Waa Abshir Nuur Faarax Weheliye Gacal. Wuxuu u dhashay beesha Sacad ee Habargidir. Abshir wuxuu ku dhashay meesha la yiraahdo Mustaxiil oo ka tirsan dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya haysato, taariikhdu markii ay ahayd 1946kii. Abshir wuxuu ku korey agoonnimo kaddib markii aabbihiis la dilay sida uu yiri isaga:
Anoo dharabta jiifaa la yiri, dhimay adoogaaye.
Abshir waxuu ku barbaaray oo uu ku koray Mustaxiil, waxbarashadiisuna waxa uu ku bilaabey dugsi Qur’aan sida ay ahayd caadada bulshooyinka Islaamka, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed.
Markii hore waxaa Qur’aanka u dhigay Macallin Ibraahin oo u dhashay beesha Hadamo ee qabaa’ilka Raxanweynta ka mid ah.
Waxaa ku xigay in uu ka bartay Qur’aanka Macallin Cumar Libaax oo reer Aw-Xasan ahaa, iyo Macallin Abuukar Mocow oo isna reer Aw-Xasan ahaa.
Kaddib Abshir waxa uu u gudbay tacliinta inteeda kale, wuxuuna ku xirmay casharadii iyo duruustii ka socon jirtay masaajidada iyo mowlacyada iyo golayaashii diineed ee kuwada firirsanaa geyiga Soomaaliyeed oo dhan, sida caadada u ahayd gaar ahaan golooyinkii ku yiil Mustaxiil iyo hareeraheeda, wuxuuna ugu horreyntii akhristay fiqiga Shaaficiga ee ka jiray deegaanka Geeska Afrika. Abshir Nuur Faarax waxuu u gudbay oo u guuray magaaladda Gaalkacyo sanadku markuu ahaa 1962kii, waxaana meeshaa dagganaa reerkii uu ka dhashay, halkaana waxa uu ku sugnaa muddo sanad ah, waxaa uuna ku iibin jiray dukaan, ka dib waxaa uu u soo wareegay magaalo madaxda dalka Soomaaliya Muqdisho, horraantii 1964kii. Halkaana waxaa uu ka bilaabay shaqada beec-mushtarka ama tijaarada xurta ah, gaar ahaan beeca hoose. Bilowgi 1967kii wuxuu ku xirmay casharradii uu bixin jiray Shiikh Nuuraddiin Cali Axmed oo u dhashay beesha Cali Saleebaan ee qabiilka Majeerteen, oo uu ka mid noqday Shiikha xertiisa, waxaana uu ka bartay tafsiirka Qur’aanka kariimka ah iyo cilmi towxiidka oo uu ku caan ahaa shiikha inuu kala hufo waxa dhabta ah iyo wixii qiiq diineed ah.
Waxaa kale uu Abshir wax ka bartay Shiikh Cabdiraxmaan Shiikh Xuseen Foolow oo reer Aw-Xasan ahaa, isla sanadkaa wuxuu billaabay nolol bulsheed ee cusub, kadib markii uu guursaday.
Abshir Nuur Faarax wuxuu caan ku yahay loona yaqaannaa magaca Abshir-Bacadle, taana waxay ku timid isagoo wax ku iibin jiray suuqii Bacadlaha Xamar ee ku yiil Ceelgaabta ama degmada Xamar Weyne.
Dhanka suugaanta Abshir wuxuu ka soo jeedaa reer ku caan ahaa suugaanta, gaar ahaan gabayada, sidaa darteed layaab malaha in uu Abshir door weyn ka qaato sugaanta. Waxaana Ilaahay hibo u siiyayna in maansada oo uu ku caan noqday. Abshir gabayga wuxuu billaabay dhallinyaranimadiisii oo uu ahaa mid isku daya curinta gabayga. Si kastaba ha ahaatee waxaa Abshir gabaygii ugu horreeyay oo la oran karo waa mid dhaxalgal ah uu curiyay sanadkii 1975kii markuu u dhashay wiilkii ugu horreeyay uuna ku samiyay shiikhiisii Nuuraddiin Cali Axmed, balse taa macneheedu ma aha in Abshir gabay uu tiriyaa uu yahay midka aannu soo sheegnay oo loogu magac daray Dardaaran inuu kii ugu horreeyay yahay. Waxaase jira gabayo kale ee uu ka tirin jiray munaasabado kala duwan, gaar ahaan xilligii uu dhalinyarada ahaa iyo wixii ka horreeyay, laakiin gabayadaa ma aysan noqon kuwo hana qaada.
Mar la weydiiyey Abshir habka uu ku curiyo gabayada waxa uu yiri, “Aniga gabayga ma heli ogi, laashinna ma ihi, gabayada curintoodana dhib ayaan kala kulmaa, waxaana laga yaabaa inaan maanso aan is leeyahay nabadda ayay wax ka tareysaa ama diinta ayay u gargaareysaa inaan habeeno u soo jeedo.”
Abshir wuxuu aad ula dhacsan yahay gabayadii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, Qammaan Bulxan, Salaan Carrabey iyo Cabdullaahi Suldaan Timacadde.
Xilliyadii danbase waxaa raad wayn ku reebay gabayadii uu curin jiray Cali Xuseen Xirsi, Cabdullaahi Macallin Dhoodaan iyo Cabdulle Raage Taraawiil. Haddaan jalleecno xagga nolol bulshadeedka Abshir wuxuu guursaday dumar badan wuxuuna Ilaahay siiyay caruur badan oo isugu jira rag iyo dumarba.
asc walaal mcne, hadaan kaa saxo Abshir kuma dhalan Mustaxiil ee waa uu ku soo barbaaray, isagoo yar ayaa la geeyay, waxa uu ku dhashay dhul la daris ah magaalada Gaalkacyo
waxaan ahay wiilkiisa, waxaana ka xaqiiqsaday warkaas Caasho Nuur Faarax oo ah eeddaday laxmida ah, ahna aabe Abshir walaashiisa ka wayn oo ku hooyo iyo aabbe ah.
walaal xog intaa kabadan maheysaan tusaale ahaan waxyaabaha ku qasbay gabayga
sidoo kale beesha sacad lafta uu ka siiyahay maad cadeysaan maadama aadba xusteen waa codsi
Qabiilkuu u dhashay oo aan weliba la hubin illeen Soomaali oo dhanba waa iska sheegtaan qabiilkee oo lama hubo e. Maadaama qabiilkiisa aad ku bilawdeen waxaan ku talin lahaa buuggiisana Habar Gidirtaa aad sheegteen ha aqristeen.
F.G. Waxay ku socotaa fariintan kuwa qoray buugga. Maktabadda waa inaysan soo bandhigin waxan oo kale.