Cutubka 5aad

Jiilaalku kolkii uu sii jiidtay ayay korodhtay fadqalallada geenyada Moolli. Aroor walba hawlsha ayay ka daahaysey. Cudurdaarna waxa ay ka dhiganeysey in hurdadu la tagtay. Cudur haya oo dahsoon, goor walba way ka caban jirtey, in kasta oo nafsadda ay u haysey cuntada aad u fiicneyd. Mar kasta oo marmarsiiyo ay u hesho, waxa muuqdey in ay sagsaageyso hawlsha. Inta ay hawlsha si daas uga baxsato ayay aadi jirtey balliga laga cabbo, hal kaas oo ay si doqoniimo leh ugu dhaygagi jirtey muuq qeeda ay ka dhex aragto biyaha. Weliba waxa in taas dheeraa nuxnux kale oo beryahan danbe la isla dhex marayey oo ka sii darnayd ceeba heedaas hore. Nuxnuxda oo si daas u meereysaneysa ayay, maalintii danbe soo galshay qolqolka, Moolli oo daba deeda dheer la dheeleysa, cawsna calalshaneysa, iyada oo aad u faraxsan. Geenyada kale ee Koloofar baa mar kaas barbar ugu yeedhatay oo ku tidhi:
“Moolliyey, maanta waxa aan doonayaa in aan kaala hadlo arri halis weyni ku sugan tahay. Arrintu waxa weeye, aniga oo saak ku arkay adiga oo sii taagan oodda u dhexeysa beerteenna iyo Beerta Bilkinton. Oodda dhinac ceeda kale waxa soo taagnaa ni ka mid ah ah ciidanka Bilkinton. Aadna waan idiinka durugsana goorta aan id in arkay. Hase yeelshee, waan hubaa in aan arkay isaga oo kula hadlaya, adiga oo weliba u oggolaaday in uu kuu salaaxo sanka. Haddaba, waa maxay waxaasi Moolliyey?”
“Muu samayn! Maan yeelin! Maaha run!” ayaa Moolli ku qaylisay iyada oo dhinacna hayn la’, oo qoobab keedu qaf taas ku hayaan dhulka.
“Moolliyey! I soo eeg! Ma iigu dhaaraneysaa in aanu kuu salaaxeyn sanka?” ayaa Koloofar weydiisay.
Moolli oo ooyeysaana waxay ku jawaabtay, “Maaha run!” iyada oo siin kari weydey Koloofar indhaha. Cabbaar yar daba deedna waxa ay u carartay barbarka beertu ka xigtey.
Haddaba Koloofar baa markiiba fekradi ku soo dhacday. Juuq iyo jaaq iyada oo cidna aan u odhan bay toos u aadday xerada Moolli. Qasabkii yiil xerada Moolli oo ay u rogtey dhinacca kale bay mar kaas ka hoos helshay kuusas sonkor ah iyo xidhmooyin boqorro midab-midab ah.
Saddex maalmood markii arrin taas laga joogey ayaa Moolliba la waayey. Dhawr toddobaad markii war iyo wacaal laga waayey ayaa maalin danbe qoolleydu ku soo warrantay in ay joogto Magaalada Wellindhon barbar keeda shishe. Weliba qoolleydu waxa ay in taas raacisay in Moolli oo mar kaas hor taagneyd makhmaradda magaalada, uu ku xidhnaa gaadhi yar oo qurux badani. Nin buuran oo weji cas, surwaal diillimo lehna galshan baa, sida qoolleydu ku warrantay, afka u gelgelinayey kuusas sonkor ah isaga oo u salaaxaya sanka. Koodh dhowaan loo tolay, iyo boqorro cascas oo foodda loogu qurxiyey baa iyaduna galshanayd. Sida qoolleydu sheegtay, farxad iyo rayrayn baa ka muuqdey Moolli. Magacca Moolli oo lagu soo qaadqaado beerta maalin taas ayaa u danbeysey.
Bilshii Janawari oo bahal dhaxan ah wadata ayaa kol kaas soo galshay. Ciiddii beertana dhaxanta ayaa ka dhigtay bir oo kale. Wax hawl ahna si daas ayaa looga qaban kari waayey beerta. Ha fadhdhido Farow, markii xaalku ku dhacay ayaa shirar badan la qabanqaabiyey. Doofaarradiina waxa ay isku shuqliyeen qorsheynta hawlaha la qaban doono guga soo fool leh, gaar ahaanba imminka oo ay meel martay in doofaarrada keli good gooyaan talo kasta oo ku lug leh siyaasadda maamulka beerta. Si daas waxa ugu wacnaa fiicnaanta doofaarradu ka fiicnaayeen xayawaanka in tooda kale. Taas oo jirtey ayaa haddana weli loo baahnaa in xayawaanka in tooda badani ku raacaan doofaarrada talada ay gooyaan si tala doodu u noqoto meel-mar. Nidaam kaasi, si qumman buu u shaqeyn lahaa haddii aanu jirin asaraarka joogtada ahaa ee dhex yiil Isnoobool iyo Naabooliyoon. Arrin kasta oo muran yeelan kartana, laba dooda ayaa isku diidi jirey oo foodda is-dari jirey. Haddii mid kood soo jeediyo in heedda la beero laga badiyo inta ay tahay, hubaal waxa ahaa in kan kale ka soo barbar jeedin lahaa in qamandida oo la badiyaa ka habboon tahay. Haddii mid kood yidhaahdo beer-heblaayo, kaabashka ayaa si fiican uga bixi kara, kan kale ayaa ka barbar odhanayey in haba yaraatee, aan beer-heblaayo faa’iido u lahayn wax aan ahayn waxyaalaha ka baxa ciidda hoos teeda. Laba dooda mid kastiba waxa uu iska lahaa xayawaan isaga taageersan. Doodo aad u kulul oo ka dhex dhacayna waa loo soo joogey. Shirka inta la joogo Isnoobool baa xayawaanka badi dooda ku soo jiidan jirey khudbad diisa macaan. Naabooliyoonna waxa uu ku fiicnaa sida xayawaanka loogu soo sasabto debedda; had iyo jeerna waxa uu ku guuleysan jirey in uu helo taageerada idaha. Beryihii danbena waxa la arkay idaha oo goor walba ku fadqalalaynaya shirka bacaac dooda “samaa afar lugood, Xumaa laba lugood!” taas oo ay ku celcelin jireen, waqti badanna ku lumin jireen. Waxa iyana la dareemay in idaha bacaac doodu bilaanbanto goorta khudbadaha Isnoobool marayaan meelaha u daran.
Doofaar kaas Isnoobool waxa uu aad u dersey jariidad uu ‘Bixintaan keeda hore’ ka helay guriga Joonis, magac ceeduna ahaa “Beeraley iyo Xoola-dhaqde.” Gebi giisuna waxa uu la fatahayey fekrado iyo mashaariic hor leh si waxyaalo cusub loo abuuro, waxxii hore loo haysteyna loo daryeelo, loona hagaajiyo. Mar uu ka hadlayey siyaalaha beeraha looga dhawro in biyuhu kor fadhiistaan iyo waxyaalo kale oo hawlaha beeraha la xidhiidha, waxa uu muujiyey in uu u leeyahay garasho dheer waxyaalaha uu ka hadlayey. Iyana waxa uu soo tifatiray hab xayawaanku maalin kasta saalada ugu ridaan meel beerta ah oo ka duwan meelshii maalinta hore, si looga fursado saalada daadgureyn teeda. Naabooliyoonse, wax mashaariic ah oo madax xiisa uu ka keenay ma jirin. Isaga oo aan iskuba shidin buu isla soo mataxay in mashaariicda Isnoobool sida ay u dhan yihiin noqon doonaan biyo col dhaanshey. Waxa uu u ekaa sidii uu jab la maaggan yahay Isnoobool oo dhawrayo waqti u soo meeri doona. Muran iyo asaraar waxxii laba dooda ka dhex dhacay midna kama qadhaadheyn doodda ku dhex martay arrin ku saabsanayd dhismaha Wershedda Dabaylshu waddo.
Dood daas waxa keeneyba waxa uu ahaa taagga ahaa beeraha cawska dhex dooda ee Isnoobool u soo sahamiyey in wershed dabayli waddo laga dhiso. Taag gaasi waxa uu ka sarreeyey beerta in teeda kale, guryaha beertana si daas ugama sii fogeyn. Isnoobool oo sahamiyey dhulka ay ku fadhdhido beertu, sida uu u dhan yahay, waxa uu meelsha ka caddeeyey in taag gaasi yahay meel laga dhiso wershed dabaylshu waddo meelsha ugu habboon. Wershedda dabaylshu, sida uu yidhi, waxa ay ka shaqeysiin doontaa daynabo dhalin doonta xoogga korontada beertu u baahan tahay – xoog gaas oo iftiimin doona xeryaha, jiilaalkana ka dhigi doona dugsi iyo diirrimaad, miinshaaraha wax lagu jarjaro dhaqaajin doona, makiinadda lo’da lagu lisona wadi doona. Xayawaanku weli goodba ma maqlin waxyaalo si daas oo kale ah waayo beer tooda ayaa ahayd beeraha waqtiyadii hore, makiinada heeduna waxay ahaayeen kuwo beri hore la dhaafay. Si daas ayaa xayawaanka oo amankaagsani u dhegeysteen Isnoobool oo hadal ugu sawiraya makiinado dhabannahays leh oo ka furan doona hawlsha ay qabtaan, iyaga oo, haddii ay xayawaanka yihiin, degganaan ku daaqi doona; kooda rabaana maskax diisa hore ugu marin doona wax-akhris iyo ra’yi-is-weydaarsi.
Muddo badani iyada oo aanay tegin ayaa isnoobool durba si buuxda u soo habeeyey hindisihii Wershedda Dabaylsha. Faahfaahsanaanta siyaalaha dhismuhu noqon doono waxa uu ka keenay saddex buug oo Joonis lahaan jirey, saddex daas buug oo la kala odhan jirey: KUN WAXYAALOOD OO GURIGA AGAGAARKIISA WAX KA TARA, SIDA NIN KASTIIBA U DHISTO GURIGIISA iyo BILOWGA BARASHADA KORONTADA. Muddada uu hawl shaas isku dubba ridayeyna waxa uu isticmaalayey waab ay oolli jireen makiinadaha unkunta dillaaciya oo hoos tiisu ka sameysneyd qori aad isugu si man, in wax lagu kor sawirona aad ugu habboon. Waab kaas ayaa Isnoobool isku xidhi jirey saacado iska dhan oo isku-bixis ah, isaga oo buugaggu u kala furan yihiin, raafkana ku qabsaday tabaashiir uu hor iyo dib u er-eryayo oo ku sawirayo diillimo is-daba jooga. Dhawaaq u-qaadasho-waa ah ayaa hadba ka fakanayey, marka uu arko waxxii uu sawirayey oo u koray tallaabo-tallaabo, una ekaaday naqshad aad u murugsan oo ka kooban tiirar iyo giraamo ilka leh. Si daas ayaa naqshaddu u buuxisay waabka badh kiis. In kasta oo xayawaanka kale waxba ka garan waayeen naqshadda, haddana aad bay ugu bogeen, ulana yaabeen. Caadona waxa u noqday in xayawaan kastiba ugu yaraan dharaar tiiba mar soo dhugto naqshadda Isnoobool. Iskaba daa cid kale ee digaagga iyo digirinkuna booqasho ayay ku tageen waabka; sumadaha tabaashiirta in ay ku tuntaanna aad bay isaga ilaaliyeen. Naabooliyoon keli giis ayaa ka maagay waabka oo aan soo arkin naqshadda. Isaguna horeba waxa uu u sii caddeeyey in uu diiddan yahay fekredda Wershedda Dabaylsha. Hase yeelshee, maalin buu si lama-filaan ah u tegey waabka si uu u soo arko naqshadda. Qun yar isaga oo tallaabsanaya ayuu mar kaas ku soo wareegay naqshadda. Hal kaas ayuu kaga dayma sugtay tifatirnaanta naqshadda uu sawiray Isnoobool. Mar ama laba wax aan dhaaminna waxa uu muujiyey quudhsi uu quudhsanayo naqshadda ku sawiran meelsha. Daba deedna inta uu cabbaar hogtay, isaga oo ka fekeraya naqshadda oo hadba ka eegaya il-qoodhdha, ayuu markii danbe naqshadda ku sii daayey kaadi. Kaadida markii uu dhammaystayna, juuq iyo jaaq isaga oo aan odhan ayuu waabka ka baxay.
Laba dhinac ayaa xayawaanka beertu ugu kala jabeen arrinta Wershedda Dabaylsha. Isnoobool oo fekradda bilow geeda lahaa marna ma uu garowsan waayin in mashruucca fulin tiisu noqon doonto mid aad u qallafsan. Waxa uu ogsoonaa in dhagax la soo jabsan doono, in derbi la dhisi doono, in shiraac la taagi doono, daba deedna in daynabo iyo xadhko dabka qaada loo baahan doono, in kasta oo aanu waxba ka sii sheegin habka daynabada iyo xadhkaha loo heli doono. Isaga oo dhibaatooyin kaas wada ogsoon ayuu haddana ku adkeystay in hawlsha sida ay u dhan tahay lagaga fara xalan doono muddo sannad ah. Sannad kaasi goorta uu dhammadona, sida Isnoobool yidhi, xayawaanku waxa ay ka fursan doonaan lur badan oo imminka haysta, iyaga oo toddobaadkiiba shaqeyn doona saddex maalmood oo keli ah. Naabooliyoonse, waxa uu dhinac ciisa kaga dooday in baahida weyn ee beerta ka taagani tahay in la kordhiyo tacabka beeraha iyo soo-saaridda cuntada. Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in ay u wada baqtiyi doonaan macaluul haddii ay waqti ku lumiyaan Wershedda Dabaylsha. Si daas ayaa xayawaanku u kala noqdeen laba kooxood oo u kala halgamaya labada halqabsi ee kala ah: “Cod kaaga sii Isnoobool iyo toddobaadka ah saddexda dharaarood” iyo, “Cod kaaga sii Naabooliyoon iyo caloolsha buuxda.” Dameerka Benjamin baa noqday xayawaanka keli ah ee aan raacin kooxna. Isaguna waxa uu iska diiday in uu rumeysto in cuntadu ka badan doonto inta ay tahay, ama, in Wershedda Dabaylsha dhis keedu ka furan doono hawl uu imminka qabto. Waxa uu ku sheekeeyey in wershedda dhis keeda iyo maqnaansha heeda, midna aanu wax ka doorin doonin nololsha oo si deeda u socon doonta – taas oo ah si silic iyo saxariir leh.
Kolka la iska dhaafo muranka ka taagnaa arrinta Wershedda Dabaylsha, waxa iyana taagneyd arrin ku lug leh gaashaandhigga beerta. In kasta oo Bani-aadmiga lagu jebiyey Goobtii Xerada lo’da, haddana waxa la wada ogsoonaa in ay suuragal tahay in Bani-aadmigu mar kale soo rogaal celin karaan weerar iyaga oo isku deyi doona in ay dib u hantiyaan beerta oo soo celiyaan xukunka Joonis. Sabab ka sii weyn tii hore oo bani-aadmiga ku kallifta in ay yeelaan si daas imminka way haysteen; Maxaa yeelay, goortii warka jab koodu ku fiday beeraha kale ayaa xasillooni-la’aantii ku sii korodhdhay xayawaankii ku noolaa beeraha deris kooda ahaa. Sidii caadadu ahayd, Naabooliyoon iyo Isnoobool mar kiiba waxa ay isku diideen gaashaandhigga beerta. Naabooliyoon waxa uu ku adkeystay in ay raadsadaan hub, tababar ku qaadtaan oo si daas u gaashaan dhigaan. Isnooboolse waxa uu door biday in ay diraan kooxo intii hore ka badan oo qoolley ah si ay u kacaamiyaan xayawaanka beeraha kale ku nool. Si daas ayaa mid ugu dooday in ay hubaal tahay in la qabsan doono haddii aanay sameysn gaashaandhig; kii kalena ugu dooday in gaashaandhigba aan loo baahnaan doonin haddii ay meel la arkoba ka ridaan kacaan. Xayawaanka in toodii kale, isu dhegeysta uun baa ka soo hadhdhay oo labada dhinac kood toosan bay garan waayeen. Runta haddii la sheegona, damee dhaan raacday bay ku dhaceen oo hadba kooda ku danbeeya hadalka ayay u guuxayeen.
Arrintu waxa ay si daas ahaatoba, Isnoobool baa maalintii danbe dhammeeyey naqshaddii Wershedda Dabaylsha. Axadda ka danbeysey maalin taas uu dhammeeyey naqshadda ayaa la gartay in arrinta Wershedda Dabaylsha lagaga doodo Shirka Guud ee, Xayawaanka. Codna waxa loo qaadayey in mashruucca la hir geliyo iyo in kale. Si daas ayaa Axaddii ku soo galshay, xayawaankiina ku soo shireen xeradii horeba loogu shiri jirey. Markii xayawaanka oo idili ku soo dhammaadeen xerada ayaa isnoobool sara joogsaday oo soo ban dhigay sababta uu xayawaanka ugula talinayo in wershedda la dhiso, in kasta oo bacaacda iduhu dhawr jeer ka dhex galshay hadalka. Markii Isnoobool ka baxay hadalka ayaa Naabooliyoon sare joogsaday isaga oo Isnoobool u jawaabaya. Hal kaas ayuu ka sheegay in Wershedda Dabaylsha dhis keedu aanu waxtar lahayn. Naabooliyoon haddii uu yahayna waxa uu uga digay xayawaanka kale in ay cod kooda siiyaan Isnoobool. In taas markii uu yidhi ayuu markiiba degdeg u fadhiistay isaga oo daqiiqad badh keedna aan hadlin. Hal kaas waxa ka muuqdey in danba aanu ka lahayn haddii hadal kiisu cid ka dego iyo haddii kale. Isla mar kaas ayaa Isnoobool fadhdhiga ka booday oo inta uu cir kaas ka qayliyey, ku kala aammusiyey idihii bacaac lahaa. Si jidhiidhico ku jebisey xayawaanka buu uga baryey in ay oggolaadaan in la dhiso Wershedda Dabaylsha. Waxaana jirtey in xayawaanku intii hore oo dhan u kala badhnaayeen labada fekradood. Hase yeelshee, waxa badi dooda jiidtay aftahamada Isnoobool, isaga oo hadallo macmacaan ugu sawiray sida Beerta Xayawaanku noqon doonto goorta xayawaanka laga kor hinjiyo hawlaha dulliga leh. Fekraddii baa haddaba la fogaatay oo waxa uu kari waayey in uu hadal kiisa ku soo koobo makiinado wax googooya ama wax jeexjeexa. Markiiba waxa uu kuwaas uga gudbay in uu ka hadlo awoodda korontadu u leedahay in ay ka shaqeysiiso makiinado galleyda dhila; kuwo beeraha qoda; kuwo baaqbaaqa; kuwo cawska gooya, duuba oo xidhxidha; iyada oo weliba awood u leh in ay iftiimiso xero kasta oo siiso biyo kulul iyo kuwo qabow hadba kuwii la rabo; jiilaalkana dugsi iyo diirrimaad ka dhigto. Shakina kuma jirin meelsha codku mari lahaa markii Isnoobool ka soo jeestay hadal kiisa. Hase yeelshee, mar kaas qudh dheeda ayaa Naabooliyoon sara joogsaday. Inta uu Isnoobool ku gubay indhaha oo u eegay si aan hore loo arag, ayuu ka kacay ci’ dheer oo wax la mid ah aan hore loo maqlin.
Ci daasi markii ay yeedhdhay ayaa laga maqlay xerada duleed keeda ci’ kale oo xayawaanka ka wada argagixisay. Isla markiiba, sagaal ey oo laxaad koodu u dhan yahay, surarkana ugu jiraan giraamo naxaas ahi baa xerada balow ku soo yidhi. Xagga iyo xagga iyaga oo midna aan eegin ayay toos u abbaareen bartii uu joogey Isnoobool. Isnooboolna meelshii uu fadhdhiyey buu markiiba ka oogsaday, dirqina waxa uu kaga fakaday ilka hooda wax xiirayey. Isaga oo aan hakan buu markiiba irridda boobay oo debedda u furjuq yidhi. Sagaalkii eyna Isnoobool bay daba jabsadeed. Xayawaankii cabsida iyo amankaaggu ku dhaceen irriddii bay u wada yaaceen oo isku cidhiidhiyeen si ay u daawadaan baacsashada. Isnoobool mar kaas waxa uu dhex jeexayey, kana gudbayey caws ahaa dhabbada weyn dhinac ceeda, isaga oo u durdurinaya si, doofaar mooyaane, xayawaan kale aanu u durdurin karin. Eyda oo aan ka gaabineynina gondaha ayay kaga jirtey. Si daas isaga oo gondaha loogaga jiro ayaa Isnoobool kufay. Xayawaanka daawanayeyna waxa ay is- wada yidhaahdeen “Hadda ayaa la haleelay.” Haddana wuu kacay oo u cararay sidii hore si ka sii daran. Eydii baacsaneyseyna intii hore ayay kaga soo dhowaatay. Eyda mid koodna waxa uu ku sigtay in uu dibka ku soo dhego haddii aan Isnoobool degdeg dhinac uga wadhfin oo orod kiisa hore ku sii darin xaw kale. Wax aan taako dhammeyn isaga oo eyda ka horreeya ayuu ka dusay dalool ahaa beerta ood deeda. Arag loo yeelsho Isnoobool maalin taas ayaa u danbeysey.
In taasi markii ay dhacday ayaa xayawaanka oo la shib yidh argagax, dib ugu soo luudeen xerada. Cabbaar yar daba deedna eydii oo boodboodeysa ayaa xerada isku soo shubtay. Intii hor oo dhanna cidiba way saari weydey meelsha eydu ka timi; has yeelshee, cabbaar yar daba deed baa la ogaaday in ay yihiin eyd1 Naabooliyoon u korin jirey sida gaarka ah ee hooyooyin koo uu ka qaaday iyaga oo murjuc ah. In kasta oo ay weli korayeen haddana aad bay u laxaad weynaayeen; bahalnimo tan yeyda o kale ahina waa ka muuqatey. Xerada markii ay ku soo laabtee ayay ku ag xoomeen Naabooliyoon oo dibka u luleen, sida eyd kaleba dibka ugu luli jirtey Joonis.
Naabooliyoon oo eydu ku daba jirto ayaa mar kaas fuulay rakadi’ Duqqa Mijir hore uga khudbadeeyey. Hal kaasna waxa uu k sheegay: in maalin taas waxxii ka danbeeya aanay jiri dooni shirarka Axadaha oo waqti-lumis ahaa; in guddi doofaarro k kooban oo isagu u yahay Guddoomiye goyn doonto talooyinka beerta ku lug leh waqtiyada soo fool leh; in kulannada guddidu noqon doonaan qarsoodi, go’aannada ka soo baxana la soo gaadhsiin doono xayawaanka in tooda kale; in weli loo baahan yahay in xayawaanku isu yimaaddaan arooraha Axadaha, in kasta oo wax dood ahi aanay jiri doonin, si ay u salaamaan calanka, heesta ‘Iglan Xoola heedow’, u heesaan, amarrada hawlaha toddobaadka iman doonana u qaadtaan.
In kasta oo xayawaanku weli la yaabsanaayeen eriga la erye Isnoobool, haddana waxa ay u qaadan waayeen waxyaala haa Naabooliyoon ku dhawaaqay. Dhawr xayawaanka ka mid ahin wayba is-hor taagi lahaayeen haddii ay u caddaan lahayd wax ay doonayeen. Kolleyba Boskar wax galay qoonsimaad u haddana sheegi kari waayey waxa uu yahay. Dhegaha ayuu di u nabay, foodda ayuu dhawr jeer gilgilay, aadna wuu isugu deyey in uu isku duwo ra’yi giisa. Gun tiise waxa ay noqotay isaga o iska waayey waxa uu la yeedho. Waxaase ka aftahansanaa qaa ka mid ah doofaarrada. Afar doofaar oo yaryar oo safka hor fadhdhiyey, kana mid ahaa kuwii Joonis dhufaanay ee qalliink ugu tala galay, ayaa qaylo dheer oo diidmo ah ka kacay. Afa tooduba inta ay fadhdhiga mar ka wada oogsadeen ayay mar keli ah hadal wada bilaabeen. Doofaarrada buuqaya markii a- arkeen ayaa eydii hareera fadhdhidey Naabooliyoon sii deysey teen bajiyey daafaarrada. Afar toodiiba, inta ay mar qudha ah sliib wada yidhaahdeen ayay dib ugu laabteen fadhdhiga. Arrinta oo meel shaas halista ah mareysa ayaa idihii kaga dayyaamiyeen bacaac dooda “Samaa Afar Lugood, Xumaa Laba Lugood”, taas oo socotey muddo rubuc saace ku dhow. Haddiiba ay soo meeri lahayd fursad arrinta lagu sii wadwadaana, bacaacda idaha ayaa iursadda u lumisay si daas.
Halkaas ayaa shirku ku dhammaaday. Goor danbena waxa la soo diray Iskuwiilar si uu xayawaanka ugu sharxo nidaamka i usub. Iskuwiilar oo arrin taas ka hadlayeyna waxa uu yidhi:
“Jaallayaal, waxa aan rumeysan ahay in xayawaan kasta oo goob- joog ahi aqoonsan yahay sida Jaalle Naabooliyoon inoogu huray naf tiisa, culeys dheeraad ahna u qaaday. Hana moodina, (aallayaal, in madaxtinimadu tahay wax lagu badhbadhaadho. Wax lagu badhbadhaadho oo ay tahay daa, ee waa xil aad u cuius, laalle Naabooliyoon sida uu u rumeysan yahay in xayawaan oo idili siman yihiin, cid kale uma rumeysna; arrin Jaalle Naabooliyoon farax gelisana waxa ugu weyn isaga oo idiin daaya in aydin is-kiinna u talshataan. Hase yeelshee, Jaallayaal, talada ayaa marmarka qaar kood idinka murkucan karta. Aayatiin keennuse maxay buu noqon doonaa goorta aydin gaadhdhaan lalooyin reebi kara cidhib-xumo? Bal ka soo qaad in aydin ku raaci lahaydeen Isnoobool in la dhiso Wershedda Dabaylsha ee uu idinku indha sarcaadiyey – Isnoobool oo sida aynnu imminka og nahay aan waxba dhaamin dhagar-qabe!”
Xayawaanka mid ka mid ah baa u jawaabay oo yidhi, “Isnoobool, geesinimo ayuu kaga dagaallamay Goobta Xerada Lo’da.”
“Geesinimo keli ahi waxba ma tarto, oo geesinimadaba waxa dhaama daacadnimo iyo amar-qaadasho. Goobta Xerada Lo’da haddii aad ka hadalshayna, kolleyba anigu waxa aan ogsoonahay in waqti iman doono, waqti gaas oo innoo muujin doona in qaybta Isnoobool ka qaadtay dagaalka ahayd mid tooxda ay lahayd laga weyneeyey. Habeysnaan, jaallayaal, habeysnaan sida birta u adag! Kaas weeye halqabsi geennu maanta. Tallaabo keli ah oo meel-ka-dhac ah haddii aynnu qaadno, nacab keenna ayaa innala hiishan doona. Haddaba, Jaallayaal, idinka aan idinka maqlo, miyaydin rabtaan in Joonis soo laabto?” Si daas ayaa Iskuwiila ku jawaabay.
Doodda Iskuwiilarna si daas ayay mar kale u nqotay mid aari waxba laga odhan karin. Horta hubaal bay ahayd oo xayawaank_ mid koodna ma rabin in Joonis soo laabto. Kolse haddii doodaha ay yeelan jireen maalmaha Axadaha suura gelinayeen Joonis soo- laabasha diisa, kol kaas ha maqnaadeen dooduhu. Boskar oo sidii fekeraad ugu maqnaa ayaa mar kaas ku dhawaaqay sid xayawaanka fekrad doodu u badnayd oo yidhi, “Jaalle, Naabooliyoon yidhiyaaba, run weeye.” Erey yadaas ayaa Boskar ka dhigtay halqabsi cusub, kuna kordhiyey halqabsi giisii hore ee ahaa “Sidan si ka sii daran baan u shaqeyn doonaa.”
Waxyaala haasi goorta ay dhacayeen waxa ay ahayd goor dhaxanta jiilaalku jabtay oo qodaalka gugu bilaabmay. Waabkii Isnoobool ku sawiray naqshadda Wershedda Dabaylshana hore ayaa quful loogu jebiyey oo waxaaba loo wada qaadtay in naqshadda la baabi’iyey. Axad kastana sidii baa tobanka aroornimo loogu kulmayey xerada weyneyd, hal kaas oo xayawaanka lagu siin jirey amarrada toddobaadka soo fool leh. Qalfoofkii madaxxa Duqqa Mijir oo laga soo saaray xabaalshii hore loogu aasay wax isagana laga soo lulay jirrid ku tiil birta calanka ag teeda. Xayawaankana waxa lagu waajibiyey in ay ku ag maraan qadderin iyo weyneyn madaxxa Duqqa Mijir, goorta ay ka soo jeestaan calanka salaan tiisa, inta aanay gelin Xerada Shirarka. Beryahan danbena waa la kala baxay oo sidii hore looma wada fadhiisan jirin. Naabooliyoon, Iskuwiilar, iyo doofaar kale oo la odhan jirey Minimas kaas oo hibo u lahaa hal-abuurka heesaha iyo gabeyyada safka u soo horreeya rakada ayay soo fadhiisan jireen, iyaga oo sagaalka ey ku xeeran yihiin; doofaarrada kalena, kuwaas dhabar kooda ayay soo fadhiisan jireen. Xayawaanka in tooda kalese golaha xerada ayaa fadhdhi goodu ahaa oo rakada ayay ka soo hor jeesan jireen. Hal kaas ayaa Naabooliyoon isa soo quturi jirey, amarrada toddobaadkana u bixin jirey si qallafsan oo askarinimo ku jirto. Daba deedna, inta heesta ‘Iglan xoola heedow’ mar keli ah la qaado ayaa meelsha lagu kal dareeri jirey.
Saddex Axadood kolkii laga joogey caydhiska Isnoobool ayaa xayawaanku la yaabeen markii ay maqleen Naabooliyoon oo ku dhawaaqay in Wershedda Dabaylsha la dhisi doono. Sababta uu u beddeley ra’yi giisii hore haba yaraatee waxba kama uu sheegin. I lase yeelshee, waxa uu ka sii digay: in hawl shaas soo kordhi doontaa la iman doonto rafaad ka badan intii hore; in laga yaabo in laga maarmi waayo cuntada oo la dhimo; in saddexdii toddobaad ee tegey guddi doofaarro ahi ku haysey faraha arrinta dhismaha Wershedda Dabaylsha, guddi daas oo si tifatiran u soo jaan goysay mashruucca Wershedda Dabaylsha; iyo, in wershedda dhis keeda iyo daryeelka kale ee beertu qaadan doonaan muddo laba sannadood ah.
Maalintaas habeenkii ka danbeeyey ayaa Iskuwiilar hoos ahaan ugu sheegay xayawaanka in, sida runta ah, aan Naabooliyoon weli giisba is-hor taagin dhismaha Wershedda dabaylsha; in kii arrintaba bilaabay ahaa Naabooliyoon, waaba is-hor-taag uu is- hor taagaye; in naqshadda Isnoobool sawiray hore looga dhex xaday waraaqaha Naabooliyoon oo fekradda Wershedda Dabaylshuba ahayd wax Naabooliyoon abuuray.
Xayawaanka mid ka mid ah baa qanci waayey oo yidhi “Haddii arrintu si daas tahay, maxaa Naabooliyoon sidii ba’neyd ugu diiddanaa?”
Iskuwiilr oo weji giisa khaa’innimo ka muuqatay baa u jawaabay oo yidhi, “Taasi wax ay ahayd siyaalaha Jaalle Naabooliyoon wax u dago. Sababta uu isu ekeysiiyey in uu diiddan yahay Wershedda Dabaylsha waxa ay ka ahayd xeelad uu rabey in uu kaga fara xalsho Isnoobool – Isnoobool oo halis soconeysa ahaa, xayawaanka kalena si xun wax u gelinayey. Taas oo kalena, TAB, baa la yidhaahdaa Jaallayaal, TAB!” Erey gaas ayuu dhawr jeer ku celceliyey isaga oo wareegaaleysanaya, dhilfkana ruxaya oo qosol farax ka keenay ku daraya. Erey gaas Iskuwiilar ku celceliyey macne hiisa ma hubin xayawaanku. Guud ahaanse, si xayawaanka qancisay baa Iskuwiilar u hadlay. Reenkii waxa ka bajinayey ee ka baxayey saddexda ey ee la socdey Iskuwiilar, baa isaguna yeelsiiyey xayawaanka in ay u qaadtaan arrinta sida loogu sheegay oo aanay ka sii wadwadin hal keeda.

aragtidaada nala wadaag...