Waa Maxay Falentayn?

Maxammed A. Cabdi

Febraayo 13, 2010


 

Waa maxay Maalinta Jacaylka ee 14ka Febraayo? Taariikhda iyo Sharciyadda Islaamiga.

Horudhac

Waxaa nagu soo socota maalinta 14ka Febraayo oo loo yaqaanno Maalinta Valentine oo ay dadku u yaqaanaan “Maalinta Jacaylka Aduunka” ama Valentine’s Day . Dalalka reer galbeedka maalintaas waxaa lees dhaafsadaa fariimaha jacaylka xambaarsan dadka is jecelna way isla xiriiraan ayagoo muujinaya in lajoogo maalin ku wayn Jacaylka ayna qasab tahay qof walba oo wax jecel in maalintaas laga dareemo. Waxay u arkaan inay tahay maalintii uu dhashay jacaylka! ama uu xornimadiisii helay sidaa darteedna ay waajib tahay in la xuso oo xushmadeeda lasiiyo.

Maqaalkan waxaan ku sharixi doonaa waxa uu yahay Valentine’s iyo halka uu ka soo bilowday iyo diintu waxa ay ka qabto.

Taariikhda Maalinta Falentayn

Maalintaas waxay bilaabatay xilligii boqortooyada Romans-kii hore, 14ka Ferbruary waxay u ahayd maalin ay weyneeyaan Juno oo ahayd boqoradda ilaahyada Romanka. Waxay kaloo u aqoonsanaayeen Juno ilaaha haweenka iyo guurka 1. Maalinta ku xigta oo ah 15ka Febraayo waxaa bilowda xuska Lubarkaaliya oo isna ahaa wax ay caabudi jireen.

Romanku waxay aaminsanaayeen in Lupercalia uu yahay Ilaah mararka qaarna waxay ugu yeeri jireen Ilaah Faunus.2

Nolosha wiilasha iyo gabdhaha waa ay kala fogayd xilligaas. Dabaaldagidda Lupercalia intuusan bilaaban saacado kahor ayaa magacyada gabdhaha Roman-ka waxaa lagu qori jiray warqado sanduuq ayaana lagu ridi jiray si loo xusho waqtiyaa nasiib ahaan. Wiilasha dhalinyarada ah dooran jireen gabadha ay nasiibka u helaan waxayna haysan jireen inta uu socdo dabaaldagaas. Waxaa laga yaabaa in ay ilmo ka dhex dhashaan wiilashi iyo gabdhihii habeenadaas isla tumanayay ayadoo laga yaabo inay kadib is jeclaadaan ama is guursadaan, sanad walbana mid cusub ayaa la qaadan jiray.

Boqortooyadaas oo la oran jiray boqorkeeda Emperor Claudius II ee Roma wuxuu gali jiray dagaallo dhiig badan uu ku daato. Boqor-ka Klawdiyas wuxuu ku dhibanaa in uu helo askar si uu u xoojiyo ciidankiisa iyo dagaallada uu galayo. Wuxuu rumaysnaa in aysan nimanka Romans-ka aynan rabin in ay ka tagaan jeceelkooda iyo qoysaskooda. Boqorkii Claudius wuxuu ka joojiyay Boqortooyadii Rome guurkii oo dhan wuxuuna mamnuucay in la is guursado si ninku uunan u yeelan qof uu ku xirnaado badalkeedana sida dabaal daggii Lupercalia ay iskula raaxaystaan ragga iyo dumarka guurkuna uu meesha kaboxo.

Valentine xilligaas wuxuu qaatay diinta Kirishtanka xilli Rome ay ka talinaysay dowladdii Claudius II,waxayna caabudi jireen ilaahyo ay sameesteen iyo asnaam. Valentine waxaa lasheegaa in ay dowladu xirtay xiligaas kadib markuu qaatay diinta Kirishtanka.3

Falentayn iyo Santi Mariyus waxay taageereen dhibanayaashii Kirishtanka ahaa oo loo diiday guurka, dhowr qofna si qarsoodi ah ayay isugu dareen. Arintaas daraadeed ayaa Saint iyo Valentine loo xiray waana la garaacayay ilaa uu ka dhinto Valentine, waxayna u yaqaanaan Kirishtanku “Shahiidki Jacaylka.”

14th February ayaa waxaa dhintay Valentine. Waqti kadib taariiqdaas Rome waxay ka noqotay mid khaas ah oo laxuso sanadwalba bisha February (Lupercalis), waana la faafiyay ayadoo lagu waynaynayo Wadaadkoodi Valentine oo sheegaan inuu u Shahiiday jacaleyka dartiis iyo Ilaahoodi Lupercalis oo isna laxusi jiray maalinta xigta, habeenka ka horeeyana oo 14 ay tahay bisha February waxaa la qeybin jiray gabdhaha si ay ugu dabaal dagaan.

Sababta ay u xusayaan waxaad ka fahmi kartaa taariiqda aan kor kusoo sheegnay iyo dhacdooyinku sidii ay u dheceen. Waxaana sababahaas kamid ah:

  • Ilaahoodi Lupercalis oo maalintiisa dabaaldaga ahayd galabta 14ka February iyo maalinta xigta, gabdhaha iyo wiilashuna ay xor isku ahaayeen ninkuna uu wadan jiray gabadha usoo baxda si uu ula raaxeesto Ilaahoodaas daraadiis.
  • Sababta labaadna waa ninkii Valentine oo maalinkaas 14aad ka shahiiday kaasoo ahaa Shiiqoodi isla markaana ka xoreeyay mamnuucidii guurka laga mamnuucay Rome xilligaas.

Baadariga Pope Galasius ee Madahabta Kirishtanka ee Protestan (Protestant Christian Church) ee Rome ayaa sanadki 496m markii ugu horeysay taariikhda si toos ah u dooratay ama aqoonsaday Valentine’s Day (Maalinta Jacaylka) in la dabaaldago sanad walba 14th Febraayo.

Ciidda Falentayn Yaa Xaq U Leh?

Wax waliba waxay leeyihiin asal iyo meel ay ka yimideen, dunida maanta wadan walba maalin ayuu u dabaal dagaa sida Soomaaliya ay ugu dabaal dagto 26ka Juun ama 1da Luulyo oo ah maalmihii xornimada, sidaas oo kale Mareykanka waxay u dabaal dagaan 4ta Luulyo (4th July) oo ah maalinta xornimadooda. Ma is waydiisay maxaa 4ta Luulyo looga dabaal dagi la’yahay Soomaaliya ama ay Mareykankuba u dabaal dagi la’yihiin 1da Luulyo? Sababtu waa qola walba waxay leedahay maalin u gaar ah oo ay xushmeeyaan sida uu Islaam-kuba u leeyahay maalmo u gaar ah Kirishtan-kuna u leeyahay maalmo gooni u ah.

Maxay Diintu Ka Qabtaa Xuska Maalinta Falentayn?

Waxaa layaab ah in manta dad Muslimiin ah ay xusayaan maalintii Gaalada u waynayd asal ahaanna ka timid Baadari Kiristaan ah geeridiisa iyo wax ay caabudi jireen Roomankii hore! “Waxaad galaysaan meel walba oo ay galaan xataa god” sidaa waxaa ahaa xadiiski Nabi Muxammad SCW. Waa sax oo waxaan galaynaa meel walba oo ay galaan waxaana samaynaynaa wax walba oo ay gaaladu sameeyaan, xataa waxaan la galnay maalmihii iyo xusaskii ay ku waynaynayeen dad ama wax ay caabudi jireen.

Bal iswaydii annagu waxaa marwalba waynaynaa Nabi Muxammad SCW oon xusnaa ee gaaladu mana raaceen oo manala wayneeyaan Nabigeenna Muxammad SCW? Waa maya!!. Haddii ay maya tahay annaga maxaa nahelay haddii aan Islaam nahay, oo maxaan gaalada iyo Mushrikiinta ula dabaal dagaynaa?

Waxaa lawaydiiyay culimada iyo shuyuukhda Islaamka su’aasha ah: waa maxay xukunka dabaaldaga Maalinta Jacaylka (Valentine Day) iyo in la’iibiyo waxyaalaha ciidaas loo isticmaalo? Waxay ku jawaabeen sidan:

Kitaabka, Sunnada iyo Culimadi Salafka intaba waxay daliilinayaan ama cadeynayaan in Islaamku uu leeyahay laba ciid oo ah Fitri iyo Adxa, wixii kasoo hara ciidahaas waa bidco aynan u banaanayn Muslimiita inay ka qayb qaataan, muujiyaan ama ay ku farxaanba “qofkii tallaaba xadka Ilaahay naftiisa ayuu dulmiyay”. Waxaa intaas dheer tan inay tahay ciid ay gaalo sameysatay taasna waa danbi loo geeyay danbi kale. Waxaa ku jira gaalo isku ekeysiin iyo wali kadhigasho Ilaahna taas wuu ka reebay Mu’miniinta, Nabi Muxammad SCW isna wuu cadeeyay wuxuuna yiri “Qofki isku ekeysiiyaa ummad iyaga ayuu ka mid yahay” ciida jacaylkana waa nooca lasheegay; waana ciid sanam caabud iyo Kirishtan, qof Muslim ahna uma bannaana inuu ka qaybqaato.

Waxaa kaloo qofka Muslimka ah ka xaaraam ah inuu caawimaad ka geesto ciiddaas ama ciidaha kale ee gaaladaba nooc walbaba sida ka cunida, cabida, gadashada, iska gadidda, u sameynta, hadiyaynta, la xiriirka ama ogaysiinta dadka kale wax khuseeya ciidaas ama ciidaha kale ee gaalada. Ilaah wuxuu Quraanka ku yiri

[arabic-font]( وَتَعَاوَنُوا عَلَى الْبِرِّ وَالتَّقْوَىٰ ۖ وَلَا تَعَاوَنُوا عَلَى الْإِثْمِ وَالْعُدْوَانِ ۚ وَاتَّقُوا اللَّهَ ۖ إِنَّ اللَّهَ شَدِيدُ الْعِقَابِ)[/arabic-font]

Ma banaana dabaaldaga ciidan bidcada ah sharcigana wax asal ah kuma lahan sharciga waxayna soo galaysaa xadiiski Nabiga SCW ee ahaa:

[arabic-font] (من أحدث في أمرّنا هذا ما ليس منه فهو رد)[/arabic-font]

“Qofkii ku dara arinkeenan wax aanan ku jirin waa celis” micnaha qofkaas. (Waxaa soo saaray Bukhari iyo Muslim)

Allaah SW wuu uga digay Mu’miniinta dhaqanka gaalada oo idil sida uu Qur’aanka kariimka kuleeyahay

57:16

Maalinta Falentayn Waa Ciid Kirishtan Sanam-Caabud Mushrikiin

Waxaa lawaydiiyay baadari Kirishtan ah su’aal ahayd: ciidda Valentine’s Day ma sanam caabud baa? maalinkaasna mayahay ciid Kirishtan sax ah? Wuxuuna ku jawaabay: haa, waa ciid ama dabaaldag sanam caabud ah, sida dhabta ahna maalinkaas waxaa loo dabaal dagaa ciidda Ilaaha Jacaylka ee Romanka.7

Dhanka kale Pagan Calendar-ka (Jadwal-taariikhiga Sanam-caabud-ka) bogiisa uu ku soo bandhigo taariikhda sanad walba ee ciidaha iyo xusaska muhiimka u ah waxaa ugu jirta wax loo yaqaan Feast of Vali, St. Valentine’s Day (ama waliimada Vali, Maalinta Jacaylka) oo ku beegan 14ka February. Taasi waxay ku tusaysaa inay tahay maalin u tirsan sanam-caabudka oo ay xusaan una xoola qalaan Vali.8

Gunaanad

Waxaas oo idil waxay ku tusayaan in qof Muslim ah uusan shaqo ku yeelan karin ciida Maalinta Jacaylka Aduunka, sidaas darteed waxaa waajib nagu ah inaan iska ilaalino kaqeyb qaadashada ciidahan oo kale oo dadkeena ay fududeestaan laakiin ay yihiin wax aanan sahlanayn kana soo horjeeda dhaqanka iyo sunnada Nabigeenna SCW dhamaan culimada Islaamkana waxay isku raaceen inay tahay xaaraam.

Waxaa kale oo nasaaran inaan qof walba oo Muslim ah oo aanan aqoon u laheyn arimahan oo kale sidaasna ku dhex galay danbigaas aan u sheegno ugana digno qatarta ku sugan in loo dabaaldago sanam ay gaaladu caabudaan. Diinteenu waxay nafaraysaa inaan wanaaga is farno xumahana aan iska reebno waana waxa aan uga duwannahay ummadaha kale loona baahanyahay in ladabaqo.

Tixraac

1 Cass R. Sandak (1990), Valentine’s Day. Pg.6

2 Smith, Dictionary of Greek and Roman Antiquities, s.v. “Lupercus”

3 British Broadcast Corporation website, Christianity Religion. Saint Valentine

4 Qur’aan Al-Kariim, Suuratul Maa’idah, 2

5 Fatwooyinka Guddiga Joogtada, fatwa 21203

6 Qur’aan Al-Kariim, Suuratul Xadiid, 16

7 Les Turvey, Bilblestudy.org, Is Valentine’s Day Christian?

8 Pagancalendar.co.uk, February 2010

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *