Wareysi Gaar ah – Abwaan Nageeye Cali Khaliif [1446H]

[بسم الله الرحمن الرحيم]

[بسم الله]

[السلام عليكم ورحمة الله وبركاته]

[Waxaanu wareysaneynaa Abwaan Nageeye Cali Khaliif. Waxaanu ka wareysaneynaa arrimo siyaasadda iyo saxaafadda la xiriira. Abwaan Nageeye ku soo dhawow Idaacadda Islaamiga al-Furqaan mar kale, inkasta oo ay jirtay xilli horoo aan wareysi kaa qaadnay.]

Aad iyo aad baad u mahadsan tahay Cabdullahi. Waa dhawahay. Aadaa u mahadsan tihiin.

[Adiguna waan kuu mahad celineynaa sida aad nooga ogolaatay wareysiga. Soomaaliya waxaa ka jirta saxaafad maqal iyo muuqaalba leh iyo mid daabacan intaba, adiguna macalin saxaafadeed ayaad ahayd. Ka waran saxaafada Soomaalida ee maanta jirta iyo qaabka ay u shaqeyso.]

Cabdullaahiyow saxaafaddu marka ay fahamsan tahay mas’uuliyadeeda, marka ay fahamsan tahay shaqada ay leedahay shaqada baadhis ahaaneed, shaqada isu dheelli tirka wararka iyo xogaha, shaqada dabagalka, saxaafadu si guud marka ay shaqadaa ay leedahay ay fahamsan tahay, waa door weyn waxay ka qaadataa horumarka bulshooyinka ay runtii ay ku leedahay xaqiiqooyinkay soo bandhigtaa, waxay daba gashaa waxa la yiraahdo political elite, political elite-ku inta badan… waxa weeye hoggaanka siyaasiga ah weeye, markaa saxaafadda waxa ay abuurto waxay abuurto waxaa la yiraahdaa isla xisaabtan isla xisaabtankaas waxa weeyaan dadka hogaanka jooga wixii ay qaldeen in tooshka lagu ifin karo bulshada lagu baraarujin karo, waxay soo bandhigtaa khaladaadka dadka madaxda hogaanka ka dhaca ayey soo bandhigtaa. Markaas saxaafaddu marka ay fahamkaa ballaaran haysato ee maxaa la yidhaahdaa in ay isu dhigto inay tahay isha isku xidha maamulka meesha ka jira iyo dadka la maamulo-haa marka isku fahamsan tahay, door wayn bay ayey runtii leedahay. Tan Soomaalida walaalo haddaan usoo laabto si guud waagii hore waxaa jiri jiray wax la yidhaahdo traditional media ama warbaahintii taqliidiga aheyd ee jaraa’iddada ka soo bilaabata magazines lahayd, filimada lahayd, markii dambe raadiyowga lahayd, Soomaalidu markaa waxay ahayd si guud adiguna runtii aad baad xog-ogaal ugu tahay, idaacadda waxay ahaan jirtay warbaahinta ugu weyn ee ay Soomaalidu leeyihiin. [Oo dadku dhagaystaan?] Ay dhageystaan. Waxyaabo badan baa laga yaabaa in ay keenaan waxyaabaha in ay idaacaddu caan noqoto Soomaalida dhexdeeda lagu sababeeyo waxaa kamida kow: Soomaalidu akhriska iyo qoraalka uu ku yaraa, oo Soomaalidu akhriskeedii iyo qoraalkeeda farteeda marka la qorayna waaba iska dambaysay, ilaa maantaynu wada hadleyno Soomaalidu si guud akhriska iyo qoraalku wuu ku yar yahay, dadka wax akhriya iyo dadka wax qora tira ahaan waa yar yihiin. Sidoo kalena dadka wax qora waxay yiraahdaan Soomaalidu intay wax akhriyaan waa oral society eraygaas runtii inoo baxay ma aragtay dunida dhexdeeda oo bulsha hadasha oo ma aragtay oratory leh weeye bay yidhaahdaan. Arrimahaas oo laysu geegeeyey ayaa waxay keeneen inay idaacaddu noqoto tan ugu weyn ee Soomaalida public opinion-keeda ama ra’yul-caamkeeda jahaysa. Isbedel warbaahineed baa dhacayoo waxa loo bixiyey hadda warbaahinta baraha bulshada ama social media ama citizen journalism ayaa soo baxay Berigii hore idaacadaha ama TV-yada ama jaraa’iddada waxay lahaayeen wax layiraahdo editorial policy. Editorial policy waxa weeyaan qofka reporter-ka ama weriyaha ahi inuu war keeno, qof tafaftire ahi uu ka eego wixii uu keenay, ma sugan yihiin? Anshax ahaan siday yihiin? Il-wareedyada laga soo xigtay siday yihiin? In waxaasoo dhan la fiiriyo. [Oo la kontoroolo?] La kontaroolo. Citizen journalism-ki wuxuu keenay waxay yiraahdaan waa democratization of news waxay leeyihiin waa warka in la dimuqraadiyadeeyo, macnaheedu waxa weeye in warku la dimuqraadiyadeeyo waxaa looga jeedaa waxa weeyaan warkii uu idaacadda aniguna aan weriye ahay, adiguna tafaftiraha ahayd hebelna uu dhageystaha ahaa process-kaas maraayey, process-ka in la burburiyo weeye, qof kastaa meesha uu joogo ayuu wariye ku yahay, qof kasta meeshuu joogo ayuu la dhegaystay ku yahay, qof kasta meesha uu joogo ayuu dhegeyste ku yahay, wax weriye la yidhaa ma jiro, wax la-dhageyste layiraa ma jiro, wax dhageyste la yidhaahdana ma jiro. Citizen journalism-ku macneheedu waxa weeyaan qof waliba hadduu smartphone haysto wuu warrami karaa isagaa la dhegeysan karaa. [Uu telefoon hadduu haysto oo maqal iyo muuqaal leh?] Maqal iyo muuqaal ah, internet coverage-na uu leeyahay isaga la dhageysan karaa. Taasi markaa maxay meesha ka saartay? Waxay meesha ka saartay wax la yiraahdo, inta badan aan iraahdo wixii ethics-ka saxaafadda la oran jiray. [Shuruucda saxaafadda?] Iyo anshixii, haa… Law and ethics waa sharcigii saxaafadda, iyo anshixii saxaafadda, labadiiba way burburisay sababtu waxa weeyaan, dadka hadda warbaahinta soo galayee citizen journalism-ku uu keenay waxa weeyaan waa qof aan lahayn xirfaddii loo baahnaa, tababarkii loo baahnaa ee saxaafadeed aan lahayn weeye. Kuwaasaa marka maanta dadka u warrama, kuwaasaa malaayiin ay ku xiran yihiin, macnaha dadka isticmaala maanta social media ee Instagram isticmaalaya ee Twitter isticmaalaya ee Facebook isticmaalaaya, maxaa la yiraahdaa, dee waad yaabaysaa, macnaha statistics-ka la sheegayaa intay tiro le’egtahay. Kuwaasaa marka maanta ra’yul-caamka bulshooyinka haga, Soomaaliduna kuwaasay kamid tahay. Markaa ra’yul-caamka Soomaalida maanta waxaa haga dad aan lahayn xirfad warbaahineed, laba: xirfadda warbaahinta aqoonta haddaanay lahayn, dadkii horay idaacadaha ka shaqeyn jiray eed adigu soo gaadhay ee laga yaabaa si fiican u wada garaneysaa, khibrad warbaahineed oo muddo dheera bay lahaayeen, khibraddaa warbaahineed waayo aragnimadaasaa waxay siisay inay wax kala soocsooci karaan, wax hubsan karaan verification sameyn karaan neutrality-ga ilaalin karaan, ma aragtay ay waxaas ka shaqeyn karaan. Dadkan yaryaree marka maanta warbaahinta ka shaqaynaya skill-kiina malaha, oo tababarkii saxaafadeed ee loo baahnaa ee ay ma aragtay education-ka may soo qaadan, formal education-ka may soo qaadan waxbarashadii tooska ahayd, waayo aragnimo ku filan oo ay saxaafad muddo ku soo jireenoo, ay soo practise-gareeyeenna malaha. Sidaasay marka warbaahinta Soomaalida maanta kuwaasaa ra’yul-caamka hagaaya waxaa citizen journalism-ka loo bixiyey baanay Soomaalidu maanta dhalinyaradeedii iyo warbaahinteeda ay qeyb ka tahay wax layaalo wuxuu caqabad citizen journalism-ka uu leeyahayna saaxadda Soomaalida maanta waa taallaa.

[Waayahay. Waad mahadsan tahay. Marka waxaad leedahay anshaxii saxaafadda waxa loogu yeero ama loo bixiyey lama dhowro oo waa laburburiyey.]

Ereyga waa la burburiyey ma isticmaali karee laakiin runtii dhaawac badan baa loo geystay, waxa dhaawac u geysanayana waxa weeyaan hanaankii loo mari jiray in war la sameeyo, waxa jira wax la yiraaho elements of news. Wixii maxaa la yiraahdaa… way dhaawacmayaan, sababtu waxa weeyaan adigi baa weriye adigi baa cameraman ah adigi baa editor ah, adigi baa warbaahiye ah, adigi baa dhegeyste ah, waxoo dhan adigaa isu ah, adiguna isma inta badan self-censorship qofku inuu sameeyaa way adag tahay, qofku wuxuu isagu soo gudbiyey inuu qaladkoodiyo saxooda kala arki karo inta badan way adkaataa, wuxuu ubaahan yahay cid kale oo ka waayo aragnimo badan oo editing ku samaysa wixiisii, oo ka hubisa oo wixii qalad ah ama anshax ahaan qalad ah ama waaqici ahaan qalada, marka qaarkood run aan la sheeginaa jira, do no harm wax la yidhaahaa xeerka saxaafadda kamida, hawga sii darin weeye af Soomaali, xaqiiqa aad og tahay haddaad og tahay xaqiiqadaa haddaad soo bandhigta inay wixii wax ka badan keenayso, dhibaato ka badan ay soo bandhigeyso, waxaa layiraahdaa hawga sii darin. [Marka hawga darinee ka jooji weeye?] Hawga darinee ka jooji, waxaasoo dhan hadda cidi ma taqaano.

[Marka qodobada ugu waaweyn ee aad odhan karto waa lagu tuntay ee anshaxa saxaafada maxaa kamida?]

Waxaa kamid ah kow: xeerka ugu weyn ee saxaafadda isticmaasho waxa la yiraahdo trust weeye, waa kalsooni in warbaahinta kalsooni lagu qabi karo, qofka weriyaha ahi markuu war sheego warkaa uu sheegay waa in qofka muwaadinka ah ee shacabka ee baadiyaha jooga ee dhagaysanaya warkaa uu sheegay waa inuu ku go’aan qaadan karo waaye. Haddii maanta aad ii warranto oo warkii aad ii sheegtay aan aamini waayo credibility wuu dhaawacmaa, macnaha misdaaqiyadii aan kuugu qabay ay dhaawacanto wax saxaafad ahoo kuu haray ma jiro. Marka waxaan isleeyahay saxaafadda Soomaaliya maanta waxyaabaha dhaawacmay ee caqabadda weyn runtii ah waxaa ka mid ah in kalsoonidii lagu qabay in war laga qaataa runtii aad iyo aad u dhaawacantay, ay aadiyo aad u dhaawacantay in warbaahinta Soomaalida, waliba kuwa citizen journalism-ka iyo kuwa kale taqliidiga waxaa kasii nooliba caqabadaha wixii doonaaba sababo kala ha ahaadaan oo fara badanoo jiri kara laakiin waxaa luntay oo natiijadaynu maanta haynaa waxa weeyaan in warbaahinta Soomaalidu inta ugu badan leh uu dhaawac weyni kalsoonida lagu qabay uu soo gaaray. [Waayahay. Nageeyow waxaad arkaysaa idaacad dhan oo weyn oo dad boqolaal ay ka shaqeeyaan oo caan ah amaba idaacado badan oo ama telefishanno ha ahaadaan ama raadiya ha ahaadan oo sheegaya magaalo aan la qabsan in inta lagu duulay la qabsaday dad lagu laayey wax dagaal oo ka dhacaana ma jiraan cid dib kala hadlaysana ama warkaa ku qabsaneysana lama arkayo, maxaa u sabab ah in aan wixii dhacay la isaga daba imaaneyn oo anshixii ama xeerkii saxaafada ee sida aad sheegeyso ka baxsan? Walaal way jirtaa runtii, horta Soomaaliya mushkilaatka warbaahinta haystaa waxaa ka mid ah wax afkan Ingiriisiga lagu yidhaaho media ownership. Media ownership-ku waxa weeye cidda warbaahinta leh iyo cidda siyaasadda ku jirtaa hadday mid keliya isla noqdaan runtii caqabad wayn baa ka dhalata. Haddii ninka siyaasiga ah ee political elite-ka ee xisbiga hoggaaminaaya ama doorashada uu ordaaya ama election-ka raadinaaya ama isaguba kursiga fadhiya uu noqdo ka isagu leh xarunta warbaahineed idaacadda leh TV-ga leh jaraa’idka leh, hadduu noqdo [ama gacansaar ay la leedahay?] Haa… ama ganacsatadaba dheh, ee nin ganacsadaayoo multi-millionaire ah haddii uu noqdo haddana isagu kan warbaahintii leh, warbaahinta checking ma sameyn karto, dawaduu soo dajinaayo ma hubin karto maxaa la yidhaahdaa cuntada dhacdoo dalku keenaayo ma hubin karto, iyo maxaa la yidhaahdaa caqabadda kalee amni ama dhaqaale ama siyaasadeed uu dalka ku haayo ma hubin karto oo wixiiba isagaa iska leh. Siyaasaduna waa la mid, ninka political elite-ka hadduu isagu idaacaddu leeyahay, maalintuu isagu kursiga fadhiyana siduu isagu jecelyahay bay u hadlaysaa: dawladdu shaqo wanaagsan bay qabatoo si wanaagsan baa loo shaqeeyo hannaankii uu isku aaddisan yahay, maalintii isagu kursiga waayana wax waliba haadaan bay ka sii dhacayaan. [Sidaasay tabineysaa?] Saasay tebinaysaa. Marka sawirka guud hadaad aragto idaacad borobogaandadeedu badan tahay maxaa la yidhaahdaa safka dagaalka ku jirta haddii aad aragto waxyaabaha safka dagaalka soo galay waxaa ka mid ah ninkii isagu iska lahaa baa safka dagaalka ku jira weeye.

[Waxyaabaha takhasuskaaga waxaa ka mid ah arrimaha siyaasadda, macalinna waad ku ahayd oo waad ku shaqeysay. Arrimaha siyaasadda Soomaaliyana waad u dhuundalooshaa. Siyaasiyiinta Soomaalida ama hoggaanka siyaasadda gebigoodba ma dabadhilifyaa mase wax un baad kasoo reebi lahayd?]

Waa wada dabadhilif kolley anigu horta qof ahaan ma odhan karo. Laakiin hal xaqiiqaa jirtoo runtii ay tahay inaan aad u fahamno. Nin la odhan jiray Abwaan… hadda wuu dhintee Alle ha u naxariistee Guhaad Cabdi Gahayr, 1960kii markii Soomaalida koonfureed iyo Soomaalida waqooyi xoriyadda qaadanayeen weliba tan waqooyi Juun 16 markay Ingiriiska habeenka ay ka xorroobaysay ayuu Hargeysa gabay ka tiriyey, markaa dadkoo dhan wey jibbeysnaayeen dadkoo dhan xorriyad calansaar dee Timacadde waa la xusuustaa geeraarkii caanka ahaa ee:

Aan siduu yahay eegnee kaana siib kanna saar.

Marka Timacadde saas ayuu u arkaayey, inay dowladnimo dhalatay oo Ingiriis laga hoos baxay oo la barwaaqoobi doono, isaga imagination-kaas khayaalkaas ayuu qabay. Guhaad Cabdi Gahayr gabay buu tiriyey la yiraa Good iyo abees ayaa isbedelay garanna maysaane:

Good iyo abays ayaa isbeddelay garanna maysaane
Gocondhooyin baa aasan iyo mici gabaareey
Kaaral kaama guurine halkaanu guud madow yahay

buu yiri. Meeshaan u socdo political philosophy-ga weyn ee runtii ninkaasi uu fahamsanaa ee ku jira waxa weeyaan ninkii Ingiriiska ahaaye Hargeysa xukumaayey ee tegay iyo ninkii Soomaaliga ahaa ee markuu Ingiriiska tagay oo Hargeysa kaga tegey magaca wey ku kala duwanaayeen waa sax, midabkana waa ku kala duwanaayeen waa sax. Waxaas oo dhan waa ku kala duwanaayeen. Laakiin hal wax baanay ku kala duwaneyn oo markii dambe waaqicu inoo sheegay inaanay ku kala duwaneyn 64 sanadood kadib waaqicu inoo sheegay inaanay kala duwaneyn hal wax weeye, waxa weeye political agenda-ha ay gudbinaayaan, waxay xanbaarsan yihiin, waxay doonayaan inay xaqiijiyaan, nooca dowladnimo ay rabaan inay hirgeliyaan, ayaa labadii nin isku mid noqotay. Ninka Soomaaliga ah ee siyaasigaa marka su’aashiisu waxa weeye ninkaa Soomaaliga ee siyaasiga ee xukunka hayaa muxuu rabaa inuu xaqiijiyo? Wuxuu rabaa inuu xaqiijiyo wax diinteennii liddi ku ah, wax dawladnimo aanu noo horseedaynoo 6 iyo 4, intaas oo 60 sannadood aynaan natiijo fiican laga gaarin, lagu burburay la isku nacay dagaalla qabiil ka dhaceen maxaa la yiraahdaa dagaalo sokeeye oo ummuladooxi ka dhaceen reer reer la isu dilay markii dambe dalkii gobol gobol loo qaybsaday markii dambe building blocks iyo federalism iyo waxaad arkeysaa ay ka dhasheen, halumma-jarra, markaa ninka siyaasiga Soomaaliga ahi maanta mashruucaasuu rabaa inuu riixo. Ninka marka mashruucaa riixaya anigu magac ubixin maayo, laakiin magacii horaa loogu bixiyay Soomaliduna waa yaqaanaan magaciisa saas daraadeed waxa muhimka ahi waxa weeye magaca ma aha, hebel hebel ma aha, waxa weeye waxa uu hebel riixaayo uu rabo inuu hirgeliyaa maxay yihiin? I think taasaa ayaa runtii muhim ah, marka hebel hadduu doonayo inuu hirgeliyo… [Wixii Ingiriiska iyo shisheeyaha kale hirgelinayeen?] Ay hirgelinayeen, magaciisa waa taqaanaa markaasna in magaciisa la isweydiiyo ma aha. Waxaa jira runtii… buug runtii cajiiba oo la yidhaahdo Merchants of Misery [Micneheedu yahay?] Waxa weeyaan Silic ku-Naaxayaal, dadka silica ka ganacsada ama silaca ku naaxay weeye Haddii… Professor Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa qoray. Markaa The Merchants of Misery haddii siyaasigii Soomaaliga ahaa maanta lagu magacaabay ama lagu tilmaamay inuu yahay qof silaca ummadda ku naaxa oo markii umaddu barakacday isagu guri dhista, oo marka labo qabiil isku rogmadaan isagu kursi helo, oo marka laba beelood is dilaan isagu wax gaara, oo marka dad qof dhinto isagu natiijo xaqiijinaayo, marka la qaxay isagu natiijo xaqiijinaaya, de waxaan umaleynaa kaas The Merchants of Misery waa good example macnaha sheegaya siyaasiga Soomaaliga oo [Waa tusaale.] Waa tusaale wanaagsan oo sheegaya ma aragtay sida siyaasiga Soomaaliga uu maanta u eg yahay.

[Waayahay ummadda Soomaaliyeed dhibaatooyin kala duwan bay soo martay welina lugahay kula jirtaa dhankee laga hayaa? Muxuu yahay cudurka haya dadka Soomaaliyeed? Maxaadse isleedahay dawadiisa way noqon kartaa?]

Inagu diin isku mida leh, oo midab isku mida leh, oo geographically dhulkeena isku mida yahay, oo af isku mida ku hadleena, oo dhulkeena lagu sheegay inuu yahay very strategic dhul runtii aada ma aragtay muhiimad juqraafiyadeed leh oo batrool leh oo gaas petroleum maxaa layiraahdaa kala duduwan leh oo natural gases leh, oo webiyo leh oo maxaa la yidhaa webiyada wax laga beeran karo, oo xoolo badan, macnaha inaga oo dhaqaale intaas le’eg heli kara, oo labo badood oo runtii very strategic ah ay dhulkeena ku yaallaan oo laga yaabo shipments-ka ama cargo-oga adduunka u kala gooshaya boqolkiiba-30 wax ku dhow in xeebaha Soomaaliya ay isticmaalayaan oo tiradeennu marka loo eego aan dad yar ahayn. In haddana la yiraahdo ceebtii Afrikaa tihiin wax baa inaga qaldan, waxa inaga qaldan muxuu yahay? Waxaan u maleynayaa waa muhim. Hal wax baa marka ay u baahan tahay inaan fahanno, waxa weeyaan ninyohow hadduu qofku xanuunsado oo ka dibna diagnosis kala duwan loo qoro, diagnosis waa dawo, hadduu intuu qofku dhakhtar utagoo layiraa madaxaa ku xanuunayo kaniini madaxa lasiiyo, oo deedna markuu 10 maalmood cuno uu dhakhtar kale utago uu kuleeyahay mayee wadnahaa lagaa hayaa oo kaniini wadnaha uqoro uu waxba uu ku bogsan waayo. Markuu muddo dawooyinkaa kala duwan qofku loo wado dawada lafteedaa cudur ku noqota, waa meeshii Soomaalidu oran jirtay nin bukta boqol baa utalisa. Soomaalida markaa diagnosis kala duduwan waxyaabo kala duduwan dawooyin kala duwan baa loo qoray oo aan ahayn xanuunka haya, dawadii lafteeday markaas Soomaalida hadda ku xanuunsatay. Dawadii loo qoraaye lafteeda ayaa hadda ah mushkilada ugu weyn ee Soomaalida haysata. Maxay tahay dawada? Waxa weeye one of the things inay horta isla fahamno root causes-ka mushkiladda ugu weyn ee ina haysata maxay tahay iney isla fahamno intaynu wada fadhiisanno. Ma faragelin shisheeyaa? Ma dhaqaale xumaa, ma silic baynu isku dilaynaa, oo maxaa la yiraa gaajaa isu keen geyneysa? Maxaa la yidhaahdaa ma competition over resources baa? Ma kheyraadkaa inagu yaroo marka tartan kheyraad baynu ku jirnaa wax baynu kala boobaynaa? Ma qabyaalad baa waxaynu isku dilaynaa? Ma nidaamka hadda ma aragtay… ma fahamdarraa ina haysa? Ma nolosha gebigeedayna fahamsanayn, ma ugaar baynu nahay? Ma dad cawaan oo ma aragtay ma dhaqankeena violent culture ah? Ma dad… maahmaahdii ahayd ninaan sharci ninaan shantaadu kaa reebin, sharci kaama reebo macnaha ma dad iska fowdaayo raba ha socoto un hala yaaca miyaynu nahay oo anarchism-ka u dhashay? Waxay u baahantay in su’aalahaas isweydiinno horta xagee ina xanuuneysa? War ninyohow isku daalnaye maxaa inoo dan ah nimanyahaw? In su’aashaasi ay timaaddo, in marka isku daalnaye maxaa inoo dana ay ka soo baxdo diagnosis-keena war ninyohow maxaa inaga qaldan? Marka su’aashaas laga jawaabo marka… waxaa jira qolo research samaysay. Dad Soomaali… [Cilmi baaris sameysay.] Haa, cilmi baaris sameeyay, Soomaali kala duduwan baa waxay weydiiyeen, oo deegaamo kala duduwan joogo qaar baadiye jooga, waxay weydiinayaan cudurka Soomaalida hayaa muxuu yahay? Dadkii badankood waxay ku jawaabeen ma taqaannaa? Waana la marginalise-gareeyay, xaqayagii baa la qaatay. Haye maxaad xal u aragtaa? Xaqayagii aan helno. Waa ummad dhan oo qof walba xaqii ka maqan yahay. [Sida ay aaminsan yihiin.] Siday aaminsan yihiin. Qofkanaa la leeyahay xaq maxaa… mushkiladda ku haysataa waa maxay? Xaqayagii baa maqan. Maxaad xal u aragtaa? Waxaan xal u arkaa inaan xaqayagii helo. deegaano kala duduwan baa ayaa ay cilmi baaris noocaas ah, su’aalo noocaasa dad la weydiiyey, reconciliation iyo qolo waxaas ka shaqeyneysa. Waxaan ka wadaa waxa weeye qof kastoo inaga mid ihi wuxuu aaminsan yahay walaalle inuu dulman yahay. Qof kasta oo inaga mid ihina wuxuu aaminsan yahay in la dulmay. Haye, yaa wax dulmay marka? Qofka wax dulmay ee laga cabanayaa waa kuma? Anigaa daalim ah oo adiga ku dulmay, adigaa kan kala sii dulmay, adigaana laba jeer idulmay, kanaa shan jeer ku dulmay. Lama gaari karo markaa ma aragtay lama gaari karo meesha la rabo in la gaaro. Marka walaal nuxurku waxa weeye Soomaalida macnaha cudurka haya haddaan soo uruuriyo hal wax baa laga yaabaa inay cudurkooda wax ugu weyn tahay, Soomaalida hal wax waliba waxaan is leeyahay weli may fahmin: Soomaalida waxaa kala duwan waxa layidhaa issue-ga iyo actors-ka af Ingiriiska, mawduuca la isku hayo iyo dadka is haya weeye af-Soomaali ahaan. Soomaalidu inta badan waxay un bay fiiriyaan yaa is haya? Horta ninyohow doodda yay u dhaxeysaa? Between whom? Yaa dooddu u dhaxaysaa? Hebel iyo hebel, anigu hebel baa la socdaa buu leeyahay. kan reerkooda waaye, Soomaalidu inta badan isma weydiiyaan war ninyohow maxaa la isku hayaa? Issue-ga lama soo hadal qaado, mawduuca topic-ga la isku hayo lama soo hadal qaado, laakiin waxaa la soo hadal qaadaa ninyohow ragga is hayaa waa ayo? Waa hebel oo reerkeyga ah iyo hebel oo reer hebel ah. Anigu hebelka reerkayaga ah baan la socdaa. Laakiin qofka Soomaaliga ahi inta badan isma waydiiyo: ninyohow hebelka reerkiinnu doodduu aaminsan yahay maxay tahay, hebelka reerka kalena doodduu aaminsan yahay maxay tahay? Mawduuc marka Soomaalida kama wada hadasho, waxaan isleeyahay ilaa mawduuca aan ka wada hadalno oynu isula nimaadno topic issues aan ka wada hadalno oo actors-ka aan iska ilowno xalka Soomaalida aniga waa ila dheer yahay.

[Adigu Abwaan baad tahay gabayo badan baa tirisay. Waxyaabaha adiga ku gubaya oo sida gaar ah kuu sameeyey marka arrimaha Soomaaliya laga hadlayo maxay yihiin? Maxaa adiga kuu gooni ah?]

Wax ii gooni ah ma jiraan Cabdullaahi laakiin waxaa iska jira wax la yidhaahdo intellectual responsibility waa mas’uuliyad ay tahay qofku in uu dareemo oo damiirkiisu ay dareensiiso. Aniga haddii lay yiraahdo maxaa ku gubaaya wax gaar ah oo aniga qof ahaan iga maqani ma jiro, laakiin hal arrin oo runtii aad u muhiim ah aniga agtayda ah baa jira. Arrinkaa muhimka waxa weeyaan Soomaalidaynu maanta ku nool nahay xaqiiqaa ina hor taalla, dalkeenii oo burbursan dawlado shisheeye oo inagu soo duulay khayraadkeenii oo la doonayo in la qaato diinteeni oo la doonayo in la beddelo dadnimadeenii oo la rabo in la dooriyo xeebaheennii oo dowlado ay duulimaad ku yihiin, xuduudihii dalkeennii oo meel walboo iska furan, ummadeennii oo dayacan. Intaasoo xaqiiqaa ina hortaal, xaqiiqda kalee ina hortaal waxa weeyaan, dawladaha kuwa deriska ah iyo kuwa kusii xiga oo doonaaya xaaladda aynu ku jirnaa inay ka sii darto mooyee inaanay ka soo rayn.

[Waa yahay. Taariikhda Soomaaliya iyo Itoobiya markaynu dib u raacno waa la ogyahay dhibaatooyinka ayaga iyo Soomaalida dhex maray. Waa taariikh colaad ku salaysan. Haddana waxaad moodaa in si kale loo dhigayo. Adigu taariikhda Itoobiya iyo Soomaaliya maxaad ku macneyn kartaa?]

Ethiopia ama Abyssinia waxa weeyaan hab ama waa maxaa la yiraahdaa nidaam muddo dheer jiray weeye. Wuxuu caan ku yahay tusaale… taariikhda boqolkii sanee ugu dambeysay haddaanu fiirinno markii Barliin uu heshiisku ka dhacaayee Afrika la rabay in lagu qaybsado 1884kii dawladda Ingiriisku dan bay ka lahayd dhulka Soomaalidu inay timaaddo, waxay dooneysay ciidamadeeda Sanca Yaman dhulkan Cadan dhulkan deggan inay hilib u hesho meeshaasna inay si nabadgalyo ah ku joogi karto, danahaa istiraatiijiga ah buu Ingiriisku Soomaaliya qayb kamida ugoostay oo udegay. Faransiisku maadaama uu tartan kula jirey Ingiriiska isaguna Jabuuti buu dagay. Waxyaabuhuu Jabuuti u degay waxaa kamid ah China Hindiya safarkiisaasi inuu u nabad galo oo si nabadgelyo ah uu route-kaasi u ahaado. Sidoo kalana maadaama Ingiriisku uu Yaman dekadaheedii uu qabsaday Cadan iyo dhulkaas, inuu Faransiiskuna Jabuuti qabsado uu dabadeedna dekedda Jabuuti ka dhigo deked la loolami karta dekedaha Yaman si uu dhaqaale uga sameeyo, oo Ingiriiska ula tartamo. Talyaanigu koonfurta Soomaaliyuu qabsaday, plantations in beera la sameeyo oo dabadeedna manpower la helo wax laga beero dan dhaqaaluu isaguna ayuu koonfurta Soomaaliya Talyaaniguna u soo degay. Dowladaha gumeysiga ee reer-Yurubkaa waxaa la socotay Ethiopia oo iyaduna shirkii Barliin ka qeyb gashay, oo kamid ahayd dawladihii dhulka Soomaalida ee la qeybinayay qeybta qaatay, iyadoo hal ujeeddo kaliya laheyd ujeeddo gumeysi weeye dhul ballaarsi. Ujeeddo gumeysi oo ah maxay dhul ballaarsi, in Soomaalida la qeyb qeybsanaayo iyaduna qeyb ay gumeysato caloosheeda soo gasho ay ka hesho. Maxay raadinaysaa? Waxay raadineysaa xeebta Banaadir, waxay raadineysaa xeebta Saylac, waxay raadineysaa xeebta Berbera. Waxay raadineysaa xeebaha Soomaaliya waxay raadineysaa xeebaha Khartuum ee Suudaan inay qaarkood hesho, Casab iyo Musawac iyo dhulka markii dambe waa tii liqday waa la ogaaba, xeebaha Jabuuti ayee raadineysaa Waxaa jira article caan ahoo uu qoray nin Soomaali ah oo la yiraahdo Professor Nuurdiin Faarax Nuuradiin, waxaa la yidhahdaa “Which Way to the Sea, Please?” “Fadlan ii Sheeg Jidka Badda Galaa” la yidhaahdaa 1978kii meelahaasaan filayaa inuu ahaa, wuxuu kaga sheekeynayaa taariikh dheer oo rabitaankii iyo damacii boqorrada Itoobiya ee kala dambeeyey ay ku doonayeen xeebaha Soomaalidaa inay ku qabsadaan, xeebaha Soomaalida oo keliya ma aha hadday Eritrea heli karaan, hadday maxaa yaridhaahdaa Khartuum iyo Suudaan iyo dhulkan heli karaan. Xeebdoon biyodoon ayey horta taariikhdaas ahayd, sidaas daraaddeed horta taariikhdaasaa meel taalla waa boqolka sanee ugu dambeeyey macnaha, kama hadlaayo loollankii ku salaysnaa Diinta, ma ka hadlaayo ee u dhaxeeyay maxaa la yidhaahdaa Soomaalida Muslimiinta ah iyo dadka Kiristanka ah ee Ethiopia hoggaaminaayey maka hadlaayo. Markaa walaal taariikhda inaga iyo Ethiopia inoo dhexeysa waxa weeye Itoobiya boqortooyada Abasiiniya oo dooneysa in dhulkan aynu degannahay iyo dhulkan aynu inagu Ilaahay innagu beeray iyo diinteena intaba inay ka takhalusto oo iyadu dhulkan ay ay hoggaan ka ahaato. Iyo dad Muslimiin ah oo Soomaali ah oo dhulkan deggan oo doonaaya damaca Itoobiya inay is hortaagaan. Markaa innaga xaaladda innaga iyo Ethiopia inoo dhexaysa mar kasta waa conflict. [Waa dagaal.] Waa… waa xiisad, xiisad baa inoo dhexaysa markasta inaga, mar kasta xabbaddu inaanay dhacayn baa laga yaabaa laakiin marna xiriirka inoo dhexeeya normalization maaha, maxaa la yidhaahdaa, xiriir saaxiibtinnimana ma aha, waa conflict, waa xiisad, waa taxaddar uu qofka kale oo mid waliba ka kale ka taxaddaraayo waaye.

[Waa yahay. Ayadoo sidaasi ay tahay haddana siyaasiyiinta Soomaalidu waxay leeyihiin Itoobiya ma aha Itoobiyadii hore, ee waa Itoobiya cusub oo oggol wax wada lahaansho deris wanaag, is xaqdhawr iyo ma aragtay ka shaqeynta isweydaarsiga waxyaabaha wanaagsan. Maxaad ka leedahay arinkaa adigu?]

Ethiopia intaan hadda anigu fahamkaygu uu yahay istiraatiijiyadeeda waxa weeyaan waxa la yiraahdo istaraatiijiyadda labada biyood hadda siyaasadooda ma aragtay arrimaha dibaddu saasay inta badan ku salaysan tahay, waxa weeyaan biyaha macaan ee Webiga Nile iyo biyaha badda gaar ahaan Badda Cas haddii la heli karo. Ethiopia marka waxay ku shaqeyneysaa siyaasad istiraatiiji ah oo ah in ay biyaha macaan ee Webiga Nile-na ay xidho oo biyo xidheen iyo dam-am u samaysato biyaha dhanaan ee gaar ahaan Badda Casna ay gaadho oo maraakiib dagaal iyo ciidamo maxaa la yidhaahdaa badeed oo naval bases ay ku yeelato oo ay degganaato. Iyada foreign policy-geedu sidaasuu ku saleysan yahay, [Siyaasaddeeda arrimaha dibadda waa sidaa?] Siyaasadda arrimaha dibadda Itoobiya waa sidaas inaga maxay ku salaysan tahay siyaasaddeennu? Ninka Soomaaliga ah ee siyaasiga ah ee kuwaad sheegtay ah ee leh xiriira annaga iyo Itoobiya noo dhexeeyaa wuu isbeddelay, Itoobiya siyaasaddeeda arrimaha dibadda wataas waana clear waa very clear maxay ku salaysan tahay iyaga toodu? Maxay xaqiijinayaan iyagu markay leeyihiin xiriirka anagiyo Ethiopia noo dhexeeyay wuu hagaagay, maxay rabaan inay xaqiijiyaan? Maxay rabaa inay achieve-gareeyaan dhinacooda? Anigu waxba iima muuqdaan inay achieve-gareyn karaan. Soomaaliya waa la qeybiyey Ilaa 6 – 7 maamul baa laga sameeyey welina waxaa lagu dedaalayaa in lasii qaybiyo maamul kasta oo Soomaaliya laga sameeyo intooda badan Itoobiyay daris bay la yihiin, ama dhammaantoodba aan dhaho, Itoobiya xuduud dhinaca dhulka ah bay la leeyihiin ciidamada Ethiopia siday rabaan u dhex mari doona, maxaa la yidhaahaa xeeb bay leeyihiin, maamul kastoo Soomaaliya laga sameeyey wuxuu leeyahay marin dhinaca badda oo Ethiopia badda ku xidhi kara laga soo bilaabo Kismaayo ilaa iyo meesha ugu dambeysa, Ethiopia meeshay doontay badda access-gareyn kartaa, ma fahamtay? Ciidamo Ethiopian ah baa bases ku leh inta ugu badan ee dhulka Soomaaliya ee hadda aynu sheegayno, intooda kalena intelligence-koodu iyo diblomaasiyiintooda iyo maxaa la yiraahdaa waxoodaasaa jooga iyo waraaqahooda iyo waxaas. Iima muuqato markaa balance of power uu nin diblomaasi ahoo Soomaali ahoo siyaasi uu dhihi karo way isbeddeshay aragtidii siyaasadeed annaga iyo Itoobiya noo dhaxeysay, sidaas daraadeed maxaa la yiraahdaa waanu kala faa’ideysanaynaa haddaan nahay labada dhinac, aniga qof ahaan ma ii muuqato.

[Aad baad u mahadsan tahay. Kaasi wuxuu ahaa Abwaan Nageeye Cali Khaliif. Waxaa uu uwarramayey Idaacada Islaamiga al-Furqaan. Aad baad u mahadsan tahay Abwaan.]

Aadiyo aad baad u mahad san tahay Cabdullaahi. Adiyo Al-Furqaan waad mahadsan tihiin.

[السلام عليكم ورحمة الله وبركاته]

وعليكم السلام ورحمة الله وبركاته

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *