Category: Diiwaanka Maansooyinkii Abshir Bacadle

  • Raadraac

    Ilaha xog ururinta kala duwan ee qoraalkan gacan ka geystay waxaa u door roon kuwan hoos ku xusan: 1. Gabayo badan oo aan qoraaga toos uga soo xigtay marar kala duwan oo aan wareysi la yeeshay. 2. Cajalado badan oo ay ku duuban yihiin gabayo kala duwan oo la tiriyey xilliyo kala duwan. 3. Barta […]

  • Abshirow Bacaadloow – Abuubakar Al-Badri

    Waa geeraar baroor diiq ah ee uu curiyey Abuukar al-Badri mar uu muujinayey dareenkiisa ku aaddan geerida ku timid abwaan Abshir Nuur Faarax Abshir Bacadle wuxuuna yiri: Abshirow Bacaadloow, Abwaankii dadkeeygoow, Xaqa kii ifinayee, Aan ku diirsaneynoow, Ayaamehey darreydee, Alhumadeeni taagneyd, Afkii noo hadlaayoow, Inta dhibban masaakiin, Kii aruurinaayoow, Kan habeenki aan shidan, Kan hiraabti […]

  • Bacadle: Abwaankii Nabadda – Yuusuf X. C. Xasan

    Maansadatan waxaa uu Macalim Yuusuf Xaaji Cabdullaahi Xasan oo ah qoraa, macalin iyo maanso-curiye, geerida Abshir kaga falceliyey markii ay soo gaartey maansadan: Adduunkani aaya ma leh Adduunkani aabbe ma leh Wax loo ehel sheegto iyo Abdiyo sii eegid ma leh Ammuuri markay dhacduu Oogmaa anfariir darani Markay asaraar gashuu Afkii hadli jiray xidhmaa Markay […]

  • Haldoorkii Abwaanka – Cismaan C. Guure

    Jiiftadan waxaa tiriyey abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure oo ah abwaan caan ka ah Muqdisho iyo hareeraheeda ayna saaxiib ahaayeen abwaan Abshir Bacadle. Sababta ku bixisey inuu gabaygaan tiriyana abwaan Guure waxay aheyd sida aanu ka soo xiganey Abuukar al-Badri markii ay ciidamadii Xabashida ee soo galay magaalada Muqdisho ay xireen Abshir Nuur Faarax ka dib […]

  • Gunaanad

    Waxaa ila haboon inaanu arrimaha la xiriira doodaha iyo mucaaradada suugaaneed ee loo hayo abwaan Bacadle oo ka badan inta aanu soo sheegney inala habboon inaanu ku soo gabagabeyno jawaab gaaban uu Bacadle ka bixiyey maansooyinka ka soo horjeeda qaarkood gaar ahaan kuwii la xiriirey xarigii Samsam iyo dooddii abwaannada reer Soomaalilaan, marka haddi jawaabaha […]

  • Gacan Saar – Maxamuud M. Aw-Yuusuf

    Gabaygan waxaa tiriyey abwaan Maxamuud Maxamed Aw-Yuusuf, abwaanku waxa uu halka kaga hadlayaa arrinta Samsam oo in badan qoraallo iyo gabayaba lagaga hadlay isaga oo ka duulaya gabayada ay is dhaafsadeen abwaan Abshir Bacadle iyo Cabdi Cige. Abwaanku waxa uu ka tiriyey tixdan la magac baxday Gacan Saar, isaga oo jooga magaalada Badhan taariikhdu markay […]

  • Haddaad Guluf Abaabuli Lahayd – Maxamed Xirsi Guuleed

    Gabaygan waxaa tiriyey Maxamed Xirsi Guuleed 2005tii Jannaayo 13ki isaga oo kaga jawaabaya tixdii Abshir Bacadle ka tiriyey qaddiyadda Samsam Axmed Ducaale. Maxamed Xirsi wuxuu la qabaa Abshir Bacadle damqashada uu ka damqaday dhibaatada haysata gabadha Soomaaliyeed, laakiin wuxuu saluugay sida uu abwaanku u weeraray ummad dhan oo aan dambi qaybsan karin. Wuxu yidhi: Abshiroow […]

  • Gees Isugu Bayra – Daahir C. Maxamuud Daylaaf

    Gabi ahaanba gabaygaan waxaa uu qayb ka yahay gabayadii abwaanada isu dhaafsanayeen arrinta ku saabsan Samsam, waxaana maansadan curiyey abwaan Daahir Cabdulle Maxamuud Daylaaf oo jooga dalka Swiiden, wuxuuna abwaanka yiri: Abshir gabanta guubaabaduu ugu garbeeynaayey Gaddii fidisay oo rag badan gacantogaaleeye Kuwo aan giriifana arkoo weer xun soo gamaye Ninkastana garaadkiisa hadal garasho yeelkeede […]

  • Aflagaaddo iyo Cay – Abwaan Kaarshe

    Inkastoo Kaarshe ka soo jeedo degaannada Soomaalilaan haddana isagoo ka xun gabaygii hore oo Yaasiin Ismaaciil jawaab uga dhigey Bacadle ayuu waxaa uu mariyey afareeydaan soo socota: Abwaannimadi aasaasiga ahayd; Eedday sharaftii dheh. Asaraarka waxa uugu wacan; Aarsigaa daran dheh. Waa in eedda layska dhaafaa; Adeer oohintiyo cayda. Irkashadu haddii kale luntoo; Odaxi taabkeentay. Intaa […]

  • Duulaanka Xamar – Idbac

    Waa gabay uu mariyey qof magaciisa ku sheegey Idbac, 5tii Nofember 2006dii. Gabi ahaanba gabaygaan gaaban waxaa uu lid ku yahay Abshir Bacadle oo ka careysiiyey dad badan oo dega Soomaalilaan, abwaanka maansadan curiyey ayaa ka mid ah dadka Bacadle ka caraysiiyey. Dowladnimada maantay dhacdee daqaydu naafowday Dooxatadu markay soo gashee dumarka laynaysay Dab inaad […]