All posts by mktbd

Cutubka 1aad

Goor subax ah iyadoo ay tahay oo aan welina barqadii la gaarin ayuu Abuu Colaad ka soo toosay, waxayna ahayd markii ugu horreysay ee uu xilligaas hurdo ku gaaro. Wuxuu ahaa nin dheer oo aad u miisaan culus, hase yeeshee ma uusan hurdo jeclayn oo salaadda subax kolkuu tukado hurdada dib uguma laaban jirin, daal badan ayaa ka muuqday, waxaana ugu wacnaa safarro dhaa-dheer oo uu soo maray iyo habeenkaas oo uu goor dambe seexday.

Afartiisa xaas middii ugu yarayd ee uu gurigeeda ka soo toosay baa qolka ugu soo gashay oo intay miis sariirta dhinaceeda yaallay quraacdiisa u saartay bay u sheegtay inay suuqa u adeeg doonaneyso. Islaantu goor hore ayay quraacda isu dul-saartay odaygeeda, hase yeeshee waxay ka cabsatay inay toosiso, waayo waxay ogayd inuu aad u daallanaa. Abuu Colaad oo markaas shanlo yar ku habeysanaayey garkiisa dheer ayaa intuu istaagay u sii dhaqaaqay dhinacii quraacda. Si wanaagsan ayuu ugu mahadceliyay xaaskiisii, isagoo u sheegay inuu daal iyo gaajo bestiis la ahaa, haddana uusan haysan waqti uu ku nasto oo ay sugayaan howlo badan oo uu doonayo inuu maalintaas soo dhammeysto.

Markii uu quraacdii isku hubsaday ee uu dhowr mar daac-daacday ayuu is yiri “wallee iminka bay naftii igu soo noqotay oo aan dhaqaajin karaa si aan hawlahayga u soo qabsado”. Abuu Colaad baakooraddiisii yarayd intuu gacanta ku soo qabsaday ayuu waddada ku soo dhacay, deg-degta iyo jihada uu u socday waa laga garan karay in uu ahaa nin yaqaan halka uu u socdo.

Bacaad cidlo ah oo ay dhowr geed Hindi ah ku yaallaan ayuu ku soo lugeynaayey, shanqarta saantiisa waxa keliya ee wehliyey waxay ahaayeen codad shimbiro oo kala duwan. Isagoo socodkiisa sii wata ayuu keligiis isla hadlaayey “waa in aan ujeeddadeydii fuliyaa, oo aan saaxiibkeygii Sheekh Abuu Seef ahaa la kulmaa si aan u ogaado halka uu marinaayo hawlihii aan isku ogayn”.

Muddo yar dabadeed ayuu ku soo dhowaaday guri aan sidaas u sii weynayn oo baraako ah. Guriga hortiisa waxaa ka baxaayay geed wayn oo uu harkiisu wanaagsanaa. Oday buuran oo gaaban ayaa ku fadhiyay gambar geedka hoostiisa yaallay, wuxuuna xirnaa macawiis iyo garan cad oo keliya, waayo cadceeddu aad bay u kululayd, qof sidaas oo kale u buuranna guryaha kuma jiri karin xilliyadaas kulaylku badan yahay.

Abuu Colaad markuu si fiican ugu soo dhowaaday ayuu ninkii gambarka ku fadhiyey oo siijeeda ula muuqday qaabka qof uu garanaayo, markaasuu is yiri “waaba isaga ayaan filayaa”. Markuu dhowr tallaabo u soo jirsaday ayuu cod dheer ku yiri “Asalaamu Caleykum”. Abuu Seef intuusan soo jeesan ayuuba codkii gartay, durba intuu isa soo taagay ayuu, “Wacaleykuma Salaam” ugu jawaabay. Salaan gacmaha iyo shaf isa-saar ah markii lays dhaafsaday ayaa Abuu Seef gambar kale oo aan ka fogayn intuu u soo qabtay saaxiibkiis, ku soo dhaweeyay inuu fariisto.

Labadii sheekh waxay billaabeen inay is xaal-warsaystaan. Abuu Colaad wuxuu saaxiibkiis u sheegay inuu xalay uun safar ka soo galay, uuna weli ku dambeeyo daalkii. Abuu Seefna wuxuu saaxiibkiis u sheegay in hawlihii ay isku ogaayeen ay sidoodii u sii wadeen, hase yeeshee ay isaga ka war sugayeen. “Waa Ilaahay mahaddiis, mar haddaad samo ku timid” ayuu yiri Abuu Seef.

Abuu Colaad intuu dhoolla caddeeyey ayuu yiri, “Maasha Allaah Sheekh, waxaanba hadda kuugu imid in aan mashruucaas ballaarinno oo aan weyneyno oo…”

Abuu Seef ma uusan sugin inta uu Abuu Colaad hadalkiisa ka dhammeysanaayo, wuxuuna durbadiiba la soo booday cabasho uu ku sheegayo inay waxyaabo badan uga xayirnaayeen dhaqaalo-darri, wuxuuna u raaciyay in haddii ay taasi ka xoroobi lahaayeen ay hawlahooda si fiican u socon lahaayeen, wuxuuna dhagaha saaxiibkiis ku hubsaday ballaarinta hawshooda inay ka horreyso dhaqaale badan oo ay helaan.

Abuu Colaad wuxuu isaguna saaxiibkiis niyadda ugu dhisay in uu arrimahaas ka wel- wel la’aado, oo ilaa xad dhaqaale ay abaabulkooda ku dar-dargeliyaan heystaan, uuna isagu uga wakiil yahay, taasoo ay u dheer tahay ballanqaadyo badan oo ay u sameeyeen dad uu ku sheegay in ay diinta walaalo ku yihiin oo dalka dibaddiisa ku nool, isagoo laga dareemayo inuu faanayo ayuu yiri “Anigu bilaash uma tegin dalalkaas, dhaqaale ayaan meel inoo soo saarayay.”

“Waa khayr.Sheekh waad asiibtay.haddiiba aad dhaqaale inoo hayso,” ayuu la soo booday Abuu Seef oo farxad laga dareemayo wejigiisa, wuxuuna sheegay inuu dhaqaaluhu yahay waxa keliya ee ay dadka ku soo jiidan karaan, danahoodana ku fushan karaan.

Abuu Colaad madaxa ayuu kor iyo hoos u ruxay isagoo ulajeeda “waa runtaa, oo waan u riyaaqay hadalkaaga”. Markaasuu weydiiyey Abuu Seef sida ugu sahlan ee ay ummaddaan ku soo jiidan karaan.

Kasbashada dadka iyo soo-jiidashadooda waa hawshiisa, Abuu Seef ma isagaaba wax kale soo bartay!? Isagoo is-xariifinaya ayuu yiri, “dadka waa in aan marka hore diinta ku jilcinnaa oo aan xaqiiqada uga hadalnaa, jidka toosanna aan ku ridnaa, kaddibna aan ku dhex xoogeysannaa si aan maamulka gebi ahaanba ula wareegno.”

Abuu Colaad si fiican ayuu ula dhacay hadalkaas wuxuuna u sii raaciyey in geedka marka la abuurayo jiridda hoose laga waraabiyo si uu laamo fiican u dhalo, bulshadana si taageeradooda loo helo in carruurta iyo dumarka laga soo billaabo, waayo iyagaa saldhig u ah bulshada.

Abuu Seef wuu ku raacay fekerkaasi, waxayna isku af-garteen in ay qorshahaas ku socdaan oo ay haweenka iyo carruurta yihiin kuwa bulshada ugu nugul oo si fudud loo hanan karo, la’aantoodna aysan waxba u suurtagaleyn.

Abuu Colaad intuu istaagay ayuu damcay in uu macsalaameeyo saaxiibkiis, laakiin Abuu Seef baa intuu markiiba gartay gacanta qabtay, oo ku yiri “inyar i sug”. Abuu Colaad wuu fahmay in Sheekhu damacsan yahay in uu sii sagootiyo. Abuu Seef wax badan kuma maqnaanin markii uu guriga dib u galay ee durba isagoo shaar xiran ayuu u soo noqday, wayna is-raaceen, qaddar daqiiqado ah markii ay soo socdeen ayay meel aan ka fogeyn guriga Abuu Seef wada is taageen. Abuu Colaad ayaa yiri, “Intaan oo sagootis ah way igu filan tahay, ee qorshahaas ayaynu isku ognahahay, adiga ayaana kuu xilsaaray arrimahaas oo garanaaya halka aad wax ka billaabi lahayd.”

Abuu Seef oo u muuqda in xilkaas loo dhiibay uu ku faraxsan yahay ayaa Sheekha u sheegay inuu ka seexdo arrimahaas, meel aan ahayn dugsiyada carruurta iyo haweenka guryaha jooga inuusan wax ka billaabi doonin ayuuna ku wargeliyay.

Si fiican ayey isula jiibiyeen oo ay isugu af-garteen, qof kastana wuxuu ku faraxsanaa is- araggoodaas guusha ku dhammaaday. Markii ay si fiican isu macsalaameeyeen oo ay kulan dambe ku ballameen, ayuu nin kasta dhankii gurigiisa u lugeeyay.

Abuu Colaad intuu waddadii dheerayd sii hayay ayuu keligiis isla hadlayay, oo wuxuu is-lahaa, “horta ninkii Abuu Seef ahaa si wanaagsan baan mashruucaan u geliyay, waana arkay sida uu daacadda ugu yahay in uu nala shaqeeyo. Maxaase naga galay cid kasta waan u baahannahay, weliba isagu wuxuu ku fiican yahay bulshada oo dhan ayaa wada taqaan oo ixtiraam u haysa, la’aantiisuna waxba inoo qabsoomi mayaan”.

Dad u badan haween iyo carruur oo kuwa deegaanka ah ayaa isugu yimid barxadda weyn ee degmada, waa qayb ka mid ah mashruucyadii ay ku ballameen Abuu Colaad iyo Abuu Seef, loomaba sii kaadsan oo durba ninkii Abuu Seef ahaa howshiisii ayuu guda-galay.

Dadkii goobta isugu yimid waxaa ka mid ahaa Faadumo oo ah islaan lagu dhalay kuna soo barbaartay deegaanka. Waxay hooyo u ahayd labo carruur ah oo ay aabbahood wada joogeen. Waa islaan xooggan, oo cad, oo inteeda ku buuxda, waxaa ay goobta la isugu yimid wada joogeen Caasho oo saaxiibteed ah. Caasho waa maarriin, dhinaca caatada la xijiyo oo fanax leh, waxayna aqal ku wada hoydaan wiil ay dhashay iyo odaygeeda.

Labadii islaamood markii ay is arkeen ayay salaan iskula soo boodeen, waxay ahaayeen labo saaxiibbo ah aadna way isu jeclaayeen, way is xaal warsadeen, nabad iyo baraare ayaa la isku jiibiyay, markii salaanta la bogay ayaa Caasho waxay u sheegtay Faaduma inay kala raageen, waxayna waydiisay waxa xannibay ee ay salaanta ula soo haleeli waysay maalmahaas.

Faadumo waxay saaxiibteed ugu cudurdaaratay inay ku mashquushay iskuulka, dugsiga carruurta iyo howsha guriga, oo waqti ay asaxaabta iyo ehelada ku soo booqatana cid siisa ay weysay. Caasho ayaa sidoo kale barbarkey u wadday kubadda ula laadday oo u sheegtay inay la mid ahayd oo uu gabbalku u dhacaayay iyadoo aan helin fursad ay dad ku soo booqato.

Sheekadoodii oo halkaa billowga ah mareysa ayay Caasho hadal hoosta uga dhiibtay saaxiibteed, iyadoo waydiineysa sababta ay kooxdan cusub isugu yeereen dadweynaha.

Faadumo oo aan warba ku dhaamin arrinta maalintaas la isugu yimid ayaa u sheegtay inuu war jiraaba Cakaare iman doono, oo la ogaan doono wixii ay isugu yeereen dadka.

Caasho oo inay yaabban tahay laga dareemayo fara-taag-taaggeeda ayaa saaxiibteed ku tiri, “intaasoo sano wadaaddo nooma yeerine kollay maanta wax cusub ayaa jira sida aan u maleynayo”. Waxay ku duceysay, “Balse kheyr Alle haka dhigo.”

Faadumo ayaa amakaag indhaha la kala taagtay, kaddib markii ay aragtay rag cimaamado iyo qamiisyo gaagaaban xiran oo gar dhaa-dheer leh, misana hubeysan. Si ay saaxiibteed u tusto mucjisada u muuqatay ayay gacanta ku dhar-dharbaaxday, iyadoo rabta inay tusto wacdarahaas! “Caashoy … Caashoy … Caashoy, waa maxay laakiin wadaaddada qoryaha wata? BAL EEG waa kuwaane!”

Caasho oo sii fiirineysa raggii hubka iyo labiska culimada wada kulansaday ee yaacaayay, ayaa halmar dadkii goobta joogay waxay isu buurteen geeskii ay xigeen wadaaddada, iyagoo buuq iyo sawaxan isku daraya, oo ka war sugaya bal waxa xigi doona.

Faadumo ayaa saaxiibteed ugu gacan-haadisay inay dadka dhinac ka raacaan, wuxuu malaheedu ahaa in ugu yaraan dadka ay u socdaan ciddi la hadli doonta, oo qorshaha maanta dhacsiin doonta, maba aanay ka sii daahine waxay markiiba gees ka galeen safafkii isku dhex yaacsanaa ee ay dadku galeen, waxaase dadka ulo la dhex socday raggii hubeysnaa oo farayay inay ragga iyo haweenku kala soocmaan.

Nin cod dheer ayaa markiiba hadal la sare joogsaday, isagu ma aha ninkii khudbadda jeedin lahaa, laakiin dadka ayuu u sheegayay inay aamusaan si loogu khudbeeyo, jewigii buuqa ahaa ayaa mar qura deggenaan isu beddelay, waxaana dadka hor yimid nin ay intooda badan garanayeen, waa Abuu Seef.

Khudbad ayuu isla soo taagay Abuu Seef:

Asalaamu Calaykum walaalayaal, Ilaah ayaa mahad leh oo halkan isugu keen keenay maanta oo nagu kulansiiyay, waxaan isugu kiin yeernay inaannu ka hadalno dhibaatooyin jira oo aan u dulqaadan waynay haddii aan nahay culimada, dhibaatooyinkaas oo si gaar ah ugu dhacaaya haweenka iyo carruurta iyo inta bulshada ugu tabarta yar, taasi waxay noqotay mid aan ka dhiidhinno, waayo waan u dulqaadan waynay, boobka, dhaca iyo jid-gooyooyinka, ma dooneyno in marxaladdaan adag lagu sii jiro, waan ka hortageynaa, nafteenna waan u hureynaa dadkeenna, hase yeeshee waxay taasi ku xiran tahay hadba sida aan garab idinkaga heli laheyn iyo guud ahaan shacabkaba. Ma garaneysaan shacabka aannu garabka ka dooneynoo? Waa idinka!

Markuu halkaa marsiinayo ayay dadweynihii sacab u wada garaaceen, iyagoo u muujinaya inay ka maqsuudeen hadalkiisa, laakiin waxaa taas ka hor yimid ninkii codka dheeraa oo ku canaantay dadweynaha waxa ay sameynayeen inay ahayd camal sheydaan, “Joojiya sacabku waa camal sheydaan ee joojiya” ayuu ku amray dadweynihii oo uu u daba dhigay inuu takbiirta u qabto, “ALLAAHU AKBAR!” Dadweynihii qaar yar oo ka mid ah ayaa ka daba meersaday oo Allaahu Akbartii la qabtay lamase sii wadin oo Abuu Seef baa khudbuu u oomanaa laga kala jaray, oo wuu sii watay khudbaddiisii:

“Maanta kaddib waxaan qaadaynaa tallaabooyin aan idinka wax idinkugu qabaneyno, oo aan dhibaatada aad ku jirtaan idinkaga saareyno, sababtoo ah waxaad tihiin haweenkeennii iyo carruurteennii, waxaadna ogaataan maanta laga billaabo carruurta waxaan u fureynaa waxbarasho dhinaceenna ah, madrasooyin u gaar ah baana ku xareyn doonnaa, taasoo aan kula dagaallameyno in carruurta la baadiyeeyo, teeda kale nabadda annagaa ku filan cid aan u baahannahay inay bannaanka nooga timaaddana ma jirto…tan kale ee muhiimka ah waxaan idin sheegayaa suxufiyiinta waxyaabaha ay qorayaan iyo wararka ay tebinayaan waa inay nala socodsiiyaan, ciddii dirta war aan annaga ogeynna iyadaa ka mas’uul ah…hadalka inaan ku sii dheeraado ma doonayo, wax qabad ayaa nalooga bahan yahay, intaas ayaan hadalkeygana ku soo koobayaa. Wasalaamu Calaykum Waraxmatullaahi.”

Dadweynihii ayaa markuu dhammeeyay khudbaddiisii waxay Abuu Seef ku sagootiyeen, saxawan, sacab iyo takbiir isku jira, haba ku kala duwanaadeen dhawaaqa iyo shanqartee, waxay ka sinnaayeen inay la dhacsanaayeen hadalladdiisii.

Labo maalmood iyadoo ay ka soo wareegatay markii ay wadaaddadu u khudbeeyeen dadweynaha ayaa Faadumo iyo Caasho waxay isku arkeen suuqa, iyadoo ay tahay xilli barqo ah, markii ay xaalkooda iska wareysteen, ayaa Faadumo waxay Caasho kula jeesatay su’aal ay kedis uga dhigtay “naa Caasho, Maxaad ka fahamtay khudbaddii wadaaddada?”

Su’aashaasi kuma adkaan Caasho inay ka jawaabto, waxayna durbaba saaxiibteed u sheegtay inay wax fiican uga baxeen, oo ay aad ugu bogtay. ”Waa loo baahnaa, wayna naga soo daaheen” ayey yiri, oo waxayba saaxiibteed dareensiisay in loo baahnaa mar hore inay wadaaddadu madasha ka soo xaadiraan, waxayse nafteeda iyo saaxiibteedba gunaanadkii ku samirsiisay haddayba hadda isa soo mutaxeen oo uu Ilaahay u soo adeejiyay inay mahad Alle tahay.

Faadumo ayaa iyadana qeybtii hadalka kaga aaddanayd ku tustay saaxiibteed in qudheedu aanay ka aragti duwanayn, oo waxayba soo taxday ammaan iyo bogaadin ay u xambaarineyso wadaaddada, iyadoo tirinaysa waxyaabaha ay ku taageertay “Isbaarooyinkii way qaadeen, boobkii, dhacii iyo jeebabkii la iska baaranaayay ma jiraan,” ayay tiri Faadumo iyadoo dhoolla-caddeyneysa.

Sheeko habeen hore la soo gaarsiiyay ayay saaxiibteed u tebisay, oo weliba markii ay uga sheekeyneysay waa laga dareemayay inay ku faraxsanayd, sheekadu mid cid kale khuseysay ma ahayn, isla wadaaddada iyo sheekadooda ugubka ah ayay salka ku haysay. “Habeen hore waxaa la ii sheegayay inta ay kuwo tuugo ah qab-qabteen ayayba gacmaha ka gooyeen, Kaw! Lug iyo gacan is-dhaaf ah, marqaati xitaa lalama sugin!” ayay tiri Faadumo.

Caasho oo si hagaagsan u dhageysaneysay sheekada la yaabka leh ee saaxiibteed, ayay dhiillo gashay markii halkaas loo marinayay, oo waxay saaxiibteed sheekada ka tustay meel kale, waxayna u sheegtay maadaama ay baahi iyo shaqo la’aan jirtay inay ka baqeyso in la arko dhallinyarada waddanka oo wada lugo iyo gacmo go’an iskuna salaamaya xusullada.

Dareenkaas cabsida huwan Faadumo kama daa-degin “maya… maya.maya, ma dhaceyso taas,” ayay la soo boodday, daliilkeediina wuxuu noqday, hadday tuugadu arkaan in qofkii fal xatooyo ah ku dhaqaaqaba lugaha iyo gacmaha laga jaraayo, in la wada cabsan doono, oo tuug oo dhan la waayi doono, “Soomaali baanba kuu aqaannaaye, cid dambe oo wax xaddaahi la arki maayo!” ayay tiri.

Caasho mowduucii socday ayay dhan kale u rogtay oo intay saaxiibteed ku soo dhowaatay ayay hadal hoose dhegta ugu sheegtay, “waxaan la yaabanahay Faadumooy, maxay horta carruurta ka rabaan? Waa iyaga maalin kasta la hadla oo weliba qaarkood xerooyin ku xareystaye!”.

Faadumo meeshaan ayey difaac adag ka gashay, oo su’aashii saaxiibteed waxay ku caabbisay erayo laga dareemayo taageere inay u tahay wadaaddada, waxay ku doodday in carruurta diinta loo barayo, iyada ayayba daalac u raacatay oo ay su’aal ku celisay, “Naa maxaad dareentay adigu oo aad sidan u leedahay?”

Indho yaabban oo markaad si aad ah u sii eegto ku dhahaya “su’aal uun baan is- weydiinnaye maxaa daalac la isugu raacanayaa,” ayay Caasho ku fiirisay saaxiibteed Faadumo, iyadoo la shig-shigeysa hadalkii ayay ku tiri “maya ee.ee. waxaan sidaas u iri, waxaan arkay oo aan dareemay carruurtii oo fir-fircoon oo Jihaad hadal-haysa iyo ad-adeyg kale oo aan hore loogu arkin. Innagii waalidiinta aheyn bay doonayaan in ay wax noo sheegaan oo ay na yiraahdaan waxaas waa qalad diinta bay ka soo horjeedaan ama sidaan ha la yeelo sidaan baa sax ah. Ma waxaas bay caruurteennu taqiin?”

Faadumo iyo Caasho inta badan sheekadu way isugu baxi jirtay, midba tan kale waxay la raadsan jirtay wixii cusub ee deegaanka ku soo biira ama marka ay arkaan dhacdo ka yaabisa, guryaha ayay badanaa ku kulmaan, maalintaase suuqa ayay ka fursan wayday inay warka muhiimaddiisa ku kala guraan.

Markii mowjadda la saaray ka hadalka mowduuca waxbarista carruurta ee dhanka wadaaddada ayay isku soo aragti dhowaadeen, Faadumo waxay u sheegtay Caasho inay iyadaba kala siman tahay oo ay ku aragtay carruurta isbeddelkaas. “Adigu waxaasaadba sheegeysaaye, aniga carruurteydu waxayba i yiraahdeen, ‘xisaabta iyo sayniska iyo kimistariga iskoollada lagu barto waa xaaraan” ayay tiri Faadumo.

Caasho wuu ka qosliyay hadalka dambe ee saaxiibteed, waayo, kuma cusbeyn arrinkaas oo waxay horay uga maqashay wiilkeeda. Meeshaas ayay isaga soo dhacday sheekadoodii, waxayna dunta afkeeda isla heleen markii laga dooday isbeddelka carruurta iyo waxbarashadooda.

Caasho iyadoo madaxa ruxeysa waxay saaxiibteed Faadumo ku qancisay in aanay wax dhibaato ah ka imaaneyn haddiiba carruurta si daacad ah diinta loo barayo oo aan la marin-habaabineyn ama wax dhibaato ah oo kale aan hoosta looga wadin.

Faadumo way ka hartay dooddii ku saabsanayd carruurta iyo madrasooyinkooda, waxayna si guudmar ah uga hadashay isbeddelka weyn ee ku dhacay bulshada iyo deegaankaba iyo weliba dhibaatooyinkii horay u soo maray.

“Raggu cimaamado ayay qaateen, oo kii kaa hor yimaadaba waa kaas culimada u eg” ayay Faadumo ku sheekeyneysaa, iyadoo is moodsiisay in isbeddelka dhacay uu ula muuqdo kii dhibaatada looga bixi lahaa, waxay dib u xusuusisay saaxiibteed Caasho wixii la soo maray ee halaag ahaa iyo rafaadkii laga dhaxlay dagaalladii sokeeye.

Faadumo oo aan weli sheekadii dhammeyn ayaa waxay tirin kula dhaqaaqday intii ku dhimmatay dagaallada sokeeye, intii ku dhaawacantay iyo intii ka qaxday ee nolol iyo geeri lagu la’yahay.

Caasho ayaa mowduuc hor leh oo aan xisaabtaba lagu sii darsan daaha u rogtay, waxayna saaxiibteed iyadoo wejiga kaduudeysa waydiisay waxa helay ee loo arki la’yahay oday beeleedyadii iyo halka ay ka baxeen.

Faadumo intay qosol dheer ku dhufatay oo ay gacanta dhabanka saaratay ayay tiri “Oday beeleed aaa!” iyadoo isku dayaysay kubbadda dhankeeda loo soo baasay inay laaddo, waayo, waxay rumeysnayd in oday beeleedyadii laga reystay, “Ilaahay nooma soo celiyo” ayayna ku duceysay.

Waxaa Faadumo fikraddaas la qabay dadka deegaanka intooda badan oo karaahsaday maamulkii oday beeleedyada, aaminsanaana inay uga dhammaatay masraxa siyaasadda, waxayna ku bishaareysanayeen inaan la heli doonin cid mar dambe warkooda dhageysata, waayo dhibaatooyinkii ay u horseedeen ummadda Soomaaliyeed ayaa weli dhegahooda ka qeylineysay.

Caasho qudheeda way ku raacsaneyd in oday beeleed wax u yaalla aanay jirin, mar haddii dhinaca diinta la iska soo galay. Iyadoo ay ka muuqato inay taageerayso maamul kasta oo odayaashaas ka hor wareejiya ayay markiiba ku dhaqaaqday inay u duceyso wadaaddada, halka ay Faadumana ugu kaalmeynaysay aamiinta, sidaas ayayna isku macsalaameeyeen maalintaas.

Kacdoon kasta ama isbaddel kasta oo bulsho dhexdeeda ku soo siyaada, waxaa isla bulshadaas laga dhex heli karaa dad mucaarada oo ka soo horjeeda dhaqan-rogistaasi ku soo siyaadday bulshadooda. Iyadoo ay taasi jirto ayaa haddana dadku ku kala duwan yahay sida ay uga hadli lahaayeen aragtida ay ka qabaan dabayshan cusub oo aanay horay u arag, ee ku soo biirtay bulshada deegaanka ay ku nool yihiin.

Dhinaca kale waxaa iyana jira dad kale oo aan jeclayn duufaantan cusub, haddana aan ka soo horjeesan karin. Way iska caddahay inay baqdin u geysay, laakiin haddana garashadoodu ma xuma, hase ahaatee waxaa ka daran oo ay nasiib-darro ku habsatay kuwo aan ogayn halka loo socdo, oo iyagu durbadiiba raaca ama taageera dhaqdhaqaaqaasi cusub.

Isla dadkan aragtidoodu liidato ayaa u sii kala baxa kuwo ay daacad ka tahay oo aan markoodii horeba u bisleyn inay gartaan siyaasadda ka dambeysa kacdoonnadan cusub, waana kuwan kuwa ay aad ugu sahlan tahay inay marin-habowsheyaashu marin-seejiiyaan. Qaar kalena waa kuwo dan gaar ah leh ama ku tiirsan kooxaha kacdoonka qarriban wada.

Sahal iyo Dige waa labo nin oo saaxiibbo ah, inta badanna isku fikrad ah marxalad kasta oo ku soo kororta deegaankooda, waa dad aad ugu rajo wanaagsan in maalin uun ay bulshadoodu hesho dowlad maamul-wanaag iyo kala dambeyn soo celisa, si ay uga baxaan dhibaatooyinka dagaallada sokeeye ee 20-ka sano jirsaday.

Labadooduba ma aysan ahayn dad heer sare ka gaaray waxbarashada, hase ahaatee waxay ahaayeen rag fir-fircoon oo aftahanno ah, aaminsanna muhiimadda ay leeyihiin adeegyada bulshadu, taas ayaana ugu wacan inay matalaan beelaha ay ka soo kala jeedaan. Xilalkaas ay hayeen dartood ayaa waxay suurtageliyeen inay deegaan ahaan ku noolaadaan hoteello ku yaalla goobaha uu maamulkoodu ka taliyo oo aanu weli soo gaarin kacdoonka marin-habawbsheyaasha.

Goor ay tahay galab ayaa Sahal markuu salaadda Casir ku soo tukaday masjid aan ka fogayn hoteelka uu Dige deggan yahay, ayuu ku fikiray inuu saaxiibkiis galabtaas waqtiga la soo qaato. Dige oo markaas qolkiisa hoteelka ku tukaday ayaa albaabka lagu soo garaacay. Hannaanka loo soo garaacay ayuu markiiba ka dareemay inuu saaxiibkiis Sahal yahay, markuu furayna malihiisa ayaaba run noqday oo Sahal buu noqday qofkii albaabka soo garaacay, salaantii caadiga ahayd ayaa la isku boobay, midba midka kale ayuu si kaftan iyo qosol ku jiro ugu yeeray midka kale “mudane”, isagoo ula jeeda xilka uu hayo.

Maqaayad hoteelku leeyahay ayey u wada daadageen. Sahal wuxuu dalbaday Koka- Kolla, halka uu Dige ka codsaday koob shaah ah oo caddeys ah. Kaddib markii ay xaaladahooda caafimaad iyo tan reerahooda iska waraysteen ayaa Sahal wuxuu Dige weydiiyay sida uu u arko isbaddelladan cusub ee la sheegayo, wuxuuna intaas u raaciyey inuusan jeclaysan waxyaabaha dhegihiisa ku soo dhacaya.

Dige ayaa sheekada taagan ee uu jeclaan lahaa inay galabta isla falanqeeyaan ku billaabay isu soo bixii marin-habaabiyeyaasha ay isugu yeereen carruurta iyo haweenka, balse intaanu ku sii dheeraan ayaa Sahal oo sugi la’ sheekada uu u billaabay saaxiibksii Dige, wuxuu weydiiyay, “maxaa haween iyo carruur keliya loogu yeeray, oo raggeennii waaweynaa loo casuumi waayay?”

Dige wuxuu u sheegay inaanu arrintaasi sixi karin, hase yeeshee uu maqlay inay arrintu kacdoon tahay, wuxuuse taabsiiyay saaxiibkiis inuu marin-habawsheyaashu galay damac siyaasadeed.

Sahal madaxa ayuu ruxay, isagoo diidmo uga gol-leh, “maya…maya…maya taasi ma dhici karto, culimo iyo damac-siyaasadeed isma qaadan karaan,” ayuu yiri isagoo si toos ah ugu sheegay inuu taasi diiddan yahay, “waaba wax aan sheeko iyo shaahid midna lagu arag,” ayuu yiri.

Dige dhib uma arko hadduu damac siyaasadeed galo raggaasi, laakiin wuxuu dhaliilsan yahay qaabka ay ku soo galeen loollanka loogu jiro talada dalka; carruurta iyo haweenka waxa loogu wareeganayo ayuu dhib u arkaa. Sahal-se kama daadegayso in dadkaasi ay awoodda wax ka rabaan.

Sahal wuxuu aamisan yahay in raggaasi ay ixtiraam ku dhex leeyihiin bulshada, laakiin Dige wuu ka soo horjeedaa taas, oo wuxuu qabaa inay nimankan xukun-doon yihiin, waxeyse markii dambe isweydiiyeen, “tolow maxay dadka u sheegeen?”

Dige oo ku wax badan inuu soo xooraansaday iska dhigaya ayaa saaxiibkiis u sheegay inay dumarka iyo carruurta shir u qabteen, ayna isku dubbariteen, islaantiisa iyo kuwo kale oo xaafadda degganna uu ka gartay inay u riyaaqeen oo ay la dhaceen ama ka maqsuudeen waxa ay Marin-habaabiyeyaashu u sheegeen.

“Arrintaan waxay ku habboon tahay in hadda laga hortago, haddii kale, “waa xaalad cusub iyo weji kale oo dagaal,” ayuu yiri Dige.

Sahal wuxuu qabaa in aan lagu deg-degin oo la hubsado raggaan inay xukunka siyaasadeed wax ka rabaan iyo in kale, isagoo daliishanaya in aanay haween iyo carruur siyaasad waxba ka aqoonin, raggaanna aanay la shireen haddii ay ujeeddaas oo kale leeyihiin, “waxaa laga yaabaa inay dano kale leeyihiin, laakiin nimankaan damac siyaasadeed dad leh iilama muuqdaan, waxay isu xilqaameen inay dadkooda diinta baraan,” ayuu yiri Sahal.

“Is-xilqaankaas hadda yimid oo aan horay loo arag muxuu ahaa,? Ayuu weydiiyey saaxiibkisa, “oo haddii aanu damac siyaasadeed jirin, maxaay ragga wax garadka ah ama aqoonyahannada ugu yeeri waayeen? Ayuu sii daba dhigay, isagoo leh, “Arrintaan waxay u baahan tahay in aan ka wada tashanno, ragga maamulka ahna aan is-aragno kana wadahadalno amuurahan soo siyaaday,” ayuu yiri Dige.

In arrintaasi aanay dhibaato lahayn oo ay u furan tahay inay iyaga iska arkaan, kaddibna ay raggaas u tagaan ayuu fikir ahaan talada ku darsaday Sahal, markaasna ay wax kasta ogaan doonaan.

Raggaasi saan-saankooda inay dareemayaan, oo aanay u filayn in ay yihiin dad fidno- wadayaal ah, ayuu Sahal u sheegay saaxiibkiisa, “wadaadkii aan wada garaneynay oo la oran jiray Abuu Seef oo bulshadeenna in muddo ah ku soo dhex jiray baa la socday oo horseedaayey culimada,” ayuu yiri Sahal. Dige ayaa ka dhex galay oo yiri, “laakiin arrintan aan ka wada tashanno, odayaashana aan iska aragno, maxaa yeelay dhib aan hadda noo muuqan ayaa ka imaan kara,” ayuu ugu gunaanaday saaxiibkiisa oo muujinaya in uu tuhun weyn ku jiro.

Abuu Seef inuu yaqaanno oo uu nin wanaagsan yahay ayuu sheegay Dige, hase yeeshee loo baahan yahay hubsiimo, “waxaa laga yaabaa inay wax iska beddeleen ninkii sidii aan ku naqaannay, illeen waa bini’aadane,” ayuu yiri.

Maalintaas sidaas ayey ku ballameen Sahal iyo Dige, weyna is macasalaameeyeen si qof kasta danihiisa shakhsiga ah uu u sii raacdo.

Waa subaxnimo Talaado ah, saacaddu waa sagaalkii subaxnimo, waxaa dhowaan qayoostay roob tiix-tiix ah oo bacaadkii degmada u diiday inuu lugaha qofka ku dul soconaya soo raaco ama uu la ciyaaro dabeylaha, caleemaha geedaha waxaa weli ka tifqaya biyihii uu roobku uga tegay oo sidii dhededii uga hooraya.

Abuu Colaad oo si wanaagsan ugu soo barqeystay gurigiisii ay min-weynta (haweenaydii koowaad ee uu guursaday) deggenayd ayaa isku soo dhigay waddada tagta xaruntooda oo galbeedka degmada ku taalla, in cabbaar socod ah ayey isu jiraan guriga uu saakay ka soo quraacday ee uu xalay ku hoyday iyo saldhigga ay ciidamada iyo Marin-habaabiyeyaasha ay jaalka yihiin isugu yimaadaan ee shaxda siyaasadeed ee maalmahaan la ciyaaro lagu qorsheeyo.

Sidii uu marba salaan nooc ah uga hor geynayay qofkii ay dhabbaha isku weydaartaanba, ayuu 15 daqiiqo kaddib soo gaaray xeradii. Wejiyo wada farxad leh ayaa lagu soo dhoweeyay, way isaga farxayaan mooyaane wax gaar ah oo ay ku jecel yihiin ma jiraan, oo maxayba ku jeclaadaan? cid og ujeedkiisa rasmiga ah ama sheekada ay isugu baxdo ma jirto, keliya waxay ugu farxayaan waxay og yihiin kor ahaan inuu halgankoodii hore kaalin fiican kaga jiro, taasina waxay ku ogaadeen dusha sare ayay kala socdaan inay godka laga ciyaarayo jarta isla dejiyaan isaga iyo Abuu Seef, oo badankood macallinkooda ah.

Xeradu waa meel horay u ahaan jirtay dugsi waxbarasho oo ay dowladdii hore maamuli jirtay, qolalka ay hadda howlahooda u adeegsadaan waa fasalladii dugsiga oo ay dayactir ugu dambeysay labaatan sano ka hor, markaasoo ay dowladdii hore dalka maamuleysay. Barxaddii ay subaxa hore safka ka geli jireen ardayda inta aan loo fasixin fasallada iyo meel yar oo ay kubbadda ku ciyaari jireen carruurta, ayaa hadda u ah barta ay ku gaardiyaan dableyda Marin-habaabiyeyaashu ku tababarto askartooda aan da’ba gaarin.

Dadka xerada jooga waxay u badan yihiin dhallinyaro aad mooddo in la isku soo xulay marka aad u fiirsato da’aaddooda, waxay ka siman yihiin gar fiiqan oo isku qaab ugu jaran iyo madax xiiran ama aan iraahdo madaxyo timo yar oo la simay leh, surwaallo lugaha loo gaabiyay ayey wada gashan yihiin, indhahooduna marka ay ku eegayaan wey ku daba marayaan, oo qofka ay ku cusub yihiin wuuna ka naxayaa oo eegmo naxariis daran ayay indhaha kugu wada gubayaan.

Rag odayaal ah oo aan badneyn iyagana dhinac bay ka joogaan xerada, waxaa qolalka qaar lagu xareeyaa rasaasta iyo hubka. Iridda hore marka laga soo galo waxaad arkaysaa gawaari isku nooc u badan oo si aan habaysneyn meelo teel-teel ah u yaalla.

Abuu Colaad sidii uu u soo durdurinayay ayuu abbaaray geed uu inta badan kula kulmo saaxiibkiis Abuu Seef, laakiin subaxaan wuxuu yimid Abuu Seef oo maqan, xilligan oo kale loogama baran inuu ka maqnaado xerada, malihiisa wuxuu u qaatay inuusan fogayn, wuxuuna goostay inuu ku sugo geedka hoostiisa, halkii buuna fariistay.

Shan daqiiqo ma aanu fadhin markii uu u soo muuqday Abuu Seef oo socodka boobaya oo xaggiisa u soo socda, markiiba way isa salaameen, Abuu Colaad ayaa saaxiibkiis Abuu Seef ku soo dhoweeyay fadhiga, si ay u sheekaystaan.

Abuu Seef wuxuu ka mahad-celiyay soo dhoweynta Abuu Colaad, kaddibna waxay guda-galeen inay ka wada hadlaan hawshooda curdanka ah, hase ahaatee ujeeddada fog laga leeyahay, oo iyaga xitaa ay gambarka gaaban isugu fadhiyaan.

Abuu Colaad ayaa si kaftan ah ugu sheegay saaxiibkiis inuu ka dareemayo rayn-rayn, wuxuuna uga gudbay inuu weydiiyo danahoodii waxa ka qabsoomay iyo sida uu xaal yahay iyo hawlihii ugu dambeeyay ee uu u diray wixii uu kala soo kulmay.

Abuu Seef ayaa u sharraxay saaxiibkiis tallaabooyinkii uu maalmahaan is-daba dhigaayay, wuxuuna ku soo xooriyay inay wax kasta guul ugu dhammaadeen, taasoo farxad gelisay ninkii Abuu Colaad ahaa oo ugu namacleeyay, “waan kugu ogaa hawl- karnimadaas,” ayuu yiri, “nin xaniinyo badan baad tahay, oo waan kaa filaayay, “Maashaa Allaah,” ayuu si goos-goos ah isugu daba dhigay.

Sheekada oo laga dhexgalay ayuu u sii ruuqaansaday inuu dhammeystiro Abuu Seef, oo ay filan-waa ku noqotay sida uu sheegay in ilaa xadkan oo soo dhaweyn ah ay dadka kala kulmeen, sida loo taabacay, dadku uga dambeeyaan, loogu riyaaqay oo dhammaanba madaxiisa ka weynaatay, “waan soo daahnay oo in aan mar hore dadkaan u imaanno ayay ahayd,” ayuu yiri isagoo dhoolla-caddeynaya.

Abuu Colaad ujeeddadiisu intaas wey ka gun-dheer tahay, caabboonaanta uu ka dareemayo ninka Seef ah iyo dadweynaha loo tebinayo wararkooda ayuu rabaa inuu ka faa’ideysto. “Hadda waa inaan tallaabo kale sii qaadnaa oo ciidan badan deg-deg u qorannaa, si aan ammaanka guud ahaan u sugno,” ayuu si amar ah u yiri. Abuu Seef- na, “waa khasab” intuu yiri ayuu ku raacay, isagoo danta ummadda ku barxaya sheekadiisa iyo danihiisa gaarka ah.

In ummadda loo shaqeeyo waa la isugu wacdinayaa, waxa ka dhab ah baanse la ogeyn, waxaase sheekada Colaad ku jirta, “waan u shaqeyneynaa ummadda, annagana wax fiican baan ka shaqeysaneynaa adduunyo iyo aakhiraba, oo ninna dan la’aan uma hawlgalo,” ayuu yiri, isagoo mooday sir uurkiisa dhex jiiftay inuu afku ka soo xaday si aan ula kac ahayn, ayuu sheekadii ku barxay wacdi, “waad la socotaa bay ila tahay in ajir badan iyo xasanaadba aan ka heli doonno hanuuninta bulshadeenna”, ayuu yiri.

Abuu Seef erayadaas dambe madaxa ayuu u ruxay, wuxuuse uga gudbay inuu soo bandhigo baahi taagan, waa sidaasoo, xil baa deegta loo suray, waa inuu hindisaa qorsheyaal hor leh oo wax ka tari kara hawshooda. Abuu Colaad wuxuu gaarsiiyay farriintii uu xalaydan ku soo fikiray ee uu u heellanaa inuu waqtigu ku simo mar uun inuu dhegaha Abuu Colaad gaarsiiyo.

“Hadda waa inaan raadinnaa hanuuniyeyaal (Marin-habaabiyeyaal) carruurta waxbari kara, illeen dhallinyarada in ciidan laga dhigo waxaa ka horreysa in loo sheego faa’iidada uu jihaadku leeyahay iyo wanaaggiisa, iyo waxa ay difaacayaan iyo weliba sababta aan uga dhigeyno ciidan noo adeega oo danaheenna noo ilaaliya,” ayuu yiri, isagoo og in carruurta hadda xaraysan aanay waxbarasho la’ayn.

Abuu Colaad si deggan ayuu ugu sheegay saaxiibkiis Abuu Seef inuu u hayo macallin aan waxba loo sheegeyn, oo howlahan oo kale xariif ku ah, oo waaya-arag ah oo hawsha inuu yaqaanno aanu muran ka taagnayn, waxaase uu Abuu Colaad qorshaha ku darsaday in aanu macallinkaasi la shaqeyneyn, iyadoon dhaqaale meel loo saarin, oo mararka qaar mushaarkiisa abaalmarinno ka bannaanka ah la siiyo oo haddii kale aanay waxba soconaynin.

Wuxuu ku dheeraaday inuu ka faalleeyo macallinkaas, waxaase ka dhex galay Abuu Seef oo sugi kari waayay magaca ninkaas, oo “magaciis macallinkaas?” ayuu isla markiibka la soo booday. Kuma uusan daahin Abuu Colaad inuu ku dhawaaqo magaca Macallin Duufiye oo markii Abuu Seef dhegahiisa lagu dhibciyay ula muuqday mid aan ku cusbayn.

“Waan maqlay, wallee iguma cusba ninkaasi, wey I soo gaartay in carruurta uu wacdiyo oo dabadeedna aanay carruurtu dib uga soo laabaneyn hadba hawshii loo diro,” ayuu yiri Abuu Seef oo garkiisa weyn shanta farood kula jira, weli ra’yi soo gudbintiisii ayuu ku dhex jiraa, wuxuu sheegay inaanu macallinkaas keligiis ku filneyn, illeen wuxuu ogyahay tirada carruurta ah ee xerooyinka iyo madrasooyinka kala duwan ugu xareysan.

Abuu Colaad wuxuu ku adkeystay inuu halkaan macallin hadda ku filan yahay, maadaama uu cusub yahay barnaamijkoodu. Abuu Seef oo fikraddiisii dambe lagu soo caarriyay ayaa ka daba geeyay in looga baahan yahay taxaddar badan, sababtoo ah kama qarsoona in marka la barto ay cadow yeelan doonaan, muranna kama taagna, “waa inaan sameysanno hab maamul oo ka taliya deegaan kasta ilaa aan ka gaarno heer qaran iyo weliba heer caalami,” ayuu haddana yiri Abuu Seef.

Taas dambe Abuu Seef wuu ku raacay, wuxuuna u daba dhigay inuu xusuusiyo ganacsatada muhiimaddooda, “waa in shir lala qaataa ganacsatada,” ayuu kula dar- daarmay, wuxuuna ka sare kacay fadhigii, isagoo macasalaameeyay, “waa inoo aragti dambe, iyo nabadey,” ayaa lagu kala istaagay.

Waa duhur ay cadceeddu kulushahay, Ardo waxay ku mashquulsan tahay
hawsheedii caadiga ahayd ee guriga, waxaana wehliya Warsame oo ah dumaashigeed, iyadu waxay alaab ku dhaqaneysaa kushiinka, Warsama-na wuxuu ku jiraa qol ka mid ah qolalka guriga oo martida loogu talagalay, kaasoo ay yaallaan kuraas dhowr ah, waxay sugayaan Abaadir oo ay asaxaab yihiin oo ay goorahaas ballansanaayeen.

Iyagoo isweydiinaya waxa Abaadir habsaamiyay ee aanu waqti hore ugu imaan, ayaa la soo garaacay albaabkii, Ardo waxay markiiba muujisay Abaadir mooyaane inaanu qof kale noqon karin qofka iridda soo garaacay, maadaama ay isaga uun sugayeen.

Markii albaabkii la furay wuxuu noqday Abaadir, si wanaagsan ayay u soo dhoweysay Ardo, isagoo uga cudurdaartay cabbaarka uu ka soo raagay, Ardo oo u sheegeysa inaanay taasi dhibaato lahayn ayaa waxay u tilmaantay qolkii uu ku jiray saaxiibkiis Warsame, gudaha markuu u galay ee ay isa salaaameen, ayay billaabeen sheekooyin goos-goos ah oo nolosha deegaankooda ku saabsan.

Degmada ay ku dhaqan yihiin ma ahan mid ay wararkeeda qarsoomaan, wax kasta oo ku soo siyaada waa la isgaarsiiyaa, carruur iyo cirroole, rag iyo dumar waxaa la isku tebiyaa hadba wixii la arko oo cusub, idaacado iyo wargeysyo ayaa u soo baxa, kuwaasoo door fiican ka qaata inay dadku xog-ogaal u noqdaan noloshooda.

Sidii ay sheekada isugu talantaallinayeen ayaa Abaadir wuxuu Warsame u sheegay inuu deegaanka ka jiro guux, oo ay dadku si aad ah u hadal-hayaan Marin- habaabiyeyaasha, guri, maqaaxi iyo gaadiidka dadweynaha iyaga uun in looga doodo maalmahan dambe.
Warsame ayaa intaas markii ay dhegihiisa gaartay wuxuu saaxiibkiis Abaadir u tebiyay isagu dad waaweyn buuba ka hadlayaaye inay carruurtiisa iyo kuwo da’ ahaan aan waxba dhaamin ay isbuucyadaan ku sheekeystaan hadalladaas waaweyn.

Ardo oo maqleysay sheekada Warsame iyo Abaadir ayaa qolkii ugu soo gashay, waxayna weydiisay, “maxaa loo hadal-hayaa dadkaas?” Iyadoo aan jawaabta kaba sugin ayayna u raacisay inay joogtay maalintii ay dadka isugu yeereen goobtii ay ku kulmiyeen, inay dadku u wada riyaaqeen oo aanay wax xun madashaasi ka sheegin ayay cod dheer ku gaarsiisay, iyadoo diiddan in la dhaliilo.

Abaadir ayaa hadalkii qaatay, isagoo tilmaamay inaanu la socon goorta iyo goobta dadka ay kula hadleen marin-habaabiyeyaasha iyo wixii ay u sheegeen midna, laakiin islaantiisa iyo qaar ka mid ah carruurtiisa ayaa meeshaas tegay, waxayna aad u ammaanayeen marin-habaabiyeyaasha oo u soo gashaday shaarka culimada. Abaadir kulankaas iyo ka sheekayntiisa waxaa uga daran saddex wiil oo uu dhalay oo da’doodu kala tahay 10-jir, 12-jir iyo 14-jir ayaa waxay diideen iskuulladii waxbarashada caadiga ah, markuu kala hadlayna waxay kula doodeen inay wax ka baranayaan madrasooyin ay fureen marin-habaabiyeyaasha.

Abaadir maanta wuxuu rabaa inuu saaxiibbadiis arrimahaas u bandhigo oo uu kala tashado sida uu ka yeeli karo, sidoo kalena uu bal wareysto inay dhibaatadaas la qabaan iyo in kale.

Warsame oo lagala hadlay meel uu damacsanaa in loo rogo mowduuca sheekada ayaa saaxiibkiis Abaadir u sheegay inuusan keli ku ahayn mashaakilkaas, oo isaga qudhiisa ay carruurtiisa isku hayaan dagaal arrintaas ka dhashay, hooyadoodna ay la safan tahay, oo ay ku taageersan tahay inay u wareegaan madrasooyinka. Warsame wuxuu dacwo ka yahay islaantiisa Caasho oo maalintaas wuxuu u yimid guriga Ardo inay walaasheed iyo carruurta ay habaryarta u tahay ka dhaadhiciso iskuulkooda inay sii wataan.

Ardo waxay goorahanba ku mashquulsan tahay soo dhoweynta Warsame iyo Abaadir, waxayna dabka ka soo dejisay shaah ay iyaga u saartay 30 daqiiqo ka hor, iyadoo shaahii soo hor dhigtay, kana codsaneysa inay cabaan ayay kaftankii iyo sheekadii socotay ku soo dhex tuuratay in dadka laga hadlayaa ay toosan yihiin, waxayna soo taxday waxyaabo badan oo wanaag ah oo ay qabteen, waxayna ku doodday hadday fidno-wadayaal yihiin in la wada arki lahaa.

Sida caadiga ah madrasooyinka waxaa lagu bartaa diinta, Abaadir wuxuu sheegay inaanu dhib u arkeyn haddii carruurta diinta loo barayo, hase ahaatee wuxuu ka biyo diidsan yahay in iskuullada laga joojiyo, wuxuuna isweydiiyay, “miyaysan diinta iyo iskuullada isku dhigan Karin carruurta?” Isagoo aan cidna u oggolaan jawaabta su’aashaas ayuu sii raaciyay in isaga iyo waalidiinta la midka ahba ay iskuullada wax ka soo barteen, sidoo kalena ay dugsiyo diimeed soo dhigteen.

Abaadir wuxuu walaac ka muujiyay oo uu sheegay inuu ka carooday markuu arkay carruurta in xeryo lagu xareynayo, waxbarashada caadiga ahna la diiddan yahay oo la leeyahay hub qaata iyadoo laga dhaadhicinayo inay diinta difaacaan! “Waa yaabe, yaa diinta soo weeraray!?” Ayuu yiri isagoo yaab wejiga la kaduudaya farahana taagtaagaya.

“Abaadir waan kugu raacsanahay, cid diinta soo weerartay ma jirto,” ayuu yiri Warsame
oo ku tilmaamay hadalkaas in dadka lagu beer-laxawsanayo oo farsamo kale oo siyaasadeed loogu hoos qarinayo, “dadkeennu 100% waa muslim. Ma haddaan billaabeynaa in aan diinteenna muqaddaska ahi weerarno. Anigu waxaas wax dhici kara uma arko, ee aan ka tabaabusheysano sida aan ka yeeli laheyn arrinkan,” ayuu cod dheer ku yiri Warsame.

Ardo waxay u aragtaa inay Warsame iyo Abaadir deg-degayaan, waxay aamisan tahay in loo kaadiyo oo la arko raggaan sida ay wax u maamulaan. Wax qarsoomi kara inaanay noqon doonin ayay u sheegtay haddii ay hawl gurracan jirto, haddii ay wax ka jiraan arrimaha ay ka hadleen, waqti in la siiyo oo aan la deg-degin ayay ku talisay Ardo, iyadoo sheegtay haddii ay carruurta si qaldan u adeegsadaan ay waalidiintuna sida la habboonaato ku dhaqaaqi doonaan.

Warsame lama aanu dhicin talada Ardo, wuxuuna qabaa shaki xooggan, oo mar haddii ay dantooda gaaran kaddib, oo ay arrimahooda u hagaagaan, oo ay carruurta leexsadaan, haweenkana kalsoonidooda helaan, cid markaas wax ka qaban karta ama u babac dhigi karta aanay jirin ayuu dareensiiyay Ardo iyo Abaadir, “inta ay goori goor tahay aan carruurteenna dib uga soo ceshanno,” ayuu ku taliyay Warsame.

Wuxuu ka cabsanayaa maadaama ay urursanayaan hub badan inaan berri hadalkooda iyo xukunkooda midna la is hortaagi karin, oo ay ciddii ka hor timaada qoorta u dheereyn doonaan.

Arrintaas mid u baahan in laga fiirsado inay tahay ayuu u arkay Abaadir, hase ahaatee, waqti badan oo ay sii sheekeystaan in aanu u harin ayuu u sheegay, oo la joogo xilligii salaadda duhur, “mar kale aan isu imaanno, indho aragti dheerna aan kula soconno carruurteenna iyo wax Alla wixii ku soo siyaada,” intuu yiri ayuu fadhiga ka istaagay Abaadir.

Ardo oo aragtay inuu socod isku diyaariyay Abaadir ayaa isku dayday inay celiso, iyadoo u sheegtay inay qadadii diyaarisay, “ha bixin waanu wada qadeyneynaaye,” ayay tiri.

Wuu ka cudurdaartay Abaadir qadada loogu baaqay, wuxuuna u sheegay Ardo inuu la bllansan yahay asaxaab kale. Warsame ayaa isna fadhigii ka istaagay oo Ardo u sheegay inuu Abaadir horay u sii raacayo.

Ardo markii ay aragtay inay is raacayaan ayay macasalaameysay, iyadoo u sheegtay inay reeraha soo booqan doonto, sidii ayaana maalintaas lagu kala tegayi.

Marin-Habawsheyaal

Waxay isku baheysteen inay kacdoon diin-ku-qaraabasho ah ka dhex abuuraan bulshadooda. Abuu Colaad iyo kooxdiisa waxay ku niyad samaayeen in uu Abuu Seef yahay furaha hirgelinta qorshahooda, maadaama uu ahaa nin ay ixtiraam weyn u hayeen bulshada ku nool deegaankaasi. Carruurta iyo haweenka oo ah dadka ugu nugul bulsho kasta ayuu Abuu Seef durbadiiba howsha ka dhex billaabay.

Billowgii kacdoonka dadku waxay u hurayeen naftooda iyo maalkooda, ugu dambeynna isla kacdoonkaas ayaa ciriiri geliyay nolosha dadkii taageersanaa, kuna cadaadiyay amarro isdaba joog ah: Abaadir waxaa dhowr mar loo karbaashay garkiisa oo timo laga waayay; Caasho iyo Faadumo ubadkoodii ayaa ku naf waayey hawlaha kacdoonka diin- ku-qarabtayaasha; dad kaloo badan oo aan waxba galabsan ayaa qudha laga jaray.

Wanaagga iyo aaminaadda ay bulshada u haysay markuu yaraaday, ayna caddaatay in waxa ay kooxdani isu baheysateen aanay haba yaraatee ahayn wax diin ku raad leh, dadkii ayaa ka aamin baxay, oo xitaa kuwii la shaqeynaayay ayaa ka baxsaday iyagoo dhuumaaleysanaya. Sheekadu maxay ku dambeyn doontaa? Xalkuse muxuu noqon doonaa?

Sheekada Marin-habawsheyaal waxaa iska kaashaday Warbaahinta madaxabannaan ee Dawan iyo Aamin Media, waxayna mahad gaar ah u celinayaan, ururrada bulshada rayidka, culimaa’uddiinka, haweenka, dhallinyarada, aqoonyahannada iyo odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed oo gacan ka geystay soo saaridda buuggan.

Tusmada Buugga
Cutubka 1aad
Cutubka 2aad
Cutubka 3aad
Cutubka 4aad
Cutubka 5aad
Cutubka 6aad
Cutubka 7aad
Cutubka 8aad
Cutubka 9aad
Cutubka 10aad

Qoraaga iyo Tarjumaha

QORAAGA
Ken Schoolland waa macallin dhiga cilmiga dhaqaalaha iyo siyaasadda, waxa uuna macallin ka yahay Jaamacada Hawaii Pacific University. In- tii uusan macallin ka noqon jaamacadaas, waxa uu ahaa Agaasimaha Cilmiga Sayniska iyo Barashada Ganacsiga Jabaan, Chaminade ee Jaa- macada Honolulu iyo Madaxa Ganacsiga iyo Dhaqaalaha ee Kulliyadda Hawaii Loa.

Markii uu ka soo qallin jabiyay Jaamacadda Georgetown, waxa uu xil ka soo qabtay isagoo ku shaqaynaya dhaqaale yaqaan caalami Waaxda Ganacsiga Caalamiga ee Wasaarada Ganacsiga ee Dawlada Maraykanka, iyo isagoo ahaa u qaybsanaha Aqalka Cad, xafiiska wakiilka gaarka ah ee heshiisiinta ganacsiga caalamiga.

Schoolland waxa uu shaqada dawlada uga tagay in uu noqdo macallin, is¬agoo macallin ka noqday dugsiga ganacsiga iyo dhaqaalaha ee Kulliyadda Sheldon Jackson ee Alaska. Waxa kale oo uu wax ka dhigay Jaamacadda Hakodate ee ku taala wadanka Jabaan. Waxa kale oo uu qoray buug, Shogun’s Ghost: The Dark Side of Japaneses Education, kaasoo lagu daabacay af-Ingiriis iyo af-Jabaniis.

Schoolland waa xubin ka mid ah madaxda sarsare ee ururka International Society for Individual Liberty iyo isagoo ah aqoonyahan ka mid ah Sam Watton Fellow for Student in Free Enterprise.

TARJUMAHA
Faysal Axmed Xasan waa qoraa. Buuggiisii ugu horreeyay waxa uu qoray sannadkii 2000. Buuggaas oo magaciisa la yiraahdo Maandeeq. Waxa uu maqaalo faro badan ku qoray wargaysyo badan oo ay ka mid yihiin New African Magazine, Hanad Magazine, Wargayska The Somali Link Newspaper, Wargayska Somali Voice iyo shabakada Internetka:
www.hiiraan.com
www.arlaadi.com
www.nugaal.net
www.somaliwatch.com
www.nomadnet.com

Faysal waa suxufi horay uga soo shaqeeyay barnaamijka Codka Beesha Soomaalida ee China Radio International iyo Radio Scerdo International.

Luqadaha Kala Duwan ee Lagu Daabacay

Ruush, Dhaj, Noorwiijiyaan, Litiiwiiniyaan, Roomeeniyaan, Seerbiyaan, Karooweeshiyaan, Maasedooniyaan, Isloofiiniyaan, Jarmal, Paluuniyaan, Shi- ine, Albaaniyaan, Laatiifiiniyaan, Boortigiis, Hangaariyaan, Talyaani, Roomaan, Jeek, Boolish iyo Jabaaniis.

“Buuggani waxa uu soo bandhigayaa mabaadiida bud-dhigga u ah aasaaska dhaqaalaha, oo si aad u sahlan loo qoray. Waana mid si qiyaas wacan leh loo diyaariyay oo qiimo weyn ku fadhiya. Shaqo aad u sarraysa”
MILTON FRIEDMAN ku guulaystay billada dhaqaalaha ee caalamka, ahna Nobel Laureate-kii dhaqaalaha

“Waxaan berigii hore aaminsanaa wax barashadu waxa keliya oo ay ku koobnayd buuggaagta dugsiga loogu talagay macalimiin qaboow oo dhidid badan…Waxaanse hadda ogaaday buuggani in uu xambaarsan yahay macluumaad aad u sarreeya oo aan intii aan noolaa aan horay u arag. Waxaan ka bartay tacliin aad u sarraysa buuggan oo ku saabsan suuqyada madax bannaan, hanti yeelashada, isdhaafsiga fikradaha, wax kala iibsashada, taasoo aanan baran intii aan noloshayda dugsi dhiganay, marka laga soo bilaabo dugsigii sare iyo imminka oo aan ku jiro jaamacad.”
VALERIJA DASIC
Belgrade, Serbia

“…Buug aad u sarreeya oo kor u qaadaya aqoonta dhallinyarada da’da yari u yeelan karaan suuqyada madax banaan…”
KARL HESS
qoraagii buugga Capitalism for Kids

“Buuggaagu waa buug aad u qimo badan! Waa ogaansho aad ogaatid xorriyaddaada.”
VINCE MILLER
Madaxweynaha, Ururka International Society for Individual Liberty

“Waa buug aad u sarreeya!…Waa uu ka muuqdaa raadkii Bastiat, von Mises, iyo Pat Paulsen.”
GENE BERKMAN iska leh xarunta buuggaagta ee Renaissance

“Mabaadiida bud-dhigga u ah suuqyada madax bannaan ayaa lagaga xaajooday buuggan, kuwaasoo faa’iido weyn u leh cid walba oo doonayso in ay dhisto bulsho xor ah.”
VIRGINIJUS DAUKAS Madaxweynaha, Free Market Foundation, Liitiwiiniyaan

“…Dhab ahaatiin waa qoristii ugu qiimaha badnayd oo si aad u sarrayso loo qoray, si sahlana loo fahmi karo mabaadiida la dayacay ee ku saabsan xorriyada iyo suuqyada madax bannaan.”
NICOLAI HEERING xubin ka mid ah xisbiga Libertas Society, Deenmaak

“Buug qiimo weyn. Wakhti ay jiilasha soo koraya badankoodu ay xiiso weyn u hayaan buuggaagta majaajilada, filimada laga sameeyay kaartuunka iyo buuggaag farshaxan culus loo yeelay, sida aad u qortay buuggaaga waa sida ugu wacan ee lagu horumarin karo suuqyada madax bannaan.”
MACALLIN TOSHIO MURATA Madaxweynaha, Kulliyadda Ganacsiga ee Yokomaha, tarjumayna Human Action uu qoray Ludwig von Misses, Jabaan

“Waa buug rajo weyn xambaarsan…!”
MATS HINZE Wax ka aasaasay Tritnaha, Swiidhan

“Buuggan waa uu kaa qoslinayaa, laakiin waa uu ka shaqaysiinayaa maskaxddaada. Waa buug si aad iyo aad u sarrayso loo qoray.kuuna fududaynaya fahamka mabaadiida bud-dhigga u ah suuqyada madax bannaan iyo bulsho xor ah.”
VALENTINA BUXAR Fundatia Liberala, Roomaaniya

“Aqiidada mawduucan buuggan laga xaajoonaya waxay qaadan lahayd in laga qoro buuggaag badan iyo abaabul doodo faro badan oo socon lahaa sannado dheer, ayaa si fudud looga xaajoonayaa iyadoo qaadanaysa wakhti yar. Waxaan doonayaa in aan nuqulyo u diro dhamaan xubnaha Free Democrats.”
JON HENRIK GILHUS International Secretary, Free Democrats, Noorway

“Si wacan baanu buuggan u isticmaalnay si aanu ardayda ugu dhigno mabaadiida bud-dhigga u ah xorriyada.”
HUBERT JONGEN
Guddoomiye, Dutch Libertarian Centre, Dalka Dajka

“Mahadsanid, mahadsanid, Waad ku mahadsan tahay buuggan qiimaha badan!
Waa ay qiimo badan tahay in aan akhriyo buug si wacan isu wada haysta oo aqli gal ah, madadaalo badan iyo isagoo ku baraarujinaya… Sheekada waxaa laga alifay dhul aan jirin, haddana sheekada buuggu waa mid runta u dhow. Mar kale waad ku mahadsan tahay buuggan qiimaha badan!”
STUART HAYASHI 1999 Valedictorian, Dugsi Sare ee Mililani, Hawaii

“Aad iyo aad ayaan ugu riyaaqay buuggaaga: Halgankii Yoonis Maskiin. Si aan runta kuugu sheego xoogaa yar baad i cabsiisay sida uu dhabta ugu dhow yahay ee aad si fiiqan u abaartay.waxa keliya ee aan ku fikiri karaa waa intee in le’eg ayaa joogaysaa Boolaan! Waa mucjiso – markii aan buugga akhrinayay waxaan mooday – tani waxay ila noqotay iyadoo dib wakhtigii hore loogu noqday waa intii ka horeeysay sannadkii 1989.”
MONIKA LUKASIEWICZ, MAAMULAHA MASRIXIYEEDKA Liberty English Camp, Warszawa, Boolaan

“…Nuxurka sheekaxariirta buugga oo ah mid ku saleeysan sheekooyin goo-goos ah oo dacaayadeeynaysa siyaasadaha iyo hab-dhaqameedka dowladeed ee faragelinta ku haya suuqyada ganacsiga-xorta-ah. Haddaba, sida ay ila tahay, ujeeddada buuggan uu u tarjumay qoraa Faysal waxa ay tahay in uu ku dhiirageliyo ama baro dhallinyarada Soomaaliyeed “fikradaha xorta ah” – siiba gaar ahaan dhallinyarada doonaysa in ay noqdaan ganacsato ama siyaasiyiin.”
CABDIFATAAX SACIID ISMAACIIL aqoonyahan takhasus dheer u leh cilmiga siyaasadda.

Ururada Habboon in aad Macluumaad Dheeraad ah Kala Xiriirtid

ADVOCATES FOR SELF-GOVERNMENT,
1202 N. Tennessee St. Suite 202, Cartersville, GA 30120, USA Telefoon: 770-386-8372; Fax: 770-386-8373, www.self-gov.org

CATO INSTITUTE,
1000 Massachusetts Ave. N.W., Washington, D.C., 20001-5403, USA Teleefoon: 202-842-0200, Fax: 202-842-3490, www.cato.org

FOUNDATION FOR ECONOMIC EDUCATION,
30 South Broadway, Irvington, NY 10533, USA. Teleefoon: 914-591-7230; Fax: 914-591-8910; www.fee@fee.org

FREEDOMS FOUNDATION AT VALLEY FORGE,
1601 Valley Forge, Valley Forge, PA 19482, USA, Teleefoon: 610-933¬8825, Fax: 610-935-0522, www.ffvf.org

FUTURE OF FREEDOM FOUNDATION,
11350 Random Hiils Road, Suite 800, Fairfax VA, 22030, USA, Teleefoon: 703-934-6101, Fax: 703-352-8678, www.fff.org

INSTITUTE FOR HUMANE STUDIES,
George Mason University, 3401 N. Fairfax Drive, Arlington, VA, 22201¬4432, USA Teleefoon: 703-993-4880 ama 800-697-8799, Fax: 703-993¬4890, www.TheIHS.org

INTERNATIONAL SOCIETY FOR INDIVIDUAL LIBERTY,
836-B Southampton Rd. Suite 299, Benicia, CA, 94510, USA, Teleefoon: 415-864-0952, Fax: 864-7506, www.isil.org

LAISSEZ FAIRE BOOKS,
942 Howard St., San Francisco, CA 94103, USA, Teleefoon: 415-541¬9780, Teleefoon bilaash ah (Toll-free): 800-326-0996, Fax: 415-541-0597, www.laissezfaire.org

LIBERTY MAGAZINE & FOUNDATION,
1018 Water St., Suite 201, Port Townsend, WA 98368, E-mail: rwbrad- ford@bigfoot.com

LUDWIG VON MISES INSTITUTE,
518 W. Magnolia Avenue, Auburn, Alabama 36832-4528 Teleefoon: 334¬321-2100, Fax: 334-321-2119, www.mises.org

THE OBJECTIVIST CENTER,
11 Raymond Ave., Suite 31, Poughkeepsie, NY 12603 Teleefoon: 914-471¬6100, Fax: 914-471-6195, toc@objectivistcenter.org

REASON MAGAZINE & FOUNDATION,
3445 S. Sepulveda Blvd., Suite 400, Los Angeles, CA, 90034, USA, Teleefoon: 310-391-2245, Fax: 310-391-4395, www.reason.org

STOSSEL IN THE CLASSROOM
THE PALMER R. CHITESTER FUND, 9008 Main Place, Suite # 3, McKean, PA, 16426 Teleefoon: 888-242-0563; Fax: 814-476-1283, www. prcfund.org/stossel/

Buuggaagta habboon in aad akhrisid
Bastiat, Frederic, The Law
Burris, Alan, A liberty Primer
Friedman, David, The Machinery of Freedom
Friedman, Milton & Rose, Free to Choose
Grant, R. W., The Incredible Bread Machine
Hazlitt, Henry, Economics in One Lesson
Rand, Ayn, Atlas Shrugged
Rothbard, Murray, For a New Liberty
Ruwart, Mary, Healing our World
Tennehill, Linda & Morris, The Market for Liberty
Thoreau, Henry David, On the Duty of Civil Disobedience

Wixii faahfaahin dheeraad ah ee nuqulyo kale, la xiriir:
Small Business Hawaii, Hawaii Kai Corporate Plaza, 6600 Kalanianaole Hwy., Suite 212, Honolulu, Hawaii, 96825 Teleefoon: 808-396-1724, Fax: 808-396-1726, sbh@lava.net www.smallbusinesshawaii.org

Mahadcelinta Turjumaha

Waxaan mahad gaar ah u celinayaa qoraaga buuggan, Ken Schoolland oo ogo- laaday in buuggan loo tarjumo af-Soomaali. Sidoo kale waxaa mahadcelin iga mudan Cabdifataax Saciid Ismaaciil oo akhriyay tuduc kasta oo buuggani ka kooban yahay, tallooyin wax ku ool ahna ka bixiyay iyo isagoo maqaal uu si huffan ugu soo koobaya akhristaha cilmiga siyaasadda iyo aqoonta dhaqaalaha ee buuggani xambaarsan yahay. Cabdifataax Saciid Ismaaciil waa aqoonyahan aqoon dheer u leh cilmiga siyaasadda.
Buuggan waxaa laga soo tarjumay luuqadda af Ingiriiska. Magacyada uu qoraagu isticmaalay waxay ahaayeen kuwo ku salaysan magacyo af Ingiriis ah. Magacyadaas oo dhan waxaan u bedelay magacyada ay la baxaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool Soomaaliya, Kiinya, Itoobiya, iyo Jabuuti. Maga- cyadaasi qaarkood asal ahaan waxay ka soo jeedaan magacyada Carabtu la baxdo iyo kuwo asal ahaan u gaar ah dadka Soomaaliyeed. Halkaan waxaan ku soo koobayaa magacyaddii qoraagu uu horay u isticmaalay iyo kuwa hadda aan u bedelay.
Buuggan magaciisa af-Ingiriisiga ah waa The Adventures of Jonathan Gullible: A Free Market Odyssey. Buuggan magaciisa af-Soomaaliga ahi waa Halgankii Yoonis Maskiin: Taxanihii Suuqa Madax Bannaan. Hoos waxaan ku soo koobayaa magacyada uu isticmaalay qoraagu iyo kuwo aan anigu u bedelay:

Af Ingiriis – Af Soomaali
Jonathan Gullible – Yoonis Maskiin
Lady Tweed – Marwo Ashkira
Wilhem – Faarax
Hilda – Dhaqan
Jack – Jaamac
Carlo Ponzi – Cali Bucur
Alan – Caamir
Louise – Ladan
Julia Pavlov – Faroow Macalin
Joe – Madaxeey
Ins – Filsan
Boonzi – Wadacas
Arthur Hatch – Sooyaan Geedi
Charlie – Muuse
Paul – Fanax
Carlo – Liibaan
Boobie – Xuseen
Mary Jane – Firdoos Cali
rl (the Terrible Tiger) – Kuuloow
Marlow – Adag

Sonny – Daahir
Steredore – Xoogsade
Corrumpo – Booliqaran
Phil – Axmed yare
Phoeba Simon – Deeqa Ciise
Miss Simon – Marwo Deeqa
Jiyo – Warsame
Shar – Warsan
El Saddamadore – Jasiiradda Xaasidka
George – Ibraahim
Seldon – Warbadanle
Dr. Abigail Flexner – Dr. Xaawo Geedi
Lady Whitmore – Marwo Maryan
Annie – Aragsan
Sherriff of Nottingham – Duqa Amni-ilaalinta ee Wad
Rita – Cawo
Hubert – Qafaar
Gompers – Birtun
Isle of Nie – Ceel Macaan
Uncle Sam – Adeer Samta
Xmas – Ciid weyn
Eliihu Root – Tixsi san ka taabte

Faysal Axmed Xasan.
Tarjumaha buugga. Halgankii Yoonis Maskiin: Taxanihii Suuqa Madax Ban- naan.

Faallo ka Bixin

Qoraa Faysal Axmed Xasan, oo deggan magaalada Toronto ee dalka Canada, waxaa uu si huffan oo cajiib ah ugu tarjumay afka Soomaaliga buugga caanka ah ee la yiraahdo The Adventures of Jonathon Gullible: A Free Market Odyssey
– qorayna professor Ken Schoolland oo wax ka bara Jaamacadda Hawaii Pacific University. Nuxurka sheekaxariirta buugga oo ah mid ku saleeysan sheekooyin goo-goos ah oo dacaayadeeynaysa siyaasadaha iyo hab-dhaqameedka dowladeed ee faragelinta ku haya suuqyada ganacsiga-xorta-ah. Haddaba, sida ay ila tahay, ujeeddada buuggan uu u tarjumay qoraa Faysal waxa ay tahay in uu ku dhiirageliyo ama baro dhallinyarada Soomaaliyeed “fikradaha xorta ah”, ideas of liberty – siiba gaar ahaan dhallinyarada doonaysa in ay noqdaan ganacsato ama siyaasiyiin. Sheekada buuggan oo lagu tarjumay in ka badan shan iyo labaatan afaf, Faysal waxaa uu si cad oo aan mugdi ku jirin ugu tarjumay af Soomaali dhacdooyinka goos-gooska ee buugga, kuwaasoo badankoodu yihiin kuwa ifinaya waxyaabaha faraha badan ee aan sida dhabta ah loo fulin karin
– sida caydha (welfare) iyo waxbarasho lacag la’aan ah (public education).
Xudunta sheekada buugga waa mid si sahlan loo dejiyay: nin dhallinyaro ah oo la yiraahdo Yoonis Maskiin oo doon yari ku shiraacayo ayaa duufaan xooggan ku tuureysa, isaga iyo doontiisaba, jasiirad uu la yaabay oo la yi- raahdo Booliqaran. Yoonis Maskiin waxa uu halkaasi kula kulmayaa dad ay u taliso dowlad awood sheegasho badan oo faragelin iyo xukumid ku haysa nolol maalmeedka dadka, ha ahaato canshuur qaadid iyo dejin sharciyo maandhaaf lehba. Waxyaabaha uu ka bartay Yoonis Jasiiraddan yaabka leh waxaa ka mid hantiwaaag-ku-sheegga ay dowladda sharciyaysay oo runtii carqalad ku ah kobcinta wax soo saarka dadka. Dowlad-ku-amartaaglaynta noocan ahi waa mid ay dadka Soomaaliyeed ay yaqaaniin oo ay haddaba haysato. Sidaa darteed, waxaan ku guubaabinayaa in akhristayaasha Soomaaliyeed, yar iyo weynba, in ay akhristaan buuggan maaweelada iyo wacyi gelinta badan.
Cabdifataax Saciid Ismaaciil, waa aqoonyahan aqoon dheer u leh Cilmiga Siyaasadda. Toronto, Kanada.

Mahadcelin

Waxaan u mahad naqayaa intan hoos ku qoran deeqdooddii ay u fidiyeen mashruucan: Sam Slom iyo Ganacsatada yar yar ee Hawaii sida ay daaba- caadan uga dhigeen mid dhamaystiran. Flora Ling, faalladiii ay ka bixisay habka uu buuggu u qoran yahay iyo guud ahaan sida sheekadan loo soo band- higay. Lucile Schoolland, Nicolai heering, Fred James, Harry Harrison, Scott Kishimori, iyo Stuart Hayashi sidii qiimaha wacnayd ee ay faallada uga bixiy- een buuggan. David Friedman iyo Tiffany Catalfano farshaxankoodii aadka u wacnaa, ahaana kii ugu horeeyay. Orlando Valdez waxa uu diyaariyay taageero farshaxanadeed iyo habka loo daabacay. Gerhard “Geo” Olsson waxa uu ku deeqay fikrado faro badan oo bud-dhig u ahaa falsafadda buuggan xambaarsan tahay iyo isagoo buuggan baray Milton Friedman. Vince Miller iyo Jim Elwood xayeeysiintoodii buuggan adduunka intiisa kale; Louk Jongen, Louise Van Gils, Reg Jacklin, Pelle Jensen, Jeff Mallan, iyo dhamaantood kooxda HPU SIFE xayeeysiintoodii buugga ay ugu sameeyeen shabakada Internetka.
Hubert & Rita Jongen, Wimmie Albada, iyo Ton Haggenburg daabacaadoo- dii af-Dhajka. Dmitrii Costygin iyo William Milonoff daabacaadoodii koowaad ee af-Ruushka iyo Kenneth DeGraaf iyo Elena Mamontova waxay suurta geliy- een daabacaadii ugu dambaysay. Linda Tjelta, Jon Henrik Gilhus, iyo Bent Johan Mosfjell waxay suurta geliyeen daabacaadii af-Noorwiijiyaanka. Vir- gis Daukas waxa uu suurta geliyay daabacaadii af-Luutiniiniyaanka iyo isa- goo casharadiisa af-Ingiriiska u isticmaala buugga, iyadoo ay ku taageeraan Monika Lukasiewicz iyo Stephen Brownie. Tomislav Krsmanovic daabacaadi- hii afafka Seerbiyaanka, Masedooniyaanka, Koroweeshiyaanka, Isloofiyaanka, Albaaniyaanka, iyo Roomaano. Trifun Dimic waxa uu tarjumay, daabacayna af-Roomaanka. Valentina Buxar iyo Cris Comanescu waxay tarjumeen daaba- caadii af-Roomaaniyaanka. Valdis Bluzma waxa uu daabacay af-Laatfiiniyaanka Wilson Ling iyo Carlos Fernando Souto daabacaadoodii af-Boortigiiska. Toshio Murata, Yoko Otsuji, Toyoko Nishimura, Mariko Nakatani, Kayoko Shimpo, iyo Hiroko Takahashi waxay suurta geliyeen tarjumidii iyo daabacaadii af- Jabaaniiska, waxaana daabacday shirkada Nippon Hyoron Sha. Alex Heil ayaa u tarjumay af-Jarmal iyo iyadoo Stefen Kopp uu daabacay daabacaadii af- Jarmalka. Jonas Ekebom, Carl Hennigsson, Christer Olsson, iyo Mats Hinze dhamaantood waxay ka shaqeeyeen tarjumaadii af-Swiidishka iyo iyadoo John- Henri uu diyaariyay daabacaad lagu daabacay shabakad Internetka. Jan Jacek Szymona, Jacek Sierpinski, iyo Andrzej Zwawa daabacaadiisii af-Boolishka. Andras Szijjarto daabacaadiisii af-Hangaariyaanka. Judy Nagy tarjumaadeedii iyo daabacaadeedii af-Isbaanishka. Joy-Shan Lam waxa uu suurta geliyay daabacaadii Wargayska Hong Kong Economic Journal. Zef Preci, Kozeta Cuadari, iyo Auron Pasha soo saaristeedii af-Albaaniyaanka. Christina Sakaziro Posegate iyo Winston Posegate soo saaristoodii Baluuniyaanka. K-mee Jung waxa uu tarjumayaa af-Kuuriyaanka. Barun Mitra waxa uu u tarjumay af- Bengaaliga. Loiuse Zizka waxay u tarjuntay af-Faransiis iyo taageeridii Patrick
Trepanier iyo Jacques De Guenin waxay baadigoob ugu jiraan daabacad. Aldo Canovari soo saaristiisii af-Talyaaniga. Josef Sima iyo Radovan Kacin waxay suurta geliyeen daabacaadii af-Jeeka. Faysal Xasan waxa uu u tarjumay af- Soomaali. Andy Nousen waxa uu diyaariyay daabacaadii Esberaanto. Nellie Manova wuxuu diyaariyay daabacaadii af-Bulgaariyaanka. Seig Pedde wuxuu soo saaray CD af-Bulgaariyaan ah.
Dad aad u faro badan ayaa ka shaqaynaya daabacaadyo lagu daabacayo luuqado kale gedisan kuwaas waxaa ka mid ah: Susan Wells, Cindy iyo Mike Powell, Vanja Dejong, iyo Tracy Ryan. Doug Thorburn, Danute, Venta, & Vy- tas Baraukas, Lane Yoder, Dick Rowland, iyo dadkii faraha badan ee dhaqaalo badan ugu deeqay iyo kafiil noqoshadoodii lacageed ee daabacaadii Caalamka. Taageero kalena waxaa mashruucan qayb weyn ka qaatay: Mark Adamo, Michael Beasley, Glenn Boyer, Charles Branz, Rodger Cosgrove, John Dalhoff, Jean Frissell, Henry Haller III, Thomas Hanlin III, Frank Heemstra, David Hoesly, Douglas Hoiles, Paul Lundberg, Jim Mcintosh, Denise iyo William Murley, Roger Norris, Richard Rieman, Jim Rongstad, David Stiegelman, Rudy Tietze, Howard Thomson, Susan Wells, iyo Louise Ziska. Dale Pratt dhiirigelintiisii ugu horayntii aan ka sii daayay Idaacadda; Lane Yoder, Nat Mandel, Bruce Hobbs tallo bixintoodii iyo taageeridoodii. Rock Johnson, Jim & Vy Atchison, Derrick Hatami, Fred James, David Cummings, Robert Sator, iyo Khaasatan Fran Slom faallooyinkoodii iyo caawimaaddii soo saaridnimo; Adam Smith, Fredric Bastiat, Milton, Rose, & David Friedman, Ayn Rand, Duncan Scott, Dick Randolph, Henry David Thorean, Murray Rothbard, Lysander Spooner, Fyodor Dostoyevsky, George Orwell, Jonathan Swift, Lao Tzu, iyo Magacyada daahan ee xafiiska wareegtooyinka, kuwaasoo ay ka yimaadeen fikradaha in- tooda badan, dhaliyayna buuggan, oo ku salaysan sheeko aan dhab ahayn; Iyo dhiirigelintii qoyskayga iyo horumarinta shaqsiyadayda iyo qiimaynta falsafa- dayda – khaasatan hooyadeey taageerada aan kala go’ lahayn ee ay ii gaysatay. Ugu dambayntii xaaskayga Li, aad baan ugu mahadnaqayaa sidii dulqaadka la¬hayd, faallo ka bixinteedii, iyo taageeradeedii farsomada la xiriir tahay oo ay ii fidisay wakhtigii iigu dhibka badnaa.
Ken Schoolland. Qoraaga buugga. Halgankii Yoonis Maskiin: Taxanihii Suuqa Madax Bannaan.

Su’aalaha Tuducyada

2. Dhib Abuurayaal
Waa maxay sababta loo shaqeeyo? Ma wanaagsan tahay mise waa ay xun tahay in qalabka wax soo saarka sahla oo kor u qaada wax soo saarka shaqada, ay shaqaalahu ku lumiyaan shaqooyinkooda? Maxaa u sabab ah? Yaa ay saamaysaa? Sidee bay dadku uga hor yimaadaan arrimaha noocan oo kale? Sidee baa loo joojin karaa wax cusub soo saaridda oo ay keento in ay shaqaaluhu ay ku lumin karaan shaqooyinkooda? Waa maxay tusaalaha noocan oo kale misna ay shaqaaluhu ku lumin karaan shaqooyinkooda? Maxaa kaa reebaya in aad isticmaashid xoog?
3. Shamacyo iyo Koodhadh
Ma wanaagsan tahay mise waa ay xun tahay in dadku ay ka helaan nal iyo dab bilaash ah qorraxda? Yaa ka soo horjeeda? Miyeey la mid tahay tan laga soo horjeedo midda lagu doonayo in dibadda lagaga keeno iyadoo iib lagu doonayo? Maxay dadku uga soo horjeedaan in dibadda laga keeno? Sidee bay dadku ku joojin karaan alaabta dibadda laga keeno ee lagu keeno wadanka lacag aad u jaban? Tusaale ka bixi? Maxaa kaa reebaya in aad shaqaalahaaga oo dhan aad ku bedeshid qalabka cusub oo kor u qaadaya wax soo saarkaaga?
4. Askarta Cuntada
Maxaa beeraleeyda qaar lacag loogu siiyaa in aysan waxba beerin? Maxaa ku dhaca qiimaha raashinka iyo helistiisa dadku ay ku helaan raashinka? Baahi intee le’eg ayaa abuurmi karta? Tusaale dhab ah ka bixi arrintan oo kale? Maxaa kaa reebaya in aad isticmaashid xoog?
5. Sheeko Kalluun Oon Caadi Ahayn
Sidee bay dadku ula dhaqmaan waxa dadka ka wada dhexeeya? Yaa iska leh harada iyo kalluunka? Sidee bay xaaladda kalluumaystuhu isu bedeli lahayd haddii uu iska leeyahay harada? Yaa ka faa’iidaysta waxa la wada leeyahay? Tusaale ka bixi? Maxaa kaa reebaya in aad isticmaashid keligaa waxa la wada leeyahay?
6. Marka Aqalku Uusan Ahayn Hooy
Waa maxay dhibaatada ay leedahay lahaanshaha ka heer sarreeya tan dadka intiisa kale ama uu qof leeyahay? Haddii madaxdu ay isticmaali karto, xukumi karto, qaadan karto, ama ay burburin karaan aqal uu qof kale uu dhistay,
haddana kumaa run ahaantii iska leh aqalkaas? Hantidu la canshuurayo ma waxay la mid tahay aqal la kiraysanayo? Tusaale ka bixi?
7. Labadii Carwo Ee Xayawaanka
Ma habboon tahay in dadka lagu khasmo in ay bixin lacag si ay u booqdaan carwada? Sabab noocee ah ayuu qofku u bixin karin lacagtaas? Maxaa ku dhici kara dadka diida in ay bixiyaan canshuurta lacagtaas? Sidee bay wax yeeli karaan? Tusaale ka bixi?
8. Shaqaysanayaa Lacag
Ma wanaagsan tahay mise waa ay xun tahay in la daabacdo lacag? Kuma ayaa go’aamiya in lacag la daabaco? Sidee bay dadka u saamaysaa? Marka la is barbar dhigo lacagta been abuurka ah ee dadka qaarkii ay samaystaan iyo tan dawladu daabacdo ee saxda ah maxaa u dhexeeya labadan, maxaase lagu kala garan karaan? Yaa ka mas’uul ah kororka maciishada? Tusaale ka bixi?
9. Mashiinkii Riyada
Yeey riyadiisu noqotaa dhab? Maxaase u sabab ah? Dawladaha soo koroya haddii ay kor u qaadaan mushahaarada shaqaalahooda yaa kale oo ay arrin tani caawini kartaa? Maxaa bedeli kara tartanka furan? Maxaa loola jeedaa “ma jiraan wax bilaash ah, xitaa haddii ay ahaan lahayd qado bilaash ah”?
10. Iibinta Awoodda
Laaluush qaadashadu ma sharci baa mise waa sharci darro? Siyaasiyiintu laalu- ushka miyeey qaadan karaan mise waa la siin karaa? Waa maxay dhibaatada ay leedahay laaluush qaadashadu? Sidee baa Golaha daynteeda u saamaysaa jiilasha soo koraya “nacnac laga qaatay ilmo yar”? Tusaale ka bixi?
11. Hadhacaan Rayiislayaasha Kulmista ah
Maxaa loola jeedaa “dambiyada sii kordhaya”? Maxaa ku dhici kara qofka diida in la xiro? Sidee bay u saamaysaa sharciyada xirfadleeyda loogu oggolaado shaqaalaha in ay ku helaan warqada shaqada? Sharcigu ma reebayaa mise waa taageeraa in hal shirkad ay suuqa keligeed iska maamulato? Ma sharcigaa diidan mise waa oggol yahay arrintan oo kale? Maxaa u sabab ah? Tusaale ka bixi?
12. Dagaaladii Maktabadaha
Sidee bay ku noqon kartaa xulashada buugaagtu dacaayad ama faafreeb? Ma habboon tahay in dadka lagu khasbo in ay bixiyaan lacagta buugaagta aysan jeclayn? Maktabaduhu ma jiri karaan taageero dawladeed la’aantood? Maxay ku kala duwan yihiin wax qabadka ay dawladu iyo kuwo maktabaha dadku leeyihiin u gaystaan maktabadaha?
13. Waxba Ma’ahan
Dhibaato intee le’eg ayaa ka imman karta marka farshaxanka ay dawladu dhaqaale u gaysato iyadoo isticmaalaysa canshuurta dadka? Xulashada far- shaxanka ma arrimo khusaysa dadka bulshada ugu aqoonta badan miyaa? Madaxdu ma noqon karaan kuwo ulajeeddo wanaagsan leh marka ay dhaqaale siinayaan kooxaha farshaxanka ku shaqaysta? Farshaxanka, fanka, iyo suu- gaan dhaqameedku ma jiri karaan haddii aysan dawladdu taageero u gaysan; taageero aysan ka helayn lacagta canshuurta shicibku ay bixiyaan? Sidee bay u saamaysaa shicibka marka taageero loo gaysto? Tusaale ka bixi? Arrimo noocma ah ayaa halkan ka jiri kara?
14. Danta Gaarka ah
Ciyaaryahanada oo dhami ma guulaystaan? Maxay u wada faraxsan yihiin dadka wax iibiya? Dadku ma ku khasban yihiin in ay taageeraan xafladaha noocan oo kale? Sidee baa arrimaha siyaasadda la xiriira loola barbardhigi karaa tan ciyaarta? Tusaale ka bixi?
15. Adeer Samta
Adeer Samta dib ma u soo celiyaa inta uu qaato in le’eg? Maxay dadku u caban waayaan marka uu ka qaadanayo aqalladooda? Maxay madaxdu u maamulaan dabaaldega sannadeedka diiniga ah? Sidee bay dabaaldega sannadeedka diiniga ahi u saamaysaa shicibka? Tusaale ka bixi?
16. Diin iyo Bakayle Dib loo booqday
Maxay ku kala duwan yihiin ka ganacsiga warqada dawladdu ay maamusho iyo tan ganacsatadu ay gaarka u maamulaan? Yaa si gaarka uga faa’iida marka shirkad keligeed ay gacanta ku dhigto ka ganacsiga warqadaha dadku isu di- raan? Xakamaynta warqado isu dirka shicibka dhexdiisa miyeey suurta gelisaa in la xakameeyo mawaadiniinta? Tusaale ka bixi?
17. Guddiga Dheefshiidka
Macmiileeydu ma ku faraxsan yihiin makhaayadaha siyaasadda? Yaa go’aamiya raashinka lagu kariyo? Dadka maamula iyo kuwa ka shaqeeya si fiican ma loola dhaqmaa? Maxaa dhici lahaa haddii raashinka maskaxdu u baahan tahay ee laga helo jasiiraddan loola dhaqmo sida raashinka calooshu u baahan tahay? Tusaale ka bixi?
18. “Waxaad Isiisaa Waxaad Soo Dhaaftay Ama Mustaqbalkaaga!”
Waa sidee noloshu, xorriyada iyo hantidu marka loo eego wakhtiga? Muxuu tuuggu uu ula mid yahay ama uu kaga duwan yahay canshuur soo uruuriyaha?
Waa maxay sababtu? Fisqi ama akhlaaqdarrada fudud iyo tan xooggan maxay ku kala duwan yihiin? Tusaale ka bixi?
19. Dawladaha iyo Suuqa Ganacsiga
Muxuu ninka lo’leeyda ihi saciisa u iibiyaa si uu u soo iibsado dibi? Maxay iskaga mid yihiin dawlada iyo ninka lo’leeyda ihi? Ma jiraan tusaale la mid ah tan oo kale? Maxaa ka imman kara isticmaalidda xoog si loo fuliyo dan? Tusaale ka bixi?
20. Xirfadda adduunka Ugu Da’da wayn
Ma jiraan wax ka dhexeeya kuwo yiraahda mustaqbalkaanu wax ka sheegnaa iyo qaar ka mid ah aqoonyahannada cilmiga dhaqaalaha? Boqolkii intee ka mid ah ayaa mustaqbalka si fiican u saadaalisa? Sidee baad ku ogaan kartaa? Aqoonyahannadu aqoontooda ma u isticmaalaan arrimo aan qiimo saas ah u lahayn bulshada?
21. Soosaaridda Kabaha Dusha Ka Xiran—Buudhka
Maxaa dadka lacag loo sii yaa? Ma si aysan waxba u soo saarin? Maqaadan lahayn shaqo aad lacag ku qaadanaysid oo aadan waxba qabanaynin? Dadkase mushahar ma siin lahayd iyagoon shaqaysan? Maqaadan lahayn lacag bilaash ah/caydh aadan waxba laguu direen? Ma jiraan tusaalooyin aad og tahay? Tusaale ka bixi?
22. Sacab Garaacayaasha
Ma aqli galbaa in lagu qiimeeyo anshaxa suubban awoodda, hantida, iyo xaq qofku uu leeyahay sacab kor loo garaacay oo la eegayo inta uu qayladiisu le’eg tahay? Ma aqli galbaa in tan lagu xulo coddeeynta tirada dadka coddeeysay? Sidee baa ugu habboon oo lagu qiimayn karaa/xuli karaa? Tusaale ka bixi?
23. Iyadoo Loo Eegayo Baahida
Wax ma iska bedelayaan dhibcaha ardaydu ay helaan haddii ardayda dhibca- hooda hooseeyo laga dhigo kuwo aad u sarraysa iyo kuwo sarraysana laga dhigi kuwo aad u hooseeysa? Qawaaniinta hab dhaqaale sidan oo kale ma noqon karaan? Dugsigu ma ka gedisan yahay nolosha dugsiga ka baxsan ee dhabta ah? Macalimiintu ma aqbalayaan in ardayda mushahar la siiyo, si ay wax u bartaan? Tusaale ka bixi?
24. Mushahaaradii Dambiilayaasha
Sabab noocma ah ayaa loo xiray dadka shaqaysanayay? Maxay tani dadka ku caawisaa ama wax u yeeshaa? Markee baysan ahayn in aan la shaqayn? Dadka iskaa wax u qabso ku shaqeeya ma jabiyaan sharciga u degsan mushaharada qofku uu saacaddii qaadan karo? Dadka halkee baa u wanaagsan ma dugsiyada ama xabsiyada mise shaqada? Tusaale ka bixi?
25. Khiyaamo ama Macaamalid
Maxaa loogu ridaa rootiga dambiisha wayn? Muxuu rootiga lagu riday dambi- ishu uu u sii dhammaanayaa? Xal noocee ah ayaa lagaga hortagi karaa in uusan dhammaan rootiga dambiisha lagu wada riday? Xalkee baase ugu wanaagsan? Tani sidee bay u khusaysaa qof aadane ah? Tusaale wax laga baran karaa ma jiraa? Tusaale ka bixi?
26. Kuma Ayeey Ka Timid Fikraddan Aadka U Wacan?
Qof ma iska lahaan karaa isticmaalid fikir uu qofkaasi alifay? Sharciga lahaan- sha waxa qofku alifay ma suurta gelisaa in uu qofkaasi helo wuxuu soo saaray? Maxaa dabada ka wada kuwa wax alifa? Sharciga lahaansha waxa qofku uu alifay dhibaato miyeey hor dhigtaa wax cusub soo saaridda ama xorriyada? Sharciga lahaanshaha waxa qofku uu alifay la’aantiis sidee bay isu bedeli karaa dabeecadoodu?
27. Cakis ah
Dadku ma kuwo wax la yeelay baa? Yaa wax yeelay? Maxaase lagu sameeyay? Sharcigu ma mid is burinayaa marka arrintan loo eego? Sababtu waa maxay? Waa maxay farqiga u dhexeeya waxa aan la oggolayn qofku in uu sameeyo iyo kan sharciga kaba baxsan? Tusaale ka bixi?
28. Faraxsan
Ma suurta gal baa in la sameeyo arrimo caafimaadka wax u dhimaya ama leh khatar dheeraad ah? Ma habboon tahay in dadku ay bixiyaan lacag khal- adaadka ay ka galaan dadka kale? Markee bay dadku wax bartaan, ama aysan waxba ka baran khaladaadkooda? Madaxdu ma yihiin kuwo ka aqli badan dadka ay xukumaan? Tusaale ka bixi?
29. Baadigoobkii Weynaa
Waa maxay mas’uuliyaddu? Dadku ma doonayaan mas’uuliyad? Dadku ma doonayaan madax u gaarta go’aamadooda? Kala xulashadu/dookhu muhiim ma yahay in uu ahaado mid samaan? Wanaagu ma yahay muhiim? Maxaa u sabab ah? Tusaale ka bixi?
30. Sharciyada Feeryahannada Guuldaraysta
Haddii dadka aan dambi lahayn looga baahdo in ay wixii dhib ah ee ku dhaca ay lacag ka bixiyaan, tani sidee bay dabeecadooda wax uga bedeli kartaa? Maxaa dadka ku dhiiri gelin kara in ay dhibkaas oo dhan u maraan in ay la tartamaan dadka kale? Ma tahay mid muhiim ah? Goorma ayaa la oggol
yahay khamaarka, markeese ayaan la oggolayn khamaarka in aan la ciyaarin? Sababtuna maxay tahay? Tusaale ka bixi?
31. Aaminsan
Maxay dadku ugu codeeyaan musharaxii horay ugu guulaystay? Siyaasiintu ma yihiin kuwo la aamini karo? Xaq ma u leeyahay qofi in uu cawdo maadaama uusanba codeeynba? Xiriir ma ka dhexeeyaa haweeneey ninkeedu ku xadgudbo iyo cod bixiye siyaasigiisu ku xadgudbo? Arrimo noocee ah ayaa halkan ka jiri kara? Tusaale ka bixi?
32. Canshuuriddii Dhererka
Ma habboon tahay in canshuur loo isticmaalo sida wax looga bedeli lahaa dabeecadda dadka? Dadku noloshooda wax ma ku kordhisaa haddii canshuurta laga dhimo? Madaxdu ma ka aqli badan yihiin, mana ka anshax wanaagsan yihiin dadka u codeeya? Ma waxay tahay wax aan xaq ahayn in la canshuuro dadka dhaadheer? Tusaale ka bixi?
33. Soo Galootiga Cusub
Mas’uul miyeey ka yihiin waardiyayaasha ilaaliya xuduudda in la celiyo soo galootiga cusub? Maxay ku kala gedisan yihiin soo galootiga cusub iyo soo galootiga cusub ee hor leh? Sababtu maxay tahay? Ma habboon tahay in dhallinyarada da’da yar laga dhigo askar? Tusaale ka bixi?
34. Dacwo Maxkamadeed
Waa maxay mas’uuliyadda ku saaran? Ma wax wanaagsan baa in la xakameeyo mas’uuliyadda qofka saaran? Sidee bay dabeecaddu isu bedeshaa haddii aan wax laga bedelin mas’uuliyadda qofka saaran? Waa maxay danta guud, yaase go’aamiya? Shacabka danta guud ma u xumaan kartaa? Tusaale ka bixi?
35. Mabaadii
Yaa iska leh naftaada? Muhiim ma tahay cidda go’aankeeda iska leh, mise dhakhtarbaa go’aankeeda leh? Waa maxay farqiga u dhexeeya shahaado iyo warqad ku shaqaysi? Suuqa madax bannaan ee uu tartanku ka jiro qiimo ma u leeyahay xirfad cilmiga caafimaadka? Tusaale ka bixi?
36. Aqallada Hortooda
Sidee bay dad kala gedisan u saamaysaa sharciyada aqallada kirada lagu xakameeyo, sharciga lagu dhisi karo aqallo cusub iyo meesha laga dhisi karayo? Sidee buu suuqu wax u yeelaa ama uga faa’iideeyaa ganacsiga wanaagsan iyo kan xun? Sideese wax uga bedelaan sharciga lagu xakamaynayo kirada aqallada? Tusaale ka bixi? Arrimahani sidee bay dhaqaalaha wax ugu gaystaan?
37. Qawleysatada Dimoqraadiyadda
Ma wanaagsan tahay in qofi qof kale wixiisa uu xoog kaga qaato? Ma habboon tahay in dadka badani ee awoodda lehi ay dadka tirada yar ay waxooda xoog kaga qaataan? Waa maxay waxa dadka badani loo oggol yahay in ay sameeyaan oo aan loo oggoleen qof keligiis? Maxaa sababa in ay siyaasadu isu bedesho mudaharaad? Tusaale ka bixi? Arrimo noocma ah ayaa jiri kara?
38. Shimbir cunis badan, Dawarsadayaal, Ragga wax khiyaameeya, iyo Boqorrada
Summad ceenkee ah bay dadka kuwani u yeelaan karaan: Shimbir cunis badan, dawarsadayaal, ragga wax khiyaameeya, ama boqorrada? Shaqo noocma ah ay- eey qabtaan? Ma habboon tahay in dadka iyo dawladda isku si loola dhaqmo?
39. Iftiinka Xorriyada
Ma suurta gal baa misa waa habboon tahay in bulshadu ay ahaato mid ka xor ah dagaal, xoog iyo khiyaamo? Ma suuroobi kartaa in la gaaro sinnaan ka dhexaysa dadkoo dhan? Waa maxay habka bulsho xor ihi ay horumarka ku gaaraan? Wax alle iyo waxaad doonto ma waxaad ku raadinaysaa xoog? Tusaale ka bixi? Arrimo noocma ah ayaa halkan ka jiri kara?

Gunaanad

Falsafadda buuggani ku salaysan tahay waa mabaadiida hanti yee- lashada. Adiga ayaa ka mas’uul ah naftaada. In mas’uuliyaddaada shaqsiyadeed laguu diido waxay ka dhigan tahay iyadoo la yiraahdo qof kale ayaa awood gaar ahaaneed ku leh naftaada oo kaba sarreeya taada shaqsiyanka ah. Cidkalena ama koox lehi naftaada ma jirto, sidoo kalena ma lehid nolosha dadka kale.
Waxa aad jirtaa waa wakhti: mid soo socda, taagan, iyo la soo dhaafay. Tanni waxay tusaale u tahay nolosha, xorriyada, iyo wax soo saarka noloshaada iyo xornimadaada. In aad lumisid noloshaada waxay la mid tahay adigoo lumiya mustaqbalkaaga. In aad lumisid xorriyadaada waxay la mid tahay adigoo lumiya jiritaankaaga. Sidoo kale, in aad lumisid wax soo saarkaaga noloshaada iyo xorriyadaada waxay la mid tahay adigoo lumiya wixii aad horay u shaqaysatay.
Wax soo saarka noloshaada iyo xorriyadaada waa hantidaada. Hantidaadu waa miraha shaqadaada, wax soo saarkaaga aad gelisay wakhtigaaga, xoog- gaaga, iyo aqoontaada. Waa taas tan aad si fiican aad u isticmaashay. Waana hantida dadka kale oo lagugu siiyay iskaashi iyo istixgelin. Labo qof oo han- tidooda isku dhaafsada si iskaashinimo iyo tixgelinimo ay ku dheehan tahay. Labadoodubana faa’iideey ka helaan haddii kale ma ay sameeyeen wax isdhaaf- sigoodaas. Iyaga uun baana go’aankaas gaari kara, oo geli kara wixii heshiis ah ee labadooda dhexmari kara.
Mararka qaarkood dadka qaar baa isticmaala xoog ama khiyaamo ay ku qaataan hantida dadka kale iyagoo aan raalli ka ahayn oo aynaan ku heshi- inin. Abaabulka xoog nafta lagu qaado waa dil, in lagaa qaado xorriyadaada waa adigoo lagu adoonsado, iyo sidoo kalena in lagaa qaato hantidaadana waa adigoo lagu xaday. Waana isku mid haddii uu sameeyo qof keligiis, iyo haddii ay sameeyaan koox ka soo horjeeda dad tiro yar amaba xitaa haddii madaxda wax xukunta ay sameeyaan.
Waxaad xaq u leedahay in aad badbaadisid naftaada, xorriyadaada, iyo in aad ka difaacdid hantidaada kuwa doonaya in ay xoog kaaga qaataan. Waadna waydiisan kartaa dadka kale in ay macaawino kuu fidiyaan si aad isku difaac- did. Laakiin xaq uma lihid in aad adigu xoog isticmaalid aad biloowdid oo waxyeeshid nolosha, xorriyada, ama hantida dadk kale. Sidoo kalena, xaq uma lihid in aad cid kale aad wakiilatid si ay dagaal ugu qaadaan dad kale.
Waxaad xaq u leedahay in aad dooratid madaxdaada ku hoggaamin lahayd, laakiin xaq uma lihid in aad dadka kale ku khasabtid dadkii xukumi lahaa. Si kasta oo madaxda lagu xusho ha ahaatee, waa uun aadane aan xaq u lahayn ama aan ku andacoon karin ka sarrayn ay kaga sareeyaan dadka intiisa kale. Si kasta oo isku dayaan in ay isticmaalaan magacyo ama tiro dad oo ku taageersan. Sinnama madaxdu uma dili karaan cidna, ma adoonsan karaan qofna, ama waxba ma xadi karaan. Mana siin kartid xuquuq aadan adigu aadan haysanin.
Maadaama aad ka mas’uul tahay naftaada, adiga ayaa mas’uuliyaddeedu
ku saaran tahay. Kama aadan kirayn naftaada dadka kale, kuwaasoo kaa dal- bada mudeecnimo. Sinnama uguma tihid adoon dadka kale ee kaa dalbada in aad naftaada u hurtid. Adiga ayaa go’aansada qorshoyaashaada kuwaasoo ku salaysan fikirkaaga. Guusha iyo guuldarradu waa wax loo baahan yahay oo wax laga barto, lagana helo waayoaragnimo. Ficilkaaga aad ku samaysid adigoo ka wakiil ah dad kale, ama ficilkooda ay adiga awgaa ku samaynayaan, waxa keliya ay sax noqon karaan marka ay timaaddo iskaashi iyo istixgelin. Samaan ama dhaqan suubban waxa keliya oo uu jiri karaa marka qof uu xor yahay go’aankiisana uu isagu uu gaari karo.
Tanina waa buddhiga bulsho xor ah. Mana aha tan keliya ay suurta gal ka dhigi karta aasaaska ficilka insaaninimo, waase ta keliya ee habboon.
Dhibaatooyinka adduunka ka jira ee ku bilaabma xoog dawladeed, waxay leeyihiin xal. Xalkuna waa in dadka adduunka ku nooli ay waydiistaan dawlada- hooda in ay joojiyaan xoogga ay isticmaalayaan. Xumaato kama bilaabato uun dadka xun, laakiin sidoo kale waxay ka bilaabmataa dadka wanaagsan oo u dulqaata in la isticmaalo xoog oo loo isticmaalo in lagu gaaro dan. Sidaa daraadeed, dad wanaagsan ayaa awood balaadhan siiyay dad xun intii ay taari- ikhda adduunkani uu jiray.
Kalsoonida loo hayo bulsho xor ihi waa xoog saarid la saarayo habka wax loo soo saaro ee lagu keeno suuqa madax bannaan taasoo u baahan in culays la saaro qiimaynta suuqa loo hayo, oo aan la fiirinayn wax lagu soo xakameeyay suuqa. In la isticmaalo xoog dawladeed oo la dulsaaro suuqa waa aragti wadata caajisnimo, waxayna keentaa wax aan loogu talagalin, iyo khilaaf. In la helo bulsho xor ah waxay u baahan tahay in si geesinimo leh loo fikiro, loo hadlo, waxna loo sameeyo – khaasatan marka ay fududahay in aan waxba la samayn.