Gabaygaan waxa uu ka hadlayaa boqol iyo afar iyo tobanka suuradood oo ah tirada suuradaha Qur’aanka Kariimka, sida badanna suuradaha midba wax baa lagu tilmaamey oo ay iyada astaan u leedahay.
Alxamduda tan Faataxa awala udubka towxiidka
Al-Baqra iyo Aalaa Cimraan waa ifahayaane
An-Nisaa iyo Awfuu axkaan urursan weeyaane
Ancaam iyo Acraaf baa Shirkiga oodayoo xirayee
Anfaal iyo At-Tawbana jihaad olalahiisiidhe
Akaan Yuunis Huud baa shirkiga lagu albaabaaye
Iimaan khalkhalay Yuusuf baa lagu adkeeyaaye
Ar-Racdi iyo Ibraahiim xaqaa lagu ogaadaaye
Al-Xijri iyo Naxlina iyana waa eynigoo kale’e
Israa’ iyo Al-Kahfiyo Maryamo nuxurka iimaanka
Daah markaad aqrido iyo Anbiyo eridey shaydaane
Al-Xaj Muuminuun iyo An-Nuur ku ifso iimaanka
Al-Furqaan Ash-Shucariyo An-Namal unuga towxiidka
Qasas iyo Xasiba aaminoo ku ifso towxiidka
Ar-Ruum iyo Luqmaan iyo Sajdana waa iyagoo kala e
Axsaab iyo Sabiyo Faadir baan aaminoo qiraye
Alle idanki Yaasiinka waan ku aflaxeynaaye
As-Saafaadiyo Saad iyo Tanziil udubka towxiidka
Aqbaley Qaafir aaminey Fusilad idan Ilaaheeye
Iimaan dabcana Shuura waa lagu adkeeyaaye
Az-Zukhruf iyo Dukhaan iyana waa ubaxa towxiidka
Al-Jaathiya Axqaaf Muxamed baa sugaya iimaanka
Innaa Fatax iyo Al-Xujuraad waa arkaan dhabahe
Ku adeeca Qaaf kuna ayida amarka towxiidka
Ad-Daariyaad Ad-Duur iyo Najmiyo Qamarna iimaanso
Ar-Raxmaan Al-Waaqica Xadiid Eebbe ku aqoonso
Ku adkow Mujaadalo Xashrina waa asluub wacane
Al-Mumtaxinadii Laa-Tatakhid lama iloobaan dhe
As-Saf iyo Jumcaa uur mugdiya lagu iftiinshaaye
Al-Munaafiquun labagaloow Boqor ku eedeeye
At-Taqaabun Dalaaq iyo Taxriim waa asluub Nabiye
Al-Mulkiyo Al-Qalam iyo Al-Xaaq imaamu towxiid dhe
Al-Macaarij iyo Nuux xaqaa lagu ogaadaaye
Al-Jiniyo Al-Muzamilna waa oogta Thaqalaynka
Al-Mudathir Nabow orad kac iyo erayo towxiida
Al-Qiyaama ayaantii danbey ina ogeysiine
Al-Insaan abuurkayni bay nooga akhbaartaaye
Al-Mursalaad umuuraha jiroo adag inoo sheektay
An-Naba’ iyo Naazicaat wax bey noo ifinayaane
Cabasa At-Takwiir waa irshaad aan ihmaal geline
Infidaar waxay noo ifidey ummuur qiyaamoo dhan
Al-Mudafifiin akhbaar ganacsadaa Eebbe ku canaantay
Al-Inshiqaaq Buruuj Daariq waa ilihii towxiidka
Al-Aclaa iyo Qaashiyana waa ahal wadaagaane
Al-Fajriyo Al-Balad waa xusuus lagu ilmeeyaaye
Ash-Shamsiyo Al-Layl kownigey kuu ifinayaane
Ad-Duxaa iyo Sharax iyo Wat-Tiin nuxurki iimaanka
Iqra’ waa bidaayadii waxyiga saan ogsoonahaye
Al-Qadri iyo Bayina iyo Zulzilat ku ayid iimaanka
Al-Caadiyaad Al-Qaaricana waa lagu adkeeyaaye
At-Takaathur isugu faan adduun wow ekoontahaye
Al-Casrina imaankaaba yiri idilka diinteen dhe
Al-Humaza al-Fiiliyo Quraysh waa isku egyiine
Al-Maacuun salaadda iyo daris na ogoleysiisay
Suuratul Kowthar iyo Kaafiruun kamaalul iimaan dhe
An-Nasroo Idaajaa ah waa oofsigii Nebiga
Al-Masadoo Tabbada waa canaan reer Abuu-Lahabe
Al-Ikhlaasna towxiid Alloo urursaan weeyaane
Al-Falaq iyo An-Naas magangalkii Ilaahay weeyaane!
Shirib
Boqol tobanya afartaan Ilaahow naarta iiga ood
Allow haddaan ku dheelayoon wax dhimay danbigayga dhaaf
Ilaahow maalintaan dhintaan ka dhursugaahe iigu dhaaf