Duullaankii 7da Oktoobar: Billawgii Dhammaadka Maamulka Yahuudda

Abwaan Nageeye Cali Khaliif

Oktoobar 2025 (2025.10.07)

بسم الله الرَّحمن الرَّحيم

Sannadkii 1897kii, Yahuuddii ku noolayd qaaradda Yurub waxa ay magaalada Basle ee dalka Iswiiska (Switzerland) kaga dhawaaqeen Ururweynaha Sahyuuniga Caalamiga ah. Sahyuuniyiintu waxa ay ahaayeen dad rumaysan in Yahuuddu ay xaq u leeyihiin in ay xukumaan dhulka Falastiin, sidaasi daraaddeedna ay waajib tahay in ay Yahuudda caalamka oo dhami ay dib ugu midoobaan dhulka Falastiin. Aragtidan waxa taageertay dawladda Ingiriiska sannadkii 1917kii.

Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska Aadar Balfoor (Arthur James Balfour) ayaa 2dii Nofembar, 1917kii waraaq aad u kooban oo ballanqaad ah u diray Sahyuunigii Woltar Rodisjayl (Walter Rothschild). Waraaqda waxa ku qornaa: Dawladda Ingiriisku waxa ay rumaysantahay in Falastiin ay tahay dhulkii hooyo ee dadka Yahuudda ah, waxaanay dawladda Ingiriisku ballanqaadaysaa in ay awooddeeda oo dhan isugu gayn doonto si ay riyadan u rumayso.1

Dhammaadkii dagaalkii koowaad kadib, dhulka Falastiin waxa uu gacanta u galay gumaysiga Ingiriiska, tanina waxa ay horseedday in kumannaan Yahuud ahi ay soo galaan dhulka Falastiin. Mudaharaaddo lagu diiddanyahay soo gelitaanka Yahuudda ee Falastiin ayaa bilaabmay. Markii uu bilaabmay dagaalkii labaad ee adduunka, xaaladdu way sii xumaatay, kadib markii hoggaamiyihii Jarmalka ee Hitlar uu gumaad u gaystay Yahuuddii halkaa ku noolayd. Xilligan waxa bilaabmay in kumannaan Yahuud ahi ay ka cararaan Hitlar, una qaxaan Falastiin. Tanina xaaladda ayay uga sii dartay. Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska ayaa waxa uu Qaramada Midoobay waydiistay in xaaladda la soo faro geliyo.

Bishii Nofembar 1947kii, Qaramada Midoobay ayaa u codeeyey in dalka Falastiin laba meelood loo qaybiyo: Yahuudda iyo Carabta. Dhismaha maamulka Yahuudda waxa magaalada Tal Abiib lagaga dhawaaqay maalinnimo Jimce ah, 14kii Meey, 1948kii. ‘Xoriyadda Yahuudda’ waxa ku dhawaaqay hoggaamiyihii Sahyuuniyiinta Deefid bin Guryon (David Ben-Gurion).

Dawladaha Masar, Suuriya, Urdun, Ciraaq iyo Lubnaan ayaa si dhakhso ah weerar ugu qaaday maamulka Yahuudda ee lagu dhawaaqay, dagaalkan oo la filaayay in dawladaha Carbeed ay ku adkaan doonaan. Taasi ma dhicin waxaana dagaalka ku adkaaday maamulkii Yahuudda oo taageero ka helaayay gumaysiga caalamiga ah. Yahuuddu waxa ay qabsadeen inta badan dhulka Falastiin. Sida oo kale, waxa ay qabsadeen magaalada dekadda ah ee Falastiin ee Aylaat iyo meelo kamid ah Badda Cas. Kumannaan kun oo Falastiiniyiin ah ayaa ka cararay gumaadka Yahuudda ee dhulkoodii xoogga ku qabsaday, waxaanay qaxoonti ku noqdeen dalalka deriska ah.

Dawladaha Ingiriiska iyo Massar waxa ay sannadkii 1936kii kala saxeexdeen heshiis u oggolaanaaya dawladda Ingiriiska in ciidamadeedu ay ilaaliyaan Marinka Suweys. Heshiiska ayaa dhammaaday sannadkii 1956kii, dawladda Masarna waxa ay diidday in ay dib ugu cusboonaysiiso dawladda Ingiriiska. Madaxweynihii Masaarida Jamaal Cabdinaasir ayaa ku baaqay in ciidamada Ingiriisku ay si degdeg ah uga baxaan Marinka Suweys, waxaanu qarameeyey Marinkaa Suweys si dhaqaalaha kasoo xarooda uu ugu dhiso biyo xidheenka Aswaan. Tani waxa ay dareen gelisay dawladaha Reer Galbeedka oo ka cabsi qabay in Jamaal Cabdinaasir uu doonaayo in Carabta oo dhan uu mideeyo, isaguna uu madax u noqdo, kadibna uu isbahaysi difaac la yeesho xulafada Reer Bariga ee Shuuciga ah. Haddii ay tani dhacdo, waxa khatar geli kara saliidda ay Reer Galbeedku ka qaataan Bariga Dhexe. Tallaabadani waxa ay keentay dagaalkii ‘Gacanka Suweys’ ee 1956kii.

Dagaalku waxa uu bilaabmay kadib markii Yahuuddu ay weerar ku qaadeen dalka Masar bishii Oktoobar, 1956kii, kadibna ay qabsadeen Siinaay. Sida oo kale, diyaaradaha dagaalka ee Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa duqeeyey ciidamada cirka ee Masar, kadibna waxa ay kusoo degeen magaalada dekadda ah ee ‘Boor Saciid’ ee Waqooyiga Marinka Suweys ee dalka Masar. Dawladaha Maraykanka iyo Midawgii Soofiyeeti ayaa dagaalka cambaareeyey. Maraykanku waxa uu cabsi ka qabay in arrintani ay horseedi karto kacdoon ballaadhan oo Reer Galbeedka lagaga soo horjeedo. Sidaasi daraaddeed, waxa uu Ingiriiska, Faransiiska iyo Yahuudda cadaadis ku saaray in ay ka baxaan Siinaay iyo Marinka Suweys.

Dagaallada Yahuudda iyo Muslimiinta Carbeed halkoodii ayay kasii socdeen. Mar kale, waxa dhacay dagaalkii ‘Lixda Maalmood’ ee 1967kii. Waxa ay guushu raacday Yahuudda. Waxa xigay dagaalkii ‘Yom Kippur’ ee 1973kii. Dagaalkan isagana waxa ay guushu raacday Yahuudda. Dagaalladan ayaa loo yaqaannaa ‘dagaalladii Carabta iyo Yahuudda’. Haddaba, sannadkii 1979kii, waxa uu heshiiskii Kaam Deefid (Camp David) dhex maray Masar iyo Israa’iil. Heshiiska waxa lagu saxeexay magaalada Waashintoon, bishii Maarji, 1979kii.

Qodobbada muhiimka ah ee heshiiska waxa kamid ahaa:

  • Xaaladdii dagaal ee u dhaxaysay Masar iyo Israa’iil ilaa sannadkii 1948kii, way dhammaatay.
  • Israa’iil waxa ay ballanqaadday in ay ciidamadeeda kala baxayso Siinaay.
  • Masar waxa ay ballanqaadday in aanay dib usoo weerari doonin Israa’iil.
  • Maraakiibta Israa’iil way isticmaali karaan Kanaalka Suweys.

Wixii maalintaas ka dambeeyey, waxa caan noqotay odhaahda tidhaahda ‘dagaal Carbeed oo aanay Masar ku jirin, dagaal maaha’. Tani waxa ay beddeshay wajigii dagaalka. Wixii maalintaas ka dambeeyey, dagaalku waxa uu noqday mid u dhexeeya ‘Yahuudda oo helaysa taageerada Galbeedka iyo Falastiiniyiinta’.

Falastiin waa halbawlaha Muslimiinta caalamka. Waxa ay ku jirtaa gumaysi isir- sifayn ah oo siddeetan jirsaday. Xasuuqani waxa uu soo socday tan iyo markii Falastiin la galiyay gacanta Yahuudda sannadkii 1948kii. Subaxnimadii hore ee 7dii Oktoobar, 2023kii xoogagga hubaysan ee Ururka Xamaas ee Cizzuddiin Al-Qassaam waxa ay duullaan aad loo qorsheeyey ku qaadeen deegaamada ay Yahuuddu xoogga ku haystaan ee dalka Falastiin. Waxa ay xoogagga Al-Qassaam gudaha ugaleen xuduud-beenaadka ay Yahuuddu samaysteen, waxaanay halkaas ku dileen 1,200 oo qof oo Yahuud ah, sida oo kalena waxay ay soo qafaasheen boqollaal Yahuud ah. Weerarkaasi, waxa uu jahawareer ku abuuray maamulka gumaysiga ah ee Tal Abiib.

Hawlgalladan oo loo bixiyay ‘Duufaanta Al-Aqsaa’ waxa lagu tilmaamay in ay ahaayeen hawlgalladii ugu cuslaa ee ay Falastiiniyiintu qaadaan tan iyo sannadkii 1948kii. Raysalwasaaraha Yahuudda Binyamiin Natanyaahu oo warbaahinta la hadlay, waxa uu sheegey in uu dagaalku u dhexeeyo ‘axmaqnimo iyo ilbaxnimo (Barbarism and Civilization)’. Yahuuddu, waxa ay bilaabeen duqaymo ay ku qaadeen magaalada go’doonsan ee Qazza. Dhinaca kale, guud ahaan gaalada caalamku waxa ay si weyn ula safteen gumaysiga Yahuudda. Sidaa oo kale, maamullada xukuumadaha dabadhilifka ah ee ka dhisan dhulalka Islaamka waxa ay ku sifoobeen liidnimo, cabsi iyo aamusnaan ay ceebi weheliso. Xukuumadaha qaarkood, taageerada ugu badan ee ay Falastiiniyiinta gaadhsiiyaan waxa ay noqotay kafanta dadka dhintay lagu aaso. Duullaankan ayaa kusoo beegmay xilli uu gabagabo maraayay waxa loo bixiyay heshiiska diimaha ee ‘Abraham Accord’. Kani waa heshiis la sheegey in lagu walaalaynaayo diimaha oo Maraykanka, Israa’iil iyo Talisyada Carbeed qaarkood ay hormuud ka yihiin.

Aniguba hiyyiga reer Ciraaq; waw han weynahaye
Taariikhahoodii horey; raaci hilinkiiye,
Mar uun bay haldoorkiyo shacbigu; tuuri heeryada’e,
Massar iyo dadkeedii hurdaa; hiil la soo kiciye,
Mar uun bay hullaabta iska rogi; hanaddadii Shaame,
Hanuunkii xaqqiyo diinta iyo; himiladii guusha,
Huud iyo mar uun bay Anfaal; dib ugu hawshoone!

Duullaanka cusub ee Qazza ee soo bilaabmay 7dii Oktoobar, 2023kii waxa ku shihiiday 66,055 oo qof, waxaana ku dhaawacmay 168,346 oo qof. Tirooyinkani waa inta ay shaacisay Wazaaradda Caafimaadka ee Xamaas, balse waxa jira dad aad u badan oo aan geeridooda la diiwaangelinin. Sida oo kale, waxa duullaankan ku duntay boqolkiiba-85 magaalada Qazza, sida ay xoguhu tilmaameen. Burburka dhaqaale ee gaadhay magaalada Qazza ayaa lagu qiyaasay lacag ka badan 53 bilyan oo Doolar.2 Shir dhammaadkii bishii Febraayo, 2025ka ay madaxda Dawladaha Carbeed ku yeesheen magaalada Riyaad ee caasimadda dalka Sucuudi Carabiya, waxa ay ‘hal erey oo macno leh’ ka odhan kari waayeen hadal kasoo yeedhay Madaxweynaha Maraykanka Doonal Taraam oo nuxurkiisu ahaa: Falastiiniyiinta waa in laga raro marinka Qazza! Waxa fadeexadda sii laba jibbaaray shir kale oo ay madaxda Dawladaha Carbeed ku yeesheen magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar horraantii bishii March, 2025ka. Waxa ay sheegeen in ay qayb ahaan aqbaleen qorshaha Madaxweyne Trump in kasta oo ay afgobaadsadeen.3

Dagaalkii bilaabmay subaxnimadii 7dii Oktoobar, 2023kii waxa ku dhintay inta badan hoggaankii siyaasadda iyo hoggaankii ciidanka ee Xamaas. Intii dagaalkani socday, waxa ay diyaaradi la dhacday Madaxweynihii Iiraan. Waxa ay Israa’iil dishay hoggaamiyihii ururka Falastiiniyiinta ee Xamaas, Ismaaciil Haniyah. Kadibna waxa ay Israa’iil mar kale dileen hoggaamiyihii isaga lagu beddelay, Yaxya Sinwaar. Sida oo kale, waxa ay Israa’iil dishay hoggaamiyihii ururka reer Lubnaan ee Xizbullaah, Xasan Nasrullaah iyo tobannaan kamid ah hoggaankii ugu sarreeyay ururka Xizbullaah. Dhinaca Yahuudda, waxa ka dhintay boqollaal ciidamada gumaysiga ah, waxaana ku burburay boqollaal taangiyada dagaalka ah. Dhinaca kale, Yahuudda dagaalka Qazza waxa kaga baxday lacag ka badan 67.5 bilyan oo Doolar bilawgiisii ilaa dhammaadkii sannadkii hore ee 2024kii.4 Haddii ay xogahani dhab noqdaan, burburka dhaqaale ee Yahuudda gaadhay ayaa ka badan burburka dhaqaale ee gaadhay magaalada Qazza ee ay kibirka ku burburisay.

Dhinaca kale, duullaankii ay 13kii Juun, 2025ka gudaha dalka Iiraan ku qaadday Israa’iil, waxa lagu dilay saraakiishii ugu sarreeyey hoggaanka ciidamada kala duwan ee Iiraan oo ay ugu horreeyaan Taliyihii Guud ee Ciidamada Iiraan, Taliyihii Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan iyo Taliyihii Ciidamada Difaaca Dhulka Iiraan. Sida oo kale, waxa weerarkan lagu dilay wax ka badan siddeed kamid ah khubaradii farsamada Nukliyarka Iiraan, waxaana weerarkan lagu burburiyay qaar badan oo kamid ah xarumihii Nukliyarka Iiraan. Dhinaca kale, waxa la weeraray Xarumaha Ciidamada ee Iiraan. Maalintaas oo kaliya, Israa’iil waxa ay duqaymo ka gaysatay dalalka Iiraan, Suuriya, Ciraaq, Lubnaan, Falastiin iyo Yaman.

Jeneraal Wesli Klaak (Wesley Clark) oo kamid ahaa hoggaanka ugu sarreeya ee ciidamada dalka Maraykanka ayaa waraysi uu bixiyay sannadkii 2007dii waxa uu ku sheegey qorshaha dawladda Maraykanka ee lagu doonaayo in lagu burburiyo toddoba waddan oo Islaam ah. Waxa uu yidhi:

Toban maalmood kadib weerarkii 11ka Setembar, ayaan tagay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ee Pentagon. Waxa aan la kulmay Xoghayihii Gaashaandhigga Maraykanka iyo Kuxigeenkiisii.

Kulankaas kadib, waxa aan usoo degay dabaqa hoose si aan u salaamo qaar kamid ah saaxiibbaday. Mid kamid ah saaxiibbaday ayaa ii yeedhay. Waxa uu igu yidhi, “Waxa aanu qaadannay go’aan. Waxa aynu duullaan ku qaadaynaa Ciraaq.” Waxa aan ku idhi “Sabab?” Waxa uu yidhi, “Aniguba ma garanaayo!” Dhawr toddobaad kadib ayaan kasoo laabtay Afqaanistaan oo xilligaas duqaymo xooggani ay ka socdeen, kadibna waxa aan tagay Wasaaradda Gaashaandhigga si aan saaxiibkay mar kale u arko. Saaxiibkay waxa aan ku idhi, “Wali ma waxa aynu doonaynaa in aynu weerarno Ciraaq?” Kadibna waxa uu igu yidhi, “Xaalku intii hore wuu kasii daranyahay.

Miiskiisa ayuu kasoo qaaday waraaq taallay, kadibna waxa uu igu yidhi, “Waraaqdan waxa aan maanta kasoo qaaday xafiiska Wasiirka Gaashaandhigga. Waa warbixin qeexaysa qorshaha aynu ku doonayno in aynu ku burburinno toddoba waddan muddo shan sannadood gudahood ah. Waddamadaasi waxa ay kala yihiin Ciraaq, Suuriya, Lubnaan, Liibiya, Soomaaliya, Suudaan iyo Iiraan.

Maanta Reer Galbeedku dhammaan dawladahan way weerareen. Ciraaq waxa ay Reer Galbeedku weerar ballaadhan ku qaadeen sannadkii 2003dii. Soomaaliya waxa ay ciidamada Xabashida oo hiil ka haysta Reer Galbeedku qabsadeen sannadkii 2006dii, wixii intaa ka dambeeyeyna waxa Soomaaliya xoog ku haysta ciidamo Afrikaan ah iyo dawladaha Reer Galbeedka oo taageero ciidan, mid siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid farsamaba la garab taagan. Dalka Lubnaan waxa ay Yahuudda iyo Reer Galbeedku weerar ballaadhan ku qaadeen sannadkii 2006dii, ilaa maantana weerarkaasi hal maalin muu is taagin. Dalka Liibiya, waxa ay Reer Galbeedku weerar cirka ah ku qaadeen sannadkii 2011kii, ilaa maantana dalkaasi burbur iyo kala daadsanaan ayuu ku jiraa. Dalka Suudaan waxa ay Reer Galbeedku jabhado hubaysan kaga fureen dhinacyada oo dhan ilaa ugu dambayntii dalkaas la kala gooyay sannadkii 2011kii. Haddana, Reer Galbeedku waxa ay dalka Suudaan wali kasii wadaan burbur iyo dagaal, iyada oo maanta caasimadda Suudaan ay xabbaddu ka socoto. Dalka Suuriya waxa ay Reer Galbeedka iyo Yahuuddu weerar toos ah ku bilaabeen sannadkii 2011kii, ilaa maantana wuu socdaa. Ugu dambayntii, waxa ay Reer Galbeedka iyo Yahuuddu gaadheen xilligii ay burburin lahaayeen dalka Iiraan, waxaana bilaabmay wax u eg duullaankii tooska ahaa ee ay muddada dheer qorshaynayeen. Iiraan maanta waa awoodda kaliya ee gobolka Bariga Dhexe kula loollamaysa Israa’iil.

Israa’iil waxa ay taageero buuxda ka haysataa dawladaha Reer Galbeedka oo ay ugu horreeyaan Maraykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska. Maraykanku waxa uu rumaysanyahay in Israa’iil ay tahay gobol kamid ah dalkiisa ‘Extension of the United States’. Dhinaca kale, Iiraan waxa ay xulafo muhiim ah ka dhigatay ururrada Xizbullaah, Xamaas iyo Xuuthiyiinta. Iiraan iyada oo ururradan taageero ciidan, mid farsamo iyo mid siyaasadeedba siinaysa, waxa ay ku guuleysatay in ay culays saarto Israa’iil. Dhinaca kale, shirkii dalalka dhaqaalaha ku horumaray ee Jii-7 (G7) ee ka dhacay dalka Kanada horraantii Juun 2025ka ayaa warmurtiyeedkii kasoo baxay lagu sheegay in Israa’iil ay xaq u leedahay in ay isdifaacdo. Sida oo kale, waxa warmurtiyeedka lagu sheegay in aanay suurtogal ahayn in marnaba ay Iiraan samaysato hub Nukliyar ah.

Tan iyo sannadkii 1945kii oo Maraykanku uu tijaabiyay qunbuladdii ugu horaysay ee nukliyar ah, guud ahaan adduunka maanta waxa jira sagaal dawladdood oo haysta hubka nukliyarka. Dawladahaasi waxa ay kala yihiin Maraykanka, Ruushka, Shiinaha, Ingiriiska, Faransiiska, Hindiya, Baakistaan, Israa’iil iyo Waqooyiga Kuuriya. Dawladda Iiraan waxa ay leedahay awoodda ugu ballaadhan ee gantaalladaha ‘missiles’ ee gobolka Bariga Dhexe. Dhinaca kale, Israa’iil waxa ay haysataa ilaa sagaashan madax oo Nukliyar ah.5

Toddobaadkii labaad, duullaanka waxa si toos ah ugasoo qayb galay dawladda Maraykanka. Diyaaradaha dagaalka Maraykanka ee Bii-2 waxa ay duqeeyeen xarumaha Nukliyarka Iiraan ee Fordow, Natanz iyo Isfahaan.6 Madaxweynaha Maraykanka Doonal Taraam oo ay hareerihiisa taaganyihiin Madaxweyne Ku-Xigeenkiisa, Xoghayihiisa Arrimaha Dibadda iyo Xoghayihiisa Gaashaandhigga ayaa ku faanay in ay ku guuleysteen in ay burburiyaan xarumaha Nukliyarka ee Iiraan.7 Raysalwasaaraha Yahuudda Binyamiin Natanyaahu ayaa si weyn u bogaadiyay kaalinta Maraykanka ee duullaanka ay ku qaadeen dalka Iiraan.8 Dawladda Iiraan waxa ay dhinaceeda gantaallo ku tuurtay saldhigga Maraykanku ku leeyahay dalka Qadar ee Al-Cudeyd oo ay ku suganyihiin wax ka badan 10,000 oo askari oo Maraykan ah.9

Diyaaradaha dagaalka ee Yahuuddu waxa ay badhtamihii Setembar, 2025ka weerar ku qaadeen xubnihii ururka reer Falastiin ee Xamaas u qaabilsanaa wadahadallada Xamaas iyo Yahuudda ee ku sugnaa magaalada Dawxa ee caasimadda Qadar. Tallaabadan ay Yahuuddu qaadday, waxa xigay shirka dawladaha dabadhilifka ah ee sheegta Islaamka oo ka dhacay magaalada Dawxa ee dalka Qadar. Dawladaha shirka isugu yimid, way ku dhiirran kari waayeen in ay wax go’aan ah oo Yahuudda ku liddi ah soo saaraan. Dhinaca kale, Raysalwasaaraha Yahuudda Binyamiin Natanyaahu ayaa ku tilmaamay shirka Dawxa ka furmay ‘shimbirayahaw heesa’. Isaga oo uu garabkiisa taaganyahay Waziirka Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Maarko Ruubiyo (Marco Rubio), waxa uu Raysalwazaaraha Yahuuddu sheegay in duullaan ballaadhan oo ‘tirtirid’ ah uu saacadaha soo socda ku qaadi doono Marinka Qazza. Duullaankan ayaa isla markaaba si rasmi ah u bilaabmay. Ujeeddada duullaankan cusub ayay Yahuuddu ku sheegtay ‘waa in guri aanu ka taagnaanin Qazza’. Dhinaca kale, Yahuuddu waxa ay sheegeen in ay doonayaan in ay dhisaan waxa ay u bixiyeen ‘Israa’iisha Weyn’. Daqiiqadihii uu socday shirka Doha, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Marco Rubio ayaa bartiisa Ekis ‘X’ kusoo baahiyay: Waxa aan ku suganahay caasimadda abadiga ah ee Israa’iil ee Qudus.

Dhinaca kale, Raysalwazaaraha Yahuudda Binyamiin Natanyaahu isaga oo ka hadlaayay shir jaraa’id, waxa uu wariyeyaashii goobta joogay waydiiyay, “Telefoonno ma haysataan?” Wariyeyaashii waxa ay ku jawaabeen: Haa! Kadibna waxa uu ku yidhi “Haddaba ogaada, waxa aad gacanta ku haysataan qayb yar oo ka mid ah Israa’iil.” Hadalkan ayaa loo fahmay farriin hanjabaad iyo digniin ah oo ku socota hoggaamiyeyaasha dabadhilifyada ah ee shirku uga socday Qatar.

Yahuudda adduunka ku nooli tiro ahaan waxa ay ka yartahay 15 milyan, dhul ahaanna waxa ay xoog ku haystaan oo ay degganyihiin wax ka yar tobannaan kiiloomitir oo kaliya. Tirada dadka Carbeed waxa ay ka badantahay 450 million. Dawladaha Carbeed waxa ay adduunka kaga yaallaan meeshan ugu muhiimsan. Waxa ay haystaan wax ka badan boqolkiiba-50 shidaalka caalamka. Dawladaha dabadhilifka ah ee sheegta Islaamka waxa ay tiro ahaan ka badanyihiin 58 dawladood. Tirada dadka Muslimiinta ah ee adduunka ku nooli waxa ay ka badanyihiin laba bilyan.

Shirkii Dawxa oo ay isugu yimaaddeen wax ka badan 50 dawladdood oo dabadhilif ah, dadka qaarkood waxa ay filanayeen in dawladaha xidhiidhka la leh Israa’iil ay xidhiidhka u jari doonaan, ama in hawada dawladaha Carbeed ama dawladaha Muslimka ah laga mamnuuci doono duullimaadyada Israa’iil ama in culays dhaqaale la saari karo Israa’iil, balse waxba kama soo bixin. Dawladaha Masar, Turkiga, Iiraan iyo Bakistaan oo la tuhmaayay, iyaguna jidkii gunnimada ayay ku negaadeen. Guud ahaan burjuwaasiyiintii isu yimid, waxa ay warkooda kusoo koobeen: “Yahuuddu ha dhacdo!” iyo “Maraykanka waxa aanu ugu baaqaynaa in uu Yahuudda naga maslaxo!”

Dhammaadkii Setembar 2025ka, waxa la qabtay kulankii guud ee Qaramada Midoobay oo ah sannadguuradii 80aad ee asaaska Qaramada Midoobay.

Kulankan ayaa waxa uu kusoo beegmay iyada oo dunidu ay ruxmayso, amar ku taaglaynta Maraykanka iyo Yahuudduna ay gaadhay heer aan hore loo arag.

Dhammaan dawladaha caalamka oo ay ku jiraan afar dawladdood oo leh ‘awoodda diidmada qayaxan’ oo kala ah Ingiriiska, Faransiiska, Shiinaha iyo Ruushka ayaa aqoonsaday xaqqa jiritaan ee maamul madaxbannaan oo ay Falastiiniyiintu yeeshaan, laakiin waxa go’aankan diiday Maraykanka, Yuhuudda iyo dhawr dawladdood oo yaryar. Tani waxa ay mar kale muujisay in ‘danaha Maraykanku uu xeerarka oo dhan ka sarreeyo’. Waa tallaabo kale oo daliil u ah in dunida ay wax iska beddeli doonaan.

Madaxweynaha Maraykanka Doonal Taraam oo uu dhiniciisa taaganyahay Raysalwazaaraha Yahuudda Binyamiin Natanyaahu ayaa 29kii Setembar, 2025ka ku dhawaaqay qorshe halis ah oo la doonaayo in marinka Qazza lagu hoos geeyo maamulka Yahuudda. Qorshahan oo ka kooban labaatan qodob waxa kamid ah: Hub ka dhigista Xamaas iyo in maamulka magaalada Qazza lagu wareejiyo xubno shacab ah oo reer Qazza ah oo ay Yahuuddu kor ka sii maamulaan. Sida oo kale, waxa qorshahan kamid ah in hoggaanka iyo xubnaha Xamaas ay ka baxaan marinka Qazza ama ay iyaga oo shacab ah hoos joogaan xukunka Yahuudda.

Waxa sida oo kale, qorshaha kamid ah in la dumiyo dhammaan godadka iyo qalcadaha dagaal ee ay Xamaas ku leeyihiin marinka Qazza.

Madaxweynaha Maraykanka Doonal Taraam waxa uu sheegay, haddii ay Xamaas qorshahan aqbali waayaan muddo 72 saacadood gudahood ah, in Maraykanku uu Yahuudda si buuxda ugu taageeri doono in ay xoog ku qabsadaan marinka Qazza. Dhiniciisa, Raysalwazaaraha Yahuudda Binyamiin Natanyaahu waxa uu sheegay in Yahuuddu ay mar walba Qazza la wareegi doonaan, balse kaliya ay Xamaas kala doortaan in xoog lagula wareego iyo in ay iyagu is dhiibaan oo ay furaha magaalada soo wareejiyaan. Ururka Xamaas ilaa hadda wax jawaab ah kamay soo saarin qorshahan, khubaraduna waxa ay ka digayaan halista ka dhalan karta haddii ay aqbalaan. Qorshahan waxa soo dhaweeyey dawladaha Bakistaan, Turkiga, Sacuudi Carabiya, Imaaraatka Carabta, Qadar iyo Masar.

Dadka reer Falastiin guud ahaan iyo gaar ahaan ururka Xamaas waxa aan leennahay:

Gaaladu waxay maagantiyo; diida gogoshooda,
Garbaduubka iyo baanisaha; gees isaga leexsha,
Garta eexo iyo liidashada; gooni ka ahaada,
Gooddigu bilaash haw noqdee; ‘mayada’ gaadhsiiya,
Gumaysigu in uu daallanyahay; geliya maankiinna,
Gobannimada waa loo dhintaa; run ugu geeraara!


Tixraac

1 Faahfaahinta ka sii raac: https://www.jewishawareness.org/100-years-the-balfour-declaration-1917-2017/. (Accessed May, 2025).

2 Waxa aad xogta ka eegi kartaa:

(Accessed March, 2025).

3 Faahfaahin waxa aad ka eegi kartaa: https://www.voasomali.com/a/7998285.html. (Accessed March, 2025).

4 Faahfaahinta ka eeg:

(Accessed June, 2025).

5 Faahfaahin ku saabsan dagaalka Iiraan iyo Israa’iil:

(Accessed June, 2025).

6 Weerarka diyaardaha dagaalka ee dalka Iiraan:

(Accessed June, 2025).

7 Faahfaahin:

(Accessed June, 2025).

8 Faahfaahin ka eeg:

(Accessed June, 2025).

9 Faahfaahin waxa aad ka eegi kartaa:

(Accessed June, 2025).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *