Dayax

Gabaygaan waxaa tiriyey Axmed Ismaaciil Diiriye oo ku magac dheer Qaasim. Qaasim gabaygaan waxaa uu curiyey sanadkii 1964-kii markaasina waxay ka mid ahayd waqtigii ay umada Soomaaliyeed sida foosha xun u hogaaminayeen mudanayaashii ay dadku soo dooran jireen. Wuxuuna yiri:

Dayaxaa lakala boobayaa iyo dirirki cawleede
Dabagaabihii laga career dunina yeelkeede
Xidigtii dagaariyo la dhaaf diilintii furey e.
Dibbaa laxaha loo eegayaa sacana waa dhaafe
Duqii samada lagu sheegayiyo dide ciijiidhiiye
Dabaylaha rag baa kala yaqaan dawga loo maro e
Hadba waqalka dihin Ruushku wow doogsin cararaaye
Daruuraa laweeraray nin ogi dan uga faalooye
Ha yeeshee dabkeedu haba’ee doqoni waa mooge
Nin da’diisu meeshaa tagtoo daalan baan ahaye
Daab gudimo wali sooma jarin wiilashaan diraye
Halka dunida lagu geedi yahay dayiba maysaane
Umadii daryeel wali mahelin daacada ahayde
Sidii bay u dooyaysan tahay damasha waaweyne
Sidii buu dugaag uga gurtaa daaqa xoolaha e.
Sidii bay dudada aar dhiciyo dacaw u joogaane
Sidii bay dushaa uga sidaan dumar caruurtiiye
Sidii bay dagmadu ceelashii ugu dar leeftaaye
Sidii bay docaha aqaladii uga daloolaane
Sidii bay daroorimada iyo daad u galayaaye
Sidii baa dagaalow biyaha loo dawariyaaye
Sidii bay u daba goosi tahay haradii dooloode
Oy waliba dibindaabiyo iyo diriri joogtaaye
Waa kaa dareersaday Amxaar dayr cadkii dhalaye
Dambi kuma hadlaayee ma arag dawladaan rabaye
Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galaye
Dusha midabka Soomaali baad dugulka moodaaye
Misna laguma diirsade qalbigu waa dirkii Kaaral e
Meeshaan dad aan urursho iyo dirir ka eegaayey
Iyaba waa darxumo ii hadhee dacar miyaan leefay
Ma doraato raadkaan dhigaan dib ugu soo laabtay
Sidii aan dayfeysanahay miyaan dawgii ka habaabay
Waxba arartu yay ila durkine waxaan ku soo duubay
Maruun buu daf oran nabsigii diinku soo sidaye
Maruun bay daruur caafimaad dooxa soo rogiye
Darridaa abaarta ah mar buu doog ka soo bixiye
Dibjirkiyo marbay reer miyigu daasadaa qubiye 2
Maruunbuu dagiigaxan ragii daalanaan jiraye
Oo dabar danbeedkiyo dhibtiyo diidi keenada e
Maruun buu daboolka iska rogi doob la quursadaye
Dibnihii shakaalnaa marbaa dooda loo furiye
Markaasaa la daydayi xaqii naga dahsoonaaye.

SHARAXA EREYADA
1. Waxaa loo tartamayaa dayaxa iyo xidigaha tagistooda.
2. Laga career: laga tag, laga fogaa.
3. Xidigihii inoo muuqanayey iyo jiitintii waaq habaar qaba haatan la dhaaf oo kor baa loo sii socdaa.
4. Lo’da iyo laxaha labaduba waa xidigo laga faaliyo.
5. Duqa samada: awrka cirka
6. Cirjiidh: xidigo.
7. Doolo: waa harooyin hawada ku yaal.
8. Kaaral: waxa uu ahaa gaal Ingiriis ahaa oo 18 sano Waqooyi xukumi jiray.

WEYDIIMO
1. “Ha yeeshee dabkeedu ha ba’ee doqoni waa mooge.” Waa maxay waxa Qaasim leeyahay doqonta lama socoto? Yuuse doqonta ula jeedaa?
2. Meesha uu leeyahay da’diisii baa gaadhay waa xagee?
3. Ka hadal waxyaabaha kuu muujinaya dawladii Soomaaliyeed ee markaa dalka ka talinaysay in aanay dalka wax hormar ah gaarsiin.
4. Sadexda su’aalood ee Qaasim is weydiinayaa shucuurtiisa wadaninimada ah maxay kaaga muujineysaa?
5. Si kooban uga hadal tuducyada soo socda waxa ay muujinayaan:

“Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galaye.”

“Misna laguma diirsade qalbigu waa dirkii Kaaral e.”

“Dusha midabka Soomaali baad
dugulka moodaaye.”

  1. Faallo kooban ka bixi todobada tuduc ee gabayga ugu dambeeya.

9 thoughts on “Dayax

  1. Maasha alaah waa gabay qaaliya
    Oo ka waramaya sida ay dawladii xilgaa soomaaliyeed u dayaceen adeegyadii aas aassiga ahaa duniduna ay marayso dayaxa.

Leave a Reply to Yahye abdilaahi ozman Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *