Tag Archives: Warbaahinnada Dawan iyo Aamin

Cutubka 10aad

Carsaanyo markii uu quraacda soo cunay ayuu gurigiisa ka soo baxay, si uu ugu tago saaxiibkiis Qasaaye oo ay labadii maalmood ee ugu dambeeyay is- moogaayeen. Isagoo aan iridda gurigiisa dhaafin ayuu arkay dad badan oo buuxa guri aan ka fogeyn gurigiisa. Dadku waxay ku tuursanaayeen wax dhulka yaallay, qaarkoodna iyagoo ashahaadanaya ayay ka soo ordayeen meesha la buuxo.

Carsaanyo dhinacii dadka ayuu aaday, si uu bal u ogaado waxa la dul dhooban yahay, qofba mar sidii uu isaga riixayay oo uu cariiriga isugu soo maqiiqayay ayuu ugu dambayntii soo dul-joogsaday wixii la dul dhoobnaa. Markii uu sidaas u eegay ayaa uu arkay naxdin weyn ku abuureen, dabadeedna gadaal uga soo booday.

Wuxuu ka soo tallaabsaday dad dhulka jiifa, oo markii ay muuqaalka meesha yaalla arkeen is-heyn kari waayay oo suuxsan. Nafsad ahaantiisa, isagoo hunqaaco isdaba joog ah isku xijinaya ayuu meeshii ka soo tegay, wuxuuna wejiga soo aaddiyay guriga saaxiibkiis Qasaaye.

Dhabbaha intii uu ku soo jiray qeybta xusuusta iyo maskaxdiisa waxay ku soo cel- celineysay naxdintii uu soo arkay, inuu miyir daboolmo wax yar buu u soo jirsaday. Isagoo argagaxsan ayuu soo gaaray gurigii saaxiibkiis, markii uu albaabkii garaacayna waxaa ka furtay gabar yar oo uu saaxiibkiis Qasaaye dhalay.

Gudaha markii uu u galay guriga ayuu gabadhii yarayd oo garaneysay inuu Carsaanyo adeerkeed yahay waydiiyay, “aabbahaa Qasaaye ma joogaa?” Gabadhii waxay farta ugu fiiqday qol gudaha ah oo uu Qasaaye ku jiray. Intii ay isaga iyo gabadha isla hadlaayeen ayuu Qasaaye aqoonsaday codka uu maqlayo inuu yahay saaxiibkiis Carsaanyo.

“Carsaanyo soo dhaaf, codkaaga baanba gartaye,” ayuu qolka ka soo dhex yiri Qasaaye.

“Maxaa guriga kugu haya Qasaayow, anigu guri maba fadhin karo oo anigoo dibedda u soo baxay baanba is-arkaaye,” ayuu Carsaanyo yiri isagoo gudaha u sii gelaya qolkii uu saaxiibkiis uga dhex baaqay.

Qasaaye wuxuu u sheegay inuu ku qasban yahay guri joogista, waayo gabadha yar ee uu dhalay ayuu guriga ku hayaa, maadaama ay islaantiisa suuqa u shaqa tagto si ay noolol-maalmeedka ugu soo dhiciso. Carsaanyo isagoo og sababtaas darteed inuu gurijoog u noqday saaxiibkiis ayuu si xaqiijin ah u yiri, “Ilaah ka sokow, dumarka ayaa beryahan inoo wada maqan.”

Carsaanyo oo galaas biyo ah oo ay gabadhii yareyd u keentay cabbaya ayaa yiri “Qasaayow haddaad ogaan lahayd maanta waxaan soo arkay!!!” Qasaaye oo gartay inuu saaxiibkiis si u argagaxsan yahay maanta, oo uu xitaa hadalka isku dar-darayo ayaa ugu jawaabay, “maanta wayba kaa muuqataa inaad soo aragtay wax aan fiicneyn, ee bal warka i sii.”

Carsaanyo wuxuu saaxiibkiis u sheegay inay muddo 20 sano ah ku soo dhex jireen dagaallo nooc walbo leh, wax kastoo laga cabsadana ay soo mareen, laakiin ay u dhinneyd tan uu maanta soo arkay oo uusan weligiis ku fikirin. Wuxuu u sheegay saaxibkiis in uu soo arkay madaxyo dad oo jirka intiisa kale laga soo jaray, oo sidii qashinkii loogu soo qubay meel barxad ah oo guri deriskiisa ah ku ag-taalla.

Qasaaye ayaa markiiba la soo booday, “waxaas waan maqlay oo been baan u heystaye, ma adigaaba dhaayahaaga ku soo arkay?” Carsaanyo intuu fadhiga ka istaagay ayuu cod dheer ku yiri, “maxaa been ah? Anigaaba indhaheyga ku soo arkaye, oo naxdintii aan ka soo qaaday la suuxi gaaraye, weliba waxaan soo xaqiiiyay inay ahaayeen dad la yaqaanno, oo ahaa shaqaale dib u dhis ku sameynaayay guryo iyo xarumo badan oo deegaanka ku yaalla oo la dayac-tiraayay.”

Qasaaye intuu saaxiibkiis fariisiyay ayuu u sheegay in kooxahaan ay wax kasta ka suuroobaan, oo hadda ka horba ay ogaayeen inay qaraxyo kala duwan la beegsadeen haween badan oo dhowr jid oo deegaanka ah hawl nadaafadeed ka hayay.

“Annagaa yaab aragnay, arrintu gar iyo shaarbo iyo dhar la xirto way ka tagtay, oo haddana kooxahani yaan la shaqeysan bayba soo rogeen,” ayuu yiri Qasaaye. Carsaanyo oo dhidid iska tir-tiraaya ayuu ugu warceliyay saaxiibkiis, “Qasaayow waaba sidaas oo waxaa maalmahaan soo badatay baqdinta shacabka, ragguna guryaha kama soo baxo cabsi ay ka qabaan in jidka ay ku qabsadaan kooxahaas darteed.”

“Adigu dad waaweyn baabad ka hadleysaa!” intuu yiri Qasaaye ayuu saaxiibkiis uga sheekeeyay sheeko la yaab leh oo habeen saddexaad gurigiisa ka dhacday, taasoo ahayd in gabadhiisa yar ay caanaha diidday oo hooyadeedna ay ka quusatay wax kastoo ay ku sameysay, sasabaad iyo indho-gaduudis labadaba in lagu kari waayay, oo markii dambena lagu yiri, “haddaad caanaha cabbi waydo waxaan kugu yeerayaa kooxda dad qalatada ah ee hadda diinta ku andacoota,” ayay islaantu ku cabsiisay gabadhii.

Yariistii intay oysay ayay ku calaacashay inaan kooxdaas loogu yeerine ay diyaar u tahay in ay caanaha si nabadgelyo ah ku cabto.

Carsaanyo intuu qisadaas ka yaabay ayuu madaxa ruxay isagoo ku cel-celinaya “maantana ma heerkaas baynu joognaa”, wuxuu qaadan la’yahay bahalnimada kooxdan heerka ay gaartay, oo xataa carruurtii yar-yareyd in lagu seexiyo, caanahana lagu siiyo ayay marayaan, “war ninyahow kuwaan Ilaahay ha inaga qabto, wax kale oo aan sameyno garan meynee,” ayuu yiri Carsaanyo.

Intaas kaddib, ayay dhowr kaftan isa sii dhaafsadeen, waxayna si calool fiyoobi ah isugu sheegeen inay yihiin dad dulman oo u ciishoon kooxahan. Qasaaye wuxuu saaxiibkiis niyadda ugu dhisay in maalin maalmaha ka mid ah laga adkaan doono kooxahan, oo la arki doono iyagoo jidadka lagu tuuryeynayo, oo laga saarayo meel kasta.

Carsaanyo rajada uu saaxiibkiis geliyay intuu ku farxay ayuu u sheegay in haddii ay taasi dhici lahayd la yaabi lahaa midda uu dhigo. Kaftankii iyo sheekadii saacadda iyo barka u socotay intay soo afjareen ayuu Carsaanyo sheegay inuu sii baxayo.

Qasaaye wuxuu kula dardaarmay Carsaanyo inuu taxaddaro, maadaama uu yahay nin shaqeeya, maadaama hadda ay billaabatay dadka shaqeeya in qoorta laga gooyo oo si arxan darro ah loo dilo. “Maya…maya…taas ma dhaceyso, waan shaqeeyaaba la igama maqlaayo,” intuu yiri Carsaanyo ayuu macasalaameeyay saaxiibkiis, waxayna is xusuusiyeen tacsida jimcaha ee guriga Faadumo, sidaas ayayna ku kala tageen.

Xilli ay tahay 8-dii subaxnimo oo maalin Jimco ah ayaa Abuu Seef iyo saraakiil kale oo xeradooda tababar ugu wada ciidamo ay dhowr bilood leylinayeen, ayaa waxaa soo booqday Abuu Colaad. Inkastoo ay ahayd maalinnimo Jimco ah, haddana xilligaas hore loogama baran Abuu Colaad inuu soo booqdo xerada.

Abuu Seef markii uu arkay Abuu Colaad oo ku soo dhow ayuu ciidamadii ku wargeliyay inay madaxdiisii timid, kaddibna intuu ka soo dhex baxay, ayuu u sheegay inuu deg-deg ugu soo noqon doono, iyagana ay sii quraacdaan, oo marka ay quraacda ka soo laabtaanna ay hawshooda sii wataan. Dardaarankaas kooban kaddib, dhanka Abuu Colaad ayuu u jeestay oo uu salaantii caadiga ahayd ku boobay, isagoo gacantiisa midig saacad ku xirneyd tilmaamayana wuxuu u sheegay inuu saakay soo kallahay.

Dhammaan dadka ku kooxda ah Abuu Seef, waxay saacadaha ku xirtaan gacanta midig, taasoo muujineysa heerka ay ka gaareen khilaafka, waxayse ku doodaan wax kastoo wanaagsan in loogu talogalay gacanta midig.

Abuu Colaad uma muuqan inuu jawaab ka bixiyo sababta uu u soo kallahay. Intuu ciidamadii quraacda loo kala diray indhaha la raacay, ayuu isagoo dhoolla-caddeynaya yiri, “bal eeg! ad-adeyga ka muuqda ciidamadeenna, 20 jirro baad mooddaa, yaa is- oranaya kuwaan baa 14-jirro ah?”

Abuu Seef aad bay u farxad gelisay ammaantaas, waayo shaqo wanaaggiisa ayaa la tilmaamay. Intuu “maashaa Allaah” labo jeer ku cel-celiyay ayuu Abuu Colaad ku yiri “bal horta geedkaas harka wanaagsan lihi ina fariisi, goor kheyr qabta baabad noo timide”.

Markii ay sii fariisanayeen ayuu Abuu Colaad ugu horreyn waydiiyay guulaha ay ka gaareen dagaalladii ay dhowaan la galeen qolooyinka ka soo horjeeda. “Bal war fiican ii sheeg! deegaanno badan maka soo xoreyseen murtidiinta?” ayuu Abuu Colaad su’aashii koowaad u doortay.

Abuu Seef ma uusan ka been sheegi karin su’aashaasi jawaabteeda, waayo, wuxuu aaminsanaa in horumar kasta oo ay sameeyaan ciidamada ay Abuu Colaad iyo madaxda kaleba la socdaan. Wuxuu kaloo ogsoonaa inuu Abuu Colaad saakay waqti hore ugu yimid ujeeddo gaar ah. Rabashadihii iyo dagaalladii maalmihii la soo dhaafay ay sameeyeen meel kasta waa laga ogyahay in lagu soo jebiyay.

Abuu Seef isagoo hoos eegaya buu si qabow u yiri, “wax aan soo xoreynay daayoo, deegaannadeennii baaba la inoogu yimid Sheekhow,” intuu calaacalaha labadiisa gacmood ged-gediyay oo uu marba jiho u tag-taagay, ayuu si uu niyad-jab ka muuqdo u yiri, “u maleyn maayo in arrimaheennu sii socon doonaan!!!” Abuu Colaad ma uusan sugin inta uu hadalkiisa ka dhammeysto, durbadiiba wuxuu la soo booday, su’aalo uu ku imtixaamayo Abuu Seef.

“Maxaad ku hadleysaa? Xaggee baa nagala helay? Sidee bey wax u jiraan?” Ayuu si kulul u yiri Abuu Colaad.

Abuu Seef su’aal kasta iyo warbixin kasta oo laga doonayay si deggenaan ah buu ugu sheegay madaxdiisa. Abuu Colaad waxa keliya ee uu qaadan kari waayay waa markii uu Abuu Seef u sheegay in Macallin Duufiye uu baxsaday, oo uu u wareegay dhinaca murtadiinta.

Abuu Colaad aad buu u carooday, wuxuuna ku canaantay Abuu Seef in ay arrinta noocaas oo kale ah dhacdo, wuxuu ku adkeeyay in taas oo kale aysan mar dambe dhicin. “Nin annaga mar na soo raacay inuu baxsado, oo uu weliba dhinac kale ka soo jeesto, waa daciifnimo dhankeenna ah, wax la qaadan karayana ma aha,” ayuu ku xoojiyay hadalkiisa, wuxuuna si xusuusin ah u raaciyay inuu horay uga digay arrimahaas oo kale, oo uuna amar hore ku bixiyay in la khaarijiyo ruuxii looga shakiyo inuu dhanka kale damac uga jiro ama ku fekeraya inuu baxsado.

Abuu Seef wuu ka yara naxay hadalkaasi dambe isaga oo aan weli eray afkiisa ka soo yeerin, ayaa Abuu Colaad oo dareensan in hanjabaaddiisu ay si fiican u taabatay Abu Seef wuxuu niyadda ugu dhisay in wax kasta ay guul ugu dhammaan doonaan haddii ay si wanaagsan u wada shaqeeyaan. “Waqti yar baa guusha inooga haray, ee aan adkeysanno… Wabillahi Towfiiq”. Ayuu hadalkii ugu soo gunaanaday, intuu dusha ka sii dharbaaxay ayuu waddaduu ku yimid dib ugu sii carraabay.

Abuu Seef indhahiisa kama uusan weecin sii jeedka Abu Colaad ilaa uu gaaro meel uu uga muuqan waayo. Si aad ah ayey maskaxdiisa u buuqsaneyd, xal kasta uu ku fekerana ma uusan awoodin in uu ku dhaqaaqo, waayo waxaa weli dhegahiisa ka dhex guuxayey hanjabaadihii Abuu Colaad. Qaddar yar markii uu bartiisii taagnaa ayaa talo ku soo dhacday. Meesha keliya ee uu ku nasin karo maskaxdiisuna ku degi karto ayaa waxay aheyd habeenka uu u hoydo guriga min-yaradiisa, waayo iyada ayuu ugu jeclaa xaasaskiisa oo uu hoyashada u badsan jiray. Durbadiiba jihada gurigaas ayuu u soo dhaqaaqiyey.

Intii uu jidka soo socday ayuu keligiis is xasuusinayey marxaladda uu ku sugan yahay, iyo sida ay ugu adag tahay inuu uga dabbaasho. Dhowr mar ayuu jidka istaagay intii uu soo socday isagoo isla hadlaya. “Maanta ayey arrini i heysataa! Gacan ku dhiigle bay iga dhigeen. Meel aan ku baxsado la arki maayo oo goob kasta magaceygaa lagu hayaa. Yaaba yaqaan oo arka Abu Colaad iyo ragga ku darajada ah. Waa aniga ninka ay danahooda ku fushadeen. Haddii ay talo xumaato, shicibka ayaaban i nabadgelineyn oo carruur aan ka marin-habaabinay iyo kuwo dhiiggooda noola heysto bay isugu jiraan. Meel aan uga noqdana ma laha, waa wareer! Wallahi waa wareer!” ayuu Abuu Seef ku shallaynaayey markii uu arkay in uu soo gaaray guriga xaaskiisii yarayd.

Caasho ayaa sidii ay ballantu aheyd waxay subaxnimadii Jimcaha u soo kallahday guriga Faadumo, si ay uga caawinto hawlaha tacsiyeed ee maalintaas u yaallay. Waxay labadooduba isaga mid ahaayeen iyagoo ay dhowaan ilmahoodu ku naf-waayeen dagaalladii lagu marin-habaabiyey in ay qeyb ka geystaan. Midba midda kale way u aqoonsaneyd dareenka ay qabto, taas ayaana ugu wacnayd in ay si fiican isugu soo dhowaadaan.

Markii ay guriga Faadumo tagtayba marti iskama dhigine, intay dharkii ay ugu talogashay shaqada xiratay ayey dhinaceeda ka billowday hawlihii looga baahnaa. Hawshu ma aheyn mid sidaas u badan, waayo dagaallada aawadood dad badani kuma sugneyn deegaanka, teeda kale tacsidu waxay ka mid ahayd waxyaalaha aysan maamulka cusubi raalliga ka ahayn.

Laba gambar oo iska soo horjeeda bay ku kala fadhiyeen oo qudaar bay wada jar- jarayeen, si hoosena wey isaga sheekeeysanayeen. Caasho oo ka yara baqday in qudaartu yaraato ayaa ka codsatay Faadumo in ay suuqa u raadiso qudaar dheeraad ah. Faadumo ayaaba markiiba u sheegtay in dad badani aysan u sheegin tacsida, waayo maamulka cusub baaba diiday in tacsi la dhigto. “Duqeyga Abaadir iyo asaxaabtiisa oo keliya ayaa inoo imaanaya qadada. Guriga in ay tacsi ka jirto in loo fahmo ma rabo oo qof kasta wuu baqayaa,” ayey Faadumo ku qancisay Caasho.

Caasho lama aysan yaabbaneyn waxa laga baqayo, oo way iska caddeyd in haddii aan baqdin jirin aysan kooxahani u suurtowdeen xeerarka iyo sharciyada cusub oo ay mar kasta jeebabka kala soo baxaan.

Sidooda ayey shaqo iyo sheeko isula wadeen ilaa ay martidii ugu horreysay soo billaabato.

Abaadir, Carsaanyo iyo Qasaaye oo iyagu maalintaas isku meel ku tukaday salaadda Jimcaha ayaa dadka u soo horreeyey, kaddibna Hilowle, Caabbi iyo Daahir ayaa ku soo xigsaday. Intii Faadumo muhiimka u ahayd wey wada yimaaddeen. Dad kale oo aan la wicin ayaa isaga soo leexday guriga, hasa ahaatee markii ay qadeeyeenba hore u sii ambabaxeen.

Qado yar oo qof kastaahi qancisay ayey wada cuneen. Qol aan sidaasi u weyneyn laakiin iyagu ku filnaa bay ku wada jireen. Qofba qof buu la hadlaayey oo suurtagal ma aysan ahayn in lays wada maqlo. Mar keliya ayey qof kasta aamustay oo eegtay dhinaca albaabka waayo Abaadir oo halkaas fadhiyey ayaa intuu istaagay cod dheer ku yiri, ”fadlan ha la aamuso! hadal yar oo ku saabsan ujeddada aan maanta halkan isugu nimid ayaan is oran laheyn.”

Codka Abaadir ayaa la wada dhegeysanaayey. Wuxuu ugu horreyn u tacsiyeeyay Faadumo, isagoo xusay nasiib darrada ku dhacday labadeedii wiil oo iyagu naftooda ku waayey dagaal aan xaq aheyn, oo in muddo ah lagu marin-habaabinayey. Sidoo kale, Caasho ayuu iyadana uga tacsiyeeyey geerida ku timid wiilkeedii Guuleed.

Dhammaantood mid mid ayey ugu tacsiyeeyeen Faadumo iyo Caasho. Wuxuu qof kasta muujiyey sida uu uga xun yahay xasuuqa lagu hayo carruurta iyo cadaadiska degaannadoodu ay ku hayaan maamulka cusub ee fidno-wadeyaasha ah.

Si guud ahaan ayey u wada sheekeysanayeen, qaar shaah bay cabbayeen qaar kalena qaxwe. Sheekadoodu waxay si toos ah diiradda ugu saarneyd kooxaha maamulka cusub ee mashaakilaadka ku haya bulshadooda. Waxay si weyn uga doodayeen xal u helista iyo sidii ay uga hor tegi lahaayeen fidno-wadeyaasha. Waxay ku wada andacoodeen in aysan heysan hub ay isku difaacaan, waxayse ka midaysnaayeen oo ay isku raacsanaayeen in ay meel uga soo wada jeestaan qoladaas oo waalid kastaana uu carruurtiisa uga digo qatarta ay marin-habaabiyeyaashu u leeyihiin jiritaankooda. Dadka intooda badan ayaa qosol iyo maaweelo ka dhiganaayey marka uu Abaadir afka kala qaado iyadoo ay ugu wacan tahay lahjaddiisa iyo hannaanka uu warku u sheegayo. Mar keliya ayey qosol ka wareegeen mar uu yiri ”Kuwaanaa,….Kuwaanaa…., Ilaah ha naga qabto! Ummadda waa xakaariyeen! Ilaah ha xakaariyee iyaga! Guri kasta sidaan ay tacsi u taallaa oo looga ooynooyaa.”

Dhammaantood waxay qireen in fidna-wadeyaashu aysan marnaba ujeeddooyinkoodu u hirgaleen haddii ay shacabku hore u ogaan lahaayeen in xaalkoodu sidan noqon doono. Waxay ahaayeen dad la wada khiyaameeyey oo loo adeegsaday xeelado diin, siyaasad iyo xoogba isugu jiray.

Qasaaye iyo Carsaanyo ayaa hoosta ka wada xarriiqay in aysan jirin cid war u heysay ujeeddooyinka gaarka ah ee ay kooxdani wadatay.

Hilowle ayaa soo jeediyay in aan la rajo dhigin oo ay weli ka gaaraan si wax loo qabto. Caabbi iyo Daahir waxay iyaguna xuseen in loo baahan yahay isku duubni, si dadka oo dhan ay hal meel uga soo wada jeestaan mashaakilka ay fidno-wadayaashu ku hayaan.

Faadumo ayaa tilmaantay in mar haddiiba ay dhammaantood isku fikrad noqdeen oo ay is wada raaceen, ay jiri karaan in badan oo kale oo iyaguna ku fikrad ah.

Hadal ay dhammaantood ku farxeen ayaa Hilowle ka soo yeeray, “waxba ha ka baqina, waxaan maqlayay in dhowaan dhinac kale ay dagaal xooggan ku qaadi doonaan fidno- wadayaasha, lagana eryi doono dhammaan deegaannadeenna. Bal adinka markaas diyaar ahaada,” ayuu Hilowle warka ugu soo koobay.

Mar keliya ayuu qolkii ay fadhiyeen buuq noqday, qof kastana si ay qiiro ku jirto ayuu u lahaa, “diyaar waan nahay”. Carsaanyo ayaa cod dheer ku yiri, “mar uun muu dhinaca kale dagaal ku qaado fidno-wadeyaasha, iyagaanba dib dambe loo arki doonine”.
Qof kasta oo joogay madasha tacsida hadal ayuu ku ciil baxay, mid dhaha “aniga garkaan ka xiiri lahaa” iyo mid dhaha “aniga dhegta iyo carrabka ayaan ka goyn lahaa” ayay wada noqdeen.

Hilowle intuu saacadda eegay ayuu asaxaabta oo dhan wada dareensiiyay in salaaddii casir ay soo dhowaatay, “adinka diyaar uun ahaada marka fidno-wadeyaasha xoog lagu maquuniyo,” ee haddana aan salaadda casir aadno, ayuu Hilowle ku soo koobay. Waa la wada istaagay, mar kale ayaa Faadumo iyo Caasho loo wada tacsiyeeyay, looguna duceeyay in wiilashoodii uu Ilaahay samir iyo iimaan ka siiyo. Faadumo iyo Caasho oo “aamiin, aamiin” kuwada haaya ayay dadkii kale is macasalaameeyeen.

Cutubka 9aad

Galab Khamiis ah ayaa sidii caadada u ahayd Abuu Colaad wuxuu kormeer ku tegay xeradii Marin-habaabiyeyaasha. Halkaas ayuu inta badan ku soo booqan jiray Abuu Seef si uu wax uga ogaado wax alla wixii ku soo kordhay hawlahoodii iyo heerka uu maraayo tababarkii lagu dhallan-rogaayay carruurta ee ay wadeen muddooyinkii ugu dambeysay. Wuxuu markiiba goobta, xarunta dhexdeeda, kula kulmay Abuu Seef oo aanay wejigiisu ka muuqan farxaddii looga bartay. Markii ay salaantoodii caadiga ahayd is dhaafsadeen, ayuu Abuu Colaad ka wareystay sababta uusan u faraxsaneyn, oo ay wejigiisa murugada u saaran tahay.

“Ma waxaa jira dhibaatooyin la xiriira qoysaskaaga?” ayuu su’aal ugu soo koobay, isagoo si kalsooni ah u tusinaayay inuu xallin karo dhibaato kasta oo dhinacaas uga timaada.

Abuu Seef markiiba intuu madaxa ruxay ayuu u sheegay Abuu Colaad in waxaas iyo wax u dhow aysan waxba ka beddeli karin xaaladdiisa, isagoo ad-adayg iska raadinaya ayuu yiri, “ma xaas baa qiime noogu fadhiya, waa innaga sida shaarka isugu beddelannee!”, Abuu Colaad intuu dhoolla-caddeeyay ayuu haddana dib u waydiiyay sida ay wax u jiraan.

Qaddar aamusnaan ah, kaddib ayuu Abuu Seef cod gaaban ugu sheegay Abuu Colaad in hawlahoodii ay sii adkaanayaan, arrimahoodiina ay ku dhow yihiin inay fashilmaan, “dadkii naftooda iyo maalkooda diyaarka noola ahaa baaba maanta na karaahsaday, oo taageeradooda dib noogala laabtay,” ayuu yiri Abuu Seef, isagoo hoos fiirinaya.

Abuu Seef isagoo isku dayaya inuu wax badan dareensiiyo saaxiibkiis Colaad ayuu ku yiri, “Abuu Colaadow sidaas oo dhan inaan arrimaha u adkeyno ma aha, dadkeennaan kuu aqaannaaye cid khasab ku amri karta ma jirto, intay ku jecel yihiin wax waad noqon kartaa, laakiin maalinta ay ku nacaan awood waxay u leeyihiin inay ku burburiyaan. Waxaa ila quman Sheekhow waxyaabaha ay dadku nagu nacaayaan inaan joojinno, shalay waan kasbannay maantana waan kasban karnaa,” ayuu yiri Abuu Seef.

Abuu Colaad baa intuu bakooraddiisii si xoog badan ciidda u suray, ayuu si xanaaq ah oo ay weliba canaani ku jirto, ugu sheegay Abuu Seef in waxaas iyo wax la mid ah uusan ka wel-welin oo aysanna marnaba ahayn in dheg loo dhigo shacab miskiin ah, oo weliba ay awoodaan in sida ay doonaan ay ka yeeli karaan. “Ma annagaa hadda u dhutineyna taageero shacab? Ayuu yiri, “san-dulle ayaan ku yeelsiineynaa wax kasta oo aan rabno.

Maanta ma joogno xilligii aan shacabka soo jiidaneynay oo aan taageeradooda u baahneyn, xoog baan leennahay, kaas baana ku maquunineynaa shacabka”. Intaas oo hadal kulul ah markii uu Abuu Colaad isugu dubbariday ayuu intuu si fiican u eegay Abuu Seef ku yiri, “ma xal kale baad inoo heysaa?”

Abuu Seef qaddar yar ayuu su’aashaasi ka fakaray, wuuna iska ogaa inuusan xal kale jirin; waa markii ugu horreysay oo uu hadalka Abuu Colaad ka fahmo in dhexdooda ay kala dambeyn ka jirto, oo uu ugu awood sheeganayo inuu uga jago sarreeyo maamulka fidno wadayaasha ee ay ku wada midoobeen. Waxaad mooddaa inuu Abuu Seef hadda uun fahmay sida ay wax yihiin, xisaabo tiro badan ayaa madaxiisa dhex ordaayay, wuxuu is lahaa, “tolow imisa kale oo aanan weligay arkin baa kooxdeenna u madax ah? Imisa talo ayaan anigu madax u ahay? Imisa xero oo sidaan oo kale ah ayaa jira?” Meel uu uga laabto inaysan jirin ayaa u caddaatay.

Fulay xantiisa ma mooga. Abuu Seef wuxuu markiiba naftiisa ku waaniyay, “hooba naar galaasoy, tiinbooy,” waayo wuu ogaa halka ay naftiisu ku dambeyn doonto, haddii uu yareysto amarrada uga imaanaya Abuu Colaad.

Abuu Colaad oo si fiican ula socday inuu Abuu Seef isku buuqsan yahay, maba uusan ka sugin inay jawaab qayaxan afkiisa ka soo yeerto. Abuu Colaad intuu garabka soo qabtay Abuu Seef sida cunug yar oo uu dhalay oo kale ayuu ku waaniyay inuu wel- welka iska yareeyo, oo aysan marnaba jiri karin cid maanta rayid iyo ciidanba ka hor imaan karta ujeeddooyinkooda. Wuxuu niyadda ugu sii xoojiyay in shakhsi kasta oo isku dayay inuu arrimahooda curyaamiyo ay qoorta u dheerayn doonaan. “Wasalaamu Calaykum,” ayuu Abuu Colaad hadalkiisii ku soo af-jaray.

Abuu Seef wuu fahmay in warkaasi meesha ku go’an yahay oo aysan harin jawaab aan ahayn “Wacalaykuma salaam”, sidaas ayayna isku macsalaameeyeen oo ugu ballameen is arag dambe.

Talo ayaa ku caddaatay Abuu Seef. Wel-welkii uu markii hore qabay waxaa ugu darmay hadallada ad-adag ee saaxiibkiis Abuu Colaad iyo go’aankiisa qallafsan. Markii hore wuxuu Abuu Seef rumeysnaa in haddii uu u bandhigo Abuu Colaad isbeddelka shacabka iyo taageeradooda sii yaraaneysa uu la dejin doono qorsheyaal cusub oo dad kasbasho ah. Taas beddelkeeda wuxuu Abuu Seef yaqiinsaday in Abuu Colaad uu weli la soo indha-cad yahay, “aan dilno qofkii naga hor yimaada”.

Abuu Seef wuxuu dareensan yahay in sumcaddii uu ku dhex lahaa dadka ay ka gubatay markii uu Marin-habaabiyeyaasha u noqday wejigii ay meel kasta la shir tagayeen, oo albaab kasta oo ay dan ka lahaayeenna ay ku furteen wejigiisa. Waxaa kaloo uu Abuu Seef si weyn ula socdaa dhibaatada madaxiisa dad badan oo rayid ah loogu geystay, laguna dhaqan beddelay carruur badan oo laga leexiyay dhabbihii horumarka iyo wanaagga, oo laga dhigtay xaabadii lagu shidayey dagaallada, waana taas tan wel-welka ugu badan ku beereysa.

Waxay ahayd galab Jimco ah, salaaddii casir markii la tukaday ayaa Carsaanyo iyo Qasaaye waxay isu soo raaceen guriga Faadumo, si ay u oofiyaan ballantii ay ka qaadeen saaxiibkood Abaadir, oo u soo cawday, kana codsaday inay kala hadlaan Faadumo si ay uga oggolaato inuu guursado. Carsaanyo iyo Qasaaye waxay soo kaftamaan oo ay hadba jiiro isku soo dhigaanba ugu dambeyn waxay yimaadeen gurigii Faadumo.

Albaabka markii ay garaaceen, Faadumo ayaa ka furtay, way isa salaameen kaddibna waxay ku soo dhoweysay inay fariistaan qolka fadhiga. Faadumo ayaa durbadiiba shaah dabka saartay. Qasaaye iyo Carsaanyo waxay Faadumo u ahaayeen dad in muddo ah is yaqaannay, oo walaalo ahaan u wada kaftama, isna kaalmeeya markii ay dhibaatooyin qoys ama kuwa shakhsi ahba soo food saaraan midkood.

Faadumo oo shaahii u soo wadda martidii u timid ayaa albaabka la soo garaacay, kolkey furtay ayaa waxaa ka hor yimid weji ay si fiican u garaneyso. “Asalaamu calaykum, soo dhowow Abaadir,” intay tiri ayay si asluub leh ugu orodday jikada, waxayna u soo qaadday koob dheeraad ah si uu ugu biiro saaxiibbadiisii kale ee qolka fadhiga ku shaahayay.

Qasaaye iyo Carsaanye ayaa iyaguna si wanaagsan u wada salaamay Abaadir. Qaddar yar oo kaftan ah markii la is dhaafsaday ayaa Qasaaye oo intooda kale u fur- furnaa uu daboolka ka qaaday arrinta ugu muhiimsanayd ee ay galabtaasi guriga Faadumo ugu soo ballameen.

Carsaanye iyo Qasaaye ayaa isu dhiib-dhiibay hadalka, kuna qanciyay Faadumo inuusan jirin maanta nin aan Abaadir ahayn oo ay guursan lahayd oo uga wanaagsan. Faadumo mowqifkii ay ka taagneyd guurka Abaadir goor hore ayay ka soo tagtay, waqti badanna kuma qaadan inay aqbasho guurka Abaadir.

Faadumo waxay weliba qiratay inay hore ugu qaldaneyd fikirkii ay ka qabtay kooxahan carruurta u diray dagaalkii ay ku geeriyoodeen. Abaadir si farxad leh ayuu u soo dhoweeyay aqbalka Faadumo, waxaana fursad qaali ah u noqotay in hadda ay Faadumo ifka ugu neceb tahay Marin-habaabiyeyaasha, oo ay markii hore dartood u diideysay guurka Abaadir.

“Waa la necbaystaa waxa uu ruuxa aad jeceshahay neceb yahay,” ayaa niyaddiisa dhex meereysanaysay, “kuwaan bini’aadan ma ahan, … shaarbaha waa daysataa gar dheerna ma lihid, ayay igu karbaasheen,” ayuu Abaadir yiri, si uu Faadumo ugu caddeeyo inuu kala mid yahay naceybka iyo ciilka ay Faadumo u qabto kooxdaas Marin-Habaabiyeyaasha.

Kulankoodii guul ayuu ku dhammaaday, marba haddii ay Faadumo aqbalsiiyee guurka Abaadir. Carsaanyo ayaa isku dayay inuu waqti go’an u qabto maalinta meherkooda, hase yeeshee Qasaaye ayaa hadalka ku jaray oo ku taliyay in marka hore waqti loo sameeyo tacsida labadeedii wiil ee lagu dilay dagaalkii Marin-habaabiyeyaashu ay geliyeen.

Sidaas ayaa la isku wada raacay, waxaana lagu ballamay in jimcaha dambe la isugu yimaado guriga Faadumo, si loo sameeyo tacsida. Qasaaye iyo Carsaanye ayaa indhaha isaga baaqay si ay fursad ay ku wada hadlaan u siiyaan Faadumo iyo Abaadir, waxayna ka codsadeen in la fasaxo, iyagoo ku marmarsiyoonaya inay meelo kale u sii socdaan.

an iyo intii uu Warsame ka mid noqday xubnaha baarlamaanka ayaa sababo la xiriirta ammaankiisa wuxuu deggenaa hotel. Caasho ayaa inta badan hoteelka ku soo booqan jirtay duqeeda, gaar ahaan maalmaha jimcaha, maadaama uu soo dejiyay xaafad aan ka fogeyn meesha uu deggan yahay.

Waxay ahayd duhurnimo Isniin ah, oo ay Caasho sii saarneyd gaadiidka dadweynaha oo ku sii jeeday dhinaca hoteelka uu Warsame deggenaa. Si aad ah ayay u deg- degsanayd, una murugeysneyd, wayna isla hadleysay oo qofka dhinaceeda fadhiya wuu dareemi karay inay wax ka qaldanaayeen. Sidii caadiga u ahayd uma lebbisneyn, si aan habbooneyn ayay u garba-saarka u xirnayd oo maro baati ah oo dacalkeedu uu dhulka yaallay ayey sidatay. Dhidid badan ayaa ka socday, mar-marna intay hingooto ayay indhaheedu ilmeynayeen.

Halkii caadada u ahayd inay baska uga harto iyadoon la gaarin ayayna ka degtay baabuurkii, waxayna dareensaneed inay dadku indho gaar ah ku eegayeen. Hase yeeshee, diyaar uma aysan ahayn inay ka jawaabto su’aalo badan oo ay ka fileysay rakaabta, maadaama ay dareemeen xaaladdeeda.

Qaddar yar markii ay socod tallaabo dheer ahi soo boobtay bay soo gaartay halkii ay dooneysay oo ah hoteelka uu deggan yahay Warsame. Waqtigaas Warsame weli qolkiisa ayuu ku jiray, oo wuxuu isku diyaarinaayay salaadda duhur inuu u baxo. Inta badan shaqaalaha hoteelku way soo wargelin jireen marka uu qof u yimaado Warsame, laakiin Caasho way garanaayeen inay xaaskiisa tahay, sidaas daraadeed iyadoo aanay qofna la hadlin ayay gudaha u soo gashay hoteelka ilaa ay soo gaartay qolkii Warsame.
Garaacis xooggan oo aanay fahamseyn Caasho, laakiin ay moodeyso inay si caadi ah u garaaceyso ayay kala dul-dhacday albaabkii qolka, maaddaama ay ahayd qof ku jirta xaalad aan caadi ahayn. Warsame wuu ka naxay qaabka albaabka loogu soo garaacay, waayo argagax ayuu lahaa dhawaqa uu bixinayay albaabka, oo wuxuu in haddii ay shaqaalaha hoteelka yihiin ay si asluubeysan ugu soo garaaci lahaayeen albaabka amaba ay telefoon iska soo hormarin lahaayeen. Warsame wuxuu niyadda iska dareensiiyay inuu jiri karo dhib la soo gudboonaaday mid ka mid ah xildhibaannada la deggan hoteelka oo qofka soo garaacaya uu qeyladhaan wado.

Albaabka ayuu si deg-deg ah u furay, aad buu uga naxay markuu arkay Caasho, waayo waxay lahayd muuqaal uusan weligiis ku arkin. Durba wuxuu gartay inaysan ahayn booqasho caadi ah, maadaama aysan jimco ahayn. Warsame wuxuu aad ula yaabay daalka iyo murugada wejiga xaaskiisa uga muuqday.

Salaantii caadiga ahayd intuu hilmaamay ayuu ka hor geeyay, “side bey wax u jiraan maanta, xaafadda sidee lagu ahaa?” iyo su’aalo la mid ah ayuu si darandoorri ah u waydiiyay.

Caasho intay gudaha qolka u soo gudubtay ayay si deg-deg ah albaabka hoosta uga xirtay. Mar keliya ayay isku duubtay duqeeda oo aan weli waxba fahmin, laakiinse ay dhegihiisu diyaar u yihiin waxa ay xaaskiisu u soo waddo. Caasho sidii bay ugu dheggeneyd oo weliba si hoose ugu ooyeysay duqeeda, ilaa ay ilmadeeda qoysay shaarkiisa. Warsame wuu dareemay inaysan wax sahlan ahayn waxa ay islaantiisu doonayso in ay u sheegto; intuu labadeedii gacmood iska fujiyay ayuu si ay deggenaani ku jirto uga codsaday inay u sheegto sida ay wax u jiraan.

Cod aad u xiiqsan oo laga garan karo inay maantoo dhan oyneysay ayay mar keliya kula soo boodday, “wiilkeennii Guuleed..Warsame…wiilkeennii Guuleed,” intay tiri ayay hadalka sii wadi kari waysay.

Warsame oo sugi la’a waxa ay Guuleed ka sheegi doonto ayaa si caro leh u yiri, “naa maxaa helay wiilka, Guuleed,.. Lahaane,… ii sheeg warka”. Caasho weli ooyintii bay sii waddaa, iyadoo uu hadalkeedu sidii u go’go’an yahay ayay intii ku celisay, una raacisay, “Alle ha u naxariisto wiilkeennii Guuleed!”

Warsame intuu fariistay oo haddana istaagay, ayuu indho aan weli qanacsaneyn ku waydiiyay xaaskiisa sida ay wax u dhaceen iyo waxa ay ula jeeddo. “Alle ha u naxariisto,” ayey magaca Guuleed ku lammaanisay.

Caasho waxay duqeeda Warsame u sheegtay in Guuleed uu dhintay, oo weliba aanay cidna diline uu isagu is-dilay. “Qaraxii shalay ka dhacay saldhigga weyn qofkii fulayay buu ahaa, oo Guuleed wuu is-miidaamiyay,” ayay warkeedii dhiillada lahaa ku soo gabagabeysay, ooyinteediina halkii ka sii wadatay.

Cabbaar yar ayuu Warsame aamusay, waxa keliya ee dhegihiisa ku soo dhacayayna waxay ahayd baroorta Caasho. Aad bay maskaxdiisa ugu adkeyd inay aqbasho dhacdadaas, inkastoo uu maqlay inuu qaraxaas dhacay, haddana marnaba kuma fikirin in wiil uu dhalay uu halaaggaasi ay dadka badan ku dhammaadeen gaysan karo.

Mar keliya ayuu si qeylo-dhaan ah u yiri, “naa warka aad sheegeyso xaqiiqo ma yahay? Yaa kuu sheegay adigu inuu Guuleed ahaa qofkaas is-miidaamiyay?” Caasho oo yara hakisay ooyinteeda, balse laga garan karo inuusan codkeedu caadi ahayn, ayaa cod hooseeya laakiin ay kalsooni ku jirto ugu tiri, “war ay raadiyaha ka sii daayen kooxdii uu Guuleed bilahaan dambe la noolaa, ayay magaciisa oo saddexan ku sheegeen, (Guuleed Warsame Aadan) inuu ahaa qofkii ay u adeegsadeen qaraxa saldhiggaas.”

Weliba inay dhowaan soo saari doonaan kooxdaas cajal muuqaal ah oo muujinaya Guuleed oo dardaarmaya, isagoo bam isku xiray oo damacsan inuu is-qarxiyo iyo sidii uu falku u dhacay, ayey ballanqaadeen soo bandhigisteeda ayay Caasho ku sii dartay sheekadeeda. Caasho waxay Duqeeda mar kale ugu xoojisay xogteeda in aanay ku kaaftoomin warka ay raadiyaha kooxdaasi ka sii daayeene, balse ay tagtay xeradii uu ka tirsanaa Guuleed oo ay geeridiisana u xaqiijiyeen macallimiintiisa, kuwaasoo u sheegay in uu wiilkeedii Guuleed ahaa shahiiday.

Warsame intaas kaddib wuu shaki baxay, oo wuxuu xaqiiqsaday inuu wiilkiisu geeriyooday, oo aanay cidi diline uu isagu is-qarxiyey, si foolxunna uu u dhintay. Warsame isagoo madluunsan oo madaxa ruxaya ayuu xaaskiisa Caasha ku yiri “imisaan ku lahaa aan wiilkeenna ka ceshanno kooxdaas carruurta waashay?” Wuxuuna ugu maah-maahay, “Haddii talo waayeel la yeeli lahaa waraabe waxar ma cuneen.”

Caasho oo qaladkaas garwaaqsan ayaa ku andacootay inaysan marnaba fileyn sidaan inay wax u dhici doonaan. Qaddar yar kaddib markii ay eedeyn iyo shallaay is- dhaafsadeen ayay isku samirsiiyeen in waxaan ay qornaayeen, ayna horay noloshooda uga sii wataan kuna waano qaataan qaladaadkooda.

Caasho iyo Warsame waxay ku ballameen arrinta ku dhacday inay uga digaan saaxiibbadood oo sidaas si la mid ah ay carruurtooda horay u raaceen kooxdan, una sheegaan inay ka soo ceshadaan carruurtooda inta ay goori goor tahay.

Warsame markii ay Caasho ka tagtay ayuu keligiis iskula showray inuu islaantiisa waqti badan la qaato oo uu hadda kaddib hanto, si aanay u raacin dhabbihii uu maray wiilkoodii Guuleed. Wuxuu ogyahay in Marin-habaabiyeyaasha ujeedooyinkooda ugu waaweyn ay yihiin haweenka iyo carruurta inay duufsadaan, si ay si qaldan ugu adeegsadaan.

Waxay ahayd subax aroor hore ah, oo uu da’ayay roob aad u xooggan. Macallin Duufiye socodkii uu billaabay markii uu salaadda subax tukaday ayuu weli sii watay. Gacan wuxuu ku sitay dallad aad u weyn, oo uu kaga gabbanayay dhibcaha roobka, tan kalena shandad yar oo ay ugu jireen dharkiisa iyo wixii kale ee uu u baahnaa. Waxa uu ku soo lugeynayay luuqyo uusan weligiis horay u soo marin, waxay ahayd cidlo oo dadka intiisa badan weli ma aanay soo toosin, waddooyinka waaweyn inuu marana wuxuu uga baqay inuu ka hor yimaado qof aqoonsada, waayo wuxuu ku socday jiho aanay kooxdii ay wada shaqeynayeen u oggoleyn inuu aado.

Macallinku wuxuu ahaa nin in badan soo fikiray oo go’aan cad ku soo dhaqaaqay. Kolkii uu in muddo ah soo socday, uuna soo dhaafay dhammaan jid-gooyooyinkii iyo deegaannadii uu baqdinta ka qabay, ayay neef qaboobi ka soo go’day, sababtoo ah waxaa uu gadaal u fiiriyay xaafadihii cabsida lahaa ee uu ka soo gudbay.

Haddii ay arki lahaayeen qaar ka mid ah dadka la shaqeeya kooxda uu baxsadka ka yahay waxay ku noqon lahayd hal-xiraale aan jawaab lahayn oo naftiisa ayaa halis u geli lahayd inay gacanta u gasho ma naxeyaal uu ogyahay waxa ay ku xukumayaan iyo sida ay ula dhaqmayaan.

Inkatsoo aanu gaarin halkii uu beegsigiisu ahaa, haddana ma jirto baqdin uu qabo, maadaama uu soo galay dhul uu isku halleyn karo, oo dadkii uu ka cabsanayay aanay joogin. Isagoo socodkiisa sii wata ayuu si hoose qalbiga iskala hadlaayay, oo uu is lahaa, “wallee! sida ay raggaas wax u wadeen ima cajabin,” wuxuu galay xusuus dheer oo uu ka soo billaabay maalintii uu kooxdan la soo jaan-qaaday, oo ay hawlaha macallinnimada ah u xilsaareen.

Naftiisa ayuu ku canaananayay sababta ay goor hore u fahmi wayday ujeeddada ay kooxdan ka lahayd carruurta uu macallinka u ahaa. Markii uu xisaabtamay waxaa u soo baxday tiro boqollaal kor u dhaafaya oo arday ah in uu wax soo baray, hase yeeshee ay madrasadiisa ku soo hartay maanta in aan 20 arday ka badnayn.

“Sidii ay marba tobaneeyo carruur ah iiga kaxeysanayeen oo ay ii lahaayeen way shahiideen ayaanba arkay anigoo madraso cidlo ah dhex taagan,” ayuu is-yiri.

Macallin Duufiye wuxuu is-dareensiiyay in xitaa uusan ku heysan kooxdaasi dhaqaalihii uu horay uga bartay, oo markii ay isku cusbaayeen ay si joogto ah u siin jireen, taas beddelkeedana ay muddooyinkan dambe ula yimaadeen in ay quursadaan gebi ahaantiisba, oo markii uu la hadlana aanay dan ka galeyn oraahdiisa, oo ay ula muuqdeen rag hadafkii ay ka lahaayeen ka gaaray. Sidaas darteed, waxay macallinka la noqotay in ku talagalka kooxdaasi ay tahay isagoo dhan inay ka tashadaan, waxayna si aad ah wax uga beddeleen heshiiskii ay la galeen, markuu mashruucan la billaabayey.

Macallin Duufiye markii uu soo gaaray deegaankii uu doonayay ee uu is-lahaa waa halkaad kaga badbaadi lahayd raggaasi, ayuu ku leexday maqaaxi yar oo dhismaheedu uu baraako ka sameysan yahay. Waxaa markiiba u yimid inan yar oo shaqaale ka ahaa maqaayadda. Wuxuu ka dalbaday inuu u soo hormariyo koob shaah ah oo bigeys ah, kaddibna canjeero iyo beer loo keeno.

Dalabkiisii ayaa soo gaaray oo u kala horreeya sidii uu uu u kala codsaday. Macallinka wuxuu weli ka fekerayaa marxaladda cusub ee uu qorsheeyay inuu galo. Shaahii markii uu marsiinayo dhowr kabboosho ayuu intuu cirka eegay naftiisa ku qanciyay inuu go’aan sax ah soo qaatay, isagoo ku duceystay in uusan dib dambe ugu laaban raggaas iyo shaqadooda.

Cutubka 8aad

Xaafado aan ka fogeyn degmada uu ku nool yahay Qasaaye ayaa waxaa ka dhacay dagaallo u dhaxeeya Marin-habaabiyeyaasha iyo dowladda, kuwaasoo sababay inay dad badan guryahoodii ka cararaan oo ay raadsadaan goobo ammaan ah oo ay naftooda ku badbaadsan karaan.

Axad ayay dagaalladu billowdeen, markii ay barqadu ahayd, waxaana rasaasta iyo madaafiicda laga maqlayay meelo badan oo xaafadahaas ka tirsan. Jawi argagax leh ayaa la gudagalay, cabsidu waxay saamayn ku yeelatay dadka ku nool xaafadaha ay dirirtu ka socoto, qof kastana wadnaha ayuu farta ku hayay, isagoo ku duceysanaya inuu Ilaahay ka badbaadiyo musiibada socota.

Duhurkii markii ay ahayd ayuu Qasaaye isku dayay inuu soo eeg-eego xaaladda goobaha lagu dirirayo, iyadoo markaas ay xabbaduhu joogsadeen, oo loo gurmanayo dadkii ay dhaawacyadu ka soo gaareen dagaalka, lana kala gurayo dadkii ku dhintay dagaalkaas, oo u badnaa dad rayid ah.

Qasaaye wuxuu ka soo qaaday naxdin iyo indho-tag-taag, markii uu indhahiisa ku soo arkay wixii dad ay dhibaato ka soo gaartay dagaalka iyo dhiiggii daadsanaa meelaha qaar. Guryo wuxuu soo arkay ay madaafiicdu dhulka dhigeen oo qaar ka mid ah ay dadkii degganaa ku dhammaadeen.

Qasaaye oo uu argagaxu wejigiisu ka muuqdo, oo socod xawli ah waddada ku maraya, rabana inuu gurigiisa dib ugu laabto, ayaa waxaa ka hor yimid saaxiibkiis Carsaanyo, oo dareemay inaanu Qasaaye xaalkiisu fiicneyn, oo ay wax si ka yihiin.

Isagoo aan arkayn ayuu Carsaanyo isku hor gadaamay oo ka hakiyay socodkii. Markii uu Qasaaye aqoonsaday saaxiibkiis ayey isku soo boodeen oo ayna isa salaameen. Xaaladda ayay iska wareysteen. Qasaaye wuxuu saaxiibkiis uga sheekeeyay maalintaas wixii uu la soo kulmay, labadoodiina sheekadan ayaa dhex martay:

Qasaaye: War Carsaanyo, .maanta xaaladdu way xun tahay, dagaallo lagu hoobtay baa dhacay!

Carsaanyo: Dagaallada waan la socdaye, wararkii ugu dambeeyay ii sheeg, xaggee la kala marayaa?

Qasaaye: Waxaan tagay aagagga lagu dagaallamayo. Hadda ayaan ka imid.
Meeshaas waxa ka dhacay Carsaanyow wax laga sheekayn karo way ka weyn yihiin. Dad baa ku baaba’ay meeshaas!

Carsaanyo: Qasaayow taas waan kula gartaye, yaa la riixay labada dhinac?

Qasaaye: Marba dhinac baa loo cararayaa, xagga iyo xagga ayaa la isku cayrsanayaa. Sidaas darted, arrinkaas lama kala caddayn karo., hase yeeshee Carsaanyow waxaan maanta soo arkay dad badanoo aan aqaan oo ku hoobtay dagaalka.

Carsaanyo: Dadka aad soo aragtay ma rayid baa mise waa dhinacyadii dagaallamayey?

Qasaaye: Labadaba way isugu jireen. Waxaa ugu darneyd carruur yar-yar oo la
ciidameeyay baa meeshaas lagu laayay. Waxaan meydadkooda soo arkay wiilal ay dhashay islaanta Faaduma ah ee xaafaddeenna deggan!

Carsaanyo: Waan aqaannaa Faadumo wiilasheeda. Laakin, Qasaayow waxaan ku weydiiyay wiilashaas maba qaan-gaarine maxay ka dooneen meesha lagu dagaallamay? Oo kaaga darane wiilashaas xaafaddaasna ma deggena una malayn mayo in ay cid ka yaqaaneene!

Qasaaye: War waxba ma ogide waxay ka mid ahaayeen carruur badan oo ay Marin-Habaabiyeyaashu ciidan ahaan u qorteen. Waxaa laga yaabaa inaanay hooyadood ogeyne, ina mari aan u soo sheegnee!

Carsaanyo: Waa sidaase aan u soo sheegno Faadumo.

Intaas markii ay is-weydaarsadeen ayay u dhaqaaqeen dhinaca guriga Faadumo, si ay ugu soo sheegaan in labadeedii wiil ay ku dhinteen dagaalladii maanta dhacay. Carsaanyo iyo Qasaaye intii ay waddada guriga Faadumo sii hayeen ayaa iyagoo aan wax badanba socon ay arkeen Faadumo oo xaggooda u soo socota, isla waddada dhinaceeda kale.

“Aan ka hor tagno” iyo “aan halkeenna ku sugno iyadaa noo imaaneysee,” ayay labadoodii isku qabteen, iyagoo aan dhinacna isku raacin ayay iyadii ugu timid meeshii ay doodda ka billaabeen.

Markiiba Faadumo ayaa salaanta billowday, si wanaagsan ayayna isku wareysteen, iyagoo ku billaabay inay ka sheekeystaan xaaladda dagaalkii dhacay. Faadumo waxay sheegtay inaanay maanta oo dhan guriga ka bixin, oo aanay wax war ah ka heyn dagaalka.

Qasaaye ayaa u sharraxay wuxuu soo arkay iyo sida meesha loogu baaba’ay, kaddib ayuu niyeystay inuu u sheego wiilasheedii inuu ku soo arkay meydadkooda jiidda dagaalka, waxaana ay sheekadoodu u dhacsan sidan:

Qasaaye: Faadumoy waxaan ku waydiiyay, labadaadii wiil ee hadda ka hor ay qolada
maamulka cusub waxbarashada u kaxeeyeen, war ma u heysaa?

Faadumo: Haa, walaal waxay jiraan gobol, waxbarashii baa weli u socota.

Qasaaye: Waxbarashana uma socotee, carruurtaada samir iyo iimaan Alle ha kaa
siiyo.

Faadumo: Samir iyo iimaan Alle ha kaa siiyo maxaad ka waddaa? Ma dhibbaa gaaray carruurteyda? Culimo ayey ii noqonayaan, magaaladana hadda maba joogaane, ma adaa xogtooda og?

Qasaaye: Adiga haddiiba ay saas kaa mareyso anaa kugu xog dhaamma. Wiilashaadii way dhinteen, oo waxay ka mid ahaayeen ciidamadii maanta dagaallamayay. Weliba iyagoo ka safan dhanka Marin-habaabiyeyaasha ayaa la dilay, anigaana soo arkay meydadkooda, ee orodoo wiilashaada meydadkooda soo qaado oo ugu yaraan si wanaagsan aaso.

Carsaanyo: Islaantu mid wax ogba ma aha. Waxaa loogu sheekeeyay in diinta loo barayo carruurta, dabadeedna iyadoo khabar-daar ah baa ciidan laga dhigtay, kuwa ka kaxaystayna xitaa uma quuraan in ay xaaladda carruurteeda sida ay tahay uga soo war-siiyaan had iyo jeer. Qasaayow baladkaan waa lagu kala war la’yahay!

Qasaaye: Faadumoy samir iyo iimaan walaal, awal baad carruurtaada dayacdaye.

Carsaanyow na mari aan sii soconnee.

Carsaanyo: Waayahaye ina keen.

In ay baxaan ayay isku afgarteen Qasaaye iyo Carsaanyo, waxayna bartii uga dhaqaaqeen Faadumo oo keligeed taagan oo aad uga naxday warka uu Qasaaye u soo bandhigay.

Faadumo jawi ka beddelan kii ay markii hore ku jirtay ayay gashay, oo xitaa meeshii ay u socotay ayay illowday. Ilmo ayaa ku soo joogsatay indhaheeda, waxayna gashay isla hadal iyo faro tag-taag, taasoo ka yaabisay dadkii waddada socday ee arkayay inay islaantu isku buuqsan tahay.

“Alla anaa ba’ayeey, wiilasheyda markay i lahaayeen gobol baa loo qaaday oo wax lagu soo barayaa ayaanba ka shakisanaa, ileen ciidan bay ka dhigteen.Laakiin waxaa suuragal ah inuu Qasaaye soo arkay carruur kale oo aanay wiilasheydii ahayn, bal aan wax hubsado nimankaan warka ay ii sheegeen inaysan waxba ka jirin baa laga yaabaaye,” ayey iskula sheekaysatay Faadumo iyadoo nafteeda ku qancinaysa in warkaasi ay dhici karto in uu been yahay.

Faadumo oo madaxa si weyn uga shaqeysiiyey ayaa waxay go’aan ku gaartay inay aaddo dhinaca xarunta Marin-habaabiyeyaasha, si ay Abuu Seef uga soo xaqiijiso warka loo sheegay bal in uu run yahay iyo in kale.

xaafadihii lagu dagaallamay oo dhan ay iyaga qabsadeen, wararkaasoo ay gaarsiiyeen meeloo badan oo dalka iyo dibadba ka tirsan, iyagoo ku faanaya in ciidamadii la dagaallamay ay ka awood badnaadeen. Inkastoo wararkoodu ay been abuur uun iska ahaayeen, haddana saameyn ayuu yeeshay oo dad badan ayaa rumeystay.

Warsame aad buu uga xumaaday wararkaas. Iidaacadihii uu maalintaas dhagestay iyo wargeysyadii uu akhriyeyba waxaa ku qornaa wararkaas sheegaya inay Marin- Habaabiyeyaashu meel kasta qabsadeen, dabadeedna ciil ayuu la faruuryo qaniinsaday.
Waa galab wuxuu joogaa xarunta, wuxuuna keligiis iskula hadlayay, “nimankaan indha adayggooda ayaan la yaabbanahay, war illeen beenta kama xishoodaan, waxay meel kastaba la mareen warar aan jirin, goorma ayey degmo naga qabsadeen.arrintaan inaan ka aamusnaanno ma aha.Alleylehe! Wax ka qabashay leedahay.”

Warsame goor hore ayuu shaqada ka baxay, laakiin ma aanu rawaxin oo wuxuu telefoonka kula hadlay guddoomiyaha degmada ay xaafadaheedu dagaallada ka dhaceen, waxayna ku ballameen inay galabta ku kulmaan xarunta.

Warsame wuxuu raagsaday guddoomiyaha, oo dib uga soo dhacay waqtigii ay ballansanaayeen, isagoo is leh “wuu soo daahaye tolow maxaa helay” ayuu arkay isagoo ku soo socda, waxaana labadoodii dhex martay sheekadan soo socta:
Guddoomiye Degmo: Mudane iga raalli noqo waan kaa soo yara daahaye.

Warsame: War hee dheh, kaalayoo, waxaan ku weydiiyay degmadii aad u xilsaarneyd miyaa gacanteenna ka baxday?

Guddoomiye Degmo: Maya mudane, weli annagaa maamulna, meel kasta ciidamadeennaa jooga, degmadaasi cid naga qabsatay ma jirto.

Warsame: Waa yahaye, wararka been abuurka ah ee dal iyo dibad naloo mariyay, maxay ku dhacday inaad ka hadli wayso, oo maxaad adduunka oo dhan ugu soo bandhigi weyday oo aad u tusi wayday degmada inaan annaga gacanta ku heyno?

Guddoomiye Degmo: Mudane wararkaasi iyagoo faafay uun baan aragnay, teeda kale nimanku waxay khasab ku adeegsadeen warbaahinta, oo ka cabsooneysa waxyeelladooda, haddase waa inaan u kaba gashannaa sidii aan u beenayn lahayn wararkooda…

Warsame: Guddoomiye, waxaad ii sheegtaa sidii uu dagaalku u dhacay? Maxaase khasaare ah xaggeenna?

Guddoomiye Degmo: Dagaalka wuxuu billowday kaddib markii xalay saqdii dhexe ay weerar ku soo qaadeen saldhig ay ciidamadeennu deggenaayeen. Inkastoo ay nagu soo kediyeen, haddana waxay la kulmeen iska caabbin xoog leh. Dharbaaxadii halkaas lagula dhuftayna waxay sababtay inay dhaawacyo badan ka cararaan, dabadeedna ciidamadeenna ayaa iyagoo baacsanaya ilaa barqadii meelo fog-fog uga soo haray.

Warsame: Haye, marka qaabkee bay ugu hirgashay inay borobogaandada intaas la’eg faafiyaan?

Guddoomiye Degmo: Markiiba waxay telefoonno kula xiriireen warbaahinta qaarkeed, oo ku yaalla deegaanno ay dadka deggan argagaxin kala daaleen, meelahaasoo ay marar badan oo horena ku dileen raggii la shaqeynayay ee war-fidiyeenka ahaa, si ay u cabsi geliyaan, taasina way u suuragashay oo maanta waxay sheegaan way ku khasban tahay warbaahinta meelahaasi saldhiggoodu yahay oo waa in ay buun buuniyaan, waayo naftooda ayey u baqayaan, laakin haddana raggaasi xaqiiqada jirta kama qarsoona.

Warsame: Warbaahinta waa inaan u cudurdaarnaa, laakiin arrin aan karno ma aha in dadka la barakiciyo, iyadoo xaalad been ah la abuurayo.

Guddoomiye Degmo: Hadda waxaan ku tala jirnaa inaan dadka dib ugu soo celinno guryahooda, qaar badan oo saakay aroortii qaxay marka laga reebo, intii kale ee duhurradii rabay inay cararaan, waxaan ku guuleysannay inaan celinno.

Warsame: In aad ka hortagtaan bay ahayd markiinnii horeba dadka in la qaldo oo lagu barakiciyo warar aan jirin. Teeda kale meel aan maamulno inay cid kale sheegato waa qalad xaggeena ah!

Guddoomiye Degmo: Waa sidaas mudane oo arrintani way dhacday, laakiin hadda kaddib waan ka feejignaaneynaa inay tan oo kale nagu dhacdo.

Warsame markuu intaas ku yiri guddoomiyaha degmada uu dagaalku ka dhacay, ayaa waxaa u yimid wiil xoghayn u ah oo u sheegay inay hoolka weyn ee xarunta ugu diyaariyeen warbaahinta gudaha iyo kuwa dibadda, si wararka dhabta loogu sheego ummadda iyo caalamkaba. Warsame isaga ayaa codsaday in loo yeero saxaafadda si uu u siiyo warbixin dhab ah oo ku saabsan dagaalladii ugu dambeeyay ee dhacay.

Guddoomiyaha degmada ayuu ka codsaday inaanu ka tegin ee uu sugo inta uu shirka jaraa’id ka soo baxayo, si uu ugu daro qolyaha saxaafadda oo uu u soo tuso meelihii lagu dagaallamay inay weli gacantoodu ku jirto.

ugu horreysay ee ay timaado, marar hore ayay islaamo u soo raacday oo way kala garaneysaa meesha. Faadumo waxaa intaas u dheer in ay taqaanno qolka xafiiska ah Abuu Seef, oo ay hadda ka hor isku arkeen madrasada Macallin Duufiye.

Xafiiska ayay iriddiisa soo gaartay, wayna gar-garaacday iyadoo codsaneysa inay gudaha u gasho. Markiiba waxaa u soo baxay wiil yar oo qaaddum ah Abuu Seef, wuxuuna waydiiyay ujeeddada socodkeeda iyo cidda ay rabto. Markii ay u sheegtay inay Abuu Seef rabto ayuu u sheegay inay wax-yar bannaanka ku sugto, markiibana dib ayuu qolkii ugu laabtay.

Faadumo iyadoo walbahaarsan, hase yeeshee aan wax hubin ayey bannaanka fariisatay iyadoo iskula hadleysa, “mashaqo waa tanoo kale, labadeydii wiil ee aan dhalay, een aan is lahaa diinta ha kuu barteen miyaa dhintay iyagoo dagaal ku jira? “Alleylehe! Waa arrin u baahan inaan ka xaqiijiyo sheekha,” markay sidaas leedahay waxay nafteeda ku samirsiineysaa in warkii la soo gaarsiiyay ee ay Qasaaye iyo saaxiibkiis u sheegeen uu been ahaa.

Daqiiqado kaddib waxaa dib ugu soo laabtay wiilkii yaraa, wuxuuna u sheegay inay gudaha u soo gudbi karto. Faadumo deg-deg intay socodka u boobtay ayay xafiiskii soo gashay, waxaanay u tagtay Abuu Seef oo kursigiisii ku tiirsan, garkiisana ku ciyaaraya oo hadba faraha dhex gelinaya, waxaana dhex maray hadalladan:

Faadumo: Asalaamu Calaykum Sheekh.

Abuu Seef: Wacalaykuma Salaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu.

Faadumo: Sheekh waxaan filayaa inaad i xusuusato, waxaan ahay islaantii aad madrasada isku arki jirteen iyadoo raadineysa carruurteeda.

Abuu Seef: Haa waan ku xusuustaa, magacaagu muxuu ahaa?

Faadumo: Sheekhow magaceygu waa Faadumo. Maanta niman aan deris nahay
ayaan is aragnay, waxayna ii sheegeen inay carruurteyda ku dhinteen dagaalkii ugu dambeeyay ee xaafadda Gawaan ka dhacay, marka waxaan rabay inaad ii xaqiijiso warkaasi bal in uu run yahay iyo in kale.

Abuu Seef: Wiilashaada ma ciidanka ayay ka mid ahaayeen? Bal ii sheeg magacyadooda si aan uga baaro liiska la ii soo gudbiyay ee shuhaddada.

Faadumo: Wiilasheydu ciidan ma ahayn. Waxaan ku ogaa inaad diinta bareysaan, waxaa la kala yiraahdaa Mustaf iyo Aweys.

Intaas markii ay tiri ayuu Abuu Seef la kala baxay buug weyn oo waraaqihiisa intooda badan ay wax ku qoran yihiin, kaasoo ah nooca gacanta iyo qalinka wax lagula qoro. Faadumo waxay qalbiga ka jecleyd in magacyada wiilasheeda laga waayo buuggan baas ee lagu sheegay in ay ku qoran yihiin magacyada waxa ay ugu yeereen shuhuddada.
Daqiiqad iyo ilbiriqsiyo ayay sugeysay, hase yeeshee muddadaasi kooban waxay kala badnayd saacado, waayo waxay doorbidi lahayd inuu markiiba u jawaabo oo uu u sheego inaanay Mustaf iyo Aweys ka mid ahayn maleeshiyadii dhankooda dagaalka uga dhimatay.

Cabbaar ayuu buuggii rogrogay, marba dibnihiisa waxay akhrinayaan magacyo kuwa Carabta ay la baxdo ah. Faadumana dhegta ayay u raaricineysaa, markii dambe ayuu dhankeeda u soo jeestay wuxuuna u sheegay in uu run yahay warkii ay soo maqashay oo Shahiid Mustaf iyo Shahiid Aweys (labadeedii wiil) ay dagaalka ku geeriyoodeen.
Faadumo naxdin tii ugu darneyd ayay naxday oo in ay kursiga ka dhacdo oo ay miyir daboolanto ayay qarka u fuushay. Waxaa mar keliya indhaheedii soo dhaaftay illin markii horeba meel suke sii taagneyd. Faadumo wey uur gaddoontay, dabadeedna af- labadii ayey dhawaaqday iyadoo barooraneysa.

Abuu Seef intuu la yaabay ba’ayeysiga islaanta, ayuu isku dayay inuu samirsiiyo, “nasiib baad leedahay, carruurtaada jannada ayay aadeen, waddo lagu dhinto tan baa ugu kheyr badan, waxba ha u ooyin, hooyo adiga kaa ayaan badan maanta ma jirto,” ayuu ku yiri.

Faadumo ooyintii ayay sii kordhisay, oo halaagga la soo gudboonaaday ayey si cod aad u dheer ugu dhawaaqday, dabadeedna waxaa baroorteeda isugu soo baxay Marin- Habaabiyeyaashii kale ee xarunta dhinac ka joogay. Haween ka tirsan kooxda meesha isugu timaada ayaa isku dayay inay dejiyaan oo ay la hadlaan, hase yeeshee waa lagu daalay.

Faadumo waxay u jeesatay dhinacii Abuu Seef waxayna ku tiri, “waxaan rabaa inaad wiilasheyda dhiiggooda i siisaan, aniga dagaal kuma ogeyn, waxbarasho ayaan u soo dirsaday.”

Odaygu, Abuu Seef, intuu Faadumo ku xanaaqay oo indhuhu guduuteen ayuu ku yiri “Maxaad ku hadleysaa, dhiiggooda aa!!!? Ma mujaahidiinta dagaalka ku shahiidday baad dhiiggooda i weydiineysaa? Naa hee dheh, meesha ka dhaqaaq yaanan adigana lagugu diline,.. dhiig kute, soco-soco,… yaanan meesha kaaga sii jeedin?

Faadumo iyadoo ciil besteed ah ayaa si qasab ah oo ay handaadi ku jirto meeshii looga saaray, waxaana amar buuxa lagu siiyay in aysan dib dambe xarunta u imaan. Ma iyadaaba u fadhiday Marin-habaabiyeyaashii ay gurigeeda u dumisay, ee wiilasheediina ay ku waysay inay sidaas ula hadli doonaan? Adduunyo xaalkeedku ku cusub yahay dheh!

Faadumo iyadoo ooyin, caay iyo qeylo isku dhex wadda ayay iridda ka degtay, waxayna u sheegtay Marin-habaabiyeyaasha inay ku qaldantay oo ay u haysatay dad wanaagsan oo xaq ku socda. Wey ku ciil fur-furatay, taladase waxay dhaafin weyday inay gurigii ay markii horeba ka soo baxday dib ugu laabato.

Waxaa bannaanka uga hor yimid Abuu Colaad, oo isaguna u soo socday dhinaca Abuu Seef, wuxuu la yaabay murugada islaanta ka muuqata, ilmada ka da’eysa iyo qeylada afkeeda ka baxeysa, hase yeeshee waxba uma uusan jixin-jixin oo wuxuu hore ugu sii gudbay xafiiskii. Abuu Colaad wuxuu si toos ah u abbaaray Abuu Seef waxayna is- weydaarsadeen sheekadan:

Abuu Colaad: Sheekh Seef waxaan kugu hambalyeynayaa guusha aad dagaalka ka soo hoyseen, waan arkaa inaad meelo badan qabsateen, islaantanina maxay ahayd meesha ooyeysay ee sii socotay?

Abuu Seef: Waa islaan waalane, warkeeda iga daaye, hawlaha dhankaaga iiga warran?

Abuu Colaad: Abuu Seef, inta badan waan ku guuleysannay degmooyinka inaan gacanteenna soo gelinno, sidaas darteed nasrigu wuu soo dhowaaday. Waa inaan wax yar dulqaadannaa, si inta inoo hartay aan u dhammeystirno.

Abuu Seef: Waa sidaas Sheekh Colaad.

Abuu Colaad: Seefow, hal arrin baan kula socodsiin rabay! Waxaa jirta meel halkan ah oo aan la damacsanaa inaan ku sameyno camaliya istish-haaddiyah (is-qarxin). Waa hawlgal barakeysan oo aan uga farxin karno walaalaheenna dibadda nooga yimid, waayo marar badan bay i weydiiyeen sababta aan u samayn la’nahay hawlgal noocaas ah. Sidaas darted, waxaan kaa doonayaa inaad ii diyaariso qof dhallinyaro ah oo isku miidaamiya meeshaas aan soo qorsheeyey. Tallaabadaasi waxay annaga noo noqoneysaa hawl aan isku muujinno, oo ay nagu jeclaadaan walaalahaas dhaqaalaha badan nagu caawiya, waayo waad ogtahay in aan dhaqaalahaas ku shaqeyno.

Abuu Seef: Mar hore ayaan arrimahaas ka sii baaraan-degnay, waxaan tababarnay oo weliba carbinnay dhallinyaro ay da’aaddoodu aad u yar-yar tahay, kuwaasoo saf ballaaran ugu jira inay camaliya-istish-haadiyah sameeyaan oo ay naftooda u huraan annaga darteen. Weliba, si gaar ah baan macallimiinta uga codsaday inay xushaan oo ay diyaariyaan dhallinyaradaas geesiyaasha ah ee doonaysa in ay jannadooda u deg- degaan.

Abuu Colaad: Hadda, waxaa la gaaray maalintii aan u baahneyn dhallinyaradaasi, ee qofkeen u xulannaa arrintan?

Abuu Seef: Waxaa ugu fiican oo aan hadda u yeeran karnaa wiilka Guuleed ah oo in badan na aaminsan, kuna talaxtegay arrimaheenna. Wiilkaas fariidka ah waa u diyaar arrintan, fikirkeenna ayuuna aad u aamisan yahay,. bal yar sug aan u yeeree haddaba, si aad ula hadasho.

Abuu Seef markii uu intaa yiri ayuu u qeylo dhaamiyay Guuleed, wuxuuna ka codsaday inuu deg-deg agtiisa u yimaado. Abuu Colaad ayaa ka dhex galay oo u sheegay inaan loo baahneyn hadda inuu isaga la hadlo Guuleed, maadaama tilmaanta uu ka bixiyay Abuu Seef ay aad u qancisay, oo uuna u arko inuu yahay nin aan u baahneyn tashkiilis iyo wax u sheegis hor leh.

Abuu Seef ayaa ku adkeeyay inuu haddaba la hadli karo Guuleed, oo uu yahay wiil u dhego fudud iyaga. “Mar haddii uu yahay sidaas aad u tilmaantay waa inaan horay u kaxeystaa, waayo fursad dambe nooma harin, wax kasta waa la isku dubba-riday, kaamirooyinkii lagu duubi lahaa waa diyaar, si hadhow aan ugu gudbinno walaalaha, xitaa waa diyaar raggii la shaqeyn lahaa oo way sugayaan, intaan sii soconno ayaan wax kasta u sheegi doonaa” ayuu yiri Abuu Colaad.

Guuleed waa ninkaas tahliisha la cabsiiyaye markiiba isagoo ordaya ayuu goobtii looga yeeray ka soo xaadiray. “Heeee, Sheekh Seef ma adinkaa ii yeeray?” Ayuu waydiiyay isagoo laga dareemayo inuu adeecsan yahay nimanka madaxdiisa ah ee inay Marin- habaabiyeyaan ay shaqadoodu tahay.

“Guuleed, … wiil fiican baad tahay,” intuu yiri Abuu Colaad ayuu madaxa u salaaxay Guuleed, wuxuuna u raaciyay, “soo bax waxaa jira hawlgal barakeysan oo aad nasiib u yeelatay inaad adigu ku qeybto.” Guuleed ma fahamsana waxa laga hadlayo, hase yeeshee wuu ku faraxsan yahay in dhallinyarada la midka ah lagala soo dhex baxay, oo isaga lala jeclaaday hawl muhiim ah.

“Fursadda maanta aad haysato waa tii ugu dhoweyd ee aad jannada ku tagi lahayd. Bal ina kaxee war kama gaarnee,” intuu yiri Abuu Colaad, ayuu wiilkii Guuleed ahaa gacanta qabtay oo la dhaqaaqay.

Abuu Colaad iyo Abuu Seef carruurtooda kuwa waaweyn waxay waxbarasho u jiraan dalal dibadda ah, halka kuwooda yar-yar aanay u oggoleyn inay xitaa soo booqdaan xeryaha iyo madrasooyinka ay leeyihiin. Carruurtoodu iskuullo caadi ah ayay dhigtaan, uma oggola in ay qeyb ka noqdaan carruurta ay ku dareen balaayada, ee ay hubka deegta u sureen.

Guuleed maanta wuxuu kawaanka u saaran yahay dad aan ka naxeyn. Babin in badan loo qoolayey ayaa dhankiisa loo hoggaamiyay, oo waxaa la qorsheeyay in bam lagu rakibo oo naftiisa lagu qarxiyo dad islaam ah oo mas’uuliyiin ah, balse isaga loo fahamsiiyay inay cadowga Ilaahay yihiin. Abuu Colaad wuu ogyahay in Guuleed aanu wax hadal ka soo celineyn, oo waqti badan waxay geliyeen inuu madiidin u noqdo.

Waa cunuggii ugu horreeyay ee jaakadda bambada leh loo geliyo, waxaase saf-dheer hawshaas oo kale ugu soo jira carruur kale oo sidaas oo kale lala damacsan yahay, hase yeeshee ay waalidkood u soo direen inay wax u bartaan.

iyo dalkuba u dhalan-rogayaan Marin-habaabiyeyaasha, oo ay deegaanka u bur- burinayaan oo ciddii ka hor timaadana ay u dilayaan. Waxay la yaabeen magaca diinta loo ekaysiiyey ee ay kuwa soo horjeesta ama fahma waallida Marin-habaabiyeyaasha ugu yeeraan, kaasoo ah riddo oo mar haddi qofka loogu yeero in uu riddoobay aanay cidna u turayn.

Waxay degmada ku soo kordhiyeen xumaan tiro dhaaftay, qas laga yaabay, walaac lala fiigay, qax lagu daahay, wareer aan laga bixin, naxdin guri kasta iridda ugu gashay, madfac aan loo meel deyin, qofkii siyaasaddooda diida oo ay diinta ka saaraan iyo waxyaabo kale oo ugub ah, oo aan hortood la arag.

Mar kastoo ay isku yimaadaan Qasaaye iyo Carsaanyo waxay ka sheekeystaan xaaladda nimankaas. Laakin subaxaan warkooda sheeko kuma eka’e, waxayba dejinayaan qorshe la yaab leh oo ku saabsan sidii loo dabar-jari lahaa kuwan ummadda halaagay. Inkastoo uu hadalkoodu u badan yahay kaftan, haddana dadka iyaga ayay ugu neceb yihiin, waxaana loo necbaystaa sida ay u doonayaan in la helo cid meesha ka saarta.

Waxay wax badan ka sheekeysteen arrinta Marin-habaabiyeyaasha, saakay markii ay isu yimaadeen waxay iska waraysteen dagaalladii ugu dambeeyay ee dhacay, waxayna isku si uga murugoodeen dadka masaakiinta ah ee la baabi’inayo.

Qasaaye ayaa u sheegay saaxiibkiis in la gaaray waqtigii ay hubka qaadan lahaayeen, oo ay dagaallada dhinacooda ka geli lahaayeen, maadaama maalin kasta hoggaamiye cusub uu soo baxayo, sheekadana aanay dhammaad lahayn, “waa inaan markeenna isa soo shaacbixinnaa,” ayuu yiri Qasaaye.

Carsaanyo soo-jeedintaas gaashaanka ayuu u daruuray, wuxuuna saaxiibkiis ugu war¬celiyay inuusan diyaar u ahayn hub inuu qaado. Wuxuu ka naxsan yahay oo weli hortiisa ka muuqda hubka inuu qaato lagula talinayo inta dad ah ee uu qabo ee weliba uu garanayo, “Qasaayow waad soo waalatay ee iga tag,” ayuu yiri.

Qasaaye wuxuu ku dooday in dadka fitnada iyo dulmiga wada ay la dagaallamaan oo sidaas ay tahay aragtida uu qabo, si ay shacabku u nabadgalaan, loogana hortago Abuu hebal kale oo cusub inuu soo baxo.

“Habar fadhida legdin la fudud,” ayuu ku maahmaahay Carsaanyo, isagoo saaxiibkiis u sheegay dadka dulmiga wada inay badan yihiin oo labadooda oo keliya aanay waxba ka qaban karin.

“Haddii aan sidaan u aamusnaanno, isbeddel weligiis ma imaanaayo, ee aan isku dayno inaan wax sameyno,” ayuu ku celiyay Qasaye, halka saaxiibkiis Carsaanyo uu sheegay inuu jeclaan lahaa sheekadaas oo dhan in laga xiro. “Isbeddelka aniga iyo adiga nagala sugaayo weligiis yuusan imaan,” ayuu ku dhawaaqay.

Carsaanyo intuu ka yaabay fikradaha saaxiibkiis ayuu ku yiri, “Qasaayow sidaad u soo socotay, ma maanta ayaad ii keentay aan dagaallada socda dhinaceenna ka galno!?”
Qasaaye intuu ku qoslay hadalka saaxiibkiis iyo cabsida wejigiisa dabooshay ayuu ku yiri, “Carsaanyow inaad fuley tahay waan ogaa awalba, ee adigaan ku tijaabinaayay, waan iskala kaa kaftamaayay, ee anigaba go’aan igama ahan inaan dagaallada ka qeybgalno.”
Carsaanyo intuu neefta xoog u jiiday oo haddana bannaanka u soo afuufay, ayuu saaxiibkiis qosolkii uu waday dhinac kala qabto, oo uu si kaftan ah ayuu u yiri, “haddii aan dagaallami aqaanno, markii ay xabbad dhawaaqdaba ma shubka gurigaaga ayaan ku soo carari lahaa?”

Kuwa dagaallada ku jiraba inaanay xabbadda iyaga isku ridine, ay sidaasoo kale ay darbiyada guryaha dhagaxa ah ku dhuuntaan, oo ay afarta dhinac u ridaan, ayuu Qasaaye u sheegay Carsaanyo. “Mar hore ayaa la kala bixi lahaa haddii qof kasta kan ka soo horjeeda uu xabbadda ku ridi lahaa oo ay geesiyaal ahaan lahaayeen!” ayuu yiri.
Iyagoo sidii kaftanka isugu dhiib-dhiibaya hadallada ayaa waxaa u yimid saaxiibkood Abaadir, markaas ayey isagana sheekadii dhinac ka soo geliyeen. “Abaadirow, hadda ayaan ku soo raadin rabnay, waxaan abaabuleynay ciidamo cusub oo aad adigu hoggaamin doonto, dagaallada socda inaan galno waaye, si aan u soo af-jarno,” ayuu yiri Qasaaye.

Abaadir oo gartay inuu kaftan yahay hadalka Qasaaye ayaa u sheegay in waxaas oo dhan looga daran yahay. “Adinka dagaal aan shaqadiinna ahayn ayaad ku mashquulsan tihiin, weligiinna qori ma aydaan qaadin, sidaan uun baad afka uga hadashaan,” intuu yiri ayuu cabasho u gudbiyay saaxiibbadiis, maadaama ay talo ka jahawareersan tahay.

Abaadir wuxuu u sheegay saaxiibbadiis wixii dhex maray isaga iyo Faadumo iyo sida uu weli u quud-darreynayo oo uu u jeclaan lahaa inay maalin uun qol kala soo toosto iyadoo xaaskiisa ah. Markii ay dhageysteen warbixintii Abaadir iyo sida Faadumo ula hadashay iyo wixii dhex maray, ayay iyagana u sheegeen Abaadir in ay Faadumo hadda ku soo biirtay mucaaradka Marin-habaabiyeyaasha oo ay neceb tahay, kaddib markii labadeedii wiil ay ka khayaaneen oo dagaal lagu dilay, oo markii ay u tagtay wadaaddo- ku-sheegyada iyadoo ashtako ahna ay soo eryeen, oo weliba si aan xushmad lahayn loola dhaqmay.

Qasaaye iyo Carsaanyo waxay u ballanqaadeen Abaadir in ay arrintiisa wax kala qaban doonaan, oo ay Faadumo ula tegi doonaan, isla markaana kala hadli doonaan arrintiisa, arrinkaas ayeyna saddexdoodiiba u ballameen maalinka xiga.

Cutubka 7aad

Caasho wax badan ayay ka fikirtay sidii ay ka yeeli lahayd arrinta wiilkeeda Guuleed iyo odaygeeda Warsame. Walaac ayay ku abuurtay amuurtaasi oo ma waxay sahal ku kala dooran kartaa labadaas qof ee nolosheeda saameynta ugu weyn ku leh? Jawaabtu waa maya. Maskaxdeedu waxaa ay ku soo cel-celineysaa taladii ugu dambeysay ee uu siiyay ninkii Qasaaye ahaa, ‘sow kii kugula teliyay in aad dugsi u noqoto odaygaada hoteelka ku cidloonaya? ayey is-weydiisay.

Caasho dad badan oo ay ku kalsoon tahay ayay arrinta haysata darted tashi ugu tagtay, waxayna talada intii ay aragtay u badatay in ay Warsame agtiisa ku dhowaato, oo ay wiilkeeda, Guuleed, iyo islaamihiisa isaga dhex baxdo.

Guuleed sidii uu u noqday amiirka wuxuu isaga jiraa tamashle iyo aroosyo kala du- duwan, oo wuxuu bil gudaheed la aqal-galay ilaa shan haween ah, inkastoo hadda ay wada joogaan labo keliya oo saddexdii kale uu iska kala fasaxay.

Guuleed waa nin aanay kaba qasneyn oo dhaqaale iyo wax kasta ka heli kara dhinaca Marin-habaabiyeyaasha, taasoo ay u sahashay markii uu u dhego fududaaday awaamiirtooda, oo uuna u noqday wiil u ja-jaban hawlahooda.

Caasho waxay hoosta ka xarriiqatay inay raacdo halkii ay taladu u badatay, isla
galabnimadiina waxay boorsooyinkeedii ka xir-xiratay gurigii ay deggeneyd, waxayna gaari ka kireysatay meel aan gurigeeda ka fogeyn oo taksiilayaasha xaafadda saldhig u ah, iyadoo ka codsatay mid ka mid tagsiileyaasha in uu geeyo xaafaddii uu ku yaallay hoteelka uu duqeedu, Warsame, deggan yahay.

Warsame waqti hore ayuu shaqada ka soo baxay, isagoo helay fursad uu ku nasto. Qolkiisa ayuu wargeys maalintaas soo baxay isaga akhrisanayaa, waxaana u daaran telefishan uu ka daawanayo akhbaarta caalamka oo luqadda Afka Ingiriiriga ku baxaysa. Warsame dhinaciisa, miiska dushiisa, waxaa u saaran koob qaxwo ah oo uu kolba gacanta la laacayo oo markii uu mar kabboodaba uu dib ugu celinayo miiska.

Shanqar wuxuu maqlay u sheegeysa in albaabkiisa la garaacayo! “Waa ayo, qofka xilligan kuu imaan kara?” Ayuu is-weydiiyay, dabadeedna isagoo dhibsanaya in uu kaco ayuu muraayadihiisii akhriska iska bixiyay, wuxuuna u dhaqaaqay dhinacii albaabka. Hase yeeshee, intii aanu furin albaabka waxa uu isha saaray duleelka albaabka ee loogu talogalay in qofka gudaha jooga uu ka arki karo qofka dibadda u taagan.

Waa Caasho muuqaalka uu arkay, waa qofka iridda u soo garaacay ee galabtaas u soo muraaday qolkiisa, niyadda ayuu ka farxay, waa xaaskiisa oo wuu jeclaa inuu arko, inuuu ka wareysto xaaladda reerka, inuu waqti uu kula sheekeysto la qaato, durbadiiba albaabka ayuu ka furay.

Waa labo naf oo isu hilowdaye, markiiba waxaa la isugu soo booday sidii labo ruuxoo labo qaaradood iyo duni kala fog ku kala cillaalneyd, waa la is boga-bogeeyay, hamuuntii ay abuurtay kala fogaanshaha ayaa la iska yara shaafiyey.

Warsame wuxuu arkay inay Caasho boorso weyn galabta jiideyso, taasoo uu iswaydiiyay, wuxuuna ku tashaday bal inuu ka xog-ogaado iyada xaggeeda waxa ay ula jeeddo arrintaas. Sheekadii dhex martayna waxay u dhacday sidan:

Caasho: Warsamow maxaad sheegtay?

Warsame: Caashoy waan fiicanahay, sidee tahay adiga? Ka warran wiilkeennii Guuleed?

Caasho: Dhammaanteen waanu fiicannahay, oo wax dhibaato ah ma jiraan, Ilaahay wuu noo gar-gaaray.

Warsame: Maxay tahay maanta boorsadan aad sidato, xaggee baad geeddi u tahay?

Caasho: War adiga ayaan kuu imid, guriga waan ku cidlooday, wiilkii Guuleed ahaana labo xaasle buu noqday, wuxuu isaga mashquulsan yahay xaasaskiisa, anigana iima yimaado. Midda kale, Guuleed wuxuu ka soo horjeedaa xildhibaannimadaada, wuxuuna had iyo jeer i yiraahdaa “u sheeg aabbahey inuu towbad keeno,” marka waxaan halkan u imid inaan adiga kula noolaado, oo aan meeshan kula dego, alaabteydana waan wataa!

Warsame: Caasho, side bey wax kaa noqdeen, arrintaasi mid suuragaleysa ma aha, miyaad soo waalatay, halkan ilama degi kartid, waayo lama oggola.

Caasho: Warsamow aniga meel aan u laabto ma lahan. Xaafaddii aad igu soo
cidleysay waa meel aanu dagaalkeedu dhammaan, sidaas darted halkan inaan kula dego waa lama huraan.

Warsame: Maya.maya.taasi ma suuragaleyso, laakiin waxaan kuu kireynayaa guri kale, oo aan ka fogeyn meelaha aan ka talinno, halkaas baad degeysaa, markaas labadeenna kalama fogaaneyno.

Caasho: Aniga waan kaa shakisanahay, waxaan u maleynayaa inay wax kuu qarsoon yihiin. Ma waxaa jirta cid aan isu oggolayn nin iyo xaaskiis in ay meel wada degaan? Warsamow kuma fahmine ma naag kale baad iga qarineysaa?

Warsame: Caashoy hinaasaha iska daa,. Waxaad tahay xaaskayga aan jecelahay, oo weligay inaanan kula guursaneynna waad ogtahay. Hase yeeshee, halkan nidaam ayaa ka jira oo aan xildhibaannada kale kala mid ahay. Ma jiro nin loo oggolaaday in ay xaaskiisa hoteelkiisa la soo degto. Sidaas darteed, waxaad sameysaa gurigaas aan kuu ijaarayo iska deg, kollay wuu nooga dhow yahay meeshii hore, waana isugu iman kareynaaye waqtigii aan u baahanno.

Warsame isagoo isku deyaya inuu xalliyo masayrka la soo dersay xaaskiisa, ayaa waxaa sheekadii ka soo dhex galay xildhibaan saaxiibkiis ah oo Jaamac la yiraahdo, lana deggan hoteelka, kaasoo rabay inuu la soo sheekeysto saaxiibkiis, sheekaduna qaabkan ayay u sii socotay:

Jaamac: Warsame ii warran, maanta marti baa kuu joogta waan ku arkaaye.

Warsame: Walaal waan fiicanahay. Maya, marti ma aha qofkan oo waa xaaskeyga, magaceeda waxaa la yiraahdaa Caasho, xaafaddeennii bay ka soo guurtay oo rabshadaha iyo dagaalka ayaa aaggaas ku batay, waadna ogtahay inay Marin- habaabiyeyaashu meelahaas qas ka wadaan. Sidaas darteed, waxay xaaskaygu u timid in ay aniga ila degto..Caasho ninkan waa saaxiibkey, waana xildhibaan magaciisa waxaa la yiraahdaa Jaamac.

Caasho: Barasho wanaagsan Jaamac.

Jaamac: Barasho wanaagsan Caasho.

Warsame: Waxaan hadda xaaskayga u sheegaayay in aan guri uga kireyn doono meelahan dhow, iyadana waxay jeceshahay inay hoteelka ila degto.

Jaamac: Walaal Caasho, annagoo dhan baa sidaas iska wada ah. Halkan lama oggola in xaasaska la keensado, sababatoo ah hawlaha aan wadno iyo qoysasku isma qaadan karaan. Si haddaba loo kala saaro hawlaha reeraha iyo kuwa dowladda baan guryo kale u dejinnay xaasaskeenna, wayna fiican tahay haddii aad guri ka heshaan meelahan dhow.

Warsame: Waa anigii kuu sheegay Caashoy in xildhibaannada oo dhan ay sidaas yihiin, waqtigii aad doontana halkan waad iigu imaan kartaa.

Caasho: Waa yahaye, ila raadi guri fiican oo meelahan ku dhow.

Jaamac: Warsame iyo Caasho waan sii soconayaaye raalli ahaada ee nabadey.

Warsame: Haye, Jaamac,. waan isla joognaa.Caasho, maxaad tiri, ma Guuleed baa sidaas oo dhan isu beddelay?

Caasho: Wiilkaas wuu fogaaday. Aniga xitaa inaan waaniyo baan isku dayay,
wuxuuna igu yiri, “hooyo in lagu hanuuniyo ayaad u baahan tahay, oo iimaankaaga ayaa daciif ah.”

Warsame: Yaab badanaa!!! Bal ina keen aan maqaayadda hoose ka soo cunteynee. Waxaa noo taalla hawl. Guri in aan raadinnana waan u baannahay, waadna ogtahay aniga dhaqdhaqaaqeygu wuu iska xaddidan yahaye.

Sidaas iyagoo hadalkoodii u wata ayay qeybta hoose ee hoteelka u soo degeen, halkaasoo ay fariisteen maqaayad uu hoteelku leeyahay, waxayna ka dalbadeen cunto, kaddibna gaari intuu Warsame meeshii ka qaatay oo Caashana horay u kaxeeyay ayay billaabeen guri raadis.

Abuu Seef shaqooyinka ayaa ku batay. Maalmahan dambe wuxuu dareemaa culays ku saabsan sidii uu u kala maarayn lahaa shaqooyinka mar uun oodda soo jabsaday. Abuu Seef waxaa dhibaatada iyo culayska oo dhan ugu wacan iyadoo meel kasta la rabo in shaqo laga qabto. Gudaha deegaanka Abuu Seef waa ku keligiis xagga dhaqaajinta hawlaha xasaasiga ah oo dhan, waxaana intaas u dheer isagoo aan haysan cid uu ku kalsoonaan karo oo uu u idman karo hawlaha qaarkood.

Abuu Seef waa ninka kala hufa oo diyaariya dhammaan shirarka lala qaadanayo bulshada qeybaheeda sida odayaasha, aqoonyahannada, maleeshiyaadka, amiirrada, ardayda, haweenka iyo inta kale ee ay dani ka soo gasho Marin-habaabiyeyaasha.

Niyad fiican ayuu leeyahay, sababtoo ah inta badan waxyaabihii ay u tallaabo qaadeen isaga iyo saaxiibbadiisa kale way ku guuleysteen. Xafiiskiisii yaraa isagoo dhex fadhiya oo ka fikiraya hawlaha adduun ee horyaalla, ayuu soo xusuustay Macallin Duufiye iyo wax soo saarka warshaddiisa (marin-habaabinta ubadka da’da yar ee ay reerahooda uga soo kexeeyeen in ay diinta barayaan).

Go’aan aanu ka sii laba-labeyn ayuu ku gaaray inuu isku diyaariyo daqiiqaddaas gudaheeda kaddibna u hawl-deg ah guda-galo. Waa in uu u tagaa Macallin Duufiye oo uu maalmahan ka mashquulay. Wuxuu haleeli waayay fursad fiican oo uu kula soo sheekaysto, oo uu ku soo kormeero shaqada uu hayo.

Iyadoo ay barqo tahay, oo ah waqtiga inta badan dadka u baahda inay shir la qaataan ay u yimaadaan ayuu Abuu Seef cimaamaddiisii garabka soo saartay, oo kabihiisii saandalka ahaa ee gadaal ka xirnaa si fiican lugaha ugu soo dhuuqsaday, wuxuuna xarunta dadkii joogay kula dardaarmay inay shaqooyinka sii wadaan oo uu deg-deg u soo laaban doono.

“Ciddii ii timaada, ha i sugto, sooma daahi doonee,” ayuu ku yiri wiil dhallinyaro ah, oo uu xafiiska uga tagto marka sidaan oo kale ay talo ugu soo dhacdo, oo uu u baahdo in uu hawlo deg-deg ah dibadda xarunta ka soo fushado.

Abuu Seef marka uu keligiis waddada socdo, dabeylaha ayuu la tartamaa. Waa nin socodka booba, oo aan jeclayn inuu la istaago haddii uu qof ka hor yimaado, xitaa haddii ay qofkaasi is-bar-garanayaan ama ay hawlo ka dhaxeeyaan. Isagoo aan joogsan ayuu salaanta iyo hadallada ku tuuraa, marshada ayuuna sii gashadaa.

Xaafadda uu sidaas u dhex mushaaxayo, waa meel ay mar hore dacal kasta ka qabsadeen Marin-habaabiyeyaasha, cid uu ka baqanayona ma jirto. Waxa jooga hareeraha oo dhan waa xertiisa iyo wiilashii ay carbiyeen. Luuq kasta waxaa qoryo ka soo fiiqaya ciyaalkaas, kuwaasoo in ay salaan iyo weji furan ku soo dhoweeyaan mooyaane aan waxyeello dhankooda uga timaada cabsi ka qabin.

Madrasadii ayuu soo gaaray isagoo dhididaya. Abuu Seef beryahan wuu naaxay, khamiisyadii uu horay u xiran jiray bar wuu tuuray markii ay ka yaraadeen, kuwo holof ah ayuu suuqa ka soo xaabsaday, oo wuxuu cayilkiisa sii siyaadaya dhaxalsiiyey in uu maalin kasta khamiis, koofi iyo cimaamad cusub xirto.

Macallin Duufiye ayuu isa soo dul taagay sidii uu u soo socday. Markii ay isa salaameen, kaddib ayuuna ka wareystay shaqada sida ay u socoto. Macallin Duufiye wuxuu guddoomiyihiisa u sheegay in ay sidii la rabay iyo si ka fiican wax kasta u socdaan.
Dhallinyaradu inay duruusta si wanaagsan u qaataan ayuu u sheegay Abuu Seef. Duruustaasi in ay dan ummadda ugu jirto fiicnaan lahaydaa! Waxay u sheegaan dil iyo qarbudaad aanay diintu qoreyn, hase yeeshee tababarro aanay carruurtu waqtigii loogu talagalay gaarin ayaa iyagoo aad u yar-yar lagu beer gooyaa subax iyo galabba.
Abuu Seef wuxuu ku farxay warbixinta macallinka, inay taasi tahay qeyb ka mid ah guulaha ay tiigsanayaan ayuuna shaaca ka qaaday. Wuxuu xusuustay raggii shisheeyaha ahaa ee dhowaan la yimid Abuu Colaad. “Tababarayaasha cusub ee ay walaalaheenna dibadda nooga soo direen war iga sii,” ayuu yiri Abuu Seef, isagoo hadalka u wada Macallin Duufiye.

Macallinka waxaa mar dhoweyd madax looga dhigay wixii tababarro iyo soo-saaris ciidan ku saabsan. Isaga ayaa si toos loogala soo xiriiraa ama shisheeye ha ahaado ama sokeeye macallinkii wax tababara iyo haddii lagu aflaxo waxqabkiisa. Ciddii uu Macallin Duufiye warbixin ka gudbiyo in aanay waxba ku soo kordhin tababarrada ciidamada si toos ah ayaa loo ruqseeyaa.

Ragga ajnabiga ah inay shaqo fiican hayaan ayuu ku ammaanay Macallin Duufiye, oo ay u hagar-baxaan carruurta xilliyada ay tababarrada siinayaan, “khiddado cusub ayayba ku soo kordhiyeen tababarrada, waa rag loo baahnaa oo weliba na anfacay,” ayuu yiri Macallin Duufiye.

Sababta loo keeneyba inay intaas ahayd ayuu ku faanay Abuu Seef, isagoo sii raaciyey in raggani ay aad u fududeynayaan haddii caawimaad looga baahdo shaqooyinka qaar, gaar ahaan tababarrada ku saabsan qeybaha hubka iyo mooniiyoonka. Carruurta ay xareeyeen inay tiradoodu ka badatay intii ay filayeen oo tababarrada in la xoojiyo iyo wax fahamsiintooda ayuu Abuu Seef ku boorriyey Macallin Duufiye.

Inay kor u sii kacdo awoodda iyo tayada ciidamadooda ayay u baahan yihiin, oo ay dalka oo dhan wada qabsadaan. “Ma is leedahay inaan walaalahaas soo kordhinno waan u baahannahaye?” Ayuu Abuu Seef waydiiyay Macallinka, isagoo ugala jeeda bal in ay soo kordhiyaan shisheeyaha ku daaban in ay baahida taagan sheegeyso iyo in kale.

Macallin Duufiye wuxuu sheegay inay fiicnaan lahayd haddiiba la heli karo tiro dheeraad ah in la soo kordhiyo. Macallin Duufiye wuxuu Abuu Seef u sheegay in toddobaadka soo socda uu shaqada ka maqnaan doono oo uu guursanayo islaantiisii afaraad.

Abuu Seef wuxuu ogaa inuu macallinku afar xaas hore u lahaa, dabadeedna isagoo arrintaas ka yaabay ayuu weydiiyay side uu misana mid shanaad u guursan karaa, wuxuuna Macallin Duufiye dabadeed u sheegay in mid ka mid ah xaasaskiisii ay booska banneysay oo ay kala tageen, sidaas daraadeedna uu damacsan yahay inuu buuxiyo kaalintaas bannaanaatay.

Macallin sii badala toddobaadkaas uu maqan yahay ayay is-weydiiyeen labada nin, wuxuuna Macallin Duufiye sheegay inaanu weyneynin oo mid ka mid ah ardaydiisa uu ku sii wareejin doono inta uu soo laabanayo, kaasoo uu si aad ah ugu kalsoon yahay inuu shaqadaas ka bixi karo.

“Ilaahay ha kuu barakeeyo arooskaaga cusub,” intuu yiri Abuu Seef, ayuu macallinka u sheegay inay qorsheynayaan dhowaan weerarro cusub oo dagaal oo ay qaadayaan, wuxuuna ka codsaday inuu si wanaagsan isugu dubba-rido carruurta uu diyaariyay, maaddaama kaalinta ay dagaalladaas ka qaadan karaan ay muhiim tahay.

Kuwaas inay horay u diyaarsanaayeen oo aanay shaqo badan u baahneyn ayuu sheegay Macallin Duufiye, oo uu isla maalintaas u xuli doono qaar carbisan. “Waxaan rabaa inay haddaba markaan baxayo horay ii raacaan si aan safafka dagaalka u baxaya ugu daro,” ayuu yiri Abuu Seef oo macallinka hadalka ka dhex galay.

Inuu taasi u sameyn doono ayuu u ballanqaaday Macallin Duufiye, oo lagu wargeliyay sidoo kale inay jiraan awaamiir cusub oo ay Marin-habaabiyeyaashu ku soo rogi doonaan dadweynaha, kuwaasoo ku wajahan carruur iyo cirroolaba inta saanta qaadda ee deegaannada ay joogaan ku nool.

“Ragga waa inaan ku sharciyeyno oo weliba khasab uga dhigno inay garka deystaan, shaarubkana ay xiiraan, inaanay dadku gashan ilkaha dahabka ah, inay dumarku xijaabnaadaan, laba qof oo kala ajnabi ah inaanay gawaarida wada raaci karin, inaanay waddada wada mari karin iyo in xilliyada salaadda la xiro goobaha ganacsiga, qof kastana uu galo masjidka, ciddii awaamiirtaas fulin waysana waxaan rabnaa inaan tallaabo ka qaadno,” ayuu cod qayaxan ku yiri Abuu Seef oo la hadlaayay Macallin Duufiye.

Macallin Duufiye wuxuu isaguna sheegay inuu awaamiirtaas u sheegi doono ardaydiisa iyo amiirrada hor-boodda maleeshiyadooda. Macallin Duufiye barqadaas wuxuu madrasada ka kaxeystay 30 carruur ah oo bilo iyo toddobaadyo waxbarashooda ku qaatay madrasadiisa, kuwaasoo uu u watay inay ka qeybgalaan dagaallo ay abaabulkooda wadeen beryahaas.

Abaadir sidii habeenkii loogu tacaddiyay ee wiilka yar uu u karbaashayba guri jooge ayuu iska noqday. Wuxuu yaqiinsaday in aanay jirin nabad uu isku halleeyo, oo sharaftiisa iyo dadnimadiisa la dhaawacayo iyadoo aan la eegeyn da’diisa iyo qofka uu yahay. Masaajidka gurigiisa ku dheggan ayuu salaadda ku tukadaa, markuu ka soo baxana gurigiisa ayuu dib u galaa.

Wararka magaalada wuxuu kala socdaa idaacadaha, wiilashiisa ayuu u dirsadaa marka uu magaalada wax uga baahdo, saaxiibadiisna gurigiisa ayay ku soo booqdaan oo uu kula sheekeystaa, wuxuuba ka caagay bannaanka iyo usha aan loo meel dayin ee Marin-habaabiyeyaashu ay dariiqyada ula taagan yihiin bulshada.

Oday ay saaxiibbo yihiin ayaa u sheegay in islaantii Faadumo ahayd iyo odaygeeda ay kala tageen, sababta ay sidaas ku dhacdayna ay tahay iyadoo Marin-habaabiyeyaasha raacday, carruurteediina raacisay.

Abaadir wuxuu muddo dheer jeclaa Faadumo, inta aanu odaygan guursan ayuu ku hammin jiray inuu la aqal-galo, laakiin calafka ayaa ka hiilliyay. Abaadir inkastoo uu ka samray Faadumo, haddana weli waxaa qalbigiisa ku dambeeyay jaceylkii uu u qabay iyadoo gashaanti ah.

Labada nin waxay is-tuseen in ay tani fursad qaali ah u tahay Abaadir, maadaama ay Faadumo hadda madax-bannaan tahay. Dharkiisii ugu bilicda samaa intuu soo xirtay oo catar caraf badanna soo marsaday ayuu galabtaas Abaadir u majo xeytay dhinaca guriga Faadumo reerkeedu ay deggan yihiin, si uu ula soo haasaawo.

Abaadir wuxuu soo tag-taagsadaba ugu dambeyn wuxuu yimid gurigii Faadumo ay joogtay, wuxuuna gar-garaacay Albaabka, kaasoo ay ka furtay gabar yar oo ay eeddo u tahay Faadumo. Abaadir wuxuu gabadhii yarayd weydiiyay bal in ay Faadumo joogto iyo in kale. Hase yeeshee, intii aanay gabadhii yarayd jawaabin ayaa waxaa codka Abaadir maqashady Faadumo oo durbaba dibadda u soo boodday.

Faadumo way taqaannaa Abaadir. Waa nin deggan oo akhayaar ah, dadka asalka ah ee xaafadda loogu yimid inuu ka mid yahay way ka war-qabtaa, inuu marar badan waddada ku salaamayna way xusuusataa, salaan ma ahane weliba inuu jecel yahay ayuu u sheegi jiray intii aan la guursan.

Faadumo barsada guriga ayay Abaadir gambar u dhigtay, waxaana dhex martay sheekadan:

Abaadir: Faadumo ii warran?

Faadumo: Abaadir waan fiicanahay. Maanta waad soo dheeraataye, maxaad cabbeysaa qabow iyo kuleyl?

Abaadir: Waad mahadsan tahay Faadumo. Hadda ayaan guriga ka soo baxay, waxba ma cabbi karo walaaley.

Faadumo: Haye, bal ii warranoo, kollay waxaan qiyaasayaa in aadan beryahan i soo booqanine, maanta booqashada tolow ma wax baa kuu wehliya?

Abaadir: Waxaan u socday arrimo iska caadi ah, inaan ku soo salaamo isla mar ahaantaasna aan waxoogaa kula sheekeysto uun baa socdaalkaygu ahaa.

Faadumo: Waad ku mahadsan tahay salaantaada, waana ku soo dhoweynayaa.

Abaadir: Faadumoy, waxaan maqlay in aad xaajigaagii kala tagteen, ee ma run baa taas?

Faadumo: Haa, arrintaasi way jirtaa. Xaajigu wuxuu noqday nin nooc kale ah, wuxuu igula diriray carruurta maxay diinta u baranayaan. Haddana, waxba igama halleysna, carruurteydana waxbay ii bartaan, anna dugsi halkaan ah oo ay maamulka cusub leeyihiin baan galay, waa kanoo kheyr baa ii siyaadaya.

Abaadir: Maxaa qorshe ah, weli waqti badan baad heysataaye oo waad dhallinyar tahaye, sow kheyrkuna kuma jio in aad reer dhisato?

Faadumo: Reer waan dhisanayaa, waase markaan helo nin u qalma inaan nolosha la qeybsado. Hadda, magaaladiiba waxay iska noqotay meel qasan oo ragga wan- wanaagsan waxaa si weyn uga badan kuwa xun-xun.

Abaadir: Adigoo sidan u qurux badan in uu xaajigaagu sahalkaas kugu furo ma ahayn. Laakin, waxba ma aha haddaba anigaa ku jecel, oo doonaya in aan ku guursado, mar haddaad xaajigaagii kala tagteen, waxaana kaa codsanayaa in aad codsigaasi iga aqbasho.

Faadumo: Guur aa! War aniga haddii aanba guursanayo, waxaa i guursanaya nin wadaad ah, adiga oo kale ma doonayo!

Abaadir: Anigu xaggee baan la’ahay? Wadaadna waan noqon karaa haddii loo baahdo!

Faadumo: Maya…maya. Adigu ima guursan kartid Abaadir. Haddii aad wadaad tahay wey kaa muuqan lahayd. Bal is-fiiri marka hore.. gar ma lihid, khamiis ma xirnid, ee qof sidaadoo kale ah cilmaani ah iska raadso oo qaabkaagaan kugu guursata.

Abaadir: Wadaadnimadu ma aha in gar la deysto, midda kale aniga garka iimaba soo baxo, oo weligeyba sidaan baan ahaa. Intaasna wax la isku naco ma aha. Xaajigaagii intuusan ku guursan baan ku jeclaa oo waad ogtahay taas, haddana weli waan ku jeclahay, fursad waaye tan ee ha ii gefine Faadumoy warka si fiican iiga gur.

Faadumo: Abaadirow waqtiga ha isaga luminin jacaylkaas aad sheegeyso. Nin wayn ayaad tahay nolosha khayaaliga ah intaad isaga baxdo, orod oo raadso naag sidan kugu guursata, anigu kuma doonayo.

Abaadir: Faadumoy waaba la gartay, islaantii uu wadaad furo inay wadaad kale raadiso, laakiin waa ku side? Xaajigaagii horeba wadaad ma ahayen wuuna ku qabaye sidee baan wax leedahay?

Faadumo: Abaadirow warka badan intaad iska yareyso, aniga waan kuu sheegay xilligaan guur diyaar uma ahi. Kii hore wareerkiisa haddaanba ka baxay oo waa in aan nasto. Haddana, waxaa intaas ii dheer in ay waxbarasho ii socoto ee sidaas wax u ogow.

Abaadir: Faadumoy waxaan kaa codsanayaa inaad fursad mar uun i siiso, adigana aad fursad kale qaadato oo aad si wanaagsan uga soo fikirto arrintaan oo aadan yaraysan.

Faadumo: Abaadirow aniga waan kuu sheegay inaadan waqtiga iska qaadin, hadda aniga diyaar kuuma ahi.

Abaadir: Muddada yar ee la nool yahay, waxaa wanaagsan in aan waqtiga ka faa’ideysanno. Adiguna Faadumooy waad u baahan tahay nin ku guursada, waxba adiga oo aan iskey diidsiinin isku day inaad si fiican uga fikirto oo aadna wax yar u kaadiso jawaabtan aad had iyo jeer la soo booddo adigoo aan si wanaagsan uga fiirsan.

Faadumo: Ninyahow, .. adigu waxba ma fahamtid miyaa? Dad waa-weyn baan nahaye yaynaan is-dhibin oo aynaanna waqtiga iska qaadin.

Abaadir: Faadumo, .waxaa laga yaabaa in ay wax iska kaa beddelaan, ee ogow in aan ku sugayo, waana kugu soo laaban doonaa mar kale iyo marar kale.haddana waan kaa sii tegayaa ee macasalaama Faadumo.

Abaadir isagoo ku soo hungoobay shukaansigii uu ka lib-keen is lahaa ee uu ugu tegay islaantii Faadumo ahayd, ayuu dib uga soo luuday gurigeedii, wuxuuna ku tashaday inaanu intaa kaga harine uu xal kale raadiyo, maadaama ay fursaddu mar keliya tahay.

Carsaanyo xuskii aabbihiis sidii looga soo baxayba, caawa ayaa isugu horreysa isaga iyo saaxiibkiis Qasaaye, oo uu galabta guriga ugu yimid. Carsaanyo wuxuu derin soo dhigtay geedka guriga Qasaaye ku yaalla hoostiisa, halkaasoo uu isku kala bixiyay.

Qasaaye waxaa u daaran kombiyuutarka uu ku xirtay internetka, halkaasoo uu ka eeg- eegayo wararkii ugu dambeeyay ee saacaddaas la soo geliyay bogagga ay Soomaalidu leedahay.

Carsaanyo caawa wuxuu rabaa inuu iska seexdo guriga saaxiibkiis oo galabta sidii ay u sheekaysanayeen uu gabbalku ugu dhacay. Carsaanyo wuxuu ka cabsaday in haddii uu baxo uu khatar kula kulmi karo xaafadaha labadooda guri u dhaxeeya.

“Carsaanyo.soo orod…kaalay,…wax baan ku tusayaaye mar i soo gaar,” waxaa qolkii uu ku jiray ka soo qeyliyay Qasaaye oo doonaya in uu wax ka yaabiyay tuso saaxiibkiis.

Carsaanyo intuu dacaskiisii boobsiis u gashaday ayuu u cararay dhinaca qolkii uu uga yeeray Qasaaye.

“Meeshaan wararka ku qoran arag. Internet-ka maanta warar la yaab leh ayaa ku jira,” ayuu yiri Qasaaye oo saaxiibkiis tusaya warar uu la yaabay. Carsaanyo waa looga fiican yahay isticmaalka internet-ka, isla markaana wax fikrad ah oo macno leh kama uu heysto, wuu la yaabaa marka uu arko saaxiibkiis oo shaashadda kombiyuutarka ku mashquulsan oo warar cusub ka soo sheegaya.

Carsaanyo intuu ku soo foorarsaday ayuu yiri, “i tus waxa cusub ee aad sheegeyso maxay yihiin, maxaase laga sheegay internet-ka aad had iyo jeer ku foorarto?” Qasaaye intuu qoslay ayuu saaxiibkiis ku yiri, “way iga qosliyeen.” Carsaanyo oo is- hayn kari waayay ayaa saaxiibkiis ku yiri, “wararkaas maxay yihiin, oo maad ii akhrisid?”

Qasaaye isagoo raba inuu ka maadsado saaxiibkiis ayuu ku yiri, “Marin- habaabiyeyaashu waxay mamnuuceen waxyaabo badan, hadda kaddib shaah caddeys ah adoo cabbaaya haddii lagu arko karbaash waaye,” qosol cabbaar ah ayuuna ku dhuftay.

Carsaanyo warkaas intuu aad ugu qoslay isaguna ayuu saaxiibkiis ka codsaday in uu kaftanka ka joojiyo in uu u sheego wararka cusub ee uu meesha ka arkay.

Arrinka shaaha caddayska ah in uu ku kaftamayey ayuu u sheegay Qasaaye, laakiin ay jiraan waxyaabo kale oo yaab leh oo meesha lagu soo qoray, kuwaasoo ay si toos ah u sheegeen Marin-habaabiyeyaashy inay dadka ka mamnuuceen. “Waxaa la mamnuucay ilkaha dahabka iyo qalinka ah ee ay dadku gashadaan marka ay ilakahooda caadiga ah ka dhacaan ama la fool-xumaadaan,” ayuu yiri Qasaaye.

“Ilka-dahabow waraa ku heysto,” intuu yiri Carsaanyo ayuu saaxiibkiis ka codsaday inuu u sii wado waxyaabaha kale ee la sheegay in la mamnuucay. “Fadhi-ku-dirirna waa la mamnuucay, oo haddii lagugu arko hadda kaddib iska jir,” ayuu yiri Qasaaye oo wararkii kale sii wata.

Carsaanyo magaalada warar uu ka soo maqlay oo arrimahaas ku lug leh ayaa jira, wuxuuna saaxiibkiis u sheegay inuu soo maqlay waxyaabo ay ka mid yihiin, garka in aan la xiiri karin, shaarubka inaan la deysan karin, dumarku inay xijaab gashadaan iyo waxyaalo la mid ah. “Adigu wararkaas xaggee baad ka keentay?” Ayuu waydiiyay, isagoo la yaabban wararka isa soo taray ee uu daldalaayo Qasaaye.

Wuxuu u sharraxay in dunida oo dhan ay hadda hal tuulo isku noqotay oo qofka isagoo gurigiisa fadhiya uu ogaan karo carro-edeg wararka ka dhaca, intaasna kuma uusan joojine wuxuu u sheegay inay wararku badan yihiin.

“Dumarka waxaa la amray in ay iskaalshooyin ‘sagsaan’ kala nooc-nooc ah xirtaan, si loo kala aqoonsado midda la qabo, tan aan weli la guursan, midda laga dhintay iyo tan la furay,” ayuu yiri Qasaaye oo saaxiibkiis u sharraxaya wararka uu meesha ka arkay.
In ay arrin fiican tahay, ayuu sheegay Carsaanyo, oo Marin-habaabiyeyaasha ku ammaanay tallaabadaas. “Midda garoobta ah ii sheeg maxaa lagu aqoonsan karaa?” Ayuu waydiiyay saaxiibkiis isagoo ilkihiisa kala tag-tagsan muujinaya qosol dartiis.

Qasaaye wuxuu saaxiibkiis si kaftan ah u yiri, “Carsaanyow illeen garoob gaad-gaad baad ahayd?!” Qosol ayay isku dareen. “Hadda kaddib, iskaalsho cagaaran haweenaydii ku aragto ha ka harin,” ayuu yiri Qasaaye isagoo ku qoslaya saaxiibkiis. “Waad igu og-tahay,” intuu yiri ayuu qosol kale ugu jawaabay Carsaanyo.

Labadan nin ee saaxiibbada ah kaftankoodu cajaa’ib ayuu leeyahay. Waa dad aanay biya-dhaca sheekadooda fahmi karin dadka intooda badan, marka laga reebo reer magaalkii hore ee sidooda oo kale hadallada dabacsan iyo kaftanka wax isugu sheega.

Qasaaye isagoo saaxiibkiis u sii wada sheekadii ku saabsanayd awaamiirta Marin- Habaabiyeyaasha ayaa uga digay Carsaanyo inuusan isku dayin masaafo, oo ay khatarteeda leedahay, maadaama iyadana ay ka mid tahay waxyaabaha la mamnuucay, oo weliba ay tilmaameen inay xaaraan tahay, oo in la isku soo mehersado si dhuumasho ah ay ku qaldan tahay shareecada Islaamka. “Dhaqankii hore ee gabdho la dhuumashada waa dhammaaday,” ayuuna u raaciyey.

Sheekada qeybteedii hore wuu la dhacsanaa, hase yeeshee intaas dambe wuu dhaliilay Carsaanyo. Kaftankooda waxay ku soo hadal-qaadeen in sidoo kale la mamnuucay dhex-xirashada, surwaallada jiiniska ah, muraayadaha indhaha iyo waxyaabo kale oo la mid ah, oo laakinse ay bannaan tahay in gebi ahaanba wejiga cimaamad lagu duubto, gabdhuhuna ay indho-shareer xirtaan.

Cutubka 6aad

Faadumo waxay laa-laabeysaa dhar ay maanta dhaqday oo ay dhowaan xarigga gurigeeda ka soo gurtay iyagoo qallalay. Waxay dareemeysaa daal badan. Waa garteed oo maanta oo dhan waxay ku dhex jirtay hawsheedii guriga oo ay keli ku ahayd cunno karin, alaab dhaqis, adeeg iyo hawlo kale oo uu u sii dheeraa yahay dharkii ay dhaqday maanta.

Wel-welkii ay ka qabtay maqnaanshaha carruurteeda wuu ka yaraaday, waayo iyada ayaaba hadda ardayad ah, oo maanta oo Jimco ah iyo shalay ayay ka nasatay madrasada ay iska soo qortay oo ay Marin-habaabiyeyaashu wax ugu dhigaan islaamo iyada la eyni ah.

Waxay rumeysan tahay in ay hadda uun cagta la heshay dhabbihii saxda ahaa ee ay ku liibaani lahayd. Waa ardayad, marna waa hooyo guri joogto ah, waxay niyadda ka jeceshahay in ay dharkan dhaqso u jal-jallaaddo, dabadeedna ay iskala bixiso maqribka marka ay tukato kaddib.

Aroorta berri ayay madrasada u kallihi lahayd oo waa Sabti. Casharrada laga rabo in ay cishaha markii ay u soo kacdo isha mariso ayay rabtaa oo ay kaddibna berri madrasada tagto iyadoo dhinac kasta diyaar ka ah.

Iyadoo sheygii ugu dambeeyay laa-laabeysa ayaa albaabkii la soo garaacay. Waxay niyada iska tustay inay tahay mid ka mid ah islaamaha deriskeeda ah oo sheeko doon ah. Waxay dhibsaneysaa in sheeko loogu yimaado, dabadeedna iyadoo caga-jiideysa ayay dhankii albaabka u dhaqaaqay.

“Waa ayo?” Ayay cod dheer ku tiri markii ay albaabkii u dhowaatay. “Waa anigee iga fur Faadumo,” waa cod nin oo ay garaneyso, oo maxay u garan waysay, sow ninkeedii ay xajka ku tirineysay ma aha qofka bannaanka iridda ay codkiisa ka maqasho. Intay aqoonsatay codka duqeeda ayay markiiba labo qataar oo albaabka celinayay ka sii deysay, oo ay u oggolaatay inuu gudaha soo galo.

Odaygu muddo saddex bilood ka badan ayuu guriga iyo dalkaba moog yahay. Wuxuu ku maqnaa Sacuudiga oo uu bishii afaraad ee la soo dhaafay u tegay inuu ku soo guto waajibaadka xajka, maadaama uu ka mid yahay tiirarka islaamka, gaar ahaan tiirka shanaad uu yahay.

Odaygu wuxuu ka mid yahay ganacsatada deegaanka ugu caansan, weliba waa qofka ugu hantida badan degmada uu ku nool yahay. Sidaas daraadeed, intuu yaqiinsaday xajka inuu ku waajibay ayuu sanadkan dhinac ka raacay xujaaydii deegaankooda ka baxday.

Faadumo si ay reyn-reyni ka muuqato ayay odaygeeda u soo dhoweysay, waxayna dhinac kala qabatay labo shandadood oo midi ay aad u culus tahay. Durba, intay gurigii gadaal u gashay ayay u diyaarisay biyo, saabuun iyo shukumaankii (tuwaalkii) oo ay u sii geysay suuliga, waxayna cod naxariis iyo kal-gaceyl uu ka muuqdo ugu baaqday inuu isa soo qaboojiyo, oo uu daalka ka soo qubaysto.

“Faadumoy bal warranoo, carruurtu siday yihiin? Reerka maxaa iga dambeeyay?” Ayuu xaajigu waydiiyay Faadumo, isagoo isu diyaarinaya inuu musqusha tago. Markaas ayey u sheegtay inay dhammaantood wanaagsan yihiin, ayna waxyaabo badan oo ka dambeeyay uga sheekeyn doonto marka uu musqusha ka soo baxo.

Qolalka guriga uu ka kooban yahay ayuu indhaha la raac-raacay, isagoo raadinaya wiilashiisii Aweys iyo Mustaf oo uu is-leeyahay, “way maqlaan codkaagee, may ku soo salaamaan oo bannaanka yimaadaan?” Isagoo aan hadlin ayuu musqushii iska galay oo uu soo qubeystay.

Faadumo daalkii ay daqiiqado ka hor dareemeysay ayaa ka duulay, waxayna isu diyaarineysaa inay suuqa u adeeg tagto oo ay odaygeeda u diyaariso soo dhoweyn, ugu yaraan cunto macaan oo uu caawa cuno.

Iyadoo aan bixin ayuu odaygii soo dhammeystii qubeyskii. Intay dhankiisa soo aadday ayay hadal kaftan ah ku tuurtay, “Xaaji waad soo nuurtaye, kaalayoo bal halkan soo fariiso aad nasatide”, intaas markii ay ku lahayd waxay gacanta ku sidday galaas biyo qasan ah oo ay u sii diyaarisay intii uu meyrashada ku jiray.

Markuu fariistay ayuu Faadumo waydiiyay isagoo biyihii cabbaya, “Aaway wiilasheydii Musfat iyo Aweys uma jeedee, xilligaan miyay iskuulkii jiraan?” Odaygu wuxuu ogaa wiilashu inay gelinka dambe iskuulka aadaan, gelinka horena dugsiga Qur’aanka.

Faadumo waxay duqeeda u sheegtay inay wax badan oo gadaashiis dhacay uga sheekeyn doonto, balse hadda ay suuqa ka soo yara laabaneyso si ay casho uga soo adeegto.

Odaygu markii ay intaas u sheegtay ayuu dareen ku dhashay, wuxuuna ku fikiray inaanu sugi karin ilaa inta ay suuqa ka soo laabaneyso, iyadoo sheekada u sii billowda mooyee.

“Waad ii sheekayn doontaaye, aaway wiilasheydii waxaan rabaa inaan arko,” ayuu yiri, isagoo uu ka muuqdo hilow badan oo uu u qabo aragtidooda, niyaddana iska leh, “tolow ma waxbarashadooda ayaa saacado loogu daray?” “Xaaji wiilashu intii aad maqneydba guriga ma aanay joogin,” ayay Faadumo ku tiri odaygeeda, iyadoo cabsi la gar-gariireysa oo ka cabsaneysa inuu ku xanaaqo.

Meesha ay jiraan ayuu weydiiyay, isagoo yaabban! Markaa ayay u sheegtay in maamul cusub ay gadaashiis deegaanka qabsadeen, ayna wiilashoodii iyo kuwii la midka ahaa ee xaafadda u billaabeen waxbarasho dhankooda ah, oo weliba labadoodii wiil gobol loo diray.

Waxbarashadaasi waxa ay tahay ayuu la yaabay xaajiga, weliba muddadii uu maqnaa inay iyaguna maqnaayeen ayaa amakaag ku reebtay, wuxuuna Faadumo waydiiyay gobolka loo diray carruurta magaciisa.

Faadumo indhaha ayay tag-taagtay, waxayna odaygeeda u sheegtay inaysan garaneyn magaca gobolkaas, hase yeeshee uu macallinka ardayda u sheegay inay diinta soo baranayaan. Odaygu intuu xanaaqay ayuu Faadumo ku canaantay inay qeyrul-mas’uul tahay, oo ay dayacday carruurtii ay dhaleen.

“Wax aanan anigu amrin ama la socon sidee baad u sameysay?” Ayuu yiri iyadoo carada wejigiisa laga dareemayo. Markaas ayay Faadumo ku doodday inay carruurtoodu aad u nasiib badan yihiin, oo ay iyagoo culimo ah soo laaban doonaan.

Xaajiga wuxuu ogaa carruurtiisa inay dugsi u dhigtaan oo wuxuu is-weydiinayaa diinta hadda iyo kow la barayo ee loo safriyay, oo waxayba u sheegtay iyada xitaa inay madraso ay maamulka cusub sameeyeen dhigato oo ay wadaad noqotay!

“I dhageyso Faadumo, … Mustaf iyo Aweys ayaa guriga ka maqan saddex bilood wax aan qaadan karo ma aha, mana ku wada joogeyno aniga iyo adiga sidaas!!!” Ayuu yiri. Markaas ayay ku soo celisay, “kuma wada joogeyno maxay tahay, side bay kaa noqotay, … carruurta maxaa madrasad loogu xareeyay miyaad leedahay, aniga waxaan rabaa inay culumo noqdaan oo sidaadoo kale ay diinta faafiyaan.”

Xaajiga wuxuu ugu celiyay Faadumo inay mas’uuliyaddeeda iyo tan carruurtaba isaga saaran tahay, iyadana ay intaas garan waysay, sidaas daraadeedna aanay sii ahaan karin labo ruux oo is-qaba, wuxuuna iyadoo maqleysa ku dhawaaqay inuu furay, isagoo ku amray inay kala soo baxdo guriga waxa ugu jira oo alaab ah iyo dharkeedaba.

Faadumo kama nixin hadalkaas oo taas beddelkeeda weyba ku faraxday, waxayna odayga u sheegtay inay iyadana mari doonto waddadii ay mareen labadeeda wiil, oo ay u go’i doonto dhinaca maamulka cusub iyo diinta.

Guriga ayay dib ugu laabatay. Wax yar kaddibna waxay guriga ka soo baxday iyadoo dharkii iska soo beddeshay, oo boorso weyn dhulka ku jiideysa, iridda ayayna ka degtay, iyadoo aan la sii hadlin odayga oo xanaaq meel la fadhiya.

inay fiicnaan lahayd bal in uu galabta soo mar-maro magaalada, waa intaasoo uu soo arkaa saaxiibbo qaali ah oo uu leeyahay ama uu soo maqlaa warar cusub. Intuu soo labistay oo dhexda soo xirtay ayuu kabihiisa oo aad loo soo baalashay soo xirtay, oo intaanay qorraxda dhicin isku dayay inuu dhowr meelood cagta soo mariyo.

Qaraabadiisa dad ka tirsan oo xaafadda dhinac ka degganaa ayuu soo salaamay, wuxuuna sidoo kale horay u soo maray guryo ay saaxiibbadiis deggan yihiin, halkaasoo uu cabbaar kula soo sheekeystay dad ay maalmo is-moogaayeen iyo qaar ay bilo badan kala maqnaayeen.

Wuxuu hadba meel soo maraba, makhribkii mar tay tahay ayuu soo ag-maray guriga Caasho. Markii uu la sinmay guriga Caasho ayey haddana la habboonaatay in uu ku leexdo, go’aan intuu qaatay ayuu garaacay. Waxaa gudaha guriga ka soo hadashay Caasho, oo uu codkeeda garanayo, iyadoo waydiisay qofka iridda garaacaya, markuu isku sheegayns inuu Qasaaye yahay ayay markiiba albaabka ka furtay.

Qasaaye iyo Caasho yaraantoodii ayay dugsiga dhexe isla dhigan jireen, muddo badanna xaafadda way wada deggan yihiin, si wanaagsan ayayna isku garanayaan.

“War Qasaayow ii warran, maxaad sheegtay?” Intay tiri ayay gambar u dhigtay oo si wanaagsan u soo dhoweysay. In uu fiican yahay ayuu u sheegay, waxay iska waraysteen reeraha iyo carruurta caafimaadkooda. Markii ay si wanaagsan u kala xog heleen, ayay galeen inay ka sheekeystaan xaaladda deegaanka, waxayna sheekadooda u billaabatay sidan soo socota:

Caasho: Qasaayow jahawareerka baladka ka jira ayaa i saameeyay.

Qasaaye: Waan la socdaa in ay labo calan gurigaaga ka wada taagan yihiin.

Caasho: Waa runtaa, maalmahaan oo dhan fikir baan ka bixi la’ahay, wax aan yeelo baan garan la’ahay, Qasaayow ila tali walaalow.

Qasaaye: Horta waa arrin dhib badan, hase yeeshee haddii aan ku dhihi lahaa wiilkaada Guuleed ah dhinaciisa u go’ waa nin dagaal ku jira had iyo jeer oo weliba xaasas kala duwan guursaday, marka kuuma baahna waqtina kuuma helayo waa nin tagay ninkaas ee bal horta arrinkaas meel ku xiro.

Odaygaagana waad ogtahay in sidii uu xildhibaanka u noqdayba uu cidloonayo oo uu kuu baahan yahay, mana kuu imaan karo oo aagga aad deggan tahay waa meel aanay qoladiisa ka talin. Sidaas darted, aniga waxaan ku dhihi lahaa odaygaaga ayaa kuu baahane isaga u tag.

Caasho: Talo fiican waaye Alleylehe, waa inaan odaygeyga u tagaa.

Qasaaye: Haye, … Caasho waan sii soconayaa ee macasalaama.

Markii uu intaas ku yiri ayay Caasho ka codsatay inuu wax yar la sii joogo, oo uu shaah la cabbo, hase yeeshee wuu ka cudurdaartay, wuxuuna u sheegay inuu galabta guriga walaashiis tegay oo uu ka soo casiriyeeyay, wuuna u mahadceliyay.

Caasho iyadoo ku faraxsan booqashada uu soo booqday Qasaaye, isla markaana rumeysatay inay talo fiican ka faa’ideysatay ayay macasalaameysay Qasaaye, waxayna ku tiri, “walaal dumaashidey iigu salaan, adigana malaa’ig aan malaku-mowd ku jirin ha ku soo salaanto,” ayey kula sii kaftantay maaddaama uu malaku-mowdku naftigiisu ka mid yahay malaa’igta.

Qasaaye wuxuu ka soo baxay albaabkii guriga Caasho, wuxuuna isla soo dhigay waddada tagta gurigiisa. Markii uu wax yar soo socday, oo aanu soo goyn laamiga u dhaxeeya gurigiisa iyo kan Caasho, ayaa waxaa ka hor yimid saaxiibkiis Carsaanyo.

Ninka Carsaanyo ah galabta oo dhan wuxuu degmada ka raadinaayey saaxiibkiis Qasaaye oo uu jeclaa inuu arko, kaasoo uu gurigiisa ka soo waayay, meelo kale oo uu is lahaa “armaad ka soo heshaana” uu sidoo kale ku soo hungoobay, hadda isagoo quus ah oo ku fikiraaya inuu maalinta xigta u soo laabto ayuuba si lama filaan ah u arkay, waxaana dhex martay sheekadan:

Carsaanyo: War,. waa saaxiibkey Qasaaye.ii warran saaxiib, meel aanan maanta kaa raadin ma leh, xaggee ka baxday?

Qasaaye: War,. saaxiib meel fog ma aanan jirine, maanta waan soo luga
baxsanayay, haddana waxaan ka soo baxay guriga islaantii Caasho ahayd oo aan iyana soo salaamay.

Carsaanyo: Oo Caashana maxay noo ahayd, ma dumaashi cusub baa?

Qasaaye: Mayee,. ee waa reerkii aan kaaga sheekayn jiray ee labada calan uu
aqalkoodu wada surnaa, … sow ma xusuusatid?

Carsaanyo: Haa,. si wanaagsan,. waan xusuustaa.

Qasaaye: Islaantii oo waxaan u tagay ay talo ka jahawareersan tahay.wiilkeeda

Guuleed wuxuu ku jiraa saraakiisha Marin-Habaabiyeyaasha, odaygeeduna waa dowladda oo waa xildhibaan,… marka meel ay raacdo iyadoo garan la’ baan u tagay. Mar baan is-iri wiilka iyo odayga ma u kala jartaa.hasha labada geed jecel bay igu noqotay!

Carsaanyo: Haye, markii dambe maxay ku dhaamaatay waaba arrin la yaab lehe!

Qasaaye: Dee,. waxaan iri odaygaaga u tag, wiilka hawlahiisa ayaa badane.

Carsaanyo: Waan gartay sheekadaas, oo maalmahaan bay magaalada ka socotaa, ee waxaan ku waydiiyay qandaraaska cusub maxaad war ka heysaa?

Qasaaye: Wax war ah oo weyn kama hayo oo aan ka ahayn in lagu wada wareersan yahay qolooyinkan cusub ee yimid, oo marna la leeyahay ciidan baa ka soo goostay, marna la leeyahay ciidan baa u goostay!

Carsaanyo: Haa, taas baa aniga xitaa iga yaabisay. Idaacaduhu waxay maalmahaan hadal hayaan hebal oo ku biiray garabkii ka soo horjeeday iyo saraakiil iyo gaadiid dagaal oo xagga kale u wareegay waaba wax yaab leh, oo qolooyin baa wax walba u beddelaya mashaariicdii aan hore u arki jirnay oo iyagana xitaa jahawareersan.

Hadalkooda markii ay intaas isla marinayaan ayuu Qasaaye arkay inuu saaxiibkiis Carsaanyo madaxa maanta soo xiirtay. Iintuu si cajiib ah u eegay ayuu waydiiyay sababta uu madaxa u soo xiirtay.

Meel aanu ka filaneyn ayuu jawaabtii ka siiyay, oo wuxuu u sheegay inuu madaxa u xiirtay, si ay dhallinyarada hubeysan ee maleeshiyada u ah Marin-habaabiyeyaasha u waayaan tin ay ka jaraan, arrintaasoo si aad ah uga qosliyay Qasaaye, oo ku yiri “waxaanba Carsaanyow moodaayay inaad bunka jimcaha isu diyaarisay oo aad sidaas darteed u soo malaasataye.”

“War iga tag nin yaab leh ayaadba tahaye, haddii aad taas darteed madaxa u maluuqataye waa wax la garan karee,” ayuu yiri Qasaaye.

Kaftankii intay intaas uga gudbeen ayuu Carsaanyo u sheegay saaxiibkiis Qasaaye inuu galabta oo dhan u raadinaayay si uu ugu sheego inuu berri gurigiisa muraad ka jiro oo la dhigayo xuska aabbihiis oo ahaa sheekh weyn oo magaalada oo dhan laga qaddariyo.
“Marka, Qasaaye berri hawshaas culus ayaan lagaaga maarmeyn oo waa inaad subaxa hore iigu timaadaa guriga, si aad iila shaqeyso,” ayuu ka codsaday saaxiibkiis Carsaanyo. Qasaaye intuu “waayahay” yiri ayuu u sheegay inuu makhribkii dhow yahay oo uu jeclaan lahaa intay waqtiga hore tahay inuu magaalada ka xaroodo.

Sidii ayay isku macasalaameeyeen Qasaaye iyo Carsaanyo, waxayna ballameen aroorta hore ee berri inay waliimada lagu ballansan yahay ee guriga Carsaanyo isku arkaan.

“Madaxaan aad cawrada u ekeysiisayna iga dabool,” isagoo leh oo gadaal- gadaal u soo eegaya kuna qoslaya ayuu dhaqaaqay Qasaaye.

Warsame waa nin fir-fircoon, siduu maamulka dalka uga mid noqdayba wuxuu qabtay hawlo badan oo wax ku ool ah. Mudaneyaasha kale ee ay maamulka ku wada jiraan, gaar ahaan madaxda sare, wasiirrada iyo xildhibaannaduba aad bay u jecleysteen hawshiisa tan iyo markii uu ku soo biiray. Dadaallada dheeraadka ah ee uu sameeyay dartood waxay rumaysan yihiin in haddii sidaas loo wada shaqeeyo ay ku guuleysan hawsha loo igmaday.

Warsame wuxuu Inta badan il-gaar ah ku eegaa sida ay hawsha guud ahaan u socoto. Marka uu dareemo inay meelaha qaar habacsanaan ka jirto, markiiba wuxuu ku taliyaa in la saxo, waana taas tan marka uu hawl isu taago keenta inay guul ku soo dhammaato.
Subaxa hore marka ay tahay 9:00 ayuu yimaadaa xarunta weyn ee ay ku shiraan.

Kulamada la qaato iyo shirarka oo dhan wuu ka soo wada xaadiraa, danta qaranka ayuu ka hadlaa. Warsame ma aha nin lagu bartay inuu dano shakhsiyadeed iyo baahiyo gaar ahaaneed ka hadlo.

Xildhibaannada kale ayuu gaar-gaar ula sheekeystaa marka ay joogaan hoteelka iyo marka xarunta wayn la isugu wada yimaadoba. Warsame ma aha nin uu hadalkiisu kaftanka ku badan yahay, oo taas beddelkeeda wuxuu had iyo jeeraale waqti geliyaa ka hadalka danta guud iyo xaaladda dalka.

Subax ay Isniin tahay, Warsame isagoo xarunta weyn ee baarlamaanka jooga ayay is arkeen xildhibannadii kale oo mid ka mid ahna uu ahaa nin Ismaaciil lagu magacaabo, way isa salaameen, waxayna isla garteen inay isu sii raacaan ilaa meesha qaxwaha lagu diyaariyo, si ay isu soo kululeeyaan.

Wararkii ugu dambeeyay ee dalka ayay isku tuur-tuureen intii ay qaxwada wada cabbayeen. “Madaxda sare maxaa war ah oo aad ka maqleysay dhankooda?” “idaacadaha ma dhegeysatay?” “xalay ilaa saakay maxaa cusub oo deegaanka laga sheegaayay” ayay is-weydiiyeen.

Qof walba wixii xog ahaa ee ugu dambeeyay wararkii dhankiisa soo gaaray ayuu kan kale u sheegay. Xarunta waxaa si teel-teel ah u soo gaaraya xildhibaannadii kale, iyagoo isugu jira qaar gawaari ku imaanaya iyo kuwo lugeynaya.

Subaxaas waxaa da’ayay roob aan badneyn oo xagaayo ah, jewigu wuu macaanaa, neecaaw aad u udgoon ayaa la dareemayay. Dhulka roobkii ku da’ay ayaa carrada ku qasbay inay is-nabto, qofkii ku istaagana ay raadkiisa sawir ka qaaddo.

Warsame markuu koobkii qaxwaha ahaa meel dhexe marsiinayo ayuu soo xusuustay warkii ugu farxadda badnaa ee dhegihiisa soo gaara, kaasoo ku saabsanaa mas’uuliyiin ka tirsanaa Marin-habaabiyeyaasha oo dhankooda soo galay. Warkaas ayuu jecleystay inuu u sheego saaxiibkiis Ismaaciil, si uu bal u ogaado aragtida uu isaguna ka qabo amuurtaas, wuxuuna Warsame sheekadii dhex martay labadooda ku billaabay:

Warsame: Ninyahow ma mooddaa inaan guuleysaneyno, maanta garab dhan baa noo soo go’ay oo ka yimid dhinaca Marin-habaabiyeyaasha!

Ismaaciil: Taasi mar kasta ayey dhacdaa waxna ma soo biiriso, marka yaanay kula weynaan.

Warsame: Mudane markaan sidii hore way ka duwan tahay, wararka inaadan la socon baan filayaa.

Ismaaciil: Haye! Oo maxay kuwii hore kaga duwan yihiin kuwa haatan nagu soo
biiray?

Warsame: Qaar ka mid ah dadkii ugu cad-caddaa Marin-habaabiyeyaasha ayaa
dhankeenna soo galay, waxayna diyaar u yihiin inay naga mid noqdaan oo ay nala shaqeeyaan. Markii hore waxaad ogeyd iyadoo ay nagu soo biiraan taliyayaal ciidan iyo kooxo la socda, markan madaxdoodii baa xaggeenna soo martay!

Ismaaciil: War sidaas umaba ogeyne, warka i sii bal.

Warsame: Si ay noogu suuragasho inaan wax u qabanno, waxaan la heshiinnay qeyb Marin-habaabiyeyaasha ka mid ah, waxaana ka wada hadalnay inay nagu soo biiraan oo aan hawlaha wada qabanno, xilalna u dhiibno, weliba kuwo sar-sare

Ismaaciil: Alleylehe waa guul haddayba taas dhacday.

Warsame: Marka waxaa lagu heshiiyay in lagu soo daro golayaasha iyo madaxda sareba oo ay qeybo xooggan ku yeeshaan, annaga wax weyn bay noo tahay, waxayna u badan tahay in kuwa kale ee harayna ay heshiiska saaxiibbadood la qaataan oo aan hal dhinac u wada jeesanno markan.

Ismaaciil: Rajo fiican baa ii muuqata, dagaallada way dhammanayaan. Markaan
waxaan hirgelin karnaa wixii naloo dhisay, taageerada dadkeennana waan ku guuleysan karnaa.

Warsame: Aniga waxaan taageersanahay cid kasta oo dagaal nagula jirta inaan
dhahno miiska wada hadalka imaada, wax alla wixii ay ku qancaanna aan siinno intii aan ka ahayn dowladda oo dhan ka burburiyo. Haddii ay xilal rabaan, haddii ay dhaqaale rabaan iyo haddii ay wax kale rabaanba.

Ismaaciil: Haa taasi waa lama huraan, waa inaan tanaasulaad sameynaa, waa inaan u muujinnaa qof kasta oo muwaadin ah inuu xaq u leeyahay hoggaanka, uuna waajibaad ka saaran yahay dadkaan samatabixintooda.

Warsame: Hadda, waxaa ii muuqata in cadadkeenna iyo cududdeennaba ay
ballaaranayaan, haddii ay cid na mucaaraddo xitaa ma noqon doonto cid awood ahaan noo babac dhigi karta.

Ismaaciil: Laakiin, Warsamow adigaa arrimahan aad ula socdee, waxaad ii sheegtaa yaa suurageliyay arrintan, raggan si adag bay nooga soo horjeedeene yaa ku qanciyay inay annaga nagu soo biiraan?

Warsame: Looma kala harin arrintan. Dhankeenna dad baa loo xilsaaray, adduunka intiisa kalena wuu nagala qeyb galay, waxaana markii dambe lagu guuleystay in nimankaan heshiis lala galo, iyaga xitaa way qanacsan yihiin. Sidaas darteed, arrintan waxay noqon doontaa mid taariikhda baal dahab ah ka gasha.

Ismaaciil: Waa runtaa arrintaan waxay dhigi doontaa taariikh cusub.

Warsame: Waa inaan soo dhoweynaa cid kasta oo diyaar u ah wada hadal iyo wada shaqeyn.

Ismaaciil: Waa sidaas waa inaan soo dhoweynaa, waxaan kaloo maqlaayay inay Marin-habaabiyeyaashu dagaallo abaabulayaan. Arrimahaas maxaad kala socotaa?

Warsame: Way jirtaa taasi oo waa qaar yar oo heshiiska ka soo horjeeda, iyagana haddii ay xal xitaa diidaan awood badan oo ay noogala hor yimaadaan ma laha.

Ismaaciil: Waa inaan taxaddarka badinnaa.

Warsame: Waa sidaas waa inaan taxaddarka badinnaa!

Sheekadoodii sidaas ayay ku soo gebagebeeyeen, waxaana meeshii ay fadhiyeen soo buuxiyay xildhibaanno kale, oo Warsame iyo Ismaaciilba waxay sheeko kula kala jeesteen raggii kale, iyagoo kaftan iyo arrimo kale dhex dabaashay.

Abuu Colaad siduu safarka uga yimidba wuxuu ku jiray nasasho dheer, ma aanu imaan saldhiggooda, waayo wuxuu isku halleynayaa inaanay wax badan dhankiisa ku xayirmeyn oo hawlaha uu sidii la rabay u sii kala wadayo Abuu Seef, sidaas daraadeed ayuu barkinta u dheereystay maalmo.

Afar maalmood markii uu waqti nasiino ah u qaatay ayuu subaxii dambe xarunta yimid, isagoo macaawis sabarindi ah, kabo sandal ah iyo khamiis bakistaani oo wada cusub xiran, oo garkiisii weynaana soo cillaantay. Xarunta dhexdeeda waxay Abuu Colaad isku arkeen Abuu Seef, si fiican ayeyna isu salaameen. Maalintii uu safarka ka yimid wuu ku soo kediyay saaxiibkiis Abuu Seef, sidaas darted ayaanay xitaa salaan macquul ah isa salaamin, waayo habeenna way ahayde. Subaxaan, xarunta dhexdeeda, waxaa dadka oo dhan ka yaabisay sida ay labada nin isu salaameen ee ay xabadka isku saareen, isuna marxabbeeyeen.

“Abuu Colaad, waxaan filayaa inaad si wanaagsan u soo nasatay,” ayuu yiri Abuu Seef oo dhoolla caddeynaya. “Haa, si wanaagsan baan u soo nastay,” ayuu ugu jawaabay Abuu Colaad oo neef uu si xooggan isaga keenay tuuraya.

“Abuu Seef, waa annagii ku ballansanayn in aan ka sheekeysan doonno hawlaheenna wixii ka qabsoomay intii aan safarka ku maqnaa,” ayuu yiri Abuu Colaad, oo jecleystay inuu guda-galo ujeeddada uu maanta ugu yimid saaxiibkiisa ee ay shaqada iyo danta isu keentay.

Abuu Seef wuxuu saaxiibkiis, Abuu Colaad, kursi u dhigay geedka bartanka xarunta ku yaalla hoostiisa, wuxuuna ka codsaday inuu yara sugo, isagoo u sheegay inuu dano yar xafiiskiisa ku soo dhammeysanayo, kaddibna uu u soo gacan bannaanaayo inay xaaladaha ka sheekaystaan.

Markii uu Abuu Seef xafiiskiisa u dhaqaaqay ayuu Abuu Colaad muusooday isagoo si weyn farxsan sida uu saaxiibkiisa shaqada daacadda ugu yahay, ee aanu subaxna uga maqnaanin xarunta. Waxaa Abuu Colaad si weyn u sii farxad-gelinaysay sida saaxiibkiis, Abuu Seef, uu mar kasta si nadiif ah ugu fuliyo wax kastoo hawl ah oo ay ku ballamaan iyo weliba guud ahaan hawlgalladiisa, wuxuuna niyadda iska-weydiiyey “Abuu Seef la’aantiis maxaa qandaraaskan ka hirgeli lahaa?” “Waa maya,” ayuu isugu jawaabay.

Abuu Seef wuxuu gudaha u galay qolkii xafiiska u ahaa, wuxuuna halkaas kula hadlay saddex oday oo markii horeba meesha ay ku wada jireen. Abuu Seef iyo odayaasha uu xafiiskiisa kula soo yar-shirayey waxay ahaayeen qaraabo hoose oo arrimo beeshooda ku saabsan uu kala hadlayey, maadaama uu yahay nin saamayn deegaanka ku leh, beeshuna uu xifaaltan kala dhexeeyo beelo kale oo ay dhowr jeer hore u dirireen.

Abuu Seef odayaashii waxay ka tageen iyagoo faraxsan waxayna isugu dareen duco iyo ammaan ka hor intii aanay albaabka ka degin. Haba ka soo yar raagee, Abuu Seef wuxuu isaguna deg-deg u soo gaaray saaxiibkiis Abuu Colaad, oo intuu fadhigii ku jactaday ka istaagay fadhigii oo meereysanaya xarunta dhinacyadeeda.

Abuu Seef oo dareensan in uu ka yar-raagay saaxiibkiis, Abuu Colaad, ayaa uga cudurdaartay intii yarayd ee ay kala maqnaayeen ee uu duqeyda qaabbilayey.
Gacanta ayuu u haatiyay, isagoo afkana uga baaqaya oo leh, “fadhigii dib noogu soo celi.” Labo kursi ayay dhigteen jiridda geedkii ay markii horeba yar-fariisteen. Abuu Seef wuxuu ka sii foojigan yahay in wada hadalka dhex maraya isaga iyo saaxiibkiis ay cidi maqasho ama xitaa laga soo kala dhex galo, sidaas darted ayuuna saaxiibkiis Abuu Colaad ugala fogaanayaa in uu xafiiskiisa la dhex fariisto oo wuxuu rabaa inay si fiican u kala bogtaan.

Sheekadoodii ayay dib ugu laabteen. Waa tii markii isugu dambeysay uu Abuu Colaad waydiiyay Abuu Seef inuu uga warramo intii uu safarka ku maqnaa waxyaabihii qabsoomay iyo haddii uu isbeddel dhacay iyo in kale. Abuu Colaad isagoo barteeda ka sii wadaya sheekadii ayuu mar kale isla su’aashaas ku soo celiyey, dabadeedna sheekadii dhex martay waxay u dhacday sedan, iyadoo uu Abuu Seef ku billaabayo jawaabta uu saaxiibkiis Abuu Colaad u ooman yahay:

Abuu Seef: Abuu Colaadow, intii aad naga maqneyd waxaan isku fidinnay deegaanno badan, ganacsatada waxaan la qaadannay shir, waxaana ku wargelinay in laga doonayo dhaqaale ay bil kasta bixiyaan, si loogu taageero hawlaheenna aan ku samata-bixinayno ummaddeenna.

Abuu Colaad: Waa arrin wanaagsan.

Abuu Seef: Midda kale, Macallin Duufiye dhankiisa waxaa ka soo baxay arday na anfacday oo hawlgallo kala duwan aan u dirsanno.

Abuu Colaad: Waa arrin aan filaayay, ninkaas wuxuu noo qabtay hawl aan mahadinnay oo ilaahayna uu ka raalli yahay.

Abuu Seef: Nimankii fag-fagta badnaa ee ahaa farta soo dheeraatay ee Dige iyo Sahal iyagana shaqo ayaan ka qabannay oo waxaan ka adeejinnay wiilal yar-yar oo fariid ah, waadna ka nasan doontaa kuwaas oo dib dambe kuuma dhibi doonaan.

Sheekadaas aad buu ugu farxay Abuu Colaad, intuu istaagay ayuuna salaan u celiyay saaxiibkiis, taasoo uu uga jeeday mahad-naq, maaddaama kurbadii dhanka Dige iyo Sahal ka heysay laga soo geba-gebeeyay, sheekadii ayuu halkeedii ka sii waday, isagoo qoslaya oo leh, “tallaabadaas waxay wax badan naga tareysaa inay dadku naga cabsadaan, qolada naga soo horjeeddana ay dareemaan inaan halisteenna leennahay, khaarinjitaas barakaysan kaddib ma cid kaloo na soo faragashatay baad aragteen? Yaa kale oo hadda u baahan in aan shaqo ka qabanno? Ayuu weydiiyey, sheekadoodiina sidan ayey u sii socotay:

Abuu Seef: Dadku way naga cabsanayaan, mana jirto cid naga soo horjeesan karta, laakiin Sheekh Colaadow waxaa jirta hal arrin oo ugub ah. Rag badan oo mas’uuliyiin iyo ciidamo leh oo maamulkeenna ka mid ahaa baa qolada kale ku biiray, arrintaas baa nagu siyaado ah!

Abuu Colaad: Sidee bey ku dhacday arrintaas? Raggaas yaa ka mid ah? Sababta ay qoladaas ugu biireense maxay tahay?

Abuu Seef: Arrimahaas oo dhan waan ku daba joognaa oo baaritaan baa noo socda, waxaana qorsheyneynaa inaan dadkaas tallaabo ka qaadno, si kuwa kale ee laga yaabo inay ku fikirayaan waxyaabahaas oo kale ay ugu noqoto cibra-qaadasho.

Abuu Colaad: Maya.maya, wax la qaadan karo ma aha. Waa in aan taas wax ka qabannaa, sababtoo ah way ina curyaamineysaa oo waxay horseedi kartaa in aan kala fur-furanno. Sidaas darteed, waa inaan wax uun sameynaa: Waa inaan cashir u dhignaa dadkaas iyo kuwa ku fikirka ah.maxay tahay sidaan?

Abuu Seef: Waa sidaas Akhiiyow.. wax uun waan samayn doonnaa.laakiin, waxaad ogaataa arrimahaan in aanay waxba noo dhimeyn. Tabta ugu wanaagsan ee amuurahan oo kale wax looga qabtana waa in aan marka hore billownaa muxaaradooyin ku wajahan ciidamada iyo amiirrada iyo hoggaamiyeyaasha kale ee sida wanaagsan noola shaqeeya. Waxaan u sheegeynaa ragga qolooyinkaas ku biiray in ay riddoobeen oo qofkii xogtooda hela ama fursad uu ku dili karo helona uu shaqo ka qabto, taas oo amar diini ah ayaan fareynaa, abaalmarinna, xag adduunyo iyo xag aakhiroba, waxaan u ballanqaadeynaa qofkii sidaas sameeya.

Abuu Colaad: Taas waan kula gartay Sheekh Seef, waxaanse ku waydiiyay
walaalaheennii iga soo raacay dalalkii aan tagay iiga warran, meel wanaagsan ma u heshay? Adigase ma la soo kulantay?

Abuu Seef: Lama aanan kulmin anigu raggaas oo waqti weli uma helin, waanse
qorsheynayaa inaan soo booqdo dhowaan sida ugu dhaqsaha badan. Hase yeeshee, walaalihii aan u xilsaaray waxay ii sheegeen inay meel wanaagsan dejiyeen.Sheekh Colaad waxaa kaloo aan kaa illoobay in aan in yar oo kale wax kaaga sheego dhinaca wanaagga waxyaabaha kale ee nagu soo saa’iday oo ay ka mid yihiin in ciidamo iyo gawaari dagaal oo ay qolada kale lahaayeen ay annaga dhinaceenna u soo wareegeen.

Sheekadooda markay halkaas mareyso ayuu Abuu Colaad saacadda eegay, markaas buu soo xusuustay inuu ballan la lahaa dad kale, dabadeedna isagoo dhooll- caddeynaya ku yiri saaxiibkiisa, “war kheyr waaye haddii ay annaguna qaar nagu soo biireen,” ayuu ku yiri wuxuuna ka codsaday inuu baxo oo ay mar kale dhammeystaan sheekada, sidaas ayayna isku macasalaameeyeen.

Cutubka 5aad

Caasho waxaa la soo gudboonaatay mushkilad ka dhalatay xildhibaannimda duqeeda, Warsame. Wiilkeeda Guuleed-na si weyn ayuu uga soo horjeestay amuurtaas, dooddii ka dhalatayna ay ilaa iyo hadda isku fahmi la’yihiin iyada iyo wiilkeeda. Guuleed waxaa loo akhriyay in tallaabada aabbihiis oo kale qofka qaada uu gaalnimo caddaystay, oo ay waajib noqoneyso in la dilo. Aqoon ku filan oo uu uga fikiro waxyaabahaas jiritaankooda iyo beenintooda midna ma laha Guuleed, oo waxay Marin-habaabiyeyaashu u akhriyaan oo keliya ayuu cilmi u yaqaannaa.

Iyagoo gurigooda jooga oo ay barqo tahay, ayuu Guuleed dib u billaabay dooddii, waxayna isaga iyo hooyadiis ka wada hadleen arrinta Warsame oo aabbihiis ah, waxayna sheekada dhex martay ahayd sidan:

Guuleed: Hooyo, ma u sheegtay Aabbe inuu ka laabto dembiga uu galay?

Caasho: Guuleed, dembiga aad keligaa ogtahay oo annagoo kaa waaweyn aynaan garaneyn muxuu yahay? Hooyo sow ma ogid inuu aabbahaa si fiican u yaqaanno diinta? Yaan qalad wax laguu fahamsiin, in dowlad la noqdo xaaraan ma aha hooyo macaan!

Guuleed: Aabbahay si kastoo uu u yaqaanno diinta, waxba uma tareyso mar haddii aanu acmaasheeda la imaan. Marba haddii uu Aabbahay dhinacaas xil ka qabtay kuma dhaqmin diintiisa. Inta uu weli fursadda haysto waxaa u fiican Aabbahay inuu ka soo laabto, si uu dhiiggiisa u badbaadsado. Anigu weli waan u naxayaa, maxaa yeelay waa aabbahay.

Caasho: Aabbahaa adigaba wuu ku dhalay ee u sheeg waxaad dal-daleyso.

Guuleed: Anigu ma doonayo inaan tago meelaha ay ka taliyaan, sababtoo ah waa dad uu dagaal naga dhaxeeyo, waa dadka aan rabno inaan ku janno tagno, waa dad uu dhiiggoodu noo bannaan yahay, adiga ayaa hooyaday ah oo qof wanaagsan ah ee iga gaarsii farriintan oo intay goori goor tahay Aabbahay ha ka waantoobo waxaas oo kale!
Caasho: Guuleed, qof muslim ah oo Ilaahay aqoonsan dhiiggiisa kuuma bannaana, ee yaan lagu qaldin.

Guuleed: Hooyo, ha ku talax-tegin wax lagaaga cilmi badan yahay, annaga waan naqaanaa, waan barannay, waana ku dhaqanaa diinta. Qofka mar hadduu riddoobo waa la dilayaa, weliba qofka dila waa qof nasiib leh, adigana iimaankaaga daciifnimo ayaan ka dareemayaa ee isu bado, haddii kale waa lagu hanuuninayaa.

Caasho: Guuleed. hooyo.., xaggee baad u carareysaa oo aad iiga tageysaa? Alla wiilka wuu xanaaq dhowaaday, dhiiggaa karaya marka lala murmo, Guuleed.Guuleed, wuuba iska tagay, war annagaa wax aragnay, tanoo kalana manoo dhinneyd?

Guuleed isagoo xanaaqsan ayuu albaabka ka baxay, wuxuuna ku soo xiray laad, Caasho waxay la yaabban tahay wiilkeeda waxa sidaas oo dhan uga xanaajinaya marka uu dowlad maqlo.

Albaabka ayaa la soo garaacay, markii ay furtayna waxay noqotay saaxiibteed Faadumo. “Guuleed maxaa helay, isagoo careysan buu iga hor yimid, xitaa waan salaamoo igama aanu qaadin,” ayay tiri Faadumo iyadoo u cabaneysa saaxiibteed Caasho.

Waxaa labadoodii u billaabatay sheeko dheer oo arrinta Guuleed ay ku fur-furteen, Caaasho ayaana ku horreysay:

Caasho: Wiilku waa iska axwaaleysan yahay maalmahaan, wuxuu noqday nin fogaaday, eray haddii aad isku qabataan wuxuu ku leeyahay xaaraan baad sheegtay, oo wuxuu isu haystaa sheekh diinta dhex galay oo si wanaagsan u bartay.waa laga yaabban yahay. bal ii warranoo carruurta side bey kuu yihiin?

Faadumo: Caashoy, way fiican yihiin carruurta, inkastoo labadeydii wiil ay iga qaateen qolodaan wadaaddada isku sheegta, oo markii aan ku lab-laabtayna waxay igu yiraahdeen carruurtaada way ku diideen oo taas beddelkeedana waxay difaacayaan diinta ee naga tag.

Caasho: Way ii diideen aaa! Miyey soo waasheen nimanku? Carruur sidee bay
waalidkood u diidi karaan?

Faadumo: Caashoy dhibkaas baa i heysta, inaan arko xitaa waa la ii diiday, hadda waxaan kugu imid inaad wiilkaada Guuleed ah igala hadasho, si uu arrinteyda iiga caawiyo, isagaa muddo badan la shaqeynaayay qoladaane o oaf-garanayee.

Caasho: Guuleed annageyba dhibaato na kala heysataa, sow ma aadan maqal inuu aabihiis Warsame noqday xildhibaan dowladda KMG ah ka tirsan? Wixii markaas ka dambeeyeyba aabihiis ayuu arki la’yahay. Waa adigii arkaayay hadda inuu careysnaa markii uu aqalka ka sii baxaayey oo aniga xitaa wuu ii indho-gaduudiyaa.

Faadumo: Carruur waxaa timid waalidkood xitaa amraysa oo caasiyaal ah ilaa intii ay noo yimaaddeen qoladab carruurta walidkood ka xaraysatay! Wallee waa dhibaato soo korortay.

Caasho: Wadaadkaagii iiga warran, weli xajka miyuu jiraa, mise wuu yimid?
Faadumo: Weli ma aanu imaan, laakiin markaan wuu soo dhaw yahay.
Caasho: Oo dadkii xajka aaday wey wada yimaadeene, wadaadkaada ma meesha ayuu iska degay?

Faadumo: Walaashiis oo Sacuudiga deggan buu soo salaamayaa oo maalmo la soo joogayaa, wuuse iman doonaaye, hadda saaxiibeey ila-taliyoo arrinta carruurta maxaan ka yeelaa?

Caasho: Wax aan ku iraahdo garan maayee, waan kuu soo duceynayaa inuu Ilaahay kurbada kaa feydo.

Faadumo: Haye, Caasho walaalo waan sii soconayaaye nabadgelyo.

Maalin kasta weji cusub ayay yeelataa siyaasadda, dadka ka sheekeysta isbeddelladana ma waayaan wax cusub oo dhaca oo ay hadba ka wada hadlaan, wax loo bogo, wax laga yaabo iyo wax laga naxo intaba. Wax kasta waa la arkaa inkastoo wararka soo kordha aanay beryahaan ku badnayn wax farxad leh.

Sidii caadiga ahayd galabta waxaa guriga Qasaaye ku wada qaxweynaya isaga iyo Carsaanyo, waxayna sheekada isugu dhiibdhiibayaan qaabkan:

Qasaaye: War Carsaanyo warka i sii, maxaad sheegtay?

Carsaanyo: Maxaan kuu sheegaa? Waad aragtay qofkii isagoo wax sheegaya la arko malaggiisaa galee!

Qasaaye: War waa annaga keliyee, maxaad ka cabsaneysaa, cid na maqleysa ma joogto gurigee.

Carsaanyo: In la taxaddaro ma ahane, meeshaan talo faro way ka baxday, afkaaga yuusan ku dilin ayay xaajadu mareysaa!

Qasaaye: Cabsida iska daaye, war iga sii Marin-habaabiyeyaasha, maalmahaan
maxaa cusub oo aad maqashay?

Carsaanyo: Dadku waxay aaminsanaayeen inay Marin-habaabiyeyaasha xal u noqon doonaan dhibaatooyinkii jiray, hase yeeshee markaan iyagaaba dhibaatooyin ku abuuraya meel kasta, dadkuna ciddii adeeci waysa way dilayaan.

Qasaaye: Anigu awalba waan ogaa inaanay xal keenayn kuwaan, weliba waxaa ugu daran maxkamaddoodu dil wax ka yar kuma xukunto dadka, adigoo xamanaya haddii ay ku arkaan xitaa qoorta ayaa laguu dheereynayaa!

Carsaanyo: Horta waxaa caddaatay dadkaan inaysan diin wadine ay dano kale
wataan, waxoodu waa wax kale, waxaanse mar kasta isweydiiyaa yaan sugeynaa oo naga qaban doono dhibkooda?

In ay iyaga abaabul sameeyaan oo shacabka iyo raggaasi la is-tuso xal aan ahayn way u waayeen sheekada. Dadweynaha in laga rabo dowladda jirta inay taageeraan oo ay ku garab siiyaan waajibaadkeeda inay gudato, oo ay cagta mariso Marin- habaabiyeyaasha iyo kuwa la midka ah inay daw tahay ayay sheekada ku soo darsadeen Carsaanyo iyo Qasaaye.

Carsaanyo wuxuu saaxiibkiis u sheegay inuu fahmi la’yahay sababta ay arrimaha Soomaaliya u soo faragashadaan raggaan dibadda ka yimid ee argagixisada ah, ee ku andacooda danaha islaamka inay ka shaqeynayaan. “Soomaaliya tolow miyay raggaasi u baahan tahay?” Ayay is-weydiiyeen, inaysan u baahneyn ayayna isaga wada marag-kaceen.

Maanta inay sheekadu mareyso “yaan la hadlin,” qofkii la arko isagoo wax ka sheegayana uu baxar ku jiro ayay ku kaftameen. Carsaanyo wuxuu saaxiibkiis waydiiyay sababta aanu maalmahaan guriga uga soo baxeyn, “maxaa dhacay, mise waad qalaaweysaa?” Ayuu yiri Carsaanyo isagoo ku qoslaya Qasaaye.

Qasaaye intuu isaguna qosolkii dhinac ka qabtay ayuu saaxiibkiis ku yiri “waad i taqaannaa Carsaanyow inaan ahay nin war badan oo jecel wuxuu arko inuu ra’yi ku darsado, marka wax kasta meeshaan way is-beddeleen in madaxa laga iga jebiyo ayaan ka cabsaday, sidaas baanan bannaanka ugu bixin.”

Carsaanyo oo hadalka ka dhex galay saaxiibkiis ayaa sheegay inaanay sidaasi ku sii jiri karin, oo nolol dhib badan ay dhex galeen, “maxaa noo talo ah?” ayuu waydiiyay, maadaama ay suurageli waysay inay dhan raacaan.

Qasaaye wuxuu rajo ka muujiyay inay kollay wax isbbeddeli doonaan, oo loo baahan yahay wax yar in ay samraan, wuxuuna saaxiibkiis kula dardaarmay inay si joogto ah isaga war-qabaan intay wax si noqonayaan, ayna ka wada tashadaan siduu xalku ugu jiro.

Ma awal bay labadoodu meel fog kala joogeen xagga aragtidooda siyaasiga ah? Waxay ahaayeen dad isku dhow oo isku xiran oo saaxiibtinnimadoodu ay tahay mid soo jireen ah.

Qorraxda ayaa ku soo kululaatay Carsaanyo, wuxuuna jecel yahay inuu meel kale sii maro, kaddibna uu xaafaddiisa tago oo qado iyo jiif isku sii diyaariyo, sidaas darteedna wuxuu ka codsaday Qasaaye inuu fasaxo.

Carsaanyo iyo Qasaaye way is macasalaameeyeen, waxayna ku ballameen kulanka xiga inay ka sii sheekeystaan wixii soo kordha.

Abuu Seef iyadoo ay habeen tahay, isagoo xaruntiisa jooga oo ku mashquulsan inuu iska dhammeeyo hawshii maalintaas, kaddibna uu iska hoydo, ayaa waxaa ku soo kediyay Abuu Colaad oo uu ku ogaa safar dibadda ah, waxaana dhex martay sheekadan:
Abuu Colaad: Asalaamu Calaykum Sheekh Seef.

Abuu Seef: Wacalaykuma Salaam, Sheekh Abuu Colaad, waad igu soo kedisaye. Goorma ayaad ka soo gashay safarkii aad ku maqneyd?

Abuu Colaad: Saacad uun baan joogaa hadda, oo waxaan ku moogahay intii aan eraboorka ka soo socday oo keliya. “Meel kale kuma aanan leexan oo adiga ayaan kugu soo hormaray, si aan marka hore adiga isu waraysanno ka hor inta aanan cid kale arag ee bal xaaladaha war iga sii.”

Abuu Seef: Waxay ahayd inaad hore iigu soo sheegto goorta aad igu soo beegan tahay, waayo waxaan kuu sii diyaarin lahaa soo dhoweyn sare oo qaali ah. Laakin, hadda waad igu soo kedisay Sheekh Colaad, eee safarkaagii bal iiga warran, maxaad la soo kulantay? Bal warbixinta i sii.

Abuu Colaad: Warbixin waan kuu hayaa, waana sababta aan adiga kaaga soo
billowday, ee bal meel gees ah na fariisi.

Abuu Seef: Haye, halkaas baa fiicane aan fariisanno.

Waxay u dhaqaaqeen inay fariistaan meel gees ah oo hawo macaan leh, sheekadooda ayayna kalkeedii ka sii wateen:

Abuu Colaad: Sheekh Seefow, safarkeygu wuxuu ku soo dhammaaday sidii loogu talogalay. Dalal badan baan soo maray, waxaanan dhammaan masuuliyiintii aan la soo kulmay kala soo hadlay sidii ay noo caawin lahaayeen. Dalalkaasi waxay u badnaayeen kuwa sideenna oo kale ah oo dad nagu ujeeddo ah ay ololleyaal ballaaran ka wadaan.
Waxay durbaba inoo fidiyeen taageero, iyagoo isla markaana noo ballanqaaday taageero kale oo badan oo hiil iyo hooba leh. Safarkaan keliyana kuma ekaan doonto sheekada oo mar kale iyo marar kale ayaan ku laaban doonaa xaggooda, si looga miro-dhaliyo dadaalka aan ku wada jirno annaga iyo iyagaba. Waxaa intaas dheer in ay noogu imaan doonaan booqashooyin ay kula soconayaan hadba halka aan marayno, oo guushii yar ee aan gaarnaba waxay sii kordhin doontaa hammiga ay inoo hayaan, taasoo iyana hadba sii laban-laabaysa taageerada ay inoo fidiyaan…

Abuu Seef: Ilaa iyo hadda maxaa ka suuragalay, wax la taaban karo, hawlihii aad u baxday?

Abuu Colaad: Wax badan baa ka suuragalay. Dhaqaale xooggan waan ka soo helnay, wax ka sii badanna waan ka fileynaa. Midda kale, waxaa haddaba ila socda saraakiil ay i soo raaciyeen, kuwaasoo loogu talogalay inay naga caawiyaan tababarka ciidamada iyo mararka qaar qorshayaasha dagaalka inay nala dejiyeen oo ay weliba naga garab dagaallamaan.

Abuu Seef: Oo taas ma annagaaba baahi badan u qabnay yaa akhii. Waad ogtahay inaan haysanno saraakiil fii-fiican oo tababarrada noo siisa carruurta.

Abuu Colaad: Maya..Maya., kuwaan ugama maarmeyno shaqadeenna. Aniga ayaa kaa og, sababtoo ah waxaan soo arkay meelaha ay ka shaqeeyan sida ay tababarrada u qaataan ciidankooda iyo qaabka ay u dagaallamaan. Sheekh Seef wax badan bay nagu soo kordhin karayaan, waadna dareemi doontaa marka aad wada hawlgalno…!

Abuu Seef: Waan gartaye, ee. maxaa kaloo safarkaaga wehliya xagga sii horumarinta hawsheenna ficliyan iyo maaddiba?

Abuu Colaad: Haa, adigaa iga dhex galaye aan warbixinta kuu dhammeystiro. Waxaan wadaa hub noociisa aanan horay dalka loo keenin, waxaa kaloo aan noo wadaa waxyaabaha laga sameeyo walxaha qarxa.waxaa loo baahan yahay inaan yeelanno garoon diyaaradeed oo innaga inoo gaar ah oo maamulanno, oo wafuudda iyo saanadaha nalooga soo jediyo, iyadoo aanay cidna ka war-qabin ama ka war-helin hawlaheenna, ma garatay?

Abuu Seef: Waan gartaye, ii wad warkaaga Sheekh.

Abuu Colaad: Sheekh Seef intaas baa ugu muhiimsan. Waxyaabaha kale marka aan nasto ayaan ka sii sheekeysan doonnaa. Sidaas darteed, hadda waan kaa sii tegayaa, waayo aad baan u daallanahay, adigana waxaad iiga sheekayn doontaa wixii intii aan maqnaa idin qabsoomay iyo waxyaabihii iga dambeeyay.

Abuu Seef: Waa sidaas Sheekh. Weynu isu iman doonnaa, si aan waxyaabihii kaa dambeeyay mid-mid kaaga sheekeeyo. Haddii ilaahay idmana, berri casuumaad baan kuu sameynayaaye sidaas ula soco, waayo waxaan rabaa soo dhoweyn laga yaabo inaan kuu sameeyo.

Abuu Colaad: Mid baan kaa hilmaamay Seefow. Ragga ajnabiga ah ee ila socda ma rabo inay dadku dareemaan, oo weliba ma doonayo in uu maamulkeennu wada ogaado. Sidaas darteed, arrinkaas sir ha inoo ahaato oo meel gaar ah oo aan ku ogaannana waa inaad igala shaqeysaa sidii aan ugu heli lahayn.

Abuu Seef: Waa yahay Sheekh.waan u diyaarineynaa meelo gaar ah oo aanay dadku wada ogeyn.

Abuu Colaad: Haye Sheekh waan sii baxayaaye.Asalaamu Calaykum.

Abuu Seef: Wacalaykuma salaam.

Cutubka 4aad

Dige iyo Sahal weli waxay ku mashquulsan yihiin inay madaxda ka sarreysa u bandhigaan talooyinkooda ku wajahan Marin-habaabiyeyaasha. Waxay xusuustaan wixii ay kala soo kulmeen Abuu Seef markii ay damceen inay ka dhaadhiciyaan hawlaha ay galeen ee siyaasadeed inay faraha kala baxaan, haddana waxay isla jeex- jeexeen oo ay isla garteen in aanay intaas uga harine ay sii dar-dargeliyaan fikradahooda ka dhanka ah raaggaas.

Sahal wuxuu saaxiibkiis Dige ku soo booqday hoteelka uu magaalada ka deggan yahay, si uu ugala sheekaysto siyaasadda iyo maalintaas waxa ku soo kordhay maamulkooda ee warar iyo wax-qabadba ah.

Xaaladdooda ayay iska wareysteen, kaddibna wuxuu Dige u sheegay saaxiibkiis Sahal inuu la yaabban yahay isbeddelka wayn ee deegaanka ka dhacay iyo sida ay madaxda ka sarreysa uga aamusan yihiin arrimaha socda. “Dadkaan hurdada ayay ku dheeraadeen, waxaanse ka baqayaa inay soo baraarugaan mar aan waxba laga gaari Karin,” ayuu yiri Dige.

Sahal ayaa saaxiibkiis si kaftan ah ugu sheegay inuu balaayo sheeg noqday, oo siduu u joogo shaki uun la buuxsamayo. Sahal wuxuu aamisan yahay inuusan hadda jirin dhib loo qeylo-dhaansado. Sahal markuu intaas saaxiibkiis u sheegay ayuu haddana u daba dhigay su’aalo, “maanta maxaad warar maqashay? Dowladda dhankeeda maxaa ka cusub?”

Dige wuxuu u sheegay inuu maqlaayay wasaaradaha in wax laga beddeli doono, saraakiil ciidamada ka tirsanna la dallacsiin doono, “waxaa kaloo la sheegayay” ayuu yiri “in dhaqaale xooggan naloogu yaboohay”, wuxuu wararkuu maqlay ugu dambeysiiyay inay dowladdu diinta islaamka ku dhaqmi doonto.

Sahal intaas markuu maqlay ayaa si uu nuxurka ugala soo baxo warka, waxa uu saaxiibkiis ku celiyay su’aal “annaga maxaa naga saameynaya arrimahaas bay kula tahay Digow?”

Isbeddelka wasaaradaha inaanu iyaga wax saameyn ah ku yeelan doonin ayuu sheegay Dige, wuxuuse xooraansi ku ogaaday in dhaqaalaha loogu yaboohay dowladda ay wax weyn ka soo gaari karaan. Dige wararkaas waxaa uga daran Marin- habaabiyeyaasha.
Dige wuxuu saaxiibkiis u sheegay inuu ka walaacsan yahay isballaarinta ay sameeyeen raggaasi, oo ku sii siqay deegaanno badan, “waxay soo wadaan iyo webiga yaa weyn Sahalow?” ayuu ku maahmaahay Dige.

Sahal wuxuu aamisan yahay saaxiibkiisna uu u sheegay in raggaasi sida loo maleynayo aysan ahayne, ay yihiin dad aan siyaasad dan ka lahayn, rajo fiican waxayba gashay markii uu Dige u sheegay inay dowladdu ku dhaqmi doonto shareecada Islaamka. “Sidaas darted u malayn maayo in ay jirto sabab ay noo mucaaradaan,” ayuu yiri Sahal.

Dige wuxuu ka xun yahay inaanu saaxiibkiis Sahal la fahamsaneyn sida uu waxa u arkayo, isla markaana uu fududeysanayo khatar ku soo fool leh iyaga, wuxuuna ugu cel-celiyay in Marin-habaabiyeyaashu dantoodu aanay ahayn Diin ee ay siyaasad wataan oo ayna istaas u dheer tahay in aanay ahayn dad wax lala fahmi karo oo aanayna haba yaraatee oggolayn wax wada hadal iyo heshiis ah.

“Maanta idaacadaha waxaan ka maqlaayay inay goobaha danta guud dadka ka saarayaan oo ay dayactirayaan, waxay marka dambe nagu qabsan doonaan xilalkeenna, hadda ayeyse ka gaaris leeyihiine maa wax laga yiraahdo” ayuu yiri Dige isagoo si daacadnimo laga dareemayo u hadlaya.

Sahal markuu arkay sida ay dhab uga tahay Dige wararka uu ku cel-celinayo ee uu uga wel-welsan yahay Marin-habaabiyeyaasha ayuu qiray mar hadday xoogeysteen inaan taag loo helayn, waa tan maanta heysatee, oo cid u geli kartaana aysan jirin.

Dige oo ku farxay inuu saaxiibkiis la fahmay wixii uu ka digaayay ayaa yiri, “waa runtaa Sahalow, dadka ku biirayana tiradoodu wey sii kordhaysaa, sababtuna waa iyagoo dhaqaale badan u haysta iyo dadkoo u maleeya inay arrimo diimeed ku socdaan!”
Sahal wuxuu Dige weydiiyay cidda dhaqaalaha siisa Marin-habaabiyeyaasha? Dige si toos uma oga cidda dhaqaalaha siisa raggaasi, wuxuuse ku gaabsaday, “Dalal baa kolley si hoose u taageera iyo weliba rag shisheeye ah oo waddamadoodii ka soo gadooday oo u soo jeestay argagixisannimo iyo inay dalkeenna gabbaad ka dhigtaan.”

“Waaba u maleeyay Digow,” ayuu yiri Sahal, wuxuuna ka codsaday Dige inuu gaarigiisa ku sii qaado oo uu geeyo ilaa iyo hoteelka uu deggan yahay, waxayna isku raaceen inay dhabbaha ku sii sheekaystaan.

Sahal oo watay hadalkii ugu dambeeyay ayaa su’aal isaga yaab ku heysay waydiiyay saaxiibkiis, taasoo ahayd, “Digow waxaan la yaabbanahay horta Marin- habaabiyeyaashu, maxay carruurta yar-yar ugu diideen iskuullada?”

Haddii carruurta ay iskuullada aadaan oo ay cilmiga ka soo aflaxaan, waxaa adkaanaysa in si sahal ah maskaxdooda loo rogo. Qof wax bartay in wixii la doono loo sheego wax fudud ma aha, sidaas daraadeed Marin-habaabiyeyaasha ujeeddadooda ugu weyn ee ay ka leeyihiin carruurta yar-yar ee ay xeryaha ku ururiyeen waa inay ciidameeyaan oo ay tababarro siiyaan dabadeedna ay dadka ku soo dhex daayaan iyagoo ciddii ay doonaan u adeegsanaya inay dilaan.

“Nin wax og ma tihid, carruurta waxay rabaan inay hadhow siday doonaan u adeegsadaan,” ayuu yiri Dige.

Arrintaasi in ay suurtagal noqon karto ayuu Sahal-na u arkay, wuxuuna qiray ujeeddo aan ahayn inay carruurta dhalan-rogaan inaysan lahayn Marin-habaabiyeyaashu, waxayna labadooduba cabbaar ku dheeraadeen inay faaqidaan mustaqbalka carruurtaas ee meesha madow ku sii socota, iyagoo walaac ka muujiyay, isna tusay sida ay u fiicnaan lahayd waalidiinta oo taas la garta oo ubadkoodana ka ceshada Marin-habaabiyeyaasha.

Intii ay waddada ku soo jireen waxay soo mareen xaafado ay iyagu maamulaan, hase yeeshee uu ka muuqdo bur-bur xooggan, waxayna taasi qeyb ka tahay wixii laga dhaxlay dagaallada sokeeye ee muddada badan dalka ka dhacaayey.

Dige wuxuu rajo ka muujiyay maalin ay noqotaba in dalku uu dib u dhismi doono, nidaamkii iyo kala dambeyntiina ay soo laaban doonaan, dowladduna ay gacanta ku dhigi doonto meel kasta oo dalka ka mid ah oo ayna maamulkeeda gaarsiin doonto, rajadaasoo farxad-gelisay Saaxiibkiis Sahal markii uu u sheegay.

Waxay soo arkeen carruur dib-jirro ah oo dhabbayaasha ku dayacan, kuwaasoo uu Sahal tilmaamay inuu la jeclaan lahaa in dib mustaqbalkooda iyo noloshooda loo dhiso, oo ay dowladdu ugu yaraan u raadiso hoy, hu’ iyo daryeel caafimaad. Dige wuxuu carruurtaasi uga cabsanayaa inay u gacan-galaan Marin-habaabiyeyaasha, taasoo uu aaminsan yahay inay wax kasta uga daran tahay.

Gaarigii ay saarnaayeen wuxuu hadba meel la soo maraba, ugu dambeyn waxaa loo soo dhowaaday hoteelkii uu deggenaa Sahal, waxayna labadoodii ku ballameen inay sheekada halkeeda ka sii wadan doonaan kulankooda xiga.

“Maqaayadda horteeda ii jooji,” ayuu yiri Sahal. Isla markii uu baabuurku sii hakinaayeyba waxaa la kacday miino nooca meelaha fog-fog laga hago ah oo loogu sii aasay meesha, illeen waxay noqdeen rag la gaad-gaadaayay oo dabinkii loo dhigay ku soo dhacaye. Midkoodna naf laguma gaarin.

Sahal iyo Dige qaraxii ay ku dhinteen waxaa iyagana ku naf waayay kuna dhaawacmay dadweyne meesha ka dhowaa oo qaarkood meherado ku heystay waddada hareeraheeda, meydkoodiina waxaa ku soo xoomay dad meelo u dhow-dhow uga soo gurmaday, waxaana markii dambe loo qaaday xarunta dowladda.

Warka dhimashada Sahal iyo Dige wuxuu farxad weyn geliyey Marin-Habaabiyeyaasha, oo iyagu markii horeba u soo diray wiilal ay u diyaariyeen oo miinada ugu aasay jidka.

Abaadir salaaddii cishaha markuu misaajidka ku tukaday kaddib ayuu u sheeko doontay guri uu nin saaxiibkiis ah deggan yahay oo isla xaafadda ku yaalla, halkaasoo uu muddo 30 daqiiqo ah ku soo qaatay. Qiyaastii 8:30 fiidnimo ayuu ka soo tegay, wuxuuna isku soo dhigay waddada tagta gurigiisa. Waa gudcur aanay caddo jirin, qofka aanay indhihiisa aragtidooda fiicneyn wuxuu u baahan yahay inuu adeegsado karbuuno ama toosh qofba sida uu u yaqaanno.

Abaadir uma baahna inuu adeegsado toosh iyo wax la mid ah, si caadi ah ayuu wax u arki karaa, inkastoo qofka ka hor yimaada aanu sixi karin muuqaalkiisa, hase yeeshee wuxuu kala saari karaa rag iyo dumar qofka uu yahay wixii ka horyimaada. Bilihii la soo dhaafay way adkeyd inuu qof si nabadgelyo ah u maro xaafadda dhexdeeda, sababtoo ah habeenkii waxaa badnaa tuugada wax dhacda, ee hubka intay ku handadaan dadka baarta jeebabka dadka iyo wixii ay gacmaha ku sitaanba.

Naftiisa ayuu la sheekeysanayaa, wuxuuna iskula hadlayaa, “deegaankaan isbeddel weyn ayaa ka dhacay, dadku nidaam iyo asluub ayay yeesheen, maamulkaan in uu mar hore noo yimaado ayey ahayd intii ay mooryaantu jidadka nagu harowsaneysay oo ay wax walba naga dhacaayeen”. Hadalka uu Abaadir keligii ku sheekaysanayey qof kale oo maqli karay ma jirto, wuxuu ku koobay naftiisa, isaga keligiis uun baa isla hadlaya, wuxuuna qaatay go’aan ah inuu iibsado gaari cusub, sababtoo ah awal waxaa wehlisay cabsi uu ka qabay in laga dhaco. Nabadda hadda uu heysto mar hore ayaa iyadoo kale ugu dambeysay, wuxuuna rumeysnaa inuu xor u yahay wax kasta inuu sameeyo, oo uu muujiyo hantiilenimadiisa.

Abaadir wuxuu soo socdaba, gurigiisa ayuu u soo dhowaaday, iyadoo ay labo luuq uga harsan tahay ayaa waxaa ka hor yimid wiilal yar-yar oo da’aaddoodu qiyaas ahaan u dhaxeysay 14 -16 sano, afka ilaa sanka ayaa cimaamado ugu wada duubnaa, waxayna kuwada hubeysnaayeen qori AK-47 ah, mid ka mid ah waxaa qoriga u wehliyey karbaash maqaar ah ee uu gacanta midig ku haystay. Abaadir markuu la siman yahay wiilashii ayuu wuxuu ka war helay, “duqa,… istaag, gacmahana kor u tag,” oo wiilashii mid ka mid ah uu ku amrayo. Abaadir waxay ku noqotay lama filaan, hawl uu ka nastay beryahan oo dib u billaabatay inay tahay ayuu mooday, isbaarooyinkii la qaaday inay dib u billowdeen wax aan ahayn maankiisa kuma jirin. “Isbaaradaan cusub maxay tahay?” ayuu Abaadir weydiiyey wiilashii isagoo raba inuu dareensiiyo in isbaaro iyo wax la mid ah uusan degmada ku ogeyn.

“Sheekh, meeshaada ha ii soo dhaafin, hana noo gefin anaga waxaan nahay maamulka cusub, waxaana sameyneynaa hawlgallo ammaanka aan ku xoojineyno,” ayuu wiilkii kale ee karbaashka watay ku yiri.

Abaadir xoogaa ayay cabsidii ka yaraatay, wuxuuna si kalsooni ku jirto u yiri “waaba iga yaabiseen, haddaad maamulka cusub ee deegaanka tihiin dhib ma lahan, ee maxaa la iga rabaa oo aad iiga nixiseen?” Ayuu weydiiyey.

Mid kale ayaa intuu qorigiisa u soo weeciyey dhanka Abaadir isugu daba xijiyey: Kumaa tahay adigu? Xaggee baadse ka timid? Xilligaan maxaad u socotay? .Hadal duqa!

“Qo….Qorigaan afkiisa dhinac iiga je.jeedi, anaa wax kasta kuu sheegaayee, ma….ma…magaceygu waa Aba. Abaadir, xaa..xaaa..xaafaddaan ayaan deggenahay, ci..ci.cishaha markii laga baxay ayaan qa.qa.qa..qaraabo salaan aaday, haddana hoyaad ayaan aa.aaa.ahaa,” ayuu yiri isagoo shig-shigaya cabsi darteed.

Intaas markuu Abaadir marsiinayo hadalkiisa ayuu wiilkii yaraa toosh la soo baxay oo uu ku iftiimiyay wejiga Abaadir. Wiilku ujeeddadiisa ma ahan inuu aqoonsado qofka uu yahay Abaadir oo xaafadda dadka deggan maba kala yaqaan. Wiilkan yar gobol fog ayaa laga keenay, waxaana lagu soo daray maleeshiyada xaafaddaan ka hawlgasha.

Abaadir wuxuu isku dayay inuu wiilka kala hadlo arrinta karbuunada uu wejiga uga daaray, hase yeeshee codsigiisii ahaa in laga demiyo tooshka ma aanu hirgelin.

Wiilkii wuxuu billaabay inuu su’aalo weydiiyo Abaadir. “Garka maxaad u xiiratay, shaarbahan weyn muxuu yahay? Ayaad uga dayaneysaa qaabkaan? Sow ma ogid inaad tahay nin Islaam ah?”

Abaadir weligiis gar uma soo bixin, muxuu xiiraa ama uu deystaa!, wuxuu isku dayay inuu kala doodo wiilka arrintaas, oo uu u sheego abuuris Alle inay tahay oo aanu isagu sidaa u sameysan oo uu gar-mallayte yahay. Jawaabta Abaadir wuu ka xanaaqay wiilkii, wuxuuna la kala baxay karbaashkiisii, wuxuuna ku billaabay karbaashkii isagoo garaacaya odayga gar-cunka ah ee Abaadir.

Ninkii Abaadir ahaa wuu cabaaday, sidii hal geel ah oo uu bahal qaniinay, wuxuuna ku cataabay wiilashii si ay garaacista uga joojiyaan, “igaarkey usha iga jooji Ilaahay ka cabso,” ayuu ku calaacalay.

Su’aal yaab leh ayaa u xigtay oo waxaa la weydiiyey inuu caawa salaadda cishaha soo tukaday iyo in kale. Ma aanay ahayn su’aal uu Abaadir u fadhiyay, laakiin wuxuu ku qasban yahay inuu ka jawaabo, haddii kale wuu ogyahay wuxuu mudanayo.

Isagoo hadalka la gargariiraya oo laga dareemayo cabsi, isla markaana gacantiisa ku salaaxaya meelo ka mid ah jirkiisa oo uu ka dareemayo xanuunkii karbaashka, ayuu yiri “Haa igaarkey jameecada ayaan la tukaday”. Wiilka karbaashayey isaga xitaa ma aanu tukan salaaddii cishaha, oo caawa oo dhan siduu hadba luuq qof ugu heystay ayuu xilligaan soo gaaray. Teeda kale, dadka wiilahshan hoggaamiya ama marinhabowsheyaasha ayaa ka soo dhaadhiciyey in haddii ay seddex qofood ay masaajidka u diraan ay u dhiganto iyagoo salaaddaas tukaday. Waa yaab iyo amakaag iyo wax aan hore loo maqlin!

Waxaa Abaadir taas u daba taallay in la weydiiyo, masaajidka uu ku tukaday salaadda cishaha, waxba wax ayaa ka sii yaab badane. Abaadir wuxuu weli isku dayayaa inuu iska qanciyo wiilasha si uu uga badbaado dhibaato kale oo xaggooda uga timaada, wuxuuna u sheegay inuu ku tukaday masaajidka Sheekhunaa.

Abaadir waxaa lagu amray inuu fariisto, kaddibna wiilashii mid ka mid ah intuu maqas la soo baxay ayuu jaris ku billaabay tin yar oo markii horeba madaxa la sinneyd oo Abaadir ku taallay.

Tacaddiga lagula kacay waa mid aanu ka caban karin, cid uu uga dacwoodana ma aysan jirin, haddii lafihiisa ay u nabadgalayaan ayuuba nasiib lahaa, laakiin ciil badan ayaa laabtiisa ka buuxsamay.

“Xilligan daawasho filim ayaad ka timid waan ku dareensanahay oday,” ayuu ku yiri Abaadir wiilki karbaashayey, isagoo intaa ugu daray inuu ka warqabo in uu jaad cunis iyo qayilaad ku soo gaaray saacaddaan.

“Sheekh Cabdulqaadirow.abidkey jaad afkeyga ma saarin, igaarkey say wax kaa noqdeen?” Ayuu ku qeyliyay Abaadir. Wiilkii intuu xanaaqay ayuu karbaash mar kale u celiyay Abaadir, oo qeyladiisa cirka isku shareertay, wuxuuna ku canaantay inuu ku hadlay hadal dambi ah.

“Sheekh Cabdulqaadir-ka aad sheegeyso waa quraafaad,” ayaa lagu yiri Abaadir, iyadoo loogu wacdiyay inuu ka cabsado Rabbigii abuuray oo keliya oo aanu kaalmo waydiisan cid aan isaga ahayn, “oday lunsan baad tahay,” ayuu wiilkii ku yiri isagoo u indho gaduudinaya.

Abaadir madaxa ayuu ruxay, isagoo uga jeeda waan ku adeecay. Waxaana la faray inuu macawista kor u xirto oo uu meesha ka dhaqaaqo, “dhaqso gurigaaga anoo ku arkaaya aad,” ayuu ku yiri wiilkii.

Abaadir farxad ayuu ku dhaliyay amarkaas dambe, “waayahay igaarkey axsanto,” isagoo leh ayuuna dhaqaaqay, wuxuuna sii arkaayey wiilashii oo dhowr nin oo kale isku leexsaday oo u istaajinaaya in ay marsiiyaan ciqaabtiisa oo kale.

Intii uu u sii socday gurigiisa oo aan wax sidaas ah u jirin ayuu keligiis dusha iskala hadlayey oo uu is-lahaa, “Yaah! warkaaneyto may keeneen haddana, ciyaalkii yar- yaraay maa siday doonaan naga yeelaayo.” Abaadir falka caawa uu la kulmay wuxuu u caddeeyay inaanay meesha caddaalad iyo diin midna oollin, nabaddii uu waxyar ka hor ku faraxsanaana aanay waxba ka jirin mar haddii wiilal yar-yar oo uu qorigu ka dheer yahay ay sharaftiisa iyo shakhsiyaddiisa ku tunteen, wuxuuna ku tashaday inuu taageerada kala laabto oo aan mar dambe la arkin isagoo fadhi-ku-dirirrada ku difaacaya Marin-habaabiyeyaasha.

Macallin Duufiye si caadi ah ayuu hawshiisa u wataa, wuxuuna subax
kasta aroorta hore yimaadaa madrasadiisa, halkaasoo uu carruurta caqliga uga xado, wuxuuna yimaadaa iyagoo ka soo wada hormaray toddobada subaxnimo. Daqiiqadaha ugu horreeya wuxuu u aqriyaa kitaabbo uu ugu talagalay inuu jeclaysiiyo dagaalyahannimada, sheekooyinkiisa caadi ah ayaaba u badan inuu uga warramo dagaallada taariikhiga ah ee dhacay iyo shakhsiyaadka ku can-baxay.

Subaxaas waxaa waqti hore madrasada ugu yimid Abuu Seef, waxaana dhex martay sheekadan:

Abuu Seef: Asalaamu Calaykum.

Macallin Duufiye: Wacalaykuma salaam, Sheekh Seef soo dhawow akhii.

Abuu Seef: Macallin Duufiye, ii warran, hawlaha xaggee baad marsiineysaa?

Macallin Duufiye: Meel wanaagsan baan marsiineynaa, wax dhibaato ah ma jiraan, carruurtuna aad bay u fahmayaan duruusta iyo casharrada aan siineyno, dhowaanna waxaan rajeynayaa inay qaarkood ka soo aflixi doonaan madrasooyinka aan ku xareynay.

Abuu Seef: Warkaas waa war fiican, waana sidii aan kaa rabnay, waana hubay awalba inaad waajibkaaga gudaneyso Macallin Duufiyow. Wax caqabado ah oo idinka hor yimid miyaa jira?

Macallin Duufiye: Haa! Waxaa jira waalidiin buuq nagu furay, waxaa noo yimid hooyooyin dhahaya carruurteenna hanaloo soo celiyo, marka kuwaas uun baan qatyaan ka taagannahay ee sideenna kale waxba nagama halleysna.

Abuu Seef: Waa qalad inay waalidiintu ka daba qeyliyaan carruurtooda, weligood baanay arag nidaamkan oo kale. Annagu diinta ayaan bareynaaye ma wax baan u dhimeynaa, cidna haka oggolaan inay carruurtooda dib ula laabtaan.

Macallin Duufiye: Waaba sidaas Sheekh, waan u sheegnay waalidiinta inay
carruurtoodu ay u baranayso wanaagga diinta oo naftooda iyo waalidkoodba anfacaysa.

Abuu Seef: Maya, maya. U sheeg hadda kaddib ciddii kale ee kuu timaada in aan carruurta laga joojineyn waxbarashada dhankeenna ah, waana amar oo carruurta dhankeenna ayay joogayaan.

Macallin Duufiye: Waayahay Sheekh sidaas baan yeelayaa.

Sheekadoodii oo halkaas mareysa ayaa waxaa u timid Faadumo oo raagsatay imaanshaha carruurteedii lana soo dhaafay waqtigii uu la ballamay Macallin Duufiye inuu gurigeeda ugu keeni doono carruurteeda.

Markii ay labadoodii si caadi ah u salaantay ayay guda-gashay inay toos ula hadasho Macalinka oo ay u sheegtay in ay subaxaas isaga u socoto, maadaama ay ku ballansanaayeen inuu carruurteedii dib ugu soo celiyo.

Macallinku wuxuu u sheegay Faadumo inaanay carruurtu weli u dhammaan waxbarashada, sidaas daraadeedna aanay soo laaban karin.

Faadumo hadalkaas way ka carootay, waxayna u sheegtay macallinka inaanay taasi soconeyn oo wax shaqeynaya aanay ahayn, “anigu maanta waxaan halkan u imid inaan wiilasheydii idinka kaxeysto,” ayay si caro leh u tiri.

Meeshii ay ka sugeysay inuu macallinku arrintaas wax ka yiraahdo, waxaaba hadalkii ka soo dhexgalay Abuu Seef, wejigiisa way xasuusataa, waa ninkii u khudbeeyay maalintii ay Marin-habaabiyeyaashu haweenka iyo carruurta la hadlayeen. Faadumo dadkii goobtaas tegay ayay ka mid ahayd.

“Walaalay i dhageyso, annaga waxaa na saaran waajibaad, wuxuuna naga saaran yahay dadkeenna, adigana isla waajibaadkaas ayaa ku saaran, carruurtaada maanta waxay ka nasiib badan yihiin lama arkayo, waddo sax ah ayay ku socdaan” ayuu yiri Abuu Seef.
Ninkan iyo maamulkiisa cusub ee deegaanka car-carta ka wada aad bay ula dhacsan tahay Faadumo, hase yeeshee, waxay ka xun tahay ballantii uu ka qaaday macallinka inuu uga baxay, waxayna Abuu Seef uga warrantay inay maalin dhexdaas ah u timid macallinka oo ayna ka wada hadleen arrinta carruurteeda oo uuna u sheegay inuu guriga dib ugu soo celin doono.

“Marka, ma aqaanno waxa aad hadda sheegeysaan, anigu carruurteydii baan idinka rabaa,” ayay tiri.

Abuu Seef wuxuuba meesha keenay sheeko aan oollin. Wuxuu Faadumo u sheegay inay wiilasheeda iyo kuwa la mid ah kala hadleen arrimahaas, ayna u sheegeen inay jecel yihiin madrasada oo ayna diideen in dib loogu celiyo guryahooda. “Marka jahawareerka intaad naga deysaan, carruurta wax wanaagsan bay idiin baranayaane ka leexda, mana idin doonayaan oo way idin diideene hanna dhibina.” Ayuu ku yiri Faadumo oo ay indhuhu soo baxeen waxa ay qoladan ku hadlayaan dartood.

“Wiilashaadii baa ku diiday,” hadal ay qaadan karto wuu noqon waayay Faadumo, waxayna kula doodday Abuu Seef iyo Macallin Duufiye inaanay arrintaasi sinnaba suuragal u ahayn oo aysanna ahayn wax la qaadan karo, “carruur diidaysa waalidkii dhalay ee koriyay xaggee lagu arkay?” Ayay waydiisay, iyadoo ka codsatay in carruurta loo soo fasaxo, maadaama carruurta iyo waalidiintoodu ay isu baahan yihiin had jeer oo ay yihiin dad aan is-moogaan Karin muddo intaas la’eg.

Abuu Seef wuxuu ku adkeystay inay carruurta kala doorransiiyeen meeshooda (madrasooyinka) inay iska joogaan iyo in dib waalidiintood loogu celiyo oo dabadeedna ay doorteen halkooda (madrasooyinka) inay iska joogaan. Faadumo iyo dadka la midka ahna wuxuu kula taliyay inay ka leexdaan oo ay faraha ka qaadaan carruurta si ay kheyrka ay ku dhex-jiraan uguna raaxaystaan, taasoo u wanaagsan buu yiri adduunkooda iyo aakhiradooda oo anfacaysa naftooda iyo waalidiintoodaba.

“Waa yaab iyo lama arag! Sheekadu tolow ma afduub-baa, maxay tahay waxa ku hoos qarsoon hooyo wiilasheedii loo diidayo.” Arrintan way ku wareertay Faadumo, sidaasoo ay tahayna lagama maro dhinaca Marin-habaabiyeyaasha oo marka ay haweenka kala doodeyso waxay ku faantaa inay yihiin kheyr loo soo diray.

Faadumo waxay u calaacashay labadii nin, iyadoo isku dayeysa inay ku calool- laxawsato in aanay muddo carruurteeda arag oo mar keliya ay u baahnaan lahayd in ay aragto carruurteeda kaddibna ay dib ugu soo celinayso madrasada, sidaas darteedna ay u fasaxaan carruurteeda oo bil ku dhowaad aanay dhaayaha saarin, hilow iyo kal- gacal waalidnimo uu wado. Si kastaba ha ahaatee, meel aanay waxaas oo dhan ka soconeyn ayay saakay taagan tahay oo carruurtaba dadkii dhalay laga xigsanayo.

Faadumo waxa ay dareemeyso qof kasta ma dareemi karo. Keliya waxaa dareemi karta hooyo iyada oo kale ah oo laga qarsaday carruurteeda, oo habeenno u soo jeedday wel-welkooda, oo markay carruur meel mareysa aragtaba ay ilmadu ka soo daadato. Ma jirto Faaduma wax ay ka jeceshahay inay carruurteedu wax bartaan, hase yeeshee qaabka loola dhaqmayo ayaa xanuun leh oo haddana ay taasi uga sii daran tahay in carruurteeda laga haysto oo aanayna taladooda waxba ku lahayn.

“Waxaan ahay beer wax dhalay, oo ka damqanaya maqnaashaha carruurtiisa, adinka iyo carruurtiinna haddii la idin kala dheereyn lahaa waad ila xanuunsan lahaydeen,” ayay ku calaacashay qoladii ka haysatay carruurteeda.

Looma jixin-jixin, wax dan ah lagama gelin hadallada ay ku hadleyso. Raggaan carruurta iyo iyaga in la soo kala dhex galo way ka soo horjeedaan, waana sababtaas tan ay meelo fog-fog u kala geeyaan carruurta si xitaa canugga u hilooba waalidkiis aanu u garan meel uu aado ama u abbaaro.

“Halgan baan ku jirnaa, carruurta maanta marka aan diyaarinno berri iyaga ayaa wax hoggaamin doona, sow ma dooneysid wiilashaada inay culimo kuu noqdaan oo ay diinta faafiyaan, taas weeyaan waxa aan hadda u diyaarineyno, waxbana kama xumaanayaan,” ayuu yiri Abuu Seef oo raba inuu Faadumo iska qanciyo, wuxuuna Macallin Duufiye u sheegay inuu sii baxayo. “Hawshaada halkaasi ka sii wado,” ayuu ku yiri, wuxuuna ka dhaqaaqay Faadumo oo ilmeyneysa oo agtiisa taagan.

Qasaaye iyo Carsaanyo haddii ay labo maalin is moogaadaan, maalinta saddexaad waa kuwii isu yimaada, dad iyagaa isugu jecel, wax kasta oo soo kordha way isaga yimaadaan, kaddibna way isla gorfeeyaan, inkastoo markay kaftamayaan la moodo dad aan isku dhinac wax u wadin, haddana iyaga way is fahmaan, wayna isku aragti dhow yihiin.

Badanaa waxay ku kulmaan guriga Qasaaye oo ku yaalla meel ammaan ah, intaas ka sokowna ah guri dhagax ka sameysan oo looga nabageli karo xabbadaha habowga ah iyo madaafiicda habawga ah ee ay dadka guryahooda jooga mararka qaar ku halaagsamaan.

Qasaaye iyo Carsaanyo waxay galabta casiriyada shaaha ku wada cabbayaan guriga, wax balwad ah midkoodna ma laha marka laga reebo Carsaanyo oo mararka qaarkood tubaakada taqsiinta. Maalintii isugu dambeysay waxay ku ballansanaayeen inay dowladda taageereyaal u noqdaan, maadaama ay u muuqato in aanay Marin- habaabiyeyaashu wanaag soo wadin oo ay taas beddelkeedana soo wadaan dhibaato cusub iyo halaag ay u horseedayaan ummadda.

“War ninyahow waxaan isku ogeyn waa ka-kac oo waxba kama jiraan, hadalkennii iyo wixii aan isku ogayn waa hal bacaad lagu lisay,” ayuu hadalkii ku billaabay Qasaaye, oo u tilmaamay dadku inay arrimaha dhacaya ku jahawareersan yihiin.

“Balaayo sheeg baad tahaye, maxaa is-beddelay?” ayuu yiri Carsaanyo oo ku tilmaamaya Qasaaye inuu wax kasta dhinaca xun uun ka eego, wuxuuse Carsaanyo ka warqabaa inuu Qasaaye wax badan kala socdo ififaaleyaasha iyo meeshay sheekada ku biyo shubaneyso, maaddaama uu wax badan indha-indhaheeyo.

Qasaaye wuxuu saaxiibkiis u sheegay inay maanta ugu darneyd wuxuu wax la yaab leh arkaayay oo uu soo maray guri ay hal qoys ku wada nool yihiin oo ay labo calan ka wada taagan yihiin. Carsaanyo xiise gaar ah ayay u yeelatay sheekada saaxiibkiis, intuu si fiican u soo eegay ayuu dareensiiyay inuu warkiisa cajabiyay.

“Wiil iyo aabbihiis bay labo calan u kala suran yihiin, oo wiilku wuxuu taageersan yahay calan madow oo uu dacal suray guriga, halka aabbuhuna uu rabo calanka buluugga ah ee aan wada naqaan ee ah kan ay Soomaalidu iska leedahay,” ayuu yiri Qasaaye isagoo qoslaaya, wuxuuna saaxiibkiis waydiiyay waxa ay labadooda sameyn karaan, marba haddii qosykii dhexdiisa uu khilaafkaas ka taagan yahay.

Arrinta ku saabsan calanka madow ayaa si gaar ah uga sii yaabisay Carsaanyo, “Balaayo ayaa madow,” ayuu ku cel-celiyay, wuxuuna saaxiibkiis waydiiyay, “Qasaayow Marin-habaabiyeyaashu xaggee bey ka keeneen marada madow? Wax aan weligeen aragnayba ma ahee!”

Su’aashaas mid uu si fudud uga jawaabi karo Qasaaye way noqon waysay, ” waa kane adigaba ka macno bixi calan madow wuxuu yahay!” ayuu Qasaaye saaxiibkiis waydiiyay, isagoo hadalkii sii watana wuxuu raaciyey, “War iyaga laftoodu garan maayaan calalkaan madow wuxuu yahay, ee waddamo shisheeye baa looga soo dhiibay.”

Sidaas ayay labadoodii isku raaceen, sheekadii ayay halkeedii ka sii wateen, waxayna hadallada isu waydaarsadeen qaabkaan:

Carsaanyo: Waxaaba iigu darnayd oo aan maanta maqlaayay inay Marin-Habaabiyeyaashu oday dariskeyga ah waddada ku karbaasheen.

Qasaaye: Haye, oo maxay ka rabaan odayga baa la yiri?

Carsaanyo: Sow tay Marin-habaabiyeyaashu la soo shir-tageen in garka la daysto, surwaal gaaban la xirto, shaarbahana la gaa-gaabiyo.

Qasaaye: War illeen balaayo, oo ninka aanu Ilaahay ugu talagelin inuu garba u soo baxo, sidee baa laga yeelayaa?

Carsaanyo: Kaasi dee yeelkii, luuq kastoo ay Marin-habaabiyeyaashu ku helaan karbaash baa u yaalla.

Markuu intaas yiri Carsaanyo ayay labadoodiiba qosol ku dhufteen, sheekadoodiina ma aanay hakin, ee halkeedii ayay ka sii wateen, iyadoo uu Qasaaye wato hadalka.

Qasaaye: Yaab waaye, war horta waxaan ku waydiiyay, labadan qolo waa kuwan is-haystee, shicibkiina waa tuu qaxaye oo geedo qoyan hoostood bay degeen, maxaa
keenay in haddana laga daba tago oo goobtii ay degaanba lagu dul dagaallamo.
Maxay dadka uga daba guurayaan?

Carsaanyo: Dan kale lama laha, ujeeddada keliya ee la leeyahay waa in la baabi’iyo shacabka, waxaadba mooddaa inay Marin-habaabiyeyaashu dadka ku leynayaan maxay annaga noo soo raaci waayeen.

Qasaaye: Arrintani waa arrin foge, waa macno shicib baabi’ise, haddii ay Marin-
habaabiyeyaashu sheeganayaan inay ku dhaqmayaan diinta Islaamka, sabab ay dadka isaga dilaan ayaananba anigu u jeedin.

Xitaa ciyaarihii in la isaga daba yimid ayay isu sheegeen oo qofkii lagu arko isagoo ciyaar daawanaya la karbaashayo, waxayna dabadeed isu jiibiyeen qosol aan laabta jirin.

Abuu Seef hawlaha gudaha ka socda ee ay wadaan Marin-Habaabiyeyaasha oo dhan isaga ayaa agaasima, wuxuuna subax kasta shir la qaataa koox dad ah oo uu rabo inuu barnaamijkooda ka dhaadhiciyo ama uu ku qasbo inay la shaqeeyaan, codsi, amar, wacdi iyo wuxuu isugu daraa handadaad, dantiisa inuu gaaro ayaa u daran isaga.

Waxyaabo badan wuxuu ku socodsiiyay wejigiisa iyo aaminsanaanta ay dadku aaminsan yihiin oo ah inuu yahay nin wanaagsan oo wax fiican ka shaqeynaya. Waa nin aftahan ah oo qofka uu la hadlo markiiba ku qancin kara inuu raaco waxa uu wado, horayna wuxuuba u lahaa sumcad iyo kalsooni dadka uu ka kasbaday.

Amarradii ugu dambeeyay ee uu faray Abuu Colaad intooda badan wuu hirgeliyay, keliya hal mid ayaa u harsan taasna maanta ayuu u dhigtay. Hoteel weyn oo deegaanka ku yaalla, gaar ahaan meelaha ay Marin-babaabiyeyaasha ka taliyaan ayuu kula ballansan yahay saakay ganacsatada deegaanka ugu waaweyn.

Shirka waa loo dhan yahay keliya waxaa la sugayaa Abuu Seef oo daqiiqado yar ka soo dib dhacay waqtigii ballanta. Ganacsatada waxaa ka dhex jira guux badan, waxay is- weydiinayaan sababta ay saakay isugu yeereen Marin-habaabiyeyaasha.

Gaari qurux badan ayuu ku yimid Abuu Seef, wuxuuna markiiba gudaha u galay qol weyn oo ay ku jireen ganacsatada, markuu salaamay kaddib ayuu billaabay inuu u khudbeeyo, wuxuuna ku billaabay sidan:

“Asalaamu Calaykum, Bismillaah, wal-xamdu-lillaah, wa salaatu wa salaamuhu calaa nebiyanaa Muxammed, Wa bacdu, … Walaal anigaa isugu kiin yeeray maanta, waxaana doonayaa inaan idin kala hadlo arrin muhiim ah. Waad la socotaan dhaqdhaaqa iyo hawlaha aan wadno ee ku saabsan danaha guud iyo wax ka qabashada baahiyaha taagan ee dib u dhigay dadkeenna, kana hor joogsaday dadkeenna inay u noolaadaan si nabadgelyo leh.

Waad la socotaan maamulkeennu muddada yar ee uu jiray wuxuu ku guulaystay inuu qabto hawlo qaadan lahaa muddo dheer, taasna waxaa noo fududeysay sida wanaagsan ee uu dadkeennu noo soo dhoweeyay noolana shaqeeyay.

Waxyaabaha la sheegi karo ee aan ku guuleysannay waxaa ka mid ah inaan soo celinnay nabadgelyadii, maanta qof kasta oo dadkeenna ka mid ah meeshuu doono ayuu si nabadgelyo ah ku tegi karaa, waxaan ka hor tagnay kooxo burcad ah oo dhibaato ku hayay dadkeenna masaakiinta ah, waxaan marsiinnay sharciga, qaarkood waxaan ka jarnay lug iyo gacan is-dhaaf ah, qaar dhiigyacab ahna waan dilnay.

Waxaan dib u dhisnay goobo muhiim ah sida dekedda iyo garoonka diyaaradaha, wasaaradihii uu dalku lahaa qaarkood dib baan u dayac-tirnay, waxaana ka soo saarnay meelo dib u shaqeyn kara.

Magaaladu wey kala xirnayd sida aad la socotaan, hadda waxaa noo suuragashay inaan isku furno, maamul baan u sameynay degmooyinka iyo gobollada, hadda waad aragtaan caddaaladda siday u shaqeyneyso.

Shirka aan isugu kiin yeernay maanta waxaan rabnay inaan idinka dalabno wada shaqayn toos ah inaan yeelanno, sababtoo ah waxaad tihiin ganacsatadeennii, ammaanka aan sugnay dadka ugu horreeya ee ka faa’ideysanaya waa adinka, cabsi la’aan baad lacagtiinna meel kasta la martaan, cid idinku xadgudubta ama idinku xad-gudbi kartana ma jirto.

Awal waad ogeydeen in isbaarooyin la idinkaga qaadan jiray lacag baad ah, mararka qaarna dhac bareer ah iyo mid qarsoodi ah la idiin geysan jiray, hadda ma waxaas baad aragataan? Jawaabtu waa maya!

Maamulku arrintiinna wuu ka shiray waxaana la soo saaray awaamiir idinku wajahan, bishii waxaa la idinka qaadi doonaa lacago lagu taageerayo maamulkeenna, si aan ugu guuleysanno hawsha baaxadda leh ee aan heyno, awalba xoog baa wax la idinkaaga qaadan jiray, hadda waa wixiinii oo la rabo inaad wax ku darsataan. Sidaas darted, hadda kaddib ku soo talagala bil kasta inaad iska bixisaan qidmadaas yar oo aan idib dhibaynin, ma aha lacagatas aad bixinaysaan mid baad xaaraana ah, mana ahan lacagihii hore ee la idinka qaadi jiray wax la mid ah, waa mid aad nagu caawineysaan si aan u sii shaqeyno nabadgelyadiinnana annaga ayaa dammaanad qaadnay, ma rabo inaan hadalka ku dheeraado soo dhowaada, maamulka waa maamulkiinnii, waana wada shaqeyn doonnaa, insha allaah.

Midda kale ganacsatadiinna waan la soconnaa inay idinku jiraan qaar keena waxyaabaha waqtigoodii dhaafay, hadda kaddib ciddii aan ku aragno tallaabo ayaan ka qaadi doonnaa, shirkuna wuu inoo xiran yahay, wa billaahi towfiiq.”

Khudbadii markii ay dhammaatay ganacsade kasta isagoo aan ku qanacsaneyn amarka cusub ee dhaqaalaha looga doonayo ayuu goobtii ka tegay, waxayna taasi keentay guux weyn oo ganacsatada dhexdeeda ka billowday, qaar baa ku taliyay in la iska diido lacagaha ay rabaan Marin-habaabiyeyaasha, qaar kalena iyagoo hantidooda u cabsanaya ayay ku taliyeen in la iska bixiyo lacagtaas.

Iyadoo lagu kala qeybsan yahay ayaa maalintaas goobtii laga kala dareeray. Ganacsatada waxay dan ugu jirtaa inuu ganacsigooda u badbaado, sidaas daraadeed waxay noqon doontaa inay iska dhiibaan wixii la weydiisto, marka laga reebo qaar yar oo aagga dowladdu maamusho u wareegay oo sidaas ku badbaadday.

Cutubka 3aad

Saameynta ugu daran wuxuu isbeddelka qoorta u suray raggii hubeysnaa ee subax kasta u soo kallihi jiray dhabbayaasha magaalooyinka, iyagoo uu garabkoodu qori ka laad-laado, si ay u dhacaan hantida dadweynuhu ay jeebabkooda ku wataan ama ay lacago uga qaataan gawaarida ka dhex shaqeysa deegaannada kala duwan.

Muuse iyo Faarax waxay ka mid ahaayeen mooryaantaas meel kasta habaar ka soo urursatay, ee aan weligood ku fikirin inay xooggooda si xalaal ah ugu shaqeystaan. Muuse waa 30-jir, dagaallada sokeeye waxay billowdeen isagoo 10 jira, halka Faarax uu yahay 35-jir.

Duhurkii markii ay ahayd ayuu mid kasta ku soo wareeray magaalada, meel ay maalintaas u qayilaad doontaan iyagoo raadinaya ayay mar dambe oo ay soo daaleen ku kulmeen biibito shaaha lagu iibiyo oo xaafaddooda ku taalla.

Xilligaas oo kale iyagoo qayilsan ayay meel fadhin jireen, laakiin markaan way ka daba timidoo nin wax meel ku og ma jiro, xitaa koob shaah ah ma dalban karaan, handadaadna cid wax ku siineysa ma jirto.

Muuse isagoo kursi ku fadhiya oo keligiis fikiraya ayuu arkay Faarax, oo gacma- laadlaadinaya, wax looga bartayna ma ahayn, weliba busaarad ayaa ka muuqato. Wuu dareemay saaxiibkiis inay wax ka qaldan yihiin, markuu dhankiisa soo gaaray ayuu salaamay, wuxuuna weydiiyay waxa ku dhacay, waxayba la noqotay inuu safar ka soo galay.

Faarax wuxuu ka cawday magaalada inay ka soo xir-xirantay, isbaaradii uu ka qayili jirayna la qaaday, isagana wejigiisa dad badan baa garanaya, wuxuuba ka cabsanayaa inay daalac u raacdaan dad uu horay waxooda u laastay, qorigii uu wax ku dhici jiray, mar-marna ku dili jirayna wuuba qarsaday, oo amaa lagugu arkaa oo uu hadhow mashaqo kugu noqdaa buu ka cabsanayaa, maalmahaan inay xaaladdu ku xun tahay oo wax uu qabto iyo meel uu u shaqo tago midna aanu heysan ayuu u sheegay saaxiibkiis Muuse.

Muuse wuu ka warqabaa xaaladda saaxiibkiis, oo wuxuu ogaa in la qaaday isbaarooyinkii lana mamnuucay hubka in magaalada lagu dhex wato, weliba wuxuu kaloo ogyahay in qofkii lagu soo qabto isbaaro ama qof dila uu khatar gelayo, hase yeeshee wuxuu rabaa inuu ogaado xogta dhabta ah ee saaxiibkiis Faarax iyo kuwii la midka ahaa, “aaway xarfaantii kale ee aad isla qaraaban jirteen?” Ayuu weydiiyey.

Faarax wuxuu u sheegay saaxiibkiis in raggii rag ahaa ay kala tageen oo maanta labo meel isku sheegta aanay jirin, qaar waxay ku biireen marin-habaabiyeyaasha oo iyagoo cimaamado xiran ayay isku dhex dareen, qaar dalkoo dhan bay isaga tageen oo waxay galeen tahriib, qaar kalena suuqoodey iska galeenoo dadkoodey isku dhex dareen, wayna iska xamaali doonteen, qaarna waa sidiisoo waa shaxaad ku nool.

Muuse wuxuu saaxiibkii weydiiyay hadda wuxuu ku tashan yahay, maadaama shaxaad keliya aanu celin karin oo magaaladan weyn aan shaqo la’aan la noolaan karin.

Isagoo indha tag-taagaya oo leh “ninyahow wax la qabto lama hayo” ayuu jeebabkiisa marba mid gacanta geliyay, oo jaakad wasaq badan oo uu xirnaa hadba dhinac u gediyay, oo surwaalka wax ka baarbaaray, markaasuu ku soo jeestay Muuse oo uu ku yiri, “saaxiib xaraarad baa i haysee xabbad sigaar ah ii dhiib” intuu taraq la soo baxay.

Muuse oo ka yaabban siduu Faarax u dayacan yahay, ayaa baakad isku buusantay intuu jeebkiisa kore ka soo bixiyay, oo gudaheeda fiiriyay, tiiyoo uu hal xabbo oo sigaar ah ku jiro ku yiri “hoo xabbadkan baa jeebkeyga ku dambeeyee!”

Faarax oo uu saaxiibkiis damac ka galay ayaa ku fikiray inuu qayilaad weydiisto, maadaama maalintaas aanu haysan meel kaloo uu wax ka doonto. “Maanta ogow adiga ayaan kugu qoranahay fadhigeyga,” ayuu yiri isagoo qosol beenaad dibnaha la kala furaya.

Muuse oo la yaabban meesha uu Faarax damacu keenay ayaa u deyriyay una sheegay inaanu waxba dhaamine uu meel kale day-daydo. “Muusow adigana deyro ayaa kaa soo horreysa mar kasta, war ninyahow intaad xariif iska dhigto maanta meelna kaagama socdee i dabbar” ayuu si uu indho adeyg ka muuqdo u yiri Faarax.

Inuu isagaba raadinayo cid qayilsiisa ayuu u sheegay Muuse saaxiibkiis, isagoo samirsiinaya. Hase yeeshee, wuxuu u sheegay inuu u haayo xal ay labadoodaba uga bixi karaan shiidka iyo lacag la’aanta, taasoo uu Faaraxna u soo dheg raariciyay bal in wax sahlan oo uu meherad ka dhigan karo ay noqdaan.

“Haye! Bal ii sheeg muxuu yahay qorshahaas?” Ayuu yiri isagoo hareeraha eeg- eegaya, bal inay ishiisu qabato qof uu maalintaas wax uun ka heli karo.

Muuse ayaa billaabay inuu saaxiibkiis u sharraxo magaalada iyo fursadaha xilligaan jira, wuxuuna ku billaabay olollaha ciidan qorashada ee Marin-habaabiyeyaashu ay wadaan, taasoo dhaqaale aan caadi ahayn lagu helo, oo uu ka dheeraad yahay quutu-yoomka, siduu u soo waday ayuu ku soo xiray “marka ka warran haddii aan is-qorno si aan ciidamadooda uga mid noqonno….”

Ka mid noqoshada raggaasi Faarax wuu ka naxay, waaba ragguu maalmahaan oo dhan ka dhuumaaleysanayay, sababtoo ah waxay dileen qaar ka mid ah saaxiibbadiis oo lagu eedeeyay mooraayaannimo iyo dilaannimo, wuxuu maqlay dadka oo leh “qofkii wax soo dilay waa la dilayaa,” marka filinkaas cabsida leh ayaaba u shidan oo raggaasi in lagu soo hadal-qaado ma farxad-gelineyso, wuxuuna saaxiibkiis u sheegay inuusan qeyb ka noqon karin olollahaas wixii la doonaba ha laga helee.

Muuse oo dareemay cabsida saaxiibkiis ekaysay ayaa u sheegay inaanu ahayn nin wax og, oo raggaasi aanay qof kasta dilin, Faaraxna aanu ku sii jirinoo uu ka dhashay beel weyn oo hubeysan oo laga cabsado, isagoo saaxiibkiis ku qancinayay ayuu u taxay magacyo ay isla garanayaan oo ah raggii ay mooryaanta isla ahaayeen, kuwaasoo hadda ka mid ah ciidamada Marin-habaabiyeyaasha, “saaxiib raggaas aan ka bariiseyno cabsida intaad meel iska soo dhigto,” ayuu yiri.

Faarax wuxuu aamisan yahay raggaasi wax u kala soocan inaanay jirin, oo har-cad ay toogteen rag laga cabsoon jiray, Muuse ayuuba farayaa inaanu ku sirmin waxa uu sheegaayo.

Faarax aad buu u naf jecel yahay, inkastoo isaga si fudud uu ku dilay dad aan waxba galabsan oo masaakiin ah, haddana isaga in si kastoo ay noqoto uu dhinto ayuu ka soo horjeedaa. Muuse wuxuu yiri, “Faaraxow geesi baan ku moodi jiraye illeen fuley baad ahayd, war raggaan waa la fahmi karaaye fikir ee na keen aan dhinaceenna ka raacnee”.
Muuse si uu saaxiibkiis cabsida uga bi’iyo, wuxuu u sheegay isaga xitaa inuu damacsan tahay inuu is-qoro si uu ciidamadooda uga mid noqdo, “na keen aan ragga dhinac ka raacnee,” ayuu yiri isagoo garabka ka dharbaaxaya.

Markuu intaas maqlay cabsidii baaba ka duushay, wuxuuna beddelay fikirkiisii hore, isla ilbiqirsiyadaas ayuu saaxiibkiis u sheegay inuu diyaar u yahay ka mid noqoshadooda.

“Adigaba haddaad socoto kaama harayo, waan is-diiwaangelineynaa ee xaggeen wax ka billownaa?” Ayuu waydiiyay.

“Keliya waxaad u baahan tahay inaad qori leedahay, oo qamiis gaaban aad wadato oo garna aad deysato, oo aad u hoggaansanto awaamiirtooda, cidda ay kuu diraanna aad disho, weliba lacag dheeraad ah bay ku siinayaan marka aad disho qofka ay ku dhahaan waa murtad,” ayuu yiri Muuse isagoo intaa raaciyay, “adiga maxaa kaa galay, ma hadda ayaa kuugu horreysa qof aad disho, murtad ayaad sheegeysaaye mu’min ha noqdo, ma awal bay wax kaa khuseeyeen?”

Muuse iyo Faarax qosol ayaa la isku jiibiyay. “Meeqaan dad soo dileynay! Waaba hawsheennee!” ayuu yiri Faarax.

Muuse wuxuu Faarax u sheegay markay Marin-habaabiyeyaasha ka mid noqdaan inay helayaan fursad ay si hoose hawshoodii caadiga ahayd ugu sii wadan karaan, oo isbaarada iyo dhaca si aan la fahmi karin ay ugu sii shaqeysan karaan, sidaasna ay ku helayaan mushaarka la siiyo iyo dhac-dhacooda oo ka bannaanka ah.

“War Muusow maskaxda iyo fikirka ayaan kugu jecelahay,” ayuu yiri Faarax isagoo ku faraxsan qorshaha sida uu isugu dubba riday Muuse, “sidaas ha inoo ahaato,” ayuu sheekadii u socotay ku soo xiray, isagoo dareemay jaadkii ay sugayeen inuu yimid, oo magaaladii oo dhan ay isla buuqeyso.

Sidaas ayay ku kala tageen Muuse iyo Faarax, nin kastana wuxuu afka aaddiyay meeshuu is-lahaa shaxaad aad maalintaas ku qayisho aad ka heshid, waxayna ku ballameen inay subaxa xiga isu yimaadaan, si ay aroorta hore isaga soo qoraan xeryaha Marin-habaabiyeyaasha.

Faadumo labo wiil oo ay dhashay ayaa ka mid noqday carruurta ay Marin-
habaabiyeyaasha ku xareeyeen madrasooyinka. Muddo bilooyin ahba si toos ah ayay dhankaas ugu xirnayd, weyna ku qanacsaneyd, hase yeeshee waxay murugo aqalka kula soo hoyatay markii ay labadeedii wiil habeenno ka soo dhaxeen guriga, iyadoo aan la socon halka ay jiraan.

Faadumo duqeedu wuxuu ku maqan yahay xajka, iyada keliya ayaa guriga joogta, subaxaas markii ay quraacdii diyaarsatay, oo ay ilaa barqadii guriga dhex joogtay, ayay suuqa adeeg u doonatay. Intii ay sii socotay iyo intii ay soo socotayba canuggii ka hor yimaadaba waxay moodeysay carruurteedii, markaasay farxad iyo naxdin isugu xigeysay marka ay aqoonsato inaanay carruurteedii ahayn.

Murugo ayay ka bixi wayday, inta badan ma seexato, oo wuxuu waqtigu dhammaadaa iyadoo wal-wal ku jirta, fikir iyo dhabanna-hays ayay maalintii oo dhanna meelaha la fadhidaa, laakiin barqadaas waxay nafteeda kula showrtay inaanu fikir waxba u tarayn, oo looga baahan yahay tallaabo inay qaaddo noocii ay doontaba ha ahaatee, maskaxdeeda ayay talooyin ka baarbaartay. Markii dambe talo waxay ku goosatay inay ka war-doonto madrasadii ay carruurteeda ku ogeyd si ay bal u soo hesho xog ay qalbigeeda ku xasiliso.

Faadumo waxay isu diyaarisay markiiba inay u dhaqaaqdo dhinacii madrasada, cagta ayayna dhabbaha soo saartay, iyadoo u soo socota madrasadii. Dhowr luuq markii ay ka soo laabatay, oo ay dhowr guri soo weydaaratay, oo ay hadba waddo isku sii deysayba, waxay markii dambe soo gaartay madrasadii oo gurigeeda meel cabbaar loo socdo u jirta, halkaasoo ay ku aragtay carruur tiro badan, oo aanay markii hore meeshaba ku ogeyn.

Indhaha ayay la raac-raacday, ma aha carruur ay wejiyo garaneyso, ciyaalkii xaafaddaba way uga dhex jeedi waysay, waxay la yaabtay tiradooda, “tolow halkee laga keenay carruurtan tiradan badan?” Ayay is-weydiisay, iyadoo yaab faraha la taag- taageysa, indha markay horay u sii dhigtay ayay aragtay nin xooggan, oo cad oo garweyn leh, shaarubahana ay u xiiran yihiin, oo wata qamiis bakistaani ah, kaasoo markuu ku soo eego aad ka cabsaneyso indhihiisa godka ka soo dhex muuqda ee gad- gaduudan, waxay is-tusisay inuu macallinkii madrasada yahay, dhankiisii ayayna u dhaqaaqday, si ay ula soo hadasho.

Markii ay gaartay meeshii uu fadhiyay ayay salaantay, isagana si soo dhoweyn leh ayuu uga qaaday, markaas bay isu sheegtay in magaceeda Faadumo la yiraahdo, oo ay tahay Aweys iyo Mustaf hooyadood, ayna ka mid tahay waalidiinta carruurta ee xaafadda ay joogaan dhinaca ka deggan.

Si fiican isagoo u fiirinaya wejigeeda, isla markaana isku dayaya inuu dhuuxo hadalkeeda, ayaa markii ay intaa tiri, wuxuu isagoo madaxa ruxaya yiri, “haa anigana waxaan ahay macallinka madrasadan, magaceygu waa Macallin Duufiye, carruurta aad sheegtay waxay ka mid yihiin ardaydeyda.” Markii uu intaas yiri ayay Faadumo si fiican u neefsatay, iyadoo is-tusisay inay heshay fursad ay carruurteeda xogtooda ku heli karto.

Macallinkii isagoo marba dhinac u jeesanaya oo canaananaya ardaydiisa ayuu Faadumo u sii waday hadalkii, “Aweys iyo Mustaf waxay ka mid noqdeen arday dorraad loo diray gobol, oo toddobaadyo ayay maqnaan doonaan, wax dhibaato ahna ma jiraan way fiican yihiin,” ee sidaas ula soco.

Hadalkaas dambe wuxuu yaab u keenay Faadumo, iyadoo naxsan oo indhaha galka ka saareysa, ayay la soo boodday, “gobol aa!…maxaad tiri, ma labadeydii wiil baad gobol u dirtay?” Waxay la yaabban tahay gacan-dhaafka lagu sameeyay, iyadoo macallinkii canaananeysa ayayna sii raacisay, “sidee bey ku dhacday inaad ila soo socodsiin waydo xaaladdooda? Gobolse maxaa ka jira?”

Faadumo waagii ayaa ku baryay, waxay carruurteeda u soo dirsatay waxbarasho diini ah oo meesha loogu sheegay, hase yeeshee wax baa ka qabsaday, macallinkii ayay ku sigatay inay kuleetiga qabato, sidii ay yeeli jireen islaamaha jaadka iibiya marka ay muqayiliinta deyn ku yeeshaan. “Habeennadan wel-welka i galay ayaadan war ka heyn, carruurteydii baan kaa rabaa, waxba ha gobol-goboleyne,” ayay cod hoose ugu calaacashay.

Macallin Duufiye isagoo isku dayaya inuu dejiyo xaaladdeeda ayuu u sheegay Faadumo inay carruurteeda kheyr ugu maqan yihiin, ayna qaadeen waddo uu Ilaahay ka raalli yahay, “waxay baranayaan diinta, naftooda iyo adinkaba taas baa idin anfaceysa,” ayuu yiri.

Faadumo waxba kama beddelin xaaladdeeda hadalladii uu dal-dalay macallinka, iyadoo ay indhaheeda ilmo ku soo joogsadeen ayay tiri, “diinta ayey baranayaan buu ku leeyahay, sow halkanba kuma baran karaan diinta, maxaad kala doontay gobol, waa carruur yar-yar oo aan weli qaan-gaarine?” Carruurta aabbahood oo hadda xajka jira marka uu yimaado wixii ay u sheegi lahayd ayay waydiisay, dad waxay doonaan iska sameynaya inay yihiin ayayna ku eedeysay iyagoo aan la tashan waalidiinta carruurta ay hayaan dhashay.

Macallin Duufiye wuxuu sheegay waxay ka shaqeynayaan inay yihiin wixii uu Ilaahay faray, carruurta in diinta lagu barbaariyo inay waajib tahay ayuu tilmaamay, oo taas uun ay ka shaqeynayaan.

Faadumo iyada qalad uma aragto carruurteeda inay diinta u bartaan, hase yeeshee waxay ka soo horjeeddaa in iyada iyo labadeeda wiil la kala dheereeyo, taas inaanay sharci ahayn ayayna kula doodday macallinka, “bal ninkan wayn wuuba isla gar leeyahaye eega.waxaan kaa rabaa inaad ii sheegto sababta adigoon ila socodsiin aad carruurteyda u safrisay?” Ayay waydiisay iyadoo laga dareemayo inay ciishoon tahay.

Xaaladda carruurteeda in mar kastaba uu la soo socodsiin lahaa ayuu u sheegay, wuxuu kula taliyay inaanay dhib u arkin kheyrka ay ka shaqeynayaan, oo adduun iyo aakhiraba wax anfacaya ay yihiin oo laga rabo waalidiintu inay ku taageeraan, weliba wuxuu daalac ugu raacday mustaqbalka carruurta ee ay diyaarinayaan in ay iyaga ka hor taagan yihiin.

Sida ugu dhaqsiyaha badan in carruurteedii dib loogu soo celiyo ayay u baahan tahay Faadumo, weliba intay caradii ka tan badisay ayay tiri, “mar uun gacanteyda ku soo sin anigaanba dib ugu soo celin doonin madrasadaane,” waxayna ku celcelisay in iyada ay mas’uuliyad saaran tahay carruurteeda iyo waxbarashooda.

Macallinku markuu arkay inay meesheedii joogto oo aanay waanadiisa iyo wacdigiisa waxba ku qaadaneyn ayuu si cad ugu diiday in carruurteeda uu u soo celinayo, kheyr inuu u socdo oo aanu oggoleyn in laga soo kaxeeyo ayuu u sheegay, balse ay heli doonaan fasaxyo ay iyada ku soo booqdaan, hase yeeshee aanu maamulku oggoleyn in carruurta laga kaxeeyo madrasooyinka ama ay waalidiintu waxbarashada ka joojiyaan.

“Wixiinna sharci ma aha, sidaanna nama qabato, maamulka hadday sidaan billaabaanna waan ka soo horjeesanaynaa, maxay tahay carruurta meeshii la doono lala aadayo? Waaba aad ka soo darteene!” ayay tiri Faadumo oo ay xanuunjiyeen hadalladii ugu dambeeyay ee macallinka.

Macallin Duufiye markuu arkay xanaaqa Faadumo inuu ka sii darayo ayuu ku tashaday inuu dejiyo, wuxuuna u sheegay Aweys iyo Mustaf inay la socdaan carruur badan oo saaxiibbadood ah oo ay isku xaafad yihiin, toddobaadka soo socdana inuu gurigeeda ugu keeni doono ayuu u ballanqaaday, wuxuuna warbixinta ugu daray inay iyaga xitaa ku faraxsan yihiin waxbarashooda, hadda kaddibna uu la socodsiin doono tallaabo kasta oo carruurteeda ku saabsan. Iyadoo qanacsan ayay dabadeedna Faadumo ka soo tagtay madrasadii carruurteeda laga masaafuriyey sidii loo sheegay.

Markuu arkay inay dhaqaaqday ayuu iskula hadlay, “Orod oo iga tag. qeylo badanaa islaantu, carruurteyda … carruurteyda bay ku leedahay, maba oga inaan iyaga ka dheereyneyno carruurta, hadda iyadaan isaga dirayay ee waxay mooddaa inaan u soo celinayo, carruurtu way soo laaban doonaan laakiin waa goorma?” intuu yiri ayuu qoslay “waa mar aanay waalidkood xitaa u aabba yeeli doonin, waxaan rabnaa inay maskaxdeenna ku shaqeeyaan oo ay noqdaan sooma-jeestayaal caabboon oo amarkeenna adeeca oo ad-adag, ma iyadaaba wax og, carruur bay ku leedahay.”

Dadka ku nool deegaanka way kala duwan yihiin, waxay isugu jiraan, qaar xaafadaha soo degay kaddib burburkii iyo kuwo weligood degenaa oo reer magaalka asalka ah, inkastoo xaafadaha qaar lagu kala badan yahay.

Qasaaye waa 42-jir, wuxuu ku dhashay magaalada, keligiis ma ahane xitaa awoowayaashiis ayaa ahaa dadkii magaalada cammiray xilli sii fog. Waa xaasle, islaantiisu waxay ka shaqeysaa suuqa, waxay iibisaa qaadka, isagana inta badan guriga ayuu joogaa halkaasoo uu ku haayo gabar yar oo uu dhalay.

Galab isagoo gurigiisa jooga ayaa waxaa albaabka u soo garaacay saaxiibkiis Carsaanyo oo aad u daallan, sidii inuu galabtaas wax ka soo ciyaaray ciyaar kubbadda cagta ah oo garoon weyn lagu dheelay.

Carsaanyo waa 39-jir, ilaa yaraantoodii ayay saaxiibo ahaayeen Qasaaye, isaguna wuxuu ku dhashay oo ku soo waxbartay magaalada. Inta badan, isaga iyo saaxiibkiis wey isa soo raadsadaan maadaama ay aad isu fahmi-ogyihiin oo ay dadka kale isaga aqoon badan yihiin.

“War haye Carsaanyo, galabta waad soo dheeraataye, sidey wax u jiraan?” Ayuu Qasaaye waydiiyay saaxiibkiis, isagoo kursi u dhigay, galaas biyo ah oo qabowna hoosta u geliyay.
Carsaanyo isagoo aan weli si hagaagsan u nasan oo neef tuuraya, ayuu saaxiibkiis ugu jawaabay, “ma adaaba war haya, maanta balaayaa dhacday!” “Balaayada dhacday maxay tahay?” Ayuu Qasaaye isaguna ku celiyay saaxiibkiis.

Markaas ayuu Carsaanyo billaabay inuu ka sheekeeyo balaayada dhacday ee uu sheegay. Gurigiisii inuu qax ka yahay oo uu dagaal xaafadda ku qabsaday ayuu warkii ku billaabay, oo dagaal qaraar uu weli socdo, gurigiisana ay xabbado wiifto ah ugu soo galeen, illeen waa nin maantoo dhan xabbad ka ganbad iyo madfac ka carar ahaa. Naxdin iyo daal ayaa ka muuqda Carsaanyo.

Qasaaye iyo Carsaanyo labo xaafadood oo cabbaar isu jira ayay kala deggan yihiin. Warka saaxiibkiis uu u sheegayo si uu u sii hubsado ayuu sii waydiiyay ciidda dagaallameysa iyo dagaalku waxa uu yahay.

Carsaanyo wuxuu ku jawaabay, “waad huruddaa Qasaayow, miyaadan idaacadaha ka dhageysan in maanta lagu baaba’ay xaafaddeyda?” Qasaaye maba aha nin idaacadaha inta badan dhageysta, wuxuuna saaxiibkiis u sheegay inaanu dagaalkaas waxba kala socon, isagoo ka codsaday inuu cidda dagaallameysa u sheego.

Warkii ayuu guda-galay Carsaanyo, wuxuuna saaxiibkiis u sheegay in dowladda iyo Marin-habaabiyeyaashu ay madaxa iskula jiraan, weliba maanta tan dhacday in la yaabay oo la kuusay Marin-habaabiyeyaasha, oo weliba si xun maanta loogu bur- bursaday dagaalka.

Qasaaye arrintaas wax dhici kara inaanay ahayn ayuu sheegay, raggaasina aanay ahayn kuwo si sahlan lagu kuusi karo. Guriga waxaa u yaalla internet uu wararka kala socdo, wuxuu ka codsaday Carsaanyo inuu in yar sugo si uu wararkii ugu dambeeyay uga fiiriyo shabakadaha wararka qora ee internet-ka.

Carsaanyo wuxuu yiri, “Maxaad internet ka fiirinee, anigaaba hadda ka imid aagga dagaalka oo gurigeygaaba ku yaallee!”. Intuu hadalkaas leeyahay Qasaaye isaguna wuxuu ku mashquulsan yahay inuu fiir-fiiriiyo wararkii saacaddaas lagu qoray baraha internet-ka. “Fiiri..Fiiri, war waxaad sheegeyso waxba kama jiraan website-kan eeg, warkii ugu dambeeyay wuxuu sheegayaa inay wadaaddadu soo rogaal celiyeen oo dowladda dib looga qabsaday meelihii ay markii hore dagaalka ku qabsatay,” ayuuna yiri Qasaaye, isagoo si boobsiis u akhrinaya wararka.

Arrintaas Carsaanyo way ka yaabisay oo wuxuu qaadan waayay isbbeddelka wayn ee dhacay intii uu baqo cararka ku soo jiray, wuxuuse markii dambe isku qanciyay, “awalba waan la yaabbanaa nimankaas xoogga waa-weyn ayaa la kuusay oo la sii eryaday.”

Qasaaye ayaa kula kaftamay saaxiibkiis inaanay markii horeba isku mid ahayn labada dhinac wuxuuna yiri “ma awal bey isku mid ahaayeen, niman hilib ari, maraq, xabbad- sowdo iyo xulbo la isugu daro iyo rag qaad iyo sigaar un bafta ku haya,” qosol ayayna isku dareen labadoodiiba.

Carsaanyo oo isugna kaftankii dhinaca kale u rogay ayaa saaxiibkiis waydiiyay, “maalin kasta waa iyaga dagaallamee, miyaanay dagaalka ku dhammaan?”

Qasaaye oo la wada hadalka ayaa isaguna ku jawaabay in Marin-habaabiyeyaasha aanay ahayn dad sahalkaas ku dhammaanaya oo weliba marin-habaabiye kasta uu qabo afar xaas, sidii shinnidiina ay carruurta ugu dhashaan.

Carsaanyo ayaa isagoo qoslaya hadalkii ka dafay oo ku dhex tuurtay kaftan yaab leh, isagoo yiri “malaha carruurtooduna iyagoo qori sita bay dhashaan!” Labadoodiiba mar kale ayay qosol cabbaar jiitamay ku dhufteen, “u malee dee!” ayuu sii raacaiyay Qasaaye.
Cabbaar buu kaftankoodii socday oo marba ay mowduuc hor leh isla lafa gureen, iyagoo isla jiibinaya oo aad isula fahamsan hadba mowduuca ay ka hadlayaan.

Qasaaye iyo Carsaanyo inta badan kama qeybgalaan doodaha fadhi-ku-dirirrada, waxayna tartiibkooda ku kala war qaataan, kuna doodaan guryahooda, dadka kale ee magaalada oo u badan dhowaan-galna waxba kuma darsadaan, waxay isugu maahmaahaan, “bannaankiis marow maradiisa bowd ma qabsato.”

Sidii ay hadba uga sheekeysanayeen dhibaatooyinka dagaallada iyo qofba wixii ugu yaab badnaa ee uu la kulmay intiii lagu jiray dagaallada sokeeye ayay markii dambe ku keeneen xaaladda taagan iyo dagaallada maalintaas socda.

Qasaaye wuxuu deggan yahay guri shub ah oo korna shub ka saran yahay, halka Carsaanyo gurigiisu uu yahay jiingad oo haddii ay roobka ka celiso uu nasiib joogo.
Markii ay dooddii dib ugu soo celisay dagaalka ka socda xaafadda Carsaanyo, ayuu Qasaaye yiri “annaga uun baa ku baaba’eyna mooyee, dagaalladaan kuwo dhammaanaya ma aha.”

Carsaanyo oo muujinaya inaanu rajo ka qabin maalintaas iyo wax u dhow inay dagaalladu dhammaanayaan ayaa yiri, “dhammaad aaaa!”, maalin kasta koox cusub ayaa korkooda lagu dhisaa, hoggaamiye cusub ayaa soo baxa, dhallinyaro cusub ayaa hubka qaadda, dagaallo hadba weji cusub leh ayaa qarxa, marka way ogyihiin sheekadu inay tahay Faanoole fari kama qodna.

Carsaanyo oo hadalkii sii wata ayaa u sheegay saaxiibkiis inuu la yaabban yahay shacabka, wuxuuna ku eedeeyay inaysan dhinacna raaceyn, oo maalin kasta lagu dul dagaallamo, iyagana ay ugu badan yihiin inta ku dhimata dagaallada ama ku dhaawacanta ama ku guryo beesha.

“War fidnadoo dhan waa shacabka, hadday mar hore dowladda raaci lahaayeen oo ay la shaqeyn lahaayeen oo ay garabkeeda istaagi lahaayeen, maalinba qolo cusub ma soo baxdeen ee waa hore ayay sheekadu idlaan lahayd, oo shacabkuna uu heli lahaa nabad uu ku badbaado,” ayuu yiri Qasaaye oo cabbaar ku dheeraaday shacabku inay hurdaan.

Carsaanyo ayaa ka dhex galay oo si kaftan ah saaxiibkiis u waydiiyay, isaga maadaama uu shacabka ka mid yahay sababta uu dhinac u raaci waayay?. “Anigu waanba raaci lahaaye, adaa i lumiyaye, maad dhinac raacdid?” Ayuu saaxiibkiis ugu war-celiyay Qasaaye isagoo qoslaya.

“Hadda ka warran haddii aan annaga bilowno taageerada dowladda?” Ayuu Carsaanyo waydiiyay saaxiibkiis. Qasaaye isagoo soo gebagebeynaya sheekada ayuu yiri, “weynu ka tashan doonnaaye, hadda na keen aan magaalada soo indha-indheynee!”

Sidii ay rabeen ayay wax kasta ugu kala socdaan, kulamo joogto ah ayay qaataan, waxay isla meel dhigaan qorsheyaashooda cusub. Mar kastoo ay kulmaan awaamiir iyo fikrado hor leh ayay hoosta ka wada xarriiqaan. Abuu Colaad iyo Abuu Seef, maalmo isma moogaadaan.

Inta badan waxay isku arkaan xaruntooda, halkaasoo Abuu Seef aan laga waayin, mar kastoo loo baahdana laga soo helo. Laakiin, Abuu Colaad isagu meelo socodkiisa iyo danihiisa kale ayaa badan, xarunta wuxuu yimaadaa marar dhif ah, gaar ahaan markuu rabo inuu la soo hadlo Abuu Seef.

Xilli hore oo subax ah ayuu soo aaday xaruntooda, isagoo maalintaas warar cusub u wada saaxiibkiis, jecelna inuu la wadaago. Markuu soo gaaray xarunta wuxuu si toos ah u abaaray meesha xafiiska u ah Abuu Seef ee inta badan uu fadhiisto, sidii uu filaayay wuxuuba ugu tegay Abuu Seef oo daqiiqadahaas uun yimid oo xafiiskiisa fadhiya.

Qol aan si wanaagsan u dayactirneyn oo aad u duugoobay ayuu xaar-xaartay oo uu miis iyo saddex kursi dhigtay, waxaana u dhex yaalla waraaqo yar oo badankood ay wax ku qoran yihiin, si kale uma habeysna qolka, laakiin xarunta qolalka yar ee ku yaalla ayuu Abuu Seef kaas u doortay inuu xafiiskiisa noqdo.

Abuu Seef marka uu u yimaado saaxiibkiis Abuu Colaad wuxuu fishaa akhbaar cusub, hawlgal la isu diro, awaamiir la soo rogo iyo waxyaabo la mid ah. Markii uu arkay isagoo xafiiskiisa ugu soo galaya ayuu u dhoolla-caddeeyay, wuxuuna u jaf-jafay kursi boor miiran ah oo meesha sii yaallay, si uu ugu soo dhoweeyo.

Salaan iyo bariidin aan waqti badan ka qaadan kaddib, Abuu Colaad wuxuu ka dareemay saaxiibkiis Abuu Seef farxad ka saa’id ah soo dhoweyntiisa oo aanu horay ugu arki jirin. “Maanta wejigaaga wuu ifayaa, si baadna u faraxsan tahay Sheekh Abuu Seef, maxaa kugu soo siyaaday?” Ayuu waydiiyay.

Isagoo Alle ku xamdinaya oo qosol aad mooddo inuu iska soo qasbayo qoslaya, ayuu yiri “Ilaah baa ii nimceeyay, waxaa reer Abuu Seef ku soo siyaaday wiil xalay ii dhashay,” farxaddaas ayuu saaxiibkiis u bandhigay, si uu ula qeybsado.

“Maashaa Allaah! Maashaa Allaah, mabruuk, Ilaahay hakuu barakeeyo. Ma waxaa dhashay islaantaada wayn?” ayuu yiri isagoo qosol dhaa-dheer qoslaya oo saaxiibkiis gacan-qaadaya, una hambalyeynaya.

Abuu Seef wuxuu saaxiibkiis u sheegay inay u dhashay bahda ugu yar afartiisa xaas, ee aanay u dhalin bahda weyn. Intaas waxay uga hareen is-wareysigoodii gaarka ahaa, waxayna u gudbeen inay hawlahooda ka wada hadlaan. “Hawluhu sidee bay u socdaan?” Ayuu Abuu Colaad ku billaabay hadalkii.

Abuu Seef wuxuu u sheegay Abuu Colaad sida ay la tahay oo ah inay hawluhu si wanaagsan u socdaan, oo horumarka ay sameeyeen uu noqday mid meel kasta laga hadal-hayo, dadkuna ay halganka ay sameeyeen ku faanayaan, maadaama ay dartood u galeen, wanaag badanna ay u qabteen.

Abuu Colaad ayaa isaguna isagoo is-xariifinaya wuxuu raaciyay in intaasi aanay waxba ahayn, oo ay ka badan yihiin waxyaabaha kale ee ay damacsan yihiin.

“Waa sax, hawshu fari kama qodna” intuu yiri Abuu Seef ayuu sharraxaad ka bixiyay waxyaabaha horyaalla ee ay rabaan in ay dhowaanahan wax ka qabtaan, sida kala saarista dadka isku heysta hantida ma guurtada ah ayuu tilmaamay, wuxuuna intaasi ku daray in ay u dhiman yihiin hawlo kaloo badan, oo ay ka mid yihiin dib u dayactirka waddooyinka, iyo xarumaha danta guud, iyo inay sameeyaan dib u dhis guud, balse ay xoogga saarayaan dhinaca garsoorka, waayo waxaa badan dadka xuquuqaha isku haysta iyo kuwa wax kala tabanaya.

Hadalladaasi wuu u riyaaqay Abuu Colaad, wuxuuna uga gudbay inuu saaxiibkiis weydiiyo su’aal ahayd, “waxaan maqlay qoladii kale inay arrimaheenna u arkeen kuwo iyaga culeys ku ah, ee maxaad kala socotaa?

Abuu Seef wuxuu saaxiibkiis u xaqiiyay inay arrintaasi jirto oo ay u yimaadeen rag ka socda qolada kale, kuwaasoo ku qabsaday dhaq-dhaqaaqa ay wadaan, oo yiri “waa inaad annaga nooga dambeysaan shaqada maamulka iyo mas’uuliyadda oo ugu yaraan aad nala socodsiisaan tallaabooyinkiinna ka hor inta aydaan qaadin.” Abuu Seef wuxuu uga sheekeeyay saaxiibkiis wixii dhex maray isaga, Sahal iyo Dige, ugu dambeyntiina uu u sheegay in waxa ay qabanayaan ay ka tahay dar Alla oo ay ka shaqeynayaan danaha dadkooda.

Abuu Colaad warbixinta ku saabsan Sahal iyo Dige ee uu u soo gudbiyay Abuu Seef, aad buu uga carooday, wuxuuna qolada kale ku eedeeyay inaysan waxqabad meesha ku heyn, oo fadhi-ku-dirir iyo wax aan loo joogin ay waqtigii ku dhammeeyeen, “midda kale maamulkooduba xalaal ma aha, shacabkuna raalli kama aha, cid dooratayna ma jirto ee yaanay na wareerin annaga,” ayuu yiri isagoo qeylinaya.

Abuu Colaad wuxuu ku adkeeyey Abuu Seef inuu cid kasta oo u timaada oo kala doodda shaqadooda uu u sheego inaysan hawshoodu hakaneyn, “annagu waan soconeynaa ilaa aan hadafkeenna ugu dambeeya gaarno, waa maxay dadkan siday u fikirayaan?…I dhageyso Abuu Seef raggaas waa inaan khaarijinnaa, waayo way riddoobeen, waa inaan taas ku dhaqaaqnaa sida ugu dhaqsiyaha badan,” ayuu yiri isagoo go’aan ka gaaraya Sahal iyo Dige.

Abuu Seef wuu ku raacay saaxiibkiis go’aanka ah in shaqo laga qabto Sahal iyo Dige, wuxuuna u sheegay in la garanayo meelaha ay tagaan ee inta badan laga heli karo, “rag aad ugu dheereeya dilalka gaadmada ah iyo qaraxyada ayaan ka adeejineynaa, kuwaas wareerkoodu ha ku daayo,” ayuu yiri. Wuxuu uga sii gudbay inuu saaxiibkiis waydiiyo wax kale oo cusub dhankiisa haddii ay jiraan.

Abuu Colaad arrin cusub ayaa ku soo korortay, waana sababtaas tan uu saakay waqtiga hore ugu yimid saaxiibkiis. Safar buu u baxayaa oo waxaa laga casuumay dalal dhowr ah oo ay ka mid yihiin Yemen, Bakistaan, Sudan, Afgaanistaan, Ciraaq iyo meelo kale, sababta uu wararkaas ugu sheegayo Abuu Seef-na waxay tahay, mar waa saaxiibkiis, marka kalena waa ninka ugu firfircoon hawlaha ay wadaan.

Wuxuu weliba u sheegay inuu galabta baxayo, uuna dalalkaas laga casuumay ka filayo talooyin inay ka siiyaan hawshooda oo ay aad ula dhaceen, ayna diyaar ula yihiin inay ku caawiyaan tababarro, agab iyo waxyaabaha kale oo ay uga baahan yihiin. Muddo labo toddobaad ah inuu safarkiisa qaadan doono ayuuna u sheegay.

Abuu Colaad wuxuu si adag ula dardaarmay Abuu Seef, inta uu maqan yahay inuu si hagaagsan wax u sii kala socodsiiyo, oo uu ka shaqeeyo inaan isaga la tebin oo kaalintiiisa uu daboolo, wuxuuna farta ka saaray dhaqaale badan oo uu u sheegay inuu ku sii kala socodsiiyo hawlaha, si inta uu maqan yahay aanay waxba ugu xayirmin dhaqaale ahaan.

Abuu Seef wuxuu guddoomay lacagtii, wuxuuna sheegay inuu rajeynayo inta uu saaxiibkiis maqan yahay inay wax kasta sidoodii u sii socdaan, “safar salaama” iyo “marka aan isu imaanno ee dambe ayaan waxyaabaha harsan ka sii wada hadli doonnaa” ayaa lagu kala tagay subaxaas.

Dowladda nidaamka ay ku dhimsan tahay waa habka awood qeybsiga ee qabiilka ku dhisan, kaasoo shirarkii ugu dambeeyay lagu heshiiyay. Qofka mudanaha ah ee soo gelaya baarlamaanka waxaa soo dooranaya qabiilkiisa, marka uu dhinto qof ama xilka laga qaado, isla qabiilka ayaa ku soo beddelaya qof kale.

Warsame nin ay isku hayb yihiin oo Ismaaciil la oran jiray ayaa dhintay, sidaas daraadeed waxay beeshiisu isla garatay inuu isaga beddelo mudanahaas dhintay. Warsame isagoo aan waxba kala socon ayaa si kedis ah loogu sheegay, waxaana loo geeyay guddoonka baarlamaanka oo iyagana isla maalintaas xilkii u dhaariyay.

Isagoo aad u faraxsan ayuu duhurkii markii ay ahayd dib ugu soo laabtay gurigiisa, wuxuuna guriga ugu yimid islaantiisa Caasho oo markaas ku mashquulsanayd qado diyaarin iyo hawl-maalmeedka caadiga ah ee guriga.

Caasho waxay odaygeeda ka dareentay daal badan. Markii ay guriga ku soo dhoweysay oo ay u dhigtay gambar uu ku fariisto ayna isku dayeyso inay qubeysna u raaciso, ayay waydiisay maanta meesha uu sidaan ugu soo daalay.

Wuxuu yiri, “Caashoy anigaa war kuu haya oo kuu sheekeynayee, galaas biyo ah oo qabow marka hore i sii.” Caasho waxay u sheegtay Warsame inay qadadiiba diyaar tahay, iyadoo ka codsaneysa inay u soo gurto, waxayna marka ay intaas u sheegeyso u dhiibeysaa galaas biyo ah oo qabow oo ay deg-deg uga soo gaarsiisay, iyadoo sugi la’ inuu u sheego warka cusub ee uu maanta u hayo.

“Qadada ha ii dambeysee, biyahan aan cabbo,” ayuu yiri Warsame. Isagoo neef tuuraya ayuu galaaskii biyaha ahaa wada cabbay ilbiriqsiyo gudahood. Markii uu dhammeystay biyihii ayuu u soo jeestay dhinaca Caasho, wuxuuna ku yiri, “maanta war farxad leh ayaan kuu hayaa, waxaa la ii magacaabay booskii baarlamaanka ee uu Ismaaciil ka geeriyooday oo hadda wixii ka dambeeya dowladda ayaan ka mid noqday.”

Caasho markii ay intaas dhegeheeda soo gaareen ayay farxad la kala bad-badatay, waxayna iyadoo kor u qeylineysa ku dhufatay alalaas, iyadoo sii raacisay “abshir..abshir, war farxad leh ayaad sheegeysaa Warsamow.”

Caasho warkaan wuxuu ku noqday farxad kedis ah. Saakay markii uu odaygeedu guriga ka baxaayay ma aanay filaneyn inuu farxaddaan la soo laaban doono, iyada iska daaye xitaa Warsame ayay kedis ku ahayd oo sheekada oo dhan loo sheegay barqadii maanta, oo inta gaari looga qaaday meel uu fadhiisan jiray la hor-geeyay baarlamaanka, loona dhaariyay xil aanu xalayba ku seexan, saakayna ku soo toosin.

Caasho iyadoo aan joojin farxaddii iyo alalaaskii ayuu Warsame uga sheekeeyay qaabka loogu magacaabay xubinnimada baarlamaanka iyo maanta oo dhan inuu ku dhex jiray baarlamaanka oo hawlaha socda uu dhinaciisa ka qabanayay, sidoo kalena kulamo uu la qaadanayay siyaasiyiin kala duwan.

Sidii uu ugu waday sheekada ayuu ugu dambeyntii isagoo isku dayaya inuu fadhiga ka istaago ku yiri, “Caashoy, hadda waxaa i sugaya xubnihii kale ee baarlamaanka oo aan maanta meel ka wada qadeyn doonno, marka waan sii baxayaa ee macasalaama.”

Degmada ay ku nooshahay Caasho waxaa ku badan Marin-habaabiyeyaasha, dadka dowladda ku jirana ma soo galaan oo waxaa suuragasha in la dilo, cabsidaas ayaa ku dhalatay Caasho, markaas ayay odagyeeda kula talisay inuu is-ilaaliyo, maadaama baladku aanu fiicneyn oo xildhibaannada la ugaarsado.

“Waa sidaas Caashoy” intuu yiri ayuu Warsame fadhigii ka istaagay oo u sheegay inaanu hadda kaddib xaafadda u soo hoyan doonin, oo wuxuu garowsaday in Marin- habaabiyeyaasha ay meelahaan ku badan yihiin, sidaas daraadeedna uu uga cabsanayo inay dilaan.

“Dhib ma lahan Warsamow, anaa hadda kaddib meesha aad joogto kuugu imaan doona,” ayay tiri Caasho. “Haye” intuu yiri ayay is macasalaameeyeen wuuna dhaqaaqay.

Caasho iyadoo aan weli ka kicin bartii uu uga tegay Warsame, ayay soo xusuusatay Guuleed, wiilkeeda oo waqtigii ay uga baratay inuu soo qado doonto dib uga dhacay, iyadoo isweydiineysa waxa helay ee uu ku soo habsaamay, ayuu albaabka soo garaacay. Intay markiiba boodday ayay ka furtay.

“Guuleed maanta waad soo daahday, soo gal hooyo, qadadiina way kaa qabowdaye” intay tiri iyadoo madaxa u salaaxeysa ayay gudaha u soo hoggaamisay. “Hooyo gaajo ayaaba i heysee, qadada i sii,” ayuu yiri Guuleed, oo hooyadiis u sheegay inuu maanta hawlo yar-yar ku soo daahay.

Guuleed wuxuu ka mid yahay dhallinyarada ugu fir-fircoon ee ay ku tashadaan Marin- habaabiyeyaasha, waxaa loo diraa hawlaha khaarijinta, basaasnimada, bambo tuurista iyo waxyaabaha la midka ah ee ay ka adag yihiin dhallinyarada la ayniga ah, waxaana intaas ka sii dheeraad ah wacdi dhagaha loogu shubo mar kastoo uu tago madrasooyinka ama xarunta Marin-habaabiyeyaasha.

Caasho intay wiilkeedii qadada u soo diyaarisay ayay iyadoo wadda u keentay oo ay tiri “Hoo hooyo qadadaada waa tane kaalay cun.” Guuleed intuu deg-deg faraha u soo dhaqday ayuu qadadii ku billaabay cunis.

Gambar ayay soo ag-dhigatay wiilkeeda, waxayna u billowday sheeko. “Bishaaraan maanta kuu haayaaye Guuleedow aabbahaa wuu barmoosay, wuxuu noqday xubin baarlamaan, maanta kaddib waxaad tahay wiil uu aabihiis mudane baarlamaan yahay.”

Guuleed kuma farxin bishaarada hooyadiis, oo maalin kasta marka la wacdinaayo waxaa loo sheegaa qofkii dowladda ama baarlamaanka ka mid noqda inuu diinta ka baxay. Intuu markiiba xanaaqay oo raashinkii uu gacanta ku haayay dib weelkii ugu celiyay ayuu yiri, “xubin baarlamaan aaa! oo muxuu ka doonay dowladdaas riddada ah?” wuxuuna ku cataabay inuu aabbihiis khasaaray, isaga iyo hooyadiisna uu khasaare u horseeday!.

Caasho waxay ka yaabtay farxadda ay fileysay inuu wiilkeeda la wadaagi doono oo uu ka carooday, weliba wuxuu u raaciyay, “waa inuu si deg-deg ah uga noqdaa go’aankaas, uuna ka towbad keenaa, intaan la wada ogaan, haddii kale xukunkiisa wuxuu noqonayaa dil.”

Guuleed markuu hadalkaas dambe leeyahay wuu ka istaagay qadadii. Caasho oo uu dhabannaheyn ka soo haray ayaa isku dayeysa inay qaboojiso wiilkeeda, “is-deji hooyo, xubin baarlamaan waa la noqdaa, weligeed baana la noqon jiray, wax xunna ma aha, waxayna ahayd in haddii uu aabbahaa xubin baarlamaan noqday aad ku faraxdid, ee side bey kaa noqotay hooyo Guuleed?”

Inuu hadalkeeda ku dego iska dhaafe wuu ka sii carooday, qado inaanu dooneyn ayuuna u sheegay, oo warkii ugu xumaa ee abid uu maqlo ay u sheegtay, aabbihiis oo xubin baarlamaan noqday wuxuuba u arkaa dhibaato qoyska ku soo siyaadday, oo nimankii uu jihaadka kala dhaxeeyay uu aabbihiis ka mid noqday, isagoo xanaaqsan ayuuna baxay hooyadiis oo ka daba qeylineysa oo leh, “Kaalayoo isdeji hooyo. Guuleed!”

Caasho markii uu hadalkeeda maqli waayay ee uu ka dhaqaajiyay iyadoo u yeereysa ayay keligeed iskula hadashay, “waxaan la yaabbanahay wiilkaan siduu muddo yar gudaheed isugu beddelay, xubin baarlamaan iyo dowlad markii uu maqlo jihaad baaba ku soo dega iyo waxaan loo joogin. Wiilkeyga Guuleed ah baarri buu ahaa, weligiis naguma soo hadal-celin aniga iyo aabbihiis, laakiin hadda waxaa iiga muuqata in la dhalan rogay.”

Cutubka 2aad

Si wanaagsan ayay howluhu ugu billowdeen Marin-Habawsheyaasha, inta badan waxyaabihii ay damacsanaayeen inay ka shaqeeyaan meel wanaagsan ayay u marayeen, soo dhoweyn ayay dadweynaha ka heleen, maxaa yeelay waxay dadku si aad ah u jeclaayeen in diinta lagu dhaqo, nidaamka iyo kala dambeynta waqtiga fog ka maqnaana uu dib u soo laabto, middaas ayaa u fududeysay raggaan inay si sahal ah u helaan kalsooni xaddigeedu badan yahay.

Abuu Seef dhidid badan ayaa ka socday, waxaana uu horkacayay carruur badan oo ay da’aaddoodu aad u yar-yarayd, socodka ayuu boobayay, qofkii garta ee dhabbaha kaga hor yimaada ee salaan ula hawooda deg-deg intuu ugu warceliyo ayuu isagoo aan oggolaan inuu u joogsado sii boobayay socodkiisa.

Sheekhu siduu u soo xiimayay, wuxuu ku soo leexday madraso ay carruur badani joogeen, markiiba carruurtii uu hoggaaminayay ayuu ku xareeyay qol yar, kaddibna wuu soo dhaqaaqay si uu ula hadlo macallin Duufiye oo geed weyn hoos fadhiya kaasoo madrasada ku dhex yaallay.

Macallin Duufiye si qurux badan ayuu u soo dhoweeyay Abuu Seef, wuxuuna ugu baaqay inuu ku fariisto kursi uu u dhigay meel ka tirsan geedka harkiisa, dhididka, diifta iyo daalka ka muuqda ayaa malaha tusinayay inuu sheekhu u baahan yahay nasiino.

Arday koox-koox ah ayaa si teel-teel ah u fadhida gudaha iyo barxadda madrasada. Meesha waxaa ku yaallay labo qol oo jiingad ka sameysan, barxad aan sidaa u weyneynna way ku taallay. Laakiin waxaa laga dareemayay cabbirka meesha iyo carruurta joogta inay is ciriirinayeen.

Abuu Seef markuu daqiiqado aan badneyn nastay ayuu gudagalay inuu xaajadiisa uga warramo Macallin Duufiye, wuxuuna u sheegay inay jiraan hawlo culus oo hor yaalla, kuwaasoo loo baahan yahay inuu macallinku sida ay tahay uga soo baxo.

Macallin Duufiye ayaa muujiyay dareen gaar ah inuu siinayo hawshan culus ee dhegihiisa lagu dhibciyay, isagoo codsaday in loo sheego waxa ay yihiin si uu u ogaado.

Carruur gaareysa 300 oo arday, oo ay da’doodu u dhaxeyso 10-jir ilaa 15-jir, lagana soo kala uruuriyay xaafadaha deegaanka ayaa loo sheegay macallin Duufiye inay tahay hawsha culus ee looga baahan yahay inuu deg-deg uga shaqeeyo. Abuu Seef wuxuu kaloo u raaciyay waxa laga doonayo macallinka inay tahay inuu si wayn u tashkiiliyo, maskaxdooda uu rogo, qalbiyadooda uu jilciyo, si ay u sahlanaato in loogu adeegsado meelo badan, “qaar waxaan u adeegsan doonnaa ciidan dagaallama, qaarna waxaan rabnaa inaan si gaar ah ugu carbinno isqarxinta, taasoo la doonayo in niyaddooda laga tir-tiro baqdin iyo cabsi,” ayuu yiri Abuu Seef.

Macallin Duufiye ayaa intaas markii loo sheegay dhoolla-caddeeyay, madaxa ayuu ruxay, wuxuu cod kaftan leh ku yiri, “Abuu Seef ilaa hadda wax cusub iima aadan sheegin, waxaad ii sheegeyso waa hawsheyda, muddo yar ayaan maskaxdooda ku doorinayaa ilmahaas, waxaana kaa ballanqaadayaa inaan adduunyo waxay tahayba nacsiiyo.”

Abuu Seef hadalka macallinka wuxuu ku abuuray farxad, sababtoo ah waa siduu rabay sida macallinku la gartay, inay carruurtu hiyi-kacaan, in jannada hortooda la keeno, inay u kala ordaan hawlaha loo diri doono, oo ay dhiirranaan, indho-adayg la soo baxaan iyo inay si aan ka leex-leexasho lahayn u aqbalaan wax kastoo loo diro, wuxuu rabaa carruurtaasi xitaa berri haddii loo diro inay soo dilaan waalidiintood inaysan ka laaban, marka ay dagaal tahayna inay noqdaan kuwo aan ka waaban oo ciidan kasta oo laga horgeeyo u babac dhiga.

“Taa igu daa aniga,” ayuu ku cel-celiyay Macallin Duufiye, oo isna ujeedkiisu yahay inuu ka farxiyo Abuu Seef. “Beryahaan gacantiinna waa iga raagtaye waa idin sidee?, dhinaca dhaqaalaha imaba soo eegtaan, mashquul baad noqoteen, hawlihii baa idinku fara batay,” ayuu yiri macallin Duufiye, isagoo ka cabanaya inaan dhowaanahan wax dhaqaale ah la soo gaarsiin sidii lagu ballansanaaba.

Kaftanka dhexdiisa baa lagu kala shaqeysanayaa, waxaa la isku dareensiinayaa in la wada shaqeynayo oo qof kasta daacad iyo dar Alle uu ku shaqeynayo iyadoo uu midba midka tusayo hagar la’aantiisa, hase yeeshee ninna dantiisa gaarka ah ma mooga, waa kaas Macallin Duufiye oo si toos ah u yiri, “maad lacag I siisaan!” oo haddaan lacag la siininna ma isagaaba sii wadaya shaqada?

Abuu Seef oo gartay inuu macallinku gacan adayg dhankooda ah ka cabanayo, ayaa talo ku goostay inuu qanciyo, isagoo qosol aan la maqleyn, ilko caddayntiisase laga dheehan karo ku kalsooni geliyay macallinka inuu dhinacaas ka wel-wel la’aado, wuxuuna isugu soo daba taxay hadallo cudurdaar u badan oo nuxurkoodu yahay waan ku ognahay, “annagu kuma illoobin, waan kuu soo soconnay, qorshaheenna ayaad qayb ka tahay, ha ka cabsan inay gacanteenna ku soo gaari weyso,” intaas markuu leeyahay wuxuu macallinka gacantiisa ku hubsaday bashqad ay lacag doollar ah ku jirto, wuxuuna u sii raaciyay haddii uu jeclaan lahaa reerka inuu wax uga sii geeyo inuu diyaar u yahay.

Macallin Duufiye arrintaas way ka farxisay, aad buu uga mahadnaqay sida deg-degta leh ee cabashadiisa looga jawaabay oo waxaa gashay rajo hor leh oo ku saabsan inuu shaqadan wax badan ka faa’ideysan doono, wuxuu is-tusay inay raggaani yihiin kuwo uu la shaqeyn karo, oo weliba waqti dheer ay isla sii jaan-qaadi karaan.

“Jasaakallaahu Sheekh, anigaa idiin soo sheegaya wixii aan u baahdo,” ayuu yiri Macallin Duufiye oo ku warcelinaya, “reerka wax aad jeclaan lahayd inaan kugu geyno miyaa jira?” su’aashii ahayd ee uu weydiiyay Abuu Seef.

Maalmahaan oo dhan waxaa ku jiray shaki uu ka qabay la shaqeynta Abuu Seef iyo saaxiibadiis, sababta loo dhaqaaleyn la’yahay, looga warqabi la’yahay, looga aamusan yahay, aan loo daneyneyn baahidiisa gaarka ah, ayuu ka walaacsanaa. Markuu hubsaday inuu haysto lacag hadda la guddoonsiiyay ayuu iska illoobay shakigii iyo cabsidii uu ka qabay sii socoshada hawsha raggaan kala dhaxeysa.

“Carruurta 300 gaaraya ee aad ii sheegtay waa kuwee?” ayuu weydiiyay Macallin Duufiye isagoo damacsan inuu ka guddoomo oo uu tababar u billaabo. Abuu Seef ayaa u tilmaamay inay qolka ku xareysan yihiin. Isagana wuxuu u ballanqaaday inuu isla maanta arrintooda geli doono.

“Wado hawshaada” iyo “waa inoo mar kale” ayaa lagu kala tagay Abuu Seef iyo Macallin Duufiye.

Sheekhii markuu dhaqaaqay ayuu Macallin Duufiye galay qolkii ardayda loogu tilmaamay, sida u caadada ah wuxuu u jeediyaa khudbad marka arday cusub loo keeno, wuuna is-baraa. Ardaydii oo buuqeysa ayuu u soo galay, wuu aamusiiyay, kaddibna wuxuu hadal uga billaabay:

“Aad baan ugu faraxsanahay inaan idin soo hor istaago anigoo Macallin Duufiye ah, idinkana aad baad u nasiib badan tihiin dhallinyarooy, inaan waxa aan aqaanno oo diinta Islaamka ah idiin faa’ideeyo, maanta waxaa lagu jiraa marxalad xun, adduunkana waxaa loo joogaa in la shaqeysto aakhirada, sabankaan dadkii waxay u bateen kuwa uu daciif yahay iimaankoodu oo adduunyo uun ku fikiraaya, laakiin waxaan rajeynayaa inaad noqotaan kuwa ku fikira inay aakhiradooda shaqaystaan, wax la shaqeysto iyadoo ay ugu fiican tahay aakhirada, haddana waxaa ugu sii wanaagsan shaqada jihaadka.

Marka dhallinyarada maanta fidneysan ee ku mashquulsan ciyaaro, heeso iyo maalaa-yacniga oo kale inaad noqotaan lama doonayo, waayo kuwaas Ilaahay wuu u caroonayaa, waxaa la idinka doonayaa inaad noqotaan jeyshka (ciidanka) Ilaahay oo aad kuwa cadowga ku ah Islaamka kala hor tagtaan dagaal iyo awood.”

Sida caadiga ah dadku waxay ka sheekeystaan xaaladaha nololeed iyo kuwa siyaasadeed ee deegaankooda, waxay u lafa-guraan si aad ah iyagoo aragtiyadooda ku dabbaqaya, mararka qaar waxay ku dheeraadaan muranka oo meel qaraar buu la gaaraa, mar-marna si qabow oo isfaham ku dhisan ayay uga doodaan wixii jira.

Daahir iyo Hilowle oo ka mid ah ragga degaanka ayaa iyagoo jooga fadhi-ku-dirirka waxaa u yimid saaxiibkood Caabbi oo ay maalmahaas warkiisa waayeen. Markii ay isa salaameen kaddib ayaa Daahir wuxuu weydiiyay Caabbi sababta maalmahan loo waayay.

Caabbi wuxuu u sheegay saaxiibbadiis inuu kor ahaan joogay magaalada balse aanu imaan fadhi-ku-dirirka, “magaalada war iga siiya, idinkaa meelaha xuuraansadee, maxaa iga dambeeyey?” Ayuu weydiiyay labadoodii.

Daahir ayaa warkii ku hormaray oo u sheegay saaxiibkiis Caabbi in magaaladu sida uu la socdaba ay isla guuxeyso, oo maalmahaan laga yaabban yahay isbeddalka siyaasadda ku yimid. Daahir wuxuu ku jeestay Hilowle oo koob shaah ah oo uu cabayay afka la sii aadaya, wuxuu si kaftan ah u weydiiyay in ay maqleen in uu shaqo helay.

“Waa runtaa” ayuu yiri Hilowle, laakiin labo maalmood markii uu la shaqeeyay wuxuu sheegay in wasiirkii uu la shaqeynayey jagada laga qaaday oo uu sidaa shaqadiina ku waayay, wuxuu warbixin ku siiyay wasaaraddaasi in hadda loo dhiibay wasiir kale, oo isagana shaqaale cusub wada qortay, sidaas daraadeedna uu isagu maalmahan shaqo la’yahay.

Caabbi ayaa ku qoslay sheekada Hilowle, “war ninka miyuu waalan yahay? War wasiir baa la beddelaye ee maxaa adiga kugu xiray wasiirkaasi? Shaqaale yar oo hoose oo maskiin ah baaba tahaye,” ayuu kula kaftamay Caabbi saaxiibkiis Hilowle.

Daahir oo sheekada saaxiibbadiis markii hore dhageyste uun ka ahaa ayaa markuu kaftanka halkaas marayo ku soo biiray sheekada, wuxuuna Caabbi kula kaftamay inaanu nin wax fahmaaya ahayn, oo Hilowle markiisii horeba uu nin uu hore ula shaqeyn jiray shaqada geeyay.

Saddexdoodu waa dad saaxiibbo ah oo muddo badan is yaqaannay, iyagoo kululeysanaya ninkii Hilowle ahaa ayaa Daahir wuxuu waydiiyay Caabbi bal inuu weligii arkay Hilowle oo buug iyo qalin sita una socda waxbarasho, isagoo markaas u qarinaya Hilowle inuusan lahayn aqoon uu wasaarad uga shaqeeyo.

Hilowle ayaa hadalkii qaatay oo saaxiibbadiis u sheegay inay hurdaan, isagoo weydiiyay “War weligiin ma maqasheen wax la yiraahdo 4.5?” isagoo ula jeeda Soomaalida hadda nidaamka ay awoodda ku qeybsadaan.

Caabbi oo markii horeba kaftanka weerarka ah ku billaabay Hilowle ayaa yiri, “four point five waa xisaab Af-Ingiriisi ah oo macnaheedu yahay afar iyo bar,” laakiin wuxuu sii raaciyay inaanu garan ujeedka uu saaxiibkiis xisaabtaasi u soo qaatay, wuxuuna ka codsaday inuu bal u jilciyo, maadaama uu wax ka soo faa’ideystay wasaaradd ii uu beryaha yar u shaqeeyey.

Hilowle ayaa qoslay isagoo isu xariifinaya saaxiibbadiis oo uu ku tilmaamay inay waddanka iska joogaan, hase ahaatee waxa ay la socdaan ay iska yar tahay, halkaan ayuu u galay sharraxaad dheer oo uu ka bixiyay xisaabtii uu Af-Ingiriisiga ahaanta ugu dhawaaqay, “Nimanyahoow Soomaali wey kala baxday, oo waxaa loo kala baxay afar qabiil oo la yiri wey waaweyn yihiin iyo kuwo yar-yar oo isbahaysiga loo bixiyey. Muddo labaatan sano ah baanu ku soo soconnay dhaqan xumo iyo anigaa reer hebel ah iyo wixi la mida, haddase anigu waanba ka helay nidaamkan oo dhibtii wax qeybsi ee jirtay looga baxayo, xeerkaas la’aantiisna anigu weligey maan dhaafeen halkaad igu ogeydeen ee aan joogi jiray, “horta ma xasuusataan tuuladii xumeyd ee aan degganeyn?” ayuu weydiiyey.

Daahir ayaa ka dhexgalay oo yiri, “War tuuladaasi ha inoo dambeysee, hadda magaalo madaxdii baanu joognaaye. Maxay tahay Somaali habkan qeyb ee cusub ee aad la dhacsan tahay, maxayse yihiin kuwa isbahaystay ee aad sheegtay, yeyse isu bahaysteen?”

Hilowle ayaa halkii ka sii watay sheekadii, isagoo Daahir ugu jawaabay inaanay siduu u fahmay ahayn qaabka awood qeybsiga ee Soomaalida, balse wax kasta beel beel loo qeybsaday, wuxuuna ka dhaadhiciyay in beelihii dagaallada sokeeye ka qeybgalay loo bixiyey kuwa waaweyn maaddaama ay reer miyi badan oo qoryaha qaatay lahaayeen, kuwii aan ka qeybgelinna yihiin isbahaysiga oo malaha loola jeedo in ay nabadda isu bahaysteen,” ayuu yiri.

Wuxuu sidoo kale sharraxaadda ugu daray in beelaha hubka qaatay ee oggolaaday inay daadiyaan dhiigga sokeeyaha ee subax kasta u kallihi jiray dagaallada, rabshadaha iyo cadaawadda la siiyey min xubin buuxda, halka kuwa kalena, waa isbahaysigee la isugu jiray nus xubin.

Sheekada saddexdooda ay wadaagayeen siday hadba mowduuc ugu gudbeysay, oo hadba jaranjaro loo saarayay, oo hadba loo kala durdurinayay ayaa ninkii Caabbi ahaa wuxuu saaxiibadiis u sheegay inuu la yaabban yahay xawliga uu ku socdo maamulka Marin-Habaabiyeyaasha, sida shacabku ugu heellan yahay iyo sida aanay uga faa’ideysaneyn ayuu fajiciso ku tilmaamay, iskaba daa inay dadka soo jiitaane maalin kasta wax lagu necbeysto ayay sameeyaan oo ay dadku dhibsadaan.

“Waxaa ugu darneyd markii ay habeen hore toogteen dhallinyaro kubbad daawanaysay, oo kubbad ma wax naf loo gooyaa,?” ayuu yiri Hilowle, oo wejigiisa laga dareemayo inuu dhaliilsan yahay tallaaboyinka ay qaadayaan Marin-habaabiyeyaasha.

Ninkii Daahir ahaa ayaa isla soo mutaxay ammaan aanay cidi u dirsan, wuxuu ku andacooday in Hilowle, Caabbi iyo dadka la midka ah ay taladu seeggan tahay oo aanay kala garaneyn waxa u fiican iyo waxa u xun, markuu eeddaas dhanka saaxiibbadiis u tuuray, ayuu Marin-habaabiyeyaasha u tiriyay ammaan ay ka mid tahay inay sameeyeen hawlo lagu farxo, sida iyagoo hirgeliyey kala dambeyn ugu yaraan goobaha ay ka taliyaan. Waxaa intaas u dheer in Daahir uu u arko qaladaad yar-yar waxyaabaha eedeynayo marin-habawsheyaashu, “Waxyaabo yar-yar mar-mar wey iska dhacaan marka hawl sidaas u weyn la guda-gelayo,” ayuu ku dooday Daahir.

“Qaladaad yar-yar aaaa!!!” ayuu la soo booday Hilowle oo is-hayn kari waayey, wuxuuna u aqoonsaday in ay gashan yihiin shaarka sharwadeyaasha oo ayna dhiigyacab yihiin, isagoo wax aan la qaadan karin ku sheegay in la arko waayeel ay carruurtu jidadka ku uleyneyso (karbaasheyso), “Xaggeen weligeen ku aragnay xushmad-darro intaas la’eg?” ayuu isweydiiyay, isagoo aan hadalka joojin ayuuna sii raaciyey, “oo hadda waxayba amreen in ay ka joojiyaan warbaahinta heesaha iyo wararka ay u arkaan inay ceebtooda kashifayaan, waa dad layaab leh!”

“Miyeydaan maqal inay burburiyeen qabuuro qaddiimi ahaa oo dadkii lagu aasay ay waa hore carra-carroobeen, dadkaas wax aan u dhigo weligay ma arag!” ayuu yiri Caabbi oo ka caraysan kooxdan dadka nool iyo kuwa dhintay isku sida ula dagaallamaya.

Daahir oo doodda socota aan garab u heysan ayaa difaac u galay qabuuraha burburintooda inay tahay daw, oo ay jiraan dad si qaldan u adeegsada qabuuraha, heesahana in la joojiyo aanay xumeyn oo waddadii saxda ahayd hadda uun lagu joogo.

Laakiin, Hilowle oo qosol meel fog laga maqli karo ku dhuftay ayaa sheegay in Marin- Habaabiyeyaashu dhageystaan heesaha Carabta oo ay diiddan yihiin oo keliya kuwa kale ee Soomaaliga ah amaba afafka kale ah. Caabbina wuxuu ku raacay inay kuwaaso dhaqan bi’is yihiin oo ayna fashilmi doonaan.

Dooddoodii markii ay meeshaas kulul mareyso ayay kala istaageen oo nin kasta uu midka kale macasalaameeyay maaddaama sheekadii la isku waafaqi waayey.

Abuu Seef iyo Abuu Colaad iyagoon iska war-hayn ayay salaaddii Casir isku arkeen masjidka, “Sheekh waad igu kedisaye ma misaajidkaad igula jirtay?” “Kuma arkeynine ma haddaad timid?” “Jameecada miyaad la tukatay mise haddaad tukan rabtaa?” ayaa la isku tuur-tuuray markii la isa salaamayba.

Laguma daahin kaftanka iyo sheekooyinka kale ee gaarka ah, ee markiiba waxaa gudaha loo galay badihii la isku ogaa. “Arrimaheennii maxaa ka soo kordhay?” ayuu billowgiiba Abuu Seef su’aalay saaxiibkiis Abuu Colaad, oo uu inta badan uga bartay amarro iyo hawlo cusub oo la dar-dar geliyo inuu hindiso.

Abuu Colaad ayaa laakin isaguna dhinaciisa qirsan inuu Abuu Seef uga xog-ogaalsan yahay dhaqdhaqaaqa deegaanka iyo arrimaha gudaha sida ay shaqooyinku uga socdaan, guul iyo guul-darro waxa la macaasho iyo waxa la khasaaro, hase yeeshee maanta warka dhankiisa cusub ee uu saaxiibkiis qeyb ka wadaajin karo waa in dalal badan oo dibadda ah laga soo dhoweeyay dadaalkooda, hambalyo iyo bogaadin in looga soo dirayo meelo badan, weliba wuxuu farxad ku guddoonsiiyay in dalal laga casuumay uu u socdaali doono dhowaan.

Arrintaasi Abuu Seef wuu ka mahad-celiyay, aad bayna u farxad-gelisay, iyagoo billow ah inay horumarkaas sameyn karaan wax uu u fadhiyayba ma ahayn, wuxuu weliba saaxiibkiis ugu bishaareeyay sidaas iyo si ka weyn in dadkooda gudaha ay u soo dhoweeyeen, rajada uu qabo waxay tahay marka ay hawsha ballaariyaan inuu filayo waxyaabahaan wax ka sii waa-weyn.

Warka xaggiisa ka cusub Abuu Seef wuxuu yahay inay codsiyo uga imaanayaan deegaanno aanu maamulkoodu gaarin oo ay dadku leeyihiin “na soo gaara”.

Waxay sheekadooda dhexdeeda isku weydiiyeen ninkii Macallin Duufiye ahaa bal in sidii ay rabeen iyo si ka wanaagsan uu shaqadiisa u wato iyo in kale, waxayna isku wargeliyeen in sidii laga filaayey uu ka hawl-karsan yahay. Macallin Duufiye wuxuu mashquul ku yahay inuu duruus joogto ah siiyo ardayda ay xareeyeen. Baahida dhankooda jirta xilligan inay tahay sidii loo heli lahaa ciidamo dheeraad ah, ayuu Abuu Seef dareensiiyay Sheekhiisa.

Hase yeeshee, Abuu Colaad oo taas aanayba qorshihiisa ku jirin inay tahay baahi iman karta ayaa su’aal ku celiyay Abuu Seef oo yiri “aaway xeryihii aan u furnay in lagu qoro dhallinyarada hubeysan?

“Xeryahaas hawshoodu way socotaa, laakiin ma cago badna” ayuu ku warceliyay Abuu Seef, isagoo sheegay inay yar tahay fursadda ah in la helo dhallinyaro nadiif ah oo hubeysan, waxaase jira dhallinyaro mooryaan soo ahayd oo dhac iyo boob ku hayn jirtay bulshada, kuwaasna wuxuu is-tusiyay inaanay iyaga anfacaynin.

Dhaliisha uu soo gudbiyay Abuu Seef waxaa ku diidday Abuu Colaad oo isagu aamisan inaan albaabbada laga xiran mooryaantii hore, “waa dhallinyaradeennii waxay u baahan yihiin oo keliya in la hanuuniyo, annagaana hanuuninayna, oo waxbarayna, waxaan u xireynaa qamiisyo iyo cimaamado, markaas yaa dhahaya waa mooryaan?” Ayuu ku dooday Abuu Colaad.

Abuu Colaad wuxuu saaxiibkiis ku qanciyay in mooryaantaas ay iyaga muhiim u yihiin marka loo baahado hawlgallo, waayo iyagu waa dad horay u soo dagaallamay oo horay wax u soo dilay oo ay dhankaasi ka u carbisan yihiin.

“Waayahay Sheekh” ayuu afka ka yiri Abuu Seef, laakiin niyaddiisa kuma qanacsaneyn inuu aqbalo soo jeedintaas dambe, wuxuuse ku warceliyay inuu saraakiisha u qaabilsan qorista ciidamada cusub u gudbin doono fikraddan dambe inay qaataan oo ay liiska ku soo daraan mooryaanta, cimaamadana ay u xiraan, loona sheego kuwooda gaaray in ay garka daystaan.

“Waalidiinta carruurta aan xareynay wax caqabad ah miyaad weli kala kulanteen?” Abuu Colaad ayaa su’aashaas waydiiyay saaxiibkiisa xagga shaqada.

Wax cabanaya oo yimid ma sheegin Abuu Seef, “dadku waa noo heellan yihiin, oo waxay xitaa nagu aaminayaan wax kastoo noloshooda ah, iskaba daa maamul iyo waxbarashee,” ayuu yiri isagoo gawska dambe ka qoslaya.

“Waa arrin wanaagsan,” intuu yiri Abuu Colaad ayuu weydiiyay bal inay weli la shireen ganacsatada iyo in kale. Abuu Seef-na wuxuu u sheegay inaanay la kulmin weli, balse ay qorsheynayaan inay Jimcaha soo socda shir isugu yeeraan.

Abuu Colaad isagoo ku adkeynaya muhiimadda ay u leeyihiin ganacsatada ayuu u sheegay Abuu Seef inaanay raggaasi uga maarmayn hawlahooda, “wax weyn baan ka rajeyneynaa ee shirkooda xoogga ha la saaro,” ayuu yiri isagoo dhabarka si tartiib ah gacanta uga saaraya, “ha lagu dadaalo inay nagu soo xirmaan,” ayuu dardaarankiisii ku soo dhammeeyay. Abuu Seef-na, “waan dadaaleynaa inshaa Allaah,” ayuu yiri.

Intay sheekada isku dhiib-dhiibayaan waxay fadhiyaan meel gees ah oo masaajidka gudihiisa ah, waxaana hadba salaan kula soo leexanaya dad ay is-garanayaan, oo qaarkood aan ogeyn raggan waxa ay ka shirayaan, waxayna isugu jiraan dadkaasi qaar si hoose aan xog-ogaal ugu ahayn hawlaha ay wadaan iyo qaar kale oo wararkooda ay soo gaar-gaarayaan iyo qaar aanan waxbaba ka qarsooneyn oo si buuxda ula socda qorsheyaashooda iyo waxa ay ka damacsan yihiin.

Abuu Colaad isagoo dhinacyada masaajidka indhaha la raac-raacaya oo u muuqda inuu fikrado maskaxdiisa ka baarayo, ayay qeybta xusuusta ee maskaxdiisa soo qabsatay billowgii sheekada qeyb yar oo ka mid ah inay ku saabsaneyn in looga gacan- haatinayo deegaanno aanay horay u gaarin, dabadeedna sidii ruux uu dareen galay, ama ku naxay qof aanu filaneyn oo korkiisa soo istaagay ayuu mar keliya la soo hinqaday, “midda kale dad badan baa u diyaar ah inay nagu soo biiraan marka cid kasta ha la soo dhoweeyo intay hawshu billowga tahay, hadhow markaan gaarno ujeedkeenna anagaa kala xulan doonnee oo ka qaadan doonna wixii na anfacaya, wixii aan na anfacayninna iska daadin doonnee.”

Sheekada inteeda badan waxaa hadba weji cusub u sameynaya Abuu Colaad oo ah nin aftahan ah oo jecel aragtidiisa uun inay hirgasho. Abuu Colaad wuxuu isu haystaa inuu yahay taliyaha ugu sarreeya ee qandaraaskan. Abuu Seef baa dabadeedna ugu war- celiyey, “waayahay Sheekh, sidaas baannu yeeli doonnaa.” Haddana, wuxuu Abuu Seef dib u soo celiyay su’aalihii mar sii horreysay uu fikraddeeda soo hadal-qaaday, balse aan laga hoos qaadin, wuxuuna yiri, “maxaan ka yeelnaa deegaannada ay codsiyada naga soo gaarayaan si aan u gaarsiinno maamulkeenna?”

Abuu Colaad garkiisa ayuu jiid-jiiday, afarta farood ee gacanta bidix ayuu shanle uga dhigay, marba dhinac ayuu u leex-leexiyay, fadhiga ayuu quruxsaday, xoogaa yar ayuu aamusay, madaxa isagoo rux-ruxaya ayuu yiri, “deegaannadaasi waa inaan u tagnaa sida ugu dhaqsiyaha badan, waayo dadkeenna dhibaatooyin ragaadiyay bay la daalaa dhacayaan, waa inaan u gurmannaa oo aan dhibta haysa ka dul qaadnaa.”

Hadalka markuu halkaa marinayo ayaa Abuu Colaad waxaa ku soo dhacday inuu galabtaas dano kale lahaa, saacadda ayuu eegay mise 15 daqiiqadood ayuu dib uga dhacay ballan uu la lahaa ina adeerkii oo dhowaan toddobaadkaas un dibadda ka yimid, degdeg intuu fadhigii uga istaagay ayuu eegay dhinaca Abuu Seef isagoo leh “meel baan ku sii degdegayaaye…Asalaaamu Calaykum”, wuuna dhaqaaqay.

Abuu Seef isagoo weli aan ka istaagin fadhigiisii ayuu isweydiiyay, “maanta side bey ka noqotay Abuu Colaad, ma mooryaantii dadka dhibtay baan ciidan ka dhigan karnaa, kuwaas sumcaddeenna ayay qarribayaan….Laakiin haddii la hanuunin karo way fiicnaan lahayd, inkastoo kuwaas ay u muuqdaan wax aan hanuunsameyn.

Oday Warsame waxaa wel-wel ku haya xaaladda wiilkiisa, Guuleed, oo beryahan dambe ku dhex milmay Marin-habaabiyeyaasha. Had iyo jeer wuxuu ka fekeraa sidii uu ka yeeli lahaa xaaladda wiilkiisa. Dhibta ugu xooggani waxay ka heysataa dhinaca xaaskiisa, Caasha, oo iyadu si lab-la-kac ah ugu garab siineysa Guuleed isbaddelka uu raacay.

Waa Barqo, waxaa gurigooda ku idil Caasho, Warsame iyo wiilkooda Guuleed. Hawl- maalmeedkooda caadiga ah ee guriga ayay ku mashquulsan yihiin. Caasho waxay diiraysaa (fiiqeysaa) yaanyo ay ugu talogashay inay qadada maalintaas ku sameyso, qudaartii kalena waxay taallaa meel agteeda ah. Warsame wuxuu meel agteeda ah ku dhageysanayaa rikoor uu gashaday cajalad ay walaashiis uga soo duubtay Jidda, dalka Boqortooyada Sacuudiga.

Warsame wuxuu u yeeray xaaskiisa, Caasho, wuxuuna weydiiyay sababta aanay ula hadlayn wiilkooda, Guuleed, oo diiday iskuulkii oo waqtigiisa oo dhanna ku lumiyay daba orodka Marin-habaabiyeyaasha.

Caasha oo difaacaysa tallaaboyinka Guuleed uu qaadayo ayaa Warsame u sheegtay inuu wiilkooda u baranayo diinta oo sidaan ay uga wanaagsan tahay iskuulka caadiga ah, “oo awal muxuu ka faa’iidi lahaa iskuul, saan baa u dhaanta adduun iyo aakhirabee,” ayay tiri Caasho.

Hadalkoodii oo halkaa u maraya ayaa albaabkii la soo garaacay. Warsame wuxuu faray Guuleed inuu albaabka furo. Wiilkii yaraa wuxuu u dhaqaaqay dhinaca iridda. Habaryartiis Ardo ayay noqotay qoftii uu albaabka ka furay.

Ardo ayaa hooddiyeysay markii ay soo gashayba dadkii guriga joogay. Caasho ayaa iyadoo cod dheer ku qeylineysa kula soo boodday “Alla! Waa walaashay, soo dhowow Ardo.”

“Waan dhowahay walaal,” ayay ugu war-celisay Ardo walaasheed Caasho.

Markaas kaddib waxaa la guda-galay in la iska wareysto xaaladda carruurta iyo tan qoysaska, waxaana la is dhaaf-dhaafsaday in labada dhinacba ay caafimaad qabaan.

Warsame wuxuu Ardo weydiiyay arrimaha magaalada waxay war ka heyso.

Ardo: Annaga iyo carruurtaba waanu kuu fiicannahay, ee adiga bal iska warran? Reerku siday ahaayeen.

Caasho: Wey fiicnaayeen, Ilaahay nimcadiis.Warsame bal adigana ii warran? “Warsamow baladka waxaa la hadal-hayaa wadaaddadu inay ciidamo qoranayaan oo ay maamulkooda ballaarinayaan” ayay tiri Ardo.

Hadalkaas fajiciso ayuu ku abuuray Warsame wuxuuna Ardo weydiiyay halka ciidanka ay u qoranayaan. Ardo waxay u sheegtay inay dadku isla dhex marayaan ciidankaas inay ammaanka deegaanka sugayaan.

Ardo waxay gacanta soo qabatay Guuleed oo ay agteeda fariisisay, iyadoo madaxa ka salaaxeysa oo leh, “habaryar sidee tahay?” Guuleed isagoo cod hooseeya ku hadlaayay wuxuu habaryartiis u sheegay inuu fiican yahay. Ardo iyadoo isku dayeysa inay la sii sheekeysato Guuleed ayaa waxaa ka soo dhex galay Warsame oo dib u furay dacwadii uu horey ugu gudbiyay Ardo ee ka dhanka ahayd Caasho iyo wiilkeeda Guuleed.

“Ardoy wiilkaan Guuleed ah iskuulkii baa lagu kari la’yahay, wuxuu ka doortay meel meeshaan ah oo aanan xaalkeeda fahmin.” Intaas markuu yiri Warsame ayaa waxaa ka soo dhex-gashay Caasho oo tiri, “meel meeshaan ah buu ku leeyahay, war waa malcaamad diinta uu ku baranayo oo ay wadaaddadu maamulkeeda hayaane sidee bay wax kaa noqdeen? Ma meel ka fiicanoo wiilkeenna uu wax ka baran lahaa baa jirta?”

Warsame ayaa isagoo ay caro ka muuqato yiri, “bal waxay ku hadleyso maqal, wiilkan dugsi waxaan geynay isagoo 7-jir ah, qur’aankana meel wanaagsan buu ka marayay, iskuulkiina sidoo kale, marka hadda ma wuxuu uga tagayaa meeshaas?.. Ardoy waad maqleysaaye la hadal walaashaa.”

Ardo oo aragtay inay dooddu kululaatay ayaa iyadoo isku dayeysa inay xaaladda qaboojiso waxay ku jeesatay walaasheed Caasho, waxayna u sheegtay inay fiican tahay wiilku inuu isku wato dugsiga iyo iskuulka oo aan waxbarashadiisa laga kala jarin. Guuleed oo markay dooddu qaraaraatay qolka dib u galay ayay u yeertay, waxayna kula dardaarantay inay u wanaagsan tahay dugsiga iyo iskuulka inuu wada dhigto.

Taladaas dhanka habaryartiis uga timid ma noqon mid u cuntanta Guuleed, wuxuuna madax ruxis ugu sheegay inuu diiddan yahay taas, madrasadiisa inuu aakhiro ku liibaanayo ayuu ku dooday, isagoo iskuulka ku dhaliilay in adduunyo keliya wax ku kooban laga barto oo aan anfac lahayn, wuxuuna habaryartiis kaga yaabsaday in iskuullada lagu barto waxyaabo xaaraan ah, “marka aniga madrasadeyda ayaan rabaa,” ayuu ku soo gebagabeeyay dooddiisii mucjisada ahayd.

“Waa runtiis wiilkeyga!” ayay sii raacisay Caasho, oo la safan Guuleed.

Doodda meesha ka socota hadba waxay ka sii yaabineysaa Ardo, oo qofka hadlayaba sii eegeysa, iyadoo dhabanka heysatana ka soo jeesaneysa hadba qofkii hadalka dhammaysta, hadalkii Guuleed ayaase ugu darnaaday wax dhegaheeda soo gaara, iyadoo bismileysaneysa ayay weydiisay, “habaryar waa maxay waxa xaaraanta ah ee ay dadku bartaan?”

Guuleed wuu isla quman yahay, wuxuuba isu haystaa inuu ka saxsan yahay dadka kale. Isagoo u sharraxaya habaryartiis oo weliba ku indho-adag wuxuu yiri, “iskuullada waxaa lagu dhigaa saynis iyo luqado shisheeye oo ay xaaraan tahay in la barto.”

Warsame hadalkaas dambe wuu ka sii carooday, isagoo qeylinaya wuxuu yiri “bal maqal wuxuu ku hadlaayo,” wuxuu ku jeestay Guuleed, “war yaa kuu sheegay inay xaaraan yihiin?” Ayuu waydiiyay, jawaab kama aanu sugin, iyagaba, kuwa iskuullada u diidaya, inay iskuullo soo dhigteen ayuu u sheegay, wuxuuna u raaciyey in aan haba yaraatee wax xaaraan ah weligeed lagu dhigin iskuullada. “Ardo la hadal walaashaa iyo wiilka aad habaryarta u tahay,” ayuu ku soo gunaanaday hadalkiisii.

Caasho ayaa soo gashay iyadoo difaaceysa go’aanka Guuleed, waxayna sheegtay inuu wiilkeedu hayo waddada saxda ah, “ha la ii daayo wiilkayga, diinta yuu ii baranayaa,” ayay tiri, iyadoo sheegtay inay ku taameysay weligeedba wiilkeedu inuu Sheekh u noqdo, “yaan la iga rabshin wiilka, wuu gar leeyahaye,” ayay tiri.

Ardo waxay aragtay xaaladdu inay siii cuslaaneyso, waxayna ku tashatay inay qaboojiso, oo ay Warsame la hadasho, maadaama uu yahay nin deggan oo iyada aad u ixtiraama, inta badanna aan ka hor imaan talooyinkeeda.

Dumaashigeed waxay u sheegtay in carruurta hadda jirta ay madax adag yihiin, waxbarashana ay isku mid tahay iskuul iyo madraso tii loo tagaba, iyadaba carruurteedii inay iska daayeen iskuullada caadiga ah ayay u sheegtay, “bal aan dhowrno waxay dib ka noqoto ee iska daa ha iska dhigto madrasadiisee,” ayay kula talisay.

Warsame isagoo aan ku qanacsaneyn soo jeedinta dumaashidiis, hase yeeshee markuu qiimeeyay xaaladda oo ay u muuqatay inaanu Guuleed ka waantoobeyn daba orodka Marin-habaabiyeyaash ayuu markii dambe raacay taladii dumaashidiis Ardo.

Hadal-heynta isbeddelka ka dhacay deegaanka wuxuu noqday mid gaara guri kasta iyo goob kastoo ay dadweynuhu isugu yimaadaan. Sahal iyo Dige waxay go’aansadeen inay u tagaan Abuu Seef. Gaarigooda ayay soo qaateen, waxayna isku soo shubeen waddada iyagoo ku wajahan xarunta Marin- habaabiyeyaasha, si ay halkaas ugula kulmaan Abuu Seef.

Waa galab ay cadceeddu u diyaargaroobeyso inay godkeedii u hoyato. Sahal iyo Dige waxay soo gaareen xaruntii ay u socdeen. Meel gees ah oo uu ku yaal geed weyn, waxaa rag kale oo garar-waaweyn iyo qamiisyo gaa-gaaban xiran la taagan Abuu Seef oo ah ninkii ay maanta u soo baxeen si ay ula hadlaan.

Abuu Seef oo meel gebo-gebo ah marsiinaya hadal uu u waday raggii la joogay oo markaas u diyaargaroobayay inay kala tagaan ayaa lahaa, “hawsha si wanaagsan bay ku socotaaye, halkeeda hallaga sii ambaqaado,” ayay salaan kula soo leexdeen Sahal iyo Dige.

“Maanta rag baa soo dheeraaday, Sahal iyo Dige bal warrama maxaad sheegteen?” ayuu Abuu Seef hadalkii ku daah furay markii ay isa salaameen kaddib.

Dige oo ku hormaray ayaa u sheegay Abuu Seef inay deegaanka ka maqleen inay raggiisu hawlo ka wadaan, sidaas daraadeed ay u yimaadeen inay arrimahaas ka wareystaan.

“Abuu Seef noo sheeg hawsha aad waddaan nooceeda iyo ujeeddada aad ka damacsan tihiin?” Ayuu yiri Dige.

“Waa run Abuu Seef, waxaa la leeyahay ciidamo ayaad qoranaysaan, maamul iyo wax waa la sheegayay, marka bal noo sharrax olollahaasi iyo waxaad ka damacsan tihiin?” Ayuu sii raaciyay Sahal oo markiisii hadalka dhexda u galay.

Abuu Seef wuxuu u xaqiijiyay Sahal iyo Dige hawsha ay maqleen inay jirto, ayna tahay mid sii socon doonta, oo weliba ay u sameynayaan maadaama ay u arkaan wax anfacaya ummaddooda oo ka soo daalay dhibaatooyin iyo colaado, taasoo ay u dheer tahay boob, dil, barakicin iyo jid-gooyooyin xaaraan ah oo lagu dhaco hantidooda.

Abuu Seef wuxuu ku dheeraaday inuu ka sheekeeyo dhibaatooyinkii hore ee shacabka haystay iyo taariikhdii dagaallada sokeeye, “haddana dhibaatooyinkaas inaan wax ka qabanno ayaan u istaagnay, inshaa Allaahu hawshuna way guuleysanaysaa,” ayuu yiri Abuu Seef.

Dige ayaa u sheegay Abuu Seef haddiiba ay wax qabanayaan inuu sharcigu ahaa in ay iyaga la socodsiiyaan, maadaama ay yihiin madaxda shacabka, oo ay deegaanka mas’uul ka yihiin, “ma waxaad doontaan baad iska sameynaysaan, miyeydaan nagu adeecayn xilkeenna oo aadan nooga dambaynayn?” Ayuu si caro leh u yiri Dige.

Shaqada ay qabanayaan inaysan ahayn mid wax u dhimeysa nidaamkooda dhaqanka, oo cidna aan khasaaro ku ahayn ayuu ku dooday Abuu Seef, oo xusay baahi dadka ay ka dareemeen inay u geysay qabashada hawshaan, cid wax ka qabaneysa dhibaatooyinka taagan in la waayay oo sidaas darted ay u soo istaageen ayuuba sharraxaaddiisa ku soo darsaday.

Sahal ayaa weydiiyay Abuu Seef inay shiriyaan dumarka iyo carruurta oo keliya oo aany u yeeran siyaasiyiinta, oday dhaqameedyada, waxgaradka, aqoonyahannada iyo madaxda dowladda waxa keenay. Tan kale, inay carruurta ku xareeyaan xeryo ciidan oo ay tababaraan isla markaana hubeeyaan sababta ku kaliftay ayuu su’aalay, wuxuu kaloo u sheegay inay magaalada ka maqleen tabaabusho ciidan inay wadaan Abuu Seef raggiisa, “Marka yey tahay cidda aad ciidanka u diyaarsaneysaan?” ayuu su’aalihiisii ku soo xiray.

Cidda koowaad ee ay rabaan inay caawiyaan oo ay dartood shaqadaan u qabanayaan inay yihiin dumarka iyo carruurta ayuu sheegay Abuu Seef, maadaama uu tilmaamay inay yihiin dadka inta ugu nugul dhibaatooyinka, iyaga inay difaacayaan oo ay ka hor tagayaan wixii waxyeello u geysanaya ayuu ku daray, taas darteedna ay ahayd sababtii ay keligood ula kulmeen, oday dhaqameed kaalintiisa inaanay hawshan oo kale ahayn ayuu ku dooday, dowladdana aanay ka hor taagneyn inay waajibkeeda gudato, balse waxa ay wadaan uu yahay dadaal dheeraad ah oo ay bulshadooda badbaadadeeda u gelayaan.

Midda ku saabsan carruurta ay xareeyeen, wuxuu beeniyay inay tababarro ciidan siiyaan, balse ay geeyeen madrasooyin u gaar ah si ay wax ugu bartaan “waxaa la barayaa diinta, waayo taas baa manaafacaad u leh adduun iyo aakhiro,” ayuu yiri, isagoo ciidan ururinta iyo ciidan qorashada lagu eedeeyeeyayna xaqiijiyay inay tahay wax jira, “waxaan uga dan leennahay inaan ummaddan uga difaacno cadowgeeda,” ayuu yiri.

Dige ayaa markaas weydiiyay Abuu Seef cadowga ay ciidamada u diyaarsanayaan cidda uu yahay?

Abuu Seef wuxuu arrintaas uga gaabsaday in cadowga ay u tabaabusheysanayaan uu yahay mid la isla wada garanayo, oo ay ummaddaan leedahay, kana soo horjeeda inay ismaamusho oo ay u madaxbannaanaato shareecadeeda “Adinka ma dhib bay idinku haysaa hawshaan quruxda badan?” Ayuu labadoodii weydiiyay.

Sahal ayaa ku hormaray oo yiri, “waxaa nala qaldan inaad naga dul booddaan”, wax kasta oo deegaanka ku saabsan in iyaga ay kala tashadaan inay ahayd ayuu u sheegay, arrin aan la qaadan karin wuxuu ku tilmaamay inay iska dur-duriyaan, isagoo careysan ayuu yiri, “hawshaan joojiya, annaga nooga dambeeya wixii maamul iyo ciidamo ah, doorkiinna waa wacdin iyo diin faafin intaas ku ekaada”.

Abuu Seef wuu u cuntami waayay hadalka uu soo jeediyay Sahal, iskaba daa inuu ka qaatee wuu ka xanaaqay, wuxuuna si cad ugu sheegay inaanay joojineyn hawshan oo sida ay u billaabeen ay tahay, wuxuu ku faanay in shaqadooda ay tahay mid lagu diirsaday, oo jid-gooyooyin ay qaadeen, burcaddii ay dadka ka qabteen, diintana ay carruurta barayaan, cid ay darteed u joojinayaanna aysan jirin. Sahal iyo Dige-na wuxuu faray inay iyagana shaqadooda wataan oo ay faraha kala baxaan hawlahan.

Sheekadu way kululaatay, Sahal iyo Dige wixii ay ka filanayeen Abuu Seef wax ka duwan bay kala kulmeen. Dige oo isagana waxa meesha ka dhacaya marna ka careysan marna la yaabban ayaa soo galay oo weydiiyay Abuu Seef, “Dadkaan aad gacmaha iyo lugaha ka jareysaan yaa awood idin siiyay in aad sidaas yeeshaan adinka?” Wuxuuna intaa raaciyay cid aan iyaga ahayn oo wax maxkamadeyn karta inaanay jirin, wuxuuna kula taliyay Abuu Seef iyo xertiisa inay joojiyaan waxa ay wadaan, “ku ekaada goobihii la idinku bartay hadday dhab idinka tahay inaad dadka wax bareysaan,” ayuu yiri.

Inay joojiyaan iska daaye inay ballaarin doonaan hawsha ay billaabeen ayuu wacad ku maray Abuu Seef. Isagoo jecel inuu sheekada iska soo xiro si dooddan ku dheeraatay uu halkeeda ugu joojiyo ayuu Abuu Seef ku fikiray inuu u cudurdaarto Sahal iyo Dige, wuxuuna u sheegay inuu la ballansan yahay qolooyin kale oo sidaas daraadeed ay uga raalli ahaadaan, markiibana wuu ka sare joogsaday, wuuna dhaqaaqay.

Sahal iyo Dige maalintaas waxay ka soo tageen xaruntii Abuu Seef iyagoo ciil bestood ah oo qorsheystay inay madaxdooda ula laabtaan wixii ay kala soo kulmeen Abuu Seef.

Cutubka 1aad

Goor subax ah iyadoo ay tahay oo aan welina barqadii la gaarin ayuu Abuu Colaad ka soo toosay, waxayna ahayd markii ugu horreysay ee uu xilligaas hurdo ku gaaro. Wuxuu ahaa nin dheer oo aad u miisaan culus, hase yeeshee ma uusan hurdo jeclayn oo salaadda subax kolkuu tukado hurdada dib uguma laaban jirin, daal badan ayaa ka muuqday, waxaana ugu wacnaa safarro dhaa-dheer oo uu soo maray iyo habeenkaas oo uu goor dambe seexday.

Afartiisa xaas middii ugu yarayd ee uu gurigeeda ka soo toosay baa qolka ugu soo gashay oo intay miis sariirta dhinaceeda yaallay quraacdiisa u saartay bay u sheegtay inay suuqa u adeeg doonaneyso. Islaantu goor hore ayay quraacda isu dul-saartay odaygeeda, hase yeeshee waxay ka cabsatay inay toosiso, waayo waxay ogayd inuu aad u daallanaa. Abuu Colaad oo markaas shanlo yar ku habeysanaayey garkiisa dheer ayaa intuu istaagay u sii dhaqaaqay dhinacii quraacda. Si wanaagsan ayuu ugu mahadceliyay xaaskiisii, isagoo u sheegay inuu daal iyo gaajo bestiis la ahaa, haddana uusan haysan waqti uu ku nasto oo ay sugayaan howlo badan oo uu doonayo inuu maalintaas soo dhammeysto.

Markii uu quraacdii isku hubsaday ee uu dhowr mar daac-daacday ayuu is yiri “wallee iminka bay naftii igu soo noqotay oo aan dhaqaajin karaa si aan hawlahayga u soo qabsado”. Abuu Colaad baakooraddiisii yarayd intuu gacanta ku soo qabsaday ayuu waddada ku soo dhacay, deg-degta iyo jihada uu u socday waa laga garan karay in uu ahaa nin yaqaan halka uu u socdo.

Bacaad cidlo ah oo ay dhowr geed Hindi ah ku yaallaan ayuu ku soo lugeynaayey, shanqarta saantiisa waxa keliya ee wehliyey waxay ahaayeen codad shimbiro oo kala duwan. Isagoo socodkiisa sii wata ayuu keligiis isla hadlaayey “waa in aan ujeeddadeydii fuliyaa, oo aan saaxiibkeygii Sheekh Abuu Seef ahaa la kulmaa si aan u ogaado halka uu marinaayo hawlihii aan isku ogayn”.

Muddo yar dabadeed ayuu ku soo dhowaaday guri aan sidaas u sii weynayn oo baraako ah. Guriga hortiisa waxaa ka baxaayay geed wayn oo uu harkiisu wanaagsanaa. Oday buuran oo gaaban ayaa ku fadhiyay gambar geedka hoostiisa yaallay, wuxuuna xirnaa macawiis iyo garan cad oo keliya, waayo cadceeddu aad bay u kululayd, qof sidaas oo kale u buuranna guryaha kuma jiri karin xilliyadaas kulaylku badan yahay.

Abuu Colaad markuu si fiican ugu soo dhowaaday ayuu ninkii gambarka ku fadhiyey oo siijeeda ula muuqday qaabka qof uu garanaayo, markaasuu is yiri “waaba isaga ayaan filayaa”. Markuu dhowr tallaabo u soo jirsaday ayuu cod dheer ku yiri “Asalaamu Caleykum”. Abuu Seef intuusan soo jeesan ayuuba codkii gartay, durba intuu isa soo taagay ayuu, “Wacaleykuma Salaam” ugu jawaabay. Salaan gacmaha iyo shaf isa-saar ah markii lays dhaafsaday ayaa Abuu Seef gambar kale oo aan ka fogayn intuu u soo qabtay saaxiibkiis, ku soo dhaweeyay inuu fariisto.

Labadii sheekh waxay billaabeen inay is xaal-warsaystaan. Abuu Colaad wuxuu saaxiibkiis u sheegay inuu xalay uun safar ka soo galay, uuna weli ku dambeeyo daalkii. Abuu Seefna wuxuu saaxiibkiis u sheegay in hawlihii ay isku ogaayeen ay sidoodii u sii wadeen, hase yeeshee ay isaga ka war sugayeen. “Waa Ilaahay mahaddiis, mar haddaad samo ku timid” ayuu yiri Abuu Seef.

Abuu Colaad intuu dhoolla caddeeyey ayuu yiri, “Maasha Allaah Sheekh, waxaanba hadda kuugu imid in aan mashruucaas ballaarinno oo aan weyneyno oo…”

Abuu Seef ma uusan sugin inta uu Abuu Colaad hadalkiisa ka dhammeysanaayo, wuxuuna durbadiiba la soo booday cabasho uu ku sheegayo inay waxyaabo badan uga xayirnaayeen dhaqaalo-darri, wuxuuna u raaciyay in haddii ay taasi ka xoroobi lahaayeen ay hawlahooda si fiican u socon lahaayeen, wuxuuna dhagaha saaxiibkiis ku hubsaday ballaarinta hawshooda inay ka horreyso dhaqaale badan oo ay helaan.

Abuu Colaad wuxuu isaguna saaxiibkiis niyadda ugu dhisay in uu arrimahaas ka wel- wel la’aado, oo ilaa xad dhaqaale ay abaabulkooda ku dar-dargeliyaan heystaan, uuna isagu uga wakiil yahay, taasoo ay u dheer tahay ballanqaadyo badan oo ay u sameeyeen dad uu ku sheegay in ay diinta walaalo ku yihiin oo dalka dibaddiisa ku nool, isagoo laga dareemayo inuu faanayo ayuu yiri “Anigu bilaash uma tegin dalalkaas, dhaqaale ayaan meel inoo soo saarayay.”

“Waa khayr.Sheekh waad asiibtay.haddiiba aad dhaqaale inoo hayso,” ayuu la soo booday Abuu Seef oo farxad laga dareemayo wejigiisa, wuxuuna sheegay inuu dhaqaaluhu yahay waxa keliya ee ay dadka ku soo jiidan karaan, danahoodana ku fushan karaan.

Abuu Colaad madaxa ayuu kor iyo hoos u ruxay isagoo ulajeeda “waa runtaa, oo waan u riyaaqay hadalkaaga”. Markaasuu weydiiyey Abuu Seef sida ugu sahlan ee ay ummaddaan ku soo jiidan karaan.

Kasbashada dadka iyo soo-jiidashadooda waa hawshiisa, Abuu Seef ma isagaaba wax kale soo bartay!? Isagoo is-xariifinaya ayuu yiri, “dadka waa in aan marka hore diinta ku jilcinnaa oo aan xaqiiqada uga hadalnaa, jidka toosanna aan ku ridnaa, kaddibna aan ku dhex xoogeysannaa si aan maamulka gebi ahaanba ula wareegno.”

Abuu Colaad si fiican ayuu ula dhacay hadalkaas wuxuuna u sii raaciyey in geedka marka la abuurayo jiridda hoose laga waraabiyo si uu laamo fiican u dhalo, bulshadana si taageeradooda loo helo in carruurta iyo dumarka laga soo billaabo, waayo iyagaa saldhig u ah bulshada.

Abuu Seef wuu ku raacay fekerkaasi, waxayna isku af-garteen in ay qorshahaas ku socdaan oo ay haweenka iyo carruurta yihiin kuwa bulshada ugu nugul oo si fudud loo hanan karo, la’aantoodna aysan waxba u suurtagaleyn.

Abuu Colaad intuu istaagay ayuu damcay in uu macsalaameeyo saaxiibkiis, laakiin Abuu Seef baa intuu markiiba gartay gacanta qabtay, oo ku yiri “inyar i sug”. Abuu Colaad wuu fahmay in Sheekhu damacsan yahay in uu sii sagootiyo. Abuu Seef wax badan kuma maqnaanin markii uu guriga dib u galay ee durba isagoo shaar xiran ayuu u soo noqday, wayna is-raaceen, qaddar daqiiqado ah markii ay soo socdeen ayay meel aan ka fogeyn guriga Abuu Seef wada is taageen. Abuu Colaad ayaa yiri, “Intaan oo sagootis ah way igu filan tahay, ee qorshahaas ayaynu isku ognahahay, adiga ayaana kuu xilsaaray arrimahaas oo garanaaya halka aad wax ka billaabi lahayd.”

Abuu Seef oo u muuqda in xilkaas loo dhiibay uu ku faraxsan yahay ayaa Sheekha u sheegay inuu ka seexdo arrimahaas, meel aan ahayn dugsiyada carruurta iyo haweenka guryaha jooga inuusan wax ka billaabi doonin ayuuna ku wargeliyay.

Si fiican ayey isula jiibiyeen oo ay isugu af-garteen, qof kastana wuxuu ku faraxsanaa is- araggoodaas guusha ku dhammaaday. Markii ay si fiican isu macsalaameeyeen oo ay kulan dambe ku ballameen, ayuu nin kasta dhankii gurigiisa u lugeeyay.

Abuu Colaad intuu waddadii dheerayd sii hayay ayuu keligiis isla hadlayay, oo wuxuu is-lahaa, “horta ninkii Abuu Seef ahaa si wanaagsan baan mashruucaan u geliyay, waana arkay sida uu daacadda ugu yahay in uu nala shaqeeyo. Maxaase naga galay cid kasta waan u baahannahay, weliba isagu wuxuu ku fiican yahay bulshada oo dhan ayaa wada taqaan oo ixtiraam u haysa, la’aantiisuna waxba inoo qabsoomi mayaan”.

Dad u badan haween iyo carruur oo kuwa deegaanka ah ayaa isugu yimid barxadda weyn ee degmada, waa qayb ka mid ah mashruucyadii ay ku ballameen Abuu Colaad iyo Abuu Seef, loomaba sii kaadsan oo durba ninkii Abuu Seef ahaa howshiisii ayuu guda-galay.

Dadkii goobta isugu yimid waxaa ka mid ahaa Faadumo oo ah islaan lagu dhalay kuna soo barbaartay deegaanka. Waxay hooyo u ahayd labo carruur ah oo ay aabbahood wada joogeen. Waa islaan xooggan, oo cad, oo inteeda ku buuxda, waxaa ay goobta la isugu yimid wada joogeen Caasho oo saaxiibteed ah. Caasho waa maarriin, dhinaca caatada la xijiyo oo fanax leh, waxayna aqal ku wada hoydaan wiil ay dhashay iyo odaygeeda.

Labadii islaamood markii ay is arkeen ayay salaan iskula soo boodeen, waxay ahaayeen labo saaxiibbo ah aadna way isu jeclaayeen, way is xaal warsadeen, nabad iyo baraare ayaa la isku jiibiyay, markii salaanta la bogay ayaa Caasho waxay u sheegtay Faaduma inay kala raageen, waxayna waydiisay waxa xannibay ee ay salaanta ula soo haleeli waysay maalmahaas.

Faadumo waxay saaxiibteed ugu cudurdaaratay inay ku mashquushay iskuulka, dugsiga carruurta iyo howsha guriga, oo waqti ay asaxaabta iyo ehelada ku soo booqatana cid siisa ay weysay. Caasho ayaa sidoo kale barbarkey u wadday kubadda ula laadday oo u sheegtay inay la mid ahayd oo uu gabbalku u dhacaayay iyadoo aan helin fursad ay dad ku soo booqato.

Sheekadoodii oo halkaa billowga ah mareysa ayay Caasho hadal hoosta uga dhiibtay saaxiibteed, iyadoo waydiineysa sababta ay kooxdan cusub isugu yeereen dadweynaha.

Faadumo oo aan warba ku dhaamin arrinta maalintaas la isugu yimid ayaa u sheegtay inuu war jiraaba Cakaare iman doono, oo la ogaan doono wixii ay isugu yeereen dadka.

Caasho oo inay yaabban tahay laga dareemayo fara-taag-taaggeeda ayaa saaxiibteed ku tiri, “intaasoo sano wadaaddo nooma yeerine kollay maanta wax cusub ayaa jira sida aan u maleynayo”. Waxay ku duceysay, “Balse kheyr Alle haka dhigo.”

Faadumo ayaa amakaag indhaha la kala taagtay, kaddib markii ay aragtay rag cimaamado iyo qamiisyo gaagaaban xiran oo gar dhaa-dheer leh, misana hubeysan. Si ay saaxiibteed u tusto mucjisada u muuqatay ayay gacanta ku dhar-dharbaaxday, iyadoo rabta inay tusto wacdarahaas! “Caashoy … Caashoy … Caashoy, waa maxay laakiin wadaaddada qoryaha wata? BAL EEG waa kuwaane!”

Caasho oo sii fiirineysa raggii hubka iyo labiska culimada wada kulansaday ee yaacaayay, ayaa halmar dadkii goobta joogay waxay isu buurteen geeskii ay xigeen wadaaddada, iyagoo buuq iyo sawaxan isku daraya, oo ka war sugaya bal waxa xigi doona.

Faadumo ayaa saaxiibteed ugu gacan-haadisay inay dadka dhinac ka raacaan, wuxuu malaheedu ahaa in ugu yaraan dadka ay u socdaan ciddi la hadli doonta, oo qorshaha maanta dhacsiin doonta, maba aanay ka sii daahine waxay markiiba gees ka galeen safafkii isku dhex yaacsanaa ee ay dadku galeen, waxaase dadka ulo la dhex socday raggii hubeysnaa oo farayay inay ragga iyo haweenku kala soocmaan.

Nin cod dheer ayaa markiiba hadal la sare joogsaday, isagu ma aha ninkii khudbadda jeedin lahaa, laakiin dadka ayuu u sheegayay inay aamusaan si loogu khudbeeyo, jewigii buuqa ahaa ayaa mar qura deggenaan isu beddelay, waxaana dadka hor yimid nin ay intooda badan garanayeen, waa Abuu Seef.

Khudbad ayuu isla soo taagay Abuu Seef:

Asalaamu Calaykum walaalayaal, Ilaah ayaa mahad leh oo halkan isugu keen keenay maanta oo nagu kulansiiyay, waxaan isugu kiin yeernay inaannu ka hadalno dhibaatooyin jira oo aan u dulqaadan waynay haddii aan nahay culimada, dhibaatooyinkaas oo si gaar ah ugu dhacaaya haweenka iyo carruurta iyo inta bulshada ugu tabarta yar, taasi waxay noqotay mid aan ka dhiidhinno, waayo waan u dulqaadan waynay, boobka, dhaca iyo jid-gooyooyinka, ma dooneyno in marxaladdaan adag lagu sii jiro, waan ka hortageynaa, nafteenna waan u hureynaa dadkeenna, hase yeeshee waxay taasi ku xiran tahay hadba sida aan garab idinkaga heli laheyn iyo guud ahaan shacabkaba. Ma garaneysaan shacabka aannu garabka ka dooneynoo? Waa idinka!

Markuu halkaa marsiinayo ayay dadweynihii sacab u wada garaaceen, iyagoo u muujinaya inay ka maqsuudeen hadalkiisa, laakiin waxaa taas ka hor yimid ninkii codka dheeraa oo ku canaantay dadweynaha waxa ay sameynayeen inay ahayd camal sheydaan, “Joojiya sacabku waa camal sheydaan ee joojiya” ayuu ku amray dadweynihii oo uu u daba dhigay inuu takbiirta u qabto, “ALLAAHU AKBAR!” Dadweynihii qaar yar oo ka mid ah ayaa ka daba meersaday oo Allaahu Akbartii la qabtay lamase sii wadin oo Abuu Seef baa khudbuu u oomanaa laga kala jaray, oo wuu sii watay khudbaddiisii:

“Maanta kaddib waxaan qaadaynaa tallaabooyin aan idinka wax idinkugu qabaneyno, oo aan dhibaatada aad ku jirtaan idinkaga saareyno, sababtoo ah waxaad tihiin haweenkeennii iyo carruurteennii, waxaadna ogaataan maanta laga billaabo carruurta waxaan u fureynaa waxbarasho dhinaceenna ah, madrasooyin u gaar ah baana ku xareyn doonnaa, taasoo aan kula dagaallameyno in carruurta la baadiyeeyo, teeda kale nabadda annagaa ku filan cid aan u baahannahay inay bannaanka nooga timaaddana ma jirto…tan kale ee muhiimka ah waxaan idin sheegayaa suxufiyiinta waxyaabaha ay qorayaan iyo wararka ay tebinayaan waa inay nala socodsiiyaan, ciddii dirta war aan annaga ogeynna iyadaa ka mas’uul ah…hadalka inaan ku sii dheeraado ma doonayo, wax qabad ayaa nalooga bahan yahay, intaas ayaan hadalkeygana ku soo koobayaa. Wasalaamu Calaykum Waraxmatullaahi.”

Dadweynihii ayaa markuu dhammeeyay khudbaddiisii waxay Abuu Seef ku sagootiyeen, saxawan, sacab iyo takbiir isku jira, haba ku kala duwanaadeen dhawaaqa iyo shanqartee, waxay ka sinnaayeen inay la dhacsanaayeen hadalladdiisii.

Labo maalmood iyadoo ay ka soo wareegatay markii ay wadaaddadu u khudbeeyeen dadweynaha ayaa Faadumo iyo Caasho waxay isku arkeen suuqa, iyadoo ay tahay xilli barqo ah, markii ay xaalkooda iska wareysteen, ayaa Faadumo waxay Caasho kula jeesatay su’aal ay kedis uga dhigtay “naa Caasho, Maxaad ka fahamtay khudbaddii wadaaddada?”

Su’aashaasi kuma adkaan Caasho inay ka jawaabto, waxayna durbaba saaxiibteed u sheegtay inay wax fiican uga baxeen, oo ay aad ugu bogtay. ”Waa loo baahnaa, wayna naga soo daaheen” ayey yiri, oo waxayba saaxiibteed dareensiisay in loo baahnaa mar hore inay wadaaddadu madasha ka soo xaadiraan, waxayse nafteeda iyo saaxiibteedba gunaanadkii ku samirsiisay haddayba hadda isa soo mutaxeen oo uu Ilaahay u soo adeejiyay inay mahad Alle tahay.

Faadumo ayaa iyadana qeybtii hadalka kaga aaddanayd ku tustay saaxiibteed in qudheedu aanay ka aragti duwanayn, oo waxayba soo taxday ammaan iyo bogaadin ay u xambaarineyso wadaaddada, iyadoo tirinaysa waxyaabaha ay ku taageertay “Isbaarooyinkii way qaadeen, boobkii, dhacii iyo jeebabkii la iska baaranaayay ma jiraan,” ayay tiri Faadumo iyadoo dhoolla-caddeyneysa.

Sheeko habeen hore la soo gaarsiiyay ayay saaxiibteed u tebisay, oo weliba markii ay uga sheekeyneysay waa laga dareemayay inay ku faraxsanayd, sheekadu mid cid kale khuseysay ma ahayn, isla wadaaddada iyo sheekadooda ugubka ah ayay salka ku haysay. “Habeen hore waxaa la ii sheegayay inta ay kuwo tuugo ah qab-qabteen ayayba gacmaha ka gooyeen, Kaw! Lug iyo gacan is-dhaaf ah, marqaati xitaa lalama sugin!” ayay tiri Faadumo.

Caasho oo si hagaagsan u dhageysaneysay sheekada la yaabka leh ee saaxiibteed, ayay dhiillo gashay markii halkaas loo marinayay, oo waxay saaxiibteed sheekada ka tustay meel kale, waxayna u sheegtay maadaama ay baahi iyo shaqo la’aan jirtay inay ka baqeyso in la arko dhallinyarada waddanka oo wada lugo iyo gacmo go’an iskuna salaamaya xusullada.

Dareenkaas cabsida huwan Faadumo kama daa-degin “maya… maya.maya, ma dhaceyso taas,” ayay la soo boodday, daliilkeediina wuxuu noqday, hadday tuugadu arkaan in qofkii fal xatooyo ah ku dhaqaaqaba lugaha iyo gacmaha laga jaraayo, in la wada cabsan doono, oo tuug oo dhan la waayi doono, “Soomaali baanba kuu aqaannaaye, cid dambe oo wax xaddaahi la arki maayo!” ayay tiri.

Caasho mowduucii socday ayay dhan kale u rogtay oo intay saaxiibteed ku soo dhowaatay ayay hadal hoose dhegta ugu sheegtay, “waxaan la yaabanahay Faadumooy, maxay horta carruurta ka rabaan? Waa iyaga maalin kasta la hadla oo weliba qaarkood xerooyin ku xareystaye!”.

Faadumo meeshaan ayey difaac adag ka gashay, oo su’aashii saaxiibteed waxay ku caabbisay erayo laga dareemayo taageere inay u tahay wadaaddada, waxay ku doodday in carruurta diinta loo barayo, iyada ayayba daalac u raacatay oo ay su’aal ku celisay, “Naa maxaad dareentay adigu oo aad sidan u leedahay?”

Indho yaabban oo markaad si aad ah u sii eegto ku dhahaya “su’aal uun baan is- weydiinnaye maxaa daalac la isugu raacanayaa,” ayay Caasho ku fiirisay saaxiibteed Faadumo, iyadoo la shig-shigeysa hadalkii ayay ku tiri “maya ee.ee. waxaan sidaas u iri, waxaan arkay oo aan dareemay carruurtii oo fir-fircoon oo Jihaad hadal-haysa iyo ad-adeyg kale oo aan hore loogu arkin. Innagii waalidiinta aheyn bay doonayaan in ay wax noo sheegaan oo ay na yiraahdaan waxaas waa qalad diinta bay ka soo horjeedaan ama sidaan ha la yeelo sidaan baa sax ah. Ma waxaas bay caruurteennu taqiin?”

Faadumo iyo Caasho inta badan sheekadu way isugu baxi jirtay, midba tan kale waxay la raadsan jirtay wixii cusub ee deegaanka ku soo biira ama marka ay arkaan dhacdo ka yaabisa, guryaha ayay badanaa ku kulmaan, maalintaase suuqa ayay ka fursan wayday inay warka muhiimaddiisa ku kala guraan.

Markii mowjadda la saaray ka hadalka mowduuca waxbarista carruurta ee dhanka wadaaddada ayay isku soo aragti dhowaadeen, Faadumo waxay u sheegtay Caasho inay iyadaba kala siman tahay oo ay ku aragtay carruurta isbeddelkaas. “Adigu waxaasaadba sheegeysaaye, aniga carruurteydu waxayba i yiraahdeen, ‘xisaabta iyo sayniska iyo kimistariga iskoollada lagu barto waa xaaraan” ayay tiri Faadumo.

Caasho wuu ka qosliyay hadalka dambe ee saaxiibteed, waayo, kuma cusbeyn arrinkaas oo waxay horay uga maqashay wiilkeeda. Meeshaas ayay isaga soo dhacday sheekadoodii, waxayna dunta afkeeda isla heleen markii laga dooday isbeddelka carruurta iyo waxbarashadooda.

Caasho iyadoo madaxa ruxeysa waxay saaxiibteed Faadumo ku qancisay in aanay wax dhibaato ah ka imaaneyn haddiiba carruurta si daacad ah diinta loo barayo oo aan la marin-habaabineyn ama wax dhibaato ah oo kale aan hoosta looga wadin.

Faadumo way ka hartay dooddii ku saabsanayd carruurta iyo madrasooyinkooda, waxayna si guudmar ah uga hadashay isbeddelka weyn ee ku dhacay bulshada iyo deegaankaba iyo weliba dhibaatooyinkii horay u soo maray.

“Raggu cimaamado ayay qaateen, oo kii kaa hor yimaadaba waa kaas culimada u eg” ayay Faadumo ku sheekeyneysaa, iyadoo is moodsiisay in isbeddelka dhacay uu ula muuqdo kii dhibaatada looga bixi lahaa, waxay dib u xusuusisay saaxiibteed Caasho wixii la soo maray ee halaag ahaa iyo rafaadkii laga dhaxlay dagaalladii sokeeye.

Faadumo oo aan weli sheekadii dhammeyn ayaa waxay tirin kula dhaqaaqday intii ku dhimmatay dagaallada sokeeye, intii ku dhaawacantay iyo intii ka qaxday ee nolol iyo geeri lagu la’yahay.

Caasho ayaa mowduuc hor leh oo aan xisaabtaba lagu sii darsan daaha u rogtay, waxayna saaxiibteed iyadoo wejiga kaduudeysa waydiisay waxa helay ee loo arki la’yahay oday beeleedyadii iyo halka ay ka baxeen.

Faadumo intay qosol dheer ku dhufatay oo ay gacanta dhabanka saaratay ayay tiri “Oday beeleed aaa!” iyadoo isku dayaysay kubbadda dhankeeda loo soo baasay inay laaddo, waayo, waxay rumeysnayd in oday beeleedyadii laga reystay, “Ilaahay nooma soo celiyo” ayayna ku duceysay.

Waxaa Faadumo fikraddaas la qabay dadka deegaanka intooda badan oo karaahsaday maamulkii oday beeleedyada, aaminsanaana inay uga dhammaatay masraxa siyaasadda, waxayna ku bishaareysanayeen inaan la heli doonin cid mar dambe warkooda dhageysata, waayo dhibaatooyinkii ay u horseedeen ummadda Soomaaliyeed ayaa weli dhegahooda ka qeylineysay.

Caasho qudheeda way ku raacsaneyd in oday beeleed wax u yaalla aanay jirin, mar haddii dhinaca diinta la iska soo galay. Iyadoo ay ka muuqato inay taageerayso maamul kasta oo odayaashaas ka hor wareejiya ayay markiiba ku dhaqaaqday inay u duceyso wadaaddada, halka ay Faadumana ugu kaalmeynaysay aamiinta, sidaas ayayna isku macsalaameeyeen maalintaas.

Kacdoon kasta ama isbaddel kasta oo bulsho dhexdeeda ku soo siyaada, waxaa isla bulshadaas laga dhex heli karaa dad mucaarada oo ka soo horjeeda dhaqan-rogistaasi ku soo siyaadday bulshadooda. Iyadoo ay taasi jirto ayaa haddana dadku ku kala duwan yahay sida ay uga hadli lahaayeen aragtida ay ka qabaan dabayshan cusub oo aanay horay u arag, ee ku soo biirtay bulshada deegaanka ay ku nool yihiin.

Dhinaca kale waxaa iyana jira dad kale oo aan jeclayn duufaantan cusub, haddana aan ka soo horjeesan karin. Way iska caddahay inay baqdin u geysay, laakiin haddana garashadoodu ma xuma, hase ahaatee waxaa ka daran oo ay nasiib-darro ku habsatay kuwo aan ogayn halka loo socdo, oo iyagu durbadiiba raaca ama taageera dhaqdhaqaaqaasi cusub.

Isla dadkan aragtidoodu liidato ayaa u sii kala baxa kuwo ay daacad ka tahay oo aan markoodii horeba u bisleyn inay gartaan siyaasadda ka dambeysa kacdoonnadan cusub, waana kuwan kuwa ay aad ugu sahlan tahay inay marin-habowsheyaashu marin-seejiiyaan. Qaar kalena waa kuwo dan gaar ah leh ama ku tiirsan kooxaha kacdoonka qarriban wada.

Sahal iyo Dige waa labo nin oo saaxiibbo ah, inta badanna isku fikrad ah marxalad kasta oo ku soo kororta deegaankooda, waa dad aad ugu rajo wanaagsan in maalin uun ay bulshadoodu hesho dowlad maamul-wanaag iyo kala dambeyn soo celisa, si ay uga baxaan dhibaatooyinka dagaallada sokeeye ee 20-ka sano jirsaday.

Labadooduba ma aysan ahayn dad heer sare ka gaaray waxbarashada, hase ahaatee waxay ahaayeen rag fir-fircoon oo aftahanno ah, aaminsanna muhiimadda ay leeyihiin adeegyada bulshadu, taas ayaana ugu wacan inay matalaan beelaha ay ka soo kala jeedaan. Xilalkaas ay hayeen dartood ayaa waxay suurtageliyeen inay deegaan ahaan ku noolaadaan hoteello ku yaalla goobaha uu maamulkoodu ka taliyo oo aanu weli soo gaarin kacdoonka marin-habawbsheyaasha.

Goor ay tahay galab ayaa Sahal markuu salaadda Casir ku soo tukaday masjid aan ka fogayn hoteelka uu Dige deggan yahay, ayuu ku fikiray inuu saaxiibkiis galabtaas waqtiga la soo qaato. Dige oo markaas qolkiisa hoteelka ku tukaday ayaa albaabka lagu soo garaacay. Hannaanka loo soo garaacay ayuu markiiba ka dareemay inuu saaxiibkiis Sahal yahay, markuu furayna malihiisa ayaaba run noqday oo Sahal buu noqday qofkii albaabka soo garaacay, salaantii caadiga ahayd ayaa la isku boobay, midba midka kale ayuu si kaftan iyo qosol ku jiro ugu yeeray midka kale “mudane”, isagoo ula jeeda xilka uu hayo.

Maqaayad hoteelku leeyahay ayey u wada daadageen. Sahal wuxuu dalbaday Koka- Kolla, halka uu Dige ka codsaday koob shaah ah oo caddeys ah. Kaddib markii ay xaaladahooda caafimaad iyo tan reerahooda iska waraysteen ayaa Sahal wuxuu Dige weydiiyay sida uu u arko isbaddelladan cusub ee la sheegayo, wuxuuna intaas u raaciyey inuusan jeclaysan waxyaabaha dhegihiisa ku soo dhacaya.

Dige ayaa sheekada taagan ee uu jeclaan lahaa inay galabta isla falanqeeyaan ku billaabay isu soo bixii marin-habaabiyeyaasha ay isugu yeereen carruurta iyo haweenka, balse intaanu ku sii dheeraan ayaa Sahal oo sugi la’ sheekada uu u billaabay saaxiibksii Dige, wuxuu weydiiyay, “maxaa haween iyo carruur keliya loogu yeeray, oo raggeennii waaweynaa loo casuumi waayay?”

Dige wuxuu u sheegay inaanu arrintaasi sixi karin, hase yeeshee uu maqlay inay arrintu kacdoon tahay, wuxuuse taabsiiyay saaxiibkiis inuu marin-habawsheyaashu galay damac siyaasadeed.

Sahal madaxa ayuu ruxay, isagoo diidmo uga gol-leh, “maya…maya…maya taasi ma dhici karto, culimo iyo damac-siyaasadeed isma qaadan karaan,” ayuu yiri isagoo si toos ah ugu sheegay inuu taasi diiddan yahay, “waaba wax aan sheeko iyo shaahid midna lagu arag,” ayuu yiri.

Dige dhib uma arko hadduu damac siyaasadeed galo raggaasi, laakiin wuxuu dhaliilsan yahay qaabka ay ku soo galeen loollanka loogu jiro talada dalka; carruurta iyo haweenka waxa loogu wareeganayo ayuu dhib u arkaa. Sahal-se kama daadegayso in dadkaasi ay awoodda wax ka rabaan.

Sahal wuxuu aamisan yahay in raggaasi ay ixtiraam ku dhex leeyihiin bulshada, laakiin Dige wuu ka soo horjeedaa taas, oo wuxuu qabaa inay nimankan xukun-doon yihiin, waxeyse markii dambe isweydiiyeen, “tolow maxay dadka u sheegeen?”

Dige oo ku wax badan inuu soo xooraansaday iska dhigaya ayaa saaxiibkiis u sheegay inay dumarka iyo carruurta shir u qabteen, ayna isku dubbariteen, islaantiisa iyo kuwo kale oo xaafadda degganna uu ka gartay inay u riyaaqeen oo ay la dhaceen ama ka maqsuudeen waxa ay Marin-habaabiyeyaashu u sheegeen.

“Arrintaan waxay ku habboon tahay in hadda laga hortago, haddii kale, “waa xaalad cusub iyo weji kale oo dagaal,” ayuu yiri Dige.

Sahal wuxuu qabaa in aan lagu deg-degin oo la hubsado raggaan inay xukunka siyaasadeed wax ka rabaan iyo in kale, isagoo daliishanaya in aanay haween iyo carruur siyaasad waxba ka aqoonin, raggaanna aanay la shireen haddii ay ujeeddaas oo kale leeyihiin, “waxaa laga yaabaa inay dano kale leeyihiin, laakiin nimankaan damac siyaasadeed dad leh iilama muuqdaan, waxay isu xilqaameen inay dadkooda diinta baraan,” ayuu yiri Sahal.

“Is-xilqaankaas hadda yimid oo aan horay loo arag muxuu ahaa,? Ayuu weydiiyey saaxiibkisa, “oo haddii aanu damac siyaasadeed jirin, maxaay ragga wax garadka ah ama aqoonyahannada ugu yeeri waayeen? Ayuu sii daba dhigay, isagoo leh, “Arrintaan waxay u baahan tahay in aan ka wada tashanno, ragga maamulka ahna aan is-aragno kana wadahadalno amuurahan soo siyaaday,” ayuu yiri Dige.

In arrintaasi aanay dhibaato lahayn oo ay u furan tahay inay iyaga iska arkaan, kaddibna ay raggaas u tagaan ayuu fikir ahaan talada ku darsaday Sahal, markaasna ay wax kasta ogaan doonaan.

Raggaasi saan-saankooda inay dareemayaan, oo aanay u filayn in ay yihiin dad fidno- wadayaal ah, ayuu Sahal u sheegay saaxiibkiisa, “wadaadkii aan wada garaneynay oo la oran jiray Abuu Seef oo bulshadeenna in muddo ah ku soo dhex jiray baa la socday oo horseedaayey culimada,” ayuu yiri Sahal. Dige ayaa ka dhex galay oo yiri, “laakiin arrintan aan ka wada tashanno, odayaashana aan iska aragno, maxaa yeelay dhib aan hadda noo muuqan ayaa ka imaan kara,” ayuu ugu gunaanaday saaxiibkiisa oo muujinaya in uu tuhun weyn ku jiro.

Abuu Seef inuu yaqaanno oo uu nin wanaagsan yahay ayuu sheegay Dige, hase yeeshee loo baahan yahay hubsiimo, “waxaa laga yaabaa inay wax iska beddeleen ninkii sidii aan ku naqaannay, illeen waa bini’aadane,” ayuu yiri.

Maalintaas sidaas ayey ku ballameen Sahal iyo Dige, weyna is macasalaameeyeen si qof kasta danihiisa shakhsiga ah uu u sii raacdo.

Waa subaxnimo Talaado ah, saacaddu waa sagaalkii subaxnimo, waxaa dhowaan qayoostay roob tiix-tiix ah oo bacaadkii degmada u diiday inuu lugaha qofka ku dul soconaya soo raaco ama uu la ciyaaro dabeylaha, caleemaha geedaha waxaa weli ka tifqaya biyihii uu roobku uga tegay oo sidii dhededii uga hooraya.

Abuu Colaad oo si wanaagsan ugu soo barqeystay gurigiisii ay min-weynta (haweenaydii koowaad ee uu guursaday) deggenayd ayaa isku soo dhigay waddada tagta xaruntooda oo galbeedka degmada ku taalla, in cabbaar socod ah ayey isu jiraan guriga uu saakay ka soo quraacday ee uu xalay ku hoyday iyo saldhigga ay ciidamada iyo Marin-habaabiyeyaasha ay jaalka yihiin isugu yimaadaan ee shaxda siyaasadeed ee maalmahaan la ciyaaro lagu qorsheeyo.

Sidii uu marba salaan nooc ah uga hor geynayay qofkii ay dhabbaha isku weydaartaanba, ayuu 15 daqiiqo kaddib soo gaaray xeradii. Wejiyo wada farxad leh ayaa lagu soo dhoweeyay, way isaga farxayaan mooyaane wax gaar ah oo ay ku jecel yihiin ma jiraan, oo maxayba ku jeclaadaan? cid og ujeedkiisa rasmiga ah ama sheekada ay isugu baxdo ma jirto, keliya waxay ugu farxayaan waxay og yihiin kor ahaan inuu halgankoodii hore kaalin fiican kaga jiro, taasina waxay ku ogaadeen dusha sare ayay kala socdaan inay godka laga ciyaarayo jarta isla dejiyaan isaga iyo Abuu Seef, oo badankood macallinkooda ah.

Xeradu waa meel horay u ahaan jirtay dugsi waxbarasho oo ay dowladdii hore maamuli jirtay, qolalka ay hadda howlahooda u adeegsadaan waa fasalladii dugsiga oo ay dayactir ugu dambeysay labaatan sano ka hor, markaasoo ay dowladdii hore dalka maamuleysay. Barxaddii ay subaxa hore safka ka geli jireen ardayda inta aan loo fasixin fasallada iyo meel yar oo ay kubbadda ku ciyaari jireen carruurta, ayaa hadda u ah barta ay ku gaardiyaan dableyda Marin-habaabiyeyaashu ku tababarto askartooda aan da’ba gaarin.

Dadka xerada jooga waxay u badan yihiin dhallinyaro aad mooddo in la isku soo xulay marka aad u fiirsato da’aaddooda, waxay ka siman yihiin gar fiiqan oo isku qaab ugu jaran iyo madax xiiran ama aan iraahdo madaxyo timo yar oo la simay leh, surwaallo lugaha loo gaabiyay ayey wada gashan yihiin, indhahooduna marka ay ku eegayaan wey ku daba marayaan, oo qofka ay ku cusub yihiin wuuna ka naxayaa oo eegmo naxariis daran ayay indhaha kugu wada gubayaan.

Rag odayaal ah oo aan badneyn iyagana dhinac bay ka joogaan xerada, waxaa qolalka qaar lagu xareeyaa rasaasta iyo hubka. Iridda hore marka laga soo galo waxaad arkaysaa gawaari isku nooc u badan oo si aan habaysneyn meelo teel-teel ah u yaalla.

Abuu Colaad sidii uu u soo durdurinayay ayuu abbaaray geed uu inta badan kula kulmo saaxiibkiis Abuu Seef, laakiin subaxaan wuxuu yimid Abuu Seef oo maqan, xilligan oo kale loogama baran inuu ka maqnaado xerada, malihiisa wuxuu u qaatay inuusan fogayn, wuxuuna goostay inuu ku sugo geedka hoostiisa, halkii buuna fariistay.

Shan daqiiqo ma aanu fadhin markii uu u soo muuqday Abuu Seef oo socodka boobaya oo xaggiisa u soo socda, markiiba way isa salaameen, Abuu Colaad ayaa saaxiibkiis Abuu Seef ku soo dhoweeyay fadhiga, si ay u sheekaystaan.

Abuu Seef wuxuu ka mahad-celiyay soo dhoweynta Abuu Colaad, kaddibna waxay guda-galeen inay ka wada hadlaan hawshooda curdanka ah, hase ahaatee ujeeddada fog laga leeyahay, oo iyaga xitaa ay gambarka gaaban isugu fadhiyaan.

Abuu Colaad ayaa si kaftan ah ugu sheegay saaxiibkiis inuu ka dareemayo rayn-rayn, wuxuuna uga gudbay inuu weydiiyo danahoodii waxa ka qabsoomay iyo sida uu xaal yahay iyo hawlihii ugu dambeeyay ee uu u diray wixii uu kala soo kulmay.

Abuu Seef ayaa u sharraxay saaxiibkiis tallaabooyinkii uu maalmahaan is-daba dhigaayay, wuxuuna ku soo xooriyay inay wax kasta guul ugu dhammaadeen, taasoo farxad gelisay ninkii Abuu Colaad ahaa oo ugu namacleeyay, “waan kugu ogaa hawl- karnimadaas,” ayuu yiri, “nin xaniinyo badan baad tahay, oo waan kaa filaayay, “Maashaa Allaah,” ayuu si goos-goos ah isugu daba dhigay.

Sheekada oo laga dhexgalay ayuu u sii ruuqaansaday inuu dhammeystiro Abuu Seef, oo ay filan-waa ku noqotay sida uu sheegay in ilaa xadkan oo soo dhaweyn ah ay dadka kala kulmeen, sida loo taabacay, dadku uga dambeeyaan, loogu riyaaqay oo dhammaanba madaxiisa ka weynaatay, “waan soo daahnay oo in aan mar hore dadkaan u imaanno ayay ahayd,” ayuu yiri isagoo dhoolla-caddeynaya.

Abuu Colaad ujeeddadiisu intaas wey ka gun-dheer tahay, caabboonaanta uu ka dareemayo ninka Seef ah iyo dadweynaha loo tebinayo wararkooda ayuu rabaa inuu ka faa’ideysto. “Hadda waa inaan tallaabo kale sii qaadnaa oo ciidan badan deg-deg u qorannaa, si aan ammaanka guud ahaan u sugno,” ayuu si amar ah u yiri. Abuu Seef- na, “waa khasab” intuu yiri ayuu ku raacay, isagoo danta ummadda ku barxaya sheekadiisa iyo danihiisa gaarka ah.

In ummadda loo shaqeeyo waa la isugu wacdinayaa, waxa ka dhab ah baanse la ogeyn, waxaase sheekada Colaad ku jirta, “waan u shaqeyneynaa ummadda, annagana wax fiican baan ka shaqeysaneynaa adduunyo iyo aakhiraba, oo ninna dan la’aan uma hawlgalo,” ayuu yiri, isagoo mooday sir uurkiisa dhex jiiftay inuu afku ka soo xaday si aan ula kac ahayn, ayuu sheekadii ku barxay wacdi, “waad la socotaa bay ila tahay in ajir badan iyo xasanaadba aan ka heli doonno hanuuninta bulshadeenna”, ayuu yiri.

Abuu Seef erayadaas dambe madaxa ayuu u ruxay, wuxuuse uga gudbay inuu soo bandhigo baahi taagan, waa sidaasoo, xil baa deegta loo suray, waa inuu hindisaa qorsheyaal hor leh oo wax ka tari kara hawshooda. Abuu Colaad wuxuu gaarsiiyay farriintii uu xalaydan ku soo fikiray ee uu u heellanaa inuu waqtigu ku simo mar uun inuu dhegaha Abuu Colaad gaarsiiyo.

“Hadda waa inaan raadinnaa hanuuniyeyaal (Marin-habaabiyeyaal) carruurta waxbari kara, illeen dhallinyarada in ciidan laga dhigo waxaa ka horreysa in loo sheego faa’iidada uu jihaadku leeyahay iyo wanaaggiisa, iyo waxa ay difaacayaan iyo weliba sababta aan uga dhigeyno ciidan noo adeega oo danaheenna noo ilaaliya,” ayuu yiri, isagoo og in carruurta hadda xaraysan aanay waxbarasho la’ayn.

Abuu Colaad si deggan ayuu ugu sheegay saaxiibkiis Abuu Seef inuu u hayo macallin aan waxba loo sheegeyn, oo howlahan oo kale xariif ku ah, oo waaya-arag ah oo hawsha inuu yaqaanno aanu muran ka taagnayn, waxaase uu Abuu Colaad qorshaha ku darsaday in aanu macallinkaasi la shaqeyneyn, iyadoon dhaqaale meel loo saarin, oo mararka qaar mushaarkiisa abaalmarinno ka bannaanka ah la siiyo oo haddii kale aanay waxba soconaynin.

Wuxuu ku dheeraaday inuu ka faalleeyo macallinkaas, waxaase ka dhex galay Abuu Seef oo sugi kari waayay magaca ninkaas, oo “magaciis macallinkaas?” ayuu isla markiibka la soo booday. Kuma uusan daahin Abuu Colaad inuu ku dhawaaqo magaca Macallin Duufiye oo markii Abuu Seef dhegahiisa lagu dhibciyay ula muuqday mid aan ku cusbayn.

“Waan maqlay, wallee iguma cusba ninkaasi, wey I soo gaartay in carruurta uu wacdiyo oo dabadeedna aanay carruurtu dib uga soo laabaneyn hadba hawshii loo diro,” ayuu yiri Abuu Seef oo garkiisa weyn shanta farood kula jira, weli ra’yi soo gudbintiisii ayuu ku dhex jiraa, wuxuu sheegay inaanu macallinkaas keligiis ku filneyn, illeen wuxuu ogyahay tirada carruurta ah ee xerooyinka iyo madrasooyinka kala duwan ugu xareysan.

Abuu Colaad wuxuu ku adkeystay inuu halkaan macallin hadda ku filan yahay, maadaama uu cusub yahay barnaamijkoodu. Abuu Seef oo fikraddiisii dambe lagu soo caarriyay ayaa ka daba geeyay in looga baahan yahay taxaddar badan, sababtoo ah kama qarsoona in marka la barto ay cadow yeelan doonaan, muranna kama taagna, “waa inaan sameysanno hab maamul oo ka taliya deegaan kasta ilaa aan ka gaarno heer qaran iyo weliba heer caalami,” ayuu haddana yiri Abuu Seef.

Taas dambe Abuu Seef wuu ku raacay, wuxuuna u daba dhigay inuu xusuusiyo ganacsatada muhiimaddooda, “waa in shir lala qaataa ganacsatada,” ayuu kula dar- daarmay, wuxuuna ka sare kacay fadhigii, isagoo macasalaameeyay, “waa inoo aragti dambe, iyo nabadey,” ayaa lagu kala istaagay.

Waa duhur ay cadceeddu kulushahay, Ardo waxay ku mashquulsan tahay
hawsheedii caadiga ahayd ee guriga, waxaana wehliya Warsame oo ah dumaashigeed, iyadu waxay alaab ku dhaqaneysaa kushiinka, Warsama-na wuxuu ku jiraa qol ka mid ah qolalka guriga oo martida loogu talagalay, kaasoo ay yaallaan kuraas dhowr ah, waxay sugayaan Abaadir oo ay asaxaab yihiin oo ay goorahaas ballansanaayeen.

Iyagoo isweydiinaya waxa Abaadir habsaamiyay ee aanu waqti hore ugu imaan, ayaa la soo garaacay albaabkii, Ardo waxay markiiba muujisay Abaadir mooyaane inaanu qof kale noqon karin qofka iridda soo garaacay, maadaama ay isaga uun sugayeen.

Markii albaabkii la furay wuxuu noqday Abaadir, si wanaagsan ayay u soo dhoweysay Ardo, isagoo uga cudurdaartay cabbaarka uu ka soo raagay, Ardo oo u sheegeysa inaanay taasi dhibaato lahayn ayaa waxay u tilmaantay qolkii uu ku jiray saaxiibkiis Warsame, gudaha markuu u galay ee ay isa salaaameen, ayay billaabeen sheekooyin goos-goos ah oo nolosha deegaankooda ku saabsan.

Degmada ay ku dhaqan yihiin ma ahan mid ay wararkeeda qarsoomaan, wax kasta oo ku soo siyaada waa la isgaarsiiyaa, carruur iyo cirroole, rag iyo dumar waxaa la isku tebiyaa hadba wixii la arko oo cusub, idaacado iyo wargeysyo ayaa u soo baxa, kuwaasoo door fiican ka qaata inay dadku xog-ogaal u noqdaan noloshooda.

Sidii ay sheekada isugu talantaallinayeen ayaa Abaadir wuxuu Warsame u sheegay inuu deegaanka ka jiro guux, oo ay dadku si aad ah u hadal-hayaan Marin- habaabiyeyaasha, guri, maqaaxi iyo gaadiidka dadweynaha iyaga uun in looga doodo maalmahan dambe.
Warsame ayaa intaas markii ay dhegihiisa gaartay wuxuu saaxiibkiis Abaadir u tebiyay isagu dad waaweyn buuba ka hadlayaaye inay carruurtiisa iyo kuwo da’ ahaan aan waxba dhaamin ay isbuucyadaan ku sheekeystaan hadalladaas waaweyn.

Ardo oo maqleysay sheekada Warsame iyo Abaadir ayaa qolkii ugu soo gashay, waxayna weydiisay, “maxaa loo hadal-hayaa dadkaas?” Iyadoo aan jawaabta kaba sugin ayayna u raacisay inay joogtay maalintii ay dadka isugu yeereen goobtii ay ku kulmiyeen, inay dadku u wada riyaaqeen oo aanay wax xun madashaasi ka sheegin ayay cod dheer ku gaarsiisay, iyadoo diiddan in la dhaliilo.

Abaadir ayaa hadalkii qaatay, isagoo tilmaamay inaanu la socon goorta iyo goobta dadka ay kula hadleen marin-habaabiyeyaasha iyo wixii ay u sheegeen midna, laakiin islaantiisa iyo qaar ka mid ah carruurtiisa ayaa meeshaas tegay, waxayna aad u ammaanayeen marin-habaabiyeyaasha oo u soo gashaday shaarka culimada. Abaadir kulankaas iyo ka sheekayntiisa waxaa uga daran saddex wiil oo uu dhalay oo da’doodu kala tahay 10-jir, 12-jir iyo 14-jir ayaa waxay diideen iskuulladii waxbarashada caadiga ah, markuu kala hadlayna waxay kula doodeen inay wax ka baranayaan madrasooyin ay fureen marin-habaabiyeyaasha.

Abaadir maanta wuxuu rabaa inuu saaxiibbadiis arrimahaas u bandhigo oo uu kala tashado sida uu ka yeeli karo, sidoo kalena uu bal wareysto inay dhibaatadaas la qabaan iyo in kale.

Warsame oo lagala hadlay meel uu damacsanaa in loo rogo mowduuca sheekada ayaa saaxiibkiis Abaadir u sheegay inuusan keli ku ahayn mashaakilkaas, oo isaga qudhiisa ay carruurtiisa isku hayaan dagaal arrintaas ka dhashay, hooyadoodna ay la safan tahay, oo ay ku taageersan tahay inay u wareegaan madrasooyinka. Warsame wuxuu dacwo ka yahay islaantiisa Caasho oo maalintaas wuxuu u yimid guriga Ardo inay walaasheed iyo carruurta ay habaryarta u tahay ka dhaadhiciso iskuulkooda inay sii wataan.

Ardo waxay goorahanba ku mashquulsan tahay soo dhoweynta Warsame iyo Abaadir, waxayna dabka ka soo dejisay shaah ay iyaga u saartay 30 daqiiqo ka hor, iyadoo shaahii soo hor dhigtay, kana codsaneysa inay cabaan ayay kaftankii iyo sheekadii socotay ku soo dhex tuuratay in dadka laga hadlayaa ay toosan yihiin, waxayna soo taxday waxyaabo badan oo wanaag ah oo ay qabteen, waxayna ku doodday hadday fidno-wadayaal yihiin in la wada arki lahaa.

Sida caadiga ah madrasooyinka waxaa lagu bartaa diinta, Abaadir wuxuu sheegay inaanu dhib u arkeyn haddii carruurta diinta loo barayo, hase ahaatee wuxuu ka biyo diidsan yahay in iskuullada laga joojiyo, wuxuuna isweydiiyay, “miyaysan diinta iyo iskuullada isku dhigan Karin carruurta?” Isagoo aan cidna u oggolaan jawaabta su’aashaas ayuu sii raaciyay in isaga iyo waalidiinta la midka ahba ay iskuullada wax ka soo barteen, sidoo kalena ay dugsiyo diimeed soo dhigteen.

Abaadir wuxuu walaac ka muujiyay oo uu sheegay inuu ka carooday markuu arkay carruurta in xeryo lagu xareynayo, waxbarashada caadiga ahna la diiddan yahay oo la leeyahay hub qaata iyadoo laga dhaadhicinayo inay diinta difaacaan! “Waa yaabe, yaa diinta soo weeraray!?” Ayuu yiri isagoo yaab wejiga la kaduudaya farahana taagtaagaya.

“Abaadir waan kugu raacsanahay, cid diinta soo weerartay ma jirto,” ayuu yiri Warsame
oo ku tilmaamay hadalkaas in dadka lagu beer-laxawsanayo oo farsamo kale oo siyaasadeed loogu hoos qarinayo, “dadkeennu 100% waa muslim. Ma haddaan billaabeynaa in aan diinteenna muqaddaska ahi weerarno. Anigu waxaas wax dhici kara uma arko, ee aan ka tabaabusheysano sida aan ka yeeli laheyn arrinkan,” ayuu cod dheer ku yiri Warsame.

Ardo waxay u aragtaa inay Warsame iyo Abaadir deg-degayaan, waxay aamisan tahay in loo kaadiyo oo la arko raggaan sida ay wax u maamulaan. Wax qarsoomi kara inaanay noqon doonin ayay u sheegtay haddii ay hawl gurracan jirto, haddii ay wax ka jiraan arrimaha ay ka hadleen, waqti in la siiyo oo aan la deg-degin ayay ku talisay Ardo, iyadoo sheegtay haddii ay carruurta si qaldan u adeegsadaan ay waalidiintuna sida la habboonaato ku dhaqaaqi doonaan.

Warsame lama aanu dhicin talada Ardo, wuxuuna qabaa shaki xooggan, oo mar haddii ay dantooda gaaran kaddib, oo ay arrimahooda u hagaagaan, oo ay carruurta leexsadaan, haweenkana kalsoonidooda helaan, cid markaas wax ka qaban karta ama u babac dhigi karta aanay jirin ayuu dareensiiyay Ardo iyo Abaadir, “inta ay goori goor tahay aan carruurteenna dib uga soo ceshanno,” ayuu ku taliyay Warsame.

Wuxuu ka cabsanayaa maadaama ay urursanayaan hub badan inaan berri hadalkooda iyo xukunkooda midna la is hortaagi karin, oo ay ciddii ka hor timaada qoorta u dheereyn doonaan.

Arrintaas mid u baahan in laga fiirsado inay tahay ayuu u arkay Abaadir, hase ahaatee, waqti badan oo ay sii sheekeystaan in aanu u harin ayuu u sheegay, oo la joogo xilligii salaadda duhur, “mar kale aan isu imaanno, indho aragti dheerna aan kula soconno carruurteenna iyo wax Alla wixii ku soo siyaada,” intuu yiri ayuu fadhiga ka istaagay Abaadir.

Ardo oo aragtay inuu socod isku diyaariyay Abaadir ayaa isku dayday inay celiso, iyadoo u sheegtay inay qadadii diyaarisay, “ha bixin waanu wada qadeyneynaaye,” ayay tiri.

Wuu ka cudurdaartay Abaadir qadada loogu baaqay, wuxuuna u sheegay Ardo inuu la bllansan yahay asaxaab kale. Warsame ayaa isna fadhigii ka istaagay oo Ardo u sheegay inuu Abaadir horay u sii raacayo.

Ardo markii ay aragtay inay is raacayaan ayay macasalaameysay, iyadoo u sheegtay inay reeraha soo booqan doonto, sidii ayaana maalintaas lagu kala tegayi.