan lahaayeen. Shirarkaas waxaa Gobolka Gedo iyo degmooyin Galguduud ka mid ah ka matalaayey jabhadda SNF oo iyada maamulka iyo siyaasadda geyigaas looga dambeeyo. Ururrada kale ea soomaalida iyo Unosom labaduba waxay aqoonsan yihiin, arrimaha dhulkaasna kala xaajoodaan madaxda SNFta, ha yeeshee wuxuu Itixaadku mar walba isku dayaa inuu cid walba tuso jabhadda magacaas leh inaan wax gacanta ugu jirin!

Unosom iyo SNFtaba isku si ayuu Itixaadku u arkaa, waxaana ka go’an qorshe kasta oo ay labadoodu gobolka ugu soo talo-galaan inay god dheer u qodaan, dabadeedna ku hubsadaan. Waxaa tusaale inoogu filan wixii ay ka yeeleen heshiiskii dhawrka waji lahaa ee bishii Maarso, ‘93kii ay ururrada soomaalidu Addis Ababa ku kala saxiixdeen, ujeeddadiisuna ahayd in saddexdii qaybood ee ay dawladdu ka koobnaan lahayd hoos laga soo dhiso, dadweynahana hubka laga dhigo. Madaxda SNFtu wax yar ka dib markii ay wax ka soo saxiixeen heshiiskaa, waxay wadahadallo la yeesheen Al-itixaad, iyagoo ku guubaabinaya inay ka qaybqaataan sidii, aynu, gobol ahaan, qodobbada heshiiska u fulin lahayn. Jawaabtii ay bixiyeeni waxay noqotay in ay mabda’ ahaan diiddan yihiin waxa alla wixii Unosom iyo ‘gaalo’ lug ku leh ama ka soo jeeda, iyagoo, malaha, dareensanaa heshiiskaas fulintiisa, iyaga gaar ahaan inaan dani ugu jirin. Waxay diideen Luuq oo ay joogaan in laga dhiso Guddiga Degmada ee tiradiisu 21ka tahay, kuna xusan heshiisyadii Addis lagu saxiixay. Waxay kaloo gaashaanka ku dhufteen qodobkii ahaa in hubka dadweynaha laga uruuriyo, sidaas darteedna ay kooda ku wareejiyaan guddiyada loo xilsaaray. Sheekh Aadan Sheekh Cabdullaahi oo ah Sheekh diinta Islaamka caan ku ah, gobolkana u dhashay ayaa isna soo faroggeliyey arrinta ururinta hubka iyo Itixaadka, wuxuuna madaxdooda Addis Ababa uga soo diray warqad uu ku guubaabinayo inay hubka dhiibaan, heshiiska ummaddana raacaan. Waxba lagama yeelin, waxbana kama naaso-caddaan.36

Haddaba, magaa1ada Luuq mooyee, gobolka intiisa kale waxaa ka hirgalay dhismihii guddiyada degmooyinka oo qorshuhu ahaa markii ay isu yimaadaan inay ‘guddi gobol’ iska dhex-doortaan, dabadeedna uu guddigaasi iska soo saaro saddex xubnood 00 uu gobol waliba u dirsado ‘Gole sharcidejin’ ah oo kutaloggalku ahaa, haddii uu isu yimaado, inuu isagu dhiso xukuumad kummeelgaar ah oo muddo laba sano ah dalka hoggaamisa. Gedo waxay ka mid tahay meelaha aan qorshahaas weli laga dhammaystirin, sababtuna ma aha khilaaf siyaasadeed ee dadweynaha gobolka ka dhex-jira… waa mid ka dhex-jira Itixaadka iyo SNFta oo aan kol dhow ka hor ka quusan inay si joogto ah madaxda ururkaas uga dhaadhiciyaan inay Luuq ku soo daraan hannaanka siyaasadeed ee gobolka iyo dalkaba loo gartay.37

Itixaadku waxay kaloo isku dayeen in ay carqaladeeyaan dhismihii Guddiga Degmada Beledxaawo oo, in kastoo ay Rugta Booliska, ciidan ahaan, ay iyagu haystaan ayaan, aida Luuq, u faroggelin nolosha maalin walba ah ee bulshada. Waxay ku dedaaleen inaan guddigaasi dhismin, waxaase taa ka hortegey wakiillada SNFta iyo odayaasha magaalada, dabadeedna ‘93kii ayaa halkaas laga dhisay guddi 21 xubnood ah oo xafiiska siyaasadda ee UNOSOM uu haddiiba aqoonsaday. Ha yeeahee, madaxda Itixaadku guuldarradaas ma ay oggolaan, waxayna dhexdooda ka go’aansadeen in ay aarsadaan, guddiga Unosom aqoonsatayna aan waxba u hagaagin. Ergada Jamciyada Quruumaha ee xaruntooda gobolku ay Baardheere tahay waa la aocdaan xaaladda ay Luuq iyo Beledxaawo, ciidan ahaan iyo maamul ahaanba, ku sugan yihiin. Way og yihiin in aanay ahayn degmooyin gacanta SNFta ku jira, sidaas daraaddeed, uma soo dirsadeen, mashaariicda taakulada dadweynahana war kama soo gaaraan. Waxaad mooddaa labadaas meelocd dadka deggan in lagu ciqaabayo inay ka gilgilan waayeen taliska ‘Unosom-diidka ah’ darteedna ay iyaga oo keliyihi mas’uul ka yihiin dandarrada ay qabaan!

Dhowaan iyo dabayaaqadii bishii Juun ee sannadkan ayaa arrimaha Gedo ninka Unosom ugu qaybsani wuxuu Baardheere ugu yeeray ergo ka tirsan Guddiga Degmada Beledxaawo ee la aqoonaan yahay. Ergadaas oo uu Guddoomiyaha Degmadu hoggaaminaayey waxaa loo sheegay Unosom inay dooneyso in ay degmadooda ka bilawdo mashaariic nolosha bulshada waxtar u leh, dad badan oo reer-beledka ahina ay shaqo ka heli karaan. Waxaaae la weydiiyey, inta aan mashaariicdaas la bilaabin, inay ballan-qaadi karaan nabadgelyada dhaqaalaha jamciyadda quruumaha iyo inay ciidanka Itixaadka ka dhaadhicin karaan inuusan xorriyadda dhaqdhaqaaqa ee shaqaalahana kala dhantaalin, hawlahoodana ku faroggelin. Si ay ergadu jawaab kama-dambays ah u bixiso, waxay ku noqdeen Beledxaawo, waxayna qabteen shir ay isugu yimaadeen odayaaahii magaalada iyo madaxdii bulshada.

Waxaa kaloo iyaguna halkaas joogey oo loogu yeeray rag Itixaadka ka tirsan. Wakiilada iyo taageerayaasha ururkaasi jawaabtii ay bixiyeeni waxay noqotay mid la mid ah tii ay ka bixiyeen fulinta heshiiskii Addis Ababa. Ergadii iyo shirkiiba waxay u sheegeen in aanay yeelayn wax kasta oo Unoaom iyo ‘gaalo’ lug ku leeyihiin. waana lagu kala tegey!
Maalmo yari kolkii ay dhacdadaas ka soo wareegeen, bilawgii bishii Luulyo ee isla sannadkan ayuu Itixaadku aoo saaray tax magacyo ah oo ka kooban 27 nin, xubno iyaga ka tirsani ku jiraan oo ay ku sheegeen intoodaasi inay yihiin ‘guddiga degmada Beledxaawo’! Arrintaasi bulaan iyo xiisad bay ka kicisay bulshada degaanka ku nool dhexdeeda, in kastoo xubnihii lagu soo daray qaarkood ay durbadiiba ku dhawaaqeen inay ka baxeen, iyaga oo ka xumaaday ka hor intaan lala tashan in magacyadooda la isticmaalay. Guddigii Degmada ee la aqoonsanaa ka sokow, waxay tallaabadaasi kaga caraysiisay dadweynihii magaalada oo markaan aad u dareemay ‘cunaqabataynta dhaqaale’ ee uu la silicsan yahay iyo cidda ugu wacan.

Luulyo 9keedii ayaa madaxda Itixaadka waxaa gacanta laga geliyey warqad 5 bog ka kooban oo ashtako xoog lihi ku qoran tahay, kana soo baxday oo ay wada saxiixeen odayaal tiradoodu dhan tahay 162 nin, ayna ugu horreeyaan Wakiilka Ugaaska ee aaggaas iyo Golaha Nabaddoonnada degaanka ee uu isagu u guddoomiyo. Nuxurka warqadda waxaa lagu soo koobi karaa inuu ahaa codsi caro weheliso oo ururka lagu weydiisanaayo inay arrimaha siyaasadda ee magaalada faraha uga qaadaan Guddiga Degmada ee sharciga ah. Intiise aysan codsigaas dhambaalkooda ku soo gunaanadin, odayaashu waxay ku faahfaahiyeen sida, maamul ahaan iyo nolol ahaanba, ay degmadu joogitaankooda u eedday, iyagoo, isla markaasna ka digey falalkoodu inay dagaal-sokeeye u horseedi karaan. Waxay, runtii, ahayd bannaanbixii k00waad ee dadweynaha degaankaasi ay Itixaadka Gedo ugu sheegayeen waxa ay, dhab ahaan, ka rabaan!

Tallaabadaas ay Golaha Nabaddoonnadu ku dhaqaaqeen ka dib, waxaa isna dhaqdhaqaaq abaabul ciidan ah sameeyey Guddiga rasmiga ah ee Degmada oo si ba’an uga carooday ‘guddiga’ laga garab-sameeyey. Waxay u arkeen wax loola jeedo in iyaga hawlahooda lagu naafeeyo, isla markaasna lagu muujinaayo cid aan Itixaadka ahayni inaysan degmada waxba ka goyn Karin. In kastoo Guddiga rasmiga ah ee Degmada ay ururiyeen hub iyo ciidan door ah, kooxo-kooxo hubaysanna ay magaaladaas, dhoollotus ahaan, ku dhex-mareen, haddana, nasiibwanaag, wax fal dagaal ahi ma dhicin. Taasina kuma imaan inta la wada hadlay in la isqanciyey ama ururku inta warqaddii ka jawaabey inuu baabbi’iyey ‘guddigii’ ay iyagu magacaabeen. Waxay ku timid oo keliya ‘xiriirka dhiigga’ oo isku xira labada dhinac, asii dhinac keliya laga aqoonsan yahay; dhinaca nabaddoonnada iyo dadweynaha caadiga ah!

Unosom weligeed Itixaadka xiriir lama yeelan, umana aqoonsan inay yihiin urur miisaan siyaasadeed leh oo mudan in arrimaha Soomaaliya lagala xaajoodo. Waxay u haysataa inuu yahay urur-diineed hubaysan oo taageerada uu haystaa ay kooban tahay, dantiisuna tahay inuu talada dalka kula wareego xoog, dabadeedna uu dhiso xukuumad ay ‘wadaaddadu’ ka taliyaan oo la mid ah midda Iiraan. Itixaadka laftiisu, sidaan meel hore ku soo sheegnay, ma mooga aragtidaas uu maamulka J. Quruumuhu ka qabo, taasina waxay, maalintii soo martaba, ku kordhisaa colaad joogto ah oo ay hayaan Unosom iyo, sidoo kale, jabhadaha soomaalida ee joogiddeeda taageersan. Dhawrka siyood ee markii Gedo la joogo ay colaaddaas ku muujiyaanna waxaa ka mid ah, A) curyaaminta qorsheyaasha siyaasadeed ee lagu heshiiyo inay gobollada oo idili, midba dhinaciisa uu ka fuliyo, sida mawqifkii ay heshiiskii Addis Ababa ka qaateen, B) Is-hortaagga mashaariicda taakulada ee hay’addaas ama kuwa ay maalgelisaa ay kolba degmooyinka gobolka qaarkood u fidiyaan, si shisheeyaha deeqda bixiya iyo dadweynaha aan kalgacal uga dhex-beermin, C) s00-dhoweynta burcadda gobolka ka tirsan ee inta kolba Unosom qalab ama baabuur ka soo dhacda la soo gasha degmooyinka uu ururku, ciidan ahaan, ku haysto, D) iyo dacaayadda joogtada ah ee gurmadka bulshada dunida lagu yasayo, iyadoo dadweynaha laga dhaadhicinaayo joogitaanka Jamciyadda Quruumaha iyo shaqaalaheedu inay tahay wax, diin ahaan, xaaraan ah oo uu ‘Jihaad’ ka waajibaayo!

Hay’adda Unosom haddii ay Itixaadka ka leedahay aragti qeexan oo ay ku eegto, jabhadda SNFtu iyadu kama laha. In kastoo arrintu ay si toos ah jabhaddaas u khusayso 00 ay ahayd inay beri horeba (bartamihii ‘92kii) soo bandhigaan siyaasad cad oo ay ururkaas kula dhaqmaan, haddana taasi ma dhicin. Si u eg sida dadweynaha caadiga ah oo ay waxyaabo badani isaga dhex-daadsan yihiin ayaad mooddaa hoggaanka SNFtana arrimo door ahi inay isaga qasan yihiin; marka loo eego aragtida ay ka haystaan ururka loollanka kula jira, inay aqoonsan yihiin iyo in kale, sida iyo habka ugu wanaagsan ee ay tahay inay ula xaajoodaan, haddiiba maalin maalmaha ka mid ah ay meel soo wada fariistaan. Madaxda SNFta qaarkoodii aan Gedo kula kulmay, kama ay muuqan wax welwel ah oo ay ka qabaan: laba degmo oo gobolka ka mid ahi inay ku jiraan gacanta urur-diineed iyaga si walba u diiddan. Ma ay dareensanayn inay dareen tahay inuu gobolka ha tuuro hub aad u faro badan oo, iyaga jabhadda ahi, aanay ururin karin, kana jawaabi karin berri-ka-maalin haddii ay soomaali wax ka weydiiso. Markii aan gobolka joogey, madaxda SNFtu waxay u debecsanaayeen siyaasadda ‘Asaddihinta’ ku salaysan ee ay Itixaadku adeegsadaan beryahan dambe, kolka ay doonayaan waqti dheeraad ah inay helaan. Sidoo kale, SNFta kama aan garan inay ka xun yihiin, in kastoo talada gobolka iyaga loo aqoonsan yahay, haddana inaysan ka wada talin oo xataa degmooyinka qaar ka mid ah aanay weligood booqasho ku tegin!

Ururka A1-itixaad, Gedo ama gobollada kale halkii uu doono ha joogee, wuxuu isagu leeyahay aragti guud oo uu ka haysto SNF iyo dhammaan jabhadaha iyo ururrada soomaalida ee talada dalka, muddaba, loo11anka ugu jirey. Si la mid ah sida ay Unosom ula dagaallamaan ayay iyagana ula dagaallamaan, giddigoodna waxay u sawiraan inay yihiin kooxo diinta Islaamka col ku ah oo, siyaasad ahaanna, shisheeyaha u adeega. Aragtidooda, madaxda jabhadaha soomaalidu, iyaga oo aan la kala soocin, waxay ugu tilmaaman yihiin: A) jaahilnimo, 3) siyaasad gurracan, C) Islaam-nacaybka, D) iyo kabo-qaabnimada gaalada.38 Waa urur aamminsan dadka raacsan oo qurihi inay yihiin kuwa keliya ee ‘holaca iyo calanka Islaamka’ kor u haya, qayrkoodna uu ku jiro ‘jaahiliyad’ ay waajib tahay in hubka qarxa lala doonto, sidaasna dhulalka islaamninada ‘sheegta’, asii aan ahayn dib loogu muslimiyo! Daacad ha laga ahaado ama yaan laga ahaane, danta ururka ee aan weligeed la faafin, asii la malayn karaa waa middaas, waana iyada fulinteeda waxa lagu raad-joogaa marka la is-hortaagayo tallaabo kasta oo siyaasadeed oo aysan iyagu qayb ka ahayn.

B) Itixaadka iyo hay’adaha samafalka: Lix ama toddoba hay’adood oo samafalka iyo taakulada dadweynaha u jooga ayaa gobolka ka shaqeeya. Hay’adahaas oo badankooda ay Jamciyadda Quruumuhu maalgeliso waxaa ka mid ah Trocaire (Ireland), Memisa (Netherlands), International Rescue Committee ‘IRC’ (USA) iyo Wakaalat ar-Raxmah oo Sacuudi ah, asii dalka Ayrlaan ka diiwaan-gashan. Waxay wax ka qabtaan hawlaha caafimaadka, biyaha, beeraha, daaweynta xoolaha, waxbarashada, korontada, taakulaynta iyo amaahsiinta ganacsatada yaryar ee, inta dagaalkii sokeeye baro-kiciyey, dhowaantaan degmooyinkoodii ku soo noqday. Waxtarka adeegga bulshada oo ay fuliyaan ka sokow, waxay, intii karaankood ah, ka qaybqaateen shaqo-u-abuurista dadka gobolka; taasoo suuraggelisay qoysas badan oo Gedo ku abtirsadaa inay ka soo noqdaan xeryaha qoxootiga ee Keenya, gobolkoodana ku soo noqdaan.

Hay’adahaas samafalku waxay shaqaaleeyaan aqoonyahannada takhasuska leh ee awel hore ka tirsanaan jirey wasaaradihii dawladdii soomaliyeed sida injineerrada… waxaad ku dartaa kalkaaliyeyaasha caafimaadka, koronto-yaqaannada, wadeyaasha, farsamo-yaqaannada baabuurta, ilaaliyeyaasha, iwm. Sidoo kale, waxay iyagana maalgeliyaan oo dhiirri—geliyaan ururro soomaaliyeed oo samafal ah, kooxo gobolka ka tirsanina ay abuureen; kuwaas oo fuliya kolba mashruucyada ay hay’adahaasi hirgelinayaan, sida ceelasha qodistooda iyo hawlaha dhismaha qaybaha isbitaallada iyo dugsiyada. Waxay hay’ad waliba xubnaha dadweynaha uga kiraysan aqallada ay deggan yihiin, kuwa xafiisyada u ah iyo baabuurta ay ku shaqaystaan ee ay hawlwadeennadu ku dhaqdhaqaaqaan.

Runtii, way jiraan arrimo dhawr ah oo hay’adahaasi ay dhaliillo ku mudan karaan, laguna eedayn karo, waxaana ugu weyn soomaalida oo aan waana laga taloggelin mashaariicda iyaga loogu danaynayo, wixii u dan ahna aan la weydiin. Ka dib markii mashruuc walba dibedda lagu soo derso, miisaaniyadda ku baxaysana si kama-dambays ah la isula soo oggolaado ayay hay’aduhu gobolka keenaan, iyada oo uu heer-fulineed marayo. In kastoo ay arrintu sidaas tahay, haddana madaxda degmooyinka iyo dadweynaha midna ma dhibsado, marba haddii aanay jirin dawlad dhexe oo wax u kala qorshaysa, mashruuc kastaa uu waxtar u leeyahay, waxa hay’aduhu bixiyaanna ay yihiin deeq lagu taakulaynaayo dad aan meel kale wax ka sagayn! Waxaad mooddaa in heshiis lagu wada yahay goldaloolooyinka hay’adaha samafalka in la iska indho-tiro, lagulana dhaqmo sida ay tiraahdo maahmaahda Talyaanigu: Faraska hadiyadda ah ilkaha lagama eego! Waxaad kaloo mooddaa in iyadana heshiis lagu wada yahay, dhaliil kasta ha lahaadeene, hay’adahaasi, adeeg bulsho iyo dhaqaala ahaanba, in ay iyagu dadweynaha ugu jiraan ‘kaalintii dawladda’, haddii ay gobolka ka duudduubtaanna uu, si ba’an, heerka nolosha dadweynuhu aad hoos ugu dhacayo.

Markii, haddaba, la eego xiriirka uu Itixaadku hay’adahaas la leeyahay waxaa la oran karaa waa mid ka yar roon midka wada colaadda ah ee ay Unosom la leeyihiin. Waxaana jira sababo giddigood dhaqaale cuskan oo Itixaadka ku qasbaya inay yareeyaan faroggelinta hay’adaha samafalka ee shisheeyaha, gaar ahaan kuwa ka hawlgala goobaha ay iyagu joogaan ee kala ah Luuq iyo Beledxaawo. Hay’adahaas oo inta laga caraysiiyo degmooyinkaas ka guuraa waxay sababi kartaa qoysas badani in ay nolol-maalmeedkooda waayaan, dabadeedna, iyagoo midaysan, ay weeraraan cidda loogu dawgalay oo Itixaadka ah. Taasi waa mid. Midda kale, labadaas degmo dadka hay’adahaas u shaqeeya 80% waa qaar Itixaadka rasmi ahaan uga tirsan oo badanaa loo dhiibo hawlaha ilaalinta xafiisyada iyo guryaha hawlwadeennada shisheeyaha ah. Sida la iigu warramay, qof Itixaadka ka mid ahi, gaar ahaan ilaaliyeyaasha dhismeyaasha iyo wadeyaasha baabuurta, hadduu meelahaas qaarkood shaqo ka helo, wuxuu ku galaa isagoo og inay ‘meerto’ tahay oo muddo dhawr bilood ah ka dib uu u bannayn doono xubin kale oo ururka ka tirsan. Waa xeer uu hoggaanka Itixaadku u dejiyey dhallinyarada isaga taabacsan, loogana jeedo in badan oo ka mid ah in il dhaqaale loo sameeyo, si aanay meel kale ugu hanqal-taagin! Waxaa isna xeer kale ah tiro dadka Itixaadka ah, hay’adahaasna u shaqeeyaa inay qayb ka mid ah mushaarkooda bil walba ugu deeqaan maamulka sare ee ururka oo isagu u madaxbannaan sida uu u gelaayo iyo waxyaabaha lagu bixinaayo.

Hay’adaha oo la socda arrimahaas aan soo sheegnay, waxay ku guuleysteen inay, ilaa xad, si madaxbannaani leh hawlahooda ku fuliyaan, Itixaadkana kolba ugu hanjabaan, haddii faroggelin lagu sameeyo, inay degmooyinkaas ka guuri doonaan. Taas macnaheeduse ma aha inaan kolkol loo cago-jugleyn ama dhaqdhaqaaqa shaqaalahooda la xayirin, iyadoo la dareensiinayo inay ku hoos-jiraan awoodda ciidanka Itixaadka. Ka sokow waraaqaha dhaqdhaqaaqa ee shaqaalaha shisheeyaha ah lagu qasbo inay goostaan, maalin walbana cusboonaysiiyaan, waxaa, haddana, marmar lagu qasbaa inay qaataan qaar ka mid ah dhaqanka muslimiinta. Haweeneyda ugu sarraysa hay’adda Trocaire ee Beledxaawo ka hawlgasha ayaa intii aan joogey, ay ciidanka Itixaadku weydiisteen inay beddasho habka lebbiskeeda oo ay sida dumarka muslinka ah u daboosho madaxeeda, garbeheeda iyo lugaheeda. Waxaan arkay iyada oo sidaas yeeshay oo, malaha, intay dharkii badnaa ku gubatay isbabbinaysa, markaas baan keligey isweydiiyey; “Tolow, maxaa dhici lahaa haddii dumarka muslinka ah ee dalalka ‘gaalada’ ku nool lagu qasbi lahaa inay sida dumarkooda u lebbistaan?”

Dhacdooyinkaas oo kale oo lagu darey guud ahaan shakiga labada dhinac ku kala dhex-jira ayaa sababay inay yaraadaan tirada hay’adaha samafalka ee Beledxaawo ka hawlgeli lahaa. Tusaale ahaan, halka ay saddex hay’adood oo Reer-galbeed ahi ay degmada Garbahaarrey ka shaqeeyaan, xarunna iyadu u tahay, waxaa Beledxaawo ka hawlgala mid qura oo iyada qudheeduna uu fadhigeedu, xafiis ahaan, Mandheera yahay.
Taas baad mooddaa inay, dhaqaale ahaan, Beledxaawo la daaddegtey, halka ay qof walba u muuqato Baardheere iyo Garbahaarrey inay dawladdii soomaaliyeed ee jiri jirtay ka raysteen! Muddadii u dhexeysay bilihii Juun iyo Sibtembar ee sannadkan, intii aan gobolka joogey, waxaa Beledxaawo maalin walba ka geeddiyi jiray qoysas ku dhex—nafooday oo gaajo—ka—carar ah. Waxay u guuri jireen Garbahaarrey iyo Baardheere oo hay’adaha samafalka ka abuureen nolol-dhaqaale, fursad shaqana laga rajayn karey. Nasiibdarro, waxay Beledxaawo muddadaas aan soo sheegnay ku tilmaannayd inay ahayd meesha qura oo soomaaliya ka mid ah oo ay dadku gaajo u dhintaan! Mana aan dareemin welwel ay arrintaasi ciidanka meesha fadhiya ku haysey!

C) Ugaaska iyo Itixaadka: Cilmi-bulshadeedka soomaalida ragga bartaa sida ay ka warqabaan, Ugaaska, Boqorka, Garaadka iyo dhammaan Isimmada la midka ahi waxay, ugu yaraan, toddobadii qarni ee ina dhaaftay ahaayeen kuwa ugu sarreeya, una guddoomiya tolka soomaaliyeed. Wuxuu mid waliba ka ahaa meeshiisa nin guddoonkiisa iyo qof ahaantiisaba la maamuuso oo eray qalloocan iyo fal sirgaxan labadaba lagala maago. Astaanta gobannimo ee uu ahaa ka sokow, isin waliba wuxuu tolkiis u joogey Madaxweynuhu qarammada casriga ah halka uu maanta u joogo. Isaga iyo guurtida dhinacyadiisa fadhiday ayaa xil ka saarnaa danaha tolka iyo xiriirka uu kuwa kale la yeelanaayo, wixii ay gooyaanna guddoon buu ahaa aan laga daba—hadli jirin. Gumeysigii Reer-Yurub kolkii uu qarnigii 19d dhulalka soomaalida qaybsaday, wuxuu u yimid bulsho madaxdeeda sare leh 00 kala dambaysa, rag tirsanina ay wax u guddoomiyaan. Maamulayaashii Talyaaniga iyo Ingiriisku in yar bay isku deyi jireen inay arrintaas wax ka beddalaan, mar walboo ay isku dayaan meekhaanka isimmada inay hoos u dhigaanna waxay kala kulmi jireen gedood dadwayne iyo guuldarro siyaasadeed. Sidaas darteed ayay u badnayd madaxdii caddaanku inay isimmadii soomaalida si aad u weyn u qaddariyaan, ugana dambeeyaan arrimaha ku saabsan tolka uu mid waliba u taliyo iyo degaanka uu ku dhaqan yahay. Waxay maamulayaashaasu dhab u ogaadaen inaan soomaalida la xukumi karin, haddii aan madaxdooda, hidde ahaaneed, la tixgelin.

Waxaa la soo gaarey 1960kii, markii ugu horreysey ee tolalka soomaalidu, iyagoo wadajira, ay dawlad noqdeen. Waxay gumeysteyaashii ka dhaxleen hannaan-dawladeed oo qaab-dhismeedkiisa laga soo guuriyey dhaqan-siyaasadeedka Reer-galbeedka (West’s Political Culture), lehna saddexda laamood oo kala ah: sharci—dejinta, fulinta iyo garsoorka. Ma ahayn hannaan wax u oggolaa amaba ay meeli uga bannaanayd isimmada iyo dhammaan madaxdii hiddeha ee qabaa’ilka u kala talin jirey. Taas baa sabab u ahayd inay haddiiba iska horyimaadaan isimmadii tolalka oo jiritaanka xafiisyadooda daafacaya iyo dawladdii dhalatay oo, sida dawladaha kale, u doonaysey in ay iyadu noqoto awoodda keliya ee dalka ka jiri karta, waxna ka fulisa. Waqti yar ka dib, hoggaamiyeyaasha qarankii cusbaa ee lixdanaadkii waxay bilaabeen inay kaalinta isimmada aqoonsadaan, markii sida gumeysigii hore ay iyaguna hubsadeen inay maamulka dalka wax weyn ka tari karaan, awooddii dawladda oo aan la gelin gorgortan aad wax ugu dhiba ayaa isimmadiina laga qaybgeliyey qaar ka mid ah guddoommada saameeya tolka iyo degaanka uu mid waliba u boqran yahay. Ha yeeshee, taasi wax in badan lagu dhaqmay ma noqon.

Sannadkii 1970kii, wax yar ka dib markii ay la wareegtay, ayay xukuumaddii ciidanku dhisay ee M. S. Barre waxay soo saartay mid ka mid ah kuwii ugu dhiirranaa xeerarkii ay waayadaas soo saari jirtey; kaas oo lagu baabbi’iyey kaalintii bulsho ama siyaasadeed ee ay lahayd dhammaan madaxdii hiddaha ee boqollaalka sano soomaalida u soo talinaysey. Waxaa dembi la isku ciqaabo laga dhigay in la sheegto iyo, xataa, in carrabka la soo mariyo magacyada: Garaad, Ugaas,Boqor, beeldaaje, malaaq iyo kuwa la midka ah, raggii ahaana, waxaa kii loogu roonaa lagu magacaabay wax loo bixiyey ‘Nabaddoon’! Ujeeddada xeerkaas laga lahaa kolkaannu doonno in aan ogaanno waxaa naloo sheegi jirey inay ‘bedownimo’ tahay, awoodda xukuumadda mooyee, inay dalka gudihiisa awood kale ka jirto. Marar kale waxa nala bari jirey inay ahayd tallaabo qayb ka ah ‘ol’olaha ciribtiridda qabyaaladda’, runtiise, sidaannu dib ka ogaannay, waxay ahayd
tallaabo ay madaxda xukuumaddu ku doonaysey talada dalku inay gacanteeda ku soo wada ururto, cid kalena, aan haba yaraatee, wax awood ah loo oggolaan. Hase ahaatee, sida uu badanaa ku dambeeyo qorshe kasta oo ka soo horjeeda dhaqammada ummaduhu, wuxuu kaasina ku dambeeyey inuu noqday xeer aan hirgelin oo aan maskaxda dadweynaha inna wax saamayn ah ku yeelan. Iyada oo aan xukuumad kale beddalin ayaa 20 sano ka dib waxaa dhacday xukuumaddii xeerkaas soo saartay, dabadeedna cidda keliya ee madaxnimo loo aqoonsan yahay waxay noqdeen isimmada qabaa’ilka oo aad mooddo si buuxda inay dadweynuhu ugu soo celiyeen awooddoodii hore ee in laga xayuubiyo la isku deyey. Waxay noqdeen meesha qura ee ay hoggaamiyeyaasha jabhadaha iyo ergooyinka shisheeyuhuba ka doontaan ’sharciyadda’ iyo taageerada ay ugu baahan yihiin hawlgalka siyaasadeed ee loogu jiro dib-u-heshiisiinta qabaa’ilka soomaalida iyo dib-u-dhiska hannaankii dawladeed ee ay iska burburiyeen.

***

Ugaas Cumar Ugaas Xirsi oo ah Ugaaska dadyowga Reer-Gedocdka ahi wuxuu shinsadaa Boqortooyo soo taxnayd tan iyo qarnigii 15d, wuxuuna inta la hubo ku abtirsadaa 18 awoowe oo la wada caleemo-saaray. Waa nin dhallinyaro ah (53 sano) oo ay bulshadiisu aad ugu qaddariso sida uu danaheeda u dhawro, daacadda ugu yahay ee uu, haddana, u-kala-eexashadeeda isaga ilaaliyo. Dadka aad u yaqaani siday ii sheegeen, waa nin jecel odayaasha jilibbada iyo caaqillada inuu awoodda xafiiskiisa la qaybsado oo isaga maqnaanshihiisa aan waxba u xayirnaan. Markii ugu horreysey taariikhda Guriga Boqortooyada ee uu ka soo jeedo ayaa Ugaas Cumar waxa uu oggolaaday inuu magacaabo wakoollo magaciisa ku hadla, magaciisa wax ku guddoomiya, magaciisana qabaa’ilka kale ee deriska ah heshiisyo kula geli kara.

Siday u soo mareen madaxda soomaalida kaleba, sanooyinkii afarta ahaa ee ina dhaafay waxay ahaayeen kuwo Ugaas Cumar soo mara kuwii ugu dhibta badnaa. Waxaa soo foodsaaray dhibaatooyin siyaasadeed, kuwa difaac iyo kuwo bulsho oo, burburkii dawladnimada ka dib, si aad u ba’an u saameeyey degaanka uu u guddoomiyo. In kastoo qaybaha kale ee dalka ay dhibaatada dawlad la’aanta la qabeen, haddana Ugaaska iyo dadweynaha gobolkaba waxaa gaar u ahayd arrin indhihii ummadda iyo kuwii dunida ku soo wada jeedisay. Bishii Febraayo, ‘91kii ayaa waxaa u soo galay Madaxweynihii xukunka Soomaaliya laga riday M. S. Barre oo markii hore u sheegtay inuu ‘tolkiis’ magangelyo ahaan ugu yimid, markii dambese isku deyey inuu taladii dalka xoog ku soo ceshado. Gar ha ahaato ama yay ahaane, arrintaasi waxay sababtay in shirkii labaad ee Jabuuti (Luulyo ’91kii) ee ay ururrada soomaalidu isugu yimaadeen laga soo saaro qodobbo ay ka mid ahaayeen in la abaabulo ciidan jabhadaha oo dhan ka kooban oo dagaal ku qaada M. S. Barre iyo ‘taageereyaashiisa’, si isaga loo soo qabto amaba loogu qasbo inuu dalka dibedda uga baxo. Hirgelidda qodobkaas si uu ku baajiyo, wuxuu Ugaas Cumar guddoomiyey M. S. Barre inuu yahay ‘xubin tolka’ ka mid ah oo sugidda nabadgelyadiisu ay dadweynaha gobolka saaran tahay, ilaa uu Soomaaliya ka dhismo talis sharci ah oo qabaa’ilku ku wada jiraan, garsoor madaxbannaanna horgeyn kara. In kastoo ay dooddaasu meelmar u ekaan kartey, in badanina ay u guuxday, haddana waxaa jirey kooxo kale oo Ugaaska iyo odayaashaba ku dirqiyi jiray inuu DUQA weydiisto gobolka inuu ka baxo oo magangelyo siyaasadeed dawladaha kale ee dunida middood ka codsado. Taas inuu marna yeelay iyo in kale lama oga, wuxuuse ku qasbanaa inuu iskummar laba arrimood fuliyo: Abaabulka hawlaha difaaca gobolka iyo isu-soo-dhoweynta kooxaha joogitaanka ODAYGA ku muransanaa. Shirarkii beryahaas la qaban jirey ee uu ka hadli jirey wuxuu Ugaasku ku celcelin jirey inuu ‘tolka oo idil’ Ugaas u yahay, guddoonka ugu dambeeyaana uu kiisa yahay, isagoo, malaha, dconaayey inuu si dadban u yiraahdo: Gedo aniga ayaa Ugaas ka ah ee M. S. Barre kama aha.

Haddaba, in kastoo hawlo keligiis lagu hallaynaayey aanay marnaba jirin, misana wuxuu Ugaas Cumar, afartii sano ee ina dhaaftay, dadkiisa ka kasbaday aqoonsi hor leh iyo maamuus badan. Shaqooyinkiisii, hidde ahaan, ku koobnaan jirey kala-saaridda xubnaha tolka, ducada, guddoominta arrimaha waaweyn ee tolka saamaynta ku yeelan kara, sida colaadda iyo nabadda; waxaa shaqooyinkiisaas beryahan dambe ku soo kordhay kuwo siyaasadeed. Unosom iyo madaxda shisheeyaha ah ee kolba gobolka booqashada ku timaaddaa waxay codsadaan la-kulankiisa, waxayna kala hadlaan guud ahaan mustaqbalka dalka, gaar ahaanna arrimaha gobolka. SNFta lafteedu waxay ku dhisan tahay sharciyad ku aslaysan guddoon uu isagu riday sanooyinkii ‘91kii iyo ‘93kii, waxayna madaxdeedu ku shaqeysaa is-afgarasho guud iyo wadatashi, markii muddo la joogaba, ay la yeeshaan. Iyada oo dhaqanka soomaaalida la tixgelinaayo waxa aan marna la illoobin shir kasta oo si guud arrimaha dadka gobolka saameeyn ugu leh in Ugaaska loogu yeero, isla markaasna uu go’aammada isagu guddoomiyo. Soomaalida ka sokow, waxaa iyaguna haatan dhaqankaas ilaaliya madaxda Unosom ee gobolka ka shaqaysa. In kastoo uu ka cudurdaartay, waxay ahayd bilawgii bishii Sibtembar ee sannadkan, markii ay Ugaaska si rasmi ah ugu martiqaadeen inuu Baardheere yimaado, si uu ula kulmo madaxweynaha dalka Botswana oo magaaladaas ku soo booqanaayay tiro ka mid ah ciidanka dalkiisa oo qayb ka ah ciidammada J. Quruumaha. Arrimo u gaar ah dartood, wuxuu Ugaasku wakiishay Guddoomiye-ku-xigeenka SNFta oo halkaa isagu ka matalay.

Siyaalahaas aan soo tilmaannay ayay, sokeeye iyo shisheeyaba, Ugaaska u maamuusaan, iyada oo maanka lagu hayo dhaqan fac weyn oo ay soomaalidu, inteeda badan, ka siman tahay. Waxaase nasiibdarro ah inaan ururka Itixaadka Gedo dhaqankaasi la wanaagsanayn, in la xuauusiyana aanay jeclayn. Wuxuu Ugaasku ugu jiraa ‘astaamaha awoodeed’ ee ay ku dedaalayaan siday goobta siyaasadeed ee gobolka uga saari lahaayeen. Ol’olaha magacdilka SNFta mid ka daran ayay ku hayaan Ugaaska iyo kaalintiisa bulsho, taasoo ujeeddadeedu tahay dhallinyarada ururka ka tirsan sidii maskaxdooda looga saari lahaa wax alla wixii dhaqan hore ah oo madaxnimo siyaasadeed iyo mid diineed labadaba ku lug leh. In kastoo madaxda sare ee ururku jeclayn in iyaga laga maqlo, haddana hadaaqa dhallinyarada taabacsan ayaa laga ogaan karaa siyaasadda ay Ugaaska iyo isimmada la midka ah ay ka qabaan. Mid ka tirsan macallimiinta da’da yar oo wax ka dhiga dugsi ku yaal Beledxaawo oo ay iyagu maamulaan ayaa yiri, “Ugaaska ma aqoonsani, waxbana iiguma fadhiyo, marba haddii uusan kitaabka Ilaah wax ku xukumin.” Waxaan u sheegay inaan Ugaasku ‘garsoore’ ahayn, hawlihiisana aan qaadiinnimo ku jirin. Wuxuu markaas yiri, “Waa inuu ku dhawaaqaa in gobolka Gedo kitaabka Ilaah wax lagaga xukumo.” Waxaan haddana u sheegay inuu yahay nin, qof ahaan, sidaas aamminsan, asii aan awood u lahayn, intuu subax soo tooso, inuu arrintaas guddoomiyo, iyada oo aan marka hore waayeelka iyo waxgaradka degaanka laga dhammayn… Wuxuu yiri, “Haddii ay sidaa tahay, Itixaadka ha ku soo biro oo annaga ha nala shaqeeyo… Markaas baannu aqoonsanaynaa.”

Kulankii ugu horreeyey oo dhex-maray Ugaaska iyo Itixaadku wuxuu ku beegnaa bartamihii ‘92kii, markii ay dadka degaanku isu diyaarinayeen inay ciidankii USCda magaalada Baardheere ka saaraan. Itixaadka oo berigaas iyo haddeerba dadweynaha maqashiiya oo ku beerdulucsada inay yihiin ‘wiilashoodii’ ayaa waxaa la xiriiray Ugaas Cumar iyo odayaal kale 00 ka codsaday, hub iyo ciidanba, inay hawsha Baardheere gacan ka geystaan. Madaxda sare ee ururku jawaabtii ay Ugaaska siiyeeni waxay noqotay, codsigaaga oo aannu yeelnaa wuxuu ku xiran yahay inaad saxiixdo in kitaabka Eebbe Gedo lagu xukumi doono!” Dhacdadaasi waxay Ugaaska ku ahayd, isna uu u qaatay quursi iyo aflagaaddo, waxayna uga dhignayd sidii iyadoo, haddeer iyo da’daan, loogu yeeraayo in la muslimiyo 00 ashahaadada loo qabto! Waxay kaloo waxgaradka gobolka qaarkood u iftiimisay ujeeddooyinka Itixaadka middood oo ah dhammaan madaxda bulshada dhexdeeda magaca ku lihi – Ugaaskana alla ha ka dhigee – inay iyaga soo hoos-galaan. Haddii aysan maanta noqon, berri!

Muddo hal sano iyo dheeraad ah, Ugaas Cumar kolna ma booqan degmooyinka Beledxaawo iyo Luuq,taasina ma aha wax caadi kolka dhaqdhaqaaqiisii hore loo eego. In kastoo aanu isagu jeclayn inuu ka hadlo, haddana taasi sababteeda ayay leedahay. Xog-ogaalka qaarkiis siday ii sheegeen, waxaan Ugaaska weli laga xaal—marin sidii Beledxaawo loogu xumeeyey markii ugu dambaysey ee uu halkaas tagay. Xushmo-darradaas uu Ugaasku berigaas mutay waxaa – sida la leeyahay – sabab u ahaa Itixaadka rag ka mid ah oo ka shaqaynaayey isaga iyo dadka degmada qaarkood inay isqaniinsiiyaan. Wayna ku guuleysteen! Kol dhow ka hor, Ugaas Cumar marna si toos ah ifafaalaha Itixaadka ugama hadlin. Bilawgii bishii Agoosto ee sannadkan ayay ahayd markii ugu horreysey ee uu sida kulul ururkaas ugu eedeeyey inay yihiin duul ‘xukun u oomman’. Tallaabadaas uu Ugaasku ku dhaqaaqay waxay ka dambaysay dareen dadweynaha gobolka ku baahay oo ku saabsanaa sida firfircoon ee 2dii sano ee ina dhaaftay ay Itixaadku ugu dedaalayeen inay degmooyin dheeraad ah qabsadaan. Meelaha ay maanka ku hayaan waxay kolba u diraan kooxo dhallinyaro ah oo isku daya inay caqiidada wahaabiyada faafiyaan, maamulka masaajiddadana ay la wareegaan. In kastoo ay dhallinyaradaasi dhawr jeer dedaalkoodaas ku guuldarraysteen oo guddiyada rasmiga ah iyo dadweynuhuba ay si xoog leh uga hor-yimaadeen, haddana weli kama quusan inay si degdeg ah Garbahaarrey, Baardheere iyo Buurdhuubo ula wareegaan. Bishii Abriil ee sannadkan ayaa koox dhallinyaro ah oo ururka ka tirsani Garbahaarrey u tagtay inay ka dhisaan, kana furaan dugsi ay iyagu leeyihiin, laguna faafiyo aragtida ay diinta iyo siyaasadduba ka aamminsan yihiin. Iska-hor-imaad iyo dagaallo gacanta ah ayay arrintaasi dhashay, waxayse intii 4 bilood hakisay qorshihii ‘dhulfidsiga’ ee uu ururku kolba ku milicsado bariga iyo koonfurta gobolka.

Sida la xusuusan yahay, maalmo ka hor intii aan Ugaasku arrinta ururka fagaaraha ku soo qaadin, waa tii ciidammada USCdu ay qabsadeen magaalada Beledweyne, hub faro badanna waa tay xoog kaga qaateen ciidan halkaas degganaa oo dalka ‘Zimbabwe’ ka tirsan, ciidammada Jamciyadda Quruumaha ee Soomaaliya joogana qayb ka ah. Muddo gaaban dabadeed, gobolka oo idil waxaa ku dhex-faaftay, Beledweyne ka dib, qorshaha dagaal ee USCdu inuu Gedo yahay,. Waxaa iyadana la maleeyay wararkaasi inay Luuq iyo Beledxaawoka imaanayaan, dad ururka ka tirsanina ay si kutaloggal ah u buunbuuniyeen. Waxaa la ogaaday inay ahayd sheeko ay u abuuraan inay ku hirgeliyaan mashruucooda isballaarinta, iyagoo bulshada ay hortii dhiillada geliyeen ugu yaboohaya in ciidankooda loo oggolaado inuu Garbahaarrey iyo Buurdhuubo dego, sidaasna uu meelahaas ku daafaco. Laba jeer oo isu dhow ayay sila bishaas Agoosto gudaheeda ergooyin u kala direen labadaa magaalo, iyagoo sheeganaya ururkoodu inuu ‘tolka’ u dhisan yahay, xilna ka saaran yahay inay ‘cadawga’ ka daafacaan, marba haddii hubka ugu badani uu iyaga gacantooda ku jiro. Waxay noqotay dood aan laga hoos-qaadin oo si cad loogu diiday, iyada oo la wada dareensanaa dantoodu inay ahayd oo keliya ‘dhulfidsi’ iyo sidii ay mar uun, ciidan ahaan, ugu taabi lahaayeen degmooyinka aan gacantooda ku jirin, gaar ahaan xarunta Garbahaarrey.

Ugaas Cumar oo dareensan qorshahaas isballaarinta ee ururka ayaa lagu martiqaaday inuu ka hadlo shir Garbahaarrey lagu qabtay. Wuxuu halkaas ku canbaareeyey dedaalkii cusbaa ee ay Itixaadku ugu jireen dhulfidsiga, wuxuuna ku tilmaamay ‘urur xukun-maroorsi u jeeda’. Wuxuu yiri, “Itixaadku waa inay culimmada gobolka ka mid noqdaan, joojiyaanna diinta ay qoriga ku hor-wadaan.” Isagoo aad mooddo xubno ururka ka tirsan oo goobtaas fadhiyey inuu farriin u tebinaayo ayuu hadalkiisii ku soo gebaggabeeyey, “dadka waxaa u talinaaya ciddii ay rabaan ee xoog laguma haysan karo…” Maalintii taas xigtey (8/8/91) ayuu Ugaasku soo saaray warqad 3 bog ka kooban oo Itixaadka u socota, wax badanna aan ka duluc fogeyn tii odayaasha Beledxaawo ay markaas ka hor u direen. Warqaddaas oo Guddiga iyo odayaasha Beledxaawaba taageero u ahayd, wuxuu Ugaasku ururka ku eedeeyay:

– inay iyagu mas’uul ka yihiin gobolka oo si buuxda u fulin waayey qodobbadii heshiiskii Addis Ababa, gaar ahaan qaybihiisii ku saabsanaa dhismaha guddiyada maamulka degmooyinka, kuwa gobollada iyo, marka ugu dambaysa, golaha sharci-dejinta ee qaranka;

– inay mas’uul ka yihiin heer-nololeedka sida weyn u hooseeys ee Beledxaawo, ka dib markii ay kaalmadii shisheeye iyo hay’adihii samafalka ka hor-joogsadeen.

Wuxuu ugu dambaystii, isagoo ka digaya dagaalkii Boosaaso oo kale inuu Gedo ka qarxo, dhambaalkaas gudihiisa ku guddoomiyay labada qodob oo kala ah:

  1. Ururka Al-itixaad inuu maamulka degmada Luuq ku wareejiyo guddi odayaal ah oo ka kooban duqowda beelaha degaanka, si ay u qabanqaabiyaan dhismaha Guddiga Degmada oo aan la’aantiis midka gobolku dhismi karin;
  2. Ururka Al-itixaad inuu joojiyo nuxur-tiridda Guddiga Degmada Beledxaawo ee ay Unosom II aqoonsan tahay, kuna wareejiyo talada degmada iyo maamulka saldhigga booliska. Waa in la joojiyo dhismaha guddiyada kale ee guddiga rasmiga ah ee degmada laga garab-dhisaayo…

Warqaddaas Ugaaska oo nuqul ka mid ah loo diray xafiiska Unosom II ee Baardheere, waxay abuurtay wax lagu sheegi karo ‘dhulgariir siyaasadeed’ oo lagu wada baraarugey. Waxay ahayd markii ugu horreysay ee uu Ugaasku si aan mugdi ku jirin u qeexo fikradda uu Itixaadka ka qabo, waxyaabaha uu ku diiddan yahay iyo sida uu rabo inay hadda ka dib u dhaqmaan. Qaar ka mid ah oo aan kulannay sidii aan ka dareemay, waxay madaxda ururku warqaddaas u qaateen ‘guuldarro siyaasadeed’ oo meel halis ah ka haleeshay iyo ‘gool’ dadka iyaga diiddani ay si qurux badan uga dhaliyeen! Waxay kordhisay colaaddii ay Itixaadku, awel horeba, u qabeen Ugaaska, SNFta iyo dadweynaha aan iyaga ka tirsanayn, isla markaasna waxay yaraysey, in badanna dib u dhigtay rajadii ay ka qabi kareen meelo cusub oo gobolka ka mid ah inay u qabsadaan sidii fududayd ee ay Luuq iyo Beledxaawo hadda ka hor u qabsadaan!

Wax ugu wacnaaba, Itixaadku, haba yaraatee, wax jawaab ah kama bixin warqaddii Ugaaska iyo tii ka horreysey ee Golaha Nabaddoonnada Beledxaawo ay isla iyaga u qoreen. Sababtaas, malaha, keligood baa garan kara!

GEBAGGEBO

Al-itixaad Al-islaami waa urur – sida magaciisa laga garan karo – ku doodaya inuu yahay mid u halgamaya sidii ay Soomaaliya uga dhalan lahayd dawlad shareecada Islaamka ummadda ku xukunta. Habka ay hadafkaas ku xaqiijinayaani ma aha qancis iyo inay madaxda kala duwan ee bulshada arrinta ka dhaadhiciyaan. Qorshahooda kuma jirto inay tab ka dhigtaan fikradda fikradda ay culimmada Islaamku, badanaa isku raacsan yihiin oo ah: inta aan dawlad Islaamka wax ku maamusha la dhisin in loo baahan yahay in bulsho muslin ah la dhiso.

Sida kuwa kale ee ka jira Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika, ururka Itixaadkuna wuxuu rumaysan yahay shan farood iyo calaacal in talada loogala wareego ‘cilmaaniyiinta’ soomaalida ah ee laga yaabo inay mustaqbalka dalka dawlad ka dhisaan. Taasi siday ugu hirgasho, waxay lama-huraan u arkaan inay yeeshaan hubka ugu faraha badan iyo ciidanka ugu daacadsan ee ay filayaan, goor ay noqotaba, inay ku jabin doonaan ciidanka ‘cilmaaniyiinta’.

Ururka oo dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba laamo iyo ungyo ku leh, waxaa, malaha, ugu dhiirran la’aantiisa aagga 5d ee Itoobiya iyo laantiisa Gedo joogta. Midda hore, waxay kal hore dagaal ku qaadday xukuumadda Itoobiya oo Tigreegu hoggaamiyo, taariikhda dalkaas markii ugu horreyseyna oggolaatay fikradda madaxbannaanida qawmiyadaha, shardise uga dhigtay in hababka dustuuriga ah loo maro. Laanta kale oo ah Itixaadka Gedo, waxay ciidankeeda hubaysani xoog ku haystaan laba degmo oo gobolkaas ka mid ah, degmooyinka kalena go’doon ka ah. Waxaa maanta xarun u ah magaalada Luuq oo dhowaantan Itixaadka aagga shanaad u noqotay gabbaad ay ku soo cararaan kolkii lagaga gacan-sarreeyey goobo ka mid ah kuwii ay askarta dawladda isaga horyimaadeen. Dad yar baa ka warqaba inay berigaas Itoobiya ku fekartay inay Luuq weerar ku qaaddo, iyada oo u qaadatay inay magaaladaasi noqon karto saldhig lagaga soo duulo!

Guud ahaan, qorshaha siyaasadeed ee Itixaadku wuxuu waqtigan ku salayasan yahay inay is-hortaagaan dedaal kasta oo lagu gaari karo in lagu dhiso xukuumad soomaaliyeed, taasoo, sida ay tuhunsan yihiin, noqon karta awoodda qura ee socodkooda hakin karta. Haddiibase ay dhacdo inay xukuumadi dhalato, waxay ku dedaalayaan inay dhalato iyaga oo xoog leh, una beerdhigi kara ciidanka laga yaabo inay xukuumaddaasi ku soo duuliso.
Qaybta Gedo ee ururka oo ah qaybta keliya ee dhul haysataa waxay ku degdegaysaa inay qabsato gobolka oo dhan, ka hor inta aanay imaan xukuumadda ay soomaalidu wada sugeyso. In kastoo aad weydiiso, haddana madaxda ururku kuu sheegi maayaan amaba kuuma sheegi karaan waxa, haddii ay xukuumadi dhalato, ay ka yeelayaan hubka ay haystaan. Ma dhiibi doonaan, mise waa haysan doonaan, haddii ay haystaanna sow ma noqon doonaan dawlad dawlad kale ka dhex-dhisan? Halka ay soomaalidu dhibaatadu uga soo socotaa waa halkaas!

Waxaa loo baahan yahay siyaasiyiinta soomaalidu inay haddeer ku dhaqaaqaan dedaal ay dalka kaga baajinayaan timaaddo xanuun badan oo u eg midda ay ku nool yihiin bulshooyinka Masar iyo Aljeeriya. Madaxda Itixaadka waa in loo sheega, si loogu oggolaado kaqaybgalka tartanka awoodda siyaasadeed ee mustaqbalka, inay hubka dhigaan, kuna wareejiyaan maamullada ka jira degmooyinka ay kala joogaan.
Haddii aanu ururkaasi sidaas yeelin, wuxuu ku qasbanaan doonaa inuu ka horyimaado oo dagaal aan dhammaad lahayni dhex-maro xukuumad, kolley, dhalan doonta oo mid dhexe ama mid gobol ah, rabtana inay awooddeeda dalka wada gaarsiiso, iyada keliyihina hub haysato. Dagaalka dheer oo muslimiinta soomaalidu u kala safato, Itixaadku diyaar ma u yahay? Waxaan rajeynayaa jawaabtu inay ‘mayo’ tahay.

Axmed F. Cali “Idaajaa”
Nov. 1994
ROMA, ITALIA

Sharax dheeraad ah

1. SNF (Somali National Front): Urur ama jabhad ka mid ah kuwa soomaaliyeed ee ay qabiilka Marreexaanku isugu tageen dhammaadkii ’91kii, burburkii dawladda soomaaliyeed ka dib. Waxay jabhaddaas iyo taageereyaasheedu ka taliyeen degmooyinka Cabudwaaq iyo Balanballe oo Gobolka Galguduud ka tirsan iyo afar degmo oo ka mid ah lixda uu Gobolka Gedo ka kooban yahay.

2. USC (United Somali Congress): Mid ka mid ah, uguna dambaysey jabhadihii hubaysnaa ee ay qabaa’ilka soomaalida qaarkood u samaysteen manjoxaabinta iyo rididda xukuumaddii M. S. Barre. In kastoo ay durbadiiba laba u kala jabtay, haddana waxay bilawgii ahayd jabhad ay qabiilka ‘hawiye’ isugu tageen. Sannadkii 1989kii ayaa Rooma lagu asaasay.

3. Fikriga Wahaabigu wuxuu kolkii ugu horreeyey dalka Soomaaliya soo galay afartameeyihii qarnigan, ha yeeshee si xoog leh ayaa looga horyimid, gaar ahaan Gaalkacyo iyo meelo kale oo gobollada dhexe ka mid ah. Wuxuu yeeshay sumcad xun, dadkii yaraana ee raacayna waxaa loo bixiyey “BIDCO”. Sidaas daraaddeed, madaxda Itixaadku, in kastoo ay fikrigaa dalka ku faafinayaan, haddana uma fududa inay qirtaan, waxayna jecel yihiin in loogu yeero ‘dhaqdhaqaaq salafi ah’ (xrkat salafiya)

4. Dacwada Wahaabiyada oo Gobolka Najd ka bilaabatay waxay sababtey isbahaysi ilaa maantaba jira oo ka dhexeeya warasadii Sheekh Maxamed Cabdulwahaab iyo qoyska Reer-Sacuud oo ku magacaaban dhulka ballaaran ee hadda loo yaqaan Boqortooyada Sacuudiga.

5. Akhri kitaabka ‘Ad-durar As-saniyah Fir-raddi Calal-wahaabiyah’ oo uu qoray Axmed bin Zeyni Daxlaan, bogagga 48-49, daabacaadda Shanaad, laguna faafiyay Qaahira, 1985kii. Magaca kitaabka oo ah carabigii uu ku soo baxay waa: “”

6. Bisha 3d ee sannadka Islaamka; Rabiic Al-Awal.

7. Arag aayadda 11d, suuradda 42d ee Qur’anka kariimka ah, laqbaheeduna ka doono kitaabka la yiraahdo: Tafsiir Al-jalaaleyn, bogga 312d, kana soo baxay Daar Ibn Kathiir, daabacaadda 6d, Beyruut, Lubnaan.

8. Tusaale ahaan, arag: Aayadda 88d, suuradda 28d, B) aayadda 64d ee suuradda 5d, C) aayadda 27d ee suuradda 55d, D) aayadda 10d, suuradda 48.

9. Arag bogga 45d ee kitaabka: Ad-durar… (eeg kor iyo tirsiga 5d).

10. Caqiidada Al-Ashcariyah oo ku magacaaban Sheekh Ashcari oo ahaa Reer-Baqdaad ahaa (dhintay AD 935) waa midda ay muslimiinta dunidu u badan tahay, lana rumaysan yahay inay tahay caqiidada ugu saxsan kolka laga hadlaayo sifooyinka Eebbe ee abad-jirenka ah, sugidda aragtidiisa maalinta Qiyaamaha iyo awoodda aan xadka lahayn ee uu ku maamulo abuurtiisa iyo weliba falalkooda. Culimmada wwaweyn ee Ashcariyada waxaa ka mid ah: Al-Baaqillaani (dhintay AD 1013), Al-Baqdaadi (dhintay AD 1037) iyo Al-Juweyni (dhintay AD 1085).

11. Tusaale ahaan, sida ay soomaalidu u badan tahay, haddii aad baratay oo aad mad-habta Shhaficiyada ku dhaqato, waxaa loo baahan yahay inaad weyseysato mar alla markii aad taabato qof dumar ah oo aan teed kaa xigin, qaangaar ah (15 sano jirtey), shisheeyana kaa ah. Afarta mad-habood midna haddii aadan barannin waxaa kuu bannaan, markii aad isla qofkaas dumarka ah taabato, inaad hadii aad doontana iska tukato, haddii kalena aad weyseysato, adiga oo ka faa’idaysanaya sidii ay culimmadaasu isugu khilaaftay laqbaha aayadda 6d ee suuradda shanaad ee Qur’aanka kariimka ah.

12. Tusaale ahaan, Ingiriiska iyo Talyaanigu kolkii ay Sayid Maxamed Cabdille Xasan u maleegeen afgenbigii dhicisoobey ee taariikhda ku galay magaca ah ‘Canjeel-talo-waa’, raggii ay ku adeegteen waxaa ka mid ahaa Darwiishkii laoran jirey Cabdalla Shixiri oo intii muddo ah Daraawiishta arrimaha dibedda u qaabbilsanaa. Cabdalla Shixiri, isagoo fulinaaya qorshaha labadaas dawladood, dhinaca diinta Sayidka ka dacaayadaynaya ayaa waxaa la geeyey Maka, si uu hoggaamiyaha Daraawiishta uga ashtakeeyo bersadda Sheekh Maxamed Saalax oo sheekhiisii ahaa. Hawlgalkaasi wuxuu dhalay warqad ceebayn iyo ‘dayro’ ah oo Sayidka u jeedda, hase ahaatee taariikhyahannada Daraawiishtu ay qabaan inay ‘bug’ ahayd oo aanay xafiiska Sheekha ee Maka ka soo bixin. Si kastaba ha ahaatee, gabayada Sayidka mid ka mid ah (Arag diiwaanka gabayadii Sayid Maxamed, bogga 299) wuxuu ku xusayaa Cabdalla Shixiri iyo warqad uu, malaha, isagu Maka geeyay, wuxuuna ku tilmaamayaa tilmaamo saddex ah oo ay ka mid tahay inuu ‘WAHAABI’ yahay. Wuxuu yiri:
“Ina-Shixirigii wagarsanaa weled-najaas weeye
Warqadduu magaalada u diray talo wahaab weeye!”

13. Culimmo ka tirsan Ahl As-sunnah wal-jamaaca oo aan gobolka ku arkay waxay qabaan inay, diin ahaan, xaaraan tahay xoolaha sakada in lagu ‘biilo’ ciidan aan jahaad xaq ah ku jirin oo ‘ujeeddooyin adduunyo’ loo samaystay, sida midka uu Itixaadku Gedo ku leeyahay. Waxay taas u cuskanayaan Qur’aanka kariimka ah oo si cad u qeexay dadka nooca mudan in sakooyinka loo qaybiyo. Arag aayadda 60d ee suuradda 9d, laqbaheedana ka akhri: Tafsiir Al-Jalaaleyn, bogga 196, Daar Ibn Kathiir, daabacaadda 6d, Beyruut.

14. Sheekh Cabdulcaziiz Bin Baaz oo ah Muftiga Sacuudigu wuxuu muddo dheer mas’uul ka ahaa arrimaha diinta ee dalkaas, waxaana la rumaysan yahay xafiiskiisa oo miisaaniyad xoog leh maamulaa inuu si aan toos ahayn u taakuleeyo laamaha Itixaadka ee Geeska Afrika. Laanta Gedo ee ururku waxa ay aad u qaybisaa oo qofkii ku biiraba ay siisaa kitaab yar oo uu Sheekhaasi qoray, looguna talo-galay inay dadku isaga keliya ka bartaan sida ‘habboon’ ee loo tukado. Waxaa lagu magacaabaa: Sifatu Saaltin-nebi.

15. Sidaan meel hore ku soo sheegnay (Arag kor iyo tirsiga 4d), isbahaysigii Sheekh Maxamed Cabdulwahaab iyo maxamed Bin Sacuud ee qarnigii 18d, wuxuu dhalay Boqortooyada Sacuudiga. Heshiiskaas isbahaysiga oo ilaa maanta dhaqangal ah waxaa qodobbadiisa aan weligood la jebin ka mid ah inay Reer-sacuud yeeshaan Boqortooyada maamulkeeda dawlad ahaaneed, qoyska Aal-Ashaykhna looga dambeeyo arrimaha diinta.

16. Qodobbadaas qaar ka mid ahi waxay ku xusan yihiin Fiq-higa Al-Imaam Axmed, sidaas darteed, maamuusid mooyee, ku dhiirran mayno duriddooda. Waxaan u soo qaadannay oo keliya inaan muujinno sida ay wareer ugu ridi karaan dadka soomaalida ah ee boqollaalka sano Fiq-higa Shaaficiyada ku soo dhaqmaayey. Bal malee dareenka nin soomaali ah oo lagu yiri, “hilibka geelu weysada waa jebiyaaye, mar alla markaad cunto ka weyseyso!”

17. Labada Sheekh ee aan Nayroobi iyo Beledxaawo kula sheekeystay , in kastoo ay gobolka u dhasheen, haddana waxay iga codsadeen in aanan magacooda sheegin, haddii ay dhacdo inaan warkooda isticmaalo. Sheekha aan Beledxaawo kula kulmay wuxuu ii sheegay inuu dhowaantan joojiyey inuu ku tukado masaajiddada ay Itixaadku maamulaan ee ku kala yaal labada magaalo ee ay gobolka ka haystaan.

18. Almustaqbal International; cadadkii 4d iyo 5d, july-December, 1994; Toronto – Ontario, Canada.

19. Marka ay Wahaabiyadu ceebaynayaa Tasawufka waxay u badan yihiin inay soo daliishadaan aayadda 3d ee ku jirta suuradda 39d ee Qur’aanka kariimka ah, taasoo uu Eebbe uga warramaayo sababta ay gaaladii Maka ‘asnaamta’ u caabudi jireen oo ahayd inay Eebbe ugu dhowaadaan, iyaguna ay taas ku kaalmayn karaan.

20. Arag bogga 20d ee Kitaabka: Ad-durar As-saniyah (eeg kor iyo tirsiga 5d).

21. Waxay dadka gobolka qaarkood ii sheegeen in cunnada sadaqada ah ee 1992 iyo ’93kii uu Itixaadku marmar keeni jiray degmada Beledxaawo iyo Luuq ay siin jireen oo keliya qoysaska ururka ka tirsan. Baahi doontaa ha haysee, dadweynaha aan ururka ahayni kaalmadaas weligood lama siin.

22. Akhri aayadda 11d ee suuradda 4d ee Qur’aanka kariimka ah.

23. Arrimaha diinta ee Soomaaliya waxaa inta badan danayn jirey wargeyska Al-mujtamac ee dalka Kuweyt ka soo bixi jirey iyo cajalado uu soo saari jirey Sheekh Reer-Masar ah oo lagu magacaabo: Kishk.

24. Sheekh Maxamuud Macallin Nuur oo ninka 2d ka ah madaxnimada Itixaadka Gedo.

25. Ereyga ay Itixaadku madaxdooda ku tilmaamaani ma aha mid afsoomaali ah, anigaana erayga ‘guddomiye’ halkaan u doortay, si ay akhristeyaashu ujeeddada u gartaan. Waxay iyagu isticmaalaan erayga afcarbeedka ah: AMIIR. Sidaas darteed, Sheekh Maxamed Xaaji Yuusuf waa Amiirka Itixaadka Gedo, Sheekh Maxamuud waa Amiir-ku-xigeenka, ardayga fasallada dugsiyada midkood kabiirka ka ahi waa ‘amiirka fasalka’, haddii ay gabar tahayna waa ‘amiiradda fasalka’.

26. Sheekh Maxamed Macallin Xasan waa nin diinta Islaamka aad u yaqaan oo Soomaaliya iyo Masarba wax ku bartay. In badan ayaa lagu xiray amarka xukuumaddii M. S. Barre, isagoo mar walba loo haysan jirey inuu xukuumadda manjoxaabinaayo, una adeegsanaya diinta.

27. Waraysigaasi wuxuu ka baxay BBCda, laanta afsoomaaliga, 16/10/94

28. SSDF (Somali Salvation Democratic Front): Waa jabhaddii ugu horreysay jabhadihi ay qabaa’ilka soomaalidu u abuuraan, si ay u ridaan xukuumaddii M. S. Barre. Waxaa 1978kii asaasay G/Sare Cabdullaahi Yuusuf oo ka tirsanaa Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxayna markii, tol ahaan loo eego, ay ku magacaaban tahay qabiilka Majeerteen ee Daaroodka ah.

29. Tiradaas waxaan afkiisu ka hayaa Cabdullaahi Yuusuf oo aan Rooma ku arkay bilawgii sannadkan ’94ka. Ha yeeshee, dadka kale oo aan la kulmay, gobolladaasna u dhashay tirada intaas way ka yaraynayaan, lamana aha inay 100 nin ka badnayd.

30. Raggii dagaalkaas Luuq ku dhiirraday ee SNFta la galay waxaa hormuud u ahaa wadaad la oran jirey Sheekh Yuusuf oo ahaa ninkii Itixaadka, ciidan ahaan, Gobolka Gedo ka asaasay. Isla dagaalkaas ayuu ku geeriyooday, isaga iyo rag kale oo ka mid ahaa kooxdii uu kaxaystay.

31. Waxaa arrintaas ku adkaystay wadaad la yiraahdo Sheekh Xasan Daahir oo Hawiye ah (Habargidir!).

32. Waraysi aan Beledxaawo kula yeeshay Axmed Cibaad Bulxan, 22/6/’94ka.

33. G/Sare Yuusuf Dhuumaal oo waraysi Beledxaawo kul yeeshay 22kii Juun ee sannadkaan, wuxuu, ilaa beri dhowayd, ka mid ahaa madaxda sare ee Itixaadka. Wuxuu ii sheegay inuu ka baxay ka dib markuu ogaaday ‘inaan meesha diin lagu hayni uu ururku xukun-doon yahay’.

34. Yuusuf Dhuumaal (Arag kor iyo 33d).

35. Dib u xusuuso waraysi ay BBCda, laanta afsoomaaligu la yeelatay Sheekh Itixaadka ka tirsan bishii Mey ee sannadkaan. Markii la weydiiyey meelaha uu ururku Soomaaliya ka haysto, wuxuu sheegtay ‘Luuq’. Waxaad kaloo akhrisaa maqaalka ku magacaaban, “Luuq Waa Tusaale ku-dayasho Mudan” oo ku soo baxay Almustaqbal (Arag kor iyo tirsiga 18d).

36. Warqadda Sheekh Aadan Sheekh Cabdullaahi waxaa inay jirtay ii sheegay Maxamuud Khaliif Shire oo ah Guddoomiye-ku-xigeenka SNFta iyo Sheekh Maxamuud Macallin Nuur, ku-xigeenka Itixaadka Gedo. Wuxuu kaloo Sheekh Maxamuud iigu sheegay waraysi aan la yeeshay (17/6/94) inay Itixaadku diyaar u yihiin inay Marreexaan kala xaajoodaan wax walba oo aan ‘dhiibista hubku’ ku jirin, taasoo aannaan oggolayn in aan cidna kala hadalno!

37. Guddoomiye-ku-xigeenka SNFtu, wuxuu bilawgii Agoosto ee sannadkan Beledxaawo iigu sheegay inay burbureen wadahadalladii ugu dambeeyey ee uu madaxda Itixaadka kala yeeshay arrinta Degmada Luuq. Wuxuu ii sheegay inay si cad ugu gacan-sayreen dhismaha guddiga 21ka ah ee degmada, iyagoo aan bixin, haba yaraatee, sabab lagu qanci karo.

38. Akhri wargeyska Almustaqbal bogagga 26-27; (Arag kor iyo tirsiga 18d).