Gabaygaan waxaa uu abwaanku tiriyey bilowgii 1982kii, waana gabay ku socdaa dariiqooyinka sida dariiqadda Qaaddiriyada, laakiin waxaana la oron karaa waa gabay uu abwaanku isku qaldayo culumada Suufiyada diinta faafisa iyo qolooyinka diinta ku qaraabta. Run ahaantii waxaa uu halkaan ku cabbiryaa fikradihii ka jirey waqtigaa qaar ka mid ah kacdoomada iyo ururrada Islaamiga dhexdooda.
Xaaraama cunayaashu waa xoogsi diidyada e
Xaq waxey u haystaan qabuur lagu xadreeyaaye
Xasaasiyadba  ma lohoo shirkibaa xididadii gooyey
Haddii diinta xeer lagu beddelo kama xumaadaane
Xoogaa markii loo ridey dhab u xadreeyaane
Sayidkii  wuxuu kula xarbiyey una xariiqeeyey
Weligood xilfey  kula jireen xukunka Daaquudka
Oo wexey xalaaleyn jireen xeerarka ibliiska
Xaq la diido xaaraan la cuno kama xoroobaane
Xaniifiinta  iney neceb yihiin kama xoroobaane
Xiddigaha iney faaliyaan kama xoroobaane
Xoolaha agoontoy cunaan kama xoroobaane
In ilaahey xeyn lagu daraa kama xoroobaane
Xertuna macallin koodey dersiga ku xushma dhowraane
Hadduu xarafka khalad ugu bedelo wey xafidayaane
Oo xaaraanta wow bari karaa shay an ka xirnayne
Xumaan culimo kaa soo gashane waa xujiyo yaabe
Xaqood qaadatiyo baadilkood xoorto mooyaane
Wallee xowlka Nabigaanad cabbin tima ku xayr weyne.