Cutubka 1aad

Ninkii la odhan jirey Mistar Joonis ee lahaa beerta lagu magcaabo ‘Beerta Maanor’ ayaa habeennimadii quful ku soo jebiyey xeryihii digaagga. Hase yeelshee, khamrigii uu iska badiyey ayaa illowsiiyey in uu sii xidho daloollada laga eego xayawaanka xereysan. Isaga oo kaalmeysanaya weegaartii iftiinka ahayd ee faynuuskii uu sidtey sameeyey ayuu mar kaas sii dhacdhacay qolqolka isaga oo leexaysanaya. Irriddii danbe ee guriga markii uu gaadhay, kabihii ayuu iska dhilliyey. Haan biire ku jirey oo qolka weyn tiilley ayuu mar kaas ka shubtay bakeeri isaga oo is-leh kaasi ha kuugu danbeeyo. Bakeeri gaas markii uu laacay ayuu ku ciiray sariir tiisa oo afa diisu durba ka sii khuurineysey.
Iftiinkii ka baxayey qolka Joonis seexdo markii uu demey ayaa nuuxnuuxsi, dhaqdhaqaaq iyo baalal bafbaf toodu saameeyeen beerta oo dhan. Sababtu waxay ahayd iyada oo maalinnimadii la isku sii war geliyey in Duqqa Mijir ku riyooday xalay riyo amankaag leh. Duqqa Mijir waxa uu ahaa doofaar cad oo qoodh ah, billadona ku helay bandhigyadii xoolaha ee la geeyey. Wuxuuna rabey in uu gaadhsiiyo xayawaanka kale riya diisu waxa ay ahayd. Si daas ayaa la isu sii war geliyey in lagu kulmi doono xerada weyn ee beerta, goorta uu horreysa ee Joonis aanu ka dhoweyn meelsha. Duqqa Mijir had iyo jeer magac caas ayaa loogu yeedhi jirey in kasta oo magacca lagu geyn jirey bandhigga xoolaha ahaa Quruxdii Magaalada Wellindhon aad baa looga qadderin jirey beerta. Si daas dar teed, xayawaanku waxay u wada diyaar ahaayeen in ay saacad hurda seegaan si ay u dhegeystaan waxa uu odhan doono.
Xeradaas weyn ee lagu shirayey waxay lahayd meel ka taagan xerada in teeda kale oo rako oo kale ah. Hal kaas ayaa Duqqa Mijir soo kuududsaday isaga oo caws u goglan yahay, faynuusna kor sudhan yahay. Duqqa Mijir waxa uu ahaa laba-iyo-toban-jir ay fuulshay baruur dheeraad ahi beryahan danbe. Taas oo jirtey ayuu haddana weli lahaa muuqqii boqor lahaan jirey. Weji giisana waxa ka muuqdey murti-badni iyo raxmad, in kasta oo foolalsha dhaadheer aan laga gaabin marna. Muddo yar daba deedna, xayawaankii baa ku soo qulqulay xerada lagu shirayey, hal kaas oo koodii yimaaddaaba u fadhiistay sidii uu jeclaa. Waxa u soo horreeyey saddexdii ey: Buluubel, Jesi iyo Binjar. Waxa ku xigey doofaarrada oo iyagu dul kamandhuudhsaday caws goglanaa meel xerada xag geeda hore ah oo rakada aad ugu dhow. Digaaggu waxay fuuleen daaqadaha iyo irridaha dul shooda. Lo’dii iyo idihii waxay fadhiisteen meel ah doofaarrada dhabar kooda oo kolkiiba bilaabeen calalnaqsi. Labadii faras – Boskar iyo Koloofar – ee gaadhi-faraska jiidi jirey, dhuukin bay ku soo wada galeen, iyaga oo aad uga digtoon meelsha ay qoobabka dhigayaan si aanay ugu tuman xayawaanka yaryar ee laga yaabo in ay ku qarsoon yihiin cawska hoos tiisa. Koloofar waxay ahayd geenyo shilis oo fildhexaad u saaran cidhifka. Afar-dhal keeda dabadiina waxa ka lumay sabarkii ay lahaan jirtey markii ay ugbeyd. Boskar se waxa uu ahaa faras aad u weyn oo joog giisu ku dhow yahay siddeed iyo toban taako, laxaad kiisuna u dhigmo laba faras laxaad kooda oo la isu geeyey. Waxa uu lahaa oog cad oo kaga dhereran sanka, oog taas oo Boskar u yeelshay arag doqonniino*. Sida runtu ahaydna, Boskar laguma xaman jirin fahma-badni iyo maskax-wanaag midna. Hase yeelshee, xayawaanku sida ay u dhan yihiin waxay Boskar ku qadderin jireen degganaanta dabeecad diisa iyo hawlkarnima diisa. Labada faras waxa daba joogey ridii caddayd ee Mureel iyo dameerkii Benjamin. Benjamin dhif iyo naadir buu yeedhi jirey. Kolka uu yeedhona waxa uu badanaaba nololsha ka abbaari jirey dhinacca gurracan. Benjamin haddii lagu yidhaahdo: dabada waxa Eebbe kuu siiyey in aad iskaga hirto duqsiga, waxa ka suuroobi lahaa in uu yidhaahdo, “Oo maa duqsiga iyo dabadaba la naga deysto.” Taas waxa u sii dheeraa isaga oo ahaa xayawaanka keli ah ee beerta ku nool ee weligiis iyo waaqqiis aan qoslin. Haddii sababta la weydiiyeyna, wax uu ku jawaabay in wax lagu qoslaaba aanay jirin. Dabeecad diisa oo si daas u adkeyd, ayuu haddana u daacad ahaa Boskar, in kasta oo isagu marna aanu arrin taas qiran. Maalmaha Axadaha ee hawlsha laga nasanayo, waxa labadu wada joogi jireen jeex ahaa beerta tufaaxxa shisha deeda, hal kaas oo ay aamusnaan isku barbar daaqi jireen.
Labada faras oo mar kaas uun fadhiistay ayaa xayn is-daba guureysa oo dhallaanka shinbir-badeedda ahi soo galshay xerada. Xayntu, mid hore u rajowday bay ahayd. Iyaga oo jiiqjiiq leh oo hadba dhinac isu gurdan raacaya ayaa shinbirihii yaryaraa daydaydeen meel ay fadhiistaan oo aan lagu tuman karin. Tamar-darri dooda markii ay aragtay ayaa geenyada Koloofar ugu sameysay jeenya heeda xero ay dhex galeen oo durbadiiba ku gam’een. Waqtigii loo ballamay shirka oo wax door ahi aanay ka hadhin ayay soo galshay Moolli, geenyadii caddayd ee nacasta quruxda badan ahayd, Joonisna u jiidi jirtey gaadhiga uu fuulo. Waxay soo galshay iyada oo is-luleysa, kuus sonkor ahna qadhiidheysa. Sidii ay u soo socotey bay fadhiisatay meel ah xerada xag geeda hore. Markii ay fadhiisatayna waxay bilowday guud keeda cad oo ay lulsho, iyada oo yididdiilo ka qabta in indhaha xayawaanka kale qabtaan boqorka cas ee guud keeda ku shaqlan. Ugu danbeystii, waxa soo galshay bisaddii oo sida caada deedu tahay daydayatay meelsha ugu dugsoon xerada. Go’aan keedii waxa uu noqday in ay isku cidhiidhido Boskar iyo Koloofar dhex dooda, hal kaas oo ay raalli ku noqotay, kana gurxantay muddadii Duqqa Mijir jeedinayey hadal kiisa oo dhan, iyada oo erey keli ah aan ka dhegeysan waxa uu ku hadlayey.
Si daas ayaa xayawaaka beerta oo idili u wada yimaaaddeen, Moosis ma ahee. Moosis waxa uu ahaa coomaadde la rabbeeyey oo ku guud seexan jirey udub ku quturan irridda danbe ee guriga Joonis hor teeda. Duqqa Mijir goortii uu arkay in la wada meel samaystay oo waxa uu odhan doono loo wada feejig yahay, ayuu qufac yar ku bannaystay dhuunta. Hadal kiisii buu mar kaas bilaabay; wuxuuna yidhi:
“Jaallayaal, waydin wada maqalsheen in aan ku riyooday xalay riyo amankaag leh. Aniga oo goor dhow idiin sheegi doona waxay ahayd riyadu ayaan jecleystay in aan ka horreysiisto arrin kale. Jaallayaal, kuma wado in aan idinla sii joogi doono bilo badan. Si daas dar teed bay ila noqotay in waajib kaygu, inta aanaan dhiman, yahay in aan idiin soo gudbiyo waxxii aan murti hantiyey. Sida aydin wada og tihiinna, muddo dheer baan noolaa, waqti badan oo aan ku fekerona waan haystey in tii aan jiifey xera dayda. Mudda daana, nololshu waxay tahay aad baan uga fekeray. Imminkana waxay ila tahay in aanu jirin xayawaan keli ah oo iiga aqoon badan nololshu waxa ay tahay.
“Haddaba jaallayaal, maxay tahay nololshan aynnu nool nahay? Runta haddii aan la iska indha saabin, nololsha aynnu nool nahay waa mid silic, saxariir iyo rafaadba leh, oo gaaban. Nolol sheennuba waxay ka kooban tahay innaga oo dhalanna; inta aynnu nool nahay, innaga oo la inna siiyo cunto wax-tar keedu ku kooban yahay jidhka iyo lafaha oo ay isku hayso; innaga oo kuweenna awoodda leh lagu dirqiyo in ay adeegaan ilaa la gaadhsiiyo meelsha u danbeysa itaal kooda; innaga oo naxdin-la’aan birta la inna mariyo marka aan faa’iido danbe innagu hadhin. Si daas ayaan xayawaan keli ah oo Iglan ku nooli u aqoon badhaadho iyo nasasho waxa ay yihiin. Si daas ayaan xayawaan keli ah oo Iglan ku nooli u madax bannaaneyn, si daas ayaa nololsha xayawaanku nool yihiin u tahay silic iyo addoonsi. Runta oo qayyaxani waa si daas.
“Haddaba aan is-weydiinno, ee ma waxay si daas ku noqotay dabeecadda iyo nidaamka adduunka oo si daas wax u habeeyey? Ma dhul keennan baa sabool ah oo, kuwa ku kor nool, aan u awoodi karin nolol sharaf leh? Maya, jaallayaal, kun jeer baan leeyahay maya! Ciidda Iglan waa mid wax ka baxaan, hawa deedu waa mid wanaagsan, awoodna waxay u leehday in ay soo saarto cunto ka fara badan xayawaanka eegga ku kor nool. Beer teenna keli geed waxay hayn kari lahayd laba iyo toban fardo ah, labaatan lo’ ah, iyo tirooyin ido ah, iyaga oo ku wada nool nolol leh raaxo iyo sharaf ka ballaadhan wax aynnu imminka ka fekeri karno. Haddaba, sababta aynnu nololshan silicca leh ugu waareynaa maxay tahay? Sababtu waxa weeye iyada oo Bani- aadmi innaga wada xado tacabka hawl sheennu dhaliso wax yar ma ahee. Hal kaas weeye, jaallayaal, barta laga heli karo jawaabta dhibaatooyin keenna. Erey keli ah ayaa lagu soo koobi karaa dhibaatooyin keenna oo idil – erey gaas oo ah: Bani-aadmi. Bani- aadmi waa nacab keenna keli ah ee dhabta ah. Bani-aadmi ka fogee meelsha, wax la waayi doonaa wax kasta oo sabab u ah macaluul sheenna iyo luufluuf keennee.
“Bani-aadmi waa san-ku-neeflaha keli ah ee wax cuna isaga oo waxba aan soo saarin. Caano lagama maalo, ukun ma dhalo, itaal uu beeraha ku qodo iyo dheereyn uu bakaylaha ku qabsado midna ma leh. Haddana, Bani-aadmi waa sayidka xayawaanka. Isaga ayaa xayawaanka hawl geliya, daba deedna isaga ayaa xayawaanka kale dib ugu soo celiya cunto inta u yar ee macaluul- u-baqti ka baajisa. Inta kalena isaga ayaa la hadha. Xoog geenna ayaa ciidda qoda, saala deenna ayaa nafaqaysa; haddana, innaguma jiro mid keli ah oo haysta wax maqaar kiisa dhaafsiisan. Lo’dan i hor joogtaay, immisa kun oo galaan oo caano ah ayaa la idinka lisay sannaddii tagtay? Maxaase ku dhacay caana haas aydin ku kobcin lahaydeen weyla hiinna? Dhibic wal oo caana haas ahi waxay martay jidiinka nacab keenna. Idinka digaagow, intee baydin ukun dhalsheen sannadkan? Ukun taase intee baa ka dillaacday? Intii dillaacday ma ahee, intii kale oo dhan waxa la geeyey suuqqa, si ay ugu soo hoyso lacag Joonis iyo ciidan kiisa. Adigan Koloofar ahna, aaway afar taadii qayli ee duqnima daada u noqon lahaa taageero iyo farxad? Gu’-jir baa mid walba lagu gaday. Mid koodna weligaa dib u arki meysid. Muxuuse noqday abaalgudkii afar-dhal kaaga iyo hawlaha aad ka qabato beerta? Cunto yar iyo xero-faras mooyaane wax kale ma ka haysaa?
“Iyada oo si daas ah, ayaan haddana nolol shaas silicca leh loo oggoleyn in ay dhammaysato geda heeda. Anigu haddii aan iska hadlo, kolleyba caban maayo oo laba iyo toban gu’ baan ka gooyey baarka, carruur boqol kor u dhaaftayna waan dhalay. Laba iyo toban guna waa inta ay ku sugan tahay nololsha doofaarku. In kastaba ha gaadhdho nololsha xayawaanku, ee kolleyba waa tii dhegta dhiigga loo daray. Idinka doofaarradan gabannada ah ee hilibka loo dhaqo ina hor fadhdhiyow, mid wal oo idinka mid ahba sannadku inta aannu dhammaan baa sariibadda naftu cabaad kaga bixi doontaa. Dhammaan teenna cidhib-xuma daas ayaynnu ku danbayneynaa: lo’, doofaar, digaag iyo ido, mid kasta aan ahaannee. Fardaha iyo eyduna ma aayatiin dhaamaan xayawaanka kale. Adigan Boskar ah, maalinta u horreysa ee muruq yadaadu debcaan ayaa Joonis kaa iibin doonaa farda-qalaha; kaas oo ku gowrici doona, kuna karkarin doona si ay kuu cunaan eyda lagu ugaadhsadaa. Eydu goorta ay duqoobaan oo ilka beelaan, Joonis inta uu qoorta ugu xidho dhagax, ayuu ku hafiyaa balliga ugu dhow.
“Haddaba jaallayaal, miyaanay dharaar ka caddayn in ilsha ibtilooyin keennu ka soo burqanayaan tahay dulmiga Bani-aadmiga? Ha huleelo Bani-aadmi, si aynnu u hantino midhaha tacab keenna; ha huleelo Bani-aadmi si aynnu, habeeniyo dharaar dhex dooda, u noqonno hodon madax bannaan. Maxaa haddaba innala gudboon? Maxay kale oo aan ahayn in aynnu habeen iyo dharaar awood deenna isu geynno, una halganno af-gembiga Bani-aadmiga!
“Jaallayaal, waa kaas dardaaranka aan idiin soo jeedinayaa: Kacaan weeye arrinta innala gudbooni! Mana ogi goorta kacaan kaasi iman doono. La arkee in uu yimaaddo toddobaad kan guda hiisa, lana arkee in uu qaadto boqol gu’. Waxa aanse hubaa, sida aan u hubo in uu jiro caws kan addima dayda hoos goglani, in caddaaladi hir geli doonto ha dheeraato muddadu, hase dhowaatee. U feejignaada arrin taas jaallayaal, muddada gaaban ee aydin nool shihiin. Feejigaanta ka sokow, dardaaranka u tebiya kuwa idinka danbeyn doona si filalka danbe u wadaan halganka, ilaa ay guuleystaan.
“Xusuusnaada, jaallayaal, oo waa in aan marna niyad-jab idinku dhacin. Muran iyo tusaaleyn kastaa waa in aanay idin habaabin, dhegna waa in aydaan u dhigin kolka ay idiinku sheekeeyaan in Bani-aadmi iyo xayawaan dan wadaagaan oo badhaadhaha mid kood helaa tahay kan kale badhaadha hiisa. Been weeye wax xaas oo dhammi. Dan la wadaagaana ma jirto. Bani-aadmina uma adeego dan aan tiisa ahayn. Ogaada oo xayawaan haddii aynnu nahay, waa in halgan keennu innagu dhex abuuraa midnimo iyo jaallanimo saxar la’. Ogaada oo Bani-aadmi meel uu joogoba waa col, xayawaanna waa wada jaallayaal.”
Hadalkii Duqqa Mijir oo hal kaas maraya ayaa xayawaankii mar keli ah buuq isku wada dareen. Malaha intii Duqqa Mijir hadlayey ayaa afar jiir ka soo baxeen godad koodii. Qaarka danbe inta ay ku soo fadhiisteen ay ay hadalka dhegeysteen. Jiirka arag giisii baa haddaba wax lama-filaan ah ku noqday eydii. Qabsada, markii ay is-yidhaahdeen ayaa jiirkii degdeg libiq ugu yidhaahdeen godad kooda si ay u badbaadiyaan nafa hooda. Duqqa Mijir baa mar kaas raafka kor u taagay si loo aamuso; wuxuuna yidhi:
“Jaallayaal, waxa inna hor taal arrin mudan in meel la isla dhigo. Aan is-weydiinno, ee xayawaanka debed-joogga ah ee jiirka iyo bakayluhu ka mid yihiin, ma innala saaxiib baa, mise waa innoo nacab? Cod aan u qaadno arrin taas. Su’aalsha aan shirka soo dhex dhigayaana waxa weeye: Jiir ma yahay jaalle?”
Hal kii baa cod degdeg ah lagu qaaday. Badina waxa la isla oggolaaday in jiir yahay jaalle. Afar diidmo oo keli ah ayaa jirey. Afar taas diiday jaallanimada jiirka waxay kala ahaayeen saddexda ey iyo bisadda. Mar danbena waxa la ogaaday in bisaddu labada dhinacba’ siisay codka. Duqqii Mijir ayaa daba deed hadal kiisii wadtay oo yidhi:
“Wax yar uun baa ii hadhay in aan idhaahdo. Waxa aan idinku adkeynayaa in aydin weli giin xusuusnaataan waajib kiinna ah neceybka Bani-aadmiga iyo dhaqan kiisa. Xusuusnaada oo laba- addinle meel uu joogoba col baynnu nahay; afar addinle iyo haadna saaxiib baynnu nahay. Iyana xusuusnaada oo dagaalka aynnu Bani-aadmi la galnaa yaanu Bani-aadmi innoo ekeysiin. Ha qaadanina waxyaalaha uu ku camal falo goorta aydin Bani-aadmi jebisaan. Xayawaan waa in aanu weli giis ku noolaan guri, ku seexan sariir, galshan dhar, cabbin khamri iyo buuri, taaban lacag, ganacsina gelin. Ogaada oo caadooyinka Bani-aadmiga oo idili waa saancad. In taas oo dhan waxa ka sii weyn, in xayawaanna aanu dulmin mid kale. Ogaada oo mid itaal daran iyo mid itaal weyn, mid xeel dheer iyo mid kaleba, walaalo ayaynnu wada nahay. Xayawaanna waa in aanu mid kale ka gelin dhagar. Xayawaan oo idili waa siman yihiin.
“Imminkana, jaallayaal, wax baan idiinka sheegayaa riya daydii xalay. Riyadu sidii ay ahayd idiin kuma tilmaami karo. Waxay ahayd riyo ku saabsan sida dunidu noqon doonto goorta Bani- aadmi la waayo. Waxay i xusuusisay waxyaalo aan beri hore illaabay. Waxay i xusuusisay waqti hore oo imminka laga joogo guyaal badan, aniga oo gaban ah, oo hooyaday iyo doofaaradaha kale ku heesayaan hees gabowday oo ay ka yiqiinneen codka iyo saddexda erey ee u horreeya. Anigu dhallaannima daydii baan codka maqli jirey oo iqiin; hase yeelshee beri hore ayuu ka baxay maskax dayda. Xalay baase codkii iigu yimi riyada. Soo-laabashada codka waxa ka sii darnaa midhihii heesta oo dhan oo iyana igu soo duxay – midho aan hubo in ay yihiin kuwo xayawaankii hore ku heesi jirey, hase yeelshee muddo dheer la hilmaamay. Imminkana jaallayaal, hees taas ayaan idiinku heesayaa. Duqna waan ahay oo cod kaygu xabeeb buu leeyahay. Hase yeelshee idinka ayaa si fiican ugu heesan doona kolka aan idin baro codka. Heesta wax la yidhaahdaa ‘Iglan Xoola heedow.'”
Mar kaas ayaa Duqqii Mijir dhuunta ku banneystay qufac yar oo bilaabay heestii. Sidii uu sii sheegay, xabeeb baa cod kiisu lahaa; hase yeelshee si aad u ladan buu ugu luuqeeyey. Luuqda heestu waxay ahayd mid dhiigga dhaqaajinaysa, midha heeduna waxay ahaayeen:
Iglan xoola heedow, Ayrlaan ku weedow,
Idil adduunya deennana, ood kastaba ku noolow,
Akhbaar farax ileeyoo, aaya heenna dahabka ah,
Imaatin kiisa sheegay, si aad ah u dhegeyso.

In kastaba ha raagtee, way iman ayaaniyoo,
Dhibaha aadmi gaas wada, afgembi baa ku dhaciyoo,
Iglan beera heedaas, anfaaci goodu badan yahay,
Aadmiga la’aantiis, asal keen baa u hadhiyoo.

Adayg-badan giraangir ah, sanka iga aroorsheen,
Udubka adhaxda lay sudhay, had walba ku adeegona,
Way aasmi doonaan oo, arag good la waayiye.

Xakamaha af kaygiyo, ilka hayga gaamuray,
Irbadaha i mudmudayee, orod igaga doonaan,
Isticmaal la’aantuba, aayar way u daxaleyn,
Ma-arxame karbaashkana, eedaad kiisu waa hadhi.

Hodonnimo intay tahay, astaame heedu koobneyn,
Sarreen aan in yar ahayn, heed aad u tira badan,
Cawska udugga badaniyo, ootis aan xadba lahayn,
Digirta ayni geediyo, alaab aanan tirin karin,
Innagaa u aayiyoo, ubad keenna dhaxalsiin.

Iglan beera heedaas, iftiin baa dhammaynoo,
Biyuhuna intii hore, waa ka arag samaanoo,
Ur waxay mudteeniyo, usgaggu waa ka teigiyoo,
Eeggaan xorownona, ufo caafimaad oo,
Ka udgoon intii hore, ooga deenna mariyoo.

Idilkeen haddaan nahay, in kastay ogaal tahay,
Oogsashada aroor taas, hor teed aynnu eber nahay,
Ujeeddada ayaan taas, waa in loo adeegoo,
Ka-xorow addoonsiga, awood weyn la saaraa.

Iglan Xoola heedow, Ayrlaan ku weedow,
Idil adduunya deennana, ood kastaba ku noolow,
Si aad ah u dhegeysoo, akhbaar taydan nololshiyo,
Aaya heenna dahabka ah, imaatin kiisa sheegay,
Arlo intaad degtaaniyo, adduunyada ku faafiyoo.

[‘Oats’ (oo u dhigmaysa – ootis) waa erey Ingiriisi ah oo ogaan meelshiisa aannu ugu deynnay; waana midho u baxa sida qamandida oo laga sameeyo boorijka.]

Heesta la heesay ayaa xayawaanku la wada jibboodeen. Duqqa Mijir oo heesta dhammaad keediiba aan gaadhin, ayaa xayawaanku markiiba bilaabeen in iyagu heesaan. Cid kaleba iska dhaaf, ee ku woodii u dammiinsanaa baa qabtay luuqda heesta iyo dhawr erey oo midhaha ka mid ah. Ku woodii fahmada badnaa, sida doofaarrada iyo eyda, cabbaar yar haddii la joogeyba, midhihii heesta oo dhan bay ka hayeen korka. Dhawr jeer oo tijaabo ah markii la sameeyey ayaa lagaga dayyaamiyey heesta ‘Iglan Xoola heedow’ iyada oo si aad ah la isula helay. Lo’, ey, ido, fardo iyo shinbiro, mid kastiba waxa uu heesta ku qaaday cod kiisa u gaarka ah. Dhammaan toodna si aad ah ayay heesta u jecleysteen oo waxaba suuroobi lahaa in ay heesta wadaan habeenku sida uu u dhan yahay haddii aan laga soo dhex gelin.
Nasiib-darri dooda, dayyaankii heesta ayaa baraarujiyey Joonis oo kol kiiba ka soo booday sariirta. Waxa uu mooday in dawaco soo galshay qolqolka oo soo dhufsaday bunduq had iyo jeer ugu tiirsanaan jirey qolka uu seexdo. Sidii uu tooganayo mugdiga habeenka ayuu mar kaas is-raaciyey dhawr xabbadood, ku waas oo isku aasay xerada lagu shirayey derbi geeda. Si daas ayaa shirkii loogu kala yaacay iyada oo xayawaan kastiba u cararay meelshii uu seexan jirey. Shinbiruhu markiiba waxay u balow yidhaahdeen daloolladii ay seexan jireen; xayawaanka kalena waxay ku wada kor xasileen cawskii u ahaa gogolsha. Muddo yar daba deedna beerta oo dhanba waa laga hurdey.

aragtidaada nala wadaag...