بسم اللّٰه الرحمن الرحيم
بسم اللّٰه الرحمن الرحيم
السلام عليكم ورحمة الله وبركاته
Daawadayaal, waa waraysi gaar ah oo aanu la yeelaneyno Abwaan Nageeye Cali Khaliif. Abwaanka waxaanu kala sheekeysan doonaa oo aanu ka wareysan doonaa arrimo isaga u gaar ah sidoo kale xaaladda guud ee wadanka ayaanu wax ka weydiin doonaa hadduu Allaha awoodda lihi doono.
Abwaan! Waan ku faraxsannahay la kulankaaga kusoo dhowoow Stuudiyaha Saddexaad ee Warbaahinta Islaamiga al-Furqaan
السلام عليكم ورحمة الله وبركاته
وعليكم السلام ورحمة الله وبركاته
aniguna runtii waa ku faraxsanahay inaan al-Furqaan iyo Stuudiyeheeda Saddexaad aan joogo waana dhowahay, waa mahadsan tahay.
Waa tahay, marka hore Abwaan Nageeye waa kuma? Dabcan tacriifkaaga Xasuusqorka Dibadwareeg ayaad ku sheegtay laakiin dad badan oo daawadayaasha kamida ayaa laga yaabaa inaysan usuuragelin marka soo dhawow waa kuma Abwaan Nageeye?
Cabdifataaxow Nageeye waa… waa ninkan ku horfadhiya weeye. anigu qoyskeygu waxay ahaayeen dadkii hadda muddo hadda qarni ku dhow dagay xaafaddii Guryasame Hargaysa. Ee aniga qof ahaan aabahay wuxuu kamid ahaa dadkii 1960kii markii labadii jamhuuriyadood ay gumeystaha uu ka kacay Muqdisha iyo Hargaysa dadkii Xamar yimid ee calankii soo qaaday Waqooyiga ayuu aniga aabbahay kamid ahaa markii dambe ee dagaalada iyo burburkiyo waxaas ay Waqooyiga ka dhaceen gaar ahaan Hargaysa iyo Burco iyo magaalooyinkaasi ay aad u burbureen dadkii dhulkaa dagganaa intooda ubadan waxay uqaxeen dhulkaan Hawd Reserve Area la yidhaahdo bay inta ugu badan ay aadeen oo degaan ahaanna ugu dhawaa dad ahaanna marka horeba ay ee aad ma aragtay xiriir deegaan iyo dadnimo uu ka dhexeeyey. Markaa anigu caruurtii yaryarayd ee intii qaxootiga iyo qaranjabkiyo dhibaatadaa lagu jiray Dulcad iyo Daroor iyo waxaas loo qaxay dadkii meelahaas ma aragtay ku dhashay baan yaan kamid ahaa uu qoyskaygu ay magaalooyinka dadkii ka baxay ay ku jireen waxaan ku dhashay dagmada hada la yidhaahdo Salaxley iyo… oo caan ah meel marka laga qabto Hawd bari ka xigta, deegaanka Loolabi Sagaala la yidhaahdana maxaa la yidhaahdaa, galbeed Hawd isagana ka xigta tuula yaroo halkaa ku taalla oo border line-ka xuduud-beenaadka dhinaca tallowga ee hadda dhulka Itoobiyaanku ay guumeystaan kamid ahoo Kaam Buraale la yidhaahdo dadkii qaxootiyada iyo ma aragtay sidaa loo kala qaxqaxay halkaasuu aniga ay hooyaday maxaa la yidhaahdaa, ay igu dhashay tuuladaa yar ee la yiraahdo Kaam Buraale. degmo hadda gumeystuhu ay haystaan oo Daroor la yiraahdo ayey kamid tahay dhulweynihii Awaare la odhan jiray weeye, dadku si fiican bay u yaqaanaan Marka halkaasaan walaal ayaan anigu ayaan ku dhashay. Waqti bay markaa iska qaadatay burburkii iyo dagaalladii iyo wixii maxaa la yidhaahdaa wixii meeshaas ka dhacay magaalooyinka markii dambe dadku haddana guryahoodii oo burburay oo dhulkii baa la iskaga soo laabtay Burco iyo Hargaysa iyo meelahaas. dugsigi hoose dhexe ee Qudhacdheer ayaan dugsiga hoose anigu ka bilaabay Hargaysa. Dugsiga dhexe waxaan ka galay dugsi la oran jirey Riis oo isaguna Hargaysa ku yaalla Dugsigi sare waxaan kaga baxay dugsi la yidhaahdo Maxamuud Axmad Cali oo isaguna caan ah oo Hargaysa ku yaalla. Waxaan kamid ahaa ardaydii machadka luqadaha ee Nuuradiin Intensive English Course ee ka faa’idaystayee ma aragtay halkaasi ka baxay. Madaarista Hargaysa ku yaala ee Qur’aanka ka faa’ideystay Marki dugsiga sare aan ka baxayna waxaan kamid ahaa arday fursad uhelay inay Itoobiya aadaan Adis Ababa oo jaamacad ay utagaan Waxaan qaatay markaa BA ama Bachelor of Arts in Political Science, ayaan sameeyay waxa weeyaan waa shahaadada 1aad oo la xidhiidha waxan ay yidhaahdaan Cilmiga Siyaasadda ayaan sameeyay. Kadibna waxaan ku xigsiiyay Masters. oo Journalism and Mass Communication ah waxa weeyaan Isgaarsiinta iyo Saxaafadda ayaan sameeyey 2016 dhammaadkiisi baan ayaan markaa jaamacad Addis Ababa University layiraahdo aan walaal ka baxay. Hargaysaan ku laabtay markii jaamacaddiyo waxaas iga dhamaadeen, jaamacada Hargaysa ku yaallaan ayaan macallin ka noqday Jaamacadda Hargaysa 2018ki markuu bilaabmaayay ama 17ki markuu dhamaanayay, late December ama early January oo ay bilaabayeen Faculty of Journalism iyo waxaasaa macalimiintii lagu bilaabay baan ayaan kamid ahaa Jaamacadda Hargaysa. Jaamacadaha kale Hargaysa ku yaallana iyagana macallin baan ayaan ka ahaa Inta badan waxaan bixin jiray koorsooyin la xidhiidha ama Political Science oo siyaasadda ah ama Journalism labadaasaan ayaan waxyaabahan ardayda courses-ka aan… waana buuxaan dee ardaydii waa joogaan marka halkaasaan ayaan macalin ka noqday sidoo kale tababarro saxaafadeed iyo waxaasaan sasameyn jiray maadaama uu field-kan saxaafadda dad ma aragtay xoogaa badan ay ku jiraan hadana dadka takhasusaatkooda ahi ay si uun u yaraayeen runtii welina ay yar yihiin. markii dambana Muqdisho Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Somali National University
[Adigaa ku watee, goormaad usoo wareegtay magaalada Muqdisho?]
Muqdisho waxaan imid Abriil 2017. Muddo 6 bilood ah ayaan joogay waagaas. Kadibna Hargaysaa ku laabtay. Saan hadda kuu sheegay Jaamacadda Hargaysa oo markaa la bilaabaaye Diseembar ayaan kamid ahaa macalimiintii lagu bilaabay. Waxaan filayaa Oktoobar ayaan ka laabtay waagaas Xamar. Kadibna waxaan ka maqnaa muddo ilaa iyo Abrishii dambe ee 2018kii Haddana Abril 2018 baan mar labaad ayaan Xamar soo dagay anigoo markaa aan muddo ka maqnaa. Waagaa hore marka 6 bilood baan joogay, waxaan joogay Abriil 2017 ilaa iyo Oktoobar. Markii dambana Oktoobar 2017 baan katagay ilaa iyo maxaa la yidhaahdaa, 2018 Abriil Abriil 2018 sidii aan markaa Xamar usoo wada dagay ayaan ugu badnaa, Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed baan ayaan macallin ka noqday Kulliyadda Saxaafadoo xilliyadaa iyadana iska curdin ahayd baan ku biiray. Markii dambana madaxa qaybta saxaafadda jaamacadda oo department-kaasaan ayaa ma aragtay ayaan madax qaybeed ka noqday. Halkaasaan ka hawlgalaayay Deegaankaygii markaa wuxuun buu ahaa Xamar ama Hargaysa Ardayda ugu badan ee aanu wax udhigi jiray Jaamacadda waxay un bay ahaayeen kuwaa saxaafadda iyo waxa jira aragti weyn oo layiraahdo formation of public opinion oo gadaal baynu laga yaabaa inaynu ka hadallo laakiin bal ra’yul-caamka sidii wax looga bedeli lahaa iyo ma aragtay waxa markaa ardaydaa saxaafaddaa ugu badnayd kuwan ayaana wax udhigi jiray laakiin haddana kulliyadaha kale Jaamacadda gaar ahaan Kuliyadda Siyaasadda oo kale iyagana mararka qaarkood class-yaan ayaan ubixin jiray Marka, kolley inahaasaan ayaan kaga bixi karaa su’aashaas.
[Abwaan, muddo qiyaastii 100 maalmood ah ayaad ka maqnayd baraha bulshada oo dadku siyaabo kala duwan ay ku hadal hayeen adigoo markaa uga tagay gabay iyo Xasuusqorkii Dibadwareeg Xageed marka jirtay? Halkeese joogtaa hadda?]
Horta dee baraha bulshadu nolol ma aha meel lagu noolaado ma ahee meel ma aragtay qofku life-kiisa uu mararka qaarkood uu marsan karo weeye Marka markii hore anigu Soomaaliya uun baan joogay meelna kale kuma noolayn, haddana wali Soomaaliyaa ku noolahay.
[Al-Shabaab ayaad laa joogtaa marka?]
Waa jiraa warkaas.
[Maxaad kasoo doontay?]
Waa su’aal wayn weeye. Horta dalkan Soomaaliya la yiraahdo anigu sidaan aaminsanahay waxaa ka socda dagaal caalami ah oo midabbo kala duwan leh ayaa dalka Soomaaliya ka socda dalkii Soomaaliya la odhan jirayna wuxuu galay xaalad balkanization ah, balkanization-ku waxa weeyaan in la qurbo, wax la qurbo waaye Su’aasha markaa ah: hadda maxaad Shabaab kasoo doontay? waxaa ka horeysa maxaad Xamar kasoo doontay? And I think that’s the basic question ay tahay in la is waydiiyo. “Maxaad Xamar utimid?” ayaa waxay ka horeysaa “Maxaad Shabaab ka doontay?” Anigu markii Soomaaliya ay gashay xaaladdaa balkanization-ka ah waxaa dhacay qoqob afkaareed waxaa dhacay qoqob dadnimo waxaa dhacay qoqob xataa qofku damiirnimadiisa ma aragtay uu… qoqob noocaas ah ayaa la galay, balkanization-ku waa in wax la qoqobo, oo ma aragtay global hegemony-gaa dhacayoo super powers-ka ayaa waxaa is-eryanaya waxay abuureen Soomaaliya inay noqoto meel ay isha si weyn ugu hayaan marka burbur noocaas ah horta walaalow, ayaa Soomaaliya ka dhacay Marka… Waxa yimid waxa weeyaan rag dantooda isku haysta rag dantooda isku haysta. Maxaad ka waddaa? Waxaan ka wadaa Soomaaliya meesha la yidhaahdo Global powers-ku dee danahooday ilaashanayaan Hadda diyaarad baa dusheeda ka guuxaysa hadda aan hadlaayo anigu Diyaaraddaa guuxaysa danteeday ilaashanaysaayee ujoogta. Anigu dan aan leeyahay ma ujoogto. Waayo anigu dan uma diranin. Saas daraadeed, nin Hadraawi la odhan jiray رحمة الله عليه ayaa maanso hadda daakiraadaydu ay qaldayso ayaa wuxuu ku daray markuu ka hadlaayey dunida iyo sida la isu riixriixayo, dadku say isu riixriixayaan dheeraad nin lahaa… walba adduunyadu intay saa usoo jirta dheeraad nin doona iyo nin ku dhaga xaqiisoo dhacsanaayey baa jirey buu yiri Hadraawi. This is the equation marka! Qolana dheeraad bay doonaysaa Aadamaha qolana xaqoodii ku dheggan yihiine, waxay doonayaan waxooda iyo xaqooda iyo xuquuqdooda inay ku dhaganaadaan, oo aan la dhicin. Soomaaliya waxay kamid noqotay markaa walaal, markaan hadalka kuusoo koobo meelaha ay rag doonayaan inay dheeraad qaataan. Ama maxaa la yiraahdaa next door ka bilow, dawladahan deriska ka bilow, global powers-ka kuwa layiraahda ku dar waxaa soo dhan, wax layaalo wixii super powers iyo hegemony-ga iyo waxaas raadinaaya meel ay isha ku hayaan oo ay doonayaan inay dantooda iyo iyagu sida ay doonaan waxooda ay ka fushadaan. Taasi markaa aniga waxay iila egtahay welina ay iila egtahay horayna ay iigula ekayd inaan anigu dantayda ahayn umaddayda dadkanna Soomaalida ah, dadka Muslimka ah dantoodu inaanay sidaasu ku jirin. Saas daradeed, baraarug baa aniga igu jirey ah xaaladaasi inay tahay xaalad in laga hortago ma aragtay mudan. Markaa Hargaysaan joogay main stream-ka afkaartu siday u taallay, iyo wixii anigu aan rabay si ay noqdaan isuma eegaa dheh. Taasaa marka hore anigu Xamar ikeentay Xamar waxay ahayd markii miyir qabka inoogu dambaysay, meesha caasimadda inoo ahayd. Markaa afkaar bal revolution in Soomaali ay baraarugi karto, oo cadowgaa kala duduwan ee magacyada kala duduwan leh laakiin hadafka isku mida leh inta badan in laga hor tago, taasaan walaalo anigu Xamar ma aragtay aan u imid. Saasaan Xamar ku joogay.
Markaan kuusoo uruuriyo warka marka: markaan warka walaalo kuusoo uruuriyo, gabay waxaa jiray la oran jirey Dibadwareeg oo ay ku jireen:
gobonimo daraadeed markii digasho ii gaadhay
waxaan daydayaayay iyo markaan dawladnimo waayey
Gobonimo daraadeed markii digasho ii gaadhay
waxaan diidayay markaan dawladnimo waayay
dugaashiga cadaawaha markii darajo loo qaatay
dhagihii daboollaa markii daawo kala quustay
Soomaalida damiiriyo markii fahamka loo diiday
dildilaaca sii fiday markaan gooha damin waayey
Markii uu dadaalkan wadiye samihii duugoobey
Dacwadi iyo Islaamnimo markii hoos udayi wayday
doodii warkaygii markaan gabayadii daayey
dirir iyo cil mooyee markay hadal kasoo daashay
aniga iyo duruufaha markii dani walaaleysay
waxaan duurka awgeed ugeli waa daliil adage.
Dibadwareeg 2021ki weeye. Halkaa marka waxaa ku jira qofkii ehlul-caqli wuxuu fahmi karaa wixii anigu aan Xamar ka rabay inaan ka dhiso mar kale waxaa ii muuqatay inaan ka dhismi karin. Saasaan Shabaab… Su’aashaadii jawaabteedu inahaasaan…
[Waa yahay. 100 maalmood ka hor waa tii dadku ay aad uga hadleen oo lafalanqeeyey waayitaankaaga dabcan adiguna war qoraal ah ayaad ka tagtay dadkii kaa hadlay waxaa kamida mas’uuliyiin kamida dawladda federaalka, Wasiirka Gudaha oo kale Axmed Macalin Fiqi. Intabana way ku eedeeyeen ama way ku dhaliileen. Haddii warkaa uu kusoo gaaray maxaa ka oranaysaa?]
Horta, Cabdifataaxow, rag… mabaadi’ buu ku kala tagay. warkuna inuu caddaado waaye. Ama magacyada aad sheegtay ha noqdaan ama magacya kale ha noqdaan, horta rag ninyohow mabaadi’ buu ku kala tagay Waxaa lagu kala tagay dalkan Soomaaliya la yidhaahdo iyo ubadka yaryar ee hadda dhalanaaya iyo mustaqbalka halkee loo hogaaminayaa iyo sidee loo hogaaminaayaa baa horta walaalow ayaa lagu kala tagay. Sow garan maysid? Maadaama taa lagu kala tagay ninka maanta raali ku ah in dalkayaga la qabsado in diintayada la badalo, in dadnimadayada la dooriyo Sow walaal garan maysid? ee nin intaa diidanna magacyo ugu yeedhyeedhaaya.
Aaxaa jiray, Alley lehee, halkaa intaanan dhaafin, waxaa jiray gabay layiraahdo Ballan. gabay la yiraaho Ballan Ballan wuxuu… Intii aan meelahaan joogay waxaan gabay sheegsheegi doonaa intooda badan intaan meelahan hadda joogay 100kaa maalmoodee sheegeyso wixi aan curiyey wax kamida weeye. Ballan wuxuu ka hadlay: ninkaa anigana baadi iiyaqaanna isagoo afhayeen Itoobiyaan ah, ama afhayeen Amisom ah, ama gaalada soo duushee magacyada kala duwan leh dulucooda kujirana nin rageedi diriciisu yaqaanno, magacuu doono ha lahaado Kaa wax baan kula ballamayaa. Waxa kaloo la ballamayaa, ninka dantiisa ilaashanaaya reer-Galbeed, dawlada daris oo halkan ujooga inay… ma ogtahay laba wax baa is hirdiyaya: international law-ga waxay ula baxeen, iyo strategic national interests baa is hirdiyaaya, caamada markaa sharci iyo wax baa loo sheegaa inta badan laakiin dawladahani waxay ilaashan waxa weeye waa danahooda national interests-kooda istiraatiijiga bay ilaashanayaan Markaa dawlado iyo diyaarado iyo ciidamo iyo maxaa la yidhaahdaa dad ilaashanayo jiritaankooda nin af-Soomaali… adeegayaasha af-Soomaaliga ku hadla ee ninkaa ag jooga ee ninka meesha wax usocdaa diidanna magacyo u bixinaaya, ninkaa horta wax baan kula ballamayaa. Kow waaye Ninka diyaaraddan lehna isna wax baan kula ballamayaa. Waa laba. Ninka inuu adeege af-Soomaali ku hadla uu noqdo iska diiday misna wax baan kula ballamaayaa. Marka Alley lehee, gabaygaas aan wax kaaga sheego:
[Waa saddex ballan.]
Haa. Wuxuu yiri:
Nimanyahow dalkii baayacay ee sharaftii baabi’iye…
Magacyada aad sheegayso iyo inta ka ag dhaw weeye.
Nimanyahow dalkii baayecee sharaftii baabi’iyey
nimanyahow xaqii baal maree gees isaga bayree
nimanyahow waxay ina badeen laga bogsoon waayey
nimanyahow adoonsiga bartee biliga loo saaray
nimanyahow bahaysiga kufriga buuni ku ahaadaye
Buuniga waxaa layiraahdaa PhD-ga qofku markuu qaata ma aragtay? ee af-Soomaali layiraahdo waa buuni, bahaysiga iyo kufriga iyo lasocodkiisa iyo lajoogisa ayey buuni kunoqdeen weeye
Intaan barbaartiyo shacbiga soo balbalinaaye
Intaan dadkayga abaabulayaanee wax iga kala daadsan
iyo baylahdeeda intaan isku hagaajisanaayo
Intaan barbaartiyo shacbiga soo balbalinaaye
Barbarii dhulkii aan lahaaye bixiya ciiddayda
Xabashiga bilaash ugu fasaxa Booramiyo Zaylac
badhasaabadii Herer la dhigay biilasha ugeeya
Boosaasa iyo xeebihii cadaw kusii beera
Baydhabo wayaanaha qabsaday bahal walaalaysta
barxaddii Kismaaya iyo Afmadow gaalo kula biira
federaalka waxa loola baxay ceebta barakeeya
Baadariga Roomaan fadhiya Xamar hasoo booqdo
Waayo waa lakala tagay mabaadi’ buu rag kukala tagay…
baadariga Roomaan fadhiya Xamar hasoo booqdo
hadba daarihiisii burburay beesa kaga qaata
madaxweyne iyo baarlamaan baadil ku heshiiya
wallihii badhaysiga ahaa bacad ka meereysta
campaign-ka waxay ula baxeen waaye…
wallihii badhaysiga aha bacad ka meereysta
hadba kii sinaatada baxsada boqor kasoo saara
prime minister iyo kii kuxigay beela ku lahaada
baqashada hoteellada qufulan been isugu sheega
buu yiri, war hadda soo garan maysid?
Prime minister iyo kii ku xigay beela ku lahaada
baqashada hoteellada qufulan been isugu sheega
Nin kastoo balaayada ka diga baadi ku asteeya
Nin kastoo balaayada ka diga… war ninyahow jidkaasi kii ina dhaqaayay ma aha yiraahda, magacyadii iyo shaanbadihii aa haysateen la dhaca xor baa u tihiinee.
Nin kastoo balaayada ka diga baadi ku aasteeya
berri iyo wixii inaga maqan bidix ka weydaarta
Waayo iyagu beri malaha iyagu barri malaha, noloshoodu barri kuma jirto. Waa maanta weeye. Nin marka aan barri lahayn nin barri leh meel ma wada joogi karo. Markaa wuxuu yiri:
Nin kastoo balaayada ka diga baadi ku aasteeya
berri iyo wixii inaga maqan bidix ka weydaarta
balwadaha gumaysigu yaqaan barata raacdeeya
bakhti iyo waxaan loo hammoon baarri ku ahaada
gunnimada haddii baaqi haray birimo gaarsiiya
buu yiri, gunnimada haddii baaqi haray… hadduu baaqi nimanyahaw idin harsan yahay… wixi anaguna aan garanaayo, Soomaalina ay taqaanay aa kudhex jirteen, ileen waa lays garanayaa, laysu dhuuman maayee, gunnimada hadduu baaqi idin hadhay oo aad dooneysaan inaad ka qalin jabisaan waa laydiin oggol yahayee birimo gaarsiiyoo ka qalin jabiya. Horta nimankaa warkayga aniga ku aadan waa intaas. Waxaa kuusoo haray meelaha kale. Wuxuu yiri:
Ba’na waxaan u leeyahay kufriga soo baraarugee,
Buush iyo Baraak, iyo hadduu Baydhan nala joogo
Waa saddex madaxweynoo soo maray…
Buush iyo Baraak, iyo hadduu Baydhan nala joogo
idinkaa buruud sheegtay iyo baawar iyo xooge
birimageydadii iyo adaa layaay bilistiiye
idinkaa badheedhaha na yiri col iyo baaruudee
Billaahiye wixii aad rabteen waa bar kuma taale
ballan wuxuu inoo yahay dilkaa nooga barateene
seeftiyo billaawaha intaan kaaga boganaayo
badda dhura ilaa nagabannada badaw usheekeeya
booba beeraha kharriba baladka aafeeya
bidda keena kii hore baddala wax isku baandheeya.
War nimanyahaw meesha idinkaa haystee wixii aad doontaan idinkuna, bidda keena kii hore baddala wax isku baandheeya, idinkana shaqadiina waataa.
Ba’na waxaan u leeyahay
raggaa jooga buuraha ee Alley lehee
bushaariyo wariye waa bayaan culusee
baabullaahi iyo baynu nahayee ciidankii Badaree
samir badiya baahida dugsada
baraha xoogeeya nafta bixiya
Diinta u birmada beegsi wacan yeesha
fuliyihii xaqiiqada ka baqay baaqa maqashiiya
baryadii Ilaahiyo tashiga bila kusoo jeeda
buu yiri, kaasina waxa weeyaan ragga wax iska celinaaya dadka doonaaya dadnimadooda iyo dalkooda iyo diintooda inay ilaashadaan. Waa saddexdii ballan marka.
[Waa yahay. Laakiin Nageeyow! Xaqiiqada marka loo hadlo dawladda federaalka waxaa kamida siyaasiyiin wax soo bartay, qaarkood PhD-da aad sheegaysay wata oo aad garanayso dadkaas aqoonyahannada ah, wax lagu qanco innaba miyaad ka waysay?]
Waxna waa magacyo, waxna waa mabaadi’. Anigu magacyo sheegsheegi maayo, magac waxba aniga ma aragtay waxba macna gaara ma laha. Waxa la sheegayo mabaadi’ waaye Waxaan ku iri meeshaan laba fikir baa isku haysta. Waa feker doonaaya inaan sii jiro anigu ay identity-gayga iyo magacayga iyo diintayda iyo dadnimadeeda iyo qofnimadayda leh. Iyo fikir kale oo doonaaya dawladaha reer-Galbeedka iyo dawladaha xoogga weyn waxay qaateen aragti ah ummadaha wixii aan iyaga ahayn in la burburiyo dabadeedna khayraadkoodana la boobo, diintoodana la badalo anshaxooda la burburiyo dadnimadooda… ciddii ka hortimaaddana inay dhulka hoostiisa joogaan Go’aankaasaa la qaatay dadkana markaa aad ii sheegaysaa adeegayaal af-Soomaali ku hadlaa bay noqnaayaan Sababtu waxaa weeye, waxa ay ka shaqeynayaan ma aha waxa danta u ah ilmihiisa, ma aha ilmihiisa ma aha, labo wax baa kala jira waxaa walaalle jira… wax maanta innaga, adiga aniga inteenna nool dan u ah laakiin ubadkeenna udaran iyo wax inaga inoo daran laakiin ubadkeenna bari dan u ah. Waxaa maantan labadeenna inoo danta ah waxaa laga yaabaa inay tahay inaan contract-iyadii iyo iyo project-yadii wixii iska qaadanno ma aragtay baabuur qufulan iyo guryo AC ka daaran yahay nolol saas ah iskaga noolaanno, waxaa laga yaabaa inay taasi inoo dantahay innaga laakiin ubadkeenay udaran tahay. ubadkeenna way udaran tahay. Sidoo kale haddii maanta inagu aynu halganno oo wixii aan inoo qalmin iyo ninkaa dheeraadka doonaaya yur la yidhaahdo hadday doonto inaga haba inagu qadhaadhaatee ubadkeennu gobannimo iyo sharaf iyo cizi bay ku noolaanayaan, ubadkeenay dan utahay. Sow garan maysid? Waxaaba kasii daran kuwa hadda jooga wax ubadkooda u dan ah kama shaqeeyaan, wax iyaguna u dan ah kama shaqeeyaan. Maxaad saa uleedahay? Dee ma in Itoobiyaan afhayeen loo noqdo iyo meelihii… wixi aan sheegayay in laga shaqeeyaa qofka damiirka lehee ay ubadkiisa danta utahay waa kee? Ma jiro. Ma dhici karto.
[Abwaan, waxaad ka hadli jirtay inta badan arrimaha Soomaalida, qadiyada Soomaalida wadaniyadda ayaad xoogga saari jirtay hadda maamulka aad ku biirtay ee ash-Shabaabna waa jihaadiyiin see la isku waafajinayaa markaa jihaadkii iyo wadaniyaddii?]
Horta haddii aad uga jeeddo wadaniyad haddaad uga jeeddo Soomaalida dadka la yiraahoo Muslimiinta ah in la mideeyo tafaraaruqa iyo burburka ay ku jiraan intii suurtagal ah laga dulqaado haddaa taa uga jeedo oo Soomaaliweyn ay taad ka waddo wadaniyada taasi waa noble idea waaye waa aragti dahabiya waaye. Dadka Muslimiinta la midaynaa Soomaalidu kamid yihiin. haddaad wadaniyada taas uga jeedo waaye. Anigu dawladnimada Soomaaliyeed een raadinaayo dawladnimo waysaysatay weeye, midaan weyseysanin ma aha Dawladnimo weyseysata weeye first identity ama huwiyada ugu horreysa ee dawladnimada Soomaaliyeed ee raadinaynaa waxa weeye inay Ilaahay taqaanno. ay wayseysato qofka Soomaaliga identity-ga ugu horreeyo uu leeyahay waa Islaamnimo Islaamnimo weeye. identity-gu halkaasuu ka billaabmaa Markaa dawladdii ama gabayadii aad sheegaysay ama waxaas la raadinaayo waxay ahayd dawlad Soomaaliyeed Ilaahay taqaanna, waysaysata in Soomaaliweyntu ay noble idea ay tahay maxaa la yiraahdaa meeshii ugu dhawaydee
(وَأَنذِرْ عَشِيرَتَكَ ٱلْأَقْرَبِينَ)
الشعراء ٢١٤
aanu kuwan ehelkayga aanu uruurinaynay ma aragtay, intaasu weeye markaa Islaamnimo iyo Soomaaliweyn in la raadiyaa waaba istaageerayaan ee ma is diidaayaan.
[Waa yahay. Abwaan, qofka sahan taga dadkiisa been uma sheego
والرائد لا يكذب أهله
Maxaad aragtay markii aad timid Wilaayaatka Islaamiga ah?]
Waad mahadsan tahay walaal Cabdifataaxow. Horta dee markii koowaad een imid ma aha Research-ka marka la samaynaayo dabcan waa yaqaanaan ma aragtay School of Social Science dadka ubadan si fiican bay uyaqaanaan. Anigu meeshaan horaan indhahayga ugu arkayoo waan arkay Fikir ahaan waxay u taagan yihiin Intii aniga igaga filnayd waan aqriyey. inna waaqacaa iisheegay inna taariikhda lasoo maray iyo sooyaalka ayaa sheegay marka haddii la yiraahdo “Maxaad aragtay?” Allay lehee Maxaad aragtay intaan la odhan, maxaa maqnaa horta hala yiraahdo maxaa maqan Ama anigaba idheh ama dadka kale dheh maxaa maqan? Waxaa maqan wax kasta oo ummadnimo ay lahayd ayaa maanta maqan Maxaa caddayn u ah? Balkanization-ka ka dhacay The Somali State. Halkee weeye tuula Soomaaliyeed oo maanta tuulada ku xigta dabka ka qaadata? Madaxdee weeye maanta madaxda Soomaaliyeed ee mustaqbalka berri ka fikiri kara? Tuuladee weeye tuulada Soomaaliyeed ee maanta ka madax banaan faragelin ajaanib ah ama mid ciidan ah ha ahaato ama mid warqad yar iyo diplomat yar oo lasoo diro ha ahatee halkee weeye? Ma jirto! Ma jirto. Laga billaabo Kismaayo, Iyo gobolka Gedo intiisa badan, gobolka Baay, gobolka Bakool, gobolka Hiiraan ilaa iyo Maxaas la gaadhaayo ciidamo Itoobiyaan ah baa fadhiya maamulada meesha ka dhisanina nin walba intuu ma aragtay ciidamo ajaanib ah isku dayriyee kursi ku fariistay buu yiri boqor baan ahay. Wixii Maxaas halkaa xaggaa ka xigana diblamaasi iyo ma aragtay ambassador yaroo lasoo diraba ayaa lagu maamulaa. 2017ki maxaa la yidhaahdaa bay ahayd inkastooy xiniinyuhu igubaan markaan ka hadlaaye oo deegaanadaa joogay. Markaa walaal waxaa maqan, ummadnimaa horta maqan.
Halkan marka, waxaa jira gabay la yiraahdo Gaafmeer. Gaafmeer waxa weeye nin wax eegeegaaya oo cilmi baadhe waaye Sow garan maysid? Gaafmeer marka wuxuu soo uruurinayaa, waxaan arkay kow
[Oo wuu cusub yahay isagu halkan baad…]
Gabayadan aan kuu sheegayo halkan gabayadii aan ku curiyey un weeye Taas waa kow Tan labaad waxa weeye dadka halkan jooga ee dagaalamaaya maxay raadinaayaan? Waa laba. Sow garan maysid? Labadaa ujeeddo buu, ayuu Gaafmeer ayuu soo uruurinayaa haddii markaa aan qayb kamida aan walaal kuu sheego Waxaa jirta maahmaah Soomaaliyeed oo tidhaahda habaw badan waa lagu dal bartaa. Habow badan… waa lagu dal bartaa. haddii aad istiraahdo magaaladan ka tagoo magaalada inoo xigta tag oo deedna 5 jeer wadada ka luntoo kolba dhinac usocoto maalintaa waad rafaaday laakiin dhul badan baad baratay. Dad badanoo dhalinyara ah oo sidaas ah baa jira Marka… Wuxuu yiri:
Allay lehee gabaaheer bannaan…
anigaa baa gabaygu ma aragtay qaybta hore uu iga hadlaayaa. Wuxuu yiri:
Alley lehee gabaaheer banaan gocasho waa liide
gunaadkii fogaaday iyo waxaan ciil is kala gooye…
wixi ciil ikala gooye
gashi iyo markii aan xideer dhaba ugu geeraaray
goobyaal markii aan waqtiga gacan kasoo waayay
garbaduub markii aan xujada geed walba u joogay
guubaabadeydii markii la ilagaran waayay
hadba gelin dhexaadkii markaan gogosha haaraamay
gucul orod wixii aan tashiga gooni socotoobay
hadba waxaan u gaafmeeri jiray waa wax gudawayn ee
waakaa gadoodkii shacbigu helay godkiisiiye
waakaa gadoodkii shacbigu helay godkiisiiye
taariikh maguuraan ah ayaa dhaaxba gunudeene
giliilyada wixii aa dhigteen laga gayuun waayey
idinkaa adduunyada gilgilay labada geesoode
gobanimada Soomaalidaa magac u goyseene
waxaan laabta uga guuxayaa gabaygu waa hiile
waa gogoldhigii maansadiyo gibil xilkaygiiye
marka hore salaan gaar ah baan soo gudbinayaa
Inkastoo gudoodiga habeen guuro lagu raagay
inkastoo halyey geesiyo gabanno loo waayay
inkastoo duruuf guun ahiyo godob loo qaatay
inkastoo gadaafiyo dhib iyo guuddi hari waayey
markii ay galoofooday baa gama’a diideene
Markii ay galoofooday ayaa gama’a diiddeene
gar madoobayaal iyo nin raga gumaca loo dhiibye
hadba guuto iyo guuto iyo gulufka xoogowye
gabadannada iyo fooraha ugu gabowdeene
goobaha jihaadka iyo runtaa loogu gaamuraye
galladaha Ilaahay xaqii rag iskusoo gaarye
galladaha Ilaahay Xaqii rag iskusoo gaarye
gu’yaal iyo gu’yaal baa waqtiga gaar u tiriseene
dhaaxaa guhaadiyo afxume eed ka gudubteene
dhaaxaa hasheenni gunnad godol tidhaahdeene
dhaaxaa xaqiiqadan gurracan giririflayseene
dhaaxaa gufaaciyo col iyo geylan huriseene
daldallooladii beenta iyo faanki baa go’ayee
Gaaladu wixi ay dhiseen laga gol roonaaye
waakaa gabaabsiye waxay xoogga geliyeene
Afrikaanku way guurayaan maalmo gudahoode
guddoon faraxlihiyo baa ku xigi dhaadasho iyo guule
Guddoon faraxlihiyo baa ku xigi dhaadashiyo guule
gocor iyo midkii liita iyo fuluhu waa gawe
gaashaanka waxa loo ogaan Geesi dirireede
golcastiyo kaliilahaba waa loo gubtahanyoone
gaagaabsan maynee xil baa guudka noosudhane
ninkii garasha diidaba nin baa meel ku gawriciye
gaagaalayaaliyo magaan waa la gees mariyee
garbaduub waxaa loo xidhxidhi gaas dhagoolaha e
guduc iyo cadaba waa la miri labada gooroode
sooyaalka meeshuu ka galo gun iyo caadkeede
asalkaba Gurguurtiyo intii gaala naga raacday
gumaadkii shisheeyaha intii ugu gargaaraysay
garmaqaatayaal iyo kuwii ina garaacayey
umarada gumaysigu dhalaa qoorta laga goyne
galab iyo habeen baa la furan quruxdii Goobweyne
goobtii reer Ugaas Diini iyo guurti baad heliye
gaajada waxaa kaa afurin gola Ansaareede
guduudiga waxaa lagu ballami Xamar gunteediiye
gurmadkii Saleebaannadiiyo garab ma weydeene
geeddiga waxaa lagu nagaan buurihii Golise
iyagaa garaaddadu midnimo gaadhka ka ahaaye
gacmo furan waxay kuu ogaan tan iyo gumeyse
gurigii Hargeysiyo Burciyo Guban intaa taalla
gaashaamo waxaa kaaga iman rag iyo gaadiide
Ogaadeen garduur iyo dhul bay gaysh kasoo kicine
Gudabiirsi iyo Ciisayaal kuma giriifeene
gobannimo waxaa loola tagi Gaarisiyo Hawde
innaga Galbeed iyo xorayn gobolladeeniiye
guud ahaanba Soomaalida hiil inoo geliye
gacaltooyo soo raagtay baa Herer la gaadhsiine
Gondhar iyo waxaa loo socdaa tan iyo Goojaame
gumis iyo gambeeluhuba waysoo gadaal noqone
Tawxiidka waxaa loogu geyn gobadadoodiiye
gabagabo waxaa noo ahaan geeri sharafeede
hadba geesigii noo kacaa raadka sii guriye
gaalada intii soo hadhaa gibir la weydiine
gunna iyo heshiis been ah iyo gaws wax lagu qaato
ha goblamo Islaamnimo ninkii guunyo dhaafsadaye
Waxaan markaa uga jeedaa gabayga Gaafmeer waxa weeye ninyahaw annagu xagaasaan usoconnaa Sow garan maysid walaal? Maxaad aragtay? Waxaan arkay dad raba inay halkan usocdaan raggaan arkay halkanay usocdaan. Tani waa wixi aniga aawowgay raadin jiray waa wixii awowgeygii ka horreeyey raadin jiray, waa wuxuu asalkaygu abtirsiintaydu halkay mari jirtay halkan weeye aniga abtirsiintaydu Amisom iyo Yugaandha iyo Burundi iyo ma aragtay balkanization waxaas ma marto aniga abtirsiintaydu abtirsiintaydu waa tan
[Laakiin taariikhdu miyaanay badalmi karin oo madaxda qaar iyo dadka qaar waxay yiraahdaan taariikhahaas 92di iyo waayahaas ayaa udambeeyoo waa la walaaloobay oo waxbaa isbadalay Seed u aragtaa arrintaas?]
Anigu dadka is dhiibay kuma jiro. Ninka doonaayo inuu iyiraahdo wax baa isbedelay dhinicii nagasoo horjeeday waxba iskama badalin isagaa doonayo inuu anaga dhinacayaga wax ka beddelo siduu raba inuu wax u badalana waxa weeyaan si isagana dileysa anigana idileysa kuwa naga dambeeyana dilaysa Sow garan maysid? taariikhda lama qoree iyadaa isqorta, saas daraadeed ninka yiraahda waxaan dooneynaa in la beddelo waxaasi waa… ma aragtay waa siyaasadihii hore ee traditional-ka ahaayee ma aragtay umaddu waa inay integration iyo isdhexgal iyo wax wada… waxaas ninka waxaa sheegaaya wuxuu rabaa inuu milmo, wuxuu rabaa in nala liqo waad fahamtay? Haddaaba inala liqoo inyar baa nasoo jeeda, annagu marabno in nala liqo Sow garan maysid? Marka, ninkaasi ninkan mabaadi’da ku kala tagnay weeye.
[Waa yahay. Dadka sida gaarka ah uga hadla arrimaha halganka ama xaalada wadanka ka taagan gaar ahaan dadka comment-iyada kaasoo dhiibtay oo kale marka la fiiriyo waxay qaarkood leeyihiin Abwaan Nageeye dhibaatada meeshay ka jirto wadanka waxaa kamid ah Waqooyiga Halkaasi muxuu jihaadkii iyo halgankii uga gali waayey? Maxaad ka oranaysaa su’aashaas?]
Aragti gumaysi weeye. Qofka Soomaaliga ahee dadka qaarkood waxaa laga yaabaa si aan ku talagal ahayn ama aan fahmayn inay doodda noocaas ugasoo baxdo Laakiin aragtida asaliyan aragtida sidaas ahi qofka ay doontaba haka timaado waa qof ehlul-caqli ah qof ma aragtay aan faham badan haysanin qof ku talagalaaya oo dan isagu kaleh siday doonto aragtidu haku timaaddo laakiin aragtida lafteedu aragti gumeysi weeye waa aragti doonaysa inaynu labadeenna dabka kala qaadanin ee sacii madoobaa iyo sidii caddaa iyo wixii sheekooyinkii Soomaalida ay wax noqdaan taasi taas weeye, waxaa walaala ku xiga Marka la dhiganayo Introduction to Political Science waa class-ka ugu horreeya ardayda School of Political Science markay is diiwaangeliyaan chapter-ka koowaad ee loo dhigo marka political science iyo waxaas loo sharaxo sub unit-ka ugu horeeyee loo dhigaa waxa weeyaan waxa la yiraahdo elements of state waxa weeyaan tiirarka ay dawladnimadu ku istaagta weeye Sow garan maysid? Kuwa security-guna waxaas wax udhaw bay qaataan maxaa elements-ka… marka aad dooneyso inaad nidaam samayso inaad nidaam sameyso markaa doonayso, waxaa kowaad waxaad u baahan tahay dad Sow garan maysid? Inaad dad haysato. Markaa dad hesho waxa labaadeed ubaahan tahay waxa weeye waa dhul, waa territory waa meeshii fikirkan iyo aragtidan aad xambaarsan tahay aad ka hirgelin lahayd weeye marka waaqaca Soomaaliya markaa qofka maanta fahamsani wuu fahmi karaa sababta annagu halkan ujoogno dadka halkan dhulka deegaanadan Ilaahay ma aragtay uu ku beeray Ilaahay sharaf gaar ah buu horta siiyay dadka dhulkan daggan Halgan diintooda lagu badbaadinaayo, oo dadnimadooda lagu badbaadinayay, oo maxaa ladhahaa jiritaankooda dambe lagu badbaadinaayo inay dhulkooda kusoo dhaweeyaanoo Ilaahay ku bullaaliyo dadkan Ilaahay sharaftaasuu horta siiyay Ilaahay baana cidduu doono sharafta siiya taasu taas waaye, dhulka intiisa kalana waa loo socdaa. Soo garan maysid? Markaa qofka fahamsan sida state loo sameeyiyo sida maamul loo dhisa iyo sida aragti loo riixaa elements of state qofka fahamsani walaal doodda ah muxuu hebel halkaa u tagay doodaasi sidaas ma aha. Nabi Muxammad ﷺ reer Makkuu ahaa tiirarkiisii dawladnimo Makka way ku dhismi kari waayeen Sow garan maysid? tiirarkiisii dawladnimo xagee ku dhismeen? Madiinay ku dhismeen. Marka tiirarkiisii dawladnimo markuu Madiina ku dhisuu Ilaahay Madiina, maxaa la yidhaahdaa, uu ma aragtay arrintaas ku sharfay ayaa markaa Islaamku halkaas ka bullaalay uu meelaha kale iyo adduunkii uu aaday, markaasaana Makkana la tagay. Markaa waxa weeye, qofka sidaa u fikiraaya, wixii doontaba isaga haka ahaatee laakiin aragtidaasi, aragti dhalad ahoo qof Soomaali leeyahay ma aha, meeshan aan joogo waa Soomaaliya meeshaan usocdaa waa Soomaaliya, meela ka durugsan waa usoconnaa haddii Ilaahay yiraahdo Soo garan maysid? marka walaal waxa weeyaan muxuu hebal halkan utagay iyo muxuu halkan utagay? suurtagalnimo wax la yiraahdo ayaa wax lagu dhisaayaa suurtagalnimada marka qofka raba inuu wax fahmaa waa fahmi karo. waa sidaas.
[Waa tahay, aad baad umahadsan tahay. Abwaan! in badan ee ka hor wareysiga waxaan aqriyey gabayadaada qaar waan daawaday Waxaad xoogga saartaa Xabashida. Xabashida maxaa ku daba dhigay?]
Walaal, waxaan is leeyahay Xabashidu horta gobalkan Geeska Afrika layiraahdaa waa gobol aad umuhiim ah siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan, istaraatiiji ahaan Waa ma aragtay, waa gobol ethnicity kala duwan, dad ma aragtay afafkoodii, qawmiyadahooda woxoodu kala duwan yihiin, waa very fertile land, waa dhul ma aragtay khayraad badani ka buuxo very strategic weeye Saas daraadeed, gobolkan Innaga taariikh dheer oo innaga horeysay baa jirta, inagu hadda taariikhda bilaabi mayno. Nimanka Xabashi layidhaahdo waxay calanka usidaan: kow diinta Kiristaanka. Calankeeda inuu saydareeyo dhulkan hamigoodu wakaas. Anigana hamigeygu waxa weeye hadaan Soomaali ahay calanka Muslimka ee Tawxiidka leh baan sidaa. Horta taa waa isku haysanna annagiyo Xabashi. iyo wixii la socda. Dalna waa isku haysanaa, sow garan maysid? markaa taariikh dheer oo dhan waxay noo sheegaysaa waxa la isku haysto waxa weeye waa dal iyo diin, labadaasaa laysku hayaa Iyaguna waxay rabaan dadnimadooduba in ay koreyso diintoodu koreeyo anaguna waxaan rabnaa inay diintayduna korayso dadnimadayduna ay korreyso midba wuxuu rabaa inuu kan kale liqo Soo garan maysid? Boqolkii sannadood ee ugu dambeeyey intii horaba marka la yimaado, boqolkii sannadood ee ugu dambeeyey wixii doonaaba ha sababaan, laakiin Soomaalidaa lariixaayay ayaa la riixaaayey. Waa ta maanta markaa qof Soomaali ah ka keeni karta maxaa la yidhahdaa waxyaabaha dee maqmaqlayso faraha badan ee maalin walba aad saas daraadeed walaal waxa weeye aniga wixii awowgey uu difaacanaaye aan difaacanaaya Sow garan maysid? Wixii awowgey uu difaacanaayay taariikhda dheeree aanu leenahay wixii ay noo dhigtay ayuun baa… su’aashaad iweydiisay haddaan jawaabteeda weeyaan walaal, waxaan daba socda anigu. Sow garan maysid? iyaguna way daba socdaan iyaguna way daba socdaan, woxoodey rabaan inay hirgaliyaan aniguna teydaan rabaa inaan hirgaliyo Marka taariikh baa inoo dhaxaysa, diin baan isku haynaa dal baan isku haynaa, dad baan hadda isku haynaa. Sow garan maysid? isu awood sheegasho assimilation iyaguna waxay rabaan inay annaga na milaan anaguna waxaan rabnaa inaan iyaga milno. Waa sidaas walaal.
[Waa yahay. Daawadayaal weli waxaan dhex maquuranaynaa wareysiga aanu la yeelaneyno Abwaan Nageeye Cali Khaliif. Abwaan, hadda waxaa taagan arrinta badda Soomaaliya heshiis, Xabashidu waxay leeyihiin: bad dakad, dhul ayaa naloo saxiixay Maxaad ka odhanaysaa? Sayse u aragtaa?]
Walaal waxaan u arkaa Sidii qof Soomaali ahoo miyir qaba uu u arko. ayaan u arkaa Waa arrin halis weyn leh Sow garan maysid? Waa arrin ay tahay in aanu qof Soomaali ahi yeelin. Waa arrin, dee wixii awowgey diiday in maanta anigu aan yeelo runtii wax aad u qaraara weeye. Saas daraadeed Jiilkii Soomaali ugu guunsanaa taariikhda inta la garanaayo ayaan aniga iyo adiga iyo inta maanta noole aan noqonaynaa haddii waxaas suurtagalaan. Markaa qof kasta oo Soomaali ahoo miyir qaba Wixii uu ka aaminsan yahaan ka aaminsanahay. Waa meeshii la rabay in Waqooyi lagu liqo kadibna Soomaali oo dhan lagu liqo kadibna taariikhdii hadda aan sheegayey la kala difaacanaayey een aniguna kor usocday isaguna hoos iyo xeeb usoo socday, meesha maanta dooddu ka taagan tahay waa Zaylac marka waa Ruush iyo Maraykan waa… oo ku kala murmaaya Moosko iyo Waashinton waxay lamid tahay hadda aragtidaan ninka layiraahdo Buutin oo Waashinton dul fadhiistay oo deedna nin Mareykani la weydiiyey sideed u aragtaa in Waashinton uu Ruushku yimaado? saas oo kale waaye occupation waaye Soo garan maysid? markaa saasaan walaal anigu ayaan… in la yeelana ma aha! qof Soomaali inuu arrintaas yeelo ma aha. Ma… suurtagal ma aha inuu qof Soomaali arrintaas aqbali karo Maxaa dhibaato ay leedahay? Hadafku waa in Soomaalida la liqo waaye in nala liqana ma rabno jiritaankayagi… waa identity-gayagii, identity… Maahmaah aan fiicnayn baa jirta, laakiin Soomaalidu ku maahmaahaan, waxay yiraahdaan: nin gabadhaada raba inantaydaan kusiiyee guurso kuma jooga ninyohow Sow garan maysid? Waxaa la rabaa deked wax lagalasoo dago ma aha Waa dhul iyo bad la qaato waaye. Soo walaal garan maysid? Annagu wax la qaata ma hayno Markaa Itoobiya waxay rabto waa waxaan kuu sheegaayo waaye Waxaan kuu sheegayo weeye markaa qofkii Soomaali arintaas isku daya inuu aqbalo dhimashadiisuu gacantiisa ku saxiixay.
[Markaa ma u qalantaa… Muusoo kale wuxuu yiri diyaaradda Itoobiya oo kale ayaa share nalaga siinayaa caalamka ayaan nalala garab galayaa. Arrimahaas ma u qalantaa baad isleedahay heshiiska mase loogu garaabi karaa?]
Walaal, ma aragtay frankly speaking dhul horta aqoonsi laguma badasho Markaan si rational ah aan uwada hadalno Dhul la bixiyo ama dek… ama bad la bixiyo aqoonsi laguma bedesho Meeshan, meeshi la aqoonsanayay weeye marka dad lasiiyo xagee la aqoonsanayaa? Ethiopian Airlines iyo maxaa layidhahaa share-rar xaafado iyo hebello iyo magacyo ma aragtay lagu qaato I think ma aragtay that’s a crazy idea. Waa arrin aan, aan qof Soomaali aanu maqli kari waaye aanu maqli karin.
[Madaxda dawlada federaalka marka taa laga yimaado aad bay arrintan uga hadleen weliba si kulul Waxay yiraahdeen waan ka difaacaynaa Itoobiya mana qaadan karto baddeena seed u aragtaa arintaas?]
2011kii ayaan gabay tiriyay la yidhaahdo:
Weli Lama Xoroobinee Hadaan Dhuuxin Xaajada’e
Xudur buu gumaysigu wabsaday xalayte fiidkii
Xabashi wuxuu soo wadaa xulafo Shaydaane
waa xeebahayga waxay niman xaraasheene
nin ragoo wixiisii la dhacay taa xamili waayay
waa xeer inoo yaal haddaa Xamar ilawdaane
xarago nama naawilo intuu xaal sidaa yahaye
mar haddii xakamihii go’oo la is xiniin taabtay
xarakooyinkaadi waad ogtahay maluhu xaaraan.
waxaan kawadaa waxa weeye, waxaa la isku haystaa “dilaalka yaa qaadanaaya?” Heshiis baa lagu yahay in Soomaaliya la iibiyo. Sow garan maysid walaal?
[Yaa ku ah?]
Wixii aan ka hadlaayey, waa anigu kugu dhahay dadku waa kala bexeen markay dadku walaal kala baxeen ee rag uu mabaadi’ ku kala tagay wixii adeegayaasha af-Soomaaliga ku hadla aan kuu sheegayey waxay heshiis ku yihiin in Soomaaliya ay dilaal ka qaataan oy iibiyaan heshiis bay ku yihiin waxaa la isku haystaa waxa weeyaan dilaalka yaa qaadanaaya Yaa dilaalka qaadanaaya? Markaa niman dilaal isku heysta ayaad magacyadooda Cabdifataaxow iigu celcelinaysaa mabaadi’ iyo aragti iyo dal difaac iyo dawladnimo difaac iyo ummad difaac ma aha laakiin waxa la isku haystaa ma aragtay dhadhammada meeshaas ka imanaysa iyo ma aragtay sida ay kala noqon karto.
[Waa tahay. Qadiyadan markaa dadka Soomaalida ah aad bay uhadleen dareenka ay ka bixiyeen iyo siday uga hadleen maxaa kaaga baxay?]
Dadka Soomaalida ah si guud waa bogaadinaayaa dareenka arintaas ay ka muujiyeen Waa bogaadinayaa Waxay muujiyeen sida ay uga xun yihiin iyagoo oo goob jooga in dhaxalkooda la qaybsado iyaguna ay gunnimo iyo dullaysi iyo gumaysi ay ciiddooda iminkaba wey ku jiraane wax waxaa ka daran ay ka dhacaan dadka si guud waa bogaadinaayaa Dadka reer Waqooyina si guud iyo si gaar ahba iyagana waa bogaadinayaa ee arrintaas ay gondahooda la doonaayo inay ka billaabanto Sow garan maysid? Laakiin intaas kuma filna anigu waxaan qabaa intaasi maku filna. Waxaa ii muuqata dadku weli inaaney fahmin halistu inta ay le’egtahay Halistu inta ay leegtahay inaaney weli dadku fahmin baa ii muuqata saas daraadeed waxaa jirta odhaah aad u caan baxdayoo ma aragtay ah Itobiyaanku waxay rabaan iyagoon xabad ridin inay Waqooyi qabsadaan iyagoon xabad ridin inay Waqooyi qabsadaan demographic change inuu dhaco.
2015kii ayay ahayd markii aan gabaygii Dheygag tirinaayay. Dadkuna intaaba waa ka hadlaayeen waxa socda. Saas daraadeed, khatartu inta ay le’eg tahay dadku inaaney weli wada dareeminoo miizaankaas aanu helin ayaa horta ii muuqata.
Gabay baa waxaa ku jiray la oran jiray Goobyaal 2022ki:
Adduunyada gu’yaal iyo gu’yaal gabi ahaanteedba
markay garasho diidaba rag baa doorta geerida e
gobanimo ninkii doonayiyo geesi baa kacayee
marka gawrac lagu aarsadaye guuli dhalataaye
waxaa taalla guudkeeda sudhan gororku waa dhiige.
Adduunyada walaal marka sidan oo kale ummaduhu ay isugu gardaroodaan ee damacu halkan oo kale uu gaaro Rag baa ninyohow naftooda hura oo dhiigooda umaddooda ku badbaadiya Wixii marka la… maxaa la yiraahdaa School of Realism, the power politics, weeye waa muruq iyo cudud iyo wax inaad wax iska celin karto waaye Saas daraadeed waxaa walaala ii muuqata dadku aragtiday qaateen waa… ma aragtay waa ku bogaadinaayaa laakiin diyaar garow baa lama huraan ah in la diyaar garoobo, la diyaar garoobo, la diyaar garoobo ayaa walaal lama huraan ah.
Nimanka hogaanka ah waxaan leeyahay, ninyohow kolley cimri uma harin inaanay ceeb ka tegin oyna ummaddaa ceeb uga tagin ayaan iyagana u sheegi lahaa haddii ay maqli karaan.
[Ceeb noocee ah? Sidee ceeb uga tagaayaan ummadda?]
Walaal in Zaylac maanta la qaato anigu ceeb ka weynoo qof Soomaali ah ku dhici lahayd ma aqaano. Markaa ninkii taa hormuud ka noqda wuxuu ka tagay waxaan qofka isaga ka horeeyay ka tagin.
[Waa tahay. Abwaan, waxaan kusoo jirnay arrinta badda iyo Itoobiyaanka. Qadiyadan Zaylac iyo badda wax gabay ah oo aad ka tirisay ma jiraan?]
Walaale waxaa jiray gabay la yiraahdo Dhabannahays Dhabannahays la yaab weeye, la yaab weeye Waxaa lala yaaban yahay waxa maanta ma aragtay Soomaali dhulkeedii ka dhacaaya si guud, iyo si gaara arrinta hadda aad carabka ku dhufatay. Marka gabaygaa Dhabanahays la yiraahda baa jira.
[Muxuu si gaar ah ee diiradda u saarayaa?]
Dee nin dhabanka iyo gacanta isa saaray nin yaaban horta weeye, taas waa kow.
[Waa nin anfariirsan.]
Haa. Tan labaadna waxa weeyaan dadka arrintaas ay khuseyso ee Soomaalida ah si guud si gaara dhalinyarada oo ah dadka maanta mustaqbalkoodii uu taagan yahaye waxaasi iyaga ay khatarta ugu weyn ku… dee xooggi dalka iyo ummadda iyo dalkanna ma aragtay ah inay waxaa iska diidaan Intaasuu walaalle ku saabsan yahay. Markaa Dhabannahays wuxuu yiri:
Shareecada ninkii dhinac maray iyo dhoohan keligeede
dhugma nimaan lahayn iyo ninkii dhuuntay…
haa…
Shareecada ninkii dhinac maray iyo dhoohan keligeede
dhugmo nimaan lahayn iyo ninkii dhuuntay haw caban e
dhal shisheeye iyo kii habraday lama dhagaystaane
dharaariye wixii nool tashigu iga dhammaan waayey
ma dhakoolo ruuxii niyada hawli dhibaysaaye
dhafarka iyo soo jeedku waa dhaaxa abidkeeye
hadba waxaan la sii dhololayaa dhaawacaan ahaye
dhafooradu waxay ila goteen waan dhadhabayaaye
waa dhabannahays xaajadaan dhuux ku leeyahaye
niman baa dhudhun adag ka riday sidigtii dhaameele
dhaxalkeenii bay tuuganimo dhaqayo siisteene
iyadoo wixii hore u dhacay dhiidhi hari waaye
saakana dhibaatadu haday tarihi soo dhaaftay
xeebaha dhammaantood haddii Xabashi loo dhiibay
hadba koran la dhaansaday haddii dhidir la muuneeyey
Yaah?
Hadba koran la dhaansaday haddii dhidir la muuneeyey
Allay lehee dhigaal iyo war way kala dhaqaaqeene…
Macnaha hadal xilligeeda waa dhamaaday!
Dhalinyarada Soomaaliday!
Haa, wuxuu yiri:
Hadba koran la dhaansaday haddii dhidar la muuneeyey
Alley lehee dhigaal iyo war way kala dhaqaaqeene
dhalinyarada Soomaaliday hay dhaliilinee
dibadaha kuwii dhoofayoo waa fariin dhab ahe
mar haddii han lagu dhaato iyo teenii dhicisowday
dhacadiidka iyo jiifka waa soo dhadhamiseene…
War ninyohow haddii ma aragtay iska fadhi iyo waxaasi hadday macne leeyihiin waa la soo dhadhamiyay.
dhacadiidka iyo jiifka waa soo dhadhamiseene
ficilkiini baan dhowrayaa dhumucda waynaaye
waxba yaan caleentii la dhilan aa ku dhacanteene
waxba yaan dharaariyo habeen muranku dheeraane
waxba yaan aduunyiyo la dhaqan dheefta xoolaha e
waxba yaan dhaqaaliyo la helin dheg iyo maamuuse
waxba yaan aroosiyo la dhigan dhaadashada guure
waxba yaan dhabeel iyo la qabin dhudi filkeediiye
dheddigiyo labood hawsha way naga dhaxaysaaye
hadal dhiga dhufeysyada camira daaya dhalanteedka
dhayal diida hawsha u dhakhsada socodka dheereeya
dalka dhiciya dhiillada ukaca dhamac utaagnaada
dhagaraha gumeysigu yaqaan dhab udaraaseeya
dheelalaabada iyo sheekadii dhinac ka weydaarta
dhiifooni kama maarantee dhiiri galin yeesha
dhar magaala iyo xiisihii run uga dheeraada
gun baa dharaga lagu seexiyaa dhuuni ka ahaada
gobannimo dhib baa kaa xigtee samayn ka dhuubnaada.
Sow garan maysid?
Gun baa dharaga lagu seexiyaa, dhuuni ka ahaada
gobannimo dhib baa kaa xigtee samayn ka dhuubnaada
Halna waa dhambaal aan udiray dheega Xabaasheede
cid kusoo dhaweysa iyo haddaa dhaanta filaneyso…
Intaa dhulkayga iska qaadato dee haddii aad is leedahay waa laguu dhaanteyn doonaa sacabkaa laguu garaaci doonaa…
Halna waa dhambaal aan udiray dheega Xabaasheede
cid kusoo dhaweysiyo haddaa dhaanta filaneyso
ummad dhaga nuglaatiiyo haddaad dharaq na moodayso
dhawaaqiinna iyo sheegashadu nooma dhaadhicine
dhasalaalaqiyo baanisuhu way iska dhalanteede…
waa muddo isu soo bax iyo bad baanu helnay wax badan baa laga soo sheegay nimankaas aynu hadda hadal hayno…
dhasalaalaqiyo baanisuhu wayska dhalanteede
dhulkayagu agoon ma aha iyo dhaxalka yaallaa e
guutooyinkii loo dhisaa dhooban furimaha e
dhalandhoolka iyo raacdadiyo gocasha dhuubteene
dhirta iyo waxay weheshadaan dhaxanta jiilaale
kumanaan is wada dhaarsadoo dhiirran baa maqane
naabaaladaa dhacaya iyo dhamacda baaruuddu
cahdigeenu meel dhigannay iyo dhimasho weeyaane
dhiig iyo waxa inoo balan ah dil iyo dheecaane
buu yiri. Nimankaa badda doonaayana farriintaydu waa intaas. Dhalinyaradana intaas kala weeye.
[Waa tahay. Abwaan ee waa gabay runtii aad u dhumuc weyn waxaad ku baaqday in hadalka ficil loo badalo, ayaad ku baaqday intaanan horay usii socon gabayga horta adigu halkee buu kaasoo galay? Waa tii la oran jirey:
haddaan gabayga uurkoo bukiyo arrimi kaa keenin
asaan oog jacayl iyo kalgacal kugu ijbaaraynin
afka un baad ka leedahee tixuhu arar ma yeeshaan.
Halkee kaasoo galay gabayga?]
Cabdifataaxoo walaal marar kalena waxaan u malaynayaa inaan sheegee horta gabaygu waa iska hibo uun weeye. Hadduu ahaan lahaa wax ninkii caroodaaba uu gabyi karo dad badan oo caraysan baa jooga waxba kasoo bixi la’ yihiin. Sow garan maysid? Hadday hi’ ma aragtay dhaxal iyo ma aragtay dadkii kaa horeeyay waalidiinta ahaayoo gabyi jiray ay tahayna waxaan isleeyahay reero gaar ahoo gabyaa un baa Soomaalida ku jiri lahaayoo dee iyagu kala dhaxdhaxla oo mid aabbihi gabya mid awowgii gabya deedna sidaa ma aragtay… Waxaa ninyohow is leeyahay waa iska hibo, waa qaybaha Ilaahay dadka wax u qayb qaybiyey qeyb kamida halkaa meel uma dhaafin karo.
[Waa tahay. Markii la rabo dee in wax la beddelo dadku waxay leeyihiin dad elite ah oo hormuud ah oo dadka hoggaamiya culimadaa kamida, aqoonyahankaa kamida maxaa farriin ah oo dhinacaasna aad udiri lahayd?]
Anigu waxaan is leeyahay horta waa la qasban yahay waa la qasban yahay Qof kastoo si rational ah u fikira wuxuu arkayaa maanta waaqaca hortiisa yaalla in la qasban yahay options-kaan haysannaa ma badnaba option-no badanoo aan kala doordooranno ma haysanno. Haddii danta guud ay burburtana mid gaar ihi ninyahow ma jirayso. suurta gal maaha inay jiri karto option-nadaan haysannoo dhanna way soo urureen illaa inta ugu badan lee ayey soo urureen.
waxaa jiray gabey intii aan hadda meelahaan joogay qayb kamida ee caawa gabaygaas makuu marin doono laakiin qayb kamidaan kuu sheegi doonaa Wuxuu ku saabsan yahay haddii waxa jira ay sidaa usii jiraan, ay ahaadaan Waxaa la yiraahdaa qof kasta jidka uu ku qasban yahay ma aragtay. Wuxuu yiri:
Inta uu Hargeysiyo kufrigu Xamar ka heesaayo
hooyaalaydi gabayga iyo dhaaftay hadalkiiye
hagardaama kama dhawrsatee had iyo laayaane…
meeshaan usocdaa waa halkaas. Yaah? Waa lagu qasban yahay meeshaan ku leeyahay waaye
hagardaamo kama dhawrsato iyo had iyo laayaane
hoonbaro waxay soo wadaan kale horjoogaye
hoosaasinta nagaga daran soo hulaabsiga…
Nin aan ogahay ninkan duulimaadka igu ah inuu la socdo ayaa wuxuu rabaa inuu iisoo hulaabtuu ii hoosaasiyo cadawga waa ragga hadda aad sheegaysay hebel baa baaq soo saaraye hebel baa, waxaas hoosaasin waaye
hoosaasintaa igaga daran soohulaabsiga e
gobanimo daleel lagama helo waana la hubaaye
hantatoobsi kama maarantiyo higil colaadeede
markii ay hululaha gashaan huray naftaydii
heeciyo magaan dawladnimo kuma halleeyeen
nin wax lagu halleeyaa ninyuu jiraa
heeciyo magac dawladnimo kuma halleeyane
anigubaa hantaaqi dhib iyo jiidhe
halistii harka galee habeeniyo dharaar waan hamiyayaaye
habaqlahan is dhaafiyee warkii hugunka yeedhaaya
halxidhaalihiyo sheegashada lagu haliilaayey
hanjabaadda iyo baanisaha hilowga ciiddeena
waxa la isku haystaaba waa sidigtii hoobaane.
Sow garan maysid?
Waxa la isku haystaaba waa sidigtii hoobaane
waa lama huraan…
Yaah?
waxa la isku haystaa waa sidigtii hoobaane
waa lama huraan dhiigga iyo hiilka dirireede…
Ma garatay Cabdifataaxow warkayga?
walaal waa lama huraan, option-nadu ma badna, waa lama huraan. Marka walaal waxaan uga jeedaa, gabaygu waa dheeryahaye.
[Marka waxaad leedahay dagaal baa qasab ah?]
walaal qofka… waa la qasban yahay macnaha options-ku ma badno, qofkii isagu surrender sameynaaye isdhiibaaye hoggaansanaaya ma ku jiro waxaan ka hadlaayo laakiin xal kale…
[Siyaasadda ayaa soo baratay adduunka mararka qaar siyaasadda ayaa wax lagu xalliyaa diblomaasiyaddaa wax lagu xalliyaa fursaddaas ma haysanno miyaa haddaan nahay Soomaali?]
In diplomatic relations markaa la leeyahay ma aragtay bilateral ayaa wada hadlaayoo wax isusheegayoo negotiation sameynaayo ma aragtay isu tanaazulaayo horta waa power balance inuu jiro waaye principle-ka koowaad waa kaas waaye in labadaa qolo inaanay qolo moodahayn inay qolada kale liqi karto ciddaad igu leedahay marka diblumaasiyad wax halagu xalliyo waxa weeye waa cid aaminsan inay iliqi karto, markaa qof rababa inuu iliqo sidee buu negotiations iyo ma aragtay mediations iyo ma aragtay gorgortan seen uwada gali karnaa wuxuuba rabaa inuu iliqa ee horta dee waa inaanu… horta waa inuu halkaa taga dee eeg meesha lasku haysto marta hadda Zaylac weeye Sow garan maysid? marka nin Zaylac igu haysta walaal wada hadalka iiga furan nin gurigeygii igu haysta iyo carruurtaydii iyo maxaa la yidhaahdaa ma umaleynaayo, markaa waxaan ujeedaa walaal waxa weeye waa lama huraan yaah dhiig dirireed meeshaa usocdaye ma aragtay gabayga hadda ixusuusisay halkaas ahayd marka ninyahow anigu waxaan islaayahay kow waxaa lagu qasban yahay waxaa walaal lagu qasban yahay in arrintaas ficil lagaga jawaabo horta waa lagu qasban yahay, waa kow in dadku ay diintooda iyo dadnimadooda iyo maxaa la yidhaahdaa jiritaankooda iyo maxaa la yidhaahdaa naftooda iyo damiirkooda inay difaacdaan horta ninyahaw waa lagu qasban yahay waa individual level analysis hadda waxa ay maraysaa waa qof kasta mas’uuliyad saaran waaye Sow garan maysid, walaal? individual level analysis waa yaqaanaan ardayda dhigata School of Political Science waa individual level analysis ayay maraysaa hadda taasaa u wacan.
Intaas walaal waxaa ii raaca dhalinyarada Waxay yiraahdaan, maahmaah Soomaaliyeed baa jirta, waxay yiraahdaan: hooya kastaa gorgor iyo dhowr tukee dhashaa bay yiraahdaan Gorgorka waxaan leeyahay maanta ninyahaw maalintaadi waaye Maalinti waxa socda aad diidi lahayd weeye Berri ma jirto! waad qasban tahay, taasu intaasi waaye.
Odayada… waxaan leeyahay ninyahaw Xabashi idinkaa naga yaqaanna markaan warka soo uruuriyo in bal faragalinaha kale iyo waxaas meel iska dhigee hadda meesha qadiyadaas aan ka hadleene aan ulaabto Xabashi idinkaa naga yaqaan Waxaan aan ku hadlaayana idinkaa noo sheegay Sooyaalka taariikheede idinka idin ku dhex jira ayaan ka barannay waxaan aan ku hadlayo waxaan leennahay cimrigiinna ceeb iyo godob iyo gunnimo aan deegaannadaa iyo dhulkaa iyo dadkaas aan ka zuulin ma aragtay, hawga tegina taariikh cusub oo gunnimo ah hanoo qorina.
Culimada iyaga… waxaan leeyahay waa taqaannaan Diinta maanta halka ay wax maraayaan waa taqaannaan mas’uuliyadda idin saaranna nin waliba waa garanaayaa ninkii isagu iska diida mooyaane…
Nidaamyada… dadka nidaamyada, ama askarta u ah ciidamada u ah, waxa noocaas ah waardiye… gunnimada la rabo in ubadkaaga iyo gurigaaga iyo waxaaga lagu qaato ninka ilaalinaaye waardiyaha u ah waxaan leeyahay laba jeer fikir twice ayaad ubaahan tahay inaad fikirto waxa aad difaacaysaa gunnimo adiga la rabo in lagugu gumeeyo inaad difaacataa aniga waa ila qadhaadhahay markaa walaal. Intaasaan leeyahay iyagana.
Ugu dambayntii marka raggaa dagaalamaaya iyagu dhagartaa mar horee Ilaahay ku baraarujiyay iyagana hawl weynaa u taallo hawl aad uweyn ayaa utaallo.
Waxaa jira gabay la yidhaahdo Diilalyo oo safarkeygaan meelahan ku marmaraayay [ayuu ka hadlayaa?] Ayuu ka dhashay, kama hadlaayo, laakiin socsocodkaygii meelahan aan soconaayey. Wuxuu yiri:
Danta naca dagaaladu ukaca celiya duulaanka
dabka huriya duunyada la baxa dirirta xoogeeya
u dib jira daleelada xamila diifta ku ahaada
dalka dhiciya Diinta u halgama damaca wayneeya
harka diida daaraha ka taga dumar ka dheeraada
godka dumiya daafaca ugala meel fog ugu daata
dadaal bixiya heensaha dugsada duurka ku cirreystay
cirka dega daruuraha huwada diiradlaha booba
digtoonaada fiirada ku dara daran u taagnaa.
idinkana shaqadaas ayaa idin taal.
[Daawadayaal intaa ayaan kusoo gabagabaynaynaa guud ahaan wareysigii gaarka ahaa ee aanu la yeelanay Abwaan Nageeye Cali Khaliif. Tan iyo intaanu ku kulmi doono wareysi noocan oo kale ah waxaan idinku dhaafaynaa
والسلام عليكم ورحمة الله وبركاته
Abwaan adigana aad baad umahadsan tahay.]
وعليكم السلام ورحمة الله
Adigaa mudan, Cabdifataaxow!
بارك الله فيك
جزاك الله خيرا