Dixdhagaxeed

Gabaygaan waxaa tiriyey Abwaan Suldaan Tima-Cadde 1967kii, mar ay gobollada waqooyi ee Soomaaliya dagaallo sokeeye ee qabyaaladeed ka dhaceen, wuxuuna ku tusayaa sida uu Tima-Cadde uga xoroobay qabyaaladda uguna hanuunsanaa Midnimada Ummadda Soomaaliyeed, Cabdulaahi Suldaan wuxuu qabyaaladda ka necbaa ma jirin, waxaadna ka arki kartaa gabaygaan soo socda. Wuxuuna yiri:

Sida roob kaliil hore da’ay oo dunida maansheeyey,
Oo dagalkii geedaha ka baxay dow la garan waayey
Oo duunyo lagu soofiyayoo lagu dabbaalaayo.
Anna gabayga waan daajiyaa sida dir cowleede
Dadka waxaan ogeysiinayaa dowgu suu yahay e,
Soomaalidayaday wanaag idinka doorsoonye
Docdaa bari dareeriga baddiyo Saylac darafkeeda
Dusha koonfureed iyo ilaa webiga daaciisa,
Degmadiina oo idil haddaan dayey abwaagteeda
Nimaan duubiyadu naafo noqon deelka laga waaye
Dulmi iyo dhac waa waxa qaribay degelediiniye.
Dul iyo hoosba waan ugu dhigee waa dix dhagaxeede,
Anuun baan damqanayee dheguhu uma dalonaale
Dadkaan la hadlayaan leheyn dux iyo iimaane
Bal inay dalfoof tahay caqliga dooni laga saaray
Wixii horey u soo daashaday dagashanaysaaye
Doqonnimo kugu baahday baan cidi dabiibayne
Duulkii inkaar qaba jinbaa daasadda u tumo e,
Dab markuu baqtiyo meel kaluu dogob ka qiiqaaye,
Waagii dillaacaa naxdimo dihin la sheegaaye,
Doc hadday u wada jeesatooy dhowrto danaheeda,
Ooy duul walaalo ah tahay oo duunka ka heshiiso,
Dadka kama yaraateene ways dabar jaraysaaye
Dubbe madaxa ways kala dhacnaa daa’in abidkeene
Goortay is wada dooxatay baa daad u soo galay e,
Ubixiinii waad daadiseen waadna dubateene
Dubaaxdiisii waad wada canteen duhur dharaareede
Dariiq toosan Soomaaliday waa lagaa daday e,
Darajada Ilaahey ninkii doonayaa hela e,
Nin ka duday distoorkiyo waxyiga diinta ka carowye
Haddaynaan xumaantiyo dilkiyo deynin qaadka
Dibaddaan ka joognaa sharciga daacadda Ilaahe
Dambarkeedu waa jahannamiyo dogobkii naareede
Der-der laysku leeyiyo intaan weerar daba joogno
Oo dumarku weerkii sitaan danabyadii waayey
Debec yaa lahaayey intaa isugu duulayno
Oo sida dareemada u yaal meydka dabadeeda,
Kolla doogsan maysaan haddaad dunida joogtaane.

SHARAXA EREYADA

Kaliil: qorax kulul.
Abwaagteeda: aqalkeeda.
Degeladiiniiye: degmooyinkiiniiye.
Dalfoof: damaan ama doqon.
Dabiibeyne: daweyneyne.
Dix-dhagaxeed: dhagax adag oo aanay biyuhu ka dusi karin.
Duday: carooday.
Dambarkeeda: liskeeda.
Weer: hengef ama asaay.
Debec: hal magaceed.
Danabyadii: geesiyaashii.

WEYDIIMO

1. Yaa tiriyey gabaygaan, goormuuse tiriyey?
2. Maxay aheyd ujeeddada uu abwaanku gabaygaan u tiriyey?
3. Sharax tuduca labo iyo tobnaad?
4. Muxuu ula jeedaa marka uu leeyahay, “Waagii dillaacaba, naxdin dihin la sheegaaye”?
5. Si qoto dheer u sharax tuduca 31aad?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *