Yearly Archives: 2014

Qeybta 25aad

Bismillaahi wabacdu. Waa qormadeennii 25aad. Walaalayaal waxaan isku ogayn in talo la isoo siiyo ilayn waxaan rabaa in aan aado dhul aannan aqoon waddooyinka loo maro iyo la dhaqanka dadka toona. Waxaa kaloo jiray cabsi aad u ballaaran oo waddanka ka jirtay. Illaa iyo hadda ma hayo cid igu tiri qaado taladaas oo waxaad martaa wadda hebla. Intaas ka badan idinma sugi karo oo waan dhaqaaqay anoo Ilaahay talo saaranaya waxaan heli karay oo xeelad ahna diyaarsaday. Allaahul Mustacaan.

Waxaan soo xuuraamay ama soo raadiyey qaabka looga baxo Xamar oo loo aado gobollada Waqooyi Galbeed. Waan soo helay, waxaan isu diyaariyey safar khatartiisa leh. sidaad ogtihiin waxaa dhacay ama dadka dhexmaray dagaal aan la is badbaadinayn oo qofba qofka kale ka aargoosanayo.

Dadku ayagoo sidaas isu dilaya ayey haddana is dhex mari jireen oo waxaa samaysmay kooxo dadka dhexdiisa ka ganacsada oo ayagu qofka naftiisa dammaanad qaadaya illaa uu ka tago gobolkuu rabay, qofkana waxaa laga qaadayaa lacag fiican oo uu naftiisa ku badbaadiyo. Kooxdaas magaceeda waxaa la dhihi jiray Mukulaal Madow, ciday wataanna waa lasii dayn jiray oo lama dili jirin lamana dhici jirin.

Xuduudaha waa la kala leeyahay oo qola walba awooddeedu meel ayey ku eg tahay. Bakaaraha illaa iyo Baladwayne waxaa Mukulaal Madow ka ahaa Gaaljecel. Waxaan Bakaaraha ka raacay gaari ay mas’uul ka yihiin rag Gaaljecel ah. Waxaan u dhaqaaqnay dhankaas iyo Waddadii Afgooye. Markaan Wanlawayn marayno ayaan waxaan u leexannay dhankaas iyo Jawhar xaggeeda. Waxaan soconnay saacado badan intaasna waddo lama hayo oo waxaa la marayaa dhul qaxar ah ama dhib badan.

Casarkii markay ahayd ayaan waxaan nimid meel matoor ka mudan yahay ama riigga xooluhu ka cabbaan. Darawalkii gaariga wax yar buu meeshii ku hakaday oo dadka qaarkii ayaa dalbaday in meesha shaah laga cabbo.

Wax yar ka dib waxaan aragnay dhalinyaro gees u baxday oo afka isku haysa qoryana wadata, shaki ayaa galay darawalkii gaariga wuxuuna dadkii ku amray in ay baabuurka fuulaan. Markii aan dhaqaaqi lahayn ayey dhalinyaradii gaarigii hortiisa la istaageen qoryo, waxaa la galay xiwaar dheer, aakhirkiina waxay ku dhammaatay in nalasii daayo dhib nama soo gaarin waxaanse galnay khatar.

Akhristayaalow dhib badan kadib waxaan Baladwayne kasoo galnay dhanka qorraxdu u dhacdo, waa caksiga meeshii aan kasoo gali lahayn haddaan nabadgalyo haysanno, oo Baladwayne marka Xamar laga tago waxaa laga soo galaa dhanka qorraxdu ka soo baxdo. Intaasna waddo ma aannan haynee waxaan maraynay dhul qardajeex ah. Bal qiyaasa dhibaatada dadkaas haysatay iyo nabadgalyo la’aanta ka jirtay meeshaas.

Waxaan gaaray anoo nabad qaba magaalada Hargaysa ee gobolka Waqooyi Bari. Waxaan soo maray oo Ilaahay iga soo badbaadiyay gobollo badan oo Mukulaal Madow ay dadka dhiiggooda iyo naftoodaba ka ganacsato, wax la hadlayana aadan arkay ama iska dhicinaya oo leh war dadka dhibka ka daaya. Waxaaba laga yaabaa in odayaasha reerku biil ka saaran yihiin ama ay biilaan Mukulaal Madowdu, oo haddii ciddu la hadli lahayd waxaa laga baqayaa qabiilkiisa ama nabaddoonkiisa ama shiikhiisa oo ku og arrimahaan waana shaqo loo diray.

Hargaysa waa meel xoogoow xasiloon waxaase ka muuqanaya burburkii ka dhashay dagaalkii ay la galeen dawladdii Maxamed Siyaad Barre. Waxaa ka muuqanaya burbur aad u ballaaran dhanka dhismaha, dhanka gaadiidka, dhanka waddooyinka. Ma jirin meel u caymatay oo badbaadday. xataa waxaa burbursanaa masaajiddii iska daa meel kalee.

Waxaa billow ah nolosha magaalada, waxaa la billaabay in la dhiso meelaha daruuriga u ah bulshada, sida masaajidda, dukaammada yar yar, maqaaxiyaha, hoteellada iyo wixi la mida. Waa magaalo caraysan oo looga soo duulay Koonfurta Soomaaliya siday ayaga la tahay. Ma maqli karaan qof Koonfur ka yimid, waxay u yaqaannaan dadka Koonfurta ka yimid Wanlawayn ama Faqash!

Maalin baan khatar galay maalmihii ugu horreeyey ee aan tagay Hargaysa sababtuna waxay ahayd, waxaan wax ka gatay dukaan, waxaan ku iri ninkii badeecadda iibinayey waa meeqa sheygaan? Ninkii dukaanka gadanayay intuu wax walba dhulka dhigay ayuu kor ii fiiriyay! Hadal kululna iigu yiri, “Waa miiqa? Waar orod naga tag waxba kaa gadan maynee.”

Waqooyi marka qofku qiimaha sheyga waydiinayo wuxuu dhahaa, “Waa imisa?” Waan sigtay waxse ima gaarin aan ka ahayn canaan waayeel, mar dambana afkayga lagama maqal, “Waa miiqa?” Markaan wax gato waxaan dhihi jiray, “Waar waa imisa?”

Magaalada waxaa ka jiray dacwo laba nooc ah, mid waa tii soo jireenka ahayd ama wadaaddadii hore oo ayagu dhowr nooc ah, sida Suufiyada, Waxdada, iyo niman Mumtadda loo yaqaan oo ayagu u dhisan sida hay’adaha oo kale, hoostana waxay ka wataan manhajkooda. Waxaa kaloo jiray tayaar aad u xoog badan oo waliba markaas la xiisaynayey oo dacwadana waday jihaadna ku jiray, waana nimankaan u socday anigu.

Magaaladu waxay xuduud la leedahay waddanka Itoobiya, Itoobiyana waa midda lagu jihaadayo oo dhexdeeda waxaa ka socda dagaallo faraha looga gubtay ama jihaad kulul. Waxaa jihaadka saldhig u ah oo howlihiisaa dhanka siyaasadda iyo dhanka dhaqaalahaba laga wadaa labo magaalo oo kala ah Hargaysa iyo Burco. Waxaa laga diraa gurmadka, waxaa laga diraa dhaqaalaha, waxaa la keenaa dhaawaca iyo bukaanka.

Waxaa ku diyaarsan mar walba dhalinyaro aad u qiiraysan ama jecel camalkaan iyo ehelkiisa, una huray naf iyo maalba. Waxaa magaalada soo buux dhaafiyay jawaasiis Itoobiyaan ah oo isku daya wax kasta oo camal ah oo jihaadka ku saabsan in ay ogaadaan si ay uga digtoonaadaan. Itoobiya waqtigaas asaga ah ma lahayn ciidan ku filan oo u ilaaliya xuduudbeenaadka ama ka hortaga dhalinyaradaan u jihaadaysa Kitaabka Allaah koryeeliddiisa.

Waxay awoodeen oo kaliya in ay wax soo xuuraamaan ama soo ogaadaan kadibna ay akhbaarta u gudbiyaan cidday khusayso. Itoobiya markaas ma lahayn awoodda ay hadda ku leedahay Hargaysa iyo dhammaan gobollada Waqooyi Galbeed ama kuwa Waqooyi Bari.

Waxaa u shaqayn jiray dad yar oo Soomaali ah. Waxaa loo yaqaannay dabaqoodhi ama koofiyad-dhuub. Waxaa kaloo u shaqayn jiray ama jawaasiis u ahaa wadaaddo inxiraafay oo markay cabbaar jihaadka ku jiraan ayay inta Itoobiyaanka u tagaan waxay dhihi jireen anigu waan kasoo baxay Al-Itixaad, adinkaan indinla shaqaynayaa, markaasuu dib noogu soo noqon jiray asagoo Itoobiya u shaqaynaya. Waxaa laga yaabaa in loo dhiibo ciidanka dhan ama madax looga dhigo guuto dhan jaasuuskaas ama munaafiqaas.

Marka dagaal dhaco waxaa laga yaabaa in dad yar ay gaaladu disho laakiin kuwaan nagu dhex jira ama ciidanka madaxda u ah ee jawaasiista ah ayaa laga yaabaa in ay dhabarka kaa toogtaan. Inta badan waxaa shahiidi jiray dadka madaxda ah ama qiimaha gaarka ah u leh jihaadka. Waxaa muddo kadib la ogaadaa munaafiq ama murtad ciidanka ku dhex jiray oo dhammeeyay dadkii waxtarka ahaa. Marka la ogaadana ama wuu baxsan jiray ama waa la khaarijin jiray. Lagdankaasaa naga dhexeeyay (ow masgab).

Culumadaas inxiraaftay waxaa loo yaqaannay magac ah: hebel waa is masgabay, macnaha eraygaas waxaa weeye: hebel waa is diiwaangaliyay, wuxuu noqday jaasuus. Nimankaasu waxay nagu hayeen haddana nagu hayaan Nebi Muxamedna (sallallaahu calayhi wasallam) ay ku hayeen dhib aan dhammaanayn illaa qiyaame ka dhaco oo dadka loo garnaqo.

Qofka aadaya furinta ama ka imaanayaa aad buu u taxaddari jiray, bixitaankiisa iyo soo galitaankiisa intaba. Howshaas waxaa u xilsaarnaa rag qaarna shihiideen oo Ilaahay naftoodii ka iibsadeen qaarna wali nool yihiin furintiina wali ku jira, Ilaahayna waxaan uga baryayaa in uu siiyo shahaado ay ku illaawaan dhibkay diintaan u soo mareen, aamiin. Raggaas waxaa ka mid ahaa Shiikh Axmed Aw Cabdi xafidahu-llaahu (Hargaysa) inkastoo aanan aad u hubin taariikhda aan Shiikha magaaladaas ku arkay. Waxaa kamid ahaa Shiikh Maxamed Maxamuud Nuur xafidahu-llaahu (Burca).

Mujaahidiintu inta badan waxay adeegsadaan lugtooda oo gaadiid ma haystaan. Haddii ay jiraan waxyaabo culus, sida hubka ama raashinka waxay ku rartaan dameerro ama geel, Intii ka dambaysay dagaalkii saldhiggii Qorra oo Maraykanka iyo xulufadiisu ay kusoo duuleen, waxaa la baddalay takhdiidkii oo ma jirto meel saldhig u ah mujaahidiinta. Waxaa loo sameeyay ama laga dhigay koox koox ama 30 illaa 40 ciidan ahba waa la isku daray oo waxaa la siiyay itijaah u gooni ah ayaga.

Wadaaddada magaalooyinka naga taakuleeyaa waxay adeegsadaan dad mucayin ah oo dhulyaqaan ah. Waxay baabuurta ka kiraystaan dad yar oo aammin ah. Waxay leeyihiin siyaasad u gaar ah ayaga, waxay leeyihiin sakuurati aad u heer sarreeya oo kii Itoobiyaanka ka qaalib noqday ama ka adkaaday. Waxay lahaayeen dhaqaale u gaar ah oo ay wax ku dabbaraan ama ay wax ku xalliyaan hadday wax is dabamaraan ama xumaadaan. Ma jirin dowlad taakulayn jirtay ama ay ku tiirsanaayeen marka laga reebo Al-Itixaad oo mar mar wax usoo tuura illayn magacoodaa la adeegsanayaa, waa Al-Itixaad.

Meel baa nalagu aruuriyay ama waxaa nala dajiyay hoteel annagoo ah koox jihaad-doon ah. Maalmo kadib ayaa waxaa naloo sheegay in aan bixi doonno muddo aan fogayn naloomase sheegin waqtiga aan baxayno. Saq dhexe annagoo hurudna ayaa nala kiciyay, waxaa nala saaray baabuur Toyoota ah, wuxuu na gaarsiiyay meel qoxooti daggan yihiin oo lagu magacaabo sidii la ii sheegay Obokor, isla habeennimadiiba lug baan kaga baxnay tuuladii oo looma baahna in ay na arkaan dadka tuulada daggan. Waxaan lugaynay intii habeenkii ka hartay. Markii waagii baryay oo aan tukannay ayaan xoogow sii soconnay. Qiyaastii siddeeddii subaxnimo markay ahayd ayaan geed hoosta ka galnay illaa qorraxdu ka dhacday ama ay aad u gaabatay.

Ma wadanno haba yaraatee wax hub ah. Waxaan lugtaas ku jirnay illaa aan u tagnay Mujaahidiintii oo habeenkiii oo dhanna waan soconnaa maalinkii oo dhanna dhufays baan ku jirnaa. Waxaan ciidankii u tagnay annagoo aan naf badani nagu jirin oo aad u daalan, cagihiina murxeen, bowdyihii is xoqeen, beerkii isku kaaya dhagay gaajo iyo daal dartiis.

Muddo yar ayaan ku illawnay dhibaatadii aan soo marnay o waxaan la qabsannay noloshii meesha ka jirtay. Waxaan dareennay cizzi iyo sharaf, waxaan barannay lugayntii iyo gaajadii, waxaan barannay in qofku qaato hubkiisa iyo raashinkiisa asagoon gaadiid raacin. Waxaan helnay oo dhex galnay bulsho Ilaahay ku xiran gaaladana aan ixtiraam u hayn. Waxaan dareennay arrintii ahayd immaa shahaado wa immaa nasri.

Walaalayaal meeshii aan imid waxaan ugu imid Mujaahidiin ka kala yimid daafaha Soomaaliya ama dhulka Soomaalidu dagto oo dhan. Tusaale ahaan waxay ka yimaadeen Koonfur, Waqooyi Bari, iyo gobollada dhexe. Khaasatan rag tababbaran ayaa waxay ka imaan jireen mucaskarkii Marka iyo mucaskarkii Luuq. Waxay kaloo ka imaan jireen Laascaanood, Burco, Hargaysa, iyo inta tuulo ka ag dhaw oo dhan.

Akhristow la socda waxa jihaadka wadaa waa Mujaahidiin Soomaaliyeed iyo Mujaahidiin muhaajiriin ah, waxaa magacooda la isticmaalayaa waa Al-Itixaad Al-Islaami. Waxaan soo marnay Al-Itixaad oo kala diray ciidammadii, quwaddii Xarakada iyo dawladdii Laasqoray ka jirtay, sidaan soo sheegnayna waxay dhalinyaradii Mujaahidiinta ahayd ku yiraahdeen hubka dhiga oo qabiilooyinkii aad ka dhalateen dib ugu noqda, jihaad dambena yaan la idinka maqlin, haddana waxay horboodayaan qola kasta oo jihaad ku jirta ama isticdaad, oo waxay leeyihiin annagaa maamulka idiin haynayna ee jihaadka wada magacayagana isticmaala!

Tusaale Marka waxaa ka jiray mucaskar loogu tala galay in lagu diyaariyo ciidan difaaca acraadda ama sharafta gabdhaha Muslimaadka ah iyo ducaadda haddii lagu xadgudbo, waxaa magaciisii la wareegay iyo maamulkiisii Al-Itixaad. Luuq waxaa ka jiray imaarad Islaami ah oo dhinacna isticdaad ka wadda dhinacna mujaahidiin u dirta goobaha jihaadka, dhinacna dacwadii ka wadda. Waxaa la wareegay Al-Itixaad maamul iyo manhajba.

Itoobiya waxaa ka socday jihaad aad u mira dhalay oo ku dhawaaday in Xabashidu isdhiibto waana tan keentay in Maraykanku usoo hiiliyo, waana caadadooda markii laga adkaado in ay u yeertaan walaalahooda Kiristaanka ah. Tusaale 77 (toddobaatan iyo toddobadii), markii laga adkaaday waxay u yeerteen walaalahood Ruush, asagaana Soomaali ka dulqaaday dhulkiina ku celiyey gacantooda Soomaaliyana ku celiyay xuduudbeenaadkii ay awalba u sameeyeen ayagu.

Maantana waxay u yeerteen walaalahood Maraykan markii mujaahidiintu ku biya keeneen oo dhulkii intiisii badnayd laga xorreeyay. Waxaa kaloo u hiiliya markay jabaan gaaladu mid ay nagu dhex darsadeen oo gadh wayn ama wadaad u eg oo mujaahidiinta hoggaankooda haya ama sirtooda og, markaasuu wuxuu keenaa tabriiraad been ah oo ay yaqaannaan dadka caqliga u saaxiibka ah, doqonkana lagu siro oo markaas mujaahidiinta lagu kala furfuro gaaladuna ay kasoo kabato dhibkii gaaray Muslimiintana dib u gumaaddo.

Ikhwaanii waxaa laga yaaba qaarkiin in uu is weydiiyo maxaa na dabadhigay Al-Itixaad iyo odayaashiisa hadday intaas oo dhibaato ah noo gaysteen marar kala duwan iyo meelo kala duwan? Waxaan gaari doonnaa inshaa Allaahu annagoo kala harnay annaga iyo odayaashii Al-Itixaad waana baytul qasiidkayga ama qormadaanu meeshay u socoto ama jawaabteedu dhici doonto, laakiin hadda Allaa iskaaya baday annaga iyo odayaasha Al-Itixaad ee iska adkaysta inta laga xoroobayo ama la gaarayo Nihaayatul-Itixaad.

Sababaha keenay in aan isla soconno annaga iyo Al-Itixaadka odayaashiisu waxaa ugu waawaynaa dhowr arrimood:

  1. Dhalinyarada oo aan ka sabrin ducaaddii ama culumadii hoggaaminaysay jihaadka dhib kastaba ha u geystaan dhalinyaradee.
  2. Dhalinyaradu ma lahayn culumo kale oo ay ka amar qaataan ama ku xirnaayeen.
  3. Odayaasha lama fahmin khiyaamaday wateen, wixii dhacay oo khaladaad ahaana dhalinyaradu waxay u qabtay waxyaabo la sixi karo oo xagga farsamada ka khaldamay. Wali lama fahmin khayaamada.
  4. Madaxdii Al-Itixaad oo ogaatay in meesha ay soo galeen Mujaahidiinta Al-Qaacida kadibna ka baqay in lagala wareego dhalinyarada ama maamulka jihaadka, marar badan baa inta lawada hadlay la isku afgaran waayay, waa Al-Qaacida iyo Al-Itixaad, wadaaddadii Soomaaliyeedna waxay go’aan ku gaareen in aysan ka dhex bixin dhalinyarada oo ay ilaalsadaan dhalinyaradooda, jihaadkana afka baarkiisa ay ka yiraahdaan dhalinyaraduna ay run u maleeyaan dhiirrigalinta iyo muxaadarooyinka jihaadka lagu sharraxayo.
  5. Ducaadda oo ay ka buuxeen balaayo u shaqaysa danaha gaalada oo waxay mar walba oo guul la gaari lahaa arrinta u leexiyaan meelo khaldan ama fowday kiciyaan iyo wax aan meesha oollin. Tusaale Salafiya Jadiidiyah waxay kiciyeen fowdo aad u gilgishay Al-Itixaad markii Laasqoray dawladdu ka istaagtay oo waxay dheheen, “Tuug baad tihiin, qabiil baad isku qarinaysaan, waxaad qaadateen magac wadaad, waxaad tihiin Daarood raba in uu soo ceshado dawladdii daaquudka ahayd ee la eryey.” Arrintaasna dad badan oo xaqdoon ahaa oo isyiri yaan la kala tagin ayaa run u maleeyay oo wali waxaa loo qabay in wax la saxayo, looma malayn hagardaamo shisheeyuhu soo dhisay in ay tahay waxay wateen Salafiya Jadiidiyah. Wali lama fahmin khiyaamada.
  6. Waxaa ducaadda ka buuxay oo aan war laga hayn casabiyad aad u gaamurtay ama qabiil. Taasi waxay keentay meel kasta oo la is yiraahdo saldhig halaga samaysto in culumadii gobolkaas u dhalatay ay yiraahdaan waa nalagu soo duulay, dacwadii baa wax loo dhimay, dadkii baa la gaalaysiinayaa, annaga wax nalama waydiin oo waa nala jajuubayaa iyo wixi la mida. Haddana waxaa la raadiyaa dhul kale oo dadkiisu ka qiil fayow yihiin, markii dacwadii la billaabo oo muddo la joogo ayaa buuq dhacaa iyo isfahmi waa, markaasaa meel kale loo guuraa. Wali lama fahmin khiyaamada.
  7. Inxiraaf diini ah oo jiray oo aan war laga hayn, waxaa dhammaan waayay khilaaf iyo iska hor imaad fikrado kala duwan, wada shaqayn la’aan, is tuhun, khiyaamo mid siyaasadeed iyo mid dhaqaale intaba, markaasaa madaxda la kala baddalaa oo wax la isku shaandheeyaa. Wali lama fahmin khiyaamada.
  8. Arrinka siddeedaad oo ugu dambeeya wuxuu ahaa culumada waawayn oo ilaalshan jirayn magacooda iyo mansabkooda, mid Ilaahay u naxariistay mooyee. Taasi waxay dhalisay in dhalinyaradu wadaadkay la dhacaan afkaartiisa in ay cirka geeyaan oo loo khidmeeyo oo la ammaano, casharradiisa lagu taxmo, magaciisa far qurux badan lagu qoro. Markaasuu wadaadkii kala dhacaa oo ismahadiyaa oo u qaataa in aysanba cidi ka daba hadli karin ama saaxadu asaga kaligii u xirantahay. Cudur jiruu ahaa oo lagu wada socday.

Markay dhalinyaradii iyo wadaadkii iska horyimaadaan oo la isku qabsado arrimo diini ah ama masaalix kale ayaa wadaadkii waxaa lagu dhiftaa dhulka, markaasuu arkaa asagoo dhulka yaalla, wuxuu billaabaa riddin aan looga baran, fatwooyin aan looga baran. Wuxuu illaawaa shalay nusuustuu adeegsanayay, wuxuu yeeshaa qawlul qadiim wa qawlul jadiid. Fatwo cusub iyo fatwo duug ah oo iska hor imaanaya. Waa waxyaabaha culumada ka caraysiiyay oo ay Shabaabka ula dagaaleen.

Wuxuu xaaraam ka dhigaa wuxuu shalay xalaaleeyay. Wuxuu caayaa qoladuu shalay ammaanayey. Wuxuu caayaa qolooyin Ilaahay ammaanay. Wuxuu baddalaa saaxiibbadiisii shalay, wuxuu garaacaa albaabbo uusan awal garaaci jirin. Wuxuu isku dayaa in uu soo ceshado sharaftii iyo karaamadii uu u maleeyey in ay ka luntay. Wuxuu maraa waddo kasta oo uu ku gaari karo kursigiisii la waydaariyay siday asaga la tahay. Waa waxa ugu danbayntiina Zanaawi u geeyay.

Waxaan shaki ku jirin khalqiga hadda nool in uusan ku jirin qof haysta dammaanad uu jannada ku galo, waxaan kaloo laga aammin ahayn inxiraaf diini ah. Ilaahay waxaan ka baryaynaa in uu xaqqa nagu sugo, wixii aan dambi galnayna noo dhaafo, aamiin, aamiin.

Ikhwaanii waa inoo qormada dambe inshaa Allaahu.

Qeybta 24aad

Bismillaahi wabacdu. Waa qormadeennii 24aad. Waxaan kala tagnay ayadoo Xamar ay ka socdaan dagaallo faraha looga gubtay oo ka dhexeeya Muslimiinta oo aan midaysnayn iyo gaalo isa soo bahaysatay oo midaysan. Gaaladu waxay ka amarqaadanayeen hal nin oo aan magiciisa ku sheegnay Haw. Muslimiintana waxaa matalayay oo shaashadda saarnaa Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid. Jananka waxaa ka amarqaadanayey dad aan badnayn oo kusoo raacay qabiil, markii dambana sii kala jabay oo ayagiiba is ugaarsaday iskaba daa in ay saf wada galaane.

Ikhwaanii dagaalka waxaa ku jiray Muslimiin fara badan oo dibad iyo daakhilba ka yimid ama haddaan si kale u dhaho Muslimiin Soomaali ah iyo kuwo aan Soomaali ahayn intaba. Waxaa dagaalka ka qaybqaadanayay ayagoo caraysan walaalihii Bari lagusoo kala diray.

Waxay yimaadeen Xamar oo aysan jirin meel cag la dhigo oo bannaan oo ay buux dhaafiyeen gaalo iyo mooryaan qolo waliba dhankeeda dadka u dhibayso. Gaalada iyo mooryaanta waxaa ka dhexeeyay dagaal xiniinyo taabad ah. Waxaa ku dhex jira ama magaalada joogay dad wanaagsan oo ayagu raba in ay gaalada la dagaallamaan laakiin shaki ka galay qaabka raayada ay ka hoos dagaallamayaan, dhibkana waxaa keenay waxaan jirin tayaar diineed oo nidaamsan oo dagaalka ku jiray.

Waxa dagaalamayaa oo adduunwaynuhu arkaa waa Maxamed Faarax Caydiid. Ninkaasna in ay saf la galaan shubhaa ka gashay Muslimiintii is xilqaami lahayd. Waxaa kaloo shubho la galiyey dagaalka  isbahaysatadaan Maraykanku wato in uusan bannaanayn, maxaa yeelay waxay u yimaadeen maslaxadda ummadda Soomaaliyeed, sidaasaa culumo qabtay!

Waxaa magaalada Xamar ka ag dhawaa ama joogay Shiikh Shariif Cabdinuur (xafidahu-llaah). Waxaa u tagay dhalinyaro jihaad-doon ah. Waxay ku yiraahdeen, “Waxaan rabnaa in aan la dagaalanno gaaladaan kusoo duushay ama qabsatay dhulkii Muslimiinta dadkiina gumaadaysa, qaab aan ula dagaalno ma garanayno oo waxaa dagaalka ku jira Soomaali fara badan oo aan diin u dagaallamayn. Waxaa dhanka Soomaalida dagaalka hoggaaminaya Maxamed Faarax Caydiid. Ninkaasna amar kama qaadan karno oo nin diin u dagaallamaya ma aha. Nala tali Shiikhunaa al-faadil.” Wuxuu u iItooday Shiikhu in ay bannaan tahay in lala dagaallamo isbahaysatada uu hoggaaminayo Jenaraal Haw. Wuxuuna siiyay talooyin wax ku ool ah.

Waxaa ka mid ahaa talooyinkii shiiikha: “U gala dagaalka jamaaco iyo fardiba, gaalada isa soo bahaysatay ku dila meeshaad ku aragtaan, ku dagaallama waxaad awooddaan, kii dhagax tuuri kara, kii madfac ridi kara intaba.” Waxaa la galay dagaalkii, waxaa la isu qaybiyay koox koox, qolo walbaa waxay awoodday ayay ku dagaalantay, dagaalkana ayaga kaligood ayaa furinta gali jiray oo kama ay dhex dagaallami jirin Soomaalidii Caydiid hoggaaminayay.

Waxaa yool laga dhigtay Maraykanka, lamase dhaafi jirin gaal daggan haddii la arko. Waxaa kadeedmay Maraykankii oo meeshuu galaba waa looga daba galay. Waxaa dhici jirtay baabuur badan oo kolonyo ku jirta in kan dhexda ku jiraa yahay Maraykan. Asagoo dhexda ku jira ayaa haddana Ilaahay fadligiisa waxaa lagu qarxin jiray meeshuu marayo. Waxaa ku dhacay Maraykan car soco magaalada dhexdeeda oo nabad gal.

Saldhigga ugu wayn ee uu ku lahaa magaalada dhexdeeda waxay ahayd kulliyaddii Jaalle Siyaad. Wuxuu meel walba iska dhigay ciidan Carbeed ama Afrikaan si aan asaga loogu soo dhawaan godadna intuu qotay ayuu dhulka hoostiisa ku dhuuntay. Asagoo meeshiisa dhabbacan ayaa lagu qarxin jiray bambooyinka wax gumaada oo takbiirtu la socoto.

Ciidamadii Maraykanku waxay gaareen in ay dhufeysyadoodii ku dhex kaadiyaan waxna ku dhex cunaan oo haddana ay seexdaan.

ألله أكبر ولله العزة

Walaalihii mujaahidiinta ahaa waxay isku dhex wadeen dagaal caniif ah iyo tababbar degdeg ah. Qofka maalmo gudahood ayaa waxaa la tusayaa qaabka wax loo halaago iyo tabaha la adeegsanayo, kadibna asagaa howshiisa wadan jiray.

Waxaa la helay cudud milatari oo aan is dhimayn, maxaa yeelay kii shihiida waxaa baddalaya booskiisii mid diyaarsan oo tababbaran howshana meesheedii kasii wadaya. Waxaa cabaad afka labadi yeeray Axbaashtii Muslimiinta sheeganaysay ee Maraykanku soo kiraystay, waxaa ku dhacday qaarkood ama intoodii badnayd dharbaaxo ay salka dhulka ku dhiftaan.

Tusaale ahaan kuwii tima-jilicda ahaa ama Eeshiyaanka markii hore way iswaaleen oo dad badan ayay gumaadeen, inta loo ballamay ayaa gamta loo taagay wixii ka harayna meel baa lagu kuusay oo madaxay soo bixin waayeen. Ergo ayey soo dirsadeen, waxay dheheen  walaalayaalow nadaaya waan idin daynaynaaye, waxaan nahay dad Muslimiin ah oo xoog lagu keenay xoogaw nacfi ahna u xishay, waxaana ballan qaadaynaa in aanan idin taaban.

Waxay codsadeen markaad camaliyaadka fulinaysaan hubka soo qarsada oo baabuurta dhexdeeda dhigta qoryaha iyo wixii lamid ah oo aad dagaalka ku galaysaan annaguna waan idinka wareegaynaa. Sidaasaa lagu heshiiyay ballantiina ma aysan jabin oo ayagaaba dani ugu jirtay mar haddii dilkii laga daayay.

Inta kontorool ah waxaa joogay dowladaha Muslimiinta sheeganayay oo u badnaa kuwaas aan ku xusay magacooda kor. Ayagii  iyo mujaahidiintii baa heshiiyay oo waxay soo gudbiyaan wax kasta oo Maraykan col u ah, ama la dagaallamaya, ama wadaad ha ahaado ama Soomaali kale ha ahaado. Waxaa fududaatay in la gaaro saldhigyadiisii iyo meelihii muhiimka u ahayd.

Waxaa la garaaci jiray ayraboorka saacaddii la doono khaasatan saqda dhexe habeenkii. Waxaa la gubi jiray dabbaabaadkiisii oo ku dhex jira kuwii murtaziqada ama calooshood u shaqaystayaashii. Waxaa loogu galay meel kasta oo ay gabbaad ka dhigan lahaayeen. Waxaa hub noo ahaa hubkooda, waxaa daawo noo ahaa daawadooda, dhaqaalahayagu wuxuu ku tiirsanaa qaniimadaan ka helno.

Intaasna waxaa noo dheeraa guryahayagii ayaan joognay oo safar kuma aanan imaan sidiisa, dhulkana waan naqaan iyo dhismayaasha magaalada ku dhexyaala oo ayagu ma yaqaannaan wax ka horreeya iyo waxa ka dambeeya.

Waxaa asaguna dagaal kula jira gaalada Maxamed Faarax Caydiid, wuxuu dagaalka galiyay ciidammadii uu ku qabsaday Xamar oo ku dagaallamayay hab qabiil, waxay dagaallameen dagaal gobeed oo ka wanaagsan kii ay Soomaalida la galeen. Waxay ku tababbarteen ama aad u yaqaanneen qaabka magaalada loogu dagaallamo. Waxay ku shiish-barteen oo soo laayeen Soomaali fara badan. Waxay ku naxdin gooyeen dhimashadii faraha badnayd iyo maydkii ay arki jreen.

Waxaa soo caanbaxday oo caalamkoo dhan ku faaftay in Caydiid iyo ciidammadiisii jabiyeen gaaladii isa soo bahaysatay, waxaa shaashadaha caalamka lasoo saaray Soomaalidii Xamar ka dagaallamaysay oo Maraykanka iyo xulufadiisii hilibkoodii cunaya, waxaa la daawaday diyaarado Maraykan ah oo hawada ku gubanaya, waxaa jabay oo warbaahintu sheegtay ciidammadii Maraykanka magaca gaarka ah u lahaa (Raanjaris).

Raanjarisku ma rootiyaa,
Shacabkii yaaba raamsadee?

Waxaa la hubaa in shacabka Muqdisho uu yahay shacab diin jecel, dagaalyahan ah, hadduu helo wax xaqa ku hoggaamiya.

خياركم في الجاهلية خياركم في الإسلام إذا فقهوا

Walaalayaal Maraykan iyo xulufadiisii waxaa isugu tagay oo jabiyay illaa uu dalka ka baxay shacabkii reer Muqdisho oo wata culumadoodii. Waxaana dagaalka hoggaaminayay caalimka wayn Shiikh Shariif Cabdinuur (xafidahu-llaahu). Wuxuu ka diyaariyay muxaadarooyin fara badan. Waxaan ka xasuustaa:

لَا مَرۡحَبَۢا بِہِمۡ‌ۚ إِنَّہُمۡ صَالُواْ ٱلنَّارِ

Waxaan Ilaahay uga rajaynayaa dhalinyaradii waagaas ku dagaallamaysay magaca qabiilka ama uu dagaal-galinayay Caydiid oo la dagaallamay kufaartii isa soo bahaysatay oo u diiday in ay nastaan illaa ay ka baxaan dhulka Soomaaliya, in Ilaahay xaqa tuso oo ay noqdaan kuwo u dagaallama in Ilaahay kalimadiisu kor noqoto. Waxaanna rajaynayaa in maantay kuwo badan oo ayagii kamid ah ay safka mujaahidiinta ku jiraan.

Waxaa qarsoonaa quwadda aan ka sheekeeyay oo ahayd mujaahidiintii ka dagaallamaysay Muqdisho, waxaana u sabab ahaa arrimo dhawr ah:

  1. Waxay iska ilaalinayeen Soomaalida ay dhufayska ku wada jiraan oo hadday ogaadaan in Ikhwaankii meesha ka dagaallamayo ayagaaba lagu jihaadayaa oo waxaa u siman mooryaanta in ay gaal dilaan iyo in ay mid Ikhwaan ah dilaan. Waxaaba laga yaabaa in culumada soo jireenka ahayd ee Soomaalidu ay lahaan jirtay sida Suufiyada iyo wixi la mida, in ay u fatwoodaan dhalinyaradooda: dila nimankaas sarwaalka gaaban. Ninkii hal nin oo ayaga kamid ah dilaa wuxuu helayaa ajar dhan in uu dilay kun gaal.
  2. Arrinta labaad waxay tahay uma ay baahnayn iclaam iyo cid sheegsheegta. Waxay u dagaallamayeen Allaah dartii Allana waa ogaa waxay samaynayaan wuuna uga abaalgudi inshaa Allaah.

Xamar waan joognay, ninkii joogay oo baraarugsanaa wuxuu ogyahay quwaddii Maraykanku ka cararay ama irhaabka ku riday oo uu la gaari waayay ujeeddadiisii in ay ahayd rag xaq ku dagaallamayay oo meesha soo galay asaguna wuu ogaaday in talo faraha ka baxday oo ay yimaadeen Mujaahidiin Muhaajiriin ahayd oo caalamka ka yimid.

Markuu yaqiinsaday Shabaabul Caalam in ay dagaalka ku jiraan oo mukhaabaraadkiisii arrintaas usoo gudbiyeen ayuu cagaha wax ka dayay. Ileyn dagaalku hadduu sii socdo waxaa soo badanaya dagaalyahannada aysan jirin meel celinaysa bi’idni-llaahi.

Waxaa mujaahidiinta u fududeeyay imaatinkooda Soomaaliya Maraykanka oo jabiyay albaabkii Soomaaliya laga soo gali jiray oo lahaa halka irrid oo laga kantaroolo, oo waxaa furmay cirka, dhulka iyo badda intaba.

وَيَمۡكُرُونَ وَيَمۡكُرُ ٱللَّهُ‌ۖ وَٱللَّهُ خَيۡرُ ٱلۡمَـٰڪِرِينَ

Asaga Maraykan ah ayaa jabiyay albaabka, wuxuu is lahaa dadkaan Muslimiinta ah dawladdooda burburi markay kala yaacaanna qabso dhulkooda, kadibna kitaabkooda bidixda ka sii! Qoladuu burburiyayna Ilaahay baa naga dulqaaday asagiina waan ku darnay Maraykan ahaa. Allaa mahad leh awel iyo aakhirba. Waxaan sugaynaa dowlad Islaam ah waana helaynaa inshaa Allaahu tacaalaa.

Walaalayaal waxaan wax ka xusi doonaa dagaalyahannadii Ilaahay gacmahooda ku jabiyay xulufadii Maraykanku hoggaaminayay. Soomaalida waxaan ka xusi shahiid Shiikh Cumar Dheere (taqabbalahu-llaahu). Cumar Dheere wuxuu ahaa maskaxdii ka dambaysay infijaaraadkii lagu dhammeeyay shayaadiintii isa soo bahaysatay iyo tabo fara badan oo milatari oo laga dhaxlay jazaahullaahu khayran wa taqabbalahu-llaahu.

Ninka labaad waa Shiikh Mahad Karataay (xafidahu-llaahu). Mahad waa nin aan dheerayn oo aan lahayn hilib cusleeya (intaan ka ogaa), wuxuu isku qarin karaa meelo aysan isku qarin karin ragga cayilan ee jihaad-diidka ah dhanka kalena aan tababbarka qabin. Mahad wuxuu yaqaannaa karatayga ama qaalma-rogadka. Waa nin dagaallami kara asagoon hub wadan loona tababbaray arrintaas waana laga faa‘iidaystay oo dad badan ayuu wax baray.

Waxaan wax yar ka sheegayaa walaalihii muhaajiriinta ahaa ama dagaalyahannadii lagu diirsaday.

Waxaa kamid ahaa: Shahiid Abuu Xamsa Al-Masri (taqabbalahu-llaahu). Waxaa kaloo kamid ahaa Shahiid Abuu Xafsah (taqabbalahu-llaahu). Raggaan muhaajiriinta ah waa ragga gaaladu markay ogaadaan meel ay soo galeen aysan sii fadhin karin. Waa raggii Ruush oo ahaa quwaddii adduunka ku amar taglayn jirtay barqadii ka xorreeyay Ardu Shuhadaa.

Reer Xamarka waxaa lagu xasuustaa la dagaalanka gaalada, ama ha ahaado mid cad ama ha ahaado mid madow. Waxaana tusaale inoogu filan, Talyaanigii waa iska xoreeyeen, Maraykan  iyo xulufadiisii waa iska xoreeyeen, Xabashi iyo xulufadeedii waa iska xoreeyeen, balaayo madaw oo isa soo bahaysatay waxay qarka u saaran tahay in ay kabahooda ka cararaan waxay wataanna laga qaniimaysto bi’idni-llaahi.

Waxaan rajaynayaa in aan taariikhdaas wanaagsan ee diiwaanka idiin gashay reer Muqdishow in aan la illaawin ama la hilmaamin oo gaaladaan nagu soo gardarrootay oo aan garanayn cidda aad tihiin la iska dhiciyo oo afka ciidda loo daro. Yaan loo kala harin ee muujiya gobannimadiinnii iyo gaalo-nacaybkiinnii iyo gobannimodoonkiinnii. Haka yeelina adinkoo nool in gaalo gabdhihiinna xijaabka ka qaadaan ama ay masaajiddiinna bakhaaro ka dhigtaan ama ay idin dullaystaan oo aad ayaga u ahaataan jaawaasiis iyo wixi la mida. Hala sabro guusha waxaa la gaaraa marka la dhibtoodo. Dhibkana waxaa ka dambeeya wanaag, wanaagna lama gaaro illaa la is imtixaamo. Ilaahay wuxuu leeyahay:

أَلَمۡ يَأۡنِ لِلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ أَن تَخۡشَعَ قُلُوبُہُمۡ لِذِڪۡرِ ٱللَّهِ وَمَا نَزَلَ مِنَ ٱلۡحَقِّ

Balaa yaa Rabbi! Waxaa ii muuqda in ay soo dhawaatay nihaayatul muctadiin. Waxaa ii muuqda in ay soo dhawaatay iqaamatu Imaaratul Islaamiya. Waxaan ku raaxaysanayaa midowga Muslimiinta. Waxaan ku raaxaysanayaa madmadowgii meesha ka baxay iyo muctadiinta halaagsami doonta inshaa Allaahu tacaalaa. Walaalayaal muddo kadib waxaan ka tagaynaa Xamar oo waxaan aadaynaa xaggaa iyo Itoobiya walaalihii jiray ama ka jihaadayay.

Waxaa Xamar ka bixi jiray dhalinyaro fara badan oo jihaad-doon ah markay ka adkaadeen Maraykan iyo xulufadiisii, aniguse waxaan ka tagay Xamar oo jihaadku ka socdo iyo mujaahidiinta oo intay dagaalka fahmeen ku raaxaysanaya dabargoynta doofaarrada dulmiga ku yimid dalkayaga.

Agagaarka Xamar waxaa ka hirgalay imaarad yar oo Islaami ah, waxaana saldhig looga dhigay Marka iyo meelo lamid ah. Mucaskarka ama imaarada Marka ka dhisnayd waxay xiriir la lahayd Mujaahidiinta meel kasta oo ay joogaan, sida Gado iyo Itoobiya. Waxay diri jireen ciidan gurmad ah marka loo baahdo, waxay ka warqabeen xaaladda ay ku suganyihiin mujaahidiintu, waxay wadeen dacwo aad looga faa’iidaystay.

Waxaa isoo gaartay arrin u baahan in la hubiyo sanadkeeda ama xaqiiqadeeda. Waxaana u daynayaa qofkii dhacdadaas wax ka ogaa, waxayna ahayd: Markii uu dhacay dagaalkii ehliga ahaa ee Xamar 1991dii oo dadkii ay jabsadeen bakhaarradii dowladdii laga xoogga roonaaday ay hubka ku kaydin jirtay, oo qof waliba qaatay qaybtiisa, ayaa dhalinyaro waxay u tageen Shiikh Maxamed Nuur Qawi, oo markaas Xamar joogay.

Waxay dheheen shiikhunal faadil waxaa dhacay waxaad arkayso! Ma qaadannaa hubka qaybtayada? Wuxuu yiri, “Maya! Maya! Ka fogaada waa fitno dhacday, guryihiinna gala iyo meeshii aad kaga badbaadi kartaan.” Dhalinyaradii ama wadaaddadii duruuftu waxay ku kalliftay in ay qaataan hubka intay heli kareen oo waa kuwa Maraykan iyo xulufadiisii ka xorreeyay waddanka. Waxay kaloo sameeyeen mucaskar ay ku tababbartaan iskuna difaacaan haddii naftooda iyo dumarkooda loo soo dhigto.

Muddaa kasoo wareegtay. Shiikhu wuxuu dagganaa Kaaraan. Wuxuu ahaa nin aan Soomaalida ku dhaqan ahayn oo haddana waayeel ah,  wuxuu ku hadli jiray ama dadka wax ku bari jiray luuqadda Carabiga.

Habeen ama maalin baa waxaa usoo dhacay jirridii ama mooryaantii. Dhib ayaa loo gaystay asaga iyo ehelkiisiiba, waxaa qaylo loo soo diray mujaahidiintii reer Marko, way soo gurmadeen, waxay u yimaadeen Shiikhii oo shayaadiini ay miranayso ama dhufays ugu jiraan. Way ka difaaceen mooryantii waxayna u rarteen asaga iyo qoyskiisiiba Marka. Meel baa la dajiyay ammaan ah oo rag horay ugu jihaadeen dhiiggoodiina ku bixiyeen maalkoodiina ku bixiyeen haddana dhufays ugu jira wixii kusoo xadgudba.

Shiikhii mudduu nastay, nasiino kadib ayaa la yiri shiikhunal faadil ka warran haddaan hubka bannaanka daadsan wax ka qaadanno? Wuxuu yiri waa bannaan tahay in la qaato oo la iska dhiciyo xaaraamiyiintaan ama tuugtaan Ilaahay aan aqoon oo aan cidna badbaadinayn!

Warkaasu haddii uu run yahayna waxaan rajaynayaa in lasoo xaqiijin doono haddii uusan sax ahaynna waxaan rajaynayaa in la waayi doono cid rumaysa. Waxaanse anigu maqlay in sidaas wax u dheceen aniguse aanan joogin meeshii wax ka dheceen ama aanan goobjoog ahayn.

Ikhwaanii waxaan aadi doonaa xaggaas iyo Itoobiya wixii hadda ka dambeeya, waxaan walaalaha meesha hoose ama tacliiqaadka wax kusoo qora ka codsanayaa in ay noogu raaxeeyaan siday waagii Maraykanka u dilleeyeen iyo qaabkay ula diriri jireen intaba.

Waxaan leeyahay jazaahumu-llaahu khayran ajmaciin, wa taqabbala-llaahu shuhadaa’akum.

Waxaan gali doonaa safar dheer oo aannaan aqoon dhulkiisa, waxaa aad u yar in laga badbaado dil ama dhac oo waddadu waxay u baahantahay in aad ku marto qaab xeeladaysan, maxaa yeelay ma mari kartid adoon hubaysnayn oo kaligaa ah, kaligaana isma difaaci kartid.

Waxaa la idinka rabaa qaabkii aan ku gaari lahayn Itoobiya dhexdeeda annagoo fara bannaan bulshadaan waalatayna aan uga nabadgali lahayn.

Waa inoo qormada dambe inshaa Allaahu tacaalaa.

Qeybta 23aad

Bismillaahi wabacdu. Ikhwaanii waxaan kala tagnay ayadoo qabiil qabiil loo kala saftay, qolo walbaana ay aadi doonto qabiilkii ay ka dhalatay. Waxaana adkaan doonta in mar dambe la arko dawlad Itixaad ah ama lagu midaysan yahay. Waxaanse meesha ka marnaan doonin in ay dhismi doonaan imaarado yar yar oo wali wata magacii Al-Itixaad Al-Islaami.

Waa lakala tagay ayadoo rajada la qabaayi ay aad u yar tahay, maxaa yeelay waxaa naloo celiyay dad aan kala dhimanay oo aan Manhajkii diiniga ahaa ku kala tagnay, dagaallana na dhex mareen oo dhiigga la kala cabbay. Hubkii baa nalaga dhigay, waxaa nala yiri ku noqda qabiilkiinna adinkoo fara bannaan. Qabiilkuna waa kuwaan shalay is laynay.

Saddex meelood ayaa waxaa ka samaysmay maamul hubaysan oo wali wata magacii Al-Itixaad intii lagu kala tagay Laasqoray kadib.

Itoobiya dhexdeeda waxaa ka jiray maamul aan ka madax bannaanayn dawladdaan la kala diray ee Al-Itixaad. Waxaa hadda ka hor nooga soo gurmaday raggii ansaarta ahaa ee noogu yimid Laascaanood oo uu watay Shiikh Mustafa Carab (taqabbalahu-llaahu). Ciidankaas Itoobiya nooga soo gurmaday ayaga waxaa lagu amray in ay meeshoodii ku laabtaan illaa amar dambe.

Mucaskarkii ay kasoo dhaqaaqeen ee Halooyo la oran jiray intay anaga dhankeena soo jireen ayaa inta gaalo u tashatay ayaa habeen madow lagu leefay ama nag laga dhigay. Waxaa la laayay wax alla wixii madax ahaa oo ciidanku lahaa. Waxaa la burburiyay saldhiggoodii. Waxaa la barakiciyay taageerayaashoodii oo dhan. Waxaa abuurmay colaad aan la isbixinayn ayaga iyo Itoobiya. Meeshii nin Al-Itixaad ah lagu arko waa dil toogasho ah.

Ayadoo la ogyahay waxaas oo colaad ah yaa waxaa la yiri orda aada meeshaad ka timaaddeen. Hubkiina waa loo diiday ciidan xoojiyana waa loo diiday. Taas macnaheedu wuxuu u egyahay orda hala idin dabargooyee. Waa iska tageen illeyn wax kaloo ay samayn karaan ma jirtee.

Ayaga hubka dhiga lama oran karo oo waxaa la rabaa in la iska fogeeyo oo meelahaas Xabashidu ku gumaaddo sidaasna ay u kala cararaan. Hubkii nalaga dhigayna lama siin oo waa loo diiday oo ayagoo kaligood ah ayaa la yiri orda Itoobiya ka xoraysta waddankiina. Hubkii la haystayna qolo walbaa qabiilkoodii ayay ku wareejiyeen. Kuwii ugu fiicnaa ayaa suuqa gaystay oo iibsaday. Walaalihii waa dhaqaaqeen ayagoo garabkooda laga baxay.

Markay wax yar ka socdeen magaalada Laascaanood ayay Tigreegii foodda is dareen.

Waxaad isleedahay markaad soo xasuusato waxyaabihii waagaas culumada Al-Itixaad nagu samaynaysay waxay ahayd mu’aamaraad cad cad oo la rabay in lagu dabargooyo dhalinyarada jihaad-doonka ahayd. Tusaale: Maalintii Garoowe waxaa nala yiri fuula baabuurta mooryaantiina waa nalagu soo fasaxay, markaasay eber naga dhigeen illeen baabuur baan saaran nahay ayaguna dhufays bay ku jiraan meeshuna waa bannaan.

Maantana qolaa la yiri orda fuula baabuurta oo xaggaas iyo Itoobiya aada, markaasaa munaafiqiintii nagu dhex jirtay markiiba intay ordeen oo Tigreegii u tageen waxay dheheen Al-Itixaad Shiftaanow, waa kuwaan ayagoo baabuur saaran ee ayagoo nool nool qabqabta. Waxaa loo galay walaalihii dhul hawd ah. Waxaa qabsaday dagaal aad u kulul oo waliba la gaaday. Waxay ahaayeen rag Ilaahay talosaartay dagaalkana wax ka yaqaanay oo waxay ahaayeen rag tababbaran Tigreena ay is dagaal yaqaanneen.

Ilaahay wuxuu guushii siiyay walaalihii ansaarta ahaa gaalana Ilaahay wuu hoojiyay, walaaluhuna dhib badan kadib waxay u tageen walaalohoodii ay markii horaba ka yimaadeen. Ciidankaan noo soo gurmaday intuu xaggayaga soo jiray ayaa Tigreegii intay walaalihii gaadeen dhib wayn gaarsiiyeen ayaguna waxay dagaallameen dagaal gobannimo oo gaaladii waxay ku dhifteen dharbaaxo aysan filayn.

Walaalihii naga tagay iyo qoladii Halooyo oo dagaalku qabsaday way isu tageen, waxayna sameeyeen abaabul xoog leh, waxay galeen dhul hawd ah oo Itoobiya dhexdeeda ah. Wixii waagaas ka dambeeyayna waxaa sare u kacay cududdii milatari ee ciidamadii fadhiyay Itoobiya dhexdeeda. Wuxuu ahaa magacay wateen oo ku dagaalamayeen Al-Itixaad, laakiin xaqiiqadu waa ka duwanayd ama waxqabadku.

Wanaaggoodii iyo horumarkii ay gaareen mucaskaraadkii Al-Itixaad ee ku dhexyiillay Itoobiya bartankeeda iyo markii dambe weerarkii Maraykan iyo xulufadiisii ay kusoo qaadeen wuxuu u baahan yahay qoraal gaar ah oo wuxuu leeyahay taariikh aan la hilmaami karin, aniguse waxaan idin tusiyay ama idiin iftiimiyay quwaddii meeshaas ka jirtay barigaas iyo cidda burburisay. Waxaan rajaynayaa in qalinka la qaato oo wax laga qoro.

Qolada labaad waxay ahayd reer Gadood. Reer Gadoodkii ma garanayo qaabka ay ku tageen dhulkii Gado laakiin waxaan hubaa in ay safar dheer galeen ayagoo aan ku faraxsanayn meeshay u socdeen iyo qabiilka la yiri aada.

Tusaale intaan la gaarin Gado waxaa ka sokeeya magaalooyin ay dagaan Mareexaanku sida Caabudwaaq, Balanbale, Dhabad iyo kuwo la mida. Barigii Itixaadku dagganaa ama haystay gobollada waqooyi bari ee dacwadu meel walba ku fidday Caabudwaaq foodda waa la galin waayay.

Waxaa ka quustay ducaaddii u dhalatay, waxay laayeen macallimiintii dadka wax baraysay, waxay laayeen gabdhihii xijaabnaa, waxaa lagu tukan waayay masaajiddii, waxaa la yaabay diin-la-dirirkooda dad aan magaalada u dhalan oo Muslimiin ah oo markay arkeen siday ducaaddii ula dhaqmayaan, dadkiina ay masaajiddii ugu diideen, ayay uga tageen masaajiddii ay dadka ku dhibayeen. Dadkii xumaanta dhawran waayay waxaa kamid ah nin lagu magacaabo Yaardi oo muddo halkaas dagganaa.

Yaardi wuxuu billaabay in uu gurigiisii ku dhex tukado, muddaa la waayay, maalin dambe ayay is arkeen odayaal ay isa sheeko-yaqaanneen, waxaa la yiri war heedha xaggee aadday oo waayadaan ku maqnayd lagu waa waayadaane? Wuxuu yiri waan joogay. Waxaa la yiri oo masjidka ma timaaddide maxaa kugu dhacay? Wuxuu yiri, “Haddaan labo guri oo Mareexaan mid ku tukanayo kan ii kiraysan baan ku tukanayaa!”

Hadalka Yaardi waxaa ka muuqda in uu yaqiinsaday dulmiga Mareexaan diinta ku hayay, Yaardina Al-Itixaad ma ahayn ee wuxuu ahaa oday Soomaaliyeed oo garanaya dhaqanka wanaagsan iyo ixtiraamka uu leeyahay dadka ehlu-diinka ah.

Walaalihii Gado u socday aad baa loogu dhibay Caabudwaaq, waxaa laga dhigay mid la dilo, mid la dhaawaco, iyo mid la furto oo asagoo fara maran oo caga murux ah ka baxay magaaladii Caabudwaaq. Waxay aakhirkii tageen wixii ka badbaaday mooryaantii diinlaawayaasha ahaa ee reer Caabudwaaq Gado. Halkaasna waxaa laga sameeyay imaaro Islaami ah. Waxayse u baahan tahay qoraal madax bannaan in laga qoro aniguse wax baan ka ishaari doonaa inshaa Allaahu tacaalaa.

Akhristow reer Caabudwaaq waa ka dhab diin-la-dagaallanku. Waliba waxay la dagaallamayaan Usuushii Diinta ama Shacaa’irkii Diinta Islaamka ugu waawaynaa. Tusaale waa meesha kaliya ee ay ka dhacday in masaajid dhisan oo lagu tukado la dumiyo oo dhulka lala simo, waa meesha kaliya oo ay ka dhacday in la yiraahdo maalinkii Carafe waa baadil, waa meesha kaliya oo masaajiddii magaaladu lahayd albaabbada la isugu dhiftay ama la xiray.

Caabudwaaq waxaa daggan jinni ooman oo u baahan in dhiig la waraabiyo. Hadda waxay xarun u tahay mushrikiinta madow, waxay xarun u tahay qabuuriyiinta, waxay xarun u tahay qabqablayaashii Xamar laga soo eryay. Waxay xarun u tahay mooryaan diintii Islaamka aan ku dhaqmayn dadkiina u diiday  ku dhaqankii Shareecada Islaamka.

Soomaaliya waa is dhaantaa oo in badan oo kamid ah ama kulligood waxaa gaaray dacwada Ahlu-Sunna wal-Jamaaca, ama dacwatu Salafu Saalix, Caabudwaaqse waxay la ciiraysaa dacwatu Sahyuuniya wal-Qubuuriya.

Fiiro Gaar ah: Labadaan dhacdo oo midna tahay ciidankii aaday Itoobiya iyo waxay la kulmeen midna tahay ciidankii aaday Gado iyo waxay la kulmeen, goobjoog kama ahayn dhacdooyinkaas, waxaase ii warramay ikhyaartii joobjoogga u ahayd. Haddii wax khaldamaan waa la sixi karaa ayadoon cidna lagu xadgudbin inshaa Allaahu tacaalaa.

Qolada saddexaad waxay ahayd Muqdisho iyo agagaarkeeda. Walaalayaal waa la kala firdhay wixii hadda ka dambeeyana waxaan ka warrami doonaa Muqdisho oo aan aaday markaan nastay kadib. Muqdisho waxaa ka jiray dagaal u dhexeeya Muslimiinta iyo gaalo kusoo duushay. Muslimiintu dagaalka uma midaysnayn.

Waa la isku fiirsanayay. Gaalada iyo gaalaraacyaduna waxay kuwada jireen hal saf ah, waxay ka amar qaadanayeen hal nin oo lagu magacaabo Jenaraal Haaw oo Maraykan ah. Dawladaha dagaalka soo galay oo Maraykan hoggaaminayay waxay qiyaastii dhammaayeen 38 dawladood  oo waxna asalkoodii kufri ahaayeen waxna kufrigii ku raaceen Maraykanka.

Waxaa shaashadda saarnaa oo atoore ka ahaa dagaalgalinta dhanka Muslimiinta Jenaraal Maxamed Faarax Caydiid, wuxuu watay dad yar oo qabiil ku raacay oo asaga furintiisa ka dagaallamayay ama asagu uu dagaalgalinayay. Waxaa jiray Jundullaahi aan cidina ogayn Allaahse ogaa ayaguna is ogaa oo dagaalka ku jiray. Waana kuwa sabab u noqday in Maraykan iyo xulufadisii ay jabaan oo cararaan ayagoo aan gaarin hadafkay u yimaadeen, Allaa ku mahadsan awel iyo aakhirba.

Inta aanan Xamar aadin aan ishaaro waxay ku dambeeyeen walaalihii la yiri aada qabiilooyinkii dagi jiray Goboladii Waqooyi Bari. Walaalahaas waxay mudnaayeen in loo bixiyo magacii loo bixiyay Ansaartii reer Madiina, markii Nebi Muxamed (sallallaahu calayhi wasallam) uu yimid Madiina. Maxaa yeelay waqtigaa kala duwanaa lakiin waxqabadku isku mid ayuu ahaa, Manhajku isku mid ayuu ahaa, Muhaajiriinna way soo dhaweeyeen oo waxaa  laga helay sifihii oo dhan marka laga reebo in aysan arkin Nebi Muxamed (sallallaahu calayhi wasallam).

Walaaluhu waxay ku dhex laabteen qabiilooyinkii ay ka dhasheen, waxay billaabeen in ay la qabsadaan noloshii meesha ka jirtay oo ay ka dhacsanaayeen. Waxay billaabeen ganacsi yar yar sida sarrifka, waratada, biibitada ama cabbitaanno yar yar. Waxay kaloo sameeyeen ganacsatada waawayn ayay waxay u dhiiban jireen xoogow lacag ah markaasaa waxaa loo keeni jiray xoogaa badeeco ah oo kartoomo ku jirta, saasayna noloshoodii ku maarayn jireen illaa markii dambe loo furay adduunyadii oo ay isku dhex hilmaameen mid Ilaahay u naxariistay mooyee.

Walaalahaas waxaa loo baxshay Kartoonlay waxayna dhexgaleen qabiilooyinkii ay ka dhasheen oo waxay qaateen amarkii Al-Itixaad bixiyay oo ahaa nin walbaa ha aado qabiilkuu ka dhashay. Yaan loo qaadan in aysan Islaamka wax tari jirin. Waxay noqdeen khasnadda lagu xisaabtamo marka dacwadu u baahato kharash ama lacag caddaan ah.

Waxay ka cudurdaarteen in ay dagaal dambe galaan, waxay ka mashquuleen dacwadii lagula jiray qubuuriyiinta iyo qabiiliyiinta, waxay ka mashquuleen isticdaadkii ama diyaargarowgii gaalada looga hortagi lahaa. Kulligood ma aha waxaan ka sheekaynayaa ee qaar baa haleelay goobaha raggu isku hayo oo ka tagay kartoonkii iyo kaftankii gabdhaha (jazaahumu-llaahu khayran ajmaciin).

Ikhwaanii markaan xoogaa nastay oo aan hareerahayga fiirfiiriyay waxaa ii cuntami waayay bay’adii aan ku dhex jiray iyo dhaqankeedii. Waxaan go’aansaday in aan aado Xamar, waxaan galay diyaargarow illayn Xamar waxaa ka sokeeya halis fara badan.

Waxaan wali dhammaan kala-aargoosigii Soomaalida dhex maray, waxaan soo noqon cuquushii tagtay oo nin walbaa uu ku fakarayay seed hebel u dishaa xoolana u heshaa!

Waxaa samaysmay xuduuddo qabiil qabiil. Qabiil walbaa wuxuu diyaarsaday intii ugu akhlaaqda xumayd in ay xuduudda u ilaaliso. Waa juhalo, waa reer baadiye aan dabacsanayn, waa tuugo aan guri fiican kusoo korin, waa dhiigyacab aan kaa waabanayn, waa fuqaro fara madow oo waxaa xoolo u ah dadka xoolihiisa. Ma yaqaannaan xaqa uu leeyahay musaafirku, ma yaqaannaan kanaa ku xiga iyo kanaa reer hebel ah.

Waxaa taas ka daran gaalaa waddankii ku habsatay oo meel cag la dhigo oo bannaan way yar tahay. Tusaale safarkayga waxaan ka billaabay Gaalkacyo. Gaalkacyo illaa Dhuusamareeb waxaa joogay mooryaan aan cidina ka badbaadayn oo cidday doonaanna dilaysa ciddii ay doonaanna dhacaysa. Waa iska qayilayaan markii qaadku ka go’o dadkay baaranayaan, waxay dadka kasoo helaan bay waxna cunto ku cunaan waxna qaad ku cunaan.

Waxaa ka nabad gala qofkii kusoo hagaaga ayagoo cunteeyay qaadna helay oo fadhiya.

Markaad soo gaarto Guriceel waxaa billaabanaya balaayo hor leh, oo waxaa ku habsaday gaalo madow oo aan dadka kala soocayn. Xulufadii Maraykanku hoggaaminayay waddanka way qaybsadeen oo qoloba waxay ku habsatay meel u gaar ah ayaga. Guriceel illaa Baladwayne waxaa ku habsaday qolooyin aad u madmadow oo Afrikaan ah iyo balo ku dhex jirtay oo cadcad.

Baladwayne iyo aaggiisa waxaa ku habsaday Jarmal iyo intuu hoggaaminayay. Jowhar iyo aaggiisa waxaa ku habsaday Talyaani iyo intuu hoggaaminayay. Kismaanyo iyo aaggeeda waxa ku habsaday Biljam iyo intuu hoggaaminayay waxayna ahaayeen kuwii ugu akhlaaqda xumaa xulufadii nagu habsatay (waa Biljamka). Wixii Xamar iyo aaggiisa ahaa illaa iyo Baydhabo waxa ku habsaday balaayo iswadata oo uu Maraykan madax u yahay.

Waxaan billaabay safarkaygii anoo kaligay ah oo aanan wadan cid aan is naqaan oo ila socota. Waxaan sii maray waddadaas aan ka sheekeeyay waxa mushkilad ka jirtay, Ilaahay waa iga nabad galiyay oo waxaan galay Xamar. Waxaan ku dagay guri ku yaalla Hoteel Daamay agtiisa. Waxaan ku socday tilmaan.

Guriga waxaa lahaa reer uu ka dhashay nin dhalinyaro ah oo kamid ahaa muhaajiriintii Laasqoray lagu kala diray. Gurigii baan imid, waa la isoo dhaweeyay, waxaan ugu imid koox raggaygii kamid ah oo ninba maalin yimid guriga. Waxaan seexday hurdo lamid ah hurdada ay aroosyadu seexdaan, waxaan hilmaamay waxaan dhib soo maray oo dhan, waxaan helay dad ay ku xasishay quluubtaydu, waxan helay bulsho waxaan doonayo ayaguna baadi goobaysa.

Walaalkaas reerkoodu guriga lahaa wuxuu soo uruurin jiray dadka noocayga oo kale ah oo il mirig laha ah ama aan garanayn meel ay ku dagaan. Waxaanan hilmaami doonin intaan noolahay wiilka hooyadi oo ahayd gabar isku darsatay arrimo dhowr ah: waxay ahayd deeqsiyad, xaliimad dabeecad wanaagsan, waxay ahayd qof caqli badan oo garanaysa xuquuqda martidu ku leedahay, waxay ahayd wadaad Ilaahay barakeeyay dhan walbaba. Ilaahow u dambi dhaaf iyada iyo waaridkeedba, aamiin.

Wiilka magaciisa waxaa la dhihi jiray Cabdinaasir Kalcadoodi. Cabdinaasir waxaa loogu magac daray tog wayn oo ku dhex yaallay buurta Geeldoora loo yaqaan. Togga waxaan dagganayn muddo ama cabbaar baan ku nasannay intaannaan u dhaadhicin Laasqoray.

Inta aanan tilmaamin mujaahidiintii Xamar joogay iyo waxay qaban jireen aan bidhaamiyo waxay sameeyeen culumadii qaadatay manhajkii loo baxshay Salafiya Jadiidiya oo aan markaas ka hor la aqoon.

Markii raggii loo kala diray qabiilooyinkoodii ayaa waxaa ka faa’iidaystay qoladii u dhaga nuglaatay amarkii Sucuudigu bixiyay oo ahaa in jihaadkii dhammaaday.

Waxay isbaaro u dhigteen raggii oo habqan ah ama lasoo jabiyay. Waxaa lagu yiri noo kaalaya anagaa idiin hayna Manhaj fiican oo aad ku illowdaan wixii Al-Itixaad idinku faleen. Nimankaas idinku yiri qabiilooyinkiinnii ku noqda, markii horana aan khayrka lahayn oo xisbiyada iyo tacasubka uu ku dhisnaa manhajkoodu Ilaahay baa idinka soo badbaadiyay oo markii horaba baadil bay ku socdeen. Noo kaalaya annaga. Xoogow dhaqaale ahna waa loo qaybiyay.

Markii balo dhacdo waa la kala baxaa, waxaa markiiba is dhiibay intii jilicsanayd xagga Manhajka iyo xagga dhaqaala u xilashada intaba. Waxaa meel lagu aruursaday dhalinyaro aan yarayn. Waxaa loo furay duruus mukathafa ah ama culus oo looga dhaqayo wixii Al-Itixaad muddo ku gurayeen.

Waxaa la dajiyay meelo khaas ah. Waxaa loo sameeyay maamul iyo xaafiisyo. Waxaa loo raadiyay dhaqaale lagu hanto raggaan sida fudud loo helay. Waxaa loo raadiyay manhaj ka duwan kii Al-Itixaad. Waxaa loo qaylo dhaansaday waddammada Sucuudigu waayeelka u yahay hawshaan oo kalana dhaqaalaha ku bixiya.

Maalin baa ayaa waxaa i marti qaaday rag aan garanayo oo aan furinta ku wada jirnay oo kamid ahaa raggii soo firxaday oo ay gacanta ku dhigeen Salafiya Jadiidiyah. Waxaa la igeeyay guri ku yaalla Bakaaraha. Waxaan ahayn rag koox ah. Waxaa naloo martiqaaday si wanaagsan. Waxaa na loo soo bandhigay manhajkii Salafiya Jadiidiyah.

Waxaa martiqaadkaas noogu yeeray nin lagu magacaabo Sahal Xaraare Xirsi oo kamid  ahaa raggii ugu firfircoonaa dagaalyahannadii Al-Itixaad Al-Islaami. Wuxuu ahaa nin aan jeclaa dhaqankiisa, xagga diinta iyo xagga akhlaaqda intaba, waxaan ahayn saaxiib, Sahal kaligi ma ahayn ee waxaa weheliyay culumo fara badan oo inta badan aan garanayo oo ay isku manhaj noqdeen.

Waxaan dhagaystay warkiisii, waxaan ka qaatay wixii khayr ahaa, waxaan ka tagay wixii shar ahaa. Waxaan ka tagay waxaa kamid ah in aan ka diiday in aan kamid noqdo Salafiya Jadiidiyah. Waxaan kaloo ka tagay in walaalku yiri, “Waxaa Al-Itixaad ka baxay reer hebel iyo reer hebel ee ka soo bax adiguna oo ku dayo qabiilooyinkaas markay arkeen khiyaamada Al-Itixaad kusoo biiray walaalahaan Salafiyiinta ah.” Wuxuu tilmaamay laba qabiil oo midna Hawiye yahay midna Daarood yahay.

Itixaadkii jabay ragga ugu yeerayay manhajka Salafiya Jadiidiyah waxaa madax u ahaa ninka lagu magacaabo Cabdala Diiriye Abti-Doon iyo Axmed Daahir Aways. Shuyuukhda waagaas ku qanacday manhajkaas oo dabada ka riixaysayna waxaa kamid ahaa Shiikh Cabdiqaadir Cukaasha.

Shiikh Cukaasha waxaa waagaas saldhig u ahayd Geeska Afrika gaar ahaan Nayroobi. halkaasuuna ka maalgalin jiray manhajka isaga ah. Markuu u baahdana wuxuu imaan jiray Xamar iyo meeshuu u arko in uu dacwadiisa ka wadi karo. Walaalayaal waxaad xasuusataan Shiikh Cukaasha in uu kamid ahaa culumadii jihaadka nagu qalqaalisay ama nagu maalgalin jirtay oo mar walbana ka digi jirtay in laga gaabiyo jihaadka. Waxaa isbaddalku yimid markii Sucuudigu is baddalay, Maraykan kuna yiri jihaadkii xaqqa ahaa wuu dhammaaday ee haloo jeesto jihaadka wayn oo ah In irhaabka la qabqabto.

Haddaad dhuuxdaan qormooyinkaan waxaa kuu soo bixi in ay isla shaqaynayeen labada Salafi, waa Salafiya Jadiidiyah iyo Ictisaam Isdhiibay. Raxanwayntu waxay ku maahmaahdaa: lan waalanna lohoow lan reereebana lohow. Soo ma aragtid? Waxaad mooddaa in lagu heshiiyay waan kala diraynaa, hubkana waan ka dhigaynaa, waxaan leennahay ku noqda qabiilooyinkiinnii, ciddii diidda arrinkaas oo hubka dhigi wayda qabiilkana ku noqon wayda adinku ugu yeera magacaan cusub iyo barnaamijkaan cusub, kadibna ula gala qabaa’ilooyinkii ay ka dhasheen hubkana ka dhiga, sidii bayna noqotay.

Ergaygii Al-Itixaad noo soo direen wuxuu amar ku bixiyay in nin walbaa qabiilkiisii ku laabto isuna dhiibo asagoo fara bannaan, afkiisana aan laga maqal jihaad dambe.

Dadkii markay kala yaaceen waxaa isbaaro u dhigtay madaxdii Al-Itixaad qaar ka mid ah oo sheeganaya in ay manhajkoodii baddaleen. Markii dhalinyaro ku kadsoontay warkoodii ay raacdayna waxay ula galeen qabiilkii ergaygu nagu yiri aada, hubkiina waa laga dhigay. Hal meel ah ayay wax u wada wadeen. Salafiya Jadiidiyah ninkii aqoon u leh wuu yaqaannaa. Waxay ku dhisanyihiin qabiil iyo tacasub aan qarsoonayn.

Fiiro Gaar ah: Tusaale kale aan idin siiyo. Raggii qabiilkoodii markiiba galay oo hubkii xooray looguma yeerin Salafiya Jadiidiyah, ayagu amarkii bay qaateen la rabay in uu fulo. Waxaa Salafiya Jadiidiyah loogu yeeray raggii Xamar soo galay ayagoo hubkoodii wata oo rabay in ay la dagaallamaan Isbahaysatadii Maraykanku hoggaaminayay.

Rag badan ayaa ku baraarugay waxa loo dhoodhoobay ama loo qariyay oo markii dambe ay u caddaatay in ay tahay inxiraaf diin ah. Abtidoon wuxuu ragga ku lahaa ka kaalaya nimankaan xisbiga ah oo dadkii kooxkooxda ka dhigaya. Wuxuu kaloo diinta uga meel dayay in ay xaaraam tahay in xisbi xisbi la noqdo ama maamulo la samaysto iyo koox heblo.

Waxaa soo baxday markiiba khiyaamadiisii iyo qurunkuu marada noo saaray iyo qabiilkii ay kilkilaha ku wateen oo raggii waxaa lagu shubay qabiilooyinkoodii hubkiina waa laga dhigay. Waa tii Itixaadka oo khiyaamo ku jirto. Itixaadkuse nooma qarin qalab ka-dhigidda iyo qabiil aadista. Itixaadna intaasuu watay lakiin waxaa ka hadal dhawaa Salafiya Jadiidiyah, markii dambana waxaa caddaatay in ay isku meel wax u wadaan laakiin ay kala qaadeen waddooyin kala nooc ah oo dadka lagu khaldayo ama jihaadka looga soo horjeedo.

Waxaan dul istaagi doonaa haddii uu Allaah idmo qaabkii ay walaalaha Xamar dagaalka uga qaybqaadanayeen, iyo cidda culumada u ahayd oo ay ka amarqaadanayeen. Waxaan kaloo wax ka tilmaami doonaa junuudda dagaalka ku jirtay iyo meelahay ka kala yimaadeen. Waxaan kaloo wax ka sheegi doonaa nihaayadii dagaalka iyo meeshay ku dambayn doonaan Isbahaysatadii Maraykanku hoggaaminayay.

Baaraka-llaahu fiikum, aan xoogaw nasanno kadibna waxaan gali doonaa marxalad kale inshaa Allaahu tacaalaa.

Qeybta 22aad

Bismillaahi wabacdu. Waa qormadeennii 22aad. Ikhwaanii waxaan kala tagnay ayadoo go’aan lagu gaaray magaalada Burco, waxa gaarayna ay yihiin golahii sare ee Al-Itixaad, go’aankuna waa in ciidanka Laasqoray jooga lakala diro. Anaguna wax war ah oo aan ka hayno haba yaraatee ma jirto. Xataa madaxdayadii noogu sarraysay war kama hayaan arrinkaas, waxayna ku baraarugeen ayadoo nala haysto!

Waxaan soo marnay hadda ka hor shirar badan oo la galay. Xiwaar dheer dabadiina waxaa la qaadan jiray qoladii ra’yigooda iyo nusuustu is-waafaqdo haba laga tira badnaadee. Sababta arrinkaas fududayn jirtay oo loo qaadan jiray wixii nusuunta iyo ra’yiga saliimka ah waafaqa waxay ahayd hal arrin oo ah: Waxaa la watay ama la isku waafaqsanaa hal manhaj, wixii manhajkaas ka hor yimaadana daaqadda ayaa laga tuuri jiray oo waxaa lagu faataxaysan jiray meesha nasku tilmaamo manhajkuna ama raggiisuna ku qanacsan yihiin.

Waxaan soo marnay Dhoobley, Nasrudiin, Bacaadweyn. Intaba waxaa la qaatay go’aanno aad u qaraar oo ragga qaarkiis ka dagi waayay. Waxayse ku qasbanaayeen in ay raacaan nusuusta la hordhigay, haba u arkaan in ay ahaayeen culumo waawayn oo waayo arag ah ama madaxdii ururkaan ugu sarraysay. Waxaa lagu kala dambayn jiray daliil ma haysataa?

Shirkaan hadda go’aannadu kasoo baxeen waxaa ka horreeyay laba dhacdo oo aan midna laga shuuraysan ama laga tashan. Mid waa tii Garoowe iyo gumaadkii gurboodka. Midna waa Dabra iyo dabargoyn la’aantii daalimiinta oo la daayay daaquudkii na dilay. “Yaan la dhammayn waa Muslimiine!”

Midkaani waa kii saddexaad, kuwii hore waa loo daboolay kanse daahaa nalooga faydey. Asaga laftiisa intii shirku socday lagama run sheegin, waxaa la sameeyay oo kaliya afduub ama xukun maroorsi ay xeeladi ku jirto, waxaana markhaati u ah sida loo adkeeyey akhbaartiisa illaa nalagu leefay oo nalaga dhigay hal dhumay iyo hal dhaan raacay.

Waxba yaanan warwareegin oo ka biqin ama afka soo marin waayin ciidankii na jabiyay iyo khiddadii ay adeegsanayeen ama ciidanka tiradiisii. Walaalayaal waxaa naloo soo diray hal nin oo ka mid ah culumadii la yaqaanay ama ka mid ahaa maamulkii sare ee Al-Itixaad, wuxuu soo gaaray magaladii Laasqoray.

Waxaa lagu soo dhaweeyay gacmo furan, qalbi furan, waa la martigaliyey oo waxaa la dajiyey madaxtooyadii. Wax war ah oo kasoo horreeyay ma jirin war ka daba yimidna ma jirin, asagiina iskama dhigin nin akhbaar wada oo uma warramin cidna, madaxdiina waa ka xishoodeen ninkaan martida ah oo walaalkood ah meel dheerna uga yimid in ay qodqodaan. Wadaadku waa nin aad loo yaqaan muddana la isma arag, dadkuna waa ehello oo waa wada dhasheen. Waxaa lagu wada tukadaa barxad wayn oo magaalada dhexdeeda ku taal. Markii salaadda laga baxo ayaa lagu soo xoomaa oo salaan lagu boobaa, waa la waraystaa, dadku kala dhiirane qaar baa dhaha maxaad u socotay shiikh?

Wuxuu ugu jawaabaa, “Waxaan u imid in aan baabuurta baasiin idiinku shubo oo aad bannaysaan Laasqoray iyo aaggiisa oo nin walbaa qabiilkuu ka dhashay aado!” Waxaa loo qaataa hadal kaftan ah, asagase waa ka dhab oo wax kale uma imaan intaas mooyee. Muddo aan maalmo ka yarayn ayuu qofkii u yimaadaba wuxuu ku lahaa isla warkii, mana badiyo mana yareeyo, waddo walba ayaa warkii ku fulay, waxaa ka faa’iidaystay munaafiqiin fara badan oo aan la aqoon laakiin soo baxa markay dhacdo wax Muslimiinta lid ku ah.

Arrintii waxay noqotay dacaayad ciidankii ku riday ama ka dhex dhalisay ismaan dhaaf, waxay dhalisay muran gaaray in qoryo la isula baxo. Waxaa lagu dagaallamayaa waa hadalkii Shiikhu suuqa galiyay. Qaar baa waxay leeyihiin warkaas shiikhu ma oran ee munaafiqiin baad tihiin. Ma anaad iiga warramaysaa fulaan waaba ninkii jihaadkaanba dhaqaalihiisa bixin jiray ee. Qaar waxay leeyihiin hadduu hebal yahay waa lagu been abuuranayaa ee warkaas asagoo fayow afkiisa kama soo bixin. Ma fayooba! Manhajkii baa la baddalay!

Muran dheer dabadi arrinta waxaa lagu xalliyaa soo hubiya oo asagii u taga oo waydiiya warkaan beenta ah oo meelaha lala wareegaayo. Waxaa soo baxa ciidan xaqiiqo raadis ah, waa loo yimaadaa Shiikha oo la waydiiyaa warkaan dacaayadda ah ayagoo yiqiinsan in uu oran doono waa been iyo wax aan waxba ka jirin. Wuxuu ugu jawaabaa, “Haa. Anaa iri idinkana haddaan idinku leeyahay!” Waxaa qabata nimankaas caro ay ku sigtaan in ay Shiikha wax gaarsiiyaan waase isqabtaan oo caradoodii ayey liqaan.

Wallaahi furintaan ku jiray anigu oo waxaan kamid ahaa raggii cadowga hor fadhiyey, waxaan garanayaa ciidankayagii oo ku sigtay in uu xabbad isula baxo muran ka dhashay warkaas dacaayadda ah. Waxaa adkaysan waayay qiyaadadii magaalada oo wadaadku martida u ahaa, waxay waydiiyeen si taxaddar leh, “Shiikhow arrintaan magaalada ku jirta oo la yiri Shiikhaa laga maqlay maxaa ka jira?” Wuxuu ugu jawaabay, “Haa. Waa run anaa iri.”

Waa la yaabay, ciidankii fitan baa ku dhex abuurantay, khalkhal baa galay isku-xirnaantii iyo is-aaminiddii ciidanka, kala shaki baa ku dhex baahay, dowladdii Islaamka ahayd waxaa u yimid wax aan waligeed lagu fakarin. Nin waliba asagoo afka abur ka kicinaya ayuu kusoo gali oo ku qaylinaya, “Muxuu yahay munaafiqa noo yimid oo leh ku noqda qabiilkii iyo qurunkii Ilaahay nagasoo badbaadiyay? Aaway ninkaasi xaggee ayuu joogaa anaa shan xabbadood ku dhufanayee.” Haddaan takfiir nahay ninkaasaan dili lahayn.

Ninku waa nin loo soo dooray oo loo soo aaminay khibradna u leh arrintaan iyo sida dadka madaxa loogu socodsiiyo oo waliba looga badbaado sharkooda. Waa nin aan wadan wax hub ah oo aan ka ahayn dacaayaddaas iyo in la yiraahdo waa shiikh hebel ee ka wareega waa la yaqaan asaga iyo  manhajkiisaba. Nin ku aaminay ha khiyaamayn!

Maalin walba nin baa masaajidka ka istaagaya oo wuxuu soo daliilsadaa aayado Qur’aan ah ama axaadiith, wuxuu kor ugu qaylin, “Miyaan Rasuulku (sallallaahu calayhi wasallam) oran xadiith macnahiisu yahay: Qofkii idiin yimaada adinkoo isku duuban oo idin kala firdhiya dila? War ninkaan ha nalaga qabto.” Waan isku daalnay, waxaan jeclaanay in ay fiicnaan lahayd in la kala tago intii fitno ka wayn meesha ka dhici lahayd, illeen rag baa qoryo la gagabaya ama iscelin la’ caro darteed.

Shiikhii markuu arkay in aan u bisil nahay akhbaarta uu waday dhagaysigeeda ayuu wuxuu ballansaday qiyaadadii ciidanka ama madaxdii maamulkii Laasqoray. Wuu u warramay oo wuxuu usheegay akhbaartuu xanbaarsanaa. Akhbaartii waxay noqotay arrintii dacaayadda loo qabay, kamana yarayn kamana badin ujeeddadiisuna intaas ayay ahayd. Waxay si fiican oo dhaga nugul u qaateen akhbaartii ay u qabeen war ciyaalsuuqnimo ah ama war munaafiq ciidanka ku dhex tuuray oo aan jirin. Waxay yaqiinsadeen in amarkaan uu ka yimid golahii sare ee Al-Itixaad. Madaxay hoos u laalaadiyeen murugo awgeed iyo gabood falka meesha ka muuqday waxse kama qaban karaan arrinta oo talo farahay ka baxday.

Shiikhii wuxuu yiri, “Waqti badan ma hayo ee diyaar ma u tihiin in aad kala tagtaan oo nin waliba qabiilkii uu ka dhashay aado? Haddaad diiddaan ogaada maantaa isugu kaaya dambaysa oo shilin dambe ama raashin dambe oo aad ka sugtaan maamulka Al-Itixaad ma jiri doono cid aniga iga dambaysana war kama sugaysaan. Haddaad yeeshaan baabuurtaan baasiin idiinku shubi, waxayna idinku daadin ama idin gaarsiin illaa iyo Nugaal.” Waxaa la yiri afkaaga caano lagu qabay ee meesha ha nooga tagin. Wuxuu yiri fuula baabuurta, waa la fuulay. Muddaa la daadguraynayey dadkii sanooyinka soo hijroonayay. Waxaa la isugu geeyay Xingalool oo ah tuulo yar oo ku taal meel bannaan. Waa carro Warsangali.

Waxaa loo kala dajiyay qabiil qabiil, waxaana billowday jabkii ugu waynaa ee abid soo mara Muslimiinta dagta gayiga Soomaaliya marka laga reebo jabkii soo gaaray Sayid Muxamed Cabdulle Xasan iyo Daraawiishtiisii. Ikhwaanii intaan la kala dareerin aan milicsanno jawigii Laasqoray siduu ahaa intaan akhbaartaan foosha xun aysan imaan. Laasqoray waxaa ku wada noolaa shucuub aad u fara badan oo hal manhaj leh, hal amiir leh, hal hadafna leh. Waxay ka kala yimaadeen dhammaan dhulka Soomaalidu dagto, marka laga reebo kuwii Muhaajiriinta ahaa ee ayagu ka yimid meelo aad u fogfog ee dhulalka Muslimiinta.

Magaalada axwaasheeda haddaan xoogaa ka sheego waxaa kamid ahaa rag dhaawac ahaa oo muddo la dabiibayay laakiin aan wali ku guulaysan in ay helaan caafimaad taam ah. Waxaa kamid ahaa ragga dhibaataysnaa: Shiikh Axmed Cabdisamad, Cali Mujaahid, Xirsi iyo kooxdiisii oo aad u gubtay oo aan lahayn meel la qaban karo korkooda. Waxaa kamid ahaa kuwo aanan hadda magacooda halkaan ku tixi karin laakiin dhibaataysnaa ama duruuf gaar ah ay haysatay.

Ikhwaanii dhibaatada nalasoo daristay wax la qiyaasi karo ma ahayn laakiin aan isku dayo in aan tasawur ka bixinno ama tilmaan. Wixii nagusoo duulay wuxuu ahaa hal nin oo fara bannan, wuxuu ahaa nin wadaad ah, wuxuu ahaa raggii hawshaan hurmuudka ka ahaa ama madaxda kamid ahaa, wuxuu ahaa nin aan shaki laga qabin diintiisa iyo akhlaaqdiisa toona. Wuxuu kusoo galay magaalada sidii nin wafti ah ama kormeer.

Wuxuu xambaarsanaa wadaadku maaddada loo yaqaan nugliyarka ama kiimikada wax gumaadda ayadoo aan sharqamin. Tusaale Shiikhu xagga tirada waa kaligii, xagga tayadana waa faramaran yahay oo hub ma wadan. Shiikhu wuxuu adeegsaday siyaasad aan looga baran Al-Itixaad, wuxuu adeegsaday akhlaaq aan looga baran Al-Itixaad dhexdeeda, wuxuu kaloo ku gabbanayey haybadda shiikhnimada iyo in uu kamid ahaa maamulkii sare ee Al-Itixaad Al-Islaami.

Maxay ahayd akhlaaqda iyo siyaasadda aan horay loo aqoon?

Waxay ahayd akhlaaqda aan looga baran Al-Itixaad dhexdeeda: qof walba oo waydiiya wuxuu u socday wuxuu ku dhahaa waxaan u imid in aan idin kala diro oo nin walbaa qabiilkii uu ka dhashay aado hubkana aad iska xoortaan! Qof walba oo hadalkaas maqlaa waxaa go’a wadnaha markaasuu asagoo naxsan una malaynaya wax afka baarkiisa ah iska tagaa. Wuxuu kaloo adeegsaday wadaadku ishaacaad aad mooddo in uu ugu tala galay in dadku ku caajisaan marka dambana ay xaqiiqada raadiyaan ayagoo isleh war hadday rabto run ha ahaatee yaa noo xaqiijiya arrintaan ama waxa jira.

Wuxuu adeegsaday qabyaalad cad oo aan geed loogu soo gabban iyo hadallo ka turjumaya jaahiligii. Wuxuu u hadlay sidii woorlooradii oo kale, wuxuu noo celiyay marxalad Ilaahay naga soo badbaadiyay, taasoo ah in aan qolo qolo u kala baxno, wuxuu na xasuusiyay waxyaabo aan illownay, wuxuu la yimid akhlaaq tii ugu liidatay oo lagu arko qof dacwada u nasab sheeganayaa in uu sameeyo iskaba daa nin isku darsaday culumonimo iyo mas’uuliyad ka saarnayd ciidankaan oo wuxuu kamid ahaa odayaashii Al-Itixaad.

Kiimikada wadaadku nagu buufiyay saamaynteeda waa loo kala nuglaa oo markiiba rag baa waayay xiskoodii oo waashay. Waalida lafteeda waa loo kala nuglaa oo rag baa ayagoo fayow waashay ragna ayagoo dhaawac culus ah ayay waasheen ama xiskii ka tagay.

Waxaa kamid ahaa ragga waashay ama xiskii ka tagay Dhakhtar Bashiir Xuseen Jibriil, Cali Mujaahid, Caynaanshe Dheere oo loo yaqaannay kumbuyuutar masixi karo tiradu intay ahayd waayo waxaan ahayn shacab fara badan oo meelo kala gaar ah daggan, anigu intaan ayaan hubaa dhibkuse intaan waa ka badnaa. Aan hal nin dul istaagno oo dhibku ama waalidu saamayn ku reebtay: waa Cali Mujaahid. Cali waxaa isugu darmatay saddex arrimood:

  1. Waa dhaawac oo wuxuu waayay lug qurux badnayd oo uu meesha la yimid
  2. Wuxuu waayay ilma-adeertiis oo uu shalay surka ka bireeyay asagoo Ilaahay ku raalli galinaya oo waa taan soo marnay Warsangali oo maxaabiistii qolo qolo u qaybsanaya (Dabra)
  3. Wuxuu waayay dowladdii Islaamka ahayd oo dhib badan lagasoo maray sidii dhidibbada loogu aasi lahaa markii Ilaahay u saldhigayna hal wadaad ayaa kala diray oo waliba ku celiyay jaahiliyadii ay ka yimaadeen qolo qolana u kala saaray shacabkii ku karaamaysnaa Laasqoray iyo dowladdoodii ay ku hoos noolaayeen. Calayhim mina-llaahi maa yastaxiqquun!

Cali waxaa la ii sheegay in uu joogo waddanka Ingiriiska gaar ahaan magaalada Barminhaam, dad ka war haya ayaan arkay. Waxay ii sheegeen Cali Mujaahid in uu dadka ugu neceb yahay qofkii ugu yeera Cali Mujaahid! Waxaa uu la baxay Cali Faqiih. Dadka waxaa uu ugu neceb yahay wadaaddadii Itixaadka ahaa ee dowladdii uu naftiisa ku bixiyey burburiyey. Cali wuxuu ahaan jiray nin xikmad badan oo farxaan ah oo waliba howlqabad badan. Cali waagaas ayuu waayay caqligiisii iyo waxqabadkiisii waana howlgab dhanka miyirka iyo dhanka ciidanka intaba. Haloo cudur daaro haddaad ku aragtaan tanaaqudaad ama war aan habboonayn.

Waxaa halis galay ama geeriyooday ummad fara badan, waxaan sugin kala dareerkii oo markiiba caro iyo ciil la dhaqaajiyay geesiyaashii nooga soo gurmaday waqooyi galbeed. Waxaa kala yaacay oo qoryihii daadiyay dhalinyaro fara badan oo aan taxamuli karin wadaadka kiimikadiisa uu buufinayay. Waxaa gabbalkoodii dhacay Muhaajiriintii oo ayaga aan cidina lahayn baabuurkaan raaca. Waxa loo dan lahaaba waa ayaga in ay meel cidlo ah kusoo dhacaan.

Waxaan filayaa ujeeddada ugu wayn ee naloo halaagay ama loo burburiyay dowladdii Islaamka ahayd in ay ahayd sidii Muhaajiriintu meesha uga bixi lahaayeen. Waana tan hadda ay af-labadii la yeerayaan Ictisaam. Waxaa na qabsaday ajaanib ama dad aan Soomaali ahayn, waxay ula jeedaan waa Muhaajiriintii waagaas ay u qabeen in ay dhulka la simeen. Alle dilaa dhinta! Nimanku waxayba u yimaadeen in ay dhintaan laakiin marna kuma ay fakarin khiyaamo intaas le’eg in ay kala kulmayaan walaalahood fil Islaam wafil caqiidah sidii la moodayay. Dadku waa isku dhex jiray, Allaa kala saaray.

Aan ku soo noqonno Xingalool iyo wixii murugo taallay. Dadku isku meel kama imaan, qolooyin baa waxay ka yimaadeen gobollo fog fog sida Itoobiya, Muqdisho, Bay, Bakool, Hiiraan, Mudug, Gado, Jubbooyinka iyo meelo kale oo fara badan. Ma jirin barnaamij dhaqaale oo wadaadku dadka ku dayactirayo mar hadduu dowladdoodii ka burburiyay. Waxaa lasoo siiyay amar ah kala dir laakiin ma wadan lamana soo siin miisaaniyad dhaqaale oo dadkaan intooda liidata lagu dabiibo.

Ikhwaanii dadku waxay ahaayeen cayr fara madow ama aan dhaqaale haysan, waxaa ku jiray dad dhaawac ah, waxaa ku jiray kuwo meel fog ka yimid, waxaa ku jiray kuwo duruufaysan, waxaa ku jiray carruur iyo haween aan waxba galabsan. Lama kala soocin oo waxaa si siman ugu dhacay musiibadii naloo soo diray. Dad badan ayaan maalinkaas kadib la maqashiin karin Al-Itixaad ama wadaad magacuu doono ha watee. Waxaa billowday in rag badani gaaladii isu dhiibaan. Waxaa naga dhex dillaacay jaasuus miiran oo illaa iyo hadda maaro loo la’yahay.

Al-Itixaad wuxuu ahaa laba koox oo isla shaqaysa. Qolo waxay qaabilsanayd dhaqaalaha iyo siyaasadda dibad iyo daakhilba, qolana waxay ahaayeen howlwadeenno ama qiyaadada ciidanka, ha noqoto dacwo ama dagaalgalin. Waxaa barnaamijkaan watay waa raggii caalamka ku xirnaa oo dowladdaan iyo shacabkeeda dhaqaalaha usoo aruurin jiray ayagoo magacooda isticmaalaya ama dhahaya waxaan ku jirnaa jihaad iyo marxalad adag.

Waxaa la kala diray qiyaadadii hoggaaminaysay mucaskaraadka Mujaahidiinta. Waxaa jagadiisii waayay hoggaamiyihii ama madaxwaynihii Al-Itixaad Shiikh Cali Warsame. Waxaa shaqadii laga eryay ganaaxna loo raaciyay Shiikh Xasan Daahir Aweys. Waxaa tuhun kala galay raggii isku Manhajka ahaa, waxaa madaxa lasoo kacay xumaan aasnayd oo magaceeda la yiraahdo qabiil. Waxaa Manhajkii ka leexday lagu midaysnaa rag badan. Waxaa soo noolaaday cadowgii aan meel iska marinnay, waxaa nagu wiirsaday ama nagu qoslay raggaan mabda’a ku kala tagnay oo aan ayagii martida u noqonnay, waxaa na qabsaday wax aan la malayn karin.

Xingalool waxaa la joogay maalmo aan badnayn. Waxaa loo kala soocay ciidankii qabiilooyinkii: Hawiye xagga u istaag, Daarood xagga u istaag, Isaaq xagga u istaag, Adaris ma jirin barigaas waxaase la hubaa in ay jireen qabiilooyin fara badan oo aan intaas oo dhan ahayn. Dadka intaas fara le’egna waxaa isku keenay caqiido iyo Manhaj. Qolo walba waxaa baasiin loogu shubay gaadiid, waa lakala dareeray ayadoo qof walbaa murugo buuxisay waxa ka horreeyana uusan garanayn.

Ninka na halaagay oo qiyaame wax laga waydiin doonaa arrintaan intuu adduunka joogana lagala xisaabtami doona waa Shiikh Cabdiwaaxid Xaashi. Wadaadka waxaan ugu nasteexayn lahaa hadduu nool yahay haka toobad keeno wuxuu ku falay Ikhwaankii aaminay. Ha ogaado in aysan ahayn wax fudud wuxuu sameeyay. Hadduu hilmaamay rag baan hilmaamin.

Xamar ma dhawa. Yaan la kala tagin. Waxaa la kala diray waa ciidankii Laasqoray ee lama kala dirin Islaamkii iyo Mujaahidiintii. Waa inoo qormadeenna dambe inshaa Allaahu tacaalaa.

[sawir]

Fiiro Gaar ah: Axmed Cabdisamad oo abaalmarin looga dhigay ama magdhow tiifiiga Al-Majd, waxaa maalgalintaas bixinayaa waa Cabdiwaaxid Xaashi oo ahaa ninkii burburiyay kaligi dowladdii Al-Itixaad 1994 Laasqorey. Kor fiiriya waxay labada wadaad u fadhiyaan furitaankii tiifiiga Al-Majd oo lagu wareejinayo Ina Cabdisamad.

Qeybta 21aad

Ikhwaanii waxaan kala tagnay ayadoo ay shir u fadhiyaan xubnihii ugu sarreeyay dowladdii Al-Itixaad Al-Islaami. Shirar baa waxay ka dheceen goobo farabadan, waxay dheceen waqtiyo kala duwan waxaana loogu gogol xaarayey shirkaan kama dambayska ah ama go’aammada kasoo bixi doonaan.

Anigu ma joogin shirka waxaase igu maqaal ah in uu ka dhacay magaalada Burco waana shirkii ugu dambeeyay ee go’aammadu kasoo fuleen. Waxaa la galay xiwaar aad u dheer, waxaa la isku mari waayay qaabka loo wajihi lahaa ciidankaan hubaysan ama sidii loo kala diri lahaa oo looga dhaadhicin lahaa go’aammadaan dhiiggu ka da’ayo. Waxaa dheeraaday go’aan-qaadashadii qar iska tuurka ahayd ama qaran dumiska ahaa. Khilaafo Islaam soo-celin ka-carar!

Raggu ma sinna oo ragna waa daacad oo waxay xeerinayaan ama talooyinkooda ku dhisayaan sidii ciidankaan meesha looga saari lahaa ayagoo nabad qaba. Ma ahan rag meesha tagay ama furinta. Ma hayaan xog dhab ah, waxaa lasoo gaarsiiyay akhbaar aad u liidata ama dhibaato laga sheegayo walaalaha Laasqoray jooga oo aad u dhibaataysan. Go’doon bay ku jiraan.

Waxaa laga yaabaa in la yiraahdo walaaluhu meesha go’doon bay ku yihiin, waxaa ka dhammaaday rasaastii, waxaa ka dhammaaday daawadii, waxaa ka dhammaaday raashinkii, waxaa ka dhammaaday qiyaadadii iyo waxgaradkii, waxaa isu soo haray juhalo aan waxba garanayn ayagiina waa hareeraysan yihiin oo meel walbaa laga fadhiyaa waxaa meesha ku baaba’aya carruur iyo haween farabadan, arrintu ma sahlana saad moodaysaanna ma ahan,  xaaladda walaaluhu ma fiicna iyo wixi la mida. Waa munaafiqiin iyo jawaasiis warkood.

Qaarna waa ragga balaankaan wata oo waxaa u qarsoon wax ay waligood ku taamayeen oo ah in aan hal qof oo Muslimiinta Geeska Afrika ka mid ah uusan hub qaadin, kuwa hadda watana laga dhigo. Waxaa kamid ah xujooyinkooda: Soomaaliya dacwadu waxay kusoo gaartay dagaal la’aan haddana looma baahna dagaal iyo qori, dadku waa Muslimiin boqolkiiba-100, dacwada dani uguma jirto in qori la qaato, waqtigaan Jihaad ma bannaana, adduunwaynaha indhihiisa ha nagusoo jeedinina, dadku uma bisla in dagaal la galiyo, dhaqaale uma hayno, saanad uma hayno, waxaa la laynayaa culumada, waxaa dhammaanaya waxgaradka sida haddaba dhacday iyo wixi la mida. Waa mowd ka carar iyo geeri nacayb!

Waxaa la hubaa in talooyinka qaarkood wanaagsanyihiin, qaarna waxaad mooddaa in aysan munaasib u ahayn meelaha lagu kakabinayo ama loo daliilshanayo. Tabriiraadka ama xujooyinka ay daliilsanayeen walaalaha diiddanaa Jihaadka waxaa ugu waawaynaa ama ugu muhiimsanaa laba arrimood:

  1. Kama hortagi karno quwadda nagasoo horjeedda, isumana dheellitirna labada quwadood! Waxay uga jeedaan Mujaahidiinta iyo hoggaamiye-kooxeedka)
  2. Dhaqaale uma hayno sida saanad, daawo, raashin iyo kaash ama lacag!

Waxaan shaki ku jirin in aan ragga isu yimid daacad wada ahayn, waxaa kaloo adag in la ogaado inta khiyaamada wadday. Si kastaba ha ahaatee waxaa soo dhawaatay in la gaaro gabagabadii nuxurka shirka. Waxaa la go’aamiyay in lakala diro Mujaahidiintii saldhigga ka samaystay Laasqoray iyo wixii ku fakar ah meel kastaba ha joogaane.

Waa fikir waa dhow nasoo gaaray oo jihaadka looga hortagayo wuxuuna soo billowday xilligii lala dagaallamayay Shiikh Muxamed Cabdiwahaab iyo fikirkiisii Khilaafo Islaam raadiska ahaa. Fikirkaan waxaa maalgaliya Sucuudiga waxaana ku amray Maraykanka iyo saaxiibbadiis. Car waa been dheh haddaad nin taariikhda wax ka og tahay? Arrintu annagay nagu cusub tahay ee mudday socotay.

Maamulkii Al-Itixaad waxaa waagaas Arrimaha Siyaasadda Dibadda u hayay Shiikh Maxamed Cabdidaahir. Waxaan maanta qofna ka qarsoonayn meeshuu ku dambeeyay Shiikh Maxamed Cabdidaahir. Shiikha waxaan la kulmay waa dambe oo lakala dhintay asagoo nacalad dusha uga tuuraya raggii walaalihiis ahaa xagga Manhajka, qaraabadiis ahaa xagga nasabka, dariskiis ahaa xagga dagaanka, aaminay oo ka dhigtay Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee dawladdii Al-Itixaad. Aad ayaan uga sheekaysannay wixii lasoo maray iyo wixii markaas taagnaa. Shiikha waxaan weydiiyay su’aalo badan wuuna iiga jawaabay.

Waxaan damcay in aan ka faa’iidaysto kulankaas, markaan arkay Shiikha baarrinimadiisa iyo siduu u yahay sariixi ama u calool xaaran yahay. Waxaan waydiiyay ka warran haddaan adinka iyo Al-Itixaad idin heshiisiinno? Wuu qoslay oo waliba aad ugu dheeraaday qosolkii! Wuxuu yiri ma kuu warramaa? Waxaan iri haa. Wuxuu yiri annaga iyo Itixaad iskuma haysanno Diin. Waxaan iri hee! Maxaad isku haysataan marka? Wuxuu yiri waxaan isku haysannaa waa aduunyo iyo mansab-raadin! Run buu sheegay oo dib baan ka ogaannay annaguse waan la yaabbanayn waagaas wadaadka af-adayggiisa iyo tuhunka intaas le’eg.

Waxaan ku adkaystay in uu iga yeelo arrintaas shiikhu, oo aan heshiisiinno ayaga iyo Al-Itixaad. Wuxuu yiri haddaad rabto in aan wadahadalno annaga iyo Itixaad nagu wada hadalsiiya waddanka Sucuudiga, sababtuna waxay tahay labadayada kooxoodba waxaa laga xukumaa Sucuudiga oo waxaa fududaanaysa markaan is mari weyno in qola waliba ay la tashato ama aaddo xafiiskii laga xukumay oo aad noogu dhow taageerayaashoodiina ama culumadoodiina ay halkaas joogaan, kadibna kala soo tashadaan waxay yeeli lahaayeen ama go’aankay qaadan lahaayeen. Haddaan nahay waxgaradkii gedgeddiyay mas’aladaan guranaaya odoyada (Ictisaam) raadkii wuxuu galay gobollada Sucuudiga. Ka fiiri gabaygaan buugga ama qormada 2aad.

Waxaa laga yaabaa in qaarkiin yiraahdo waa rag colaadi ka dhexayso oo la isu qaban maayo hadalkooda! Anigu waxaan soo gudbiyay akhbaarta, Shiikhii ii sheegayna waa noolyahay ee waydiiya in ay xaqiiqo tahay iyo in kale. Wuxuuna ii la muuqday nin run sheegaya waana nin daaci weyn ah oo xog ogaal ah, weliba waa raggii aasaasay Al-Itixaad, markuu fahmi waayayna isaga insixaabay. Ayagii baa hadda ka dabatagay oo wayba dhaafeen meeshii Jadiidiyo gaartay.

Waxaa hubaal ah dacwadii Soomaaliya ka hanaqaadday in ay ku xirnayd waddammada Carabta khaas ahaan Sucuudiga, dhanka siyaasadda iyo dhanka dhaqaalaha intaba. Akhristow xasuuso 1991dii waxaa Jihaadka Soomaaliya hoggaaminayay culumo ay kamid ahaayeen Sheekh Maxamed Idiriis, Sheekh Maxamed Cabdidaahir, Sheekh Cabdiqaadir Cukaasha, Sheekh Cabdiwaaxid Xaashi, Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed, Sheekh Cali Warsame, Sheekh Cumar Faaruuq, Sheekh Cabdullaahi Cali Xaashi iyo Sheekh Maxamed Cabdi Umal iyo kuwo kale. Waxaa la dhihi karaa dhammaantood way isku waafaqsanaayeen oo khilaaf ma jirin dhexdooda ah.

Markaas ayada ah waxaa socday Jihaadkii Afqaanistaan ka socday oo dhammaan caalamul Islaam ay ka qaybqaateen. Sucuudigu jihaadkaas wuxuu ku bixiyay naf iyo maalba culumada Sucuudigu waxay la garabtaagnaayeen iyo fatwooyinka bannaynaya in la gali karo dagaalka oo uu yahay Jihaad xaq ah, markaasaan qof damiir lihi ku harin dhul Carbeed ama dhul Muslim oo waxaa la galay Jihaadkii. Markii culumadii fatwootay in Jihaadkaanu yahay xaq oo ay bannaan tahay ama waajib tahay in la galo, waa tii barqadii Ruushkii lagu leefay.

Jihaadkaas waxaa kaloo ka qaybqaadanayay Maraykanka oo rabay in Ruushka la jabiyo. Wuxuu ku bixiyay dhaqaale farabadan, wuxuu ku bixiyay hub noocyadiisa kala duwan, wuxuu ku bixiyay wax kasta oo la waydiisto oo gargaar ah. Ruushkii markuu jabay arrintii waa is baddashay oo waxaa dantiisii gaaray Maraykankii, wuxuuna amar ku bixiyay ama iclaamiyay in jihaadkii dhammaaday.

Amarkii wuxuu soo gaaray Sucuudiga, Sucuudigu waa qaatay amarkii, asaguna wuxuu gaarsiiyay intii uu xukumay oo ay Soomaalidu kamid tahay, wuxuu amar ku bixiyay ama iclaamiyay in jihaadkii dhammaaday. Culumadii Soomaaliyana waxay gaarsiisay qoladii qoryaha wadatay ama jihaadka ku jirtay in ay qoryaha iska dhigaan jihaadkiina uu dhammaaday. Waxay daliilsadeen xadiith shaydaan dhagaha ugu shubay oo dhahaya, “Waxaa dhammaaday Jihaadkii yaraa! (Qitaalkii gaalada.) Waxaa haray Jihaadkii waynaa (nafta),” ee qoryaha hala dhigo.

Waxaa soo baxay fatwooyin cusub oo ka warramaya in aan cid dambe hub qaadan karin oo uu dhammaaday jihaadkii xaqqa ahaa, wixii hadda ka dambeeyana qofkii lagu arko qori asagoo wata waxaa loo aqoonsan doonaa Irhaab, Argaggixiso, Mara-ku-dhag, Asal-raac, Qar-iska-tuur, Jaahil, Khawaarij, Tattaar, Takfiir iyo wixi la mida. Khiddadaas waxaa dajiyay Sii.Ay.Ee, Em.Ay.Fayf iyo Muusaad iyo wixi la mida.

Dadku waa kala dhaga fududaayeen oo waxaa markiiba amarkii qaatay qolada la yiraahdo ama la baxday Salafiya Jadiidiyya. Nimankaasu aad bay u mahadsanyihiin oo ma aysan samayn wax munaafaqad ah oo amarkii ayey si toos u qaateen saaxadana waa ka bexeen (Sheekh Cukaashe iyo raggiisii). Dadkii ama wadaaddadii intii soo hartay waxay u qaybsantay labo qolo. Qolo waxay tiri jihaad ma dhammaan mana dhammaan doono qorigana dhigi mayno inta naftu nagu jirto (Shabaab iyo intii talo ku raacday). Qolana waxay billaabeen mujaamalo ama iska daba wareejin (munaafaqadayn) oo war cad lagama helin, laakiin waxay ku qanacsanaayeen in jihaadkii dhammaaday. Afkoodana waxay ka ilaalsadeen in ay dhahaan jihaadkii wuu dhammaaday haddana waxay billaabeen qaab farsamaysan oo ay uga nabadgalaan dhalinyaradaan jihad-doonka ah in ay dhib kala kulmaan, dhalinyaradana ay hubka uga dhigi lahaayeen ayagoo aan cidna dhibin, aakhirkiina waa ka dhigeen oo kala direen si waliba xushmad darro ah oo cadowtinnimo ka muuqato. Calayhim mina-llaahi maa yastaxiqquun.

Wadaaddadii mujaamalada waday goor dambay muujisteen waxay qabeen oo ahayd in jihaadkii dhammaaday. Waxaa kamid ahaa ragga barnaamijkaan fulinayay oo caanka ku ahaa si aad ahna ugu jidbaysnaa Sheekh Maxamed Idiriis oo Itixaadka xilligaas u qaabilsanaa ama kamid ahaa ragga ugu waawayn xagga dhaqaalaha ama khasnad-hayaha la aaminay ahaa. Waxaan soo marnay Sheekh Maxamed Idiriis oo waagaan koonfur kasoo hayaannay ama kasoo hijroonay nala dultaagnaa dhaqaalaha aan hagarta lahayn iyo muxaadaraadka quluubta jilcinaya iyo talooyin wax-ku-ool ah. Waagaas waxaa socday Jihaadkii Maraykanku madaxda ka ahaa oo Ruushka lagu qaaday Afqaanistaanna ka socday!

Wuxuu Shiikhu aad nagu taxriikin jiray ama nagu baraarujin jiray jihaadka iyo macaanidiisa, wuxuu nagu dul akhrin jiray aayaadka ka hadlaya jihaadka iyo faa’idada uu u leeyahay shucuubta Muslimiinta ah oo maantay caalamka lagu dullaysanayo cirdigoodii iyo sharaftoodii. Waxaa is baddalay Shiikha muxaadaraadkiisii, fikirkiisii, deeqsinnimadiisii, jihaad-jacaylkiisii, waxaa is baddalay dabeecaddiisii. Wuxuu u egyahay nin lasoo canaantay oo la yiri fuli amarkaas ee waa in uu joogsadaa jihaadka Soomaaliya ka socdaa!

Sucuudigu waa joojiyay dhaqaalihii uu ku bixin jiray jihaadka. Wuxuu joojiyay taageero kasta oo lagu taageerayo qof ama koox ay ka muuqato nuxur jihaadi ah. Culumadii Soomaaliyana waxay fulinayaan awaamirta Sucuudigu dul dhigay, illayn waxaa noo warramay Sheekh Maxamed Cabdidaahire. Run buu sheegay Shiikhu markii uu yiri iskuma hayno wax Diin ah annaga iyo Al-Itixaad, waxaan isku haynaa dhaqaale iyo jago-raadin.

Waxaan arkay Sheekh Maxamed Idiriis oo hadda inta badan kasoo muuqda shaashadaha tiifiiyada gaalada u adeega asagoo dhanka kale boqol wareegay oo ka tagay ama illaaway wanaaggii, ka-sheekayntii, taxriikintii ama ku-qalqaalintii, maalgalintii jihaadka caalamka ka socda oo laga yaabo haddii qolo shubho gasho kuwa badan ay saxanyihiin cadowna is horfadhiyaan ama gaalo la dagaallamayaan. Miyaan Rasuulku (sallallaahu calayhi wasallam) oran, “La waayi maayo qolo ama koox xaqqa u gargaarta mana dhibi doono mid khayaamay khayaamadiisu.” Aw kamaa qaala (sallallaahu calayhi wasallam). Haddaad cabsateen iska aamusa intaasaa dembi idiin ku filan.

Waxaa wax laga naxo ah in uu la taagan yahay Shiikhu idaacadaha adduunka ama tiifiiyada, “Yaan lacag la siin kuwa jihaadka wada, war dadyahow ma waxaad rabtaan in aad xoolihiinna Naar ku gashaan! War see wax idin ka yihiin? War lacagtiinna ha siinina argaggixisada dadkii Soomaaliyeed dhammaysay ee arxanlaawayaasha ah oo barakiciyay malaayiin masaakiin ah! War ka fiirsada xoolihiinna meeshaad ku bixinaysaan. War maalgashada shirkadaha ay wadaaddadu maamulaan, ku bixiya xoolihiinna madaarista iyo masaajidda ku yaalla Mareykanka, Ingiriiska iyo wixi la mida.” Maalgashiga shisheeyuhu ma garaad nin wayn baa? Gabay Qor. Waxaa la hayaa canjalad dhagaysi ah wadaadkoo sidaas u hadlaya.

لَا تُنفِقُواْ عَلَىٰ مَنۡ عِندَ رَسُولِ ٱللَّهِ حَتَّىٰ يَنفَضُّواْ‌ۗ

“Ha siinina xoolihiinna dadka la jooga Nebi Muxamed (sallallaahu calayhi wasallam) illaa ay kala tagaan.” Waa hadalkii munaafaqii weynaa Cabdullaahi Ibnu Ubay Ibnu Saluul. Jawaabtiina waxay noqotay:

وَلِلَّهِ خَزَآٮِٕنُ ٱلسَّمَـٰوَٲتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَلَـٰكِنَّ ٱلۡمُنَـٰفِقِينَ لَا يَفۡقَهُونَ

“Ilaahay bay u sugnaatay khasnadaha cirarka iyo kuwa dhulalka, munaafiqiintuse waxba ma fahmayaan.”

Cajaa’ibta Sheekh Maxamed Idriis waxaa ugu daran in shiikhu telefishin lasoo istaagay asagoo dadka ku boorrinaya in ay xoolohooda ku aamminaan asaga, sadaqana u niyaystaan. Wuxuu yiri, “War shakiga iska daaya oo bixiya xoolaha waxaad helaysaan baddal ka badan kaad bixiseen.” Wuu sii waday shiikhu hadalkii oo wuxuu yiri, “War ma iga rumaysanaysaan haddaan idin dhaho khasnaddayda waxaan ku arkay 300,000 (oo doollarka Mareykanka ama giniga Ingiriiska ah) oo aanan garanayn meel ay ka timid?”

Akhristayaalow bal ka warrama  lacag intee le’eg ayaad u malaynaysaan in ay khasnaddaas ku jirto, mar haddii Shiikhu garan waayay 300,000 oo doollar ama gini meel ay ka timid. Aniga waxay ila tahay lacagta ku jirta khasnaddaas in aysan ka yarayn 3 (saddex) milyan oo doollar ama gini. Annagaa naqaan meeshay ka timid ee fadlan sii dadkii lahaa! Waa akoon aad qaybin jirtay oo oran jirtay, “Waxaan haynaa agoomo, waxaan masruufnaa Mujaahidiin gaalada nagusoo duushay dagaal kula jira,” iyo wax la mida.

Billaahi calaykum, miyeysan habboonayn in Shiikhu haddii uu kala bakhaylay lacagtaas Mujaahidiintii mudnayd in la siiyo uu ku nafaqeeyo malaayiinta Muslimiinta ah ee macaluusha u dhammaanaysa? Waxaan Shiikha ugu cudurdaaraynaa wuu safarro badan yahay oo waxaa laga yaabaa in aysan asaga ka badnayd ama ku fillayn tigidhadiisa iyo hoteelkiisa! Waxaa la hayaa cod shiikha oo dadka uga digaya in laga dhagaysto akhbaarta mujaahidiinta si toos ah iyo si dadban intaba. Ereyadiisii waxaa kamid ahaa, “Yaan la dhagaysan idaacadahooda, yaan la akhrisan weebabkooda,” iyo wixi la mida.

Murti Soomaaliyeed oo ku saabsan rag is-haya

Qaniinyo qaniinyaa kaa fujisa. Rag aan isdayno wuxuu ku dhaamo la waa. Maxaad Caamir ugu geedi tahay soo ku guban maysid? Laaluusha haddii aanan ku siin Xalane ma ila aadi? Nin muraayad ku jiraa dhagax ma tuuro. Laba weel haddii la isku dhifto kii wax ku jiraan baa daata. Reer odaygiisii durbaan tumay carruurtuna waa iswareejiyaan. Isku daalnaye maxaa inoo dan ah? Iyo wixi la mida.

Yaan la madax taagine hala wadahadlo, ninna nin addoon uma aha diintuna armaajo furaheedii lumay kuma xirna. Nin walbaa intii Ilaahay ka fahamsiiyo ayaa ka muuqan. Waxaan ku talin lahaa tanaasul hala sameeyo. Waxaan kaloo ku talin lahaa in ay odayaashu billaabaan tanaasulka gogoshana fidiyaan, iskana illaawaan yaska iyo quursiga aan ku habboonayn qofka Islaamka ah oo diinta wax ka fahmay. Shabaabka waxaan leeyahay Ilaahay ha laga baqo oo yaan laga tagin xushmadda, qaddarinta, kala-dambaynta, hana diidina wixii xaq ah oo la idiinku nasiixeeyo. Kama maarantaan culumo aad ku dayataan, culumaduna kama maarmaan dhalinyaro ay ku indha-qabawsadaan oo hawsha la qabata ama ka xigsata howsha culayskeeda.

Waxaan la hadlayaa ragga fayow ee taladu ka go’do. Warkaygu wax uguma yaal nin xanuunsan talana aysan ka go’in. Waxaan la hadlayaa ninka og in uu khaldami karo oo uu yahay banii-Aadam. Warkaygu wax uguma yaal ninka isu qaba in uu yahay macsuum aan khaladba ka dhicin. Lama daawayn karo nin isu-haysta in mar walbana laga gardarran yahay oo sugaya in asaga raalli ahow la dhoho taladana loo dhiibo ayadoo aan la garsaqsan. Gar iyo gardarraba aniga!

Su’aal ah xaggee garta lagu qaadayaa?

Waa sahlan tahay arrintaasu haddii aan la is indhotirayn. Waxaan nahay shucuub jirta oo dhul leh ama meel deggen. Waxaan ku wada hadlaynaa dhulkeennii. Ma waxaad rabtaan sidii hoggaamiye-kooxeedkii in Muwaayi Kibaaki Doofaaray nagu shiriyo? Ama Meles nagu shiriyo Soodare ama Maykal meel noo calaamadeeyo aan Soomaaliya ahayn sida Jabuuti, Cadan iyo wixi la mida. Fiiri tixdaan aan qormadaba ku billaabay haddaad xaqdoon tahay: Xiiqsanase yeelkiis Xabashida la safan wali!

Ka gar baxa walaalaha, gobollada dalkiinnii gaarsiiyay nabad run ah

Axmed Godane ugu taga la gorfeeya taladana, kama liito gaalxune!

Ma Axmed Godane wuxuu ka liitaa Maykal, Muwaayi, Mahiige iyo mid magac masiixi leh?

Ninka wadaadka ah oo maanta diiddan in uu tago Kismaanyo, Muqdisho, Baydhabo, Baladwayne, Gaalkacyo, Garbahaarreey, Ceelbuur, Marka, Jowhar, Xuddur, Xarardheere, iyo inta u dhaxaysa oo tuulooyin iyo magaalooyin yaryar ah xagguu rabaa in uu ku noolaado oo dacwada ka wado ama lagu garnaqsado? Malaha xataa wadaaddada waxaa ka dhaadhacday barnaamijka gaaladu wadato oo ah in waddanka dibaddiisa Soomaalida shirar loogu qabto ama lagu heshiisiiyo!

Wadaadka diiday intaas oo gobol in uu cagahiisa dhigo waxa ka socdana u arka fitno saasna caqiido ka dhigtay oo raba in shirarka lagu qabto Jabuuti, Nayroobi, Adis Ababa, Kambala iyo wixi la mida kaas sharkiisa Ilaahay ha naga qabto anaguna waan iska qabanaynaa. Waxaan la hadlayaa waa shuyuukhda ka carootay Shabaabka oo ku eedaynaya fudayd iyo waxmaqal la’aan. Haddii lala tashan lahaa culumada wax badan bay hagaajin lahaayeen oo qaar baa jecel camalkaan socda una arka camal loo baahan yahay culumase aan wadan.

Waxaan dhagaystay culumo waawayn oo magac ku leh dacwada dhexdeeda oo la su’aalay maxaad u tagi waydeen waddanka gudahiisa oo usoo ogaan waydeen dhibka Shabaab laga sheegayo oo hadday khaldan yihiinna ugu nasteexayn waydeen? Wuxuu yiri wadaadkii, “Meesha lama tagi karo oo ninkii taga waa la gowracayaa!” Subxaana-llaah! Annaga maa nala gowraco har iyo habeenba waan joognaaye? Ninka gowraca ka baqayaa wax buu gowracay hadda ka hor. Muslimiin badan baa gacantiisa ku maqan. Dhagarqabe dhulkaa qaban.

Wallaahi wadaadka qaba arrintaas oo afkiisa laga maqlay ama caddayn buu keeni ama waxaa u yaal wuxuu malaystay. Waxaa kaloo dhammaaday shacwadiyadii ama riwaayaddii dadka shacabka ah madaxa looga haystay. Meel walba maanta waxa yaalla daqiiqad baa lagu ogaan karaa oo isgaarsiintii baa noqotay mutawafir ama meel walbay taallaa maqal iyo muuqaalba. Iscaddeeya!

هَاتُواْ بُرۡهَـٰنَكُمۡ إِن كُنتُمۡ صَـٰدِقِينَ

Ikhwaanii waa loo baahan yahay in marmar wax laga sheego meesha xaaladdu marayso. Sidaad og tihiin waxaa jira dagaal xun oo ka dhexeeya mucallim iyo arday daaci wada ahaa. Ninkaan ogayn ha ku baraarugo ninkii ogna yuu qarsan, waxaad qarsataa waa ku qarsadaane. Eragya ah Mucalim iyo Arday anaa doortay, waana sida filinku ku socdo. U daa sideedaas haddii daawo lagu helayo.

Ma habboon tahay ikhwaanii in loo garnaqo mucallimka iyo ardayga? Akhristayaal haddaan xallinwayno khilaafkaan dacwada soo dhexgalay cidi noo xallinmayso qofna kama badbaadayo xumaantii ka ratibanta. Waxaa ugu horreeya oo su’aashu ku dhacaysaana waa duqayda ama culumada. Dhalinyaradu dowr bay ku leeyihiin arrinta hadday odayaashu tooda gabaan. Ma oday baa loo baahan yahay mise waxgarad? Ma kitaabkaan ku kala baxnaa mise odayaasha ra’yigooda?

Laba ra’yi ayaa imaan karta

  1. In la yiraahdo Allay lehe ragga hala kala dhex galo oo arrintaa hala xakameeyo.
  2. In la yiraahdo maya maya ma ul iyo seef baa siman? Mise arday iyo macalin?

Arrintaas waxaan u daayay akhristayaasha in ay go’aan kasoo gaaraan oo aan la dhowran cunfigaan iyo hujuumkaan joogtada ah. Sidaana dacwada dani uguma jirto. Run baan sheegayaa in aan sidaas dacwada dani ugu jirin. Waxaan u malayn maanta warkaygu wuxuu u badan yahay siyaasad. Mar mar waa loo baahan yahay in la kormaro xaaladda lagu jiro iyo waxa daawada u ah.

Aan ku laabanno qormadii iyo meeshay noo maraysay.

Waxaan sugaynaa Burco waxa kasoo baxa iyo ciidammada naloo soo diri doono intay le’eg yihiin iyo hubka ay wataan, waxaana ka dhiman in arrintaas lagu dhawaaqo saacado yar. Waa go’aankii Burco laga sugayay.

Intaan ciidamadu nagu habsan ama nasoo gaarin aan milicsanno Laasqoray iyo wanaaggii yiillay: Laasqoray waxay noqotay magaalo shacab yeelatay, Ansaar farabadan yeelatay, maamullo kala duwan yeelatay, waddanka intiisii kale xiriir wanaagsan la yeelatay, maalinba wax cusub ayaa kusoo kordha oo wanaag ah. Maalin baa waxaan aadnay annagoo koox ciidan ah meeshii la dhihi jiray Saliid. Saliid waxaa ku tiillay tuulo yar. Raggii aan isla soconnay waxaa kamid ahaa nin lagu magacaabo Bile Cabdullaahi Warsame. Waxaan meesha u aadnay labo arrimood, in aan hubinno nabadgalyada carradaas ka jirta iyo in aan deegaankaas dadka daggan soo wacdinno.

Anigu ma joogi jirin Saliid laakiin waxaa ila socda walaalihii muddo halkaas lagu go’doomiyay ama joogi jiray. Waxaa la i tusayay meelihii ciidanku dagganaayeen. Waxaa meesha mara tog aad u wayn oo markay roobabku da’aan biyaha soo roga oo dhagxaanta iyo geedaha qaadaya. Roob ayaa da’ay oo wax walba qaaday maca alaabadii ciidanku meesha uga tagay.

Sidii hadba la ii lahaa halkaanna qolo heblaa dagganayd ayaa markii dambe waxaa la i tusay geed wayn oo har leh oo togga dhexdiisa ku yiil. Waxay dheheen geedkaan hoostiisa waxaa ku shihiiday Shiikh Cabdicasiis Faarax Lagujiray (taqabbalahu-llaah). Goobta waxaa yaallay Kitaab Qur’aan ah oo biyihii wax walba qaaday ay ka tageen. Kitaabkii markaan eegay waxaa ugu korreeyay aayadda ah بِأَىِّ ذَنۢبٍ۬ قُتِلَتۡ. Aad baa waxaa noo caajis galiyay in aan ka jawaabno daadkii ama biyihii wax walba oo culus qaaday oo ka tagay waraaqo aad u fudud waxayna u ekayd mucjiso nala tusay. Run baa sheegaya shaahid baan ahaa.

Waxaan tagnay tuuladii, dadkii baa markay na arkeen firxaday ama cararay, waxay fuuleen buuraha dhakadoodii. Dadka cararay waxaa ku jiray gabadh wadatay ilmo aad uyar. Waxay ubaxday buurta dusheedii. Waxaan u dirnay ciidan kasoo dajiya buurta dadkii cararay.

Waa lasoo dajiyay, meel baan isugu keennay, waan wacdinnay. Waxaan su’aal waydiinnay gabadhii ilmaha la carartay oo waxaan niri maxaad u carartay walaal raggu haba cararaane? Waxay tiri waxaa la yiri xattaa ilmahaan yar way gowracayaan Ikhwaanku! Waxaan u sheegnay in aannaan cidna dilin. Waxaanna kasoo tagnay ayagoo faraxsan oo nabad qaba. Lama gowricin lamana dilin.

Walaalayaal shirkii waa soo gabagaboobay go’aanna waa kasoo baxay, waxaana nagusoo wajahan ciidankii loo xilsaaray fulinta go’aankaan. Aan sugno Laasqoray oo aan war hayn iyo ciidanka ku habsan doonaa intuu le’eg yahay.

Qeybta 20aad

Bismillahi wabacdu. Waa qormadii 20aad. Waxaan kala tagnay ayadoo ciidankii ay daaltiranayaan illayn waa ciidan muddo dheer ku jiray loollan ama colaad. Waxaan isku ogayn in la akhriyo tixdii Ina Cabdulle Xasan. Maxaad ka fahamteen gabaygaas? Mase khuseeyaa meeshaan dhigay? Qadiyaddu ma isku egtahay waqtigu haba kala duwanaadee?

Aan u gudagalno goobta dagaalku ka dhacay.

Waxaan ogayn cadawgii oo jabay. Cadawgu wuxuu ka yimid meelo fogfog ama masaafo dheer ayey soo jareen. Waxay soo diyaargaroobayeen dhowr bilood. Waxay yiqiinsanaayeen in aysan jabayn ama laga adkaanayn. Waxay yiqiinsanaayeen in ay soo baabi’in doonaan Al-Itixaad Al-Islaami. Waxay hubeen in ay soo qaban doonaan dumar iyo carruur badan. Waxay hubeen in ay soo heli doonaan bililiqo aad u fara badan oo waliba kaash u badan ama lacag caddaan ah, raashin, dhar, timir, daawo, iyo hub farabadan!

Waxaa Boosaaso laga diyaariyay guryo waawayn oo lagu xereeyo dumarkaan iyo carruurtaan. Waxaa la diyaariyay cunto, cabbitaan iyo daawo lagu dabiibo dadkaan maatada ah oo qafaalka lagu keeni doono. Waxaa magaalada Boosaaso soo buuxdhaafiyay dad raba in ay daawadaan dadkaan ama carruurtaan iyo haweenkaan berri la keeni doono. Waxaa dadka kamid ah dad walwalsan oo raba in ay dadkaas la keeni doono ka dhex goobaan qaraabadoodii oo waa hore ugu dambaysay (Wadaaddadii kala firdhaday).

Si kastaba ha ahaatee waxay Boosaaso sugaysay laba arrimood:

  1. In lasoo afjaro ama lasoo baabi’iyo Ikhwaankaan nalagu salladay
  2. In la keeno raashin, dhar, daawo, lacag kaash ah, hub, saanad iyo dad nool, waana tan keentay in la baneeno ama la diyaariyo bakhaarraddii ay lahayd Ee.Dhii.Sii (ADC) ama hay’addii raashinka u qaabilsanayd dawladdii Ina Siyaad Barre.

Ciidamada Cabdullaahi Yuusuf waxay wateen gaadiid waawayn oo ay ugu tala galeen in ay ku soo raraan dadkaas iyo badeecaddaas aan kor ku soo sheegnay. Markii laga adkaaday ciidankii Cabdullaahi Yuusuf oo ay ogaadeen in ay jabeen waxay billaabeen in ay dhaawocoodii iyo dhimashadoodii intay awoodeen ay ku rartaan gaadiidkii ay wateen oo ahaa xamuulka. Waa gaadiidkii loogu talagalay in lagu soo daadgureeyo dumarkii iyo carruurtii Ikhwaanka laga soo qafaalan lahaa lamase gaarin ujeeddadaas oo arrinkii waa is baddalay.

Waxaa dhagta lagu hayay taararka Boosaaso yaallay oo akhbaarta soo gudbinayay. Waxaa hadba soo dhacayay akhbaar cusub ama bishaarooyin laga soo gudbinayo furinta. Waxay soo wariyeen taarwalayaashii in la jabiyay Ikhwaankii, ciidankiina uu gaaray libintii ugu dambaysay. Waxay soo wariyeen in lasoo wado dumarkii iyo carruurtii. Akhbaartaas beenta ah waxaa gudbinayay qoladaan jabtay. Waxaa la foolxumaatay in ay sheegaan waxay la kulmeen oo jab iyo naasabeel ahaa. Waxay kaalmaysteen been qayaxan. Beeni raad ma leh.

Waxaa soo muuqday baabuurtii loo malaynayay in ay wadaan dumarkii iyo carruurtii Ikhwaanka. Baabuurtii magaaladay soo galeen ayagoo aan dheg la qabto lahayn. Ragga baabuurta wadaa waxay ogyihiin xaqiiqada jirta iyo waxa ka dambeeya. Waxay galeen Isbitaalkii ama meelo lamid ah, maxaa yeelay waxay wadaan waa dhaawac iyo meyd.

Dadkii baa kusoo qamaamay baabuurtii, waxay warsadeen waxa jira iyo waxay wadaan. Waxay u sheegeen xaqiiqada jirta. Waxaa isbaddalay jawigii farxadda iyo damaashaadku ka muuqday. Waxaa billaabatay qaylo iyo baroor. Waxaa iska soo dabadhacay ciidankii wixii ka haray oo caga murux ah ama aad u daalan, maxaa yeelay waxay kasoo carareen masaafo aad u fog oo waliba dhulka ay ku soo baqanayaan waa dhul aan sinayn oo buuroley ah cabsina waa u dheerayd oo nin walbaa wuxuu lahaa wallee nala qabay!

Aakhirkiina waxaa xowli ku dhex maray magaaladii Boosaaso Cabdullaahi Yuusuf iyo istaafkiisii, wax war ahna waxaa laga helay in uu yiri, “Nimankii way na dabasocdaan wayna idin qabsan doonaan anaase idinka kicin doona!” Wuxuuna afka saaray xaggaas iyo Gaalkacyo oo kuma nasan Boosaaso iyo meel u dhow toona.

Warkaas waxaan kasoo xigtay walaalihii goobjoogga u ahaa markuu arrinkaasi dhacayay ama dhacdadaas, warkuna intaas wuu ka dheeraa laakiin anaa intaas kusoo gaabshay. Aan kusoo laabanno Laasqoray iyo wadaaddadii Al-Itixaad. Waxaa lagu dhaqaaqay in la ogaado dhibka dhacay intuu le’eg yahay dhimasho iyo dhaawacba. Waxaa maalinkaas shahiiday inshaa Allaahu qiyaastii 12 nin. Dhaawucuna ma yarayn mase hayo tirsi go’an.

Dhaawaca waxaa kamid ahaa Shiikh Axmed Cabdisamad. Shiikha waxay xabbaddu ka haleeshay meelo halis ah, waa feeraha iyo caloosha agtooda. Waxaa la is lahaa ka kici maayo dhibka gaaray awgiis.

Waxaa isna dhaawacmay walaal Cali Mujaahid. Cali Mujaahid xabbaddu waxay jabisay lug ama bowdada, waxaa la is lahaa waa dhaawac fudud laakiin waa lagu imtixaamay dhaawacaas oo wuxuu galay khatar dhimasho u dhawaysay mase dhiman. Waxaan soo marnay in ay diyaarsanaayeen dhakhaatiir khibrad leh laakiin aan haysan qalab fiican. Waxay la tacaaleen labadaas nin oo dhaawacoodu aad u liitay. Waxay ku sameeyeen camaliyaad qaatay saacado badan. Waxay ku guulaysteen in ay badbaadiyaan ayagoo Ilaahay kaashanaya ama sabab looga dhigay ayaga in ay badbaadaan.

Cali Mujaahid lugtii waa la gooyay, dhaawucu wuxuu ka gaaray qaybta hoose ee lugta, waxaase markiiba ku dhalatay bakteeriyo ama kaankaro garsiisay in lugtii oo dhan la jaro illaa ay ka gaartay misigta ama dhanka caloosha xigta. La isma dhihin Calibaa tan ka kacaya oo waa laga rajo dhigay asaguna shook buu qaaday oo waxaa galay khalkhal oo wuxuu yaqiinsaday in uu dhimanayo. Mase dhicin oo wax baa u dhimanaa noloshiisa haddana sida aan maqlay waxa uu ku noolyahay dalka Ingiriiska.

Shiikh Axmed Cabdisamad kama dhib yarayn Cali Mujaahid oo asagaaba dhaawiciisu ka darnaa. Wuxuu ahaan jiray nin dhulyaal ah oo aad u mariilay ama u diifaysan dhibka gaaray awgiis. Waxaa u hagar baxay oo intaas agtaagnaa oo xaaladdiisa ka war qabay walaalihii dhakhaatiirta ahaa oo aan haysan qalab casri ah waxayse ku xirnaayeen Rabbigood oo wax walba awooda. Yaqiin.

Ma wada qori karo kamana sheekayn karo wixii dhacay waagaas, waxaanse rabaa in aan bidhaamiyo suuradda ugu dhow ee lagu xasuusan karo dhacdadaas. Waxaan hubaa in ay rag badan markay akhriyaan qormooyinkaan ay oran doonaan Alla muxuu taasna ugu dari waayay? Haddaan xasuusan lahaa waan ku dari lahaa laakiin waxaa maxduud ah waxaan xasuusto iyo meeshaan joogay ama akhbaartaan hayo. Intaan joogay ayaanan wada xasuusnayn oo waxaan qorayaa wixii aan xasuusto oo kaliya. Tii aanan goob joog u ahayn warkeeda daa. Rag baa Ilaahay usoo saari doonaa ayagaana qori doona inshaa Allaah. Waari mayside war hakaa haro.

Walaalayaal akhbaartaan ama dhacdadaan masoo xirin albaabkii wax looga qori lahaa ama lagu diiwaan galin lahaa (bal anigu waxaan furay albaabkeedii). Kusoo dhawaada oo nin walbaa wuxuu ka ogaa ha qoro oo hala aruuriyo, kadibna hala diiwaangaliyo. Waxaan idinka codsanayaa in la iqabto haddaan khadka ka baxo, waxaan kaloo codsanayaa in la isaxo haddaan wax isku dhex khaldo ama is moodsiiyo intaan saxanahayna yaan la idhibin ammaan idin kama rabee. Ikhlaas.

Waa cusub ayaa noo baryey. Waxaa na martay dabayl qabow oo wadata saxansaxo nabadeed. Waxaa salka dhulka ku dhiftay ama quustay munaafiqiintii meel walba oo ay joogeen oo laga yaabo in qaar ciidanka ku dhex jireen. Wakayfa laa, in aysan ciidanka ku dhex jirin hadday ciidankii Nebi Muxamed (sallallaahu calayhi wasallam) ay ku dhex jireen. Macal asaf cid taqaan ma jirto oo aan Ilaahay ka ahayn. Waxaa nastay oo hubkii cuslaa tiiriyey dhalinyaradii ku qalaftay dhufayska (dhib jiray).

Waxaa waardiye loo diray ciidan aan badnayn oo ilaallo ka haya wixii tuugo ah oo ciidanka soo dhexgali lahaa ama jaasuus ah. Waxaa nasiino dheer galay ciidanka intiisii kale. Waxaan billownay in aan ciddiyihii iyo timahii nagu baxay oo aan waqtiga u waynay aan iska jarno. Waxaan billownay in aan dhididkii colaadda ka qabaysanno ama diiftii ay nagu reebtay muddadii dheerayd ee dhufayska lagu jiray. Dhegdheer dhimatay oo dhulkii waa nabad.

Waxaa cirka isku shareeray cududdii milatari oo ay heleen Ikhwaankii, waxaa quustay wax alla wixii qabqable ahaa ama iimaanlaawe oo is lahaa nimankaan kala erya intaysan xoogaysan, waxaa u qaadan waayay in ay arrintu halkaas gaartay culumadii lahayd wiilashaan qoriga la ordaya oo dadka isku diraya dacwadiina khalkhalka ku riday hala edbiyo oo hala kala cayriyo. Sakiin liq.

Waxaa baraarugay wadaaddo farabadan oo u qabay in nalagu leefi doono ama nala baabi’in doono, waxaa soo hijrooday wixii jeclaa in ay Ikhwaanka la noolaadaan, waxaa soo dhiirraday oo furinta soo galay rag wadaaddo ah  oo u qabay in aan laga hortagi karin qabqable iyo ciidan hubaysan toona. Sir baa fakatay oo Daarood waa fashilmay, waxaa la ogaaday in aysan dadka ka xoog badnayn fulaynimona u dheertahay, waa kuwa iimaanlaawayaasha ah.

Waxaan helnay baddal khayr qaba oo ka fiican kii nalaga burburiyay. Waxaan helnay magaalooyinkii nalaga soo saaray magaalo ka fiican: xagga istaraatiijiyadda, xagga shacabka, xagga waxsoosaarka intaba. Waxyaabaha aan xasuusto waxaa ka mid ahaa xagga waxsoosaarka: maalin baa nin ciidanka ka mid ah wuxuu badda u doonay kalluun, si ciidanku u helo hilib. Wuxuu dhigtay xarig, waxaa ugu dhacay daabbad, wuxuu damcay in uu soo jiido xariggii, waa ku adkaatay, wuxuu u yeertay rag kale, waa la isugu tagay. Waxaa bannaanka lasoo dhigay kalluun aad uwayn, waa la qalay si loogu qaybiyo hilibkii ciidanka, waxaa dhacday in mallaygii calooshiisii laga soo saaray mallaayo farabadan oo haddaan xasuustaydu khaldayn aan umalayn in ay dhammaayeen 30 illaa 40 inta u dhaxaysa. Waxaa loo qaybiyey ciidammadii aaggaas ku jiray oo dhan wuuna deeqay oo waliba wax baa kasoo haray! Waa mucjiso Rabbaani ah.

Waxaan u qaadannay in ay tahay karaamo nala tusay oo Ilaahay ciidankaas ku quudinayay. Waxay ahayd dhacdo aysan waligood arag dadka halkaas dagganaa oo kalluumaysatada ahaa in badan. Waxaan u qaadannay doon Ilaahay noogu soo raray mallaygaas si ciidanka loogu quudiyo. Ilaahay baa ku mahadsan awel iyo aakhirba, thumma raggii shaqadaas qabtay.

Waxaa caado ahayd in si sahlan badda mallayga loogala soo baxo oo ciidanka lagu quudiyo har iyo habeenba. Saasaan u iri meeshu waxsoosaarka waxay ka fiicnayd dhulkii nalaga soo raacdeeyay. Sir-ma-qabe Allaa u sahan ah! Ilaahay Qur’aanka wuxuu ku sheegay in wax dadku khayr moodayaan oo shar u ah ay jirto, wax ay khayr moodayaan oo shar u ahna ay jirto. Dadkuse wax ma oga ee Allaa wax og.

Waxaan u qabnay in aannaan soo kaban doonin oo ay adag tahay mar labaad sidii la isugu keeni lahaa ciidan iyo maamul dambe. Waxaase dhismay dowlad ka xoog wayn tii hore, waxaa la helay dhul kii hore ka muhiimsan. Waxaa la helay shacab kii hore ka daacadsan. Waxaa la gaaray xilli Ilaahay fashilay kuwii shareecada Islaamka la dagaallamayey. Waxaan gaarnay meel aannaan filayn in aan gaarno. Allaa  ku mahadsan mahad.

Waxyaabaha wanaagga ah oo aanan illaawin waxaa kamid ahaa: Waxaan garanayaa nin ciidammada kamid ah oo macdaar yar ka furtay ama dukaan magaalada Laasqoray dhexdeeda. Wuxuu samayn jiray intuu badeecada qiimahay joogto ku qoro ayuu dantiisa raacan jiray oo inta badan wuu ka maqan yahay dukaankiisa. Wuxuu kaloo udhaafay xoogaa sarrif ah oo dadku markay wax gataan ay ka sarriftaan (lacag caddaan ah). Wuxuu u imaan jiray dukaankii oo waxna gadmeen waxna wali badeeco ku jiraan iyo wixii gadmay oo kaashkii udhexyaal macdaarkiisii. Waxaa magaalada dagganaa dad aan yarayn oo wax walba isugu jiray, waxaase intii xumayd ka xoog batay kuwii fiicnaa oo waxaa la waayay qof xumaan samaynaya oo bannaanka la taagan xumaantii. Wixii lala dhuunto Allaa ka warqaba.

Waxaa la sameeyay maamullo kala duwan, waxaa la sameeyay qaadigii magaalada kala xukumi lahaa. Qaaddiga magaciisa waxaa la oran jiray Cabdirasaaq Shiikh Cumar. Waxaa la billaabay in meelo fogfog la gaarsiiyo dacwada, waxaa aammin laga noqday qabiilooyin dambe oo ku hamiya in ay Laasqoray ku duulaan.

Cabsiiye laggii wixii ka qabsaday wallee caddam buusan baayicin.
Libna yaanan hoyinnine haddaan kaa lugbaxo maanta
Wallee aniga oo ladan bus loow kuguma soo laabto.

Waa murti Soomaaliyeed oo tilmaamaysa rag dhibaato ku dhacday oo quus taagan go’aan ku gaaray hadday maantay badbaadaan in aysan mar dambe far dhaqaajin! Nimaan waran kaa reebin wacad kaama reebo (khaa’imiinta).

Laasqoray waxay noqotay qalcad ay ka quusteen cadowgii muuqday ama hubaysnaa. Waxaan quusan oo arrintaasu jiif iyo joogba u diiday wadaaddadii horay noo jabiyay oo nagu xukumay in aan wabi Shabeelle xagga udhaafno. Waxaad mooddaa in aannaan yeelin tilmaantii nala siiyay ama ishaaradii ahayd ka baxa dhulka Soomaaliya dagto. Wabi Shabeelle waxaa ka shisheeyaa waa dhulka Itoobiya gumaysiga ku haysato. Waxaadna mooddaa in wadaaddadu rabeen in aan aadno dhulkaas xoogga lagu haysto oo aan soo xorayno asaga ee aannaan dhulkaan dacwadu ka socoto khalkhalin maslaxada dacwadana aannaan ka hor imaan! Waa gobollada waqooyi bari.

Anagu waxaan u qabnaa in dhibkii dhammaaday oo waxaan u jeensannay waxsoosaar dhan walba ah. Waxaan gaadhnay in aan hub soo saarno ama la farsameeyo hub cusub oo meeshaan dagannahay lagu allifay. Tusaale ahaan nin baa wuxuu sameeyay rasaas dhacaysa oo wax dilaysa, oo qori kasta ayaa la isku dayay in loo helo rasaastiisii. Taas markii lagu guulayastayna waxaa looga gudbay in la sameeyo waxyaabaha loo isticmaalo qaraxyada.

Waxaa la sameeyay koox dhan oo hawshaas ku mashquulsanaa guula badanna waa laga gaaray. Kooxdaas waxaa madax u ahaa nin lagu magacaabo Xirsi oo dhalinyaro ahaa. Waxaa dhacday ayagoo hawshoodii ku dhex jira oo hal qol ku wadajira ayaa waxaa xumaaday farsamadii gacanta waxaana dhacay qarax aad u wayn ayagiina dab baa qabsaday. Ragga intiisii badnayd waxaa gaaray dhaawac halis ah haba ugu darnaado hoggaamiyihii kooxda akhuunaa Xirsi. Jazaahumu-llaahu khayran ajmaciin. Waxaa joogay oo waxsoosaarka kamid ahaa Muhaajiriin laga faa’iidaystay adduun iyo aakhiraba. Waxaa noo soo caraftay ama aan u hanqal taagnay in aan ka gudubno ciriiriga iyo cunsuriyadda aan diin ku dhisnayn. Waxaa noo muuqatay in aysan xuduud lahayn dowladda Islaamku, Waxaan akhbaar ku helnay in ay jiraan ama uu jiro baraarug Islaami ah oo meel walba waxaa ka socda kacdoon diiddan dulmiga lagu hayo shucuubta Islaamka.

Waxaas oo dhan oo mowjad ah ama wararka xiisaha leh waan ku raaxaysanaynaa laakiin wali tallaabo la qaaday ma jirto oo waxaan dhidibbada u aasaynaa marka hore dowladdaan kasoo badbaadday afka libaaxa oo curdanka ah. Waxaa la helay jaanis badan oo ay ku fakaraan indheergaradkii dowladdaan hoggaaminayay. Waxay heleen fursad ay ku daraaseeyaan kutubtii Islaamku mar hore ka qoray dhacdooyinkaan oo kale ama dhisitaanka dowlad Islaami ah.

Waxaan marna ka gaabin shaqadoodii munaafiqiintii ciidanka ku dhex jirtay ama bulshada. Waxaa laga yaabaa in ay madaxda kamid yihiin, waxaa laga yaabaa in ay kamid yihiin qolada sirta lagu qarsado lamase yaqaan illaa iyo hadda ninka munaafiq la yiraahdo in uun lagu arko tilmaamo munaafiq mooye. Taasna axkaam laga qaadan maayo oo ma dhihi karno munaafiq baad tahay wadaadyohow. Haa waxaad leedahay tilmaantii munaafiqiinta.

Waxaa fududayd in si sahlan sirtayada loo gudbiyo oo la ogaado wax alla waxaan ku fakarayno. Waxaana yar in haddii Ikhwaanku qofka shakiyaan ay wax ka qabtaan oo waxay dhihi Ilaahay baa nooga filan sharkiisa naga daaya. Waxaa laga yaabaa in kaas ay leeyihiin Ilaahay baa nooga filan sharkiisa uu halaago oo ciidan kusoo hoggaamiyo. Waa sax in Ilaahay la talo saartaa laakiin ficil baa lagaa rabaa markaas kadibna Ilaahay talo saaro. Waa caqiidada ahlu-sunna.

Baadida nin baa kula daydayi daalna kaa badane oon doonahayn inaad heshaa daa’in abidkaaye. Khaa’inku afkuu kugu dhunkado ayuu kugu qaniinaa! Waa murti Soomaaliyeed oo si sahlan tilmaan uga bixinaysa khaa’inka.

Badanaa mid laabta kugu qaadanaya oo akhii akhii kuleh oo haddana faylaha ku goynaya. Illayn ari daasad kama il baxo. Ikhwaanku wali ma fahmin kamana il bixin in la isku aammino oo kaliya callaamatu Shiikh Fulaan. Oo waxaa la illaaway in la isku aammino Alle dartii iyo ikhlaas.

Waxaa manhajka ahlu-sunna kamid ah in qof walba lagula xisaabtamo camalka daahirka ah ee ka muuqda. Ammaa callaamatu Shiikh ha ahaado ama caamay dhaga waawayn ha ahaado.  Culumadu ayagaa maalin walba waxay la taagan yihiin tiifiiyada ama bulshada horteeda annagaa sidaas yeelnay, annagaa saas qabna, annagaa Ikhwaankii jabinnay. Haddaad waydiisana wuxuu ku leeyahay saas ugama jeedo ee adaan fahmin. Markaad daliil u keentana wuxuu ku dhihi madluulka ama daliilka ma adan fahmin! Goormaan is fahmaynaa annaga iyo macallinku?

Fiiriya billaahi calaykum dadka qiiraysan oo maqaalka hoostiisa wax kusoo qoraya. Arki maysid qof oranaya war diinta Ilaahay yaan lagu xadgudbin, war Ilaahay dartii waxaan u qabta, war Ilaahay ka amar qaata, war yaan Ilaahay loo gafin (shirki). Waxay difaacayaan nin asaguba la taagan wuxuu qabo oo leh arrintaas anaa ka dambeeyay. Waxay ku wardiyayaan yaan culumada loo gafin ayadoon gafba meesha oolin. Maxaa Suufiyo lagu haystay?

Fiiro Gaar ah: Waxaa suuqa la galiyay dhalinyaro yaryar oo khawaarij ah ayaa culumada warkeedii diidday dadkiina ugu yeeraysa manhajkii khawaarijta. Waxaa suuqa la galiyay ma wataan hal nin oo wadaad ah ama culumo. Waxaa suuqa la galiyay dad aan waxba galabsan ayay laayaan waana gaalaysiiyaan. Waxaa suuqa la galiyay waa juhalo oo waxba ma yaqaannaan. Caddayn looma hayo warkaas.

Waxaa suuqa la galiyay shisheeyay wataan. Waxaa suuqa la galiyay waxay diideen wadahadalkii nabadeed. Waxaa suuqa la galiyay gaalaa ku shaqaysanaysa. Akhristayaalow  Ilaahay baan idinku dhaarshee ha naloo keeno hal dhacdo oo run ah oo kamid ah warkaan kor kusoo taxay ama laga sheegayo Ikhwaanka jihaadka ku jira. Dadka Islaamka ah waxaa ka xaaraan ah saasaa la lahaa iyo wax la mida. Hadaad run sheegaysaan caddayn keena.

Ma xasuusataan barigii Maraykanku iclaansaday dagaalka jihaadka uu ugu magac daray ama difaac diineed. Adduunkii baa isla gariiray waxaa lala yaabay hoggaamiyihii Maraykanka geesinnimadiisii iyo runsheegnimadiisii illayn gaaladu ayagoo gaalo ah bay haddana waxay ku darsadeen munaafaqad oo adduunka waxay ku haystaan been qayaxan. Waliba waxay rabaan in la ammaano oo la yiraahdo haddaan dowlad hebla jirin adduunku wuu baabi’i lahaa iyo wax la mida.

Warkii gaalka oo saas u caddaa waxaa maro saaray oo qariyay ama ta’wiiliyay madaxdii iyo culumadii Muslimiinta hoggaaminaysay si aan gaalada looga hor imaan. Gaaladiina gumaadkay ku dhawaaqeen waa kaga dhabeeyeen oo waa billaabeen waana wadaan illaa hadda. Wali ma aragteen hal wadaad oo arrintaas ka hadlaya marka laga reebo kuwa buuraha saaran oo gaalo iyo Muslimba la dagaallamayaan (Shiikh Usaama iyo saaxiibbadiis).

Wallaahi hadday culumada jihaadka diiddan ay caddeeyaan waxa calooshooda ku jira (jihaad-nacayb) oo ay tabriiraadka daciifka ah iska daayaan oo run sheegaan in aan hal qof oo wax ka dhagaysanayaa jirin oo hal mar ah ayaa furinta dadku tagi lahaayeen gaalana ma kibirteen. Ilaahay wuu kashifi doonaa Jihaad-diidka.

Fiiro Gaar ah: Arrinkaan aan ka sheekaynayaa Soomaali gaar kuma ahan iyo culumadooda toona. Waxaan ka hadlayaa waa caalamul Islaam. Waxaad u dhaba gashaan culumada Muslimiintu waxay rabaan in ay dhalinyarada magacyo u bixiyaan, dadka ku diraan, diinta ka saaraan illayn khawaarij iyo takfiir waa diin ka saarid aan geed loogu soo gabban, waxay rabaan in aysan bulshada ka dhex muuqan, waa caytamayaan, way habaartamayaan, way goodinayaan, waxay qaadayaan tallaabo kasta oo ay ku luggoyn karaan shabaabka iyo jiilka soo baxaya oo loollanka kula jira gaalada iyo munaafiqiinta loo maarowaayay.

Ayaguna waxay rabaan in shabaabku u duceeyaan, u khidmeeyaan, khaladkooda aysan sheegin, ayagu waxay aamminsan yihiin ay ka diin dhigtaan haba khaldanaadeene. Waxay rabaan odayaashu in aan saaxada cid kale soo galin oo aan ayaga ka ahayn.

Waxay rabaan in ay magaca dhalinyarada ku faanaan oo dhahaan, “Waxaan ku mashquulsannahay sidaan jiil usoo saari lahayn, waxaan ku jirnaa jihaad oo gaalaan is-haynaa nagu soo duushay.” Markii dhaqaale la helaana waxaa loo jaheeyaa dhaqaalihii meelo kale iyo maalgalin aan miradhal ahayn. Jihaadkii dartiis dhaqaalaha lagu soo uruurshayna waa la dacniyay ama la foolxumeeyay oo ehelkiisii baa beri laga noqday dhaqaalihiina laga goostay.

Aadane rilladi waxaan kunnacay rumu haday joogto nimaan ku rabin kaana raba inaad u roonaato! Gabaygaan waxaa lahaa ama murtidaan gabar lagu magacaabi jiray Xabiiba oo ninkeedii naag kale la guursaday. Wuu isaga tagay oo wuxuu dayacay xuquuqdeedii. Marmar buu u yimaadaa ayaduna way soo dhawaysaa oo siisaa wuxuu ka dalbado (waa raalliyo). Markuu dantiisa dhammaysto ayuu isaga tagaa asagoo aan wax kusoo kordhin. Markaasay gabay dheer utirisay oo aan intaan ka xasuusto. Intaanaaba caloolxumo kugu dilaysa haddaad tahay qof Ilaahay ku xiran. Gabadhu waxay lahayd naanays oo waxaa la dhihi jiray Xawaadley. Murtida Xabiibo waxay qormada ka khusayso waan kasoo sheekeeyay. Haddaad kor fiiriso waad garan meeshay iska khuseeyaan. Waa maxaa kala haysta Ictisaam iyo ardaydiisii?

Digniin Ku Socota Akhristayaasha

Qaar baa laga yaabaa in ay yiraahdaan muxuu meesha u keenay hadalka gabadha? Fikraddaasu waxay kamid tahay waxaan qoriga u qaadanay in aan dabargoyno. Waa fikrad jaahiliyo ah. Waa dhaqan xun oo Soomaali iyo intii la dhaqan ahba soo baabi’iyay. Ka warrama Ummul-Mu’miniin Caa’isha (Ilaahay haka raalli noqdee). Soo gabar ma aysan ahayn? Addoommada Ilaahay cibaaday ku kala fadilan yihiin.

Ikhwaanii maantay waxaan dhex dabbaashay siyaasad, maxaa yeelay waxaa nagu soo wajahan balaayo hor leh oo aannaan filayn meeshay kasoo boodday. Waxaa lagama maarmaan ah in la xuso dhacdo walbaa siday u dhacday iyo qaabkii loo maleegay iyo ciddii ka dambaysay.

Waxaan soo marnay in ay dagaalkayagii ka quusteen shucuubtii lasoo hubeeyay. Waxaan kaloo ogayn in ay culumadii ama madaxdii Al-Itixaad filanwaa ku noqotay quwaddaan soo baxday oo waddada cad marsiisay raggii hubaysnaa lagana yaabo in ay sii ballaartaan oo ay arrintoodu gaarto mar aan waxba laga qaban karin ama ay gacanta u gasho waxa ayagu ay u yaqaanaan shisheeyaha oo loola jeedo Muslimiinta muhaajiriinta ah (Al-Qaacido).

Waxaa billaabatay mu’aamarad cusub iyo maalgalintii lagu fulin lahaa mashruucaas. Waxaa billaabatay qaylodhaan meel walba la isaga yimid dibad iyo daakhilba. Waxaa socda takhdiidkii ugu dambeeyay oo na looga takhalusi lahaa. Tolow intee le’eg yahay ciidanka markaan naloosoo diri doonaa oo naga guulaysan doonaa? Ma gaasas baa, ma guutooyin baa?

Mar haddaan ka adkaannay isbahaysatadii dibad iyo daakhilba isaga timid, ciidankaan dambe bal hala qiyaaso intuu le’eg yahay iyo hubkuu wato oo nagu baabi’in doono. Aan sugno waxa shirka kasoo baxa.

Waxaan kaloo akhristayaasha ka codsanayaa in ay keenaan takhdiidkii looga badbaadi lahaa sharkaan lasoo wado iyo dabargoynta nalala damacsan yahay. Shalay haddaad nagu haysateen maxaad noola tashan waydeen maantay idiin taallaa yaan loo kala tagin. Waa inoo barri iyo nin waluba wuxuu keeno oo balaan ah ama takhdiid caskari ah. Tiradu wax ma tartee Rabbaa lagu tiirsadaa.

Xasbuna-llaahu wa nicmal wakiil.

Qeybta 19aad

Wakhtigu waa saq dhexe, qof walbaa dhufays buu ku jiraa, waxaa la sugayaa xabbadda sharqanteeda. Waxaynu kala hoyannay ayadoo unugtii loo diray cadowga in ay dhuunta ka galaan ay tashi ku jiraan oo ay is horfadhiyaan cadowgii. Muddo gaaban kadib amiirkii unugtu wuxuu qaatay go’aan ah in ay dagaallamaan oo ayagu rasaasta billaabaan.

Nin kasta oo ka mid ah unugga waxaa la siiyay waajib gooni ah, waxayna qoryohoodii ku fiiqeen dhankii cadawgu jiray ayagoo dhulka jiifa. Waxay sugayeen amarka sarkaalkii madaxda u ahaa in uu yiraahdo fura xabbadda ama billaaba dagaalka. Waxa hortaada taagan arki maysid mugdiga daraaddiis, waxaase la hubaa in la is horfadhiyo cadowgii. Sarkaalkii unugta watay wuxuu amar siiyay ninkii watay qorigii boobaha culus ahaa in uu xabbadda billaabo. Wuu billaabay xabbaddii, wuxuu riday qiyaastii inta u dhaxaysa 15 illaa 20 rasaas dhan, markuu waayay wax u soo jawaaba ayuu is taajiyay rasaastii.

Waxay sugayeen jawaab degdeg ah laakiin looma juuqin. Amiirkii wuxuu yiri ku celi  rasaasta mar kale, waa lagu celiyay oo markaan dambe jiha kale ayaa loo riday xabbaddii. Isma dhaqaajin cadowgii, waxay hubeen in ay cadowgii hortooda fadhiyaan. Cabbaar hadday shafka dhulka ku hayeen oo loo soo jawaabi waayay ayay waxay qaateen kulan degdeg ah. Waxay go’aansadeen in ay meesha ka insixaabaan oo ciidankoodii u tagaan ugana warbixiyaan waxay soo arkeen.

Way dhaqaaqeen. Waxay u yimaadeen ciidankoodii, waxay u gudbiyeen khabar ah in cadawgii horteenna fadhiyo asagoo dabbaabaadkiisii wata. Waxaa la galay tashi aan waqti qaadan, waxaa la yiri walaalihii ku noqda meeshii oo cadowgu yuu soo siqin ee hortaagnaada inta salaadda subax laga gaarayo ama la tukanayo. Way laabteen waxayna horfariisteen cadowgii oo isnabaya oo sugaya iftiinka waaga ama salaadda subax in la gaaro.

Waxaa la gaaray fajarkii hore ama iftiinkii hore ee salaadda, way soo dhaqaaqeen walaalihii markii la gaaray xilligii salaadda. Nimankaan cadowga ah waxaad mooddaa in ay rabaan in ay ka faa’iidaystaan xilliga aan salaadda tukanayno oo ay nagu gaadaan annagoo salaadda ku jirna. Ilaahay waa naga indhasaabay oo waxaan tukannay ayadoon dagaalku billaaban. Sababtana waxaan umalayn in ay ahayd: Nimanku waxay sheeganayeen in ay yihiin Muslimiin waliba waxay u nisba sheeganayaan Shaaficiyo, fiqiga Shaaficiyada oo ahaa in salaadda subax la caddeeyo ayaa wuxuu noo noqday nasri oo waxay is lahaayeen weli salaaddii ma aysan galin annagoo tukannay ayay weerarka soo qaadeen.

Wali waxaa jira mugdi oo aad wax looma arko. Salaaddaas subax  nin walba oo ciidankayga kamid ah ama intii badnayd oo xigtay dhanka cadowga wuxuu ku tukaday dhufayskiisa asagoo fadhiya oo u jeeda dhanka cadawga.

Waxaa billaabatay xabbaddii oo aad mooddo in nin kaliya uu ridayo sida loogu ballamay in mar qur ah la billaabo, waxay socotay illaa 10kii subaxnimo. Nin ciidankayaga ka mid ahi kama bixin dhufayskiisii. Reer tolkay ama cadowgii marba raac baa jaba markaasaa wixii ka haray cararaan, waxaa yimaada raac cusub ama qolo cusub.

Dagaalkii bay meeshiisii kasii wadaan, way jabaan wixii harayna way cararaan, gurmad hor leh ayaa yimaada oo aad mooddo in ay waalanyihiin, waxay ku soo galayaan ayagoo qaylinaya oo aad mooddo in ay jeclaan lahaayeen in aan cararno intaan qayladooda u adkaysan wayno annaguse waxaan u arkaynay in ay sarkhaansan yihiin oo aysan waxba kala ogayn kamana aanan cararin ee waan iska dhicinnay oo waxaan u diidnay in ay noo soo dhawaadaan.

Dagaalka fool-ka-foolka ah waxaa noo dheeraa madaafiic meel fog kasoo dhacaysa oo aan loo aabba yeelayn. Waxaa kululaaday dagaalkii, waxaa daciifay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee cadowga, waxaa billowday jabkii cadawga. Meeshu waa bannaan, waxaa wax laga arkaa illaa iyo 15 kiilomitir ama intii ishaadu wax ka arki karto. Waxaa noo muuqday wufuuddii lasoo martiqaaday isu diyaarisay in ay cagaha wax ka dayaan. Waxaa noo muuqday baqada aan xishoodka lahayn oo ninba ninka kale leeyahay asaga halala haro. dhaawicii baa laga cararay oo hortayada bilqan, waxaa ka dhacday naftaadu orod bay kugu aammintaa. Waxaa gabaabisi noqday xabbaddii xawliga u socotay. Waxaa la gaaray 11kii subaxnimo, waxaa feydantay daruurtii colaadda huwanayd. Waxaa soo bidhaamay nasri degdeg ah. Waxaa la galay marxaladdii labaad ee dagaalka, waxaa laga warsugayay qiyaadada ciidanka ugu sarraysa waxa ay oran doonaan mar haddii cadowgii jabay.

Sida caadada ah hadday dagaallamaan laba ciidan oo mid laga guulaysto kadibna uu cararo lagama haro ciidankaas jabay ee cadowga ah illaa aad daciifisid quwaddiisa, haddaan markaa wax ku xannibayaa jirin. Qur’aanku waa qaamuus. Waxaa loogu tala galay bani-Aadamku in uu noloshiisa ku xalliyo, hadday tahay Cibaado ama Mucaamalaad intaba. Qur’aanku wuxuu leeyahay qaybo dhan oo ka warrama qaabka loo dagaallamayo iyo cidda lala dagaallamayo. Waa laga faa’iidaystay Qur’aanka oo dagaalku wuxuu leeyahay xeerar aan laga gudbi karin ama laga tagi karin, haddaad ka tagtana aad ku jabayso oo aadan wax faa’iido ah ka gaarayn.

Tusaale: Suuratul Anfaal aayadda 67aad: “Kuma habboona Nabi inay u ahaato kuwo la qafaashay intuu ku jilcinayo dhulka dhexdiisa (GAALADA).” Macnaha aayadda ayaa saas ah.

Waxay aayaddani ku tusinaysaa haddaad ciidan foodda isdartaan in aysan habboonayn in maxaabiis la haysto illaa la laayo oo madaxa laga guro cadowga. Waxaa aayaddaas laga fahmayaa in aan aammin laga ahayn cadowgu in uu mar labaad soo laabto haddii aan gacan bir ah lagu qaban ama aan aad loo cayrin oo la gaarsiin meel fog oo aammin laga yahay in uu mar labaad soo laabto. Xasuuso wixii Garoowe nagu dhacay iyo hadda balaan xumada na haysata oo aanan wali baraarugin.

Haddaad shubho keento oo aad tiraahdo dadku Muslimiin ayey ahaayeen, waxaan ku leennahay: Muslimiinta qaar ayey bannaan tahay in lala diriro oo la cayrsado, dhaawacoodana la laayo illaa ay kala fiigaan ama hubka laga dhigo oo aammin laga noqdo sharkooda, waa hadday la yimaadaan wax waajibinaya in saas loola dhaqmo.

Ayaga laftoodu waa kala nooc oo qaarba si baa loola dagaallamayaa. Hadday yihiin koox mumtanico ah ama hubaysan oo xoog leh waxay qaadanayaan axkaam gooni ah, hadday yihiin koox aan hubaysnayn xoogna lahayn waxay qaadanayaan axkaam gooni ah.

Faahfaahinta warkaas waxaad ugu noqon kartaa Majmuucul Fataawaa ee Sheykhul Islaam Ibnu Taymiyah mujalladka 28aad, 35aad iyo meelo kaleba.

Si kastaba ha ahaatee markii cadowgii jabay oo dabada jeediyay waxaan sugaynay amar ah kaca oo is raaciya waxa ka haray balaayadaan nalagu salladay oo lasoo uruurshay oo aan ka tukan waynay. Ha ka harina illaa ay Boosaaso dhaafaan hubka iyo waxyaabaha faa’iidada noo lehna ka soo qaniimaysta. Soo qabta kuwooda madaxda ah si looga helo warar dheeraad ah ama macluumaad waxtar noo ah iyo wixi la mida.

Taasi Ma Dhacday?

Maya, ma dhicin, bal waxaa dhacday caksigeeda oo waxaa nala siiyay amar ah nin idinka idin kamid ah isma dhaqaajin karo. Ku jira dhufayskiinna, maxaad ka rabtaan nimanku hadday carareen, waa walaalihiin waa dad Muslimiin ah iyo wax la mida.

Amarkaas waxaa bixiyay Shiikh Xasan Daahir Aways. Waxaa nagu dhacday dahsho ama jaahwareer aan garan waynay waxa loola jeedo haka bixina dhufayskiinna, ha cayrsanina cadowga jabay, waa walaalihiin! Waan qaadannay amarkaas oo waxaan isaga jirnay dhufayskayagii illaa duhurkii la gaaray annagoo aan ku qanacsanayn amarkaan aysan ka muuqan laba arrimood midna:

  1. Khibrad ciidan kama muuqato  (Ciidamada caalamka xeerka u yaal)
  2. Axkaam Islaamna kama muuqato. (Xeerka Islaamku u dajiyay dagaallada ahlul-baqyiga ama kooxaha dhaba jiiska ah, mumtanico ama showko xoog leh)

Shiikh Xasan markuu ogaaday in ay fogaadeen cadowgii oo aannaan gaari karin ayuu yiri kasoo baxa dhufayska oo soo raadiya wixii dhaawac ah. Waa lasoo baxay oo lagu qamaamay meel kasta oo la is lahaa wax baa ku jira. Waxaa la helay dhaawac, waxaa kaloo la helay rag aan waxba qabin oo intay naxeen meel iska dhabacan ama ku dhuumanaya.

Waxaa la soo uruuriyay maxaabiistii, waxaana dhacay wax aan illaawi waayay. Maxbuus kasta waxaa loo dhiibay ninkii dad u xigay asagaana dilay, waxaan ogaa ayadoo lagu murmayo anaa kaa xiga iyo anaa kaa xiga. Wax alla wixii maxaabiis ahaa oo la qabtay ama dhaawac ahaa dhagtaa dhiigga loo daray ayadoo nin walbaa ina adeerkiis dilay, xigto ahaan udishay. Maanta kahor waxaan qabnay laba dhibaato oo aan aad ugu dhibtoonnay:

  1. Meeshu aad bay u kulushahay markaasaan haddana waxaan galnay dhufays dhulka hoostiisa ah oo ay nagu qasbeen shayaadiintaan maantay jabtay.
  2. Waxaa kaloo nalagu imtixaamay bahallo yaryar oo na cunaya ama na qaniinaya markaan dharka iska bixinno kulayl dartii. Markaasaan hurdo iyo raaxaba ka tagnay. Intaas waxaa noo dheeraa cabsida joogtada ah oo cadwogu nagu hayay Ilaahayna maantuu naga dulqaaday cadowgii iyo cabsidiiba.

Fiiro Gaar ah: Waxaan meelo badan ku arkay ayadoo la igu baraarujinayo Majeerteen ma wada xumee maxaad isugu qaadday? Markaan qolo xumaanteed sheegayo waxaan dhahaa reer hebel baa xumaantaas sameeyay intii Ilaahay u naxariistay mooyee oo waxaan ka soo reebaa inta wanaagsan, hadalkana waxaan ula jeedaa inta xun. Haddaan illaaway istathnahaas (kasoo reebiddaas) ama  hadalka ah intii Ilaahay u naxariistay mooyee, waa gaf aniga xaggayga ah waxaanna ka bixinayaa raalligalin iyo waliba toobad keen Alle xaggii ah.

Maalinkaas waxaa raggoodii ama wiilashoodii laynayay waliba siday u kala xigeen Majeerteen baa u badnaa oo waa la kala baxay (tilka bitilka). Maalinkii Garoowe rag baa wiilashoodii gawracay ayagoo Cabdullaahi Yuusuf ku raalligalinaya. Maantana rag baa gowracay wiilashoodii ayagoo Ilaahay ku raalligalinaya waana rag wada dhashay. Ninba markiisa ha gabbado!

Warsangaliga waan taagnaa ayagoo qaybsanaya dadkoodii maarada loo waayay oo Cabdullaahi Yuusuf ku yiri kaalaya aan soo bililiqaysanno lacagta Sacuudiga laga soo daabulo. Maxaa yeelay maalinki Garoowe ayay bililiqaysteen gaari dhan oo lacagi saarnayd ama ku rarnayd. Marka Laasqoray waxaa taallay khasnaddii waynayd siday la ahayd ayaga. Aa kula tahay Boowe?

Fiiro Gaar ah: Maxaabbiistaas laguma dilin amar kasoo baxay saraakiishii ciidanka hoggaaminaysay lamana ogayn goor la laayay iyo goor lasoo qabtay toona. Waa dambe ayaa la ogaaday, la ismase wayddiin maxaa loo dilay iyo maxaa loo siiddayn waayay toona.

Aan milicsanno saamaynta dagaalkaasi nagu yeeshay dhimasho iyo dhaawacba. Maalinkaas waxaa naga shahiiday inshaa Allaahu 12 qiyaastii. Waxaa dhaawacmay rag aan yarayn. Shuhadada waxaa kamid ahaa Khaliif nin lagu magacaabi jiray. Khaliif wuxuu ahaa nin aad u dadaal badan oo maddaale ah dagaalkana ku fiicnaa, wuxuu ahaa dagaalgaliye sare (taqabbalahu-llaahu).

Waxaa maalinkaas dhaawacmay Shiikh Axmed Cabdisamad, Shiikhu wuxuu kamid ahaa gacanyarayaasha Shiikh Cabdinaasir xagga dagaalka. Waxaa dhaawacmay Cali Mujaahid. Cali wuxuu ahaa nin mintid ah oo dagaalyahan hoggaamiye ah. Waxaa dhaawacmay Khayre oo ahaa nin khayr badan kana dhex muuqday dagaalka. Khayre ma illaawin siduu u dhaawacmay. Waxay ahayd asagoo ciidanka ku wareegaya oo rasaas siinaya hadba ninkay  ka go’do rasaastu ayaa xabbaddu ku dhacday anna waan ujeeday.

Ikhwaanii waan daalannahay ciidankuna wuu daalan yahay, daalkana waxaa u dheer hurdo la’aan oo in muddo ah si fiican hurdo uma ay seexan. Nin walba waxaa ku soo dagtay hurdo uu iska celin waayay. Ragga qaarkiis waxay soo wariyeen in ay dagaalka dhexdiisa ku lulmoodeen.

Aan u kaadinno ciidanka ha daaltirteen hana seexdeen. Adinkuna gabaygaan Ina Cabdulle Xasan akhriya oo fiiriya waa dadkii uu waagaas ka cabanayay Wadaadku kuwa hadda nalagu salladay. Qadiyadduna waa hal mid ah oo waa car tuko, car naagtaada xijaab u xir, car Islaam isku xukun iyo wixi la mida.

Daayimow Allahayoow adaan dunida moogayne
Daandaansi ina-Aadanaa loogu dawgalye
Deyn nimaan ka qabin buu nafluhu dabagalaayaaye
Haddii nalagu soo diray khalqiga Dir iyo Daroodba
Warsangali haddii uu dunjigii diricyo soo qaatay
Dashiishiyo Majeerteen haddii deexda laga keenay
Guutada lasoo dumay haddii nalagu soo duushay
Wax lasoo dadaanshaba haddii nala dul gowriirshay
Dildilaaca waaberi haddii nalagu siidaayey
Annagoon digniin qabin haddii nala dareensiiyay
Digta weerar qoobkii fardaha dininigtii yeedhay
Dooyada uluuftaka’ah hadday Daalo kor udhaaftay
Degdeg inaan usoo roorno waa dowlad alabkeede
Ma dul keennay kuman duub cadoo wada Daraawiish ah?
Dikri hadduu kusoo galay xarbiga aniyo duulkaygu
Dayaaydii horeetaba baqay dabada taageene
Diigaanyo ciidan ah miyaan daafta kala raacay.
Dullihii shareerraa markuu dibawga jiidhaayey
Daanyeerku meeshuusan marin dani ma jeexsiisay
Denbi ma leh cadaawaha ninkii delika xooraaye
Darajuu Ilaahiis ka heli labada daaroode
Dubku iima naxo nimay kufriga deris wadaagaane
Ferenjiga direyska leh kuwii diiradda u qaaday
Iyaguba dariiqada Alliyo diinta caasiyo’e
Waxay noo duleedsheenba waa doora-weynaha e
Dulmigaan banaanayn kuwii doofil ugu hiishay
Haddaan daayo waa aniga oo daawadii furaye
Danabkii rasaaseed miyaan diillin kaga yeelay
Dareemada kabadan meydka yaal didibta buureede
Dhiiggoodu sida doogsinroob waysagii duxaye
Dugaaggii hilbaha quudan jiray loo dayaafadiye
Nimanyahow af laba daan leh baan muranka deyneyne
Ma duqaynay Reer Bari wuxuu doonayuu helaye?

Waa qadiyaddii. Waa qabiilkii. Waa meeshii!

Waa halaaggii ku dhacay gaala-raacyadii waagaas, 1921 iyo 1992. Taariikhdu ma duugowdo haddaan la dayicin.

Qeybta 18aad

Bismillaahi wabacdu. Waa qormadeennii 18aad. Waxaan kala tagnay ayadoo cadow nasoo duldagay. Waxaan ku ballannay in aan samayno diyaargarow meeshii ugu dambaysay illayn meel dambe oo loo cararo nagama dambayso oo waxaa nalagu kuusay baddii sidii naloo cayrsanayay. Ina Yuusuf Yeey wuxuu iclaansaday dagaal. Wuxuu isu keenay wax alla wuxuu awooday oo ciidan ahaa.

Waxaa rumeeyay oo raacay shacab farabadan. Waxaa raacay oo rumeeyay culumo farabadan. Waxaa loo diyaariyay dhaqaale aad u farabadan. Waxaa kaalmaynayay oo hiil iyo hooba la garabtaagnaa gaaladii mashruucaan dabada kasoo riixaysay. Waxaa la shaqaynayay oo naqshadda dagaalka diyaariyay khubarro shisheeye ah amaba gaalo.

Waxaa ka qayb qaatay dagalkaas saraakiishii ugu sarraysay ciidammadii Soomaaliya oo aad u farabadan. Waxay adduunwaynaha gaalada ah ku marti qaadeen daawashada dagaalkaas markuu dhacayo si ay ugu raaxaystaan dabargoynta dawladdii Al-Itixaad Al-Islaami oo tiri waxaan rabnaa khilaafo Islaami ah.

Waxaa dhammaaday takhdiidkii la dajiyay, waxaa soo dhawaaday weerarkii nalagu soo qaadi lahaa. Waxaa la keenay goobtii dagaalka martidii daawan lahayd dagaalka. Waxaa la gaaray habeenkii ama saacadihii ugu dambeeyay ee ay xabbaddu billaaban lahayd.

Ciidankii Al-Itixaad Al-Islaami waxaa loo qaybiyay afar qaybood, qolo walbana waxaa la siiyay waajibaad u gaar ah. Nimankii Ansaarta ahaa ee Aadam Siciid waxaa la siiyay sugidda ammaanka waddooyinka soo gala magaalada iyo meel kasta oo laga soo dusi karo. Waxay ahaayeen niman isku darsaday daacadnimo iyo dhul aqoon.

Qolada labaad waxay ahayd ragga taarwalayaasha ahaa oo runtii la dhihi karo waxay ahaayeen kuwii Ilaahay ku badbaadiyay ummaddaas dulmiga la isugu bahaystay. Waxay la socon jireen akhbaarta cadowga si daqiiq ah, waxay soo gudbin jireen wararkoodii ugu dambeeyay iyo waxay ku tashanayeen. Waxay ku guulaysteen in ay helaan meelaha ay ku wada hadlayaan, sida taararka iyo waxa lamidka ah.

Akhbaartaas waxay u gudbin jireen meeshii ay khusayso ayadoon cidina ogaan, mana aysan nasan jirin har iyo habeenba. Qolada saddexaad waxay ahayd taliska ciidanka ugu sarreeya. Waxay galeen shirar aan loo kala kicin iyo takhdiidkii looga badbaadi lahaa isbahaysatadaan arxan laawayaasha ah. Waxay dajiyeen ama Alle waafajiyay takhdiidkii lagu difaaci lahaa jiritaanka dowladdii Al-Itixaad Al-Islaami wuxuuna ahaa sidaan:

Magaaladu waxay ku taallay meel istaraatiiji ah. Dhinac waxaa ka xiga badda, dhinacna waxaa ka xiga buuro aad u waawayn. Waxaa soo gala magaalada saddex waddo. Mid waxay ka timaaddaa dhanka Isaaqu naga xigo. Annaga iyo Isaaqna colaadi nama dhex taal cabsina kama qabno. Waxaaba nooga yimid gurmad aad u ballaaran. Waddadaas waxa la dhigay ciidan aan badnayn oo ku filan lusuuusta ama tuugada.

Buurta xaggeeda waxaa naga xiga qabiika la dhaho Dubays, waa qabiilkii markaan Laascaanood ka soo soconnay isbaarrada noo dhigtay oo waa khayr beelayaal in Ilaahay u naxariistay ma ahee. Waddadii halkaas kasoo gali jirtayna waxaa la dhigay ciidan ku filan Dubays iyo ciddii ku kaalmaysa dulmiga ay nagu hayeen.

Dhinaca ay naga xigto Boosaaso waxaa kasoo gala waddo. Waa meesha weerarku ka imaan doono saacado kadib. Waa dhul bannaan ah, bannaankaa waxaa lagu magacaabaa Dabra. Dabra dhinac baddaa ka saaran dhinaca kalana waxaa ka saaran buurta. Bannaanka u dhexeeya badda iyo buurta  wuxuu le’eg yahay qiyaastii 3 illaa 4 kiilomitir.

Afartaas kiilomitir, ee udhaxaysa badda iyo buurta waxaa la dhigay ciidankii ugu xoogga badnaa ee iska caabbin lahaa weerarka berri la damacsanyahay in lagu qabsado magaalada Laasqoray. Waxay qoteen dhufaysyo waawayn, waxay talo saarteen Ilaahay, cidna kuma aysan marti qaadin in ay kasoo qaybgasho jabka gaari doona Ina Yuusuf Yeey iyo Axbaashtiisii berri inshaa Allaahu tacalaa.

Dhinaca badda lama illaawin ee waxaa loo diray dhawr laash ama doomo yar yar oo aan haysannay hubna saaranyahay, waxaana la yiri yaan nalooga imaan badda xaggeeda. Afartaas waaxood ayaa ciidankii loo qaybshay waxaana la galay diyaargarowgii ugu dambeeyay.

Ciidankaan Al-Itixaad Al-Islaami yaa hoggaaminaya? Waa kuwama saraakiisha ciidanku? Sidaad ogtihiin markii dowladdii dhexe burburtay dadwaynihii wuxuu noqday dab dhagax lagu dhuftay oo qof waliba wixii la qumanaa ayuu sameeyey ama wuxuu qaatay manhajkuu doono. Ina Siyaad Barre wuxuu ahaa nin isku hayay dad farabadan oo nooc walba isugu jira. Qofkii daacaddiisa ka baxana wuxuu ku samayn jiray dil ama xabsi.

Dad badan oo aan ku qanacsanayn manhajkiisii ayaa sacabka u tumayay si ay uga nabad galaan sharkiisa. Markii xukunka laga tuuray Ina Siyaad Barre waxaa soo caan baxay oo ugu horreeyay waxay ahaayeen laba kooxood oo kamid ah dadkii Ina Siyaad cabburinayay.

Kooxi waxay ahayd kooxdii ay hoggaaminayeen hoggaamiye kooxeedkii ama Ashahaado la dirirkii. Waxay qaandaraas ku soo qaateen in dadka Soomaalida iyo dhulkay daggan yihiin loo qaybiyo koox koox, magacyana loo bixiyo oo qolo walba calan loo sameeyo iyo xuduud laguna dhaho ilaalshada xuduuddiina annagaa idin kaalmaynaynee. Markaas ka dibna ay fidiyaan diimaha Kiristaanku leeyahay oo dadka laga xorreeyo fikraddaan horumarka aan lahayn oo mara ku dhagga ah, waa siday ayaga la tahay (waa Muslimka saxda ah), Kiristaankana loogu yeero.

Kooxina waxay ahayd kooxdii ducaadda ahayd ee dadka diinta Islaamka ugu yeeraysay. Waxay soo qaateen qaandaraas ah in ay ummadda Soomaaliyeed hal meel ah isugu keenaan hal manhajna ay usameeyaan oo ah ku dhaqanka Shareecada Islaamka wixii ka horyimaadana cagta la mariyo. Kooxdaasina waxay heshay fursad ay manhajkoodii ku meel mariyaan.

Saraakiishii ciidammada qalabka siday ee loo tababbaray difaaca waddanka waxay kala raaceen labadaas kooxood ee loolanku ka dhexeeyo. Waa rag isyaqaan saraakiishu meeshay rabaanba haku jiraane. Nin walbana wuxuu khibrad leeyahay waa is yaqaannaan.

Habeenkaas la isku miciyo lisanayo oo la is horfadhiyo waxaa ciidammada Al-Itixaad gaashaandhiggooda haya Korneyl Shiikh Xasan Daahir Aweys. Waxaa dagaalgalinta qaabilsan halyeygii Shiikh Cabdinaasir Xaaji Axmed. Wuxuu fadhiyaa Shiikhu jiidda hore ee Dabra. Waa taan ku soo marnay Laascaanood waxtarkiisii iyo takhdiid wanaaggiisii. Wuxuu soo muuqdaa marka la isu baahan yahay oo maalinkaas oo kale qof waliba waa u jeedaa meeshuu marayo iyo hawshuu qabanayo Shiikhu. Marka nabadda la yahay waa nin tawaaduc badan oo waxaa laga yaabaa in aadan dareemin asagoo kula jooga afgaabnidiisa darteed.

Fiiro Gaar ah:  Qormadii 16aad waxaa la saaray tacliiq ku saabsan hadalkaygii ahaa: Waxaan Ilaahay darti u jeclahay Shiikh Cabdinaasir! Waxaa shiikha iigu dambaysay araggiisa ama la kulankiisa sanadkii 1995. Waxaan ahayn isku manhaj, isku koox, waxaan wada ahayn raggii lagu khiyaameeyay Jihaadkii aan dhabta ka ahayn qaar ka mid ah Culimadii Itixaadka, waxaan wada ahayn raggii hubka laga dhigay. Shiikha isku mustawe ma aannaan ahayn. Markii nala jabiyay, nala khiyaameeyay, hubkii nalaga dhigay oo aan noqonnay maato caano leh intayadii aan khibradda lahayn, Shiikhu wuxuu sameeyay laba kaclayn horleh oo geesinnimadiisii, waxtarkiisii, takhdiid wanaaggiisii, waxsoosaarkiisii toona wax uma dhimin in hubkii nalaga dhigay.

Markuu ogaaday in balaayo wadaaddo u eg nalagu salladay, markuu ogaaday in ragga Al-Itixaad madaxda u ah aysan daacad u ahayn Jihaadka, markuu ogaaday in ducaaddii la dhammeeyay, markuu ogaaday in ay yaraatay qiyaadadii ciidanka hoggaamin lahayd, markuu ogaaday in Culumadii Mujaahidiinta ahayd ula kac loo dhammeeyay, markuu ogaaday  qiyaadada Al-Itixaad in aysan daacad u ahayn Jihadka, Shiikhu wuxuu Laascaanood ka furay machad wayn oo loogu tala galay diyaargaraynta ducaadda ama qiyaadadii diintaan hoggaamin lahayd wuuna ku guulaystay oo wuxuu soo saaray ragga maanta gaalada dhuunta u galay ama u diiday in ay nasato gaaladu. Wuxuu soo saaray Culumada maantay Mujaahidiinta dhexdeeda magaca ku leh, wuxuu soo saaray geesiyaal naftoodii Ilaahay ka iibsaday. Waxaan ogaa asagoo shiikhu yahay mid Ilaahay barakeeyay waana arrintaan ku jeclaaday adduun iyo aakhiraba.

Skiikha xumaan ku raaci maayo mana lihi xumaani ka dhici mayso oo waa banii-Aadam. Waxaan xaq u leeyahay in aan ku ammaano Shiikha waxaan ku ogaa oo diin iyo ku dayasho ahaa mana maqal meel uu ku riddoobay ama kaga laabtay Islaamkaan ku ogaa iyo waxtarkiisii miradhalka ahaa. Shiikha waxaan siiyay walahaygii oo wuxuu iilamid ahaa Muslimiinta aan jeclaa. Waxaan walaalaha tacliiqa leh ka codsanayaa in ay isoo hordhigaan waxaan Shiikh Cabdinaasir bari uga noqon lahaa. Hadday ii caddaato in uu mudan yahay ka beri noqosho waan yeeli oo Ilaahay baan ku raalli galin arrintaas. Haddaad waydaan xujo ama caddayn  Ilaahay u toobad keena cudurdaarna ka bixiya arrintaas.

Aan kusoo noqonno goobtii is-hardanka.

Qiyaadadii ciidanka hoggaaminaysay habeenkaas waxaan ka xusi karaa Shiikh Axmed Cabdisamad, wuxuu ahaa sarkaalka labaad ee habeenkaas, waxaa kamid ahaa Cali Maxamed Xasan “Cali Mujaahid”, waxaa ka mid ahaa Khayre, waxaa kamid ahaa Shahiid Khaliif, waxaa kamid ahaa kuwo mudan in qalin dahab ah lagu qoro magacooda oo farabadan. Shiikh Cabdinaasir (xafidahu-llaahu) wuxuu sameeyay khiddad lagu guulaystay oo looga badbaaday shayaadiintii Ina Yuusuf Yeey hoggaaminayay.

Waxaa la diyaariyay dhakhaatiirtii iyo qalabkay ku hawlgali lahaayeen. Waxaa mudan in laga sheekeeyo ama la xuso waxqabadkii dhakhaatiirta halkaas ku diyaargarowday. Waase kuwama? Maxay qalab haystaan? Dhakhaatiirta waxaa kamid ahaa nin mucjizo ahaa. Ninkaas waxaa la isku raacay in uu ahaa nin aad u soo jiita quluubta dadka oo cibaado badan, samir badan, daggan aqoonna leh. Waxay sheegeen dhalinyarada qaarkeed in ay ku daawoobaan hadalkiisa oo kaliya. Markuu daawo ku siinayo ama kula kulmayo wuxuu dhihi jiray walaal ha isdhihin hebel baa ku daawaynaya ee waxaad rumaysataa in Ilaahay daawada hayo intaanna kaalmayso inta xoogaa daawa ah siiyo bukaanka. Qof kasta oo uu la kulmana waa wacdin jiray intuusan daawo siin. Waa Shiikh Dhakhtar Cabdicasiis Cabdi Faarax. Waxaan idin markhaati galinayaa in aan Ilaahay dartiis u jeclahay. Ilaahayna waxaan uga baryayaa in uu aniga iyo asagaba jannadii Fardawsa ahayd  na geeyo, Aamiin, Aamiin.

Waxaan la illaawi karin waxqabadkiisii aqoontiisii dheeraadka ahayd Dhakhtar Baydhabo. Waxaan haysannay dhakhaatiir aan yarayn ama badan, waxaa ugu isyaanaysanaa ama barashada dhakhtarnimada ugu horreeyay Dhakhtar Baydhabo, wuxuu sameeyay wanaag aysan illaawi doonin dowladdii Al-Itixaad gaar ahaan ciidamadii uu la tacaali jiray. Dhakhaatiirtu ciidanka kaliya ma daawayn jirin ee shacabkii Muslimiinta ahaa oo dhan bay u taagnaayeen. Waxay naga mudan yihiin in aan u ducayno har iyo habeenba, Ilaahaw annaga iyo ayagaba noo naxariiso, Aamiin, Aamiin.

Waxaa kamid ahaa dhakhaatiirta waawayn Dhakhtar Bashiir Xuseen Jibriil. Wuxuu ahaa nin xoog furan shaqada markuu qabanayo ku faraxsan asagoo qoslaya ku daawaynaya oo aan ku dhibsanayn asaga culaysba ha ku ahaatee. Waxaa jiray walaallo fara badan oo ahaa kalkaaliyayaal ama dhakhaatiir yaryar oo ayagu aan kaba dhex baxayn bukaanka oo mar walba xaaladdooda ka war qabi jiray waxay xallin waayaanna walaalaha ugu yeera.

Dhakhaatiirtaasu ma haysan qalabka isbitaallada looga shaqeeyo, ma haysan dhismayaal koronto leh ama ogsijiin, ma haysan mashiinno waawayn, mahaysan mindiyo badan oo dadka lagu oboreeshimo ama lagu qalo. Waxay samayn jireen qalliino waawayn ama oboreeshin xubin kasta oo qofku leeyahay: madaxa, caloosha, lugaha, gacmaha iyo wixi la mida. Waxay ku guulaysteen in Ilaahay ku badbaadiyay gacmohooda ummad farabadan oo halaagsami lahayd haddaysan u hagar bixin ayagoo Ilaahay kaashanayay. Ilaahaw u dambidhaaf annaga iyo ayagaba, Aamiin, Aamiin.

Waa mugdi habeenkaas meeshuna waa meel bannaan ah. Reer Yeey waxay wataan gaadiid iyo tikniko buuxisay bannaankii oo aad u fara badan, waxay wataan gawaari lagu raaxaysto oo yaryar oo waa annagii soo marnay in la marti qaaday aduunwaynaha gaalada ah waana la ajiibay oo waxaa jooga wufuud fara badan oo daawan doonta dagaalkan dhici doona qiyaastii laba saac kadib. Waxay wataan ciidamo aan xisaab lahayn oo is haysta badda illaa buurta, waxay u soo dhaqaaqeen saf balaaran.

Way lugaynayaan, gawaaridiina intay damiyeen ayay soo riixayaan oo waxay ka baqayaan haddii gaariga la istaaro in guuxiisa la maqlo oo loo diyaar garoobo, waxay rabaan in ay godka noogu soo galaan annagoon ogayn oo nalaga dhigo mid la dilo iyo mid la qabto asagoo nool (Aa kula tahay boowow).

Wadaadkii barakaysnaa ee Shiikh Cabdinaasir markuu ogaaday in la gaaray saacadihii ciidanku foodda isdari lahaa ayuu la tashaday shuuradiisii wuxuuna waydiistay unug ama sagaal nin oo ciidan ah oo cadowga ka hor tagta si aysan noo gaadin cadowgu. Waxaa loo diyaariyay sagaalkii nin.

Wuxuu madax uga dhigay nin la yiraahdo Shariif Siyaad, wuxuu amar ku siiyay in ay galaan meel u dhaxaysa labada ciidan wuxuuna yiri, “Hadday idin soo gaaraan cadowgu la dagaallama annaguna waan diyaar garoobaynaa.” Sagaalkaas nin waxaa loo diyaariyay in ciidanku ku badbaado sababtooda ayagana aan nin ka soo noqon. Ayagoo sidaas og ayay qaateen amarkii ahaa naftiina nagu ilaaliya (jazaahumu-llaahu khayran ajmaciin).

Shariif iyo unugtiisii waa dhaqaaqeen waxayna ka hor tageen ciidankii Ina Yuusuf Yeey oo saf ballaaran ku socda oo riixanaya gawaaridoodii. Markuu hubsaday in ay yihiin ciidankii cadowga ayuu shuuro la galay ama la tashaday unuggiisii ama ciidankiisii. Waxaan sugaynaa go’aankay gaaran walaaluhu, annaguna aan godad qodanno illayn meeshu waa bannaan oo geed la galo ama lagu gabbado ma leh. Waa bannaankii Dabra.

Ikhwaanii caawa oo kale dagaalku wuxuu waajib ku yahay ninka dhalinyarada ah, odayga, gabadha, habarta, curyaanka, kurayga aan qaan gaarin laakiin tamyiizka gaaray, foodlayda ayana waxtarka ah, iyo wixii lamid ah. Marka yaan loo kala harin dagaalkaan. Qoladii laga adkaadaa waxay jiidaysaa lax baqtiday! Haddii nalaga adkaado dagaal dambe ma dhici doono oo waa nala dabar goyn, haddaan ka adkaannana way quusan oo kibir jabi oo is dhiibi sidaasaana noo roon ama noo khayr badan. Kaskiisaba ma galin wiilaal baa kaybka kuu qabane! Waa siday Cabdullaahi Yuusuf la ahayd. Maxaase ka raacay? Allaa ku mahadsan. Ilaahay hala baryo walaalahana hala garab istaago goor iyo ayaanba.

Qeybta 17aad

Bismillaahi wabacdu. Waa qormadeennii 17aad. Waxaan u malayn in lasoo nastay oo diyaar loo yahay in aan u gurmanno walaaleheen oo aan meesha kasoo saarno, nacam haa! Laasqoray muddaa agagaarkiisa dagaallo ka dhici jireen oo waxay leedahay khatar ka imaan karta miinooyin dhulka la galiyay mar hore, waxaa na looga digay waddooyinka in aan iska ilaalinno, kuna marno si taxaddar leh, qaddarse lama celin karo.

Markaan magaalada u sii dhaadhacaynay ayaa miinooyinkii na looga digay qaar kamid ah waxay la keceen gaadiidkayagii qaar kamid ah, waxaa nasoo gaaray dhaawac iyo dhimasho intaba. Waxaan ka xasuustaa dhaawicii makaanikayagii oo magiciisa la dhihi jiray Aadam Dheere. Wuxuu kamid ahaa raggii garaashkii Xaaji Dool ee Xamar ka shaqayn jiray. Waxaa ciidammadii la dajiyay meelo dhawr ah oo ku wanaagsan difaaca magaalada Laasqoray. Waxaa la go’aamiyay in ciidan loo diro Saliid oo lasoo badbaadiyo walaalaha dhibaataysan. Waxaa la diray ciidan iyo gawaari dadka lagusoo daadgureeyo. Waxaan kamid noqday ciidankii la diray, waxaan gaadhnay Saliid.

Dadka meesha lagu go’doomiyay waxaan horay u soo sheegay in ay isugu jireen ciidan, haween iyo carruur iyo dadkii dhaawaca ahaa ama xanuunsanaa. Intii ciidanka ahayd waxay is horfadhiyaan Axbaashtii Ina Yuusuf Yeey soo uruurshay oo aan wali laga jawaabin waxay doonayaan haddii gobolkoodii looga soo guuray! Waxaan soo rarnay dhammaan dadkii meesha go’doonka ku ahaa, waxaan u soo dhaqaaqnay dhanka Laasqoray. Waa habeennimo saq dhexe, waxaan soo soconnaba waxaan soo gaadhnay bannankii la dhihi jiray Dabro. Waxaa la gaaray xilligii salaadda subax.

Waxaa na looga digay in ay hortayada ku jiraan labo miino. Lamana yaqaan meeshay ku jirto miinadu. Ciidankii baa la istaajiyay, darawaliintii baa la isugu yeeray, waxaa la yiri yaa miino baar noqonaya oo ugu hormaraya baabuurta. Waa la is fiirfiirshay, waxaa farta lagu fiiqay nin aan magaciisa xasuusto in la oran jiray Shariif Siyaad oo markaas waday gaari Enna Tiree ah (N3), waxaa la yiri horgal ciidanka ama baabuurta, kuwii kalana waxaa la yiri raadkiisa haka leexanina, waana la dhaqaaqay. Sarkaalka amarka bixinayaa waa Shiikh Xasan Daahir Aweys.

Muddaa la soday, salaaddii baa caddaatay, amar baa la baxshay ah in la tukado, waa la istaagay ayadoo baabuur walbaa kan kale daba istaagay. Nin ayaa khilaaf sameeyay oo intuu safkii ka baxay horay u soo dhaqaaqay wax konton talaabo aan ka badan asagoon socon ayaa waxaa la kacay miino dhulka ku jirtay waxaana ku geeriyootay soddoh ama gabadh baabuurka shirkiisa saarnayd (taqabbalaha-llaahu, Aamiin, Aamiin).

Waxaan ciidankaas gaariga saarnaa ka garanayaa nin lagu magacaabi jiray Kilwe oo ahaa nin waxyaabo badan lagu xasuusto waxaana kamid ahaa ereyadiisa: Wiririg. Markaan geeddiga nahay oo aan meel istaagno ayaa ragga qaarkiis waxay ka gaarsiin jireen shaah ay ku karsan jireen koombo yar, shaahaas Kilwe wuxuu u bixiyay Wiririg.  Nin wuxuu ahaa ciidanku jecelyahay.

Saacado dhowr ah ayaa la taagnaa meeshii oo waxaa mashquul lagu ahaa gaarigii miinadu la kacday iyo dadkii wax ku noqday. Waxaa lasoo gabagabeeyay hawlgalkaas waana la dhaqaaqay. Waxaan gaadhnay Laasqoray oo aad looga sugayay dadkaan masaakiinta ah ee ay shayaadiintu meesha ku go’doomiyeen muddada dheer. Qola walba waxaa la dajiyay meeshii loogu tala galay, waxaana soo gabagabooday wajigii hore oo ahaa in la isu keeno Al-Itixaadkii kala firdhaday.

Laasqoray waxay ku taallaa badda xeebteeda, waxaa dhex mara tog wayn oo buuraha ka soo rogmada, waa magaalo qadiim ah. Markaan baarnay dhaqamadii ka jiri jiray waxaan helnay raadad hore ama maamulo hore oo waxbarashadoodu ahayd Carabi, waxay wax ku qori jireen farta Carabiga. Dhismaha magaalada waa dhisme qadiimi ah. Waxaa dagganaa dad aan badnayn. Magaaladu waxay u qaybsanayd laba xaafadood oo toggu dhex maro. Waxaa ku taallay warshaddii kalluunka oo aad u wayn. Dhanka warshadda ayaan dagnay oo ay ku yaaleen guryihii dawladda ama xafiisyadii maamulkii magaalada.

Magaaladu waxay ku taallaa meel istaraatiiji ah, uma baahna difaac farabadan inta nabadda la yahay. Waxaa soo gala saddex waddo. Mid waxay kasoo gashaa dhanka gabbal u dhaca ee xigta magaalada Ciirogaabo. Midna waxay ka soo gashaa dhanka koonfureed oo buurtu naga xigto. Midna waxay ka soo gashaa dhanka bari oo reer Barigu naga xigaan ama tuulada la yiraahdo Durduri. Dhanka waqooyi waxaa naga xiga badda oo magaaladu badday saaran tahay.

Wadda walba oo waddooyinkii kamid ah waxaa la dhigay ciidan xoog leh oo Ilaahay kaalmaystay waxay arkaan oo cadow ahna dhagaha u laaba, waxaana la galay nasiino dheer iyo in laga sheekeeyo wixii nalagu falay!

Shirar baa la galay lagu gorfaynayo bey’adaan cusub ee la yimid qaabka aan ula dhaqmi lahayn, waxaa lala tashaday dadkii deegaanka. Magaalo walba oo khayr lagu tuhmayay waxaa loo diray wufuud. Waxaa la diray sahamo joogto ah oo soo kormeera dhammaan meelaha la isleeyahay cadow baa kasoo dusi kara. Intaas oo hawl ah ee la qabanayo waxaa culayska howlahaas la wareegay qabiilkii Aadam Siciid oo aan u kala harin culumo iyo caamaba.

Ikhwaanku ma illaawi doonaan laba qolo wanaaggay noo galeen Ilaahay baana abaalkooda gudi doona. Waa Bah-Ararsame iyo Aadam Siciid. Aadam Siciid waxay sameeyeen siday sameeyeen Bah-Ararsame oo waxay na siiyeen xoolohoodii, waxay nasiiyeen xooggoodii, waxay na siiyeen walahoodii ama kalsoonidoodii oo barax la’. Allow idin xifdi adinka iyo ciddi Islaamka wax tarta.

Waa niman dhulka ku dhashay oo geed geed u yaqaan,  waxayna ka hortagi jireen wax kasta ama meel kasta oo cadow kasoo dhuuman karo. Waa yaab! Ma taqaan cadowga Aadam Siciid naga waardiyaynayo? Waa Majeerteen! Maxaan ka wadanaa? Way na laayeen, way na furteen oo waxaan nahay cayr fara madow, Badday nagu shubeen saan u cararaynay. Maxay naga rabaan dhul ay naga xoreeyaanba ma harin oo waxaan maraynaa badda dhexdeedii? Daandaansi ina-Aadanaa loogu dowgalay. Yaa ka dambeeya qabiilkaan nalagu salladay? Maxayse ku qanci karaan? Goormuu dhammaanayaa dagaalkaan Ikhwaanka lagu baacsanayo? Waxaas oo su’aalo ah way imaan doonaan jawaabahoodu inshaa Allaahu.

Markii nabadgalyadii la sugay oo waddooyinkii xalaal noqdeen ayaa waxaa billowday in dadkii meel kasta isaga yimaadaan haba u badnaadeen dumar. Meeshii Laasqoray ahayd waxay noqotay magaalo cammiran. Waxaa meel kasta nooga yimid dad doonaya in ay nolosha nala qaybsadaan dibad iyo daakhilba. Waxaa yimid muhaajiriin meelo fogfog ka yimid oo diyaar u ah in ay naftooda iyo maalkooda ku bixiyaan Manhajkaan nalagula dirirayo culumo iyo caamaba. Waxaa yimid rag tababbarayaal ah oo laga faa’idastay diin iyo duunyawba.

Ciidankii bay dhiseen muruq iyo maskaxba. Waxaa noo yimid maraakiib ay ka buuxdo raashin noocyo kala duwan leh. Waxaan diyaarsannay ayraboor diyaaraduhu noogu soo dagaan. Markabkii ugu horreeyay waxaa la socday oo aan filayaa in uu mas’uul ka ahaa nin lagu magacaabo Cabdirashiid Ilka-Dhagax. Wuxuuna keenay badeeco si fiican u deeqday miyi iyo magaalaba dadkii joogay ama reer Laasqoray maca dadkii baaddiyaha dagganaa.

Tababbarayaasha waxaan ka xasuustaa nin lagu magacaabi jiray Abuu Cumar oo kun nin oo annaga ah ka qayma badnaa. Abuu Cumar wuxuu soo saaray rag birta calashada intii ay joogeen Laasqoray haddase piizada calashada in yar oo Ilaahay u naxariistay mooyee. Waxaa nagu ta’athuray ama nagu dayday markay wanaaggayagii arkeen magaalooyinkii colaadda nala dhex dhigay iyo shacabkii loogu sheekeeyay nimanka iska dhiciya oo ka saara magalooyinkiina khayr maleh oo waa Khawaarije iyo wixi la mida.

Dadkii waxay arkeen dabacsanaantayada iyo diin wanaaggayaga deeqsinimadu u dheertahay. Waxayna isaga yimaadeen bari iyo galbeed. Hal qiso ayaan kasoo qaadanayaa ragga Boosaaso kasoo hijrooday ee Laasqoray noogu yimid, waliba aan gaadiid soo raacine soo lugeeyay asaga iyo xaaskiisaba. Walaalku asagaa ii sheekeeyay oo wuxuu ku billaabay sheekadiisii sidaan, “Waxaan ka mid ahaa raggii Boosaaso ku laayay Ikhwaanka, waxaan wadaaddadii ka dhignay mid la dilo iyo mid carara. Anoo raadsanaya wax aan nafta ka gooyo oo Ikhwaan ah ayaa waxaa iga horyimid naag mashxaradaysa ama alalaas, waxayna kor ugu qaylinaysaa ‘War nimanka laaya war nimanka laaya. Maantaan xoroobay maantaan xoroobay!'” Naagtu waa naagaha lagu sheego caariyaadka ama dharka khafiifka ah qaata oo asagu wuxuu iigu tilmaamay in ay ahayd naag markaas qaawanayd waxaanse u fahmay in uu kawado waxay ahayd caariyaad. “Waxay kor ugu dhawaaqday magacaygii oo waxay tiri, ‘Hebalow nimanku yay idinka baxsan!’ Waxaan fahmi waayay waxay ka waddo waan xoroobay, waan wayddiiyay, maxaad ka xorawaday ayaan ku iri? Waxay tiri, ‘Tan iyo intii Ikhwaanku Boosaaso yimaadeen Xijaab ayaan qabay!’ Waxaan ku soo laabtay gurigaygii, xaaskii baan waxaan usheegay in meesha Islaamkii ka tagay ee ina keen, gacantaan soo qabsaday xaaskaygii, waxaan lug ku soo galnay Laasqoray.” Ninka qisadaas iiga sheekeeyey waxaa la oran jiray Cabdullaahi Xaaji, waa nin u dhashay qabiilka Warsangali, wuxuuna noqday nin aad looga faa’iidaystay khibradduu u lahaa dagaallada, Ilaahayna waa sugay, muddase kama warqabo wuxuu ku dambeeyay. Waa rune rumayso.

Magaaladii waxay noqotay magaalo cammiran oo loosoo dalxiis tago, nabadgalyadeeda, manhaj wanaaggeeda, ilbaxnimada dheeraadka ah ee ay dadkii diidsanaa ku dajiyeen oo ay ku kasbadeen shacabkii. Ilaahay baa ku mahadsan thumma Ikhwaanku wuxuu u badnaa ardaydii jaamacadaha iyo bulshadii intii aqoonta lahayd. Waxaan sharkoodii ka gaabin reerihii nala dabadhigay, waxay nasoo duldhigeen ciidamo ay meel walba isaga keeneen oo xataa Amxaaro ku jirto.

Maalin walba waxaa lasoo sheegaa ama halowhalowga laga dhagaystaa ayagoo leh Ikhwaanka “intii hartay waa go’doon, waxaana ku soo qabandoonnaa muddo yar. Waxaad noo diyaarisaan ama noo bannaysaan bakhaarrada waawayn ee ay Ee.Dhii.Sii lahayd si aan carruurta iyo haweenka ugu soo xerayno wixii rag ahna waan layn doonnaa. Noo diyaariya raashin iyo biyo.” Akhristow annagu waxaan ku fakaraynaa in aan dadka diinta gaarsiinno dadkuna waxay ku fakarayaan in ay xabbadda na garsiiyaan! Dadku ma sinna oo qolo walba waxaa sheegi taariikhda waxay galeen iyo waxay gudeen intaba.

Su’aalihii aan soo marnay waxay ila tahay aan fiirinno in aan halkaan jawaab uga helno. Majeerteen waa aabbayaashay oo waa hooyooyinkay oo waa walaalahay oo cadowtinnimana nagama dhexayn. Hanti kama wadanno duullaankana waa lagusoo amray in ay nagu soo qaadaan, waxaana lagu yiri, “Ha yeelina wax waan-waan ah, yoolkiinnu waa in aad nimankaas soo dabar jartaan baddaba ha tallaabeene oo hadday badda galaan uga dabagala oo soo baabbi’iya,” waana kaas yoolkoodu.

Yaa ka dambeeya shirqoolkaas?

Waxaa ka dambeeya laba qolo: Qolo waa ciidan oo waxay fuliyaan amar la siiyay ama sarkaal ha ahaado ama dable ha ahaado, askariguna wuxuu ku shaqeeyaa amar kor uga yimid. Qolada kale waa wadaaddo ama culumo.

Ciidamada saraakiisha wadata waxay qaandaraas kusoo qaateen in lala dagaallamo wadaaddada doonaya in ay soo celiyaan Khilaafo Islaami ah. Mudday la aamusnaayeen oo waxay gaadayeen jaanis mar soo mara. Sababtu maxay tahay barnaamijkoodii la fuli waayay? Dadku waa dad Muslim ah, gaalana xiriir lama laha, diintooda in lagu xadgudbana dhimashay ka xigaan.

Waxaad u fiirsataan Ashahaado la dirir kastaa hadduusan wadan kuwo culumo sheeganaya wallaahi buusan tallaabo qaadi karin. Ha illaawina wixii Garoowe ka dhacay ee uu sameeyay Shiikhii la aaminay. Qof Muslimiintii la dulmiyay kamid ah kuma fakarin waxa Shiikh Cabdiqaadir sameeyay kamana filanayn in ay ka timaaddo ficil intaas le’eg wadaadkii na dhihi jiray dulmiga ka fogaada. Waa nagu dhacday taasi mase aanan baraarugin. Waa Ikhwaanka iyo dhoohnaantiisii.

Fatwooyinka iyo kalsoonida juhaladu ku dhiiranayso laguna fulinayo qandaraaskii ay soo qaateen Ashahaado la dirirku waxaa bixinaya waa culumada uu madaxda u yahay Shiikh Cabdiqaadir Gacamay. Shacabkana waxaa lagu yiri diintiinna, batroolkiina, dheemankiina, xukuumaddiina difaacda oo nimankaas fidna walayaasha ah baabi’iya, god walbana ugu gala illaa aad ka suulisaan Soomaaliya gaar ahaan deegaannadiina.

Gardarrada day!

Waa daasheen anna xanaaq bay igala caddahay marka si aanan u kala harin xoogaa sheeko ah ayaan idiin dhexgalin, meesheediina waan kasii wadi sheekada oo caawa la nasan maayo, maxaa yeelay cadowgii baa nagu soo laba kacleeyay hurdo nooma taal.

Sheeko Gaaban

Nin Raxanwayn ah ayaa maalin xoolo foofsaday, waxaa raacay xoolihii wiil uu dhalay. Mid kale oo isla cidda ah ayaa isna xoolo foofsaday, waxaa u raacay xoolaha gabadh uu dhalay. Labadii carruur ahayd ayaa sheedda iska arkay, gabadhii waa xishootay oo way ka fogaatay wiilkii, wiilkii hunguri baa galay in uu gabadha faraxumeeyo. Waa labo qof oo isboortis ah illayn reer baaddiyuhu kama liitaan kuwaan isboortiska loo tababbaro. Fooddaa la isdaray, gabadhii dhulkaa la dhigay, wuxuu damcay in uu xumaan ku sameeyo, lug bay inta hoosta ka galisay wiilkii ayay halkaas oo kale ku tuurtay.

Kor fiiriya erayga ah gardarrada day. Gardarrada day ayaan rabaa in aan sheekadaan kasoo dhex saaro.

Gabadhii baa aabbeheed u soo dacwootay, waxayna u sheegtay waxa dhacay. Wuxuu u yimid ninkii wiilka dhalay. wuxuu u billaabay wixii dhacay. Raxanweyntu markay is waraysanayaan way iska war guraan. Wuxuu yiri wiilkaagii gabadhaydii ayuu ku soo booday, wuxuu yiri “Gar!” oo wuxuu ula jeedaa waad iga gar leedahay. Wuxuu yiri gabadhii buu lagday wuxuu yiri “Gar!” Wuxuu yiri korkuu ka fuulay wuxuu yiri “Gar!” Wuxuu yiri lug bay inta hoosta ka galisay ayay tuurtay wuxuu yiri “Gardarrada day!” Wuxuu ula jeedaa adaa markaan gartu kugu foorartaa oo wiilkaygii ayaa gabadhaadii haraati la tuurtay!

Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax gar buu u ekaysiin lahaa hadduu yiraahdo dad baad dulmi ku qabsateen dhulkoodiina ku habsateen markaasaan idinka sii daayay ee maxaad igu haysataan? Gar baan leeyahay. Hadduuse baddii guduudnayd nooga dabayimid oo fatwo ku bixiyay isaga iyo saaxiibbadiis oo ay dheheen Ikhwaanka dhiiggooddu waa hadur (hala laayo) waxaan leennahay “Gardarrada day!”

Fiiro Gaar ah: Waxaa laga yaabaa in la igu qabsado erayga Fatwo ama Shiikhaa fatwooday oo la dhoho, “Xagee buu ku fatwooday? Caddee arrintaas,” iyo wax la mida. Waxaan uga jawaabayaa laba arrimood.

  1. Shiikhu maba qarsado in uu asagu ka dambeeyay halaaggii Al-Itixaad.
  2. Waxaan taagnaa ficilkiisii uu Garoowe ka sameeyay oo nalagu dhammeeyey meel uu uga toobad keenayna ma maqal. Qalbigiisa waxa ku jira waxaa og oo kaliya Allaah, ficilkiina waxaa og Allaah iyo addoommadiisa, kuwaasaana ka mid ahay arkayey wuxuu sameeyay. Walaalayaal maanta loo kala hari maayo in aan ka hortagno Axbaashtaan lasoo uruuriyay, u dulqaadan mayno dulmi dambe qofba yuu naga harine.

Soo qaata qalabkiina, qola waliba furinteeda
Quursiga ha yeelina, Qadartana ha diidina Eebbahay idiin qoray
Cabdullaahi Kharaf iyo qoladuu halkaan dhigay soo quwaaxa idilkood
Waa quud wanaagsane qaniimana kasoo hela
Shafqabawsi bay noqon shaafida wixii dhacay
Shuyuukhdii la aaminay Shaydaanku nugu falay
Fasharrid man khalfahum ha u noqoto shacabkana.

Qeybta 16aad

Bismillaahi wabacdu. Waa qormadeennii 16aad. Waxaan aad iyo aad idiinku mahadinayaa sida wanaagsan ee aad ula socotaan taariikhdaan mudnayd in la xuso. Aniga waxay ii tahay dhiirragalin la-socodka aad la socotaan taariikhdaan, adinkana waxay idiin tahay cibro iyo xogwarran. Waxaan kaloo u mahadnaqayaa walaalaha u taagan in ay i saxaan haddii aan wax isku khaldo ama hilmaamo.

Fiiro Gaar ah: Nasiixo ama tusaalayn
Waxaa iga talo ah nimanka diiddan waxaan dhacay in la sheego ama la qoro jariimadii laga galay Mujaahidiintii hilbahoodii loo waray haadda ee aan goobjoogga u ahaa anigu. Ragga diiddan in laga sheekeeyo taariikhdaas madow. Ha ka fiirsadaan tallaabada dambe ee ay soo wadaan, hana ogaadaan wax alla waxay sameeyaan in Malaa’iktuna qorayso taariikhda, banii-Aadamkuna qorayso!

Haddaad rabtaan in wanaag la idinka sheego la imaada wanaag asagoo aan is-tustus ahayn ee ay dhab idinka tahay. Wixii qalbiga ka dhaca Ilaahay baa og oo kaa abaal marin, wixii jawaarixdaada ka dhacana banii-Aadamkaa arki oo kugu qabsan kaana abaalmarin. Qaylin ogaa la ismaba gaarine!

Horaan uga dardaarmay in aan cagaftaan kaxaynayo wixii ka hor yimaada ay xaaqayso. Waxaan ballanqaadi in aanan cida ku been abuuran, wixii khalad ah oo iga dhacana Ilaahay baan uga toobadkeeni xaal marinna waan ka bixin haddii xaq la igu sheegto, been-abuur ama dulmi.

Aan ku noqonno hawdkii aan ku kala firirnay.

Waxaan kala tagnay ayadoo ciidankii Al-Itixaad kala firdhay oo u baahan yahay in meel la isugu aruuriyo, waxaan ku tashannay in la aado carro Dhulbahante oo loo malaynayo in ciidankii xaggaas u firxadeen badankoodii. Waxaan isku ogayn in ciidanka barax laga dabaqaado si loo dabiibo kooda dhaga barjoobay.

Ciidankii Al-Itixaad markii laga itaal roonaaday waxay u qaybsameen saddex qaybood: Qaybi waxay u fiigtay dhankaa iyo carro Dhulbahante, qolo waxay noqotay kuwo meeshii lagu dilay, qolana intay qoryihii xooreen ayay dadkii qabaa’ilka ahaa iska dhex galeen. Waxaan ka mid noqday raggii u tacabiray dhankaa iyo carro Dhulbahante. Waxaan gaadhnay magaalada Laascaanood saddex habeen iyo saddex maalmood kadib oo aan soo lugaynay illaa Garoowe.

Waxaana halkaas isugu yimid ciidankii intii ka badbaaday in la gumaado iyo kuwii ka badbaaday in ay tolkood dib ugu noqdaan ama qabiilkii iyo qabyaaladdii xumayd. Kuwaasaa ugu taloxumaa! Ilaahow hanoo celin xumaantaan kasoo baxnay iyo in aan hoggaamiye kooxeed amiirul mu’miniin ka dhiganno. Faroole ayaa sheegtay jagadaas, culumaduna (Ictisaam duqowdiisii) waa u tasdiiqiyeen, una oggolaadeen.

Yaa noo miciin ah oo nasoo dhawaynaya? Illayn waxaan noqonnay agoomo aabbahood la  dilay oo waxaa naga shihiiday dhammaan saraakiishii iyo culumadii ciidanka hoggaaminaysay intii waxtarka ahayd ama qiyaadadii.

Walaalayaal dadka nalaga laayay waxaa dhammaaday wakhtigii Ilaahay ugu talagalay in ay noolaadaan, waxaase laayay oo sabab u noqday in la laayo oo goolka salaxay ninkii walaalkood ahaa xagga manhajka sidii la moodayay, shiikhoodii ahaa sidii la moodayay, waaya aragga ahaa sidii loo qabay, naasixa ahaa sidii loo qabay, al-Walaa wal-Baraa la moodayay in uu fahmay aanse fahmin. Lamamood noqonse wayday.

Waxaa raggaas iyo dowladday wateen baabi’iyay saddex nin oo aan hubaysnayn saan horayba u soo sheegay! Wuxuuna ahaa hubka ay wax ku gumaadeen, “Talada culumada ha loo daayo oo ha looga dambeeyo ayagaa yaqaan masiirka ummadda adinku ma taqaanniin!” Waxaan Ictisaam ka ahayn wax ma oga!

Waxaan shaki ku jirin in ay tahay in culumada looga dambeeyo talada iyo hoggaaminta shucuubaha Muslimiinta ah dhammaantood, waase goorma marka looga dambaynayaa talada ummadaha Muslimiinta ah in ay u taliyaan culumadu? Waa markay mukhlisiin yihiin, oo ay baraa’a ka qaataan gaalada. Waa markay walahooda siiyaan Muslimiinta.

Waa markay qabyaaladda ama casabiyyada bari ka noqdaan  ama ka dheeraadaan, waa markay qabiilkooda khayrka ku raacaan sharkana uga digaan, waa markay yihiin rag u diyaarsan in ay xuduudaha Muslimiinta ka difaacan gaalada kusoo duushay iyo wixi la mida. Ciddii dood ka qabta arrintaas ha ila soo xiriireen. [abuuibraahim@gmail.com]

Raalli iga ahaada waan xanaaqay oo waxaa ii muuqday culumadii aan aamminnay say noo khiyaameen oo (noolaayeen) tolkoodna u badbaadiyeen (maxaabiistii uu kamid ahaa Cabdullaahi Yuusuf iyo kuwa la mida) walina  waa noo ciil qabaan intayadii ka fiigtay. Inteenna badani ma oga waxa lasoo maray iyo waxa ay damacsan yihiin dhagar qabayaashii na dhabar jabiyay walina aan ka waantoobin dhagartii ay ku dhammeeyeen (xuffaaddii) iyo khiyaamadii dowladdii Al-Itixaad Al-Islaami loo gaystay inteedii hubaysnayd (Mujaahidiintii).

Aan ku noqonno Laascaanood. Waxaa magaaladii Laascaanood ahayd ku soo ururay ciidan aan yarayn laakiin daallan oo hubkii lagasoo furtay niyadjab ballaaranna ay udheertahay.

Muuqaalkii Magaalada Laascaanood

Waxaa magaalada joogay Sarkaal ka mid ahaa saraakiishii dagaalkii 77 jabisay dowladdii Itoobiya. Ninku sarkaal kaliya ma ahan waa nin sheekh ah, geesi ah, aftahan ah oo aad mooddo in loogu talagalay ciidammada jabay in uu soo nooleeyo muraalkooda iyo macnawiyaadkooda. Wuxuu aruursaday dhalinyaro aan ka xusi karo Shiikh Cabdiraxmaan Abyad oo markaas nin yar ahaa kana mid ahaa raggii dacwada ka waday magaalada Laascaanood ahaana raggii ugu firfircoonaa dacwada.

Waxaa nala dajiyay meel naloogu sheegay in ay ahayd meeshii lagu dilay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharma’arke. Waxaa naloo fidiyay gargaar kii ugu fiicnaa oo la isugu gargaaro, xagga maalgalinta iyo xagga macnaawiyaadka intaba. Shiikha waxaad mooddaa in uusan daalayn oo gaajoonayn oo haraadayn. Arki maysid asagoo xanaaqsan ama wax dhibsanaya.

Mar wuu na kulmiyaa oo muxaadaro ayuu noo qabtaa, mar waana kaxeeyaa oo wuxuu na saaraa buuraha magaalada ku wareegsan markaasuu marna naga dajiyaa buurta marna na saaraa meesha ugu sarraysa buurta. Mar raashin ayuu naga dharjiyaa markaasuu dhahaa nasta oo seexda. Magaalada waxaa jooga cadow aynaan tabar u hayn ayaguna aysan ku dhicin inay na taabtaan, maxaa yeelay meeshu waa magaalo Dhulbahante maamulo. Raggii Garoowe oo aan kasoo firxannay ayaa naga soo daba diray ergo u socota Dhulbahante oo laga codsanayo in aan nimankaas (Mujaahidiintii wixii ka haray) la magan galin ee inta la qabqabto loo soo celiyo dhankaas iyo Garoowe xaggiisaa si ay abaalkooda uga waraabiyaan reer Garoowe, waana talo reer Garoowe u dhammaayeen culumo iyo caamaba in Ilaahay u naxariistay mooye.

Sarkaalkaanu wuxuu sameeyay arrin aan dhibsanaynay oo aannaan xamili karin siday nala ahayd iyo daalkii na haystay, waxayse noqotay nasri Ilaahay sarkaalka fahamsiiyay (takhdiid milatari oo daqiiq ah).

Takhdiidku wuxuu ahaa: Shiikha ayaa intuu noo xiray dhar tuute ah oo cusub oo isku midab ah ayuu magaalada hadba dhinac naga soo galiyaa markaasaan dhinaca kale uga baxnaa oo hadba buur fuulnaa midna kasii dagnaa, magaaladii daawashay u soo baxday waxayna yaqiinsadeen ciidankaani in uu yahay ciidan cusub oo gurmad ku yimid.

Qoladii lahayd ha naloo soo dhiibo raggaan naga soo baxsaday iyo munaafiq oo dhan markay arkeen ciidankaan waxaan oo boor ah kicinaya ayay kala carareen oo is dheheen, “Wallee nala qabay ee cagaha wax ka daya!” Haddaba aan kuu sheego magaca Shiikha waxaas oo takhdiid ah keenay. Waa Shiikh Cabdinaasir Xaaji Axmed “Abuu Muxammed” (xafidahu-llaahu, Aamiin Aamiin).

Abuu Muxammed waa nin baryar, wuxuu leeyahay af qurux badan oo ay ku wareegsan yihiin ilko cadcad oo fanax kore leh, markuu muxaadaraynayo waxa aad jeclaanaysaa in aad afkiisa fiirisid maxaa yeelay hadalkiisu wuxuu u badan yahay amaba uu wada yahay  xikmad, markuu hadlayo wuxuu kor uqaadi jiray gacanta midigta ah, markaasuu wuxuu taagi jiray farta loo yaqaan murugsatada.

Fartu way yara go’an tahay oo sida aan maqlay dhaawac ayaa ka gaaray dagaalkii 77dii, sidaas daraaddeedna waxaa Shiikha lagu naanaysaa Shiikh Cabdinaasir Farey markaas ayaa iigu horraysay waxaanse wada shaqaynay muddo badan oo waagaas ka dambaysay. Waan wada galnay dagaallo culus.

Mahad celin ballaaran oo ku wajahan reer Laascaanood:

Waxaan la ilaawi karin wanaaggii ay noo galeen reer Laascaanood xilligaas, kulligoodna waxaan u soo jeedinayaa ammaan ay mutaysteen xilli rag ceeboobay amaba qabaa’illo farabadan! Waxaan si gaar ah uxusayaa beesha Bah-Ararsame. Bah-Ararsame waxay na dajiyeen guryahoodii oo nooga bexeen, baraagahoodii oo xareeddu ka buuxdo ayay daboolka nooga qaadeen, xoolohoodii ayay noo loogeen, ciidan bay na duldhigeen waardiye naga ah intaan daal tiranaynay ama aan nasanaynay (daal tirasho).

Bah-Ararsame waxay leeyihiin Garaad haybad badan oo ay ka dambeeyaan, asna ka fogaaday waxyaabaha eeddu ka imaan karto. Wuxuu ku dadaalay wixii dadkiisa iyo diintiisa waxtar u ahaa. Reerka waxaa Laascaanood looga yaqaannay ma dareemin. Waxaa la ii sheegay in ay magacaas ku dhajiyeen Dhulbahante intiisee kale, sababtuna waxay ahayd: Waxay diideen in ay ka qayb qaataan dagaalladii ahliga ahaa ee ayaga iyo Soomaalida kale dhex marayay xilligii ay dhacaysay dowladdii Maxamed Siyaad.

Markaasaa waxaa lagu xantay dammanaan, ayaguna waxay kaga jawaabeen, “Daneennaye dambaanaan kalahayn!” Yacnii waan ognahay mase galayno dagaalka baadilka ah. Waxaa noo yimid gurmad fara badan oo ka yimid ilaa Itoobiya. Saad ogtihiin Goday waxaan ku soo marnay ciidan xoog leh oo fadhiyay meeshii la oran jiray Halooyo. Waxaa noo yimid ciidan uu hoggaaminayo Sarkaal sare. Waxaan isla helnay ciidan xoog leh. Waxaan laba saldhig oo waawayn ku yeelannay carro Dhulbahante meesha lagu magacaabo Kalabayr oo dagaan u ah Bah-Ararsame iyo Laascaanood dhexdeeda. Ciidankaasi (Halooyo nooga yimid) markii uu maqlay siday noo jareen reer Garoowe iyo culumadii gobolku in yar oo Ilaahay u naxariistay mooyee ayay soo dhaqaajiyeen waxayna noogu yimaadeen Laascaanood. Ciidankaas waxaa hoggaaminayay Halyeygii Shiikh Mustafe Carab (taqabalahu-llaahu maca abiihi). Aabbihiisaa meel kula shihiiday inshaa Alaahu tacaalaa.

Muuqaalka Boosaaso iyo Barigii Siday Noo Galeen

Boosaaso markay ogaatay in lasii daayay madaxyawayntoodii ayay Ikhwaankii oo raba in ay magaalada ka baxaan weerar dhan walba ah kusoo qaadeen. Ciidankeena  Boosaaso ku sugnaa waxay ka koobnaayeen: Taliskii ama saraakiishii maamulka ugu sarraysay, ciidamo caadi ah oo loogu talagalay in ay ammaanka taliska sugaan ama ilaaliyaan, dumar iyo carruur fara badan oo ahaa muhaajiriintii koonfur ka timid iyo kuwa kale oo ku biiray intii Boosaaso la yimid waxayna noqdeen magaalo dhan oo tiri waan qaxaynaa. Xaggay gaari karaan? Allaahumma sallim, sallim!

Wadaaddadu ma rabaan in ay dadka laayaan oo waxay miciin bideen in ay cararaan oo ka baxaan carro Majeerteen ilayn xukunkii Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax riday ama maxkamaddii ayaa sidaas ahayd oo xukunku waa nagu wada dhacay haddaan nahay Ikhwaankii gobollada Bari xoogga ku qabsaday (siday maxkamaddu qabtay) meel aan joognayba (Mujaahidiintii) dadkuna dhiiggayaga ayay u ooman yihiin in ay daadiyaan oo ehelnimo iyo diin toonna laguu dhaafi maayo! Annaguna ma rabno in aan baadil ku dilno. Man qutila duuna maalihii wa nafsihii fahuwa shahiid ayaa noo furan. Taas xittaa Ictisaam waa nagu inkirsanyihiin!

Waa taan soo marnay Garoowe waxay nagu samaysay, ayadaana lagu dayanayaa oo waxaa banneeyay dhiigga Ikhwaanku in uu hadur yahay daaciga wayn iyo culumadii mustashaariinta u ahayd. Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax, Codwayn iyo Cali Xaaji iyo wixi la mida. Waxaa kaloo amarka baxshay madaxwaynihii tolka Cabdullaahi Yuusuf oo yiri ha ka shakiyina in aad laysaan Ikhwaanka, ninkii kun dilaa ajar wayn buu leeyahay ninkii nin dilaana ajar yar buu leeyahay, saasna waxaa noo sheegay ayuu yiri culumadayada. Odayaasha Ictisaam waxay qabaan in Mujaahidiinta Soomaaliya ka dagaalamaysaa ay yihiin Khawaarij!

Nebi Muxamed (sallallaahu calayhi wasallam) wuxuu noo sheegay in Khawaarij loo laayo sidii Caad iyo Thamuud. Wuxuu yiri, “Ninkii soo gaarow haka shakin dilkooda. Qofkii laayaa wuxuu helayaa ajar farabadan,” hadal sidaas oo kale ah ama udhow. Cabdullaahi Yuusuf, Cadde Muuse, Riyaale, Siilaanyo, Shariif Axmed, Faroole iyo wixi la mida, waxaa culumo u ahaa waagaas haddana wali u ah oo xalaasha iyo xaaraanta usheega, kan dhiiggiisu bannaanyahay iyo kan la badbaadinayo oo walaalkood ah (culumada Ictisaam).

Ma run baa in Mujaahidiintu Khawaarij yihiin?

Hadalkaasu hadal sahlan ma ahan. Waana tan keentay in Mujaahidiinta dhiiggooda shacabku bannaysto iyo ninkii jago raadis ahba sida Suufiyada, Hoggaamiya kooxeedka iyo Ictisaam laftooda. Fiiri Axmed Madoobe, Ibraahim Dheere iyo wixi la mida. Waa culumadii ama odayaashii Ictisaam ugu waawaynaa. Ibraahim Dheere wuxuu samaystay ciidan lagu magacaabo Niyuu Boolis oo gaaladu aad uhubaysay, wuxuuna ballan qaaday in uu Mujaahidiinta ku gumaado waana socdaa gumaadkii oo wuu kaga dhabeeyay. Dhagayso waraysigiisii Catoosh uu ka qaaday iyo siduu uga jawaabay oo aan leexleexadka lahayn, geesi caddaystay.

Axmed Madoobe ma cid baa shaki uga jirtaa weerarkuu habayn iyo maalinba ku hayo Wilaayaadka Islaamiga ah ee Jubbooyinka iyo Gedo? Waxaa udambeeyay oo uu ku xasuuqay Dhoobley Muslimiintii Kitaabka Ilaahay hoos harsanaysay iyo Mujaahidiintii tuugta iyo gaalada ka hortaagnayd. Wuxuu watay oo magaalada ku qabsaday diyaarado, taangiyo iyo ciidan Kiristaan ah oo ay taageerayaan murtaddiin gaalada la bahowday oo Dir iyo Daaroodba leh.

Axmed Madoobe markuu furinta ku dhibtoodo wuxuu ku daaltirtaa dhismaha wayn ee Nayroobi ku yaal oo ay leeyihiin Al-Ictisaam (Islii Mool). Wuxuu dhaawaca gaystaa cisbitaallada ugu waawayn ee ay Keenya leedahay. Waxaa saanadda iyo rasaasta siiya dawlado waawayn sida Maraykan, Itoobiya, Keenya iyo wixi la mida. Mar kasta oo uu dagaal qaadayo wuxuu la tashadaa Golaha Shuurada Al-Ictisaam ayagaana ku dhiirri galiya in uu waddanka ka sifeeyo Mujaahidiinta doonaya in ay Kitaabka Alle kor yeelaan iyo ehelkiisa. Ma taasaa shaki kaaga jiraa?

Ummadda Soomaaliyeed ee ku wareersan wadaaddadaan islaynaya aan idiin sheego waxa meesha yaalla oo run ah.

Mujaahidiintu waxay qabaan in dhiigiisu bannaanyahay Islaamnimadiina uu ka baxay qofkii gaalo kusoo duushay Muslimiinta soo raacaa oo safkooda soo gala. Waqti kuma xirna dad gaar ahna ma khusayso qofkii sifadaas laga helo wuxuu qaadanayaa xukunkaas isaga ah. Waana arrin Qur’aankuna ka hadlay sunnada Nebi Muxamedna (sallallaahu calyhi wasallam) ay ku caddahay. Muslimiinay hala baaro arrintaas ayadoo aan qolana loo eexanayn ee xaqa la raacayo. Maktabadda taga.

Al-Ictisaam muxuu ka aaminsan yahay Mujaahidiinta?

Odayaasha Ictisaam iyo qaybtooda hubaysan waxay ula dagaalamayaan Mujaahidiinta waxay ka aaminsanyihin in ay yihiin Khawaarij dilkoodu bannaan yahay. Waxay kula dagaallamaan ciidan hubaysan iyo xabbad, waxay kula dagaallamaan cunaqabatayn dhaqaale, waxay kula dagaallamaan borabagaando (tashwiish), waxay u kaalmaysteen dagaalkooda gaalo sida Maraykan, Itoobiya, Keenya, Buruundi, Ugaandha, Jabuuti iyo gobollada ay ka taliyaan hoggaamiye kooxeedku sida gobolada Waqooyi Bari (Boosaaso) iyo Waqooyi Galbeed (Hargaysa). Wallaahi ninkii wax kale sheega oo taas ka tagaa been buu sheegay daawo raadisna ma ahan ee wuxuu rabaa in dagaalku sii socdo. Muslimiiney hala baaro in ay Mujaahidiintu khawaarij yihiin iyo in kale. Maktabadda hala tago.

Cafwan aan Boosaaso ku noqonno iyo baqadirirkii Ikhwaanka

Wadaaddadii waxay u carareen dhankaas iyo carro Warsangali, reer Boosaasana gacantaa daashay say u laynayeen Ikhwaankii ay salaaddii subax ku daba tukanayeen ama ay mas’alooyinka diiniga ah wayddiinayeen. Wadaaddadii way baqo dirireen waxaana soo gaaray jab wayn. Wixii ka harayna waxay gaareen carro Warsangali. Waxayna galeen meesha lagu magacaabo Saliid.

Saliid waxay ku taallaa buur aad u dheer salkeeda, dhanka Bari waxaa ka xiga tuulo lagu magacaabo Durduri, dhanka qorrax u dhacana waxaa ka xiga magaalada Laasqoray, dhanka koonfureedna waxaa ka xiga buuro Ilaahay og yahay intay le’egyihiin waynankooda, dhanka waqooyina waxaa ka xiga badda.

Meeshay galeen waxay leedahay dhir waawayn oo la harsan karo laguna dhuuman karo, waxay leedahay biyo iska qulqulaya har iyo habeenba, waxay leedahay hal irid ah oo lagasoo galo inta kalana waxaa ka xiga buuro iyo togag waawayn oo aan si sahlan lagu soo gudbi karin difaac adagna way xirteen.

Halkaas ayey carruurtii iyo haweenkii gashadeen raggiina iridday kala fariisteen qoryahoodii oo aan rasaas badani ugu jirin. Foodda ayaase la galin waayay oo waxay noqdeen libaax daalay dirirtiisaa loo tagaa. Nin geeri utaaganu yuu ku dilin.

Majeerteen meel kasta ayuu isaga habarwacday, Daaroodka wax alla wixii iimaanlaawe ku  jiray waa yimeen, Xabashi baa loo yeertay. Lix bilood iyo wax ka badan ayaa go’doon lagu hayay oo meel walba laga fariistay. Waxaa lagu soo qaaday weerarro isdaba joog ah, mid kastana Ilaahay baa jabinayay oo guusha waxaa helayay dadkaan la dulmiyay oo carruurta iyo haweenka u badan.

Maxaa ka maqan Majeerteen oo ay u dabasocdaan Ikhwaankaan hadday dhulkoodii uga soo baxeen? Aaway Guddoomiyihii maxkamadda iyo xeer ilaaliyihiisii dadkaan kala xukumay? Ikhwaanka waxaa dambi looga dhigay laba arrimood.

  1. In ay dhulka Majeerteen xoog ku haysteen.
  2. In ay weerar gardarro ah ku qaadeen ikhyaartii cidda oo shir ku jirtay oo qaarna laayeen qaarna maxaabiis ahaan loo soo qabtay.

Hadday dad laayeen ayagiina waxaa laga laayay toban jibbaar dad dhan baa laga laayay, hadday maxaabiis qabsadeenna waxaa laga qabsaday maxaabiis farabadan, waxaa lagu xukumay in ay ka guuraan carro Majeerteen waana ka guureen maxaa loo dabasocdaa? Waxaas oo su’aalo ah waxaan u daynayaa akhristayaasha oo aniga hawl baa ii taal oo Laascaanaan ku noqonayaa.

Waxaa naloo iclaamiyay in aan safar dheer gali doonno, waxaa nala faray in aan is diyaarinno, waa la diyaar garoobay, waxaa la bixiyay amarkii ahaa dhaqaaqa, waan dhaqaaqnay. Waxaan u dhaqaaqnay carro Warsangali, maalmo kadib waxaan u dhawaannay caasimaddii Warsangaliga waa magaalada Badhan ama Baran. Waxay na hor dhigeen ciidan xoog leh, waxay ku hanjabeen haddaan u soo dhawaanno in ay birta naga asli doonaan, waan dagnay oo ergo ayaan dirsannay si aan u gudubno. Ergadii waxay keentay quus (diidmo).

Ciidanka waxaa hoggaankiisa hayay Shahiid Mustafe Carab (taqabalahu-llaahu). Wuxuu amar nagu siiyay in aan dhaqaaqno, waan dhaqaaqnay. Meeshu waa bannaan, waxaa noo muuqday cadawgii oo hortayada dhufays kaga jira, daqiiqado ka dibna waxaa dhacay qorraxdii. Waxaa na waday rag dhulka aad u kala yaqaan oo Ilaahay barakeeyay. Cadowgii markay ogaadeen in qorraxdii dhacday oo aan la isu jeedin ayay horay u dhaqaaqeen oo waxay noo galeen meel ay is lahaayeen waa ku qasban yihiin in ay soo maraan, maxaa yeelay meeshu waa buuralay oo waxaa ka baxday hal waddo oo ayagu ay fariisteen sida ay la ahayd ayaga. Sir-ma-qabe Rabbi baa u sahan ah.

Raggii horseedka noo ahaa ama dhulyaqaanka ayaa waxay ogaadeen in naloo galay waddadii waynayd, waxay noo weeciyeen waddo yar oo meel ciriiri ah ka baxda, kadibna waddada wayn ku soo dhacda. Waan dhaqaaqnay baabuurtiina waxaa loo damiyay layrkii. Waa mugdi, waxaan ku guulaysannay in aan ka gudubno khatartii waynayd oo aan ka baqaynay in aan isku dhacno raggaan. Nimankaas dhoohan oo dhiigdoonka ah Alle naga badbaadi waxaase dhacay dagaal aan waynayn oo ayagii iyo ilaaladayadii baa isku dhacay wax baana na kala gaaray. Waan ka gudubnay isbaarradii naloo dhigtay, waxaan fuulnay buurtii Geeldoora la oran jiray oo aad u dheer aadna u qabaw, khatarteeduna badan tahay. Waxaan sii rafannaba waxaan gaadhnay buurta dhakadeedii ama dusheedii.

Waxaan ku hakannay buurta dusheedii oo ay ku taal baraag yar oo biyo ku jiraan, meesha waxaa lagu magacaabaa Geedlarifay. Waqti kadib waxaan u dhaqaaqnay dhanka Laasqoray. Waddadu waa waddo aad u khatar ah, waxaa la marayaa meelo aadan naftaada ku aaminteen adoo lugaynaya, xoogaa markaan soconnay ayaa waxaa waddadii ka baxay baabuur Elji ah oo uu waday nin lagu magacaabi jiray Cabdicaziiz. Wuxuu ka mid ahaa raggii ama gawaaridii nooga soo gurmatay Halooyo. Ilaahay waa badbaadiyay wuxuuse galay khatar oo wuxuu ka dhici lahaa haadaan (meel aad u dheer), ciidan badanna wuu sarnaa.

Gabalkii baa dhacay, waxaan gaadhnay tuulo la yiraahdo Xabaashe Wacle oo buurta dhexdeeda ku taal, waxaa naga horyimid odayaashii magaalada oo uu hoggaaminayo nin lagu magacaabo Xaaji Yuusuf.

Xaajigu waa nin isku darsaday dhawr arrimood: geesinnimo, codkarnimo, deeqsinnimo, iyo talowanaag. Geesinnimada wuxuu ku mutaystay markuu noo yimid wuxuu noola tacaamulay sidii nin na yaqaan oo kale, waana sifada lagu yaqaan ninka geesiga ah. Talo wanaagga wuxuu ku mutaystay wuxuu yiri ciidanka halkaan dajiya caawa, markay qorraxdu soo baxdana tartiib u socda meeshu waa khatar badan tahay. Deeqsinnimada ciidankii intaas dhammaa asagaa sooray habeenkaas.

Ninku wuxuu ka dhashay qabiilka Aadam Siciid oo noqday Ansaartii labaad ee Ilaahay nagu mannaystay. Waxaa mudan in laga sheekeeyo ninkii isku kaaya xiray ama kasoo shaqeeyay isfahamka wadaaddada iyo Aadan Siciid: Wuxuu ahaa ninkii lagu magacaabi jiray Wadaadyare. Waxaa na dhibay oo jidgooyada noo dhigtay jufada loo yaqaan Dubays iyo intii  ku raacday oo iimaan-laawayaal ahaa. Waxaase ceebtoodii daboolay Aadan Siciid oo uu hoggaaminayay Wadaadyare iyo Xaaji Yuusuf iyo intii taladaas ku raacday oo iimaanku ka muuqday, Culumo, Nabadoonno iyo rag ikhyaar ah. Culumada waxaa kamid ahaa Cali Ceelaayo.

Waxaa soo gurmaday Mujaahidiintii mucaskarka ku lahaa magaalada Burco. Ciidan aan yarayn oo wata tikniko oo aad u qalabaysan ayaa ka soo dhaqaaqay Burco iyo agagaarkeeda. Ciidammadaas waxaa hoggaaminayey Sheekh Imaam Maxamed, ku-xigeenna waxaa u ahaa Sheekh Cabdiqani Aw Saalax iyo Sheekh Maxamuud Maxamed Nuur.

Markay meel dhexe soo marayeen ayaa waxaa ka gaddoomay gaari. Dhibkii gaaray ma sifayn karo dhibse waa dhacay. Ciidammadu waa ismaqlaan oo waxaa lagu wada hadlayaa halowhalow oo waagaas taleefanno iyo moobayl ma jirin, markii la ogaaday in ciidankii dhibkaasu gaaray ayaa waxaa lagu yiri iska noqda annagaa ku filan xallinta arrintaane, wayna diideen in ay noqdaan oo waxay dheheen nololi nooma eka iyo in aan nasanno anagoon gaarin ujeedkaan u soo baxnay. Ujeeddadu waxay ahayd in ay Saliid gaaraan si ay carruurta iyo haweenka go’doonka ah usoo furtaan. Dhaawacoodii ayay horay u soo qaateen waana soo dhaqaaqeen. Waa Ansaartii saddexaad.

Akhristayaalow ma taqaanniin ujeeddada ay walaaluhu u soo baxeen oo ay rabaan in ay ka sal gaaraan? Anigase wali ma i waydiiseen xaggeed u socotaan? Laa yusalliyanna axadukum illaa fii Banii Quraydah. Waxaan ku ballannay in aan la nasan illaa Saliid aan cagaha dhigno labadayada qolaba.

Dhib dheer dabadiina waxaan u dhaadhacnay xeebtii Laasqoray, halkaas ayaan isku diyaarinnay waxaana ku ballannay in aan kala quusanno maalmaha soo socda annaga iyo Ina Yuusuf Yeey iyo xulufadiisii oo caado ka dhigtay in ay ku faanaan intaasoo Ikhwaan ah baan dilay intii hartayna halkaanay noogu xeraysan yihiin oo aan ku hor fadhinnaa illaa ay iska dhiibayaan ka tagi mayno.

Waxay ila tahay in aan diyaar garowno oo nafta iyo maalka hurno, ma mooryaanta aan Ilaahay aqoon baad ka liidataan ayaguba naftoodii iyo maalkoodii waxay ku bixiyeen difaaca Ina Yuusuf Yeey, maxaad u difaaci la’dihiin diinta Ilaahay iyo gabdhaha muxajjabaadka ah iyo carruurtoodii oo aan waxba galabsan oo lix bilood loogu laayay gaajada iyo macaluusha buurta salkeeda? Maxaa dhiiggiinnu u dhaqaqi la’yahay? War meesha naga kiciya hubkiinnana qaata.

Waa inoo barri iyo reer Banii Quraydah.