All posts by mktbd

Qeybta 24aad

Markay casheeyeen ayey shantii saaxiib qof walba meeshiisii bixiyey, iyaga oo dayax shan iyo tobnaad ihi dusha ka ifinayo. Waxaanay iskaga sheekeeyeen amuurihii la yaabka la’aa ee ayaamihii u danbeeyey ay soo mareen. “Hadda,” ayuu ku idhi Jetro Ruut, “Bal waxaad nooga warrantaa sidaad Maysa uu raaci kartay guriga Bataylus. Waanu ka war haynaa sida iyada loo soo qafaashay ee adiga sidee wax kuugu dhaceen?” “Wuxu si deg deg ah ayey wada ahaayeen,” ayey ku jawaabtay Ruut, “Markii hore waxannu maqallay sanqadh lugeed; deeto isla markiiba seddex nin ayaa irriddii soo daafadaysay oo isla qacdiiba xaf soo siiyey Maysa. Intaanay qayloba ka gaadhsiinna madax iyo mijoba waxay kaga duubeen maro. Mid ka mid ihina aniga ayuu igu soo jeestay oo wax uu igu dhuftay garan maayo dhulka ayuu iigu riday. Iminka ma qiyaasi karo waqtiga aan meeshii aallay. Hasa yeeshee markii aan soo miiraabay ee hareerahayga dayey ayaa waxan arkay qolkii oo madhan. Dirqi iyo tu xun ayaan ku kacay; waxanan furay irriddii oo gurigii ayaan dhexqaaday, ilaa irriddii weynayd ee bannaanka. Kolkaasaan arkay afar nin oo Maysa gaadhifaras ku tuuraysa. Isla markiiba xaggeedii ayaan isku sii daayey. Raggii, mid ka midaa se intuu middi iila soo baxay xaggaygii isku soo malmalay. Markaasaan ku qayliyey oo idhi, “Anna i raaciya haddii aad doonaysaan in aan aamuso, haddii kale inta aan qaylo afka gacanta galiyo ayaan askarta idiinku yeedhi.” Markaasaa raggii intay wax ay yeelaan garan waayeen ayey xaggaygii soo eegeen. Anna intay aamusnaayeen ayaan waydaartay oo gaadhifaraskii koray, waxaanan ag fadhiistay Maysa. Waana la nagu kaxeeyey.”

“Si geesinima ah ayaad yeeshay, Ruut,” ayuu ku yidhi Jetro intuu gacanta garabka ka saaray, “La’aantaa hadda halakan maynu wada joogneen, innaga oo socdaalkan dheer u baxayna. Haddana waxay ila tahay labadiina gabdhood qolkiina aada oo si fiican useexda.” Cabbaar ayey Jetro iyo saaxiibbadii intaanay seexan kasii sheekaysteen socdaalka dheer ee ay gelayaan. Naakhuudihii iyo raggiisiina waxay ku hawlanaayeen sidii ay ugu diyaarin lahaayeen doonnida in ay ambabaxdo waa ku dhawaadka. Sidaas awgeed waxba kama ay maqleyn arrimaha ay Jetro iyo saaxiibbadii ka wada hadlayeen. Waxanay taasi siisay Jetro kalsooni in aan socdaalkoodan baxsiga waliba dadina ogaan.

Mar alla markii cadceeddii soo casaatay ayaa doonnidii xadhigga loo gooyey. Neecaw fudud baa gadaal kaga dhuftay, waxayna foodda saareen xaggay qulqulka biyaha webiga ka soo dhacayeen. Dareen riyaaq ayaa saaxiibbadeen laabtooda galay. Gadaal waxay kaga yimaadeen halis dhimasho ah, hortoodana waxaa ka muuqday xiddiggii saadaasha iyo nolol cuddoon.

Sidaasay socdaalkoodii webiga ay maaliniba maalin isu dhiibtay. Gabdhuhu subaxdii iyo galabtii ayey intay doonnida ka daadegaan webiga daantiisa ag lugeeyaan; si luguhu ugu adkaadaan oo ay iskugu diyaariyaan socdaalka dheer ee ay lamadegaanka ku mari doonaan.

Socdaalkii qaybtii hore waxay u dhamaatay markii ay soo gaadheen magaalada la odhan jiray Siyeen (oo imika loo yaqaanno Aswaan). Ilaa meeshan socodka biyuhu aad bay u degganaayeen, doonniduna si fiican ayey u mari karaysay. Wixii halkaa ka roganse dhulka ayaa kor u kaca oo socodka biyaha ayaa noqonayey mid halis ku ah doonni-ku-marka. Waxaa kale oo jirtay in dadka ay markaa ka dib sii dhexmari doonaan ay ahaayeen kuwa laaya socotada.

Waxaas oo halis ah iyaga oo bogga ku haya ayey Siyeen yimaaddeen. Waxanay joogeen seddex maalmood. Waxay iyagu iska jeclaayeen in ay maalintaaba hore u ambabaxaan. Waayo in kasta oo xukunka Masar beryahaas dhaafsanaa meeshan, haddana waxay Siyeen ahayd magaaladada ugu danbaysa ee askartu ku baadho socotada. Hasa yeeshee waxa ku kallifay in ay sii joogaan iyada oo caado ahayd in la nasiyo ragga doonnida ka shaqaynaya dhawr cisho si ay ugu tabaabushaystaan webi-marka dhibta leh ee ka horreeya. Waxaaba kale oo jirtay in ay noqotay in ay habboon tahay in aanay iska dhigin kuwo degdegsan oo baxsad ah.

Intii aanay Siyeenba hagaag uga ambabixin ayuu webigu kor u kacay oo doonnidii xawaarihii biyaha ee ka hor imanayey la cifdhabatay. Naakhuudihii ayaa qoladeeni rakaabka ahayd u sheegay in ay hadday doonaan iska ag socon karaan doonnida webiga daantiisa, gaabinta ay doonnidu gaabinayso awgeed.

Markaasay afartii dhallinyarada ahaa ay ag lugeeyeen. Mar marka ay dabayshu yaraato ee shiraaca doonnidu isku dhacana xadhgo ayey ku jiidayeen si aan daadku dib ugu celin.

Bil hadday socodkaa webi marka ah ee gurguuradka ah ku jireen ayaa waxay yimaadeen Semneh oo ahayd magaalada ay ku ballameen naakhuudka doonnida in uu gaadhsiiyo. Magaaladaa ayuu xukunka boqorka Masar ku joogay. Halkaa marka la joogo webigu bari ayuu u gudbaa ilaa boqol iyo labaatan mayl; dabadeedna koonfur ayuu u leexdaa; ka dibna galbeed – ilaa uu haddana marka uu magaalada Merow la odhan jiray (magaalada Khartuum ee maanta) marayo uu koonfur u baxo.

Ganacsatadu yaalaa halkii ay wareeggaa dheer ee webiga ay soo mari lahaayeen ayey socdaal dhulka ku gudbi jireen ilaa ay Merow gaadhaan. Inta aanay Semneh ka ambabixin horta waxay isku urursan jireen koox dhowr ah oo hubna sidata.

Sidaa waxa lagama maarmaan ka dhigtay lamadegaanka Semneh iyo Meraw u dhexeeya ayaa meel aan Masar iyo Meraw midna laga xukumin oo halis ah yaalaana ay dhici jirtay in budhcaddu weerarto ganacsatada, waxa ay sitaan ka dhacaan.

Ganacsatadii Semneh joogtay ayuu ka ogaaday Jetro in jidka ugu sahlani uguna dhaw ee ay Badda Cas ku gaadhayaan yahay ka webiga ee u dhexeeya Semneh iyo Al-Makhriifa (oo imika Barbar loo yaqaano). waxay deeto gadeen waxa ala wixii ay alaabo ay ganacsiga ugu soo talogaleen, in yar oo ay kooxda ilaalada ay ku kaxaysan doonaan ugu talo galeen mooyaane waxa loo sheegay in uu jidkaasi halis badan yahay sidaas awgeed waxay la noqotay in webiga iska maraan ilaa ay Al-Makhriifa gaadhayaan, ka dibna ay socdaalka dhulka gali doonaan. Waxa kale oo habboonaatay in ay sugaan ilaa lix bilood. Marki ay dhamaadeenna koox doonyo ah oo baxaysay ayey raaceen.

Dhibaatooyinkii socdaalkaa ay kala kulmeen waxay ahaayeen kuwo aan la koobi karayn, Qiyaastii ilaa lixdan mayl haddii ay socdeen ayaa waxay soo gaadheen meel webigu aad u dhuuban yahay oo labaadiisa daan buuro yihiin, biyahana la moodo in ay meel sare ka soo dhacayaan. Doonyihii ayey joojiyeen, oo intay daantii webiga u baxeen ayey raggii oo dhami isugu tageen oo kolba mid xadhgo dhaadheer ku jiideen ay wada dhaafiyeen meeshii halista ahayd. Habeennimadii ayey rakaabkii oo dhami degeen webigii daantiisii. Shixnaddii ay doonyuhu sideenna way soo dejiyeen oo waxay ka dhigteen derbi ay ku gabbaadaan. Sidaa si le’eg ayey habeen walba markay doonyaha joojiyaan u degayeen meel webiga daantiisa ka mida. Markay seexdaanna waxay buurta dusheeda dhigayeen ilaalo uga digta cadawga.

Qeybta 23aad

“Iminka iyo haatan, Jetro,” ayuu yidhi Amuba, “maxay kula tahay in aynnu yeello? Hadda durbaba waa habeen; waxaana ila habboon in aynnu baxno. Ma kula tahay in aynnu gaadhi faraska ka faa’iideysan karno?” Jetro ayaa cabbaar yar aamusnaa oo ra’yigii ka yar fikiray. Deeto yidhi, “Waxaan u malaynayaa intuu aad u yar yahay oo aanu inna wada qaadi karayn. Hase yeeshee mid baynnu yeeli: Waqooyi ayeynnu u kaxayni si dadku u moodaan raadkiisa in aynnu geestaa u baxsanay.”

“Aniga haddaba gaadhi faraska ayaan diyaarin,” ayuu yidhi Amuba, “adiguna Jetro hawla badan ayaa berri ku sugaya. Waana lagama maarmaan ah in aynnu doonni iyo sahay badan iibsanno. Imika sida ugu habbooni waxaa weeyaan in aad labadiinnu gabdhaha kaxaysaan oo gaysaan gurigii Jigron; idinna meeshaynnu ku dhuumanaynay aaddaan. Sida muuqata, lagama yaabo in durba la inna raacdeeyo, waayo kolka wadaadkan iyo wiilkiisan aynnu dillay caawa gurigoodii laga teebo, waxaa loo qaadan donaa in ay halkan u hoydeen. Ugu horraynna waxaa suurtagal ah in maqnaashahooda laga shakiyo ilaa berri galinka danbe, Markaana u malayn maayo in warku magaalada ku faafin doono wax ka horreeyaa subaxnimada danbe. Haddana anigu gaadhi faraska ayaan hal maalin socod waqooyi u kaxaynayaa ka dibna waan soo lugayn doonaa oo habeen dambe ayaan idiin iman doonaa.”

“Waxay ila tahay in fikradaasi aad u fiican tahay,” ayuu yidhi Jetro, “imikana horta intaynaan tagin waa in aan guriga wixii dhexyaalla oo dhan qulaba geddiyaa oo aan u ekaysiiyaa sidii oo ay tuugo u soo dhacday. Inna keen, Amuba aad ila caawisid hawshee.” Jetro iyo Amuba ayaa gurigii dabo iyo dacal u rogay oo u ekeysiiyey sidii oo tuuga jabsatay. Dahabkii iyo alaabtii kale ee qaaliga ahaydna ceelkay ku gureen. Deeto kuwii ay xidheen ayey hubsadeen in ay furan karayaan iyo in kale. Amuba ayaa dabadeed, intuu labadii faras ee gaadhifaraska jiidayey ceelka ka waraabiyey gaadhifaraskii woqooyi ula ambabaxay. Kooxdii kalena waddaday cagta saareen ilaa gurigii Jigron.

Habeenkii oo intii badnayd tagtay ayey gurigii u soo dhawaadeen, waxayna la noqotay in waqtiga oo aad u dambeeya awgeed ay habeenkaa dibadda baryaan, labadii gabdhood waxay galiyeen god dhagax laga dhex qoday. Jetro iyo Jebronna godka afaafkiisa ayey seexdeen. Waa ku dhawaad hadday tahay ayuu Jetro u kacay xaggii guriga. Sanqadhii u horraysay hadduu dareemayna irridii ayuu garaacay. Markii laga furay ayuu uga warramay Jigron wixii dhacay oo dhan. Jigron markuu maqlay geeridii Bataylus iyo wiilkiisa, aad ayey fajac iyo baqdin u galisay waxaanu yidhi. “In kasta oo ay niman xun ahaayeen haddana dhimashada Bataylus oo kollay noqon lahaa Wadaadka Sare ayaa laga yaabaa in ay cadhada ilaahyada Masar ku riddo. Inanta yari iyadu danbi kuma lahayn; aad baanan raali uga ahay inaan qariyo ilaa inta aad baxsanaysaan.”

Jigron, dabadeed, wuxuu iskugu yeedhay khaadimadiisii: waxanu u sheegay in qolo saaxiibadii ah oo marti ihi yimaadeen; waxanu ku amray in ay qol u diyaariyaan. Deeto labadii gabdhood ayuu qolkii galiyay iyaga oon cidina arag, waxanu u yeedhay habar addoon ahayd oo gabawday oo uu isyidhi waad ku xog qarsan kartaa. Waxaanu habartii ku amray in ay addoomaha oo dhan galiso warka ah in qoladan martida ahi yihiin qolo saaxiibadii ah oo xagga beeraha u socota, ayna joogi doonaan dhawr saacadood ka dibna qolada ay u socdaan ay u keeni doonto gaadhifaras ay ku gaadhaan, meesha ay u socdaan.

Markuu intaa dhameeyey wuxuu ku soo noqday Jetro si uu ula diyaariyo waxay ambabaxa uga baahnaayeen. Ugu horraystii waxay u kaceen xagga webiga. Halkaas oo ay joogeen, doonyo badani. Mar alla markii la maqlay in dooni kira ah ay raadinayaan ayaa waxa ku soo xoomay kuwii doonyaha lahaa; iyaga oo mid walba doonidiisa xayeysiinayo – orodkeeda, nabadgalyadeeda, habboonaanteeda iwm. Cabbaar markuu indha indheeyey Jigron ayuu ugu danbaystii doortay mid uu is yidhi tanaa ugu habboon. Waxay ahayd mid aan cuslayn oo gudaheeduna waasac yahay; laba qayboodna leh. Waxa fuushanaa hal naakhuude iyo afar nin oo shaqaala ah. Markiiba waxa lagu heshiiyey qiimihii. Dabadeed Jigron iyo Jetro ayaa israacay, waxayna soo gadeen wixii socdaal webi ay uga baahnaayeen oo dhan. Waxay soo gadeen bucsharad ay ugu talo galeen in ay uga ganacsadaan dadka ay sii marayaan, iyo qalab kale oo aad u muhiim ah oo ay ka mid yihiin fallaadho, warmo, seefo iwm. Goor casar gaaban ah ayaana wax walba u dhamaadeen. Dabadeed waxay ku noqdeen gurigii. Halkaas oo Jetro gabdhihii kula kulmay; ka dibna wuxuu u kacay xaggii buurta ee ay ku dhuuman jireen; waxanna uu arkay Amuba oo soo noqday, “Wax walba ma hagaagsan yihiin?” ayey labadii will warsadeen markuu u soo galay. “Haa,” ayuu ugu jawaabay. “Waxaan soo diyaarinnay doonidii iyo wixii aynnu u baahnayn oo dhan. Waxaa kale oo aan soo iibiyey bucsharad aan ugu talo galay in aynnu kaga ganacsanno dadka deggan Merow iyo Badda Cas dhexdooda.”

“Imikana adigu ma gurigii ayaad ku noqonaysaa,” ayuu yidhi Amuba.

“Haa,” ayuu ugu jawaabay Jetro, “Waayo waxaynnu bixi doonaa marka cadceeddu soo baxdo. Idinka, waxaa habboon, in aad meel guriga ka yar durugsan nagu sugtaan; ka dibna sheedda naga soo daba socotaan. Doonnida marka hore meel magaalada ka yar durugsan ayaa la innoo soo taagi doonaa si aynaan magaalada u dhexgalin. Laakinse waxaa loo baahan yahay in aad dhar kale xidhataan si aan la innoo garan.”

Isla habeennimadii oo goor danbe ah ayuu Jetro ku soo laabtay meeshii ay ku dhuumanayeen, waxanu labadii inan u sheegay, “Magaaladii, oo dhami warkii mooyaane wax kale ma hayso. Waxase aad mooddaa in aan dadku labada gabdhood ee guriga ku xidhnaa aanay kaba warqabin. Sidaa darteed waxba kuma jabna haddii Ruut iyo Maysa ay Jigron iyo aniga doonida noo raacaan; idinkuse waxaa ila habboon in aydaan isla mar nala fuulin annaga. Waxaa idiin halis yar idinka oo ilaa tuulada Mita oo labaatan mayl koonfur inooga jirta u sii lugaysaan. Halkaasay deeto doonnidu soo joogsan doontaa habeen danbe oo aydin marka dhulku madoobaado naga raaci doontaan. Waxanan kala ballami doonaa naakhuudaha si aanaan idiin, dhaafin.”

“Hubaal waa fikrad wacan,” ayuu yidhi Amuba, “Waayo Jebron aad bay dadku u yaqaanaan, oo isaga oo sidiisaas ah oo dharkiisaa gashan markaaba waa la garanayaa. Marka waxa habboon in sidaa uu Jetro ku taliyey aan yeello. Iminka iyo haatan anigu maanta iyo xalay ayaan socod ku soo jiray oo waxaan u baahnahay in aan waxoogaa yar seexdo.”

“Iska seexo, anigaa maanta oo dhan hurday oo ku toosin doonee,” ayuu yidhi Jebron. Dabadeed intuu dibadda fadhiistay ayuu xiddigaha fiiriyey. Markuu muddo fadhiyey ee ay la noqotay in waqti laba saacadood lagu qiyaaso ay xidhigihii cirka gudbeen ayuu toosiyey Amuba. Dabadeed labadoodii waxay xidheen dharka ganacsatadu xidhato; waddada ayeyna cagta saareen oo waxay gaadheen wabiga daantiisa. Kolkay qiyaastii labo mayl u jiraan tuuladii Mita, ayey meel geedo badan oo webiga daantiisa ah u leexdeen oo geedaha hoostoodii seexdeen. Wax yar ka dibna waxay la kulmeen Jetro oo raadinayey. “Wax walba ma hagaageen?” ayuu yidhi Amuba. “Wax walba,” ayuu ugu jawaabay, “dhakhsadase aan fuullo doonida e. Gabdhihii baa wali ka shaki qaba in aad soo nabadgasheen iyo in kale. Inkasta oo aan u sheegay in aan wax dhib ihi jidka idinka helayn.”

Dabadeed wuxuu u hor kacay ila doonnidii oo ay ku xidheen meel tuulada halka webiga kaga toosan ku yar durugsan. Markay doonnidii fuuleen ayuu Jetro yidhi, “Waa kuwan walaaladiin. Waxaan soo helay iyaga oo iska wareegaya oo ilawsan in aad idinna la sii sugaysaan cashadii.”

Wiilashii markay qaybtii doonnida ay gabdhuhu ku jireen oo ahayd qol yar oo ah ilaa afar mitir iyo saddex mitir oo gudub ah, ay soo galeen ayey Maysa farxad la warraaqday, kuye, “Ilaahyadaa mahad leh, mar labaad isku keen wada keenay, imikay ii tahay aniga.”

Kolkaasaa nin shaqaalihii ka mid ihi soo galay isaga oo cunto u sida. Markuu ninkii tagay ayuu Jetro u xanshashaqay saaxiibadii oo yidhi, “Arrin baa jirta aan doonayo in aan idiin sheego. Waxay ila tahay in aynaan magacyadeen runta ah isugu yeedhin, si aan loo garan cidda aynnu nahay. Aniga waxad iga dhigaysaan aabbihiin, waayo waan idinka weynahay, Aabbo inaan ahayna waa la imoodi karaa. Amuba isaga waxaynu u bixinaynaa, AMaysan; Jebronna, Jefo.”

“Anigana Miitas ii bixiya. Ruutna Miita ayeynnu odhanaynaa,” ayay raacisay Maysa.

Sidaasaani saaxiibadeen magacyo cusub ula wada baxeen si ay dadka u khaldaan oo aan loo garan ilaa iyo intii ay Masar ka baxayeen.

Qeybta 22aad

Jebron baa deeto u tagay gabdhihii, “Madax furashadayda adaa leh, Ruut, waligay ilaawi maayo,” ayuu ku yidhi Ruut.

“Adba waadigii yaxaaska iga nabadgeliyey.” “Anigu Blekso waan legday ee si wax u dhaceenba garanmaayo,” ayey Ruut ugu jawaabtay. “Adaa naftayda nabadgaliyey,” ayuu Jebron ku celiyey. “Blekso oo igu soo maqan maan dareemin ilaa aad qaylisay kolkaana waxba iskama dhicin kareen haddaanad adigu legdin. Waxaanse ku weydiiyey sideed halkaan ku timid? Markii Maysa la soo qafaashay wax ku arkayey lama sheegine.”

“Si kasta ha u dhacdee waxa lagama maarmaan ahayd oo khasab igu noqotay in aan Maysa agteeda la iga waayin,” ayey tidhi Ruut. Intaanay Ruut hadalkii dhamayn ayey Maysa la soo booday, “Oo adigu sideed halkan ku timid, Jebron?” “Taasi waa sheeko dheer, walaal. Mar danbaanan kaaga sheekayn doonaa ee waa kuwan kuwii kalena soo socda. Runta haddaad doonayso labada nin baa nabadgalyadaada leh,” Maysa ayuu ugu jawaabay.

Maysa ayaa xaggoodii ku dhaqaaqday markii Jetro iyo Amuba soo dhawaadeen. Kuye, “Jetro, aad baan u dareemayaa waxa aad ii gasheen. Haddii aan Ruut ila joogin si aan ahayba ma garteen. Ma malaynaysid sidaan u farxay markaan codkiina maqlay.”

“Taannu faraxnay ayaa ka weyn markii aannu idin hellay,” ayuu ugu jawaabay Jetro, “Amuba iyo anigu aad baannu ugu riyaaqsan nahay in aannu naftayada kuu hurno. Imikana gidigeen ina mariya aan guriga geesta kale ka marno. Halkaas baynu ku sheekaysan doonaa isla markaana sheedda ka eegi doonaa; wixii guriga u soo dhawaanaya.”

Halkii bay gurigii geesta kale oo geedo kuraasi hoos taallo lahaa u wareegeen. Wax waliba markaa nabad iyo xasiloonaan ayuu ku sugnaa. Jebron isaga waxay la ahayd waxyaalihii ayaamihii u danbeeyey dhacayey inay ahaayeen riyo xun oo yaab leh.

“Hadda, wax walba ka hore waxan doonayaa in su’aalahaygii la iiga jawaabo. Aabbahay iyo hooyaday sidee xaalkoodu yahay?” ayey tidhi Maysa. Jetro baa Amuba gacanta qabtay oo gees ula yar dhaqaaqay, Jebronna ku yidhi, “Annagu waannu kaa yar tagi doonaa ee uga warran Maysa sida ay wax u dhaceen. Waxay ila tahay in ay habboon tah ay inaad adiga oo kali ah u warranto.” Ruut baa iyana kursigii ka kacday oo damacday in ay labada walaalaha u faqdayso. Hase yeeshe Maysa ayaa gacanta ku dhegtay oo ku tidhi, “Ha iga tegin Ruut waan farkanaxsannahaye.” “Waxad ii sheegtay,” ayuu ku bilaabay Jebron, “in ay kugu yidhaahdeen aabbaheen baa dhintay; iyo in aan anigu u sabab ahaa dilkii bisaddii Bawkis.” “Haa; ee laakiin maan rumaysan — kollay taada. Haddana markaan xusuusto raggii badanaa ee gurigeenna irriddiisa tubnaa waxan ka yaabayaa waxay ii sheegeen in ay run tahay – laakiinse Jebron, alla! walaal, ma run baa?” “Maysa! Waa run sidaasi! Waxaan jeclaa in aan agtiisa ku dhinto; waxaadse ogtahay oo jirta in aniga iyo Amuba aannu maqnayn. Jetro baa aad ugu dagaalamay, jeclaana in uu ku ag dhinto. Aabbaheen baase ku amray in uu aniga i ilaaliyo. Inaan dilay Bawkis? Taasina waa run, Maysa.” Maysa ayaa argagax waraaqday. Ruut baa ku soo booday oo bogga ku qabatay oo ku tidhi, “HubaaI, Maysa, walaalkaa kas uma dilin bisadda. Sidaa haddii loo eegana danbi kuma lahaan karo.” “Si kasta ha ahaato,” ayay Maysa la oohin warraaqday, “haddana kollay waa bisaddii amranayd — Bisaddii Bubaysta!”

Jebron baa deeto si tifaftiran walaashii ugaga shoekeeyey sida ay bisaddii u dhimatay iyo sida isaga iyo Amuba ay maydkeeda u qariyeen. “Markaan aabbaheen u sheegay. wuxuu igu yidhi, waxba ha ka baqan cadha ilaahyada,” ayuu ku soo gooyey Jebron. “Waan arkaa in aadan ulakac u dilin bisadda, oo aadan sidaa ahaan danbi ku lahayn; ee sidee bay ku dhacday in aabbaheen ku yidhaa ilaahyadu cadhoon maayaan?” ayey weydiisay. “Kuuma wada sheegi karo wixii uu yidhi oo dhan hadda; in kasta oo aan maalin uun kaaga wada warrami doono. Waxaad ogaataa aabbaheen in uu nin wanaagsan oo caqli leh ahaa. Sidaasaanan doonayaa in aad xusuusnaato markaan tago, oo aanad danbi isaga saarin.”

“Alla!” ayey tidhi oo qoorta iskaga duubtay isagii, “Maxaad u tageysaa oo aad cidladan nooga tageysaa?”

“Dadkii Masar oo dhami aniga iyo Amuba ayey raacdeysanayeen. Markaa waa in aannu lafahayaga la baxsanaa. Imika hadda meel fog ayaanu sii socon lahayn haddii anan dartaa u joogin in aanu ku hello oo ku badbaadinno,” ayuu ugu jawaabay.

“Haddii wax kasta oo ay ii sheegeen ay run tahay,” ayey tidhi Maysa, “Markaa waxa iyana in ay run tahay laga yaabaa warqaddii ay i tuseen ee ay igu yidhaahdeen hooyadaa ayaa kugu soo amraysa in aad Blekso guursato. Markaa waxan la yaabay sida ay arrintaa iigu amri karto iyada oo og sidaan Blekso araggiisa u necbaa.” “Oo maxay warqadda ku soo tidhi,” ayuu su’aalay Jebron. “Waxay soo tidhi; sharafdhac weyn baa qoyskeenii ku dhacay; markaa waa in aad mabsuud ku noqotaa guurka Blekso.” Jebron baa cabbaar aamusnaa markuu intaa maqlay.

Waxa uu xusuustay in aan hooyadii labadooda midna aad u jeclayn; deeto wuxuu yidhi, “Waxan ka yaabeyaa in warqaddaasi run tahay, Maysa.” “Laakiin, waligay guursan maayo Blekso,” ayey ku dhawaaqday iyada oo cadhaysan, “aabbaheen goor walba waxa uu i odhan jiray waligaa ha guursan nin aad naceb tahay.” “Waa runtaa,” ayuu ayuu ugu celiyey, “waligaa guursan maysid Blekso — waayo waabu dhintay.” “Oo markaa maxaa hadda sameeyaa?” ayey tidhi. “Waxaad ku noqonaysaa hooyadeen, wax kale oo aad samaysaa ma jirto.” “Maya! Waligayna joogsan maayo meel ay joogto,” ayey tidhi, “waligeed imay jeclayn. Imika hadda aniga oo aan doonayn ayey Blekso ii dhisi lahayd — iyada oo og sidaan u necbahay. Maya, Jebron, wax ii gayn karaa ma jiro. Iyada ayuumbaa iska fikirta, waligeed sidaas ayey ahayd waanad og tahay in sidaas tahay, Jebron.”

Jebron baa aamusay. Wuxuu ogaa in waxa ay Maysa sheegaysaa run yahay. Ugu danbaystii ayuu Jetro oo ku soo laabtay yidhi. “waxase dhibaatadu tahay, xaggeed tegi, Maysa? Meel allaale meeshii aad tagtaba, hooyadaa ayaa maqlaysa; markaana khasab bay kaaga dhigi in aad ku noqoto.” “Waxaan raaci Jebron, adiga iyo Amuba,” ayey ugu jawaabtay. “Ma suurtoobayso taasi,” ayuu yidhi Jetro, “waxannu u baxaynaa socdaal aad u dhib iyo halis badan. Waxannu sii maraynaa dad iyo dhul aynaan waxba ka aqoon.” “Intaad martaanaba waan mari. In aan dhinto iyo in aan dhulkan sidaad uga tagteen uga tago. Waa halkii aabbahay lagu dilay; hooyadayna damacsan tahay ninka ugu horreeya ee xoolo badan ii dhisto. Adduunyadii markaa Jebron baa iigu hadhay; halkuu tagaanan tagayaa; halkaa ku dhintaanan ku dhimanayaa.”

“Maysa,” ayuu Jetro cod murugo leh ku yidhi, “arrintani waa arrin culus. Haddii aadna raacdo oo ay taada noqoto waa in aad beerka u dhigayso wax allaale wixii dhib iyo shiddo ah ee aan la kulanno; gaajo, oon, dugaag, dadqalato, wax walba way innaga horreeyaan. Waxa haddaa dhici kara in gabigeenaba la inna qabto oo addoon la iibsado lagaa dhigo. Waa socoto raggu dhib ka muto, dumarna hadalkooda daa. Laakiin hadday taasi kaaga soo go’day oo aad calool adayg iyo dhiirranaan la imanayso, waxaan filayaa waad na raaci kartaa.”

Intaa hadday maqashay ayey farxad la qaylisay kuye, “Ballan baan ku qaadayaa, Jetro, wax kastaa hadday dhacayaan; dhib, halis, dhimasho — in aan beerka u dhigo, oo aan calool adayg iyo geesinnimo la imaado.”

Qeybta 21aad

Inkasta oo qaflad lagu qabtay haddana uma liicin Bataylus ee seeftiisii ayuu la baxay oo wuu soo booday, kuye, “Waar darmaa tihiin? Oo yaa halkan idin keenay?” Waxay ugu jawaabeen, “Waxaannu nahay kuwa aad dhiiggooda doonayso. Annana waxannu u nimid in aannu xaqa meel marino. Sidaad Ameres geeridiisa ugu sabab noqotayna in adna ku dillo.”

Bataylus baa seeftii la booday. Intaanu laba tiigsanba Jetro baa budhkii weynaa uu sitay u taagay oo seeftii laba ugu kala jabiyey. Bataylus baa intuu labadii gacmoodba laalaadsaday oo Jetro si xun isha ugu gubay yidhi, “Ma waxad ku dhacdaa in aad disho Wadaadka Sare ee ilaaha Osiris?”

“Waxba igama galin waxaad tahay. Waxaanse hubaa in aad tahay ninkii sayidkaygii dilay!” Deeto intuu budhkii mar labaad u taagay ayuu Wadaadkii Sare madaxa laba isle’eg ka dhigay.

Isla waqtigaa ayaa Blekso oo qaylo doon ku maqnaa soo galay isaga oo saddex kale wadaa. Jebron iyo Amuba waxay ku eedanaayeen dagaalkii Bataylus iyo Jetro dhexmarayey oo may dareeminba ee shaw Blekso ayaa middi kula soo maqan xagga Jebron.

Qaylo ayaa dayaantay waaba inantii Ruut oo dhexda iskaga martay Blekso. Labaduba dhulka ayey iskula dheceen. Ruut iyadu markiiba way kacday; Blekso isagu far danbe ma uu dhaqaajin.

Wax yar ayey seddexdii nin ee Blekso la soo galay ka fajacsanaayeen sida saaxiibadood loo galay dabadeed midbaa bahal waran ah ayuu la soo booday; markiibase Jetro ayaa budka u dhigay oo madaxa dhan qaaday. Labadii kale ayaa intay baqdeen dib isku taagay, “Warmaha daadiya, waar!” ayuu ugu hanjabay Jetro, iyana deg deg ayey amarkiisii u maqleen. Jebron isagu hadda intuu maryihii habarta ee uu xeetadda awgeed u gashanaa iska bixiyey oo uu middidii iska dhigay ayuu xagga irridda gaadh ka qabtay. Jetro iyo Amuba iyagu raggii ayey garbaduub u xidheen.

Amuba iyo Jebronba waxay garteen in uu doonayo in aan nimankani ogaan cidda ay yihiin. Maysa iyadu farxad — qayliskii u horreeyey dabadeed, kursi meesha yaallay ayey ku dhacday. Intii dagaalkii yaraa socdayna indhaha ayey ka qaraanaysay. Ruut baase iyadoo aamusan ag taagnayd; markii ay Blekso ku boodday mooyaane. Ruut nafahaanteedu waxay kastay ujeeddada uu Jetro magacyadooda u qarinayo sidaasaanay hoos ahaan ugu sheegtay Maysa.

Jetro markii xidhiddii labadii nin uu dhameeyey ayuu Bleksa oo wali dhulka yaalla, ku jeestay. Hadduu jirjircadka u rogay ayuu foodhi yaabtiin hoos u yeedhshay. Dabadeed Jebron ayuu la hadlay intuu magac kale ugu yeedhay, “Waar gabdhaha dibadda u saar oo halkaa la joog ilaa inta aannu kuu imanayno.” Jebron baa markaa Maysa iyo Ruut dibaddii u saaray.

Hadday dibaddii uun u baxeen ayey inantii Maysa isku duubtay oo farxad la hadaaqday, “Jebron! Alla walaal! Kolkay ugu darrayd ayaa Ilaahay idin keenay, Waxaan yeelaba maan garteen haddii aanay Ruut ila joogin. Laakiinse! Walaal, alla! Maxay waxyaalo xun xun iiga idin sheegayeen — waxaase kollaba run ma aha. Waxay igu yidhaahdeen aabbaheen waa la dilay, waxa kale oo ay lahaayeen adiga ayaa dilay bisaddii Bawkis. Maanse rumaysan anigu — waayo waxan ogahay in ay giddigood rag xun xun yihiin.” “lska ilow waxaasoo dhan hadda,” ayuu ku yidhi Jebron, “Imika waxa inna horyaal waa sidii aynnu meeshan ugu baxsan lahayn. Jetro iyo Amuba ayaa sida ugu habboon inoogu talin doona. Oo waxaan ku weydiiyey dad kale ma joogaan guriga?” “Wax rag ah nin baa jooga. Habarina guriga xaggiisa kale ayey joogtaa. Waxan u malaynayaa in ninku gaadhifaras irridda weyn ee bannaanka ku ilaalinayo,” ayey Ruut ku jawaabtay. “Waxay ila tahay in aan intaa u soo sheego Jetro,” ayuu yidhi, deeto wuxuu ku noqday qolkii oo Jetro ayuu warkii u soo sheegay. “Horta habarta aynu ku horayno,” ayuu yidhi Jetro markii loo sheegay. “Dabadeedna intaynu guriga gadaashiisa ka soo wareegno ayeynu ninka qaflad ku qaban doonaa. Waayo waxa laga yaabaa in uu maqlayey qayladii iyo buuqii oo markaa haddii aynnu xagga irriddu uun kaga nimaanno waxa suurtowda in uu baqdo oo deeto ku baxsado gaadhifaraska.”

“Laakiinse waxaad ilowday in aad Blekso gacmaha ka xidhi,” ayuu la soo booday Jebron. “Blekso wuu dhintay,” ayuu ugu jawaabay Jetro, “middidii uu damacsanaa in uu adiga kuugu dilo ayuu ku dul kufay oo isagii dishay.” “Maxaadse Amubana ‘wiilkaygayow’ u lahayd; anigana magaca kale iigu yeedhay,” ayuu haddana yidhi Jebron. “Waxay ujeeddadaydu ahayd in nimankan aan maxaabiista ka dhignay aanay garan cidda aynnu nahay. Marka la arko waxa aynnu meesha ka gaysanayna la moodo in ay tuugi u soo dhacday oo ay laysay Blekso iyo aabbihii.”

Markiiba dabeed waxay soo qabteen habartii. Afartii maxbuus ayey midba qol gooni ah ku xidheen. “Waligaa laba maxbuus meel laguma wada xidho,” ayuu yidhi Jetro, “goor walba waa inaad taa xusuusnaataa. Maxbuus kaligii meel ku xidh, waligiiba wuu kuu xidhnaan. Laba maxbuus meel ku wada xidh, hubaal waa kuwii baxsada. Kol uu midba midka kale xadhiga ka qanqaniino iyo kolba si ay yeelaanba, kollay waa kuwii baxsada.”

“Hadda maxaan yeelaa?” ayuu yidhi Amuba. “Adigu, Jebronow, gabdhaha u tag, inta aniga iyo Amuba kannu ka gaadhifaraska lagu ag sheegayo arrimihiisa farasamaynno,” ayuu yidhi Jetro.

Qeybta 20aad

Maalintii danbe ayuu Jebron iska soo dhigay habar gabowday oo soo xidhay dhar habareed; waxanu soo qaatay danbiil ubax ah oo la hor fadhiistay irriddii guriga reer Bataylus. Siduu filayey ayey Blekso iyo aabbihii ka soo laabteen kaniisaddii, saacad ka dibna Blekso ayaa intuu fuulay gaadhifaras yar oo laba faras jiidayso, ayuu ka baxay gurigii. Jebron halka uu fadhiyey waxa uga muuqday meesha uu jidku ku kala weecdo waddo woqooyi toos ugu baxda iyo laba bidix iyo midig u kala baydha — mid xagga webiga u baxda iyo mid buuraha u leexata. Blekso markaa wuxuu qaaday waddadii xagga buuraha u baxaysay. Waxaaba suurta gal ahayd inuu muraad kaleba u socday hase yeeshee Jebron waxay la noqotay in uu kollay ku socdo halka ay Maysa ku qarsoon tahay.
Fiidkii markay labadii kale isu yimaadeen ayuu Jebron ku yidhi, “Casar dheer ayuu baxay; waxanu u toosay xagga buuraha.” “Waa in aynnu halkaa isku sii taagnaa,” ayuu yidhi Jetro, “Waxa laga yaabaa in uu hadda soo dhaw yahay. Jebron, adigu aayar soo soco ilaa halka uu jidku ka weecdo. Amubana laba mayl ayuu ka sii shishayn doonaa. Aniguna meel laba mayl Amuba ka sii durugsan ayaan isa sii taagi. Haddii uu, sida aynnu filayno, halkaa maanta marayna, berri ayeynu kobtaa ka sii wadi.”

Mar allaale markii uu Jetro gaadhay halkii uu joogsan lahaa ayaa wuxuu maqlay gariir meel ka baxaya; wax yar kadibna waxaba soo galay gaadhifaraskii oo kaga duulinaya. Jetro deeto wuxuu u noqday xaggii magaalada waxayna dhexda ku kulmeen Jebron iyo Amuba, oo iyana xaggiisa u soo socda.

Habeennimadii dambe ayey Amuba iyo Jetro midha meeshii uu habeennimadii hore joogsaday meel hal mayl ka durugsan joogsaday; Jebronse halkii hore ayaa loo daayey. Nasiib darrose habeenkaa gaadhifaraskii meeshiiba ma soo marin.

Afar habeen markay sidaa habeen walba ilaaladii u ahaayeen ayaa habeen shanaadkii Blekso jidkii soo maray. Waxase dhacday in aanu halkii u Jetro joogay aanu soo marin. Markaa waxa saaxibadeen u caddaatay in uu meel halkaa ay Amuba iyo Jetro kala joogaan u dhaxaysa ka leexday. Waxay mugdigii raad gaadhifaras meel uu ka leexday raadiyaanba ugu danbaystii ayey heleen. Hase yeeshee waxay la noqotay in habeenkaa ayna ku noqon godkii buurka ee ay geedo meesha ka dhawaa ku dhex dhuuntaan, si marka cadceeddu soo baxdo ay si fiican raadka uraacaan. Kama ay filayn in ay halkaa gaadhifarasyo kale maraan; waxayna la noqotay in arroornimada si fiican ay u arki doonaan raadka.

Subaxdii ayey arkeen halkii uu gaadhifarasku ka leexday; hasa yeeshee waddada uu maray oo dhagax ahayd awgeed raadkii ayaa markiiba ka lumay. Halkii bay dabadeed maalinba maalinta ka danbaysa ka wadeen ilaalladii oo ay gaadhifaraskii ku sugayeen. Toddoba cisho markii laga soo wareegay, ayaa Jebron, isaga oo halkii fadhiya, sheed ka arkay gaadhifaras soo socda; gaadhifarasyada halkaa mara oo badnaa awgeed shaki baa kaga jiray in uu kii Blekso yahay iyo in kale. Markuu soo dhawaaday ayuuse gartay in uu kii uu sugayey yahay. Farduhu waa kuwii Blekso. Dharkiisii wadaadnimaduna aad bay bayaan u ahaayeen.

Markan imika ah addoon ma soo raacin ee waxa la socday nin uu u maleeyey inuu Bataylus nafahaantiisa yahay. Gaadhifaraskii baa xuf ku dhaafay oo ku libdhay waddo wax yar u jirta buuraha sintooda. Mar alla markii uu ka qarsoomay ayuu tow yidhi oo isku sii daayey halkii uu Amuba ku sugayey. Halkii bay ka wada yaaceen oo tageen meeshii uu labadooda Jetro u sii taagaan.

“Ma aragtey?” ayuu deg deg u waydiiyey. “Waan arkay geestay u tooseenna waa amaaradsaday,” ayuu ugu jawaabay Jetro. “Ma u jeeddaan geedaha dhexdooda, meesha guriga la moodo? Halkaasay u leexdeen oo ku libdheen. Waxayna ila tahay waa innoo halkaa iyo sidaynu muraadkeennii u dhamayn lahayn.”

“Sidee ugu habboon ee aynnu yeellaa? Ma waxaynnu sugnaa ilaa inta ay soo baxayaan, oo markaas baynnu u dhaafnaa?” ayuu yidhi Jebron. “Maya,” ayuu ugu jawaabay Jetro, “laba xaalo ayaa imika inna hor yaalla. Waa mide waa in aynu Maysa badbaadinaa. Ta labaad waa sidii aynnu Bataylus iyo wiilkiisa wax uga qaban lahayn. Kollay Bataylus meesha wax kale uma imaan ee wuxuu isku dayayaa in uu u hanjabo gabadha, si uu ugu qasbo in ay ogolaato guurka Blekso. Miyey gabadh yar oo da’deeda ihi iska dhicin kartaa ninkaas oo kale? Waxa laga yaabaa bahalkan Blekso in uu dhawr jeer isku dayey in uu is jeclaysiiyo, ayse diidday; sidaas awgeedna Bataylus u yimid in uu u kaalmeeyo.”

“Amuba iyo aniga waxaanu qaadan doonaa laba budh oo waaweyn; adna ablayda ku qarso maryahan habarteed sidato abadeed gebegoodba kedis baynu ku qaban. Waxaa laga yaabaa in qarinta uu sirtiisa qarinayo awgeed aanu ciidan badan soo kaxaysan, ee laba ilaa seddex nin, iyo ama naag addoon ah, wallow ay suuro gal tahay in afartii nin ee soo qafaashtay ay ayana la joogaan. Xataa haddii ay laabaatan yihiin, waxba ha ka baqanina waynu u bir dhigi doonaaye.”

Halkii bay deeto ku dhaqaaqeen xaggii guriga meesha geedaha leh ee buuraha sintooda ah ku yaallay ilaa ay soo gaadheen guriga dabadiis. cabbaar ayey la rafteen hasa yeeshee way iska shubeen dayrkii. Deeto qunyar ayey gaadgaatyeen ilaa darbigii guriga. Jetro baa markaa intuu gacanta u taagay labadii kale, dhegta u dhaweeyo dariishadii oo dhawaaq dhegeystay; waxanu maqlay cod uu gartay in kii Bataylus yahay oo leh: “Anigu ma doonayo niicniicdan, Maysa. Hubaal guurka Blekson waad ku badhaadhi doonta. Markaa jawaab dhakhso ah ayaa kaa sugayaa. waxaan kaa rabaa in aad ku ballan qaado in aad ilaahyada hortooda sidaa ka qirran doonto. waxaa kale oo aan kaa doonayaa in dadka aad ka hor qirato in aan sidaa cidina kuugu khasbin joogiddaada halkan ee aad adigu iska timid adiga oo ka xun kana cadhaysan dhiilada uu walaalkaa gaystay. Haddii aad sidaa yeeli waydo waxa kugu dhaca anigu kuma jiro.”

Dabadeed cod ay qoladeenii dhawaaq dhegaysanaysay ay maleeyeen in uu kii Ruut yahay ayaa hadlay, oo yidhi, “Ha maqlin, Maysa. Waa beentii, dheg ha u dhigin.” Haddana waxay ku jeedsatay Bataylus, “Ma sidaasaad ku tahay Wadaadka Sare. Ilaahayada aad leedahay waan caabudaa hadday waxaad inantan yar ku samaynayso kula oggol yihiin ilaahyo ma aha. Hadday ilaahyo yihiin oo aanay dhagaxaan aad meesha qotomiseen uun ahayn, kobtaa aad imika joogto ayey kuugu dili lahaayeen oo kuumay oggolaadeen in aad waxaas oo kale ku kacdo.” Intaa hadday cod dhiirran ku tidhi ayuu Bataylus cadho la oogsaday oo intuu garabka soo gundhigay, gabigeediiba gilgilay. Iyana lamaba ay sugine, dharbaaxo ayey la tiigsatay oo labada indhood hadhsatay. Dib intuu u booday isaga oo cadho wajigii ximirkaa cas noqday, kuye, “Blekso! Iisoo qabo! Wasakhadda.” Halkaa markay arrin marayso ayey qoladeenii dhawaaq dhagaysanaysay intaa ka badan sugi kari waayeen, oo irriddii ayey xoog ku daafa deeyeen.

Qeybta 19aad

Habeennimadii danbe goor cawaysin ah ayuu Jetro isaga oo kaga duulinaya soo dhacay. Hadduu daf soo yidhi godkii dhagaxa ahaa ee ay ku jireen labada wiil ayuu warkii uu siday dhiibay, kuuye, “Qas kale ayaa dhacay, Maysa ayaa la qafaashay.”

Jebron iyo Amuba ayaa mar kali ah istaagay, “Maysa ayaa la qafaashay!” ayey kol kali ah ku wada dhawaaqeen, “Yaa sidaa yeelay? Goormaa la qafaashay? Sideed ku ogaatay?”

“Markaan idinka tagay, waxan toos dhuumasho ugu galay magaaladii waxana halkaa ka ogaaday wixii dhacay oo dhan. Hawlihii oo dhami way istaageen; dadkuna waxaan dhimashadii aabbahaa iyo bisadda ahayn kama ay sheekaysanayn. Boqorkiina wuxuu amar ku bixiyey in labadiinan iyo kuwii aabbahaa dilayba la soo qabto. Baadhis baa tuulooyinkii iyo magaalooyinkiiba lagu hayaa wixii la garan waayena inta la xidho, ayaa la itixaamayaa oo la maraanmayaa.”

“Dabadeed waxan tagay gurigeennii. Kolkaan beertii yarayd ee guriga hortiisa ku taalay sidaa ugu baxay ayaa waxan arkay habar addoomihii guriga ka mid ah oo ooyeysa. Markaan u dhawaaday waxan gartay in ay addoontii Maysa tahay deeto dhegta aan ugu qabtay ciddaan ahay, markiibana way i garatay. Si aynu u hadlin baan dabadeed farta u taagay, waxanan u kaxeeyey meel yar oo doc ah oo aan cidi na arkayn.

“Alla! Jetro,” ayey tidhi, “sayidaddii yarayd ee Maysa waa la waayey!” “La waayey!’ ayaan idhi, “Maxaad u jeeddaa?” “Markii dadkii badnaa ee bisadda raadinayey u jabeen xagga beerta guriga ka dambaysa ayaa afar nin galeen guriga. Waxan deeto maqlay qaylo, wax yar ka dibna waxa soo baxay afartii nin oo sidda wax aad qof mooddo oo maro weyn ku duuban.” Cabbaar baan hadli kari waayey, dabadeedna waxan xusuustay Ruut.

Markaasaan habartii waydiiyey, oo Ruutna aaway? ‘Garan maayo,’ ayey iigu jawaabtay, Kollayba lama raacin Maysa. Haddaan qolalkii oo dhan ka raadinayna, il iyo baar maanaan saarin.” Halkaa markuu Jetro hadalkii marinayo ayuu Jebron yidhi, “Laakiinse maxay Ruut u baxsatay? Sidaad sheegtay, kolkay askartu guriga yimaaddeen ka dib wax halis ah oo ku soo foolahaa ma jirine.” “Taa waxba kama odhan karo,” ayuu ku jawaabay Jetro, “Habartu wax arrintaa ku saabsan iguma kordhin. Meel kaloo aan war ka heli karayeyna ma jirin; waxanay ila noqotay in aan dhakhso u soo noqdo.”

“Ilaa intii aan socday oo dhan waxan yar goobayey sidii aan wuxuun uga ogaan lahaa ciddii Maysa qafaashtay.” “Waxan u malaynayaa in aynnu socdaalkii aynu ku baxsan lahayn maanta bilaabi karayn,” ayuu yidhi Jebron, “sina uma tegi karno ilaa aynnu ogaanno waxay Maysa ku eeddan tahay.” “Waa runtaa,” ayuu raaciyey Jetro, “waa waajib i saaran in aanan meella u bixin ilaa la helo gabadha, Aabbahaa aad buu iigala ballamay nabadgelyadeeda in kasta oo aanay markaa isaga u muuqan sidii aynnu wax ugu tari lahayn waayo wuxuu filayey in mar haddii ay iyadu hooyadeed ka ag dhawdahay aan wax dhib ihi gaadhayn. Imikase waxaa cad in ay aad innoogu baahan tahay.”

“Sida ii muuqata arrintaa Bataylus uun baan eedeed saari kamaa,” ayuu yidhi Amuba, ujeeddadiisa oo dhami waxa weeyaan in ay Maysa u xidhnaato ilaa darajada Wadaadka Sare la siinayo. Dabadeed markaa haddii boqorku guurkaa ogaado, Maysa sinaba kuma diidi karto.” “Waxay ila tahay waa runtaa Amuba. Su’aasha inna hortaallaase waxa weeyaan: Maxaan yeellaa? Illayn iyada oo gacanta Bataylus ku jirta kama tegi karnee,” ayuu yidhi Jebron. Jetro baa dabadeed dhaar xaf ku siiyey oo yidhi, “Ballan waxaan kuugu qaadayaa Jebron, in wax kasta hadday dhacayaan, aanay reer Bataylus gabadhaa guursan. Haddaynu Maysa wayno, kollay ma Blekso iyo aabbihii ayeynu waayi. Intaynaan Masar ka teginna waa inaan labadaba gacantayda ku dilaa; waayo iyaga ayaa u sabab ahaa dilkii aabbahaa.”

Iyaga oo hadalkii halkaa marinaya ayaa Jigron u soo galay, “Waxan doonayey in aan ogaado in Jetro soo noqday iyo in kale,” ayuu yidhi, “Waxanan u malaynayaa in aydaan dhuumashadii halkan ku sii raagi karayn. Askarti baa meel kasta baadhaysa; mar aan dheeraynna halkan bay imaan doonan. Waxay markaa ila tahay meelo kale oo godad xabaalo loogu talagalay oo buurta dhankeeda shishe ku yaalla in aad gashaan. Intaan cadceeddu soo bixin baanaynnu tegi halkaa oo aan idin tusi doonaa.”

Markuu waagii dillaacay ayuu haddana u soo galay. Buurtii ayey koreen. Cabbaar markay socdeen ka dib ayaa waxa ka soo hor baxay dhagax weyn. Dhagixii ayey dhanka kale ka mareen; waxayna arkeen god afkiisu dhagax ku yaallo oo gudihiisa marka hore loo sii eego qol weyn oo kale la moodo. Meeshu waxay ahayd xabaal nin sare samaystay.

“Waa halkan meesha aan is idhi way ugu habboon tahay in ay ku dhuuntaan. Xabaalaha kale way ka yar durugsan tahay, oo cidina in ay u soo dhowaato lagama yaabo. Dhagaxan ag yaallana waxa loo dhigay in afafka lagu awdo. Markaa marka aad gashaan ayeydin god afkiisa ku awdi, si aan waxa ku jiraba loo tuhmin. Meesha ninkii samaystay beri dhaweyd ayuu dhintay oo maydkiisii la dhigay. Wiilkiisa ayaa ii sheegay in aanu dhababayn waayo hooyadii oo iyana aad u bukta ayuu filayaa in aanay sii noolaan doonin oo u markaa maydkeeda halkan dhigi doonaa. Maalintu waa in aanaydin ka soo bixin habeenkiisa meesha aad doontaan ayaad mari kartaan. Waxan idiin keeni wixii aad cunto iyo dhar u baahan tihiin. Waxa kale oo aan idiin hayaa lacagtii uu Ameres iigu kiin dhiibay.”

Markii uu Jigron ka baxay ayey seddexdii saaxiib xabaasha ibrinkeedii soo fadhiisteen oo kor ka daawadeen magaaladii oo bannaanka weyn ee ka hooseeya ku taallay. Cabbaar ayey deeto halkii falanqeeyeen tabaha ay wax ku qabsan lahaayeen.

“Waxaan rumaysanahay,” ayuu yidhi Jebron, “in muhimaddeennu horaysaa tahay in aynnu daba galno Blekso. Bataylus waxa laga yaabaa in uu ku mashquulsan yahay sidii looga dhigi lahaan Wadaadka Sare. Waxana markaa suuragal ah in uu Blekso kol kol tago halka ay ku qariyeen Maysa. Sidaynu ognahay haddaanay ku qarsoonayn gurigiisa isaga uun baa inoo hor kici doona meesha ay ku eeddan tahay.”

“Waa flkrad wanaagsan,” ayuu yidhi Jetro. Jebron baa hadalkii sii watay oo yidhi, “Si aynaan ugu baahan in aynnu goor walba gurigiisa ka ag warwareegno, waxay ila tahay in aynnu dhakhso u ogaano meelaha uu maro oo dhan. Waxaan soo iibsan doona danbiil ubax ah oo aan la hor fadhiisan doonaa irridda weyn ee gurigiisa; idinna iridda danbe iyo dhinac ayeydin iska taagi doontaan. Waxaan filayaa in uu casarka ka soo laaban doono kaniisadda: saacad ka dibna laga yaabo in uu u baxo meesha qarsoodiga ah. Waxan anigu markaa ogaan doonaa jidka uu raaco. Marka habeennimada aynnu isku nimaadno ayeynu seddexdeenuba jidkaa uu maray, seddexmeelood oo labo labo mayl isku jirta kala joogsan doonaa. Waxaynu markaa ogaan doonaa ilaa inta, uu jidkaa u raacay hore u sii socday. Maalintaa ayeynu ka qiyaas qaadan doonaa.”

Qeybta 18aad

Haatan cadceeddii baa dhacday oo dhulkli baa soo madoobaaday. Jetro iyo labadii inan baa u kacay xaggii ninkii iyaga basaasayey fadhiyey. Ninkii baa xaggoodii isna u soo dhaqaaqay si uu u hubsado dadka ku soo socdaa waxay yihiin. Hadduu u soo dhawaaday ayuu Jetro hadal la’aan kula booday oo qaarihii madaxa ku qaaday, kiina afkuu dhulka daray, isaga oo aan juuq yarina ka yeedhin.

“Haddaanu cidna inoogu soo qaylinayn,” buu yidhi Jetro intuu yara qoslay. Deeto intuu qaarihii degta u ritay ayuu orod kadla ah xaggii magaaladu ka xigtay u hor qaaday wiilashii. Waddadii weynayd ee magaalada tagaysay ma uu marine wuxuu qarda jeex jaantawadhay beeraha dhexdoodii waxanu afka u saaray buuro yar yar oo magaalada gees kaga soo jeeday. “Xaggeed innagu waddaa, Jetro?” ayuu Amuba waydiiyey ugu dhanbayntii. “Waxan innagu wadaa ninka la yidhaa Jigron halkuu deggan yahay. Ameres bay ka wada hadleen siduu meel aynnu ku dhuummano inoo siin lahaa hadda.”

Waxay gucleeyaanba waxay gaadheen gurigii Jigron oo ku yaallay buuraha hoostooda. Jetro ayaa dabadeed kalidii ku dhaqaaqay irriddii oo garaacay. Irriddii waxa ka furay addoon.

Addoonkii baanu ku yidhi, “Kaatunkan u gee sayidkaaga, una sheeg in aan doonayo in aan la hadlo.” Dhowr daqiiqo ka dib ayaa Jigron nafahaantiisii isa soo taagay irriddii isaga oo kaatunkiina gacanta ku sida. “Soo gala,” ayuu yidhi, markii uu ogaaday wuxuu u socday Jetro, “Wax walba waan idiin sii diyaariyey waayo Ameres baannu ka wada hadallay in aan aamini karo ninka kaatunka amaarada ahaan u sita.” Dabadeed wuu horkacay oo gurigii buu dhex mariyey, waxanu ka saaray irrid kale oo xagga danbe ku taallay. Waxay u soo baxeen meel dibad ah, hortoodana ku beegan yahay dhagax weyn oo buurta salkeeda ahaa. Jegron baa haddana cabbaar sii horsocday, waxanu hor joogsaday god afkiisu dhagaxa ku dhexyaallo «Meeshatan waxa samaystay nin maalqabeen ah oo reer Tebis ah beri hore. Wuxuu ugu talo galay, baa la yidhi, in lagu xabaalo isaga iyo qoyskiisa markay dhintaan. Isagii wax ku dhacay garan maayo; meeshase waligeed waxba laguma qabsan. Idinkaanan, markaa, hadda idiin diyaariyey, wixii aad u baahan lahaydeenna idiin dhigay. Waxaanay ila tahay in ay idin anficayso, halkaa gala oo ku dhuunta.”

Halkii bay dabadeed galeen oo uu tusay meesha gudaheedii; faynuusna meel rako ah u saaray; waxanu ku yidhi, “Maan moodayn in aad dhakhsahaa u imanaysaan; sidaas awgeedna casho idiinma sii diyaarin. Imikaanse idiin keeni doonaa.”

Jebron baa dhowr eray oo mahadnaq ah yidhi; hasa yeeshee wuu sii wadi kari waayey waayo hadalkii murugo darteed, waana sii wadi kari waayey. Mar alla markii Jigron baxay baa Jebron ku soo jeestay Jetro oo ku yidhi, “Jetro hadda ii warran sidee wax u dheceen. Aabbahay ma nool yahay? Mise waa la dllay?”

“Jebron,” ayuu ku jawaabay Jetro, “aabbahaagii wanaagsanaa waa la dilay; waxana dilay dadweynihii waallaa ee soo xoomay ee ay hor socdeen wadaaddadii khaa’iniinta ahaa. Anigu markaa waxaan joogay beerta guriga ka dambaysa. waxan maqlay qaylo iyo sawaxan guriga xaggiisa hore ka baxaysa. Haddaan soo wareegayna waxaan arkay dad aan xaddigooda la qiyaasi karayn oo irriddii weynayd ee dibadda isku soo maqiiqay. Markay irridii soo jabiyeen ee ay guriga hortiisa isa soo tubeen ayuu aabahaa soo baxay oo ku yidhi dadkii, “Dadyahow soo ururay, maxaad doonaysaan?”

Kuwii hortiisa taagnaa ayaa yar aamusay; hase yeeshee kuwo xagga danbe ka soo cidhiidhiyay ayaa qayliyey oo yidhi, “Aaway bisaddii muqaddaska ahayd illaa waa illaa waa in aannu helnaa!” Ameres baa ugu jawaabay, “Haddaad doontaan meesha oo dhan baadha. Waxanse idinka rajaynayaa in aydaan aqalka galin. Waxa ku jira dumarkii qoyskayga oo aan ka baqayo in ay idinka cabsoodaan. Waxan ballan idiinku qaadayaa in aanay bisaddii ku jirin aqalka; lyadda oo nool iyo iyada oo dhimatay midna.” Dabadeed waxay ku dhawaaqeen, “Beerta ka raadiya.” Waxan arkayey in qaarkood ay wateen eey, waxana markaa i gashay baqdin ah in ay kollay soo heli doonaan. Deeto mid shaqaalaheenii ka mid ah ayaan u diray in uu askar u yeedho; anna waxaan dhexqaaday buugii. Dhaqaaqii aan dhaqaaqay ayaa waxan dareemay gacan garabka i taabatay. Haddaan soo jeestayna waxan arkay Ameres, waxanu cod deggan igu yidhi, “Xusuusnow, Jetro, wixii aan kufaray.”

Intaanu hadalkiiba ii dhamayn ayaa waxanu maqallay qaylo cadho iyo dagaal ah oo ka yeedhaysa xaggii dadku u jabay. Markiiba waxa ii caddaatay in eeydii ay wateen mid ka mid ihi helay maydkii bisadda, waayo sawaxankii waxa laga dhex maqlayey dhawaaq ah, “Bisaddii muqadaska ahayd waa la dilay.” Waxana ku xigtay in dadkii haddana xaggayagii u soo jabeen, “Baxso Jetro, baxso. Waa amarkiisii u danbeeyey,” ayuu yidhi Ameres. Wayse ila noqon wayday in aan amarkiisii addeeco. Waxan arkayey dadkii oo cadho iyo dhagari indhahooda ka muuqato, waana la isla kaaya soo jiidhay oo dhowr jeer baa dhulka la i dhigay oon kolba kacay. Dabadeed sidii waxan riyo ku jiro ayaa waxan ahaa sidii oo aan maqlayo amarkii aabbahaa ee u danbeeyey. Dadkii baan isku qaaday oo aan damcay in aan ka dhiciyo Ameres, waase la iga xoog roonaaday. Kol kali ah ayuun baa gabigiisiiba la jiidhay oo la dul maray; waxana iigu arag danbaysay isaga oo dhulka yaalla, oo mayd ah. Askartii aan u cid diray baa iyana timid— maxayse ka tari, waa goor lagu kala tegay. Sidaa markii xaal u dhacay ayey aniga ila noqotay in aan xaggiina u soo cararo oon warka idiin soo gaadhsiiyo, si aynnu markaa lafaheena ula baxsanno.”

Intii Jetro sidaa u warramayey, Jebron si murugo leh ayuu u ooyayey, Amubana isaga oo nafahaantiisa ilmo ka da’aya ayuu ag taagnaa oo u ka baabi’inayey uurkutaallada. Dhowr daqiiqo kadib ayaa waxa soo galay Jigron oo sida cunto. Markuu Jigron dhigay cuntadii, ayuu Jetro yidhi, “Bal waan baxayaa oo waxan soo fiirinayaa sida waxa u dhacayaan. Waxay ila tahay in ay habboon tahay in aynu si dhakhso ah u bilowno socdaalkaynu ku baxsan lahayn.” “Laakiinse sidaa aad tahay kuma bixi kartid hadda; waayo waxa lagugu garan timahaaga casuusta ah iyo dubkaaga cad. Waxa loo baahan yahay in wajiga iyo timahaba aad madoobaysato; dharkayaga oo kalena aad xidhato.”

Wax yar ka dib ayuu Jigron u ekaysiiyey Jetro nin Masri ah oo kale. Isaga oo aan cidina waxa u yahay soo saari karayn ayuu Jetro u baxay magaaladii si uu u soo ogaado waxa ka dhacaya. Wuxuu islahaa waqti yar ayaad ku noqon doontaa. Hase ahaatee maalintii iyo habeenkiiba way tageen isaga oon soo noqon. Labadii wiilna waxay la noqotay in malaha wax ku dhaceen.

Qeybta 17aad

Maalmo badan ayaa sidii ku tegay ilaa la wada rumaystay in bisaddii, si ay noqotaba, si uun ku dhimatay. Ameres iyo qoyskiisii iyo intii kale guriga la joogtayba, siday caadadu ahayd, ayay u baroorteen. Gurigii iyo intii ku noolaydbana waa la nacladay oo sharafdhac weyn bay muteen. Maalinba maalinta ka danbaysa ayaa cadaawadda iyo nacaybka dadweynuhu u hayeen reer Ameres ay sii weynaanaysay. Kooxo dad ah ayaa ku soo xoomi jiray guriga. Dadkaasoo erayo habaar iyo cay ah ku qaylinayey mararka qaarkood. Xataa marka uu wadaadka weyni ku socdo kaniisadda ee uu dhexmaro dadkaa buuqsan, waa la caayi jirey oo feedha cadho ah loo luuli jiray, inkasta oo aan ruuxna ku dhicin in u far saaro. Mar iyo laba in ka badan ayaa Jebron isaga oo aad uga xun guuldarro qoyskoodii uu u soo jiiday weydiistay aabbihii in uu dadweynaha isku dhiibo oo uu runta bannaanka soo dhigo, waxanu odhan jirey, “Aabbo aniga geerida kama baqayo, ee waa in aad ka fikirtaa hooyaday iyo walaashay waxa haysta. Geerida waxaa aniga igaga daran halista iyo ceebta idin haysta.” Hasa ahaatee taa Ameres dheg uma dhigin.

“Ha moodin in aanan halista aynnu ku jirno arkayn,” ayuu Ameres ku yidhi wiilkiisii Jebron, “markii hore waxan u haystay in arrinta si dhakhso ah loo ilaawi doono; wayna jirtaa in aan taa ku gafay. Bawkis waxay ahayd bisaddii amranayd ee loo xushay in la geeyo kaniisadda Bubaysta; taasaana mushkilladda oo dhan innagu kicisay. Laakiin haddana, anigu sidaan filayo, taasuun maaha waxa dadkii oo dhan sidan innoogu kicisay.

Meeshatan qof innoo cadow ah ayaa ku jira oo ulakac dadka inoogu diraya. Waa laga yaabaa in aan gafo, waxase aan uga baqo qabaa in ninka waxaas oo dhan xaggiisa ay innaga yimaaddeen yahay Bataylus. Waad og tahay oo dhawaan iyuu ku soo noqday Tebis. Intan uu soo noqdayna aad ayuu iskugu keen dhadhaweeyaa; waxayna ila tahay kalgacalo muujiskaa been beenta ah wuxuun buu ku qarinayaa. Inuu kuwii habeenkii kaniisadda shirqoolka ku dhigayey ku jiray iyo in kale garan maayo; waxasen markii horena malaynayey imikana hubaa in qofkaa ay dilkiisa damacsanaayeen aniga ahaa. Imikanna bisaddan dhimashadeeda ayuu ka faa’iidaysanayaa, oo si dhib yar ayuu dadka uga dhaadhicinayaa in aan si uun wax uga ogahay dhimashadii bisadda. Jetro wuxuu shalay iga dalbay in aan u oggolaado in uu bisadda maydkeeda halkii u Amuba ku aasay ka saaro oo meel fog ku soo qariyo. Taasise, waxay ila tahay in ay halista sii kordhin karto.”

Ameres hadalkii isaga iyo Jetro dhex maray uma wada sheegin Jebron. Waxanu ku yidhi Jetro, markaa hore ee ay wada sheekaysteen, “Jetro, anigu waxba lafahayga uma cabsi qabo, waayo waligay ruux bani’aadam ah wax xumaan ah uma gaysan. Inta madaxaygu saan lahaana waxan u hawlanaa waxtarka dadka liita; Hasa ahaatee, arrinta maanta joogta marka la eego, waxa khasab igu ah in aan ka fikiro sidaan Jebron iyo Maysa u badbaadin lahaa, shan kasta oo dadweynuhu aad u kacsan yahay haddana waxa laga yaabaa in ayna Maysa qofna ku dhicin; waxase aan ka baqayaa dad innoo dan lihi in ay dafaan. Adiga, Jetro ah waxan kaa doonayaa in aad sidii Jebron iyo Amuba aad u nabadgelin lahayd ku dadaasho. Haddii halistu intan ka sii badato waxa lagama maarmaan noqonaysa inaad sidii aad u la baxsan lahayd falowgeed qabato. Waxan yaqiinsannahay in kalgacalada boqorkiinii dhintay inankiisa aad u haysaa ay kugu kallifi karto in aad khatar kasta dartii beerka ugu dhigto. Jebronna waa in aad sidaad Amuba iskugu xilqaami lahayd iskugu xilqaantaa.”

“Ballan baan kuugu qaadayaa in aan sidaa yeello, sarreeye,” ayuu ku jawaabay Jetro, “Jebron wuxuu Amuba ula dhaqmay sidii walaalkii oo kale; ilaa maalintii aannu halkan nimid; aniguna waxan ugu abaalgudi karaa aniga oo sidii wiilkayga oo kale naftiisa intaan badbaadin karo ku dirira.”

“Waa runtaa; waana filayey in aan kugu kalsoonaan karo oo aad tahay nin aan wiilkayga ku aamini karo,” ayuu yidhi Ameres. “Waxan lacag idinku filan idiinku dhiibay nin la yidhaahdo Jigron. Jebron baa yaqaanna oo ku tusi doona; waana nin aad isku hallayn karto. Wuxuu kugu garan doonaa oo aad tusi doontaa kaatunkayga (ama faraatigayga); waxanu idin qarin doonaa dhawr maalmood ilaa inta aad ugu diyaar noqonaysaan socdaal dheer oo aad dalka kaga baxdaan. Haddii ay lagama maarmaan noqoto in aad lafihiina u baxsataan waxaad hor iyo horraan foodda u dhigaysaan koonfur si aad dadka idin raacdaynaya, haddiiba ay dhacdo, aad u jahawareerisaan. Dadku waxay moodi doonaan in aad xagga lama deggaanka bari ama badda cas u baxsateen; amba waxay is-odhan doonaan waxay aadeen galbeed si ay badda weyn ee woqooyi u gaadhaan.”

Laba maalmood ka dib ayuu Ameres Jebron iyo Amuba u diray in ay tagaan meel magaalada ka baxsan oo uu beero ku lahaa; waxanu faray in ay halkaa joogaan ila inta ay isaga war danbe ka helayaan. «Miyaanad adna na raacayn ilaa inta uu qalaanqalku xasiloonaayo?” ayuu Jebron ku yidhi aabbihii.

“Kama tegi karo gudashada waajibaadkayga diinta; haddii xataa aan tago nafahaanteeda lagama yaabo in wax rooni inoogu jiraan. Waxan hubaa dadka cadawga innoo ah ee aan iminka ku dhacayn in ay badheedh waxyaallo inoogu geeystaan, ay dadweynaha oo dhan innagu kicin doonaan. Markaa anigu idinma raaci karo ee waxaad ogaataa in aan Jetro kaaga tegay oo uu mu mas’uul kaa noqon doono; Amuba waa in aad ka dhigataa saaxiib iyo walaal labadaba. Nabadgelyo, waxan Ilaaha weyn wax walba isagu abuuray ka baryayaa in uu ku ilaaliyo.”

Habeennimadaa ayaa dabadeed Jebron iyo Amuba oo uu la socdo Jetro ay tuugo ahaan kaga gudbeen jidadkii magaalada Tebis iyaga oo ku socda halkii uu Ameres faray in ay tagaan. Waxay hadhkii gidaarrada isku beegaan oo ay fardihii yar daba socdaanba, cabbaar hadday mugdigii socdeen ayuu Amuba gadaal fiiriyey, intuu gaagabsaday ayuu yidhi, “Waar waa la inna daba socdaa, Jetrow.” “Haa, waan u jeeday goorahanba,” ayuu Jetro ugu jawaabay, “laakiinse hadda innaguma dhacaan, waayo hub innagu filan baynu haysannaa kolleyna waxaan filayaa in loo soo diray in ay inna basaasaan waxa aynnu ku talo jirro. Waxba ha u baqan haddii ay rabshad isku dayaan wax xille ayeynu tusi doonaa.”
Markii ay magaaladii ka baxeen ayey fardihii ay wateen fuuleen ilaa ay meeshii beeraha lahayd gaadheen. Halkaasay dabadeed dhawr maalmood ku dhuumanayeen; Jetrona maalin walba magaalada ayuu dhuumasho ku gali jiray si uu u soo ogaado kolba halka xaal marayo iyo waxa wararku yihiin.

Maalintii shanaad galabnimadeedii ayaa Jetro oo ordayaa cariishkii ay ku dhuumanayeen daf soo yidhi. Labadii inan baa degdeg u sara joogsaday daftii uu ku soo galay, waayo markii ay arkeen Jetro labada dhafoor dhiigu ka da’ayo, hadalkuna diriq kaga soo baxayo. Shaw lix mayl oo magaalada iyo meesha ay joogaan u dhaxaysa ayuu soo orday isaga oo aan marna istaagin. Waxaana ka soo baxday, “Dhakhsada! Daqiiqad ma lumin karno wax walba waa la ogaaday. Baadidoonkii u horreeyeyna hadday xaggeena ku soo maqan yihiin.” “Aabbahayna?” ayuu la warraaqay Jebron. “Hadhow baan kaaga warrami, Jebron. Iminka waqti aan hadal ku luminaa ma jiro. Amarkii aabbahaa waa in la fuliyaa. Waxba ma ka aragteen kuwii inna basaasey?” ayuu deg deg u yidhi Jetro.

“Mid ka mid ah ayaa meel halkaasa fadhiya. Ilaa intii aynnu nimid marna mid wax ka badan ma arag,” yuu ku jawaabay Amuba. “Soo qaataa warmihiinna oo isoo raaca,” ayuu Jetro amar ku bixiyey intuu isna qaare weyn meel halkana kala booday.

Qeybta 16aad

Jebron baa qolkii aabbihii ka soo baxay isaga oo aad mooddo in uu riyo ku jiro farxad darteed. Waxaa aad u yaab galisay oo marna madaxiisii ka bixi wayday naxariis badnaanta aabbihii. Wuxuu filayey, marka loo eego dambiga uu galay, in sidii wax wasakh ah guriga dibadda looga tuuro. Markuu qolkii soo galay wuxuu arkay Amuba iyo Jetro oo halkii ku sugaya. “Aad baan uga xumahay waxa dhacay,” ayuu yidhi Jetro, “kollayba aniga qaska ka dhaca bisad la dilay wuxuu ila yahay waalli; waanse ogsoonahay dhibaataday ku galin karto waxanan kuugu imid in aan kuu sheego inaan diyaar kuu ahay haddii aad rabto in aad baxsato.”

“Waad mahadsan tahay, Jetro,” ayuu Jebron ugu jawaabay, “hadda waqtigan aan joognana garan maayo waxaan ku dhaqaaqayo. Aabbahay waannu iska aragnay arrinta; wax walbana waan u sheegay. Isagaana, markaa, go’aan ka sugayaa.”

“Markaa taa macnaheedu waxay tahay in uu waxa kula qabanayo oo aanu ku sheegayn,” ayuu yidhi Amuba, “Waa sidaasaan filayey. Aabbahaa waa nin maskax leh oo xakiim ah, waxanu ogyahay in aan ilaahyadu kuu cadhoonayn, waayo arrintu kas umaad samayn.”
Halkaa markay sheekadii marayso ayaa waxa qolkii Jebron soo galay adeege; waxanu u sheegay in Ameres doonayo inuu Jebron iyo Amuba arko.

“Waxan labadiinaba idiinku yeedhay,” ayuu Ameres ku yidhi dhalintii markii ay hor yimaadeen, “inkasta oo aanu Amuba waxba isagu dhimin; haddana dadku waxay odhan doonaan dambiga waad u wada jirteen.” Intaa kolkuu yidhi ayuu yara hakaday sidii wuxuu iyaga jawaab ka sugayo; Amubana si deggan yidhi, “Diyaar waxan u ahay, sarreeye. in aan haddii aad damacdo in aad sharciga gacanta noo galiso iyo haddii aad ku taliso in aannu baxsanaba, in aannan sinaba uga ag tagin Jebron.” Ameres intuu madaxa u ruxay hadalkii Amuba ayuu eegay xaggii wiilkiisa.

“Aabbo,” ayuu yidhi Jebron, “inkasta oo aan arrintan iyo arrin walboo kale aan diyaar u ahay in aanan amarkaaga jabin; waxan haddana ka baryayaa in aad ii ogolaato in aan sharciga isku dhiibo. Waxan ahay wadaad, waana waajib in aan sidaa yeelaa.” “Waan filayey in aad sidaa geesinnimada ah u hadasho, aad baanan ugu faraxsanahay,” ayuu yidhi Ameres. “Haddii aan sidaada aaminsanahay in dilka bisaddu danbi weyn oo ilaahyada laga galay yahay, markiiba sharciga ayaan kuu dhiibi lahaa; waxase jirta in aanan anigu sidaa qabin.”

Jebron baa indhuhu soo baxeen oo rumaysan waayey erayada aabbihii afkiisa ka soo baxay. Ameres baa hadalkii sii waday, “Way jirtay in aad su’aalo badan oo ku saabsan diinteenna iyo ilaahyada i waydiin jirtay. Wax jawaab ah kuman siin jirin ee waan kaa aamusi jiray. Iminkase waa khasab in aan fikrad kaa siiyo. Waa mide ilaahyadan aan caabudnaa waa uun dhagaxaan dadku iska samaysteen oo loogu talo galay in ay si uun ugu taagnaadaan quwadda iyo tamarta Ilaaha weyn, oo isagu mid kaliya ah. Dhagxaantan iyo asnaamtan aynnu samaysannay iyagu wax nool ma aha sida dadka badidiisu u haystaan. marka aanu wadaaddo ahaan u tukanayno ama qurbaanka u bixinayno kaniisadda, ma aha ilaahyadan dhagaxaanta ah kuwa aannu waajibaadka diiniga ah u gudanaa ee waxa weeyaan Ilaah weyn oo kale oo aan isaga la arkayn. Sidaas darteed wax xumaan ihi kuma jiraan waxa aannu ku samayno kaniisadda, inkasta oo aan ujeeddada runta ah dadka badidiisu garanayn. Macnaha meesha ku jiraa waxa weeyaan dadweynuhu dhagaxaantaa ayey caabudaan annaga wadaadda ihise waxan caduudnaa Ilaah weyn ee aan la arkayn.”

“Sidaas darteed,” ayuu Ameres hadalkii ku sii waday, “waxba ha ka baqan oo ha moodin in aad ilaahyadii kaga cadhaysiisay dilkaad bisaddii dishay. Bubaysta, ilaahadda magaalada lagu magacaabay ee kaniisaddaa bisadda la gaynayeyna lagu caabudaa naf ahaanteedu waa uun sanam dhagax ah.”

“Alla! Aabbo!” ayaa qaylo kaga soo boodday Jebron, markuu hadalkaa la yaabka leh aabbihii kaga soo baxay maqlay. Markaasuu dhulka isku tuuray oo aabbihii labada jilib ka dhunkaday, “Aabbo! Noloshii iyo kalsoonidii baad ii soo celisay. Iminkaan wax kala garanayaa. Hadday adiga kula noqoto waan baxsan; haddii kalena waan joogi oo wax kasta oo iga hor yimaada beerkaan u dhigi.”

Markay Jebron iyo Amuba ku soo noqdeen qolkoodii, bisaddii ay dileen iyo halista ku soo foolle labadaba way iska ilaaween oo waxa sheekadoodii ka bixi wayday hadalladii Ameres iyo siday uga yaabeen. “Waa cajiib,” ayuu yidhi Jebron, intuu qolkii kolba gees u tallaabsaday, “kolkaan runtii ogaaday hadda waxaabad mooddaa sidii oo aanan waligay marnaba rumaysnayn in asnaamtan dhagxaanta ihi ilaahyadeenna yihiin. Run ahaantii waligayba waan ka fikiri jiray; marnabana isma qanci kari jirin in waxani runtii ilaahyo yihiin, hase yeeshee haddana in aan shakigayga muujiyo waan ka biqi jiray oo waxan is odhan jiray kollay malaha wuxuun baa waxan dadka oo dhani rumaysan yahiin ka jira. Iminka waxay iila eg tahay sidii oo dadweynaha Masar oo dhami wax aad riyo mooddo ku nool yihiin. Maxay, talow, inta yar ee waxan sirta ka danbaysa ogi ay ula noqotay in ay aqoontooda mugdi kula jiraan.”

Islamarkaa halkaa hadalku marayey ayaa waxa si kadis ah qolkii daf u soo tidhi Ruut oo cararaysa, kuye “Bawkis luntay! Kolkaannu aniga iyo Miise ka soo noqonay tamashlihii ayaannu ku leexanay beerta xayawaanka. Waxaanu aragnay gurigii bisadda oo irriddii furan tahay, oo aan bisaddiina ku jirin. Miise waxay ii kiin soo fartay in aad deg deg u soo yaacdaan oo aad bisaddii baadigoobtaan, anna waxan u soo wada yeedhayaa wax alla waxa dumar aqalka jooga si ay raacdada innoola galaan.”

Warkii ahaa in bisaddii Bawkis luntay ayaa markiiba adeegayaashii iyo adoontii guriga wada gaadhay. Hawlihii kale oo dhan baa la wada joojiyey oo waxa uu addoon walboo guriga joogay nin, naag, wiil gabadh — ka qayb qaatay baadidoonkii.

Beertii baa sida ayaxa lagu dhagac siiyey oo geed walba iyo xashiish walba gun iyo baar la fatashay, iyaga oo intaa u baaqayey bisaddii luntay.

Ameres baa isna markiiba soo baxay oo markuu maqlay in bisaddii la la’yahay raggii oo dhan ku amray in guriga iyo inta u dhawba si fiican u baadhaan; dumarkiina wuxuu u diray xaafadihii jaarka oo uu ka codsaday beeraha guryahooda ku ceersan in ay ka raadiyaan bisadda luntay.

Habeennimadii baa baadidoonkii socday. Meel bisaddii sal iyo cidhib dhigtay baa la waayey, Shaw Amuba ayaa si baas u qariyey meydkeediiye. Subaxnimadii danbe ayaa markii bahashii la waayey dadkii baqdin iyo caloolyow galay. Waxa la islamaray in malaha bisaddii eey dilay ama yaxaas qaatay. Qofna isma odhan bahashii ruux bani’aadam ah ayay gacantiisa ku dhimatay, waayo qofna ma malaysan karo nin Masar ah baa ku dhacaya in uu danbi kaasa kale ah ku kaco.

Qeybta 15aad

Isla maalmahaas waxaasi dhacayeen ayaa waxay Jebron iyo Maysa dareemeen in shinbirahoodii carbisanaa. ay yihiin sidii waxay halis ka baqayaan; waayo waxay arkeen shinbirihii oo geedaha dhexdooda aan kaba soo baxayn. “Shaki la’ wax baa jira shinbirahaan ka bajinaya,” ayuu yidhi Jebron. “Fiiri! Dhowr baal baa meesha yaalle; oo qaarkoodna dhiig baabay leeyihiin. Bal aniga iyo Amuba ayna berri subaxda ilaalin doonno; oo intaanu fallaadho qaadanno bal eegayna waxan shinbiraha innaga laynayaa wuxuu yahay.”

Subaxnimadii danbe ayey Jebron iyo Amuba tageen beertii ay shinbiraha iyo xayawaanka kale ee carbisani ku dhaqnaayeen, waxanay ku dhex dhuunteen geedo yar yar oo gaagaaban. Cabbaar ayey halkii ku qarsoonaayeen oo aan waxba dhicin. Mar uun baa, dabadeed, qaylo iyo buuq ka dhacay shinbiraha dhexdoodii, waxaa kol kali ah cirka iska soo shubtay bahal dhufato ah (ama dafato) oo markiiba la xaf tidhi shinbir yar.

Ulamabay sugine, labadii wiil ee yar yaraana laba leeb oo daran ayey ka daba ganeen. Amuba ayaa isagu dhufatadii oo hawada ula sii kacaysaa shinbirtii bogcadka kala helay. Jebronna, inkasta oo isba si qumman u dhoogtay, waxa leebkiisii ku dhacay laan; dabadeedna gees buu u leexday. Amuba ayaa booday oo farxad la qayliyey. Markiibase wuu istaagay, waayo Jebron uun baa isagu qaylo naxdin ah la waraaqay. Markaasaa Amuba inta yaabay dib u eegay. Wuxuu arkay Jebron oo wajigiisii naxdin la madoobaaday, oo sidii qori meel ku qallalay. “War maxaa dhacay Jebron? Oo maxaa ku helay?” ayuu isaga oo fajacsan ku yidhi Jebron. “Miyaanad arkayn?” ayuu Jebron ku yidhi cod hoose oo farka naxsan. “Maxay? Waxba ma arkayo,” ayuu ku jawaabay Amuba isaga oo hareerihiisa dayaya “Leebkaygii! Miyaanad arkayn, waa kii laanta ku dhacay dabadeed u leexday xagga guriga basaaska. Waxan arkayey in mid bisaaskii ka mid ah uu ku dhacay.”

Laba sanadood ka hor bisad leeb si lama filaan ah ugu dhacay, Amuba waabu ku qosli lahaa. Haddase in kaga filan wuu ku noolaa Masar, oo uu ku garto cidhibta camalkaas oo kale ka dambaysa. Bisad uu dilaa waxay ahayd danbiga ugu weyn ee nin Masri ihi berigaa sameeyo; waxaana dhici jirtay in intaan sharcigaba la gaadhsiin qofka sidaa yeela, dadweynuhu kala boobi jireen oo qurub qurub u jarjarayeen, “Si kali ah ayuun baa hadda innala gudboon,” ayuu yidhi Amuba, markay arkeen bisaddii oo dhimatay, “taasina waxa weeyaan in aynu god dheer qodno oo aynnu bisadda maydkeeda ku aasno.” “Ma sidaas baa ugu habboon bay kula tahay?” buu ku celiyey Jebron. “Miyaanay kula ahayn in aan aabbahay u soo sheego.” “Maya, ilama aha,” ayuu ku jawaabay Amuba, “wax kale oo kasta waa daw inaad usoo sheegto. Tanse maya. Waxa ay ku noqonaysaa naxdin, innaga oo ka fikirayna darajada Wadaadka Sare ee uu hayo. Waxanay ku khasbaysaa in uu wadaaddada gacanta kuu galiyo; kuwaas oo iyana islamar ahaantaa kugu xukumi doona in lagu dilo. Sidaas awgeed arrintan waxaynu ka dhigaynaa qarsoodi.”

“Guriga bisaaskaba kuma hagaagi karayo anigu,” ayuu yidhi Jebron isaga oo cod muruga leh ku hadlaya. “Aniga igu daa,” ayuu yidhi Amuba, “ogobeey, aniga bisadi waa ii bisad.” Dabadeed intuu gurigii bisaaska galay ayuu bisaddii maydka ahayd leebkii ka gooyey. Markaasuu gabigeediiba hoosta soo gashaday oo maradiisa ku soo qariyey. Deeto intuu xamaskii iyo geedihii kala dhex baxay, oo meel aan qofna arkayn ula baxay ayuu god dheer qoday. Godkii buu maydki ku riday oo inta carradii si fiican ugu buuxiyey laamo iyo xashiish ku dul daadiyey si aan cidina u tuhmin meesha. Haddana guriga bisaaska ayuu ku noqday oo dhiiggii ayuu dhulkii ka masaxay. Leebkiina biyihii ballayga ayuu ku soo maydhay.

Intaa hadduu dhameeyey ayuu inankii Jebron oo meel halkan ah sida qoriga qotoma ku soo jeestay oo ku yidhi, “lnakeen oo calool adayg. Irridda guriga bisaaska isaga oo furan baynu ka tagaynaa. Kolkay dadku arkaan irridda oo furan oo bisadduna maqantahay; waxay u malayn doonaan in ay baxsatay. Adiguna waxaad iska dhigtaa sidii oo aanay waxba dhicin.”

“Laakinse sidee baan iskaga dhigi karaa sidii oo aanay waxba dhicin?” ayuu yidhi Jebron, “Adigu, sidaad sheegtay, bisadi waa kuu bisad. Anigase dambi ka weyn oo aan geli lahaa ma jiro. Kun jeer buu ka xun yahay ninka bisad dilaa ninka qof bani’aadam dila xaggayaga.”

“Bisadi waa bisad,” ayuu Amuba yidhi, «Waan kasayaa sidaad dareemayso, walow ay aniga bilaamicne ila tahay. Kumaankun bisadood ayaa Tebis jooga, Qushigooda, kuwaa mid ay kaniisadda geeyaan ha ka doorteen laakinse meesha halisi way ku jirtaa, haddii ay wadaaddadu ogaadaan in aynnu bisaddii dilnay kimis dambe calaalinmayno.” “Adiga waxba kaagama jiraan,” ayuu yidhi Jebron, “Looma baahna in aad danbi aanad galin dartay ugu dhimato.”

“Maya, Jebron,” ayuu ku adkaystay Amuba, “Arrintan weynnu wada galnay. Laantu siday leebkaaga u leexisay uun bay kaygaba u leexin lahayd ee maqaadiir uun baa meesha ku jirtay. Fikraddaan anigu bisadda ka haystay waxba ma kordhinayso. Waxa uun ka xaasil ah in dadka Tebis ku nool bisadda ilaah u haystaan. Haddii dhimashadeeda la ogaadana la ina laynayo. Sidaas awgeed waa in aanaynnu haba yaratee tusin dadka in aynnu arrintaa lug ku leenahay.”

“Waa in aan aabbahay u tagaa oo aan u soo sheegaa,” ayuun buu Jebron kol kali ah la oogsaday, “Ilama habboona in aan aabbahay wax ka qariyo.”

“Waa si wanaagsan,” ayuu yidhi Amuba, “oo waxba kama qabo, anna waxaan u tegi doonaa Jetro oo aan uga warrami doonaa sida wax u dhaceen. Run ahaantii isaga bisad leeb ku dhacay macne caynkaas uma samaynayso; wuuse fahmi doonaa halista meesha inoogu jirta. Haddii in aynnu baxsanno ay lagama maarmaan noqotana si weyn buu wax inoola qaban doonaa, Waxbana ha ka yaabin xaggiisa sirba daayoo, waa nin aynnu nolosheenna oo dhan ku aamini karno.” Jebron baa dabadeed xaggii guriga u dhaqaaqay.

Hadduu gurigii galay wuxuu markiiba isku sii daayey qolkii aabbihii. Deeto intuu irriddii hoosta ka soo xidhay ayuu aabbihii hortiisa labada jilib u dhacay oo sujuud wejiga dhulka saaray.

“Jebron!” ayuu yidhi Ameres intuu buuggii uu akhrisanayey dhigay oo uu sarajoogsaday, “Maxaa dhacay aabbo? Maxaa kugu kalifay in aad ii sujuuddo?” Jebron baa madaxa kor u qaaday, laakinse hadalba wuu ka soo bixi waayey.

“Waa maxay, aabbo?” ayuu Ameres hadalkii mar labaad ku celiyey isaga oo hadda dareemay in arrintu ba’an tahay.

“Saaka ayaannu, aabbo, aniga iyo Amuba anaga oo gantaalo wadana damacnay in aannu dilno dhufato baryahanba shinbiraha carbisan naga laynaysay. Markii dhufatadii na soo kor duushay ayaannu labadayadiiba kol kali ah wada toogannay, leebkii Amuba ayaa dhufatadii ku dhacay oo halkii ku dilay; kaygiise intuu geed laantii cuskaday ayuu gees u leexday. Leexashadii ayuu deeto ku dhex dhacay gurigii bisaaska. Halkaas oo uu ku dilay Bawkis, bisaddii Maysa ee laba maalmood oo kaliya ka hor loo xushay in lagu beddelo bisaddii amranayd ee dhimatay ee Kaniisadda Bubaysta,” ayuu warkii ku soo koobay Jebron. Wadaadkii Sare ayaa wajigiisii baqdin iyo anfariir dusha uga soo baxay. Markaasuu dib uga yar joogsaday wiilkiisii.

“Wiil yar oo nasiib daran dheh!” ayuu yidhi, “Boqorku awood uu cadhada dadweynaha kaga nabadgaliyo malaha, haddii inankiisu taad fashay oo kale falo.”

“Lafahayga uma baqayo aabbo,” ayuu yidhi Jebron, “Tan i gubaysaase waa danbiga weyn ee aan galay; iyo ceebta iyo sharaf dhaca aan adiga iyo hooyaday iyo walaashay u soo jiiday.”

Ameres baa isaga oo aamusan oo foorara qolkii kolba gees u tallaabsaday, “waa in aynnu sharaf dhaceenna dul u yeelannaa!” ayuu yidhi ugu danbaystii isaga oo cod deggan ku hadlaya, oo aad mooddo in hadda anfariirkii ka yar damay; “adiga weeyaan kaannu badbaadadiisa ka fikiraynaa. Runtii masiibo ba’an baad gaysatay, hasa ahaatee maqaadiir uun baa meesha ka dhacday. Inkasta oo ilaahyadu siday wax u dhaceen u qaadanayaan oo aanay wax ciqaab ah kuu gaysan doonin. Nasiib darradu waxa weeyaan; maqaadiir iyo maqaadiir la’aan dad weynaha waxba ugama jiraan. Waxay uun iyagu arkaan in aad danbiile weyn tahay. Su’aasha iminka inna hor taallaa waxay weeyaan: maxaynnu yeellaa? Iminkadaa xataa waxa laga yaabaa maydkii bisadda in durba la helay.”

“Ma dhici karto sidaasi aabbo, waayo Amuba ayaa intuu meel aan qofna arkayn god dheer ka qoday, ku aasay maydkii.”

“Si habboon buu yeelay Amuba taasina waxay inna siinaysaa waqti aynnu arrinta kaga baaxaadegno,” ayuu yidhi Ameres.

“Maxay noloshu ii tahay mar haddii…” intaannu Jebron hadalkaa calaacalka ah dhamayn ayaa aabbihii gacanta kor u taagay oo ka joojiyey, yidhina “Inaad danbi gashay ilama aha aniga; taasina ima dhibayso iminka sida dadka badidiisa anigu arrimaha uma haysto; waxana intaa igaga filan in aan kuu sheego in aanad waxba taa isku ciilkaambiyini, waa in aynnu hadda isla eegnaa sida ugu habboon ee aad u samatobixi lahayd. Haddii aad baxsan lahayd waxa suuragal ah in aad dalka ka baxdo inta aan qisada la ogaan. Sidaasise dhan baanay ka toosnayn oo waxa laga yaabaa in waayitaanka bisadda iyo baxsadkaaga wax laga garto. Haddaba waxay ila tahay in aad iska xasiloonaato oo aanad dadkana dareensiin in aad wax gaysatay. Iminkana u tag Amuba oo qolkaaga iska fadhi; anigaa kuu yeedhi doona marka aan xaalka si fiican uga bogto.”