Monthly Archives: November 2014

Jaldiga Gadaale

Taariikhda Soomaaliyeed iyo Tartanka Qabiilka waa buug iftiiminaya sooyaalka qoddada dheer ee ay ummadda Soomaaliyeed ku leedahay Geeska Afrika. Wuxuu tilmaamayaa isbedelladii soo maray iyo xiriirradii ay la lahaan jireen qawmiyadaha ku dhaqan gobolka Geeska Afrika. Wuxuu kaloo si tifaftiran uga hadlayaa maamulladii ka jiri jirey dhulka Soomaaliyeed intaan gumeystayaashu qabsan iyo sidii ay isaga caabbiyeen dagaalladii lagusoo qaadi jirey.

Buuggan waxaa lagusoo ururiyey akhbaaraad badan oo ku saabsan sidii gumeystayaashu u qabsadeen dalka iyo halgankii gobannimadoonka Soomaaliyeed, kaas oo uu hormuud u ahaa Sayid Maxamed Cabdulle Xasan. Waxaa kaloo uu ka hadlayaa dhul-ballaarsigii Itoobiya iyo sababihii Ingiriisku u siiyey dhulka Soomaaliyeed.

Kitaabkan waxaa kaloo uu ku saabsan yahay dawladihii dalka soo maray iyo sidii ay qabyaaladdu u naafeysay habsami-u-socodka maamulka dawladda. Ugu dambeystii, waxaa si qotadheer buuggan loogu faahfaahiyey burburkii ku dhacay qarankii Soomaaliyeed iyo dhibaatooyinkii hortaagnaa in dib loo dhiso dawlad ay yeelato Soomaaliya.

Tixraacyo

  1. Aw Jaamac Cumar Ciise (1974) Diiwaankii Gabayadii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan. Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Muqdisho.
  2. Aw Jaamac Cumar Ciise (1995) Qaranjabkii Soomaaliya. Mombasa, Kenya.
  3. Besteman, C. (1999) Unraveling Somalia, Race, Violence and the legacy of slavery. Philadelphia, University of Pennsylvania Press.
  4. Brons, M.H. (2001) Society, Security, Sovereignty and the State in Somalia, from statelessness to Statelesness, Utrecht, International Books.
  5. Cerulli, Enrico (1957-59) Somalia: Scritti vari editi et inediti, 1-111, Rome: Instituto Poligrafco dello Stato.
  6. Cali, I.M. (2003) Soomaaliya: Dareen Maqan iyo Damac Shisheeye.
  7. Hersi, Ali Abdirahman (1977) “The Arab factor in Somali History: The Origins and the development of Arab enterprise and cultural influences in the Somali Peninsula”, (Ph.D dissertation, University of California, Los Angeles).
  8. Jama Mohamed (2002) Imperial Politics and Nationalism in the Decolonisation of Somaliland, 1954-1960. English Historical Review, 1177-1202. Oxford University Press.
  9. David; Samatar, S. Said (1987) Somalia: Nation in Search of a State, Boulder, Colorado. Westview.
  10. Lewis, I.M. (2002, 4th ed.) A Modern History of the Somali, Nation and State in the Horn of Africa, Woolnugh, Irthlingborough UK.
  11. Lewis, I.M. (1994) Blood and Bone: The call of Kinship in Somali Society. Lawrenceville, NJ, Red Sea.
  12. Lewis, I.M. (1961) A pastoral Democracy, London, Oxford University Press.
  13. Lewis, I.M. (1969/1994) The People of the Horn of Africa Somali, Afar and Saho, London, International African Institute.
  14. Lewis, I.M. (1990) “Somalia, Recent History” in Africa South of the Sahara. London, Europa Publications, pp 894-911.
  15. Lewis, I.M (I998) Saints and Somalis: Popular Islam in a Clan Based Society, Lawrenceville, NJ, Red Sea.
  16. Mohamed Ibrahim Mohamed (2000) Taariikhda Soomaaliya. Mogadishu.
  17. Oliver, R. (1994) Islam in Ethiopia and the Horn & The revival of Muslim Power. In The Cambridge History of Africa, Vol. 3 pp 134-150, 164-177. Cambridge University Press.
  18. Said Hamdun and Noel King, (1998) Ibna Battuta in Black Africa. Markus Wiener Publishers, Princeton.
  19. Sharif Caydaruus b. Cali (1954) Baqiyatil Aamaal Fi Taariikhi Soomaali.
  20. UNDP (2001) Human Development Report, Somalia. Nairobi, UNDP, Somali Country Office.

Qaybta Afraad

4.1 Gunaanad iyo Talooyin

Sida aan la wada socono, dalka Soomaaliya waa dal aad u baaxad weyn oo lagu qiyaasay inuu laban-laab iyo ka badan ka weyn yahay dalka Ingiriiska. Waxaan leenahay xeebta Qaaradda Afrika ugu dheer, taas oo ay ku jiraan khayraad aad u fara badan. Waxaa kaloo dalkeenu leeyahay xoolo kor u dhaafay 40 malyuun oo neef, kuwaas oo dalka soo galiya lacagta adag ee wax lagu soo iibsado. Waxaa intaa dheer in Soomaaliya ay leedahay dhul bacrin ah oo qodasha ku wanaagsan oo ku yaal hareeraha webiyada iyo dhulka la beerto xilliyada roobabku da’aan.

Mar haddii khayraadkaas oo dhami ay dalkeeria dhex jiifaan, maxaa sababay in dadkeenu gaajoodo oo aduunweynaha galley looga soo baryo? Jawaabta su’aashani waa sahlan tahay oo waxaa gaajada ku jirrabay dadka Soomaaliyeed waxaa weeye jahliga iyo qabyaalada. Dadkeenu jaahil bay ka yihiin, sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen kheyraadka dhulkooda ku jira. Waxaa intaa u dheer, iney qabyaaladu kala qoqobtay oo aan qabiilna qabiilka kale u gudbin ayadoo laga baqayo dagaalo ka dhex dhaca. Dowladihii dalka soo maray, waxay ku guuldareysteen iney u khidmeeyaan shacabkii ay matalayeen oo ay jahliga iyo qabyaalada kala dagaalamaan si wax-soosaarku kor ugu kaco.

Madaxdii dalka soo martay illaa iyo intii xorriyada la qaatay, waxay ku dadaali jireen iney ayagu marka hore fakhriga ka baxaan oo ay hantiileyaal noqdaan. Marka labaad si ay maamulka u sii haystaan, waxay ku dadaaleen iney kobciyaan qabyaalada, eexda iyo colaado ummadda dhexdeeda ka dhalata.

Tusaale, waxaan u soo qaadan karnaa dowladii Kacaanka oo ayadu meel fagaare ah ku aastay qabyaaladii, haddana ku caan baxday ku dhaqanka qabyaalada iyo eexda shacabka dhexdiisa. Waxaa caado noqotay, iney kala duwanaadaan waxa idaacadaha madaxdu ka sheegto iyo sida ay xaqiiqo ahaan u dhaqmaan. Haddaba qalbi iyo af aan wada jirin sow xaalku ma ahan. Si looga hortago ama loo hubiyo waxa uu ku dhaqmayo qofkii madaxnimo loo doorto, waa iney jiraan hay’ado xaqiijiya habsami u socodka maamulka dowlada, laguna qaadaa sharciga cidii ku xadgudubta qawaaniinta u dhigan dalka. Taasi waxay inoo horseedeysaa, maamul dowladnimo oo nadiif ah iyo madaxda oo ka baqda inuu qabto sharcigu.

Waxaa jirta in la isku dayey 14 jeer in Soomaaliya dowlad loo dhiso, mar walbana waxaa ku hardamayey iney madax ka noqdaan dalka madaxda kooxaha. Waxaa haddaba caddaan ah inaaney ku heshiineyn ninkii ay u dooran lahaayeen inuu madax ka noqdo dalka. Si kastaba ha ahaatee, shacabka kala raacsan madax kooxeedyadaas oo qabiil daraadiis u kala taageersan, illaa intee bey ka dhursugi karaan heshiis ka dhex dhaca madaxdooda? Anigoo jawaabta u deynaya akhristaha, waxaan leeyahay qabiil qaran ma noqdo, qabyaaladna qaran laguma dhiso.

Waxaa la yaab ah, in madax kooxeedyadu ay carruurtoodii iyo xaasaskoodiiba geysteen wadamo shisheeye si ay uga nabad galaan dagaalada iyo dhibaatooyinka dowlad la’aantu keentay, isla markaasna ay dagaal ka dhex oogayaan shacabka walaalaha ah si ay danahooda gaarka ah u gaaraan. Dadkaas inta dhaawacanta iyo inta dhimata midna madaxda kooxuhu ma kala jecla oo mar kasta waxay helayaan kuwa ugu dagaalama magaca qabiilka.

Sida aynu ku aragno golayaasha dib-u-heshiisiinta Soomaalida, qof kasta oo Soomaali ahi, wuxuu aaminsan yahay inaan ka tala bixinta siyaasada iyo hoggaanka ummadda aan ninna ka xigin. Taasi waxay keentay qof walba inuu sheegto inuu yahay siyaasi oo uu hoggaamin karo dalka, waana tan sababtay in xal loo waayo dhibaatooyinka ka jirey dalka mudadii 14ka sano ahayd ee aan soo dhaafnay.

Culumada dalka oo ixtiraam weyn loo hayn jirey, ayaa waxaa muuqata inaaney ka samata bixin cudurka qabyaalada. Qabyaaladu waxay saameysay culumada oo ayagu 14kii sano oo ugu dambeeyay la soo baxay wacdaro yaab leh. Ururrada diiniga ah ee waddanka ka jira, waxay u qaybsan yihiin qabaa’il kala duwan. Urur kasta madaxdiisu qabiilkii ay tahay, ayaa dadka raacsani noqday. Sababta ay sidaa u noqotayna waxaa weeye, ayadoo taageerayaasha ururkaasi ay helaan taakuleyn dhaqaale ama waxbarasho waddanka gudihiisa iyo dibadiisaba.

Ururrada diiniga ahi, waxay ku kala xiran yihiin ururo caalami ah kuwaas oo ay ka helaan taageero dhaqaale iyo waxbarasho. Taageeradaas lagu soo helay magaca shacabka Soomaaliyeed, waxaa ka faa’iideystey dadka ku abtirsada qabiilka madaxda ururkaas. Arrintaasi sow markhaati ka ma aha nasiib darrada haysata ummadda Soomaaliyeed oo qabyaaladu maasheysay. Haddaba kol haddii culumadii diintu ay sidaas u dhaqmayaan maxaa laga eedeynayaa madaxda kooxyada waddankii u kala qoqobay gobollo summad qabiil leh.

Laga soo bilaabo jllaa iyo markii Soomaaliya xorriyadeeda qaadatay, waxaa jirey lagdan xoog leh oo ka dhexeeyey dad yar oo aqoonyahaniin ahi oo u arkayey ineynu ka guurno qabiilka oo noqono qaran iyo mujtamaca dalka intiisa kale oo qabyaaladu caado u noqotay wax kalena aan aqoonin. Dadkaas tirada yaraa ee fahamsanaa dhibaatooyinka qabyaalada, waxaa harqiyey oo ka xoog batay caddadkii faraha badnaa ee doonayey in la sii hayo waddada qabyaalada, kuwaas oo ka mid ahaa madaxda waddanka. Taas miraheediina maanta oo aynu joogno ayaa Soomaaliyi guraneysaa. Maahmaah Soomaaliyeed ayaa oraneysa dab aan kuleylkiisa lagu guban dambaskiisa lagama leexdo. Waxaan filayaa iney dadkeenu faraha uga gubteen waxyeellada qabyaalada illaa iyo intii aynu xorriyada qaadanay, khaasatan 14kii sano ee ugu dambeeyey.

Waxaan kaloo filayaa in aynu ka helnay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay, waaya aragnimo inagu filan; haddaba si aan uga guurno qabyaalada oo aan ugu guurno qaran, waa in qof waliba bal ka fakaro ama miisaan saaro waxyeelada qabyaalada. Waxaan ayana filayaa in ay akhristaha buugan u cadahay marka la eego dowlad gobolleedyada qabiilka ku dhisan ee laga sameeyey waddanka, iney lagama maarmaam tahay in dadkeenu fahmaan in qaran iyo qabiil aaney is qaban karin.

Kadib markii uu burburay qarankii Soomaaliyeed, waxaa meeshiisii buuxiyey madaxda kooxaha oo ayagu aan fursad siineyn shacabka ay horjoogaan si looga baxo dhibaatooyinka jira. Waxay dadka ku caburinayaan hubka ay ka heleen cadowga ummadda Soomaaliyeed oo aan marnaba dooneyn iney soo noqoto qaranimadii iyo sharaftii ummadu lahayd. Waxay ku dadaalayaan, meel kastaba ha gaartee iney ku sii fara adeygaan hoorjooga qabaa’ilkooda. Shacabka Soomaaliyeed, waa iney gartaan waxa dantooda oo ah in la soo celiyo qaranimadii iyo haybadii ay lahaan jireen.

Aqoonyahanka Soomaaliyeed, oo asagu gabay kaalintiisii kadib markii uu ka qayb qaatay dagaaladii sokeeye iyo kala taageerida dagaal oogayaasha dalka ka jira, waa inuu ka qayb qaataa hoggaaminta dalka asagoo adeegsanayaa aqoon iyo waaya aragnimo. Aqoonyahanku waa inuu ka xoroobaa qabyaalada iyo eexda, tusaale fiicanna u noqdaa dadweynaha si loogu daydo. Waxaa haboon in aqoonyahanadu ku kala duwanaadaan oo kaliya afkaartooda siyaasadeed ee aaney ku kala faylin qabaa’ilkooda. Haddii ay taasi dhacdana, waxay keeni kartaa in wadanka laga helo xisbiyo isku khilaafsan afkaar siyaasadeed oo aan ku dhisneyn magac iyo fikrado qabiil.

Waxaa ayana xusid mudan in dadka Soomaaliyeed ay bartaan taariikhda qodada dheer ee ay ummadda Soomaaliyeed ku leedahay Geeska Afrika. Waxaan wax ka taabtay maamuladii ka jiri jirey dhulka Soomaaliyeed iyo qeybtii ay ka qaateen xadaarada dadyowga ku dhaqan Geeska Afrika. Maamulada aan ku tilmaamay kitaabkan, waxay beeninayaan dalalka iyo shakhsiyaadka ku andacooda in Soomaali aaney lahaan jirin maamul iyo midnimo ka dhexeysey xorriyada ka hor.

Qaybta Seddexaad

3.1     Dumintii Qaranka Soomaaliyeed

Kadib markii ay isbahaysiga uu Midowgii Sufyeeti hoggaaminayo ka adkaadeen ciidamadii Soomaaliyeed, waxaa abuurmay dagaal qaawan oo lagu ridayo dowladii Soomaaliya. Waxaa sabab laga dhiganayey iney tahay dowlad uu madax ka yahay kaligi talis madax adag oo khatar ku ah waddamada deriska la ah. Halgankaas oo wajiyo badnaa, waxaa ka mid ahaa dowladii Itoobiya oo Mingistu Haile Mariam uu madaxda ka ahaa, asagoo doonayey inuu ka takhalluso Soomaaliya gabigeedba si aaney dib-dambe dowlad is-haysata u noqon. Waxaa ayana jirey garab kale oo ahaa waddamo reer Yurub ah oo taageero hiil iyo hooba la garab taagnaa jabhadihii ka soo horjeedey dowladii ka jirtey dalka. Garabka seddexaadna, wuxuu ahaa jabhadihii SSDF, SNM, USC iyo SPM oo ayagu noqday aaladii loo isticmaalay burburintii qaranka Soomaaliyeed.

Dumintii qaranka Soomaaliyeed, waxaa ayana qayb ka qaatay dad dowlada ka mid ahaa ama wadanka gudihiisa joogay oo taageersanaa jabhadaha ka soo dagaalamaya Itoobiya. Dadkaas dagaalkoodu waa tira badnaa, waxay faafin jireen dicaayado ay dadweynaha iyo dowlada isaga horkeenayaan. Waxay kaloo sameyn jireen curyaaminta hawl maalmeedka dowlada, ayagoo ciriiri galin jirey waxyaabaha dadweynuhu u baahanyihiin sida shidaalka iyo cuntada.

3.1.1  Ururkii SSDF

Haddii aan soo qaadano jabhadii SSDF oo ayadu bilowday halganka lagaga soo horjeedo maamulkii Maxamed Siyaad Barre, waxaa la sameeyey markii uu fashilmay cinqilaabkii uu hoggaaminayey Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Waxaa dhacday iney dowladu cadaadis xoog leh saartay cid alla ciddii loo maleeyo iney caadifad u hayso jabhadaas. Waxaa la xirxiray dad badan oo aan waxba galabsan balse loo arkayey iney khatar ku yihiin dowlada kacaanka ah. SSDF xarunteedu waxay ahayd Itoobiya halkaas oo ay taageero ciidan iyo dhaqaalaba ka heli jireen. Waxay kula dagaalami jireen ciidamada dowlada xuduuda u dhaxeeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

SSDF iyo ciidamo Itoobiyan ah oo wada socda ayaa qabsaday magaalooyinka Galdogob iyo Balanballe oo labaduba ku yaal xadka ay Soomaaliya la leedahay Itoobiya. Waxaa dad badan oo ka mid ahaa ciidamada SSDF la yaab ku noqotay markii ay ciidamadii Xabashidu ka taageen calankooda magaalada Galdogob. Markii hore waxay moodayeen Xabashidu iney taageersan tahay qadiyadooda ah in la rido maamulka Maxamed Siyaad laguna bedelo mid ay ayagu horkacayaan. Waxaase u cadaatay iney Xabashidu dooneyso iney dalka qabsato oo ay ayadu maamusho.

Laga soo bilaabo sanadkii 1984tii ururkii SSDF, waxaa soo kala dhex galay ismaan dhaaf qabiil iyo khalkhal siyaasadeed, waana kii rag badani kaga baxeen dagaalkii ay kula jireen maamulkii Maxamed Siyaad. Waxay u qaybsameen in waddanka ku soo noqota oo la heshiisa dowlada, jagooyin muhiiin ahna loo dhiibey sida Wakaalada Xooga Korontada iyo in dibedaha qaxootinimo u aaday oo isaga baxday dagaalkii. Waxaa kaloo jirtey iney iska horyimaadeen Xabashida iyo hoggaankii SSDF, taas oo dhalisay inay dowlada Itoobiya xirto Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo Jabhada madax u ahaa.

3.1.2  Ururkii SNM

Ururkii SNM, waxaa lagu aasaasay London sanadkii 1982gii, waxaana sameeyay dad u dhashay beesha Isaaq oo markaa wax ka tirsanayey dowladii Maxamed Siyaad. Waxaa hadafkoodu ahaa sida ururada kale ee mucaaradka ahba, in la rido maamulka Maxamed Siyaad iyo in la dhiso dowlad dimuqaraadi ah oo aan qabiil ku saleysneyn. Caadiyan Soomaalida waxa ay warqadaha ku qortaan dastuur ahaan iyo dhaqankoodu waa kala labo. Waxay dhammaan jabhadihii wadanka soo maray ku dhisnaayeen taageero qabiil iyo caadifa qabaliya. Saldhigii jabhadii SNM, waxaa loo raray Itoobiya oo ahayd xarunta jabhadaha oo idil. SNM waxaa madax u ahaa Axmed Maxamed Siilaanyo oo dowladii Maxamed Siyaad ka ahaan jirey Wasiirka Ganacsiga.

Sanadkii 1983dii, waxaa ka bilowday magaalooyinka waaweyn ee gobollada waqooyi bannaanbaxyo lagaga soo horjeedo dowlada. Dowladuna waxay qaaday tallabooyin ay cadaadis ku saareyso dadka reer waqooyiga ah. Dad badan oo ay ka mid ahaayeen ganacsato iyo odayaal ayaa la xirxiray si looga hortago kacdoonka reer waqooyiga. Taasi waxay sii kordhisey caradii dadweynuhu u qabey dowlada.

Sanadkii 1988dii Maxamed Siyaad Barre iyo Mingistu Haile Mariam, waxay kala saxiixdeen in jabhadaha mucaaradka ahi ay hubka dhigaan, waddanka ay magangelyada ku joogaana ka baxaan. Ururkii SNM, heshiiskaas markii la saxiixay, waxay go’aan ku gaareen iney galaan gobollada waqooyi ama ha guuleystaan ama yaaney guuleysane. Dagaalkaas oo xooggiisu ahaa Hargeysa iyo Burco, waxaa ku dhintay dad aad u tira badan oo labada dhinacba ah. Waxaa kaloo jirtey in diyaarado lagu duqeeyey magaalada Hargeysa si loola dagaalamo ciidamadii SNM. Diyaaradahaas oo ay wadeen duuliyayaal u dhashay Koofurta Afrika, waxay u geysteen magaalada Hargeysa burbur aad u ba’an.

17kii bishii Maajo 1991dii, markii xukunkii Maxamed Siyaad la riday ayaa jabhadii SNM ku dhawaaqday iney ka go’een Dalka intiisa kale, kuna dhawaaqeen dowlad la yiraahdo Jamhuuriyadda Soomaaliland. Goosashadii Soomaaliland dadka reer waqooyigu aad ayey ugu riyaaqeen, maxaa yeelay waxay xasuusnaayeen dhibaatooyinkii ay u geysatey xukuumadii kacaanka. Waxaa kale oo sii fogeyey dadka reer waqooyiga dhacdooyinkii Muqdisho ka dhacay iyo Cali Mahdi oo ay kooxdii Manifeysto u caleemasaartay madaxweyne ayadoon cid kale ayna la tashan. Bishii Febraayo 1993dii, ururkii SNM, wuxuu qabanqaabiyey in shir la isugu yimaado magaalada Boorame. Shirkaas oo muddo 3 bilood ah socday, waxaa lagu dhisay dowlad uu madax ka noqday Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur). Waxaase ka dambeeyey dagaalo lagu hoobtay oo dhex maray dowlada iyo qabaa’il diidanaa. Taasina waxay dhalatay markii Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) maamulku laga wareejiyey oo loo dhiibey Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

Dagaaladii Cigaal ku qaaday qabaa’ilkii xukunkiisa diidanaa, waxay la misaal yihiin kuwii uu Maxamed Siyaad ku qaadi jirey cidii ka hortimaadaba. Markii dambe, dagaaladaas waxaa lagu dhammeeyey wadahadal. Dowladii uu madaxda ka ahaa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo tan Daahir Riyaale Kaahin, waxay xiriir hoose la yeesheen maamulka ka jira Addis Ababa, si xukunkoodu u sii jiro. Haddaba si ay kalsooni ama taageero uga helaan dowlada Itoobiya, labadaas maamulba waxay gacanta u galiyeen ciidamada Itoobiya dad Soomaaliyeed oo ka soo cararay dagaalada ka oogan Kilinka 5aad ee Itoobiya kuwaas oo nabad gelyo soo biday magaalooyinka waqooyiga sida Hargeysa. Dhacdooyinkaas waxaa aad uga xumaaday dadka Soomaaliyeed meel ay joogaanba.

3.1.3 Ururkii SPM

Ururkii SPM waxaa lagu aasaasay gobolka Jubbadda Hoose sanadkii 1989kii. SPM waxaa sameeyey rag ku abtirsada beesha Absame oo ka soo horjeestey xukunkii Maxamed Siyaad. Sida aan la socono beeshan waxaa dadku ku xaman jireen iney ka mid tahay seddexda beelood oo garbaha u ahaa xukunkii Maxamed Siyaad. Jabhadani waxay ka bilowday dagaalo ku dhufoo ka dhaqaaq ah xuduudaha Soomaaliya la leedahay dalalka Keenya iyo Itoobiya. Jabhadan waxaa madax ka ahaa Bashiir Cali Salaad (Bililiqo), wuxuuna saldhig ka dhigtay tuulada Dhoobley ee xadka Keenya ku dhow. Dowladu waxay dagaal gelisay ciidamadeedii fadhiyey Gobolka Bakool iyo Jubadda Hoose si loo ciribtiro kacdoonka SPM.

Sanadkii 1990kii, waxaa ku soo biiray ururkii SPM Axmed Cumar Jees oo ka soo goostay qaybta 26aad oo fadhigeedu ahaa Waqooyi Galbeed. Dowladii Mingistu, waxay saldhig ka siisay ciidamadii Axmed Cumar Jees gudaha Itoobiya meel ku aadan gobolka Bakool si uu halkaa uga dagaalamo. Bartamihii sanadkii 1991dii, waxaa heshiis saddex geesood ah galay Axmed Cumar Jees, Maxamed Faarax Caydiid iyo Cabdiraxmaan Tuur. Heshiiskaas waxay la galeen Mingistu Haile Mariam oo doonayey iney isbahaysi sameystaan si ay uga takhalusaan dowlada Maxamed Siyaad Barre. Garabkii SPM ee uu madaxda ka ahaa Bashiir Bililiqo aad bay uga xumaadeen heshiiskaas ayaga oo ku eedeynayey Axmed Cumar Jees inuu ka mid noqday jabhada USC. Axmed Cumar Jees asagoo isku halleynaya heshiiskii uu la gaaray Maxamed Faarax Caydiid, dagaal ayuu soo qaaday ciidamadiisiina waxay soo gaareen magaalada Afgooye.

Waxaase dhacday in Caydiid uga baxay heshiiskii ahaa iney xukunka ka ridaan dowlada Maxamed Siyaad kadibna ay dowlad wada dhisaan. Axmed Cumar Jees oo dhibaatooyin waaweyn u geystey dadkii Daaroodka ahaa oo ka soo qaxay Xamar markii ay marayeen Afgooye, waxaa dharbaaxo xun ku dhuftay ciidamadii saaxiibki Caydiid. Ciidankiisiina markaa waxay noqdeen wax la diley iyo wax naftooda la baxsaday.

Arrintaasi aad bay uga careysiisey Axmed Cumar Jees iyo taageerayaashiisii oo u arkayey iney markii horeba khalad ahayd inuu heshiis noocaas ah la galo Caydiid. Waxaase dad badan la yaab ku noqotay inuu Axmed Cumar Jees la socdo oo ka mid noqdo ururkii SNA kadib markii ciidamadiisa lagu laayey Afgooye. Waxaa la sheegaa inuu aaminsanaa in Caydiid noqon doono Madaxweynaha dalka jago muhim ahna siin doono.

3.1.4 Ururkii USC

Bishii Janaayo 1989kii, waxaa magaalada Rooma ee dalka Talyaaniga lagu aasaasay ururkan oo ay sameeyeen dad ka soo jeeda beelaha Hawiye iyo Xawaadle. Waxaa madax ka ahaa Cali Maxamed Cosoble (Cali Wardhiigley). Ujeedada loo sameeyay ururkan, waxay ahayd in beelaha Hawiye oo aaminsanaa in Daaroodku ay u geysteen xadgudubyo fara badan oo ay isla markaas marooqsadeen dowladnimadii ka dhexaysay ummadda Soomaaliyeed. Maxamed Siyaad waxa uu marwalba iska ilaalin jirey iney cinqilaabaan dadka u dhashay qabaa’ilka Daaroodka iyo Isaaqa ah. Marka laga reebo shakhsiyaad uu iska ilaalinayey sida Maxamed Faarax Caydiid, Maxamed Siyaad wuxuu soo dhaweyn jirey dadka u dhashay beelaha USC. Waxaa kaloo jirtey in mashaariicda laga fulin jirey deegaanda koofurta ee dalka.

Beelaha USC taas sadbursiinyo uma arag ee waxay bilaabeen halgan ka soo horjeeda maamulkii jirey. Waxay xarun ka dhigatay gudaha Itoobiya si ay dagaal ugu soo qaado dalka. Mingistu wuxuu u guuxay hadaladii USC oo tilmaamayey in dhibaatooyinka had iyo goor dhex yaalla Itoobiya iyo Soomaaliya ay wadaan madaxda Daarood oo ku andacooda iney Itoobiya dhul ka haysato.

Markaa kadib, waxaa abuurmay kacdoon ay Habargidir hoggaamineyso kaas oo abaabul xoog leh sameeyey si ay u helaan rag u dagaalama. Maxamed Faarax Caydiid oo markaa ka hor danjire ka ahaa India, wuxuu ciidan ku aruursaday Mustaxiil si uu dagaal u abaabulo. Cali Wardhiigley markuu dhintayna, Caydiid wuxuu isku magacaabay madaxa ururka USC. Maleeshiyadii USC oo u badaneyd Habargidir iyo Xawaadle, ayaa dhowr goor dagaal ku soo qaaday ciidamadii dowlada ee ku sugnaa Hiiraan iyo Galguduud.

Dagaaladaas kadib, USC waxay go’aansatay iney xoogga saarto in la kiciyo dadka reer miyiga ah oo hab qabiil lagu abaabulo iyo in Abgaalka oo markaas aan dagaalka ku jirin la kiciyo si ay u dagaalamaan. Markaas kadib, Muqdisho iyo nawaaxigeeda, waxaa ka bilowday burcadnimo iyo dhac loo geysanayo baabuurta iyo hantida dadweynaha, taas oo khal khal gelisey magaalada dadkii ku noolaa.

15kii bishii Maajo 1990kii, kadib markii dilkii iyo dhacii ku soo batay Muqdisho, waxaa is abaabulay 114 ruux oo warqad u diray Maxamed Siyaad si xaalka wax looga bedelo. Warqadaas oo la magac baxday Manifesto, waxaa qoray dad isugu jira siyaasiyiin, culumaa-u-diin, aqoon-yahanno iyo waxgarad kale oo dhammaantood dareensanaa dhibaatada soo socota. Waxaa la sheegay in Maxamed Siyaad uu ka argagaxay markii uu akhriyey warqadii ay soo qoreen dad kala duwan oo qabiil kastaa uu ku jiro.

Maxamed Siyaad inuu wax ka qabto waxyaabihii ku qornaa warqada iska daaye, wuxuu bilaabay inuu yiraahdo waa dadkii xukunka aan kala wareegney 1969kii oo hadda doonaya iney mar labaad qabsadaan. Waxaa la xiray 45 qof oo ka mid ahaa dadkii warqada qoray, waxaana lagu soo eedeeyey khiyaamo qaran iney sameeyeen. Dadkaas waa la sii daayey, markii cadaadis xoog lihi Maxamed Siyaad kaga yimid dibeda iyo gudahaba.

Bishii Oktober 1990kii, waxaa Muqdishu ka bilowday qalalaase iyo bannaan baxyo rabshado wata. Dadka intii awoodey carruurtoodii wadanka way ka saareen, waxayna bangiyada kala baxeen wixii lacag u taalley. Bishii Desember 1990kii, waxaa ay isku deyday dowladu iney wax ka qabato ammaan darida magaalada ka jirta, waxayna hawl gelisey kooxo ka tirsanaa ciidamadii booliska iyo masuuliyiintii nabadgelyada u xilsaarneyd.

Arrintaas waxba kama hirgalin, waayo masuuliyiintii loo xilsaaray ayaan daacad ka ahayn in nabadgelyadu soo noqoto. Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Duqii Magaalada Muqdisho iyo taliyahii ciidanka Asluubta dhammaantood waxay ahaayeen qabaa’ilka ku abtirsada USC oo garab siinayey maleshiyooyinka dagaalka wada. Intaa waxaa raacay in Taliyahii Ciidamada Boolisku asna taageersanaa kacdoonka USC.

Waxaa ayana jirey in madaxda kale ee Daaroodka ahi ay ayaga laftoodu aaney daacad ka ahayn rabshadaha socday. Waxay islahaayeen Maxamed Siyaad markii xukunka laga rido, waxaa bedeli doona dowlada ka wanaagsan. Mas’uuliyiinta beelaha Daarood kama filaneyn in USC ay sidaa u xasuuqi doonto shacabka caadiga ah ee Daarood.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, dhalinyaradii beelaha USC ee miyiga laga soo aruuriyey oo hubeysan hoggaankana ay u hayaan rag ciidamada ka mid ahaan jirey, ayaa isku aruursaday meesha la yiraahdo Ceel Cirfiid. Bishii Jannaayo bartamaheedii ayaa ciidan iyo shacabba dadkii Mareexaanka ahaa ay bilaabeen iney xaasaskooda iyo maal wixii ay heli kareenba kala baxaan Muqdisho. Dagaaladii markii ay aad u cuslaadeen ayaa dadkii kalena ka qaxay magaalada oo qof walba aaday meeshuu islahaa waad ku nabad galeysaa.

Dhalinyaradaas markii dambe loo bixiyey mooryaan, ayagoo qabiil qabiil u kala socda ayey bilaabeen dagaal aan habeysnayn oo wixii ay arkaamba ay xasuuqeen. Dhalinyaradaas waxaa lagu dagaal geliyey in Daarood boobay hantidoodii xukunkana uu xaqdarro ku haysto. Intaa waxaa ka sii daran in laga dhaadhiciyey in Daarood gumeysanayey 100kii sano ee la soo dhaafay. Waxaana laga wariyey ilo xogogaal ah in xattaa mashaayiikhda qaarkood yiraahdeen xoolaha Daarood waa idiin xalaal, maxaa yeelay markii horeba adinka ayaa la idinka dhacay. Markaa kadib waxaa badatay bililiqadii, kufsigii iyo dilkii dad aan waxba galabsan loo geysanayey.

Waxaas oo dhibaato ah Maxamed Siyaad nin ka diiraya ma ahayn oo waxaa laga dhaadhicin waayey in dowladiisii ay u dhammaatay, waxaase dhacday 26kii bishii Janaayo 1991dii, asagoon cidnaba u sheegin inuu ka baxay magaalada Xamar una kicitimay Kismaayo. Markii dambe wuxuu Kismaayo uga sii gudbey Gobolka Gedo oo uu saldhig ka dhigtay.

Dowladii Maxamed Siyaad markii ay dhacday, Muqdisho waxaa qabsaday qabaa’ilka ku abtirsada ururka USC. Hoggaankii USCna kuma fekerin in ay magaalada xasiliyaan oo ay dhisaan maamul ka shaqeeya danaha dadweynaha. Waxayse abaabuleen dagaal horleh oo Daaroodka looga sifeynayo dalka dhammaantiis. Waxaana taas daliil u ah, dagaalkii Caydiid hormoodka ka ahaa oo ay maleshiyooyinka USC ku qaadeen gobollo badan sida Jubbada Hoose, Gedo iyo Mudug.

Waxaa dad badan la yaab ku noqotay, bililiqada iyo burburinta loo geysanayo hantida qaranka iyo tan gaar ahaaneedba. Waxaa la bililiqaystay xafiisyadii dowlada, jaamacadihii, dugsiyadii iyo meel kasta oo hantiyi taalley. Waxaa lala baxay fiilooyinkii telefoonada, tuubooyinkii biyaha, kuwii korontada qaadayey iyo taallooyinkii ku yiil magaalada Muqdisho dhammaantood. Waxaa la fiiqsaday warshadihii dalka kuwa dowladeed iyo kuwa dadweynaba. Waxaas oo qalab ah waxaa loo dhoofiyey waddamada Soomaaliya deriska la ah iyo waddamada Carabta qaarkood sida Imaaraadka Carabta, Suudaan iyo Yemen.

21kii Febraayo 1991dii, waxaa la sheegay in Allaah ha u naxariistee Cali Geedi Shadoor idaacada ka yiri, ‘Haddaan nahay ururka USC dadka ku abtirsada, maamulka magaalada Muqdisho waxaan hayney 21 maalmood, Maxamed Siyaadna 21 sano. Run markaan u hadalno 21kii maalmood oo aanu hayney dhibaatadaan geysaney ayaa 10 jibbaar ka baaxad weyn dhibaataduu geystey Maxamed Siyaad. Haddii aan moodayo in arrintu sidan noqoneyso ururka USC ma galeen kamana mid noqdeen.’

28kii bishii Janaayo 1991dii, waxaa madaxweyne ku meel gaar ah loo doortay Cali Mahdi Maxamed. Asaguna Cumar Carte Qaalib ayuu u magacaabay inuu noqdo Wasiirka Kowaad. Arrintaas dad badan ayey ka fajicisey, maxaa yeelay waxaa la maleynayey in wada tashi Soomaaliyeed la isugu imaan doono si dowlad loo dhan yahay loo dhiso. Waxaa ayana yaab kale noqotay markii Cumar Carte idaacada kaga dhawaaqay in ciidamadii Xoogga Dalka ay isu dhiibaan ururada hubeysan ee gobollada kala jooga. Taasi waxay muujineysaa inuusan ahayn nin ku talo galay inuu qaran hoggaansho ee ay caadifad qabiil qaaday.

20kii bishii Febraayo 1991, ciidamadii USC iyo dad kale oo taabacsanaa, waxay weerar ku soo qaadeen Gobolka Gedo oo Maxamed Siyaad markaas ku sugnaa. Duulaankaas ciidamadii soo duulay waa laga adkaagay, waxaana la isla soo gaaray magaalada Baydhabo.

2dii bishii Maarso 1991dii, ciidamadii USC waxay weerar ku qaadeen magaalada Gaalkacyo oo ay qabsadeen. Waxayna halkaas ku dileen dad gaarayaa 500 oo qof oo odayaashii magaalada u badan. Dadkii degaanka dib ayey isu abaabuleen, waxayna Gaalkacyo dib u qabsadeen 28kii Maarso 1991dii. Waxaa la sheegay in ujeedada dagaalkani ahaa in ciidamada USC ay ka sifeeyaan wixii aan iyaga taabacsaneyn gobollada dalka oo dhan, waxayna ku talo galeen iney socdaan illaa ay qabsadaan magaalada Boosaaso.

Bishii Abriil 1991dii, Maxamed Siyaad Barre iyo ciidankii uu watay oo ka yimid Gobolka Gedo iyo Daaroodkii u qaxay dhineca Kismaayo oo isa soo abaabulay, ayaa waxay ku kulmeen meel u dhow Afgooye. Labaduba waxay soo qaadeen dagaal rogaal celin ah kadib markii ay cadaatay in Caydiid iyo maleshiyadiisu aaney meelna ku deyneyn.

Ciidamadaas weerarka ahi markii ay soo gaareen agagaarka Afgooye, waxaa dhashay khilaaf ay ku kala jabeen. Maxamed Siyaad iyo Mareexaanka la socdaa waxay u soo dagaal galeen iney xukunka dib u qabsadaan, ciidanka kale ee Kismaayo ka yimidna wuxuu dagaalka u soo qaaday inuu dhibaatada dadkooda Xamar loogu geystay ka jawaab celiyaan. Markii khilaafkaasi yimid, waxaa ka faa’iideystay Caydiid iyo Maleeshiyadiisii ciidankii Daaroodna si fudud ayaa dib loogu celiyey.

Dagaalkaas markii uu dhacay, waxaa sii laba jibaarmay xasuuqii lagu hayey dadka aan ku abtirsan USCda, ayadoo aan la kala soocayn dumar, rag, cirroole iyo caruur midnaba. Magaalada Muqdisho waxaa lagu laayey dad aad u fara badan oo aan waxba galabsan. Dhibaatadaas mid la mid ahi waxay soo gaartay dadkii gibil cadda ahaa oo deganaa Muqdisho, Marka, Baraawe iyo meelo kaleba. Ayadoo laga dhacay wax alla wixii maal ay haysteen, gabdhahoodiina la kufsaday.

Caydiid iyo Maleeshiyadiisu waxay gaareen illaa iyo xuduuda Keenya, ayagoo gumaaday qof kasta oo ay u gartaan inuusan ahayn beelaha taabacsan USC Waxay qabsadeen gobollada Gedo, Jubada Hoose iyo Bay. Maxamed Siyaad markii ay u cadaatay inuusan sii joogi karin Gedo, wuxuu u baxsaday dalka Keenya. Waxaana nabadgelyo siyaasadeed siiyey waddanka Nayjeeriya halkaas oo uu markii dambe ku geeriyooday.

Dagaaladaas ka dhacay Muqdisho iyo gobolada koofur ka xiga iyo dagaalkii USC ku qaaday Gaalkacyo, waxay cadeynayaan in qorshuhu ahaa in USC ay xoog ku qabsato dalka oo idil. Cali Mahdi iyo Cumar Carte oo madaxnimo sheeganayey midkoodna kuma dhaqaaqin tillaabo muujineysa iney ka xun yihiin dagaalada dalka ka oogan. Waxaa ayana la yaab noqotay in raggi waddanka madaxda ka ahaan jiray ay kala taageereen qabaa’ilka dirirtu ka dhexeysey oo laga waayey mid yiraahda dagaalada ha la joojiyo.

Marka waxaa la oran kara, waxaa run ah hadalkii ahaa “Fiqi Tolki Kuma Janno Tago”. Nin waliba qabiilkiisii ayuu la saftay oo xumaanta uga dheereeyay maleeshiyooyinkii hubeysnaa, isagoo ugu deeqaya maal iyo murud hadba wixii uu heli karo. Dagaaladaas sokeeye ee u dhexeeya Qabaa’ilka Hawiye iyo Daarood, waxay soconayeen illaa iyo bishii Juunyo 1991dii. Waxayna ahaayeen kuwa lagu hoobtay dad aad u fara badanina ku naf waayeen.

 

3.2    Shirarkii Dib-u-heshiisiinta

Kadib markii ay dagaallo sokeeye ka soconayeen dalka mudo lix bilood ah, ayaa Qaramada Midoobey, dowladaha gobolka Geeska Afrika iyo dalal Carbeed oo ay ka mid yihiin Masar, Suudaan iyo Yemen, waxay isku taxallujiyeen iney wax ka qabtaan dhibaatada haysata ummadda Soomaaliyeed.

Waxaa jirey dadaallo iyo shirar badan oo lagu doonayey in lagu dhiso dowlad Soomaaliyeed. Nasiib darro dadaaladaas intoodii badnayd waxay noqdeen kuwa aan waxba ka soo bixin. Maxaa yeelay, dowladaha shirarka qaban qaabinayey ayaa laftoodu aan isku ujeedo ahayn oo ay dowlad waliba rabtey iney fushato danaha ay ka leedahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Waxaa ayana jirtay in markasta wax laga weydiinayey arrimaha dalka, dadkii loo tiirinayey iney qayb libaax ka qaateen burburuntii qaranka Soomaaliyeed oo aan ayagu marnaba dooneyn iney dowladi dhisanto mar haddii aaney ayagu madax ka ahayn.

 

3.2.1  Shirkii Jabuuti ee ugu horreeyay

Ayadoo xaaladu cakiran tahay Muqdisho iyo gobollada koofureed, ayaa madaxweyne Xasan Guuleed Abtidoon ugu baaqay in Soomaalidu isugu timaado shir ay uga arrinsadaan aayaha dalkooda. Shirkaas markii lagu baaqay, waxaa yaraaday dilkii iyo dhacii ka socdey Muqdisho iyo nawaaxigeeda oo markaas ka hor qabiil qabiil la isu laynayey.

15kii bishii Luulyo 1991dii, shirkaas waxaa loo ogolaaday iney ka qayb galaan 6 urur oo kala ahaa SPM, USG, SSDF, SDA, SDM iyo SNF. Waxaa qaadacay ururka SNM oo diiday casumaadii loo diray. Ururada shirka ka soo qayb galay, waxaa kala hoggaaminayey raggii dagaalada madaxda ka ahaa oo ayagu rabey iney madaxnimo ku helaan dhiiga dadkooda. Shirka waxaa kaloo ka soo qayb galay rag siyaasiyiin hore ahaa oo ay ka mid ahaayeen madaxweynihii ugu horreyey ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan, Sheekh Mukhtaar Maxamed Xasan oo Ra’iisul Baarlamaan ahaan jirey, Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo Ra’iisul Wasaare ahaan jirey iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo asna Ra’iisul Wasaare ahaan jirey. Waxay dadweynaha Soomaaliyeed filayeen in shirka go’aanno wax ku ool ahi ka soo baxaan, si looga baxo dhibaatada ummadda Soomaaliyeed ku habsatay.

Shirkii waxaa la isla ogolaaday in Cali Mahdi sii ahaado Madaxweyne ku meel gaar ah, iyo in xabad joojin guud la sameeyo. Cali Mahdi wuxuu mar kale dib u magacaabay Cumar Carte inuu noqdo Wasiirka koowaad dowladna soo dhiso. Arrintaasi niyad jab weyn bay ku ridey shacabkii sugayey in Soomaaliya ay yeelato dowlad dalka u horseeda nabadgelyo iyo horumar waara. Maxaa yeelay, dadweynuhu waxay ogsoonaayeen labadaas nin waxay gudaan iyo waxay galaanba.

Go’aanadii shirku ma hirgalin, maxaa yeelay, Daaroodku waxay u arkayeen inaan laga wada hadlin meelna la isla dhigin dhibaatooyinkii shacabka loo geystey, sidaas daraadeed kuma qancin waxyaabihii la isku raacay. Waxaa kaloo go’aanada shirkaas ka soo baxay diiday Maxamed Faarax Caydiid oo asagu rabey inuu noqdo madaxweynaha dalka, maadaama uu asagu isu haystey inuu ahaa ninkii Maxamed Siyaad ka saaray Muqdisho. Taasina waxay abuurtay kala jab ku yimid ururkii USC.

Cali Mahdi iyo Caydiid markii ay iska horyimaadeen, waxay ku dagaalameen Muqdisho oo dagaal ba’ani ka dhex socday muddo 4 bilood ah. Dagaalkaas wuxuu u dhexeeyey qabaa’ilka Habargidir iyo Abgaal oo ay kala hoggaaminayeen labada nin ee aan kor ku xusay. Dagaalka xoogiisu wuxuu socday intii u dhexeysay Nofember 1991 illaa iyo Maarso 1992. Waxaase jirtey dagaallo ka horreyey oo ay isaga horyimaadeen Abgaal iyo Habargidir oo maalmo socdey. Dagaaladaas intey socdeen Xamar waxaa ku dhacay burbur aan la qiyaasi karin oo ku yimid dhismayaashii dowlada iyo kuwii dadweynahaba.

Halkan waxaan akhristow kuugu soo bandhigaya hees uu tiriyey abwaanka Axmed Naaji Sacad oo aan ka soo xigtey buuga uu qoray sheikh Jaamac Cumar Ciise, waxayna tilmaameysaa sida Xamar loo galay:

 

“Xamareey waa lagu xumeeyey, yaa ku xaal marin doona

Xudunteyda meeshey ku xabaalneyd

Xigto iyo walaalaha xaruntooda ahayd

Meesha geeska Afrika ugu saleysneyd

Xanfar xaraarad kulul xabbad ay ku xooreen

Xoog xiin faniin badan, xaafadahay xasuuqeen

Xarragaday lahayd baa laga xayuubshey

Xasil iyo ammaan iyo xornimaan ku joognee

Xamareey waa lagu xumeeyey, yaa ku xaal marin doona?

 

Xidid iyo xigaalkii way kala xanaaqeen

Kuwii xaasidiintiyo kaa xorreeyey gaalada

Xeel dheerayaashii lagu wada xabaalee

Xeerkii Soomaaliyeed xagee baad ku xoorteen

Xil kas iyo wadaaddo xigmadoodii la diidye

Xasil iyo ammaan iyo xornimaan ku joognee

Xamareey waa lagu xumeeyey, yaa ku xaal marindoona?”

 

Dagaaladaas kadib, Muqdisho waxaa ka sameysmay wax lagu magacaabo khadka cagaaran kaas oo magaalada u qaybiyey laba qaybood oo kala ah waqooyi iyo koofur. Dhinaca waqooyi waxaa gacanta ku hayey Abgaal oo uu madax u yahay Cali Mahdi, dhinaca koonfureedna waxaa ugu xoog roonaa Habargidir. Labada dhinac la isuma tillaabi jirin, waxaana magaalada dhinac walbaba hareereeyey oo caadi ka noqotay dilka, dhaca, afduub iyo kufsi intaba,

Magaalada Muqdisho dagaaladii sokeeye ka dib, waxay noqotay meel mooryaantu u taliso oo wixii ay doonto sameyso. Dhalinyaradaas waxay u kala baxaan kuwo madax bannaan iyo kuwo hoos yimaada ragga loo bixiyey dagaal oogayaasha. Kuwa madaxa bannaan ayaga ayaa isxukuma oo wixii ay doonaan bay sameeyaan, cid utalisa iyo cid ay wax ka maqlaan midna majirto, qabiil ay ku tiirsanyihiina majiro. Waxyaabaha ay ku caan bexeena waxaa ugu daran dilka, dhaca, afduubka iyo kufsigaba. Maleeshiyooyinka kale ee ayagu hoos yimaada dagaal oogayaasha, waxay deganyihiin meelo mucayin ah oo loo yaqaan, waana ka dhib yar yihiin kuwa madaxa bannaan. Waayo hawsha ay qabanayaan waa mid ka soo fushey madaxdooda.

Dagaaladii u dhexeeyey Caydiid iyo Cali Mahdi, waxaa si ku meel gaar ah soo afjaray markii ciidan uu wato Maxamed Siyaad Ballidoogle soo gaaray. Taas oo ay u arkeen USC iyo xulafadoodu Maxamed Siyaad inuu rabo Muqdisho dib inuu u qabsado. Markaas Muqdisho abaabul weyn ayaa ka bilowday si looga takhaluso waxa ay ku tilmaameen haraagii Maxamed Siyaad. 24kii bishii Abriil 1992dii, ciidamadii USC, waxay ka adkaadeen ciidankii Maxamed Siyaad ee Gobolka Bay haystay.

Caydiid dagaalkaas uu kaga adkaaday reer Gedo, wuxuu waday illaa uu Maxamed Siyaad ka saaray xuduuda Soomaaliya. Mareexaanka oo markii hore ku kala jabnaa joogista Maxamed Siyaad uu joogo gobolka, dib ayey isu abaabuleen si ay dhulkooda dib ugu qabsadaan. Caydiid iyo Malleeshiyadiisii Gobolka Gedo waxaa ka soo saaray ciidamo Mareexaan ah oo uu hoggaaminayo Axmed Warsame.

Gobolka Bay oo ay degaan dadka Raxanweynta ahi, waxaa soo maray dhibaatooyin aad u badan. Raxanweynta oo lagu yiqiin dad beeraley ah oo aan dagaalka jeclayn, waxay qayb ka qaateen dagaaladii u dhexeeyey Mareexaanka iyo USC. Sida la soo wariyey, markii hore waxay xulafo la noqdeen ciidamadii USC kuwaas oo la dagaalamayey Mareexaan. Taasi waxay keentay in Baydhabo hadba qola qabsato dhibaatana loo geysto dadkii ku dhaqnaa deegaankaas. Intaa waxaa u weheliyey abaaro ba’an oo ku dhuftay gobolka Bay iyo nawaaxigiisa. Waxaa caadi noqotay in telefishinada aduunka laga soo saaro dadka macaluusha u le’anaya.

Dad badani waxay ku eedeeyaan Qaramada Midoobay iney ka seexatay arrimaha Soomaaliya, oo aney waxba ka qaban markii ay burburtay dowladii dalka ka jirtay. Qaraarkii lambarkiisu ahaa 733 oo ahaa kii ugu horreeyay ee ay Qaramada Midoobay ka soo saarto dagaaladii ka dhacayey dalka, wuxuu soo baxay bishii Janaayo 1992dii, kaas oo ugu yeerayey jabhadaha dagaalamaya iney xabad joojin sameeyaan iyo in Soomaaliya lagu soo rogo cunaqabatayn xagga hubka ah.

Qaraarkaasi waxba kama bedelin xaaladii jirtey, sidaa darted Qaramada Midoobay bishii Abriil 1992dii, waxay soo saartay qaraar kale oo lambarkiisu ahaa 751, kaas oo ujeedadiisu ahayd in 50 qof oo ka socda Qaramada Midoobay loo diro Soomaaliya si ay u ilaaliyaan xabad joojinta ay ku dhawaaqeen Cali Mahdi iyo Caydiid. Qaraarkan dambe oo ahaa kii lagu aasaasay UNOSOM, danjire Maxamed Saxnuun oo wakiil ka ahaa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, wuxuu isku dayey inuu heshiis dhex dhigo labadii nin ee isku haystey magaalada Muqdisho.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, markii ay u cadaatay in dadaaladoodii hore aaney waxba ka hirgelin, waxay soo saareen qaraar kale oo lambarkiisu ahaa 794 oo soo baxay 9kii Desember 1992dii. Qaraarkaas wuxuu ogolaanayey in ciidamo si degdeg ah loogu diro Soomaaliya si wax looga qabto macaluusha iyo dhibaatooyinka ka taagan dalka khaasatan gobollada koofureed. Ciidamadaas (UNITAF) oo uu Ameerikaanku hoggaaminayey, waxay dalka soo galeen bishii Desember 1992. Hawlgalkaas ciidan waxaa lagu magacaabay Hawlgalkii Rajo soo celinta amase “Operation Restore Hope”. UNITAF oo gacanta ku haysey dekedaha iyo Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho, hawsha ugu weyni waxay ahayd iney dadka gaajaysan raashin gaarsiiso.

Meelo badan oo ka mid ah gobolada koonfureed ayaa xarumo dadka lagu quudiyo laga sameeyay, taasina waxay wax ka qabatay macaluushii badneyd ee koonfur ka jirtay. Laakiin qaraarka 794 oo ku ekaa u gargaarida dadka tabaaleysan, waxba kama qaban dhibaatoonyinkii kale ee ka jirey dalka. Dadweynuhu waxay dhowrayeen in maleshiyooyinka hubeysan hubka laga dhigo oo nabad gelyadii dalka la soo celiyo.

Inkastoo UNITAF aad loo soo dhaweeyey markii hore, hadana waxay ku fashilantay arrimihii hub ka dhigista iyo sidii ay ula macaamishay dagaal oogayaasha oo aan ahayn si dheellitiran. Arrintaasi waxay dhalisey is aamin la’aan iyo iska horimaadyo ka dhex dhacay ciidamada Qaramada Midoobey iyo kooxihii Muqdisho ka jirey.

4tii bishii Maajo 1993dii, hawlihii Qaramada Midoobey, waxaa la wareegay UNOSOM 2 oo uu madax ka ahaa Janaraal u dhashay waddanka Turkiga. Shaqooyinka loo xilsaaray UNOSOM 2, waxay ahaayeen in waddanka lagu soo celiyo xasiloonidii iyo kala dambeyntii iyo in la sii wado gargaarka bani aadanimo kaas oo la siinayo shacabka Soomaaliyeed ee dhibaataysan.

5tii bishii Juunyo 1993dii, maleeshiyooyinka Caydiid waxay dileen 24 ka mid ah ciidamadii ka socday dalka Bakistaan. 17kii bishii Juunyo 1993diina, dowlada Mareykanku waxay amar ku bixisay in la soo qabto Maxamed Faarax Caydiid, waxay kaloo cadeysay iney siineyso lacag dhan 25,000 oo doolarka Mareykanka ah ciddii soo qabata Caydiid.

12kii bishii Luulyo 1993dii, ciidamada Mareykanka oo adeegsanaya diyaaradaha qumaatiga u kaca, waxay rasaas ku fureen odayaal iyo waxgarad badan oo ku shirayey guri ku yaal magaalada Muqdisho. Halkaas waxaa ku geeriyooday rag gaaraya 70 ruux oo la yiri waxay ka shirayeen sidii waxa looga qaban lahaa arrimaha murugsan ee u dhexeeya Qaramada Midoobay iyo Caydiid. Taasi waxay sii kordhisay caradii iyo naceybkii loo qabay ciidamada Qaramada Midoobey.

3dii bishii Oktober 1993dii, ciidamo Mareykan ah oo wata laba diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah, ayaa weerar ku soo qaaday guri lagu maleynayey inuu ku jiro Maxamed Faarax Caydiid. Halkaas waxaa dagaal qaraari ku dhex maray taageerayaashii Caydiid iyo ciidankii Mareykanka. Dagaalkaas waxaa ku dhintay 18 ka mid ahaa ciidankii Mareykanka iyo dad 1000 qof kor u dhaafay oo Soomaali ah, waxaana ka mid ahaa carruur iyo haween. Ciidanka Mareykanka (Rangers) waxay rasaas ku fureen dad aan hubeysneyn oo dariiqyada yaacayey iyo kuwa guryahoodii ku jireyba. Mareykanka maalintaas waxaa laga soo riday diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ah, waxaana dhacday in labadii nin ee wadey midkood meydkiisii dariiqyada Muqdisho lagu jiiday. Ciidamadii Mareykanka, oo ku go’doonsan guri ay galeen waxaa markii dambe u soo gurmadey ciidamo u dhashay Maleeshiya iyo Bakistaan si ay meesha uga saaraan.

Ciidamadii Mareykanka ee Muqdisho lagu dilay iyo jiidistii meydkii lagu jiiday dariiqyada, waxay wax ka bedeshay siyaasadii cusbeyd (the new world order) ee uu hormoodka u ahaa madaxweynihii Mareykanka Jooj Buush. Mareykanku ciidankoodii dagaalkaas kadib, way kala baxeen dalka Soomaaliya, waxayna ku noqotay arrin ay marwalba xasuustaan.

 

3.2.2 Shirkii dib-u-heshiisiinta ee Addis Ababa

27kii bishii Maarso 1993dii, waxaa lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya shir ay soo wada qabanqaabiyeen Qaramada Midoobey iyo Dowlada Itoobiya. Shirkaas wuxuu ahaa mid ay ka soo qaybgaleen dhammaan kooxihii dalka isku hayey oo ay ku jirto dowlada la baxday Soomaaliland. Kooxihii shirka ka soo qaybgalay, waxay wada saxiixeen go’aanadii shirka lagu gaarey Soomaaliland mooye. Go’aanadii la gaarey, waxaa ugu muhiimsanaa qodobadan hoos ku qoran:

1)      In la sameeyo maamul goboleedyo laga soo dhisayo tuulooyinka iyo degmooyinka si loo helo maamul soo celiya kala dambeyntdi iyo nabad gelyadii.

2)      Iyo in la sameeyo Golaha Qaranka ee ku meel gaar ah (TNC). Kaas oo ka kooban hal qof oo koox walba ay iska soo doorato iyo 3 qof oo ay soo magacaabaan gobol kasta oo ka mid ah 18kii gobol ee dalka ka jirey. Qodobkan waxaa looga gol lahaa in la dhiso maamul dhexe oo loo dhan yahay.

3)      In la sameeyo hub ka dhigis guud iyo sugida nabad gelyada dalka oo loo xilsaaray in UNITAF/UNOSOM ay hirgaliso.

4)      In la isu celiyo hanti wixii la kala haystay.

Gobolada qaarkood markiiba waxaa laga hirgeliyey maamullo laga soo dhisay degmooyinka, waxaase arrintaas gaashaanka ku dhuftay Maxamed Faarax Caydiid oo asagu u arkayey inaan dani ugu jirin in UNOSOM ay ka qayb qaadato dhismaha maamullada loo dhisayo dalka. Diidmada Caydiid, waxay salka ku haysey gobollada iyo degmooyinka ay malleeshiyadiisu xoogga ku haysatay sida kuwa Shabeellada Hoose oo ay deganyihiin qabaa’ilka Digilka ah. Waxaa kale oo uu Caydiid ka baqayey inuusan taageero fiican ka helin golaha la dhisayo ee TNC.

Caydiid wuxuu bilaabay inuu fidiyo borobagaando ka dhan ah UNOSOM, si aan heshiiska Addis Ababa lagu saxiixay aanu u hirgelin. Markaa kadib, ayaa UNOSOM weerartay Raadiyihii Caydiid oo laga fidin jirey warar lid ku ah howlaha ay wado UNOSOM. Tillaabadani waxay keentay in maleeshiyadii Caydiid ay gaadmo ku dilaan 24 nin oo ka tirsanaa ciidanka Qaramada Midoobay una dhashay dalka Bakistaan.

Markii ay u sahlanaan weysey UNOSOM iyo Mareykankaba in la soo qabto Caydiid, waxaa ay ku dhaqaaqeen sidii loo qaboojin lahaa xiisada arrintani dhalisay. Waxaana UNOSOM ay kala noqotay taageeradii ay u heysay heshiiskii lagu gaarey Addis Ababa. Islamarkaa waxay UNOSOM isku deyday iney Muqdisho isugu keento dhammaan hoggaamiyaashii kooxaha, si loo qababqaabiyo shir kale. Waxaa muuqatey in shirkan Muqdisho ay UNOSOM taageereyso Maxamed Faarax Caydiid oo ay rabtey inuu noqdo hoggaamiyaha dowlad cusub oo la dhiso.

Shirkan ka dhacay Muqdisho waxba kama soo bixin oo waa la isku afgaran waayey. Maxaa yeelay, Caydiid oo fulinayey heshiiskii uu kula gaarey Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) Mustaxiil intii aan Maxamed Siyaad wadanka laga saarin, ayaa wuxuu dhigayey in ay labadoodu isu noqdaan madaxweyne iyo Ra’iisul Wasaare haddii ay wadanka qabsadaan. Arrintaasi ma qancin Cabdullaahi Yuusuf iyo raggii kale ee Daaroodka ahaa ee shirka ka soo qayb galay.

Sanadkii 1994tii, Maxamed Faarax Caydiid, wuxuu isku magacaabay Madaxweyne, wuxuuna dhisay dowladii uu ku magacaabay Salballaar. Dowladaas Caydiid soo dhisay iyo himilooyinkii Caydiid ee ahaa inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya midna ma hirgalin oo 31dii Luulyo 1996dii, waxaa lagu dilay dagaal dhexmaray qoyska uu ka dhashay. Dad badani waxay filayeen in haddii Caydiid meesha ka baxo in dhibaatadu yaraaneyso dowladna la dhisidoona. Caydiid oo hadda muddo 7 sano ah mootan weli waa la la’yahay dowlad qaran oo ummadda Soomaaliyeed ka haqabtirta baahida ay u qabto nabadgelyo iyo horumar.

Bishii Nofember 1996dii, kooxihii diidanaa dowladii Salballaar waxay isugu tageen magaalada Sodare ee dalka Itoobiya, ayagoo ka qayb galay shir ay qabanqaabisay dowlada Itoobiya. Dadkii ka qayb galay waxaa ka mid ahaa Cali Mahdi, Cismaan Xasan Cali (Caato), Cabdullaahi Yuusuf iyo rag kale oo hoggaamiyaal ka ahaa kooxihii dalka ka jirey. Shirkaasi, wuxuu isku raacay sameynta Golaha Samata Bixinta Qaranka (NSC) oo ka kooban 41 xubnood. Qabaa’ilka Daarood, Hawiye, Isaaq, Dir iyo Digil/Mirifle mid kasta waxaa loo qoondeeyey inuu helo 6 xubnood, 5 xubnoodna waxaa la siiyey qabaa’il kale. Waxaa ayana la isku raacay in dalka uu noqdo mid federaal ah oo ka kooban 5 dowlad goholeed oo kala ah; Buntland, Awdal, Bartamaha, Dhulka Webiyada iyo Jubaland.

Shirkaas dadkii isugu yimid, waxay isku raaceen in bartamaha sanadka 1997da lagu qabto magaalada Boosaaso shir si loo dhiso dowlad dhexe oo dalka maamusha. Shirkaas Boosaaso ma qabsoomin, maxaa yeelay intaan wakhtigiisii la gaarin waxaa abuurmay iska horimaad u dhexeeya qabanqaabiyayaashii shirka.

Maadaama Xuseen Maxamed Caydiid iyo kooxdiisu aaney ka qayb galin shirkii Sodare, dowladaha Keenya, Yemen iyo Masar ayaa waxay isku dayeen iney heshiisiiyaan madax kooxeedyada Muqdisho. Ujeedada loo qabanayey shirarkaas ka kala dhacay Nayroobi, Sanca iyo Qaahira waxay ahayd in xal loo helo mushkilada dhex taalla dagaal oogayaasha Muqdisho oo heshiis la’aantoodu caqabad ku noqotay dib-u-heshiisiinta dalka Soomaaliya. Dadaaladaasi, waxay sabab u noqdeen in la qabto shirkii Qaahira oo ay dowladaha Carabtu ku doonayeen in ay ku taageeraan Xuseen Caydiid ama nin kale oo Hawiye ah inuu madax ka noqdo Soomaaliya.

 

 

3.2.3 Shirkii dib-u-heshiisiinta ee Qaahira

Markii uu qabsoomi waayey shirkii lagu ballamay in lagu qabto Boosaaso, dowladaha Masar, Liibiya iyo Yemen waxay abaabuleen in Qaahira lagu qabto shir la isugu keenayo taageerayaashii shirkii Sodare iyo Xuseen Maxamed Faarax Caydiid oo asagu dhaxlay jagadii aabihiis ee salballaar. Taageerayaasha Xuseen Caydiid, waxay xoog ku haysteen deegaanada Digil iyo Mirifle, diyaarna uma ahayn iney ka baxaan dhulka webiyada ku xeeran xattaa haddii dowlad loo dhan yahay la dhiso.

Shirkaas wax natiijo ahi kama soo bixin, maxaa yeelay dowladaha Carabta oo aad u taageersanaa Maxamed Faarax Caydiid iyo dagaalkii uu la galay ciidamadii Mareykanka, waxay u arkayeen Xuseen Caydiid inuu noqdo madaxa dowlada la dhisidoono. Taasina uma cuntamin Cabdullaahi Yuusuf oo asagu rabay inuu noqdo madaxweynaha dowlada ka dhalata Soomaaliya. Haddaba Cabdullaahi Yuusuf iyo Aadan Gabyow labaduba way ka soo caroodeen shirkii, maadaama ay danahoodii ka waayeen.

Markii ay fashilmeen go’aanadii shirarkii Sodare iyo Qaahira, waxaa dad badan oo ka soo jeeda gobollada Waqooyi Bari u arkeen iney maamulo ka dhisaan goballadooda inta laga helayo dowlad loo dhan yahay oo dalka ka dhalata.

 

 

3.2.4 Dhisiddii dowlad gobolleedka Buntland

Magaalada Muqdisho markii lagu gumaaday dad badan oo Daarood ah, waxaa dad badni u qaxeen gobollada hadda la isku yiraahdo Buntland. Nasiib wanaag wax dagaal ahi kama dhicin deegaanadaas oo aan ka ahayn kii Caydiid ku soo qaaday magaalada Gaalkacyo iyo dagaalkii dhexmaray Cabdullaahi Yuusuf iyo ururkii Al-Ittixaad Al-Islaami.

Ururka Al-Ittixaad oo markii la riday dowladii Kacaanka u istaagay inuu buuxiyo kaalintii ay dowladu ka baxday, waxay gacanta ku dhigeen maamulkii dekeda Boosaaso, ayagoo isku dayayey iney u khidmeeyaan shacabka. Ururka oo ay ku cusbeyd qabasha maamul sidaas oo kale ah, waxay bilaabeen iney is hubeeyaan, oo ay tababarro galaan si ay isaga difaacaan ciddii soo weererta. Tillaabadaas ayada ah, waxaa loo arkay .iney doonayaan iney la wareegaan xukunka dowladnimo ee dalka. Waxayna sababtay iney dagaal isaga horyimaadaan dhalinyaradii ka tirsanayd Al-Ittixaad iyo maleeshiyo uu hoggaaminayo Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Dagaalkaas oo dhowr meelood ka dhacay, waxaa ku dhintay dhalin yaro aad u farabadan oo qabiil kasta leh.

Waxgaradka iyo odayaasha qabaa’ilka dega goboladaas, waxay ka shaqeeyeen in la sugo nabadgelyada iyo xasiloonida degaanadooda. Waxaa in la xuso mudan in la go’aamiyey arrinta ah, qofkii wax dila ama dhaca in ay soo qabtaan xigtadiisa si loo waayo meel ay tuugada iyo fidnowlayaashu ku dhuuntaan. Taasi waxay keentay horumar la taaban karo oo ay ku tillaabsadeen dadka gobolladaas ku dhaqan. Magaalada Boosaaso oo sanadkii 1991dii ka hor ahaan jirtey magaalo yar, ayaa waxay noqotay meel ay ku soo hirtaan dad fara badan oo ganacsato ah.

15kii Maajo 1998dii, waxaa la qabtay shir lagu go’aansaday in la dhiso dowlad goboleed la yiraahdo Buntland. 1dii bishii Agosto 1998dii, waxaa madaxweyne loo doortay Cabdullaaahi Yuusuf Axmed. Ujeedada loo dhisay dowlad goboledkan, waxay ahayd in la helo ismaamul ka shaqeeya danaha dadweynaha goboladaas inta Soomaaliya ay ka yeelanayso dowlad dhexe.

Dhismihii dowlad goboleedka Buntland, waxay dhiirigelisay in gobolada kale ayaguna ay sameystaan maamullo ka shaqeeya danaha dadweynaha, si looga baxo dagaalada iyo dhibaatooyinka dhaqaale ee dalka ku baahay. Ururka RRA ee ka taliya Gobolada Bay iyo Bakool, waxay iclaamiyeen iney dhiseen dowlad goboleed la yiraahdo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Laakiin arrintaasi wali si fiican uma hirgalin khilaaf dhexdooda ah awgeed.

Nabadda ka jirta gobolada Buntland iyo Soomaaliland, waxay soo jiidatay dad badan oo ku dhashay gobolada koonfureed ee dalka. Dadkaas oo ka soo cararay nabadgelyo la’aanta iyo dulmiga ka jira gobolada koofureed ee dalka, waxay heleen fursad ah iney degaan kana shaqaystaan magaalooyinka nabadda iyo kala dambeyntu ka jirta Xoogsato badan oo ka shaqeysata goboladaas, waxay la yimaadeen xirfado looga baahnaa meelaha ay tageen sida dhismaha guryaha. Dadkaas waxaa lagu amaanay u jajabnaanta howsha ay haddaba qabanayaan.

Maamulka ka jira Soomaaliland asagoo ku andacoonaya in dadka reer koonfureed ay u keeneen xasilooni darro, waxay magaalooyinka waaweyn sida Hargeysa ka soo tarxiileen dad xoogsato ah oo ku noolaa magaalooyinkaas. Arrintaasi dad badan ayey ka fajicisay, wareysi ay BBCdu la yeelatay mid ka mid ah masuuliyiinta Soomaaliland, waxay weydiisay xigmada ka dambeysa dadka laga saarayo goboladaas iyo sida lagu kala garanayo qofka u dhashay Soomaaliland iyo qofka aan u dhalan. Siyaasada noocaasi ahi, waxay lumisay kalsoonidii dad badan oo reer koonfureed ahi ku deganaayeen waqooyiga Soomaaliya, waxayna kor u qaaday tiradii dadkii ku soo badanayey magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo.

Maamul Goboleedyada Soomaaliland iyo Buntland, inkasto ay magac ku heleen jiritaankooda ay ka jiraan goboladaas, haddana waxaa jira dhaliilo badan oo loo soo jeedinayo. Waxaad arkeysaa inuu jiro heykalkii maamul ee magaalooyinka waaweyn, laakiin waxaa wali la la’yahay habsami u socodkii shaqooyinkii loo baahnaa iney maamuladaasi dadweynaha u qabtaan. Tusaale ahaan, dadka caadiga ahi wax faa’iido ah ka ma helaan maamulka jira. Waxaa badanaaba dakhliga soo gala maamuladaas ku daneysta in yar oo ka mid ah madaxda maamulka iyo inta ayaga ku hoos nool. Lacagta soo gasha inteeda badan, waxay ku bixiyaan dhisida ciidamo ayaga daacad u ah. Maamuladaasi waxba ka ma qabtaan khadamaadka ay u baahan yihiin shacabku sida waxbarashada, caafimaadka, isgaarsiinta iyo guudahaanba horumarinta nolosha bulshada ay madaxda u yihiin. Waxaa maalin walba taagan xiisad qabiil oo mararka qaarkood aad moodo iney khatar galineyso jiritaanka maamulka.

Dadka Digil iyo Mirifle iyo Ururka RRA, oo wax badan la dagaalamayey maleeshiyooyinka Habargidir ayaa waxay ku guuleysteen sanadkii 1999kii, iney markii ugu horreysey ay gacanta ku dhigaan gobolada Bay iyo Bakool oo ay degaan qabaa’ilka Raxanweyn. Jabhada RRA, waxay in muddo ah ka heli jireen taageero ciidan iyo mid siyaasadeedba dowlada Itoobiya. Guushaasi waxay RRAda u suuragelisey iney dhistaan maamul ay ku magacaabeen maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya walow aanu weli qumaati u hirgalin.

 

 

3 2.5 Shirkii dib-u-heshiisiinta ee Carta, Jabuuti

Kadib markii 12 shir loo qabtay hoggaamiyaasha kooxaha ka jira Soomaaliya, kuwaas oo aan waxba ka soo bixin, Madaxweynaha Dowladda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle bishii Sebtember 1999ku, wuxuu ka jeediyey golaha loo dhan yanay ee Qaramada Midoobey khudbad dheer oo uu uga warramayey arrimaha murugsan ee dalka Soomaaliya. Madaxweyne Geelle, wuxuu dhaleecayn u soo jeediyey ragga lagu tilmaamo dagaal oogayaasha oo uu yiri waxay hortaagan yihiin nabad ka dhalata dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Geelle, wuxuu soo jeediyey in la abaabulo shirweyne looga hadlayo Soomaaliya oo ay dadka Soomaaliyeed uga arrin sadaan mustaqbalka waddankooda. Shirkaas oo uu yiri, waa iney ka soo qayb galaan dhammaan qaybaha uu ka kooban yahay shacabka Soomaaliyeed, wuxuu ballan qaaday in dowladiisu ay dhigeyso gogosha shirka, shirkuna noqon doono mid ay maamulaan ka qaybgalayaasha shirka. Qaramada Midoobey waxay siisay taageero buuxda hindisaha uu soo jeediyey madaxweynaha dowladda Jabuuti. Waxaa kale oo baaqaas taageero buuxda siiyey dhammaan shacabka Soomaaliyeed, marka laga reebo qaar ka mid ah dagaal oogayaasha oo ayagu aan u arkeyn in dani ugu jirto shir ayna ayagu majaraha u hayn.

Shirkii wuxuu si rasmi ah u bilowday bishii Maajo 2000, waxaana laga soo daadgureeyey dad aad u fara badan magaalooyinka dalka marka laga reebo Soomaaliland oo ayadu diidey iney ka qaybgasho. Waxaa kale oo shirka ka soo qayb galay aqoonyahano Soomaaliyeed oo ka yimid dalal badan oo aduunweynaha ah.

Shirku markuu bilowday, waxaa la doortay shirgudoon laga dhex doortay dadkii shirka ka soo qaybgalay. Waxaa ayana la doortay gudiyo farsamo loogu talo galay iney isku soo dubaridaan nidaamkii dowlada la dhiso ay ku dhaqmi lahayd. Markii la dhammaystiray Axdigii KMG ahaa ee ay dowladu ku dhaqmi lahayd, waxaa taladii loo dhiibay Isimadii qabaa’ilka oo ayaga loo xilsaaray iney soo xulaan xubnaha ka qaybgalaya Baarlamaanka. Intaa kadib, bishii Agosto sanadkii 2000 Baarlamaanka oo ka koobnaa 245 qof, waxay iska dhex doorteen Afhayeen iyo ku-xigeenadiis. Waxaa Afhayeenka Baarlamaanka loo doortay Cabdalla Deerow Isaaq oo asagu ku guuleystay codbixintii la sameeyey. Markaa ka dib waxaa tartan loo sameeyey dad badan oo isu soo taagey iney noqdaan madaxweynihii dalka.

Tartankaas oo laga daawanayey war-isgaarsiinta la iska arko ee addunnka, waxaa ugu dambeystii ku guuleystay, Cabdi Qaasim Salaad Xasan oo asna markaa kadib soo magacaabay Ra’iisul Wasaare si uu u soo dhiso dowlad loo dhan yahay. Cali Khaliif Galayd ayaa noqday ra’iisul wasaarihii dowladii Carta lagu soo dhisay. Wuxuu soo dhisay dowlad ka kooban 25 wasiir.

Go’aanadii shirkii di-u-heshiisiinta ee magaalada Carta, waxaa ka mid ahaa in la dhiso dowlad KMG ah oo maamulka dalka haysa mudo 3 sano ah. Waxaa kale oo axdiga ku qeexnayd iney tahay dowladani mid ka shaqaysa dib-u-heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed oo ay ugu horreeyaan madax kooxeedyada aan ka soo qayb galin shirka. Waxaa ayana muhim ahayd oo lagu gaarey shirkii Carta, in la sameeyo guddiyaada hoos ku qoran:

  1. Gudiga Qaranka ee dib-u-heshiisiinta iyo isu celinta hantida la kala haysto.
  2. Guddiga Qaranka ee Dastuurka iyo dib u habeynta shuruucda.
  3. Guddiga Qaranka Tirakoobka dadweynaha.
  4. Guddiga Qaranka ee shaqaalaha dowlada
  5. Guddiga Qaranka ee dib u dejinta iyo taakuleynta.
  6. Guddiga Qaranka ee Doorashooyinka.
  7. Guddiga Qaranka Olembiga Soomaaliyeed.

 

Waxaa ayana xusid mudan in ay axdiga lagu heshiiyey ku qorneyd, in Garsoorku ka madax banaan yahay Hay’adaha Fulinta iyo tan Sharci Dejinta Qaranka.

Madaxweyne Ismaadil Cumar Geelle oo asagu si niyad sami ah u rabay in Soomaaliya ay dowlad caalamku aqoonsan yahay yeelato, wuxuu ku bixiyey shirkan wakhti badan iyo maal badan. Dadweynaha reer Jabuuti ayey ahaayeen kuwii ku tabarucay xoolo nool oo laga soo aruurin jirey degmo kasta ee dalka Jabuuti ka mid ah. Xoolahaas waxaa loo qali jirey dadka ka qaybgelaya shirka dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed. Waxyaabaha dadka Soomaaliyeed meel ay joogaanba aad u soo jiitey, waxaa ka mid ahaa telefishinka oo laga soo baahin jirey sida shirku u socdo iyo horumarka uu sameynayey saacad walba.

Madaxweyne Geelle, waxaa caado u ahayd inuu la socdo shirka maalin walba meesha uu marayo iyo wixii dhibaatooyin ah oo jira. Waxaa jirtey maalin maalmaha ka mid ah in shirku hakad galay ayadoo la isku waafiqi waayey arrimaha qaarkood, maalintaas madaxweynuhu inta teendhadii shirku ka socday yimid ayuu jeediyey khudbad dheer asagoo ka codsaday ka qaybgalayaasha shirka iney xalliyaan wax alla wixii dhibaato ah ee ka horyimaada. Hadaladii madaxweynaha waxaa ka mid ah, “Soomaaliyeey ii hiiliya aan idiin hiiliyee,” taas oo dadkii gelisey qiiro horleh iyo iney xalliyaan wixii farqi ah ee ku kala dhexeeyey.

Shirkii markii uu dhammaaday, dadkii Soomaaliyeed ee shirka ka qaybgalayey, waxay dalka ku soo noqdeen ayagoo aad ugu rajo weyn dowlada Carta lagu soo dhisay. Waxaase nasiib darro noqotay in dowladii Soomaali oo dhami u hanweyneyd ay noqotay fadhiid aan wax awood ah lahayn. Sababaha ay la hanaqaadi weydey dowladaasi, waxaa dhici karta in lagu kala aragti duwan yahay, laakiin halkaan waxaa ku soo koobayaa kuwii aan is iri waa ugu muhimsanaayeen.

Inta aynaan ka hadlin sababihii curyaamiyey dowladii Cabdiqaasim Salaad uu hoggaaminayey, waxaa haboon in aan wax ka sheegno fursadihii wanaagsanaa ee ay la kulantay. 30kii bishii Sebtember 2000 Cabdiqaasim Salaad Xasan iyo wafdi uu hoggaaminayo, waxay booqashooyin ku yimaadeen magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo oo labadaba loogu soo dhaweeyey si aad u heer sarreysa. Taas oo caalamka iyo shakhsiyaadkii shirka saluugsanaaba geliyey rajo ah iney dowladani tahay tii ummadda Soomaaliyeed u horsedi lahayd midnimo iyo horumar.

Arrinta kale oo ay la kowsatey dowladii Carta lagu soo dhisay, waxay ahayd ka qaybgalkii shirarkii dowladaha Carabta oo lagu qabtay magaalada Qaahira ee dalka Masar iyo shir madaxeedkii Qaramada Midoobay kaas oo ay ka soo qayb galeen madaxweynayaal iyo Boqorro aad u badan. Labadaas shirba kursigii Soomaaliya ay ku lahaan jirtey Qaramada Midoobey iyo Jaamacada Carabta, waxaa loo ogolaaday iney ku fariisato dowladii Carta ee uu madaxda ka ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan. Waxay ahayd markii ugu horreysey muddo 10 sano ah oo wafdi Soomaaliyeed loo ogolaaday inuu shirarka Qaramada Midoobey ka qaybgalo asagoo matalaya ummadda Soomaaliyeed.

Waxaad moodaa fursadahaas ineyan ka faa’iideysan dowladii Cabdiqaasim, waxaana sabab u ahaa arrimo badan. Sida Axdiga KMG ah lagu xusayba, waxaa ballantu ahayd in dowladu marka hore ay degto magaalada Baydhabo oo Muqdisho u jirta 240 km. Ujeedaduna waxay ahayd in la sugo nabadgelyada gobolka Benaadir inta aan dowladu tegin. Taasi ma dhicin oo Cabdiqaasim, wuxuu dowladii afka uga shubay Xamar oo dhowr meelood u kala qaybsan. Qayb kastana sida la ogyahay, waxaa xukumey rag shirkii Carte ka soo horjeedey, oo ku dhaarsanaa iney minja xaabiyaan dowlada ku meel gaarka ah.

Arrinta kale ee aan filayo iney Cabdiqaasim ka hoos baxday waxay tahay, asagoo wax wadahadal ahba aan la gelin madaxdii jabhadihii ka soo horjeedey ee ku sugnaa Muqdisho. Waxaa ayana jirtey in Cabdiqaasim hor istaagey in dib la isugu keeno ciidamadii Xoogga Dalka Soomaaliyeed kuwaas oo garab u noqon lahaa dowlada. Waxaa dhacday in maleeshiyooyinkii qabaa’ilka u kala qaybsanaa oo ayagu geystey hoogga iyo halaaga Muqdisho ka jirey mudadii 10ka sano ahayd laga door biday ciidankii qaranka.

Taasi waxay dhaxalsiisay Dowlada KMG, iney noqoto mid aan laga haybeysan oo aan amarkeedu ka fulin meelnaba. Waxaa ayana xusid mudan, markii Cabdiqaasim tagey xarunta Qaramada Midoobey si uu uga qaybgalo shirweynahii madaxda wadamada adduunku isugu timid, inuu diidey in lagu taageero ciidan maleeshiyooyinka hubka ka dhiga nabadgalyada wadankana suga. Dowladu waxay xafiisyo ka dhigatay Hoteelka Ramada ee waqooyiga Muqdisho ku yaal. Waxaa dhacday in dowladu aaney isku dayin iney ka saarto xafiisyadii dowlada dadkii ka dhigtay hooy ay ku hoydaan. Waxaa markaas muuqatey iney dowladu tahay mid aan lahayn ilko oo aan waxna gudin waxna galin.

Markii la doortay Cabdiqaasim, waxaa taladiisa hoggaanka u qabtay ganacsato ay isku hayb yihiin, kuwaas oo u sheegay iney dowlada ku taageeri doonaan maal iyo muruqba. Waana taas tan dhalisay in Cabdiqaasim Muqdisho ka door bido magaalada Baydhabo oo markii hore lagu ballamay in la dego. Dowlada markii la keenay Muqdisho, waxay marti u noqotay ganacsato bixisay kharashaadkii dowladu u baahnayd. Inkastoo markii hore la moodey iney soo dhaweyn ka tahay, durbadiiba waxaa soo shaac baxday in ganacsatadu ay u dhigatay dowlada shabaag aaney ka bixi karin.

Arrinta ayaduna in la xuso u baahan, waxay ahayd marka laga bilaabo Madaxweynaha, xubnaha Baarlamaanka iyo wasiiradda intooda badani, iney ka tirsanaan jireen maamulkii Maxamed Siyaad oo ahaa kii dalka iyo dadkaba u horseeday burburka uu maanta ku sugan yahay. Cabdiqaasim iyo Cali Khaliif midkoodba, iskuma dayin inuu hawl geliyo aqoonyahankii dalka oo intoodii badneyd ay u qaxeen Yurub iyo Mareykanka. Dadka loogu talagalay iney hagaan ummadda Soomaaliyeed, waxay noqdeen dad qabiil lagu soo xulay oo aan aqoon iyo karti midnaba loo fiirin.

Waxaa kale oo curyaamiyey Dowladii KMG ahayd, iska horimaadkii ka dhex dhacay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaarahiisa oo gaarey heer Cali Khaliif laga xayuubiyo jagadii uu hayey. Cabdiqaasim Salaad oo asagu la shaqeynayey Maxamed Siyaad Barre muddo 22 sano ah, wuxuu la soo baxay xirfadihii macalinkii si uu xilka u sii haysto.

Dowlada KMG ah, waxay wadanka ku soo kordhisay dhibaatooyin dhaqaale oo ay ka mid tahay shilinkii Soomaaliga oo aad u qiimo dhacay, wixii ka dambeeyey imaatinkii dowlada ee Muqdisho. Bishii Oktober 2000, 100ka doolar Mareykanka ah waxaa lagu sarifayey 800,000 shilin.

Waxaa dhacday in ganacsatadii dowlada kharashkeeda bixineysey ay soo daabacdaan lacag been-abuur ah oo aad u tira badan. Taasi waxay sababtay in 100kii doolar ee Mareykan ahi uu noqdo 2,300,000 oo shilin Soomaali ah. Arrintaasi waxay aad u saameysay maciishadii dadweynaha awalba tabaaleysnaa, waxayna soo dedejisay naceyb loo qaado dowlada KMG ah. Tillaabadaas ganacsatadu qaaday oo ay aad uga xumaadeen shacabka Soomaaliyeed meel ay joogaanba, Dowlada KMG ahi waxba kama qaban karin. Waxayse jawaabtoodii noqotay iney yiraahdaan lacagta been-abuurka ah ayaan ka iibsabeynaa ganacsatada si aaney wax u yeelin dhaqaalaha wadanka.

Intaa haddii aan uga gudubno arrimihii gudaha ee ay la dhaqaaqi weydey dowladii Cabdiqaasim uu hoggaaminayey, waxaa ayana jirey dabino shisheeye iyo Soomaaliba ay dhigayeen si aaney u guuleysan dowladaasi. Shirkii lagu caleemasaarey Cabdiqaasim Salaad, waxaa ka soo qaybgalay madaxda dowladaha gobolka Bariga Afrika. Doorashadii Cabdiqaasim kama aaney farxin Meles Zenawi, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya. Meles oo asagu horboodayey arrimaha Soomaaliya illaa iyo intii ay dhacday dowladii Maxamed Siyaad Barre, wuxuu u arkay Cabdiqaasim inuu yahay nin aan asaga talooyinkiisa ku shaqeyneyn marka ay timaado arrimaha dalka Soomaaliya gudihiisa iyo xiriirka wadamada deriskaba.

Sidaas daraadeed, waxaa markiiba soo shaac baxday in Itoobiya ay diidan tahay dowladan cusub ee la dhisay. Markii arrintaasi cadaatay, dowladu wafdi ayey u dirtay Addis Ababa si loola soo hadlo Meles Zenawi iyo dowladiisaba. Wax is afgarad ahi kama dhicin wada hadaladaas, Itoobiyana waxay ku eedeysay dowlada KMG ah iney ka mid yihiin dad ka tirsan ururka Al-Itixaad. Dhowr bilood kadibna, Itoobiya waxay tiri Cabdiqaasim ayaaba ka tirsan ururka aan soo sheegnay.

Itoobiya, waxay kaloo sameysay iney hub iyo rasaasba soo galiso dalka Soomaaliya. Taageeradaas Itoobiya waxay u bixineysey in lagu wiiqo Dowlada KMG ah, si ay u xoogeystaan dagaal oogayaasha. Meelaha ugu badan oo hubkaas la keenay, waxay kala ahaayeen magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo Gaalkacyo. Itoobiya waxay kale oo dadaal dheer u gashay in aan loo ogolaan Dowlada KMG iney fariisato kuraasti ay Soomaaliya ku lahayd IGAD iyo Midowga Afrika (AU). Itoobiya taageero kuma helin dadaalkeedi ahaa in aan la aqoonsan Dowlada KMG. Waxayse ka shaqeysay iney dhiiri geliso maamulka ka jira Soomaaliland ineyan ka qaybgalin shirarka dib-u-heshiisiinta ee loo qabanayo Soomaaliya.

Shirkii dib-u-heshiisiinta ee ka dhacay magaalada Carta ee dalka Jabuuti, waxaa maalgeliyey dowladaha Carabta iyo Jabuuti oo ayaduna dhaqaale badan ku bixisay. Taasi tuhun weyn bay galisey wadamada reer galbeedka ah oo ayagu caadiyan aan taageerin howl aaney hormuud ka aheyn. Tuhunkaasi wuxuu sii xoogeystey markii Cabdiqaasim uu socdaalkii ugu horreyey ku tagey qaar ka mid wadamada Carabta oo aaney reer galbeedka is jecleyn sida Liibiya.

Haddii aan soo koobo, Dowlada KMG ahi wax la taaban karo oo ay ka qabatay dhibaatooyinkii haystay shacabka Soomaaliyeed ma jirin. Waxaa xattaa ay ku guuldareysatay iney ka hirgaliso wadanka dib-u-heshiisiintii loo baahnaa iyo iney magacawdo guddiyadii qaran ee Axdiga KMG ahi qorayey in la sameeyo. Waxaa taas ka sii daran iney noqotay makhaayad u shidan Cabdiqaasim oo kaliya. Asaga ayaa magacaaba qofkii uu doono asagoon dan ka lahayn in Axdiga KMG ahi u ogolyahay iyo in kale.

Kadib markii ay dhaceen qaraxyadii loo geystey dalka Mareykanka 11kii bishii Sebtember sanadkii 2001, waxaa kordhay hanjabaadaha ka soo baxayey Aqalka Cad ee laga xukumo dalka Mareykanka, kuwaas oo loola jeediyey in lagula dagaalamo ku dhaqanka diinta Islaamka. Hoggaanka dowlada Mareykanku, wuxuu qorsheeyey in lagu duulo dadka Soomaaliyeed ee ay naafeeyeen colaadaha sokeeye iyo dowlad la’aantu. Waxaa intaa weheliyey, in dowlada Itoobiya ay ayana u qalab qaadatay sidey uga dhaadhicin lahayd maamulka Mareykanka in Soomaaliya lagu duulo oo ayada loo xilsaaro. Itoobiya oo sidii dowladii Siyaad Barre u dhacday faraha kula jirtey gudaha dalka, ayadoo sidey doonto ka yeeleysey shacabka Soomaaliyeed ee aan haysan dowlad u hadasha danihiisana difaacda, ayaa u aragtay iney tahay fursad qaaliya in Mareykanku u xilsaaro qabsashada Soomaaliya. Waxay bilowday dicaayad xad dhaaf ah, oo ay leedahay Dowlada KMGka ahi waa Al-Ittixaad, waxayna gacansaar la leedahay dhaqdhaqaaqa Al-Qaacida.

Dadaalka ay Itoobiya ugu jirtey iney qabsato Soomaaliya ayadoo ku gabbaneysa mashruuca la dagaalanka argagixisada intaa kuma ekeyne, waxay hawl galisey ragga madax kooxeedyada ah ee ay saaxiibka la tahay, kuwaas oo adduunweynaha u sheegay in dalka Soomaaliya ay fariisimo ku leeyiihiin ururada Al-Ittixaad iyo Al-Qaacida, dowlada KMGna ay ka mid yihiin. Madax kooxeedyadu, waxay sheegeen iney saldhigyadaasi ku yaallaan Raas Kambooni oo ku taal koonfurta Kismaayo iyo Shimbiraale oo 10 km bariga ka xigta Boosaaso.

Meelaha lagu sheegay iney ka dhisan yihiin xeryo lagu tababaro argagixisada, ayaa waxaa socdaallo ku yimid wariyeyaal ka socda warbaahinta adduunka iyo sirdoonka waddamada reer gaibeedka. Nasiib wanaag, waa beenowdey arrintii ahayd in ay dalka ka jiraan meelo lagu tababaro argagixisada. Waxaa kaloo jirey, in maamulka Mareykanka la siiyey talooyin loogu sheegayo ineysan Soomaaliya ku dhuuman karin kooxo argagixiso ahi iyo in talooyinka Itoobiya oo keliya inaan Soomaaliya loogu duuli karin. Madax kooxeedyada dalka ka jira, waxay is tuseen iney kalsoonida Mareykanka ku kasban karaan iney ku celceliyaan jiritaanka argagixisada gudaha dalka Soomaaliya iyo in ayaga iyo Itoobiya loo adeegsado qabsashada dalka. Itoobiya waxay siisey madax kooxeedyada hub fara badan si ay kor ugu qaado cududooda.

Markii ay u cadaatay Mareykanka iyo dalalka reer Yurub inaan Al-Qaacida iyo kooxo taabacsan midna ku sugneyn gudaha Soomaaliya, waxa ay qaadeen tillaabooyin ay ku hubinayaan ineyan soo galin xubnaha Al-Qaacida dalka Soomaaliya, kuwaas oo laga yaabo iney ka soo cararaan dagaalka ka socda Afqaanistan. Hawl galkaas waxaa ka qayb qaatay dalalka Mareykanka, Ingiriiska, Jarmalka, Faransiiska, Sbaanishka iyo kuwa kale oo ku deeqay maraakiib iyo ciidan ilaaliya xeebaha Soomaaliya. Mareykanku wuxuu saldhig uu ka ilaaliyo Geeska Afrika ka sameystay dalka Jabuuti oo deris la ah Soomaaliya.

 

 

3.2.6 Shirkii dib-u-heshiisiinta ee Mbagathi, Keenya

Sanadkii 2001, waxaa lagu qabtay magaalada Kharduum shir ay isugu yimaadeen madaxda dowladaha IGAD. Arimihii ka soo baxay waxaa ka mid ahaa in wadamada la isku yiraahdo Wadamaha Safka Hore oo ka kooban Itoobiya, Jabuuti iyo Keenya, ay qabanqaabiyaan shir dib-u-heshiisiineed. Shirkaas waxaa loogu talo galay in lagu heshiisiiyo Dowlada KMG ah iyo kooxaha ka soo horjeeday.

Dowlada KMG ah ayadoo ka fogaaneysa shirka in lagu qabto Itoobiya, ayey soo jeedisey in Keenya ay ayadu dhigto gogosha shir dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed. Arrintaasi waxay noqotay mid ay ka qomameysay Dowlada KMG, maxaa yeelay waxay illowday xiriirka hoose ee ka dhexeeya labada dal ee Keenya iyo Itoobiya. Taasina waxay soo shaac baxday markii uu madaxweynihii hore ee Keenya uu khudbad ka jeediyey Jaamacad ku taal dalka Mareykanka oo uu yiri, Keenya iyo Itoobiya mid koodna ma doonayo iney Soomaaliya yeelato dowlad xoog leh oo dhul ku sheegata dowladaha deriska la ah sida Keenya iyo Itoobiya.

15kii bishii Oktober 2002dii, Shirka Dib-u-heshiisiita Soomaaliyeed wuxuu ka bilowday magaalada Eldoret ee dalka Keenya. Shirka ujeedadiisu waxay ahayd in la heshiisiiyo Dowlada KMG ah iyo kooxaha ka soo horjeeda oo ay intooda badan taageerto dowlada Itoobiya. Qorshahaas waxaa la bedeley intii shirka qabanqaabadiisa lagu jirey. Waxaana ka shaqeeyey dowlada Itoobiya iyo wakiilada Beesha Caalamka uga qayb galayey shirka. Shirkiina wuxuu noqday mid u dhexeeya Dowlada KMG ah, madaxda kooxaha iyo dad laga soo xulay ururada bulshada rayidka ah.

Shirka waxaa loogu talo galay inuu hago guddoomiyaha Guddiga Farsamada ee dowladaha IGAD oo loo magacaabay nin la yiraahdo Mr Mwangale. Ninkaa markiiba wuxuu noqday nin aan hadal ka soo celin wax alla wixii uu soo jeediyo wakiilka dowlada Itoobiya shirka u jooga. Waxaa in mudo ahba socdey muranka ku saabsan ergada shirka ka qayb galeysa tiradeeda iyo cidda ay noqoneyso. Waxaa iska soo dabo baxay liisas kala duwan oo midba mid burinayo. Arrintaas markii dambe, waxaa lagu fasiray in ka mid noqoshada shirku ay noqotay mid lacag lagu bixiyo oo ay gaadhay heer la isku fallisey.

Waxaa kaloo cadaatay in la kala shaandheeyo magacyada ay soo gudbiyeen Dowlada KMG ah, madaxda kooxaha iyo ururada bulshada rayidka ah, oo qofkii fikradihiisu aaney u janjeerin dhinaca Itoobiya laga saaro liiska ka-qaybgalayaasha shirka. Waxaa kale oo jirey in Beesha Caalamku ay soo jeedisey in shirka ay ka qayb galaan dad isugu jira waxgarad, siyaasiyiin iyo aqoonyahano Soomaaliyeed oo magac dheer ku leh dalka gudihiisa iyo dibadiisaba. Dadkaas waxaa ka mid ahaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen iyo Brofesoor Cabdi Ismaaciil Samatar, waxaana ujeedadu ahayd iney talooyin ka dhiibtaan sida ugu haboon oo loo dhisi karo dowlad Soomaaliyeed oo wax-ku-ool ah. Liiskaas waxaa diidey madax kooxeedyada shirka ka qaybgalaya, taasina waxay markhaati ka tahay inaaney rabin ayaga mooyee iney cid kale talo ka dhiibato markii laga hadlayo aayaha dambe ee Soomaaliya.

Wakiiladii Beesha Caalamka oo u arkayey iney muhim tahay in dadkaasi ka qaybgalaan shirka, ayaa liiskii dadkaas mar kale u soo gudbiyey Guddiga Farsamada ee IGAD. Kadib markii arrintaas laga wada hadlay, go’aankii wuxuu noqday inaan lagu darin liiska magacyada shakhsiyaadka Itoobiya iyo Jabuuti ay labaduba soo gudbiyeen. Waxaase la yaab ahayd inaan dadkaas isugu jirey waxgarad, siyaasi iyo aqoonyahanba aan marnaba wax laga weydiin shirku siduu ku najixilahaa. Arrintaas eeddeeda, waxaa dusha laga saaray guddomiyaha Guddiga Farsamada Mwangale oo asagu shirka majaraha u hayey.

Shirkii markii uu bilowday, waxaa cadaatay inaanu la mid ahayn shirkii Carta oo aan loo ogoleyn in Soomaalidu shirguddoonka yeelato. Waxaase taas ka sii daran arrinta ah in shirka la horkeeno waxyaabo aan laga wada hadlin oo laga soo minguuriyey meelo kale. Taasi waxay hoos u dhigtay rajadii la .qabay in shirka ay ka dhalato dowlad Soomaali ku diirsato ugana baxdo dhibaatooyinka haystey mudada 13ka sano ahayd. Waxaa jirtey in shirka la hor keenay qoraal ay soo diyaariyeen dad aan Soomaali ahayn oo dhigayey in la dhiso dowlada Federaal ah oo ay hoggaaminayaan dagaal oogayaasha madaxda u ah kooxaha ka jira dalka. Arrintaas ma noqon mid lagu heshiiyo oo qancisa adraafta kala duwan ee shirka ka qayb galeysey.

Qoraalkaas oo madaxda kooxaha iyo Dowlada KMG ah loo qaybiyey si ay uga soo baaraandagaan, wuxuu noqday mid aakhirkii la isla ogolaaday oo ay saxiixeen 24 ruux oo ka kala tirsanaa madaxda qaybaha kala duwan ee shirka ka qaybgalaya. Heshiiskaas waxaa qalinka lagu duugey, 27kii bishii Oktober 2002dii, wuxuuna dhigayey in la dhiso dowlad xukunkeedu baahsan yahay oo federaal ah. Wuxuu kaloo dhigayey in laga bilaabo taariikhda la saxiixay heshiiskan in la dhaqan geliyo xabad joojin wadanka oo dhan ah iyo in lagala dagaalamo argagixisada dalka Soomaaliya. Waxaa la isla ogolaaday in lix gudi la qabto si ay uga soo shaqeeyaan qoraaladii dowlada la dhisidoono ay ku dhaqmi lahayd sida Axdiga KMG ah.

Guddiyadaas waxay ahaayeen kuwan hoos ku qoran:

  1. Guddiga Axdiga KMG ah
  2. Guddiga Dib-u-heshiisiinta, Xuquuqda Aadanaha iyo Anshaxa guud.

3        Guddiga Dhismo Hay’adeed iyo Dummida Kheyraadka

  1. Guddiga Dhismaha Nabadda.
  2. Guddiga Gobollada iyo Xiriirka Caalamka.
  3. Guddiga Lahaanshaha Dhulka iyo Xuquuqda dadka laga tirada badan yahay.

 

Go’aanada la gaaray, waxaa ka mid ahaa in markii ay lixda gudi soo dhammeeyaan qoraaladooda shirku u gudbo wajigii 3aad. Arrintaasi ma noqon mid sahlan, oo waxaa muran xoog lihi ka dhacay cida ka qaybgaleysa guddiyadaas lixda ah iyo tirada ergada rasmiga ah ee shirka ka qayb galeysa. Waxaa eedeyn badan loo soo jeediyey Guddiga Farsamada IGAD oo ayagu waraaqo ay ku qoranyihiin magacyo isburinaya marar badan soo dhajiyey, taas oo jaahwareer ku ridey dad badan oo ergada rasmiga ah ka mid ahaa.

Doorashooyinkii ka dhacay dalka Keenya kadib, waxaa dad badani isweydiinayeen su’aasha ah, dowlada cusub ee Madaxweyne Mwai Kibaki uu hoggaaminayo ma taageeri doontaa shirka dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed. Nasiib wanaag dowlada Keenya taageero cad ayey siisay shirka ka socdey magaalada Eldoret, waxayna u magacawday guddoomiye inuu noqdo ninka la yiraahdo Bethwel Kiplagat oo jagooyin badan ka soo qabtay dowladihii hore ee Keenya. Taasi rajo weyn ayey ku soo kordhisay ka-qaybgalayaasha shirka iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed oo aad u xiiseynayey dib-u-heshiisiin ka dhalata Soomaaliya.

Dowladaha bixinayey kharashaadka ku baxa shirka, waxay aad uga cawdeen kharaashka saa’idka ah ee ku baxay shirka iyo xisaab-celin la’aanta. Marar badan wakiilada dowladaha shirka kharashkiisa bixiya, waxay codsadeen in guddoomiyaha Guddiga Farsamadu keeno xisaab-celin si ay u bixiyaan kharashaad kale. Bishii Janaayo 2003dii ayadoo ay saluugmo badan oo arrintaas ku saabsani jirto ayaa shirka loo soo rarey kulleejo ku taal Mbagathi oo u dhow Nayroobi, si loo yareeyo kharashaadka ku baxa shirka.

Shirka markii loo wareejiyey Mbagathi, Bethwel Kiplagat wuxuu u yeeray Isimadii Soomaaliyeed si ay uga talo bixiyaan shirka iyo si ay u yaraato is qabqabsiga ka dhexeeya kooxaha ka qaybgalaya shirka. Keenida Isimada waxaa gaashaanka ku dhuftay dagaal oogayaasha oo aan rabin in Isimadu ay soo farageliyaan dhismaha dowlad qaran.

Guddiyadii loo xilsaaray qoraalada kala gedisan, gidigood waa soo gudbiyeen qoraaladoodii ayagoo mideysan guddiga Axdiga KMG ah mooyee. Guddigii Axdiga KMG ah, wuxuu u qaybsamay labo qaybood oo soo kala gudbiyey labo dastuur oo aad u kala fog. Markaa kadib shir guddoonku, wuxuu magacaabay guddi cusub oo iswaafajiya labada qoraal ee ay soo kala gudbiyeen gudigii loo diray iney soo qoraan Axdiga KMG ah. Guddiga Iswaafajinta Axdiga, ayaguna waxay soo diyaariyeen qoraal dad badani u riyaaqeen, waxaase markiiba ka horyimid wakiilkii dowlada Itoobiya iyo kooxda SRRC oo ayagu gacansaar la leh maamulka ka jira Addis Ababa.

Intaa kadib, guddi ay doorteen madaxda kooxuhu wuxuu soo saaray qoraal Axdi kale ah oo ka soo horjeeda kuwii hore loo soo gudbiyey. Cadaadis guddoomiyaha Guddiga Farsamada uga yimid dhineca kooxda SRRC iyo wakiilka dowlada Itoobiya awgeed, ayaa shirweynaha loo gudbiyey Axdigii ay raaliga ka ahayd dowlada Itoobiya. Arrintaas waxaa sahley iney meel marto, markii ergadii Dowlada KMG ah ay kala jabeen oo barkood la fikrad noqday SRRC. Xasan Abshir iyo Cabdalla Deerow oo kala ahaa Ra’iisul Wasaare iyo Guddomiyaha Baarlamaanka Dowlada KMG, waxay ka soo horjeesteen talooyinkii Cabdiqaasim Salaad Xasan oo asagu ah madaxweynaha Dowlada KMG.

Axdigaas waxaa si kedis ah loo geeyey shirweynaha, waxaana sacab ku ansixiyey ergadii shirka joogtay inteedii badnayd oo ayagu markii horeba lagu soo xulay raacsanaanta fikradaha ay Itoobiya ka leedahay dalka Soomaaliya. Axdiga la ansixiyey waxaa ku qornaa in la kala saaro diinta iyo dowlada. Haddii ay taasi hirgasho, Soomaaliya waxay noqon lahayd wadanka labaad ee dastuur noocaas ah sameysta wadamada Islaamka ee dunida ka jira. Wadanka kowaadna waxaa ah Turkiga oo aynu wada naqaano, meesha ay diinta Islaamka kala joogaan.

Waxaa kale oo ku qornaa Axdigaas in dowlada shirkan ka dhalata ay la xaajooto dowlada Soomaaliland iyo dowlad goboleedyada ka jira dalka Soomaaliya. Qodobka asna dhaliyey hadal iyo walaac fara badan, wuxuu ahaa in markii dowlad la dhiso isla markiiba lagu dhaqaaqo ku dhaqanka nidaamka federaalka ah. Ayadoo dadka intiisa badani ayna waxba ka qabin in Soomaaliya noqoto dowlad federaal ah, haddana waxaa muuqata in hirgalinta federaalku u baahan tahay in la sameeyo daraasad ah nooca federaalka aan qaadaneyno iyo xuduudaha dowlad goboleedyada dalku yeelandoono.

Ansixinta Axdigaas, waxaa markiiba diidey Dowlada KMG ah iyo kooxo kale oo ayagu u arkayey inaan laga baaraandegin Axdiga KMG ah iyo in jajuub lagu marsiiyey ee aan lagu ansixin wada tashi iyo is qancintii loo baahnaa. Habka wax u socdeen, waxaa kaloo ka biya diidey wakiilada Beesha Caalamka ka joogey shirka oo ayagu ka welwelsanaa in arrintani keento burburka shirka.

Guddoomiyaha shirka Soomaalida uga socda Mbagathi, ayaa la soo xaadiray Axdigii KMG ahaa shirkii madaxda wadamada Midowga Afrika, asagoo ku andacoonaya in shirka Mbagathi ku tillaabsaday guulo la taaban karo. Dowlada KMG ah wafdigeeda oo ayaguna rabey iney madaxda Afrika u sheegaan sida ay u saluugsan yihiin qaabka IGAD ay shirka u wado, ayaa la yimid shirkii dood ka soo hor jeeda tan uu tibaaxay Guddoomiyaha Guddiga Farsamada IGAD. Shirkaas talooyinkii madaxda Midowga Afrika halkaas ka soo jeediyeen, waxay ahaayeen in kooxaha Soomaalidu isu tanaasulaan si ay wadankooda uga saaraan dhibaatooyinka haysta. Wadamada IGAD oo ay ugu horreyso Itoobiya, waxaa loo soo jeediyey iney si isu dheelitiran u dhexdhexaadiyaan kooxaha ka-qayb galaya shirka si uu miro u dhalo.

Markii wakiilada Beesha Caalamku ay soo jeediyeen dhaliilo ku aaddan ansixintii Axdiga KMG ah ee 5tii bishii Luulyo, waxaa Guddiga Farsamadu aqbalay in dib loogu noqdo qodobada la isku diidan yahay, si Dowlada KMG ah iyo hoggaamiyaashii kale ee shirka isaga baxay loogu soo celiyo. Dowlada Keenya oo ayada masuuliyad gaar ahi ka saarnayd shirka, ayaa Safiirkeeda Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey u dirtay Muqdisho si uu u soo qanciyo Cabdiqaasim Salaad iyo ragga kale ee shirka isaga baxay. Dowlada KMG ah, kadib markii ay la kulmeen Safiirka Keenya, waxay u soo dhiibeen shuruudaha ay ku xirayaan ku soo noqoshadooda shirka Mbagathi. Waxaa dhacday in Guddiga Farsamada iyo Dowlada KMG ay isdhaafsadeen waraaqo si loo xalliyo khilaafka u dhexeeya. Intaa kadib, Cabdiqaasim iyo kooxdii la socotey oo ay ka mid ahaayeen Cismaan Caato, Muuse Suudi Yalaxow, Barre Hiiraale iyo rag kale, waxay ku soo noqdeen Nayroobi si ay u arkaan isbedelada lagu sameeyey Axdiga KMG ah oo ugu muhiimsanaa waxyaabaha ay shirka uga bexeen.

Hameynkii ay yimaadeen Nayroobi ayaa waxaa hotelkii ay deganaayeen ugu tagey Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibeda ee Keenya iyo Bethwel Kiplagat oo ah Guddoomiyaha Guddiga Farsamada IGAD. Waxaana kulankaasi ku saabsanaa in Cabdiqaasim iyo wafdiga la socda ay yimaadaan shirka berito subax si loo ansixiyo Axdiga KMG ah.

Taas Cabdiqaasim iyo raggiisii la socdey wey diideen oo waxay codsadeen in la siiyo seddex casho si ay uga soo baaraandegaan Axdiga KMG ah oo la rabo in la ansixiyo. Guddiga Farsamadu codsigaas waxay hordhigeen raggii kale ee SRRC, G8 oo uu ka mid yahay Maxamed Qanyare Afrax iyo Xasan Abshir iyo Cabdalla Deerow. Arrinta ah in la sugo Cabdiqaasim iyo wafdiga la socda 3 maalmood gaashaanka ayey ku dhufteen, waxayna yiraahdeen haddii berito subax Axdiga KMG aan la ansixineyn anaguna shirka waa isaga baxaynaa. Cabdiqaasim iyo kooxdii la socotey, waxaa isla hameynimadii u yimid Xoghayaha Guud ee IGAD, Attala Bashir, Safiirka Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya Carlo Ungaro iyo saraakiil ka socota Wasaaradda Arrimaha Dibeda Keenya, waxayna shaaca ka qaadeen inaan shirka la baajin karin loona baahan yahay iney yimaadaan si looga wada doodo Axdiga KMG ah.

Cabdiqaasim iyo raggii kala yimid Muqdisho, markii laga diidey iney darsaan Axdiga KMG ah ee la rabo in la ansixiyo muddo 3 casho ah, ayaguna waa diideen iney shirka ka qaybqaataan oo ay wax ka ansixiyaan Axdiga KMG ah. Maalintaas oo bisha Sebtember ahayd 15 galinkeedii dambe markii lagu dhawaaqay in la ansixiyey Axdiga KMG ah, Cabdiqaasim wuxuu warbaahinta u sheegay in “Shirkii dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed oo ka socdey dalka Keenya uu burburay, ayna burburisey Dowlada Itoobiya oo aan rabin in Soomaaliya dowladi ka dhalato. Waxaan hadda wixii ka dambeeya ka shaqeyn doonaa sidii loo qaban lahaa shirweyne Soomaaliyeed kaas oo lagu qaban doono dalka gudihiisa”.

Bulsha Rayidka qudhoodu waa kala jabeen oo qayb ayaa wax ka ansixisay Axdiga KMG ah. Waxaase jirey iney diideen arrintaas qaar ka mid ahaa Bulsha Rayidka ah oo ay ku jireen Brofesoor Maxamed Cabdi Gaandi, Jaamac Maxamed Qaalib, Caasha Xaaji Cilmi iyo kuwa kale.

Guddoomiyaha Guddiga Farsamada IGAD, Kiplagat wuxuu qoray warqad uu ugu hambalyeynayo dadka Soomaaliyeed uuna ku cadeynayo guulaha shirku ku tillaabsaday. Intaas wuxuu raaciyey in laga bilaabo 16kii Sebtember shirku u gudbey wajigiisii seddexaad ee awood qaybsiga. 5ta qaybood ee la go’aamiyey in wax loo qaybsado, ayaa loo kala qoondeeyey meelo qurux badan oo ay ku shiraan si ay u qaybsadaan xubnaha Baarlamaanka oo ka koobnaan doona 351 qof.

Inkastoo ay qabaa’ilka intoodii badneyd joogeen shirka hadana wey ku heshiinwaayeen iney qaybsadaan xubnaha Baarlamaanka. Kooxdii Cabdiqaasim horkacayey oo shirka Mbagathi ka baxday ayaa shirar ku yeeshay Muqdisho, ayagoo gaaray heshiisyo dhexdooda ah. Waxaa intaa ku xigtay in shir lagu qabtay magaalada Balcad looga dhawaaqay isbahaysi cusub oo la magac baxay Golaha Samatabixinta Qaranka Soomaaliyeed. Ujeedada loo aasaasay golahan, waxay ahayd in laga hortago dowlada Soomaaliyeed ee la damacsan yahay in lagu soo dhiso dalka Keenya.

Dowlada Jabuud oo in muddo ahba aan ku qanacsaneyn sida shirku u socdo, una janjeertey dhinaca Dowlada KMG ah, ayaa shaaca ka qaaday iney hadda wixii ka dambeeya aaney ka qayb galeyn shirka ka socda Mbagathi. Waxayna eedo u soo jeedisey guddoomiyaha shirka Bethwel Kiplagat. Waxaa kale oo soo baxday warqad ay qoreen wakiilada Beesha Caalamka oo yiri ma aqoonsandoono dowlad aan loo dhameyn oo ka dhalata shirka Mbagathi. Guddomiyaha Guddiga Farsamada, wuxuu hakad galiyey shirkii muddo 21 casho ah laga bilaabo 1dii bishii Oktober, markii cadaadis xoog leh uga yimid Beesha Caalamka oo ayagu aad uga taxadarayey inaan shirku burburin. Waxaase shirka in hakad la galiyo diidanaa kooxaha SRRC, G8 iyo wakiilka dowlada Itoobiya.

Arrimahaas oo dhan ayaa carqalad ku noqday qorshihii Guddiga Farsamada IGAD uu watay oo ahaa in dowlad lagu dhiso shirkan xattaa haddii Cabdiqaasim iyo inta raacsani ay diidaan. Kiplagat oo asagu doonayey inuu la tago Axdiga KMG ah, shirka madaxweynayaasha IGAD ay ku yeelanayaan magaalada Kampala ee dalka Ugaandha 24ka illaa 26ka bisha Oktober, ayaan ku guuleysan arrintaas ayada ah. Maxaa yeelay, Dowlada KMG ah ayaa ayaduna dadaal xoog leh u gashey sidii ay uga dhaadhicin lahayd madaxweynayaasha Midowga Afrika in shirka dib-u-heshiisiinta Soomaalidu burburay oo haatan wixii ka dambeeya ayagu doonayaan in ay qabanqaabiyaan shirweyne lagu qabto dalka gudihusa.

Madaxdii dowladaha IGAD ee shirka Kampala isugu yimid waxay go’aamiyeen go’aano la oran karo waxay ahaayeen dhexdhexaad si shirka Soomaalidu u najaxo. Go’aanadaas waxaa ka mid ahaa:

1        In Guddiga Farsamada IGAD oo ka koobnaa dowladaha Itoobiya, Keenya iyo Jabuuti, lagu kordhiyo waddamada Ugaandha, Eriteriya iyo Suudaan.

  1. In magaca Guddiga Farsamada loo bedelo Guddiga Hawl-fududeynta Shirka.
  2. In awood dheeraad ah uu yeesho Guddoomiyaha xilligan ee wadamada ku bahoobey urur goboleedka IGAD ahna madaxweynaha Dowlada Ugaandha Yuweri Museveni, si uu uga mira dhaliyo shirka.
  3. In Wasiirada Arrimaha Dibeda ee IGAD ay isugu yimaadaan shir magaalada Nayroobi 28ka Oktober 2003, si ay uga arrinsadaan Shirka dib-u-heshiisiinta Soomaalida ee Mbagathi
  4. In ururka Midowga Afrika ay ku yeelato shirka Soomaalida kaalin weyn.

 

Wasiirada Arrimaha Dibeda ee IGAD kadib markii ay ku shireen Nayroobi 28kii Oktober 2003da, waxay soo saareen Go’aamadan soo socda:

  1. In shirka Mbagathi ka socda uu weli ku jiro wajigiisii 2aad oo aan weli loo gudbin wejigii 3aad ee shirka.
  2. In kooxaha ka qaybgalayey shirka Mbagathi ay isugu yimaadaan shir 9ka bisha Desember si ay u dhammeeyaan khilaafaadka dhexyaal. Balantaasi dib ayey u dhacday, waxaase mar kale lagu balamay in la isugu yimaado shir wadatashi ah 18ka Desember 2003da.

Madaxda kooxaha Soomaalida oo ka baaqsaday iney ka soo qayb galaan shirkii lagu ballamay darteed, ayaa IGAD waxay iclaamisay in shirka dib la isugu yimaado 9ka bisha Jannaayo 2004. Waxaa muran xoog lihi ka dhashay markii IGAD ay sheegtay in tirada hoggaamiyaasha shirka wadatashiga ka qayb galaya la gaarsiin doono 42 qof. Golaha SRRC iyo hoggaamiyaal kale, ayaa ku hanjabay iney shirka ka bixi doonaan haddii laga badiyo 25 qof uu ku jiro Cabdiqaasim Salaad Xasan. Dowlada Itoobiya oo ayadu ka gaabsatay iney ka qayb gasho shirarka IGAD illaa iyo intii hoggaaminta shirka lagu wareejiyey madaxweynaha Ugaandha Yuweri Musaveni, ayaa kula talisay ragga ka tirsan SRRC iney isugu tagaan magaalada Jowhar si ay u dhisaan dowlad ayagu ay hogaanka u hayaan.

Madaxweynaha Ugaandha oo yimid Nayroobi 8dii bisha Janaayo 2004 si uu u qanciyo madaxda kooxaha, ayaa kulamo la yeeshay koox walba. Maalintii shirku furmi lahaa, hoteelkii shirku ka furmi lahaa waxaa yimid Madaxweynayaasha Keenya iyo Ugaandha si shirka ay u furaan. Waxaase u cadaatay iney ragga madaxda kooxaha Soomaaliyeed ee meesha isugu yimid ay aad u kala fogyihiin. Musaveni wuxuu raggaas u kala dabqaadayey illaa iyo 4tii galabnimo, markaas oo shirkii si rasmi ah loo furay. Waxaase la yaab noqotay raggii is diidanaa oo shirku khilaafkooda ka socon waayey, iney mar qur ah gacmaha is qabsadeen ayagoo qaadaya Soomaaliyeey toosoo isku tiirsada hadba kiina tag daran taageera waligiin.

Markii uu la hadlayey raggaas madaxweynaha Yugaandha, wuxuu ku yiri “Hoggaamiye waxaa ah qofkii dadkiisu doorto, ama xoog wax haku qabsada amuse hoggaamiye dhaqameed ah. Waxaan filayaa ineydaan midna ahayn, haddaba u daneeya carruurtiina aan tacliinta iyo daryeelka caafimaad midna helin ilaa iyo 1991dii.”

Hoggaamiyaasha Soomaalida oo la dejiyey Hotel Safari Park oo ku yaal Nayroobi, ayaa waxaa u furmay shir wadatashi ah oo ay uga xaajoonayeen arrimaha ay isku khilaafsanaayeen. Inkastoo uu muran ka dhashay tirada hoggaamiyaasha ka qayb galaya shirka, haddana waxaa madaxda kooxuhu gaareen heshiisyo muhiim ah. Qodobada ugu door roon heshiisyadaas, waxay ahaayeen in tirada Baarlamaanku noqoto 275 xubnood, in dowlada laga dhisayo Soomaaliya ay noqoto mid federaali ah iyo in madaxda kooxaha iyo Isimadu ay soo wada xulaan cidda ka mid noqoneysa Baarlamaanka. 29kii bishii Jannaayo 2004, waxaa lagu saxiixay qasriga madaaxtooyada dalka Keenya heshiiskii ay madaxda kooxuhu gaareen. Munaasabadaas oo aad loo soo agaasimay, waxaa ka soo qayb galay wakiillada Beesha Caalamka, wakiillo ka socda IGAD iyo madaxda kooxaha ku shirayey Mbagathi. Waxaa ayana la isla gartay in shirku u gudbo wajigii seddexaad si loo soo xulo xubnaha Baarlamaanka Dowlada KMG ah.

Kadib markii heshiiskaas la wada saxiixay, shacabka Soomaaliyeed aad buu u soo dhaweeyey muwaafaqada ay yeesheen madaxda kooxaha shirka ka qayb galayey. Waxaa kaloo soo dhaweeyey heshiiskaas dowladaha Mareykanka, Ingiriiska, Talyaaniga iyo Midowga reer Yurub oo ku dhiiri galiyey madaxda kooxaha iney ka dhabeeyaan go’aankooda. Nasiib darro usbuuc gudihiis sidii caadada ahayd, waxaa soo if-baxay khilaaf hor leh oo rag ka tirsan golaha SRRC ay caddeysteen in lagu khiyaamay go’aanadii heshiiskii la saxiixay 29kii bishii Jannaayo 2004. Isbedelkaas ku yimid madaxdii kooxaha ee saxiixday heshiiskaas, waxa ay dadku ku eedeynayaan dowlada Itoobiya oo ayadu caadeysatay iney ka hortimaado heshiis kasta oo doowlad loogu dhisayo ummadda Soomaaliyeed. Waxaa socda dadaallo ay hormood u yihiin Mareykanka, Midowga Yurub iyo wadamada Keenya iyo Yugaandha oo lagu doonayo in lagu dhammeeyo khilaafkan lagu diidan yahay heshiiskii la gaarey.

 

3.3    Caqabadihii Hortaagnaa Dhisme Dowlad Qaran

Kadib markii ay burburtay dowladii uu madaxda ka ahaa Maxamed Siyaad, Qaramada Midoobey iyo wadamo badan oo isugu jira kuwa ku yaal gobolka Bariga Afrika, Wadamada Carabta iyo Talyaaniga waxay isku dayeen iney soo celiyaan qaranimadii burburtay ee Soomaaliya. Waxaa la qabtay 14 shir oo looga arinsanayo sidii dowlad loogu dhisilahaa dalka. Haddaba maxaa hortaagan iney Soomaaliya yeelato dowlad hanata qaranimadii ay dadka Soomaaliyeed halganka dheer u soo galeen. Su’aashaas jawaabteeda, waxaan filayaa in qof walba ay si ula ekaato. Waxayse aniga ila tahay, in eedaha arrintaas ku saabsan.bar loo tiirinayo dadka Soomaaliyeed nooc kastaba ha ahaadeene barka kalena dowladaha lugta ku lahaa dumintii qaranka Soomaaliyeed.

Haddii aan soo qaadano eedaha loo soo jeedinayo madaxda kooxaha wadanka ka jira, waxaa la yiraahdaa ayagu kuma heshiin karaan iney qaybsadaan maamulka dowladnimo! Waxaa jirta in nin kastaaba uu doonayo inuu asagu madax ka noqdo dowladii dhalata, haddii taas uu waayana markaas uu diido in cid kale ay madax ka noqoto dalka. Intaas waxaa raaca in madaxda kooxuhu aynan ogoleyn in qof aan ayaga ahayni uu madax ka noqdo dalka. Sababtuna waxay tahay, ayaga oo aaminsan iney yihiin halgamayaal u soo dagaalamay madax banaanida iyo kor u qaadida sharafta kooxda (qabiilka) uu matalayo. Astaanta kale oo ay leeyihiin raggaasi, waa inuu xoog ku haysto talada qabiilka ama kooxda uu matalo. Ma ogola in cid kale ay magac ku yeelato ama ay ka soo baxdo cidda ay matalayaan. In lagula tartamo kooxda uu madaxda ka yahay iska daaye, waxay sameeyaan dagaal dhiig badani ku daato si ay madax kooxeed u sii ahaadaan.

Intaa waxaa raaca in madaxda kooxuhu ay ku soo caan baxeen dagaaladii sokeeye, kuwaas oo dadka Soomaaliyeed halakeeyey. Sida aan la socono qabiilku waa sallaan ama jaranjaro lagu gaaro madaxnimo, markii dantii laga lahaa laga gaarana la iska tuuro ama dan looga baxo. Taas waxaan uga jeedaa madaxda kooxaha markii hore, waxay thiqa iyo kalsooni ka raadsadeen qabiilkooda, dantoodii markii ay ka heleena waxay noqdeen madax aan weligood ka dhicin jagada. Qabiilku waa dooran karaa shakhsi inuu noqdo madax siyaasadeed, laakiin waa yar tahay ama ma dhacdo inuu ka qaado awoodaas uu hore ugu magacaabay.

Su’aasha kale waxay tahay, maxaa keenay in madaxda kooxuhu ka madax banaanaadaan qabiilkii hore u doortay? Madaxda kooxaha dalka ka jira, waxaa ay gacansaar laleeyihiin wadamo ajnabiya oo ay ka helaan taageero siyaasadeed iyo mid maaliyadeedba. Intaa waxaa raaca, iney helaan dhaqaale ka soo gala goobaha kooxdoodu ka taliso. Ilahaas dhaqaale, waxay u kala baxaan dekedo, garoomada diyaaradaha iyo canshuur amase baad ay ka qaadaan shacabka masaakiinta ah ee dagaaladu aafeeyeen. Magaalooyinka qaarkood, waxaa la sheegaa in maleeshiyada madax kooxeedku ka qaado lacag baad ah qofkasta oo degan magaalada, ayadoon wax khadamaad ah aan loogu bedeleyn. Shacabka cayn kaas ah, waxaa kale oo loo geystaa dil, dhac, afduub iyo kufsi joogto ah. Erayada caanka ah oo ay yiraahdaan, markii qof kale damco inuu talo ka bixiyo arrimaha dalka, waxay yihiin hebel yuu matalaa, xagee buuse xukumaa? Waxaa hadal kaas ku qarsoon fikrada oraneysa ninkii dadkiisa laayey oo haddana xoog ku haysta ayaa madax noqon kara.

Arrimahaas oo dhan marka aan isku soo xoorinno, waxaa caddaan ah in madax kooxeedku aanu dooneyn inuu dhismo qaran Soomaaliyeed oo markaas soo celiya kala dambeyntii iyo nidaamkii dowladnimo. Haddii uu ogolaadana, wuxuu weynayaa lacagtaas faraha badan oo ka soo gasha shacabka uu xoogga ku haysto.

Sababaha dalku u degi la’yahay, waxaa ka mid ah in markii ay burburtay dowladii Soomaaliyeed, inta badan madax kooxeedyadu ay ka qayb qaateen dagaaladii sokeeye oo ay dad badan u geysteen dil iyo dhac intaba. Waxaa intaa sii dheer, in qaarkood ay u baqayaan mustaqbalkooda haddii la helo dowlad aaney ayagu madax ka ahayn. Waxaa jira kuwa lagu eedeeyo iney furfurteen oo ay haddana dhoofiyeen warshadihii dalka ku yiiley. Markaas waxaad moodaa iney talo uga dhammaatay iney is hortaagaan fursad kasta oo dalka dowlad loogu sameynayo.

Waxaa kaloo xusid mudan, in raggii la shaqeyn jirey Maxamed Siyaad, oo ayaga laftooda lagu tilmaami jirey iney qayb ka qaateen burburintii qaranka Soomaaliyeed, ay hor boodayaan qabaa’ilka. Waxaa caddaan ah, iney dhib badan u geysteen shacab dhibaateysan, ayagoo ku andacoonaya iney ka shaqeynayaan danaha dadka ay matalaan. Haddii aan soo qaadano Dowlada KMG ah, Wasiirada iyo Golaha Shacabkaba waxaa ka buuxa raggii waddanka burburkiisii ka qaybqaatay oo la shaqeyn jirey dowladii hore.

Waxaa ayana xusid mudan, in madax kooxeedyada qaarkood ay aaminsan yihiin in Soomaaliya uu ka dhacay isbedel kacaan oo ay qabaa’ilka qaarkood aaney marnaba aqbali karin inuu madaxweyne noqdo qof ka soo jeeda qabaa’ilkii hore madaxda uga ahaan jirey. Waxaad moodaa ineyan ku kalsooneyn in si dimuqaraadi ah doorasho loo galo si loo helo madaxweyne. Haddaba illaa inteeba shacabka Soomaaliyeed sugidoonaan in madax kooxeedyadaasi ay bedelaan mowqifkooda aan soo sheegnay.

Markii aan intaas ku dhaafno eedeymaha loo soo jeedinayo madaxda kooxaha, bal aan eegno quwadaha shisheeye sida ay lug ugu leeyihiin dowlad la’aanta dalka ka jirta. Sida qof waliba la socdo, qarankii Soomaaliyeed dumintiisii waxaa qayb ka qaatay dowlado shisheeye ah, ayagoo ku andacoonayey iney ka kor- qaadaan ummadda Soomaaliyeed diktatoorka xukumayey mudda 22ka sano ahayd. Waxaan qabaa haddii ay taasi daacadnimo ka ahayd iney u soo gurman lahaayeen dalka kadib markii la ridey dowladii Maxamed Siyaad, si loo dhiso dowlad kale.

Waxaan la wada soconaa, in markii madaxweynihii Itoobiya Mingistu Haile Miriam laga tuuray xukunka, ay u soo gurmadeen Qaramada Midoobey, Mareykanka iyo Yurub. Waxay ku amreen Jabhadihii dagaalamayey iney xabad joojin degdeg ah sameeyaan, si loo qabto shir lagu dhiso dowlad bedesha tii la ridey. Shirkaas waxaa lagu soo dhisey dowlada maanta ka talisa dalka Itoobiya.

Arrinta kale ee muhiimka ahi, waxaa weeye ayadoo ay ku hardamayaan dalka Soomaaliya dowlado danaha ay ka leeyihiin ay iska horimaanayaan. Tusaale, waxaan u soo qaadan karnaa Yurub iyo Mareykanka oo ayagu u wakiishay Itoobiya iney ka taliso arrimaha dalka Soomaaliya si ay danahooda uga gaaraan. Taas waxaa lid ku ah danaha Masar iyo dalal kale oo Carbeed ay ka leeyihiin Soomaaliya. Hardankaas siyaasadeed, wuxuu kallifay in markii Itoobiya ay shir Soomaaliyeed oo dalkeeda lagu qabanayo ay qabanqaabiso in ay lugta jiidaan dowladaha ka soo horjeeda sida Masar. Taas waxaa la mid, haddii dowladaha Carabtu isku dayaan iney shir u qabtaan kooxaha dalka ka jira, waxaa markii ka daba qaata Itoobiya oo fashilisa.

Bishii Sebtember 2003dii, Madaxweynihii hore ee dalka Keenya, Daniel Arap Moi, wuxuu khudbad ka jeediyey Jaamacad ku taal dalka Mareykanka, asagoo sheegay in Keenya iyo Itoobiya labaduba ay hortaagan yihiin in Soomaaliya ay yeelato dowlad xoog leh oo markaas dhul ku sheegata dalalka Keenya iyo Itoobiya. Waxaan filayaa in hadalkani Moi uu jeediyey uu jawaab waafi ah u yahay su’aashii ahayd, maxaa hortaagan in dib loo dhiso dowladii burburtay ee Soomaaliya? Waxaase dad badani isweydiinayaan kol haddii dowladihii derisku ay diidan yihiin in dowladi ka dhalato dalka Soomaaliya, maxaa dadka wadankan u dhashay ay ayagu u tashan la’yihiin oo dowlad u dhisan waayeen?

Shirkii lagu qabtay Carta ee dalka Jabuuti, waxaa ka qayb galay dad aad u fara badan oo isugu jira madaxda kooxaha, siyaasiyiin, aqoonyahanno iyo dadweyne doonayey in la helo dowlad Soomaaliyeed. Shirkaasi wuxuu ahaa shirka kaliya ee aan loo qaban madaxda kooxaha kaligood. Waxaana ka soo baxay dowlad aan loo dhammeyn laakiin shacabka Soomaaliyeed ay aad u taageereen gudaha iyo dibedaba. Wuxuu ahaa shir ka madax banaan gacan shisheeye oo ay hoggaanka u hayeen siyaasiyiin iyo waxgarad Soomaaliyeed. Laakiin nasiib darro, waxaa lugta jiidey dowladihii aan ka raaliga ahayn in dalku dowlad yeesho. Dowladahaas ayagoo adeegsanaya madaxda kooxaha, ayey curyaamiyeen Dowladii KMG ahayd.

 

3.4 Dimuqaraadiyada iyo Soomaaliya

Mudadii sagaalka sano ahayd oo ay waddanka ka talinayeen dowlado la soo doortay, ayaa waxaa la oran karaa dimuqaraadiyad ayaa dalka lagu xukumi jirey. Waxaa dhici jirey doorashooyin lagu soo doorto xubnaha Baarlamaanka, kadibna waxay iska dhex dooran jireen madaxweyne. Waloo marxaladaasi ahayd mid doorashooyin dhici jireen, haddana waxaa la oran karaa ma ahayn dimuqaraadiyad buuxda oo daldaloollo badan ayaa jirey.

Daldaloolada ay lahayd dimuqaraadiyadii ay ku dhaqmi jireen dowladihii lixdameeyadii ka jirey dalka, waxaa weeye xisbiyadii jirey oo ku dhisnaa hab qabiil iyo doorashooyinka oo ay ku shuban jireen xisbiyadii ugu awooda badnaa wakhtigaas. Caadiyan nidaamka xisbiyada badan ee dimuqaraadiga ah, xisbiyadu waa iney ku kala duwanaadaan afkaar siyaasadeed oo kaliya. Kol haddii xisbiyada gundhigoodu yahay qabiil oo aanu ahayn afkaar siyaasadeed, Baarlamaankii ama dowladii ka dhalata waa mid aan ku dhaqmeyn dimuqaraadiyad sax ah.

Haddii aan soo qaadano dowladii ciidamadu hoggaaminayeen oo ayadu isku magacawday xukuumadii Soomaaliyeed ee Dimuqaraadiga ahayd, waxaa dhab ah iney aad uga fogeyd ku dhaqanka nidaamka dimuqaraadiga ah. Waxaa taas daliil u ah, Baarlamaanka ama golaha waddanka xukuma, wuxuu ahaa mid uu soo xulay madaxweynihii kacaanka. Waxaa intaa raaca ayadoo waddanka uu ka jirey xisbi qur ah, oo asna xubnihiisa la soo xulay.

Kadib markii la waayey nidaamkii dowladnimo, gobolada qaarkood qabaa’ilku waxay iska soo doorteen Guurti si loo daboolo kaalintii dowladnimo. Guurtidu waxay wax ku gooyaan isqancin iyo wadatashi ay ka yeeshaan arrin kasta oo timaada. Guurtidu cod uma qaadaan talooyinka ay goynayaan, waxayse doorbidaan iney isqanciyaan si loo xalliyo dhibaato kasta oo soo foodsaarta. Dad badan oo Soomaalida wax ka qoray, waxay tilmaameen in nidaamka guurtidu ku dhaqanto uu yahay mid waafaqsan dimuqaraadiyada.

Nidaamka qabaliga ah ee dadka Soomaaliyeed ku dhaqmaan, wuxuu lid ku yahay in la hirgaliyo nidaam dowladeed oo dimuqaraadi ah. Maxaa yeelay, xataa haddii ay waddanka ka jiraan xisbiyo badan oo loo tartamayo xubnaha Baarlamaanka, waxaan marnaba dadka Soomaaliyeed ka dhaadhaceyn iney taageeraan xisbi uu madax ka yahay ruux aan qabiilkooda ahayn. Haddii ay doorashadu si cadaalad ah u dhacdo oo uu ku soo baxo qof loo doortay inuu hoggaamiyo dalka, waxaa dhaceysa in qofkaas uu dusha ka fuulo cadaadis badan oo kaga imaanaya qabiilkii uu ka dhashay, ayagoo doonaya in loo sad buriyo oo la siiyo wax aaney xaq u lahayn. Taasi waxay dhaxalsiineysaa qofkii madaxda loo doortay inuu ka hormariyo qofka tolkiisa ah kan kale, si uu uga nabad galo dharbaaxooyinka qabiilkiisa.

Arrinta kale waxay tahay, in qabiilku u yahay dadka Soomaaliyeed caymis, sida shirkadaha caymiska ee adduunka ka jira. Qofkasta markii uu dhibaato la kulmo, wuxuu maciin bidaa qabiilkiisa si looga kaalmeeyo dhibka haysta. Haddaba, waxaan filayaa haddii qofku helayo shirkad ama dowlad kafaala qaada baahidiisa nololeed, uma baahdeen inuu ku tiirsanaado qabiil. Magaalooyinka waaweyn sida Muqdisho, waxaad arki jirtey in dadku isu raaci jireen isuna kaalmeyn jireen saaxiibtinimo ayagoon isku qabiil ahayn.

Waxaa kaloo jirtey dagaaladii sokeeye ka hor, in dad badan oo deganaa dhulka webiyada iyo magaalooyinka koonfurta dalka aynan qabiilka sheegasho mooye si kale u isticmaali jirin. Taas waxaa lagu tilmaami karaa ilbaxnimo dheeraad ah oo ay kaga horreeyeen Soomaalida inta aadka ugu dhaqanta qabyaalada oo badanaaba ka soo jeeda dadka xoola dhaqatada ah. Waxaa muuqata iney ku dhaqanka qabiilka sii kobciyeen dadkii xukunka dalka gacanta ku qabtay oo ayagu u isticmaalay qabiilka si ay u gaaraan martabo sare. Waxaa ayana markhaati madoonto ah in la kala soociwaayey fulintii shaqada dowlada iyo qabyaaladii looga dhaqmi jirey miyiga. Taas oo curyaamisey nidaamkii dowladnimo ee dalka.

Shirar badan oo madaxda kooxaha ay ka qayb galeen, waxaa mar walba saldhig laga dhigayey in awooda dowladnimo lagu qaybsado qabiil. Go’aano badan oo la gaarey ma fulin, maxaa yeelay qabiil kastaaba wuxuu rabaa inuu asagu kuraasta ugu badan helo si uu dalka xukunkiisa u qabto. Waxaa caddaan ah inaan dowlad dimuqaraadi ah aasaas looga dhigi karin nidaamka qabiilka. Waxaan tusaale u soo qaadan karnaa, dowladii Carta lagu soo dhisay oo aasaaskeedu ahaa afar qabiil oo waaweyn iyo qabaa’il kale oo la yiri waxay helayaan qabiil barki. Waxaan ogsoonahay, inaanu jirin tirakoob lagu sameeyay qabaa’ilka dalka, marka sow ma dhici karto in qabaa’ilkaas la yiri, waxay qaadanayaan kala bar intuu qaato mid ka mid ah afartaas qabiil ee waaweyn. Arrintan ah afar qabiil oo le’eg iyo qabiil barki, waxaa markii ugu horreysey lagu go’aamiyey shirkii madaxda kooxuhu ku yeesheen magaalada Soodare ee dalka Itoobiya.

Haddii aan u soo noqono cinwaanka ah Soomaaliya iyo dimuqaraadiyada, waxaa caddaan ah sida ummadaha adduunkuba ay soo mareen in Soomaalidu u baahan tahay iney ka gudubto marxalado kala gedisan si ay u helaan waaya aragnimo dheeraad ah oo ay ku horumariyaan noloshooda. Maamul kasta oo ka dhasha waddanka, waxaa la gudboon inuu daraasad ku sameeyo waxa dadka ku kalifa iney ku dhaqmaan qabyaalada kadibna ay dawadiisii raadiyaan. Tan labaad waa in maamulkaasi noqdaa mid ku dhaqmaya cadaalad iyo ka run-sheegid mabaadii’ida dimuqaraadiyada.

Dowladihii dalka soo maray dhammaantood, waxay ka sinnaayeen ku xadgudubka xuquuqda shakhsiga Soomaaliga ah iyo ayagoo aad uga fogaadey ku dhaqanka nidaamka dimuqaraadiyada ay sheeganayeen. Shakhsigu markuu helo xorriyad uu ku caddeeyo wuxuu tabanayo asaga oo. aan ka baqayn in wax la yeelo, ayuu u fakari karaa si sax ah. Dowladihii hore, waxay ku guuldareysteen iney wax ka qabtaan jahliga, cudurada iyo fakhriga haystay shacabka guud ahaan iyo gaar ahaanba xoola dhaqatada dalka. Dhibaatooyinkaas iyo kuwa kale oo aan halkan lagu soo koobi karin, ayaa keenay baahida qofku u qabo inuu ku tiirsanaado qabiilka.

Laga soo bilaabo sanadkii 1960kii, oo ay Soomaaliya xorriyadeeda ka qaadatay isticmaarkii gumeysanayey, shacabkeena oo u badan dad reer guura ah, waxba lagama qaban dliibaatooyinkooda. Noloshoodu waxay joogtaa halkii ay ahayd 1960kii. Annagoo og in dadkeena intiisa badani ay ku dhaqan tahay baadiyaha, waxaa lagama maarmaan ah in kor loo soo qaado noloshooda si loo yareeyo dhibaatooyinka dhaqaale, bulsho, tacliin iyo deegaanba. Markaas ayaa la heli karaa dad ka madax bannaan qabyaalada naafeysay dadkeena.

Qaybta Labaad

2.1     Dowladihii jiray 1960-1969

1dii bishii Luulyo 1960kii, waxaa midoobey wadahal bilo qaatay kadib labadii qaybood ee ay kala gumeysanayeen Ingiriiska iyo Talyaaniga oo kala ahaa waqooyiga iyo koofurta dalka Soomaaliya. Waxaa kala hogaaminayey Cabdullaahi Ciise oo madax u ahaa SYL iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo hogaaminayey SNL iyo Michael Mariano oo asna madax ka ahaa xisbigii waqooyiga ka jirey ee NUF.

Muddadii sagaalka sano ahayd oo ay dowladihii shibilka ahaa ay waddanka ka jireen, waxaa lagu dhaqmayey dastuur ku saleysan nidaamka xisbiyada badan iyo doorashooyin ay dadweynuhu soo dooran jireen xubnaha Baarlamaanka, markaasna Baarlamaanku iska dhex doorto madaxweyne.

Markii aad eegto dastuurkii la sameeyay 1960kii, waxaa la oran karaa dowladihii shibilka ahaa, waxay ku dhaqmi jireen dimuqaraadiyad iyo nidaam dowli ah oo lagu faani karo.

Wuxuu ahaa dastuur ay ku cadahay xuquuqda shakhsiyaadka iyo dadweynaha guud ahaanba. Hay’adaha caddaaladu way ka madax banaanaayeen dowlada iyo baarlamaankaba. Xisbiyadii jiirey waxaa ugu awood badnaa kii la baxay SYL. Ururka SYL wuxuu calaamad u ahaa hanashada xorriyada oo ay ummada Soomaaliyeed u soo kifaaxday muddo dheer. Waxaana jiray wakhti qofka ka tirsan ama taageersan xisbiga SYL, inuusan sheegan jirin qabiil ee uu oran jiray waxaan ahay Soomaali.

Markii xorriyada la qaatay, waxaa madaxweyne loo doortay Aadan Cabdulle Cismaan oo ka tirsanaa xisbigii SYL, laguna tilmaamay inuu ahaa nin qunyar-socod ah. Madaxweynuhu wuxuu Wasiirka Kowaad u magacaabay Dr. Cabdirashiid Cali Sharma-arke oo soo dhisay dowlad ka koobnayd 12 wasiir. Dowladaas waxaa lagu qaybsaday qabiil, waxayna kala ahaayeen sidatan soo socota:

  1. Daarood 4 wasiir (2 Dhulbahante, 1 Mareexaan, 1 Majeerteen)
  2. Isaaq 2 wasiir (1 Habar Awal, 1 Habar Yoonis)
  3. Hawiye 3 wasiir (1 Habar Gidir, 2 Abgaal)
  4. Digil iyo Raxanweyn 3 wasiir

Waxaa kaloo jirey xisbigii SNL oo uu madax u ahaa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, waxaana badanaaba ka tirsanaa dad u dhashay gobollada waqooyi khaasatan Isaaq (Barons, 2001). Xisbiga SNL wuxuu markii dambe labaxay SNC. Xisbiga seddexaad oo ugu weynaa xisbiyadii ka jirey waddanka wuxuu ahaa HDMS oo ay ka tirsanaayeen Digil iyo Mirifle. Xisbiyada HDMS iyo SNL labaduba waxay ka soo horjeedeen SYL oo ayadu ahayd tan ugu xoog badan baarlamaanka ama waddankaba. Intii aan Qaramada Midoobey ku dhawaaqin in dowlada Talyaanigu sii xukunto Soomaaliya muddo toban sano ah ayaa Digil iyo Mirifle soo jeediyeen in xukunka Talyaanigu sii hayo Soomaaliya muddo 30 sano ah.

Sharciga doorashooyinku, wuxuu u ogolaa qofkii doonaya inuu furto xisbi ama u tartamo xubin Baarlamaan inuu helo 500 oo qof oo taageerayaal ah, kuwaas oo ku soo qadimaya magaca tartamaha meel shir ah. Maadaama uu xisbiga SYL ahaa mid aan fursado badan siin jirin dadweynaha, waxaa dhici jirtey in markasta oo doorashooyin la galayo ay sameysmi jireen xisbiyo badan oo qabiil ku dhisan. Qabaa’ilkaas oo dareensanaa in SYL ay ka kooban tahay dhowr qabiil oo qabaa’ilka kalena aan waxba uga ogoleyn xuquuqda ay ku leeyihiin dalkooda.

Waxaa iyana dhici jirtey in xisbiyaashaas yar-yari ay iska baaba’aan ka dib markii doorashadu dhammaato. Qofkii ku guuleysta doorashada oo ka tirsan xisbiyada yar-yar, waxaa uu u wareegi jirey xisbiga SYL si uu uga helo jago dowlada. Taasi waxay keentay in waddanku noqdo waddan hal xisbi ka talinayo. Iney sidaas wax u dhici jireen waxaa markhaati ka ah doorashadii 1969kii, taas oo ay ku tartamayeen 64 xisbi. Markii ay doorashadii dhammaatayna 36 xubnood oo ka socday xisbiyada yaryar ayaa ku biiray SYL oo ayadu heshay 73 xubnood. Intaas waxaa weheliyey iney ku heshiiyeen SYL iyo SNC oo iyana heshay 11 xubnood iney dowlad wada dhisaan, mucaaradka soo harayna uu noqday 3 xubnood (Barons, 2001).

Madaxdii Soomaaliyeed ee sagaalkaas sano, waxay ku andacoon jireen iney ku dhaqmayeen nidaamka dimoqaraadiga ah, haddana dhab ahaan wuxuu ahaa nidaam qabyaalad huwan. Waxaa dhici jirtay in doorashooyinka lagu shubto oo lagu xadgudbo dad badan oo markaas awood aan u lahayn iney helaan kuraastii ay xaqa u lahaayeen. Tusaale ahaan waxaa marar badan dhacday in rag aan u dhalan degmo degmooyinka Soomaaliya ka mid ah, iney qaadan jireen kuraasta ama xubnaha Baarlamaanka ee deegaankaas. Si arrintaas u meel marto, waxaa la adeegsan jiray ciidamada ama booliska. Taasi waxay keentay iney shacabka deegaanadaas ay ka niyad jabaan iney caddaalad ka helaan nidaamka markaas jiray. Inkastoo xisbiyo badani ka jireen wadanka hadana, waxaad moodeysey in xisbi keli ahi ka jiro dalka, marka aad aragto sida xisbiga SYL u marooqsan jiray awooda.

Ka mid noqoshada dowlada dhexe waxay ahayd fursad qaali ah oo lagu helo maal iyo mansab (Barons, 2001). Habka shaqo bixintu ma ahayn mid ku salaysan cadaalad oo shaqada laguma heli jirin aqoon iyo waaya aragnimo ee waxaa lagu heli jiray garab iyo yaad taqaanaa. Qofka ka mid ah dowlada wuxuu fursad u heli jirey inuu helo waxbaraasho dibeda ah ama inuu galo mid ka mid ah laba kulliyadood oo markaas waddanka ka jirey. Tan hore oo ahayd Kulliyada Dhaqaalaha iyo Sharciga oo la aasaasay 1954, iyo Kulliyada Tababarka Macalimiinta oo la furay 1953. Waxaa xataa mararka qaarkood dhici jirtay in madaxda qaarkood ay ka qayb qaadan jireen dagaalada dhexmari jiray qabaa’ilka wada dega meela ka mid ah waddanka, ayagoo ku taageeraya hub iyo rasaas ay kula diriraan qabaa’ilka kale.

Way adkayd in qofka madaxda ah uu ka madax bannaanaado ku dhaqanka qabyaalada markii uu fulinayo hawsha qaran oo loo xilsaaray. Waxaase jiray qaar madaxda ka mid ah sida Alla ha u naxariistee Dr. Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo ku caan baxay in uu ku dadaalo in qabyaalada laga fogaado caddaaladana aan laga tagin marka la fulinayo hawl maalmeedka shaqada dowlada. Waxaa dad badani yiraahdaan, Cabdirashiid waxaa la dilay markii uu ka horyimid rag ka mid ahaa madaxdii wakhtigaas xukumeysay dalka oo ku dhaqmi jiray qabyaalada.

Marka laga hadlayo cadaalad darrada ka jirtay wadanka khaasatan Muqdisho oo magaala madaxda ahayd, waxaan soo qaadan karnaa tusaale ahaan oraahda caan baxday ee ah “Nin aan dibutaati daadihineyn ama daba-gaabi daaya lahayn dameerka Xamarba waa dilin.” Sida oraahdani tilmaameyso qofku si uu xuquuqdiisa u helo waa inuu leeyahay xubin Baarlamaan ama cid kale oo kala hadasha xafiiska uu danta ka leeyahay.

Sanadkii 1961dii, Cabdirashiid Cali Sharma-arke oo ahaa Wasiirkii kowaad ee dowladii markaa jirtey, wuxuu socdaal ku tegey Midowga Sufyeeti si uu taageero uga helo. Waxay soo kala saxiixdeen heshiisyo dhowr ah oo ay ka mid yihiin, in Midowga Sufyeeti ka hirgeliyo mashaariicda kala ah dhismaha Warshadda Hilibka ee Kismaayo, Warshadda Caanaha ee Muqdisho, Warshadda Kallunka ee Laas Qorey, Dekedda Berbera, Mashruuca Qamadiga ee Togwajaale iyo mid Jilib laga sameeyo si loo dejiyo 30 kun oo qoys oo beeraley ah. Sida la sheegay labadan Mashruuc ee beeraha midkoodna ma fulin sababo xaga Soomaalida ka yimid awgood.

2.2     Dowladii Kacaanka

2.2.1  Cinqilaabkii Ciidanka

15kii Oktober 1969kii, madaxweynihii dalka Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa la dilay asagoo kormeer ku maraya magaalada Laascaanood. Ujeedada socdaalkiisu wuxuu la xirrirey abaaro iyo biyo la’aan ka jirtey gobolada waqooyi ee dalka. Waxaa dilay nin ka tirsanaa ciidamada booliska oo iska soo dhigay ilaaladii madaxweynaha. Ninkaas madaxweynaha dilay asna waxaa la dilay, kadib markii ay qabsatay xukunka dowladii kacaanka ee uu hogaaminayay Maxamed Siyaad Barre.

Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ahaa wakhtigaas Wasiirka Kowaad, wadankana dibeda uga maqnaa ayaa markii la dilay Cabdirashiid, si degdeg ah u soo laabtay si uu u qabanqaabiyo doorashada madaxweyne cusub. Cigaal wuxuu soo qadimay in la doorto Xaaji Muuse Boqor oo ay aad isugu dhawaayeen madaxweynihii la dilay, si uu asaguna u noqdo Wasiirka Kowaad mar kale. Hameynimadii 20kii sanadkii Oktober 1969kii, xisbigii SYL oo talada wadanka hayey, ayaa wuxuu isku raacay in ay magacaabaan Xaaji Muuse Boqor si loogu doorto Madaxweyne. Arrintaasi ma dhicin oo aroornimadii 21kii Oktober sanadkii 1969kii, xukunkii waxaa la wareegay Ciidamada Xoogga Dalka, ayagoo xirxiray madaxdii dowladii la soo doortay. Waxaa kaloo jirtay in la kala diray Baalamaankii, xisbiyadii dalkana la mamnuucay iyo ayadoo la baabi’iyay maxkamadii sare ee wadanka.

Waxaa la dhisay Golaha Sare ee Kacaanka (S.R.C) oo taladii dalka ayagu la wareegay. Golahaas oo ka koobnaa 25 xubnood waxaa lagu dhawaaqay kowdii Nofember 1969kii. Golaha SRC, waxaa uu soo saaray sharci lagu magacaabay Sharcigii Kowaad oo ka koobnaa 13 qodob. Sharcigaas wuxuu ahaa kii ay ku dhaqmayeen golaha cusub, si uu u qabto shaqooyinkii ay qaban jireen hay’adihii la baabi’ivay sida madaxtooyada, Baarlamaanka iyo golaha wasiiradaba. Laba usbuuc ka dib golaha SRC, waxay magacaabeen 14 xubnood oo loo xilsaaray iney wadaan maamulka wasaaradaha dowlada, kuwaas oo u badnaa aqoonyahanno aqoon u leh maamulka dowlada. 1970kii dowlada kacaanku waxay samaysay Maxkamada Nabadgelyada Qaranka (NSC) taas oo loogu talagalay inay qaado dambiyada ka dhanka ah qaranka. Qofkii ugu horreyay oo maxkamadaas la horkeeno wuxuu ahaa ninkii dilay madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Sanadkii 1970kii, waxaa la xiray Jaamac Cali Qoorsheel oo ahaan jiray taliyihii ciidanka booliska kacaanka ka hor. Jaamac Cali Qorsheel oo lagu soo oogey inuu galay dembiga ah qaran dumis, Maxkamada Nabadgelyada Qaranku waxay ku xukuntay xabsi dheer. Bishii Maajo 1971dii, waxaa dil lagu xukumay Maxamed Caynaanshe, Salaad Gabeyre Kediye iyo Cabdulqaadir Dheel Cabdulle oo dhammaantood lagu soo eedeeyay iney horseed u ahaayeen cinqilaab ka dhan ah dowlada kacaanka. Qoorsheel iyo rag kaloo badan oo ka tirsanaan jiray dowladii shibilka ahayd ee la cinqilaabay, ayaa waxaa la soo daayey sanadkii 1974tii. Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxaa lagu xukumay 30 sano oo xarig ah. Afar wasiir oo dowladii Cigaal ka tirsanaa ayagana waxaa lagu xukumay xabsi dheer.

2.2.2  Hantiwadaaga Cilmiga ku Dhisan

Haantiwadaaga Cilmiga ku dhisan, waxaa si toos ah loogu dhawaaqay sanad guuradii koowaad ee kacaanka, waxaana ku dhawaaqay madaxweynaha Maxamed Siyaad Barre. Halku-dhigyadii ugu horreyay oo madaxweynuhu ku dhawaaqo, waxay ahaayeen la dagaalanka seddexda cadow ee dadkeena aafeeyay Faqriga, Cudurada iyo Jahliga. Hadaladaasi aad bay dhagaha shacabka u soo jiiteen oo loogu riyaaqay wax ka qabashadooda. Maxaa yeelay, waxaa waddanka ka jirey baahi weyn oo loo qabay in wax laga qabto dhibaatooyinka faraha badan oo ay keeneen seddexdaas cadow oo ummada Soomaaliyeed noloshooda wiiqay.

Hantiwadaaga cilmiga ku dhisan oo ay dowladu qaadatay, waxaa la socday hal-ku-dhigyo badan oo dadweynaha lagu baraarujinayo si ay waxqabadkooda kor ugu qaadaan, waxaana ka mid ahaa wadajir, isku kalsoonaan iyo iskaa wax u qabso. Dowladu ayadoo la dagaalamaysa qabyaalada ayey samaysey waxay ugu yeedhay nabad-doon oo ay ku bedeshey magacyadii hore u jirijirey sida Caaqil. Taasi waxay ahayd faragelin loogu talo galay in la xoojiyo hantiwadaaga cusub oo ay dowladu keentay iyo in la yareeyo ku tiirsanaanshaha qabiilka. Taas ayadoo xoojineysa dowladu waxay la timid ereyga jaalle oo lagu bedeley ina-adeer iyo walaal oo labaduba xambaarsan qaraabonimo ama tolnimo. Markii dambe ereyga jaalle wuxuu noqday mid qofkastaaba uu isticmaalo si loo arko inuu yahay kacaan.

Wasaaradda Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha, ayaa iyaduna waxay noqotay tan fidisa wax kasta oo kacaanku doonayo inuu hirgeliyo. Hobolada Waaberi iyo Xidigta Oktober oo labaduba hoos imaan jiray Wasaaradda Warfaafinta, ayaa noqday kuwa u heellan markastaba iney dadweynaha u gudbiyaan afkaarta dowlada. Hobolada Waaberi khaasatan, ayagu waxay noqdeen kuwa had iyo jeer curiya heeso badan oo dhaqaajiyey shucuurta dadweynaha, si loo meel mariyo mashaariicda dowlada sida kuwa iskaa wax u qabso lagu fulinayo. Waxay kaloo allifeen heeso ay ku ammaanayaan Maxamed Siyaad oo ay ka mid ahaayeen erayadan “Caynaanka hay waligaa hay, aabihii garashadow, aabihii ummadow, noolow Siyaad noolow” iyo kuwa kale oo badan.

Dowlada kacaanka ahi, waxay sameysay golayaasha hanuuninta dadweynaha oo laga dhisay degmo kasta. Waxaa kaloo la sameeyey xafiiska hanuunita dadweynaha, oo shaqadiisu tahay inuu baraarujiyo dadweynaha si loo kala ogaado qofka kacaanka ah iyo kan kacaan-diidka ah. Xaruntii ugu weyneyd ee golayaasha hanuuninta dadweynaha, waxay ahayd tii lagu magacaabi jirey Xalane, oo lagu tababari jirey dadka loogu talo galay iney ka qayb qaataan kicinta iyo hanuuninta dadweynaha. Waxaa kaloo geli jirey Xalane dadka la dhaqan celinayo si loo ogoleysiiyo mabaadii’da kacaanka kuwaas oo ahaa Agaasimayaasha Guud ee wasaaradaha dowlada iyo madaxda hay’adaha kaleba. Xalane markii dambe waxaaba loo rogay inuu noqdo Kulliyada Siyaasada lagu barto, oo waxaa ka soo bixi jirey dad soo bartay hantiwadaaga cilmiga ku dhisan.

Hay’adaha loo sameeyey caburinta dadweynaha, waxaa ka mid ahaa Hay’ada Nabadsugida Qaranka N.S.S(ta), Guulwadayaasha iyo Hay’ada Nabadgelyada Gaashaandhiga (Hangash) iyo Dhabarjebinta oo dhammaantood ka tirsanaa ciidamada qalabka sida, looguna talo galay iney cadaadis saaraan cid kasta oo wax ka sheegta ama ka hortimaada maamulka dowlada iyo madaxdiisaba.

Ciidanka guulwadayaasha kacaanka ayaa ahaa, aaladii lagu hirgelin jirey hanuunita dadweynaha. Guulwadayaashu waxay awood u lahaayeen iney farageliyaan shaqo kasta oo ka socota wadanka gudihiisa, khasabna ahayd in amarkooda la qaato gar iyo gardaroba. Baryihii dambe waxay dadku aad u dhibsan jireen dharkii cagaarnaa ee ay guulwadayaashu gashan jireen. Guulwadayaashu iney wanaag keenaan iska daaye, waxay sabab u noqdeen burburkii ku yimid dhaqaalaha waddanka, ayagoo mar walba hor istaagi jirey habsami u socodka howl maalmeedka dadweynaha.

Aaladaha kacaanku u sameystay cadaadiska iyo caburinta dadweynaha, waxaa ugu darnaa NSSta oo ayadu ku caan baxday basaasida shacabka. Hay’adani waxay ahayd dhagaha uu wax ku maqlo Maxamed Siyaad. Qofkii ay doonaana wey iska xiri jireen oo xabsiyada ayaa lagu hayn jirey intii la doono ayadoon maxkamad la keeniri. Dadka siyaasiyiinta ah badanaaba waxaa lagu xiri jirey xabsiyada Godka iyo Laanta-buur. Xabsiga Godku wuxuu noqday halka dadka lagu ciqaabo, qofkii galana wuxuu mudan jirey jir-dil khaasatan kuwa la yiraahdo waxay ka soo horjeedaan nidaamka dowlada. Dadka siyaasiyiinta ah qaar, waxaa lagu xiri jirey xabsiyada kala ah Labaatan Jirow oo 20 km waqooyi-bari ka xigey magaalada Baydhabo iyo Xabsiga Buurweyn oo asna 20 km koofur-bari ka xigey magaalada Buulo Barde. Waxaa jirey dad badan oo lagu xiray kacaan diidnimo, oo lagu illoobey xabsiyada muddo ka badan toban sano.

Waxaa ayana xusid mudan, Ubaxa Kacaanka Soomaaliyeed iyo Ururka Hooyooyinka Soomaaliyeed oo labadaba loo sameeyey iney qayb ka qaataan kicinta iyo baraarujinta dadweynaha. Hooyooyinku markii dambe, waxayba noqdeen kuwa kala wada hawlaha golayaasha hanuuninta dadweynaha. Arrintaas waxay iska hor keentay rag iyo dumar badan oo is qabay, ayadoo dhalisey qoysas badan oo sidaas ku burburay. In badan oo dumarka ka mid ahi, waxay u arkayeen inuu waa cusubi u baryey oo ay ka xoroobeen cadaadis raggu ku hayey.

Hantiwadaaga Kacaanku, wuxuu ahaa mabda’ ku cusub ummadda Soomaaliyeed. Waxaana laga soo minguuriyey hantiwadaaga ay ku dhaqmi jireen Midowga Sufyeeti, Kuuriyada Waqooyi iyo Shiinaha. Madaxweynuhu socdaallo dhowr ah, ayuu ku tegey waddamadaas si uu u helo taageero dhinecyada dhaqaalaha ah, bulshada iyo ciidamadaba. Marka loo dabbaaldegayo sanad guuradii Kacaanka, waxaa la sameyn jirey waxyaabo badan oo ay ka mid ahaayeen mahrajaanno lagu ammaanayo waxqabadkii Kacaanka iyo Markis iyo Lineen.

Maamulkii Kacaanku, wuxuu soo saaray hal-ku-dhigisii ahaa “aqoonyahan aanna raacsanayn waxaa noo dhaama jaahil na raacsan”. Taasi waxay dhalisay in shaqooyinka dowlada aan loo eegin aqoonta qofku leeyahay ee loo fiiriyo oo keliya kacaan ma yahay. Tacliinta wadanku hoos bay u dhacday wixii ka dambeeyay sanadkii 1975tii. Maxaa yeelay, wax qiimeyn ah lama siin jirin qofka aqoonta leh oo waxaa laga door bidi jiray guulwadaha durbaanka u tumaya Hantiwadaagii Liinin iyo Maarkis. Inkastoo kacaanku ka dhisay dugsiyo badan gobolada iyo degmooyinkaba, haddana tayada tacliintu aad bay hoos ugu dhacday. Waxayna bilaabatay kadib markii dhalin yaradii dugsiga dhexe ka soo baxday kuwii ugu buundooyin hooseeyey loo qaatay iney noqdaan macalimiinta dugsiyada dhexe.

Waxaa madaxweynuhu marar badan isku dayey inuu dadka ka dhaadhiciyo wanaaga uu leeyahay mabda’a Hantiwadaaga Cilmiga ku dhisan, kaas oo uu ku tilmaamay mid aan ka hor imaanayn Diinta Islaamka. Taasi waa ka dhaadhici weydey shacabka Soomaaliyeed oo boqolkiiba boqol Muslim ah. Maxamed Siyaad wuxuu xattaa isku dayey inuu wax ka bedelo Aayado Qur’aanka ka mid ah kuwaas oo ka hadlayey dhaxalka ragga iyo dumarka. Si uu taas u hirgaliyo wuxuu soo saaray Xeerka Qoyska oo faragalin ku sameynayey kitaabka Qur’aanka Kariimka ah asaga oo sheegaya in dhaxalka ragga iyo dumarku ay isle’eg yihiin (Subxaanallaah).

Arrintaasi waxay kicisay shucuurta dadweynaha khaasatan tan mashaayiikhda masaajidada. Bishii Janaayo 1975tii, waxaa la qabqabtay culumo badan oo ka khudbeynayey masaajida oo ayagu dadweynaha u sheegayey inaaney qabin diinta Islaamku isle’ekaanshaha dhaxalka ee raga iyo dumarka. 10kii sheekh oo ugu cadcadaa raggaas waa la toogtay, 23 kalena waxaa lagu xukumay xarig dheer.

Markaan ka soo kacno xadgudubyada ay dowladu ku sameyneysey diinta Islaamka, waxaa ayana jirtey in dadku ay ka quusteen in noloshoodu soo hagaagto. Maxaa yeelay, wax kasta oo dadweynuhu u baahnaa ayaa ciriiri la geliyey, sida raashinka, dhuxusha la shito iyo gaaska oo safaf dheer loo geli jirey. Waxyaabahaas daruuriyaadka ah, waxaa laga heli jirey oo keliya xarumaha hanuuninta dadweynaha. Waxaana dhici jirtey in ayadoo maantoo dhan saf loogu jirey raashin carruurta loo kariyo, hadana la oran jirey waa dhammaadeen ee beri soo noqda, beridaas oo aan la isku hubin in la helayo iyo in kale.

Bishii Luulyo sanadkii 1976dii, waxaa la aasaasay Xisbigii Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed kaas oo loo caleema saaray inuu noqdo xisbi cusub oo u horseeda waddanka horumar iyo baraare. Waxaa la isu keenay 3,000 oo qof oo laga soo xulay ciidamada, hay’adaha ammaanka, maamulka dowlada kuwaas oo loogu talo galay iney noqdaan aasaasayaashii xisbiga. Waxaana laga soo dhexsaaray dadkaas faraha badan 73 xubnood oo noqday golahii dhexe ee xisbiga iyo 5 xubnood oo guddiga fulinta ah. Xisbigaas oo ka koobnaa raggii hoggaaminayey Kacaanka iyo dad kale oo shibil ahaa kuwaas oo lagu soo xulay kacaanimadooda iyo sida ay daacad ugu yihiin nidaamka hantiwadaaga.

Bishii Agosto 1979kii, dastuur cusub ayaa laga ansixiyey dadweynaha, wuxuuna dhigayey in la dhowrayo xaqa qofku u leeyahay inuu helo xorriyada hadalka, tan saxaafada iyo ka mid ahaanshaha xisbi ama urur. Arrimahaas oo dhan lagama dhabayn, xadgudubyadii loo geysanayey shacabka aan waxba galabsana sidoodii ayey u socdeen. Waxaa shibil laga dhigey dhammaan raggii ciidamada ahaa, oo dowlada ku jirey sida madaxweyna iyo ku-xigeenadiisii. Isla sanadkaas bishii Desember, waxaa dhacday doorashadii madaxweynenimada oo ahayd tii ugu horreysey, muddo toban sano ah. Waxaa la doortay Maxamed Siyaad ayadoo aan cidina la tartameyn. 27kii Janaayo 1980kii, ayaa Maxamed Siyaad madaxweynimo loo dhaariyey, sida dastuurka cusubi dhigayo jagadaas wuxuu haynayey muddo lix sano ah, cidise ugama daba tegin.

2.2.3 Horumarkii Kacaanka

Waxyaabahii ay dowladii kacaanku qabatay oo ay guul wax-ku-ool ah ka soo hoysey, waxay ahayd qoridii afka-Soomaaliga. Luqada Soomaaliga waxaa la qoray kowdii bishii Janaayo 1973dii. Barashada qorida afka Soomaaliga, waxaa lagu bilaabay dadka ka shaqeeya xaafiisyada dowlada oo loo qabtay iney ku bartaan qorida afka Soomaaliga muddo lix bilood ah. Wakhtigaas ka hor, xaafiisyada waxaa wax lagu qori jirey luqadaha Carabiga, Ingiriiska iyo Talyaaniga. Arrintaasi waxay noqotay guul weyn oo u soo huyatey ummadda Soomaaliyeed, maxaa yeelay baahi weyn ayaa loo qabey in afka hooyo dadku ay wax ku qortaan, luqadoodana lagu daro luqadaha ka jira aduunka.

Intii ololaha barashada qorida afka Soomaaligu socotey, miyi iyo magaalaba Madaxweynuhu wuxuu soo saaray halku-dhigii ahaa “haddii aad taqaano bar, haddii aadan aqoona baro”. Ololihii magaalooyinka laga hirgelinayey, waxaa ku xigey kii laga sameeyey miyiga iyo tuulooyinkaba, oo ay u baxeen ardey gaareysa 30,000 oo macalin si ay wax u baraan dadka reer miyiga ah. Taasi waxay keentay in barashada Afka-Soomaaligu ku baaho wadankoo dhan.

Sanadkii 1974tii, ayadoo weli lagu jiro ololihii barashada qorida afka Soomaaliga, ayaa waxaa wadanka ka dhacay abaartii la magac baxday Dabadheer, taas oo dad badani ku waayeen wixii ay xoolo lahaayeen. Abaartu waxay aad u saameysay gobolada Waqooyi Galbeed iyo Waqooyi Bari. Reer miyigii ku xoolo beelay abaartaa, ayaa dowladu u soo rartay degaano cusub oo loogu talogalay iney beeraley ama kalluumeysato noqdaan. Dadkaas waxaa la dejiyey magaalooyinka Sablaale, Dajuuma, Kurtunwaarey, Baraawe iyo Cadale. Dadkaas abaarta ku xoola beeley, waxaa ayaga iyo wixii hanti u harayba lagu soo daadgureeyay diyaarado waaweyn oo dowladii Midowga Sufyeeti ku tabarucday si loogu fuliyo soo rarida dadka abaartu ku habsatey.

Wax-ku-dhigashada luqada Soomaaliga waxaa lagu bilaabay dugsiyada hoose sanadkii 1973, dugsiyada sare iyo machadyada sarena waxay bilaabeen isticmaalka luqada Soomaaliga sanadkii 1975di. Xagga waxbarashada heerka jaamacadeed dowladu waxay dalka ka aasaastay Jaamacada Ummada oo ka kooban kulliyado kala duwan sida Kulliyada Beeraha, Xanaanada Xoolaha, Caafimaadka, Luqadaha, Jiyolojiyada, Dhaqaalaha, Siyaasada, Shareecada diinta Islaamka iyo Dhismaha. Arday farabadan ayaa fursad u heshay inay ka qalin jabiyaan Jaamacadii Ummadda, si ay uga qayb qaataan horumarka dalka.

Dowladu waxay hirgalisay Mashaariic badan oo beeraha ah sida samaynta biyo xireeno laga fuliyey webiyada Shabeelle iyo Jubba, Warshada Sonkorta ee Mareerey, Mashruuca fidinta Beeraha, Mashruuca Horumarinta Beeraha ee Waqooyi Galbeed, Mashruuca Bay iyo kuwa kale. Dowladu waxay sameysay qorshaha horumarinta shanta sano (1974-8), si loo helo isku fillaansho xagga waxsoosaarka beeraha. Waxayna xoogga saartay kordhinta dalagyada lagu beero inta u dhaxeysa labada webi ee Shabeelle iyo Jubba, waxay kaloo u qoondeysay horumarinta beeraha boqolkiiba sodon meesha ay uga qoondeysay tacliinta boqolkiiba shan. Meelaha xoogga la saaray waxaa ka mid ahaa kobcinta waxsoosaarka beerihii waaweynaa ee dowladu gacanta ku heysey, iskaashatooyin cusub oo la aasaaso iyo mashaariicda Crash Programe oo loogu talo galay iney ka shaqeeyaan dad badan oo ku camal la’aa magaalooyinka iyo tuulooyinkaba (Lewis, 1994).

Dowlada Kacaanka ayadoo ka faa’iidaysanaysa baahida bulshada Soomaaliyeed u qabtay cadaalada iyo horumarinta bulshada, ayay waxay qaaday olole horumarineed. Waxaana soo caan baxay halku dhigii ahaa “iskaa wax u qabso” oo lagu hirgaliyey mashaariic farabadan. Mashruucii ugu weynaa wuxuu ahaa kii bacaad-celinta Shalaanbood ee gobolka Shabeelada Hoose, kaas oo ku guuleystay inuu joojiyo bacaadkii ku sii durkayey waddooyinka isku xira Xamar iyo jubbooyinka. Maalin kasta oo Jimce ah waxaa la keeni jirey shaqaalaha dowlada, ardayda dugsiyada iyo dadweyne kaleba oo laga keeni jirey Muqdisho iyo degmooyinka u dhowdow si ay uga qayb qaataan howsha bacaadcelinta.

Waxaa kaloo jirtey mashaariic ku saabsan dhismaha waddooyinka, dugsiyada iyo guryaha la seexdo. Waxay dowladu dhiirigelisey sameynta warshado yaryar sida, tan birta shubta, dharka, baastada, sigaarka, kabaha iyo kuwa qasacadeeya kalluunka, tamaadhada, cambaha iyo khudrado kale.

Waxaa iyana xusid mudan, markii dowlada kacaanka ahi ay soo saartay in la dilo qofkii wax dila. Kacaanka ka hore dilku wax caadi ah buu noqday oo diyo ayaa la bixin jiray si looga heshiiyo dilkaas. Markii la toogtay 4 nin oo gacan ku dhiiglayaal ah, ayaa waxaa yaraaday dilkii. Dadkii horey wax u dilay ayaa u cararay wadamada deriska ah, si ay uga nabad galaan sharciga cusub ee kacaanku keenay.

2.2.4 Dib-u-dhacii Kacaanka

Dowlada Kacaanku, waxay abuurtay Hay’ada Horumarinta Beeraha (ADC), iyadoo ugu talo gashay iney ka qayb qaadato kobcinta dhaqaalaha dalka. Nasiib darro siyaasadii hantiwadaaga kacaanka oo ay ADC fulinaysay, waxay ku khasabtay beeraleydii soo saari jirtey galeyda iyo sisinta, iney beeraan khudrado. Beeraleyda looma ogoleyn, in ay miraha kasoo go’a beerahooda u suuq geeyaan Muqdisho iyo magaalooyinka waaweyn si ay qiimo fiican ugu helaan. Waxayna ku khasbanaayeen iney shirkada ADC qiimo jaban uga iibiyaan wixii ay ka helaan beerahoodana kala haraya oo keliya intii ku filan raashinka qoysaskooda. Waxsoosaarka beeraha waxaa kaloo hoos u dhigay markii beeraley badan lagala wareegay beerahoodii oo lagu wareejiyey mashaariic dowladu leedahay, ayadoo aan wax magdhow ah la siin. Mashaariicda la wareegtey beerihii dadweynaha, waxaa ka mid ahaa, Mashruucii Fidinta Beeraha kaas oo dad badan beerahoodi khasab kula wareegay.

Dowlada kacaanka ahi waxay marar badan sheegtay iney la dagaalameyso qabyaalada iyo kala qoqobnaanta gobollada dalka, haddaba si loo gaaro ujeedadaas waxay ku dadaashey in shaqaalaha dowlada iyo ciidamada loo bedelo gobollo aaney u dhalan. Waxaa taas loola jeedey in la isku dhafo shacabka gobol kasta ha u dhashee. Tusaale ahaan waxaa dhici jirtey in madax looga dhigo Hargeysa amase Burco nin ku dhashay Kismaayo ama magaalo kale oo ku taal koofur. Arrintaasi waxay keentay iska horimaad badan oo shacabka gobolladaas iyo madaxda loo soo bedeley ka dhex dhacay. Waxaa kaloo jirey in awooda oo dhami ay ku jirtey gacanta madaxda ku sugan Muqdisho oo aan madaxda gobolladu aaney lahayn awood ay wax ku fuliyaan. Intaas waxaa weheliyey in horumarka wadanku uu ka socday oo qura Muqdisho. Jaamacadaha iyo xarumaha hay’adaha dowlada oo dhami waxay ku yaalleen Muqdisho, oo waxay ahayd in qof kastaaba uu yimaado magaala madaxda si uu u helo waxyaabaha uu u baahan yahay sida baasaboor, teesare, shahaado iyo wixii la mid ah.

Xooga Dalka Soomaaliyeed oo intii ka horreysya dhalashadii kacaanka ahaa mid dadweynuhu aad u qiimeeyo, ayaa markii ay xukunkii la wareegeen noqday mid aad loo karho. Maxaa yeelay, waxay durbadiiba isu bedeleen aalad lagu cadaadiyo shacabka. Waxaa ayana xusid mudan in ciidamadu noqdeen kuwa ayagu wax walba fulintooda iska leh, oo wasaarad kasta amase hay’ad kasta madax loo dhigo, ayadoon loo eegin inuu xirfadeedii leeyahay.

Inkasta oo ay qaddiyada Soomaali Weyn ahayd mid ku qoran dastuurka waddanka illaa iyo intii xorriyada ay qaadatay Soomaaliya, dowlada kacaanku markii ay aragtay in taageeradii shacabku u hayey ay hoos u dhacday, waxay abaabushey jabhado ku kacsan dowladii Mingistu Haile Maryam oo markaa xukumeysay dalka Itoobiya. Jabhadahaas waxaa ka mid ahaa Jabhada xoreynta Soomaali Galbeed iyo Soomaali Abbow oo labaduba dagaal ka bilaabay dhulka Oromada iyo Soomaalidu degaan. Markii dambana dagaalkii waxaa soo galay ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo muddo todoba casho ah ku qabsatay dhul aad u ballaaran oo ah dhulka Itoobiya Soomaaliya ka haysato.

Dowlada Midowga Sufyeeti oo ku lahayd saldhigyo waaweyn meelo ka mid ah dalka sida Berbera, ayaa cadaysatay iney dooneyso in geeska Afrika laga sameeyo dowlado federaal ah oo ku bahoobey ku dhaqanka shuuciyada. Dowladii Midowga Sufyeeti, waxay ku talisay in ay midoobaan waddamada Soomaaliya, Itoobiya iyo Koofurta Yemen oo dhammaantood ahaa dowlado ku dhaqma hantiwadaag. Markii ay yimaadeen madaxweynaha Kuuba, Fidel Kastro, iyo Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Midowga Sufyeeti, Alexander Podgorny, bilihii Maarso iyo Abril ee sanadkii 1977dii, waxay labaduba taageero u raadinayeen fikrada ah iney federaal noqdaan Itoobiya, Soomaaliya iyo Koofurta Yemen (Brons, 2001).

Haddaba markii ay u caddaatay dowladii Midowga Sufyeeti, inaanu fuleyn qorshaheedii federaaliga ahaa, waxay Soomaaliya ka joojisey hub ay siin lahayd. 13kii bishii Nofember 1977dii, dowladii Soomaaliyeed ayadoo tixraacaysa tillaabada ay qaaday Midowga Sufyeeti, waxay amar ku bixisay, in waddanka ay uga baxaan 24 saac gudahood dhammaan ciidamadii iyo tababarayaashii Midowga Sufyeeti iyo Kuuba. Isla bishaasna Midowga Sufyeeti iyo Kuuba, waxay bilaabeen iney Itoobiya u diraan ciidan lagu qiyaasay 10,000 askari iyo qalabkoodii oo qiimahiisu dhammaa 1 billion oo doolarka Mareykanka ah. Markii arrintaasi dhacday dowlada Soomaaliya, waxay taageero ka dalabtay wadamada Mareykanka iyo Yurub. Nasiib darro Soomaaliya ma aaney helin taageeradii ay ka fileysey waddamada reer galbeedka ah.

Sidii caadada ahayd Itoobiya waxay la soo baxday kaarkeedii waxaan nahay jasiirad kiristan ah oo ku dhex-taal badweyn muslimiin ah. Waxaana markiiba u soo gurmaday dowlado aan qarsan taageerada ay siinayaan Itoobiya oo ugu deeqay ciidan, hub iyo taageero siyaasadeed intaba. Dowladahaas waxaa ka mid ahaa, Midowgii Sufyeeti, Jarmalka Bari, Kuuba iyo Koofurta Yemen. Arintaasi waxay u keentay Soomaaliya iney ciidankeeda kala soo baxdo dhulkii ay xoreysay. Waxaana dagaalkaas ka soo gaaray dhaawac weyn oo dhinacyo badan leh.

Dagaalkani wuxuu sababay iney degaankoodii ka soo bara kacaan dad aad u farabadan oo Soomaali iyo Oromaba ah. Dadkaas waxaa xeryo looga sameeyey meelo badan oo wadanka ah. Xeryaha qaarkood waxaa ku jiray dad gaaraya 40,000 oo qof. Dowladu aduunweynaha ayey u bandhigtay dhibaatadaas baaxada weyn oo aaney ayadu wada xambaari karin. Dowladu waxay sameysey Hay’ada Qaxootiga Qaranka oo loo xilsaaray iney ka shaqayso arrimaha qaxootiga. Hay’ada UNHCR, waxaa ay ku bixin jirtay sanadkii lacag gaareysa 100 million oo doolarka Mareykanka ah gargaarka loo fidinayo qaxootiga ka soo bara kacay Itoobiya. Cadadka qaxootiga oo aad loogu muransanaa, waxaa markii dambe la isku raacay inuu noqdo 700,000 oo qof.

Qaxootigaasi wuxuu sababay in ayaga iyo dadkii degganaa meelaha la dejiyay iney iska horyimaadaan oo meelaha qaarkood dadku ay u arkaan in qaxootigani dhulkooda ka qaadayo. Tusaale waxaa ah, kacdoonkii jabhadii SNM waxyaabihii dhaliyey waxaa ka mid ahaa qaxootiga oo aad ugu soo batay gobolka Waqooyi Galbeed.

9kii bishii Abriil 1978dii, waxaa la isku dayey cinqilaab dhicisoobay oo uu hor-kacayey Korneyl Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo markaas madax u ahaa ciidankii Gobolka Bale ka dagaalamayey. Cabdullaahi wuxuu u baxsaday dalka Keenya, laakiin waxaa markiiba la qabqabtay raggii kale oo cinqilaabka ka mid ahaa. 19kii Agosto 1978dii, raggaas waxaa la saaray maxkamad ciidan, waxaana intoodii badnayd lagu xukumay dil.

Markaa kadib, waxaa kordhay caburintii lagu hayey shacabka ayadoo lagu tumanayo xuquuqda dadweynaha. Hay’adaha NSSta, Hangash iyo Guulwadayaasha, ayaa caado ka dhigtay iney iska xiraan qofkii ay doonaan, ayagoo ku tilmaamaya kacaan diid iyo mahbar. Maxamed Siyaad Barre oo ku jiray kobcinta reerkiisa laga soo bilaabo 1976dii, wuxuu u dhiibay jago kasta oo muhiim ah dad ka tirsan reerkiisa ama cid uu ku kalsoonyahay. Dadka uu ku kalsoonyahay waxaa ka mid ahaa Axmed Saleebaan Cabdalla oo madax u ahaa NSSta, qabayna gabadh madaxweynuhu dhalay iyo madax kale oo badan oo ka soo jeeda Ogaadeen iyo Mareexaan. Qoraaga la yiraahdo, I. M. Lewis, Seddexdan qabiil (Mareexaan, Ogaadeen iyo Dhulbahante) waxaa uu ku soo gaabiyay MOD sida uu ku xusay buugiisa lagu magacaabo Taariikhda Soomaaliya. Waxaana la orankaraa MOD waxay ahaayeen kuwa uu ku tiirsanaa Maxamed Siyaad Barre wixii ka dambeeyay 1977dii, kadib markii uu cadow badan yeeshay.

Waxaa caam noqotay in qofka qoyska madaxweynaha ka mid ahi uu soo eegto meel ama jago loo dhiibo asagoon kala jeclayn inuu buuxin karo jagadaas iyo in kale. Waxaa dhacday marar badan in rag aan wax shahaado ah haysani ay yimaadaan xafiis hayadaha dowlada ka mid ah ayagoo wata warqad uu ka keensaday xafiiska madaxweynaha. Tani waxay keentay in uu wiiqmo maamulkii dowladu, raggii kale ee dowlada ka mid ahaana waxay u jeesteen curyaaminta shaqada dowlada iyo yaan lagaa badin qabyaalada iyo wax isdabamarinta xoolaha dowlada. Taasina waxay curyaamisay habsami u socodkii shaqadii dowlada, waxaana ciriiri galay dhaqaalihii waddanka.

Markii ay kalsoonidii dadweynuhu luntay, waxaa la bilaabay in meelkasta la dhigo ciidan baaraya baabuur kasta oo wadada maraya si loo hubiyo cida wadata iyo meesha uu u socdo. Tani waxay aad u sii korortay markii ay sameysmeen jabhado la dagaalamaya dowlada. Jabhadahaasi waxaa ugu horreyey SSDF oo uu madax u ahaa Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Jabhada SSDF, waxaa ka mid noqday rag badan oo ciidamada ka tirsanaa kuwaas oo ka fakaday ciidamada si ay uga qayb galaan ololaha ciidan oo lagaga soo horjeedo xukunka Maxamed Siyaad. Raggaas markii hore waxay isugu jireen kuwa u dhashay qabaa’il kala duwan sida Harti, Hawiye iyo Isaaq. Waxaase markii dambe dhacday iney ka baxaan jabhada waxaan ahayn Harti.

Jabhadii labaad oo ka soo horjeestey xukunkii dowladii kacaanka, waxay ahayd SNM oo lagu aasaasay magaalada London taariikhdu markey ahayd Abriil 1981dii. SNM waxaa ka tirsanaa rag u dhashay Isaaq iyo Hawiye.

Labada jabhadoodba, waxay xarun ka dhigteen dalka Itoobiya oo ayadu dooneysey iney ka aargoosato Soomaaliya oo horey u taageereysey jabhadihii ka dagaalamay Soomaali Galbeed. Dowlada kacaanku waxay labadan jabhadoodba ku magacowday kuwa aan wadaniyiin ahayn maadaama ay ka soo duulayaan xarumana ku leeyihiin dalka Itoobiya. Waxaa jirtey in SSDF iyo ciidamo Itoobiyan ahi ay qabsadeen magaalooyinka Galdogob iyo Balanbale oo labaduba ku yaal xadka ay Soomaaliya la leedahay Itoobiya.

Bishii Maajo 1986dii, waxaa shil baabuur ku dhaawacmay madaxweynihii Maxamed Siyaad. Dhaawacaas markuu dhacayba waxaa loola cararay cusbitaal ku yaal Sacuudi Carabiya si loogu soo daweeyo. Sida dastuurka ku qornayd, Madaxweyne ku-xigeenka Maxamed Cali Samatar ayaa xukunkii la wareegey.

Arrintaasi waxay ka hor istaagtay in ay tillabo ciidan qaadaan kooxda lagu magacaabi jirey “kooxdii shanta ahayd”. Kooxdaas shanta ahayd waxaa ka mid ahaa Marwa Khadiija Macalin xaaskii Maxamed Siyaad, Maslax Maxamed Siyaad oo uu dhalay Madaxweynuhu, Cabdiraxmaan Jaamac Barre wasiirka arrimaha dibeda, Cabdullaahi Warsame Indhool, Wasiirka Iskaashatooyinka iyo Cabdulqaadir Xaaji Maxamed, ku-xigeenka xoghayaha guud ee Xisbiga Kacaanka Soomaaliyeed. Inkastoo ay dhacdadani argagax gelisey dad badan oo aad qabiil ahaan ugu dhawaa Maxamed Siyaad haddana kuma aaney dhiirran iney farageliyaan xukunka degdega ah ee uu soo rogey Maxamed Cali Samatar oo taageero ka haystey inta badan madaxdii dowlada.

Bishii Juunyo 1986dii, ayuu Maxamed Siyaad dalka ku soo noqday, xukunkiina wuxuu kala wareegey ku-xigeenkiisa oo si daacadnimo leh ku sii shaqeynayey inkastoo aanu ku helin wax ammaan ah.

Qabiilka uu madaxweynuhu ka dhashay ayaa markii ay dadweynaha dhexdooda ku badatay in laga hadlo qofkii bedeli lahaa haddii uu dhinto ama shaqayn kari waayo madaxweynuhu, ayaa waxaa ku dhacay argagax iyo cabsi ayaga oo welwel qaba waxa xaal noqon doono haddii xukunku farahooda ka baxo. Shilkii baabuur ee uu madaxweynuhu galay, waxa uu raad ku reebay jirkiisa iyo maskaxdiisaba, taas oo u saamixi weydey inuu u shaqeeyo sidii hore loogu yiqiin. Ayadoo caafimaadkiisu sidaa u liito ayaa 23kii Desember 1986dii, waxaa Maxamed Siyaad mar kale loo doortay inuu ahaado madaxweyne todoba sano oo hor leh. Maadaama ay wiiqantay awoodii uu madaxweynuhu ku fulin lahaa hawl maalmeedka xaafiiskiisa, waxa ay bilaabeen reerkiisa kuwii ugu dhawaa iney isticmaalaan xafiiskiisa oo ay kala bedelaan madaxda sare ee ciidamada si aan awoodu gacantooda uga bixin.

Intaan madaxweynuhu galin shilka baabuur, wuxuu damacsanaa in walaalki Cabdiraxmaan Jaamac Barre jagada ka dhaxlo. Waxaase shilkii kadib arintu isu bedeshay inuu madaxweynuhu u diyaariyo wiilkiisa Maslax Maxamed Siyaad jagada. Waxaa loolan ba’ani ka dhex dillaacay aqrabadii iyo qoysaskii madaxweynaha oo qola waliba dooneyso iney iyadu noqoto cida awooda la wareegeysa haddii uu madaxweynuhu geeriyoodo.

Waxaa ayana jirey kooxda lagu magacaabi jirey kooxda dastuuriga oo uu hoggaaminayey Maxamed Cali Samatar, oo ayagu u arkayey in sharciga la raaco oo cidii dastuurku u ogol yahay ay madaxnimada la wareegto haddii madaxweynuhu meesha ka baxo.

Qaybta Koowaad

1.1 Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed

Dadka ku nool Soomaaliya waxaa lagu qiyaasay iney yihiin 6.38 milyan (UNDP, 2001). Cadadkaas boqolkiiba-24 waa reer magaal, boqolkiiba-17 waa beeraley iyo xoola dhaqato degan, boqolkiiba-59na waa reer guuraa xoola dhaqato ah. Dhaqaalaha Soomaaliyeed waxaa uu ku dhisanyahay xoolaha nool, kuwaas oo kala ah 5.5 milyan Geel ah, 5 milyan oo Lo’ ah, 35.5 milyan Riyo iyo Ido ah. Waxyaabaha Soomaalidu dibeda u dhoofiso waxaa ugu badan xoola nool, muuska, xabagta iyo hargaha.

Soomaaliya waxay ku taal Geeska Afrika ama Bariga Afrika. Bedka dhulka Soomaaliyeed wuxuu ka kooban yahay 637,657 km2 iyo xeeb dhererkeedu yahay 3,300 km. Dhulka Soomaaliya, wuxuu ka kooban yahay dhul xeebeed siman, Buuraleyda waqooyi ee Golis, Hawd iyo dhulka webiyada hareerahooda ah. Haddi aan soo qaadanno buuraleyda lagu magacaabo Golis, waa silsilad buuro ah oo ay ka mid yihiin Cal Miskaad iyo Cal Madow oo meelaha qaar dherarkoodu gaarayo 2,408 m.

Dhulka Hawd lagu magacaabo, wuxuu ka soo billowdaa Hargeysa illaa iyo Gaalkacyo. Hawdku waa dhul aad ugu fiican daaqsinta xoolaha nool. Waxaana badanaaba lagu dhaqdaa geela, ariga iyo lo’da. Waa dhul dhirtu ku badan tahay oo aad ugu wanaagsan daaqsinta xoolaha. Waagii hore ceelasha laga cabo way ku yaraayeen dhulka hawdka ah, laakiin hada ceelasha iyo baraagaha labaduba waa ku badan yihiin.

Dhulka webiyada Jubba iyo Shabeelle ay maraan waa dhul aad u barwaaqo badan oo ay xooluhu ka helaan baad iyo biyo ku filan intaba. Dhulka wcbiyada waxaa ku badan lo’da iyo geela.

Labada webi ee Shabeelle iyo Jubba, waxay labaduba ka yimaadaan buuraleyda Itoobiya. Webi Shabeelle wuxuu dalka ka soo galaa Gobolka Hiiraan, asagoo ku dhammaada Haawaay. Webiga Jubba asna wuxuu soo maraa Luuq, Baardheere, Jilib iyo Jamaame, wuxuuna ku darmadaa Badweynta Hindiya.

Bceraleyda dalka, waxay u qaybsamaan kuwa isticmaala biyaha webiga iyo kuwa wax ku beerta biyaha roobka. Webiga Shabeelle biyihiisa waxaa isticmaala beeraley fara badan oo biyaha webiga ku waraabsada beerahooda ayagoon isticmaalin matoor. Webiga waxaa laga soo jeexaa faro ama kanaallo biyaha gaarsiiya beeraha ku xeeran. Webiga Jubba asagu waa ka duwan yahay oo biyihiisu waa hooseeyaan waxayna inta badan bceraleydu u baahan yihiin iney isticmaalaan matooro si ay u waraabiyaan beerahooda. Beeraleyda webiyadu badanaa, waxay beertaan geed mirood (liin, cambe, babaay iwm), galleey, sisin, bariis iyo khudrado kala duwan oo aanaan halkan ku soo koobi karin.

Gobollada aan webiyadu marin sida Bay, Bakool iyo Waqooyi Galbeed, beeraleydu waxay ku tiirsan yihiin roobabka xilliyada Gu’ga iyo Deyrta ee ka da’a dalka. Waxaana ay beertaan masagada ama haruurka, qaraha, digirta iyo dalagyo kale.

Soomaaliva waxay leedahay afar xilli oo kala ah Gu’ (Abriil-Juunyo), Xagaa (Luulyo-Sebtembar), Deyr (Oktoobar-Nofembar) iyo Jiilaal (Disembar-Maarso). Xilliyada Gu’ga iyo Deyrta ayaa roobabku badanaaba ka da’aan waddanka. Xadiga roobka iyo meelaha ay ka kala da’aanna waxaa lagu qiyaasay iney yihiin sidan soo socota:

  1. 50 mm oo ka da’a xeebaha waqooyi.
  2. 500 mm oo ka da’a buuraleyda waqooyi.
  3. 150-200 mm oo ka da’a gobollada dhexe.
  4. 330-500 mm oo ka da’a gobollada koonfureed iyo koonfur galbeed.

Qowmiyad ahaan, luqad ahaan, muuqaal ahaan iyo dhaqan ahaanba Soomaalidu waxay ka mid tahay dadyowga la yiraahdo Kushiti-ga Bari, kuwaas oo farac ahaana lagu tilmaamo iney yihiin Xaamiyiin. Waxayna dhaqan-wadaag iyo luqad-wadaagba yihiin Oromada, Booranta, Saho iyo Beejo oo ku nool Itoobiya iyo Cafarta ku nool Itoobiya, Eritreya iyo Jabuuti, Reendiile-ha waqooyiga Keenya iyo Aweeraha (Boni) ku nool xeebta Laamu ee Keenya. Carabtii hore, waxay Soomaalida ku magacaabi jireen Berberiyiin sida qowmiyada Berberiga ee ku nool waqooyiga Afrika, waana halka magaca magaalada Berbera ka yimid (Laitin & Samatar, 1987).

Dadka taariikhda Soomaaliya wax ka qoray waxay sheegeen in Soomaalidu ka tirsan tahay dadyowga la yiraahdo Omo- Tana, kuwaas oo hoyga ay ka soo farcameen uu yahay meelaha ay maraan webiyada Omo iyo Tana. Webiga Omo wuxuu maraa koonfurta Itoobiya asagoo biyihiisa ku shuba laagada Turkaana ee Keenya.

Webiga kale ee Tana, asagu wuxuu ka soo bilowdaa waqooyiga Keenva wuxuuna ku darmadaa Badweynta Hindiya.

Dadkaas Soomaalidu ka soo jeeddo, waxaa la sheegay iney markii hore ku faafeen waqooyiga Keenya ayagoo soo raacay hareeraha webiga Tana ka dibna soo gaarey xeebta Badweynta Hindiya. Dadka la yiraahdo Booni ama Aweera, waxay ayagu ku hareen agagaarka Laamu, halka Soomaaliduna (Samaale) u gudubtay Koonfurta Soomaaliya. Dadka Samaalaha ah oo xoolo dhaqato ahaa ayagoo raadinaya biyo iyo daaqsin wanaagsan ayey sii socdeen illaa ay gaareen xeebaha waqooyi Bari ee Soomaaliya.

Hijradii labaad ee Soomaalida oo ku aadan bilowgii qarnigii 13aad waxay ahayd mid ay qabaa’ilka qaarkood u guureen koonfurta Soomaaliya iyo dhulka loo yaqaan Ogaadenya iyo Waqooyiga Keenya. Halka ay qaar kalena ku nagaadeen waqooyiga iyo bariga Soomaaliya. Taasina waxay dhacday kadib markii ay mashaayiikh Carbeed yimaadeen xeebaha waqooyiga dalka ayna ka guursadeen Soomaalidii halkaa deganeyd.

Raggaas waxaa ka mid ahaa Daarood Ismaaciil oo dalka yimid qarnigii 11aad. Waxaa la sheegay in Daarood ka soo degay xeebaha waqooyi bari ee dalka, asagoo guursaday gabar la oran jirey Doombiro oo Dir ahayd. Sheekh Isxaaq oo ay ka farcameen dadka ku abtirsada Isaaqa ayaa ka dambeeyey Daarood muddo lagu qiyaasay laba qarni. Daarood, wuxuu ku aasan yahay Haylaan oo galbeed kaga aaddan magaalada Badhan. Sheekh Isxaaqna, wuxuu ku aasan yahay Meydh oo ayana ka tirsan Gobolka Sanaag. Dadka waxaa lagu tilmaami jirey inay yihiin boqolkiiba-100 Muslim haddana Sunni ah. Hadase, waxaa jira dad qaatay diimo kale. Waxayse wadaagaan luqad iyo dhaqan mid ah. Waxayna ka kooban yihiin qabaa’il sida Dir, Daarood, Hawiye, Isaaq, Digil iyo Mirifle, Meheri, Baantuu, Reer Xamar, Reer Baraawe, Baajuun, Tumaal, Yibir, Yaxar, Midgaan, Muuse Dheri iwm.

Waxa ugu weyn oo isku xira dadka Soomaaliyeed waa qabiilka oo aad mooddo inuuba ka horreeyo diinta Islaamka oo ay aad ugu adag yihiin. Waxaa jirta in carruurta yaryar waxa ugu horreeya oo lagu ababiyo iney tahay abtirsiinyahooda iyo cidda ay is xigaan. Taasina waxay ubadka Soomaaliyeed dhaxalsiisa iney ku barbaaraan qabyaalada iyo ku faanka qabiilkooda, ayaga oo uqaba in qabiilkooda ka fiican yahay qabaa’ilka kale.

Maadaama ay Soomaalidu qabiilka aad ugu dhaqanto ayna tahay arrinta kaliya oo aafaysay midnimada dadka Soomaaliyeed, waxaa caado noqotay in qofkii Soomaaliya wax ka qorayaaba uu marka hore qabaa’ilka kala duwan uu u sameeyo shax uu ku tilmaamayo sida ay isu xigaan. Waxaan isku dayey inaan si isu dheelitiran u qoro shaxda qabaa’ilka hoos ku xusan.

Daarood

  • Tanade
    • Suxuura
    • Korshe
    • Ceelaayo
    • Leelkase
      • Sakad
      • Maxamed
        • Aadan
        • Xawaadle
      • Yuusuf
        • Awrtable
      • Kablalax
        • Kumade
          • Absame
            • Baalcad
            • Weyteen
            • Jidwaaq
            • Ogaadeen
          • Koombe
            • Geri
            • Harti
              • Majeerteen
              • Dhulbahante
              • Warsangeli
              • Dashiishe
            • Sade
              • Mareexaan
                • Awsame
                • Uurmidig
              • Facaye
            • Ciise

Dir

  • Ciise
  • Gadabuursi
    • Reer Nuur
    • Yoonis
    • Maxaad Case
    • Habar Caffan
  • Biyamaal
  • Qubays

Isaaq

  • Habar Awal
    • Sacad Muuse
    • Ciise Muuse
  • Habar Jeclo
    • Jibriil
      • Muuse
      • Cumar
    • Maxamed
    • Garxajis
      • Ciidagale
      • Habar Yoonis
        • Carre
          • Ismaaciil
            • Cabdalla
            • Yoonis
            • Muuse
          • Muuse
          • Isxaaq
        • Cali
      • Sanbuur
      • Ayuub
      • Carab

Hawiye

  • Karinle
    • Murursade
      • Sabti
      • Foorculus
    • Xaskul
    • Gugundhabe
      • Murale
      • Baadicade
      • Jajeele
      • Jidle
      • Saransoor
    • Jambeel
    • Gorgaate
      • Silcis
      • Hiraab
        • Mudulood
          • Abgaal
          • Udaajeen
          • Wacdaan
          • Moobleen
        • Sheekhaal
        • Habar Gedir
          • Sacad
          • Cayr
          • Saleebaan
          • Saruur
        • Duduble

Digil iyo Mirifle

  • Digil
    • Tuni
      • Bagadi
      • Shanta Caleemood
    • Galadi
    • Garre
    • Dabarre
    • Jiido
  • Mirifle
    • Sideed
      • Xariin
      • Leysaan
      • Jirroon
    • Sagaal
      • Hubeer
      • Yantaar
      • Hadamo
      • Eyle

Waxaa jira qabaa’il kale oo aan shaxdaan ku jirin, waxayna kala yihiin Meheri (Carab), Jareer (Baantuu), Wardey, Reer Xamar, Baajuun, Yaxar, Tumaal, Muuse Dheri, Madhibaan iwm. Qabaa’ilka Soomaaliyeed badanaaba, waxay u qaybsamaan beer aley, xoola dhaqato iyo kalluumaysato. Beeraleyda iyo kalluumaysatadu waa dad degan magaalooyinka ama tuulooyinka koonfurta iyo xeebaha waddanka, waxayna ku nool yihiin wixii beeraha uga soo go’a, kalluumaysi iyo ganacsiga ay ku haystaan magaalooyinka iyo tuulooyinka. Dadka xoola dhaqatadu, waxay ayaga nolashoodu ku xiran tahay xoolaha nool ee ay dhaqdaan.

Shaqada guurtidu waxay ahaan jirtay inay xalliyaan wax kasta oo khilaaf ah ama dhibaato ah oo soo foodsaara dadka ka tirsan jifadaas. Waxay lahaan jireen xeer dhexdooda ah ama kuwa ay wax kula qaybsadaan jifooyinka ama qabaa’ilka kale ee ay deriska yihiin si loo xalliyo wixii dhib ah oo yimaada. Go’aan qaadashada guurtida waa mid ku salaysan wada tashi iyo isqancin qof walba uu arrintiisa ka jeedsanayo guurtida horteeda si uu uga dhaadhiciyo arrinka uu wato ama sida wax u dhaceen. Dhinac kasta marka la dhegeysto ayaa markhaatiyaal loo yeeraa si loo helo xogta dhabta ah.

Go’aankii ay guurtidu qaadato wax diidi karaa ma jirin oo waa la qaadan jiray si ay kala dambayni u jirto: Qofkii diida fulinta go’aanada guurtida waxaa lala tiigsan jiray xeerka u yaal toolkaas. Haddii aan tusaale u soo qaadano degmo waddanka ka mid ah; qofkii diida wixii lagu xukumo, waxaa dhacda in laga gowraeo awrka qofkaasi reerkiisu uu rarto. Taas oo dhabar jab ku ah qoyska ratigii gurgur laga gowracay, maxaa yeeley way adag tahay inuu qoysku helo awr kale oo uu ku bedesho kii laga gowracay.

Waxaa caado ahayd in shirarka lagu qabto geed har weyn hoostiis. Guurtida waxaa lagu xulan jiray aqoonta diinta, waxgaradnimo iyo da’da. Talooyinka gudiga waxaa go’aamin jiray shir guddoonka oo ahaan jiray Isimka beeshaas ama jifadaas si ay kama dambays u noqoto loona fuliyo. Haddii dil ama dhaawacba yimaado waxaa lagu bixin jiray xoolo sida geel. Qofkii la dilo magtiisu waxay ahayd boqol halaad haddii uu rag yahay, haddii uu qofkaasi dumar yahay waxaa la bixin jiray konton halaad sida diintu qabto.

Xeerarka qabaa’ilku ku dhaqmaan waxaa weheliya oo ay ummadda Soomaaliyeed ku dhaqmi jirtey shareecada diinta Islaamka khaasatan axkaamta illa iyo intii diinta Islaamku soo gaartay Soomaalida. Axkaamta waxay u isticmaali jireen welina u isticmaalaan dhaxalka, simida dhibka dadka kala gaara iwm.

Sidaan la wada socono dimoqaraadiyada iyo mabaadii’da xuquuqda aadanaha ee hadda reer galbeedku ku dhaqmo waxaa kaga horreeyey Muslimiinta, oo ku dhaqmi jirey nidaamka shuurada ama wada tashiga oo aan ka helnay diinteena. Mujtamaca xoola dhaqatada ah ee Soomaaliyeed waa kuwa ku dhaqma nidaamka dimoqaraadiga ah, marka la eego wada tashiga iyo kala dambeyntooda ku aadan xukunka. Waana dad aan kala sareyn oo isku tixgeliya oo kaliya da’da, dhalashada iyo maalka. Ragga mujtamaca xoola dhaqatada ah waa kuwa dhammaantood taliya oo hadana siyaasiyiin ah (Lewis, 2000).

Hab-dhaqanka qabaa’ilka Soomaaliyeed khaasatan kuwa xoola dhaqatada ah, waxaa jiray inay ku faani jireen tirada wiilal iyo tirada xoolaha uu qoys waliba leeyahay. Labada nin oo walaalaha ah, waxaa aad loo qiimayn jiray hadba kii wiilal ama xoola badan. Meelaha qaarkooda sida Gobolka Jubbada Hoose oo lo’da aad loogu dhaqdo, waxaa jirtay in ninka xoolaha leh lagu qadarin jiray inta tiro lo’ ah oo uu leeyahay. Shirarkana waxaa ka qayb geli jiray ragga inta ugu xoolo badan.

Qabaa’ilku waxay xataa heshiis la gali jireen shisheeyaha yimaada dalkooda, kuwaas oo u qaybsan kuwa doonayay inay xiriir ganacsi ama wax wada qabsi kaleba la yeeshaan Soomaalida. Gumaystayaashii qabsaday Soomaaliya markay waddanka yimaadeen ama ay xukumayeenba, waxay la macaamili jireen madaxda qabaa’ilka hadba meesha ay joogaan. Tusaale ahaan, gumeystihii Ingiriiska markii uu waddanka soo gelayey, wuxuu heshiis la galay qabaa’ilkii Soomaaliyeed ee deganaa waqooyiga dalka. Waxaa yaala oo la hayaa heshiisyadii ay dowladii Ingiriisku la gashay qabaa’illadii Soomaaliyeed ka hor intaaney qabsan waqooyiga Soomaaliya. Heshiisyadaas waxay ku qoran yihiin harag xoolaad oo waxayna markhaati ka yihiin sida ay guurtida qabaa’illadu ula dhaqmi jireen shisheeyaha yimaada dalka.

Hab-dhaqameedka qabaa’ilka kalluumeysatada ah wey ka duwan yihiin kuwa xoolo dhaqatada ah. Bulshada kalluumeysatadu waa dad degan magaalooyinka xeebaha leh, oo nolol maalmeedkooda ka hela meherada kallumeysiga. Waa dad ka xadaarad dheer bulshada xoola dhaqatada ah, maxaa yeelay waxay xiriir ganacsi la lahaan jireen adduunweynaha sida wadamada Carabta, Afrikada Bari iyo waddamo kaleba. Waxay kaloo uga duwan yihiin Soomaalida inteeda kale, iney u nasab sheegtaan magaalooyinka ay degan yihiin sida reer Xamar, reer Baraawe, reer Marka, reer Kismaayo iyo wixii la mid ah. Taasi waxay ina tusaaleyneysaa in qabaa’ilka kala duwani oo meel wada degaa ay ka door bidayaan iney ku abtirsadaan magaalada halka ay ka sheegan lahaayeen qabaa’ilkooda kala duwan.

1.3     Maamuladii ka jirey dhulka Soomaaliyeed

1.3.1 Boqortooyadii Bunti

Taariikhda waxaa lagu hayaa, in Boqoradii Masar ee la oran jirey Xatshabsuut (Hatshepsut), iney xiriir ganacsi la lahayd Soomaalidii deganeyd xeebaha waqooyiga ee dalka Soomaaliya. Boqoradaas oo wakhtigii faraacinada Masar xukumeysey, waxay xukunka haysey intii u dhexeysey 1503dii illaa iyo 1483dii ka hor dhalashadii nabi Ciise (nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee). Qoraallo laga helay ahraamtii ay dhistay Xatshabsuut, waxay qeexayaan iney maraakiibteedu imaan jireen xeebaha waqooyiga Soomaaliya oo ay ka jirtay boqortooyo lagu magacaabi jirey Bunti. Maraakiibtii ay soo diri jirtay Xatshepsuut, waxa ay keeni jireen alaab ganacsi iyo hadiyado isugu jira looxaanta, Kuusha, mindiyaha iyo waxyaabaha dumarku isku qurxiyaan. Waxay ku bedelan jireen dahab, maydi, luubaan, fool-maroodi iyo dhir nool oo ay ku beertaan dalkooda.

Haddii aan tusaale ka bixiyo ganacsigaas aan sheegay, sanadkii 1493dii CH (Ciise Horti) Xatshabsuut waxay soo dirtay 5 markab oo ay midkiiba 30 nin looxaan ku riixayaan. Safarkaas reer Masar, waxay doonayeen iney Soomaalida ka iibsadaan xabagta meydiga iyo luubaanta oo ay u isticmaali jireen keydinta meydka dadka dhintay, uunsiga kaniisadaha iyo kareeme jirka la mariyo. Boqoradaasi waxay xukumeysey Masar muddo 22 sano ah.

Sida ay muujinayaan qoraalada iyo sawirada laga helay ahraamtii Xatshabsuut, waxaa jirey Boqor la oran jirey Barahu iyo xaaskiisii Eti oo ka talin jirey Boqortooyadii Bunti. Boqortooyadaas oo lagu qiyaasi karo iney ka dhisneyd waqooyi bari ee dalka Soomaaliya.

Arrinta ku saabsan xiriirkii ka dhexeyn jirey Faraacinadii Masar iyo Soomaalidii hore, waxay u baahan tahay in lagu sameeyo cilmi baaris, si loo helo degaanadii uu ka talin jirey Boqor Barahu. Waxaanad ku arki kartaa meel u dhow tuulada Xidid oo ku taal, inta u dhexeysa Ceelaayo iyo Laas Qorey oo labaduba ka tirsan Gobolka Sanaag raadkii faraacinadii Masar.

Waxaa kale oo jirey Boqorro kale oo ayaguna ganacsi lalahaa dadkii Soomaaliyeed ee ku dhaqnaa xeebaha waqooyi ee dalka. Waxaana ka mid ahaa boqor la oran jirey Mentuhotep, oo asagu markii taariikhdu ahayd 2500 CH soo diray maraakiib si ay u helaan meydiga iyo luubaanta Soomaaliya.

1.3.2 Saldanadii Benaadir

Taarikhyahanada Soomaaliya wax ka qora, waxay tibaaxeen in ay xeebaha Geeska Afrika yimaadeen dad asalkoodu ka soo jeedo Carab iyo Bershiyaan oo dagaano ka sameystay magaalooyinka sida Muqdisho, Merka, Baraawe, Saylac iyo Berbera. Waxaana lagu qiyaasay in dadkaas kuwii ugu soo horreeyay ay dageen magaalooyinka qarnigii sideedaad. Waxaa la sheegay in koox Bershiyaan ah oo la yiraahdo Al-Ahsa, ay ahaayeen dadkiii ugu horreyey oo dega Muqdisho. Waxaa kooxdan ka dambeeyey dad ka yimid waddamada Carabta iyo Bershiya oo ayana degay xeebaha Benaadiir. Dadkii ka yimid Bershiya oo ayagu ugu soo horreeyey degida Muqdisho, waxay degeen xaafada Shangaani. Xaafada Xamarweyne ayada, waxaa degay Carabtii ka timid Khaliijal Carab. Labada qolo mid walba wuxuu lahaa maamulkiisa u gaarka ah. Haddaba Sanadkii 1117dii, ayaa waxaa shir isugu yimid dadkii Shangaani iyo Xamarweyne deganaa, kuwaas oo iska dhex doortay suldaan la oran jirey Fakhrudiin. Suldaankaas wuxuu maamulka hayey mudo 17 sano ah (Sharif Caydarus b. Cali, 1954).

Fakhrudiin dabadi, waxaa xukunkii Muqdisho qabtay, Maxamed Shaah Xilwaani oo asaga lagu tilmaamay inuu ahaa nin bakhiil ah oo dadku ay aad uga cawdeen. Sanadkii 1265tii, maamulkii Muqdisho, waxaa la wareegay suldaan Maxamed .Cali oo Masar asalkiisu ahaa. Suldaankaas oo aad loo amaanay, intuu xukunka hayey wuxuu dhisay masaajido badan oo ay ka mid yihiin Fakhrudiin iyo Arbaca Rukun.

Sanadkii 1331dii taariikhda masiixiga, markii Ibna Batuuta socdaal ku tagey Muqdisho, waxaa xukumi jiray suldaan la yiraahdo Abu Bakar Sheekh Cumar. Sida uu ku sheegay kitaabkiisa lagu magacaabo Al-Rixla, Ibna Batuuta aad buu u amaanay boqortooyadii ka jirtey xeebaha Benaadir (Hamdun & King, 1998).

Wakhtigaas dadka reer Benaadir, waxay soo saari jireen dhar ay u dhoofin jireen Masar iyo meelo kale. Seddex qarni ka dibna xukunkii wuxuu ku wareegay salaadiintii reer Muzaffar, kuwaas oo xiriir dhow la yeeshay boqortooyadii Ajuuraanka oo ka jirtay degaanada uu maro webiga Shabeelle (Lewis, 2000).

Sanadkii 1728dii, markii Burtuqiiska laga saaray Geeska Afrika, waxaa magaalooyinka xeebaha ah xukunkoodii la wareegey Cumaaniyiintii xukumayey magaalada Sansibaar. Waxaana Muqdisho u joogey nin Qaadi ah iyo Askar aan badneyn. Sayid Barqash oo reer Sansibaar ahaa, ayaa markii taariikhdu ahayd 1871dii xukunkii Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee Merka iyo Baraawe qabtay. Sayid Barqash oo madax ka ahaa dowladii Sansibaar iyo magaalooyinkii kale ee ku yiil xeebaha Bariga Afrika, ayaa xukunka hayey intii u dhexeysey sanadihii 1871dii illaa iyo 1888dii. Sanadkii 1892dii, ayaa Talyaanigu si toos ah ula wareegey xukunkii Benaadir.

1.3.3  Saldanadihii ka jirey dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya haysato iyo Gobolka Awdal

Sida taariikhda lagu hayo, magaalada Seylac, waxay ahayd halka ay ka soo galeen Carab badan oo xiriir ganacsi iyo mid diimeedba la lahaan jirtey dadyowgii ku dhaqanaa waqooyiga iyo galbeedka Soomaaliya. Laga soo bilaabo qarnigii 9aad, waxaa ka jirey waqooyi-bari ee Qaaradda Afrika lix dowladood oo waaweyn iyo kuwa aan sidaa u sii weyneyn oo dhamaantood Muslimiin ahaa, lixda ugu waaweyni, waxay ahaayeen Shawa, Cadal, Ifat, Dawaro, Fatagar iyo Hadiya. Halkan waxaan ku soo aruuriyey macluumaad ku saabsan seddex ka mid ah dowladaha aan kor ku xusay, waxayna kala yihiin:

  1. Shawa
  2. Ifat
  3. Cadal

Dowladihii Muslimiinta ahaa ee ka jiray gobolka Geeska Afrika, waxaa ugu horreyey tii Shawa oo ka dhisnayd bariga buuraleyda Shawa. Dowladaas waxaa la dhisay bilowgii qarnigii 12aad, waxaana madax ka ahaa boqor la oran jirey Makhzuumi. Duriyadii reer Makhzuumi, waxay xukunka Shawa hayeen illaa iyo dabayaaqadii qarnigii 13aad. Waxaa jirtey in Shawa iyo Ifat oo ayana ka jirtey gobolka, ay ka dhex dhici jireen dagaallo.

Sanadkii 1285tii, Suldaankii Ifat, wuxuu ku guuleystey inuu cinqilaab ku qabsado dhulkii ay ka talineysey saldanadii Shawa. Boqortooyadii Xabashidu, waxay u arkeysey iney dowladaha Muslimiinta ah ee ka jira gobolku ay ku yihiin khatar. Waxayna dagaallo badan la gashay dowladihii Muslimiinta ahaa. Suldaan Cumar Walashma ayaa madax ka ahaa saldanadii Ifat. Sanadkii 1320kii, Amda-Siyon oo boqortooyada Xabashida u talinayey wakhtigaas, ayaa weerar ku soo qaaday saldanadii Ifat, halkaasna waxaa lagu dilay suldaankii Ifat Xaqu Diin. Wiil uu dhalay suldaankii Xaqu Diin, ayaa abaabul dagaal galay si uu isaga celiyo weerarka Xabashida. Ugu dambeystii ciidamadii Muslimiinta Ifat waa laga adkaaday, dhulkii ay xukumayeena, waxaa la wareegtey Xabashida.

Dadkii reer Ifat, waxay dib isu abaabuleen sanadkii 1332dii, ayadoo uu hoggaaminayo nin uu awoowe u ahaa suldaankii Cumar Walaashma oo la oran jirey Sabrediin. Suldaan Sabrediin, wuxuu isu dumay ciidan farabadan, waxayna dib u qabsadeen meelo badan oo ay Xabashidu hore Ifat uga qabsatay. Mar kale ayaa boqorkii Xabashidu weerar ku soo qaaday Ifat, asagoo Sabrediin ku qabtay gobolka Dawaro. Wixii ka dambeeyey dagaalka aan kor ku soo sheegnay, dowladihii Muslimka ahaa ee Ifat, Dawaro, Sharka iyo Bali dhammaantood, waxaa qabsaday boqortooyadii Xabashida.

Sacaada Diin iyo Xaqu Diin 2aad oo walaalo ahaa, ayaa diidey iney isu dhiibaan xukunka Xabashida, waxayna ciidamo ku urursadeen Dakar, halkaas oo ay ka aasaaseen dowlad la yiraahdo Cadal. Ciidamadii Xabashida oo damacsanaa inuusan soo noolaan xukunka dowladaha Muslimiinta ayaa weerar ku soo qaaday ciidamadii Muslimiinta. Markii uu dhintay suldaankii Xaqu Diin 2aad, waxaa xukunkii qabtay walaalki Sacaada Diin. Sacaada Diin wuxuu weeraro ba’an ku qaaday ciidamadii Xabashida. wuxuuna madax ka ahaa dowladii Cadal sanadihu 1373dii illaa iyo 1403dii. Meelaha uu ku dagaalamay waxaa ka mid ahaa degmooyinka Dawaro iyo Bali oo horey uga tirsanaan jirey dowladii Ifat Ciidankii Sacaada Diin, waxaa jabiyey ciidan uu watey Boqorkii Xabashida oo la oran jirey Dawit. Haraagii ciidankii Sacaada Diin, waxaa la cayrsanayey illaa iyo jasiirad u dhow Seylac, halkaas oo lagu dilay suldaankii Sacaada Diin. Jasiiradaas hadda waxaa la yiraahdaa Sacaada Diin, waxaana loogu magac daray suldaankaas.

Suldaan Sacaada Diin wuxuu dhalay toban wiil oo ay ka mid ahaayeen Sabre Diin (1409-18), Mansuur (1418-25), Jamaal Diin (1425-32) iyo Axmed Badlay (1432-45) oo dhammaantood isaga dambeeyey xukunka kadib markii aabahood la diley. Dowladii Cadal markii la ridey wiilashii Sacaada Diin, waxay u baxsadeen Yemen, halkaas oo ay ka soo noqdeen dhowr sano kadib si ay u xoreeyaan dhulkii Muslimiinta laga qabsaday.

Sabre Diin oo ugu weynaa ayaa dib u abaabuley ciidamadii dowladii Cadal sanadkii 1409kii. Raggan oo afartuba madax ka noqday dowladii Cadal taariikhaha kor ku xusan ayaa soo celiyey intii badneyd dhulkii ay Cadal xukumi jirtey. Dagaaladaasna, waxay ku dileen Boqor Tewodros (1412-13) iyo Yishaq (1413-30) oo labaduba madax ka ahaa Boqortooyadii Xabashida. Wakhtigii Axmed Badlay uu suldaanka ka ahaa Cadal, waxaa ciidankii Muslimiintu gacanta ku dhigeen gobolka Bali. Suldaan Axmed Badlay, waxaa lagu dilay dagaal ka dhacay Dawaro sanadkii 1445. Xaruntii Dowladii Muslimka ahayd ee Cadal, waxay markii hore ahayd Dakar, kadibna Harar ayaa loo soo raray.

Suldaan Maxamed, oo madax ka ahaa Cadal sanadihii 1488dii illaa iyo 1518kii, ayaa u xilsaaray nin la oran jirey Maxfuus inuu madax ka noqdo ciidamadii Muslimiinta. Maxfuus oo lahaa shacbiyad xoog leh, wuxuu weerar ku qaaday degaanadii horey Muslimiinta looga qabsaday oo ay ka mid ahaayeen, Fatagar, Dawaro iyo Bali.

Dagaaladaasna Muslimiintu guulo xoog leh ayey ka soo hooyeen. Sanadkii 1516kii Boqorkii Xabashida ee Lebna-Dengel iyo ciidan uu wato, ayaa gaadmo ku diley taliyihii ciidanka Muslimiinta Maxfuus. Suldaan Maxamed asna, waxaa diley Muslimiin ka soo horjeedey xukunkiisa.

Sanadkii 1520kii, xukunkii Gadal waxaa qabtay Suldaan Abuu Bakar oo ahaa wiil uu dhalay suldaan Maxamed. Waxaa jirey dad aan aqoonsaneyn suldaanimada Abuu Bakar oo u arkayey inuu yahay nin jilicsan oo aan dooneyn in lala dagaalamo Xabashida. Dadka ka soo horjeeda Suldaan Abuu Bakar, waxaa madax u ahaa nin dhallin yaro ahaa oo magaciisa la oran jirey Axmed bin Ibraahim Al-Qaasi (Axmed Gurey), asaga ayaana markii dambe dowladii Muslimiinta madax u noqday. Axmed Gurey, waxaa taageero buuxda siiyey Culumadii Cadal, waxaana la siiyey darajada Imaam. Imaam Axmed, wuxuu ku dadaaley inuu dhiso ciidan farabadan oo uu kula dagaalamo ciidanka Xabashida.

Ciidamadii la dagaal galay Axmed Gurey, waxaa ka mid ahaa sida meelo badan lagu xusay qabaa’ilka kala ah Dir, Daarood iyo Isaaq. Sanadihii 1525 iyo 1526kii, Imaam Axmed wuxuu weerar ku qaaday degmada Dawaro oo ay Xabashidu Ifat ka qabsatay. Ciidamadii Xabashida dagaalkaas waxaa ka soo gaarey dhibaato xoog leh. Sanadkii 1529kii, Axmed Gurey iyo ciidamadiisu waxay dharbaaxo xun ku dhufteen ciidankii Xabashida, ayadoo dagaal ku dhex maray meesha lagu magacaabo Shimbra-Kure. Sanadii 1529 ciidankii Axmed Gurey waxay qabsadeen Dawaro. Sanadkii ku xigena waxay qabsadeen Bali. Sanadkii 1531dii ciidamadii Muslimiintu waxay ka sifeeyeen haraagii Xabashida degaanada ku xeeran Shawa.

Boqorkii Xabashidu, wuxuu u cararay buuraleyda Amxaarada, kadib markii la diley intii badneyd taliyeyaashii ciidamada. Imaam Axmed meesha uu u cararaba waa uga daba tegey Boqorkaas oo la oran jirey Lebna-Dengel, illaa uu ka gaaro Tigre. Intii uu dagaalka wadey Imaam Axmed meeshii uu qabsadaba, wuxuu u magacaabi jirey guddoomiye, kaas oo hoos imaanaya maamulka dowladii Islaamka ee Cadal.

Boqorkii Lebna-Dengel, wuxuu geeriyoodey sanadkii 1540kii, boqortooyadiina waxaa la wareegay wiilkiisii Galawdewos. Lebna-Dengel intaanu dhiman wuxuu qaylo dhaan u dirsaday wadamadii Masiixiga ahaa ee reer Yurub, asagoo weydiistey in ciidamo iyo hub lala soo gaaro.

Dowladii Burtuqiiska oo ka jawaabeysa codsigii Boqorkii Xabshida ayaa soo dirtay ciidamo iyo hub si loo soo celiyo dhulkii Xabashida laga qabsaday. Imaam Axmed waxaa lagu diley dagaal ay isaga horyimaadeen ciidamadii Xabashida iyo kuwii Burtuqiiska ahaa oo wada socday.

1.3.4  Saldanadii Waqooyi Bari

Laga soo bilaabo bartamihii qarnigii 18aad, gobollada Waqooyi Bari ee Soomaaliya, waxaa ka jirtey boqortooyo soo jireen ahayd. Sanadkii 1860kii boqortooyadan, waxaa madax ka noqday Boqor Cismaan Maxamuud. Waxaa jirey tartan ka dhexeeyey Boqor Cismaan iyo Suldaan Yuusuf Cali Keenadiid oo Hobyo xaruntiisu ahayd. Sanadkii 1901dii, waxaa dhacday in ciidamadii Boqor Cismaan ay qabsadeen laba degmo oo ka tirsaneyd Gobolka Mudug oo markaa uu xukumayey Yuusuf Cali. Giulio Pestalozza oo ahaa qunsulkii Talyaaniga ee Cadan, ayaa warqad u gudbiyey Boqor Cismaan asagoo ka codsaday in ciidamadiisu ka baxaan degmooyinka ay qabsadeen. Codsigaas Boqor Cismaan waa u diidey, waxaana ay taasi keentay in is-afgaranwaa uu dhexmaro labada dhinac.

Sida laga wariyey Talyaaniga, waxaa jirtey in Boqor Cismaan warqad u qoray Dowladii Islaamka ahayd ee Turkiga, asagoo weydiisanaya taageero ciidan, sheeganayana inuu xukumo boqortooyo madax banaan oo ka jirta Geeska Afrika. Ariintaas Talyaaniga aad bay uga careysiisay, waxayna keentay in Markab Talyaanigu lahaa oo la oran jirey Votla uu duqeeyo magaalooyinka xeebaha ku yaal sida Bareeda iyo Boosaaso. Duqayntaasi waxay waxyeello u geysatay ciidamadii iyo saanadii u tiil Boqorka. Talyaaniga oo qabsaday magaalooyinka xeebaha ku yaal sida Caluula, Boosaaso, Bareeda iyo Murcanyo awgeed, Boqor Cismaan wuxuu u guurey meel ka durugsan xeebaha, si uu u abaabulo dagaal ka dhan ah Talyaaniga.

Talyaaniga oo ka cabsi qabay in Daraawiishi ku soo duusho deegaanada uu haystay ee Benaadir iyo asagoon hubin inuu sii haysan doono dhulka uu ka qabsaday Boqor Cismaan, ayaa waxay ku kaliftay inuu wadahadal la galo Boqorka. Labada dhinac, waxay heshiis kala saxiixdeen bishii Maarso 1910kii.

Kadib markii Ingiriisku jabiyey ciidamadii Daraawiishta, faashiistihii Benito Mussolini oo Talyaaniga madax ka ahaa, wuxuu ku dhiiraday inuu ka takhaluso Boqortooyadii Waqooyi Bari iyo tii Hobyoodba. 10kii bishii Luulyo 1925tii, dowladii Talyaanigu waxay amartay wakiilkeedii De Vecchi inuu jebiyo wixii heshiisyo ahaa ee ay la galeen Boqor Cismaan iyo Cali Yuusuf Keenadiid. Guddoomiyihii Talyaaniga De Vecchi, wuxuu warqado u kala diray Boqor Cismaan iyo Yuusuf Cali asagoo ku amray iney is dhiibaan hubkana ku soo wareejiyaan.

Ciidamadii Talyaanigu markii ay ka adkaadeen suldaan Cali Yuusuf, waxay bilaabeen iney dagaal ku qaadaan Boqor Cismaan. Qunsulkii Talyaaniga ee Caluula oo la oran jirey E. Koronaro, ayaa digniin kama dambeys ah ku bixiyey in Boqorku is dhiibo hubkana dhigo.

Intaa waxaa soo raacey in Talyaanigu soo dhoobay ciidamo xeebaha bari ee dalka. 7dii bishii Oktober 1925tii, waxaa dagaal culusi ku dhex marav labadii ciidan magaalooyinka Xaafuun iyo Caluula. Maraakiibta Talyaaniga oo ayana joogay xeebaha ayaa duqeyn ba’an u geystey doonyihii shacabkii ku noolaa deegaanadaas. Talyaaniga oo ay ka go’nayd iney ridaan boqortooyada, waxay diideen iney wax wadahadal ah la galaan boqorka. 23kii Oktober, Talyaanigu wuxuu soo qaadey dagaal ballaaran oo ay dhulka la simeen magaalooyin ay ka mid tahay Baargaal.

Arrintu si kastaba ha ahaatee, xaaladu ma noqon sidii Talyaanigu maleynayey, waxaana bilowday kacdoon ballaaran oo looga soo horjeedo Isticmaarka. Bishii Disember 1925tii, ciidamo uu wato wiil uu dhalay Boqor Cismaan oo la oran jirey Xirsi Boqor, ayaa dagaal rogaal celin soo qaaday oo ciidankii Talyaaniga ka saaray magaaloyinka Hurdiya iyo Xaafuun. Wuxuuna kaloo khasaaro lixaad leh ugu geystey ciidankii Talyaaniga ee ku sugnaa Raas Gardafuuy oo ku taal Badweynta Hindiya. Sanadkii 1926dii, Talyaanigu wuxuu bilaabay inuu ku durko gudaha dalka, halkaas oo uu kala kulmay iska caabin xoog leh oo uga timid dadkii shacabka ahaa.

Dabayaaqadii sanadkii 1927dii, Kadib markii Boqorka ciidamadiisa laga go’doomiyey xeebaha, loona diidey inuu soo degsado hub iyo rasaas, Talyaanigu wuxuu ku guuleystey inuu qabsado Iskushuban iyo meelo badan oo gobolka ka tirsan. Boqor Cismaan wuxuu u baxsaday dhulkii Ingiriisku haystey, waxaase dib loogu soo celiyey Talyaaniga oo uu markii dambe isu dhiibey.

1.3.5  Saldanadii Seylac

Saldanadii ka jirtey magaalada Seylac, waxaa madax ka ahaa Xaaji Sharmarke Cali Saalax oo fadhigiisu ahaa Seylac. Sanadkii 1854tii, Seylac waxaa sahan ku maray nin Ingiriis ah la oran jirey Richard Burton oo ka yimid Cadan. Richard Burton wuxuu markaas Seylac ku tilmaamay magaalo qadiimi ah oo ay wax uga soo degaan dadka ku nool illaa iyo Harar. Xaaji Sharmarke oo nin taajir ahaa, wuxuu xukunka qabtay sanadkii 1840kii.

1.3.6  Saldanadii Hobyood

Bartamihii qarnigii 19aad waxaa jirey loolan xoog leh oo ka dhexeeyey boqor Cismaan Maxamud iyo Yuusuf Cali Keenadiid oo ay xigto ahaayeen. Loolankaasi oo socday mudo shan sano ah kadib, Keenadiid wuxuu u baxsaday Yemen. Wuxuuna soo noqday toban sano kadib, asagoo wata rag uu ka soo kaxaystay Xadarmuud iyo rag markii hore ka raacay Bari. Markaas wuxuu ku soo degey Hobyo oo uu ka sameystay xukun ka madax banaan kii Boqor Cismaan.

Saldanadan oo xukumeysey dhul aad u ballaaran, ayaa heshiis la saxiixatay Dowladii Talyaaniga. Heshiiskaas wuxuu dhigayey in Talyaanigu kor ka ilaaliyo Saldanada Hobyood islamarkaasna uu Keenadiid ilaaliyo danaha Talyaaniga ee dhulka uu ka taliyo. Xukuumada ka jirtey Hobyo, waxaa hoos imaan jirey dadka ku dhaqan gobollada Mudug iyo Galguduud. Suldaan Keenadiid iyo Boqor Cismaan waxaa ka dhexeeyey tartan xagga siyaasadda ah, kadib markii ay isku qabteen xukunka waqooyi bari iyo xuduudaha labadooda boqortooyo. Keenadiid, wuxuu Hobyo ka talinayey intii u dhexeysey 1878dii illaa iyo 1925kii.

Faashiistihii Talyaaniga ayaa amar ku bixiyey in Suldaan Cali Yuusuf uu isdhiibo, kadib markii Talyaaniga uu galay damae ah inuu gacanta ku dhigo dhammaan gobollada koonfureed ee dalka Soomaaliya. Arrintaa ayada ah Keenadiid waa u cuntami weydey, Waxaana dhacday in bishii Oktober 1925tii ciidamadii Talyaanigu qabsadeen magaalooyinka Hobyo, Ceel Buur iyo Gaalkacyo. Ciidamadaas oo lagu magacaabi jirey Zaptie, waxay gacanta ku dhigeen Suldaan Cali Yuusuf Keenadiid.

9kii bishii Nofember isla sanadkaas ciidamo daacad u ahaa suldaanka oo uu watey Cumar Samatar, ayaa qabsaday magaalada Ceel Buur. Taasi waxay dhiirigelisey in shacabku ka horyimaado isticmaarkii Talyaaniga. Waxaana ku xigtey in Ceel Dheerna ay hoos timaado ciidamadii Cumar Samatar. Talyaanigu wuxuu isku deyey inuu dib u qabsado Ceel Buur, waase lagu jabiyey dagaalkaas. 15kii Nofember ciidankii Talyaanigu wuxuu dib ugu gurtay Bud Bud, waxayna halkaas kala kulmeen dagaal culus oo aad loogu jebiyey. Dhacdadii ku xigtay, waxay ahayd markii taliye sare oo la oran jirey Splendorelli iyo ciidan uu watey lagu laayey meel u dhexeysa Bud Bud iyo Buulo Berde.

Faashiistihii Talyaaniga oo aad uga cabsi qabey iney arrintani noqoto sidii dagaalkii uu ku qaaday Itoobiya kaas oo lagaga adkaaday Talyaaniga, ayaa bedeley xeeladiisii dagaal oo bilaabay inuu kala qaybiyo shacabka Soomaaliyeed, markaana ayaga isu adeegsado. Qorshahaasi waa hirgalay, ciidamadii Cumar Samatarna waa la jabiyey.

1.3.7 Saldanadii Sanaag

Waxaa ayana jirtay saldanadii Suldaan Maxamud Suldaan Cali Shire oo ka jiri jirtay Gobolka Sanaag. Suldaanka oo ahaa nin aad u firfircoon, waxaa xarun u ahayd Xubeera oo ku taal degmada Badhan. Suldaanku wuxuu dadaal dheeraad ah u galay sidii uu uga madax banaanaan lahaa Isticmaarkii Ingiriiska iyo Daraawiishtii Maxamed Cabdulle Xasan oo labaduba doonayey inuu xukunkooda hoos yimaado. Suldaanka markii dambe, waxaa Ingiriisku u masaafuriyey jasiirada Siishelis (Seychelles) oo ku taal Badweynta Hindiya, halkaas oo uu ku xirnaa mudo 7 sano ah. Mudadaa kadib Suldaan Maxamud Cali Shire, waxaa Ingiriisku ku soo celiyey Gobolka Sanaag.

1.3.8 Boqortooyadii Ajuuraan

Boqortooyadan oo ka jirtey Gobolka Shabeellada Hoose, waxaa ay ahayd boqortooyo xoog leh oo xiriir dhowna la lahayd Maamuladii ka jiri jirey Muqdisho. Waxaa lagu tilmaamaa iney boqortooyadani ka talineysey Gobolka Shabeellada Hoose intii u dhaxeysey qarnigii 15aad illaa iyo kii 17aad, markaas oo Muqdisho ay xukumayeen salaadiintii reer Muzafar. Waxaa kale oo la sheegay in xukunkeedu gaarsiisnaa laga bilaabo Shabeellaha Hoose illaa Baardhere iyo Luuq.

Sida uu qoray Shariif Caydaruus Ajuuraanku, waxay ka yimaadeen Masar. Markii ay xukunka qabsanayeena, waxay garab ka heleen dadkii xeebaha Benaadir deganaa oo asalkoodu ahaa Carab iyo Bershiyaan. Suldaankoodii ugu horreeyey oo la oran jirey Imaam Cumar, wuxuu saldhig ka dhigtay meel u dhow magaalada Marka. Maamulkii Ajuuraan degaanka ay ka talinayeen, waxay ka qodeen ceelal badan, waxayna horumariyeen beeraha.

Warar laga helay waxgarad ku dhaqan degaanka Afgooye iyo nawaaxigiisa iyo qoraalada taariikhiga ahiba, waxay tibaaxayaan in xukunkii boqortooyadani uu aad u qallafsanaa oo uu gaaray heer ay dadku u adkeysan waayeen. Taasina waxay sababtay in qabaa’ilkii Soomaaliyeed ee ay xukumeysey isu bahaysteen markaasna ay xoog uga saareen meelihii ay u talineysay.

1.3.9 Saldanadii Geledi

Magaalada Afgooye, waxaa ka jirey Saldanad ay madax ka ahaan jireen Gelediga dega Afgooye. Waxaa la sheegay iney jirtey intii u dhexeysey 1843 illaa iyo 1908dii, markaas oo isticmaarkii Talyaanigu taladii kala wareegey. Waxaa la ii sheegay iney Boqortooyadii Ajuuraanku ay markii hore ka talin jirtey Afgooye iyo nawaaxigeeda, dadkana ay ku haysey dhibaatooyin fara badan. Wareysi lala yeeshay dad reer Afgooye ah, waxay sheegeen in Geledi iyo dadkii kale ee magaalada deganaa inay isbahaysi la sameysteen qabiilka Wacdaan si loo jebiyo Ajuuraan. Waxay ku guuleyteen iney ka saaraan Ajuuraan Gobolka Shabeellaha Hoose oo ay geeyeen illaa iyo Baardheere. Markaa kadib ayey dhalatay saldanada Geledi oo ay hoos imaan jireen qabaa’ilka degan gobolka oo dhammi. Waxaa kaloo la sheegaa in Wacdaanka degan Afgooye ay soo degeen magaalada kadib markii laga saaray Ajuuraan.

1.4     Qaybsashadii Dhulka Soomaaliyeed

Gumeystayaalkii reer Yurub, waxaa ay tartan u soo galeen iney qaybsadaan waddamada Afrika, Aasiya iyo Laatiin Ameerika, ayagoo raadinaya dhul ay degaan oo ay ka helaan khayraadka ay warshadaha dalalkoodu u baahanyihiin. Dhulka Soomaaliyeed waxaa qaybsaday Ingiriiska, Faransiiska, Talyaaniga iyo Xabashida, ayagoo arkayey muhimada ay leeyihiin Badda Cas iyo Badweynta Hindiya oo labaduba ku yaal geeska Afrika.

Sanadkii 1842, waxaa yimid magaalada Berbera nin ka socday maamulkii Ingiriiska ee Cadan. Ninkaas oo la oran jirey Johnston, waxaa ku xigey oo yimid dalka Soomaaliya sanadkii 1854tii, Richard Burton oo asna socdaal ku soo maray Saylac, Harar iyo Berbera. Richard Burton iyo dadkii la socday, waxaa lagu weeraray magaalada Berbera asagoo ku fakaday fara cidi leh. Richard Burton wuxuu ahaa ninkii ugu horreeyey oo reer Yurub ah oo socdaal dheer ku mara dhulka Soomaalidu degto ee Geeska Afrika.

Sanadkii 1839kii, Ingiriiska wuxuu qabsaday magaalada Cadan, oo ahayd meel muhimad weyn u leh maamulkii Ingiriiska ee Hindiya. Sanadkii 1885tii, Ingiriiska oo doonayey inuu u helo ciidamadiisa jooga Cadan xoolo ay qashaan, ayaa wuxuu heshiisyo la galay qabaa’ilka Ciise, Isaaq iyo Gadabuursi si uu u soo galo dalka. Sanadkii xigeyna Ingiriisku, wuxuu heshiis kaa la mid ah la saxiixday Madax-dhaqamedkii Warsangeli oo fadhigoodu ahaa Sanaag. Ingiriisku wuxuu si rasmi ah u soo galay waddanka Soomaaliya 1884tii bishii February. Nin la oran jirey A. Hunter, oo ka wakiil ahaa dowladii Ingiriiska ayaa heshiisyo la saxiixday qabaa’ilka Soomaaliyeed kaas oo yimid magaalada Berbera. Hunter wuxuu qorsheeyey in Ingiriisku ku yeesho qunsuliyado magaalooyinka Berbera, Bullaxaar iyo Seylac oo dhammaantood ku yaal Badda Cas.

19kii Desember 1943dii, Ingiriisku wuxuu Itoobiya ku wareejiyey qayb ka mid ah dhulkii Soomaaliyeed ee hore Ingiriisku u siiyey. Heshiiskaasi oo dhaqan galay sanadkii 1944tii, Ingiriisku wuxuu tixraacayey, heshiiskii uu la galay Itoobiya sanadkii 1897dii, wuxuuna dhaafsaday dhulka Soomaaliyeed dano uu u wakiishay Itoobiya iney uga fuliso webiga Niil iyo koonfurta Suudan oo markaas Faransiisku kula tartamayey. Faransiiska iyo Ingiriiska oo qaybta ugu weyn ka qaatay gumeysigii Qaaradda Afrika, waxay tartan u galeen kala qoqobida dadyowga ku dhaqan Afrika. Haddaba waxaa jirtay iney isku qabsadeen Faransiiska iyo Ingiriisku meel la yiraahdo Fashoda oo ku taal koonfurta Suudaan. Arrintaasina waxay dhacday sanadkii 1899dii, kadib markii koox Faransiis ahi ay sahan ku tagtay Fashoda oo ku taal webiga Niil. Ingiriisku wuxuu Itoobiya ka doonayey iney ka kaalmeyso arrinta ku saabsan Fashoda iyo inaan Faransiisku ku soo durkin webiga Niil, haddii ay sidaas sameysana ay Itoobiya abaal marin u qaadan doonto dhulka Soomaaliyeed. Heshiiskaasna waxaa u saxiixay Ingiriiska Rennell Rod oo wakiil u ahaa Boqortooyadii Ingiriiska. Dowladii Xabashidana, waxaa wakiil u ahaa Ras Makonen oo madax ka ahaa Harar.

Kadib markii shirkadii Singlayr ay ka heshay saliid Gallaadi oo ka mid ahayd British Soomaaliland, Ingiriisku wuxuu damcay inuu wadahadal la galo Itoobiya, si aaney dhulka Hawd oo Gallaadi ka mid tahay Itoobiya u qaadan. Ingiriisku wuxuu u soo qadimey Itoobiya iney qaadato xeebta Saylac illaa iyo Harar. Arrintaas Itoobiya wey ku gacan seyrtay, waxayna weydiisatey Ingiriiska, inuu dhulka Hawd uga bedesho dhul ballaciisu le’eg yahay 100 mayl oo ay ku jiraan Seylac iyo meelo kale oo ka mid ah Soomaali Galbeed. Ingiriisku codsigaas wuu diidey, wuxuuna aakhirkii ogolaadav in Itoobiya ay qaadato dhulkii uu hore u siiyey. Bishii Nofembar 1954tii, ayey ahayd markii ay Itoobiya gacanta ku dhigtay qaybtii ugu dambeysey ee dhulkii Soomaaliyeed Ingiriisku siiyey.

5tii bishii Jannaayo 1955tii, dadka Soomaaliyeed markii ay maqleen heshiiskan aad bay uga xumaadeen. Waxaana dhacay mudaaharaadyo badan oo looga soo horjeedo arrintaas Ingiriisku ku kacay oo ka soo horjeeda heshiisyadii uu la galay madaxda qabaa’ilka Soomaaliyeed. Isla sanadkaas, waqooyiga waxaa ka sameysmay urur uu madax ka ahaa Michael Mariano oo la oran jirey NUFRRH (National United Front for Retaining Reserve Area and Haud).

Ururkaas (NUF), oo shaqadiisu ahayd sidii loo soo celin lahaa dhulka Ingiriisku bixiyey, ayaa ka helay shacabka taageero aaney helin xisbiyadii kale ee waqooyiga ka jirey. Bishii Maarso 1955tii, wafdi 4 ka kooban Michael Mariano, Abokor Xaaji Faarax iyo Cabdi Daahir ayaa u kicitimay Muqdisho si ay taageero ugu helaan halganka ay ugu jiraan hanashada dhulka Itoobiya la siiyey.

Bilihii Febraayo iyo Maajo sanadkii 1955tii, laba wafdi ayaa tagey dalka Ingiriiska si ay ugu gudbiyaan cabashooyinkooda ay ku doonayaan in loo soo celiyo dhulkii Itoobiya la siiyey. Madaxdii la kulmeen, waxay hordhigeen heshiisyadii ay qabaa’ilka Soomaalyeed la galeen dowladii Ingiriiska, kuwaas oo dhigayey inaan Ingiriisku siin karin dhulka Soomaaliyeed cid kale. Arrintaas waxaa looga dooday Baarlamaanka Ingiriiska, waxaana dhacday in dowladu ku gacanseyrtay dadkii ka tirsanaa Baarlamaanka oo u doodayey in dhulka Soomaaliyeed aan la siin Itoobiya. Waxaa kaloo jirtey iney jaraa’idka ka soo baxa dalka Ingiriisku ay aad wax uga qoreen dhacdadan, ayagoo ku cambaareynaya dowlada tilaabada ay qaaday. Markii ay ka samreen inuu Ingiriisku wax la qabto codsigooda wafdigii Soomaaliyeed waxay isku dayeen iney arrintan hor geeyaan golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey, si ay ugu gudbiso Maxkamada Caalamiga ah. Waxay filayeen iney taageero ka helaan dalka Masar oo ay islahaayeen way idin ku taageerin arrintan si loo soo hor dhigo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, dabadeedna loogu gudbiyo Maxkamad Caalami ah. Wafdigii Soomaaliyeed wax taagero ah kama helin Dowladii Masar oo ay ku tashanayeen, halkaas ayaana dadaalkoodii ku soo afjarmay.

Ingiriisku wax qorshe horumarineed ah uma sameyn intuu haystay dhulka Soomaaliyeed. Maxaa yeelay, danaha uu ka lahaa ayaa waxay ahaayeen in Faransiiska iyo dalalka kale ee reer Yurub aaney ku soo xadgudbin dhulka wadamada Badda Cas kulaalaya sida Suudaan iyo in uu ka dhigto “dukaankii hilibka Cadan” (Laitin & Samatar, 1987).

Sida aan ognahay, Faransiiska iyo Talyaaniguba waxay kaga tageen dhulalkii Soomaaliyeed ee ay kala gumeysan jireen wax la taaban karo. Waxaa tusaale loo soo qaadan karaa dhismaha dekeda Jibuuti iyo wadada xadiidka ah ee isku xirta Jibuuti iyo Itoobiya oo uu Faransiisku sameeyay. Talyaaniga oo asna ka sameeyay koofurta dalka wadooyin dhowr ah oo laami ah, beero iyo warshado yaryar.

Dowlada Faransiiska oo ayaduna rabtay iney qaybteeda ka qaadato boobka dhulka Soomaaliyeed, waxay soo gashay magaalada Obokh iyo Tadjoura taariikhdu markii ay ahayd 1862dii, ayadoo la tartameysey Ingiriiska oo haystey Cadan. Farasiisku wuxuu bilaabay inuu dhiso Magaalada Jibuuti 1888dii, halkaas oo ay deganaayeen dad Soomaali ah. Markii dambe Faransiiska, wuxuu xarun ka dhigtay Jibuuti si uu u helo maraakiibtiisu meel ay ku sii nastaan marka ay ku sii jeedaan mustacmaradihiisa ku yaal Indo-Shiina iyo in aan Yurubta kale uga dheereyn qabsashada geeska Afrika.

Talyaanigu wuxuu si rasmi ah u qabsaday xeebaha koofureed ee Soomaaliya markii taariikhdu ahayd Desember, 1888dii. Sanadkii 1889kii, Boqor Cismaan iyo Yuusuf Cali Keenadiidba, waxay heshiis la saxiixdeen Isticmaarkii Talyaaniga oo ay aqbaleen inuu dusha ka ilaaliyo.

Markaa kadib, Talyaanigu wuxuu ogeysiiyey saxiixayaashii heshiiskii Berlin kaas oo lagu qaybsanayey Qaaradda Afrika, in asagu hadda wixii ka dambeeya uu isticmaarsado Koofurta Soomaaliya. Talyaanigu wuxuu qabsaday xeebaha Benaadir 1892dii, kuwaas oo hoos imaan jirey maamulkii Sansibaar. Suldaankii Sansibaar wuxuu ogolaaday inuu Talyaaniga ka kireysto isticmaalka dekedaha Muqdisho, Merka iyo Baraawe lacag dhan 160,000 Rubii sanadkiiba muddo 25 sano ah. 1925kiina Ingiriiska, waxay ku wareejiyeyn Talyaaniga Gobolka Kismaayo oo horey uga mid ahaan jirey mustacmarada Ingiriiska.

Madaxii qunsuliyada Talyaaniga, Vincenzo Filonardi, oo dowladii Talyaaniga uga wakiilka ahaa heshiisyada aan kor ku xusnay, wuxuu markii dambe furtay shirkad ka shaqaysata koofurta Soomaaliya. Xaafiiskii ugu horreyeyna wuxuu ka aasaasay Gadale oo Talyaanigu u bixiyey Itala. Shirkadaasi muddo markii ay shaqeyneysey ayeey kacday waxaana la wareegay shirkad kale oo la oran jirey Shirkadda ganacsiga Talyaaniga ee Benaadir, taas oo xarumo ku yeelatay magaalooyinka Cadale, Baraawe, Marka, Muqdisho iyo Luuq. Talyaanigu wuxuu magaalada Jowhar ka sameeyey mashaariic beerood. Waxaa kaloo uu sameeyey tareen isku xira Muqdisho, Afgooye iyo Jowhar si uu wixii uga soo go’a beeraha u iib geeyo. Jowhar markaas waxaa la dhihi jirey Duca degli Abruzzi.

Mudadii u dhexeysey 1935-1940, kadib markii faashistihii Talyaanigu ka adkaaday Xabashida, ummada Soomaaliyeed waxaa soo maray wakhti ay hoos yimaadeen isticmaarkii Talyaaniga. Talyaanigu wuxuu ka lahaa dano waaweyn dhulka uu haystey asagoo ku talo galay inuu dejiyo dad Talyaani ah dhulka beeraha ku wanaagsan ee koofurta Soomaaliya. Kumanaal Talyaani beeraley, ganacsato iyo farsamo yaqaano isugu jira ayaa ka shaqayn jirey waddanka. Taasina waxay kor u qaaday dhaqaalihii qaybta ama deegaanada uu Talyaanigu haystay. Inkastoo uu xukunkiisu aad u xumaa, shaqooyinka Talyaanigu abuuray Benaadir iyo nawaaxigeeda, waxaa dhaqaalo ahaan ka faa’iideystay dad badan oo Soomaaliyeed.

Bilowgii dagaalkii labaad ee aduunka, Talyaanigu wuxuu ka qabsaday Ingiriiska qaybihii uu ka haystay dalka Soomaaliya. Laakiin arrintaasi ma sii socon oo Bishii Maarso 1941dii, Tayaaniga waxaa ka adkaaday Ingiriiska oo ka saaray Geeska Afrika oo ay ku jirto Itoobiya: Sanadkii 1942dii, ayaa Boqorkii Haile Selassie oo masaafuris ugu maqnaa London, Ingiriisku dib ugu soo celiyay xukunkii Itoobiya.

Mustacmarka afraad oo qayb ka qaatay gumeysigii dhulka Soomaaliyeed wuxuu ahaa Boqortooyadii Xabashida oo uu hoggaaminayey Menelik 2aad. Menelik oo heshiisyo beecmushtari la sameystay dowladii Talyaaniga oo markaas qabsatay meelo ka mid ah Geeska Afrika, wuxuu fursad u helay in uu soo degsado hub iyo rasaas inta uu doono. Markii dambena Menelik, hubkii wuxuu ku qabsaday dhul ballaaran oo ay leeyihiin dadyowga Soomaalida, Oromada iyo Cafarta. Intii u dhexeysey 1887-1897dii, Menelik wuxuu ku guuleystey inuu qabsado imaaradii Harar iyo qayb ka mid ahayd dhulka loo yaqaan Soomaali Galbeed (Ogaadeen).

Xabashidu waxay kaga duwaneyd mustacmaradii reer Yurub, ayada oo aan lahayn waxsoosaar iyo dhaqaale ay ku maamusho howlaheeda mustacmarnimo. Haddaba si ay u quudiso askarteeda, waxaa dhaqan u ahayd iney dhacdo xoolaha Soomaalida iyo Oromada. Sababaha uu Menelik u qabsaday dhulka Oromada iyo Soomaalida, waxaa ka mid ahaa inuu askartiisa gaajeysan u helo wax ay cunaan. Intii u dhexeysay sanadihii 1890kii illaa iyo 1897kii, waxaa lagu qiyaasay 100,000 oo lo’ ah, 200,000 oo geel ah iyo 600,000 oo ari ah xoolaha laga dhacay dadkii xoola dhaqatada ahaa ee Soomaaliyeed (Laitin & Samatar, 1987).

Ciidamada Xabashida oo aan isticmaali jirin hilibka iyo caanaha geela midnaba, geela ay dhacaan waxay uga bedelan jireen dadkii laga soo dhacay markii ay ka dabayimaadaan xoolahooda lo’ iyo ari. Halkii neef oo geel ah waxay ku bedelan jireen 3 lo’ ah ama 10 ari ah.

10kii bishii Nofember 1947dii, Wasiir Ku-Xigeenkii Arrimaha Dibeda ee Itoobiya Weld-Forester, wuxuu warqad u qoray Bevil oo ka tirsanaa madaxda Dowladii Ingiriiska, asagoo leh, “Waxaan wax badan sugeyney in na loo soo celiyo dekadahayagii qadiimiga ahaa mar kale calankayagu uga babado badaha adduunka. illaa iyo intii shisheeyuhu qabsaday dhulkayaga Eritrea iyo Italian Somaliland, waxaan sugeyney in loo soo celiyo dalkoodii hooyo ee Itoobiya. Inkastoo la wada ogsoon yahay in labadaas gobol ay ka tirsanaan jireen Itoobiya hadana waxay in badan ku jireen gacan shisheeye”.

Warqadan oo laga helay maktabadaha Ingiriiska, waxay markhaati ka tahay in Itoobiya waligeed ku taameysey iney la wareegto dhammaan dalka Soomaaliya.

1.5 Dhaqdhaqaaqyadii gobanimadoonka

1.5.1  Halgankii Sayid Maxamed Cabdille Xasan

Sayid Maxamed Cabdille Xasan oo ahaa ninkii ugu horreyey oo la dagaalamay isticmaarkii reer Yurub, wuxuu ku dhashay Balliga la yiraahdo Sacmadeeqo oo 7 Mayl waqooyi ka xiga magaalada Buuhoodle, markii taariikhdu ahayd 7dii bisha Abriil 1856dii. Sida la sheegay, Sayid Maxamed wuxuu Qur’aanka dhammeeyey asagoo 10 jir ah. Markii uu 19 jirsadeyna wuxuu noqday sheikh laga dambeeyo oo aqoon diimeed oo fiican leh. Sayid Maxamed wakhtigaas kadib wuxuu aqoon kororsi u aaday Harar, Muqdisho iyo meelo kale.

Markii dambe wuxuu aaday Makka iyo Madiina asagoo la socday 13 wadaad oo ay isku xer ahaayeen si ay u soo xajiyaan. Intii uu Makka joogey wuxuu la kulmay Sayid Maxamed Saalax oo uu wax ka bartay. Taasina waxay dhaxalsiisay Sayid Maxamed Cabdille Xasan inuu ka mid noqdo dariiqada Saalixiyada oo ka jirtey Makka wakhtigaa.

Markii uu Berbera ku soo noqday sanadku markuu ahaa 1895kdi, ayuu wuxuu bilaabay inuu wacdiyo dadkii reer Berbera oo ka waaniyo cunista qaadka iyo dhaqamada shisheeyahu keenay waddanka sida cabida khamriga IWM. Magaalada Berbera markaas waxaa ka jirtey dariiqada Qaadiriyada, culumadii joogteyna uma guuxin dariiqada Saalixiyada ee uu sheekhu la yimid.

Sayid Maxamed Cabdille Xasan, waxaa sii kordhiyey halgankiisa fidinta diinta Islaamka iyo la dagaalanka isticmaarka markii uu arkey xarun laga furay Berbera oo dad Faransiis ahi ka fidinayeen diinta masiixiga, Waxaase taas ka sii darnayd markii uu la kulmay wiil yar oo xarunta masiixiga jooga, oo yiri magacayga, waxaa la yiraahdaa John Cabdillahi (Lewis, 2000).

Markaa kadib Sayid Maxamed, wuxuu bilaabay inuu abaabulo rag la dagaal gala si gumeystaha diinta masiixga waddanka ku fidinaya loo eryi laha. Sanadkii 1897dii Sayidku wuxuu u kacay xaga miyiga Burco si uu taageero ugu helo halgankan cusub oo uu bilaabay. Sayidku wuxuu degey ceel la yiraahdo Qoryaweyn oo 60 mayl u jira magaalada Burco kana xiga geesta koofur-bari. Halkaas wuxuu Sayidku ka dhisay unugii ugu horreyay ee ciidamadii Daraawiishta, Ciidan xoog leh oo gaaraya 5,000 oo nin ayaa Sayidku isu dumay sanadkii 1899kii, wuxuuna iclaamiyey jihaad uu ku qaadayo isticmaarka khaasatan Ingiriiska iyo Xabashida. Sanadkaas warqado hanjabaad ah waxaa isweydaarsaday Sayidka iyo qunsulkii Ingiriiska u joogey Soomaaliland. Halkaasna waxaa ka bilowday dagaalkii uu Sayidku la galay dowladahii Ingiriiska, Talyaaniga iyo Xabashida oo socday muddo 20 sano.

Ciidamadii Ingiriiska dagaal ayey ku soo qaadeen ciidamada Sayidka markii taariikhdu ahayd Abriil 1901kii, waxaana dagaalkaas loo yiqiin dagaalkii Afbakeyle, goobtaasi waxay 40 mayl galbeed ka xigtaa magaallada Laascaanood. Halkaas waxaa ka dhacay dagaal culus oo dhimasho iyo dhaawacba geystay, waxaase libtii raacday Daraawiish oo ka adkaatay Ingiriis. Isla sanadkaas, Ingiriiska iyo Daraawiish, waxay isaga horyimaadeen dagaal kale oo ka dhacay meesha la yiraahdo Oodagooye oo u dhow Laascaanood, waxaa asna guuleystay ciidankii Daraawiishta. Sanadkii 1902dii ciidamada Daraawiishta oo ka koobnaa 15,000 oo nin, 12,000 oo ka mid ahi ay fardooley yihiin iyo 1,500 oo qoryo ku hubeysan, waxay mar seddexaad isku haleeleen ciidankii Ingiriiska meesha la yiraahdo Beerdhiga, halkaas oo khasaare ba’ani soo gaarey ciidankii Ingiriiska.

Dagaalkaas Beerdhiga kadib, ciidamada Ingiriiska oo dhammaa 2,400 askari, waxaa lagu soo kordhiyey 1,200 oo kale. Wuxuuna Ingiriisku qorsheyey iney Daraawiishta ka soo weeraraan seddex jaho, kuwa ka imaanaya dhinaca Hobyo si ay u qabsadaan Mudug, kuwa ku imaanaya wadada Berbera-Buuhoodle iyo ciidan 5,000 gaaraya oo Xabashi iyo saraakiil Ingiriis ah isugu jira, oo soo maraya dhinaca webiga Shabeelle si ay uga horjoogsadaan Sayidka inuu u baxsado dhinaca Soomaali Galbeed.

Ciidamadii ka imaan lahaa Hobyo, waxay socdaalkooda soo bilaabeen 22kii Febraayo 1903dii, waxaase dhacday in ciidamadii Daraawiishtu ay u gurteen dhinaca Walwaal iyo Wardheer, si ay uga baxsadaan dabinka loo dhigay. Sanadkii 1903dii, Daraawiishi waxay isku haleeleen ciidamadii Ingiriiska laba goobood oo ay ugu horreyso Gumburi, taas oo ay ciidamadii isticmaarku ku hoobteen. Meesha kale oo la isaga horyimid waxay ahayd Daratoole oo iyana dagaal kharaari ka dhacay. Dagaalladaas ka dib Sayidku, wuxuu u guurey Nugaal.

Ciidamadii Daraawiishta iyo ciidankii Ingiriisku waxay kaloo dagaal isaga horyimadeen meesha la yiraahdo Jidbaale. Dagaalkaas ciidanka Ingiriiska oo dhammaa 8,000 askari iyo kuwa Daraawiishta oo lagu qiyaasay 6,000 illaa iyo 8,000, waxaa lagu jabiyey ciidankii Daraawiishta, oo waxaa soo gaaray khasaaro badan oo dhimasho iyo dhaawacba leh. Sanadkii 1904tii dagaalka Jidbaale kadib, Sayidka iyo ciidamadiisii waxay u guureen Bari, markii ay ballanqaad ka heleen Boqor Cismaan.

Sanadkii 1905tii, dowladihii Talyaaniga iyo Ingiriiska waxay isla ogolaadeen in Sayidku uu yeesho dhul uu asagu xukumo oo aan lagu soo faragelin. Waxaa la isla ogolaaday inuu xarun ka dhigto magaalada Eyl. Heshiiska Illig, waxaa jebiyey dowladihii saxiixay kadib dagaalkii kowaad ee aduunka, ayagoo dagaal ku soo qaaday ciidamadii Sayidka. Sanadkii 1907dii, Sayidka wuxuu sii waday halgankiisii uu isticmaarka kula jirey khaasatan ciidamadii Ingiriiska, asagoo dib ugu soo noqday dhinacii Ingiriisku xukumay.

Sanadkii 1913kii, ciidamada Daraawishta, waxay dagaal ku qaadeen ciidamadii Ingiriiska oo saldhigoodu ahaa magaalada Burco. Halkaas Daraawiishtu waxay geysatay khasaare aad u baaxad weyn, waxayna soo dhaceen xoolo farabadan. Ciidan uu wato Richard Corfield nin la oran jirey oo madax u ahaa ciidamadii Ingiriiska (Camel Corps) iyo raggii lahaa xoolihii Daraawiishi soo dhacday, ayaa soo raacdeystay Daraawiishta iyo xoolihiiba. Xoolihii oo maraya meesha la yiraahdo Beer, ayey garab mareen oo u fariisteen buurta Dulmadoobe salkeeda. Waxay isku haleeleen buurta Dulmadoobe, taas oo ciidankii Ingiriiska lagu jebiyey. Goobtaas waxaa lagu dilay Richard Corfield oo Soomaalidu u taqaan Koofil, waxaana Sayidku u tiriyey gabay dheer oo aan intan yar ee soo socota ka soo qaatay:

“Adaa Koofilow jiitayaan, dunida joogeyne

Adigaa jidkii lagugu wadi jimic la’aaneede

Jahanama la geeyow haddaad aakhiro u jahato

Nimankii jannow kacay war bay jirin inshaalleye

Jameecooyinkii iyo haddaad jowhartii aragto

Sida Eebbahay kuu jirrabay mari jawaabteeda

Daraawiish jikaar igama deyn tan iyo jeerkii dheh

Ingiriis jabyo waxaa ku dhacay jac iyo baaruud dheh

Waxay noo janjuunteenba waa jibashadiinii dheh.”

Ciidamadii Ingiriiska markii ay u caalwaayeen Daraawishta Sayidka, waxay isticmaaleen diyaarado ay ku duqeeyeen xarumihi Daraawiishta. Bishii Jannaayo sanadkii 1919kii ayaa Ingiriis ka soo duuley cir iyo dhulba. 8dii diyaaradood ee ugu horreyey, waxay duqeeyeen meelaha la kala yiraahdo Mirashi, Jiidali iyo Baran, meelahaas oo ay Daraawiishtu qalcado ku lahaayeen. (Sh. Jaamac Cumar Ciise, 1974).

Daraawiish markii ay aragtay in lagula dagaalamay hub aney haysan, waxay go’aansatay iney u guurto koofurta Soomaaliya oo ay xarumo ku lahayd. Waxay degeen meelaha la kala yiraahdo Qorra, Shinniile iyo Horushagax. Daraawiishtii oo dagaal rogaal celin ah isu diyaarineysa ayaa waxaa ku dhacay cudur saf mar ah oo rag badani u dhinteen, intii kalena waxaa ku soo duuley oo laayey ciidan Ingiriisku soo dumay oo Soomaali u badnaa madaxna uu ka ahaa nin la oran jirey Sir Archer. Daraawiish wixii ka haray, waxay u baxsadeen Qarrijiqood oo ay markii dambena uga sii gudbeen Iimey oo ah meeshii Sayidku ugu dhintay cudurka duumada.

1.5.2 Gobanimadoonkii SYL iyo SNM

Kadib markii Ingiriisku jebiyey Talyaanigii gumeysanayey dalka qaybo ka mid ah, dadka Soomaaliyeed waxay heleen fursad ay kaga doodaan isticmaarka iyo waxyeeladiisa. Waxaa kaloo jirey dad aqoonyahano ah oo la soo shaqeeyay isticmaarka fahamsanaana xorriyadu waxay tahay, kuwaas oo doonayey iney ridaan reeryada gumeystayaasha qaybsaday waddanka. Arrimahaas oo dhan ayaa sabab u noqday in uu sameysmo Ururkii Dhalinyarada Soomaaliyeed (SYC) bishii Maajo 1943dii. Magacaas markii dambe waxaa loo bedelay SYL oo noqday mid ay ku soo hirtaan dadka u dagaalamaya xorriyadooda. Ururkan waxaa aasaasay 13 dhalinyaro Soomaaliyeed ah, waxayna ujeedadooda weyni ahayd in dhulka Soomaaliyeed ee la qaybsaday uu wada xoroobo, magacyadooduna waa sidatan hoos ku xusan:

  • Yaasiin Xaaji Cismaan Sharmarke
  • Cabdulqaadir Sheikh Sakhaawadiin
  • Xaaji Maxamed Xuseen Xaamud
  • Maxamed Faarax Hilowle
  • Dheere Xaaji Dheere
  • Cismaan Geedi Raage
  • Maxamed Cismaan Baarbe
  • Daahir Xaaji Cismaan Sharmarke
  • Cali Xasan Cali
  • Siyidiin Xirsi Nuur
  • Maxamed Cabdalle Xayeesi
  • Huudow Macallin
  • Maxamed Cali Nuur

Ingiriiska oo markaas haystay dalka, wuxuu damcay inuu isu keeno shanta Soomaaliyeed oo ay asaga hoos yimaadaan. Waxaa taas ka soo horjeestay labadii waddan ee kale oo kula jiray gudiga Qaramada Midoobey, waxayna kala ahaayeen Mareykanka iyo Midowga Sufyeeti. Waxaana dadaal weyn sameysay dowladii Xabashida oo ka dhaadhicisay Mareykanka in aan talada Ingiriiska la yeelin si ay u sii haysato dhulka ay gumeysato ee Soomaali Galbeed.

Waxaa ayana jirtay, in ururkii SNL uu ka sameysmay gobolada waqooyi ee Ingiriisku gumeysan jirey. Labadan urur ee SYL iyo SNL, waxay sameeyeen kicin iyo baraarujin dadka lagu baraarujinayo dhibaatooyinka gumeystayaashu dalka iyo dadkaba ku hayaan.

Ururka SYL, wuxuu xarumo ka furtay magaalooyinka Soomaaliyeed dhammaantood si loola dagaalamo isticmaarka magac kasta ha lahaadee. Waxaa jirtay in Xabashidu aad ula dagaalantay dhaqdhaqaaqii gobanimadoonka ah ee SYL. Xabashidii dadkaas waxay ula dhaqantay si waxashnimo ah oo qofkii ay doontana way dili jirtay, qofkii kalena xabsiga ayuu ku dhiman jirey. Sanadkii 1948dii, markii Ingiriisku ku wareejiyey dhulka Soomaali Galbeed Xabashida, waxaa mudaaharaadyo sameeyay dad ka tirsanaa SYL kuwaas oo ka soo horjeeday tillaabaas Ingiriisku qaaday. Waxaa dhacdadaas ku dhintay 25 qof in badan oo kalena way ku dhaawacantay.

Dagaaladii dadkii ka tirsanaa SYL ay galeen waxaa ka mid ahaa Hanoolaato iyo Dhagaxtuur oo Muqdisho ka dhacay. Magaalada Muqdisho, ururka SYL xoog ayuu ku lahaa. Isticmaarkii Talyaaniga wuxuu isku dayey inuu caburiyo kacdoonka ka soo horjeeda xukunkiisa, laakiin taas kuma guuleysan oo waxaa lagala horyimid iska caabin xoog leh.

1.5.3 Doorashooyinkii Xorriyadda ka Horreeyay

Doorashadii ugu horreysay waxay dalka ka dhacday sanadkii 1954kii, taas oo loo tartamayey xubnaha ka qaybgalaya dowladaha hoose ee Koofurta Soomaaliya. 21kii xisbi ee tartanka galay, SYL waxay heshay boqolkiiba 48, Xisbiga Digil Mirifle (HDM) waxay heleen boqolkiiba 22.

Doorashadii taas ku xigtay, waxay dhacday 1956dii, oo ahayd markii ugu horreysay oo doorasho guud dalka laga qabto. Natiijadiina waxay noqotay SYL oo heshay 43 xubnood, HDM oo heshay 13 xubnood iyo xisbiyada yaryar oo helay 3 xubnood. Doorashadan kadib, Cabduilaahi Ciise oo SYL ka tirsanaa, ayaa maamulkii Talyaanigu u doortay inuu soo dhiso dowlad Soomaaliyeed (Laitin & Samatar, 1987).

Waxaa jirtay inaan qabaa’il badani ka dhex muuqan dowlada SYL soo dhistay, lagana xumaaday habdhaqanka madaxda SYL iyo sida dad yar oo dhowr qabiil ka koobani u marooqsanayaan xukunka dowlada. Taasi waxay dhalisay inuu sameysmo xisbi kale oo ka soo horjeeda SYL, waxaana la oran jirey Xisbigii Soomaali Weyn (GSL). Sanadkii 1959kii, markii la qabanqaabinayey doorashadii ugu dambeysey ee Talyaanigu maamulayey waddanka, maamulkii ay hogaamineysay SYL, wuxuu xirxiray boqolaal ka tirsanaa xisbiyadii ka soo horjeeday sida xisbigii GSL. Taasina waxay keentay in SYL ay hesho 83 ka mid ah 90kii xubnood ee baarlamaanku ka koobnaa.

Haddii aan soo qaadano gobollada waqooyi oo markaas Ingiriisku maamulayey sanadkii 1959kii ka hor doorashooyinka iyo xisbiyada siyaasiguba mamnuuc ayey ahaayeen. Maamulkii Ingiriiskuna asaga ayaa qabaa’ilka ka soo xuli jirey dadka maamulkiisa ka qayb gelaya. Doorashadii ugu horreysayna waxay waqooyiga ka dhacday 1959kii, taas oo uu qaadacay xisbigii SNL. Intaa waxaa ku xigay doorashadii la qabtay bishii Feberaayo 1960kii, oo loo tartamayey 33 xubnood oo baarlamaanku ka koobnaa. Xisbigii SNL oo uu hogaaminayey Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, wuxuu ku guuleystay 20 ka mid ah 33da xubnood oo baarlamaanku ka koobanaa. Isla doorashadaas, xisbiga la oran jirey NUF wuxuu helay 1 xubin halka xisbiga USPna uu heshay 12 xubnood.

Bishii Abriil 1960kii, Ingiriisku wuxuu si kadis ah ugu dhawaaqay inuu xorriyad siinayo waqooyiga Soomaaliya maalmo ka hor marka uu Talyaanigu xorriyad siiyo koofurta Soomaaliya. Ingiriisku wuxuu ka baxay gobollada waqooyi ee Soomaaliya 26kii bishii Juunyo 1960kii, taas oo 4 casho ka horreysay markii ay xoroobeen gobollada koofureed oo ku beegnayd 1dii bishii Luulyo 1960kii Wada xaajood dhowr bilood qaatay kadib, 1dii Luulyo 1960kii waxaa midoobey labadii qaybood oo ay Ingiriiska iyo Talyaanigu kala gumeysanayeen.

Gogoldhig

Qorista kitaabkan, waxaa igu dhaliyey markii aan ka qayb galay shirka dib uheshiisiinta Soomaalida ee Mbagathi, Keenya. Shirkaas oo ah kii 14aad oo loo qabto madaxda kooxaha hubeysan ee ka jira dalka, waxaa iiga soo baxday in hoggaamiyaasha kooxaha iyo dadka kala taabacsan oo u nacamleynaya aaney diyaar u ahayn in Soomaaliya yeelato dowlad soo celisa kala dambeyntii iyo hannaankii dowladnimo. Waxaa kale oo aan arkay in shacabkii dhammaantiisa loo kala qoqobay qabaa’il aan wax isu ogoleyn. Qabiil walbaa, wuxuu doonayaa inuu liqo xaqa uu qabiilka kale leeyahay. Arrintaasi ayada ah, waxaan u arkay iney tahay xarig jiid aan dhammaaneyn oo ay ka shaqeeyeen quwado shisheeyo kuwaas oo loo aaneynayo dumintii qarankii Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo dadka shirka ka qaybgalaya iiga muuqatay iney dhammaatay qadarintii iyo maamuuskii ay lahaan jireen Oday-dhaqameedyada Soomaaliyeed. Iyadoo ay taa la wareegeen dagaal oogayaal aan u daneyneyn maatada ay ku muquuninayaan qoriga caaradiisa. Arrintaa aan kor ku soo sheegay waxay na dareensiin kartaa, inaan isku khaladnay qabiilkii iyo qaranimadii Soomaaliyeed.

Waxaa xusid mudan shirkii Carta oo ku dhammaaday mudo afar bilood ah oo ay hoggaankeeda hayeen Odey-dhaqameedyada Soomaaliyeed. Shirka dibu-heshiisiinta ka socda Keenya, waxaa uu socdaa mudo sanad iyo afar bilood ah, haddana lama oga goor uu dhammaan doono, sababtoo ah waxaa geesaha isla galay qabqablayaal ku abtirsada qabiil aan raalli ka ahayn iney matalaanba.

Waxaa daciifay oo meeshaba ka baxay kaalintii aqoonyahankii dalka kuwaas oo looga fadhiyey iney ka samata bixiyaan aafada ku habsatay ummadda Soomaaliyeed. Aqoonyahanku inuu kaalintiisa guto iska daaye, wuxuu qeyb ka noqday qoqobka iyo kala qaybinta shacabka mudada dheer madaafiicda iyo gaajadu naafeysay. Waxaa ammaan iyo hambalyaba mudan dumarka Soomaaliyeed oo iyagu dadaal xoog leh ugalay iney buuxiyaan kaalintii raggu ka baxay. Waxay u istaageen iney quudiyaan qoyskii aabuhu qoriga iyo qaadka ka doortay. Waxay kaloo door weyn ka ciyaareen dib-u-heshiisiintii dadkii dadkii dagaal-oogayaashu dabka isugu dhiibeen.

Waxaan qaybta kowaad ee kitaabkan uga hadlay, dadka iyo dalka Soomaaliya. Faahfaahin dheeraad ah, waxaan ka bixiyey kheyraadka dalka, si akhristuhu u fahmo nimcada ku duugan dalkeena hooyo. Waxaa ayana kaga hadlay dadka Soomaaliyeed halka ay ka soo jeedaan iyo sida ay ugu faafeen Geeska Afrika. Taariikhyahanada wax ka qoray dadkeena, waxay u qaybsameen labo markii ay qeexayeen isirka Soomaalida. Qolo waxay tiri dadka Soomaalidu, waxay ka soo jeedaan Carab ku beerantay waqooyiga iyo waqooyi bari ee dalka, kadibna u fiday koonfur iyo koonfur galbeed ee dhulka Soomaalidu degaan.

Waxaa kuwaas fikrad ka soo horjeeda qaba kuwa yiri, Soomaalidu waxay isku hayb yihiin Oromada iyo qowmiyadaha kale ee xaamiyiinta ah, waxayna markii hore ku bcermeen meel ku toosan waqooyiga Keenya. Dadkaasi waxay u hijroodeen illaa iyo waqooyiga dalka oo ay ku bateen, ayagoo markaa kadib dib ugu soo hijrooday koonfurta Soomaaliya iyo bariga Itoobiya iyo waqooyiga Keenya.

Qaybtan koowaad, waxaan kaloo uga hadlay qaab-dhismeedka qabiilka iyo maamuladii dalka ka jiri jiray xorriyada ka hor. Waxaan si buuxda ugu faahfaahiyey sidii gumeystayaashu u qaybsadeen dalka iyo halgankii gobanimadoonkii shacabka Soomaaliyeed u soo galay qaranimadii ay burburiyeen kooxo yar oo dano gaar ah lahaa.

Qaybta labaad, waxaan ku soo ururiyey dhacdooyinkii soo maray dadka Soomaaliyeed laga soo billaabo 1960kii illaa iyo 1991. Dhacdooyinkaas waxaa soo hoos galaya, waxqabadkii dowladihii xukumi jirey iyo dhaliilihii ay lahaayeen. Waxaan wada ogsoonahay ineyan dowladahaasi ka soo bixin kaalintii uu ka sugayey shacabkeenu. Dhaliilahaaan soo koobayna ujeeddadoodu waxay tahay inaan uga digo dowladaha imaan doona.

Qaybta seddexaad oo ayana aad muhiim u ah waa dumintii qaranka Soomaaliyeed iyo wixii ka dhashay. Waxaan uga hadlay jabhadihii isu bahaystay iney ridaan dowladii ciidamadu hor kacayeen, ayagoon ka fikirin nooca dowlada bedelidoonta iyo cawaaqibkeeda waxay noqon. Intaa waxaa weheliya, oo aan qaybtaan kaga hadlay shirarkii dib-u heshiisiineed ee loo qabtay madaxda kooxaha dalka ku hardamayey 13kii sano ee dowlad la’aantu jirtey iyo waxa weli hortaagan in dowlad laga dhiso dalka Soomaaliya. Waxaan kaloo wax ka taabtay dimuqraadiyada iyo Soomaaliya, oo aan ka hadlay sida qabyaalada dadkeenu ku dhaqmo iyo nidaamka dimuqraadiyadu aynan isu waafaqeyn.

Arar

Waxaan ka afeefanayaa erayada aan adeegsaday oo aan isku dayey iney ahaadaan kuwa dhexdhexaad ah, haddii ay qof si kale ula muuqdaan inuu ii cudur daaro, maxaa yeelay Afka Soomaaligu waa mergi oo dhinacii aad u jiidaba waad u qaadan kartaa.

Waxaan kale oo aan ka cudurdaaranayaa siiqada iyo ujeedada uu xambaarsan yahay kitaabkan, oo aan ugu talo galay toosin iyo talo bixin si shacabka Soomaaliyeed ay mar kale u hantaan qaranimadoodii. Marka aan sheegayo dhacdooyinkii la soo maray, waa wax taariikhi ah oo la doonayo iney ka faa’iideysato ummadda Soomaaliyeed. Ma aha ujeedada buugan in qof, koox ama qabiil lagu cambaareeyo, ee waxa aan ula jeedaa inuu qayb ka noqdo soo celinta dowladnimadii iyo sharaftii ummadda.

Dr. Cabdisalaam Sheekh Xasan

London, Jannaayo 2004

Buugan waxaan u hibeynayaa dadka Soomaaliyeed oo ay aafeeyeen dagaalada iyo dbibaatooyinka kale ee ay dowlad la’aantu keentay. Waxaan kaloo u hibeynayaa dadka Soomaaliyeed inta ku dadaaleysa iney soo celiyaan qaranimadii iyo haybadii aan lahaaan jirney.

Mahadnaq

Marka hore, waxaa mahad leh Allihii ii sahley inaan qoro kitaabkan. Marka xigta, waxaa mahad aan u celinayaa xaaskayga oo gacan igu siisey dhammeystirka kitaabkan, dulqaadna u yeelatay mudadii aan ku mashquulsanaa qorista buugan.

Waxaa kaloo duco iyo mahadnaqba u jeedinayaa wiilkeyga Mustafa Cabdisalaam oo isagu iga caawiyey xagga isticmaalka iyo ka faa’ideysiga macluumaad aan ka helay aaladda Internetka. Waxaa iyana mahadcelin mudan asxaabta faraha badan oo igu dhiirrigeliyey qorista buugan, gaar ahaan Cabdullaahi Kuukaay iyo Cabdiqaasim Maxamed Xasan oo ayagu iigu deeqay buugaag aan ka faa’ideystay.

Dr. Cabdisalaam Sheekh Xasan

London, Jannaayo 2004.

Taariikhda Soomaaliyeed iyo Tartanka Qabiilka

Dr. Cabdisalaam Sheekh Xasan


 

TUSMO

Mahadnaq
Arar
Khariidado
Gogoldhig

Qaybta Koowaad
Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed
Qaab-Dhismeedka Qabiilka
Maamuladii ka jiray dhulka Soomaaliyeed
Boqortooyadii Bunti
Saldanadii Benaadir
Saldanadihii ka jirey dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya haysato iyo gobolka Awdal
Saldanadii Waqooyi Bari
Saldanadii Seylac
Saldanadii Hobyood
Saldanadii Sanaag
Boqortooyadii Ajuuraan
Saldanadii Geledi
Qaybsashadii Dhulka Soomaaliyeed
Dhaqdhaqaaqyadii Gobanimadoonka
Halgankii Sayid Maxamed
Gobanimadoonkii SYL iyo SNL
Doorashooyinkii xorriyada ka horreeyay

Qaybta Labaad
Dowladihii jiray 1960-69
Dowladii Kacaanka
Cinqilaabkii Ciidamada
Hantiwadaagii Cilmiga
Horumarkii Kacaanka
Dib-u-dhacii Kacaanka

Qaybta Saddexaad
Dumintii qarankii Soomaaliyeed
Shirarkii dib-u-heshiisiinta
Shirkii dib-u-heshiisiinta Jabuuti ee 1991dii
Shirkii dib-u-heshiisiinta ee Addis Ababa
Shirkii dib-u-heshiisiinta ee Qaahira
Dhisidii Maamul goboleedka Buntland
Shirkii dib-u-heshiisiinta ee Carta
Shirkii dib-u-heshiisiinta Mbagathi
Caqabadaha hortaagan dhisme dowlad qaran
Demoqraadiyada iyo Soomaaliya

Qaybta Afraad
Gunaanad iyo Talooyin
Tixraacyo

Jaldiga Gadaale