Hubka Innaga Dhiga

Waxaa uu tiriyey Abshir gabaygaan iyo kuwo kaleba markii qarankii Soomaaliyeed uu dumay, dawladdii jirteyna la riday sanadkii 1991dii, ka dib dadkii soo harey ay dil iyo dhac isula dhaqaaqeen, gabyaaga oo muujinaya nabadda iyo dib u heshiisiinta ummadda ayuu gabaygaan noocan ah tiriyey:

Soomaaliyey hadal yaroo huriyey laabteyda
Oon haysan kari waayey baan soo hinganayaaye
Hawadaanan soo marinayaa hiidha waaberiye
Hoggaamadiyo shacabkaba talaan soo hordhigayaaye
Iga hooya caawey murtidu haybad leedahaye
Jabhadaha hubeysani beley naga hor qaadeene
Anoon qolo hormarineyn qolana hoos u dhigahaynin
Hanbalyiyo ducey naga muteen hagar la’aaneede
Heshiis waara howl mira dhashaa heegan loo yahaye
Ilaahey inaan heybsanana way habboon tahaye
Hadyiga Nabiga oo lagu dhaqmiyo haybta laga faano
Labadaa heshiis iyo midnimo kama horreeyaane
Rabbi baa hidaayada watee hayna garansiiyo
Hubkana inaga dhiga waxeynu nahay hooyo ubadkeede
Oo guusha layskuma hubee hororka aashiina
Mooryaan hubeysani beley noo horkacayaane
Hanti iyo dad hoygey galaan hal uma reebaane
Hambana kama tagaan hadafna ma leh horarka mooyaane
Haddaan laga hortegin wacad Allaad marin habawdeene
Hubka innaga dhiga waxeynu nahey hooyo ubadkeede
Oo guusha layskuma hubee hororka aashiina;
Har qabow hurdiyo caafimaad haybadiyo raaxo
Haruub buuxa hogol rooba iyo wiilal hana qaada
Hooyiyo carruurteed bed qaba odayo haasaawa
Hantidiyo naftoon loo baqeyn hadada mooyaane
Iyo hodantinnimo waa markii nabad la haystaaye
Hubka innaga dhiga waxeynu nahay hooyo ubadkeede
Kii horaa hamuun baas u qabey hooto dhiig surane
Oo tobanka haybood ka dhigay holacyo baasiine
Ninna horumar kuma gaari karo hilib walaalkiise
Waxaadse haybad leedahay intaad garabka haysaaye
Waa hibo Ilaahey midnimo lagu heshiiyaaye
Hubka innaga dhiga waxeynu nahay hooyo ubadkeeda
Oo guusha layskuma hubee hororka aashiina
Hiddaha iyo dhaqankii intaan hadurku aafeynin
Waa laga heshiin jirey dagaal tan iyo Haabiile
Habka nabadda odayaashu waa heli ogaayeene
Cid waliba wixii laga hayaa loo hibeyn jiraye
Markeynu hadallo hor Ilaahey baa loo heshiin jiraye
War maxeydin helay meel un baad ka hifaneysiine
Hubka innaga dhiga waxeynu nahay hooyo ubadkeede
Oo guusha layskuma hubee hororka aashiina
Heeraar gobeedoon ergada haybna laga waayin
Oo horey usoo dhaafa iyo hab iyo maamuusle
Oon haba yaraatee dakano la isku hiifeynin
Oon huq iyo cudur nooga jirin hoos isaga tuurka
Hayeesheese haasaawahaan lagu hambeyneynin
Hurgumadiyo hagardaamadana hubanti loo baaro
Oo daacad loo wada hadlaa lagu heshiiyaaye
Hubka innaga dhiga wexeynu nahay hooyo ubadkeede
Oo guusha layskuma hubee hororka aashiina
Ama igu handada waa waxaad hor utaqaaneene
Hakad geli wax baa ii hariyo hadallo waaweyne
Siduu hadurku noo galey haddaan how mar kaga siiyo
Hangash iyo Maxkamado u hayina hadalka Daaquudka
Ilaalladii hameen mirashadiyo hadalka loo qeybshey
Hooyooyin iyo Guulwadiyo habaqle dheeraada
Higlay buuro Haayaajirow habarta bowdkeeda
Hogii Foorta shiikhoo Xisbiga haybta lagu miiray
Godkii ii haydiyo baaristoo labada hiiroole
Hangar hoosti haadaan ka qodan birana loo heegay
Huf inuu akhyaarta uga dhigay war uma haysiine
Harcad inuu wadaaddadi rasaas hawda kaga saarey
Haweenkiyo carruurtiina uu Bii.Em ku hoggaanshey
Aqoonyahanna kala haajiroo dunida heehaabay
Wixii harayna ii heesa yiri war uma haysiine
Ku heshiiya calankaa intan hadurki soo laaban
Hubkana innaga dhiga wexeynu nahay hooyo ubadkeede
Oo guusha layskuma hubee bororka aashiina!

Hiraaboo Isku Hiloobey

Guurowgan waxaa uu Abshir Bacadle ka soo jeediyey Hoteel Kaah oo ku yaalla magaalada Muqdisho, mar ay ku wada kulmeen beelaha Hiraab ayagoo lagu wada heshiisiinayo halkaa, tixdaanna waxay ahayd furitaankii kulankaa nabadaynta, maalin khamiis ah 13kii bishi 1aad sannadkii 1994kii. Si wayn ayaana loogu riyaaqey, waxaana la oron karaa dowr wayn ayuu ka qaatey nabadeynta beelaha Hiraab ee ay colaadda ba’an dhex mertay. Waana sidatan.

Hiraaboo heshiiyoo aqbala hadalka iimaanka
Dhaaxaan Rabbigey haybsadaye maanta waan helaye
Kuwii hiilka ii gali lahaa waa isku hubaayee
Inaan hallayney waan wada hubnaa hilib walaalkeena
Masa haroo haf lama siin karoo haatanba ogaanay
Nimankii halkaagaan ogaa hoos isugu jeedshay
Hiraaboo isku hiloobey waa kan isku haanyoodey
Hanbalyaan anna usoo gudbiyey hagar la’aaneede
Insha Allaah heshiiskii imaam waa hirgalayaaye
Hoggaankeedu Soomaali waa hibada noo taale
Waxayse hoogtey waa maalintaad naga haleysiine
Yaan lagu halaagsamin tolow hadalka iimaamka!

Yaad Nagu Halleyn

Gabyaagu wuxuu tiriyey gabaygaan xajkiisii labaad 1982kii, markii uu la cajabay hawlaha xajka iyo acmaashiisa wuxuuna yiri sidatan:

Ilaahow adaa haybadloo hodan ahoo weyne
Wax addoon ku haybsaday adaan hawl umaraheyne
Irbad hirarka maanyada la daray oo haf laga siiyay
Hibitiqa yarey qaadatoo haysta madaxeeda
Baddu uma haraadoo ma oga iney ka haysaaye
Adiguna habkaas baad weliba heer ka sidataaye
Inta kuu hareysaa ka badan waxaad hibaysaaye
Ismaaciilya hooyadii markii baydka la horkeenay
Ibraahimna uu ka hinqadoo socodka haab haabtey
Waxey tiri waryaad nagu haleyn meeshu waa halise
Ma Ilaahey baa kula hadloo halkan noo dooray
Haah buu ku yiri waa sidee boqorka hoos jooga
Sida habarquraafiya ma oran hoogayoo ba’aye
Hadal waxey ka tiri idan markaa ina halleyn maayo
Isaguna baryuu si habsamiya haybad ugu taahay
Habka boqor wax loo weydiiyuu diinta ku hayaaye
Habaar-qabe quraafiya sidii muu hantaaticine
Nimaan tiisa wax u heynin bey u hanqal taagaane
Waxba yaanan haab-haabanine aan kasoo haro’e
Iyagana Allow soo hadee naari waa halise
Wuxuu yiri halkaasaan dejiyey waana ka hijroodey
Baydkaagi baan soo hordhigay haybada lahaaye
Hab saraaco malahoo Rabbiyow waa gabaahirige
Adaan kugu halleeyee arsaaq yaaney heli waayin
Markey gabanka haaneedisoo haysan kari weyday
Waa tey halkiisii dhigtoo buurta ku haliishey
Saffey ugu horreysaye waxay ka hanqal taag-taaba
Waatay ka soo hoobataye ay Marwa u haaday
Hareeraha markey dhugatayoo ruuxna heli weydey
Hublaha iyo orodkiyo waxay socodka haysaaba
Iyadoo dhib iyo howkar iyo gaajo hadal deysay
Waa tay ka soo hoobataye hoos usoo degatay
Hammigeedu ma aheyn biyaad ka harqaneysaaye
Boqor gaajo lala hoos galoo gacanta loo haadshey
Oo hoorso yiri baad ahayd waana la hubaaye
Waa taad biyaha ka harqisoo lagu haraad beelay
Oo waatay gacmaha ku habbisoo hawda kaga saadhay
Anaguna halkiiyoo kalaan ku hamineynaaye
Mar haddaan Shirkiga kaa hufnaye hebeladii tuurney
Oo aanan hayb kala laheyn heerna kala joogin
Inaad hoorsadaay leedahaan laabta ku hayaaye
Inteena meesha soo horan Rabbiyow hayna kala reebin
Waxaan ku heybsaneynaa janaan naari ka horreyne
Yaad nagu hallayn waxaanu nahay hoomadaa tubane
Ibraahiim Rabbigey kuma hungeyn hadaladiisiiye
Ducadii hufneyd buu ku helay hibiyo dheeraade
Adduunyada intuu haybsadaan harac ku joognaaye.
Aakhirana hoygiisa waa loo han weyn yahaye
Ismaaciilya Haajarana waa la hal wadaageene
Habarya odaya wiil qoosku waa hanuunsanaayeene
Hayeesheese aadmiga uunbey la hal wadaageene
Rabbigii hiddaayada baxshaan mahad u heynaaye
Halkii nabi Ismaaciil cirbaha ku hanhanteelaayey
Haajara isma laheyn biyaa laga helaayaaye
Mana haysan Riig iyo Mishiin loogu howlgalo e
Rabbi bow hibeeyaye cidina hoos umey qodine
Samsamkii ishiisii hardiday dhagax ii haar weyne
Oo soo halciyey biyaha waa loo haraad qabaye
Waa haanti ugu khayr badneyd hilo biyoodkeena
Oo aan dhul kale laga helen halakan mooyaane
Oo loo hamuun qabo dunida hareere heedoo dhan
Oo Xaramka lagu haqab tiraye hibada loo siiyey
Tixdan hooriskaan reer Xijaaz kula hadlaayaaye
Ma habaarayee gabayga waa ku haddadaayaaye
Waa hoga tusaaleynayaa haba nebcaysteene
Muslimka idin haaraamayaa waa idiin halise
Ibraahiim hortii maydan hayn hibiyo liibaane
Hanfigiyo Jasiiradda Carbeed holanki qiiqaayey
Harraadka iyo gaajadii badiil waabad u hesheene
Cagsigoodi baad haysatiin waana la hubaaye
Barwaaqadaan ducaa lagu heliyo hanasho towxiide
Duul kaan xamdi u helinna waa laga haleeyaaye
Haamaha nimcada yaan la qubin talo ma haysiine
Ooy aan hoogii reer Saba qabsadey helin dagaankiina.

Nasabka Reer Bani Haashim

Gabaygaan wuxaa uu ka hadlayaa asal wanaagga Asharaafta, waxa uuna gabyaagu ku amaanayaa reerkaa isagoo ka xanuunsaday sida dadka qaarkiis ay u arkeen inay yihiin laangaab iyo iyagoo aan la marsiineynin sharafkii ay lahaayeen.

Nasab loo nisba sheegto
Iyo nikaax lagu faano
Naftuna ay ku nagaato
Waxaa iila nadiifsanoo
Iila naala wanaagsan
Nasabki reer Bani Haashimoo
Cali loo nisba sheegtoo
Nabigeenu jeclaa
Waa nuureynkii yar yaraayoo
Nabigeenu xabaarayoo
Niyaddiisu jecleydoo
Naftiisu ay ku arwaaxdayoo
Allanoow naxariistay oo
Nasiib kooda ka yeelay!
Guri nuur ka baxaayoo
Nabigii u duceeyoo
Nal towxiid ka ifaayoo
Nashaadkiisu baxaayoo
Ilaahay wax nusqaana
Iyo naarta ka dhowrey
Nuxurka diinta la siiyoo
Naseexadii Nabigeeniyo
Nugaylkii Muslimiintiyo
Gaaladoo la nebcaadiyo
Tawxiidkoon la nusqaamin
Iyo Nabigoo la jeclaado
Waa nactigii Asharaaftiyo
Nuurki reer Banu Haashim
Oo nasiibka badnaaye
Tixdan sidaan u nidaamshiyo
Nusradaa Ahlu Baydka
Niyad wanaagsan ku qaatoo
Nabdigiina ka buuxshoo
Nacaybkii Asharaafta
Iyo nuqsaan lagu sheego
Niyadiina ka dhowroo
Nasabkooda ilaalshoo
Nabigii ku xurmeeya!

Hawiyow Waa Taa!

Geeraarkaan waxaa laga soo jeediyey furitaankii Maxkamad Islaami ah oo laga furayey goobta warshaddii Ifka Xalan ee ku tiil Muqdisho, sannadkii 1998kii, waxaana maxkamaddaas qaban qaabadeeda iska lahaa beesha Cayr ee Habar Gidir.

Ayaantii Ina Siyaad
Arlada ow ka talaayey
Isbaaradii Qoralooboo
Askarta Gaalgale joogtey
Hawiyow waa taa ka ooyi jirteenoo
Ka soo araara jirteenoo
Ina Salaad Booy u takteene
Afartankiina isbaaroo
Cadow Uul Aadan yabaal
Ekis Cakaara Afgooye
Ilaa albaabka Baraawe
Sida aleesha u daadsan
Ummadda maa laga qaadoo
Ilaahey maad ka baqdiin
Ma waxaan Islaam la eheen
Awood haddeydnan u heenin
Itaal kaleeto la waayey
Maxkamadaan maa ayidiin
Iyadaa ka adkaatee
Waa in kaarantihiin.

Shirib:
Isbaaro eedhiisey aheed waxaa uruurshey ahlu khayr
Amniya doola ogolaaw ama isbaara joog ahaaw
Odaan islaaxa oggoleen isbaaradaa ilmuu jiraan.

Caashaqu Muxuu Yahay?

Waa jiifto uu abwaanku ku lafa gurayo waxa uu yahay caashaqa, sida uu u arko Abshir oo doonaya inuu tusaaleeyo caashaqa iyo maxabada runta ah waa midka uu ruuxu Rabbigiisa ka raalli yahay, waxaana uu murtidiisa u soo bandhigayaa hab cajiib ah oo uu u soo gudbinayo si isweydiin iyo wax isweydaarsi oo kale.

Caashaqu muxuu yahay?
Mingis iyo ayaamaa
Mayd iyo mariil baa!
Maya maya sidaa maaha
Marna miyuu ku soo marey?
Wax i mude manaan garan
Sidee baa laguu mudey?
Ma mas baa ma qodax baa?
Ma miisaan culeys baa?
Ma dabeyl maldahan baa?
Ma wax lagu marqaamaa?
Ma sun maanka damaqdaa?
Ma mariid ku saaqaa?
Maya maya sidaa maaha
Waa muraayado Ibliis iyo
Maqal iyo samaacado
Midiba ay mid aragtoo
Jasiirado madow iyo
Bad mugdiya ku yaaloo!
Indhuhu kugu maqiiqmaan
Miyifkuna ku laran yahay
Maya maya sidaa maaha;
Macnihiyo ujeedadu
Waa muusig iyo filin
Madadaalo iyo farax
Naftu hayska mirato ah
Maya maya sidaa maaha
Waa muusanow iyo
Naftu waxay u muhatoo!
Murugo iyo ciilba leh
Mukushuna qarsoon tahay
Qalbiguna ka maarmayn
Rabboo kaa masaxa iyo
Adoo mooda mooyee
Kugu mudan dawana male!
Maya maya sidaa maaha;
Waa makhaalin iyo dabin
Ibliis midigta ku hayoo
Macaasida u sahan shoo
Labo aan isku muhateen
Midba meel ka kenoo
Madaxa isku galiyoo
Muraadkiisu ku hirgalo
Maya maya sidaa maaha;
Labo wuxuu mideeyaa
Mowle isku qorayoo
Is moogaa markii hore
Waxaan muuqaneyn iyo
Rooxaan maldahan iyo
Muhasho iyo udug iyo
Falaaruu isugu mudi
Maya maya sidaa maahee;
Malo iyo hummaag weeye
Miliilic iyo dhagar weeye
Mugdi iyo iftiin weeye
Xayaato iyo mowd weeye
Macaan iyo qaraar weeye
Madow iyo cadaan weeye
Madal aan hirgalin weeye
Muusanow habeen weeye
Kaligaa marqaan weeye
Ismoodsii ku joog weeye
Muhasho iyo hamuun weeye
Maya maya sidaa maaha;
Haddii uu ku soo maray
Midba meesha uu dego
Iyo magacyadiis sheeg
Mayeeraan ku waa madiga
Ma eeguhuna waa nacaska
Ma seexduhuuna waa cudurka
Ma quustuhuna waa yoolka
Ma sheexana yabaal weeye
Shantaan magacoo aan mariyey
Maqaalin iyo dabin weeye
Moorada Ibliis weeye
Taba macaasiyeed weeye
Ilaahay ka magan weeye
Murug iyo halaag weeye
Maya maya sidaa maaha;
Midka caashaqa u mudan
Oo ugu macquulsanoo
Muslimku uuyan diideyn
Mudda dheerna soo jirey
Muraadkiis nikaax yahay
Macsi aan looga yaabeen
Masaafo aan la galineyn
Midigtaan la saareyn
Macna aan la siineyn
Qalbiguna u muhaneyn
Meher dabadi mooyee
Caashaqa macquulkaa
Miisaana lagu saxay
Miro iyo udgoonna le’
Miliilic iyo sharafna le’
Mansil iyo makaana le’
Aan idiin macneeyee
Maqalka i amaahiya
Waa muhiimo guur doon!
Oo aan macsi ahayn
Markii horana Mowlow
Muraadkeyga ii sahal
Oo aan macsi ahayn
Masaladaba lagu galey
Markaad minanka keentoo
Maxabada waraabtoo
Maqsuud aad ka noqotoo
Matalkii janada iyo
Meelaha uddgoonka le
Maashaa Allaahuye
Goortaad mulkido oo
Mayracato beeraha
Meesha hays ka aaline
Mayroo qubeesoo
Mowle u sujuudoo
Mahad iyo shukri u celi!

Taley Mudan Tahay

Gabaygaan abwaan Abshir Nuur Faarax waxaa uu curiyey horraantii 2009kii isagoo markaa ka dhiidhinaya xaaladda aad iyo aad u liidata ee murugsan uu dalku ku sugnaa. Gabayga wuxuu ku aaddan yahay sidii daawo loogu heli lahaa talada ka gurracantay dadwaynaha Soomaaliyeed, taana waa mid lagu yiqiin Bacadle suugaantiisa iyo aftahannimadiisa inuu u adeegsado sidii dalkeena loogu soo dabaali lahaa nabad waarta, sidaas darteed ayuu Bacadle gabaygiisaan dhextaal uga dhigayaa tuducda ah “Allowya taley mudan tahaye meesha ku ekeeya.”

Meyd iyo dhaawac duulkii sidaan maaro loo heline
Allow ya taley mudan tahaye meesha ku ekeeya!
Murti waaya arag waa in wax un laga macaashaaye.
Midiyo isku sahad iyo dagaal la isku mari waayay.
Haddii Nabadda maro loo luloo gogol la meegaaro.
Oo Culimo muhimiyo duqoow madaxa loo dhiibto,
Oo ay go’aan muujiyaan lagu midoobaayo.
Meyd iyo dhaawac duulkii sidaan maaro loo heline.
Maslaxa diidku madar inuu ku jebi waa mah-maah culuse.
Markuu quuso madiyaal dhintaa laga macaashaaye.
Aakhirana mool Jahanamaa lagu maquurtaaye;
Allow yaa taley mudan tahaye meesha ku ekeeya
Midigtu Bidixda kama maarantoo waa u muhataaye
Hadba tii murduxan bey tan kale meeday leedahaye
Maxalu shaahidkiyo taargedkiyo meeshaan hibaneynay
Mutafaqun Caleyhi baan rabniyo inaan midownaaye
Waa Cadaw macaashkii inaad kala maqnaatiine
Muslimku cabara taariikh midnimuu magac ku yeeshaaye
Markey kala tagaan cadawgu waw malabsanaayaane.
Muran iyo tashwiish lama rabiyo maliyo huu haaye
Ismaqiiqa iyo laab lakucu malahan miisaane;
Muxadiskiyo usuuligu halkuu maray ku daawooba;
Maraajiicda aasaasigaa Mowle ku addeeca.
Isma saabax iyo wadajir guul kalama maarmaane.
Mugdigu qeybsan weeyee ifka how muhato laabtiinu
Oo miisaanki salafka u celiya muhima Diineedka.
Muslimku cabra taariikh midnimuu magac ku yeeshaaye
Markey kala tagaan cadawgu wow malabsanaayaane.
Mabaadida Aasaasigiyo maxalu towxiidka.
Ku muujiya Shicaarkiina oo galiya Maankiina.

Maxkamadaha Islaamiga (Gabayga Labaad)

Maansadaan gabayga ah waxaa uu Abshir mariyey bilowgii sagaashamaadkii markii ay ka bilaabmeen degaanada qaarkood oo ku yiiley magaalada Muqdisho maxkamado sheegtey iney Shareecada Islaamka fulinayaan, taa ay ka danbeeyeen beelo Soomaaliyeed, inkastoo ayna jirin waqtigaa dowlad dhexe ee gacanta ku haysa maamulka iyo ammaanka dalka haddana halakan waxaa muuqata in Abshir uu la dhacsnaa xaaladda maxkamadahaa ay riixayeen beelaha qaarkood ee Mudulood. Maansadu waxay leedahay:

Murti aan munaasabad lahayn mowsimiyo kaalin
Muwaafaqana aan sababi karin waa macno la’aane
Manhajka iyo maydaanka aan maanta ka hadlaayo
Waxaan maxalu shaahid uga dhigo marag halloo yeelo
Oo yaan laygu maadaysanine gabayga meeleeya
Cilmigu waa misbaaxoo jahligu waa madow yahaye
Maxkamadaha Islaamiguna waa lagama maarmaane
Mufti doqona kuma ciiltiriyo magan Allays toowe
Idinkoo murrugay Shiikh Calaa maam idiin furaye
Waatay mulquhu idin dhibeen marinka siisiiye
Hadday murugtay waatow la baxay boqol mahiigaane
Mooryaanta waatow edbiyo madaxyo dhuubtiiye
Cagtow mariyay Shiikh Cali Maxamuud maata laysyadiye
Masiibadii Bakaaray dhextaal waana maqasheene
Masruufkaa irdaha loo fadhaa maalin iyo layle
Matalka Shiikha Madarkicis mahelin haba masayraane
Waase laysu maqan yahay haddii maydku naga yaalo
Mutafaqun calayhaan ku nahay munasalkii Eebbe
Waase haddii malee shoodhinkiyo muunka laga reebo
Maxkamadaha Islaamiga ah iyo muqadamiintooda
Qofka maagan waxaa lagu yaqaan hadal mataaneyska
Ma diidani mayee saas ma’aha waa munaafaqade
Murug maarug inuu idin la rabo meesha ka ogaada
Maxkamadeeya kiiskuu mutana haw masaamixina
Miftaax jabana haw dhiibanina maamul kale daaye
Haddaan Xaaji Muuse u kiciyo Makiyo Madiina
Alleylahe waxay muujiyeen sharafya maamuuse
Waa mahadsan yihiin maamulkiyo muqadamiintoodu
Miisaana lama saari karo waxay mutaysteene
Musmaarkii dabcaa xaajiyow meesha ku adkeeya!

Shirib:
Maxkamadday maqsuudisee shimaan ka maagey Mudulood.

Laakiin markii maxkamadda la baabi’iyey oo ay ku ciyaareen beelihii sameestay, Abshir wuxuu tiriyey shiribkaaan:

Masaladaydi maan dhahay kuguma soo macaaninoo.

Muqdisho

waa gabay aad iyo aad u gaaban oo dhowr tuduc ah ee uu abwaan Abshir kaga hadlayo muunada iyo quruxda ay leedahay magaalada Muqdisho gaar ahaan waayadii hore iyo meesha ay ku danbeysey markii ay burburtey.

Muqdisho iyo muuqaalki hore dahabki maaroobey
Ma mililicdeen waxaa ku xigey murugo tiiraanyo
Macaasidiyo kibirkiyo dulmigi wow abaal marine
Allaha naga masaabaxo waxaan mudaney weeyaane
Muxkamkiyo waxaana u dawo ah munasalki Eebbe.

Shirib:
Muqdisho waa murgootayee munasalkey mudnaan lahayd.

Macallinkiyo Waalidka

Gabaygaan wuxuu ka hadlayaa hab dhaqameedka macalimiinta dugsiyada Qur’aanka sida ay u badan yihiin wuxuuna u ekeesiiyey dardaaran macallin howl gab ah.

Muhimada waxbarashada haddaan meel yar ka iftiinsho
Jibriiloo malag ah nebi Muxamed waa macallinkiisiiye
Cilmigu waa musbaaxoo jahligu waa madowyahaye
Ilmaan macallin loo helini waa maqal ugaareede
Mooryaan waxbana kama duwana maata leysyaahe
Haddaan lagu mintidin waalidkood kama macaashaane
Minankiyo dugsigu waa inay madal wadaagaane
Oo macallinkiyo waalidku ay tala mideeyaane
Ismoogaanshahoodaa ardada maqana joogeeya
Iyo macallinkoo waxuu mudnaa aan waalid kuu muujin
Tixuu macallin hoolgabay marshaan maanka ku hayaaye
Hala iimasaabaxo wixii khaarijul mowduuca
Oo yaan laygu maadaysanine gabayga meeleeya
Waa munawac tobankii ardayoo midiba waa cayne
Mid waa faahim midi waa damiin midina waa noormal
Mid waa macangag midi waa ikhyaar midina waa mooge
Midi waa mariil soconayoo madaxya uus waynle
Mid baan minanka hooyadii ka helin muufo iyo rooti
Oo murugti gaajada qaboon mowralba kuu haynin
Mid baa shoog la maygagi haddii midigta loo tago
Qaarbaa iskuul maaganoon looxuba u muuqan
Qaar baa banooniga mar laad maanka kaga guuxi
Mid baan marada faraqeeda iyo qalinka mooyaane
Ebid kii mash lagu siinin caday maxabo awgeeda
Midi waa ilmirigleynayaa sida maxaabiista
Mid waa murabash haad haadayoo meelba mar u boodi
Midina waa mayeeraan cuqubo kugula meeraaya
Oon macallinka u sheegan karin waxa muraadkiisa
Mid baa mooge iyo waxa iska dhaley habar maseyreeya
Oo toban midirisiyo ka tagay macallimiin dhawra
Qaar baa manyicii laga badshiyo maxaba koolkoolis
Qaar baa madfacii iyo saskii meeli kala boodey
Oo wali mashquul ku ah maxaa nalaku maagaayey
Mid baa maqane jooga ah xaluu Meykal fiirsadaye
Markaasaa musbaaxdii qalbiga laga madoobeeyey
Qaar baa dugsigaba uga maqan macallinkay dhaarsan
Canaantay mudnaayeena aan waalidku u muujin
Qaar baa ilmaha maagayoo muran la soo taagan
Qaar baa maqsuud ku ah dugsigoo sharafyo maamuus leh
Mid waa nashiid midina waa kaslaan Mowle xugunkiisa
Mid waa fulay midina waa shujaac laba mataanaaye;

Midba malafyo diiwaan u yeel munawac weeyaane
Kabiir aan mas’uul qaadi karin maqada how dhiibin
Madaxiyo ilmaha lagama dilo meesha halistaaye
Waa mu’miniin owliyaa oo ilmiriglaaye
Mid yaroo jiroolaayood dhashaa laga mataalaaye
Tumiddii maslaxada loo arkoo lagama maarmaana
Miyir kaaga oo taam ah iyo gacanta oo miisaaman
Miskaha iyo dhabarkiyo majaha meel un ka xanuuji
Ha ku magaagin caraduu Ibliis muumin xuliyaaye
Ha moogaan xilmiyo saamaxaad hana majnuunoobin
Madaxa u salaax sida agoon waalidkood maqane

Midaan toban u miisnen da’dana midigta haw taagin
Indhaha uun ku meermeeri farax ha ugu muun soone
Muruu’adiyo guulguulku sharaf macallin weeyaane!