All posts by mktbd

Gocasho iyo Hiil

Waa gabay xanbaarsan jawaabihii abwaanada iyo Abshir Bacadle ka hor iyo dib gabaygii hore ee “Gob Cunsuri ohoo,” waayo meesha waxaa ka sii socday gabayo badan oo ay soo mariyeen abwaano badan oo ka soo jeeda degaanada Soomaalilaan kuwaa oo ka dhiidhiyey gabayada Bacadle oo xiriirka la leh xarigii Samsam Axmed Ducaale, Abshir oo garwaaqsanaya gabayada qaarkood iyo carada abwaanada ayaa soo saarey jawaab suugaaneed oo uu garwaaqsanayo dareenka suuganeed ee abwaanadaa Soomaaliyeed laakiin ku adkeesanaya fikirkiisii hore sida dabeecadda Abshir Bacadle lagu yaqaaney, malaha waa dhaxal degaanadaa Mudug ee uu ka soo jeedo. Waxay ahaataba abwaanka ayaa waxaa u suuro gashay in uu aqriyo inta badan gabayadii abwaanada wuxuuna halkan uu jawaab ku siinayaa toddobo ka mid abwaanadaas oo uu ku yiri:

Cigow gabay asluubeysan oon garanayaad sheegtay
Garna waad u leedahay inaad gocasho riintaaye
Mase garwaaqsan karo inuu tolkaa gabadha taageeray

Gabayga Maxamed Cali waxaa ka dilay ceebuhuu galaye
Sidii geed salweyn buu u dhisnaa oon la goyn karine
Gadowgiyo sargooyada innaba laguma gaareyne

Maxamed Xirsi Guuleed lix aan garanayuu sheegay
Gabay nuxur le oo gaaban buu gacanta ii saaray
Guuleed gujada beeshu waa gabadha hiilkeeda

Ina Dhagaafe gabaygiisu waa gar iyo taariikhe
Go’aan adagna wuu qaatay oo gobi ku naalooto
Wuu noo garsooraye cidnana kuma garaafeyne

Axmed Naasir gabaygiisi waan garanayoo ruugnay
Gar adeega iyo meel danboo gubad le mooyaane
Gabaygu laaxin male wixii gafana gabadha hiilkeed dhe

Gabaygi Shiino guba kama duwana garashadaydiiye
Garaafooyin iyo waxaa ku jiray waa la aar gudane
Halkuu gaaray iigama go’neyn waa dagaal geline

Gabaygi Maxamed Aw Yuusuf uu Baran ka soo giisay
Gocasho iyo hiil buu ahaa gun iyo baar taabtay
Gogol lagu garramayoo kalaa loo gunaanadaye.

Gob Cunsuri Ah!

Gabaygaan wuxuu jawaab uyahay oo uu Abshir Bacadle halakan uga jawaabayaa abwaano dhowr ah oo maansooyin kala duwan u soo tiriyey. Abshir iyagoo ugu jawaabayay gabay uu Bacadle mar hore tiriyey oo uu ku weerayay reer Soomaalilan, gaar ahaan beelaha Isaaq iyo maamulkooda siyaasayeed, isagoo ku eedeeyey xariggii ay u geesteen gabadha la yiraahdo Samsam Axmed Ducaale oo ka soo jeedey reer Waqooyi Bari (Buntlaan), laakiin arrinkaa uu ka hadley iyo habka uu eedda u soo jeediyey waxay kicisey dareen kulul iyo caro ku timid reer Soomaalilaan. Kaddib markii uu dhuuxay Bacadle maansooyinkii ay soo mariyeen abwaannada oo xanbaarsanaa doodo kulul iyo caro ayaa Abshir Bacadle isagane jawaab kulul ka bixiyey taa oo ku timid gabayaan uu u bixiyey “Gob cunsuri”, waxaana shaki ku jirin in muuqato gafafka ay galeyaan abwaanada uu ka mid yahav Abshir Bacadle iyo qolooyinkaan uu dhex marey jawaab isku celinta – Ilaahey danbigooda ha dhaafee, waxaase xusid mudan maansooyinka uu Abshir jawaabta ka bixinayo in aanu ku soo aroorin doono qaybta labaad (eeg qaybta labaad ee kitaabkan, jawaabaha ku socda Abshir Bacadle).

Gaf aan galay gelliin kama ahiyoo maan garowsaniye
Gubana ma aha gabagaygu waad igu gefaysiine
Gun Isaaq ugama dhigin Hartina kuma gargaarayne
Mase gudboona beel goosatiyo maamul goboleedku
Tixdaan gabadha ugu hiiliyoon dunida gaarsiiyay
Gujis doon hardiyay iyo rag baa guba ku suureeyay
Mar haddaanan guhaameyn amaanan weerar gelinaynin
In aan gabay ku ciil beelo waa ila gudboonayde
Sow inaan gilgilo maaha oon yara gantaaleeyo;
Garka miyaan qabtaa oon dhahaa gabadha sii daaya
Sideen hadal ku gaarsiin karaa gabayga mooyaane
Gafba laguma oga gabayga nuxurkeydnan garanayne
Gun miyaa tihiin waa su’aal gabadha hiilkeed ah!
Marna waxaan ka gubanahayay waxa galaya taariikhda
Ma waydnan gabayga nuxurkiisa iyo yoolka garanaynin
Ratigii garba la’ kabadda iyo heerigaa gubiye 
Idinkaa sidii Owr garba la’ rara gubyoonaaya
Qofkii laga gardaran yahay haddaan gacan la siinaynin
Gabay ama qoraal iyo ducaa lagu gar-gaaraaye
Waxba igama gelin waa ra’yiga guufanaysyada’e
Guurtiga Isaaq kama gilgilan gabadha xaalkeeda
Gashi iyo dakano hore inay gocanayaan mooyi
Aqoonsiga go’doonka ah inay gocanayaan mooyi
Wixii gaaray Yaasiin inay gocanayaan mooyi
Taariikhda waxa galay inay gocanayaan mooyi
Gabadha baaristeedii inay gocanayaan mooyi
Gardaradiyo ceebtii inay gicanayaan mooyi
Gayaan naga xariman tii inay gocanayaan mooyi
Fooxlihii dembiga galay inay gocanayaan mooyi
Towfiiq gefkoodii inay gocanayaan mooyi
Gabayada silsilada ah inay gocanayaan mooyi
Sidii la isku soo galay inay gocanayaan mooyi
Waddadii gantaaleyd inay gocanayaan mooyi
Labada Gobole soo go’ay inay gocanayaan mooyi
Sannadkii garoobaale inay gocanayaan mooyi
Gacaltooyadeenii inay gocanayaan mooyi
Is gar-gaarsigeenii inay gocanayaan mooyi
Galbihii beri samaadkii inay gocanayaan mooyi
Calankii shan gees laha inay gocanayaan mooyi
Dalsankii ay ka guureen inay gocanayaan mooyi
Labada webiye aan go’in inay gocanayaan mooyi
Geedihii Canbahoo baxay inay gocanayaan mooyi
Ganacsigii Bakaaraha inay gocanayaan mooyi
Gobolada Dhexiyo Bari inay gocanayaan mooyi
Xoolahayaga gaanka ah inay gocanayaan mooyi
Caasimadu waa gobe inay gocanayaan mooyi
Gad gadoonki Xamarweyne inay gocanayaan mooyi
Muuskii galoolnaa inay gocanayaan mooyi
Ganacsigii xorta ahaa inay gocanayaan mooyi
Beeraha gesiinka le inay gocanayaan mooyi
Ceelasheena aan go’in inay gocanayaan mooyi
Badda gees ka gees waran inay gocanayaan mooyi;
Geedihiyo mirihii inay gocanayaan mooyi;
Gosha webiga beeraha inay gocanayaan mooyi 
Wuscigi ay ka guureen inay gocanayaan mooyi
Gacan shisheeyaa haysee inay gocanayaan mooyi
Galleydiyo harruurkii inay gocanayaan mooyi
Gaashaandhig beeleed inay gocanayaan mooyi
Gabaahiirta lagu ooday inay gocanayaan mooyi
Guryaha Xamare dhaadheer inay gocanayaan mooyi
Garowgi iyo Muufadii inay gocanayaan mooyi
Galaaskii bunbeelmada inay gocanayaan mooyi
Babbaaygii gaduudnaa inay gocanayaan mooyi
Laxooxdii gadaaneyd inay gocanayaan mooyi
Guurkii jabnaayoo Xamar inay gocanayaan mooyi
Reer gini ku filan yahay inay gocanayaan mooyi
Guryo iib ahoo jaban inay gocanayaan mooyi;
Deris kuu guntadoo gacalla inay gocanayaan mooyi
Ineeyan beeli go’i karin inay gocanayaan mooyi
Hankoodii la gaasiray inay gocanayaan mooyi
Kaftankayagii gacalnimo inay gocanayaan mooyi
Gabaygi iyo heesihii inay gocanayaan mooyi
Maraakiibtii ganacsiga inay gocanayaan mooyi
Xabxabkii gaduudnaa inay gocanayaan mooyi
Gacalkii isku duubnaa inay gocanayaan mooyi,
Dhul aan gaajo loo dhiman inay gocanayaan mooyi
Wixii eed la kala galay inay gocanayaan mooyi,
Laydh iyo biyo aan go’in inay gocanayaan mooyi
Geedaha miraha sida inay gocanayaan mooyi,
Halkii gorofta lagu tuuray inay gocanayaan mooyi
Meeshay ka go’i taladu inay gocanayaan mooyi,
Reexanta geed Xamarka inay gocanayaan mooyi
Geyiga cimilada u wacan inay gocanayaan mooyi,
Gobaadi ay bar gooyeen inay gocanayaan mooyi
Gujadiyo qaniinyadii inay gocanayaan mooyi
Galbaa habari geysaa inay gocanayaan mooyi,
Sagaal goroyo cowleed inay gocanayaan mooyi
Dabarki ay ku giijeen inay gocanayaan mooyi,
Geeridii Cigaal oo tigruhu uu tacsida geeyay
Oo gaaladu kasoo qaybgashoo turunbo loo giijay,
Garoonkaad ka celiseen wafdigi Geelle soo diraye
Ma weydnaan abaal gudanin ama gelinin taariikhda;
Gabaygi Qaasim iyo waxaad tidheen ficilki Guuleede;
Nin raggoon abaal gudani waa deero gees jabane,
Labada gobol nikaaxoodi aan gabay ku soo qaatay,
Xarrigii gabdhaha maaha ee waa gun dheeryahaye
Gefkiyo ceebta mooryaan galaa laga garaabaaye
Garsoorka iyo labadii goliyo Duqa go’aankiisi
Afartuba dunuubtay galeen gar iyo dow maaha
Intaasaan ku soo gaabiyaye gacalloow aashiina!

Gablan Talo Adduuney

Waa gabay dhinacyo badan taabanaya oo muhim ah, waxaana gabyaagu tusaaleenayaa arrimo ay ka mid yihiin kuwo la xiriira towxiidka iyo geeridu iney xaq tahay oo loo diyaar garoobo iyo waxa dhici doono qabriga iyo qiyaamaha marka la gaaro, waxaa uuna gabaygiisa ku bilaabanayaa:

Markaan gugiyo deyrtii dhoweyd gabay ka dheeraaday;
Oo aan ka go’ey baad malaha gorof imoodeene
Nin waliba makaa guuray buu gaw ileeyahaye
Anna goolku meeshaan la rabay iima soo geline
Waxaan gaaxiyaba maalin baan godolka tuujaaye
Gaawaha u hoorsada hadduu gaada leeyahaye
Gujaad igu disheen iyo miyuu guray wadaadkiiye
Taariikhda shay geli karaan gabay ku sheegaaye
Kuwii ganacsan jirey maahiyoo guul darreyn jiraye
Gumeystaha ma taageero iyo gaalo waranleeye
Gurubbiyo qabiil waa horaan gooyayoo nacaye
Gidaarrada masaaree xaqaan ugu gargaaraaye
Inta goobta soo joogsatoon garanin tawxiidku
Ilaahay waxay uga go’een gelin ku nooloowe
Marka gogosha qaadkiyo hablaha lagula geeraarey
Gablan talo adduunay muxuu gabay canbaaroobay;
Gunta aqalki aan laga adkeyn gegida aasaaska;
Genbiskoo la naashnaashay baa guri la moodaaye
Adoo gabannadii aad dhashiyo geliyey maalkaagi
Oo gurada dabaq saaray buu gabax yiraahdaaye
Waxba lagama gaaroo mar bay kula gudboonayde
Gaashaamo nacasow waqtigu guray raggaagiiye
Waxaan uga golleeyahay malaha weyla garateene
Guubaabo towxiid ah baan caawa gelayaaye
Waxaan idin guddoon siinayaa gunud caqiidaaye
Ilaaheyna geerida horteed haydin garansiiyo
Anna gabeyga guushiyo janada ha igu gaarsiiyo
Intay goorigoor tahay shirkiga gooya xididkiisa
Towxiidka gawsaha ku naba oo isugu geeya
Afka gacanta saar yaan shirkigu meel ka soo geline
Weligiin ku giijiya ilaa madaxa loo gooyo
Haku gororo dhiiggiina oo geliya laabtiina
Geerida xaq baa loo arkaa gaaliyo Islaame
Nin gantaalku seegaa ma jiro ama giriifaaye
Ilaahey waqtuu gooyayoo garanti weeyaane
Adigoo ka gaarsii leh baad gabax tiraahdaaye
Markaad gogosha ku aruurtid baa gocasho riintaaye
Goonyaha markey kaa saftaan gacalo taag weydey
Ii gaddoontey neef kala go’diyo dumar galaayuusey
Oo gurubadaadii waxbana kaaga geli weydey
Gurboodkiyo ganbooleyda iyo kii garaad yariba
Naf gunaanadkii taagan bey gebagebeeyaane
Hadba Aw gabraarsanahayey gool u qalayaane
Ama gaalka huurada leh bey geniyo siiyaane
Ma gartaan nin geeryoonayoo galab caraabaaye
Godka maalinkii nala dhigoo iilka nala geeyo
Ilaahey addoonka u go’aa gaarey libintiiye
Mar haddii go’aankeenu yahay diinta garabsiiya
Garaafada adduunkoo iyana gaaban mo’oyaane
Inaan dhibi na soo gaaraheyn geliya laabtiina
Gaba gabadu maantey dhacdoo dhididku geylaamo
Oo dumarku soo gano ilmaha galay calooshooda
Oo habari gabankey jecleyd gaar isaga tuurto
Qoraxdana la soo gaabiyee ay madaxa soo gaadho
Oo naartu guuxdoo nafluhu wada gariiraayo
Dadku waa gagabayaa siduu geed kuleyl cabaye
Gacalkaagii iyo waalidkaa oo ku garanaaya
Iyo gaaridii kuu dhaxdoo guriga kuu joogtey
Iyo gabanadii aad dhashoo laabta laga gooyey
Gacaliye adoogaa markuu gacan ku waydiisto
Oo gaar ahaan hooyadaa kugu guraa-baasto
Waxey kuu gashoo idil dhamaan wey ku garansiine
Waxaad oran maxaan geli karaa gabay nafteydiiye
Xaajada halkaa gaadheyoo galawgu qiiqaamey
Ilaahey kuwaa hoos galoo harac la geeyaaye
Mar hadduu go’aan keenu yahey diinta garabsiiya
Garaafada adduunkoo iyana gaaban mo’ oyaane
Inan dhibi na soo gaaraheyn geliya laabtiina;
Kuwiise garabka bidixdoo Shirkiga goobta la istaagey
Gooryaan Fansalakh iyo kuwii gacanta siinaayey
Markaasey xaqii garanayaan waase kala guure
Wadaadkii gar-gaarkiyo labidey guusha iyo kheyrka
Shafaacadana laga goobayaa gabay naftiisiiye
Ma guntana dharkaba uma gashana mana gudneedhawra
Gablan tala adduuney maxaa nimanka soo gaarey;

Nin Ilaahey meyd garab dhigaw gaasir baa tahaye;
Gabadhaadu guur male ninkii geyana yeelkiisa
Wixii naar ku geeyoo dhan baa lagu gumoobaaye
Gobanimo xaqiiqa ahi waa garasho tawxiide
Weligeyba reer Gaalkocyood gabey ma taabsiine
Gardarooyinkoodaa batiyo gocoshadoodiiye
Mar inan ku gano waa horey ila gudbooneyde
War goobaha banaanoo idaha lagu gumaadaayo
Wax inay galaan uma oggoli ama wax gooyaane
Waa gego cidla ah meeshan aad ariga geysiine
Kumayaalka lagu gowracoo lagu gumaadaayo

Garoobada agoomaha wadyo riximka gaajeysan
Gablanka iyo maatida fadhiya guriga Iidoole
Iyagaa gar u leh xoolahaad Sugulle geysiine
Ku gar-gaara magaciin jiryaye gacalka naafoobey
Na gumee ibliiskii Shirkiga noola soo galaye
Oo meyd gar-gaarsada na yiri goor iyo ayaane
Mar hadduu gabrada yiri halkuu galay awowgiine
Saddexleyda gooyoo Xadrada garangarta u meersha
Mar is goda mar gaar-gaarsadoo giirka kor u taaga
Isla gaabiyoo hooriyoo aha ku soo gooya
Halkiinaa ku gaardiya jannaa lagu gelayaaye
Ku guuleysay meeshuu la rabey gacaladeydiiye
Allahayoow ka soo gaar tolkey gaala raac noqoye
Oo towxiidka garansii adaan kuu galliin ahaye
Bal inay ka soo go’i karaan golaha Ruunsheelo
Ma gu’ weyni laakiin waxaan anigu soo gaarey
Geyigaan ku noolaan jiriyo goboladaan joogney
Haddey culimo noo soo galaan galab carraabaahi
Oo geed ardaa leh dugsoon gogosha loodaadsho
Gar madaw u sheekeynayaa caano geyn jiraye
Haddiise xoolo loo gowracoo hilibka loo geeyo
Xubin gaabta iyo fuudka iyo gabalo hoosaadka
Waxuun baa na soo gaari jirey gaajo tirashaaye
Haddaan haraga iibgeyno, oo ganacsi loo qaado 
Waxuun buu ka goyn jiray markii beled la geeyaaye
Guntimaanu soo xiran jiroon aqalka geynaaye
Adoo gacan banaan kaaga roon labada gooroode
Gedkaleeto iyo xeelad bay markan gaareene
Garkey naga qabtaan neefka waa naga gudoomaane
Iyagaaba gaadiid watiyo gabaldi baaxaaye
Gibir iyo canshuuroo kaley nooga gurayaane
Na gumeyste Reer Aw-Fulaan garanse weydeene
Soddonkii Dariiqada ka go’ey oo wax garanaayey
Markii looga guuleystey bay gocashoriimeene
Nin gabraarsan jiray oo ku qaaday gacalki naafeeye
Gufarkii ku haray lagu raqsay gaba-gebeeyeene
Mar baan gabar khilaaftaayi jirin Gaalkacyoo idile
Maantana kun baa guuxayoo garatey towxiidka
Ama gunuunuceysoo dhawaan nooga soo go’iye
Gablan talo adduuney maxey galab heer joogtey;
Anoose Ina Gureeyow warkii gabo gabeynaaaya
God madow wadaadkaad dhigtood geeri ku ogaatey
Oo gaaridiisii nin kale guri u xaaqeyso
Waxba adiga kuu galimayee garab ha weydiisan
Anigana wax iga goyn mayee ha igu guulguulin
Isagana gujada baas ka daa wuuba googo’aye
Muslimkana ha gaaleynin waa godob Ilaaheeye
Balse hadduu wax kuu geli karoo gacan ku siinaayo 
Gablan kaa cirroobaa tahaye gabanno weydiiso
Guddiyada dariiqooyinkoo calanka giirgiiran
Weligood xaqay ganacsadaan gaalo raacyaduye
Iyagoo gabaabsiyehe aan xero ku soo goynay
Oo shacabkii ay guran jireen xaqa la gaarsiiyey
Oo guubaabo towxiida iyo gabaygu saameeyey
Waxay dawladuu hoos galeen gacanna loo siiyey
Nin kastoo garaad buuxa lehi waa garwaaqsadaye
Taariikhda noo galiya waa goolki tobanaade
Ilaahay wuxuu noo gartana mahad ka gaarsiiya
Hadduu ina ganaaxaana waa galabsigeenniiye
Yaboohii ma guubyeelinoo muu gabood faline
In la gaarayana waan hubaa guusha libineede
Geerida horteed meel kastoon gelin ku noolaanno
Go’aankeennu waa inaan sunnaha garab istaagnaaye
Intaasaan ku soo gaabiyaye shacabka gaarsiiya!

Faracii Reer Abshir Nuur

Waxa uu mariyey Abshir kaddib markii loo sheegay in wiil uu dhalay oo ku noolaa dalka Maraykanka uu u soo diray lacag, isaga oo arrinkaa aad ugu farxay waxa uu ka tiriyey gabaygaan gaaban:

Cabdirisaaqoow ragga intiina fogaatoo
Faracii reer Abshir Nuura
Adigaa u fac wayne
Farriintayda dhageysoo
Gabeyga fiiro u yeelo
Allaha fatxi ku siiyo
Facaaga aad ugu faantid
Ha faqrin oo ha fidnoobin
Farriinti ay Amal keentey
Waa ku farxoo ku fahmeeystey
Facayna waa ugu faanoo
Fagaarahaan ka caddeeyey
Duco fareesh ahe faas ah
Misana fuul ahe fiican
Tomanya kow facna gaarta
Faraqaaga u hoorso
Faruuryahayga ka qaadiyo
Farxaddii qalbigayga
Ragga adaa u facwayne
Habarta fiiro u yeeloo
Fasaqa iiga ilaali
Anigu soo furi maahe!

Gabaygu Sow Maaha?

Gabaygan waxaa ku bixiyey gabyaaga inuu tiriyo kaddib markii uu arkay idaacadaha afka Soomaaliga ku hadlo gudaha iyo iyo dibaddaba oo caado ka dhigtey inay murti ahaan xoog u saaraan dhanka heesaha iyo muusiga oo kasoo jeeda dhaqan shisheeye. Gabayga oo suugaanta Soomaaliyeed asal u ah oo ayna qiimeynin sidaas darteed arrintaas aad ayuu uga carooday. isaga oo tusaaleynayana waxuu ka tiriyey gabaygan oo isla markaa tilmaan ka bixinaya kacdoonkii Xamar lagu kacay dawladdii uu hoggaaminayay madaxweyne Maxamed Siyaad Barre:

Gininiifta iyo muusiggaad gacal u haysiine
Suugaanta gabeygow asala garanse weydeene
Wixii geedka loo xaaran jirey gabaygu sow maaha!
Waxey odayo goob kaga hadlaan gabaygu sow maaha
Wixii geela lagu qeybsan jirey gabaygu sow maaha
Gammaan faras wixii looga degay gabaygu sow maaha
Wixii guurka loo dooran jirey gabaygu sow maaha
Guubaabo iyo nabadgelyaba gabaygu sow maaha
Murti waxa gorfeeyoo gudbiya gabaygu sow maaha
Tartan waxaanay heesuhu la gelin gabaygu sow maaha;
Waxaan gaada ka ciyaar leheyn gabaygu sow maaha
Waxaan muusig loo gaawineyn gabaygu sow maaha
Waxaan loo garaaceyn gurbaan gabaygu sow maaha
Waxaan turumbo loo giijineyn gabaygu sow maaha
Waxaan dumarku qayb weyn ka gelin gabaygu sow maaha
Waxaan dhaqanka gaaladu gediyin gabaygu sow maaha
Taariikhda waxa lagu guntado gabaygu sow maaha
Wixii cadowga lagu guuli jirey gabaygu sow maaha
Guuleed fansalakh waxaan ku gubey gabaygu sow maaha
Gamuun sare gantaal hoose iyo god iyo reebniinba
Wax sarbeebta gaan uga hodmani gabayga sow maaha
Gun iyo baarba suugaan gobeed gabaygu sow maaha
Ilaahey wuxuu nagu galladey gabaygu sow maaha;
Afartaa intaan kaga gudbaye gobo’ kaley dheere
Sidii odayga loo galay haddaan gow mar kaga siiyo
Gallad wuxuu ku noolaadayoo libin ku geeraarey
Geyigaan ku noollahay wuxuu gabo-gabeeyaaba
Wuxuu guluf colaadeed diroo nabad ku goohaaba
Wuxuu gees biciit noo mudoo googol ku sheegaaba
Guddigii Maanafeystada markuu dib u gantaaleeyay
Garaad iyo Imaan iyo wixii culimo loo geeyay
Garcad iyo salaadiin markuu gogol ku ciideeyey
Wax-garad iyo aqoonyahanna uu gabba waroo laayey
Gaashaanka wuxuu nagu dhiftoo gacanta noo sayray
Gartuu diiday mooryaan unbaa galisay maankiisa
Gablan tala adduuney maxay galaba heer joogtey;
Gumaadkiyo xasuuqii markii laga galiil yooday
Gardarradiyo kibirkii markii geeri laga doortay
Gidaarada markii loo tafoo lagu galaayuusey
Nin go’ iyo nin gaaraba markii gudaha loo daatey
Goonyaha markey kaga hufeen geeri loo dhalaye
Kuwuu igu gadaanaada yiri gaw Malaga siiyey
Gantaalaha markii looga dhegay lagana guuleystey
Ma is godey ma gaar-gaar sadoo gululub mow roorey
Magaraamihii loo karshey guratay Mooryaani
Gablan tallo adduuney maxay galaba heer joogtey; 
Gidigii hameenkii miyuu baqo ku gaw riiray
Markuu waagu gaw yiri miyuu giirka kor u qaaday
Go’ay xalay ku duubeen miyuu gaar isaga tuurey!
Hadba gees miyuu dayey illey godobi waayaabe
Gaashaanlayaashii miyuu gudub u weydaartey
Halaaqada miyuu kaga gig tiray waa gudoodiga’e
Gawsaha markuu riiqayoo gawnaxyada buuray
Tawfiiq Rabigey hor u gafiyey marakan mow guuxay
Hadba Xamar gadaal mow dhugtaye gacalo mow eegay
Gedduu beri ku noolaa miyey gocatay laabtiisu
Ilmo gabax masiiyoo sidii gororka mow hoorshey
Mar igeeya goobtii ma yiri gacalo taag weydey
Gablan talo aduuney maxay galaba heer joogtay;
Geyigaan ku noolnahay miyuu gebigi aafeeyay;
Ummadaan waxbana gelin miyuu godob usoo jiiday
Kuwuu guduriga1 u waray miyuu gacalnimow sheegtay
Geddoo nabad ku caan baxay miyuu halakan gaarsiiyey
Garan waaye naga gudub halkaad galine yeel kaaga
Ama gacan ku dhiiglaha iney ugu gaduud shaane
Jabhadaha guddoonsaday midnimo ha ula guuleene
Intaasaan ku soo gaabiyoo gubaya laabtiisa
Gablan talo aduuney mexay galaba heer joogtey!

Gef Loo Saxay

Gabeyga soo socda waxaa uu Abshir Bacadle ku weerarayaa qaar ka mid ah Suufiyada isla markaana waxaa uu ka dhiidhinayaa in Ilaahey lala garab dhigo marka la baryayo axad kale oo addoomadiis ah, isla markaana waxaa uu beegsanayaa, guul laga keeno kooxaha dariiqooyinka ah, gaar ahaan kuwa ay qaraabada yihiin.

Tix la geeyo goobaha murtida lagu gorfeynaayo
Oo diinta garab taagan baa gabay u kheyr roone
Nin waliba gantaal kuu hayuu cadaw ku guulaaye
Halla geeyo gobalkii tixaan goobayaan helaye
Wadaaddada Siyaarada gurtoo calanka giirgiiran
Geddii Bucur bacayrookaley marakan gaareene
Gonda dhiigta Muruf Taaruf bey gacal wadaagaane
Waa Geedi Baabow silloon garanse weydeene
Inaan mayd wax gelin waa hubaan gaala raacyaduye
Godka lagu cadaab diinta wey ganacsanaayaane
Gardarradiyo aabiga muddey garab u heysteene
Gef loo saxay gar laga eexday bay sidaan ku gaareene
Nin garaama xaaraana cuney meel unbaa go’ane
Gacma hoorsigii bey rabaan gu’ iyo jiilaale
Maruunbaa geddaan saadin jiray guulahey badiye
Maruunbaa guddoonshaha cusubi gaarayaa xugune
Maruunbaa garsooruhu cadliga goobiyoo heliye
Maruunbaa guddiga nabad gelyadu siinayaan gacane
Maruunbaa fidnada gobolka taal Yoolax1 loo garane
Maruunbuu garaadaha xaseyn bixiyo Guuleede
Maruunbuu garoomaha u tolan gorofku meeleyne
Maruunbey gawaan iyo Wisil u guurayaan Sacade
Maruunbey u sii guranayaan garaski dheeraaye
Maruunbaa nabsiga gooshayaa gaari ow Caliye
Maruunbaa gasada Ina Cismaan looga soo geliye
Maruunbaa wexey naga galeen laga gudaayaaye
Maruunbaa wadaaddada gabrani nooga soo go’iye
Maruunbaa waxaa geba gebeyn guuto loo diraye
Maruunbaa Ilaahey ku gubi gumac rasaaseede
Maruunbey garcanayaan gabdhaha guudka loo firaye
Maruunbuu garaarkooda jari taarigaan geyine
Maruunbaa gefkiyo aabigii guuxa soo dhimiye
Maruubaa la gaarsiinayaa galabsigoodiiye
Mar uunbaa gelmiga nagu habsadey gacan togaaleyne
Maruunbaa haleeliyo gobshaba guulahay tiriye
Maruunbey gurboodkiyo ilmaha gaahi soo tubiye
Dhaaxey gafuura xun indhaha nagu gubaayeene
Maruunbaa la gaarsiin iney gacal na moodaane
Maruunbaa Ilaahey ka goyn galabsigoodiiye
Mar uunbaan garaamaha ku maqan gabay ku faalayne!

Guuleed Fansalakh

Gabaygaan waxaa lagu tiriyey dalka Sacuudi Carabiya magaalada Jidda, dabayaaqadii 1984kii, wuxuuna gabyaagu kula hadlayaa Sheekh Maxamed Guuleed Kaarshe – Ilaahay ha u naxariistee – inta uusan dhiman oo ahaa agaasimaha waaxda diinta ee Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Garsoorka, ka dibna loo magacaabey Wasiirka Arrimaha Diinta iyo Garsoorka. Waxaa shaki ku jirin in Abshir uu ku xadgudbayo Shiikha ilaa uu isirkiisa wax ka sheego, meeshana ma qabato habaar iyo aflagaaddo aan ku habbooneen qof Muslim ah. Sheekhu wuxuu ka mid ahaa khayr Eebbe ha siiyee culimadii fidinta Diinta Islaamka doorka weyn ka qaatay oo tafsiirka Qur’aanka Kariimka ah Masaajidka Siigaale ee ku yiilley xaafadda Hodon ee magaalada Muqdisho ka akhriyi jiray, waxaana cilmigiisa ka aflaxay dad aad u badan. Abwaan Bacadle gabaygan uu Sheekha aad ugu gafayo waxaa ka keeney caro uu ka caroodey xarig iyo xabsi loo geystey dhowr hablood oo loo aaneeyay xijaabka xirashadiisa, laakiin waxaan filayaa in mas’uuliyadda arrinkaa ay leeyihiin madaxdii sare ee dalka ee aanan lala soo aadan cid kale. Qofku mansab dawladeed oo sare soo qabta ayaa garan kara dhibka ay leedahay in la isu miisaamo arrimaha dawladda oo marar badan arrimo xoog ku fulinaysa iyo arrimaha diimaha khuseeya oo miisaan kale lagu eegaayo. Waa arrin aan fududayn. Alle labada ha u wada naxariistee, abwaan Bacadle waayo-aragnimadaas isagu ma lahayn, marka way u fududayd inuu siduu rabo u hadlo. Marka aad dawlad ka tirsan tahay,
arrintu way ka duwan tahay. Abwaan Bacadle oo ra’yigiisa cabbiraya wuxuu yiri:

Ilaahayow nicmadaad ii gashood igu gargaaraysay
Galladdeeda adigaa iska leh goor iyo ayaane
Gafkeygana inaad saamaxdaa adiga kuu gaar ah
Mana qabo guddaa jira Allaha ugu gargaaraaya
Inkastoonse gaabshoow ahoon gabi dhaclaynaayo
Gafkeygaan aqaanoo muwaxid guun ah baan ahaye
Gobna waxaan ku ahay inaan Shirkiga layla soo gelin
Markaanse gacanta kuu hoorsadeen ducada gaagaabsho
Inaad igu gar-gaartaan bartaye guusha ha i seejin
Dariiqadu halkey goosataye loogu geli waayay
Inaad gacanta noo saartid baan kuu galliin ahaye
Markaanse guusha libineed helliyo buurta guradeeda
Gaaliyo Islaam bay mid uun gali lahaayeene
Ninka meyd ku garab taagay iyo guud qandhicilwayne
Guuleed-fansalakh iyo Xabriga ganacu weynaadey
Iyo kuwa ku garab taaganoo aan wax garaneynin
Waxaa garabka loo suri lahaa gorofta ceyreede
Gefloo saxayna kuma goodiyeen goor iyo ayaane
Hadba gabar muxsinadiyo wadaad xarig ma geeyeene
Gab-gabta iyo caadaduna way guri lahaayeene
Gablanse talo adduuney nin baad gabi ka tuurtaaye
Gabaahirig markay kugu furtaad rara gubyootaaye
Ood gogosha diidaa hurda, aad gama’ ka siisaaye
Guuleed ma maantuu xaqii go’ iyo shaal siistay
Gafuur xume shaqaawadu halkaa ma idin gaarsiisay!
Mar hadduuse gabar maxajabaa guulwade u dhiibay
Gafna uu ku been uuntayoo shacabka gaarsiiyey
Gablan iyo Ilaahey u keen geeri filan waaya
Gobanimana uma dhalan xaqana meella kama gaarin
Markuu guur ku waayoo la yiri nagu gayaan maahid
Wuxuu garab u helay inuu yiraa goono wada qaata
Garbasaarka weyn baa nacood gab isku siisaane
Gacma dheerihiinuna qalbiga wayga gubayaaye
Gollonkiina muujiya ishaan guluc ku siistaaye
Ama gala xabsiga shay horaan maanta gudayaaye
Waxba gabaygu yuu ila gudbine waxaan kusoo gooyey
Xashara iyo Guuleedba waa Shuuci gaamuraye
Waxay garab ka heystaana waa doqonki gaabnaaye
Markii waagu geesbari ka kaco ama gaduud keeno
Qorraxduna gantaaleyso ama gabalka soo jeedo
Ninkii gacanta saaree yiraa dunida yey gaarin
Rabbi buu dagaal ugu guntaday kumana guuleysan
Ilaahey geddii lagu yaqiin waa isaga gaare
Cirkoo naga guraan jiray hadduu godalku soo taago
Daruur gaaxsaneyd iyo hadduu gibilo soo saaro
Gufaaciyo hillaac iyo markuu gugaco soo yeero
Xashara iyo Guuleed miyaa gacanta saaraaya!

Dastuurada Gurracan

Abwaanku waxa uu maansada soo socota kaga hadlayaa in Ilaahay xukunkiisa laysku xukumo lagana fogaado dastuurada ay aadanuhu sameysteen, waxaa uu si xunna u weerarayaa maamuladda Muslimiintu sameystaan oo aanan ku dhisneyn xukunkii Alle iyo kuwa raacsan arrinkaa.

Garaad laawe ina aadanoow gaaris baad tahaye
Ma gar qaadatiinoo murtidu waydiin gudubtaaye
Ilaahii dhulkaan noo gogloo samada guud yeelay
Oo gacan arsaaq noo fidshoo uunka wada gaarta
Geeliya ari gamaan iyo fardana gacanta noo saaray
Oo gowso lagu cuni kariyo gacamo noo yeelay
Garashana inoo yeelay iyo guriya meeleysi
Gogol lagu gam’ana noo dhigiyo gudasha raaxeysi
Rabbigaa gashiin iyo biyaba gacanta noo saarey
Godkii aakhirana nagu xukumey gabi ahaanteena
Qiyaamana na soo gabagabeyn yaan la gaar marine
Aadmiyoow garaadaha xumoo garabka kuu saaran
Haddeyan geeri kaa reebi karin ha is go’daadeynin
Oo maalka gurigaaga tuban gacala haw eegin
Buundaad gudbeysaa ogow wabi yar guudkiise
Gadigaana waxaa kuu fadhiya galabsigaagiiye
Waxaan uga gol leeyahay haddaan idin garwaaqsiiyo
Kitaabkayagan laga soo galbiyey samada guudkeeda
Nabi Muxamadoo geesiyana gacanta loo saarey
Ninka gaar maroo qodob u gudey gaala raac noqoye
Geerida horteed diinta maan gebigeen taageerno
Oo maan dastuurada gurracan guba ku luuqeyno
Oo maad giriiftiin wixii gaalo lagu raacey
Rabbi idin ma geliyeen mar kale guuldarriyo ciile
Garaad laawe ina Aadanoow gaasir baa tahaye
Ma gar qaadatiinoo murtidu weydin gudubtaaye
Gunta aqalki aan laga adkeyn gagada aasaaska
Ganbiskoo la naashnaashey baa guri la moodaaye
Adoo gabanadii aad dhashiyo geliyey maalkaaga
Oo gurada dabaq saarey buu gabax yiraah daaye
Markaasaad khasaaraha ku galey gocasho riintaaye
Waxbase lagama gaaroo marbey kula gudbooneyde
Gablan tala aduuney maxey galaba heer joogtey
Maxaase laba is gacaleysan jirey bir isla goobaaya
Maxaa laba gantaala isla dhacay gacal walaaloobey
Ma garaan gar baa dunida sow lagama yool gaaro.

Shirib:
Garaacideedaa gaasirteen asaa gabyowga loo gafaa
Gucunka meelahaan gelshaa garaacidiinu gaasirtaa
Gucuma siibku waa garoo waxaan garaacin caana geel.

Gaaliyo Cawaankeed

Halakan waxaa uu abwaan Abshir Nuur Faarax ku cabanayaa gumaadkii loo geystey reer tolkii oo uu hoggaaminayey Maxamed Faarax Caydiid kaa ay u geesteen ciidamadii huwanta ahaa ee soo galey geyiga Soomaaliyeed dabayaaqadii 1992kii, ka dibna ay isku dheceen kooxdii Caydiid, gaar ahaan gumaadkii 1993kii ay diyaaradaha Mareykanku ku laayeen Muqdisho dhowr iyo toddobaatan odey oo meel kuwada shirayey.

Gaaliyo cawaan keed muddey igu gadaaneyde
Gurmad iyo gargaar been ah baa laygu soo galaye
Waxaase loo gediyey inay garneyl nagu garaacaane
Gun baa nuxur yaroon garan waxii gaal ku soo wado’e
Gurmashadu markay ku habaneyd waanigii galay e
Garna wow lahaa caamadoon dhiiri geliyaaye
Guubaabo iyo shirib waxaan geeyey tiribuunka
Halkaan goolka kaga laadayoon guusha ka iftiinshey
Waxaan dumarka guubaabiyoo gabey u naashnaashey
Geedkaan waraabinahayaad u hargaleysiine
Wadaadadii gujada igu dilow meydin garan siiyey
Gurta miraha guushii helnaye garar yareydeene
Inaan idinku godo gabayga waad galabsaneyseene
Gar waa loo muslime maalintii nala gumaadaayey
Oo gaalku ina leynayoo goob lakala xaartey
Gantaalkii diyaarad ka iyo madaafiicdii goobta

Godka buur hindiyo Olombig wuxuu gorofsanaa maydku
Waxii geed jacel nagu qabsaday geeri loo dhalaye
Iyo gacalki nagu diganayoo ugu gargaaraayey
Soddonki geed jaceel oo tolnimo garabka noo siiyey
Iyo miino gelintii un baad nagu gargaarteene
Shacabkaase geediga malmalan Yunisom gaarsiiyey
Guubaabadii buuna boqorku igu guuleeyey
Afartaa hab aad garan kadhiyo gabayadeydii dhe
Ganuunaca wadaaddada xag jiroo guuxa damin waayey
Gidaar aan isaga oodey iyo gar iyo dowgey dhe
Afar kalana waa gool dhashiyo darajonoo gaara
Gardarrada cadaankaa kuwii nagu gumaadaayey
Nimankii guryaha nagu dunshoo gowda naga taagey
Isticmaarka guunkaa kuwii nala dul gowriirey
Nimankii geleydiyo garneylka isku goosaarey
Gargaarkii naloo ururiyana geliyey jeebkooda
Guurti iyo xeer beegti iyo ubadaan qaangaarin
Nimankii gantaalaha Kobrada gowda kaga saarey
Oo gurigi Qeybdiid ku gubey duulaan garanaayo
Oo mayd garaac noogu daray geeri loo dhalaye
Oo dunida gaarsiiyey warar gubayey laabteena
Oo shaybka geeri u rabiyo god iyo booraanta
Oo cadowga nagu gaafayoo gama’a noo diidey
Gargaarkiina gumac nooga dhigay ruuxa naga gooya
Gardarrana ku taageeray koox gaala dabajooga
Kilintoon garjiidihi kufriga oonakala gaabshey
Markii uu gumaad iyo xasuuq noogu gacantaagey
Oo dunidi gees naga martoo godob naloo qaadey
Oo taladu gabawarantayoo dhiigu galac leeyey
Anaguna go’aan gaarney waa gob iyo xeerkeede
Waxaan godobtii ku colaadinoo gocasha riinaaba
Allaa noo gargaaraye markii guushu inaraacday
Duqay goobayeen bay galliin ula gurguurteene
Gablan talo aduuney maxay galabba heerjoogtay
Ma gariifey Caydiid kufrigii godobi waa keyd e
Ilaahaygi garansiiyeybaan mahada gaarsiiney
Waxay Yunisom noo geysatana geliney diiwaanka
Aan soo gunaanado tixidii igu gulaalneyde
Rag isguursadiyo aydisbaad soo galbinayseene
Iga guura gaaliyo Islaam gacal mayeeshaane
La gadooma dib u gurasho iyo guul dariyo ciile
Gadaalna haygu soo noqon abaal iima aadgeline
Allana meel san kuma geeyo waa galabsigaagiiye
Guri hoogey dega aakhirana gala cadaabtiiye
Afartaa intaan kaga gudbaye gobo kalay dheere
Halkaan gabayga ula jeeday baan idin gudoonsiine
Khamiistii Jimcadu soo goshoo guushu hana qaadey
Faragelintii Yunisoomna ay gabagaboobeysay
Baddii baan isugu gayney iyo galayaxoodkiiye
Waxay galabsadeen bay heleen waa gadaan rabaye
Guntii ururtay naga guure iyo geedo waaqlihuye
Gaaraaya cuuntii bixiyo goroya cow shuye
Ga’yigayagii Yunisoom ka tage gabi ahaantoode
Gonda jiid gadaal dhugada bay xaley ku gguureene
Guddoomiyihi qarankuna wakaa libin ku geegaarey
Oo shacabka gaarsiiyey waa gob iyo xeerkeede
Gablan talo adduuney maxaan galaba heerjoogney

Nimankii guryaha nagu dunshoo gowda naga taagey
Isticmaarka guunkaa kuwii nala dul gowriirey
Nimankii galeydiyo garneylka isku goosaarey
Gargaarkii naloo ururiyana galiyey jeebkooda
Guurti iyo xeerbeegti iyo ubadaan qaangaarin

Nimankii gantaalaha Kobrada gowda kaga saarey
Oo gurigi Qeybdiid ku gubey duulaan garanaayo
Oo mayd garaac noogu daray geeri loo dhalaye
Oo dunida gaarssiiyey warar gubayey laabteena
Oo shaybka geeri u rabiyo god iyo booraanta
Oo cadowga nagu gaafayoo gama’a noo diidey
Gargaarkiina gumac nooga dhigay ruuxa naga gooya
Gardarrana ku taageeray koox gaala dabajooga.

Markii Cadowgi Loo Jabay!

Abshir Bacadle gabaygaan waxaa uu ku bilaabanayaa tuducda ah “Markii cadowgi loo jabay, Culimadina yaaceen.” Gabayga guud ahaan waxaa uu ka hadlayaaa xaaladda Muqdisho ka dib markii maamulkii Maxaakiimta ee uu hoggaaminayay Sheekh Shariif ay ka baxeen gabi ahaanba Muqdisho ka dib markii ay maamulayeen muddo gaaban oo lix bilood ah, muddadaa gaaban waxaa aad isku beddeley xaaladda nabadgelyo iyo siyaasadeed ka dib markii degaaankaa muddo 16 sano ay ka jirtey dhibaato aan la qiyaasi karin.
Run ahaantii qiimaha gabayga waxaa uu muuqanayaa Bacadle oo markii ugu horreysay ka gabyey arrinkaa tan iyo markii ay Muqdisho isaga baxeen Golaha Maxaakimta ka dib markii dowladdii Soomaaliyeed ee uu hoggaaminayay korneel Cabdullaahi Yuusuf iyo ciidan Itoobiyaan ah ay gacanta ku dhigeen maamulka magaalada gabi ahaanba.

Markii cadowgi loo jabay,
Culimadina yaaceen,
Meydku waa cashara dhaaf
Cishiriin hadow sigin,
Ama caga cageyneyn
Cawiyo beriba waa toban

Cayayaanka hoosiyo
Cadad ma leh isbaaradu,
Waa ceeryaamo tuugadu,
Dadkii waa cuburiyeen

Calaladey ka siibtaan,
Casirkii baan xaroonaa,
Caruurta iyo dumarkana
Cilalowga fiidnimo
Cajiin looma diri karo,
Waa loo cabsanayaa
Albaabkaan ku celinaa,
Cishaha looma bixi karo,
Maqribkaa ciriiriya,
Cidima gadato moobayl,
Cadowgiisii baa badan
Oo waa loo cabsnayaa,
Ciribtaanse leenahay
Nabadi waa cakiran tahay,
Nin iyo cududi mooyee,
Cadli iyo garsoor ma leh,
Ciribtaanse leenahay
Cisigi iyo sharaf ma leh,
Xugunkii cadaa maleh,
Amnigii caam ahaa maleh,
Nabadii cukaneyd maleh,
Cosobki iyo ubax maleh,
Cagaar iyo udgoon maleh,
Saxan saxo cosoba maleh
Culumadu nufuud ma leh,
Codkii Sheekh Shariif maleh,
Oo iimaanka culi jiray,
Caqiidadana sixi jiray,
Asleynkana ku caanbaxay,
Shacabkana u ciil tiray,
Ciribtaanse leenahay;
Haddii cadowgi loo jabay
Culimaduna yaaceen,
Raggii waa casilan yahay
Carcar iyo nashaad ma leh
Gabdhihi baa cirkaa mari
Cawiyo barriba aan hoyan
Dhaawicina caawiyay,
Cuniyo daawaba u sida
Gabdhaheenu waa calan,
Cafiyo caafimaad iyo,
Cisiyo sharaf Allow sii,
Ninkii calaf u geeyana,
Saxan saxo cosoba iyo,
Caraf iyo udgoon iyo,
Ilaahow cishqi u saar
Reerka isku celin kara,
Caruurtana u barakee,
Caqiiqada saxaa
Iyo cilmi naaficana sii
Allow cadaawo how cidleyn
Cafiyo caafimaadna sii
Markii cadowgi loo jabay,
Culimadina yaaceen,
Cunadi waa beddelan tahay,
Carabku guustadii maleh,
Caanuhu labeen maleh,
Ciirtayadu subag maleh,
Cambuuladu saliid maleh,
Cusbo malahan suugadu,
Hilib noo cuntama maleh,
Waa caato iyo weyd,
Cayil iyo baruur maleh,
Maraqiisu cabid maleh,
Cusbaa lagu dhanaanshaa,
Khudradu waa canyaayaas,
Caraf iyo udgoon maleh,
Reexaan cosoba maleh,
Biyeheenu waa callow,
Qofkaan caafi gadan karin,
Cudurow u halis yahay,
Carruurtaa u sii nugul,
Ciribtaanse leenahay

Waxaa kaloo cajaa’iba
Maxkamadihii cadliga iyo
Cisiga iyo sharafkiyo
Nabadii carfooneyd
Caradaan ku soo rogay,
Kuwii caayi jirayoo
Ceeb ka sheegi jirayoo
Caddowga soo hogaanshaa
Cabaad koodu baxayaa
Oo soo calaacalay

Allow culumadii keen,
Oo maxkamadii soo celi
Codkoodaan ku heynaa,
Waxba hay cabaadina
Cudur daarna lama rabo,
Caddowga idinkaa waday,
Culumadana kaarahay,
Iska celiya tuugada,
Isbaaradana cirib tira
Ama carara fiidkii,
Waa rag iyo ceebtiiye!

Shirib
Cudur ku doorso caafimaad
Calaqya biirna caana mood

Wuxuu u raaciyay gabdhaha:

Allow cadaawa how cidleyn
Cafiyo caafimaadna sii!