Yearly Archives: 2014

Qeybta 15aad

Ikhwaanii maalinkii saddexaad baa la galay, wakhtiguna waa barqadii subaxnimo. Waxaa isugu keen dambaysay ayadoo xilkii lagu wareejiyay culumadii magaalada ka timid oo uu hoggaaminayay Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax. Waxaa billowday shirar iyo faq hoose oo aan dadka intiisa badani ka qaybgalayn, faqaas iyo shirkaasi wuxuu dhexmarayaa ragga talada loo dhiibay ee cusub iyo raggii talada laga qaaday wixii ka haray ama fayow.

Waxaa muddo qaadatay in go’aan la gaaro, maxaa yeelay waxaa laga doodayey ayaa ahayd rag la rabay in surka laga jaro oo go’aankii lagu dili lahaa dhacay ayaa la rabaa in la badbaadiyo. Xeer ilaaliyaha raba in uu sii daayo raggaan maxkamaddu ku xukuntay dilka ma haysto wax xujo ah oo uu u cuskado siidayntooda oo aan ka ahayn: “Talada aniga ha la ii daayo, anaa aqaan nimankaan oo niman dil loo quuro ma ahan, cadowna ma ahan oo saad u malayseen raggu ma aha, waa tol, waa waxgaradkii magaalada, haddii intaan la laayo qabiilku waa dabar go’ayaa, sidaan dacwada danu uguma jiro,” iyo wixi la mida

Gunaanadkii Maxkamadda iyo Siday u Dhacday

Waa in la sii daayaa dhammaan maxaabiista lagu soo qabtay gardarrada aan geedka loogu soo gabo lahayn. Waa in la siiyaa wax alla wixii hanti ah oo laga qaaday. Waa in la hubiyaa in arrintaasi dhaqan gashay (waa siidayntooda) oo guryahoodii lagu hubsado hantidoodiina (Qaniimadii) la siiyo.

Waxay kaloo maxkamaddu xukun ku ridday Ikhwaankii soo duulay ama shisheeyihii ku habsaday Gobollada Majeerteenya ama xoogga ku qabsaday, waxayna maxkamaddii u dhacday sidaan. Waa in aad ka baxdaan dhulka Majeerteenyo dhammaantiis. Waa in aad dhaqaaqdaan xilliga maxkamaddu dhammaato ama ay go’aanka gaarto, hadaad sii joogtaan maxkamaddu mas’uul kama noqon doonto nabadgalyadiina, maxkamaddiina waa xirantay.

Wakhtigu waa casar dabadii waxaa la gudagalay in la fuliyo maxkamadda go’aannadeedii, maxaabiistii baa god ay ku jireen laga soo saaray, waxaa lagu soo dhex daayay ciidankayagii oo isugu jira mid mayd ah oo shalay Shihiiday idan Alle, mid dhaawac ah oo taahaya, mid khalkhal iyo balbaliso uu ku riday Xuseen Cabdulle Codwayn ka dib markuu si jeesjees ah u yiri Majeerteen idinka hari maayo illaa uu Wabi Shabeelle idin geeyo, haddana waxayba yaqiinsadeen in lagu soo fasixi doono Majeerteenkii naxariis darrada lagu sifeeyay, hadalkii Codwayn baa saas ahaaye.

Fiiro Gaar ah: Halkaan waxaa ku jiray cod laga qabtay Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax oo ku ceebaynaya Culumada Ictisaam qaar kamid ah oo ay ka buuxdo qabyaalad iyo casabiyad. Waxaan kaloo ognahay in ay rag isqabteen uu kamid yahay Shiikh Bashiir Salaad oo wakhtigaan Ictisaam u ah guddoomiye. Waxaana ninba ninka kale ku yiri: “Waxaad tahay qabiilayste,” “Ma ahiye adigaa ah,” iyo wixi la mida.

Cafwan aan maxkamadda dhagaysanno.

Arrintu si kastaba ha ahaatee waxaa nala amray in aan soo wareejinno hantidaan haynay oo maxaabiistu lahayd, amarkaasna waan qaadannay. Aniga waxaa gacantayda ku jiray gaari Laankuruusar ah oo intaan hayay aan wax badan Islaamka ugu qabtay, waan wareejiyay, nin waliba wuxuu hayey ayuu soo wareejiyay, annagoo gorodda laalaadinayna oo ay naga muuqato moraalxumo wayn ayaan dhammaan amarradaas fooshaxun fulinnay.

Nimankaan godka lagasoo saaray waxaa ka buuxa rag khubaro ciidan ah oo waa raggii shirka ku jiray oo dajinayay naqshaddii nalagu qabsan lahaa, ishay na mariyeen, waana fiirfiiriyeen, waxay arkeen sidaan u kaladaadsannahay iyo burburka naga muuqda, waxaa nalagu amray in aan gudbinno oo aan gayno magaaladoodii ayagoo fayow, waan yeelnay, gabalkii baa dhacay walise waa iftiin.

Ciidanka aan maxaabiistiisa siidaynay waanoo muuqdaa oo meel walba dhufays baa la isku horfadhiyaa, meeshuna waa bannaan dhag ah ama aan geed lahayn. Amar kalaa la baxshay isla wakhtigiiba, waxaa la yiri dhaqaaqa oo fuliya xukunkii idinku dhacay oo ahaa in aad carro Majeerteen ka baxdaan, waan qaadannay amarkaas foolxumada leh oo dhiiggu ka da’ayo.

Ciidamadii baan amar ku siinnay in ay dhufayska ka soo baxaan cadawgii oo u jeeda, waa yeeleen amarkaas aan salka ku lahayn takhdiid ciidan ay cadaw is horfadhiyaan. Waxaan fuulnay baabuurtii, kolonyana waan galnay. Waa maqribkii maalin Axad ah ma aqaan in aan tukaday iyo in kale, waxaanse hubaa in aanaan adimin oo aqimin oo aanan jameeco ku wada tukan balaayada nagu habsatay awgeed.

Ciidankii dhaqaaq buu diyaar u yahay, waxaan ahaa raggii ugu dambeeyay ciidanka, waxaa ila soo istaagay Shiikh Cabdulqaadir Nuur, wuxuu igu yiri waxaan aadayaa ciidammadaas waana ciidammadii cadowga ciidanka uu sheegayo shiikhu! Wuxuu yiri waxaan isku dayayaa in aan maaweeliyo ee haddaad i waydaan muddo yar iska taga.

Muxuu uga jeeday Shiikhu waxaan maaweelinayaa nimankaas ee haddaad i waydaan iska taga? Iima uusan sheegin wuxuu uga jeeday anigase sidaas ayuu igu yiri, waxaanse u fahmay in uu ka baqayay anagoo aan meesha ka dhaqaaqin in dagaal dhaco oo wuxuu rabay in meel Garoowe ka baxsan dagaalku ka dhaco! Maxaa yeelay labada ciidan waa is horfadhiyeen, saaxiibtinimana nagama dhaxayn, waxayna hubaan in aan jabnay wadaadkuna waa midka na jabiyay wuxuuse rabay asagoo aan ciidanka Al-itixaad dhexjoogin in la jabiyo wuuna ku guulaystay arrinkaas oo waxaa nala sugayay intaan magaalada ka fogaanaynay.

Ma aannaan sugin wadaadkaas cadowgii ku dhex laabtay ee waan dhaqaaqnay. Waxaa noo saaran baabuurta dhaawac farabadan oo uu kamid yahay halyaygii ahaa Shiikh Cabdulqaadir Cabdullaahi (taqabalahu-llaahu). Waxaan dhufayskii ka soo saarnay ciidankii Rabaable fadhiyey oo muhiim noo ahaa oo hor taagnaa ciidammadii ka soo gurmatay Gaalkacyo. Habeenkii oo dhan ayaanu soconnay ama baabuurtii saarnayn waxaanse soconnay wax ka yar 5 kiilomitir.

Waxa dhibka ugu wayn noo keenay waxay ahayd gaari aannaan ka maarmin ayaa naga xumaaday, waxaa lagu dadaalayay in la hagaajiyo mase dhicin. Markii laga quustay ayaa mid kale lagu jiiday. Islamarkiiba waxaa baryay waagii, wixii aan aragnay oo noogu horreeyay wuxuu ahaa bahalka dhurwaa ah ama waraabe, waxaa xigayna waxay ahayd ciidankii cadowga oo meel walba naga fadhiya ayaan aragnay dagaal baana billawday.

Waxaan ku guulaysannay in aan iska caabbinno cadowgii na gaaday ama na khayaameeyay. Waxaan ka dagnay gaadiidkii, darawalladii baabuurtana waxaan ku niri iska socda illaa carro Dhulbahante. Meesha aannu joognay waa meel aan ka fogayn magaalada Garoowe, waxayna ka xigtaa dhanka qorax-udhaca. Waa dhul wada togag ah oo togaggana ay biyo ku jiraan, waddada aanu marayno waa waddo jidcadde ah waxaanna isku daynay in aan laamiga weyn ee ka baxa magaalada Garoowe ee aada magaalada Laascaanood aannu ku dhacno.

Wax yar kadib waxaa noo muuqday laamigii, aad ayuu ciidankii u farxay, waxaana isla markiiba loo socod-boobsiiyey dhankii laamiga, balse waa meel Alle wax ka wadee farxaddii masii socon. Laamigii aan u soconnay ayaa waxaa nooga muuqday gawaari gaashaaman. Tiknikadaasi waa tii cadowga waxayna ka war heleen in aannu waddadaan u soo soconno.

Jidka ayey noosii fariisteen, ciidamadeennii waxaa la siiyey amarkii ugu dambeeyey ee dagaalka waxaana loo sheegay in dagaal billaabanayo, wax yar ka dib labadii ciidan ayaa isku soo dhowaaday waxaana markiiba billaabatay xabbaddii, waxaan galnay dagaal kharaar ama faraha looga gubtay oo aan gaarnay heer aan isdhexgalnay cadowgii. Ilaahay guul buu naga siiyay oo waan jiirnay, baabuurtiina waa na hor socdaan, annaguna baabuurta ayaan daba soconnaa wixii naga daba yimaadana xabbad baan sanka ka galinnaa oo waa iska reebnaa.

Anagoo guul ku fadhinna cadawgiina iska caabbinay oo aan markaas joogno xuduud beenaadkii Majeerteenka iyo Dhulbahantaha, ayaa waxaan aragnay baabuurtii socotay oo inta soo laabatay iskadaba wareegaysa, waan soo gaadhnay. Waxaa meesha ku yaalla tog wayn oo la yiraahdo Bixin wuxuuna hoos u qodan yahay dhowr mitir, dhererkana wuxuu taxan yahay buurta ilaa laamigii oo cadow noo fadhiyo.

Meeshu waa Buuro-Wadal agteeda, togguna waa Bixin, suuragalna ma ahan in aan gaadiidka kala gudubno toggaan, cadowgiina waa naga daba yimid markay arkeen jahwareerka nagu dhacay, annagana waxaa nagu dhacay haziimo aan haziimo ka dambayn oo noqotay tii ay ku burburtay dawladdii Al-Itixaad Al-Islaami, waa burburkii koowaad. Sababtana waxaa lahaa Shiikh Cabdiqaadir Nuur Faarax iyo saaxiibbadiisii Codwayn iyo Cali Xaaji Warsame. Ictisaam gar baa taal!

Baabuur faras cadde ah (Bii.Jii.) ayaa meel isku tuuray oo baxsaday, waxaa waday nin la oran jiray Cabdirisaaq Oktoobar. Baabuurtayadii intii kale iyo wixii saarnaa oo dad iyo maalba lahaa waxaa qabsaday cadowgii. Waxay qabsadeen tiknikadii iyo baabuurtii xamuulka ahayd intaba.

Waxaa saarnaa baabuurta mid kamid ah Amiirkayagii oo dhaawac fudud ah iyo mucallimiin fara badan oo ayaguna dhaawac ah ama xanuunsanaa, Allaahul Mustacaan. Waxaa maalinkaas gacantu daashay saynoo laynayeen ama noo gowracayeen SSDF oo aan ukala harin Madaxdoodii, Culumadoodii iyo Shacabkoodii intaba nin Ilaahay u naxariistay mooyee!

Waxaa ka mid ahaa ragga loo xilsaaray in ay gowracaan Ikhwaankaan soo xadgudbay nin lagu magacaabi jiray Dhegjar. Muslimiinta la laayay ma ahayn oo kaliya kuwii Bixin iyo Buurowadal lagu helay, waxaa ka mid ahaa ragga maalinkaas birta laga aslay ducaaddii Garoowe joogtay oo ay dhaleen reer Garoowe laftoodu. Ragga aan la ilaawi karin oo maalinkaas la gowracay waxaa kamid ahaa: Macallinkii magaalada ahaana Imaamkii Masjidka Al-Hudaa. Waa Masaajidkii ugu horreeyey ee dacwadan Salafiga ah oo laga dhiso Garoowe, Mucallimka ama Imaamka magaciisu waa Cabdulcaziiz Jaamac Aadam (taqabalahu-llaah). Reer Garoowe shahiidkaasi markuu tujinayo salaadaha jahriga ah oo codkiisu bannaanka usoo baxo, dadku waa istaagi jireen si ay ugu raaxaystaan Qaari’ul Qur’aankaan Ilaahay hibada u siiyay codmacaanida, waxaanna akhbaar ku helnay cadowgii gowracayey (Dhagjar) markuu gowracay in uu yiri, “Wallee mar dambe codkaaga kuma raaxaystaan reer Garoowe!”

Bixinu waa tuma? Muxuuse ka yiri Sayid Maxamed Cabdulle Xasan?

Nin dooriyo wixii shiikh ladilay culumadii diinka
Wixii duubcaddii ay wadhnayd Bixin duleedkeeda
Dooxada Garoowe ah wuxuu haadku dulufleeyay
Dirirtii Nugaaleed wixii nalagu dooxaayey
Wixii diricyadaydii kufrigu daabaca u qaaday
Duqow iyo dhallaan iyo waxaan dumar naloo reebin!

Allaahu akbar! Maxaa shalay maanta uga eg. Bal eeg siday isu waafaqday taariikhdu! Meeshu waa meeshii Mabdu’una waa mabda’ii dadkuna waa dadkii taariikhdu haba kala duwanaatee. Ma hilmaami doonno dhibka ay nagu hayaan dadka caadaystay la dagaalanka diinta Ilaahay iyo Ducaad-laynta.

Waxaa ka mid ahaa meelaha Ikhwaankii lagu gumaaday: Boosaaso, Burar-ciideed, Garoowe iyo meelo fara badan oo aannaan soo koobi karin. Aan isha marinno magaalooyinka Ikhwaanka lagu laayay siday u kala caqli roonayeen ama Islaamka ugu kala cadaawad badnaayeen.

Garoowe: Waa tii ugu axmaqsanayd culumo iyo caamaba dadkii ka talinayay in yar oo Ilaahay u naxariistay mooyee. Boosaaso: waa tii labaad xagga dhoohnaanta (caqlixumo) ama la dagaalanka diinta Islaamka. Burar-ciideed: Waxay samaysay wax uu ka xishooday Cabdullaahi Yuusuf oo aan gobolka soo marin (Waqooyi Bari) dhaqan ahaan iyo diin ahaan nin ka liita bulshada deggan.

Qardho: Waxay noqotay magaalada kaliya oo ka badbaadday ceebta aan hareyn adduun iyo aakhiro toona. Qardho waa meesha makri kasta lagu maleego oo waxaa fadhiya Boqortooyada reerka ama maskaxda gobolka laga maamulo. Isma muujiyaan oo waxay ku adeegtaan iimaan laawayaasha reerka iyo juhalada.

Garoowe dambiyo gaarsiiyay in ay carruurtoodii laayaan ayay gashay ayagoon ka fiirsan culumo iyo caamaba, waxaadna mooddaa in ay noqdeen kuwii uu ku faanayay Codwayn ee uu lahaa: “Majeerteen nin idinka reebi maayo hadday jaanis idiin helaan ee carara oo wabi Shabeelle xagga u gooya!”

Boosaaso waxay la dabeecad noqotay dhurwaa baahan. Dhurwaagu wuxuu cunaa xoolaha yaryar sida ariga, waxaa dabeecaddiisa ka mid ah ama fulaynimadiisa: Neefkoo soo fiirinaya ma cuni karo si kasta oo baahi uhayso, markii xooluhu kasii jeestaan ayuu gaadaa oo dabada ku dhagaa asagoo taxadaraya!

Reer Boosaaso intii wadaaddadu horfadhiyeen far ma dhaqaajin oo madaxay hoos u foorarinayeen, markay dheheen wadaaddadu magaaladaan ka baxaynaa ee na nabad galiya oo ay dhaqaaqeen ayay mar qur ah kusoo yaaceen oo sidii bahalka yeyga ah oo kale waxay gadaal uga cuneen Ikhwaankii yiri waan idinka tagaynaa ee na nabadgaliya. Fulaygu geesiga wajigiisa ma istaago.

Burar-ciideed ciidan baa noo joogay xoog leh, waa iska insixaabeen oo waxay aadeen xaggaa iyo carro Dhulbahante. Waxaa ciidan abaabushay oo daba galay nin lagu magacaabo Cali Baadiye, wuxuu uga dabatagay meel dhexe oo hawd ah, fooddaa la isdaray, waxaa markiiba jabay ciidankii Cali Baadiye asagiina caguhuu wax ka dayay, qalab aan yaraynna waa laga furtay.

Ma taqaan ninka ciidanka Ikhwaanka wata oo Cali isku taagay? Waa Caaqil Cabdiwahaab Maxamuud Guray. Caaqilkii iyo ciidankiisii waxay ka cid galeen ayagoo fayaw carro Dhulbahante. Cali Baadiye iyo goob walba oo dagaalku ka socdo waxaa daqiiqad daqiiqad ula soo hadlaya Ina Yeey oo leh: “Dadkaan nagu soo duulay ee shisheeyaha ah hal qof yuu ka baxsan ee ka dhiga waxaad dishaan iyo waxaad nolol kusoo qabataan!”

Cali Baadiye waxaa la fool xumaatay in uu gacmo maran geeyo Garoowe oo ballantu tahay in la isugu yimaado markii Ikhwaanka laga sifeeyo waddanka. Cali wuxuu ku soo laabtay Burar-ciideed oo ahayd meeshii Ikhwaanku ka haajireen, waxayse ka tageen haweenkii iyo carruurtii oo ayagu aan waxba galabsan, loollankana aan ku jirin.

Cali amar buu wuxuu ku bixiyay in dhammaan gabdhaha xijaabka qaba lasoo qabqabto. Waa lasoo qabqabtay, wuu qafaashay oo maxaabiis ayuu ka dhigay wuxuuna lasoo aaday Garoowe. Markii Garoowe la yimid oo maxaabiistii la isu keenay nin walbaa wuxuu lahaa oo ku faanayey anigu intaasna waan dilay in taasna maxaabiis baan u hayaa. Cali wuxuu ribood ku baxshay in uu soo qabqabtay dumar aan yarayn oo Ikhwaan ah kuwa kalana laayay!

Cabdullaahi Yuusuf inta warxumadiisii u adkaysan waayay ayuu cay kala daalay. Wuxuu yiri: “War siiddaa dumarka hoog ha kugu dhecee rag baan is haynaaye.” Cabdullaahi Yuusuf maalinkaas wuxuu ciyaaray door muhiim u ah taariikhdiisa madow. Reer Qardho maalinkaas dowr waxay ciyaareen Boqornimadii ay sheegan jireen ay muujiyeen ama gobannimo dheeraad ah ama caqli shaqaynaya iyo ceeb ka carar. (Raad xun)

Qardho waxaa ka furnaa Mucaskar, ciidan baa joogay, markii dagaalkii dhacay oo lasoo sheegay in Ikhwaankii la jabiyay ayaa ayagiina weerar lagu soo qaaday. Waxaa dhacay xoogow dagaal ah. Waa la qabqabtay oo waxaa laga dhigay maxaabiis.  Reer Qardho waa tashadeen waxayna go’aansadeen in ay badbaadiyaan raggaan. Waxay galeen takhdiidkii ay ku siidayn lahaayeen.

Ciidankii bay u yeereen, way la tashadeen, waxaa la yiri maxaad jeceshihiin oo aan idiin yeelnaa? Waxay dheheen waxaan rabnaa in aan walaalahayo ka daba hijroono ama aadno meeshay joogaan, waxaa la yiri isdiyaariya rag dhul aqoon ahna waa lagu daray oo waxaa la yiri illaa aad  carro Dhulbahante gaysaan ha ka soo noqonina raggaas wayna yeeleen oo waxay gaarsiiyeen walaalahood raggii oo nabad qaba. Reer Qardho waa iska aamuseen intii la iscayrsanayay.

Ina Yeey wuxuu ogaa ciidan xoog leh in uu fadhiyo Qardho, wuxuu amar ku siiyay reer Qardho in ay soo qabtaan wiilashaan ay dhaleen. Waxay reer Qardho ku jawaabeen boowow waan haynaa ee ha walwalin. Markay hubsadeen in ay galeen carro Dhulbahante ayay qaylo dhaan u soo direen oo waxay dheheen boowow raggii waa baxsadeen. Saas ayeyna raggoodii ku badbaadsadeen.

Sidaad aragtaan baa dhacday, oo ciidankii Al-Itixaad Al-Islaami ay ku qabsadeen Gobollada Waqooyi Bari oo inta Daarood oo dhami isu tagay oo foodda galin waayay, dhan ciidan iyo dhan siyaasadeed intaba, in muddo ahna ka talinayay Gobolka. Waxaa jabiyay saddex nin oo fara bannaan oo aan hub wadan.

Dowladdii Al-Itixaad oo xoogga waynayd waxay saddexdaas nin oo fara bannaan ku jabiyeen waxay ahayd: aaminaad la aaminay iyo ixtiraam dheer oo la siiyey. Waxay kaloo nagu jabiyeen culumo u ekaan. Suufiyadaa dhihi jirtay: Culumo yay dad u ekaan kugu dilin ayagoo Sufahada bajinaya si ay xoolohooda baadil ugu cunaan. Ictisaam baa Suufiyo ka daray oo dhiiggayagii ku banaystay: Culumadu dadka la mid ma ahan ama uma eka, ma khaldamaan ee raaca warkooda.

Magacyadii eedaysanayaasha maalinkii Garoowe.

  1. Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax Gacamay
  2. Xuseen Cabdalla Codwayn
  3. Cali Xaaji Warsame

Waxaan markhaati ka ahay in ay sidaan sheegayo wax udhaceen oo Muslimiintii waagaas la baabi’iyey mas’uuliyaddeeda qaadayaan saddexdaan nin oo aan kor kusoo xusay. Waxaana waayeel u ahaa ama Guddoomiyahooda ahaa Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax.  Shiikhu ma qarsan jirin in uu baabi’iyey mucaskaraadkii Al-Itixaad bal wuu ku faanayaa oo meel walba ayuu la taagan yahay anaa saas yeelay.

Waxaa la heli karaa wadaadka oo cod dheer ku leh, “Anaa ka dambeeyey in la kala diro dawladdii Al-Itixaad Al-Islaami.” Wadaadku markuu kala dirayay Ciidammadii Al-Itixaad kuma kala dirin in uu fasax siiyay ee wuxuu ku kala diray dagaal lagu baabi’iyay oo wuxuu ka dhigay mid la dilo, mid la dhaawaco iyo mid hubkii laga dhigay oo hoggaamiye kooxeed la hoos geeyay ama shacab looga dhigay.

Dib u milicsada maxkamaddii uu qaaday wadaadku, waxayna u dhacday sidaan sheegay, qofkii wax ka baddalan sheega anaa diyaar u ah in aan kala doodo illaa aan isa soo horfariisanno.

Waa run arrintaasu waxaanna u daynayaa xukunkeeda akhristayaashii aan iri soo raadiya garyaqaanno arritaan gorfeeya. Waxaan idin xasuusinayaa Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax markuu dacwada ka wadi jiray gobollada Koonfureed uma dulqaadan jirin Diinta Ilaahay oo dhulka taal, waana tan keentay in la xiro markay u adkaysan wayday dowladdii Maxamed Siyaad, dadkana wuxuu u tusay Cabdulqaadir in ay dowladdaasi tahay dowlad kaafirad ah oo aan lagu hoos noolaan karin, in lala dagaallamaana ay bannaan tahay. Maxaa isbadalay?

Shiikhu 20 sano ayuu ku hoos nool yahay kuwo Maxamed Siyaad shiikh u noqonayo marka dhaqankooda la arko  iyo maamulkooda ama siday Islaamka u gumaadayaan, walina lama hayo asagoo dadka uga digaya diin la’aantooda iyo dhibka ay Muslimiinta ku hayaan oo ay dadka diintoodii ka fidneeyeen. Bal gaaladii Maxamed Siyaad dhulka ka hortaagnaa oo dagaalku ka dhexeeyay ayay saaxiib ka dhigteen diintii iyo Culumadeediiba ka iibsadeen. Shiikhuna waa ku qancay maamul wanaaggooda iyo siday gaalada usoo dhawaysteen Muslimiintiina isaga fogeeyeen (Mujaahidiintii gaalada hortaagnayd).

Fiiro Gaar ah: Shubho ka imaan karta maxaabiistii lasii daayay

Waxaan rabaa intaysan soo luggo’in qolooyinka shubuhaadka la dabadhigay in aan ka hortago. Maxay tahay shubhadoodu? Waxaa laga yaabaa in qaarkood dhahaan, “Nebi Muxamedba (sallallaahu calayhi wasallam) wuxuu sii daayay gaaladii Badar oo kuwaan ka dhib badnaa maxaa ku jaban in la sii daayo niman Soomaliyeed?” Waxaan uga jawaabayaa Isku baab ma ahan.

Marka koowaad Nebigu (sallallaahu calayhi wasallam) wuxuu ahaa Qaa’idkii ciidanka maxaabiista qabsaday, wuxuu la tashaday raggiisii ugu qiimaha badnaa qaar baana ku raacay, markuu sii daayay ama madaxfurasho ka qaatay cadawgii intuu aaday  guryahoodii (Garoowe) ma gacalaysan gurina lama galin shiikhna uma noqon ee waxaa ka dhexeeyay cadaawaddii keentay in wiilku aabbihiis dilo. Nebiga (sallallaahu calayhi wasallam) waa la canaantay oo khatar bay galeen Ilaahay baase u dambi dhaafay. Xaggee isaga eg yihiin labadaas arrimood, Jihaad fitan ku sheegow? Isuma eka isku xukunna ma ahan!

Ikhwaanay horaan u cudurdaartay. Mar labaadna waan cudurdaaranayaa, wixii aan qormadaan ku sheego dan gaar ah kama lihi oo aan ka ahayn in aan caddeeyo wixii nasoo maray oo waliba naloo sii ciil qabo (Allaahul Mustacaan). Hawl baa noo taal caawa oo raggii waxay noqdeen wax la dilo, wax la dhaawacay, wax cararay oo la la’ yahay meel ay jaan iyo cirib dhigeen, ciidanku jiha walba ayay u baxsadeen, laakiin intiisii badayd waxay aadday dhanka reer Dhulbahante oo maalinkaas muujiyay Darwiishnimadoodii iyo wixii ku duugnaa oo jihaad jacayl ahaa.

Waxaa maantoo kale ugu muhiimsan in la helo caano iyo biyo la isku daray magacoodana waxaa la yiraahdaa barax, waxaa lagu dabiibaa dadka firxaday oo dhanqalmay sidayda oo kale. Qof walbow soo qaad dhoon horaad barax ah ama haan wayn oo biyo iyo caano ah. Inoo dhaqaajiya dhankaas iyo carro Dhulbahante, ayagaa maantoo kale loo baxsadaa oo wax ka yaqaan rag dagaallamay iyo xeerar dhigashadiisa. Huwantaanu waa howtulhamag!

Qeybta 14aad

Walaalayal waagii ayaa noo baryay iyadoon dagaal dambe dhicin, xalay waxaa socday wadahadallo ku saabsan maxaabiista iyo wixii laga yeeli lahaa, wadaaddadii magaalada ka yimid waxaan ogayn ayagoo damcay in ay si sahlan ku sii daayaan raggaan ay garteen oo waxay damceen in ay u shafeeco qaadaan, waxaase lagala horyimid xujooyin ay mari waayeen. Waxay billaabeen in ay wadaaddada kala shukaamiyaan oo ay ka dhaadhiciyaan in lasii daayo maxaabiistaan dambiilayaasha ah ayadoon aan maxkamad la saarin.

Waxaa kuu muuqanaya ciidankii oo koox koox u taagan ama u fadhiya oo madaxa iskula jira, waxay abuureen buuq iyo balbalo ciidanka dhexdiisii ah. Wadaaddadaan magaalada nooga yimid waxay ahaayeen saddex. markay Mucaskarkii soo dhex galeen oo ay arkeen jawigii Mucaskarkaan ay ku yaqaanneen oo isbaddalay ayagiina waa isbaddaleen, maxaa yeelay waxaa daadsan maydkii Shuhadadii oo aan wali la xabaalin, waxaa daadsan dhaawacyo fara badan, waxaa noo xirxiran oo aad u dullaysan rag shalay ay ogaayeen ayagoo caziiziin ah.

Waxaas oo dhan markay arkeen ayaa nin walba oo saddexdii nin kamid ahaa maskaxdiisii waxay ushaqaysay qaab gooni ah ama nin walba wax buu is tusay.

Kaalintii Shiikh Cabdiqaadir Nuur Faarax

Shiikh Cabdulqaadir Nuur cimaamaddii ayuu tuurtay, wuxuu isku mashquuliyay siduu wadaaddada uga dhaadhicin lahaa in lasii daayo dadkaan birmagaydada ah waa siday asaga la ahayde. Wuxuu garka iska laalaadiyay Shiikh Cabdulqaadir Cabdullaahi oo ahaa madaxii ugu sarreeyey Mucaskarka. Shiikh Cabdulqaadir Cabdullaahi mawqif sidee ah ayuu qaatay maalinkaas?

Wuxuu qaatay mawqif kala gooyay asaga iyo Ikhwaankii magaalada ka soo gurmaday oo rabay in lasii daayo mujrimiintaan Ilaahay Islaamka ka qabtay dhibkay ku hayeen muddo dheer. Ina Cabdullaahi dhag jalaq uma siin wadaaddadaan xammiyaddu qaadday. Wuxuu billaabay in uu la tashado golahiisii sare ee ciidankiisa. Xiwaar dheer kadib waxaa go’aankii noqday in maxaabiistaan la kala saaro oo nin walba dambigiisa lagu qaado, kii dil muta dil lagu xukumo, kii xabsi muta xabsi lagu xukumo, kii siiddayn mutana la sii daayo.

Kaalintii Xuseen Cabdalle Codwayn

Xuseen Cabdalle Codwayn wuxuu billaabay in uu ciidanka dhex galo oo uu u sheego in meeshaan balaayo ka soo socoto, wuxuu billaabay in uu argaggax-galin ku rido ciidankii ama cabsi-galin, waxaa hadalladiisii ka mid ahaa oo aan anigu dhagahayga ku maqlayay: “Ma Majeerteen baa dhiiggooda la tusaa? War wallaahi inaad carartaan oo Wabi Shabeelle goysaan mooyee in aysan idinka harayn Majeerteen ee intaad fayawdihiin carara,” iyo wixi la mida.

Codwayn wuxuu kaloo soo dhagaysanayaa ama soo xuuraamayaa waxa laga damacsan yahay raggaan maxaabiista ah, waxaa suuqa la soo galinayay in la rabo in la dilo Cabdullaahi Yuusuf iyo saaxiibbadiis. Ina Abshir Hamaan iyo saaxiibbadiisna lasii daayo. Ciidankii baa kala baxay. “Car yaa dili kara ina adeerkay?” Haddana waxaa suuqa la soo galiyay waxaa la dili rabaa Ina Abshir Hamaan iyo saaxiibbadiis, cirkay isku shareertay arrintii oo waxay noqotay “Car yaa dili kara ina adeerkay?”

Ciidanka wadaaddada ah ee Ligle joogay intaan colaaddu billaaban wuxuu ahaa ciidan is yaqaanna oo tababbar qabay, waxaa gurmad ahaan noogu yimid dhalinyaro farabadan oo ah raggii magaalooyinka joogay oo dacwada ka waday oo aan tababbar ciidan qabin, dhanka kalana aan wali kala garan Al-Walaa’ Wal-Baraa’. Waxaa kaloo ciidanka ku dhex jiray rag xumaan qarsanayay oo arrintaan ka faa’iidaystay. Codwayn wuxuu ciidankii ku dhex abuuray qabyaalad, khalkhal iyo cabsi-galin tahdiid ku jiro.

Kaalintii Cali Xaaji Warsame

Ninkii la dhihi jiray Cali Xaaji Warsame waxaa u muuqatay in uu dadka dajiyo oo uu marna magaalada tago asagoo akhbaar gudbinaya marna ciidanka ku soo noqdo si uu u hubiyo in wali raggii noolyihiin ama wax is baddaleen, marmarna wuxuu kaalmaynayay Shiikh Cabdulqaadir Nuur oo intuu madaxda ciidanka u tago ayuu wuxuu ku lahaa war magaciin jiryee nimanka siidaaya, lagamase yeelin asaga iyo Shiikh Cabdulqaadir toonna arrintaas.

Fiiro Gaar ah: Waxaa jiray nin afraad oo aan ku xusay qormadeennii tan ka horraysay oo kamid ahaa ducaaddii magaalada ka imaan jirtay. Waa ninka lagu magacaabo Maxamuud Hoorri. Waa saan u sheegay oo Hoorri wuxuu kamid ahaa raggii noogu imaan jiray Mucaskarka wuxuuna dagganaa Garoowe. Hoorri waxaa kasoo baxay warar iskhilaafsan oo sheegaya in uu maalinkii dagaalku dhacay joogay Qardho. Anigu waxaan rumaysnahay in uu markii dagaalkii dhacay uu u cararay Qardho. Waxaan saas u leeyahay waxaa iigu dambaysay asagoo jooga.

Si kastaba ha ahaatee Hoorri wuxuu ahaa ciyaal maamo oo nin waligi dhibkaan la kulmay ma ahayn xaq buuna uleeyahay in uu naftiisa la cararo hadduusan wax qaban karin. Xattaa waxaan aqaannay asagoo carruur lagu magacaabi jiray Abaa Hurayrayaal dhex fadhiya markii Laasqoray la joogay oo aad og tihiin anaga iyo murtadiintii waxa na dhex maray. Waa ciyaalkii uu hayn jiray Siciid Gaalley.

Marka waxtar ciidan saasuu ka ahaa wadaadnimadiina wuxuu ku dambeeyay in uu yiraahdo Ditoor idhaha inta cuqdatu shaydhaan xirtay (niiktayn) oo garkii nag ka dhigay. Waxaan ugu dheeraaday ninkaas iyo shu’uuntiisa: Islaamkii baa ka baxsan la’ ama Mujaahidiintii oo cay buu meel walba la taagan yahay asagiibaana diintii ka aradan oo wuxuu bartay ka tagay oo ka doorbiday in Ditoor la yiraahdo. Haddaadan Islaamka waxtarayn dhibkaaga ka daa fadlan.

Aan kusoo noqonno goobtii naxdinta lahayd.

Waa maalinkii labaad duhurnimadiisii, waxaa na soo foodsaartay laba culays oo nooga yimid dhanka siyaasadda iyo dhanka caskariga. Waxaa culays la soo saaray difaacayagii noogu muhiimsanaa ee fadhiyay Rabbaable, waxaa lagu soo qaaday weerarro isdaba joog ah, waase iska difaaceen Allaa ku mahadsan. Rabbaable waxay noo jirtaa saan horayba idiin ku sheegay 30 illaa 40 kiilomitir oo dhanka waddada Xamar aadi jirtay ama koonfur bay naga xigtaa, marka taliska ciidanka ama saldhigga ciidanka laga xukumo ee Ligle jooga wax dhib ah kuma hayso haddaan la soo jabsan difaacoodaas Rabaable.

Waxaa kaloo weerar nooga yimid dhanka Woqooyi oo ku aaddan saldhiggii 54aad oo aan kasoo qabannay maxaabiistaan aan haysanno. Waxay leedahay buuro yaryar iyo togag, kuwii baa naloo soo galay markaasaa xabbad nalagu billaabay. Dhanka siyaasadda, waxaan ogayn saddex nin oo ciidanka ku dhex laban oo nin walba oo ayaga ka mid ah uu wato takhdiid u gooni ah, waxayna ku guulaysteen in ay ciidankii khalkhal ku ridaan iyo balbalo oo ciidankii iska fariisto.

Xasuusta saddexdooda nin walbaa shaqadiis! Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax wuxuu qaabilsanaa in uu odayaasha ama ragga taladu ka go’do uu ku ilxaaxiyo ama ku khasbo in ay sii daayaan raggaan birmagaydada ah oo aan mutaysan in la dilo. Codweyn wuxuu qaabilsanaa in uu ciidanka kala furfuro oo cabsigaliyo uguna naseexeeyo in ay hadda kala cararaan intay nabadqabaan oo ay Wabi Shabeele shishay ka maraan ama ay koonfur aadaan, ujeeddadaa saas ah.

Cali Xaaji Warsame wuxuu qaabilsanaa xagga wararka hadba meesha wax marayaan, waxaan ogayn asagoo marmar kaalmaynaya Shiikh Cabdulqaadir oo la garab taagan: “Haa waa run hadalka Shiikha ha lasii daayo raggaan annagaa naqaan adinku ma taqaanniin.” Waxaa u soo baxaysa meesha wax marayaan oo raja xumo ka muuqatay in lasii daayo raggaan, markaasuu intuu cararo oo magaalada tago warbixin dhiibaa, warbixintaas oo ah raja xumo uu ka muujinayo sii daynta maxaabiista iyo rajo ah in ay wali nool yihiin.

Saldhigga booliska magaalada Garoowe waxaa yaallay taar uu kula dhuuntay mid beenaale ah laakiin maalinkaas beentiisii ka faa’iidastay ama ay ka faa’iidaysteen cadawgii, waana xeeladaha ay isticmaalaaan ciidamadu. Tusaale Garoowe waxaan qabsannay laba maalin kahor, waxaan ku samaynay hub-ka-dhigis intaan awoodnay, waxaa cararay wax alla wixii ciidan joogay magalaada, waxaan sugnay ammaankii magaalada siday nala ahayd.

Waxaa meeshaas ku dhuuntay beenaalahaas taarka haystay, wuxuu la hadlay meel kasta oo uu awooday, wuxuu lahaa magaalada annagaa haysanna, cadawgiina waa jabay, nasoo gaara, waxaa nagasii dhammaanaya saadkii iyo rasaastii. Waxaa u yimid gurmad aan caadi ahayn oo meel walba ka yimid oo culays nasoo saaray. Waa beenaale sababtoo ah kaligiisaa qol ku jira, magaaladana annagaa haysanna. Waa takhdiid caskari ah.

Ciidan hadduu dagaal galo oo uu guulaysto oo laga waayo wax akhbaar ah oo laga dilo ninkii taarwalaha ahaa waxaa la yaqiinsadaa in uu ciidankaasi jabay intii hartayna waxaa ku dhaca haziimo iyo muraaljab. Haddii ciidan duullaan qaado oo uu jabo sida reer Garoowe, taarwaluhuna uu baxsado oo uu soo tabiyo in ciidanki fiican yahay guulana gaaray sida beenaalahaas oo kale, waxaa u yimaada gurmad fara badan waxaana suurtagal ah in ay guushoodii soo ceshadaan mar labaad sidii reer Garoowe. Ha laga faa’iidaysto wixii lasoo maray.

Shiikh Cabdulqaadir Cabdullaahi waa ninkii goobta dagaalka ugu sarreeyay wuxuu bixiyay amarkii lagu layn lahaa intii la isku afgartay in la laayo, waxase dib u dhacay fulinta amarkaas, sababtu waxay tahay: Dadku waa culumo, waa la is ixtiraamayaa illaa xad, laakiin waxaa lagu kala duwan yahay ra’yiga iyo tala soo jeedinta, Meesha Ina Cabdullaahi amarka ku bixinayo waxaa taagan Ina Nuur Faarax oo ka mid ah culumada ugu sarraysa xagga dacwada. Al-Itixaad Al-Islaami waxaa manhajkooda kamid ah in hadday macallinka iyo ardaygu is qabsadaan loo noqdo Al-Kitaabu wa-Sunnah, waana manhajkii Salafu-Saalix.

Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax waxaa maalinkaas hoosmariyay wuxuu waayay naskii uu ku badbaadin lahaa tolkiis oo asagoo u jeeda luqunta laga gurayo hadal aan nas wadanna wax u qaban waayay kuna badbaadin waayay raggaas iyo raggii uu jeclaa oo ku jiray gacanta Mujaahidiinta. Shiikh Cabdulqaadir Cabdullaahi (taqabalahu-llaah) waxaa maalinkaas kor yeelay naskuu ku taagnaa asaga iyo saaxiibbadiis kumana khasaarin oo wuu gutay xilkiisii intuu awoodda u lahaa.

Waqtigu waa duhur dabadii. Waxaan israacnay Shiikh Cabdulqaadir Cabdullaahi, waxaan aadnay furintii ku aaddanayd xagga waqooyi ama dhankii laamigu naga xigay si aan u soo firfiirinno ciidanka difaaca ku jiray. Nagama foga meeshu, laamigii baan gaadhnay, waxaan dhigannay gaarigii, waxaan u lugaynay dhankii ciidanku naga jiray oo laamigii baan xagga waqooyi u goynay, buur hortayada ku aadanayd ayaa rasaas nalooga soo furay, way nagu ag dhacday oo na sigatay, waxaan u baqay Shiikha, waxaan ku iri noqo anaa ciidanka soo kormeerayee, wuu iga soo laabtay, asagoon laamigii soo gaarin ayaa xabadi ku dhacday, wuxuuna noqday dhaawac fudud oo xabbaddu waxay kaga dhacday bawdada lafna ma jabin.

Waxaa soo qaaday nin magaciisa la oran jiray Aadam Akhii oo watay gaari xaajiyad ah aniguse war ma hayo, aniga laftaydii oo aan gaarin ciidankii ayaa rasaas oodda la iiga qaaday oo meeshii fooddaan galin waayay waana kaligay, waan soo laabtay, haddaan saldhiggii imidba waxaa la kortuunsan yahay Shiikhii oo dhiig butaacayo oo la joojin la’ yahay dhiiggii, mudda kadibna waxaa lagu guulaystay in dhiig joojin lagu sameeyo.

Intaas markay dhacday ayaa xilkii uu hayay Shiikh Cabdulqaadir Cabdullaahi waxaa lagu wareejiyay Shiikh Maxamuud Ciise Abuu Muxsin. Gabalkii baa dhacay, culayskii baa siibatay, cadawgii baa xog helay illayn waa nalagu dhex jiraa oo wax alla wixii nagu soo kordha sakinbay ku baxdaa! Waxaa la ogaaday in Shiikhii la mari waayay dhulka yaallo, ciidankuna moraal xun yahay oo tayadiisii burburtay, raggiina wali nool yihiin.

Ina Nuur Faarax wuxuu gogosha ag dhigtay Abuu Muxsin oo ahaa nin raxiim ah oo markuu kula hadlayo aan wajigaaga fiirinayn intuu xishood ka qabo (taqabalahu-llahu). Wuxuu ku ilzaamiyay in uu raggaan sii daayo waa is adkeeyay Abuu Muxsin oo wuxuu waafaqsanaa in raggaan wixii dambi leh la laayo wixii aan dambi lahaynna lasii daayo. Ina Nuur Faarax waa hari waayay, wuxuuna ku mashquuliyay wadaaddadii in ay muhiim tahay in raggaan la sii daayo.

Abuu Muxsin markuu geed uu galo waayay ayuu wuxuu ku soo laabtay Ibnu Cabdullaahi oo daalan aadna u dhiig baxay, wuxuu damcay in uu kala tashado waxa Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax sheegayo oo ah in raggaan la sii daayo, Ina Cabdullaahi wuxuu yiri: “Dood ma gali karo oo waan daalanahay haddaad amar qaadanayso Abuu Muxsin ragga laa intii mutaysatay inta kalana siiddaa.”

Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax kuma ekayn Garoowe kaliya ee wuxuu la xiriiraa taliskii guud ee Boosaaso joogay wuxuuna isku dayaa mar walba in ay amar soo bixiyaan oo asaga talada lagu wareejiyo, waase u suuroobi wayday intuu fayoobaa Ibnu Cabdullaahi. Shiikh Cabdulqaadir Nuur wuxuu ka faa’idaystay dhaawicii Shiikh Cabdulqaadir Cabdullaahi, wuxuuna gogosha ag dhigtay ama la xiriiray taliskii guud asagoo uga warramaya waxa dhacay oo ah in uu dhaawac soo gaaray Shiikhii meesha madaxda ka ahaa arrintuna ku habboon tahay in asaga lagu wareejiyo talada.

Taliska Boosaaso waxaa madax ka ah Shiikh Xasan Daahir Aways. Ina Aways waa nin dabacsan oo naxariis badan, wuxuuna xamili waayay waxa uu daldalayo Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax. Ugu dambayn wuxuu amar ku soo bixiyay in talada lagu wareejiyo Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax, wuxuuna Shiikh Cabdulqaadir ku guulaystay in uu amiir u noqdo maxabiistii dagaalka lagu qabtay iyo ciidankii qabtay. Sidaas daraaddeed barrina waxaa dhici doonta maxkamad kala saari doonta ciidamadaan islaayay, koox walbana waxay mutaysato ayaa lagu abaal marin doonaa, maxkamaddana waxaa guddoomiye ka ah Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax. Maxaad filanaysaan in ay barri dhacdo?

Ikhwaanii tanaaba noogu daran, waxaa barri dhacaya inshaa Allaahu maxkamad. Maxkamadda waxaa guddoomiye looga dhigay nin asagu qalqaalsaday in loo dhiibo jagadaas, Nabiguna (sallallaahu calayhi wasallam) wuxuu yiri ninkii jago na waydiista uma dhiibno, hadal macnihiisu sidaas ahaa ama si udhaw, marka Ikhwaanii soo xaadira yaan barri la idiinka sheekayn waxa dhacaya, garyaqaan aan eex aqoonna horay u soo kaxaysta haddii la helo!

Qeybta 13aad

Bismillaahi wabacdu. Waa qormadeenii 13aad. Waxaan kala tagnay anagoo sugayna in xabaddu billaabato iyo in nasri kale yimaado oo odayaashu isdhiibaan dagaal la’aan, mase dhicin oo xabaddii baa billaabatay yaase billaabay xabadda? Akhristayaal waxaan galnay dagaal marka waxaa loo baahan yahay inta dagaalku socdo oo la kala adkaanayo in aan ismaaweelinno.

Sheeko Gaaban

Bari baa waxaa jiray wiil iyo gabadh meel ku wada nool ama hal reer jooga. Wiilku wuxuu ahaa nin aan reerku dhalin oo shaqaale u ah ama ay korsadeen, gabadhuna waxay ahayd gabadh reerku dhalay oo aad loo kool kooliyo. Sabankii baa xumaaday oo waxaa la galay xilli dadku waayeen dhaqaale ku filan oo ay ama cunto ku gataan ama ku aradbaxaan.

Gabadhii waxay u baahatay dhar cusub xoolana lama hayo, waxay la tashatay aabbeheed iyo hooyadeed, waxay soo jeedisay in  dhar loo gado, jawaabtiina waxay noqotay hooyo macaaney hanti aan dhar kuugu gadno lama hayo aabbihiina hadalkii ayuu hooyadii ku raacay. Waxay soo jeedisay fikrad ka maqnayd aabbe iyo hooyo oo ah in ninkaan shaqaalaha ah suuqa la geeyo oo la gado wixii kasoo baxa oo hanti ahna lagu arrad bixiyo, shirkiina waa xirmay ayadoon haa iyo maya toonna la dhihin gabadhii fikradda lahayd dharkana rabtay.

Muddaa la joogay aan badnayn, waxaa yimid wiilkii, wuxuu aabbihii iyo hooyadii ka dalbaday fadhi degdeg ah, waa la kulmay, wiilkii baa hadalkii qaatay, waa ku dheeraaday, gunaanadkiina wuxuu soo jeediyay in gabadhaan aad dhasheen la ii guuriyo aniguna aan xaqeedii ka soo baxo, shirkii waa xirmay waxaana la kala tagay ayadoon maya iyo haah toonna la oran wiilkii guurdoonka ahaa.

Odaygii iyo habartii fadhigii bay ku sii nagaadeen wiilkiina shaqadiisii buu aaday, odaygii habartii buu jalleecay oo wuxuu ku yiri: Barrow iyo Barrey ismaba oga, waa labadii magac oo wiilka iyo gabadha ismaan dhaafsan. Qisadaan waxaan u keenay waxaa meesha ka socday u eg tahay waana idin xasuusin inshaa Allaahu.

Wadaaddadaan soo duulay waxay sii qorsheeyeen waxay ka samayn lahaayeen odayaashaan baas ee la kari la’ yahay, waxay is weydiinayeen ma laynaa odayaashaan, ma xirxirnaa, ma masaafurinaa, maxaan ku samaynaa?

Odayaashuna waxay sii qorshaysteen in wadaaddadaan la qabto oo laga dhigo mid la dilo iyo mid loo masaafuriyo meeshuu ka yimid, waxayna ku mashquulsan yihiin marka la laayo nimankaan wixii ka hara dhaqaalihii ku bixi lahaa iyo ciddii bixin lahayd. Waxay kaloo is waydiinayeen meeshii loo masaafurin lahaa!

La isma oga oo waa maankii Barrow iyo Barrey. Markii labadii col isku muuqdeen waxaa xabaddii billaabay oo aan waxba u arkayn in dagaalku billawdo isbahaysigii Cabdullaahi Yuusuf, maxaa yeelay malaha waaba lagu kadiyey ee ayagaaba soo socday oo rabay in ay xabadda billaabaan.

Saddex meelood ayaa lagasoo galay meeshii shirku ka socday oo ahayd xeradii ciidankii milatariga ee Garoowe, Qaybtii 54aad, dagaalkii wuxuu socday muddo aan ka badnayd 20 daqiiqo qiyaastii, waxaa gudaha loo galay meeshii shirku ka socday, waxaa u xil saarnaa in ay odayaasha qabtaan koox Kumaandows ah oo uu watay madaxii dagaalgalinta Shahiid inshaa Allaahu Xuseen Cismaan Garyar (taqabalahu-llaahu). Waana ku guulaysteen in ay qabqabtaan odayaashii oo aan hal qof wax ka noqon, laakiin Xuseen iyo raggiisii waa ku dhammaadeen oo waxa ka haray in yar (taqabalahumu-llaahu Ajmaciin).

Waxaa ragga dhammeeyay intiisa badan oday sarkaal ahaa oo xerada shirku ka socdo madax ka ahaa oo waayeel ahaa oo la oran jiray Muxamed Dirir. Asagiina dhaawac ayaan ku qabannay oo baabuur aan watay baan ku qaaday aniga idin la hadlayaa asagii iyo kuwa kale oo dhaawac ahaa oo ciidankiisii ka mid ahaa.

Waxaan soo qabannay oo Ilaahay nagu guuleeyay qolooyinkii afarta ahaa ee meesha ku shiraysay oo aan ka yarayn qiyaastii inta u dhaxaysa 40 illaa 50 oo kulligoodna madax ah, waxayna ka kala yimaadeen gobollada Daaroodku dago oo dhan. Waxay wadeen takhdiid loo dhan yahay oo la rabay in wadaaddadaan koonfur ka yimid laga dhigo mid la dilo iyo mid sida loo cayrsanayo la gaarsiiyo Wabi Shabeelle ama aan laga harin illaa ay ka tallaabaan Wabi Shabeelle.

Waxaa cararay oo meel ay jaan iyo cirib dhigeen la waayey ciidankii difaacayey dhagarqabayaashaan la soo qabqabatay. Ciidankaasuna ma yarayn sababtoo ah meesha waxaa ku shirayay Daarood oo dhan baa la dhihi karaa, maadaama ay joogeen cuqaashii u talin jirtay intoodii badnayd, Ilaahay baase jabiyay maxaa yeelay diintiisii bay la dagaalamayeen.

Waxaa dhammaday dagaalkii, waxaan galnay in la soo aruuriyo Shuhadadii iyo dhaawicii oo aan yarayn, waxaan ku soo noqonnay saldhiggeennii annagoo gaadhnay hadafkaan dagaalka u qaadnay, Ilaahay baa ku mahadsan, asagaa jabijay isbahaysatadii aan marna ku fakarin waad jabaysaan ama waa la idinka guulaysanayaa. Murti: Ragow kibirka waa lagu kufaa ee kaas hala ogaado.

Meeshaan dagannahay waa meel bannaan ah oo aan dhir lahayn, waxaase ku yaallay dhufaysyo waawayn oo Rabbaani ah oo Ilaahay nagu xifdiyay oo qofkii gala aan la arkayn asaguna ku arkayo. Waxaa ku yaallay togga dhexdiisa meelo sidii guryaha usamaysan oo aad habeen iyo maalinba dhex seexan karto, biyuhuna agtaaday qulqulayaan, inaad cabto, inaad ku qabaysato, inaad wax ku karsato intuba waa noo sahlanayd Alxamdulillaahi.

Maxaabiistii waxaan gashannay dhufaysyadii dhufays kamid ah qorina iriddaa kala istaagnay oo isma dhaqaajin karaan, waxaa la billaabay in la diiwaan galiyo oo magacooda la qoro, midmid baa loola kulmay, sheeg magacaaga oo saddexan ayaa la lahaa qof walbaa oo ayagii kamid ah.

Dhammaanna waxaa laga qoray magiciisii oo saddexan. Dhalinyaraa qoraysay magacyada maxaabiista markay dhammeeyeenna waxaa loo gudbiyay maamulkii sare ee ciidanka. Waa la eeg eegay, waxaa laga waayay ninkii ugu muhiimsanaa magaciisii. Waa kee ninku? Waa Cabdullaahi Yuusuf Yeey. Waa la isku dhex yaacay oo la raadiyay waxa jira oo Cabdullaahi ciidankii kala dhex baxay ayaa la garan waayay. Waa lasoo quustay, aad baana looga xumaaday in ninkii ugu muhiimsanaa balaayadaan la soo xereeyay laga dhex waayo maxaabiistii.

Wakhtigii wuxuu gaaray gabbal gaab ama qorrax dhac, ayagana waxaa lasoo qabtay subaxnimadiiba ama 9kii subaxnimo qiyaastii. Cabdullahi ninkaan aqoon hadduu arko umalayn maayo in uu yahay nin madax ah, mana ahan dadka dhalaala hadday rabaan kareem ha marsadaane, maalinkaasna waa isa sii dulleeyay oo madaxuu hoos u rogtay oo wuxuu isgashaday garka iyo laba dalaw oohinna waa qarsanayay, waana la garan waayay asagoo ciidankii maxaabiista ahaa ku dhex jira.

Waxaa mudan in laga sheekeeyo maxabiista qaarkeed maalinkaas geesinnimada ay muujiyeen waliba ayagoo yaqiinsanaa in la layn doono oo mawdkii u jeedaan. Waxaan ka soo qaadanayaa hal nin oo la dhoho Jeneraal Maxamed Abshir Hamaan. U kala hiilin maayo labada nin oo waxaan ogahay in waligood loolan ka dhexeeyay waa Cabdullaahi Yuusuf iyo Maxamed Abshir Haamane.

Waxaanse markhaati ka ahay in maalinkaas la kala baxay oo ina Yeeyna maradii ka qoyday Ina Abshir Hamaanna uu taagnaa meeshii Badar uu taagnaa Abuu Jahal! Maalinkii Badar wuxuu sameeyay Abuu Jahal ayadoo inta dhaawac xun soo gaaray naftu kusii daba yar tahay ayaa waxaa u yimid Cabdullaahi Ibnu Mascuud Alla haka raalli noqdee. Wuxuu damcay in uu madaxa ka gooyo si uu Nabiga (sallallaahu calayhi wasallam) u tuso madaxiisa, asagoo mindidii ku kirkiraya luquntiisa ayuu lahaa war Cabdullaahi yay guushii raacday? Cabdullaahina wuxuu yiri cadowgii Ilaahayow guushii waxay raacday Jeyshkii ALLAAH.

Waxaan ahaa raggii wax ka waardiyaynayay maxaabiista, mar baan ku sigtay in aan laayo dhammaantood, waxaana arinkaas sabab u ahaa Ina Abshir oo aan ka waayay war iga fogaw oo intuu dhuunta kaa soo galo ayaad isleedahay wuxuu kaa qaadan doonaa ama kugula qabsan doonaa qoriga, markaad qoriga ku waabisana wuxuu akhrinayaa Qur’aan aan ka xasuusto macnihiisu in uu ahaa: Nugu dhici mayso Ilaahay wax uusan noo qorin mooyee. Markaasuusan ilkaa libiqsanayn, anna inta carooday ayaan waxaan damcay in aan dhulka lasimo ama laayo dhammaantood mase dhicin arrintaasu.

Wallaahi waxaan isaga daayay Mujrimiintaas in aan laayo in la yiraahdo Culumadoodii bay gacan dhaafeen ama khilaafeen, oo maanta magacii dhalinyarada raacaa ka hari maayo oo waxaa la dhihi waa kuwii waagii inta khilaafay Culimadoodii sidaas ku jabay oo khayr ma leh! Maalinkaas waxaa caddaatay in Ina Yeey fulay yahay bootoole ah Ina Abshirna geesi yahay, waxayse ahaayeen laba dambiile.

Qorraxdii baa dhacday, laakiin wali waa iftiin. Cabdullaahina lama hayo, waxaa maxaabiistii soo dhex istaagay ama agtooda yimid nin askarta ka mid ah, ishuu mariyay asagoon wax dan ah aan ka lahayn cidna aan raadsanayn, wuxuu arkay nin Cabdullaahi uu u maleeyay, wuu kusoo dhawaaday, wuxuuna hubsaday in uu yahay Cabdullaahi Yuusuf. Intuu dhaqaaqay oo madaxdii u tagay ayuu ku yiri maxaad u lahaydeen Ina Yeey waa la waayay soo kan ciidanka dhex taagan. Waa lasoo yaacay, war mee? Wakaas Futajaariga buluugga ah qaba.

Waa dharkuu markaas qabay. Cabdullaahi gooni baa loola baxay, waxaa laga qaaday imtixaan hor leh, waxaa la ogaaday in uu sheegtay magaciisii magac aan ahayn, oo muxuu sheegtay? Wuxuu sheegtay Shiikh Muxamed oo hadduu og yahay in magaca culumadu sharaf leeyahay ama lagu badbaadayo maalinka ciriiriga la galo muxuu culumada u laynayaa oo ku imtixaamay, waataan la yaabbannahay arrintaas! Allow ceebtayada astur. Cabdullaahi mana uu badbaadin waana is ceebeeyay. Ma taqaan ninka gartay Ina Yeey? Waxaa la dhihi jiray Cali Takar (taqabalahu-llaah).

Waxaa dhacay qorraxdii, waxaa la kala galay dhufaysyadii, waxaa lagu jiraa xaalad cakiran inkastoo muraalkii noo soo noolaaday markaan Cabdullaahi helnay, haddana colaaddu sidii bay u taagan tahay, shuhadadii baa noo daadsan oo aan wali la xabaalin ama la aasin. Shir baan loo kala kicin ay ku jiraan raggii taladu ka go’day, waxaa la isku mari la’ yahay maxaabiistaan la qabtay qaabkii loola tacaamuli lahaa. Walow ragga meesha fadhiyaa uusan ra’yiga ku kala fogayn oo aan meeshaba khilaaf oolin ee ay tahay waxaa laga doodayaa sida wax loo farsamayn lahaa ama raggaanu u kala dambi badan yihiin.

Walaalayaal aan idin xasuusiyo meeshaan joognaa waa Garoowe, waxaana nalaga xukumana waa Boosaaso. Boosaaso waxaa fadhiya taliskii guud ama Golihii Sare ee dawladda Al-Itixaad Al-Islaami. Waxaa ka mid ah Golaha Sare oo meesha fadhiya: Shiikh Xasan Daahir, Cabdicasiis Faarax (Lagujiray), Faarax Xasan Faarax iyo rag kale oo fara badan.  Waxaa heeggan buuxa ku jira ciidankii joogay Boosaaso. Ma aysan galin wax dagaal ah waase diyaar garoobeen oo magaaladii bay meel walba ka fadhiyaan oo u diideen wax isu socod ah illaa warkayagu ka caddaado oo aan qabsanno Garoowe iyo madaxtooyadii Garoowe oo ay markaas ku dhammaayeen wixii laga biqi lahaa in ay dadka dhibaateeyaan.

Ilaahay waa nagu garab galay oo waa taan ku qabsannay  magaaladii iyo madaxtooyadiiba saacad wax ka yar, waxaa kaloo guul soo hoyatay noqotay in sharwadayaashii oo dhan gacanta lagu hayo.

Boosaaso markay aragtay ciidankaan magaaladii meel walba ka fadhiya ayay lasoo hadashay Garoowe, waxaa loo soo sheegay in la qabsaday dhammaan magaalada iyo madaxdiiba, dagaalkiina dhammaaday. waxaa kaloo loo sheegay in wali raggii nool yihiin oo maxaabiis ahaan loo hayo.

Boosaaso salkay dhulka ku dhifatay oo waa is dhiibtay, qoryahoodiise ma ay keenin oo nin waliba gurigiisuu la galay qorigiisii, wadaaddaduna ismaba oran dhib baa ka imaan kara arrintaas ah in nin waluba qorigiisii guriga la galo. Waxaan galnay diyaar garow isdifaac ah. Magaalada waxaa dhankeeda koofureed ku wareegsan buuro iyo togag waawayn, waxaan ciidan dhignay wadda walba oo gurmad ka imaan karay.

Meesha loo yaqaan Rabaable oo ay marto waddada Garoowe ka tagta ee Xamar aadda una jirta magaalada qiyaastii 30 illa 40 kiilomitir. Waxaan dhignay ciidan aan lasoo gudbi karin oo aad u hubaysan, wax alla wixii buurta isdhaha ka soo dagana xabbad bay sanka ka galiyaan.

Halkaas waddaa ka soo gasha dhinacaas, waa dhanka koofureed. Dhanka bariga waxaa ayana ka soo gasha waddada dheer ee aadda Boosaaso ama dhanka ayraboorka, ayadana ciidan xoog leh ayaan dhignay, dhanka Xasbahalle ama koonfur bari waxaa ka soo gala waddooyin yaryar, ayadana waxaan dhignay ciidan ku filan meeshaas, annaguna waxaan isku wareejinnay ciidan xoog leh, maxaabiistiina waxaa laga qabtay waardiye dheeraad ah ama waxaa la siiyay feejignaan.

Isgaarsiintaan casriga ah ma jirin, waxaa la haystay hal taar oo kaliya, waxaa soconayay habeenkii oo dhan wadahadallo ka dhexeeya taliskii guud ee Boosaaso fadhiyay iyo taliskaan Goroowe fadhiya oo gacanta ku haya jabbaabiradaan la soo uruurshay sidii laga yeeli lahaa. Waxaan soo marnay in ay magaalada nooga yimaadaan culumo uu kamid yahay Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax, Cabdalle Codwayn, Cali Xaaji, iyo  Hoorri nin lagu magacaabo.

Wadaaddadaasu maalinkii intii dagaalku socday guryohooday is nabeen, waxayna sugayeen natiijada iyo waxay ku dhammaato iyo macrakadaan caramramka ah ama aad u culus. Qoraxdii markay dhacday oo ay madaxa kor u qaadeenna waxay ogaadeen in magaaladu faaruq tahay oo saakayba lagu kala baxay, dadkii magaalada camiri jirayna waxay noqdeen mid dagaalkaan labada kooxood u dhexeeya ka cararay si aysan xabbadda wiiftada ahi ugu dhicin iyo mid gurmad raadsaday oo raba in uu soo rogaal celiyo. Waxaa kaloo loo sheegay in gacanta lagu dhigay wax alla wixii saraakiil ahaa oo ciddu (Daarood) lahayd.

Waxay u soo carareen dhankii Ikhwaanka ay ku ogaayeen. Waxay galeen teendhadii madaxtooyada oo ay fadhiyaan sarakiishii ciidanka ugu sarraysay waxaana kamid ahaa: Korneyl Shiikh Maxamuud Ciise Abuu Muxsin), Korneyl Shiikh Siciid Maxamed Oorfane, Shiikh Cabdulqaadir Cabdullaahi oo ahaa markaas sarkaalka ugu sarreeya goobta la joogo, taqabbalahumu-llaahu Ajmaciin. Aamiin. Aamiin.

Wadaaddadii magaalada ka yimid markay arkeen Saraakiishoodii, Cuqashoodii, Culumadoodii iyo Waxgaradkoodii oo ilmirigle ah ama dullaysan oo maxaabiis ah ayay miyir daboolmeen oo is hayn waayeen, waxayna markiiba lasoo boodeen war ragga sii daaya annagaa naqaannee! Wadaaddadii Ikhwaanku waxay si sahlan u dheheen annaguba aqoon baan u soo qabannay! Markay arkeen waxay ka hadlayaan iyo waxa meesha yaallaa in aysan isu dhawayn ayay waxay billaabeen in ay hoos uhadlaan oo ragga qaar la faqaan (Xuuraan ama wardoon).

Akhristayaal soo ma ogidin in ay noo yaallaan Shuhadadii iyo Dhaawicii oo la rabo in qaarna la asturo qaarna la dabiibo oo dhiig joojin iyo faashado loo raadiyo? Haa Allay lehe. Haddaba yaannaan u kala harin gurmadka walaaleheen, mid biyo soo dhaamiya, mid cunto soo kariya, mid daaweeya dhaawaca, iyo mid waardiyaha la qabta walaalihiis. Waana inoo waabariga iyo wixii ka soo baxa culumadan la faqaysa ciidanka qaarkiis.

Qeybta 12aad

Asalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuhuu.

Ikhwaanii Ilaahay baa mahad dhammaanteed leh thumma Nabi Muxamed (sallallaahu calayhi wasallam – nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato), Muslimiintana Ilaahay ha koryeelo. Aamiin.

Walaalayal waxaan kala hoyannay ayadoo ciidankii heeggan ku jiro oo ay dhici karto in nalasoo weeraro isla habaynnimadaba mase dhicin oo waagii baa baryay ayadoon dagaal dhicin. Saraakiishii ciidanka hawl galinaysay oo xogta cadawga aruurinaysay waxay amar ku bixiyeen in meeshooda loogu tago oo la qabqabto raggaan shirka ku jira oo balaayada hurinaya ama dagaaldoonka ah.

Waqtigu qiyaastii waa siddeeddii subaxnimo, ciidankii baa la kulmiyay, waxaa la siiyay waajibaadkii ay fulin lahaayeen, waxaa laga dhigay sadex madax. Madax waxaa loo diray dhanka Ayraboorka, madax waxaa loo diray dhanka Xeradii Konton iyo Afaraad (54aad) oo ahayd meeshii uu shirku ka socday, madax waxaa loo diray magaalada, qola walbana waxaa la siiyay waajib gaar ah.

Dagaalkaan aan qaadnay saakay waa dagaalkii koobaad oo aan dhiig ku daadinno ilaa iyo intaan dacwadan wadnay marka laga reebo dhacdadii saldhigga boliiska ee Boosaaso ee aan wiilka kusoo furanaynay laakin annaga dhankayaga waxaa nasoo gaarayey dhib fara badan oo isugu jira dil, dhaawacyo, afxumo ay ducaaddu kala kulmaan deegaannada ay dacwada ka wadaan kamana aannaan aargoosan jirin bal waxaan raadin jirnay maslaxo iyo wadahadal in aan ku dhammayno wax walba oo dhaca si aan dacwadu u burburin ama aan colaaddu noo dhexmarin annaga iyo bulshada.

Laakiin dagaalkaan waan ku qasbannahay in aan galno maxaa yeelay waxaa dhammaaday takhdiidkii nalagu soo weerari lahaa, waxaa la diyaariyey ciidankii na qabsan lahaa, waxaa fadhiya oo meel walba isaga yimid raggii hoggaamin lahaa ama maalgalin lahaa dagalkaan Ashahaado la dirirka ah. Culumaa ku qanacsanayd in waagaas nala dabargooyo oo dagaalka wax ka waday.

Fiiro Gaar ah: Nin walba ama qof walba oo aan goobjoog ahayn waxaa u muuqan karta khaladaad uu isleeyahay Alla hadday saas yeeli lahaayeen way fiicnaan lahayd! Tusaale qofkii akhriya qormadan wuxuu isleeyahay, “Way fududaadeen, dagaal wax kama yaqaannaan, maxay u sabri waayeen waa ducaade, maxay ayagu weerarka u qaadayaan, yaa u banneeyay dhiigga dadka,” iyo wixi la mida. Oo ayaga dhiiggooda yaa banneeyay waa Muslimiine?

Walaalayaal aan idin xasuusiyo ciidankaan Al-Itixaad waxaa hoggaaminayay oo Wasiirka Gaashaandhigga ka ahaa Sarkaal sare oo ka qayb qaatay dagaalkii Soomaaliya ku qabsatay Itoobiya 77dii. Waliba wuxuu wakhtigaas ahaa sarkaal mutaystay Billad Geesi. Wuxuu kaloo ahaa waagaas daaci wayn.

Waxaa kaloo ciidanka uga hooseeya saraakiil aan ka khibrad yarayn asaga. Waxaa saraakiishaas kamid ahaa Gaashaanle Sare Siciid Maxamed Muuse oo loo yaqaanay Siciid Oorfane ama Siciid Halale, wuxuu madax ka ahaa oo uu haystay hubka iyo rasaasta qaybtii 54aad wixii uu hub hayeyna wuxuu ku soo wareejiyay dowladdii Al-Itixaad Al-Islaami. Waa nin wadaad ah oo diinta wax ka yaqaan aadna u cibaado badnaa, waa ninka meesha lagu shirayo yaqaanna.

Wuxuu la socon jiray dhagarta ay maleegayaan kuwaan shirka ku jira oo doonaya in ay dabar gooyaan dowladdaan Islamka ah ee curdanka ah, wuxuu kamid ahaa ragga fara ku tiriska ahaa oo markii dagaalkii dhacay oo rag wareeray Ilaahay sugay. Taqabbalahu-llaahu, Aamiin, Aamiin. Ciidanku wuxuu qabaa tababbar dheeraad ah oo ninkaan tababbar hore qabin waa la tababbaraa kii horay tababbar u qabayna saminnaar baa la siiyaa.

Billaahi calaykum, Saraakiishaan intaasoo khibrada leh oo intaasoo dagaal ka soo qayb gashay oo dibad iyo daakhilba waxbarasho kusoo qaatay oo ahaa nimankii Itoobiya soo liqay, ma waxay aqoontii ka guurtay markay yiraahdeen waxaan rabnaa dowlad Islaam ah? Ma waxay aqoontii ka guurtay markay dheheen khamro cabbi mayno? Ma waxay aqoontii ka guurtay markay diintii barteen oo Ilaahay u toobad keeneen? Ma waxaa ka aqoon badan kuwii ardaydoodii ahaa oo waliba bulshadu ku baratay khiyaamo iyo wax isdaba marin iyo waliba gaalo raacnimo, waa hoggaamiye kooxeedyadee?

Maya! Wallaahi wax kalaa jira waxayna dadku la yaabban yihiin wadaaddadii beerka xayrta leh cuni jiray miyaa maanta i hunguriyaystay? Magacayba. Ma nimankii xoolaha u xirsi xiri jiray baa maanta iskukay taagay? Muxuu ismooday subagle ama wadaad xume?

Waxaa kaloo ay cid waliba og tahay meesha maantay xaaladda Islaamku marayso oo gaaladu dadkii ka dhaadhicisay in aan nin wadaad ahi dad hoggaamin karin horumarna gaarsiin karin bulshada. Ayagiina waxay isu maleeyeen in aysan waxba qabsan karin maadaama ay arki jireen ayadoo nin cilmaani ahi uu bulshada hadba meeshuu rabo u kaxaynayo hadba qoladuu rabana xiriir la samaynayo ama ha noqoto Maraykan ama ha noqoto Yahuud, ama ha noqoto Afrikaan.

Ma aannaan dagdagin ee waa nalagu qasbay dagaalka. Bal waa nala bahdilay sababtoo ah hadday yihiin niman naga baqaya ama na xushmaynaya maxay u aadi waayeen oo shirkan ay makriga ku maleegayaan ugu qabsan waayeen meel aanan ka warqabin hadday rabaan ha nagu soo duulaan markay go’aannadooda dhammaystaan?

Annagu kuma aanan duulneen oo wax dhib ah uma aannaan arkayn in ay shiri karaan go’aannana gaari karaan. Laakiin meel noo jirta 2 kiilomitir baan ku shiraynaa oo waxaan ku gaaraynaa go’aankii aan idinku burburin lahayn ama idinku qabsan lahayn taas macnaheedu waa rag ma tihiin wadaaddada qaarkoodna isu maleeyeen in aysan rag wax la qaybsan karin.

Ma rabo in aan ka sheekeeyo xukunka Islaamku ka qabo in weerar la qaadi karo iyo cidda la weerari karo ama Muslimiin ha ahaadeen ama gaalo ha ahaadeen cidda la weerarayaa. Waxaan kaloo aanan dan ka lahayn yaa gacanta la horreeyay? Ma wadaaddada mise qoladii ka soo horjeedday?

Waxaan ogahay meeshaan in ay shubho farabadan dadku ka fiirfiirin karaan dadka Jihaadka dura ama diiddan weeye waxaan ka hadlayaa. Waxaanse idin leeyahay kuwiinnii aan meesha jooginow iska aamusa oo ha ku hadlina wax aydaan waxba ka ogayn kuwii joogayna kiiskoodii baan ku jirnaaye dulqaata oo biya dhaca suga ama dhammaadka qisada. Jihaad-diidku marna qanci maayaan.

Inta aynaan xabadda billaabin muxuu yahay lafdhabarka duullaankaani?

Duulaankaan waxaa loo diyaariyay oo kaliya in lagu soo qabqabto odayaasha shiraya oo balaayada iyo duullaanka soo wada oo raba in ay Islaamka soo muuqday ka hortagaan waxaana ciidanka la amray in aysan qof shacab ah waxba yeelin waana lagu guulaystay oo waxaa laga fogaaday in dad shacab ah wax la yeelo odayaashiina la qabto ayagoo fayaw oo aan waxba gaarin. Waxaa meesha ku shirayay oo la rabay in la qabto waxay ahaayeen 4 qolo oo isu bahaysatay in ay dagaalka Ikhwaanka lagu qaadayo ka wada qayb qaataan. Waxayna kala ahaayeen: Timawayn, Suufiyo, Hoggamiye kooxeed iyo Oday-dhaqameed. Waxaa jiray qolo shanaad oo aan meesha joogin laakiin dagaalka raalli ka ahayd.

Aan mid mid uga sheekeeyo maxay yihiin kooxahaan shirka ku jiraa? Timawayn waa koox ku dul nool dadka, waxay baadil ku cunaan caamada masaakiinta ah xoolohooda, waxay dhexgalaan oo xubno ku yeeshaan maamul kasta oo meel ka jira, haddii ay tahay dowlad ama hay’adaha aan dowliga ahayn, waxay dadka ku diraan Shayaadiin ayaga u shaqaysa, markii qofku waashana waxay dhahaan noo keena annaga ayaa ka saarayna oo daaweynaynee, ka dibna xoolo aad u badan ayey ku xiraan dadkaas. Waxay dadka isu tusaan in ay yihiin dad ehlu-diin ah mase ahan ehlu-diin sababtuna waxay tahay: Xoolahooda kama bixiyaan Zakada, kuma tukadaan Masaajidda Jumcada iyo jamcooyinka toona, masoo xajiyaan oo Xajka ma tagaan, kama xishoodaan xaaraanta sida tubaakada iyo qaadka, sixirku waa shaqadooda kaliya oo ay takhasuska u leeyihiin iyo waxyaalo kasii daran intaas.

Kooxda labaad waa Suufiyo. Ayagana waxaa ka maqan oo ay waayeen mansab ay ku qabeen dadka dhexdiisa waxayna shaqo ka dhigan jireen oo wax ka soo gali jireen arrimo badan oo ay kamid yihiin: In ay dadka carruurta Qur’aanka u baraan, dhaxalka u qaybiyaan, kan dhinta fiddadheere u akhriyaan. Fiddadheere waa cadaab ka furasho! Markaas macnuhu wuxuu noqonayaa in ay dadka dhintay oo aan camal wanaagsan samaysan in ay janno galaan oo ay ayagu naarta ka furtaan. Subxaana-llaahi! Waxay kaloo sameeyaan in ay dadka isku meheriyaan xoolana ka qataan iyo wixi la mida.

Kooxda saddexaad waa Oday dhaqameed. Maxaa ka maqan ayagana? Waxaa ka maqan arrimo dhowr ah waxaana ka mid ah: Oday dhaqameedka dani uguma jirto in reeruhu nabad kusoo wada hoydaan oo wuxuu rabaa in maalin walba wiil aan waxba galabsan la dilo oo qoladii kalana qalabka boobto, markaasuu marada wirfiyaa, “War jooga! War jooga! War xaaladda odayaasha haloo daayo ayagaa dhammaynayee.” Waxaa laga yaabaa in uu asagu diray kii wax dilay haddana asagaa garnaqaya. Maalinkaasuuna suuqa ka adeegtaa oo wax soo galaan.

Maxaa ka maqan hoggaamiya kooxeedka? Waxaa ka maqan arrimo dhowr ah: Wuxuu wakiil ka yahay xuduudaha qabiilku dago in aan lagu soo xadgudbin oo qabiil kale xoolihiisu aysan daaqin dhirta dhulkaas ku taal illaa asagu oggolaado. Wuxuu wakiil ka yahay hay’adaha gaalada ah oo raba in ay dadka Muslimiinta ah cawraadkooda raac raacaan ama ay jaasuusaan.

Waxaa jiray qola shanaad oo aan sheegay laakiin ayagu meesha ma fadhiyaan raalli bayse ka yihiin wixii kasoo baxa iyo in la iska dulqaado ciidamadaan ku habsaday deegaankoodii. Ayaga maxaa ka maqan? Waxaa ka maqan: Sidaad og tihiin bulshadu markay meel wada daggan tahay way istaqaan ninka waxtarka ah iyo wuxuu awoodaba. Nimanka Suufiyada la yiraahdo waxay ahaan jireen culumadii bulshada ayagaana dadku casharrada ka qaadan jireen, ayagaa cidda Qur’aanka bari jirtay. Aqoontooduna waxay ahayd maxduud ama way yarayd. Waxaa soo baxay culumo jaamacado ka soo baxday oo ka aqoon badan ayagii oo afafka gaalada yaqaanna, Carabigana ka badiya. Waa la isku dhacay, gar baa loo fariistay, waana la heshiiyay. Waxaa lagu heshiiyay in qoladii Suufiyada ahayd oo aqoontoodu hoosaysay ay bulshada hoose la tacaamulaan, qoladaan aqoonyahannada ahna ay la shaqeeyaan dowladaha ama hadba maamulka jira, kalana taliyaan arrimaha diinta una fatwoodaan hadba tallaabaday qaadayaan Cilmaaniyiintu, saasayna mushaarkooda ku qaataan oo ku nool yihiin. Waa Culamaa’u Sulda!

Waxaa lagama maarmaan ah in aan milicsanno ciidanka Al-Itixaad cidda hoggaaminaysa oo rabtay in ay baddasho bulshadaan aan aqoon ama aan waligeed arag dhaqan Islaam iyo wax la yiraahdo Kitaab baa la isku xukumayaa. Waxaan soo qaadanaynaa dhawr nin oo kamid ah  Golaha Sare ee Al-Itixaad.

Aan ku horrayno madaxwayanaha Al-Itixaad. Waxaa madaxwayne ah Shiikh Cali Warsame. Shiikhu waa nin dacwadaan muddo ku soo dhex jiray, wuxuu yaqaannaa marka nabadda la yahay sida dadka loo kasbado, waa aftahan, waa nin haybad ku leh bulshada dhexdeeda, waa khadiib, waa daaci, waa muxaadir. Shiikha niqaashkii ugu dambeeyay ee tuulada Bayra la fadhiyay oo la qaadanayay mawaaqifta ad-adag, wuxuu laasimay aamus iyo dhagaysi dooddu siday u socoto. Maxaa yeelay shiikhu ma ahayn nin askari ah, waa daaci, wuxuuse danaynayay in la helo dawlad Islaam ah, markay dooddii soo gaba gabawday wuxuu qaatay ra’yigii ahaa in aan hubka la dhigin dacwadana la wado.

Haddaan si kale u dhigo waxaa laga niqaashayay waxay ahayd dacwada in la wado ayadoo aan hubka la dhigin, wixii dacwada ka horyimaadana xabbad sanka laga galiyo qolaa qabtay arrintaas. Qolana waxay qabtay in hubka la iska dhigo oo ciddii na oggol wax loo sheego ciddii diiddana aan la qasbin illayn diintu khasab ma ahee. Waa Ictisaamkii is qarinayay.

Waxaa Wasiirka Gaashaandhigga ahaa Shiikh Xasan Daahir Aways. Shiikha mawqif sidee ah ayuu qabay? Wuxuu qabay in dacwada iyo qoriga la isku wado, wuxuuna mar walba soo bandhigayay in aan laga maarmin ciidan Muslimka dhulka ka qaada ama Kitaabka Alle, shiikhu waa nin askari ah oo waaya arag ah, waa nin qaari’ul Qur’aan ah, waa nin jecel jihaadka, waa nin dabacsan ama baarri ah, waa nin ay u muuqato in ay maslaxo ku jirto in hal dambiil lagu wada rido koox bisado ah iyo koox jiirar ah, wuxuuna rumaysan yahay in aysan is cunayn oo ay wada noolaan karaan (Salafu Saalix, Suufiyo iyo wixi la mida).

Shiikh Cabdullaahi Cali Xaashi waa nin sidee ah: Waa ehlu-siyar ama siiro, waa ragga soo saaray raggaan halkaan maraya inta badan, waa nin xamaasi ah oo dadka kicin og waliba dhanka dagaalka, waa ninkii dhalinyarada baray in gaalo la iska dhicin karo, waa ninka oran jiray ku dagaallama wax Alla waxaad awooddaan dhagaxna Alla haka dhigee, waxaan ku bartay Masaajidkii la oran jiray Ceel-Hindi asagoo akhriya ar-Raxiiqul Makhtuum, dowladdii Maxamed Siyaadna ay jirto oo uusan dan ka lahayn, maantayna lama hayo warkiisii iyo dagaal galintiisii qiimiga badnayd, khayr baanse u rajaynayaa iyo in uu boorka ka jafo ar-Raxiiqul Makhtuum mar labaad inshaa Allaahu.

Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax waa nin sidee ah? Sheekhu hadda waa nin waayeel ah, wuxuuse dacwadaan ka soo qaatay qayb libaax ama waxaa la dhihi karaa wuxuu ahaa rukumaday ku taagnayd dacwadu, shiikha waxaan bartay asagoo kitaabka Bukhaariga ah ka akhriya masaajid ku yaallay Hoteel Weheliye hoostiisa, waxaa kaloo Tafsiir ka akhrin jiray wadaad indha la’aa oo la oran jiray Shiikh Cabdi Najiib.

Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax mawqifkiisu wuu caddaa: Wuxuu ahaa in qoriga la dhigo qolo walbaana aaddo meeshay ku dhalatay ama qabiilkoodu daggan yahay, halkaasna dacwada ay ka waddo waase lagu diiday oo waxaa la qaatay Jamhuurta warkeedii.

Maashaa Allaah. Caawa waxaan sameeyay qoraal farabadan sababtoo ah waxaa dhici doona saacado kadib dagaal dad badani ku nafwaayi doonaan, marka anigaaba waxaa igalay cabsi oo waan ka warwareegayaa in xabbaddu billaabato. Waan dhaqaaqnay waxaan kamid noqday raggii la yiri odayaasha soo qabta hana dilina ee keena ayagoo fayaw ama nool.

Magaalada Garoowe geeskeeda waxaa mara tog weyn oo noo dhexeeya annaga iyo meesha shirku ka socdo oo ahayd xeradii ciidamada qalabka siday ee dowladdii dhacday qaybta 54aad. Ciidankayaga waxaa watay Xuseen Cismaan Garyar. Wuxuu noo qaybiyay saddex madax qola walbana wuxuu siiyay waajib gaar ah, qola walbaa waxay tagtay meeshii loo asteeyay waxaana sugaynay Xuseen oo amar nagu siiya rida xabadda oo nimanka qabta ama amar ah qoriga hoos udhiga nimankii waa isdhiibeene.

Walaalayaal aniga hadda wadnahaa ibood boodaya oo waxaad mooddaa in aan dagaal run ah ku jiro waxaana u baahanahay in aan xoogaa nasanno. Adinka laftiinnu waxay ila tahay in aad ila dareenteen in aysan fiicnayn in aan xabbad ku degdegno. Ilaahow na sug, Aamiin.

Ikhwaanii diyaarsada faashadihiina iyo daawada dhiig joojinta ah, waxaanna isugu soo noqon doonnaa inshaa Allaahu tacaalaa qormadeenna tan xigta.

Qeybta 11aad

Waxaa isugu kaaya dambaysay ayadoo Islaamkii fiday ama dacwadii Al-Itixaad Al-Islaami, waxaan gaadhnay gobollo fogfog ama magalooyin farabadan waxaa kamid ahaa meelaha aan gaadhnay: Garoowe, Gaalkacyo, Galdogob iyo inta ku xeeran oo magaalooyin yaryar ama tuulooyin ahaa.

Gaalkacyo waxaa isku horfadhiya laba ciidan oo ay kala hoggaaminayeen Korneyl Cabdullaahi Yuusuf Yeey iyo Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid. Magaaladu waa goob dagaal, dadkii waddanka u dhashayna waxay kala raacsan yihiin labada hoggaamiye kooxeed oo waxaa ka dhexeeya dagaal xun. Intaan dagaalku dhicinna dadku waxay ahaayeen dad walaalo ah oo is dhex daggan oo is caawiya diin iyo duunyaba.

Waxaan saldhig ka samaysannay meel Gaalkacyo aad ugu dhow oo la yiraahdo Bayra. Danta aan meesha unimidna waa in aan dacwada gaadhsiinno ciidammadan is hor fadhiya oo maalin walba dagaalka iskula jira oo qaar dhimanayo asagoon garanayn wuxuu u dhimanayo oo aan ka ahayn iska celi waa Hawiyee kan kalana udhimanayo iska celi waa Daaroodee.

Dacwada waxaan kasoo billownay Boosaaso waxaana cagta soo marinnay intii u dhaxaysay Boosaaso illaa Gaalkacyo. Waxaa na ajiibay ama qaatay dacwadii dadkii ku hoos-noolaaa afar qolo: hoggaamiye kooxeed, Suufiyo, Timawayn, iyo oday dhaqameedkii beelaha hor fadhiyay. Waxaa jiray qolo shanaad oo aan ku faraxsanayn imaatinkayaga oo ayaguna kamid ah dadka ehlo diinka ahaa ama reeraha Culumadoodii ahaan jiray.

Ciidamada ducaadda ah waxaa hoggaaminaya rag adeegsanaya xirfado kala gaddisan iyo aqoon dheeraad ah ama kalsooni ay ka haystaan bulshada meesha daggan iyo ciidanka dagaalka ku jira, waa ciidanka Cabdullaahi Yuusuf. Waxay ku guulaysteen in ay gaadhsiiyaan kalimaadkay rabeen in ay ciidanku maqlaan waxaana ajiibay ciidan farabadan oo ka soo baxay furintii ay ku jireen waxaana kamid ahaa saraakiil iyo askar intaba markii dambana waxayba kamid noqdeen ciidammadii Al-Itixaad Al-Islaami.

Ragga ducaadda ah oo hawshaas fulinayay waxaa kamid ah Caaqil Cabdiwahaab Maxamuud Guray oo ah nin caan ka ah deegaanka, waa nin lagu xushmeeyo aabbihiis oo muddo cidda caaqil u ahaan jiray waxaana la dhihi jiray: Caaqil Maxamuud Guray Cilmi Sarmaan, asagana waxaa lagu wareejiyay jagadii aabbihiis oo waa Caaqil dhalin yaro ah oo huwan haybaddii aabbihiis. Sidaas darteed wuxuu helay qaabiliyad ama soo dhawayn bulshada xaggeeda ah.

Raggaas ducaadda ahaa waxaan kaloo ka xasuustaa nin la dhihi jiray Dhagacaleen oo asaguna ahaa nin adag oo firfircoon oo bashaash ah dhalinyaraduna jeceshahay. Waa nin sheekaaloow ah oo meeshuu fadhiyo asagaa afkiisa la fiirinayaa oo maantoo dhan qisooyin buu ka sheekaynayaa. Waxaa intaas u dheer labada nin, waa Cabdiwahaab iyo Dhagacaleene, waxay ka tirsanaan jireen ama ahaan jireen Jabhaddii SSDF. Markaasaa Ilaahay qalbigoodii hanuun ku riday. Ciidanka Cabdullaahi Yuusufna wuxuu u badan yahay SSDF. Sidaas darteed waxaa u sahlanaatay in ay ciidankii dhexgalaan oo marba qaar lasoo jabaan.

Akhristow ha hilmaamin waxaan soo marnay shan qolo oo kala ahaa Timawayn, hoggaamiye kooxeed, Suufiyo, oday-dhaqameed, iyo qolo wadaaddo ah oo ayaguna cidda culumo u ahaa. Waxaan awal ka soo faraxalannay oo fara madow afartii qolo marka laga reebo hoggaamiye kooxeed Cabdullaahi Yuusuf oo aan ugu galnay dhufayskii ugu dambeeyay oo ugu qatarsanaa oo haddaan ku guulaysanno in aan ciidanka furinta ka soo saarno, waa furinta Gaalkacyo waxaan ka hadlayaaye, afarta qolaba waa isdhiibayaan oo waxay ku daba faylayaan dawladda Islaamka ah ee Al-Itixaad Al-Islaami.

Arrintaasu markay dhacday oo ay arkeen khatarta ku soo fool leh waa siday ayagu wax u arkayeene waxay billaabeen qaylodhaan ku wajahan dibad iyo daakhilba, waxay kala direen ergooyin soo uruurisa wax Alla wixii waxgarad ah oo arrintaanu khusayso. Waxaa la dalbaday dhaqaale lagu maalgaliyo shirarkaan muhiimka ah. Meel walbay gaadhay qaylo dhaantii waxaana la qabtay shirar hordhac ah oo arrintaan loogu gogolxaarayo. Waxay fureen shubhooyin ah: war nimanku waa Hawiye soo ma aragtaan waxaa wata Xasan Daahir oo Caydiid ina adeerkiis ah,  waxay u socdaan dabargoynta Daarood, iyo wixi la mid ah.

Dawladdaan Islaamku waxay leedahay wardoon ama sirdoon xogta raadiya waxay soo ogaadeen in ay jirto kulamo dhacay oo wata dareen colaadeed, way soo gudbiyeen. Muddaa la joogay ayadoo la hubsanayo arrintiina waa la dabagalay waxaa lasoo ogaaday in khatartii sii kordhayso markii dambana waxaa bannaanka usoo baxday cadaawaddii loo qabay dawladdii Al-Itixaad.

Al-Itixaad wuxuu iclaanshay shir wayn oo arrintaan cusub looga hadlo oo go’aan loo dhan yahay lagu qaato. Waxaa la diyaariyay ciidamo farabadan oo meel walba la soo dhoobay si loo sugo nabadgalyada wufuuddaan shirarka imaanaysa, waxaa loo doortay meeshii shirku ka dhici lahaa meel u dhaw tuulada Bacaadwayn. Waxaa yimid culumo aad u fara badan oo aad wada garan lahaydeen haddaan magacooda wada tiriyo waxaanse idinka xasuusin seddexdii oday ee ugu waawaynaa: Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax, Shiikh Cali Warsame, iyo Shiikh Xasan Daahir Aways (xafidahumu-llaahu ajmaciin).

Madaxwaynaha dawladda Islaamku waa Sheekh Cali Warsame. Wasiirka Arrimaha Dibaddu waa Sheekh Maxamed Cabdi Daahir. Wasiirka Gaashaandhiggu waa Sheekh Xasan Daahir Aways. Waxaa billowday niqaash dheer maalmay qaadatay in shirku soo xirmo ama la is afgarto. Sidaad ogtihiin shirkaan noocaan ah waa kii saddexaad oo waxaan soo marnay Dhoobley, Nasrudiin iyo kan hadda loo fadhiyo.

Fiiro Gaar ah: Akhristayaasha qaar kamid ah ayaa waxay isoo su’aaleen Dhoobley waan garannay ee Nasrudiin muxuu ku dambeeyay niqaashkiisii? Walaalayaal waxaan idin xasuusinayaa waa hal shay mar walba waxa dhibku ka taagan yahay waxayna tahay hubka hala dhigo, dadka yaan la argaggax galin, ciidankaan cid walba isugu jira dacwaduu wax udhimayaa, dowlad Islaam ah hadda lama dhisi karo, Maraykan baa nagu soo duulaya, meesha waxaa ka jira ciidan beeleed nabadgalyadana ilaaliya oo looma baahna ciidan aan beesha ahayn ama qabiillada meesha degta, iyo wixi la mid ah.

Shirkaanu wuxuu ka xasaasisan yahay kuwii hore maxaa yeelay waxaynu soo marnay in  cadawgu shirayo oo ay dhici karto in duullaan lasoo qaado ayadoon shirkuba dhammaan oo nin waliba wuxuu leeyahay ama wadaad walba oo aan ku qanacsanayn in la dagaallamo, “War shirka noo soo gabagabeeya oo meel isku raaca.” Intaas waxaa iska soo daba dhacaya akhbaartii cadawga oo soo gaartay meel halis ah.

Culumada meesha isugu timid qaar waa xog-ogaal qaarna waa loo warramaa oo wuxuu qaataa hadba sidii wax loogu sheego dooddiisuna waxay ku dhisan tahay khabarkii u hormaray ama akhbaartii saaxiibbadiis dhagta ugu sheegeen. Waxaa lasoo gaaray gabagabadii iyo gunaanadkii shirka, go’aankii wuxuu noqday in dacwada la wado hubkana aan la dhigin intii dagaalka daandaansiga ah laga fogaan karana laga fogaado haddii nala soo weerarana aan is difaacno. Shirkii waa xirmay wufuuddiina waxay kala aadday meelahay ka kala timid, ciidamadii Islaamkana waa la diyaar gareeyay, waxaana lagu amray in aysan ku degdegin cid kasta oo dagaal-doon ah ama daandaansi wadda.

Waxaan kamid noqday ciidankii la geeyay mucaskarkii ku yiillay magaalada Garoowe oo la oran jiray Ligle. Waxaa loogu magacdaray meeshii ciidanku dagganaa oo ahayd tog weyn oo la oran jiray Ligle, waa meel istaraatiiji ah, waxay leedahay togag waawayn oo haddaad dhex gasho aan lagu arkayn, waa meel bannaan  oo meel dheer baad wax ka arkaysaa, taas waxaa sii dheer wuxuu leeyahay toggu biyo macaan oo qulqulaya oo meel kale biyo ka doonan maysid biyuhuna waa muhiim. Meeshu magaalada Garoowe way u muuqataa oo waxay u jirtaa illaa iyo 2 kiilomitir qiyaastii.

Magaalada waxaa nooga yimaada rag ducaad ah oo maalinka galinkiisa hore nala jooga duhuradiina naga taga maadaama ay magaalada daggan yihiin. Waxaan ka xasuustaa raggaas Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax, Maxamuud Hoori, Codwayn, Cali Xaaji iyo rag kale oo farabadan. Muddaan dagganayn oo dacwadiina meesheedii laga waday waxaana farabatay dadkii doonayay in ay ku soo biiraan tayaarkaan socday hadday tahay qabiilooyin ama fardiyaad intaba. Waxaa la helay kalsooni lagu qabo in lasii wadi karo dacwadaan ilaa ay gaadho Gobollada Koonfureed maxaa yeelay markaas ayada ah waxaa wada shaqayn leh Gobollada Waqooyi Galbeed, Mudug, Waqooyi Bari, Nugal iyo wixi la mid ah. Intaas oo dhan waxaa ka jiray dacwada Al-Itixaad. Waxaa kaliya oo u dhimanaa waxay ahayd Koonfurta Soomaliya.

Sirdoonkii Islaamku wuxuu soo gudbiyay in ay jirto weerar kama dambays ah oo ay rabaan in ay soo qaadaan qolooyinkii u arkayay in taladoodii ay la wareegeen Al-Itixaad, waxay kaloo warbixintu leedahay waxayba ku shirsan yihiin meel noo jirta wax ka yar 3 kiilomitir. Qorshohooduna wuxuu yahay in ay barri subax ama saacado kadib weerar nagu soo qaadan. Waxaa la tasxiixiyay ama la hubsaday waxa jira iyo intay le’egyihiin waxaana xaqiiqa noqotay arrimaha sirdoonku soo gudbiyay in ay yihiin siday u soo gudbiyeen.

Waxaa la diyaariyay ciidankii meesha dagganaa, waxaa loo qaybiyay dhawr qaybood waxaana la galiyay heeggan buuxa, waxaana habeenkaas la seexday ayadoo nin waliba waran-la-yuurur yahay ama is leeyahay goormay billaaban doontaa xabaddu. Waxaa ciidankaas amiir u ah Shiikh Cabdulqaadir Cabdullaahi, waxaa ku xigeen u ah Shiikh Maxamuud Ciise (taqabalahumu-llaahu ajmaciin), Aamiin, Aamiin.

Akhristayaaloow arrintu sidii hore caawa ma aha oo waxaa jira cabsi laga qabo in dagaal dhaco marka dagaal la galayana waxaa la diyaarsadaa wax Alla wixii muhiim u ah dagaalka, ee aan hubka sifaysanno aan xoogaa seexanno aan biyo dhaansanno waa intaasoo meesha biyaha leh nalaga qabsadaaye. Barri waxaa dhici doona dagaal faraha looga gubtay oo rag badanu ku geeriyoon doonaan lamana yaqaan cidda geeridu u imaan doonto ee waxaan idin fari lahaa ha lala yimaado cibaado farabadan iyo Tawbad xagga Alle ku wajahan Ilaahayna u soo barya walaalihiin inuu guusha siiyo, baritoole inshaa Allaahu tacalaa.

Qeybta 10aad

Waxaan billownay in aan Dacwadii fidinno oo aan garsiinno gobollada kale. Boosaasana waxaan ka dhigannay xarunta ama  madaxtooyada Dawladda Islaamka ah ee Al-Itixaad Al-Islaami. Magaalada waxaa ku yiillay mucaskar la oran jiray Khaalid. Wuxuu ku yiillay magaalada dhexdeeda. Halkaas ayaa markii hore laga dhigtay madaxtooyo ku meel gaar ah maxaa yeelay dadkii magaalada dagganaa iyo muhaajiriintaan ka timid koofur isma ay aqoon oo wuu adkaa is dhexgalku.

Marka ilaa la iska baranayay waxaan samaynay xoogaw taxaafud ah ama is ilaalin ah. Waxaase jiray heshiis aan wada qaadannay oo ahaa ku soo dhawaada magaalada oo ha is martiyaynina! Laakiin nimankii yaqaannay Reer Bariga waxay dheheen ha ku degdegina dhexgalkooda annagaa naqaan Reer Bari. Ilaa ay arkaan in aad tihiin rag isku filan ayagana aan u baahnayn haloo kaadiyo. Taa micnaheeduna ma ahayn in aan magaalada la dhexgalaynin ee waa xagga siyaasadda waxaan ka hadlayaa.

Waxaa la bilaabay in la kala ratibo dafcooyinkii dacwada kala wadi lahaa. Waxaana loo diray qola walba meeshii loo asteeyay ama loo magacaabay. Gobolladii iyo tuulooyinkii nagu xeernaa ayaa rag loo diray. Magaalada Boosaaso waxaa lagu qaaday ol-ole ballaaran maxaa yeelay ayadu waa hooyadii dacwadaan oo dhan ama meeshii dawladdu fadhiday. Sidaa darteed waa in ay noqotaa meel nadiif ah xagga nabadgalyada, shirkiga, khuraafaadka iyo maamul la’aanta intaba. Ilaahayna waa nagu guuleeyay. Wakhti aan badnayn bayna nagu qaadatay ama waxaa la dhihi karaa lix bilood ilaa hal sano inta u dhaxaysa.

Intaas waxaa garab socday diyaargarowga xagga ciidanka oo maalinba maalinta ka dambaysa soo badanayay waxaana ciidammadaas cusub la siin jiray tababbarro ku saabsan xagga jismiga iyo xagga qalbiga intaba. Waxaa la sameeyay meelo lagu dhaqan celiyo midkii la kari waayo oo dhaqankiisu xumaado. Waxaana xeryaha dhaqan celinta ka mid ahaa meeshii la dhihi jiray Dhagcaan oo u dhawayd Qaw. Markay wanaagsanaadaanna waxaa laga dhigi jiray ama loo diri jiray nin walbaa wuxuu ku fiicanyahay halkaasuuna Islaamka uga khidmayn jiray. Waxaa markiiba is fahmay dadkii deegaanka iyo muhaajiriintii.

Waxaa bilowday is dhexgal, is aamin iyo wada shaqayn. Muhaajiriintaan waxaa ka mid ahaa ardaydii jaamacadaha, dugsiyada sare, dugsiyada dhexe, dugsiyada hoose, ardaydii dugsiyada Qur’aanka iyo waliba macalimiintoodii wax barashada intii Alle doonay, macalimiintii diinta iyo kuwii maadiga intaba.

Muhaajiriintaasi waxaa ka mid ahaa saraakiishii ciidamada qalabka siday iyo wasaaradihii kale ee dawladdii dhacday maamuli jirtay. Waxaa ka mid ahaa rag khubaro ahaa oo wax maarayn jiray markay talo murugto. Rag kaliya ma ahayn waxaan ka sheekaynayaa ee waxaa ku jiray haween aqoonyahanno ahaa oo laga faa’iidaysto dhankoodana.

Isfahamka waxaa soo dadajiyay dadka deegaanka oo ahaa dad ilbax ah oo reer xeebeed ah iyo bulshadaan muhaajiriinta ahayd oo isku darsatay cilmi diineed iyo mid aduunyo intaba. Muhaajiriinta waxaa ka mid ahaa culumadii Soomaaliya ugu waawaynayd marka laga reebo in yar. Culumadaasi waxaa ku ta’athuray ama ku dayday ama ka faa’iidaystay qof kasta oo dhaqan xun lahaa ama ilbaxnimadiisu hoosaysay markaasaa waxaa la noqday ama soo baxday bulsho nadiif ah.

Markii la arkay dhaqan wanaaggoodii, markii la arkay aqoontoodii, markii la arkay maamul-wanaaggoodii ayaa loo dhiibay meel kasta oo muhiim ahayd. Meelaha loo dhiibey waxaan ka xusi karaa Isbitaalkii Guud, Dakaddii wax ka soo dagi jireen, nabadgalyada magaalada, masaajiddeedii iyo khudbooyinkii iyo wixii la is lahaa bulshaday waxtar u yihiin. Boosaaso oo kaliya ma aha waxa ay dadkii is fahmeen ee meel kasta oo dawladdu gaartay waxaa ka dhacay xasillooni iyo maamul wanaag iyo horumar, haddey noqon laheyd mid diineed iyo mid aduunyo intaba. Markaasaa waxaa iska soo daba dhacay dalabka ka imaanaya magaalooyinka kale.

Waxaa ballaartay maamulkii dawladda. Waxaa batay tiradii iyo tayadii ciidanka. Xagga dacwada waxaa isku xirmay gobolladdii intii badnayd sida Hargaysa, Barbara, Burco, Laascaanood, Garoowe, Qardho, Ciirogaabo iyo intii hoos timaadda magaalooyinkaas. Bal waxaan gaadhnay Gaalkacayo meel wax yar u jirta oo lagu magacaabo Bayra. Waxaan Goday ku soo marnay Al-Itixaad Al-Islaami oo xaafiisyo ku leh ciidanna u joogo magaalada Goday. Gaalkacayana markaas waxaa isku hor fadhiya Caydiid iyo Cabdullaahi Yuusuf. Intaas oo gobol oo aan kor ku soo sheegay ma jiro hal magaalo ama hal tuulo oo aan dagaal ku galnay ee magaala walbaa waxay soo dirsanaysay ergo ayagoo leh noo imaada waan idiin baahannahaye muddo ka dibna waa loo imaan jiray dacwaduna waxay isku xirnayd illaa Itoobiya.

Su’aal ku socota akhristayaasha

Dawladdaan hadda ka jirta Koonfurta Soomaaliya oo kitaabka Ilaahay wax ku maamulaysa (Shabaabul Mujaahidiin) hadda ka hor masoo martay Soomaaliya? Haa, way soo martay laakiin waxay ku kala duwan yihiin, tan hadda jirta (Shabaab) waxay oofisaa xuduuddii Alle tan aan ka sheekeynayana ee 1992dii soo martey gobollada Waqooyi (Al-Itixaad) xuduud ma ay fulin jirin waxayse wada wadaageen maamul wanaag, dhaqan wanaag iyo isku fillaansho nabadgalyo iyo wax soo saar intaba.

Dawladda aan sheekadeeda hayno waa middii berigaas ka curatey ama ka hirgashay dhul aad u ballaaran oo gaaraya ilaa dhulka Itoobiya xoogga ku haysato. Xaggayse ku dambaysay dowladdaasu? Sidaad ogtahay akhristow dawladda hadda ka jirta koonfurta Soomaaliya ee Islaamiga ah waxaa la dagaalamaya jinni iyo insi, sokeeye iyo shisheeye. Waxaa dagaalka lagu wadaa sanooyin walina waa dhaqaajin la’ yihiin una malayn maayo in ay dhaqaajin karaan intay Ilaahay ku toosan yihiin.

Waxaan rabaa inaan idin xusuusiyo in dawladdii nasoo martey 1992dii ee ka talin jirtey gobollada Waqooyi in la kala direy iyada oo aan cidina ku soo duulin. Akhristow ha u maleynin in dagaalkii Garoowe ay ku baaba’dey dowladdii Islaamiga aheyd ee waxey samaysey horumar aaney gaarin intaan dagaalku dhicin ka hor.

Waxaase baabi’iyey nabadgalyadii iyo maamulkii wanaagsanaa ee ay shacabku heleen wadaad xumayaal. Waxayna gacanta ugaliyeen hoggaamiye kooxeedyo iyo Ashahaado la dirir oo  waxay hal kalmad ah ku kala direen dawladdii Islaamka ahayd hubkiina dhulkay ku duugteen ama waxay siiyeen Ashahaado la dirirkii.  Burburkii Al-Itixaad kharash badan kuma bixin ee waxaa loo adeegsaday ra’yi uu leeyahay nin wadaad ah oo fitnaysan.

Ma umalaynaysaan Islaamka intaas masaafada le’eg fiday muddo sanad ka yar in uusan cadow yeelan karin mid dibadeed iyo mid gudaha intaba? Haa, waa leeyahay waana la ogaa ilaa xad, wixii qarsoonna Allaa ku filan. Walaalayaal cadaawaddu waxay ka soo billaabatay markaan ka soo dhaqaaqnay Dhoobley intaasna waa kordhaysay. Waxaan kaloo aamin laga ahayn munaafiqiin ciidanka ku dhexjiray iyo jaasuusiin gudbiya sirta oo ciidanka ku dhexjiray lamase yaqaan labadaas nooc midkoodna maxaa yeelay way isqarinayaan intay awoodaan aakhirkase Allaa fashiliya.

Waxaa kaloo jira wadaad xume taladiisii la qaadan waayay oo asaguna madaxa dhulka la dhacaya oo jabkaagu guul u yahay! Xasuusta waxaan joognay oo isku aruursannay xadka Keenya. Hadday awood leedahay Keenya ama siyaasad u dagsan sida hadda lagu amray oo ah in ay Islaamka la dagaalanto faro islama aanan gafneen. Itoobiya waan soo dhexmarnay hadday xoog hayso nama soo dayseen. Gobolladda Soomaaliya oo aan soo dhexmarnay nama siidaayeen ee way na bililiqaysan lahaayeen.

Kuwaan aan ku habsannay magaaladoodii isuma-kaaya dhiibeen ee dagaal bay nagala hor imaan lahaayeen hadday awood hayaaan (Reer Bariga). Waxaa jiray hay’ado gaalo ah oo magaalada qorshahooda gaarka ah u joogay waxaadna ogtihiin gaal waddan Muslim joogaa waa jaasuus, waa baadari, waa cudurside, waa khabiith dhan walbaba marka laga eego aan wax khayr ah lahayn. Ayaguna taarkooday rakibteen oo dagaal bay hoosta ka wadeen awoodse ma lahayn.

Waxaas oo xumaan ah oo jiray ama cadaawad ah Ikhwaanku wax buu kala socday oo ma ahayn rag qaafiliin ah Ilaahayna waxaan ka magan galnay sharkooda waana u diyaar garownay. Waxaa magaalada buuxdhaafiyay rag ka soo jabay Koonfurta Soomaaliya oo aad u farabadan oo saraakiil sar sare ah waxaana ka xusi karaa Jeneraal Maxamed Abshir Hamaan, Korneyl Xasan Abshir Faarax, Jeneraal Jaamac Cali Jaamac, Jeneraal Cismaan Fatiig, Korneyl Abshir Muuse iyo Jeneraal Cali Ismaaciil. Waa saraakiishii dowladdii Maxamed Siyaad Barre.

Magaaladii isbaddal baa ku dhacay xagga dhaqaalaha, siyaasadda, nabadgalyada iyo caafimaadka waxayna noqotay magaalo meel walba la isaga yimaado oo waa camirantay bal waxaa dhacday in aan xagaagii kululaa ee dadku ka carari-jireen magaalada oo ay cidlo ahaan jirtay aan la dhaqaaqin oo ay mar walba camiran tahay ilaa la fahmi waayo xilligii xagaaga dadku u diyaar garoobi jireen. Waa taan soo marnay magaaladoo inta laga xagaa baxo tuugo ka shaqaysato oo dadka guryahooda jabsadaan. Miyaad illawdeen Dabanirig iyo raggiisii?

Boosaaso waxay noqotay Caasimaddii Islaamka aad bayna u soo caan baxday waana sidaan rabnay Allaana ku mahadsan. Waxaan ugudbi doonnaa inshaa Allaahu tacaalaa magaalada lagu magacaabo Bacaadwayn waana magaalada uu ka dhici doono niqaashkii saddexaad ee dhexmara xubnaha sarsare ee Dawladdii Al-Itixaad Al-Islaami natiijadiisana waxaan idiinku soo gudbin doonnaa inshaa Allaahu tacaalaa qormadayda dambe. Boosaaso waxaan ku soo gunaanadayaa labo dhacdo oo ka dhacday anoo jooga.

Dhacdadii Koowaad waxay ahayd:

Goor subax ah oo dadku shaqooyinkoodii ay udiyaar garoobayaan ayaan waxaan arkay ciidan koox koox u taagan oo afka isku haya, waxaa ciidanka ku dhexjira ama dhex taagan nin awalna qurux u dhashay haddana intuu tuute barabara leh ku labbistay aad mooddo Shabeel,  kaaga darane wuxuu ahaa nin cad aad uxanaaqsanaa markaasaa midabkiisii caddaanka ahaa wuxuu isu baddalay guduud.

Waan ku soo dhawaaday ciidankii waxaana iri maxaa jira? Waxaa la ii sheegay waxa jiray. Meeshu waa mucaskarkii Khaalid dhexdiisa, waxaa la diray oo maqan laba gaari oo tikniko ah iyo ciidankii saarnaa oo waajibaad loo diray in ay ka soo fuliyaan magaalada dhexdeeda. Labada gaari waxaa kala wada labadii wiil ee barakaysnaa ee Goday buundadeedii gafuurka ku soo qaatay Tigree lawya-gaabna argaggaxa ku riday waa Cali Xaashi iyo Shariif Yare.

Maxaa dhacay? Waxaa dhacay nin askari ah oo ciidanka Mujaahidiinta ka tirsanaa ayaa waxaa si gardarro ah u xirtay Booliiskii saldhigga joogay, waa loo tagay oo la yiri ninkaan xaaladdiisa nooga warrama oo hadduu khalad leeyahayna aan isla ogaanno oo wuxuu dambi leeyahay wuu mutaysan hadduusan dambi lahaynna iska sii daaya.

Labadiiba way diideen. Maalmaa lagu noqnoqonayay oo la lahaa war nala hadla oo askarigayaga noo siidaaya ama dambi ku sheegta, way diideen. Aakhirkii sarkaalkii u sarreeyay ciidanka hawl galinta ayaa waraaq u qoray oo wuxuu ku yiri hadiidnan 24 saac gudohood ku siidayn askariga xoog baan ku soo furan doonnaa inshaa Allaahu ee ogaada. Dhag jalaq uma ay siin. Waxaa dhammaaday waqtigii loo qabtay markaasaa inta ciidankii la diyaariyay waxaa laga doortay labadii gaari oo aan idiin sheegay iyo ciidankii saarnaa waajibka la siiyayna wuxuu ahaa ninkii ama nolol ku keena ama maydkiisii keena.

Ma taqaanaa sargaalka xanaaqsan oo shabeelka u ekaaday? Waa Shiikh Kornayl Faarax Xasan Faarax (taqabalahu-llaahu). Ciidankii kalana waa la diyaariyay oo waxaa la galiyay heeggan buuxa, Shiikhu hadba saacadduu eegayaa waxaa soo galay labadii gaari oo aad mooddo dhagax la tuuray oo mid waliba kan kale is leeyahay ka hor gaar ciidankii oo u bishaaree ilayn waxay wataan askarigii oo ay xoog iyo dagaal ku soo furteen wax dhaawac ahna uusan ku oolin askariga waxaase wali ku xiran katiinaddii baladu ku xirtay. Hal mar ayaa takbiirtu isla yeertay Allaahu Akbar.

Nimanku dagaal adag bay galeen oo rag bay foodda isdareen dagaalkii hadduu muddo socday gudahay u galeen xabsigii dhib badanna way kala kulmeen waxay lasoo baxeen maxbuuskoodii oo fayaw. Waxaase goobtaas kaga shihiiday bi’idnillaah askari qiimo badnaa oo magaciisa la oran jiray Gorod Mucalim Muxamed (Ina Mucalim Cashara) Mucalim Casharna waxaa uu ahaa macalin Qur’aan dadku aad u jeclaayeen oo magaalada Garoowe dugsi Qur’aan ka dhigi jiray.

Gorod Alla ha u naxariistee kuma uusan jirin askartii loo diray Camaliyadda ee uu doortay Shiikh Kornayl Faarax Xasan Faarax (taqabalahu-llaahu). Waxaa uu ahaa nin dhalinyaro ah oo lagu yaqaannay firfircoonaan iyo geesinnimo asaga oo magaalada ku maqan ayaa ciidankaan la xulay iridda markii ay ka sii baxayeen ayuu la kulmay ka dibna markii uu dareemay in ciidanku howlgal u socdo ayuu labadii gaari midkii dambe dabada qabsaday. Ma uusan wadan wax qori ah, dagaalkii markii uu bilowday ayuu si toos ah waxaa uu u abaaray qolkii uu ku tuhmayey in uu ku xiran yahay walaalkiisii maxbuuska ahaa Allaah waxa uu qaddaray in markiiba asaga ay ku dhacdo xabadii ugu horaysay. Dhanka kalena  bilayskii nin baa ka dhintay guushiina waxaa qaatay Muhaajiriintii la dulmiyay.

Dhacdadii labaad waxay ahayd:

Maalin baa waxaan maqlay rasaas dhacaysa magaalada dhexdeeda caadana uma ahaan jirin magaalada dhexdeeda in rasaasi si macnadarro ah isaga dhacdo. Waxaan soo aaday meeshii rasaastu ka dhacday waxaa iga horyimid nin walaalkay ah ama Muhaajiriintii ah oo ordaya. Waan soo dabagalay.

Waxaan soo gaaray asagoo meel fariistay oo neeftuuraya waxaan iri ii waran maxaa dhacay? Wuxuu yiri intuu hareeraha iska eegay war gaalkii xumaa oo Islaamka dhibay ayaan soo khaarajiyay ee aamus. Waxaan iri Allaahu Akbar duurkaygana waan iska galay. Waxaan horay idiinku soo sheegay in ay magaalada joogaan gaalo jawaasiis ah oo baadariyaal ah, cudursidayaal ah oo innaba aan khayr lahayn, kan xun ee la khaarajiyayna wuxuu kamid yahay kuwaas khayrka daran.

[arabic-font]

(فَمَا بَكَتۡ عَلَيۡہِمُ ٱلسَّمَآءُ وَٱلۡأَرۡضُ وَمَا كَانُواْ مُنظَرِينَ)

[/arabic-font]

 

Gaalkaas samaduna uma ooyin dhulkuna uma ooyin bal waa ka nasteen macsidiisii iyo gaalnimadiisii. Ninka gaalka khaarajiyay waxaa la oran jiray Muuse Ciise (taqabalahu-llaahu), kaligiina ma ahayn xagga talada iyo xagga ciidanka toona ee gaalkaas waxaa lagu khaarajiyey talo xaafiis kasoo baxday aadna loo rogrogay jazaahumu-llaahu khayran ajmaciin.

Akhristayaalaw waxaan gali doonnaa dagaal adag oo u baahan isticdaad ama diyaar garaw. Waxaan kaloo arkay meelaha dadku ra’yigooda ku soo qoraan qaar waxaan ka dareemay in ay cabsiyu gashay oo ay yiqiinsadeen in ayaga la soo gaari doono iyo waxay sameeyeen. Durbaba qaylay afka ku dhifteen laakiin ma haystaan waxay isku difaacaan oo aan ka ahayn war culumada daaya. Culumadu ma marfuucul qalam baa? Miyaysan khalad gali karin? Miyaanse looga digi karin waxay galeen oo gabbood fal ah? (Ikhwaankii la gumaaday).

Fiiro Gaar ah: Qofkii qormadaydii koowaad akhristay waan is fahmaynaa oo wuu ogyahay ujeeddadayda iyo meeshaan u socdo laakiin walaalaha dib ka imaanaya ha sugeen qisadaan oo dhammaystiran inshaa Allaahu way imaan doontaa anna waan wadi doonaa inshaa Allaahu.

Aan idin xasuusiyo cudurdaarkaygii iyo wuxuu ahaa mar labaad si aanan isu xagxagan. Waxaan ballan qaaday in aan qisadaan dhammaystiro haddii Ilaahay ibaaqi yeelo waxaan sheegay in qisadaanu mari doonto Qabiilooyin, Odayaal, Shuyuukh iyo Dhalinyaro intaba. Wax dan ahna kama lihi oo aan ka ahayn in dhacdadu meesha ila martay anna waan sheegi doona waxaan xaq u arko.

[arabic-font](لا نخاف لومة لائم)[/arabic-font]

Qeybta 9aad

Waxaan qaadannay xoogaa nasiinno ah. Waxaa lagu jiraa shir albaabadu u xiran yihiin, waxa laga hadlayaana waa ummaddaan masiirkeedii iyo manhajkii lagu maamuli lahaa, waxaa dheeraaday niqaashkii, waxaa loo kala jabay labo koox, waxaa lasoo gaaray gunaanadkii arrintaan loo fadhiyay. Maxay tahay arrintaan dhalisay doodda cusub iyo niqaashka dheer ilayn waataan horay isugu waafaqnay dood dheer kadib in xeebaha waqooyi bari la aado oo halkaas dawlad Islaam ah laga aasaaso?

Walaalayaal ha hilmaamina markii horaba in uu khilaaf jiray oo la khilaafay rag culumo ah oo waawayn. Waxa la khilaafayna waxay ahayd fikirkoodii ee ma ahayn diintoodii, waxa la qaatayna waxay noqotay meeshii sawaabka loo arkay jamhuurtiina isku raacday sidaasaana looga rajaxnaaday aragtidoodii wanaagsanayd ee culumadu soo jeediyeen ayaguna ma aysan caytamin mana habaartamin ee waxay ka cudur daarteen in ay qaafiladaas raacaan waana laga aqbalay xiriirka dacwada iyo diintuna waanaga dhexayn jirtay oo isma aanan goyn lagumana nicin fikirkoodii lagumana takfiirin.

Akhristayaalow waxaan ka sheekaynayaa ma ahan saad u dagdagaysaan oo aad rabtaan in sheekadu soo gaba gabawdo, anna ugama jeedo in ay noqoto sheekadu alfa layl walayl ah waxaanse rabaa in aan wada soconno anagoon xikmadda ka tagayn anagoon ka caajisin taariikhdaan ummadda soo martay iyo meeshay ku dambaysay. Waxaan la hadlayaa waa dadka danaynaya qisadaan dhammaantiina waad mahadsan tihiin, intiina iska baashaalaysa iyo inta murugaysan markay maqlaan sheekh fulaan taqabalahu-llaaah, qaari’ fulaan taqabalahu-llaah iyo wixi la mid ah.

Walalayal waxaan idin xasuusinayaa eray ku jiray qormooyinkeeni hore oo ahaa “Ma run baa in culumada la khilaafay maxaase lagu khilaafay?” Eraygaasuna waa dulucda qoraalkaan oo dhan uu ku saabsan yahay ama aan u soo soconno inshaa Allaahu tacaalaa, wuuna noo imaan doonaa bi’idnillaahi tacaalaa, waxaanse idin siin xoogaa hordhac ah. Waan arkaayoo waxaad dherarsateen gaarista waxyaabo noo imaan doona inshaa Allaahu tacaalaa. Haa! Waxaa la khilaafay culumada qaarkeed waxaana khilaafay culuma kale, waxa la isku khilaafayna ma ahayn Usuuludiin ee waxay ahayd aragtida kala duwan ee banii Aadamku ku kala duwanaan karo.

Waxaa la qaatay wixii jumhuurtu isku waafaqday kuwii hore iyo kuwii dambe intaba waana shayga kaliya ee ummaddaanu ka diin dhigatay kalana hagi kara ama kala wadi kara waxaana laga fahmay dhaqankaas wanaagsan Qur’aanka Kariimka ah oo Nabi Muxamed (sallallaahu calayhi wasallam) lagula hadlayay oo la lahaa dadkaaga la tasho tashi kabacdina go’aan gaar. Waxaa kaloo sunnada laga fahmay in la qaato meeshay jumhuurtu isku raacdo (culumadii hore iyo kuwa xiwaarku ka dhexeeyo).

Khilaafkii koowaad Dhooblay buu ahaa khilaafkii labaadna wuxuu ahaa Nasrudiin ama Boosaaso, khilaafkii saddexaadna wuxuu ahaa Bacaadwayn waana kay ku quusteen fi’adii wadday khilaafka quus kadibna waxay qaateen go’aankii ahaa Dabargoyntii Dawladdii Al Itixaad iyo in ay baddalaan manhajkoodii hore! Manhajkoodii hore wuxuu ahaa Manhajka Salafiya Jihaadiga. Waxay qaateen manhajka Ikhwaanul Muslimiin oo ah Salafiya Diimuquraajiya (Isdhiibid).

Muxuu ku dhisnaa khilaafkoodu? Wuxuu ku dhisnaa shubhooyin aan la qeexayn waana tan keeni jirtay mar walba in garta laga helo arrimaha ay qarsan jireen ama maldihi jireen waxay caddaan doontaa markaan Laasqoray gaarno Inshaa Allaahu halkaasaana waxaa isku waafaqay qawlkoodii iyo ficilkoodii meeshaas ayaan ku faahfaahin doonnaa inshaa Allaahu tacaalaa.

Fiiro Gaar ah: Hadday timaaddo shubha ah waxaa la khilaafay culumadii wax taqaannay waxa khilaafayna waa juhalo xoog wax ku wadday iyo xamaasad waxaan leennahay waa been abuur gadaal ka yimid iyo shubhooyin dadka loo saarayo mara diineed, maxaa yeelay raggu culumuu wada ahaa oo nin walba waa la yaqaannay mustawihiisa diiniga ah hal teendho ayaa lagu wada jiray waana la isyaqaannay oo markaas madaxu nooma duubnayn.

Waxa lagu doodayeyna waxay ahayd Kitaabka iyo Sunnada qoladii nusuustay wataan waafaqdo ujeeddada la leeyahay ayaana taladooda la qaadan jiray walina Jalasooyinkaas lagama dareemin intii la wada hadlayay wax caytan ah ama xadgudub ah waxaan kaloo la isku eedayn Manhaj xumo iyo culumo-diid waxaanse gaari doonnaa goortay billaabatay caytanka xishood la’aantu ka muuqato iyo tuhunka diineed oo ah “Waa Takfiir, waa Khawaarij, waa shisheeye, waa juhalo,” iyo wixi la mid ah, waxaasoo caytan ahse maxaa keenay waan ka hadli doonnaa inshaa Allaahu.

Waxaa go’aan lagu gaaray in Boosaaso dhexdeeda saldhig laga samaysto lagana billaabo dacwada ayadoo Ilaahay la kaashanayo thumma dadka dagaanka daggan ee isku duuban hadday hiyiin culumo, odayaal, dhalinyaro iyo hay’adaha khayriga ah intaba. Boosaaso inta aynaan imaan see ahayd dacwaddeedu ama deegaan ahaan? Boosaaso waa magaalo xeeb ku taal dhanka kalana waxaa ka xiga buuro aad u waawayn oo aad u qallalan. Boosaaso waxaa ka dhaca fanfi kulul xilliga xagaaga ah waana laga guuri jiray ilaa qaboobaha la gaaro.

Waxaa ku hari jiray dad yar oo magaalada waardiye ka ah ayagana waxay gali jireen dagaal adag oo waxaa soo weerari jiray tuugada oo caadaysatay marka magaalada laga xagaa baxo in ay dadka u soo dabamaraan oo guryahooda jabsadaan. Tuugadaas waxaa ugu caansanaa Dabanirig, Xayraxade, iyo Xarigle.

Xagga diinta waxaa ka jiray xoogaw masaajid ah oo suufiyo ubadan waxaana suufiyada madax u ahaa nin lagu magacaabi jiray Xaaji Daad asagaana magaalada qaadi ka ahaa oo u kala gar qaadi jiray xukunkiisuna wuxuu ahaa xeerka Soomaali iyo hadba sidii asaga dantu ugu jirto ee ma ahayn Qaalallaahu Waqaala Tacalaa.

Waxaan rabaa in aan idin xasuusiyo gobollada waqooyi bari waa gobollada dalka Soomaaliya ugu muuqaalka fiican xagga dacwada waa gobollada ugu ganacsiga badan waa gobollada ugu dhismaha badan waxaana la dhihi karaa waa mirihii dawladdii Al-Itixaad laga dhaxlay ama dhiiggii raggii Shuhadada ahaa inshaa Allaahu tacaalaa.

Ragga culumada ah oo inta Faroole, Shariif iyo Riyaale iyo Siilaanyo hadba la shira dhahaya dawladda hala adeeco, dadkana ku indha sarcaadinaya bal eega waxaan mashaayiikh iyo arday soo saarnay, dagaal wiil baa ku dhintee wiil kuma dhasho, waxay leeyihiin, “Waxaa dacwadaan iyo miraheeda sabab u ah manhajka dhexdhexaadka ah.”

Waa kalimad xaq ah oo baadil lagu doonayo. Waxay kaloo leeyihiin, “Waxaa sabab u ah dacwadda fidday, madaxdeenna wanaagsan ahna ulul amriga.” Madaxduna waa Mistar Faroole, Mistar Riyaale, Mistar Shariif iyo manhajkooda qunyarsocodka ah ama dhiigga qabaw (Diimuquraatiya), waxay kaloo muxaadarooyinka ku qabtaan masaajidda ayagoo leh, “Waxaan dadka uga digaynaa wiilashaan burladuulka ah dawladna aan waxba ka aqoon, waxay wadaanna jihaad ma ahee waa fitnah!” War hoy baraaruga! Ayagaaba ku dhacay fitno, waa ragga jihaadka ku sheegay fitnada.

Tusaale magaalada Boosaaso waxaa ugu horreeyay oo xifdiga Qur’aanka iyo Tajwiiidkiisa ka billaabay wuxuu ahaa ninka lagu magacaabo Cabdiraxmaan Tajwiid iyo Macalin Mowliid (Gacamay), waxaa tafsiirka Qur’aanka ka billaabay wuxuu ahaa Shiikh Cabdiraxmaan Bukhaari oo wali jooga Boosaaso dacwadiina ka wada meeshiisii, waxaa kaloo kutubo axaadiith ah ka akhrin jiray nin lagu magacaabo Aw-Jaamac, laakiin magaciisii runta ahaa  ee loo yaqaannay ma ahayn. Asagaa dadka dhihi jiray war Aw-Jaamac markaasaa lagu dhajiyay asagii Aw-Jaamac. Waxaa markaas magaalada masaajido u ahaa Shibiin, Rawda (oo aad u yaraa, magacaan Rowdana aan la dhihi jirin), masjidka Xaaji Daad ama Qubbada loo yaqaannay, Masjidu Nuur iyo Masjidkii Jaamaca ahaa. Magaalada waxaa hoteello ku yiillay Hoteel Gacayte marka laga reebo kuwo yaryar ama xuurar ah. Magaaladuna waxay ku urursanayd badda xeebteeda oo ma jirin cimaaradahaan meel walba laga taagay maxaa yeelay lamaba hayn dadkii camiri lahaa magaalada Al-Itixaad ka hor ama burburkii 1991dii.

Waxaa sabab u ahaa dhismaha magaalada ururkii Al-Itixaad ayagaana sabab u ahaa in magaaladu noqoto magaalo Soomaaliyeed oo meel kasta la isaga yimaado qof walibana ku aaminay hantidiisii in uu gashado dhulka oo wax dhisto baddana ay kala soo dagaan badeecadday rabaan. Maxaa yeelay Dawladdii Al-Itixaad ayaa magaalada dhammaan qaybaheedii ugu muhiimsanaa la wareegay sida nabadgalyada, dakaddii waynayd, ganacsiga, waxbarashada, ciidankii caamka ahaa marka laga reebo xoogaa boolis ah oo joogay saldhig ku dhaw dakadda kuwaasina dadka waxba uma qaban karin awoodna ma lahayn.

Shirku waa xiran yahay waxaanna isugu soo laaban doonnaa inshaa Allaahu tacaalaa qormadeena tan xigta waxayna ka billaaban doontaa Boosaaso oo aan maamulkeedii la wareegnay ayadoo aan dhiig ku daadan waxaana uga sii gudbi doonnaa gobolladii kale oo aan rabno in aan gaarsiinno dawladdaan ama maamulkaan curdanka ah oo aan Boosaaso dhidibbada ugu aasnay maantana qoraalkii waan badiyay oo waxaan tijaabinayaa in aad xiiso uhaysaan iyo in kale.

Qeybta 8aad

Bismillaahi wabacdu.

Waa qormadeenii 8aad.

Walaalayaal sida caadada u ah ciidanku markuu meel dago waxaa la kala ratibaa dadkii u khidmayn lahaa ciidanka. Qaar waxay qabtaan waardiye adag, qaar waxaa loo diraa in ay dadka raashin u diyaariyaan, qaar waxaa loo diraa in ay biyo raadiyaan, qaar waxaa loo diraa in ay haddii meeshu tuulooyin leedahay ay dadka soo wacdiyaan.

Anigu waxaan ka mid noqday dadkii loo diray biyaha, waxaan qaadannay booyad, waxaan aadnay tuulo noo dhawayd oo la yiraahdo Aricaddeeye. Tuuladii markaan nimid waxaan raadinnay odayaashii magaalada, waxaan u sheegnay in aan nahay ciidan Muslimiin ah oo meel dhaw dagay waxaan rabnaa biyo. Waxay dhaheen ma waxaad tihiin Ikhwaankii halkaas iyo koofur ka yimid? Waxaan niri haa, waxaa nalaku soo dhaweeyay gacmo furan wajiyo furan iyo sidii ka muuqatay qalbi furan intaba.

Tuulada waxaa daga reerka uu ka dhashay daaciga wayn ee Axmed Maxamed Saleebaan waana nin in muddo ah dacwada ka dhex muuqday Alla ha xifdiyo isaga iyo kuwa ku ayniga ah. Waxaan dhaansannay booyaddii, waxaan soo aadnay ciidankii. Wakhtigu waa gabbal gaab, intaan soo soconnay qoraxdii baa dhacday. Saan horrayba idiinku sheegay mar haddii lasoo gaaray laamiga waxaa badan dhuljiifka iyo mooryaanta. Tuuladii annagoo joogna ayaa qolo mooryaan ahayd oo tuulada ka agdhawayd waxay arkeen gaarigaan iyo ciidankaan aysan aqoon. Waxay go’aansadeen in ay magaalada ka baxaan oo horay nagu sugaan si ay nooga takhalusaan, baabuurkana nooga qaataan. Annaguna waxba kama ogayn arrintaa, odayaashuna wax kama oga.

Haddaan xoogaa soconnay gabbalkii baa dhacay, dhulka aad uma naqaan, laakiin tuugadaan dhufayska noo gashay waxay taqaan wadda kasta oo leexata. Waxay noo galeen meeshii ciidankayaga ku aaddanayd oo aan maanta laamiga uga soo leexannay markaan tuulada soo aadnay. Soomaalidu waxay dhahdaa sir maqabe Rabbaa u sahan ah. Waxaan ka leexannay waddo ka sokaysa meeshii tuugadu noo galeen oo ahayd waddadii aan ka leexan lahayn markaasna waxaan uqabnaa in aan saxnahay laakiin labada waddaba waxay isugu tagaan meeshii ciidanku dagganaa. Nimanku waxay wataan gaadhi tikniko ah waana ciidan koox ah oo hubaysan. Waxaan aragnay baabuur nalkiis oo na daba socda. Waan shakinnay, socodkii baan dheeraynay, nalkii waa nagu soo dhawaaday. Waxaan go’aansannay intii annagoo baabuurka saaran dagaal na qabsan lahaa in aan dhulka isku difaacno.

Baabuurkii baan ka dagnay, darawalki baan ku niri iska soco adigu. Waddada labadeedii dhinac baan galnay, waxaa nagu yimid baabuur Laan Kuruusar ah oo ciidan ka buuxo qorina ku rakiban yahay. Waddada dhexdeedaan u dhignay dhagxaan si uu u hakado marka hore, markuu istaagay ayaan labada dhinac waxaan uga qabannay qoryo aan ku dagaallami naqaan anagoo Ilaahay kaashanayna. Cabaad bay afka furteen, “War hana dilina! War hana dilina!”

Soo dagtaan niri oo meel baan isugu keennay, waa la isgartay waaba reeraha nimanku. Noo warame oo waxay noo sheegeen in ay rabeen in ay hubka naga qaataan oo kaliya waan wacdinnay waana iska sii daynay anagoon wax hub ah aanan  ka qaadan, waxaana kala tagnay annagoo is fahamnay, saasna waxaan u yeelnay ma aanan rabin in aan cadaawad isku abuurno annagoo waliba safar ah.

Waagii baa baryay, waxaa la bixiyay amarkii geeddiga, waa la dhaqaaqay. Waxaan ku dhacnay waddadii laamiga ahayd, waxaan dhexmarnay Laascaanood, waddadaas dheer waxay tagtaa ilaa iyo Boosaaso lakiin Boosaaso waxaa ka sokeeya magaalooyin farabadan sida Garoowe, Qardho iyo tuulooyin fara badan. Waxaan sii soconnay maalmo dhawr ah. Intaan dhexda sii soconnay waxaa isaga kaaya dhacay laba gaari oo labadaba ciidan saarnaa waxaa ku dhaawacmay hal askari oo wax tar ahaa, waa ninka lagu magacaabi jiray Xasan Guure.

Wuxuu ka jabay bawdada, mudduuna dhaawac ahaa oo kabmi waayay, Ilaahayse markii dambe waa u booga dhayay. Waxaan gaarnay buurihii dhaadheeraa ee Boosaaso ka sokeeyay. Waa markii iigu horraysay buurahaas. Meeshay buurtu kaa xigto cirka arki maysid. Waxaan ka dagnay meel aad u khatar ah oo lagu magacaabo Meermeerka. Wakhtigu waa saqdii dhexe, meel baan ku leexannay si aan xoogaa u indha gaduud sanno ama seexanno, meeshu aad bay u qabawdahay. Qorraxdii baa xoogaa soo baxday, waan dhaqaaqnay. Markaan ku dhawaannay Boosaaso ayaan laamigii ka leexannay, waxaan soconnay in muddo ah.

Dhulku waa dhul engagan, waa buuro, dhagaxyo iyo togag, waxaase na waday niman khayr badan oo dhulka taako taako u yaqaan, waxaan dagnay meel dhir cagaaran leh oo biyo leh. Waxaa lagu magacaabi jiray Laag. Xoogaa baan ku nasannay, sahan baa la diray oo waxaa lasoo raadiyay meel tan dhaanta, waxaa lasoo helay meel badda xeebteeda ku taal oo la yiraahdo Qaw una dhaxaysa magaalada Ceelaayo iyo meesha lagu magacaabo Dhagcaan. Waa meel bannaan ah dhinac waxaa naga xiga badda dhinaca kalana waxaa naga xiga buuro waa wayn. Meeshaas ayaa la dagay oo lagu nagaaday intii Alle doono. Ciidankii qola walba waxaa la dajiyay meeshii ku habboonayd, waxaa la dhisay teendhadii taliska ama madaxda. Waxaa la dhisay teendhadii maktabadda ama kutubta lagu daalacan lahaa waana labada teendho ee ugu muhiimsanaa ciidanka dhexdiisa! Sababtu waxay tahay waa manhajkii ummaddaas iyo mufakiriintii meel marin lahayd manhajkaas. Teendhadii saddexaad waxay noqotay masjidkii ciidanku ku wada tukan lahaa jameecooyinka salaadaha.

Waxaa kaloo dagaan loo sameeyay qoysas farabadan oo nala socday, waxaana la dajiyay meel wanaagsan, waxayna isu badashay xaafad xaafadaha magaalooyinka ka mid ah maxaa yeelay waxaad arkaysaa ayadoo ay carruurtii haweenkii is dabamarayaan oo la kala adeeganayo.

Meeshii waxay noqotay meel u eg magaalo anaguna waan isku daynay in aan magaalayno oo waxaa la sameeyay in dhulkii la cabbiro oo naqshad loo sameeyay qof walbana loo gooyo dhul ku fadhiya 20×20 ama 40×40 hadba siduu rabo qofkaasu dhulkaas cusubna waxaa loo baxshay Nasrudiin. Waxaa la billaabay duruustii caamka ahayd iyo middii khaaska ahayd intaba, macalimiinta Qur’aanku waa fara badnaayeen waxaanse ka xusi karaa Cabdirisaaq Weewar (taqabalahu-llaahu), Axmed Xasan, Cabdicaziiz Cabdullaahi Aadam, Maxamed Maxamuud Haaruun iyo Shahiid Macalin Aadam Xaashi Ceyroow (taqabalahumu-llaahu ajmaciin).

Waxaa tafsiirka Qur’aanka billaabay Shiikh Cabdulqaadir Cabdullaahi (taqabalahu-llaahu), wuxuu ahaa nin Ilaahay barakeeyay, waa shiikhii tafsiirka ka akhrin jiray masaajidkii la dhihi jiray Danwadaagaha oo ku yaallay Buulo Xuubay agteeda. Wuxuuna ka mid ahaa hoggaamiyaasha ciidanka, wayna noo imaan doontaa inshaa Allaah asagoo qaadanaya mawaaqif ad adag.

Akhristow waxaan kasoo dhaqaaqnay badda madow ee Keenya ku agtaal, waxaa na celiyay badda guduudan oo u dhaw xeebaha Yaman kuyaal. Intaas waxaan raadinaynay meel aan ka aasaasno dawlad Islaam ah Ilaahayna wuxuu noo qaddaray in ay noqoto meesha hadda aan dagnay.

Kuma imaan dagaanku talo xumo iyo talo marooqsi toonna ee wuxuu ku yimid niqaash dheer dabadii iyo Alloo qaddaray in la dago meeshaas. Waxaa yimid wufuud aad u fara badan oo culumo ah dibad iyo daakhilba, waxaa la galay teendhadii madaxtooyada, waxaa billawday niqaash u dhexeeya raggii culumada ahaa oo qaafiladaan waday iyo qolooyinkaan cusub oo magaalooyinka ka yimid gudaha iyo dibadda labadaba.

Akhristow xasuuso waa niqaashkii labaad ee la galo. Waxaan soo marnay intaan Dhooblay laga soo guurin in la wada hadlayay muddo bilo ah intaasna la rogrogayay meeshii loo guuri lahaa oo hawshaan laga billaabi lahaa kanina waa fadhigii labaad oo lagu falanqaynayo sidii loo wajihi lahaa marxaladdaan cusub iyo dagaankaan nagu cusub. Waxaad ogtihiin bani Aadamku hadduu wadahadlo in uusan isku fikrad ahayn oo markiiba is khilaafo. Ogow waagii horana waa la iskhilaafay haddana khilaaf waa imaanayaa oo maahmaah baa waxay ahayd maan rag waa mudacyo afkood. Maxaase lagu xallinayay khilaaf hadduu yimaado? Waxaa ishaadu ku dhacaysaa labada teendho dhexdooda oo la is daba marayo, waa maktabadda iyo madaxtooyada. Waxa la wada baadi goobayaana waa nusuustii iyo xujajkii nin waluba is lahaa adaa ku gar leh.

Waxaana mar walba taladooda la qaadanayay ninkii la yimaada xujo cad oo dabbaqaysa waxa la doonayo walina ma dhicin nin inta taladiisii la qaadan waayay xanaaqay oo inta  masaajid ka istaagay yiraahda waa dhalin yaro qar iska tuur ah, odayaasha warkooda maqlimaayaan, culumada warkooda qaadan maayaan, sidaan dacwada maslaxo uguma jirto, waa takfiir, waxaa tihiin jaahiliin aan waxna qorin waxna akhrin, waxaanu jihaad ma ah, Dimuqraadiyaddu waa xalaal suufiyada mushrikiin haku dhihina, iyo wixi la mid ah.

Ikhwaanii fillaahi raali iga ahaada haddaan badiyay hadalkii ama aan nuxurkii ka qaaday waayo mar kastoo hadalku bato waxaa yaraada murtidiisa. Waxaanse rabay in aan jidkii dheeraa idinku soo mariyo xoogaw hadal tiro ah ama maaweelo. Waxaan intaasoo dhan usoo soconnay waxay ahayd in aan nimaadno Boosaaso waxaana noo bilaaban doona wixii hadda ka dambeeya in birta la iska aslo oo rag badan maxkamad lasoo taagi doono inshaa Allaahu tacaalaa. Waxaa ila habboon in aan sugno shirkaan lagu jiro iyo wixii kasoo baxa oo go’aanno ah.

Qeybta 7aad

Bismillaahi Wabacdu.

Waxaan isku ogayn in aan soo nasanno ciidankuna casheeyo. Ciidankii wuu casheeyay wuuna nastay. Wuxuu cabbay biyo macaan oo Ilaahay cirka uga soo dajiyay. Waa la qubaystay. Weelashii marnaa ayaa biyo laga buuxsaday. Mahaddaasna Ilaahay baa leh. Ciidankii wuu dhaqaaqay. Waxaa afka la saaray meeshii ay dagganaayeen mucaskarkii reer Halooyo oo aan sidaas nooga fogayn. Waxaan soo gaadhnay walaalihii iyo degaankoodii. Waxaa naloo tusmeeyay meelihii ku habboonaa degaanka waana la dagnay.

Meesha waxaa ka qodan dhufaysyo Rabbaani ah. Waa meel leh togag waawayn oo qaarkood biyo qul-qulayaan. Biyuhu waa biyo dhanaan oo markaad afka saarto gadaal bay kuu dhaafayaan. Waase lagu qasban yahay in la cabbo oo hadday dhammaadaan xoogaagii xareedda ahaa ayagaa biyo noo ah waliba waxaa nala socda carruur yaryar oo aan xamili karin biyahaas kharaar.

Ciidanka urur walbaa meel buu dagay. Taliskii ama madaxdii ciidammada waxaa la dajiyay meel u dhaxaysa ururrada si looga warqabo nabad galyadooda. Waxaa madaxdaas ka mid ahaa oo ciidanka dhexfadhiya Shiikh Aadam Garway (taqabalahu-llaahu). Shiikhu wuxuu ka mid yahay ragga fara-ku-tiriska ah oo naftoodii iyo maalkoodii u huray in ay ku bixiyaan jihaadka Ilaahay magiciisa lagu koryeelayo mu’miniintana loogu gargaarayo. Taqabalahu-llaahu.

Wuxuu ka soo tagay dabaqyo dhaadheer iyo hoteello ku yaalla Nayroobi. Kaashkiisii wuxuu ku soo shubay khasnaddii mujaahidiinta si loogu nafaqeeyo mujaahidiinta dhibaataysan. Allaahu Akbar walillaahil Xamdu. Shiikh Aadam ma ahayn oo kaliya nin xoolo bixiya wuxuu ahaa askari qabta waxay qabato askartu.

Wuxuu ahaa waacid wacdiya ciidanka. Wuxuu ahaa zaahid cibaado badan. Wuxuu ahaa mufakir bixiya talooyinka markaas taagan. Wuxuu ahaa nin Ilaahay jeclaysiiyay goobaha jihaadka kumana soo koobi karno wuxuu mudan yahay in aan waraaq uga sheekeeyo. Ilaahay baa ka abaalmarin doona wuxuu shaqaystay oo khayr ah.

Waxaanse Ilaahay hortiis idinku markhaati galinayaa in aan jeclaa Shiikh Aadam. Waxaan u jeclaana aysan ahayn aduunyo ee ay ahayd jihaad jacaylkiisii iyo cibaadadiisii. Ilaahayna waxaan uga rajaynayaa in uu shahaadadiisii u aqbalo. Waxaan Shiikh Aadam warkiisa uga baxayaa: Maalin ay dhagahayga ku soo dhaceen asagoo taar kula hadlaya qof aan u maleeyay xaaskiisii oo markaas hadalku ka taag taagmay.

Waxaan maqlayey hadal uu oranayey oo ahaa, “Maxaad iga rabtaa xoolahaygii oo dhan adaa haystee ku raaxayso aniguna waxaan ku raaxaysanayaa boorka Jihaadka.” Meeshaan markaas joognay waa meel duur ah oo aad u qallalan oo aad u boor badan. Akhristow Shiikh Aadam Ilaahay buu ka doortay Islii oo waa tagay. Waxaase nasiib darro ah rag maalinkii Shiikh Aadam safka kula jirey oo mujaahidiin ahaa sida daahirkooda nooga muuqatey muddana camalkaas jihaadiga ah ku soo jirey ay maanta camalkii isaga ahaa ka tanaasuleen oo ay ka doorbideen in ay cimaarado dhaadheer ka dhistaan Islii iyaga oo aan waliba is qarinaynin oo habeen walba talefeeshinka iska xayeysiinaya.

Nasiib darrada taa ka wayn waxay tahay in xayeysiinta ganacsigooda ay ku garab wadaan xayeysiin kale oo ah “Tigree waa walaalahay oo waan ku khaldannay markaan jihaadka la galnay waxaan bari ka nahay Al Shabaab iyo mabda’ooda diiniga ah. Waxaan qaadannay mabda’a Dimuqraadiyadda. Waxaan u soo laabannay Meles iyo wixii ku mabda’ ah. Waxaan la dagaalami doonnaa annagoo isku duuban wax alla iyo wixii heshiiskeennaas cadaw ku ah!”

Wayna ka dhabeeyeen oo hadda waxay wadaan xamlo aan caadi ahayn oo lagu hayo Muslimiintii awalba daciifka ahayd oo kacaakufaysay. Waxaan sheegayo qofka been u qabow ka kac hurdada oo fiir-fiiri hereerahaaga.

Waxaa mudan in la xuso Shiikh Maxamed Qaasim oo ahaa halyay kale oo ummadda ku dhex jiray. Skiikhu wuxuu ahaa nin gacan furan oo deeqsi ah. Waa nin qaari’ ah oo cibaado badan. Wuxuu ahaa nin taajir ah. Maalkiisiina wuxuu ku bixiyay in lagu koryeelo kalimadda Ilaahay. Wuxuu ahaa ninka soo gaarsiiyay Al-Itixaad meel ay dawlad ka noqon karaan oo ayagu isku fillaan karaan. Ilaahay ha xifdiyo isaga iyo kuwa la midka ahba. Aamiin. Aamiin.

Aan u soo laabanno dagaankii biyaha kharaaraa. Ciidankii mudduu meeshii dagganaa. Waa la daal tirtay oo la nastay walaw ciidanka ay soo martay xanuun aad noo jilciyay. Sababtuna waxay ahayd biyihii kharaaraa markii ciidankii cabbay ayay hor iyo gadaal noqdeen oo xitaa waxaa la gaaray heer salaadihii fadhiga lagu tukado. Waxaa la diyaariyay baabuurtii soo martay waddada dheer.

Waxaa la bixiyay amarkii lagu guuri lahaa illayn waxaa na sugaya waddo aad u dheer oo cabsi badane. Cabsidii ma dhammaan. Waxaase dhammaaday wabiyadii laga gudbayay iyo buundooyinkii waawaynaa. Waa la dhaqaaqay. Waxaa na wada rag aad dalkaas u yaqaan. Waxaan sii marnay meel bannaan oo magaceeda la yiraahdo Banki Qoraxay.

Waxaan sii marnay dhul aad u qurux badan oo dhirtiisa carafta ka soo kacaysa aad mooddo in dhalo barafuun ah lagu jabiyay. Ciidda dhulkaas haddaad seexato oo aadan waxba iska xijin wasakhi kaa soo raaci mayso siday nadiif u tahay awgeed. Nin baan waydiiyay magaca meeshaas wuxuu yiri, “Waxaa la dhahaa Wardheer.”  Waxaan xasuustay murtidii ahayd waddo loo maraa wadyaalaaye Wardheer dal wanaagsanaydaa.

Waxaan sii marnay tuulo ayana meeshaas ku taallay. Waxaan iri, “Magaceed tanina?” Wuxuu yiri, “Waxaa la dhahaa Qalloocan.” Waxaan sii marnay tuulooyin kale oo dadka qaarkiis macna wayn ugu fadhiya. Waxaa ka mid ahaa Shaxda iyo Buuhoodle oo bulshada qaarkeed markay xanaaqaan ay ku dhaartaan oo waxay dhahaan waa tii ciidda Shaxda iyo Buuhoodle midh midh loo qaadaa!

Waxaan gaadhnay laamigii dheeraa oo isku xiri jiray gobollada waqooyi bari iyo koonfurta Soomaaliya. Mar haddaan halkaas nimidna waxaa naga hari doona jid xumidii na dhaxalsiisay in aan bil ku soo jirno safarkayagaas. Waxaan kaloo ku soo dhawaannay magaalooyin waawayn sida Laascaanood oo kale. Laamiga laftiisu ma dhibyara oo aad bay ugu badan yihiin day-dayga iyo dhabajiifku.

Laamigii markuu noo muuqday ayaan meel ku leexannay oo dagnay si xuduudda haan cusub loo muraaqabeeyo oo musaalaxo lagu dhexmaro. Waxaa la diray raggii u xilsaarnaa arrimahaas khaaska ah. Ciidankiina waa dagay. Ikhwaanay aan ka war sugno raggaas. Xoogaana aan nasanno socdaalkuna meeshiisuu nooga sii socon doonaa inshaa Allaahu tacaalaa.

Qeybta 6aad

Bismillaahi Wabacdu. Waa qormadeenii 6aad iyo qisaskii Al-Itixaad.

Inta  aanan u galin qormadaydaan waxaan dhammaan salaamayaa walaalaha ku taxan  qisadaan. Waxaana uga mahad celinayaa talooyinka ay ii soo gudbinayaan iyo khaladaadka ay iga saxayaan. Aad ayaad ugu mahadsan tihiin. Waana qaadan doonaa taladii wax ku ool ah inshaa Allaahu tacaalaa.

Anna waxaan idinka codsanayaa gaar ahaan ragga taariikhdaan wax ka og in ay i saxaan oo wixii macluumaad ah oo mugdi iga galo in ay ii toosiyaan. Waxaan kaloo walaalaha ku boorrinayaa in ay u madax bannaan tahay ciddii qisadaan buug ka samaynaysa. Maxaa yeelay waa taariikh soo martay ummadda Soomaaliyeed oo mudan in loo xifdiyo. Baarakallaahu fiikum wajazaakumullaahu khayran fiddunyaa wal aakhirah.

Waxaan kala hoyanay ayadoo ciidankii dhammaan mashquul yahay. Qaar waxaa loo diray in uu keeno xogtii cadawga oo dhamaystiran. Qaar waxaa loo diray in ay ciidanka caloosha u buuxiyaan ama dharjiyaan. Qaar waxaa loo diray in ay diyaariyaan kaartadii ciidanku ku weerar tagi lahaa. Qaar kalena waxaa loo diray in ay hubka safeeyaan, iyo wixi la mid ah.

Waxba ha nixina oo ha is dhihina: “Alla Ikhwaankii maxaa haysta? Wadaaddadu maxay dagaal ka yaqaannaan masaakiin?” Nacam naxnu masaakiin ilallaahi. Sidaan horay idinku soo sheegayba dadka meesha marayaa waxaa la dhihi karaa waa umaddii Soomaaliyeed oo dhan xagga tirada iyo xagga tayada marka laga eego.

Waxaaba la dhihi karaa waxay ahaayeen dhuuxii ummadda. Amiirka caamka ah waa nin kornayl milatari ah waa Sheekh Maxamuud Ciise. Ku xigeenkiisa waa kornayl kale oo ahaa Sheekh Faarax Xasan Faarax (taqabalahumullaahu ajmaciin). Labada shiikh tusaale ayaan u soo qaatay laakiin ciidanku wuxuu ahaa rag Ilaahay barakeeyay oo aysan u yarayn aqoon diin iyo adduunyo toona.

Waxaa la gaaray saacatu sifir ama wakhtigii kama dambaysta ahaa. Waxaa timid xogtii cadawga oo dhammaystiran. Waxaa la bixiyay amar ah in weerar la isu diyaariyo. Wakhtigu waa duhur gadaashiis ama qiyaastii saddexdii galabnimo.

Urur walba oo ciidanka ka mid ah waxaa u qalan neef geel ah walina aan hilbihiisii loo qaybin ciidanka. Waxaa nalagu amray in aan dhaqaaqno annaga oo dagaal u diyaarsan. Magaalada Goday waxay ku taal meel bannaan ah. Bannaanku wuxuu la’egyahay qiyaastii 5 illaa 10 kiilomitir. Magaalada waxaa ka sokeeya wabi iyo buundo oo ay ciidan ku hareeraysan yihiin ama waardiye ka hayaan.

Meeshu geed lagu gabbado malaha. Ciidankii waxaa loo qaybiyay saddex qaybood. Midig, bidix, iyo qaybta dhexe, khidadkaasna waxaa laga dhaxlay Nebi Muxamed (sallallaahu calayhi wa sallam). Waana kaartada ugu fiican oo ciidan ku dagaalamo. Waxaa la dhaqaaqay ayadoo la takbiirsanayo hubkuna kusii jeedo gaalada xaggeeda.

Waa lagama maarmaan in aan milicsanno magaalada iyo taageerada aan ku leennahay. Magaalada bartankeeda waxaa ka lulanayay calan ay ku xardhan tahay calaamadda iyo magaca Al-Itixaad Al-Islaami. Waxaa ka furnaa xafiis loogu khidmeeyo ururkaas iyo danahiisa siyaasadeed.

Magaalada meel aan ka fogayn oo la dhaho Halooyo ayaa iyadana waxaa ka furnaa mucaskar ay maamulaan ragga xafiiskaasu u furnaa, Al-Itixaad.

Mucaskarkaas waxaan filayaa in uu madax ka haa shiikh lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Baday (taqabalahullaahu). Rag ay ka mid yihiin Shiikh Cabdullaahi Baday, Shiikh Cabdullaahi Sayid  iyo kuwa kale oo fara badan oo aad u qiiraysan ayaa muddaba nala soo socday oo meel fog nooga hor yimid si ay noo soo dhaweeyaan dal aqoonna way noo ahaayeen.

Walaalahaas magaalada daganaa oo xafiisyada ku lahaa oo dawladda Itoobiya aqoonsanayd waxay isku dayeen in ay si nabad galyo ah ciidamadeenna ku marsiiyaan dhulka. Waase laga diiday waxaan dagaal ka ahayn. Itoobiyana waxay isu diyaarisay dagaal annana waxaan soo qaadnay weerar. Maxaase dhacay aakhirkii? (Walcaaqibatu lilmutaqiin).

Waxaan soo qaadnay weerarkii loogu magac daray Furashadii Buundada Goday. Meeshu waa bannaan saan horayba idiinku sheegay. Ciidankii waa uu soo dhaqaaqay asagoo saddex madax ah. Wakhtigu waa Jiilaal. Boorbaa cirkaas isku shareeray (kor ukacay).

Waxaa qarsoomey wax Alla wixii Goday koofur ka xigay dad iyo duunyo intaba. Xattaa buurihii baa qarsoomay ilayn boorku markuu kaco korbuu aadaaye. Tigree lawyo gaabtii dhufays bay ku jireen buundada hareereheeda ah. Waxayna rabeen wixii usoo muuqda in ay meeshiisa ku toogtaan ilayn meeshu waa bannaan, hub iyo saanadna way haysteen, cabsina kamay qabin Soomaali.

Dadkii magaalada ku dhaqnaa oo Muslimiinta ahaa bannaankay u soo baxeen ayadoo qofba si u fakarayo. Mid is leh Ilaahaw ceebtayada astur culumadaan indha adaygeedaan la yaabannahay. Ma Itoobiyay la dagaali karaan? Ma Itoobiyey iska celin karaan? Mid wuxuu leeyahay bal waxa dhacaan ogaan. Mid wuxuu leeyahay war aan galno dagaalka maxaad u taagan tihiin? Ma waxaad rabtaan in walaalihiin hortiinna lagu cuno? iyo wixi la mid ah. Dadkuna waxay taagan yihiin waddada hareeraheeda. Waxaa ugu horreeyay ciidanka laba gaari oo Laand Kuruuser ah oo ay kala wadeen Cali Xaashi iyo Shariif Yare. Labada gaari waxaa saarnaa qoryaha loo yaqaan tiknikada iyo ciidankii ku dagaallami lahaa. Wiilashaas sidey gawaarida u wadaan waxaad mooddaa in aan qof banii Aadam ah uusan wadin gaadiidkaas.

Ciidankii Tigreegu waxay arkeen boor meel fog ka soo muuqda. Way diyaar garoobeen. Boorkii wuu soo dhawaaday waxna ma arkaan aan boor ka ahayn. Way is nabeen si ay u hubiyaan boorku wuxuu yahay. Waxaase hoosta kasoo galay boorkii oo guux aan caadi ahayn wata. Boorkuna wuxuu taxan yahay ilaa meeshaan ka soo dhaqaaqnay. Waxaa Ilaahay ku riday rucbi iyo argagax. Waxay banneeyeen buundadii waxayna isugu tageen meel aan ka fogayn buundadii. Maxaa yeelay waxay ogaayeen dantayadu in ay tahay in aan rabno in aan buundada ka gudubno oo kaliya ilayn annagaa u sheegnay in aanan dan kale lahayn oo aan ka ahayn buundadaas.

Labadii wiil iyo ciidankii la socday markay buundada soo gaareen ayay baabuurtii ka daateen oo buundada labadeedii dhinac difaac ka xirteen ciidankiina u gacan haatiyeen oo ku dheheen soo gudba. Goday baanu dhex marnay annagoo cizzi iyo sharaf huwan Ilaahay baana ku mahadsan.

Dadkii reer Goday markay na arkeen annagoo nabad qabna waxay la kala dhaceen farxad aan farxadi ka dambayn oo waxayba ku sigteen in ay iska kaayo daba socdaan ayagoo lugaynaya oo mashxaradda iyo sacabka dhacaya aad mooddo in boqorro la soo dhawaynayo.

Fiiro Gaar ah: Rag waagaas noo sacabinayay (Godey) oo carruurta iyo haweenka la safnaa ayaa maantay caytankoodii iyo aflagaaddadoodii mujaahidiintu ka nasan la’ yihiin. Kuwii ciidanka hogaaminayay qaarkoodna gaaladii maalinkaas Ilaahay hoojiyay ayay jawaasiis u yihiin. Shacabkiina wali xasuuqii waa sidiisii iyo ka daran.

Waxaan dhaafnay magaaladii annagoo is leh malaha sidaan kuma badbaadi doontaan. Aaway raggii magaalada ama ciidankii magaalada haystay horay ayuu idiin galay oo waxay rabaan in ay idin gaadaan. Mase dhicin arrintaasu oo Ilaahay waana kala badbaadiyay. Qoraxdii baa aad u gaabatay anaguna magaaladii cabbaar baan ka soconay.

Meel hortayada ah ayaa waxaa ka curtay daruur biyo dhigtay. Waxayna ku habsatay waddadaan haynay oo meelo god-godan leh.Waxaan soo gaarnay daruurtii iyo biyaheedii. Wakhtiguna waa maqrib dabadi. Xasuuso waxaa noo raran hilbihii geelii aan maantay qalannay oo aan wakhti lagu cuno loo helin. Amiirkii amar buu bixiyay. Wuxuuna yiri hala dago oo ciidanku ha nasto hana la casheeyo waardiye adagna hala qabto waa intaasoo Tigree lawyogaab naga dabatimaadaaye. Walaalayaal waxaa ila quman in aan u kaadinno ciidanku intuu cashaynayo annaga lafteena naflay baanu nahaye aan casho raadsanno. Goday sidaan ku soo marnay iyo sida Ilaahay Tigreegii rucbiga ugu ridayna aan Ilaahay ugu mahadnaqno.