All posts by mktbd

Qeybta 27aad

Bismillaahi wabacdu. Waa qormadeennii 27aad. Walaalayaal waxaan kala tagnay ayadoo aan billownay nolol cusub oo dhinac marka laga fiiriyo naftayadu ku xasishay oo aan dareennay cizzi iyo sharaf, dhinac kale marka laga eegana ay noloshu aad u adag tahay ama ay qallafsan tahay, waana magaca Jihaad meesha uu ka yimid. Waa dhib iyo mashaakil lagu waynayo naf iyo maalba.

Goobaha Jihaadka

Ikhwaanii xasuusta goobaha jihaadka ragga joogaa waxay buuxiyeen shuruud adag oo ninka ikhlaas la yimaadaa uu fitno aamin ka yahay. Wallaahi waxaan hubaa ninka inta goobaha jihaadka taga camalkiisa Ilaahay u khaalis yeela in uu fitanta dhacaysa ka badbaadayo, cizzi iyo sharafna ku noolaanayo.

Jihaadku ma aha meel nin walbaa tagi karo. Waxaa taga ninkii Ilaahay waafajiyo, waxaa taga geesiga, deeqsiga, mu’minka, faqiiha Islaamka fahmay, ninka og in jihaadku yahay cibaadada Ilaahay u jecel yahay oo Rasuulku (sallallaahu calayhi wasallam) ku tilmaamay kuruska baarkiisa, waxaa taga culumada waawayn.

Goobaha Jihaadka waxaan tagin oo ka caagan fulayga, munaafiqa, bakhaylka, kan aduunyada jecel, nafta jecel, fahamka xun, kursiga raadiya, maalka aruuriya, shaxiixa ah, dhoohanaha ah.

Sidaas daraaddeed walaalkayga Muslimka ahow iska fiiri calaamadahaas xun xun ee aan tilmaamay, haddaad isku aragtana ka fogow oo raadi cilaajkooda ama daawayntooda.

Ku dayo dadka wanaagsan oo naftoodii iyo maalkoodii ku bixiyay Jihaadka Alle dartiis ah. Waxaan hubaa in aad laba midkood noqon doontid inshaa Allaah: in Ilaahay shahaado ku siiyo oo aad janno gasho. Maxaa ka wanaagsan middaas? Iyo in aad guul gaarto oo qaniimo soo hesho gaalana edeb u yeesho.

Goobaha Jihaadka waxaa laga helaa caafimad taam ah xagga qalbiga iyo xagga jirkaba.

Walaalayaal inta aanan billaabin socdaalkayga ama dalxiiskaan aan u imid aan sawir ka bixiyo dhulka aan ku dagaallamaynay iyo dadka dhulkaas deggan dhaqankooda. Waxaan kaloo rabaa in aan iftiimiyo siyaasadda lagu hoggaaminayo Jihaadka iyo cidda looga amar qaato. Waxaan kaloo xusi doonaa haddii Allaah idmo lagdankii naga dhexeeyay annaga iyo jaawaasiista Soomaaliyeed iyo sidii loogu midaysnaa dilkooda.

Dhulkaan ka dagaallamaynay wuxuu ahaa dhul howd ah, haddaan roob di’in aad u biyo yar, wuxuu u badnaa dhul aan la dagganayn, waxaa ku yiillay magaalooyin tirsan oo aan badnayn, waa dhul ay dagaan dadka reer guuraaga ah, waa dhul aad u qurux badan marka roobku da’o.

Dhulku wuu siman yahay inta badan, meelaha qaarkood ayaa buuro yar yar leh. Dadka dagaanku marka laga eego xagga xoolaha nool waa dad maal qabeen.

Labo qabiilo ayaa  ugu waawayn dadka daga dhulkaas, waa qabiilka Ogaadeen iyo qabiilka Isaaq. Way jiraan qabaa’il kale oo dega dhulkaas lakiiin dad ahaan labadaas qabiil ayaa ugu tug-tug roon deegaanka. Labada qabiil waxaa dhextaal colaad soo jireen ah oo marna cirka isku shareerta marna uu heshiis dhaco oo xoogaa la kala nasto. Waxay haystaan labada qolaba hub casri ah.

Marka dagaal dhaco waxaa laga yaabaa saacad gudaheed in ay ku nafwaydo boqollaal shalay noolayd. Hubka waxaa lala soo baxaa marka dagaal dhaco inta kale wuxuu ku duugan yahay dhulka hoostiisa, maxaa yeelay Itoobiyaa la dhex daggan yahay oo aan oggolayn in hubka bannaanka lagu wato.

Hubka waxaa labadaas qabiilba siiya Itoobiya ayadaana ku og in dhulka hoostiisa lagu duugo hubka marka uusan labada qabiil dhexdooda dagaal ka jirin marka dagaal dhacana waa lalasoo bixi karaa. Haddii xasilloonidu dheeraato oo ay dadku heshiis noqdaan Itoobiya waxay abuurtaa xiisad cusub iyo dagaal kadis ah markaasaa nag la iska siiyaa, ayaduna markaasay nasataa.

Tigreegu dadkaan Soomaaliyeed dhexdiisay ku nool yihiin oo nagula dagaallamayaan. Waxay isula socdaan inta badan 9 nin oo sagaalkooda nin walbaa wuxuu wataa toosh, waana is dabasocdaan inta badan. Hal nin ayaa dili kara kulligood. Soomaalidaan hubku dhulka ugu xabaalan yahay lama hadli karaan sagaalkaas nin. Waxay dadka ku sameeyaan sagaalkaas nin wax kasta oo xumaan ah: kufsi, dhac, dil, boob, iyo xarig.

Siyaasadda Jihaadka Ogaadeenya

Jihaadka aan meesha ka wadnaa siyaasadda uu ku hawlgalaa waa qabiil. Qabiilka magaciisa waxaa la yiraahdaa Ogaadeen. Qabiilku wuxuu jihaadka ugu jiraa oo higsanayaa waa in la difaaco dhulka Ogaadeenya iyo khayraadka ku jira sida gaaska, batroolka, macdanta iyo xorriyadda dadka.

Waxaa laga difaacayaa hantidaas lasoo sheegay Itoobiya, Soomaaliya, Jabuuti iyo cid walba. Waxa arrintaas ka dhaadhicinaya qabiilka waa maamulkii Al-Itixaad ee markaas jiray. Jihaadka Soomaali Galbeed ka socdayna siyaasaddiisu sidaas ayey ahayd. Rumayso ama ha rumaysan.

Tusaale haddii aan ku siiyo: Ragga dagaallamayay ama jihaadka ku jiray waxay ka kala yimaadeen qabiilooyinka Soomaaliya oo dhan. Ninku markuu yimaado saaxada Jihaadka waxaa la dhihi jiray waxaad sheegataa Ogaadeen.

Markuu yaabo mujaahidku oo yiraahdo anigu Ogaadeen ma ihi ee see ku sheegtaa? Waxaa la dhihi jiray akhii waa runtaa laakiin waxaan xeerinaynaa maslaxada dacwada oo qabiilkaan Ogaadeen hadday ogaadaan in Soomaaliya meesha ku lug leedahay jihaadku wuu fashilmayaa oo waxaa kacaya qabiilka Ogaadeen.

Waxaa nalagu akhrin jiray war fara badan oo u muuqda in dacwada loogu adeegayo. Waxaa nagu adkaa in aan markiiba fahamno ujeeddada Al-Itixaad ka leeyahay sheego Ogaadeen! Markii hadal fiican naloogu darana waxaan u qaadannay in ay run tahay oo sidaas dacwada dani ugu jirto, illayn culumadu ayagaa maslaxada dacwada garanaayee!

Waxaa kaloo meesha jihaad ka waday ururkii Oo.En.El.Ef (ONLF) oo aan xiriir lahayn. Dhinaca jihaadka waxaan uga midaysannahay in la ilaaliyo khayraadka dhulka Ogaadeenya. Waan isu hiilinnaa xagga dagaalka. Shirarka waa la wada galaa, waxaa noo yimaada wufuud ka socota dawladda Itoobiya annagoo joogna dhulka hawdka ah.

Waxaan xasuustaa habeen ay noo yimaadeen wafdi uu hoggaaminayay nin aan u malaynayo magaciisu in uu ahaa Jenaraal Cabdiraxmaan Khaliif. Waqtigu wuxuu ahaa saq dhexe ama habeenbarkii. Meeshu waa hawd aan dagganayn. Nimanka waxaa waday rag aqoon wayn u lahaa ciidammada meesha joogay iyo hoggaankooda, waa Mujaahidiinta.

Waxaa la kulmay Shiikh Cabdisalaam Cismaan Cabdisalaam oo ahaa amiirkii Al-Itixaad wakiilka uga ahaa jihaadka Ogaadeenya ka socday markaas. Wax la isku yiri ma naqaan waxbaase la isku af gartay oo waxaa lagu kala tagay is af garad. Wixii fasaad lagu aasaaso faracoodu waa fasaad, hal booli ahina nirig xalaal ah ma dhasho!

Jawaasiista iyo Halgankii lala galay

Walaalayaal bulshada aan ka dhex dagaallamaynay waxaa lagu imtixaamay jaasuusnimo. Meel noo caymatay ma jirin, wadaadkii waa jaasuus, reer baadiyihii waa jaasuus, reer magaalkii waa jaasuus, ardaydii waa jawaasiis, aqoonyahankii waa jaasuus, odayaashii waa jawaasiis, dumarku waa jawaasiis.

Intaas waxaa noo dheerayd kuwa kale oo Muslimiin sheeganaya oo jawaasiis ah sida Oromo, Eretariya iyo kuwa kaleba. Masaajidka ayey  kugula tukanayaan, dhar Islaam bay qabaan, waa ashahaadanayaan, run iyo been waxa uu sheegayo ma garan kartid waana jaasuus.

Dhib badan kadib waxaa Ilaahay na waafajiyay in jawaasiistii meeshii lagu arkaba lagu dilo, xilli wal xaram. Waxaa la khaarajiyey jawaasiis aad u fara badan, waxaa la ugaarsaday fiigoodii markay kala carareen, waxaa loogu galay magaalooyinkii, waxaa lagu dilay suuqyada dhexdooda ayagoo maraya, waxaa la toogtay harcad ayagoo gaaladii la jooga.

In jawaasiista la ugaarsado oo lagu toogto meeshii lagu arkaba waxaa fatwooday oo amarkaasna bixiyey in la laayo culumadii Al-Itixaad! Waxaa amar lagu bixiyay in la dhammeeyo gaalka iyo gaalaraaca ama jawaasiista. Waxaa caan ka ahayd Al-Itixaad dhexdiisa in jaasuus meeshii lagu arko lagu dilo.

Aad baa looga nastay gaaladiina waxaa ku dhacday indho-la’aan iyo in ay waayeen cid kasoo warranta Muslimiinta dhexdooda, in yar oo nagu dhex jirtay oo aan la aqoon mooyee. Jawaasiista aan la aqoon waa kuwa aakhirkii dabargooyay Mujaahidiintii Ogaadeenya oo Meles ka iibsaday aakhirkii dhulkii iyo Mujaahidiintii intaba. Magacii mujaahid waxaa lagu baddalay Niyuu Boolis (New Police), Askarigii Cusbaa. Ma taasaa shaki ku jiraa?

Fiiro Gaar ah: Xilliyadaas jawaasiista lagu dhex dili jiray Ogaadeenya oo shareecadu bannaysay dhiiggiisa iyo midka maanta lagu dilayo Koonfurta Soomaaliya ee ay Shareecada Islaamku diidday dilkiisa oo Mujaahidkii dilana la yiraahdo waa jaasuus dilaa ah waana takfiir, farqiga u dhexeeya halasoo baaro. Niqaashkaasna waxaan u daayay akhristayaasha. Kitaabbada haloo noqdo. Ma dilkii horaa takfiirnimo ahayd oo naloo qarinayay mise kan dambaan Ictisaamku oggolayn haba saxnaadee?

Abuu Basiirah

Waxaa jiray Mujaahid ku caan baxay khaarajinta ama dilka jawaasiista. Mujaahidkaas waxaa lagu magacaabi jiray Abuu Basiira, waxa uu gacan weyn ku lahaa dilka murtaddiinta ama jaawaasiista. Abuu Basiira wuxuu kamid ahaa raggii ay soo saareen ama tababbareen Muhaajiriintii jihaad-doonka u yimid waddanka Soomaaliya. Magaciisa waxa la dhihi jiray Cabdullaahi. Intii uu Mujaahidiinta u yimid waxaa loogu yeeri jiray Cabdullaahi Orod.

Sababtu waxay ahayd maalin ayaa waxaa dhacay dagaal aad u adag oo gacanta la iskula tagay. Gaaladii waa jabtay, wayna carareen, Cabdullaahi ama Abuu Basiira wuxuu ahaa nin shiishyahan ah oo xabbaddii uu rido inta badan ma seerowdo.

Dagaalkii markii uu kululaaday Abuu Basiirana uu dilay wixii uu dili karayaa ayaa waxaa ka dhammaatay rasaastii, gaaladiina way carartay, intuu ka daba cararay gaaladii ayuu gaaray mid sii ordaya, gaalkii ayuu booshkiisii u xirnaa kalasoo baxay khasnad gaalkuna waa ordayaa intaas, intuu qorigiisii gashaday ayuu gaalkiina ku dilay kuwa kalana ku laayay.

Abuu Basiira waxaan xasuustaa in Mujaahidiintu ay ka duubeen cajal uu uga hadlayo dhacdooyin aad ufara badan oo qofka dhagaystaa u noqonaysa cibro dhanka kalena kuu muujinaysa in uu Abuu Basiira isku darsaday geesinnimo, dagaalyahannimo iyo shahaado raadin, dhacdooyin ay ka mid tahay midda aan kor ku sheegayna asaga ayaa si shakhsi ah iiga sheekeeyey.

Maalinkaas wixii ka dambeeyay waxaa loogu yeeri jiray Cabdullaahi Orod, oo macnaheedu waa kii orodka badnaa. Waxaa kaloo la dhihi jiray Abuu Basiira. Abuu Basiira waxtarkiisa halkaan kumasoo koobi karo laakiin aan ishaaro dhacdo kale oo asagu afkiisa iiga sheekeeyay walina aanan hilmaamin.

Nin u Dhigma Kun Nin

Maalin ayaa waxaa waddada loo galay ciidan Itoobiyaan ah oo aan yarayn. Waxay wateen gaadiid badan ciidankuna ma yarayn. Wadaaddada dhufayska galayna ma badnayn, ugu badnaan soddon nin iyo wax ka yar ayey ahaayeen. Waxaa lagu ballamay in ciidanka la gaado oo markii dhib la gaarsiiyo meesha laga insixaabo.

Abuu Basiira kaligiis uyuu dhufays galay, markii gaaladii soo gaartay meeshii lagu ballamay ayaa xabbad lagu billaabay. Cabbaar haddii lagu waday rasaastii oo dhib wayn la gaarsiiyay ayaa laga baxay meeshii oo waxaa la aaday meel la isla ogyahay oo lagu ballamay in la iskugu yimaado. Cabdullaahi dagaalkii ayuu sii waday asagoo u qaba in saaxiibbadiis dagaalka kula jiraan waase kaligiis oo ciidankiisii mar horay meesha banneeyeen.

Waqtigu waa gabbaldhac oo maqribkii baa la joogaa. Wuxuu toogashu ugu dhaqaaqay dadkii uu is lahaa way mudan yihiin in la laayo sida madaxda iyo darawaliinta gaadiidka. Wuxuu yiri gaaladii waxay ogaatay waxa la dirirayaa in uu yahay hal nin markaasay meel walba iga soo galeen, waxaan arkay ayuu yiri anoo meel walba la iga taagan yahay.

Waxay gaaladii damacday in ay i qabtaan anoo nool oo wax xabbad ah la iguma ridin. Waxaan isku dayay ayuu yiri in aan cago ku baxsado waase ii suuroobi wayday markii meel walba la iga istaagay. Wuxuu yiri waan iska istaagay sidii nin is dhiibay oo kale. Waxaan billaabay in aan go’aan qaato oo xoogaa tashi ah ayaan maskaxdayda la galay. Waa la igu soo dhaqaayay waxaana la igu yiri is dhiib.

Raggii hortayda taagnaa ayaan markiiba mid mid u toogtay oo kiiba waxaan ku dhiftay hal xabbad ah. Dhac! Dhac! Dhac! Orodna waan is dhigay, markaasaan ka dhex baxay anoo fayow. Meeshu waa hawd habeenkiina waa madoobaaday. Waxaan billaabay ayuu yiri in aan hadba meel kasoo galo oo qaar laayo. Habeenkii intiisii badnayd waxaan ku jiray ayuu yiri dagaal, inta badanna wax ayaan dilayay ayuu igu yiri.

Gaaladii markii naftii qabatay oo aan rag badan ka laayay ayay ka carareen meeshii gaadiidkiina waa ka tageen. Wuxuu yiri baabuurta ma kaxayn aqaan. Ciil badanaa. Baabuur walba intaan u imaado ayaan matoorka xabbad kala dhacaa.

Wuxuu iga qosliyay markuu yiri waxaan u imid kuwo baabuur ka hallaabay samaysanaya, markaasaan xabbad ku billaabay oo qaar laayay, wuxuu yiri mid buuran oo aan u malaynayo in uu makaanigii ahaa ayaa baabuurka igula wareega caddeeyey, markii dambana asago buluq buluq leh ayaan beerka kala gooyay. Allaahu Akbar.

Karaamo Rabbaani ah

Abuu Basiira warkiisa halkaan laguma soo koobi karo, aan uga baxo dhacdo aan laga tagi karin. Maalin buu harkii mar ahayd magaalada Dhagaxbuur dhexdeeda wuxuu arkay laba Tigree ah oo dhexmaraysa qoryana wata, asagu wuxuu watay bastoolad, wuxuu go’aan ku gaaray in uu labadaan nin dilo, wuu soo daba galay, markuu la siman yahay ayuu mid toogtay kii kalaa cararay asagiina xabbad buu ku dhiftay, ma hubo kan labaad in uu dhintay xabbadduse way ku dhacday saaxiibkiisna dhimay.

Gaal kale oo dharcad ahaa ayaa xabbad ku dhiftay Abuu Basiira oo waliba waxay kaga dhacday feeraha. Si kastaba ha ahaatee Abuu Basiira gaaladii baabi’i asagiina waxaa gaaray dhaawac culus oo xabbaddu feerahay ka dhex baxday. Asagoo dhiig baxaya ayuu u dhaqaaqay hortiisa. Waxaa kala yaacay shacabkii magaalada dagganaa oo waxaa la og yahay in gaaladii soo galayso magaalada qofkay aragtana tooganayso cidday rabtaba ha ahaatee.

Wax yar intuusan soconba wuu dhaqaaqi waayay, wuxuu ku leexday xaafad laga cararay, qol buu iska galay go’aanna wuxuu ku gaaray in uu dagaallamo intuu miyir qabo. Nin la waayi karo ma aha oo dhiiggiisii ayaa qubanaya, gaaladii waxay soo qaadeen dhiiggii daadanayay, waxay soo abbaareen qolkuu ku jiray, asagiina meeshuu ku jiraa. Wuxuu yiri waan arkaa in ay igu soo socdaan gaaladii, waxaanna yaqiinsanahay in aanan baxsanayn. Wuxuu yiri waxaan is iri intay kuu soo dhawaanayaan u kaadi, markay kaabiga kuu yimaadaanna intaad ka dili karto ka dil ayaguna haku dileen.

Walaalku wuxuu yiri waxaa miyir iigu dambaysay in aan is lahaa nimanku hakuu soo dhawaadaan si aadan xabbadda ula gafin. Ma suuxay, ma seexday, see buu noqday lama yaqaan. Gaaladii gurigii intay yimaadeen ayeysan arag Abuu Basiiroo ku dhexjira.

Waana qol yar oo hal irrid leh markay waayeenna waa isaga tageen ayagoon arag Abuu Basiira oo dhex yaala qolka. Allaahu Akbar. Afkiisuu iiga sheekeeyay waliba markaas dhaawicii gaaray ayuu la liitay oo wali ma biskoon.

Abuu Basiira dadkuu laayay ee jawaasiista ahaa waxaa kamid ahaa abtigii oo ahaa nin magac ku leh bulshada dhexdeeda, markuu Islaamkii dhibka ka dayn waayayna qoortuu u dheereeyay oo waxaa ka raaxaystay Islaamkii uu dhibi jiray. Afkiisaan ka maqlay in uu abtigii dilay.

Walaalayaal ninka qiimahaas lahaa oo sidaas Islaamka ugu soo shaqeeyay Tigree buu u xiran yahay sidii nasoo gaartay. U duceeya in Ilaahay kasoo daayo gacanta cadawga, hadduu dhintayna Ilaahay shahaado ku irsaaqo, aamiin, aamiin.

Shahiidkii Aan Jeclaa

Qormadaan aan uga faa’iidaysto nin kale oo arrintiisu i cajabisay. Waxaa noo yimid laba wiil oo kasoo jihaad-doontay magaalada Hargaysa ama Burco middood. Ma hubo tay ahayd. Labada wiil waa dhalinyaro, mid baa Qur’aanka xifdisanaa magaciisana waxaan filayaa in uu ahaa Cabdiraxmaan. Wuxuu ahaa nin Ilaahay xishood siiyay, wuxuu ahaa nin cibaado badan, wuxuu ahaa nin ay ka muuqatay ku dayasho wanaagsan.

Maalin ayaa waxaan dirnay unug ciidan ah oo gaalada waddada u gala, markay soo maraanna dhib gaarsiiya kadibna kasoo insixaaba. Meeshu waa Wardheer agteeda. Waxaa raacay ciidankii labadii wiil oo midna ahaa Cabduraxmaan midna ahaa Xuseen. Waxaa la galay waddadii. Tigreegii waa soo martay ayadoo baabuur saraan. Dabkaa la saaray. Markii wixii la dili karay la dilay ayaa meeshii laga baxay. Ballantu waxay ahayd in marka gaalada dhib la gaarsiiyo markiiba meesha laga baxo.

Waa laga soo insixaabay meeshii. Gaaladii intay baabuurtii ka dagatay intii fayoobayd ayay dhulka ku dagaallamayaan. Cabduraxmaan markii ciidankiisii meesha ka bexeen isma dhaqaajin oo wuxuu sii watay dagaalkii uu kula jiray Nasaarada, wuxuuna kor ugu qaylinayay, “War xaggee u socotaan soo janno ma rabtaan? War gaalada laaya oo ku jihaada.”

Xuseen wuxuu isku dayay in uu saaxiibkiis meesha ka kexeeyo waase u suurtoobi wayday oo Cabduraxmaan waa diiday waxaan dagaal ka ahayn iyo in uu Ilaahay naftiisa uga gato shahaado iyo janno. Ilaahay waxaan uga baryaynaa in uu Cabduraxmaan shahaadada ka aqbalo kuna irsaaqo janno, aamiin, aamiin.

Warkaas waxaa noo sheegay Xuseen oo ahaa ninkii damcay in uu Cabdiraxmaan meesha kasoo saaro asagiina ka diiday oo wuxuu yiri waxaa iigu dambaysay asagoo dagaallamaya.

Ikhwaanii waxaa nala dheeraaday warbixintii yarayd ee aan ku ishaarnay siyaasaddii Al-Itixaad ku maamulayeen jihaadkii Soomaali Galbeed horay uga jiray. Waxaa u caddaanaya qofkii warkayga dhuuxa in wali qabiil qabiil loo qaybsan yahay oo mandaqad kasta ciidanka joogaa ay ku joogaan magaca reerka meesha daggan, dadku haba kala duwanaadeen xagga qabiilka.

Tusaale ahaan Gado waxaa ka jiray imaarad Islaami ah, waxaa loo yaqaannay ciidammadii Mareexaanka. Magaalada Marka waxaa ka jiray imaarad Islaami ah, waxaa loo yaqaannay ciidamadii Hawiyaha. Ogaadeenya waxaa ka jiray imaarado waawayn intaan Maraykanku kusoo duulin, waxa loo yaqaanay Ogaadeen. Waqooyi Galbeed waxaa ka jiray imaarado, waxaa loo yaqaanay Isaaq. Boorama waxaa ka jiray imaarad, waxaa loo yaqaanay Gadobiirsay. Imaaraddii ugu waynayd oo Laasqoray lagu burburiyay waxaa loo yaqaanay Daarood.

Siyaasaddii Al-Itixaad sidaas ayey ku dhisnayd. Waxaa intaas ka daran culumada ugu waawayn ee Al-Itixaad isma arki karin oo waxaa ka dhexeeyay qabyaalad aad loogu kala dhintay markii dambena waa tan keentay in qola walbaa magac la baxdo oo qabiilkooda dhex galaan oo ay yiraahdaan dacwaan ka wadnaa meesha. Markaad tiraahdo war maxay tahay kala faquuqaan iyo qabiil dhexgalku? Waxaa lagu leeyahay waa dacwatu yaa qowmii oo waa arrin bannaan inta aayado iyo axaadiis laga siidaayo.

Ilaahow adaa yaqaane Macalin Haylaan ma runtiisaa?

Ikhwaanii wali waxaan joognaa goobihii dalxiiska warkuna wuu noo sii socon doonaa inshaa Allaahu tacaalaa. Waxaa iga dardaaran ah in dalxiiska la aado. Waxaad ka helaysaan dambidhaaf, daawo qalbi, dareen raganimo, dullayn gaalo, dabargoyn murtad, iyo dumar cafiifaad ah. Rag baa lagu imtixaamay dumarka in aysan ka fogaan karin. Ma waxaad u malayseen in aan meesha dumar joogin? Waxaa jooga kuwiina kuwo ka khayr badan.

Qeybta 26aad

Walaalayaal waxaan kala tagnay anagoo u nimid ciidammadii mujaahidiinta ahaa ee Itoobiya dhexdeeda joogay. Waxaan soo lugaynay muddo dheer, waxaan soo marnay cabsi fara badan, waxaan soo marnay daal fara badan, waxaan u nimid ciidankii mujaahidiinta. Waan daaltirannay ama waa nasannay, waxaan dareennay cizzi, kalsooni iyo sharaf badan.

Ciidammada mujaahidiinta ah ee Itoobiya dhexdeeda joogaa waxay u qaybsan yihiin guuto guuto. Takhdiidkaasna waxaa la qaatay kadib weerarkii Maraykanku kusoo qaaday saldhiggii waynaa ee mujaahidiinta ee ku yaallay Ugunjo ama Xangeeya oo ku yaallay hawdka Qarri Jaqood. Ciidan kastaana wuxuu leeyahay waajibaad u gaar ah iyo aag ayaga lagu ogyahay in ay ka dagaalgalaan.

Waxaan u imid ciidan uu madax u yahay Shiikh Cabdisalaam Cismaan Cabdisalaam. Ciidankaas aaggiisu aad ayuu u balaadhnaa. Waxay ka hawlgali jireen inta u dhaxaysa Dhagaxbuur, Gunagado, Shilaabo, Qabridaharre, Qabribayax, illaa iyo dhulka lagu magacaabo Riseef Eeriya (Reserve Area) ama la yiraahdo Doolo. Sarkaalka ciidanka madaxda u ah iyo anigu aqoon hore inagama dhaxaynin oo markaas ayaan isbarannay balse aan tilmaan ka bixiyo sifaadkii aan ku arkay.

Wuxuu ahaa nin aan dheerayn aadna u gaabnayn. Wuxuu lahaa hilib aan badnayn, wuxuu ahaa nin maariin ah say ila ahayd, gadh weyn buu lahaa, waxaa uu ahaa nin farxaani ah oo marna aadan arkaynin asaga oo xanaaqsan, wuxuu ahaa deeqsi geesi ah. Kamaysan muuqan isla wayni ama in uu ragga wax dheeryahay in uu isu qabo. Waxaa ka muuqatay isku kalsoonaan.

لا نزكي على الله احد

Waxaan ka warramayaa waa uun sifaadkii aan ka arkay hoggaamiyaha waase laga yaabaa in dadka qaarkiis haddii la dhaho wadaadkaas tilmaama in ay si kale u tilmaami lahaayeen wallaahu aclam.

Sheekh Cabdisalaam iska faanin maayo ee dagaal baan la galay, muddana waan wada lugaynay oo gaajo iyo harraad iyo colaad ayaan soo wada marnay. Waa meelaha cilladda qofku kusoo baxdo ama lagu ogaado waxtarkiisa iyo waxtar la’aantiisa.

Waxaan billaabay isticdaad in aan galo, illayn waxaan billaabay nolol cusube. Waxaan gatay qori Aake-47 ah iyo rasaastiisii. Qorigu waa cusubyahay oo waxaa laga soo qaniimaystay Tigreega saliibiyiinta ah. Waxaan diyaarsaday wax kasta oo iga dhimanaa. Waxaa la igu daray koox ama urur ciidan ah. Waxaa nala siiyay waajibaad gaar ah.

Ciidanku wuxuu leeyahay hal talis ama hal amiir laakiin isku meel kama dagaalgalo oo wuxuu u qaybsan yahay ama u dagaal galaa 30 illaa 40 inta u dhaxaysa oo ciidan ah.

Meelaha qaarkood waxaa laga yaabaa in ay isku soo dhawaadaan ama isuba yimaadaan Mujaahidiintu, mudda yar kadibna way kala aag baddashaan. Waa isu soo hiiliyaan ama waa is caawiyaan.

Aan isha marinno ciidanka dhexdiisa.

Waxaa kamid ahaa ciidanka nin lagu magacaabo Ibraahiim Khaliil. Ibraahiim wuxuu noo qaabilsanaa saxaafadda, wuxuu ahaa nin jecel in uu wax soo akhriyo annagana nagu dul akhriyo, wuxuu ahaa nin wax qora inkastoo aysan jirin qalab wax lagu qoro haddana wuxuu isku dayi jiray in uu ushaqeeyo sidii nin saxafi ah oo kale. Wuxuu ahaa nin jeclaa in uu taariikhda kaydiyo oo qoro dhacdooyinka.

Waxaa kamid ahaa raggii aan meesha isugu tagnay Shiikh Dhaaweed. Dhaaweed wuxuu ahaa wadaaddadii Aslaaxa la dhihi jiray, wuxuu joogi jiray Qabribayax oo uu dacwada ka waday. Gaaladu ma kala soocin Aslaax, Itixaad, Waxdad, Suufiyo iyo wixi la mida oo Itoobiya dhexdeeda joogay ninkii ay diin ka muuqato oo lagu arko Itoobiya dhexdeeda waa la dilay ama waa la xiray xarig geeri u dhigma.

Shiikh Dhaaweed wuxuu ciidanka u yimid asagoo laga shakisan yahay imaatinkiisa, maxaa yeelay wuxuu ahaa nin aan Al-Itixaad ku manhaj ahayn. waxaa kaloo waagaas badatay wadaaddada jaasuusiinta noqday oo dhib badan noo gaystay. Waa sax ku manhaj muu ahayn Al-Itixaad haddana uma imaan Al-Itixaad ee wuxuu u yimid jihaad fii sabiili-llaahi iyo in uu naftiisa iyo maalkiisa ku bixiyo kalimadda Allaah in ay kor noqoto. Inuu run sheegayo waxaa ogaa Allaah kadibna asaga, anaguse waan ka shakinnay!

Shahiid Shiikh Dhaaweed wuxuu noqday nin Ilaahay barakeeyay oo saaxadii wax wayn ka baddalay. Wuxuu noqday qaa’id aan marnaba caadi ahayn oo geesi ah. Wuxuu noqday nin ay kusoo hirtaan mujaahidiintu. Wuxuu noqday mujaahid dagaalgaliyey ummad u baahnayd in ay jihaadaan. Taqabbalahu-llaah.

Waxaa kaloo saaxada Jihaadka noogu yimid Shiikh caan ka ahaa magaalada Jigjiga. Shiikhu ayaa qiso nooga sheekeeyey. Laakiin inta aanan sheekada billaabin aan sawir ka bixiyo qaabkaan u fadhinnay iyo meeshaan fadhinnay.

Waxaan joognay dhul hawd ah oo dhirtu cagaaran tahay, waxaan maqlaynay shinbiraha codkooda kala nooc nooca ahaa. Waqtigu waa barqadii, colaadi markaas ma jirin oo waan iska nasanaynay ama meel baan dagganayn oo safar kuma aannaan jirin, nin walbaa qorigiisaa agyaallay ama ku ag tiirsanaa oo dhagtaa noo taagan illayn annaga iyo gaaladu isku meel ayaan joognaaye oo maka fogine.

Waxaan ka xasuustaa raggii goobtaas fadhiyay amiirkayagii Shiikh Cabdisalaam, Xasan Wali iyo Ibraahiim Khaliil. Raggu ma yarayn. Jawigu aad buu u dagganaa. Shiikha waxaa horyiillay ama uu gacanta ku hayay laba kitaab oo midna tafsiir yahay midna naxwe yahay (Kawaakib), mid walba xoogaa ayuu ka akhriyay. Markuu dhammeeyay akhriskii ayuu sheeko billaabay. Wuxuu yiri, “Waxaan joogi jiray magaalada Jigjiga, waxaan dadka wax barayay muddo dheer,” wuxuu tilmaamay sanooyin fara badan, ma hubo sanooyinkii mar mar waxaan is dhahaa ma wuxuu yiri 20 sano, mase hubo tirsiga.

Shiikhu wuxuu yiri, “Cilmiga naxwaha waxaan ka gaaray heer aan isku dayay in aan kutubo ka qoro ka madax bannaan kuwii culumadii hore oo naxwaha qortay. Fanniga aan dadka bari jiray wuxuu ahaa Tafsiirka Qur’aanka iyo Naxwaha. Waxaan is lahaa waxaad ka gaartay labadaba meel wanaagsan.” Maxallu-shaahidkaygu waa meeshaan: Shiikhii intuu qummaati noo soo eegay oo dhaar xaf isku siiyay ayuu yiri intaasoo dhaar ah, “Waxay iga tahay in aannan fahmin waxaan dadka u aqrinayay hadda ka hor.” Wuxuu ka wadaa intuusan noo imaan ama uusan goobta Jihaadka imaan.

Waxaa laga yaabaa in qaarkiin yiraahdo waxaad Shiikha ku khaladdeen risaalooyinkii aad ku khaladdeen Shiikh Jaamac Cabdisalaam, Shiikh Nuur Macallin, Shiikh Xasan Daahir Aways, Shiikh Xasan Turki, Shiikh Cabdiqaadir Mu’min, Shiikh Xasan Mahdi, Shiikh Cabdullaahi Cali Xaashi iyo culumo badan oo saaxada jihaadka joogta oo aan halkaan lagu soo koobi karin magacyadooda. Taas waxaan ka leeyahay waagaas ayada ah waxaan ahayn Al-Itixaad oo risaalooyinka hadda Ictisaam ka cabanayaan lama akhrisan jirin lamana aqoon.

Shiikhu wuxuu akhriyay tafsiir aan u malaynayo in uu ahaa Ibnu Kathiir, wuxuu isha mariyay aayadaha Jihaadka ka hadlaya, wuxuu ku baraarugay wuxuu markaas ku sugnaa oo cizzi iyo sharaf ahaa, markaasuu yaqiinsaday Jihaadka Qur’aanku sheegayaa in uu yahay midkuu hadda dhex fadhiyo ee uusan sheeko dhammaatay ahayn. Wuxuu u ekaaday nin hurdo ka kacay oo kale waana midda ku bixisay in uu qalbigiisa ka runsheego oo miisaan isa saaro kaligiis (xafidahu-llaah).

Shiikhu wuu qiirooday wuxuuna billaabay in uu cudurdaar bixiyo intii uu ka maqnaa goobaha Jihaadka. Waxaa kamid ahaa cudurdaarkiisii, “Waxaan is dhihi jiray yaa carruurtaada kuu biili doona haddaad ka tagto?” Wuxuu muujiyay shiikhu in uusan fahmin aayadaha Jihaadka ka hadlaya maantay kahor! Shiikha markii iigu war dambaysay waxaa la ii sheegay in uu daaci ka yahay magaalada Galdogob. Shiikha magaciisu waa Shiikh Cabdinaasir. Ma hayo magaciisa labaad.

Waxaan goobta jihaadka ku wada jirnay oo aan ku wada cibaadaysanaynay nin aan aad u jeclaa ama Allaah dartiis aan u jeclaa waa Shiikh Axmed Cabdisamad Geesood. Haddaad xasuusataan Shiikh Axmed waxaan ku billaabay qormooyinkii koowaad, kuwii dhexana waa ku jiray magaciisu, haddana waa kan soo laabtay. Shiikha waxaa dhaawac aad u ba’ani kasoo gaaray dagaalkii Laasqoray (Dabra).

Waa annagii soo marnay asagoo calooshii iyo feerihii isku darsameen oo loo qaatay in uu dhintay ama uusan ka kacayn dhibka gaaray mase dhiman oo wali waa jihaad-doon oo wuxuu rabaa in uu shahaado helo. Noloshaan adduunka wax uguma taal, waxaa u muuqda xuurul-cayntii Jannada ku sugnayd ama loo diyaariyay shahiidka. Diiftii dagaalkii iyo dhaawicii Laasqoray kama harin oo waa ka muuqataa. Waxaad mooddaa in uusan ku qanacsanayn wax shahaado ka yar. Waa sida daahirkiisa nooga muuqatay.

Shiikh Axmed Cabdisamad waa nin dheer oo hilibyar ama caato ah, intii dhaawucu gaarayna sii hilib yareeyay (waa intaan ka ogaa), wuxuu ahaa nin samir badan, shaqo badan oo u fudud in uu wax qabto, wuxuu ahaa nin jecel in uu dadka wacdiyo oo ku dul akhriyo nusuusta. Wuxuu inta badan ka hadli jiray mustaqbalka iyo waxa loo baahan yahay in la gaaro.

Wuxuu ka hadli jiray cizziga iyo sharafta Islaamku leeyahay, wuxuu ka hadli jiray in uusan nin jilicsani Islaamka wax u qabanayn, wuxuu ka hadli jiray in loo diyaargaroobo waddada dheer ee na sugaysa. Wuxuu nagu dul akhrin jiray aayadaha Jihaadka ka hadlaya ee suuratu Aala Cimraan inta badan.

Wuxuu ahaa nin iithaar badan ama aan oggolayn in uu wax cuno ayadoo qof qatan yahay, wuxuu ahaa nin xishood badan oo aan hadal badnayn, wuxuu ahaa nin aan kaga dayan jiray xagga wanaagga iyo sabirka. Shiikha waxaan si gaar ah ugu xasuusanayaa waa ninkii baycadii Al-Itixaad iga qaaday markii aan joognay magaaladii Laasqoray. Baycada waxaan ku galay waxaa kamid ahaa in aan naf iyo maalba u hurno Islaamka. In aan Jihaadka ka runsheegno oo bixinno naf iyo maalba.

Waxaan baycada ku galnay in aan walaheena siinno Islaamka, gaalada iyo ehelkeedana beri ka noqonno. Waxaan baycada ku galnay in aan ku soconno Manhajkii Nebi Muxamed (sallallaahu calayhi wasallam) noo jeexay. Waxaan baycada ku galnay in Allaah diintiis loo khidmeeyo adoo ladan iyo adoo dhibaataysan intaba. Waxaan ku ballannay shicaarkii ahaa:

نحن الذين بايعوا محمدا علي الجهاد ما بقينا ابدا

Walaalayaal sababta aan warka Shiikha u badiyay aan idiin sheego:

Qoraalkaan magaciisu yahay “Masoo gaadhay gaal iyo wadaad gaar u wada taagan” in aan qoro waxaa igu bixiyay ama sabab u ahaa Shiikh Axmed Cabdisamad Geesood. Shiikha saan idiin sheegay wuxuu ii ahaa qudwa ama ku-dayasho nin mudan. Waxaan isla soo gaadhnay waa dhaweyd oo xilligii maxkamadaha u dhow. Xamar baan isla joognay. Waxaan ahayn rag cadaysin ah ama fara bannaan, oo waxaa sharaftii nooga ciyaaray Al-Itixaad oo hubkii naga dhigay (عليهم من الله ما يستحقون).

Waxaan galnay in aan iska xamaalanno oo ilmahayaga u xiiranno. Waxaan isha ku hayn jiray wixii soo baxa oo siyaasad cusub ah xagga dacwada. Waxaan jeclaa in Ilaahay rag soo saaro naga dulqaada dulligaan lagu jiro waxna ka baddala. Waxaa dhici jiray shirar looga hadlayo mustaqbalka Soomaaliya iyo sidii lagu badbaadin lahaa Muslimiintaan la gumaadayo har iyo habeenba. Mar walba oo la shiro waxaa dhici jiray khilaaf iyo aragtiyo kala duwan. Waxaa la noqon jiray koox koox. Waxaan isha ku hayn jiray kooxda uu raaco Shiikh Axmed Cabdisamad.

Khilaafaadkii ugu dambeeyay ee dhexmaray mujaahidiinta iyo mukhaalifiinta jihaadka waxaan fiiriyay meesha Shiikh Axmed maray, waxaan ogaaday in uu maray muqaabilka mujaahidiinta ama uu kasoo horjeestay Jihaadkii. Waxaa i galay shaki, waxaan billaabay gaabis, waxaan galay in aan si taxaddar leh ula socdo mujaahidiinta. Waxaan jeclahay mujaahid iyo Manhajkiisa saxan. Waxaan ku sigtay in muqfuraddu iga tagto. Waxaan mujaahidiinta la socday anoo aan qanacsanayn illayn waxaa meesha ka maqan raggaan hawshaan uga dayan jiray hadday jihaad tahay ama diin xaq ah. Shiikha kaligii ma ahane waxaan kaloo waayay wadaaddo badan oo aan is lahaa furintay kaaga hormarayaan haddii jihaadkani xaq yahay ayagiina meeshaan ka arki waayay! Ogow sigtaye! Waana dhibta haysata dhalinyaro badan oo xaqqa jecel, in ay jihaadka uga haraan markay saaxada jihaadka ka waayaan shiikh hebel iyo shiikh hebel oo ah shuyuukh uu ku xiran yahay kuna kalsoon yahay diintooda.

Waxaa daawo ii noqotay dhibaatada ku dhacday Shiikh Axmed Cabdisamad. Wuxuu mar qur ah budh kasoo yiri ama kasoo baxay daaqaddii aan shiishka ku haynay ama iska ilaalinaynay ee cadawgu ka imaan jiray. Muuqaal kumuu ekaysane wuxuu sameeyay xayeysiis aan bannaanayn oo xaaraam ah caqlan wa sharcan. Sharcigu wuxuu xaaraam ka dhigayaa in gaalo aan is haynay la ammaano oo la yiraahdo, “U kaalaya gaalada saad mooddeen xaalku ma ahee.” Waxaana hadalladii shiikha ka mid ahaa, “Itoobiya ma ahan sidii la moodayey, imaada oo arka waxaa la idin siinayaa xorriyad buuxda, diintiinnana xor ayaad u tihiin.”

Waxaan caqligu yeelayn Zanaawi oo Buush dhalay ama Ina Buush ah ayaa xorriyad buuxda Islaam siinaya! Waa suurtagal in markay faraha ka gubteen ay dhahaan bes weeye Soomaaliya mar dambe la dagaalli mayno diintooda xor bay u yihiin!

Aad baan hadalkaas usoo dhawaynaynaa faraha hannaga qaadeen oo yey Soomaaliya noogu imaan! Waxaan kaloo saaxiibkaygii hore u sheegayaa maxaad ku baddashay aayadihii jihaadka ee aad nagu dul akhrin jirtay oo ahaa: Gaalada la sabirtama oo ha daalin hana murugoonina, adinkaa sarreeya, haddii dhaawac idin gaaray ayagaba waxaa gaaray dhaawac, waxaad rajaynaysaan wax aysan ayagu rajaynayn (Janno iyo dambidhaaf).

Ma waxaad ku baddali Qur’aan cusub oo dhahaya, “Muslimiinay waad daasheen dhaawacna waa idin soo gaaray hoosna waa tihiin oo waa la idinka adkaaday ee is dhiiba! Soomaaliyana dacwada kama wadi kartaan ee ka kaalaya oo imaada Itoobiya. Melesna wuxuu idin siin xorriyad buuxda. Waxaad iska akhrisataan Kitaabada Fatxul Majiidka iyo Kashfu Shubuhaadka. Inta Meles joogana la idin taaban maayo. Ha tagina Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose, Bay, Bakool, Gado, Hiiraan, Banaadir, Shabeellada Dhexe, Shabeellada Hoose iyo Galgaduudba. Intaas oo gobol waxaa jooga niman laga kari la’yahay qoriga dhiga oo gaaladii ka nasan la’dahay. Ha tagin culumow gobolladaas, is ilaaliya shacabow, haku dagmina nimankaas. Caalamka waxaan u sheegaynaa in ay yihiin nimankaasu Irhaab ama argaggixiso isa soo bahaystay, annagu uma talinno ee waxaa u taliya culumo kale oo aan Soomaali ahayn, annagu waan u diidnay in aan dhaqaalo siinno, ma naqaan waxa dhaqaalaha siiya iyo meeshay ka keenaanba. Waxay ku xiran yihiin Al-Qaacida iyo meela kale. Ha nalaga soo gaaro, waxay wataan ajaanib,” iyo wixi la mida.

Waxaan hubaa marka la is barbar dhigo Shiikha iyo nimanka ku siyaasadda ah ee Itoobiya isu dhiibay iyo garabka kasoo horjeeda ee jihaadka ku jira in aan ku baraarugay oo aan ka helay kalsooni fara badan garabka jihaadka ku jira ee gaalada la jihaadaya. Waxaan hubaa in ay xaqqa uga dhaw yihiin marka laga hadlayo in gaalo la iska dhiciyo. Waxaan hubaa in qabyaaladi dilootay iyo gaalo jacayl nimankaan la baxay Ictisaam. Xataa waa kuwaas siday u socdeen marmarsiiyada u samaynaya kuwii kaniisadihii galaye lahaa, “Walaalaan nahay annaga iyo reer Nasaaro. Waxaan rabnaa taqaarubul adyaan, isu soo dhawaynta diimaha.”

Waa ducaaddii Ictisaamka waxa maalin walba la shiraya waliba masaajidka dhexdeeda gaal gaal dhalay oo ah kan hadda gacanta ku haya dabargoynta Muslimiinta Geeska Afrika. Ninka Nayroobi fadhiya ee loo yaqaan Maykal ayaa Ictisaam madaxdiisii maalinba meel kula shira oo heshiisyo lagu gaaraa lid ku ah Islaamka oo dhan, gaar ahaan Soomaaliya. Shaki kuma jiro in aan dadku meel ku dhammaan karin. Ictisaam xubno ayaa shirarka u taga inta kalana waa kuwii dirsaday oo waa ku qanacsanyihiin wixii shirkaas lagu soo gooyo.

Tusaale in Garoowe lagu gumaado dhalinyaradii jihaad-doonka ahayd afraad baa loo xilsaaray laakiiin go’aanku wuxuu ka soo baxay golaha sare ee Al-Itixaad. In dowladdii Laasqoray lakala diro afraad baa loo xilsaaray go’aankuse wuxuu kasoo baxay golaha sare. In dhalinyarada gaalada ku jihaadaysa la yiraahdo waa takfiir oo dhaqalihii laga goosto dadkana laga horkeeno oo la yiraahdo waa fitno ee jihaad ma aha waa go’aan ka soo baxay golaha sare ee Al-Itixaad qaar baa loo xilsaaray. In Tigree la isu dhiibo oo dhulkii Soomaali Galbeed la iibsado waa go’aan ka soo baxay golaha sare ee Al-Itixaad qaarbaase loo xilsaaray.

In kaniisadda la galo oo la yiraahdo waxaan isu soo dhawaynaynaa diimaaha go’aan bay ahayd loo dhan yahay qaarbaase loo xilsaaray. In lala shiro Maykal si qarsoodi ah iyo si muuqataba waa go’aan kasoo baxay golaha sare qaarbaase loo diray. Oo maxaan ka tagoo haray oo ay samayn lahaayeen nimanka la dagaallamaya mujaahidiinta berigana ka noqday, gaaladiina garab istaagay walahoodiina siiyay. Waxaan sheegayaa hadday been tahay wax burinaya hala keeno. Wax aan caddayn qori maayo ama aanan caddayn u hayn.

Fiiro Gaar ah: Waxaa isoo gaaray farriimo fara badan oo leh maxaa culumada gaalada loogu ag sawiray ama loola masawiray? Waxaan leeyahay qofkaasi waa labo midkood:

  1. In uu yahay mid indha la’aan culumada u difaacaya oo aan ogayn waxay samaynayaan.
  2. In uu yahay mid aan waxba kala ogayn ama aan kala fahmin caabidka iyo macbuudka. Culumadu waxay nagu leeyihiin ixtiraam aad u wayn intay toosan yihiin.

Hadday qalloocdaan culumadu waxay ku khaldameen beri baan ka nahay, waxay ku saxanyihiinna waan ku addeecaynaa, macal ixtiraam – laa lil cubuudiyah! Iska jir walaalkayga Muslimka ahow aayaddii ahayd:

ٱتَّخَذُوٓاْ أَحۡبَارَهُمۡ وَرُهۡبَـٰنَهُمۡ أَرۡبَابً۬ا مِّن دُونِ ٱللَّهِ وَٱلۡمَسِيحَ ٱبۡنَ مَرۡيَمَ وَمَآ أُمِرُوٓاْ إِلَّا لِيَعۡبُدُوٓاْ إِلَـٰهً۬ا وَٲحِدً۬ا‌ۖ لَّآ إِلَـٰهَ إِلَّا هُوَ‌ۚ سُبۡحَـٰنَهُ ۥ عَمَّا يُشۡرِڪُونَ

Waxay ka yeesheen axbaartoodii iyo ruhbaantoodii (culimadoodii iyo kuwoodii cibaadada badnaa) rabbiyo Allaah ka sokeeya.

Ma waxaad u malaysay akhii Muslimka ahow in ay Yahuud iyo Nasaaro gaar ku ahayd aayaddu? Maya, annagana waa na qabanaysaa haddaan dariiqooda marno ee digtoonow.

Maalin ayaa waxaa kulmay Amiirul Mu’miniin Cumar binu Khaddaab iyo Muxamad Ibnu Maslamah oo asna ahaa saxaabi weyn oo jaliil ah. Cumar (radiya-llaahu canhu) ayaa weydiiyey, “Muxammadow ka warran hawsha sidaan u wado seed u aragtaa?” Yacnii khilaafada iyo howlaheeda. Wuxuu yiri, “Maashaa Allaahu, waxaad qabatay shaqo aysan qaban cid adiga kaa horraysay. Waxaad aruurisay maal fara badan waxaadna ku bixisay waddooyinkii loo baahnaa.” Ibnu Maslamah hadalkii ayuu sii watay oo wuxuu yiri, “Waad toosan tahay laakiin Allaah baan ku dhaartaye haddaad xaqqa ka leexato seef baan kugu toosinaynaa!” Ninka saas lagu leeyahay waa Cumar binu Khaddaab Allaah haka raalli noqdo asaga iyo Maxamed ibnu Maslamah.

Cumar muxuu yiri? Saxaabadii ka ag dhoweydse maxay yiraahdeen? Cumar wuxuu yiri, “Allaahu akbar! Ilaahay ayaa mahad leh haddii la helay rag markaan khaldamo seef igu toosinaya.” Wuxuuna ogaa in uu bashar yahay oo uu khaldami karo, ciddii khayr fartana uu diyaar u yahay in uu ka qaato, kamana aysan muuqan islaweynaan iyo kibir midna.

Saxaabadii meesha fadhiday ama maqashay Muxamed ibnu Maslamah warkiisii ahaa wallaahi seef ayaan kugu toosinaynaa, qof saxaabadii kamid ah oo ka dhigay hadalkii Maxamed ibnu Maslamah (radiya-llaahu canhu) mid aan culumada lagu ixtiraamayn ama khaliifkii ku hadal celiyey lama sheegin. Saxaabigiina lagama dhigin takfiir iyo nin dadka seef ku handadaya ama u gilgila.

Waa kee ninka maanta leh Amiirul Mu’miniin Cumar binu Khaddaab ayaan ka khayr badannahay? Waxaa soo haray ninka oggol in seef lagu toosiyo, ha u diyaargaroobo seeftii Cumar binu Khaddaab lagu toosiyay. Raggii toosin lahaana waa joogaan manhajkii lagu toosin lahaana waa diyaar.

Ikhwaanii raalli iga ahaada haddaan ku dheeraaday mawduuc laga yaabo dadka qaarkiis in ay u arkayaan mowduuc yar anigase ila weyn. Maxaa yeelay dadka waxaa kulmiya caqiido, waxaa kala dira caqiido, waxaa meesha yaallaana waa al-Walaa wal-Baraa.

Waxaan sii wadi doonaa dhacdooyinkii meeshaan hadda joogno inshaa Allaahu tacaalaa.

Geesood ma garateen?
Gubniyada haddeer jira
Waa raggii gingimay Bari (Al-Shabaab)
Waa raggii Saliid galay
Xingaloolna sii maray
Geed-la-rifay intuu dagay
Warsangalina magangalay (Aadam Siciid)
Buurta dheer gunteedii
Dabra geesaheedii
Inuu go’ay la moodoo
Girligaanka isu dhigay
Inuu gaaro libin sare (Shahaado)
Gablan talo aduuney
Geesood ma moodayn
Inuu gaaray heerkaas
Oo Sanaawi u garbixin
Walaalihiisna uga go’ay
Haddaan goobnay waxa jira
Gadgadinnay mas’aladaan
Guranaaya odayada (Ictisaam)

Raadkii wuxuu galay
Gobollada Sucuudiga
Garwaynidu ma salaf baa?
Maku goob adduunyaa?
Ictisaam gar baa taal
Loo wada gudboon yahay
Soo fariista gogoshaan
Ka garbaxa walaalaha
Gobollada dalkiinnii
Gaarsiyay nabad run ah
Barxaddii Garoowiyo
Ligle geesaheedii
Gumaad baa ka dhacay Bari
Garmadowdii lagu jaray
Waxay galabsadeenoo
Oo guddoonku ugu dhacay
Oo guura loo yiri
Ma garwaaqsateen wali?
Gaadiidka fuuloo
Galabtaba carraaboo
Gooya wabi Shabeelaad
Taladii ku goyseen
Guddoonkii saree jiray
Gacamay wuxuu yiri
Gardarraad samayseen
La guddoonsay taladii
Wadaaddadu gorfeeyeen
Gabbalkii markuu dhacay
Baan guurnay idilkeen
Buuro wadal agteediyo
Bannaan aan fogayn iyo
Bixin geeseheedii
Raggii aan is barannoo
Naga maray bannaankaas
Barqadii markay tahay
Buundada naloo gali
Annagoon balaayaba
Bowdkaan ka filanayn
Boobayaasha culus iyo
Birigaanku nagu yeer
Basuuke ku baal jiro
Waa balaayo ciidana
Waa boholo dhaadheer
Baabuurtu mari karin
Baqa dirirnay saacado
Baalaha naloo taag
Barxaddii Nugaaleed
Bah Dhulbahante mooyee
Cidi nama bariidayn
Waxaas oo gaboodfala
Soo diiwaanka lama galin?
Soo godobi kama dhicin?
Gurboodkii markaas jiray
Aabbihiis la gawracay
Soo iskuulka lama gayn?
Soo ma qaadin gaashaan?
Soo ma garan wixii dhacay
Ictisaamku gaysteen?
Sow talo kumuu goyn
Gar madow hadduu yahay
Isticdaad inuu galo
Axmed Godane ugu tago
Marka geeseheedii?
Gardarradu ma fiicnee
Aargoosto waa nine
Ictisaam gar baa taal
Garwaaqsada waxaan dhacay
Inta goori goortahay
Oo talo gudboon tahay
Soo fariista gogoshaan
Ka garbaxa agoonkaan
Cishiriin ku gaamuray
Godobtaas raggii dhigay
Ma garbixin ayaan qura
Garowshana ma damacsana
Gar eexeed ninkii naqay
Goor dambuu shallaayaa
Ictisaam gar baa taal
Gabi baad ka lulataan
Garwaaqsada waxaan dhacay
Diiwaankana idiin galay
Gaaladu biray tagi
Bahuukana bas baa dili
Hadduu balo ka nabadgalo
Burca geeseheediyo
Bannaankii Nugaaleed
Boosaaso way tagi
Jiilkaan basuukaha
Buuraha la fuulaa
Buush ehelladiisiyo
Gaal baaraloo idil
Baacsaday wixii yimid
Ictisaam gar baa taal
Gabi baad ka lulataan
Gabalkii ma dhicin wali
Talana way gudboon tahay
Waa iga gunaanade
Meel la isku giijoo
La garaaco miiskoo
Nacfi la iska gooyiyo
Lagu faano gaalada
Waa gudubtay xaajadu
Gubniyaan is haynaa
Gaalada wakiil ka ah
Wadaad geesa waynoo
Gaalada dhex joogoo
Gunna qaata waligiis
Gobannimana doonayn
Gees maray jihaadkii
Give way baanu leenahay.

Wa illaa…

Give way [Ingiriis]: Ka leexo, bannee

Qeybta 25aad

Bismillaahi wabacdu. Waa qormadeennii 25aad. Walaalayaal waxaan isku ogayn in talo la isoo siiyo ilayn waxaan rabaa in aan aado dhul aannan aqoon waddooyinka loo maro iyo la dhaqanka dadka toona. Waxaa kaloo jiray cabsi aad u ballaaran oo waddanka ka jirtay. Illaa iyo hadda ma hayo cid igu tiri qaado taladaas oo waxaad martaa wadda hebla. Intaas ka badan idinma sugi karo oo waan dhaqaaqay anoo Ilaahay talo saaranaya waxaan heli karay oo xeelad ahna diyaarsaday. Allaahul Mustacaan.

Waxaan soo xuuraamay ama soo raadiyey qaabka looga baxo Xamar oo loo aado gobollada Waqooyi Galbeed. Waan soo helay, waxaan isu diyaariyey safar khatartiisa leh. sidaad ogtihiin waxaa dhacay ama dadka dhexmaray dagaal aan la is badbaadinayn oo qofba qofka kale ka aargoosanayo.

Dadku ayagoo sidaas isu dilaya ayey haddana is dhex mari jireen oo waxaa samaysmay kooxo dadka dhexdiisa ka ganacsada oo ayagu qofka naftiisa dammaanad qaadaya illaa uu ka tago gobolkuu rabay, qofkana waxaa laga qaadayaa lacag fiican oo uu naftiisa ku badbaadiyo. Kooxdaas magaceeda waxaa la dhihi jiray Mukulaal Madow, ciday wataanna waa lasii dayn jiray oo lama dili jirin lamana dhici jirin.

Xuduudaha waa la kala leeyahay oo qola walba awooddeedu meel ayey ku eg tahay. Bakaaraha illaa iyo Baladwayne waxaa Mukulaal Madow ka ahaa Gaaljecel. Waxaan Bakaaraha ka raacay gaari ay mas’uul ka yihiin rag Gaaljecel ah. Waxaan u dhaqaaqnay dhankaas iyo Waddadii Afgooye. Markaan Wanlawayn marayno ayaan waxaan u leexannay dhankaas iyo Jawhar xaggeeda. Waxaan soconnay saacado badan intaasna waddo lama hayo oo waxaa la marayaa dhul qaxar ah ama dhib badan.

Casarkii markay ahayd ayaan waxaan nimid meel matoor ka mudan yahay ama riigga xooluhu ka cabbaan. Darawalkii gaariga wax yar buu meeshii ku hakaday oo dadka qaarkii ayaa dalbaday in meesha shaah laga cabbo.

Wax yar ka dib waxaan aragnay dhalinyaro gees u baxday oo afka isku haysa qoryana wadata, shaki ayaa galay darawalkii gaariga wuxuuna dadkii ku amray in ay baabuurka fuulaan. Markii aan dhaqaaqi lahayn ayey dhalinyaradii gaarigii hortiisa la istaageen qoryo, waxaa la galay xiwaar dheer, aakhirkiina waxay ku dhammaatay in nalasii daayo dhib nama soo gaarin waxaanse galnay khatar.

Akhristayaalow dhib badan kadib waxaan Baladwayne kasoo galnay dhanka qorraxdu u dhacdo, waa caksiga meeshii aan kasoo gali lahayn haddaan nabadgalyo haysanno, oo Baladwayne marka Xamar laga tago waxaa laga soo galaa dhanka qorraxdu ka soo baxdo. Intaasna waddo ma aannan haynee waxaan maraynay dhul qardajeex ah. Bal qiyaasa dhibaatada dadkaas haysatay iyo nabadgalyo la’aanta ka jirtay meeshaas.

Waxaan gaaray anoo nabad qaba magaalada Hargaysa ee gobolka Waqooyi Bari. Waxaan soo maray oo Ilaahay iga soo badbaadiyay gobollo badan oo Mukulaal Madow ay dadka dhiiggooda iyo naftoodaba ka ganacsato, wax la hadlayana aadan arkay ama iska dhicinaya oo leh war dadka dhibka ka daaya. Waxaaba laga yaabaa in odayaasha reerku biil ka saaran yihiin ama ay biilaan Mukulaal Madowdu, oo haddii ciddu la hadli lahayd waxaa laga baqayaa qabiilkiisa ama nabaddoonkiisa ama shiikhiisa oo ku og arrimahaan waana shaqo loo diray.

Hargaysa waa meel xoogoow xasiloon waxaase ka muuqanaya burburkii ka dhashay dagaalkii ay la galeen dawladdii Maxamed Siyaad Barre. Waxaa ka muuqanaya burbur aad u ballaaran dhanka dhismaha, dhanka gaadiidka, dhanka waddooyinka. Ma jirin meel u caymatay oo badbaadday. xataa waxaa burbursanaa masaajiddii iska daa meel kalee.

Waxaa billow ah nolosha magaalada, waxaa la billaabay in la dhiso meelaha daruuriga u ah bulshada, sida masaajidda, dukaammada yar yar, maqaaxiyaha, hoteellada iyo wixi la mida. Waa magaalo caraysan oo looga soo duulay Koonfurta Soomaaliya siday ayaga la tahay. Ma maqli karaan qof Koonfur ka yimid, waxay u yaqaannaan dadka Koonfurta ka yimid Wanlawayn ama Faqash!

Maalin baan khatar galay maalmihii ugu horreeyey ee aan tagay Hargaysa sababtuna waxay ahayd, waxaan wax ka gatay dukaan, waxaan ku iri ninkii badeecadda iibinayey waa meeqa sheygaan? Ninkii dukaanka gadanayay intuu wax walba dhulka dhigay ayuu kor ii fiiriyay! Hadal kululna iigu yiri, “Waa miiqa? Waar orod naga tag waxba kaa gadan maynee.”

Waqooyi marka qofku qiimaha sheyga waydiinayo wuxuu dhahaa, “Waa imisa?” Waan sigtay waxse ima gaarin aan ka ahayn canaan waayeel, mar dambana afkayga lagama maqal, “Waa miiqa?” Markaan wax gato waxaan dhihi jiray, “Waar waa imisa?”

Magaalada waxaa ka jiray dacwo laba nooc ah, mid waa tii soo jireenka ahayd ama wadaaddadii hore oo ayagu dhowr nooc ah, sida Suufiyada, Waxdada, iyo niman Mumtadda loo yaqaan oo ayagu u dhisan sida hay’adaha oo kale, hoostana waxay ka wataan manhajkooda. Waxaa kaloo jiray tayaar aad u xoog badan oo waliba markaas la xiisaynayey oo dacwadana waday jihaadna ku jiray, waana nimankaan u socday anigu.

Magaaladu waxay xuduud la leedahay waddanka Itoobiya, Itoobiyana waa midda lagu jihaadayo oo dhexdeeda waxaa ka socda dagaallo faraha looga gubtay ama jihaad kulul. Waxaa jihaadka saldhig u ah oo howlihiisaa dhanka siyaasadda iyo dhanka dhaqaalahaba laga wadaa labo magaalo oo kala ah Hargaysa iyo Burco. Waxaa laga diraa gurmadka, waxaa laga diraa dhaqaalaha, waxaa la keenaa dhaawaca iyo bukaanka.

Waxaa ku diyaarsan mar walba dhalinyaro aad u qiiraysan ama jecel camalkaan iyo ehelkiisa, una huray naf iyo maalba. Waxaa magaalada soo buux dhaafiyay jawaasiis Itoobiyaan ah oo isku daya wax kasta oo camal ah oo jihaadka ku saabsan in ay ogaadaan si ay uga digtoonaadaan. Itoobiya waqtigaas asaga ah ma lahayn ciidan ku filan oo u ilaaliya xuduudbeenaadka ama ka hortaga dhalinyaradaan u jihaadaysa Kitaabka Allaah koryeeliddiisa.

Waxay awoodeen oo kaliya in ay wax soo xuuraamaan ama soo ogaadaan kadibna ay akhbaarta u gudbiyaan cidday khusayso. Itoobiya markaas ma lahayn awoodda ay hadda ku leedahay Hargaysa iyo dhammaan gobollada Waqooyi Galbeed ama kuwa Waqooyi Bari.

Waxaa u shaqayn jiray dad yar oo Soomaali ah. Waxaa loo yaqaannay dabaqoodhi ama koofiyad-dhuub. Waxaa kaloo u shaqayn jiray ama jawaasiis u ahaa wadaaddo inxiraafay oo markay cabbaar jihaadka ku jiraan ayay inta Itoobiyaanka u tagaan waxay dhihi jireen anigu waan kasoo baxay Al-Itixaad, adinkaan indinla shaqaynayaa, markaasuu dib noogu soo noqon jiray asagoo Itoobiya u shaqaynaya. Waxaa laga yaabaa in loo dhiibo ciidanka dhan ama madax looga dhigo guuto dhan jaasuuskaas ama munaafiqaas.

Marka dagaal dhaco waxaa laga yaabaa in dad yar ay gaaladu disho laakiin kuwaan nagu dhex jira ama ciidanka madaxda u ah ee jawaasiista ah ayaa laga yaabaa in ay dhabarka kaa toogtaan. Inta badan waxaa shahiidi jiray dadka madaxda ah ama qiimaha gaarka ah u leh jihaadka. Waxaa muddo kadib la ogaadaa munaafiq ama murtad ciidanka ku dhex jiray oo dhammeeyay dadkii waxtarka ahaa. Marka la ogaadana ama wuu baxsan jiray ama waa la khaarijin jiray. Lagdankaasaa naga dhexeeyay (ow masgab).

Culumadaas inxiraaftay waxaa loo yaqaannay magac ah: hebel waa is masgabay, macnaha eraygaas waxaa weeye: hebel waa is diiwaangaliyay, wuxuu noqday jaasuus. Nimankaasu waxay nagu hayeen haddana nagu hayaan Nebi Muxamedna (sallallaahu calayhi wasallam) ay ku hayeen dhib aan dhammaanayn illaa qiyaame ka dhaco oo dadka loo garnaqo.

Qofka aadaya furinta ama ka imaanayaa aad buu u taxaddari jiray, bixitaankiisa iyo soo galitaankiisa intaba. Howshaas waxaa u xilsaarnaa rag qaarna shihiideen oo Ilaahay naftoodii ka iibsadeen qaarna wali nool yihiin furintiina wali ku jira, Ilaahayna waxaan uga baryayaa in uu siiyo shahaado ay ku illaawaan dhibkay diintaan u soo mareen, aamiin. Raggaas waxaa ka mid ahaa Shiikh Axmed Aw Cabdi xafidahu-llaahu (Hargaysa) inkastoo aanan aad u hubin taariikhda aan Shiikha magaaladaas ku arkay. Waxaa kamid ahaa Shiikh Maxamed Maxamuud Nuur xafidahu-llaahu (Burca).

Mujaahidiintu inta badan waxay adeegsadaan lugtooda oo gaadiid ma haystaan. Haddii ay jiraan waxyaabo culus, sida hubka ama raashinka waxay ku rartaan dameerro ama geel, Intii ka dambaysay dagaalkii saldhiggii Qorra oo Maraykanka iyo xulufadiisu ay kusoo duuleen, waxaa la baddalay takhdiidkii oo ma jirto meel saldhig u ah mujaahidiinta. Waxaa loo sameeyay ama laga dhigay koox koox ama 30 illaa 40 ciidan ahba waa la isku daray oo waxaa la siiyay itijaah u gooni ah ayaga.

Wadaaddada magaalooyinka naga taakuleeyaa waxay adeegsadaan dad mucayin ah oo dhulyaqaan ah. Waxay baabuurta ka kiraystaan dad yar oo aammin ah. Waxay leeyihiin siyaasad u gaar ah ayaga, waxay leeyihiin sakuurati aad u heer sarreeya oo kii Itoobiyaanka ka qaalib noqday ama ka adkaaday. Waxay lahaayeen dhaqaale u gaar ah oo ay wax ku dabbaraan ama ay wax ku xalliyaan hadday wax is dabamaraan ama xumaadaan. Ma jirin dowlad taakulayn jirtay ama ay ku tiirsanaayeen marka laga reebo Al-Itixaad oo mar mar wax usoo tuura illayn magacoodaa la adeegsanayaa, waa Al-Itixaad.

Meel baa nalagu aruuriyay ama waxaa nala dajiyay hoteel annagoo ah koox jihaad-doon ah. Maalmo kadib ayaa waxaa naloo sheegay in aan bixi doonno muddo aan fogayn naloomase sheegin waqtiga aan baxayno. Saq dhexe annagoo hurudna ayaa nala kiciyay, waxaa nala saaray baabuur Toyoota ah, wuxuu na gaarsiiyay meel qoxooti daggan yihiin oo lagu magacaabo sidii la ii sheegay Obokor, isla habeennimadiiba lug baan kaga baxnay tuuladii oo looma baahna in ay na arkaan dadka tuulada daggan. Waxaan lugaynay intii habeenkii ka hartay. Markii waagii baryay oo aan tukannay ayaan xoogow sii soconnay. Qiyaastii siddeeddii subaxnimo markay ahayd ayaan geed hoosta ka galnay illaa qorraxdu ka dhacday ama ay aad u gaabatay.

Ma wadanno haba yaraatee wax hub ah. Waxaan lugtaas ku jirnay illaa aan u tagnay Mujaahidiintii oo habeenkiii oo dhanna waan soconnaa maalinkii oo dhanna dhufays baan ku jirnaa. Waxaan ciidankii u tagnay annagoo aan naf badani nagu jirin oo aad u daalan, cagihiina murxeen, bowdyihii is xoqeen, beerkii isku kaaya dhagay gaajo iyo daal dartiis.

Muddo yar ayaan ku illawnay dhibaatadii aan soo marnay o waxaan la qabsannay noloshii meesha ka jirtay. Waxaan dareennay cizzi iyo sharaf, waxaan barannay lugayntii iyo gaajadii, waxaan barannay in qofku qaato hubkiisa iyo raashinkiisa asagoon gaadiid raacin. Waxaan helnay oo dhex galnay bulsho Ilaahay ku xiran gaaladana aan ixtiraam u hayn. Waxaan dareennay arrintii ahayd immaa shahaado wa immaa nasri.

Walaalayaal meeshii aan imid waxaan ugu imid Mujaahidiin ka kala yimid daafaha Soomaaliya ama dhulka Soomaalidu dagto oo dhan. Tusaale ahaan waxay ka yimaadeen Koonfur, Waqooyi Bari, iyo gobollada dhexe. Khaasatan rag tababbaran ayaa waxay ka imaan jireen mucaskarkii Marka iyo mucaskarkii Luuq. Waxay kaloo ka imaan jireen Laascaanood, Burco, Hargaysa, iyo inta tuulo ka ag dhaw oo dhan.

Akhristow la socda waxa jihaadka wadaa waa Mujaahidiin Soomaaliyeed iyo Mujaahidiin muhaajiriin ah, waxaa magacooda la isticmaalayaa waa Al-Itixaad Al-Islaami. Waxaan soo marnay Al-Itixaad oo kala diray ciidammadii, quwaddii Xarakada iyo dawladdii Laasqoray ka jirtay, sidaan soo sheegnayna waxay dhalinyaradii Mujaahidiinta ahayd ku yiraahdeen hubka dhiga oo qabiilooyinkii aad ka dhalateen dib ugu noqda, jihaad dambena yaan la idinka maqlin, haddana waxay horboodayaan qola kasta oo jihaad ku jirta ama isticdaad, oo waxay leeyihiin annagaa maamulka idiin haynayna ee jihaadka wada magacayagana isticmaala!

Tusaale Marka waxaa ka jiray mucaskar loogu tala galay in lagu diyaariyo ciidan difaaca acraadda ama sharafta gabdhaha Muslimaadka ah iyo ducaadda haddii lagu xadgudbo, waxaa magaciisii la wareegay iyo maamulkiisii Al-Itixaad. Luuq waxaa ka jiray imaarad Islaami ah oo dhinacna isticdaad ka wadda dhinacna mujaahidiin u dirta goobaha jihaadka, dhinacna dacwadii ka wadda. Waxaa la wareegay Al-Itixaad maamul iyo manhajba.

Itoobiya waxaa ka socday jihaad aad u mira dhalay oo ku dhawaaday in Xabashidu isdhiibto waana tan keentay in Maraykanku usoo hiiliyo, waana caadadooda markii laga adkaado in ay u yeertaan walaalahooda Kiristaanka ah. Tusaale 77 (toddobaatan iyo toddobadii), markii laga adkaaday waxay u yeerteen walaalahood Ruush, asagaana Soomaali ka dulqaaday dhulkiina ku celiyey gacantooda Soomaaliyana ku celiyay xuduudbeenaadkii ay awalba u sameeyeen ayagu.

Maantana waxay u yeerteen walaalahood Maraykan markii mujaahidiintu ku biya keeneen oo dhulkii intiisii badnayd laga xorreeyay. Waxaa kaloo u hiiliya markay jabaan gaaladu mid ay nagu dhex darsadeen oo gadh wayn ama wadaad u eg oo mujaahidiinta hoggaankooda haya ama sirtooda og, markaasuu wuxuu keenaa tabriiraad been ah oo ay yaqaannaan dadka caqliga u saaxiibka ah, doqonkana lagu siro oo markaas mujaahidiinta lagu kala furfuro gaaladuna ay kasoo kabato dhibkii gaaray Muslimiintana dib u gumaaddo.

Ikhwaanii waxaa laga yaaba qaarkiin in uu is weydiiyo maxaa na dabadhigay Al-Itixaad iyo odayaashiisa hadday intaas oo dhibaato ah noo gaysteen marar kala duwan iyo meelo kala duwan? Waxaan gaari doonnaa inshaa Allaahu annagoo kala harnay annaga iyo odayaashii Al-Itixaad waana baytul qasiidkayga ama qormadaanu meeshay u socoto ama jawaabteedu dhici doonto, laakiin hadda Allaa iskaaya baday annaga iyo odayaasha Al-Itixaad ee iska adkaysta inta laga xoroobayo ama la gaarayo Nihaayatul-Itixaad.

Sababaha keenay in aan isla soconno annaga iyo Al-Itixaadka odayaashiisu waxaa ugu waawaynaa dhowr arrimood:

  1. Dhalinyarada oo aan ka sabrin ducaaddii ama culumadii hoggaaminaysay jihaadka dhib kastaba ha u geystaan dhalinyaradee.
  2. Dhalinyaradu ma lahayn culumo kale oo ay ka amar qaataan ama ku xirnaayeen.
  3. Odayaasha lama fahmin khiyaamaday wateen, wixii dhacay oo khaladaad ahaana dhalinyaradu waxay u qabtay waxyaabo la sixi karo oo xagga farsamada ka khaldamay. Wali lama fahmin khayaamada.
  4. Madaxdii Al-Itixaad oo ogaatay in meesha ay soo galeen Mujaahidiinta Al-Qaacida kadibna ka baqay in lagala wareego dhalinyarada ama maamulka jihaadka, marar badan baa inta lawada hadlay la isku afgaran waayay, waa Al-Qaacida iyo Al-Itixaad, wadaaddadii Soomaaliyeedna waxay go’aan ku gaareen in aysan ka dhex bixin dhalinyarada oo ay ilaalsadaan dhalinyaradooda, jihaadkana afka baarkiisa ay ka yiraahdaan dhalinyaraduna ay run u maleeyaan dhiirrigalinta iyo muxaadarooyinka jihaadka lagu sharraxayo.
  5. Ducaadda oo ay ka buuxeen balaayo u shaqaysa danaha gaalada oo waxay mar walba oo guul la gaari lahaa arrinta u leexiyaan meelo khaldan ama fowday kiciyaan iyo wax aan meesha oollin. Tusaale Salafiya Jadiidiyah waxay kiciyeen fowdo aad u gilgishay Al-Itixaad markii Laasqoray dawladdu ka istaagtay oo waxay dheheen, “Tuug baad tihiin, qabiil baad isku qarinaysaan, waxaad qaadateen magac wadaad, waxaad tihiin Daarood raba in uu soo ceshado dawladdii daaquudka ahayd ee la eryey.” Arrintaasna dad badan oo xaqdoon ahaa oo isyiri yaan la kala tagin ayaa run u maleeyay oo wali waxaa loo qabay in wax la saxayo, looma malayn hagardaamo shisheeyuhu soo dhisay in ay tahay waxay wateen Salafiya Jadiidiyah. Wali lama fahmin khiyaamada.
  6. Waxaa ducaadda ka buuxay oo aan war laga hayn casabiyad aad u gaamurtay ama qabiil. Taasi waxay keentay meel kasta oo la is yiraahdo saldhig halaga samaysto in culumadii gobolkaas u dhalatay ay yiraahdaan waa nalagu soo duulay, dacwadii baa wax loo dhimay, dadkii baa la gaalaysiinayaa, annaga wax nalama waydiin oo waa nala jajuubayaa iyo wixi la mida. Haddana waxaa la raadiyaa dhul kale oo dadkiisu ka qiil fayow yihiin, markii dacwadii la billaabo oo muddo la joogo ayaa buuq dhacaa iyo isfahmi waa, markaasaa meel kale loo guuraa. Wali lama fahmin khiyaamada.
  7. Inxiraaf diini ah oo jiray oo aan war laga hayn, waxaa dhammaan waayay khilaaf iyo iska hor imaad fikrado kala duwan, wada shaqayn la’aan, is tuhun, khiyaamo mid siyaasadeed iyo mid dhaqaale intaba, markaasaa madaxda la kala baddalaa oo wax la isku shaandheeyaa. Wali lama fahmin khiyaamada.
  8. Arrinka siddeedaad oo ugu dambeeya wuxuu ahaa culumada waawayn oo ilaalshan jirayn magacooda iyo mansabkooda, mid Ilaahay u naxariistay mooyee. Taasi waxay dhalisay in dhalinyaradu wadaadkay la dhacaan afkaartiisa in ay cirka geeyaan oo loo khidmeeyo oo la ammaano, casharradiisa lagu taxmo, magaciisa far qurux badan lagu qoro. Markaasuu wadaadkii kala dhacaa oo ismahadiyaa oo u qaataa in aysanba cidi ka daba hadli karin ama saaxadu asaga kaligii u xirantahay. Cudur jiruu ahaa oo lagu wada socday.

Markay dhalinyaradii iyo wadaadkii iska horyimaadaan oo la isku qabsado arrimo diini ah ama masaalix kale ayaa wadaadkii waxaa lagu dhiftaa dhulka, markaasuu arkaa asagoo dhulka yaalla, wuxuu billaabaa riddin aan looga baran, fatwooyin aan looga baran. Wuxuu illaawaa shalay nusuustuu adeegsanayay, wuxuu yeeshaa qawlul qadiim wa qawlul jadiid. Fatwo cusub iyo fatwo duug ah oo iska hor imaanaya. Waa waxyaabaha culumada ka caraysiiyay oo ay Shabaabka ula dagaaleen.

Wuxuu xaaraam ka dhigaa wuxuu shalay xalaaleeyay. Wuxuu caayaa qoladuu shalay ammaanayey. Wuxuu caayaa qolooyin Ilaahay ammaanay. Wuxuu baddalaa saaxiibbadiisii shalay, wuxuu garaacaa albaabbo uusan awal garaaci jirin. Wuxuu isku dayaa in uu soo ceshado sharaftii iyo karaamadii uu u maleeyey in ay ka luntay. Wuxuu maraa waddo kasta oo uu ku gaari karo kursigiisii la waydaariyay siday asaga la tahay. Waa waxa ugu danbayntiina Zanaawi u geeyay.

Waxaan shaki ku jirin khalqiga hadda nool in uusan ku jirin qof haysta dammaanad uu jannada ku galo, waxaan kaloo laga aammin ahayn inxiraaf diini ah. Ilaahay waxaan ka baryaynaa in uu xaqqa nagu sugo, wixii aan dambi galnayna noo dhaafo, aamiin, aamiin.

Ikhwaanii waa inoo qormada dambe inshaa Allaahu.

Qeybta 24aad

Bismillaahi wabacdu. Waa qormadeennii 24aad. Waxaan kala tagnay ayadoo Xamar ay ka socdaan dagaallo faraha looga gubtay oo ka dhexeeya Muslimiinta oo aan midaysnayn iyo gaalo isa soo bahaysatay oo midaysan. Gaaladu waxay ka amarqaadanayeen hal nin oo aan magiciisa ku sheegnay Haw. Muslimiintana waxaa matalayay oo shaashadda saarnaa Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid. Jananka waxaa ka amarqaadanayey dad aan badnayn oo kusoo raacay qabiil, markii dambana sii kala jabay oo ayagiiba is ugaarsaday iskaba daa in ay saf wada galaane.

Ikhwaanii dagaalka waxaa ku jiray Muslimiin fara badan oo dibad iyo daakhilba ka yimid ama haddaan si kale u dhaho Muslimiin Soomaali ah iyo kuwo aan Soomaali ahayn intaba. Waxaa dagaalka ka qaybqaadanayay ayagoo caraysan walaalihii Bari lagusoo kala diray.

Waxay yimaadeen Xamar oo aysan jirin meel cag la dhigo oo bannaan oo ay buux dhaafiyeen gaalo iyo mooryaan qolo waliba dhankeeda dadka u dhibayso. Gaalada iyo mooryaanta waxaa ka dhexeeyay dagaal xiniinyo taabad ah. Waxaa ku dhex jira ama magaalada joogay dad wanaagsan oo ayagu raba in ay gaalada la dagaallamaan laakiin shaki ka galay qaabka raayada ay ka hoos dagaallamayaan, dhibkana waxaa keenay waxaan jirin tayaar diineed oo nidaamsan oo dagaalka ku jiray.

Waxa dagaalamayaa oo adduunwaynuhu arkaa waa Maxamed Faarax Caydiid. Ninkaasna in ay saf la galaan shubhaa ka gashay Muslimiintii is xilqaami lahayd. Waxaa kaloo shubho la galiyey dagaalka  isbahaysatadaan Maraykanku wato in uusan bannaanayn, maxaa yeelay waxay u yimaadeen maslaxadda ummadda Soomaaliyeed, sidaasaa culumo qabtay!

Waxaa magaalada Xamar ka ag dhawaa ama joogay Shiikh Shariif Cabdinuur (xafidahu-llaah). Waxaa u tagay dhalinyaro jihaad-doon ah. Waxay ku yiraahdeen, “Waxaan rabnaa in aan la dagaalanno gaaladaan kusoo duushay ama qabsatay dhulkii Muslimiinta dadkiina gumaadaysa, qaab aan ula dagaalno ma garanayno oo waxaa dagaalka ku jira Soomaali fara badan oo aan diin u dagaallamayn. Waxaa dhanka Soomaalida dagaalka hoggaaminaya Maxamed Faarax Caydiid. Ninkaasna amar kama qaadan karno oo nin diin u dagaallamaya ma aha. Nala tali Shiikhunaa al-faadil.” Wuxuu u iItooday Shiikhu in ay bannaan tahay in lala dagaallamo isbahaysatada uu hoggaaminayo Jenaraal Haw. Wuxuuna siiyay talooyin wax ku ool ah.

Waxaa ka mid ahaa talooyinkii shiiikha: “U gala dagaalka jamaaco iyo fardiba, gaalada isa soo bahaysatay ku dila meeshaad ku aragtaan, ku dagaallama waxaad awooddaan, kii dhagax tuuri kara, kii madfac ridi kara intaba.” Waxaa la galay dagaalkii, waxaa la isu qaybiyay koox koox, qolo walbaa waxay awoodday ayay ku dagaalantay, dagaalkana ayaga kaligood ayaa furinta gali jiray oo kama ay dhex dagaallami jirin Soomaalidii Caydiid hoggaaminayay.

Waxaa yool laga dhigtay Maraykanka, lamase dhaafi jirin gaal daggan haddii la arko. Waxaa kadeedmay Maraykankii oo meeshuu galaba waa looga daba galay. Waxaa dhici jirtay baabuur badan oo kolonyo ku jirta in kan dhexda ku jiraa yahay Maraykan. Asagoo dhexda ku jira ayaa haddana Ilaahay fadligiisa waxaa lagu qarxin jiray meeshuu marayo. Waxaa ku dhacay Maraykan car soco magaalada dhexdeeda oo nabad gal.

Saldhigga ugu wayn ee uu ku lahaa magaalada dhexdeeda waxay ahayd kulliyaddii Jaalle Siyaad. Wuxuu meel walba iska dhigay ciidan Carbeed ama Afrikaan si aan asaga loogu soo dhawaan godadna intuu qotay ayuu dhulka hoostiisa ku dhuuntay. Asagoo meeshiisa dhabbacan ayaa lagu qarxin jiray bambooyinka wax gumaada oo takbiirtu la socoto.

Ciidamadii Maraykanku waxay gaareen in ay dhufeysyadoodii ku dhex kaadiyaan waxna ku dhex cunaan oo haddana ay seexdaan.

ألله أكبر ولله العزة

Walaalihii mujaahidiinta ahaa waxay isku dhex wadeen dagaal caniif ah iyo tababbar degdeg ah. Qofka maalmo gudahood ayaa waxaa la tusayaa qaabka wax loo halaago iyo tabaha la adeegsanayo, kadibna asagaa howshiisa wadan jiray.

Waxaa la helay cudud milatari oo aan is dhimayn, maxaa yeelay kii shihiida waxaa baddalaya booskiisii mid diyaarsan oo tababbaran howshana meesheedii kasii wadaya. Waxaa cabaad afka labadi yeeray Axbaashtii Muslimiinta sheeganaysay ee Maraykanku soo kiraystay, waxaa ku dhacday qaarkood ama intoodii badnayd dharbaaxo ay salka dhulka ku dhiftaan.

Tusaale ahaan kuwii tima-jilicda ahaa ama Eeshiyaanka markii hore way iswaaleen oo dad badan ayay gumaadeen, inta loo ballamay ayaa gamta loo taagay wixii ka harayna meel baa lagu kuusay oo madaxay soo bixin waayeen. Ergo ayey soo dirsadeen, waxay dheheen  walaalayaalow nadaaya waan idin daynaynaaye, waxaan nahay dad Muslimiin ah oo xoog lagu keenay xoogaw nacfi ahna u xishay, waxaana ballan qaadaynaa in aanan idin taaban.

Waxay codsadeen markaad camaliyaadka fulinaysaan hubka soo qarsada oo baabuurta dhexdeeda dhigta qoryaha iyo wixii lamid ah oo aad dagaalka ku galaysaan annaguna waan idinka wareegaynaa. Sidaasaa lagu heshiiyay ballantiina ma aysan jabin oo ayagaaba dani ugu jirtay mar haddii dilkii laga daayay.

Inta kontorool ah waxaa joogay dowladaha Muslimiinta sheeganayay oo u badnaa kuwaas aan ku xusay magacooda kor. Ayagii  iyo mujaahidiintii baa heshiiyay oo waxay soo gudbiyaan wax kasta oo Maraykan col u ah, ama la dagaallamaya, ama wadaad ha ahaado ama Soomaali kale ha ahaado. Waxaa fududaatay in la gaaro saldhigyadiisii iyo meelihii muhiimka u ahayd.

Waxaa la garaaci jiray ayraboorka saacaddii la doono khaasatan saqda dhexe habeenkii. Waxaa la gubi jiray dabbaabaadkiisii oo ku dhex jira kuwii murtaziqada ama calooshood u shaqaystayaashii. Waxaa loogu galay meel kasta oo ay gabbaad ka dhigan lahaayeen. Waxaa hub noo ahaa hubkooda, waxaa daawo noo ahaa daawadooda, dhaqaalahayagu wuxuu ku tiirsanaa qaniimadaan ka helno.

Intaasna waxaa noo dheeraa guryahayagii ayaan joognay oo safar kuma aanan imaan sidiisa, dhulkana waan naqaan iyo dhismayaasha magaalada ku dhexyaala oo ayagu ma yaqaannaan wax ka horreeya iyo waxa ka dambeeya.

Waxaa asaguna dagaal kula jira gaalada Maxamed Faarax Caydiid, wuxuu dagaalka galiyay ciidammadii uu ku qabsaday Xamar oo ku dagaallamayay hab qabiil, waxay dagaallameen dagaal gobeed oo ka wanaagsan kii ay Soomaalida la galeen. Waxay ku tababbarteen ama aad u yaqaanneen qaabka magaalada loogu dagaallamo. Waxay ku shiish-barteen oo soo laayeen Soomaali fara badan. Waxay ku naxdin gooyeen dhimashadii faraha badnayd iyo maydkii ay arki jreen.

Waxaa soo caanbaxday oo caalamkoo dhan ku faaftay in Caydiid iyo ciidammadiisii jabiyeen gaaladii isa soo bahaysatay, waxaa shaashadaha caalamka lasoo saaray Soomaalidii Xamar ka dagaallamaysay oo Maraykanka iyo xulufadiisii hilibkoodii cunaya, waxaa la daawaday diyaarado Maraykan ah oo hawada ku gubanaya, waxaa jabay oo warbaahintu sheegtay ciidammadii Maraykanka magaca gaarka ah u lahaa (Raanjaris).

Raanjarisku ma rootiyaa,
Shacabkii yaaba raamsadee?

Waxaa la hubaa in shacabka Muqdisho uu yahay shacab diin jecel, dagaalyahan ah, hadduu helo wax xaqa ku hoggaamiya.

خياركم في الجاهلية خياركم في الإسلام إذا فقهوا

Walaalayaal Maraykan iyo xulufadiisii waxaa isugu tagay oo jabiyay illaa uu dalka ka baxay shacabkii reer Muqdisho oo wata culumadoodii. Waxaana dagaalka hoggaaminayay caalimka wayn Shiikh Shariif Cabdinuur (xafidahu-llaahu). Wuxuu ka diyaariyay muxaadarooyin fara badan. Waxaan ka xasuustaa:

لَا مَرۡحَبَۢا بِہِمۡ‌ۚ إِنَّہُمۡ صَالُواْ ٱلنَّارِ

Waxaan Ilaahay uga rajaynayaa dhalinyaradii waagaas ku dagaallamaysay magaca qabiilka ama uu dagaal-galinayay Caydiid oo la dagaallamay kufaartii isa soo bahaysatay oo u diiday in ay nastaan illaa ay ka baxaan dhulka Soomaaliya, in Ilaahay xaqa tuso oo ay noqdaan kuwo u dagaallama in Ilaahay kalimadiisu kor noqoto. Waxaanna rajaynayaa in maantay kuwo badan oo ayagii kamid ah ay safka mujaahidiinta ku jiraan.

Waxaa qarsoonaa quwadda aan ka sheekeeyay oo ahayd mujaahidiintii ka dagaallamaysay Muqdisho, waxaana u sabab ahaa arrimo dhawr ah:

  1. Waxay iska ilaalinayeen Soomaalida ay dhufayska ku wada jiraan oo hadday ogaadaan in Ikhwaankii meesha ka dagaallamayo ayagaaba lagu jihaadayaa oo waxaa u siman mooryaanta in ay gaal dilaan iyo in ay mid Ikhwaan ah dilaan. Waxaaba laga yaabaa in culumada soo jireenka ahayd ee Soomaalidu ay lahaan jirtay sida Suufiyada iyo wixi la mida, in ay u fatwoodaan dhalinyaradooda: dila nimankaas sarwaalka gaaban. Ninkii hal nin oo ayaga kamid ah dilaa wuxuu helayaa ajar dhan in uu dilay kun gaal.
  2. Arrinta labaad waxay tahay uma ay baahnayn iclaam iyo cid sheegsheegta. Waxay u dagaallamayeen Allaah dartii Allana waa ogaa waxay samaynayaan wuuna uga abaalgudi inshaa Allaah.

Xamar waan joognay, ninkii joogay oo baraarugsanaa wuxuu ogyahay quwaddii Maraykanku ka cararay ama irhaabka ku riday oo uu la gaari waayay ujeeddadiisii in ay ahayd rag xaq ku dagaallamayay oo meesha soo galay asaguna wuu ogaaday in talo faraha ka baxday oo ay yimaadeen Mujaahidiin Muhaajiriin ahayd oo caalamka ka yimid.

Markuu yaqiinsaday Shabaabul Caalam in ay dagaalka ku jiraan oo mukhaabaraadkiisii arrintaas usoo gudbiyeen ayuu cagaha wax ka dayay. Ileyn dagaalku hadduu sii socdo waxaa soo badanaya dagaalyahannada aysan jirin meel celinaysa bi’idni-llaahi.

Waxaa mujaahidiinta u fududeeyay imaatinkooda Soomaaliya Maraykanka oo jabiyay albaabkii Soomaaliya laga soo gali jiray oo lahaa halka irrid oo laga kantaroolo, oo waxaa furmay cirka, dhulka iyo badda intaba.

وَيَمۡكُرُونَ وَيَمۡكُرُ ٱللَّهُ‌ۖ وَٱللَّهُ خَيۡرُ ٱلۡمَـٰڪِرِينَ

Asaga Maraykan ah ayaa jabiyay albaabka, wuxuu is lahaa dadkaan Muslimiinta ah dawladdooda burburi markay kala yaacaanna qabso dhulkooda, kadibna kitaabkooda bidixda ka sii! Qoladuu burburiyayna Ilaahay baa naga dulqaaday asagiina waan ku darnay Maraykan ahaa. Allaa mahad leh awel iyo aakhirba. Waxaan sugaynaa dowlad Islaam ah waana helaynaa inshaa Allaahu tacaalaa.

Walaalayaal waxaan wax ka xusi doonaa dagaalyahannadii Ilaahay gacmahooda ku jabiyay xulufadii Maraykanku hoggaaminayay. Soomaalida waxaan ka xusi shahiid Shiikh Cumar Dheere (taqabbalahu-llaahu). Cumar Dheere wuxuu ahaa maskaxdii ka dambaysay infijaaraadkii lagu dhammeeyay shayaadiintii isa soo bahaysatay iyo tabo fara badan oo milatari oo laga dhaxlay jazaahullaahu khayran wa taqabbalahu-llaahu.

Ninka labaad waa Shiikh Mahad Karataay (xafidahu-llaahu). Mahad waa nin aan dheerayn oo aan lahayn hilib cusleeya (intaan ka ogaa), wuxuu isku qarin karaa meelo aysan isku qarin karin ragga cayilan ee jihaad-diidka ah dhanka kalena aan tababbarka qabin. Mahad wuxuu yaqaannaa karatayga ama qaalma-rogadka. Waa nin dagaallami kara asagoon hub wadan loona tababbaray arrintaas waana laga faa‘iidaystay oo dad badan ayuu wax baray.

Waxaan wax yar ka sheegayaa walaalihii muhaajiriinta ahaa ama dagaalyahannadii lagu diirsaday.

Waxaa kamid ahaa: Shahiid Abuu Xamsa Al-Masri (taqabbalahu-llaahu). Waxaa kaloo kamid ahaa Shahiid Abuu Xafsah (taqabbalahu-llaahu). Raggaan muhaajiriinta ah waa ragga gaaladu markay ogaadaan meel ay soo galeen aysan sii fadhin karin. Waa raggii Ruush oo ahaa quwaddii adduunka ku amar taglayn jirtay barqadii ka xorreeyay Ardu Shuhadaa.

Reer Xamarka waxaa lagu xasuustaa la dagaalanka gaalada, ama ha ahaado mid cad ama ha ahaado mid madow. Waxaana tusaale inoogu filan, Talyaanigii waa iska xoreeyeen, Maraykan  iyo xulufadiisii waa iska xoreeyeen, Xabashi iyo xulufadeedii waa iska xoreeyeen, balaayo madaw oo isa soo bahaysatay waxay qarka u saaran tahay in ay kabahooda ka cararaan waxay wataanna laga qaniimaysto bi’idni-llaahi.

Waxaan rajaynayaa in aan taariikhdaas wanaagsan ee diiwaanka idiin gashay reer Muqdishow in aan la illaawin ama la hilmaamin oo gaaladaan nagu soo gardarrootay oo aan garanayn cidda aad tihiin la iska dhiciyo oo afka ciidda loo daro. Yaan loo kala harin ee muujiya gobannimadiinnii iyo gaalo-nacaybkiinnii iyo gobannimodoonkiinnii. Haka yeelina adinkoo nool in gaalo gabdhihiinna xijaabka ka qaadaan ama ay masaajiddiinna bakhaaro ka dhigtaan ama ay idin dullaystaan oo aad ayaga u ahaataan jaawaasiis iyo wixi la mida. Hala sabro guusha waxaa la gaaraa marka la dhibtoodo. Dhibkana waxaa ka dambeeya wanaag, wanaagna lama gaaro illaa la is imtixaamo. Ilaahay wuxuu leeyahay:

أَلَمۡ يَأۡنِ لِلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ أَن تَخۡشَعَ قُلُوبُہُمۡ لِذِڪۡرِ ٱللَّهِ وَمَا نَزَلَ مِنَ ٱلۡحَقِّ

Balaa yaa Rabbi! Waxaa ii muuqda in ay soo dhawaatay nihaayatul muctadiin. Waxaa ii muuqda in ay soo dhawaatay iqaamatu Imaaratul Islaamiya. Waxaan ku raaxaysanayaa midowga Muslimiinta. Waxaan ku raaxaysanayaa madmadowgii meesha ka baxay iyo muctadiinta halaagsami doonta inshaa Allaahu tacaalaa. Walaalayaal muddo kadib waxaan ka tagaynaa Xamar oo waxaan aadaynaa xaggaa iyo Itoobiya walaalihii jiray ama ka jihaadayay.

Waxaa Xamar ka bixi jiray dhalinyaro fara badan oo jihaad-doon ah markay ka adkaadeen Maraykan iyo xulufadiisii, aniguse waxaan ka tagay Xamar oo jihaadku ka socdo iyo mujaahidiinta oo intay dagaalka fahmeen ku raaxaysanaya dabargoynta doofaarrada dulmiga ku yimid dalkayaga.

Agagaarka Xamar waxaa ka hirgalay imaarad yar oo Islaami ah, waxaana saldhig looga dhigay Marka iyo meelo lamid ah. Mucaskarka ama imaarada Marka ka dhisnayd waxay xiriir la lahayd Mujaahidiinta meel kasta oo ay joogaan, sida Gado iyo Itoobiya. Waxay diri jireen ciidan gurmad ah marka loo baahdo, waxay ka warqabeen xaaladda ay ku suganyihiin mujaahidiintu, waxay wadeen dacwo aad looga faa’iidaystay.

Waxaa isoo gaartay arrin u baahan in la hubiyo sanadkeeda ama xaqiiqadeeda. Waxaana u daynayaa qofkii dhacdadaas wax ka ogaa, waxayna ahayd: Markii uu dhacay dagaalkii ehliga ahaa ee Xamar 1991dii oo dadkii ay jabsadeen bakhaarradii dowladdii laga xoogga roonaaday ay hubka ku kaydin jirtay, oo qof waliba qaatay qaybtiisa, ayaa dhalinyaro waxay u tageen Shiikh Maxamed Nuur Qawi, oo markaas Xamar joogay.

Waxay dheheen shiikhunal faadil waxaa dhacay waxaad arkayso! Ma qaadannaa hubka qaybtayada? Wuxuu yiri, “Maya! Maya! Ka fogaada waa fitno dhacday, guryihiinna gala iyo meeshii aad kaga badbaadi kartaan.” Dhalinyaradii ama wadaaddadii duruuftu waxay ku kalliftay in ay qaataan hubka intay heli kareen oo waa kuwa Maraykan iyo xulufadiisii ka xorreeyay waddanka. Waxay kaloo sameeyeen mucaskar ay ku tababbartaan iskuna difaacaan haddii naftooda iyo dumarkooda loo soo dhigto.

Muddaa kasoo wareegtay. Shiikhu wuxuu dagganaa Kaaraan. Wuxuu ahaa nin aan Soomaalida ku dhaqan ahayn oo haddana waayeel ah,  wuxuu ku hadli jiray ama dadka wax ku bari jiray luuqadda Carabiga.

Habeen ama maalin baa waxaa usoo dhacay jirridii ama mooryaantii. Dhib ayaa loo gaystay asaga iyo ehelkiisiiba, waxaa qaylo loo soo diray mujaahidiintii reer Marko, way soo gurmadeen, waxay u yimaadeen Shiikhii oo shayaadiini ay miranayso ama dhufays ugu jiraan. Way ka difaaceen mooryantii waxayna u rarteen asaga iyo qoyskiisiiba Marka. Meel baa la dajiyay ammaan ah oo rag horay ugu jihaadeen dhiiggoodiina ku bixiyeen maalkoodiina ku bixiyeen haddana dhufays ugu jira wixii kusoo xadgudba.

Shiikhii mudduu nastay, nasiino kadib ayaa la yiri shiikhunal faadil ka warran haddaan hubka bannaanka daadsan wax ka qaadanno? Wuxuu yiri waa bannaan tahay in la qaato oo la iska dhiciyo xaaraamiyiintaan ama tuugtaan Ilaahay aan aqoon oo aan cidna badbaadinayn!

Warkaasu haddii uu run yahayna waxaan rajaynayaa in lasoo xaqiijin doono haddii uusan sax ahaynna waxaan rajaynayaa in la waayi doono cid rumaysa. Waxaanse anigu maqlay in sidaas wax u dheceen aniguse aanan joogin meeshii wax ka dheceen ama aanan goobjoog ahayn.

Ikhwaanii waxaan aadi doonaa xaggaas iyo Itoobiya wixii hadda ka dambeeya, waxaan walaalaha meesha hoose ama tacliiqaadka wax kusoo qora ka codsanayaa in ay noogu raaxeeyaan siday waagii Maraykanka u dilleeyeen iyo qaabkay ula diriri jireen intaba.

Waxaan leeyahay jazaahumu-llaahu khayran ajmaciin, wa taqabbala-llaahu shuhadaa’akum.

Waxaan gali doonaa safar dheer oo aannaan aqoon dhulkiisa, waxaa aad u yar in laga badbaado dil ama dhac oo waddadu waxay u baahantahay in aad ku marto qaab xeeladaysan, maxaa yeelay ma mari kartid adoon hubaysnayn oo kaligaa ah, kaligaana isma difaaci kartid.

Waxaa la idinka rabaa qaabkii aan ku gaari lahayn Itoobiya dhexdeeda annagoo fara bannaan bulshadaan waalatayna aan uga nabadgali lahayn.

Waa inoo qormada dambe inshaa Allaahu tacaalaa.

Qeybta 23aad

Bismillaahi wabacdu. Ikhwaanii waxaan kala tagnay ayadoo qabiil qabiil loo kala saftay, qolo walbaana ay aadi doonto qabiilkii ay ka dhalatay. Waxaana adkaan doonta in mar dambe la arko dawlad Itixaad ah ama lagu midaysan yahay. Waxaanse meesha ka marnaan doonin in ay dhismi doonaan imaarado yar yar oo wali wata magacii Al-Itixaad Al-Islaami.

Waa lakala tagay ayadoo rajada la qabaayi ay aad u yar tahay, maxaa yeelay waxaa naloo celiyay dad aan kala dhimanay oo aan Manhajkii diiniga ahaa ku kala tagnay, dagaallana na dhex mareen oo dhiigga la kala cabbay. Hubkii baa nalaga dhigay, waxaa nala yiri ku noqda qabiilkiinna adinkoo fara bannaan. Qabiilkuna waa kuwaan shalay is laynay.

Saddex meelood ayaa waxaa ka samaysmay maamul hubaysan oo wali wata magacii Al-Itixaad intii lagu kala tagay Laasqoray kadib.

Itoobiya dhexdeeda waxaa ka jiray maamul aan ka madax bannaanayn dawladdaan la kala diray ee Al-Itixaad. Waxaa hadda ka hor nooga soo gurmaday raggii ansaarta ahaa ee noogu yimid Laascaanood oo uu watay Shiikh Mustafa Carab (taqabbalahu-llaahu). Ciidankaas Itoobiya nooga soo gurmaday ayaga waxaa lagu amray in ay meeshoodii ku laabtaan illaa amar dambe.

Mucaskarkii ay kasoo dhaqaaqeen ee Halooyo la oran jiray intay anaga dhankeena soo jireen ayaa inta gaalo u tashatay ayaa habeen madow lagu leefay ama nag laga dhigay. Waxaa la laayay wax alla wixii madax ahaa oo ciidanku lahaa. Waxaa la burburiyay saldhiggoodii. Waxaa la barakiciyay taageerayaashoodii oo dhan. Waxaa abuurmay colaad aan la isbixinayn ayaga iyo Itoobiya. Meeshii nin Al-Itixaad ah lagu arko waa dil toogasho ah.

Ayadoo la ogyahay waxaas oo colaad ah yaa waxaa la yiri orda aada meeshaad ka timaaddeen. Hubkiina waa loo diiday ciidan xoojiyana waa loo diiday. Taas macnaheedu wuxuu u egyahay orda hala idin dabargooyee. Waa iska tageen illeyn wax kaloo ay samayn karaan ma jirtee.

Ayaga hubka dhiga lama oran karo oo waxaa la rabaa in la iska fogeeyo oo meelahaas Xabashidu ku gumaaddo sidaasna ay u kala cararaan. Hubkii nalaga dhigayna lama siin oo waa loo diiday oo ayagoo kaligood ah ayaa la yiri orda Itoobiya ka xoraysta waddankiina. Hubkii la haystayna qolo walbaa qabiilkoodii ayay ku wareejiyeen. Kuwii ugu fiicnaa ayaa suuqa gaystay oo iibsaday. Walaalihii waa dhaqaaqeen ayagoo garabkooda laga baxay.

Markay wax yar ka socdeen magaalada Laascaanood ayay Tigreegii foodda is dareen.

Waxaad isleedahay markaad soo xasuusato waxyaabihii waagaas culumada Al-Itixaad nagu samaynaysay waxay ahayd mu’aamaraad cad cad oo la rabay in lagu dabargooyo dhalinyarada jihaad-doonka ahayd. Tusaale: Maalintii Garoowe waxaa nala yiri fuula baabuurta mooryaantiina waa nalagu soo fasaxay, markaasay eber naga dhigeen illeen baabuur baan saaran nahay ayaguna dhufays bay ku jiraan meeshuna waa bannaan.

Maantana qolaa la yiri orda fuula baabuurta oo xaggaas iyo Itoobiya aada, markaasaa munaafiqiintii nagu dhex jirtay markiiba intay ordeen oo Tigreegii u tageen waxay dheheen Al-Itixaad Shiftaanow, waa kuwaan ayagoo baabuur saaran ee ayagoo nool nool qabqabta. Waxaa loo galay walaalihii dhul hawd ah. Waxaa qabsaday dagaal aad u kulul oo waliba la gaaday. Waxay ahaayeen rag Ilaahay talosaartay dagaalkana wax ka yaqaanay oo waxay ahaayeen rag tababbaran Tigreena ay is dagaal yaqaanneen.

Ilaahay wuxuu guushii siiyay walaalihii ansaarta ahaa gaalana Ilaahay wuu hoojiyay, walaaluhuna dhib badan kadib waxay u tageen walaalohoodii ay markii horaba ka yimaadeen. Ciidankaan noo soo gurmaday intuu xaggayaga soo jiray ayaa Tigreegii intay walaalihii gaadeen dhib wayn gaarsiiyeen ayaguna waxay dagaallameen dagaal gobannimo oo gaaladii waxay ku dhifteen dharbaaxo aysan filayn.

Walaalihii naga tagay iyo qoladii Halooyo oo dagaalku qabsaday way isu tageen, waxayna sameeyeen abaabul xoog leh, waxay galeen dhul hawd ah oo Itoobiya dhexdeeda ah. Wixii waagaas ka dambeeyayna waxaa sare u kacay cududdii milatari ee ciidamadii fadhiyay Itoobiya dhexdeeda. Wuxuu ahaa magacay wateen oo ku dagaalamayeen Al-Itixaad, laakiin xaqiiqadu waa ka duwanayd ama waxqabadku.

Wanaaggoodii iyo horumarkii ay gaareen mucaskaraadkii Al-Itixaad ee ku dhexyiillay Itoobiya bartankeeda iyo markii dambe weerarkii Maraykan iyo xulufadiisii ay kusoo qaadeen wuxuu u baahan yahay qoraal gaar ah oo wuxuu leeyahay taariikh aan la hilmaami karin, aniguse waxaan idin tusiyay ama idiin iftiimiyay quwaddii meeshaas ka jirtay barigaas iyo cidda burburisay. Waxaan rajaynayaa in qalinka la qaato oo wax laga qoro.

Qolada labaad waxay ahayd reer Gadood. Reer Gadoodkii ma garanayo qaabka ay ku tageen dhulkii Gado laakiin waxaan hubaa in ay safar dheer galeen ayagoo aan ku faraxsanayn meeshay u socdeen iyo qabiilka la yiri aada.

Tusaale intaan la gaarin Gado waxaa ka sokeeya magaalooyin ay dagaan Mareexaanku sida Caabudwaaq, Balanbale, Dhabad iyo kuwo la mida. Barigii Itixaadku dagganaa ama haystay gobollada waqooyi bari ee dacwadu meel walba ku fidday Caabudwaaq foodda waa la galin waayay.

Waxaa ka quustay ducaaddii u dhalatay, waxay laayeen macallimiintii dadka wax baraysay, waxay laayeen gabdhihii xijaabnaa, waxaa lagu tukan waayay masaajiddii, waxaa la yaabay diin-la-dirirkooda dad aan magaalada u dhalan oo Muslimiin ah oo markay arkeen siday ducaaddii ula dhaqmayaan, dadkiina ay masaajiddii ugu diideen, ayay uga tageen masaajiddii ay dadka ku dhibayeen. Dadkii xumaanta dhawran waayay waxaa kamid ah nin lagu magacaabo Yaardi oo muddo halkaas dagganaa.

Yaardi wuxuu billaabay in uu gurigiisii ku dhex tukado, muddaa la waayay, maalin dambe ayay is arkeen odayaal ay isa sheeko-yaqaanneen, waxaa la yiri war heedha xaggee aadday oo waayadaan ku maqnayd lagu waa waayadaane? Wuxuu yiri waan joogay. Waxaa la yiri oo masjidka ma timaaddide maxaa kugu dhacay? Wuxuu yiri, “Haddaan labo guri oo Mareexaan mid ku tukanayo kan ii kiraysan baan ku tukanayaa!”

Hadalka Yaardi waxaa ka muuqda in uu yaqiinsaday dulmiga Mareexaan diinta ku hayay, Yaardina Al-Itixaad ma ahayn ee wuxuu ahaa oday Soomaaliyeed oo garanaya dhaqanka wanaagsan iyo ixtiraamka uu leeyahay dadka ehlu-diinka ah.

Walaalihii Gado u socday aad baa loogu dhibay Caabudwaaq, waxaa laga dhigay mid la dilo, mid la dhaawaco, iyo mid la furto oo asagoo fara maran oo caga murux ah ka baxay magaaladii Caabudwaaq. Waxay aakhirkii tageen wixii ka badbaaday mooryaantii diinlaawayaasha ahaa ee reer Caabudwaaq Gado. Halkaasna waxaa laga sameeyay imaaro Islaami ah. Waxayse u baahan tahay qoraal madax bannaan in laga qoro aniguse wax baan ka ishaari doonaa inshaa Allaahu tacaalaa.

Akhristow reer Caabudwaaq waa ka dhab diin-la-dagaallanku. Waliba waxay la dagaallamayaan Usuushii Diinta ama Shacaa’irkii Diinta Islaamka ugu waawaynaa. Tusaale waa meesha kaliya ee ay ka dhacday in masaajid dhisan oo lagu tukado la dumiyo oo dhulka lala simo, waa meesha kaliya oo ay ka dhacday in la yiraahdo maalinkii Carafe waa baadil, waa meesha kaliya oo masaajiddii magaaladu lahayd albaabbada la isugu dhiftay ama la xiray.

Caabudwaaq waxaa daggan jinni ooman oo u baahan in dhiig la waraabiyo. Hadda waxay xarun u tahay mushrikiinta madow, waxay xarun u tahay qabuuriyiinta, waxay xarun u tahay qabqablayaashii Xamar laga soo eryay. Waxay xarun u tahay mooryaan diintii Islaamka aan ku dhaqmayn dadkiina u diiday  ku dhaqankii Shareecada Islaamka.

Soomaaliya waa is dhaantaa oo in badan oo kamid ah ama kulligood waxaa gaaray dacwada Ahlu-Sunna wal-Jamaaca, ama dacwatu Salafu Saalix, Caabudwaaqse waxay la ciiraysaa dacwatu Sahyuuniya wal-Qubuuriya.

Fiiro Gaar ah: Labadaan dhacdo oo midna tahay ciidankii aaday Itoobiya iyo waxay la kulmeen midna tahay ciidankii aaday Gado iyo waxay la kulmeen, goobjoog kama ahayn dhacdooyinkaas, waxaase ii warramay ikhyaartii joobjoogga u ahayd. Haddii wax khaldamaan waa la sixi karaa ayadoon cidna lagu xadgudbin inshaa Allaahu tacaalaa.

Qolada saddexaad waxay ahayd Muqdisho iyo agagaarkeeda. Walaalayaal waa la kala firdhay wixii hadda ka dambeeyana waxaan ka warrami doonaa Muqdisho oo aan aaday markaan nastay kadib. Muqdisho waxaa ka jiray dagaal u dhexeeya Muslimiinta iyo gaalo kusoo duushay. Muslimiintu dagaalka uma midaysnayn.

Waa la isku fiirsanayay. Gaalada iyo gaalaraacyaduna waxay kuwada jireen hal saf ah, waxay ka amar qaadanayeen hal nin oo lagu magacaabo Jenaraal Haaw oo Maraykan ah. Dawladaha dagaalka soo galay oo Maraykan hoggaaminayay waxay qiyaastii dhammaayeen 38 dawladood  oo waxna asalkoodii kufri ahaayeen waxna kufrigii ku raaceen Maraykanka.

Waxaa shaashadda saarnaa oo atoore ka ahaa dagaalgalinta dhanka Muslimiinta Jenaraal Maxamed Faarax Caydiid, wuxuu watay dad yar oo qabiil ku raacay oo asaga furintiisa ka dagaallamayay ama asagu uu dagaalgalinayay. Waxaa jiray Jundullaahi aan cidina ogayn Allaahse ogaa ayaguna is ogaa oo dagaalka ku jiray. Waana kuwa sabab u noqday in Maraykan iyo xulufadisii ay jabaan oo cararaan ayagoo aan gaarin hadafkay u yimaadeen, Allaa ku mahadsan awel iyo aakhirba.

Inta aanan Xamar aadin aan ishaaro waxay ku dambeeyeen walaalihii la yiri aada qabiilooyinkii dagi jiray Goboladii Waqooyi Bari. Walaalahaas waxay mudnaayeen in loo bixiyo magacii loo bixiyay Ansaartii reer Madiina, markii Nebi Muxamed (sallallaahu calayhi wasallam) uu yimid Madiina. Maxaa yeelay waqtigaa kala duwanaa lakiin waxqabadku isku mid ayuu ahaa, Manhajku isku mid ayuu ahaa, Muhaajiriinna way soo dhaweeyeen oo waxaa  laga helay sifihii oo dhan marka laga reebo in aysan arkin Nebi Muxamed (sallallaahu calayhi wasallam).

Walaaluhu waxay ku dhex laabteen qabiilooyinkii ay ka dhasheen, waxay billaabeen in ay la qabsadaan noloshii meesha ka jirtay oo ay ka dhacsanaayeen. Waxay billaabeen ganacsi yar yar sida sarrifka, waratada, biibitada ama cabbitaanno yar yar. Waxay kaloo sameeyeen ganacsatada waawayn ayay waxay u dhiiban jireen xoogow lacag ah markaasaa waxaa loo keeni jiray xoogaa badeeco ah oo kartoomo ku jirta, saasayna noloshoodii ku maarayn jireen illaa markii dambe loo furay adduunyadii oo ay isku dhex hilmaameen mid Ilaahay u naxariistay mooyee.

Walaalahaas waxaa loo baxshay Kartoonlay waxayna dhexgaleen qabiilooyinkii ay ka dhasheen oo waxay qaateen amarkii Al-Itixaad bixiyay oo ahaa nin walbaa ha aado qabiilkuu ka dhashay. Yaan loo qaadan in aysan Islaamka wax tari jirin. Waxay noqdeen khasnadda lagu xisaabtamo marka dacwadu u baahato kharash ama lacag caddaan ah.

Waxay ka cudurdaarteen in ay dagaal dambe galaan, waxay ka mashquuleen dacwadii lagula jiray qubuuriyiinta iyo qabiiliyiinta, waxay ka mashquuleen isticdaadkii ama diyaargarowgii gaalada looga hortagi lahaa. Kulligood ma aha waxaan ka sheekaynayaa ee qaar baa haleelay goobaha raggu isku hayo oo ka tagay kartoonkii iyo kaftankii gabdhaha (jazaahumu-llaahu khayran ajmaciin).

Ikhwaanii markaan xoogaa nastay oo aan hareerahayga fiirfiiriyay waxaa ii cuntami waayay bay’adii aan ku dhex jiray iyo dhaqankeedii. Waxaan go’aansaday in aan aado Xamar, waxaan galay diyaargarow illayn Xamar waxaa ka sokeeya halis fara badan.

Waxaan wali dhammaan kala-aargoosigii Soomaalida dhex maray, waxaan soo noqon cuquushii tagtay oo nin walbaa uu ku fakarayay seed hebel u dishaa xoolana u heshaa!

Waxaa samaysmay xuduuddo qabiil qabiil. Qabiil walbaa wuxuu diyaarsaday intii ugu akhlaaqda xumayd in ay xuduudda u ilaaliso. Waa juhalo, waa reer baadiye aan dabacsanayn, waa tuugo aan guri fiican kusoo korin, waa dhiigyacab aan kaa waabanayn, waa fuqaro fara madow oo waxaa xoolo u ah dadka xoolihiisa. Ma yaqaannaan xaqa uu leeyahay musaafirku, ma yaqaannaan kanaa ku xiga iyo kanaa reer hebel ah.

Waxaa taas ka daran gaalaa waddankii ku habsatay oo meel cag la dhigo oo bannaan way yar tahay. Tusaale safarkayga waxaan ka billaabay Gaalkacyo. Gaalkacyo illaa Dhuusamareeb waxaa joogay mooryaan aan cidina ka badbaadayn oo cidday doonaanna dilaysa ciddii ay doonaanna dhacaysa. Waa iska qayilayaan markii qaadku ka go’o dadkay baaranayaan, waxay dadka kasoo helaan bay waxna cunto ku cunaan waxna qaad ku cunaan.

Waxaa ka nabad gala qofkii kusoo hagaaga ayagoo cunteeyay qaadna helay oo fadhiya.

Markaad soo gaarto Guriceel waxaa billaabanaya balaayo hor leh, oo waxaa ku habsaday gaalo madow oo aan dadka kala soocayn. Xulufadii Maraykanku hoggaaminayay waddanka way qaybsadeen oo qoloba waxay ku habsatay meel u gaar ah ayaga. Guriceel illaa Baladwayne waxaa ku habsaday qolooyin aad u madmadow oo Afrikaan ah iyo balo ku dhex jirtay oo cadcad.

Baladwayne iyo aaggiisa waxaa ku habsaday Jarmal iyo intuu hoggaaminayay. Jowhar iyo aaggiisa waxaa ku habsaday Talyaani iyo intuu hoggaaminayay. Kismaanyo iyo aaggeeda waxa ku habsaday Biljam iyo intuu hoggaaminayay waxayna ahaayeen kuwii ugu akhlaaqda xumaa xulufadii nagu habsatay (waa Biljamka). Wixii Xamar iyo aaggiisa ahaa illaa iyo Baydhabo waxa ku habsaday balaayo iswadata oo uu Maraykan madax u yahay.

Waxaan billaabay safarkaygii anoo kaligay ah oo aanan wadan cid aan is naqaan oo ila socota. Waxaan sii maray waddadaas aan ka sheekeeyay waxa mushkilad ka jirtay, Ilaahay waa iga nabad galiyay oo waxaan galay Xamar. Waxaan ku dagay guri ku yaalla Hoteel Daamay agtiisa. Waxaan ku socday tilmaan.

Guriga waxaa lahaa reer uu ka dhashay nin dhalinyaro ah oo kamid ahaa muhaajiriintii Laasqoray lagu kala diray. Gurigii baan imid, waa la isoo dhaweeyay, waxaan ugu imid koox raggaygii kamid ah oo ninba maalin yimid guriga. Waxaan seexday hurdo lamid ah hurdada ay aroosyadu seexdaan, waxaan hilmaamay waxaan dhib soo maray oo dhan, waxaan helay dad ay ku xasishay quluubtaydu, waxan helay bulsho waxaan doonayo ayaguna baadi goobaysa.

Walaalkaas reerkoodu guriga lahaa wuxuu soo uruurin jiray dadka noocayga oo kale ah oo il mirig laha ah ama aan garanayn meel ay ku dagaan. Waxaanan hilmaami doonin intaan noolahay wiilka hooyadi oo ahayd gabar isku darsatay arrimo dhowr ah: waxay ahayd deeqsiyad, xaliimad dabeecad wanaagsan, waxay ahayd qof caqli badan oo garanaysa xuquuqda martidu ku leedahay, waxay ahayd wadaad Ilaahay barakeeyay dhan walbaba. Ilaahow u dambi dhaaf iyada iyo waaridkeedba, aamiin.

Wiilka magaciisa waxaa la dhihi jiray Cabdinaasir Kalcadoodi. Cabdinaasir waxaa loogu magac daray tog wayn oo ku dhex yaallay buurta Geeldoora loo yaqaan. Togga waxaan dagganayn muddo ama cabbaar baan ku nasannay intaannaan u dhaadhicin Laasqoray.

Inta aanan tilmaamin mujaahidiintii Xamar joogay iyo waxay qaban jireen aan bidhaamiyo waxay sameeyeen culumadii qaadatay manhajkii loo baxshay Salafiya Jadiidiya oo aan markaas ka hor la aqoon.

Markii raggii loo kala diray qabiilooyinkoodii ayaa waxaa ka faa’iidaystay qoladii u dhaga nuglaatay amarkii Sucuudigu bixiyay oo ahaa in jihaadkii dhammaaday.

Waxay isbaaro u dhigteen raggii oo habqan ah ama lasoo jabiyay. Waxaa lagu yiri noo kaalaya anagaa idiin hayna Manhaj fiican oo aad ku illowdaan wixii Al-Itixaad idinku faleen. Nimankaas idinku yiri qabiilooyinkiinnii ku noqda, markii horana aan khayrka lahayn oo xisbiyada iyo tacasubka uu ku dhisnaa manhajkoodu Ilaahay baa idinka soo badbaadiyay oo markii horaba baadil bay ku socdeen. Noo kaalaya annaga. Xoogow dhaqaale ahna waa loo qaybiyay.

Markii balo dhacdo waa la kala baxaa, waxaa markiiba is dhiibay intii jilicsanayd xagga Manhajka iyo xagga dhaqaala u xilashada intaba. Waxaa meel lagu aruursaday dhalinyaro aan yarayn. Waxaa loo furay duruus mukathafa ah ama culus oo looga dhaqayo wixii Al-Itixaad muddo ku gurayeen.

Waxaa la dajiyay meelo khaas ah. Waxaa loo sameeyay maamul iyo xaafiisyo. Waxaa loo raadiyay dhaqaale lagu hanto raggaan sida fudud loo helay. Waxaa loo raadiyay manhaj ka duwan kii Al-Itixaad. Waxaa loo qaylo dhaansaday waddammada Sucuudigu waayeelka u yahay hawshaan oo kalana dhaqaalaha ku bixiya.

Maalin baa ayaa waxaa i marti qaaday rag aan garanayo oo aan furinta ku wada jirnay oo kamid ahaa raggii soo firxaday oo ay gacanta ku dhigeen Salafiya Jadiidiyah. Waxaa la igeeyay guri ku yaalla Bakaaraha. Waxaan ahayn rag koox ah. Waxaa naloo martiqaaday si wanaagsan. Waxaa na loo soo bandhigay manhajkii Salafiya Jadiidiyah.

Waxaa martiqaadkaas noogu yeeray nin lagu magacaabo Sahal Xaraare Xirsi oo kamid  ahaa raggii ugu firfircoonaa dagaalyahannadii Al-Itixaad Al-Islaami. Wuxuu ahaa nin aan jeclaa dhaqankiisa, xagga diinta iyo xagga akhlaaqda intaba, waxaan ahayn saaxiib, Sahal kaligi ma ahayn ee waxaa weheliyay culumo fara badan oo inta badan aan garanayo oo ay isku manhaj noqdeen.

Waxaan dhagaystay warkiisii, waxaan ka qaatay wixii khayr ahaa, waxaan ka tagay wixii shar ahaa. Waxaan ka tagay waxaa kamid ah in aan ka diiday in aan kamid noqdo Salafiya Jadiidiyah. Waxaan kaloo ka tagay in walaalku yiri, “Waxaa Al-Itixaad ka baxay reer hebel iyo reer hebel ee ka soo bax adiguna oo ku dayo qabiilooyinkaas markay arkeen khiyaamada Al-Itixaad kusoo biiray walaalahaan Salafiyiinta ah.” Wuxuu tilmaamay laba qabiil oo midna Hawiye yahay midna Daarood yahay.

Itixaadkii jabay ragga ugu yeerayay manhajka Salafiya Jadiidiyah waxaa madax u ahaa ninka lagu magacaabo Cabdala Diiriye Abti-Doon iyo Axmed Daahir Aways. Shuyuukhda waagaas ku qanacday manhajkaas oo dabada ka riixaysayna waxaa kamid ahaa Shiikh Cabdiqaadir Cukaasha.

Shiikh Cukaasha waxaa waagaas saldhig u ahayd Geeska Afrika gaar ahaan Nayroobi. halkaasuuna ka maalgalin jiray manhajka isaga ah. Markuu u baahdana wuxuu imaan jiray Xamar iyo meeshuu u arko in uu dacwadiisa ka wadi karo. Walaalayaal waxaad xasuusataan Shiikh Cukaasha in uu kamid ahaa culumadii jihaadka nagu qalqaalisay ama nagu maalgalin jirtay oo mar walbana ka digi jirtay in laga gaabiyo jihaadka. Waxaa isbaddalku yimid markii Sucuudigu is baddalay, Maraykan kuna yiri jihaadkii xaqqa ahaa wuu dhammaaday ee haloo jeesto jihaadka wayn oo ah In irhaabka la qabqabto.

Haddaad dhuuxdaan qormooyinkaan waxaa kuu soo bixi in ay isla shaqaynayeen labada Salafi, waa Salafiya Jadiidiyah iyo Ictisaam Isdhiibay. Raxanwayntu waxay ku maahmaahdaa: lan waalanna lohoow lan reereebana lohow. Soo ma aragtid? Waxaad mooddaa in lagu heshiiyay waan kala diraynaa, hubkana waan ka dhigaynaa, waxaan leennahay ku noqda qabiilooyinkiinnii, ciddii diidda arrinkaas oo hubka dhigi wayda qabiilkana ku noqon wayda adinku ugu yeera magacaan cusub iyo barnaamijkaan cusub, kadibna ula gala qabaa’ilooyinkii ay ka dhasheen hubkana ka dhiga, sidii bayna noqotay.

Ergaygii Al-Itixaad noo soo direen wuxuu amar ku bixiyay in nin walbaa qabiilkiisii ku laabto isuna dhiibo asagoo fara bannaan, afkiisana aan laga maqal jihaad dambe.

Dadkii markay kala yaaceen waxaa isbaaro u dhigtay madaxdii Al-Itixaad qaar ka mid ah oo sheeganaya in ay manhajkoodii baddaleen. Markii dhalinyaro ku kadsoontay warkoodii ay raacdayna waxay ula galeen qabiilkii ergaygu nagu yiri aada, hubkiina waa laga dhigay. Hal meel ah ayay wax u wada wadeen. Salafiya Jadiidiyah ninkii aqoon u leh wuu yaqaannaa. Waxay ku dhisanyihiin qabiil iyo tacasub aan qarsoonayn.

Fiiro Gaar ah: Tusaale kale aan idin siiyo. Raggii qabiilkoodii markiiba galay oo hubkii xooray looguma yeerin Salafiya Jadiidiyah, ayagu amarkii bay qaateen la rabay in uu fulo. Waxaa Salafiya Jadiidiyah loogu yeeray raggii Xamar soo galay ayagoo hubkoodii wata oo rabay in ay la dagaallamaan Isbahaysatadii Maraykanku hoggaaminayay.

Rag badan ayaa ku baraarugay waxa loo dhoodhoobay ama loo qariyay oo markii dambe ay u caddaatay in ay tahay inxiraaf diin ah. Abtidoon wuxuu ragga ku lahaa ka kaalaya nimankaan xisbiga ah oo dadkii kooxkooxda ka dhigaya. Wuxuu kaloo diinta uga meel dayay in ay xaaraam tahay in xisbi xisbi la noqdo ama maamulo la samaysto iyo koox heblo.

Waxaa soo baxday markiiba khiyaamadiisii iyo qurunkuu marada noo saaray iyo qabiilkii ay kilkilaha ku wateen oo raggii waxaa lagu shubay qabiilooyinkoodii hubkiina waa laga dhigay. Waa tii Itixaadka oo khiyaamo ku jirto. Itixaadkuse nooma qarin qalab ka-dhigidda iyo qabiil aadista. Itixaadna intaasuu watay lakiin waxaa ka hadal dhawaa Salafiya Jadiidiyah, markii dambana waxaa caddaatay in ay isku meel wax u wadaan laakiin ay kala qaadeen waddooyin kala nooc ah oo dadka lagu khaldayo ama jihaadka looga soo horjeedo.

Waxaan dul istaagi doonaa haddii uu Allaah idmo qaabkii ay walaalaha Xamar dagaalka uga qaybqaadanayeen, iyo cidda culumada u ahayd oo ay ka amarqaadanayeen. Waxaan kaloo wax ka tilmaami doonaa junuudda dagaalka ku jirtay iyo meelahay ka kala yimaadeen. Waxaan kaloo wax ka sheegi doonaa nihaayadii dagaalka iyo meeshay ku dambayn doonaan Isbahaysatadii Maraykanku hoggaaminayay.

Baaraka-llaahu fiikum, aan xoogaw nasanno kadibna waxaan gali doonaa marxalad kale inshaa Allaahu tacaalaa.

Qeybta 22aad

Bismillaahi wabacdu. Waa qormadeennii 22aad. Ikhwaanii waxaan kala tagnay ayadoo go’aan lagu gaaray magaalada Burco, waxa gaarayna ay yihiin golahii sare ee Al-Itixaad, go’aankuna waa in ciidanka Laasqoray jooga lakala diro. Anaguna wax war ah oo aan ka hayno haba yaraatee ma jirto. Xataa madaxdayadii noogu sarraysay war kama hayaan arrinkaas, waxayna ku baraarugeen ayadoo nala haysto!

Waxaan soo marnay hadda ka hor shirar badan oo la galay. Xiwaar dheer dabadiina waxaa la qaadan jiray qoladii ra’yigooda iyo nusuustu is-waafaqdo haba laga tira badnaadee. Sababta arrinkaas fududayn jirtay oo loo qaadan jiray wixii nusuunta iyo ra’yiga saliimka ah waafaqa waxay ahayd hal arrin oo ah: Waxaa la watay ama la isku waafaqsanaa hal manhaj, wixii manhajkaas ka hor yimaadana daaqadda ayaa laga tuuri jiray oo waxaa lagu faataxaysan jiray meesha nasku tilmaamo manhajkuna ama raggiisuna ku qanacsan yihiin.

Waxaan soo marnay Dhoobley, Nasrudiin, Bacaadweyn. Intaba waxaa la qaatay go’aanno aad u qaraar oo ragga qaarkiis ka dagi waayay. Waxayse ku qasbanaayeen in ay raacaan nusuusta la hordhigay, haba u arkaan in ay ahaayeen culumo waawayn oo waayo arag ah ama madaxdii ururkaan ugu sarraysay. Waxaa lagu kala dambayn jiray daliil ma haysataa?

Shirkaan hadda go’aannadu kasoo baxeen waxaa ka horreeyay laba dhacdo oo aan midna laga shuuraysan ama laga tashan. Mid waa tii Garoowe iyo gumaadkii gurboodka. Midna waa Dabra iyo dabargoyn la’aantii daalimiinta oo la daayay daaquudkii na dilay. “Yaan la dhammayn waa Muslimiine!”

Midkaani waa kii saddexaad, kuwii hore waa loo daboolay kanse daahaa nalooga faydey. Asaga laftiisa intii shirku socday lagama run sheegin, waxaa la sameeyay oo kaliya afduub ama xukun maroorsi ay xeeladi ku jirto, waxaana markhaati u ah sida loo adkeeyey akhbaartiisa illaa nalagu leefay oo nalaga dhigay hal dhumay iyo hal dhaan raacay.

Waxba yaanan warwareegin oo ka biqin ama afka soo marin waayin ciidankii na jabiyay iyo khiddadii ay adeegsanayeen ama ciidanka tiradiisii. Walaalayaal waxaa naloo soo diray hal nin oo ka mid ah culumadii la yaqaanay ama ka mid ahaa maamulkii sare ee Al-Itixaad, wuxuu soo gaaray magaladii Laasqoray.

Waxaa lagu soo dhaweeyay gacmo furan, qalbi furan, waa la martigaliyey oo waxaa la dajiyey madaxtooyadii. Wax war ah oo kasoo horreeyay ma jirin war ka daba yimidna ma jirin, asagiina iskama dhigin nin akhbaar wada oo uma warramin cidna, madaxdiina waa ka xishoodeen ninkaan martida ah oo walaalkood ah meel dheerna uga yimid in ay qodqodaan. Wadaadku waa nin aad loo yaqaan muddana la isma arag, dadkuna waa ehello oo waa wada dhasheen. Waxaa lagu wada tukadaa barxad wayn oo magaalada dhexdeeda ku taal. Markii salaadda laga baxo ayaa lagu soo xoomaa oo salaan lagu boobaa, waa la waraystaa, dadku kala dhiirane qaar baa dhaha maxaad u socotay shiikh?

Wuxuu ugu jawaabaa, “Waxaan u imid in aan baabuurta baasiin idiinku shubo oo aad bannaysaan Laasqoray iyo aaggiisa oo nin walbaa qabiilkuu ka dhashay aado!” Waxaa loo qaataa hadal kaftan ah, asagase waa ka dhab oo wax kale uma imaan intaas mooyee. Muddo aan maalmo ka yarayn ayuu qofkii u yimaadaba wuxuu ku lahaa isla warkii, mana badiyo mana yareeyo, waddo walba ayaa warkii ku fulay, waxaa ka faa’iidaystay munaafiqiin fara badan oo aan la aqoon laakiin soo baxa markay dhacdo wax Muslimiinta lid ku ah.

Arrintii waxay noqotay dacaayad ciidankii ku riday ama ka dhex dhalisay ismaan dhaaf, waxay dhalisay muran gaaray in qoryo la isula baxo. Waxaa lagu dagaallamayaa waa hadalkii Shiikhu suuqa galiyay. Qaar baa waxay leeyihiin warkaas shiikhu ma oran ee munaafiqiin baad tihiin. Ma anaad iiga warramaysaa fulaan waaba ninkii jihaadkaanba dhaqaalihiisa bixin jiray ee. Qaar waxay leeyihiin hadduu hebal yahay waa lagu been abuuranayaa ee warkaas asagoo fayow afkiisa kama soo bixin. Ma fayooba! Manhajkii baa la baddalay!

Muran dheer dabadi arrinta waxaa lagu xalliyaa soo hubiya oo asagii u taga oo waydiiya warkaan beenta ah oo meelaha lala wareegaayo. Waxaa soo baxa ciidan xaqiiqo raadis ah, waa loo yimaadaa Shiikha oo la waydiiyaa warkaan dacaayadda ah ayagoo yiqiinsan in uu oran doono waa been iyo wax aan waxba ka jirin. Wuxuu ugu jawaabaa, “Haa. Anaa iri idinkana haddaan idinku leeyahay!” Waxaa qabata nimankaas caro ay ku sigtaan in ay Shiikha wax gaarsiiyaan waase isqabtaan oo caradoodii ayey liqaan.

Wallaahi furintaan ku jiray anigu oo waxaan kamid ahaa raggii cadowga hor fadhiyey, waxaan garanayaa ciidankayagii oo ku sigtay in uu xabbad isula baxo muran ka dhashay warkaas dacaayadda ah. Waxaa adkaysan waayay qiyaadadii magaalada oo wadaadku martida u ahaa, waxay waydiiyeen si taxaddar leh, “Shiikhow arrintaan magaalada ku jirta oo la yiri Shiikhaa laga maqlay maxaa ka jira?” Wuxuu ugu jawaabay, “Haa. Waa run anaa iri.”

Waa la yaabay, ciidankii fitan baa ku dhex abuurantay, khalkhal baa galay isku-xirnaantii iyo is-aaminiddii ciidanka, kala shaki baa ku dhex baahay, dowladdii Islaamka ahayd waxaa u yimid wax aan waligeed lagu fakarin. Nin waliba asagoo afka abur ka kicinaya ayuu kusoo gali oo ku qaylinaya, “Muxuu yahay munaafiqa noo yimid oo leh ku noqda qabiilkii iyo qurunkii Ilaahay nagasoo badbaadiyay? Aaway ninkaasi xaggee ayuu joogaa anaa shan xabbadood ku dhufanayee.” Haddaan takfiir nahay ninkaasaan dili lahayn.

Ninku waa nin loo soo dooray oo loo soo aaminay khibradna u leh arrintaan iyo sida dadka madaxa loogu socodsiiyo oo waliba looga badbaado sharkooda. Waa nin aan wadan wax hub ah oo aan ka ahayn dacaayaddaas iyo in la yiraahdo waa shiikh hebel ee ka wareega waa la yaqaan asaga iyo  manhajkiisaba. Nin ku aaminay ha khiyaamayn!

Maalin walba nin baa masaajidka ka istaagaya oo wuxuu soo daliilsadaa aayado Qur’aan ah ama axaadiith, wuxuu kor ugu qaylin, “Miyaan Rasuulku (sallallaahu calayhi wasallam) oran xadiith macnahiisu yahay: Qofkii idiin yimaada adinkoo isku duuban oo idin kala firdhiya dila? War ninkaan ha nalaga qabto.” Waan isku daalnay, waxaan jeclaanay in ay fiicnaan lahayd in la kala tago intii fitno ka wayn meesha ka dhici lahayd, illeen rag baa qoryo la gagabaya ama iscelin la’ caro darteed.

Shiikhii markuu arkay in aan u bisil nahay akhbaarta uu waday dhagaysigeeda ayuu wuxuu ballansaday qiyaadadii ciidanka ama madaxdii maamulkii Laasqoray. Wuu u warramay oo wuxuu usheegay akhbaartuu xanbaarsanaa. Akhbaartii waxay noqotay arrintii dacaayadda loo qabay, kamana yarayn kamana badin ujeeddadiisuna intaas ayay ahayd. Waxay si fiican oo dhaga nugul u qaateen akhbaartii ay u qabeen war ciyaalsuuqnimo ah ama war munaafiq ciidanka ku dhex tuuray oo aan jirin. Waxay yaqiinsadeen in amarkaan uu ka yimid golahii sare ee Al-Itixaad. Madaxay hoos u laalaadiyeen murugo awgeed iyo gabood falka meesha ka muuqday waxse kama qaban karaan arrinta oo talo farahay ka baxday.

Shiikhii wuxuu yiri, “Waqti badan ma hayo ee diyaar ma u tihiin in aad kala tagtaan oo nin waliba qabiilkii uu ka dhashay aado? Haddaad diiddaan ogaada maantaa isugu kaaya dambaysa oo shilin dambe ama raashin dambe oo aad ka sugtaan maamulka Al-Itixaad ma jiri doono cid aniga iga dambaysana war kama sugaysaan. Haddaad yeeshaan baabuurtaan baasiin idiinku shubi, waxayna idinku daadin ama idin gaarsiin illaa iyo Nugaal.” Waxaa la yiri afkaaga caano lagu qabay ee meesha ha nooga tagin. Wuxuu yiri fuula baabuurta, waa la fuulay. Muddaa la daadguraynayey dadkii sanooyinka soo hijroonayay. Waxaa la isugu geeyay Xingalool oo ah tuulo yar oo ku taal meel bannaan. Waa carro Warsangali.

Waxaa loo kala dajiyay qabiil qabiil, waxaana billowday jabkii ugu waynaa ee abid soo mara Muslimiinta dagta gayiga Soomaaliya marka laga reebo jabkii soo gaaray Sayid Muxamed Cabdulle Xasan iyo Daraawiishtiisii. Ikhwaanii intaan la kala dareerin aan milicsanno jawigii Laasqoray siduu ahaa intaan akhbaartaan foosha xun aysan imaan. Laasqoray waxaa ku wada noolaa shucuub aad u fara badan oo hal manhaj leh, hal amiir leh, hal hadafna leh. Waxay ka kala yimaadeen dhammaan dhulka Soomaalidu dagto, marka laga reebo kuwii Muhaajiriinta ahaa ee ayagu ka yimid meelo aad u fogfog ee dhulalka Muslimiinta.

Magaalada axwaasheeda haddaan xoogaa ka sheego waxaa kamid ahaa rag dhaawac ahaa oo muddo la dabiibayay laakiin aan wali ku guulaysan in ay helaan caafimaad taam ah. Waxaa kamid ahaa ragga dhibaataysnaa: Shiikh Axmed Cabdisamad, Cali Mujaahid, Xirsi iyo kooxdiisii oo aad u gubtay oo aan lahayn meel la qaban karo korkooda. Waxaa kamid ahaa kuwo aanan hadda magacooda halkaan ku tixi karin laakiin dhibaataysnaa ama duruuf gaar ah ay haysatay.

Ikhwaanii dhibaatada nalasoo daristay wax la qiyaasi karo ma ahayn laakiin aan isku dayo in aan tasawur ka bixinno ama tilmaan. Wixii nagusoo duulay wuxuu ahaa hal nin oo fara bannan, wuxuu ahaa nin wadaad ah, wuxuu ahaa raggii hawshaan hurmuudka ka ahaa ama madaxda kamid ahaa, wuxuu ahaa nin aan shaki laga qabin diintiisa iyo akhlaaqdiisa toona. Wuxuu kusoo galay magaalada sidii nin wafti ah ama kormeer.

Wuxuu xambaarsanaa wadaadku maaddada loo yaqaan nugliyarka ama kiimikada wax gumaadda ayadoo aan sharqamin. Tusaale Shiikhu xagga tirada waa kaligii, xagga tayadana waa faramaran yahay oo hub ma wadan. Shiikhu wuxuu adeegsaday siyaasad aan looga baran Al-Itixaad, wuxuu adeegsaday akhlaaq aan looga baran Al-Itixaad dhexdeeda, wuxuu kaloo ku gabbanayey haybadda shiikhnimada iyo in uu kamid ahaa maamulkii sare ee Al-Itixaad Al-Islaami.

Maxay ahayd akhlaaqda iyo siyaasadda aan horay loo aqoon?

Waxay ahayd akhlaaqda aan looga baran Al-Itixaad dhexdeeda: qof walba oo waydiiya wuxuu u socday wuxuu ku dhahaa waxaan u imid in aan idin kala diro oo nin walbaa qabiilkii uu ka dhashay aado hubkana aad iska xoortaan! Qof walba oo hadalkaas maqlaa waxaa go’a wadnaha markaasuu asagoo naxsan una malaynaya wax afka baarkiisa ah iska tagaa. Wuxuu kaloo adeegsaday wadaadku ishaacaad aad mooddo in uu ugu tala galay in dadku ku caajisaan marka dambana ay xaqiiqada raadiyaan ayagoo isleh war hadday rabto run ha ahaatee yaa noo xaqiijiya arrintaan ama waxa jira.

Wuxuu adeegsaday qabyaalad cad oo aan geed loogu soo gabban iyo hadallo ka turjumaya jaahiligii. Wuxuu u hadlay sidii woorlooradii oo kale, wuxuu noo celiyay marxalad Ilaahay naga soo badbaadiyay, taasoo ah in aan qolo qolo u kala baxno, wuxuu na xasuusiyay waxyaabo aan illownay, wuxuu la yimid akhlaaq tii ugu liidatay oo lagu arko qof dacwada u nasab sheeganayaa in uu sameeyo iskaba daa nin isku darsaday culumonimo iyo mas’uuliyad ka saarnayd ciidankaan oo wuxuu kamid ahaa odayaashii Al-Itixaad.

Kiimikada wadaadku nagu buufiyay saamaynteeda waa loo kala nuglaa oo markiiba rag baa waayay xiskoodii oo waashay. Waalida lafteeda waa loo kala nuglaa oo rag baa ayagoo fayow waashay ragna ayagoo dhaawac culus ah ayay waasheen ama xiskii ka tagay.

Waxaa kamid ahaa ragga waashay ama xiskii ka tagay Dhakhtar Bashiir Xuseen Jibriil, Cali Mujaahid, Caynaanshe Dheere oo loo yaqaannay kumbuyuutar masixi karo tiradu intay ahayd waayo waxaan ahayn shacab fara badan oo meelo kala gaar ah daggan, anigu intaan ayaan hubaa dhibkuse intaan waa ka badnaa. Aan hal nin dul istaagno oo dhibku ama waalidu saamayn ku reebtay: waa Cali Mujaahid. Cali waxaa isugu darmatay saddex arrimood:

  1. Waa dhaawac oo wuxuu waayay lug qurux badnayd oo uu meesha la yimid
  2. Wuxuu waayay ilma-adeertiis oo uu shalay surka ka bireeyay asagoo Ilaahay ku raalli galinaya oo waa taan soo marnay Warsangali oo maxaabiistii qolo qolo u qaybsanaya (Dabra)
  3. Wuxuu waayay dowladdii Islaamka ahayd oo dhib badan lagasoo maray sidii dhidibbada loogu aasi lahaa markii Ilaahay u saldhigayna hal wadaad ayaa kala diray oo waliba ku celiyay jaahiliyadii ay ka yimaadeen qolo qolana u kala saaray shacabkii ku karaamaysnaa Laasqoray iyo dowladdoodii ay ku hoos noolaayeen. Calayhim mina-llaahi maa yastaxiqquun!

Cali waxaa la ii sheegay in uu joogo waddanka Ingiriiska gaar ahaan magaalada Barminhaam, dad ka war haya ayaan arkay. Waxay ii sheegeen Cali Mujaahid in uu dadka ugu neceb yahay qofkii ugu yeera Cali Mujaahid! Waxaa uu la baxay Cali Faqiih. Dadka waxaa uu ugu neceb yahay wadaaddadii Itixaadka ahaa ee dowladdii uu naftiisa ku bixiyey burburiyey. Cali wuxuu ahaan jiray nin xikmad badan oo farxaan ah oo waliba howlqabad badan. Cali waagaas ayuu waayay caqligiisii iyo waxqabadkiisii waana howlgab dhanka miyirka iyo dhanka ciidanka intaba. Haloo cudur daaro haddaad ku aragtaan tanaaqudaad ama war aan habboonayn.

Waxaa halis galay ama geeriyooday ummad fara badan, waxaan sugin kala dareerkii oo markiiba caro iyo ciil la dhaqaajiyay geesiyaashii nooga soo gurmaday waqooyi galbeed. Waxaa kala yaacay oo qoryihii daadiyay dhalinyaro fara badan oo aan taxamuli karin wadaadka kiimikadiisa uu buufinayay. Waxaa gabbalkoodii dhacay Muhaajiriintii oo ayaga aan cidina lahayn baabuurkaan raaca. Waxa loo dan lahaaba waa ayaga in ay meel cidlo ah kusoo dhacaan.

Waxaan filayaa ujeeddada ugu wayn ee naloo halaagay ama loo burburiyay dowladdii Islaamka ahayd in ay ahayd sidii Muhaajiriintu meesha uga bixi lahaayeen. Waana tan hadda ay af-labadii la yeerayaan Ictisaam. Waxaa na qabsaday ajaanib ama dad aan Soomaali ahayn, waxay ula jeedaan waa Muhaajiriintii waagaas ay u qabeen in ay dhulka la simeen. Alle dilaa dhinta! Nimanku waxayba u yimaadeen in ay dhintaan laakiin marna kuma ay fakarin khiyaamo intaas le’eg in ay kala kulmayaan walaalahood fil Islaam wafil caqiidah sidii la moodayay. Dadku waa isku dhex jiray, Allaa kala saaray.

Aan ku soo noqonno Xingalool iyo wixii murugo taallay. Dadku isku meel kama imaan, qolooyin baa waxay ka yimaadeen gobollo fog fog sida Itoobiya, Muqdisho, Bay, Bakool, Hiiraan, Mudug, Gado, Jubbooyinka iyo meelo kale oo fara badan. Ma jirin barnaamij dhaqaale oo wadaadku dadka ku dayactirayo mar hadduu dowladdoodii ka burburiyay. Waxaa lasoo siiyay amar ah kala dir laakiin ma wadan lamana soo siin miisaaniyad dhaqaale oo dadkaan intooda liidata lagu dabiibo.

Ikhwaanii dadku waxay ahaayeen cayr fara madow ama aan dhaqaale haysan, waxaa ku jiray dad dhaawac ah, waxaa ku jiray kuwo meel fog ka yimid, waxaa ku jiray kuwo duruufaysan, waxaa ku jiray carruur iyo haween aan waxba galabsan. Lama kala soocin oo waxaa si siman ugu dhacay musiibadii naloo soo diray. Dad badan ayaan maalinkaas kadib la maqashiin karin Al-Itixaad ama wadaad magacuu doono ha watee. Waxaa billowday in rag badani gaaladii isu dhiibaan. Waxaa naga dhex dillaacay jaasuus miiran oo illaa iyo hadda maaro loo la’yahay.

Al-Itixaad wuxuu ahaa laba koox oo isla shaqaysa. Qolo waxay qaabilsanayd dhaqaalaha iyo siyaasadda dibad iyo daakhilba, qolana waxay ahaayeen howlwadeenno ama qiyaadada ciidanka, ha noqoto dacwo ama dagaalgalin. Waxaa barnaamijkaan watay waa raggii caalamka ku xirnaa oo dowladdaan iyo shacabkeeda dhaqaalaha usoo aruurin jiray ayagoo magacooda isticmaalaya ama dhahaya waxaan ku jirnaa jihaad iyo marxalad adag.

Waxaa la kala diray qiyaadadii hoggaaminaysay mucaskaraadka Mujaahidiinta. Waxaa jagadiisii waayay hoggaamiyihii ama madaxwaynihii Al-Itixaad Shiikh Cali Warsame. Waxaa shaqadii laga eryay ganaaxna loo raaciyay Shiikh Xasan Daahir Aweys. Waxaa tuhun kala galay raggii isku Manhajka ahaa, waxaa madaxa lasoo kacay xumaan aasnayd oo magaceeda la yiraahdo qabiil. Waxaa Manhajkii ka leexday lagu midaysnaa rag badan. Waxaa soo noolaaday cadowgii aan meel iska marinnay, waxaa nagu wiirsaday ama nagu qoslay raggaan mabda’a ku kala tagnay oo aan ayagii martida u noqonnay, waxaa na qabsaday wax aan la malayn karin.

Xingalool waxaa la joogay maalmo aan badnayn. Waxaa loo kala soocay ciidankii qabiilooyinkii: Hawiye xagga u istaag, Daarood xagga u istaag, Isaaq xagga u istaag, Adaris ma jirin barigaas waxaase la hubaa in ay jireen qabiilooyin fara badan oo aan intaas oo dhan ahayn. Dadka intaas fara le’egna waxaa isku keenay caqiido iyo Manhaj. Qolo walba waxaa baasiin loogu shubay gaadiid, waa lakala dareeray ayadoo qof walbaa murugo buuxisay waxa ka horreeyana uusan garanayn.

Ninka na halaagay oo qiyaame wax laga waydiin doonaa arrintaan intuu adduunka joogana lagala xisaabtami doona waa Shiikh Cabdiwaaxid Xaashi. Wadaadka waxaan ugu nasteexayn lahaa hadduu nool yahay haka toobad keeno wuxuu ku falay Ikhwaankii aaminay. Ha ogaado in aysan ahayn wax fudud wuxuu sameeyay. Hadduu hilmaamay rag baan hilmaamin.

Xamar ma dhawa. Yaan la kala tagin. Waxaa la kala diray waa ciidankii Laasqoray ee lama kala dirin Islaamkii iyo Mujaahidiintii. Waa inoo qormadeenna dambe inshaa Allaahu tacaalaa.

[sawir]

Fiiro Gaar ah: Axmed Cabdisamad oo abaalmarin looga dhigay ama magdhow tiifiiga Al-Majd, waxaa maalgalintaas bixinayaa waa Cabdiwaaxid Xaashi oo ahaa ninkii burburiyay kaligi dowladdii Al-Itixaad 1994 Laasqorey. Kor fiiriya waxay labada wadaad u fadhiyaan furitaankii tiifiiga Al-Majd oo lagu wareejinayo Ina Cabdisamad.

Qeybta 21aad

Ikhwaanii waxaan kala tagnay ayadoo ay shir u fadhiyaan xubnihii ugu sarreeyay dowladdii Al-Itixaad Al-Islaami. Shirar baa waxay ka dheceen goobo farabadan, waxay dheceen waqtiyo kala duwan waxaana loogu gogol xaarayey shirkaan kama dambayska ah ama go’aammada kasoo bixi doonaan.

Anigu ma joogin shirka waxaase igu maqaal ah in uu ka dhacay magaalada Burco waana shirkii ugu dambeeyay ee go’aammadu kasoo fuleen. Waxaa la galay xiwaar aad u dheer, waxaa la isku mari waayay qaabka loo wajihi lahaa ciidankaan hubaysan ama sidii loo kala diri lahaa oo looga dhaadhicin lahaa go’aammadaan dhiiggu ka da’ayo. Waxaa dheeraaday go’aan-qaadashadii qar iska tuurka ahayd ama qaran dumiska ahaa. Khilaafo Islaam soo-celin ka-carar!

Raggu ma sinna oo ragna waa daacad oo waxay xeerinayaan ama talooyinkooda ku dhisayaan sidii ciidankaan meesha looga saari lahaa ayagoo nabad qaba. Ma ahan rag meesha tagay ama furinta. Ma hayaan xog dhab ah, waxaa lasoo gaarsiiyay akhbaar aad u liidata ama dhibaato laga sheegayo walaalaha Laasqoray jooga oo aad u dhibaataysan. Go’doon bay ku jiraan.

Waxaa laga yaabaa in la yiraahdo walaaluhu meesha go’doon bay ku yihiin, waxaa ka dhammaaday rasaastii, waxaa ka dhammaaday daawadii, waxaa ka dhammaaday raashinkii, waxaa ka dhammaaday qiyaadadii iyo waxgaradkii, waxaa isu soo haray juhalo aan waxba garanayn ayagiina waa hareeraysan yihiin oo meel walbaa laga fadhiyaa waxaa meesha ku baaba’aya carruur iyo haween farabadan, arrintu ma sahlana saad moodaysaanna ma ahan,  xaaladda walaaluhu ma fiicna iyo wixi la mida. Waa munaafiqiin iyo jawaasiis warkood.

Qaarna waa ragga balaankaan wata oo waxaa u qarsoon wax ay waligood ku taamayeen oo ah in aan hal qof oo Muslimiinta Geeska Afrika ka mid ah uusan hub qaadin, kuwa hadda watana laga dhigo. Waxaa kamid ah xujooyinkooda: Soomaaliya dacwadu waxay kusoo gaartay dagaal la’aan haddana looma baahna dagaal iyo qori, dadku waa Muslimiin boqolkiiba-100, dacwada dani uguma jirto in qori la qaato, waqtigaan Jihaad ma bannaana, adduunwaynaha indhihiisa ha nagusoo jeedinina, dadku uma bisla in dagaal la galiyo, dhaqaale uma hayno, saanad uma hayno, waxaa la laynayaa culumada, waxaa dhammaanaya waxgaradka sida haddaba dhacday iyo wixi la mida. Waa mowd ka carar iyo geeri nacayb!

Waxaa la hubaa in talooyinka qaarkood wanaagsanyihiin, qaarna waxaad mooddaa in aysan munaasib u ahayn meelaha lagu kakabinayo ama loo daliilshanayo. Tabriiraadka ama xujooyinka ay daliilsanayeen walaalaha diiddanaa Jihaadka waxaa ugu waawaynaa ama ugu muhiimsanaa laba arrimood:

  1. Kama hortagi karno quwadda nagasoo horjeedda, isumana dheellitirna labada quwadood! Waxay uga jeedaan Mujaahidiinta iyo hoggaamiye-kooxeedka)
  2. Dhaqaale uma hayno sida saanad, daawo, raashin iyo kaash ama lacag!

Waxaan shaki ku jirin in aan ragga isu yimid daacad wada ahayn, waxaa kaloo adag in la ogaado inta khiyaamada wadday. Si kastaba ha ahaatee waxaa soo dhawaatay in la gaaro gabagabadii nuxurka shirka. Waxaa la go’aamiyay in lakala diro Mujaahidiintii saldhigga ka samaystay Laasqoray iyo wixii ku fakar ah meel kastaba ha joogaane.

Waa fikir waa dhow nasoo gaaray oo jihaadka looga hortagayo wuxuuna soo billowday xilligii lala dagaallamayay Shiikh Muxamed Cabdiwahaab iyo fikirkiisii Khilaafo Islaam raadiska ahaa. Fikirkaan waxaa maalgaliya Sucuudiga waxaana ku amray Maraykanka iyo saaxiibbadiis. Car waa been dheh haddaad nin taariikhda wax ka og tahay? Arrintu annagay nagu cusub tahay ee mudday socotay.

Maamulkii Al-Itixaad waxaa waagaas Arrimaha Siyaasadda Dibadda u hayay Shiikh Maxamed Cabdidaahir. Waxaan maanta qofna ka qarsoonayn meeshuu ku dambeeyay Shiikh Maxamed Cabdidaahir. Shiikha waxaan la kulmay waa dambe oo lakala dhintay asagoo nacalad dusha uga tuuraya raggii walaalihiis ahaa xagga Manhajka, qaraabadiis ahaa xagga nasabka, dariskiis ahaa xagga dagaanka, aaminay oo ka dhigtay Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee dawladdii Al-Itixaad. Aad ayaan uga sheekaysannay wixii lasoo maray iyo wixii markaas taagnaa. Shiikha waxaan weydiiyay su’aalo badan wuuna iiga jawaabay.

Waxaan damcay in aan ka faa’iidaysto kulankaas, markaan arkay Shiikha baarrinimadiisa iyo siduu u yahay sariixi ama u calool xaaran yahay. Waxaan waydiiyay ka warran haddaan adinka iyo Al-Itixaad idin heshiisiinno? Wuu qoslay oo waliba aad ugu dheeraaday qosolkii! Wuxuu yiri ma kuu warramaa? Waxaan iri haa. Wuxuu yiri annaga iyo Itixaad iskuma haysanno Diin. Waxaan iri hee! Maxaad isku haysataan marka? Wuxuu yiri waxaan isku haysannaa waa aduunyo iyo mansab-raadin! Run buu sheegay oo dib baan ka ogaannay annaguse waan la yaabbanayn waagaas wadaadka af-adayggiisa iyo tuhunka intaas le’eg.

Waxaan ku adkaystay in uu iga yeelo arrintaas shiikhu, oo aan heshiisiinno ayaga iyo Al-Itixaad. Wuxuu yiri haddaad rabto in aan wadahadalno annaga iyo Itixaad nagu wada hadalsiiya waddanka Sucuudiga, sababtuna waxay tahay labadayada kooxoodba waxaa laga xukumaa Sucuudiga oo waxaa fududaanaysa markaan is mari weyno in qola waliba ay la tashato ama aaddo xafiiskii laga xukumay oo aad noogu dhow taageerayaashoodiina ama culumadoodiina ay halkaas joogaan, kadibna kala soo tashadaan waxay yeeli lahaayeen ama go’aankay qaadan lahaayeen. Haddaan nahay waxgaradkii gedgeddiyay mas’aladaan guranaaya odoyada (Ictisaam) raadkii wuxuu galay gobollada Sucuudiga. Ka fiiri gabaygaan buugga ama qormada 2aad.

Waxaa laga yaabaa in qaarkiin yiraahdo waa rag colaadi ka dhexayso oo la isu qaban maayo hadalkooda! Anigu waxaan soo gudbiyay akhbaarta, Shiikhii ii sheegayna waa noolyahay ee waydiiya in ay xaqiiqo tahay iyo in kale. Wuxuuna ii la muuqday nin run sheegaya waana nin daaci weyn ah oo xog ogaal ah, weliba waa raggii aasaasay Al-Itixaad, markuu fahmi waayayna isaga insixaabay. Ayagii baa hadda ka dabatagay oo wayba dhaafeen meeshii Jadiidiyo gaartay.

Waxaa hubaal ah dacwadii Soomaaliya ka hanaqaadday in ay ku xirnayd waddammada Carabta khaas ahaan Sucuudiga, dhanka siyaasadda iyo dhanka dhaqaalaha intaba. Akhristow xasuuso 1991dii waxaa Jihaadka Soomaaliya hoggaaminayay culumo ay kamid ahaayeen Sheekh Maxamed Idiriis, Sheekh Maxamed Cabdidaahir, Sheekh Cabdiqaadir Cukaasha, Sheekh Cabdiwaaxid Xaashi, Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed, Sheekh Cali Warsame, Sheekh Cumar Faaruuq, Sheekh Cabdullaahi Cali Xaashi iyo Sheekh Maxamed Cabdi Umal iyo kuwo kale. Waxaa la dhihi karaa dhammaantood way isku waafaqsanaayeen oo khilaaf ma jirin dhexdooda ah.

Markaas ayada ah waxaa socday Jihaadkii Afqaanistaan ka socday oo dhammaan caalamul Islaam ay ka qaybqaateen. Sucuudigu jihaadkaas wuxuu ku bixiyay naf iyo maalba culumada Sucuudigu waxay la garabtaagnaayeen iyo fatwooyinka bannaynaya in la gali karo dagaalka oo uu yahay Jihaad xaq ah, markaasaan qof damiir lihi ku harin dhul Carbeed ama dhul Muslim oo waxaa la galay Jihaadkii. Markii culumadii fatwootay in Jihaadkaanu yahay xaq oo ay bannaan tahay ama waajib tahay in la galo, waa tii barqadii Ruushkii lagu leefay.

Jihaadkaas waxaa kaloo ka qaybqaadanayay Maraykanka oo rabay in Ruushka la jabiyo. Wuxuu ku bixiyay dhaqaale farabadan, wuxuu ku bixiyay hub noocyadiisa kala duwan, wuxuu ku bixiyay wax kasta oo la waydiisto oo gargaar ah. Ruushkii markuu jabay arrintii waa is baddashay oo waxaa dantiisii gaaray Maraykankii, wuxuuna amar ku bixiyay ama iclaamiyay in jihaadkii dhammaaday.

Amarkii wuxuu soo gaaray Sucuudiga, Sucuudigu waa qaatay amarkii, asaguna wuxuu gaarsiiyay intii uu xukumay oo ay Soomaalidu kamid tahay, wuxuu amar ku bixiyay ama iclaamiyay in jihaadkii dhammaaday. Culumadii Soomaaliyana waxay gaarsiisay qoladii qoryaha wadatay ama jihaadka ku jirtay in ay qoryaha iska dhigaan jihaadkiina uu dhammaaday. Waxay daliilsadeen xadiith shaydaan dhagaha ugu shubay oo dhahaya, “Waxaa dhammaaday Jihaadkii yaraa! (Qitaalkii gaalada.) Waxaa haray Jihaadkii waynaa (nafta),” ee qoryaha hala dhigo.

Waxaa soo baxay fatwooyin cusub oo ka warramaya in aan cid dambe hub qaadan karin oo uu dhammaaday jihaadkii xaqqa ahaa, wixii hadda ka dambeeyana qofkii lagu arko qori asagoo wata waxaa loo aqoonsan doonaa Irhaab, Argaggixiso, Mara-ku-dhag, Asal-raac, Qar-iska-tuur, Jaahil, Khawaarij, Tattaar, Takfiir iyo wixi la mida. Khiddadaas waxaa dajiyay Sii.Ay.Ee, Em.Ay.Fayf iyo Muusaad iyo wixi la mida.

Dadku waa kala dhaga fududaayeen oo waxaa markiiba amarkii qaatay qolada la yiraahdo ama la baxday Salafiya Jadiidiyya. Nimankaasu aad bay u mahadsanyihiin oo ma aysan samayn wax munaafaqad ah oo amarkii ayey si toos u qaateen saaxadana waa ka bexeen (Sheekh Cukaashe iyo raggiisii). Dadkii ama wadaaddadii intii soo hartay waxay u qaybsantay labo qolo. Qolo waxay tiri jihaad ma dhammaan mana dhammaan doono qorigana dhigi mayno inta naftu nagu jirto (Shabaab iyo intii talo ku raacday). Qolana waxay billaabeen mujaamalo ama iska daba wareejin (munaafaqadayn) oo war cad lagama helin, laakiin waxay ku qanacsanaayeen in jihaadkii dhammaaday. Afkoodana waxay ka ilaalsadeen in ay dhahaan jihaadkii wuu dhammaaday haddana waxay billaabeen qaab farsamaysan oo ay uga nabadgalaan dhalinyaradaan jihad-doonka ah in ay dhib kala kulmaan, dhalinyaradana ay hubka uga dhigi lahaayeen ayagoo aan cidna dhibin, aakhirkiina waa ka dhigeen oo kala direen si waliba xushmad darro ah oo cadowtinnimo ka muuqato. Calayhim mina-llaahi maa yastaxiqquun.

Wadaaddadii mujaamalada waday goor dambay muujisteen waxay qabeen oo ahayd in jihaadkii dhammaaday. Waxaa kamid ahaa ragga barnaamijkaan fulinayay oo caanka ku ahaa si aad ahna ugu jidbaysnaa Sheekh Maxamed Idiriis oo Itixaadka xilligaas u qaabilsanaa ama kamid ahaa ragga ugu waawayn xagga dhaqaalaha ama khasnad-hayaha la aaminay ahaa. Waxaan soo marnay Sheekh Maxamed Idiriis oo waagaan koonfur kasoo hayaannay ama kasoo hijroonay nala dultaagnaa dhaqaalaha aan hagarta lahayn iyo muxaadaraadka quluubta jilcinaya iyo talooyin wax-ku-ool ah. Waagaas waxaa socday Jihaadkii Maraykanku madaxda ka ahaa oo Ruushka lagu qaaday Afqaanistaanna ka socday!

Wuxuu Shiikhu aad nagu taxriikin jiray ama nagu baraarujin jiray jihaadka iyo macaanidiisa, wuxuu nagu dul akhrin jiray aayaadka ka hadlaya jihaadka iyo faa’idada uu u leeyahay shucuubta Muslimiinta ah oo maantay caalamka lagu dullaysanayo cirdigoodii iyo sharaftoodii. Waxaa is baddalay Shiikha muxaadaraadkiisii, fikirkiisii, deeqsinnimadiisii, jihaad-jacaylkiisii, waxaa is baddalay dabeecaddiisii. Wuxuu u egyahay nin lasoo canaantay oo la yiri fuli amarkaas ee waa in uu joogsadaa jihaadka Soomaaliya ka socdaa!

Sucuudigu waa joojiyay dhaqaalihii uu ku bixin jiray jihaadka. Wuxuu joojiyay taageero kasta oo lagu taageerayo qof ama koox ay ka muuqato nuxur jihaadi ah. Culumadii Soomaaliyana waxay fulinayaan awaamirta Sucuudigu dul dhigay, illayn waxaa noo warramay Sheekh Maxamed Cabdidaahire. Run buu sheegay Shiikhu markii uu yiri iskuma hayno wax Diin ah annaga iyo Al-Itixaad, waxaan isku haynaa dhaqaale iyo jago-raadin.

Waxaan arkay Sheekh Maxamed Idiriis oo hadda inta badan kasoo muuqda shaashadaha tiifiiyada gaalada u adeega asagoo dhanka kale boqol wareegay oo ka tagay ama illaaway wanaaggii, ka-sheekayntii, taxriikintii ama ku-qalqaalintii, maalgalintii jihaadka caalamka ka socda oo laga yaabo haddii qolo shubho gasho kuwa badan ay saxanyihiin cadowna is horfadhiyaan ama gaalo la dagaallamayaan. Miyaan Rasuulku (sallallaahu calayhi wasallam) oran, “La waayi maayo qolo ama koox xaqqa u gargaarta mana dhibi doono mid khayaamay khayaamadiisu.” Aw kamaa qaala (sallallaahu calayhi wasallam). Haddaad cabsateen iska aamusa intaasaa dembi idiin ku filan.

Waxaa wax laga naxo ah in uu la taagan yahay Shiikhu idaacadaha adduunka ama tiifiiyada, “Yaan lacag la siin kuwa jihaadka wada, war dadyahow ma waxaad rabtaan in aad xoolihiinna Naar ku gashaan! War see wax idin ka yihiin? War lacagtiinna ha siinina argaggixisada dadkii Soomaaliyeed dhammaysay ee arxanlaawayaasha ah oo barakiciyay malaayiin masaakiin ah! War ka fiirsada xoolihiinna meeshaad ku bixinaysaan. War maalgashada shirkadaha ay wadaaddadu maamulaan, ku bixiya xoolihiinna madaarista iyo masaajidda ku yaalla Mareykanka, Ingiriiska iyo wixi la mida.” Maalgashiga shisheeyuhu ma garaad nin wayn baa? Gabay Qor. Waxaa la hayaa canjalad dhagaysi ah wadaadkoo sidaas u hadlaya.

لَا تُنفِقُواْ عَلَىٰ مَنۡ عِندَ رَسُولِ ٱللَّهِ حَتَّىٰ يَنفَضُّواْ‌ۗ

“Ha siinina xoolihiinna dadka la jooga Nebi Muxamed (sallallaahu calayhi wasallam) illaa ay kala tagaan.” Waa hadalkii munaafaqii weynaa Cabdullaahi Ibnu Ubay Ibnu Saluul. Jawaabtiina waxay noqotay:

وَلِلَّهِ خَزَآٮِٕنُ ٱلسَّمَـٰوَٲتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَلَـٰكِنَّ ٱلۡمُنَـٰفِقِينَ لَا يَفۡقَهُونَ

“Ilaahay bay u sugnaatay khasnadaha cirarka iyo kuwa dhulalka, munaafiqiintuse waxba ma fahmayaan.”

Cajaa’ibta Sheekh Maxamed Idriis waxaa ugu daran in shiikhu telefishin lasoo istaagay asagoo dadka ku boorrinaya in ay xoolohooda ku aamminaan asaga, sadaqana u niyaystaan. Wuxuu yiri, “War shakiga iska daaya oo bixiya xoolaha waxaad helaysaan baddal ka badan kaad bixiseen.” Wuu sii waday shiikhu hadalkii oo wuxuu yiri, “War ma iga rumaysanaysaan haddaan idin dhaho khasnaddayda waxaan ku arkay 300,000 (oo doollarka Mareykanka ama giniga Ingiriiska ah) oo aanan garanayn meel ay ka timid?”

Akhristayaalow bal ka warrama  lacag intee le’eg ayaad u malaynaysaan in ay khasnaddaas ku jirto, mar haddii Shiikhu garan waayay 300,000 oo doollar ama gini meel ay ka timid. Aniga waxay ila tahay lacagta ku jirta khasnaddaas in aysan ka yarayn 3 (saddex) milyan oo doollar ama gini. Annagaa naqaan meeshay ka timid ee fadlan sii dadkii lahaa! Waa akoon aad qaybin jirtay oo oran jirtay, “Waxaan haynaa agoomo, waxaan masruufnaa Mujaahidiin gaalada nagusoo duushay dagaal kula jira,” iyo wax la mida.

Billaahi calaykum, miyeysan habboonayn in Shiikhu haddii uu kala bakhaylay lacagtaas Mujaahidiintii mudnayd in la siiyo uu ku nafaqeeyo malaayiinta Muslimiinta ah ee macaluusha u dhammaanaysa? Waxaan Shiikha ugu cudurdaaraynaa wuu safarro badan yahay oo waxaa laga yaabaa in aysan asaga ka badnayd ama ku fillayn tigidhadiisa iyo hoteelkiisa! Waxaa la hayaa cod shiikha oo dadka uga digaya in laga dhagaysto akhbaarta mujaahidiinta si toos ah iyo si dadban intaba. Ereyadiisii waxaa kamid ahaa, “Yaan la dhagaysan idaacadahooda, yaan la akhrisan weebabkooda,” iyo wixi la mida.

Murti Soomaaliyeed oo ku saabsan rag is-haya

Qaniinyo qaniinyaa kaa fujisa. Rag aan isdayno wuxuu ku dhaamo la waa. Maxaad Caamir ugu geedi tahay soo ku guban maysid? Laaluusha haddii aanan ku siin Xalane ma ila aadi? Nin muraayad ku jiraa dhagax ma tuuro. Laba weel haddii la isku dhifto kii wax ku jiraan baa daata. Reer odaygiisii durbaan tumay carruurtuna waa iswareejiyaan. Isku daalnaye maxaa inoo dan ah? Iyo wixi la mida.

Yaan la madax taagine hala wadahadlo, ninna nin addoon uma aha diintuna armaajo furaheedii lumay kuma xirna. Nin walbaa intii Ilaahay ka fahamsiiyo ayaa ka muuqan. Waxaan ku talin lahaa tanaasul hala sameeyo. Waxaan kaloo ku talin lahaa in ay odayaashu billaabaan tanaasulka gogoshana fidiyaan, iskana illaawaan yaska iyo quursiga aan ku habboonayn qofka Islaamka ah oo diinta wax ka fahmay. Shabaabka waxaan leeyahay Ilaahay ha laga baqo oo yaan laga tagin xushmadda, qaddarinta, kala-dambaynta, hana diidina wixii xaq ah oo la idiinku nasiixeeyo. Kama maarantaan culumo aad ku dayataan, culumaduna kama maarmaan dhalinyaro ay ku indha-qabawsadaan oo hawsha la qabata ama ka xigsata howsha culayskeeda.

Waxaan la hadlayaa ragga fayow ee taladu ka go’do. Warkaygu wax uguma yaal nin xanuunsan talana aysan ka go’in. Waxaan la hadlayaa ninka og in uu khaldami karo oo uu yahay banii-Aadam. Warkaygu wax uguma yaal ninka isu qaba in uu yahay macsuum aan khaladba ka dhicin. Lama daawayn karo nin isu-haysta in mar walbana laga gardarran yahay oo sugaya in asaga raalli ahow la dhoho taladana loo dhiibo ayadoo aan la garsaqsan. Gar iyo gardarraba aniga!

Su’aal ah xaggee garta lagu qaadayaa?

Waa sahlan tahay arrintaasu haddii aan la is indhotirayn. Waxaan nahay shucuub jirta oo dhul leh ama meel deggen. Waxaan ku wada hadlaynaa dhulkeennii. Ma waxaad rabtaan sidii hoggaamiye-kooxeedkii in Muwaayi Kibaaki Doofaaray nagu shiriyo? Ama Meles nagu shiriyo Soodare ama Maykal meel noo calaamadeeyo aan Soomaaliya ahayn sida Jabuuti, Cadan iyo wixi la mida. Fiiri tixdaan aan qormadaba ku billaabay haddaad xaqdoon tahay: Xiiqsanase yeelkiis Xabashida la safan wali!

Ka gar baxa walaalaha, gobollada dalkiinnii gaarsiiyay nabad run ah

Axmed Godane ugu taga la gorfeeya taladana, kama liito gaalxune!

Ma Axmed Godane wuxuu ka liitaa Maykal, Muwaayi, Mahiige iyo mid magac masiixi leh?

Ninka wadaadka ah oo maanta diiddan in uu tago Kismaanyo, Muqdisho, Baydhabo, Baladwayne, Gaalkacyo, Garbahaarreey, Ceelbuur, Marka, Jowhar, Xuddur, Xarardheere, iyo inta u dhaxaysa oo tuulooyin iyo magaalooyin yaryar ah xagguu rabaa in uu ku noolaado oo dacwada ka wado ama lagu garnaqsado? Malaha xataa wadaaddada waxaa ka dhaadhacday barnaamijka gaaladu wadato oo ah in waddanka dibaddiisa Soomaalida shirar loogu qabto ama lagu heshiisiiyo!

Wadaadka diiday intaas oo gobol in uu cagahiisa dhigo waxa ka socdana u arka fitno saasna caqiido ka dhigtay oo raba in shirarka lagu qabto Jabuuti, Nayroobi, Adis Ababa, Kambala iyo wixi la mida kaas sharkiisa Ilaahay ha naga qabto anaguna waan iska qabanaynaa. Waxaan la hadlayaa waa shuyuukhda ka carootay Shabaabka oo ku eedaynaya fudayd iyo waxmaqal la’aan. Haddii lala tashan lahaa culumada wax badan bay hagaajin lahaayeen oo qaar baa jecel camalkaan socda una arka camal loo baahan yahay culumase aan wadan.

Waxaan dhagaystay culumo waawayn oo magac ku leh dacwada dhexdeeda oo la su’aalay maxaad u tagi waydeen waddanka gudahiisa oo usoo ogaan waydeen dhibka Shabaab laga sheegayo oo hadday khaldan yihiinna ugu nasteexayn waydeen? Wuxuu yiri wadaadkii, “Meesha lama tagi karo oo ninkii taga waa la gowracayaa!” Subxaana-llaah! Annaga maa nala gowraco har iyo habeenba waan joognaaye? Ninka gowraca ka baqayaa wax buu gowracay hadda ka hor. Muslimiin badan baa gacantiisa ku maqan. Dhagarqabe dhulkaa qaban.

Wallaahi wadaadka qaba arrintaas oo afkiisa laga maqlay ama caddayn buu keeni ama waxaa u yaal wuxuu malaystay. Waxaa kaloo dhammaaday shacwadiyadii ama riwaayaddii dadka shacabka ah madaxa looga haystay. Meel walba maanta waxa yaalla daqiiqad baa lagu ogaan karaa oo isgaarsiintii baa noqotay mutawafir ama meel walbay taallaa maqal iyo muuqaalba. Iscaddeeya!

هَاتُواْ بُرۡهَـٰنَكُمۡ إِن كُنتُمۡ صَـٰدِقِينَ

Ikhwaanii waa loo baahan yahay in marmar wax laga sheego meesha xaaladdu marayso. Sidaad og tihiin waxaa jira dagaal xun oo ka dhexeeya mucallim iyo arday daaci wada ahaa. Ninkaan ogayn ha ku baraarugo ninkii ogna yuu qarsan, waxaad qarsataa waa ku qarsadaane. Eragya ah Mucalim iyo Arday anaa doortay, waana sida filinku ku socdo. U daa sideedaas haddii daawo lagu helayo.

Ma habboon tahay ikhwaanii in loo garnaqo mucallimka iyo ardayga? Akhristayaal haddaan xallinwayno khilaafkaan dacwada soo dhexgalay cidi noo xallinmayso qofna kama badbaadayo xumaantii ka ratibanta. Waxaa ugu horreeya oo su’aashu ku dhacaysaana waa duqayda ama culumada. Dhalinyaradu dowr bay ku leeyihiin arrinta hadday odayaashu tooda gabaan. Ma oday baa loo baahan yahay mise waxgarad? Ma kitaabkaan ku kala baxnaa mise odayaasha ra’yigooda?

Laba ra’yi ayaa imaan karta

  1. In la yiraahdo Allay lehe ragga hala kala dhex galo oo arrintaa hala xakameeyo.
  2. In la yiraahdo maya maya ma ul iyo seef baa siman? Mise arday iyo macalin?

Arrintaas waxaan u daayay akhristayaasha in ay go’aan kasoo gaaraan oo aan la dhowran cunfigaan iyo hujuumkaan joogtada ah. Sidaana dacwada dani uguma jirto. Run baan sheegayaa in aan sidaas dacwada dani ugu jirin. Waxaan u malayn maanta warkaygu wuxuu u badan yahay siyaasad. Mar mar waa loo baahan yahay in la kormaro xaaladda lagu jiro iyo waxa daawada u ah.

Aan ku laabanno qormadii iyo meeshay noo maraysay.

Waxaan sugaynaa Burco waxa kasoo baxa iyo ciidammada naloo soo diri doono intay le’eg yihiin iyo hubka ay wataan, waxaana ka dhiman in arrintaas lagu dhawaaqo saacado yar. Waa go’aankii Burco laga sugayay.

Intaan ciidamadu nagu habsan ama nasoo gaarin aan milicsanno Laasqoray iyo wanaaggii yiillay: Laasqoray waxay noqotay magaalo shacab yeelatay, Ansaar farabadan yeelatay, maamullo kala duwan yeelatay, waddanka intiisii kale xiriir wanaagsan la yeelatay, maalinba wax cusub ayaa kusoo kordha oo wanaag ah. Maalin baa waxaan aadnay annagoo koox ciidan ah meeshii la dhihi jiray Saliid. Saliid waxaa ku tiillay tuulo yar. Raggii aan isla soconnay waxaa kamid ahaa nin lagu magacaabo Bile Cabdullaahi Warsame. Waxaan meesha u aadnay labo arrimood, in aan hubinno nabadgalyada carradaas ka jirta iyo in aan deegaankaas dadka daggan soo wacdinno.

Anigu ma joogi jirin Saliid laakiin waxaa ila socda walaalihii muddo halkaas lagu go’doomiyay ama joogi jiray. Waxaa la i tusayay meelihii ciidanku dagganaayeen. Waxaa meesha mara tog aad u wayn oo markay roobabku da’aan biyaha soo roga oo dhagxaanta iyo geedaha qaadaya. Roob ayaa da’ay oo wax walba qaaday maca alaabadii ciidanku meesha uga tagay.

Sidii hadba la ii lahaa halkaanna qolo heblaa dagganayd ayaa markii dambe waxaa la i tusay geed wayn oo har leh oo togga dhexdiisa ku yiil. Waxay dheheen geedkaan hoostiisa waxaa ku shihiiday Shiikh Cabdicasiis Faarax Lagujiray (taqabbalahu-llaah). Goobta waxaa yaallay Kitaab Qur’aan ah oo biyihii wax walba qaaday ay ka tageen. Kitaabkii markaan eegay waxaa ugu korreeyay aayadda ah بِأَىِّ ذَنۢبٍ۬ قُتِلَتۡ. Aad baa waxaa noo caajis galiyay in aan ka jawaabno daadkii ama biyihii wax walba oo culus qaaday oo ka tagay waraaqo aad u fudud waxayna u ekayd mucjiso nala tusay. Run baa sheegaya shaahid baan ahaa.

Waxaan tagnay tuuladii, dadkii baa markay na arkeen firxaday ama cararay, waxay fuuleen buuraha dhakadoodii. Dadka cararay waxaa ku jiray gabadh wadatay ilmo aad uyar. Waxay ubaxday buurta dusheedii. Waxaan u dirnay ciidan kasoo dajiya buurta dadkii cararay.

Waa lasoo dajiyay, meel baan isugu keennay, waan wacdinnay. Waxaan su’aal waydiinnay gabadhii ilmaha la carartay oo waxaan niri maxaad u carartay walaal raggu haba cararaane? Waxay tiri waxaa la yiri xattaa ilmahaan yar way gowracayaan Ikhwaanku! Waxaan u sheegnay in aannaan cidna dilin. Waxaanna kasoo tagnay ayagoo faraxsan oo nabad qaba. Lama gowricin lamana dilin.

Walaalayaal shirkii waa soo gabagaboobay go’aanna waa kasoo baxay, waxaana nagusoo wajahan ciidankii loo xilsaaray fulinta go’aankaan. Aan sugno Laasqoray oo aan war hayn iyo ciidanka ku habsan doonaa intuu le’eg yahay.

Qeybta 20aad

Bismillahi wabacdu. Waa qormadii 20aad. Waxaan kala tagnay ayadoo ciidankii ay daaltiranayaan illayn waa ciidan muddo dheer ku jiray loollan ama colaad. Waxaan isku ogayn in la akhriyo tixdii Ina Cabdulle Xasan. Maxaad ka fahamteen gabaygaas? Mase khuseeyaa meeshaan dhigay? Qadiyaddu ma isku egtahay waqtigu haba kala duwanaadee?

Aan u gudagalno goobta dagaalku ka dhacay.

Waxaan ogayn cadawgii oo jabay. Cadawgu wuxuu ka yimid meelo fogfog ama masaafo dheer ayey soo jareen. Waxay soo diyaargaroobayeen dhowr bilood. Waxay yiqiinsanaayeen in aysan jabayn ama laga adkaanayn. Waxay yiqiinsanaayeen in ay soo baabi’in doonaan Al-Itixaad Al-Islaami. Waxay hubeen in ay soo qaban doonaan dumar iyo carruur badan. Waxay hubeen in ay soo heli doonaan bililiqo aad u fara badan oo waliba kaash u badan ama lacag caddaan ah, raashin, dhar, timir, daawo, iyo hub farabadan!

Waxaa Boosaaso laga diyaariyay guryo waawayn oo lagu xereeyo dumarkaan iyo carruurtaan. Waxaa la diyaariyay cunto, cabbitaan iyo daawo lagu dabiibo dadkaan maatada ah oo qafaalka lagu keeni doono. Waxaa magaalada Boosaaso soo buuxdhaafiyay dad raba in ay daawadaan dadkaan ama carruurtaan iyo haweenkaan berri la keeni doono. Waxaa dadka kamid ah dad walwalsan oo raba in ay dadkaas la keeni doono ka dhex goobaan qaraabadoodii oo waa hore ugu dambaysay (Wadaaddadii kala firdhaday).

Si kastaba ha ahaatee waxay Boosaaso sugaysay laba arrimood:

  1. In lasoo afjaro ama lasoo baabi’iyo Ikhwaankaan nalagu salladay
  2. In la keeno raashin, dhar, daawo, lacag kaash ah, hub, saanad iyo dad nool, waana tan keentay in la baneeno ama la diyaariyo bakhaarraddii ay lahayd Ee.Dhii.Sii (ADC) ama hay’addii raashinka u qaabilsanayd dawladdii Ina Siyaad Barre.

Ciidamada Cabdullaahi Yuusuf waxay wateen gaadiid waawayn oo ay ugu tala galeen in ay ku soo raraan dadkaas iyo badeecaddaas aan kor ku soo sheegnay. Markii laga adkaaday ciidankii Cabdullaahi Yuusuf oo ay ogaadeen in ay jabeen waxay billaabeen in ay dhaawocoodii iyo dhimashadoodii intay awoodeen ay ku rartaan gaadiidkii ay wateen oo ahaa xamuulka. Waa gaadiidkii loogu talagalay in lagu soo daadgureeyo dumarkii iyo carruurtii Ikhwaanka laga soo qafaalan lahaa lamase gaarin ujeeddadaas oo arrinkii waa is baddalay.

Waxaa dhagta lagu hayay taararka Boosaaso yaallay oo akhbaarta soo gudbinayay. Waxaa hadba soo dhacayay akhbaar cusub ama bishaarooyin laga soo gudbinayo furinta. Waxay soo wariyeen taarwalayaashii in la jabiyay Ikhwaankii, ciidankiina uu gaaray libintii ugu dambaysay. Waxay soo wariyeen in lasoo wado dumarkii iyo carruurtii. Akhbaartaas beenta ah waxaa gudbinayay qoladaan jabtay. Waxaa la foolxumaatay in ay sheegaan waxay la kulmeen oo jab iyo naasabeel ahaa. Waxay kaalmaysteen been qayaxan. Beeni raad ma leh.

Waxaa soo muuqday baabuurtii loo malaynayay in ay wadaan dumarkii iyo carruurtii Ikhwaanka. Baabuurtii magaaladay soo galeen ayagoo aan dheg la qabto lahayn. Ragga baabuurta wadaa waxay ogyihiin xaqiiqada jirta iyo waxa ka dambeeya. Waxay galeen Isbitaalkii ama meelo lamid ah, maxaa yeelay waxay wadaan waa dhaawac iyo meyd.

Dadkii baa kusoo qamaamay baabuurtii, waxay warsadeen waxa jira iyo waxay wadaan. Waxay u sheegeen xaqiiqada jirta. Waxaa isbaddalay jawigii farxadda iyo damaashaadku ka muuqday. Waxaa billaabatay qaylo iyo baroor. Waxaa iska soo dabadhacay ciidankii wixii ka haray oo caga murux ah ama aad u daalan, maxaa yeelay waxay kasoo carareen masaafo aad u fog oo waliba dhulka ay ku soo baqanayaan waa dhul aan sinayn oo buuroley ah cabsina waa u dheerayd oo nin walbaa wuxuu lahaa wallee nala qabay!

Aakhirkiina waxaa xowli ku dhex maray magaaladii Boosaaso Cabdullaahi Yuusuf iyo istaafkiisii, wax war ahna waxaa laga helay in uu yiri, “Nimankii way na dabasocdaan wayna idin qabsan doonaan anaase idinka kicin doona!” Wuxuuna afka saaray xaggaas iyo Gaalkacyo oo kuma nasan Boosaaso iyo meel u dhow toona.

Warkaas waxaan kasoo xigtay walaalihii goobjoogga u ahaa markuu arrinkaasi dhacayay ama dhacdadaas, warkuna intaas wuu ka dheeraa laakiin anaa intaas kusoo gaabshay. Aan kusoo laabanno Laasqoray iyo wadaaddadii Al-Itixaad. Waxaa lagu dhaqaaqay in la ogaado dhibka dhacay intuu le’eg yahay dhimasho iyo dhaawacba. Waxaa maalinkaas shahiiday inshaa Allaahu qiyaastii 12 nin. Dhaawucuna ma yarayn mase hayo tirsi go’an.

Dhaawaca waxaa kamid ahaa Shiikh Axmed Cabdisamad. Shiikha waxay xabbaddu ka haleeshay meelo halis ah, waa feeraha iyo caloosha agtooda. Waxaa la is lahaa ka kici maayo dhibka gaaray awgiis.

Waxaa isna dhaawacmay walaal Cali Mujaahid. Cali Mujaahid xabbaddu waxay jabisay lug ama bowdada, waxaa la is lahaa waa dhaawac fudud laakiin waa lagu imtixaamay dhaawacaas oo wuxuu galay khatar dhimasho u dhawaysay mase dhiman. Waxaan soo marnay in ay diyaarsanaayeen dhakhaatiir khibrad leh laakiin aan haysan qalab fiican. Waxay la tacaaleen labadaas nin oo dhaawacoodu aad u liitay. Waxay ku sameeyeen camaliyaad qaatay saacado badan. Waxay ku guulaysteen in ay badbaadiyaan ayagoo Ilaahay kaashanaya ama sabab looga dhigay ayaga in ay badbaadaan.

Cali Mujaahid lugtii waa la gooyay, dhaawucu wuxuu ka gaaray qaybta hoose ee lugta, waxaase markiiba ku dhalatay bakteeriyo ama kaankaro garsiisay in lugtii oo dhan la jaro illaa ay ka gaartay misigta ama dhanka caloosha xigta. La isma dhihin Calibaa tan ka kacaya oo waa laga rajo dhigay asaguna shook buu qaaday oo waxaa galay khalkhal oo wuxuu yaqiinsaday in uu dhimanayo. Mase dhicin oo wax baa u dhimanaa noloshiisa haddana sida aan maqlay waxa uu ku noolyahay dalka Ingiriiska.

Shiikh Axmed Cabdisamad kama dhib yarayn Cali Mujaahid oo asagaaba dhaawiciisu ka darnaa. Wuxuu ahaan jiray nin dhulyaal ah oo aad u mariilay ama u diifaysan dhibka gaaray awgiis. Waxaa u hagar baxay oo intaas agtaagnaa oo xaaladdiisa ka war qabay walaalihii dhakhaatiirta ahaa oo aan haysan qalab casri ah waxayse ku xirnaayeen Rabbigood oo wax walba awooda. Yaqiin.

Ma wada qori karo kamana sheekayn karo wixii dhacay waagaas, waxaanse rabaa in aan bidhaamiyo suuradda ugu dhow ee lagu xasuusan karo dhacdadaas. Waxaan hubaa in ay rag badan markay akhriyaan qormooyinkaan ay oran doonaan Alla muxuu taasna ugu dari waayay? Haddaan xasuusan lahaa waan ku dari lahaa laakiin waxaa maxduud ah waxaan xasuusto iyo meeshaan joogay ama akhbaartaan hayo. Intaan joogay ayaanan wada xasuusnayn oo waxaan qorayaa wixii aan xasuusto oo kaliya. Tii aanan goob joog u ahayn warkeeda daa. Rag baa Ilaahay usoo saari doonaa ayagaana qori doona inshaa Allaah. Waari mayside war hakaa haro.

Walaalayaal akhbaartaan ama dhacdadaan masoo xirin albaabkii wax looga qori lahaa ama lagu diiwaan galin lahaa (bal anigu waxaan furay albaabkeedii). Kusoo dhawaada oo nin walbaa wuxuu ka ogaa ha qoro oo hala aruuriyo, kadibna hala diiwaangaliyo. Waxaan idinka codsanayaa in la iqabto haddaan khadka ka baxo, waxaan kaloo codsanayaa in la isaxo haddaan wax isku dhex khaldo ama is moodsiiyo intaan saxanahayna yaan la idhibin ammaan idin kama rabee. Ikhlaas.

Waa cusub ayaa noo baryey. Waxaa na martay dabayl qabow oo wadata saxansaxo nabadeed. Waxaa salka dhulka ku dhiftay ama quustay munaafiqiintii meel walba oo ay joogeen oo laga yaabo in qaar ciidanka ku dhex jireen. Wakayfa laa, in aysan ciidanka ku dhex jirin hadday ciidankii Nebi Muxamed (sallallaahu calayhi wasallam) ay ku dhex jireen. Macal asaf cid taqaan ma jirto oo aan Ilaahay ka ahayn. Waxaa nastay oo hubkii cuslaa tiiriyey dhalinyaradii ku qalaftay dhufayska (dhib jiray).

Waxaa waardiye loo diray ciidan aan badnayn oo ilaallo ka haya wixii tuugo ah oo ciidanka soo dhexgali lahaa ama jaasuus ah. Waxaa nasiino dheer galay ciidanka intiisii kale. Waxaan billownay in aan ciddiyihii iyo timahii nagu baxay oo aan waqtiga u waynay aan iska jarno. Waxaan billownay in aan dhididkii colaadda ka qabaysanno ama diiftii ay nagu reebtay muddadii dheerayd ee dhufayska lagu jiray. Dhegdheer dhimatay oo dhulkii waa nabad.

Waxaa cirka isku shareeray cududdii milatari oo ay heleen Ikhwaankii, waxaa quustay wax alla wixii qabqable ahaa ama iimaanlaawe oo is lahaa nimankaan kala erya intaysan xoogaysan, waxaa u qaadan waayay in ay arrintu halkaas gaartay culumadii lahayd wiilashaan qoriga la ordaya oo dadka isku diraya dacwadiina khalkhalka ku riday hala edbiyo oo hala kala cayriyo. Sakiin liq.

Waxaa baraarugay wadaaddo farabadan oo u qabay in nalagu leefi doono ama nala baabi’in doono, waxaa soo hijrooday wixii jeclaa in ay Ikhwaanka la noolaadaan, waxaa soo dhiirraday oo furinta soo galay rag wadaaddo ah  oo u qabay in aan laga hortagi karin qabqable iyo ciidan hubaysan toona. Sir baa fakatay oo Daarood waa fashilmay, waxaa la ogaaday in aysan dadka ka xoog badnayn fulaynimona u dheertahay, waa kuwa iimaanlaawayaasha ah.

Waxaan helnay baddal khayr qaba oo ka fiican kii nalaga burburiyay. Waxaan helnay magaalooyinkii nalaga soo saaray magaalo ka fiican: xagga istaraatiijiyadda, xagga shacabka, xagga waxsoosaarka intaba. Waxyaabaha aan xasuusto waxaa ka mid ahaa xagga waxsoosaarka: maalin baa nin ciidanka ka mid ah wuxuu badda u doonay kalluun, si ciidanku u helo hilib. Wuxuu dhigtay xarig, waxaa ugu dhacay daabbad, wuxuu damcay in uu soo jiido xariggii, waa ku adkaatay, wuxuu u yeertay rag kale, waa la isugu tagay. Waxaa bannaanka lasoo dhigay kalluun aad uwayn, waa la qalay si loogu qaybiyo hilibkii ciidanka, waxaa dhacday in mallaygii calooshiisii laga soo saaray mallaayo farabadan oo haddaan xasuustaydu khaldayn aan umalayn in ay dhammaayeen 30 illaa 40 inta u dhaxaysa. Waxaa loo qaybiyey ciidammadii aaggaas ku jiray oo dhan wuuna deeqay oo waliba wax baa kasoo haray! Waa mucjiso Rabbaani ah.

Waxaan u qaadannay in ay tahay karaamo nala tusay oo Ilaahay ciidankaas ku quudinayay. Waxay ahayd dhacdo aysan waligood arag dadka halkaas dagganaa oo kalluumaysatada ahaa in badan. Waxaan u qaadannay doon Ilaahay noogu soo raray mallaygaas si ciidanka loogu quudiyo. Ilaahay baa ku mahadsan awel iyo aakhirba, thumma raggii shaqadaas qabtay.

Waxaa caado ahayd in si sahlan badda mallayga loogala soo baxo oo ciidanka lagu quudiyo har iyo habeenba. Saasaan u iri meeshu waxsoosaarka waxay ka fiicnayd dhulkii nalaga soo raacdeeyay. Sir-ma-qabe Allaa u sahan ah! Ilaahay Qur’aanka wuxuu ku sheegay in wax dadku khayr moodayaan oo shar u ah ay jirto, wax ay khayr moodayaan oo shar u ahna ay jirto. Dadkuse wax ma oga ee Allaa wax og.

Waxaan u qabnay in aannaan soo kaban doonin oo ay adag tahay mar labaad sidii la isugu keeni lahaa ciidan iyo maamul dambe. Waxaase dhismay dowlad ka xoog wayn tii hore, waxaa la helay dhul kii hore ka muhiimsan. Waxaa la helay shacab kii hore ka daacadsan. Waxaa la gaaray xilli Ilaahay fashilay kuwii shareecada Islaamka la dagaallamayey. Waxaan gaarnay meel aannaan filayn in aan gaarno. Allaa  ku mahadsan mahad.

Waxyaabaha wanaagga ah oo aanan illaawin waxaa kamid ahaa: Waxaan garanayaa nin ciidammada kamid ah oo macdaar yar ka furtay ama dukaan magaalada Laasqoray dhexdeeda. Wuxuu samayn jiray intuu badeecada qiimahay joogto ku qoro ayuu dantiisa raacan jiray oo inta badan wuu ka maqan yahay dukaankiisa. Wuxuu kaloo udhaafay xoogaa sarrif ah oo dadku markay wax gataan ay ka sarriftaan (lacag caddaan ah). Wuxuu u imaan jiray dukaankii oo waxna gadmeen waxna wali badeeco ku jiraan iyo wixii gadmay oo kaashkii udhexyaal macdaarkiisii. Waxaa magaalada dagganaa dad aan yarayn oo wax walba isugu jiray, waxaase intii xumayd ka xoog batay kuwii fiicnaa oo waxaa la waayay qof xumaan samaynaya oo bannaanka la taagan xumaantii. Wixii lala dhuunto Allaa ka warqaba.

Waxaa la sameeyay maamullo kala duwan, waxaa la sameeyay qaadigii magaalada kala xukumi lahaa. Qaaddiga magaciisa waxaa la oran jiray Cabdirasaaq Shiikh Cumar. Waxaa la billaabay in meelo fogfog la gaarsiiyo dacwada, waxaa aammin laga noqday qabiilooyin dambe oo ku hamiya in ay Laasqoray ku duulaan.

Cabsiiye laggii wixii ka qabsaday wallee caddam buusan baayicin.
Libna yaanan hoyinnine haddaan kaa lugbaxo maanta
Wallee aniga oo ladan bus loow kuguma soo laabto.

Waa murti Soomaaliyeed oo tilmaamaysa rag dhibaato ku dhacday oo quus taagan go’aan ku gaaray hadday maantay badbaadaan in aysan mar dambe far dhaqaajin! Nimaan waran kaa reebin wacad kaama reebo (khaa’imiinta).

Laasqoray waxay noqotay qalcad ay ka quusteen cadowgii muuqday ama hubaysnaa. Waxaan quusan oo arrintaasu jiif iyo joogba u diiday wadaaddadii horay noo jabiyay oo nagu xukumay in aan wabi Shabeelle xagga udhaafno. Waxaad mooddaa in aannaan yeelin tilmaantii nala siiyay ama ishaaradii ahayd ka baxa dhulka Soomaaliya dagto. Wabi Shabeelle waxaa ka shisheeyaa waa dhulka Itoobiya gumaysiga ku haysato. Waxaadna mooddaa in wadaaddadu rabeen in aan aadno dhulkaas xoogga lagu haysto oo aan soo xorayno asaga ee aannaan dhulkaan dacwadu ka socoto khalkhalin maslaxada dacwadana aannaan ka hor imaan! Waa gobollada waqooyi bari.

Anagu waxaan u qabnaa in dhibkii dhammaaday oo waxaan u jeensannay waxsoosaar dhan walba ah. Waxaan gaadhnay in aan hub soo saarno ama la farsameeyo hub cusub oo meeshaan dagannahay lagu allifay. Tusaale ahaan nin baa wuxuu sameeyay rasaas dhacaysa oo wax dilaysa, oo qori kasta ayaa la isku dayay in loo helo rasaastiisii. Taas markii lagu guulayastayna waxaa looga gudbay in la sameeyo waxyaabaha loo isticmaalo qaraxyada.

Waxaa la sameeyay koox dhan oo hawshaas ku mashquulsanaa guula badanna waa laga gaaray. Kooxdaas waxaa madax u ahaa nin lagu magacaabo Xirsi oo dhalinyaro ahaa. Waxaa dhacday ayagoo hawshoodii ku dhex jira oo hal qol ku wadajira ayaa waxaa xumaaday farsamadii gacanta waxaana dhacay qarax aad u wayn ayagiina dab baa qabsaday. Ragga intiisii badnayd waxaa gaaray dhaawac halis ah haba ugu darnaado hoggaamiyihii kooxda akhuunaa Xirsi. Jazaahumu-llaahu khayran ajmaciin. Waxaa joogay oo waxsoosaarka kamid ahaa Muhaajiriin laga faa’iidaystay adduun iyo aakhiraba. Waxaa noo soo caraftay ama aan u hanqal taagnay in aan ka gudubno ciriiriga iyo cunsuriyadda aan diin ku dhisnayn. Waxaa noo muuqatay in aysan xuduud lahayn dowladda Islaamku, Waxaan akhbaar ku helnay in ay jiraan ama uu jiro baraarug Islaami ah oo meel walba waxaa ka socda kacdoon diiddan dulmiga lagu hayo shucuubta Islaamka.

Waxaas oo dhan oo mowjad ah ama wararka xiisaha leh waan ku raaxaysanaynaa laakiin wali tallaabo la qaaday ma jirto oo waxaan dhidibbada u aasaynaa marka hore dowladdaan kasoo badbaadday afka libaaxa oo curdanka ah. Waxaa la helay jaanis badan oo ay ku fakaraan indheergaradkii dowladdaan hoggaaminayay. Waxay heleen fursad ay ku daraaseeyaan kutubtii Islaamku mar hore ka qoray dhacdooyinkaan oo kale ama dhisitaanka dowlad Islaami ah.

Waxaan marna ka gaabin shaqadoodii munaafiqiintii ciidanka ku dhex jirtay ama bulshada. Waxaa laga yaabaa in ay madaxda kamid yihiin, waxaa laga yaabaa in ay kamid yihiin qolada sirta lagu qarsado lamase yaqaan illaa iyo hadda ninka munaafiq la yiraahdo in uun lagu arko tilmaamo munaafiq mooye. Taasna axkaam laga qaadan maayo oo ma dhihi karno munaafiq baad tahay wadaadyohow. Haa waxaad leedahay tilmaantii munaafiqiinta.

Waxaa fududayd in si sahlan sirtayada loo gudbiyo oo la ogaado wax alla waxaan ku fakarayno. Waxaana yar in haddii Ikhwaanku qofka shakiyaan ay wax ka qabtaan oo waxay dhihi Ilaahay baa nooga filan sharkiisa naga daaya. Waxaa laga yaabaa in kaas ay leeyihiin Ilaahay baa nooga filan sharkiisa uu halaago oo ciidan kusoo hoggaamiyo. Waa sax in Ilaahay la talo saartaa laakiin ficil baa lagaa rabaa markaas kadibna Ilaahay talo saaro. Waa caqiidada ahlu-sunna.

Baadida nin baa kula daydayi daalna kaa badane oon doonahayn inaad heshaa daa’in abidkaaye. Khaa’inku afkuu kugu dhunkado ayuu kugu qaniinaa! Waa murti Soomaaliyeed oo si sahlan tilmaan uga bixinaysa khaa’inka.

Badanaa mid laabta kugu qaadanaya oo akhii akhii kuleh oo haddana faylaha ku goynaya. Illayn ari daasad kama il baxo. Ikhwaanku wali ma fahmin kamana il bixin in la isku aammino oo kaliya callaamatu Shiikh Fulaan. Oo waxaa la illaaway in la isku aammino Alle dartii iyo ikhlaas.

Waxaa manhajka ahlu-sunna kamid ah in qof walba lagula xisaabtamo camalka daahirka ah ee ka muuqda. Ammaa callaamatu Shiikh ha ahaado ama caamay dhaga waawayn ha ahaado.  Culumadu ayagaa maalin walba waxay la taagan yihiin tiifiiyada ama bulshada horteeda annagaa sidaas yeelnay, annagaa saas qabna, annagaa Ikhwaankii jabinnay. Haddaad waydiisana wuxuu ku leeyahay saas ugama jeedo ee adaan fahmin. Markaad daliil u keentana wuxuu ku dhihi madluulka ama daliilka ma adan fahmin! Goormaan is fahmaynaa annaga iyo macallinku?

Fiiriya billaahi calaykum dadka qiiraysan oo maqaalka hoostiisa wax kusoo qoraya. Arki maysid qof oranaya war diinta Ilaahay yaan lagu xadgudbin, war Ilaahay dartii waxaan u qabta, war Ilaahay ka amar qaata, war yaan Ilaahay loo gafin (shirki). Waxay difaacayaan nin asaguba la taagan wuxuu qabo oo leh arrintaas anaa ka dambeeyay. Waxay ku wardiyayaan yaan culumada loo gafin ayadoon gafba meesha oolin. Maxaa Suufiyo lagu haystay?

Fiiro Gaar ah: Waxaa suuqa la galiyay dhalinyaro yaryar oo khawaarij ah ayaa culumada warkeedii diidday dadkiina ugu yeeraysa manhajkii khawaarijta. Waxaa suuqa la galiyay ma wataan hal nin oo wadaad ah ama culumo. Waxaa suuqa la galiyay dad aan waxba galabsan ayay laayaan waana gaalaysiiyaan. Waxaa suuqa la galiyay waa juhalo oo waxba ma yaqaannaan. Caddayn looma hayo warkaas.

Waxaa suuqa la galiyay shisheeyay wataan. Waxaa suuqa la galiyay waxay diideen wadahadalkii nabadeed. Waxaa suuqa la galiyay gaalaa ku shaqaysanaysa. Akhristayaalow  Ilaahay baan idinku dhaarshee ha naloo keeno hal dhacdo oo run ah oo kamid ah warkaan kor kusoo taxay ama laga sheegayo Ikhwaanka jihaadka ku jira. Dadka Islaamka ah waxaa ka xaaraan ah saasaa la lahaa iyo wax la mida. Hadaad run sheegaysaan caddayn keena.

Ma xasuusataan barigii Maraykanku iclaansaday dagaalka jihaadka uu ugu magac daray ama difaac diineed. Adduunkii baa isla gariiray waxaa lala yaabay hoggaamiyihii Maraykanka geesinnimadiisii iyo runsheegnimadiisii illayn gaaladu ayagoo gaalo ah bay haddana waxay ku darsadeen munaafaqad oo adduunka waxay ku haystaan been qayaxan. Waliba waxay rabaan in la ammaano oo la yiraahdo haddaan dowlad hebla jirin adduunku wuu baabi’i lahaa iyo wax la mida.

Warkii gaalka oo saas u caddaa waxaa maro saaray oo qariyay ama ta’wiiliyay madaxdii iyo culumadii Muslimiinta hoggaaminaysay si aan gaalada looga hor imaan. Gaaladiina gumaadkay ku dhawaaqeen waa kaga dhabeeyeen oo waa billaabeen waana wadaan illaa hadda. Wali ma aragteen hal wadaad oo arrintaas ka hadlaya marka laga reebo kuwa buuraha saaran oo gaalo iyo Muslimba la dagaallamayaan (Shiikh Usaama iyo saaxiibbadiis).

Wallaahi hadday culumada jihaadka diiddan ay caddeeyaan waxa calooshooda ku jira (jihaad-nacayb) oo ay tabriiraadka daciifka ah iska daayaan oo run sheegaan in aan hal qof oo wax ka dhagaysanayaa jirin oo hal mar ah ayaa furinta dadku tagi lahaayeen gaalana ma kibirteen. Ilaahay wuu kashifi doonaa Jihaad-diidka.

Fiiro Gaar ah: Arrinkaan aan ka sheekaynayaa Soomaali gaar kuma ahan iyo culumadooda toona. Waxaan ka hadlayaa waa caalamul Islaam. Waxaad u dhaba gashaan culumada Muslimiintu waxay rabaan in ay dhalinyarada magacyo u bixiyaan, dadka ku diraan, diinta ka saaraan illayn khawaarij iyo takfiir waa diin ka saarid aan geed loogu soo gabban, waxay rabaan in aysan bulshada ka dhex muuqan, waa caytamayaan, way habaartamayaan, way goodinayaan, waxay qaadayaan tallaabo kasta oo ay ku luggoyn karaan shabaabka iyo jiilka soo baxaya oo loollanka kula jira gaalada iyo munaafiqiinta loo maarowaayay.

Ayaguna waxay rabaan in shabaabku u duceeyaan, u khidmeeyaan, khaladkooda aysan sheegin, ayagu waxay aamminsan yihiin ay ka diin dhigtaan haba khaldanaadeene. Waxay rabaan odayaashu in aan saaxada cid kale soo galin oo aan ayaga ka ahayn.

Waxay rabaan in ay magaca dhalinyarada ku faanaan oo dhahaan, “Waxaan ku mashquulsannahay sidaan jiil usoo saari lahayn, waxaan ku jirnaa jihaad oo gaalaan is-haynaa nagu soo duushay.” Markii dhaqaale la helaana waxaa loo jaheeyaa dhaqaalihii meelo kale iyo maalgalin aan miradhal ahayn. Jihaadkii dartiis dhaqaalaha lagu soo uruurshayna waa la dacniyay ama la foolxumeeyay oo ehelkiisii baa beri laga noqday dhaqaalihiina laga goostay.

Aadane rilladi waxaan kunnacay rumu haday joogto nimaan ku rabin kaana raba inaad u roonaato! Gabaygaan waxaa lahaa ama murtidaan gabar lagu magacaabi jiray Xabiiba oo ninkeedii naag kale la guursaday. Wuu isaga tagay oo wuxuu dayacay xuquuqdeedii. Marmar buu u yimaadaa ayaduna way soo dhawaysaa oo siisaa wuxuu ka dalbado (waa raalliyo). Markuu dantiisa dhammaysto ayuu isaga tagaa asagoo aan wax kusoo kordhin. Markaasay gabay dheer utirisay oo aan intaan ka xasuusto. Intaanaaba caloolxumo kugu dilaysa haddaad tahay qof Ilaahay ku xiran. Gabadhu waxay lahayd naanays oo waxaa la dhihi jiray Xawaadley. Murtida Xabiibo waxay qormada ka khusayso waan kasoo sheekeeyay. Haddaad kor fiiriso waad garan meeshay iska khuseeyaan. Waa maxaa kala haysta Ictisaam iyo ardaydiisii?

Digniin Ku Socota Akhristayaasha

Qaar baa laga yaabaa in ay yiraahdaan muxuu meesha u keenay hadalka gabadha? Fikraddaasu waxay kamid tahay waxaan qoriga u qaadanay in aan dabargoyno. Waa fikrad jaahiliyo ah. Waa dhaqan xun oo Soomaali iyo intii la dhaqan ahba soo baabi’iyay. Ka warrama Ummul-Mu’miniin Caa’isha (Ilaahay haka raalli noqdee). Soo gabar ma aysan ahayn? Addoommada Ilaahay cibaaday ku kala fadilan yihiin.

Ikhwaanii maantay waxaan dhex dabbaashay siyaasad, maxaa yeelay waxaa nagu soo wajahan balaayo hor leh oo aannaan filayn meeshay kasoo boodday. Waxaa lagama maarmaan ah in la xuso dhacdo walbaa siday u dhacday iyo qaabkii loo maleegay iyo ciddii ka dambaysay.

Waxaan soo marnay in ay dagaalkayagii ka quusteen shucuubtii lasoo hubeeyay. Waxaan kaloo ogayn in ay culumadii ama madaxdii Al-Itixaad filanwaa ku noqotay quwaddaan soo baxday oo waddada cad marsiisay raggii hubaysnaa lagana yaabo in ay sii ballaartaan oo ay arrintoodu gaarto mar aan waxba laga qaban karin ama ay gacanta u gasho waxa ayagu ay u yaqaanaan shisheeyaha oo loola jeedo Muslimiinta muhaajiriinta ah (Al-Qaacido).

Waxaa billaabatay mu’aamarad cusub iyo maalgalintii lagu fulin lahaa mashruucaas. Waxaa billaabatay qaylodhaan meel walba la isaga yimid dibad iyo daakhilba. Waxaa socda takhdiidkii ugu dambeeyay oo na looga takhalusi lahaa. Tolow intee le’eg yahay ciidanka markaan naloosoo diri doonaa oo naga guulaysan doonaa? Ma gaasas baa, ma guutooyin baa?

Mar haddaan ka adkaannay isbahaysatadii dibad iyo daakhilba isaga timid, ciidankaan dambe bal hala qiyaaso intuu le’eg yahay iyo hubkuu wato oo nagu baabi’in doono. Aan sugno waxa shirka kasoo baxa.

Waxaan kaloo akhristayaasha ka codsanayaa in ay keenaan takhdiidkii looga badbaadi lahaa sharkaan lasoo wado iyo dabargoynta nalala damacsan yahay. Shalay haddaad nagu haysateen maxaad noola tashan waydeen maantay idiin taallaa yaan loo kala tagin. Waa inoo barri iyo nin waluba wuxuu keeno oo balaan ah ama takhdiid caskari ah. Tiradu wax ma tartee Rabbaa lagu tiirsadaa.

Xasbuna-llaahu wa nicmal wakiil.

Qeybta 19aad

Wakhtigu waa saq dhexe, qof walbaa dhufays buu ku jiraa, waxaa la sugayaa xabbadda sharqanteeda. Waxaynu kala hoyannay ayadoo unugtii loo diray cadowga in ay dhuunta ka galaan ay tashi ku jiraan oo ay is horfadhiyaan cadowgii. Muddo gaaban kadib amiirkii unugtu wuxuu qaatay go’aan ah in ay dagaallamaan oo ayagu rasaasta billaabaan.

Nin kasta oo ka mid ah unugga waxaa la siiyay waajib gooni ah, waxayna qoryohoodii ku fiiqeen dhankii cadawgu jiray ayagoo dhulka jiifa. Waxay sugayeen amarka sarkaalkii madaxda u ahaa in uu yiraahdo fura xabbadda ama billaaba dagaalka. Waxa hortaada taagan arki maysid mugdiga daraaddiis, waxaase la hubaa in la is horfadhiyo cadowgii. Sarkaalkii unugta watay wuxuu amar siiyay ninkii watay qorigii boobaha culus ahaa in uu xabbadda billaabo. Wuu billaabay xabbaddii, wuxuu riday qiyaastii inta u dhaxaysa 15 illaa 20 rasaas dhan, markuu waayay wax u soo jawaaba ayuu is taajiyay rasaastii.

Waxay sugayeen jawaab degdeg ah laakiin looma juuqin. Amiirkii wuxuu yiri ku celi  rasaasta mar kale, waa lagu celiyay oo markaan dambe jiha kale ayaa loo riday xabbaddii. Isma dhaqaajin cadowgii, waxay hubeen in ay cadowgii hortooda fadhiyaan. Cabbaar hadday shafka dhulka ku hayeen oo loo soo jawaabi waayay ayay waxay qaateen kulan degdeg ah. Waxay go’aansadeen in ay meesha ka insixaabaan oo ciidankoodii u tagaan ugana warbixiyaan waxay soo arkeen.

Way dhaqaaqeen. Waxay u yimaadeen ciidankoodii, waxay u gudbiyeen khabar ah in cadawgii horteenna fadhiyo asagoo dabbaabaadkiisii wata. Waxaa la galay tashi aan waqti qaadan, waxaa la yiri walaalihii ku noqda meeshii oo cadowgu yuu soo siqin ee hortaagnaada inta salaadda subax laga gaarayo ama la tukanayo. Way laabteen waxayna horfariisteen cadowgii oo isnabaya oo sugaya iftiinka waaga ama salaadda subax in la gaaro.

Waxaa la gaaray fajarkii hore ama iftiinkii hore ee salaadda, way soo dhaqaaqeen walaalihii markii la gaaray xilligii salaadda. Nimankaan cadowga ah waxaad mooddaa in ay rabaan in ay ka faa’iidaystaan xilliga aan salaadda tukanayno oo ay nagu gaadaan annagoo salaadda ku jirna. Ilaahay waa naga indhasaabay oo waxaan tukannay ayadoon dagaalku billaaban. Sababtana waxaan umalayn in ay ahayd: Nimanku waxay sheeganayeen in ay yihiin Muslimiin waliba waxay u nisba sheeganayaan Shaaficiyo, fiqiga Shaaficiyada oo ahaa in salaadda subax la caddeeyo ayaa wuxuu noo noqday nasri oo waxay is lahaayeen weli salaaddii ma aysan galin annagoo tukannay ayay weerarka soo qaadeen.

Wali waxaa jira mugdi oo aad wax looma arko. Salaaddaas subax  nin walba oo ciidankayga kamid ah ama intii badnayd oo xigtay dhanka cadowga wuxuu ku tukaday dhufayskiisa asagoo fadhiya oo u jeeda dhanka cadawga.

Waxaa billaabatay xabbaddii oo aad mooddo in nin kaliya uu ridayo sida loogu ballamay in mar qur ah la billaabo, waxay socotay illaa 10kii subaxnimo. Nin ciidankayaga ka mid ahi kama bixin dhufayskiisii. Reer tolkay ama cadowgii marba raac baa jaba markaasaa wixii ka haray cararaan, waxaa yimaada raac cusub ama qolo cusub.

Dagaalkii bay meeshiisii kasii wadaan, way jabaan wixii harayna way cararaan, gurmad hor leh ayaa yimaada oo aad mooddo in ay waalanyihiin, waxay ku soo galayaan ayagoo qaylinaya oo aad mooddo in ay jeclaan lahaayeen in aan cararno intaan qayladooda u adkaysan wayno annaguse waxaan u arkaynay in ay sarkhaansan yihiin oo aysan waxba kala ogayn kamana aanan cararin ee waan iska dhicinnay oo waxaan u diidnay in ay noo soo dhawaadaan.

Dagaalka fool-ka-foolka ah waxaa noo dheeraa madaafiic meel fog kasoo dhacaysa oo aan loo aabba yeelayn. Waxaa kululaaday dagaalkii, waxaa daciifay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee cadowga, waxaa billowday jabkii cadawga. Meeshu waa bannaan, waxaa wax laga arkaa illaa iyo 15 kiilomitir ama intii ishaadu wax ka arki karto. Waxaa noo muuqday wufuuddii lasoo martiqaaday isu diyaarisay in ay cagaha wax ka dayaan. Waxaa noo muuqday baqada aan xishoodka lahayn oo ninba ninka kale leeyahay asaga halala haro. dhaawicii baa laga cararay oo hortayada bilqan, waxaa ka dhacday naftaadu orod bay kugu aammintaa. Waxaa gabaabisi noqday xabbaddii xawliga u socotay. Waxaa la gaaray 11kii subaxnimo, waxaa feydantay daruurtii colaadda huwanayd. Waxaa soo bidhaamay nasri degdeg ah. Waxaa la galay marxaladdii labaad ee dagaalka, waxaa laga warsugayay qiyaadada ciidanka ugu sarraysa waxa ay oran doonaan mar haddii cadowgii jabay.

Sida caadada ah hadday dagaallamaan laba ciidan oo mid laga guulaysto kadibna uu cararo lagama haro ciidankaas jabay ee cadowga ah illaa aad daciifisid quwaddiisa, haddaan markaa wax ku xannibayaa jirin. Qur’aanku waa qaamuus. Waxaa loogu tala galay bani-Aadamku in uu noloshiisa ku xalliyo, hadday tahay Cibaado ama Mucaamalaad intaba. Qur’aanku wuxuu leeyahay qaybo dhan oo ka warrama qaabka loo dagaallamayo iyo cidda lala dagaallamayo. Waa laga faa’iidaystay Qur’aanka oo dagaalku wuxuu leeyahay xeerar aan laga gudbi karin ama laga tagi karin, haddaad ka tagtana aad ku jabayso oo aadan wax faa’iido ah ka gaarayn.

Tusaale: Suuratul Anfaal aayadda 67aad: “Kuma habboona Nabi inay u ahaato kuwo la qafaashay intuu ku jilcinayo dhulka dhexdiisa (GAALADA).” Macnaha aayadda ayaa saas ah.

Waxay aayaddani ku tusinaysaa haddaad ciidan foodda isdartaan in aysan habboonayn in maxaabiis la haysto illaa la laayo oo madaxa laga guro cadowga. Waxaa aayaddaas laga fahmayaa in aan aammin laga ahayn cadowgu in uu mar labaad soo laabto haddii aan gacan bir ah lagu qaban ama aan aad loo cayrin oo la gaarsiin meel fog oo aammin laga yahay in uu mar labaad soo laabto. Xasuuso wixii Garoowe nagu dhacay iyo hadda balaan xumada na haysata oo aanan wali baraarugin.

Haddaad shubho keento oo aad tiraahdo dadku Muslimiin ayey ahaayeen, waxaan ku leennahay: Muslimiinta qaar ayey bannaan tahay in lala diriro oo la cayrsado, dhaawacoodana la laayo illaa ay kala fiigaan ama hubka laga dhigo oo aammin laga noqdo sharkooda, waa hadday la yimaadaan wax waajibinaya in saas loola dhaqmo.

Ayaga laftoodu waa kala nooc oo qaarba si baa loola dagaallamayaa. Hadday yihiin koox mumtanico ah ama hubaysan oo xoog leh waxay qaadanayaan axkaam gooni ah, hadday yihiin koox aan hubaysnayn xoogna lahayn waxay qaadanayaan axkaam gooni ah.

Faahfaahinta warkaas waxaad ugu noqon kartaa Majmuucul Fataawaa ee Sheykhul Islaam Ibnu Taymiyah mujalladka 28aad, 35aad iyo meelo kaleba.

Si kastaba ha ahaatee markii cadowgii jabay oo dabada jeediyay waxaan sugaynay amar ah kaca oo is raaciya waxa ka haray balaayadaan nalagu salladay oo lasoo uruurshay oo aan ka tukan waynay. Ha ka harina illaa ay Boosaaso dhaafaan hubka iyo waxyaabaha faa’iidada noo lehna ka soo qaniimaysta. Soo qabta kuwooda madaxda ah si looga helo warar dheeraad ah ama macluumaad waxtar noo ah iyo wixi la mida.

Taasi Ma Dhacday?

Maya, ma dhicin, bal waxaa dhacday caksigeeda oo waxaa nala siiyay amar ah nin idinka idin kamid ah isma dhaqaajin karo. Ku jira dhufayskiinna, maxaad ka rabtaan nimanku hadday carareen, waa walaalihiin waa dad Muslimiin ah iyo wax la mida.

Amarkaas waxaa bixiyay Shiikh Xasan Daahir Aways. Waxaa nagu dhacday dahsho ama jaahwareer aan garan waynay waxa loola jeedo haka bixina dhufayskiinna, ha cayrsanina cadowga jabay, waa walaalihiin! Waan qaadannay amarkaas oo waxaan isaga jirnay dhufayskayagii illaa duhurkii la gaaray annagoo aan ku qanacsanayn amarkaan aysan ka muuqan laba arrimood midna:

  1. Khibrad ciidan kama muuqato  (Ciidamada caalamka xeerka u yaal)
  2. Axkaam Islaamna kama muuqato. (Xeerka Islaamku u dajiyay dagaallada ahlul-baqyiga ama kooxaha dhaba jiiska ah, mumtanico ama showko xoog leh)

Shiikh Xasan markuu ogaaday in ay fogaadeen cadowgii oo aannaan gaari karin ayuu yiri kasoo baxa dhufayska oo soo raadiya wixii dhaawac ah. Waa lasoo baxay oo lagu qamaamay meel kasta oo la is lahaa wax baa ku jira. Waxaa la helay dhaawac, waxaa kaloo la helay rag aan waxba qabin oo intay naxeen meel iska dhabacan ama ku dhuumanaya.

Waxaa la soo uruuriyay maxaabiistii, waxaana dhacay wax aan illaawi waayay. Maxbuus kasta waxaa loo dhiibay ninkii dad u xigay asagaana dilay, waxaan ogaa ayadoo lagu murmayo anaa kaa xiga iyo anaa kaa xiga. Wax alla wixii maxaabiis ahaa oo la qabtay ama dhaawac ahaa dhagtaa dhiigga loo daray ayadoo nin walbaa ina adeerkiis dilay, xigto ahaan udishay. Maanta kahor waxaan qabnay laba dhibaato oo aan aad ugu dhibtoonnay:

  1. Meeshu aad bay u kulushahay markaasaan haddana waxaan galnay dhufays dhulka hoostiisa ah oo ay nagu qasbeen shayaadiintaan maantay jabtay.
  2. Waxaa kaloo nalagu imtixaamay bahallo yaryar oo na cunaya ama na qaniinaya markaan dharka iska bixinno kulayl dartii. Markaasaan hurdo iyo raaxaba ka tagnay. Intaas waxaa noo dheeraa cabsida joogtada ah oo cadwogu nagu hayay Ilaahayna maantuu naga dulqaaday cadowgii iyo cabsidiiba.

Fiiro Gaar ah: Waxaan meelo badan ku arkay ayadoo la igu baraarujinayo Majeerteen ma wada xumee maxaad isugu qaadday? Markaan qolo xumaanteed sheegayo waxaan dhahaa reer hebel baa xumaantaas sameeyay intii Ilaahay u naxariistay mooyee oo waxaan ka soo reebaa inta wanaagsan, hadalkana waxaan ula jeedaa inta xun. Haddaan illaaway istathnahaas (kasoo reebiddaas) ama  hadalka ah intii Ilaahay u naxariistay mooyee, waa gaf aniga xaggayga ah waxaanna ka bixinayaa raalligalin iyo waliba toobad keen Alle xaggii ah.

Maalinkaas waxaa raggoodii ama wiilashoodii laynayay waliba siday u kala xigeen Majeerteen baa u badnaa oo waa la kala baxay (tilka bitilka). Maalinkii Garoowe rag baa wiilashoodii gawracay ayagoo Cabdullaahi Yuusuf ku raalligalinaya. Maantana rag baa gowracay wiilashoodii ayagoo Ilaahay ku raalligalinaya waana rag wada dhashay. Ninba markiisa ha gabbado!

Warsangaliga waan taagnaa ayagoo qaybsanaya dadkoodii maarada loo waayay oo Cabdullaahi Yuusuf ku yiri kaalaya aan soo bililiqaysanno lacagta Sacuudiga laga soo daabulo. Maxaa yeelay maalinki Garoowe ayay bililiqaysteen gaari dhan oo lacagi saarnayd ama ku rarnayd. Marka Laasqoray waxaa taallay khasnaddii waynayd siday la ahayd ayaga. Aa kula tahay Boowe?

Fiiro Gaar ah: Maxaabbiistaas laguma dilin amar kasoo baxay saraakiishii ciidanka hoggaaminaysay lamana ogayn goor la laayay iyo goor lasoo qabtay toona. Waa dambe ayaa la ogaaday, la ismase wayddiin maxaa loo dilay iyo maxaa loo siiddayn waayay toona.

Aan milicsanno saamaynta dagaalkaasi nagu yeeshay dhimasho iyo dhaawacba. Maalinkaas waxaa naga shahiiday inshaa Allaahu 12 qiyaastii. Waxaa dhaawacmay rag aan yarayn. Shuhadada waxaa kamid ahaa Khaliif nin lagu magacaabi jiray. Khaliif wuxuu ahaa nin aad u dadaal badan oo maddaale ah dagaalkana ku fiicnaa, wuxuu ahaa dagaalgaliye sare (taqabbalahu-llaahu).

Waxaa maalinkaas dhaawacmay Shiikh Axmed Cabdisamad, Shiikhu wuxuu kamid ahaa gacanyarayaasha Shiikh Cabdinaasir xagga dagaalka. Waxaa dhaawacmay Cali Mujaahid. Cali wuxuu ahaa nin mintid ah oo dagaalyahan hoggaamiye ah. Waxaa dhaawacmay Khayre oo ahaa nin khayr badan kana dhex muuqday dagaalka. Khayre ma illaawin siduu u dhaawacmay. Waxay ahayd asagoo ciidanka ku wareegaya oo rasaas siinaya hadba ninkay  ka go’do rasaastu ayaa xabbaddu ku dhacday anna waan ujeeday.

Ikhwaanii waan daalannahay ciidankuna wuu daalan yahay, daalkana waxaa u dheer hurdo la’aan oo in muddo ah si fiican hurdo uma ay seexan. Nin walba waxaa ku soo dagtay hurdo uu iska celin waayay. Ragga qaarkiis waxay soo wariyeen in ay dagaalka dhexdiisa ku lulmoodeen.

Aan u kaadinno ciidanka ha daaltirteen hana seexdeen. Adinkuna gabaygaan Ina Cabdulle Xasan akhriya oo fiiriya waa dadkii uu waagaas ka cabanayay Wadaadku kuwa hadda nalagu salladay. Qadiyadduna waa hal mid ah oo waa car tuko, car naagtaada xijaab u xir, car Islaam isku xukun iyo wixi la mida.

Daayimow Allahayoow adaan dunida moogayne
Daandaansi ina-Aadanaa loogu dawgalye
Deyn nimaan ka qabin buu nafluhu dabagalaayaaye
Haddii nalagu soo diray khalqiga Dir iyo Daroodba
Warsangali haddii uu dunjigii diricyo soo qaatay
Dashiishiyo Majeerteen haddii deexda laga keenay
Guutada lasoo dumay haddii nalagu soo duushay
Wax lasoo dadaanshaba haddii nala dul gowriirshay
Dildilaaca waaberi haddii nalagu siidaayey
Annagoon digniin qabin haddii nala dareensiiyay
Digta weerar qoobkii fardaha dininigtii yeedhay
Dooyada uluuftaka’ah hadday Daalo kor udhaaftay
Degdeg inaan usoo roorno waa dowlad alabkeede
Ma dul keennay kuman duub cadoo wada Daraawiish ah?
Dikri hadduu kusoo galay xarbiga aniyo duulkaygu
Dayaaydii horeetaba baqay dabada taageene
Diigaanyo ciidan ah miyaan daafta kala raacay.
Dullihii shareerraa markuu dibawga jiidhaayey
Daanyeerku meeshuusan marin dani ma jeexsiisay
Denbi ma leh cadaawaha ninkii delika xooraaye
Darajuu Ilaahiis ka heli labada daaroode
Dubku iima naxo nimay kufriga deris wadaagaane
Ferenjiga direyska leh kuwii diiradda u qaaday
Iyaguba dariiqada Alliyo diinta caasiyo’e
Waxay noo duleedsheenba waa doora-weynaha e
Dulmigaan banaanayn kuwii doofil ugu hiishay
Haddaan daayo waa aniga oo daawadii furaye
Danabkii rasaaseed miyaan diillin kaga yeelay
Dareemada kabadan meydka yaal didibta buureede
Dhiiggoodu sida doogsinroob waysagii duxaye
Dugaaggii hilbaha quudan jiray loo dayaafadiye
Nimanyahow af laba daan leh baan muranka deyneyne
Ma duqaynay Reer Bari wuxuu doonayuu helaye?

Waa qadiyaddii. Waa qabiilkii. Waa meeshii!

Waa halaaggii ku dhacay gaala-raacyadii waagaas, 1921 iyo 1992. Taariikhdu ma duugowdo haddaan la dayicin.

Qeybta 18aad

Bismillaahi wabacdu. Waa qormadeennii 18aad. Waxaan kala tagnay ayadoo cadow nasoo duldagay. Waxaan ku ballannay in aan samayno diyaargarow meeshii ugu dambaysay illayn meel dambe oo loo cararo nagama dambayso oo waxaa nalagu kuusay baddii sidii naloo cayrsanayay. Ina Yuusuf Yeey wuxuu iclaansaday dagaal. Wuxuu isu keenay wax alla wuxuu awooday oo ciidan ahaa.

Waxaa rumeeyay oo raacay shacab farabadan. Waxaa raacay oo rumeeyay culumo farabadan. Waxaa loo diyaariyay dhaqaale aad u farabadan. Waxaa kaalmaynayay oo hiil iyo hooba la garabtaagnaa gaaladii mashruucaan dabada kasoo riixaysay. Waxaa la shaqaynayay oo naqshadda dagaalka diyaariyay khubarro shisheeye ah amaba gaalo.

Waxaa ka qayb qaatay dagalkaas saraakiishii ugu sarraysay ciidammadii Soomaaliya oo aad u farabadan. Waxay adduunwaynaha gaalada ah ku marti qaadeen daawashada dagaalkaas markuu dhacayo si ay ugu raaxaystaan dabargoynta dawladdii Al-Itixaad Al-Islaami oo tiri waxaan rabnaa khilaafo Islaami ah.

Waxaa dhammaaday takhdiidkii la dajiyay, waxaa soo dhawaaday weerarkii nalagu soo qaadi lahaa. Waxaa la keenay goobtii dagaalka martidii daawan lahayd dagaalka. Waxaa la gaaray habeenkii ama saacadihii ugu dambeeyay ee ay xabbaddu billaaban lahayd.

Ciidankii Al-Itixaad Al-Islaami waxaa loo qaybiyay afar qaybood, qolo walbana waxaa la siiyay waajibaad u gaar ah. Nimankii Ansaarta ahaa ee Aadam Siciid waxaa la siiyay sugidda ammaanka waddooyinka soo gala magaalada iyo meel kasta oo laga soo dusi karo. Waxay ahaayeen niman isku darsaday daacadnimo iyo dhul aqoon.

Qolada labaad waxay ahayd ragga taarwalayaasha ahaa oo runtii la dhihi karo waxay ahaayeen kuwii Ilaahay ku badbaadiyay ummaddaas dulmiga la isugu bahaystay. Waxay la socon jireen akhbaarta cadowga si daqiiq ah, waxay soo gudbin jireen wararkoodii ugu dambeeyay iyo waxay ku tashanayeen. Waxay ku guulaysteen in ay helaan meelaha ay ku wada hadlayaan, sida taararka iyo waxa lamidka ah.

Akhbaartaas waxay u gudbin jireen meeshii ay khusayso ayadoon cidina ogaan, mana aysan nasan jirin har iyo habeenba. Qolada saddexaad waxay ahayd taliska ciidanka ugu sarreeya. Waxay galeen shirar aan loo kala kicin iyo takhdiidkii looga badbaadi lahaa isbahaysatadaan arxan laawayaasha ah. Waxay dajiyeen ama Alle waafajiyay takhdiidkii lagu difaaci lahaa jiritaanka dowladdii Al-Itixaad Al-Islaami wuxuuna ahaa sidaan:

Magaaladu waxay ku taallay meel istaraatiiji ah. Dhinac waxaa ka xiga badda, dhinacna waxaa ka xiga buuro aad u waawayn. Waxaa soo gala magaalada saddex waddo. Mid waxay ka timaaddaa dhanka Isaaqu naga xigo. Annaga iyo Isaaqna colaadi nama dhex taal cabsina kama qabno. Waxaaba nooga yimid gurmad aad u ballaaran. Waddadaas waxa la dhigay ciidan aan badnayn oo ku filan lusuuusta ama tuugada.

Buurta xaggeeda waxaa naga xiga qabiika la dhaho Dubays, waa qabiilkii markaan Laascaanood ka soo soconnay isbaarrada noo dhigtay oo waa khayr beelayaal in Ilaahay u naxariistay ma ahee. Waddadii halkaas kasoo gali jirtayna waxaa la dhigay ciidan ku filan Dubays iyo ciddii ku kaalmaysa dulmiga ay nagu hayeen.

Dhinaca ay naga xigto Boosaaso waxaa kasoo gala waddo. Waa meesha weerarku ka imaan doono saacado kadib. Waa dhul bannaan ah, bannaankaa waxaa lagu magacaabaa Dabra. Dabra dhinac baddaa ka saaran dhinaca kalana waxaa ka saaran buurta. Bannaanka u dhexeeya badda iyo buurta  wuxuu le’eg yahay qiyaastii 3 illaa 4 kiilomitir.

Afartaas kiilomitir, ee udhaxaysa badda iyo buurta waxaa la dhigay ciidankii ugu xoogga badnaa ee iska caabbin lahaa weerarka berri la damacsanyahay in lagu qabsado magaalada Laasqoray. Waxay qoteen dhufaysyo waawayn, waxay talo saarteen Ilaahay, cidna kuma aysan marti qaadin in ay kasoo qaybgasho jabka gaari doona Ina Yuusuf Yeey iyo Axbaashtiisii berri inshaa Allaahu tacalaa.

Dhinaca badda lama illaawin ee waxaa loo diray dhawr laash ama doomo yar yar oo aan haysannay hubna saaranyahay, waxaana la yiri yaan nalooga imaan badda xaggeeda. Afartaas waaxood ayaa ciidankii loo qaybshay waxaana la galay diyaargarowgii ugu dambeeyay.

Ciidankaan Al-Itixaad Al-Islaami yaa hoggaaminaya? Waa kuwama saraakiisha ciidanku? Sidaad ogtihiin markii dowladdii dhexe burburtay dadwaynihii wuxuu noqday dab dhagax lagu dhuftay oo qof waliba wixii la qumanaa ayuu sameeyey ama wuxuu qaatay manhajkuu doono. Ina Siyaad Barre wuxuu ahaa nin isku hayay dad farabadan oo nooc walba isugu jira. Qofkii daacaddiisa ka baxana wuxuu ku samayn jiray dil ama xabsi.

Dad badan oo aan ku qanacsanayn manhajkiisii ayaa sacabka u tumayay si ay uga nabad galaan sharkiisa. Markii xukunka laga tuuray Ina Siyaad Barre waxaa soo caan baxay oo ugu horreeyay waxay ahaayeen laba kooxood oo kamid ah dadkii Ina Siyaad cabburinayay.

Kooxi waxay ahayd kooxdii ay hoggaaminayeen hoggaamiye kooxeedkii ama Ashahaado la dirirkii. Waxay qaandaraas ku soo qaateen in dadka Soomaalida iyo dhulkay daggan yihiin loo qaybiyo koox koox, magacyana loo bixiyo oo qolo walba calan loo sameeyo iyo xuduud laguna dhaho ilaalshada xuduuddiina annagaa idin kaalmaynaynee. Markaas ka dibna ay fidiyaan diimaha Kiristaanku leeyahay oo dadka laga xorreeyo fikraddaan horumarka aan lahayn oo mara ku dhagga ah, waa siday ayaga la tahay (waa Muslimka saxda ah), Kiristaankana loogu yeero.

Kooxina waxay ahayd kooxdii ducaadda ahayd ee dadka diinta Islaamka ugu yeeraysay. Waxay soo qaateen qaandaraas ah in ay ummadda Soomaaliyeed hal meel ah isugu keenaan hal manhajna ay usameeyaan oo ah ku dhaqanka Shareecada Islaamka wixii ka horyimaadana cagta la mariyo. Kooxdaasina waxay heshay fursad ay manhajkoodii ku meel mariyaan.

Saraakiishii ciidammada qalabka siday ee loo tababbaray difaaca waddanka waxay kala raaceen labadaas kooxood ee loolanku ka dhexeeyo. Waa rag isyaqaan saraakiishu meeshay rabaanba haku jiraane. Nin walbana wuxuu khibrad leeyahay waa is yaqaannaan.

Habeenkaas la isku miciyo lisanayo oo la is horfadhiyo waxaa ciidammada Al-Itixaad gaashaandhiggooda haya Korneyl Shiikh Xasan Daahir Aweys. Waxaa dagaalgalinta qaabilsan halyeygii Shiikh Cabdinaasir Xaaji Axmed. Wuxuu fadhiyaa Shiikhu jiidda hore ee Dabra. Waa taan ku soo marnay Laascaanood waxtarkiisii iyo takhdiid wanaaggiisii. Wuxuu soo muuqdaa marka la isu baahan yahay oo maalinkaas oo kale qof waliba waa u jeedaa meeshuu marayo iyo hawshuu qabanayo Shiikhu. Marka nabadda la yahay waa nin tawaaduc badan oo waxaa laga yaabaa in aadan dareemin asagoo kula jooga afgaabnidiisa darteed.

Fiiro Gaar ah:  Qormadii 16aad waxaa la saaray tacliiq ku saabsan hadalkaygii ahaa: Waxaan Ilaahay darti u jeclahay Shiikh Cabdinaasir! Waxaa shiikha iigu dambaysay araggiisa ama la kulankiisa sanadkii 1995. Waxaan ahayn isku manhaj, isku koox, waxaan wada ahayn raggii lagu khiyaameeyay Jihaadkii aan dhabta ka ahayn qaar ka mid ah Culimadii Itixaadka, waxaan wada ahayn raggii hubka laga dhigay. Shiikha isku mustawe ma aannaan ahayn. Markii nala jabiyay, nala khiyaameeyay, hubkii nalaga dhigay oo aan noqonnay maato caano leh intayadii aan khibradda lahayn, Shiikhu wuxuu sameeyay laba kaclayn horleh oo geesinnimadiisii, waxtarkiisii, takhdiid wanaaggiisii, waxsoosaarkiisii toona wax uma dhimin in hubkii nalaga dhigay.

Markuu ogaaday in balaayo wadaaddo u eg nalagu salladay, markuu ogaaday in ragga Al-Itixaad madaxda u ah aysan daacad u ahayn Jihaadka, markuu ogaaday in ducaaddii la dhammeeyay, markuu ogaaday in ay yaraatay qiyaadadii ciidanka hoggaamin lahayd, markuu ogaaday in Culumadii Mujaahidiinta ahayd ula kac loo dhammeeyay, markuu ogaaday  qiyaadada Al-Itixaad in aysan daacad u ahayn Jihadka, Shiikhu wuxuu Laascaanood ka furay machad wayn oo loogu tala galay diyaargaraynta ducaadda ama qiyaadadii diintaan hoggaamin lahayd wuuna ku guulaystay oo wuxuu soo saaray ragga maanta gaalada dhuunta u galay ama u diiday in ay nasato gaaladu. Wuxuu soo saaray Culumada maantay Mujaahidiinta dhexdeeda magaca ku leh, wuxuu soo saaray geesiyaal naftoodii Ilaahay ka iibsaday. Waxaan ogaa asagoo shiikhu yahay mid Ilaahay barakeeyay waana arrintaan ku jeclaaday adduun iyo aakhiraba.

Skiikha xumaan ku raaci maayo mana lihi xumaani ka dhici mayso oo waa banii-Aadam. Waxaan xaq u leeyahay in aan ku ammaano Shiikha waxaan ku ogaa oo diin iyo ku dayasho ahaa mana maqal meel uu ku riddoobay ama kaga laabtay Islaamkaan ku ogaa iyo waxtarkiisii miradhalka ahaa. Shiikha waxaan siiyay walahaygii oo wuxuu iilamid ahaa Muslimiinta aan jeclaa. Waxaan walaalaha tacliiqa leh ka codsanayaa in ay isoo hordhigaan waxaan Shiikh Cabdinaasir bari uga noqon lahaa. Hadday ii caddaato in uu mudan yahay ka beri noqosho waan yeeli oo Ilaahay baan ku raalli galin arrintaas. Haddaad waydaan xujo ama caddayn  Ilaahay u toobad keena cudurdaarna ka bixiya arrintaas.

Aan kusoo noqonno goobtii is-hardanka.

Qiyaadadii ciidanka hoggaaminaysay habeenkaas waxaan ka xusi karaa Shiikh Axmed Cabdisamad, wuxuu ahaa sarkaalka labaad ee habeenkaas, waxaa kamid ahaa Cali Maxamed Xasan “Cali Mujaahid”, waxaa ka mid ahaa Khayre, waxaa kamid ahaa Shahiid Khaliif, waxaa kamid ahaa kuwo mudan in qalin dahab ah lagu qoro magacooda oo farabadan. Shiikh Cabdinaasir (xafidahu-llaahu) wuxuu sameeyay khiddad lagu guulaystay oo looga badbaaday shayaadiintii Ina Yuusuf Yeey hoggaaminayay.

Waxaa la diyaariyay dhakhaatiirtii iyo qalabkay ku hawlgali lahaayeen. Waxaa mudan in laga sheekeeyo ama la xuso waxqabadkii dhakhaatiirta halkaas ku diyaargarowday. Waase kuwama? Maxay qalab haystaan? Dhakhaatiirta waxaa kamid ahaa nin mucjizo ahaa. Ninkaas waxaa la isku raacay in uu ahaa nin aad u soo jiita quluubta dadka oo cibaado badan, samir badan, daggan aqoonna leh. Waxay sheegeen dhalinyarada qaarkeed in ay ku daawoobaan hadalkiisa oo kaliya. Markuu daawo ku siinayo ama kula kulmayo wuxuu dhihi jiray walaal ha isdhihin hebel baa ku daawaynaya ee waxaad rumaysataa in Ilaahay daawada hayo intaanna kaalmayso inta xoogaa daawa ah siiyo bukaanka. Qof kasta oo uu la kulmana waa wacdin jiray intuusan daawo siin. Waa Shiikh Dhakhtar Cabdicasiis Cabdi Faarax. Waxaan idin markhaati galinayaa in aan Ilaahay dartiis u jeclahay. Ilaahayna waxaan uga baryayaa in uu aniga iyo asagaba jannadii Fardawsa ahayd  na geeyo, Aamiin, Aamiin.

Waxaan la illaawi karin waxqabadkiisii aqoontiisii dheeraadka ahayd Dhakhtar Baydhabo. Waxaan haysannay dhakhaatiir aan yarayn ama badan, waxaa ugu isyaanaysanaa ama barashada dhakhtarnimada ugu horreeyay Dhakhtar Baydhabo, wuxuu sameeyay wanaag aysan illaawi doonin dowladdii Al-Itixaad gaar ahaan ciidamadii uu la tacaali jiray. Dhakhaatiirtu ciidanka kaliya ma daawayn jirin ee shacabkii Muslimiinta ahaa oo dhan bay u taagnaayeen. Waxay naga mudan yihiin in aan u ducayno har iyo habeenba, Ilaahaw annaga iyo ayagaba noo naxariiso, Aamiin, Aamiin.

Waxaa kamid ahaa dhakhaatiirta waawayn Dhakhtar Bashiir Xuseen Jibriil. Wuxuu ahaa nin xoog furan shaqada markuu qabanayo ku faraxsan asagoo qoslaya ku daawaynaya oo aan ku dhibsanayn asaga culaysba ha ku ahaatee. Waxaa jiray walaallo fara badan oo ahaa kalkaaliyayaal ama dhakhaatiir yaryar oo ayagu aan kaba dhex baxayn bukaanka oo mar walba xaaladdooda ka war qabi jiray waxay xallin waayaanna walaalaha ugu yeera.

Dhakhaatiirtaasu ma haysan qalabka isbitaallada looga shaqeeyo, ma haysan dhismayaal koronto leh ama ogsijiin, ma haysan mashiinno waawayn, mahaysan mindiyo badan oo dadka lagu oboreeshimo ama lagu qalo. Waxay samayn jireen qalliino waawayn ama oboreeshin xubin kasta oo qofku leeyahay: madaxa, caloosha, lugaha, gacmaha iyo wixi la mida. Waxay ku guulaysteen in Ilaahay ku badbaadiyay gacmohooda ummad farabadan oo halaagsami lahayd haddaysan u hagar bixin ayagoo Ilaahay kaashanayay. Ilaahaw u dambidhaaf annaga iyo ayagaba, Aamiin, Aamiin.

Waa mugdi habeenkaas meeshuna waa meel bannaan ah. Reer Yeey waxay wataan gaadiid iyo tikniko buuxisay bannaankii oo aad u fara badan, waxay wataan gawaari lagu raaxaysto oo yaryar oo waa annagii soo marnay in la marti qaaday aduunwaynaha gaalada ah waana la ajiibay oo waxaa jooga wufuud fara badan oo daawan doonta dagaalkan dhici doona qiyaastii laba saac kadib. Waxay wataan ciidamo aan xisaab lahayn oo is haysta badda illaa buurta, waxay u soo dhaqaaqeen saf balaaran.

Way lugaynayaan, gawaaridiina intay damiyeen ayay soo riixayaan oo waxay ka baqayaan haddii gaariga la istaaro in guuxiisa la maqlo oo loo diyaar garoobo, waxay rabaan in ay godka noogu soo galaan annagoon ogayn oo nalaga dhigo mid la dilo iyo mid la qabto asagoo nool (Aa kula tahay boowow).

Wadaadkii barakaysnaa ee Shiikh Cabdinaasir markuu ogaaday in la gaaray saacadihii ciidanku foodda isdari lahaa ayuu la tashaday shuuradiisii wuxuuna waydiistay unug ama sagaal nin oo ciidan ah oo cadowga ka hor tagta si aysan noo gaadin cadowgu. Waxaa loo diyaariyay sagaalkii nin.

Wuxuu madax uga dhigay nin la yiraahdo Shariif Siyaad, wuxuu amar ku siiyay in ay galaan meel u dhaxaysa labada ciidan wuxuuna yiri, “Hadday idin soo gaaraan cadowgu la dagaallama annaguna waan diyaar garoobaynaa.” Sagaalkaas nin waxaa loo diyaariyay in ciidanku ku badbaado sababtooda ayagana aan nin ka soo noqon. Ayagoo sidaas og ayay qaateen amarkii ahaa naftiina nagu ilaaliya (jazaahumu-llaahu khayran ajmaciin).

Shariif iyo unugtiisii waa dhaqaaqeen waxayna ka hor tageen ciidankii Ina Yuusuf Yeey oo saf ballaaran ku socda oo riixanaya gawaaridoodii. Markuu hubsaday in ay yihiin ciidankii cadowga ayuu shuuro la galay ama la tashaday unuggiisii ama ciidankiisii. Waxaan sugaynaa go’aankay gaaran walaaluhu, annaguna aan godad qodanno illayn meeshu waa bannaan oo geed la galo ama lagu gabbado ma leh. Waa bannaankii Dabra.

Ikhwaanii caawa oo kale dagaalku wuxuu waajib ku yahay ninka dhalinyarada ah, odayga, gabadha, habarta, curyaanka, kurayga aan qaan gaarin laakiin tamyiizka gaaray, foodlayda ayana waxtarka ah, iyo wixii lamid ah. Marka yaan loo kala harin dagaalkaan. Qoladii laga adkaadaa waxay jiidaysaa lax baqtiday! Haddii nalaga adkaado dagaal dambe ma dhici doono oo waa nala dabar goyn, haddaan ka adkaannana way quusan oo kibir jabi oo is dhiibi sidaasaana noo roon ama noo khayr badan. Kaskiisaba ma galin wiilaal baa kaybka kuu qabane! Waa siday Cabdullaahi Yuusuf la ahayd. Maxaase ka raacay? Allaa ku mahadsan. Ilaahay hala baryo walaalahana hala garab istaago goor iyo ayaanba.