Cutubka 7aad

Jiilaal aad u qadhaadh baa jiilaal kaasi noqday. Hawa diisa wadatey dabaylaha iyo roobabka, waxa ka danbeeyey beref iyo dhalaalo jabi waayey ilaa la guda gelayey bilsha Febarwari. Xayawankuna, intii karaan kooda ahayd bay wadeen dhismaha Wershedda Dabaylsha, iyaga oo aad u ogsoon in adduunka debeddu u feejig yahay. Waxay iyana ogsoonaayeen in Bani- aadmiga xinka iyo xaasidka badani ku digan doono haddii hawlshu dib uga dhacdo waqtiga loogu tala galay.
Bani-aadmiga oo uga jeedey quudhsi iyo yasid, waxa ay isugu sheekeeyeen in aan Isnoobool dumin dhismaha ee uu la dumay derbiya diisa oo intii la rabey aan qara le’ekeyn. Xayawaanku, iyaga oo ogsoon in aan derbigu la dumin qara-yari, ayay haddana goosteen in ay laba laabaan dumuc diisa, kana dhigaan saddex dhudhdhun halkii uu hore ka ahaa dhudhdhun iyo badh.
Taas macna heedu waxa uu ahaa iyada oo loo baahday in la soo ururiyo dhagax aad uga badan intii hore. Muddo badanna godkii baa beref ka buuxsamay oo Wax-qabashoba waa u suura geli weydey, in kasta oo ay xoogaa horumar ah sameeyeen goor danbe, markii dhulku yara engegey. Waxaase jirey in hawlshu aad u qallafsaneyd, yididdiilada xayawaanku qabeenna si deedii hore iska dhintay. Taas waxa ugu wacnaa dhaxanta iyo gaajada goor walba hayey. xayawaanka oo dhan kolka la isku kiciyona, Boskar iyo Koloofar oo keli ah ayaan niyad jabin. Iskuwiilarna hal kiisii buu la soo lignaa khudbada hiisii fiicnaa ee uu kaga hadlayey farxadda iyo sharafka ay leeyihiin hawlsha la hawlshoodaa iyo adeegista la adeegaa. Arrinta keli ah ee hammad gelineysey xayawaanka, ma ahayn khudbadaha Iskuwiilar, ee waxa ay ahayd laxaadka Boskar iyo muusannow giisa aan marna demeyn ee ahaa, “sidan si ka sii daran baan u shaqeyn doonaa!”
Bilsha febarwari markii la joogey ayaa la ogaaday in cuntadu tahay gabaabsi. Taas ayaa keentay in la dhimo sedkii galleyda ee la isa siin jirey. Mar kaas qudh dheeda ayaa lagu dhawaaqay in galleyda la dhimay lagu kaabi doono baradhdho. Hase yeelshee, waxa markiiba la ogaaday in baradhdhada, oo si fiican aan loo dedini, ku xumaatay qabawgii faraha badnaa. Buushe iyo qaran wax aan ahaynina, si daas ayaanay maalmo iska dhan uga degin xayawaanka jidiin kooda. Arrintuna waxa ay u soo saansaan ekeyd in ay geftinka u saaran yihiin macaluul in ay u wada baqtiyaan.
Taas oo jirtey ayaa xayawaanku ka maarmi waayey in ay runta ka shareeraan adduunka debedda. Bani-aadmiga, oo uu dhiirri geliyey dhismaha dumay waxa ay bilaabeen been cusub oo ay ka sheegaan Beerta Xayawaanka. Si daas ayay mar kale u faafiyeen in xayawaanku u le’anayaan gaajo iyo cudur; in dagaal aan demini had iyo jeer dhex joogo xayawaanka; in ay xayawaanka ka wadi weydey bahalow ay isku bahaloobaan iyo dhallaan kooda oo ay laayaan. Naabooliyoon aad buu u ogsoonaa cidhib-xumada ay yeelan karto haddii laga ogaado debedda xaaladda ay ku sugan tahay cuntada beertu. Si uu arrin taas uga hor tago ayuu ku talshaday in uu ka faai’iideysto dhexgalka uu la lahaa Waymbar, si Waymbar, isaga oo aan is-ogeyn, u faafiyo war ka soo hor jeeda dicaayadda cuntada yaraatay. In kasta oo Waymbar toddobaad kiiba mar imanayey beerta, haddana wax kulan ah oo ilaa imminka uu la yeelshay xayawaanka kale ma jirin, haddii uu jireyna aad buu u yaraa. Imminka ayaa dhawr xayawaanka ka mid ah oo la soo xulay, idona u badnaa la faray, si aan qoonsimaad lahayn in ay Waymbar ugu ridaan dhegaha in cuntada la kordhiyey. Waxa kale oo Naabooliyoon amar ku bixiyey in bakhaarradii madhnaa oo dhan laga buuxiyo did, ciid daasna lagu qariyo waxxii ka hadhsanaa cuntada. Marmarsiiyo markii uu u helayna Waymbar buu dhex mariyey bakhaarrada si Waymbar u jalleeco bakhaarrada cuntada. Si daas marka uu yeelayey, aad buu uga digtoonaa in Waymbar mar wax ka badan jalleeco bakhaarrada cuntada. Jalleecadii keli ahayd, sidii la rabey bay u sirtay Waymbar oo adduunka debedda ugu warramay in cunto-la’aani aanay jirin Beerta Xayawaanka.
Si kasta Naabooliyoon ha u hufiyo Waymbar iyo ra’yiga adduunka ee markii la joogey dabayaaqada bilsha Janawari ayaa arrintu soo kartay. Waxa caddaaday in loo baahan yahay in cunto laga doonto meel kale. Beryahan danbena, Naabooliyoon waxa uu baaqi ku ahaa guriga oo irrid kasta la joojiyey ey laga baqo, oo lamaba arki kari jirin. Bixidda uu soo baxaana, waxa ay ka ahayd in uu xayawaanka dareensiiyo in uu meelsha ka dhow yahay. Mar kaas oo kalena, lix ey oo ku ciyaya ciddii u soo dhowaataba ayaa ku xeernaan jirey. Maalmaha Axadaha kay ku tahay, Naabooliyoon ma soo bixi jirin ee amarrada ayuu soo fari jirey doofaarrada mid kood, kaas oo badanaaba ahaa Iskuwiilar.
Si daas waxa ay ahaatoba, aroor Axadeed ayaa Iskuwiilar ka qaaday daaha in digaagga, oo waqtigii ay dhali lahaayeen soo galay laga rabo in ay bixiyaan ukunta. sababtana waxa uu ka dhigay in Waymbar soo qabanqaabiyey, Naabooliyoonna oggolaaday, qandaraas Beerta Xayawaanka lagaga rabo in toddobaad kiiba beertu keento afar boqol oo midh oo ukun ah. Waxa uu iyana caddeeyey in lacagta ukuntu goyso lagu soo gadan doono cunto ku filnaata beerta inta xagaagu soo gelayo, waqtiguna sida uu yahay dhaamayo.
Digaaggu markii ay maqleen warka, ayay baroor ka kaceen. In kasta oo hore loogu sii digey, haddana mama ma ay rumeysan in wax xaas oo kale dhaboobi karaan. Goorta la sheegey warka waxay ahayd goor ay diyaarsanayeen meelihii ay dhigi lahaayeen ukunta. In ukun tooda si daas Iooga marooriyo, aad bay uga hor tageen, iyaga oo kala mid dhigay dil loo badheedhay oo geedna aan la isugu soo toosin. Xayawaanka oo muujiya wax gadood la moodo, mar kan baa u horreysey sidii loo caydhiyey Joonis. Digaagga oo ay hor kacayaan saddex digaagadood oo madmadoobi, si baas bay isugu dayeen in ay wiiqaan Naabooliyoon ujeeddooyin kiisa. Si daas ayay u fuuleen daloollada ku yiil derbiga beerta geftin kiisa oo hal kaas ku dhaleen ukunta. Ukun tiina inta ay ka soo duluulucotay meelshii la dhigay bay dhulka ku soo bash tidhi. Sida digaaggu yeeleen kolkii Naabooliyoon arkay ayuu markiiba qaaday tallaabooyin degdeg ah oo naxariis daran. Mar kiiba amar buu ku bixiyey in digaagga laga gooyo cuntada. Sharcina waxa uu ka dhigay in xayawaanka cunto siiya digaagga, midh galley ah kay ku tahay, ciqaab tiisu noqon doonto dil. Hirgelinta amar kaana waxa loo xil saaray eyda. Shan maalmood oo iska dhan markii ay adkeysteen ayay maalin lixaaddii is-haysan kari waayeen oo is-dhiibeen. Saxaaradaha loogu tala galay in ay ku dhalaan bay mar kaas dib ugu laabteen. Muddadii gaabneyd ee ay gadoodsanaayeenna, sagaal baa ka baqtiyey. Beerta tufaaxxa ayaa sagaal koodiiba lagu aasay. Waxaana lagu fasiray in cudurka cayn kaas iyo cayn kaas ahi dilay. Taas oo ka dhacday beerta, ayaan haddana Waymbar waxba ka maqlin. Ukun tiina sidii heshiisku ahaa ayaa nin magaalada ku lahaa dukaan, ku raranayey baabuur toddobaadkiiba mar.
Waxa jirtey in mudda daas oo dhan aan arag loo yeelan Isnoobool. Hase yeelshee, waxa la isla dhex marayey in uu ku dhuumanayey beeraha deris kooda ah mid kood. Waqti gaasna, xidhiidhka Naabooliyoon la lahaa beeraha kale ayaa yara dhaamey sidii uu ahaan jirey. Taas waxa ugu wacnaa qori fara badnaa oo yiil Beerta Xayawaanka qolqol keeda. Qori gaas waxa laga gooyey dhul la banneeyey muddo toban sannadood laga joogey. Qori gaas ayaa Waymbar kula taliyey Naabooliyoon in uu iibiyo. Bilkinton iyo Feredrik, mid kastiba aad buu uga doonayey dhinac ciisa in qoriga laga iibiyo. Naabooliyoonse, walaac baa dilay oo hore ayuu u gaadhi waayey go’aan. Waxaana la arkay in Naabooliyoon lagu odhanayey, “Isnoobool baa ku dhuumanaya beerta Feredrik” goorta uu is-yidhaahdo qoriga ka iibi Feredrik; goorta uu is- yidhaahdo Bilkinton ka iibina, wax loo sheegayey in Isnoobool ku dhuumanayey beerta Bilkinton.
Gu’ gaas horraan tiisa ayaa xayawaanka loo sheegay war lama- filaan ku noqday oo aad u wada fajac geliyey. Waxa xayawaanka lagu yidhi “Isnoobool baa habeennimada yimaadda beerta!” War kaasina, aad buu u werwer geliyey xayawaanka ilaa ay ku ledi waayeen xerya hooda.
“Habeenkii buu ku soo gabbadaa gudcurka” baa lagu yidhi, “oo falaa wax kasta oo ugu filan beerta hagardaamo iyo dibindaabyo – galleyda ayuu xadaa, caanaha ayuu af gembiyaa, ukunta ayuu jejebiyaa, dhirta midhaha laga gurto buu ka qoomaa jirridaha, abuurka soo biqlayana wuu ku joogjoogsadaa.” Beertu sida ay u dhammaydna, waxa caado u noqday in, waxxii xumaadaba, loo nisbeeyo Isnoobool. Haddii daaqadi jabto, amaba meel biyuhu maraan gufeysanto, hubaal waxa ahaa in xayawaanka mid kood odhanayey in Isnoobool yimi habeenimo oo si daas wax u kharribay. Waxa jirtey mar uu lumay fure bakhaar oo xayawaanku, sida ay u dhammaayeen, isku qanciyeen in Isnoobool ku riday ceelka. Tan la-yaabka lahaydse waxa ay ahayd in weli si daas la sii rumeysnaa in kasta oo furaha laga helay joonyad hoos teeda. Lo’diina waxay isku wada raacday in Isnoobool ku maalo hurdada inta uu u soo duso xeraya hooda marka ay hurdaan. Jiirka oo jiilaalkii tegey aad u rabshad badnaa, waxa la yidhi “Isnoobool bay meel kala soo jeedaan.”
“Markii Isnoobool hadal-hayn tiisu badatay ayaa Naabooliyoon amar ku bixiyey in si buuxda loo baadho dhaqdhaqaaqqa Isnoobool. Hal kaas kagama uu hadhin, ee mar kiiba isaga oo ey diisu ilaalinayso ayuu bilaabay in uu taako-taako u soo baadho beerta. Xayawaanka kalena isaga ayay daba joogeen marka uu si daas yeelayey, in kasta oo ay ka durugsanaayeen. Dhawr tallaabo kolka uu qaadoba, sanka ayuu saarayey dhulka si uu u uriyo raadka Isnoobool, raad kaas oo sida uu sheegay, uu ku hili doono urta as uu wax urinayo. Si daas ayuu meel kasta u ursaday – xerada weyneyd ee shirarka, xeryaha lo’ada, guriga digaagga, beerta khudradda, iyo meel kasta oo beerta ahba.
Meel kastana waxa uu ka sheegay in uu ka helay urta Isnoobool. Sida uu yeelayeyna waxa ay ahayd: inta uu gafuurka saaro dhulka oo dhawr jeer neefneefsado ayuu qaylo ka kacayey isaga oo leh,, “Isnoobool! Halkanna wuu joogey! Si cad baan u hayaa ur tiisa!” Magacca Isnoobool marka ay maqlaan ayaa eydu ka kacaysey reen dhiigga fadhiisiya, iyaga oo qaawinaya miciyaha iyo gowsaha.
Si daas ayaa bahal baqdin ahi u galshay xayawaanka, iyaga oo is-yidhi, “Isnooboolba waa muuqlaawe si kasta idiinku ah halis oo ku dhex jira ha wada ah hareera hiinna.” Maalin taas fiid keeda ayaa Iskuwiilar oo fajac ka muuqdo weji giisa, isugu yeedhay xayawaanka. Isaga oo baalla daymoonaya oo hadba dhinac u boodaya ayuu cir kaas ka qayliyey oo xaywaanka ku yidhi: “Jaallayaal, qallad weyn baa dhacday oo Isnoobool baa is-iibiyey. Waxa uu iska iibiyey Feredrik; Feredrikna imminka dan aynnu hal kan joogno ayuu tabaabulsheynayaa sidii uu innoogu soo duuli lahaa, beer teennana u dhaci lahaa! Isnooboolna waxa uu noqon doonaa abbaanduulaha colka innagu soo duuli doona. Gadis taas uu is-gaday, iyo hor-kacidda uu soo hor kaci doono colka, waxa ka sii daran hungowga aynnu ku hungownay Isnoobool. Waxa aynnu moodeyney in sababta uu u caasiyoobey ahayd isla-weynaan iyo jeceyl uu jeclaa in uu gaadho meel sare. Hase yeelshee, Jaallayaal, waynnu wada gefsaneyn kolka aynnu si daas is-moodsiinnay. Mase og tihiin sababta runta ah ee Isnoobool u caasiyoobey? Isnoobool horraantiiba waxa uu raacsanaa Joonis oo u ahaa basaas. Waxyaala haas oo dhan waxa ka qaaday daaha war laga helay warqado uu kaga guuray meelsha oo imminka lagu dhigay gacanta. War kaas cusub, Jaallayaal, kolleyba aniga waxa uu ii caddeeyey waxyaalo badan oo iga dahsoonaa. Miyaynnaan arag sida uu isugu deyey in la innagu jebiyo oo la innagu baabi’iyo Goobtii Xerada Lo’da in kasta oo, waa cawadeennee, aanay u meel marin si daasi?
Amankaag ayaa xayawaanku la kala qaadeen afka. War kan cusubina waxa uu la noqday l^haai’nnimo ka sii daran tii uu ku dumiyey dhismaha Wershedda Dabaylsha. Hase yeelshee, markii warka macna hiisu ku wada duxay xayawaanka ayay xusuusteen, sida Isnoobool u hor kacay weerar kooda; sida uu goor kasta u dhiirri gelinayey; iyo sida aanu marna u waaban, kay ku tahay markii xabbadda Joonis ka dhaawacday dhabarka. Cabbaarkii hore oo dhan, waxa xayawaanka la qallafsnaaday sida waxyaala haas ay xusuusnaayeen ula socon karaan warka cusub ee sheegay in Isnoobool la soo safnaa Joonis. Iskaba daa cid kale, ee Boskar oo dhif iyo naadir wax su’aali jirey, arrinta ayuu ku dhaka faaray. Inta uu dhinac u jiifsaday oo qoobabka soo laabtay buu indhaha isku qabtay si uu isugu duwado waxa ay la tahay. Daba deedna waxa uu yidhi:
“Kolleyba anigu rumeysan kari maayo wax xaas la sheegayo. Geesinimo ayaa Isnoobool kaga dagaallamay Goobta Xerada Lo’da. Si daas in ay ahayd, aniga ayaan cidna weydiineyn oo indha hayga ayaan ku arkay. Miyaynnaanse ugu abaal gudin billadda ‘Geesiga Xayawaanka, Derejada Kowaad, markii dagaalku dhammaaday?” Iskuwiilar baa mar kaas u jawaabay oo yidhi: “Jaalle, si daasi waxay ahayd sida aynnu is- moodsiinnay. Hase yeelshee, imminka ayaynnu og nahay runtu waxay ahayd iyo sida uu isugu deyey in uu innoo hor kaco baaba’eenna. Warka oo buuxaana waxa uu ku qoran yahay warqad dan qarsoodiga ah ee aannu helnay.”
Boksr oo aan ka hadhin hadalka baa hadalka ku celieyey oo yidhi, “Dhaawaccii la dhaawacayse muxuu ahaa? Miyaynnaan wada arag isaga oo dhiig ka da’ayo?”
Iskuwiilar baa mar kaas qaylo ka kacay oo yidhi, “dhaawac caas aad sheegeysaaba waxa uu ka mid waxyaalaha isaga iyo Joonis ku sii heshiiyeen. Xabbadda Joonisna waynnu wada ogeyn oo dhabarka ayay ka sii xagatay. In arrintu si daas ahayd, waxa aan ku tusi lahaa qoraal ku qoran far tiisa haddii aad wax akhriyi kari lahayd. Shirqoolka lagu heshiiyeyna waxa uu ahaa in uu u seenyaaleeyo xayawaanka, si ay u cararaan goorta dagaalku u kulul yahay. Si daasna waa uu yeelay, ujeedda diisa in uu helona waa uu ku dhowaaday. Ujeedda diisaasna wuu gaadhi lahaa, baan odhan karaa, Jaallayaal, haddii aanu innoo bixin Hoggaamiya heenna geesiga ah, Jaalle Naabooliyoon. Miyaydaan xusuusneyn sida Isnoobool u carary goortii Joonis ciidan kiisu soo galeen qolqolka beerta? Miyaydaan xusuusneyn sida xayawaan badani ugu dayday oo iyana u baxsadeen? Miyaydaan xusuusneyn sida cabsidu innoo wada galshay, iyo sida aynnu guuldarraysi ugu dhowaannay, goortii Jaalle Naabooliyoon, inta uu hore u soo booday, innagu guubaabiyey muusanaw giisa ahaa ‘Ha Hoobto Bani-aadmigu’? Miyaydaanse xusuusneyn sida Jaalle Naabooliyoon qaniinyada uga buuxsaday addinka Joonis, iyo sida uu ugu aasay miciyaha? Jaallayaal, miyaynnaan si daas wada xusuusneyn?”
Kolkii Iskuwiilar si daas qayyaxan u tilmaamay waxyaalihii ka dhacay goobta ayaa xayawaanku is-yidhaahdeen, “Imminka ayaydin xusuusateen oo arrintuba si daas uu u sheegay Iskuwiilar bay ahayd.” Kolleyba waxa ay xusuusteen Isnoobool oo dib u cararya goor dagaalku marayey meel qadhaadh. Boskarse, weli qoonsimaad baa ku sii jirey, qoonsimaad kaas oo uu soo ban dhigay kolkii uu yidhi:
“Kolleyba anigu ka dhegeysan maayo cidna in Isnoobool horraantii ahaa khaa’in. Waxyaalihii uu ku kacay intii ka danbeysey dagaalka waa gaar. Hase yeelshee, aniga ayaan cidna weydiineyn in uu ahaa Jaalle wanaagsan markii la joogay goobta dagaalka.”
Iskuwiilar oo qaylinaya baa markiiba u jawaabay oo ku yidhi, “Hoggaamiya heenna, Jaalle Naabooliyoon, ayaa caddeeyey – isaga ayaa caddeeyey Jaalle – in horraantiiba Isnoobool ahaa basaaska Joonis. Basaasnima diisuna waxa ay ku sinneyd muddo aan kacaankuba jirin, lagana fekerin.”
Boskar oo ka soo degey meelshii uu haystey, baa mar kaas jawaabay oo yidhi, “Haddaan hooyaa, oo Jaalle Naabooliyoon yidhiyaaba, run weeye.”
Iskuwiilarna inta uu sare u qayliyey buu ku celiyey, oo yidhi “Si daas weeye sida la rabaa, Jaalle!”
Waxaana la wada dareemay in uu daymada si baas ugu gubay Boskar marka uu lahaa hadal kaas. Is-rog, oo tag markii uu is- yidhi ayaa haddana wax kale soo gocdeen. Isaga oo isu bogsanna waxa uu yidhi, “Aan idin kula taliyo in xayawaan kasti aad u furo indhaha. Sabab aannu isu nidhaahno waxa idinku dhex jira basaasiinta Isnoobool, waannu haynnaa!”
Afar beri markii laga joogey digniinta Iskuwiilar bixiyey ayaa Naabooliyoon ku bixiyey amar in xayawaanka lagu soo shiriyo xeradii weyneyd ee shirarka. Goortii xayawaanku ku soo dhammaadeen xerada ayaa Naabooliyoon ka soo baxay gurigii Joonis ee uu ku noolaa, isaga oo galshan labadii billadood ee uu isa siiyey dhowaan. Laba daas billadood waxay kala ahaayeen ‘Geesiga Xayawaanka, Derejada Kowaad’, iyo ‘Geesiga Xayawaanka, Derejada Labaad’. Hareera hiisana waxa fudhuc- fudhuc lahaa sagaal kiisii ey oo reenka ka baxayey ku jebiyey jidhiidhico xayawaanka in tooda kale. Xayawaan kastiba meelshii buu rundudsady. Sida muuqateyna waxa aad moodeysey in ay hore u sii ogaayeen in wax baasi ka dhici doonaan meelsha maanta.
Naabooliyoon oo u taagan si tigtigan oo jimicsanaan iyo debecsanaanbaa ka fog baa mar kaas indhaha mariyey xayawaanka ku soo shiray meelsha. In taas markii uu yeelay ayuu ka kacay dhawaaq ay haddiiba la soo boodeen ey diisu. Booddadii u horreyseyba waxay dhegaha haleeleen afar doofaar, oo ay so jiideen iyaga oo doofaarradu la cabaadayaan xanuun iyo baqdir Sidii ay u soo jiidayeen bay soo gaadhsiiyeen Naabooliyoo gonda hiisa. Eyda oo hal kaas ku dhadhdhamisay dhiigg doofaarrada, in cabbaar ah ayaa la mooday in ay waalsheen Arrinta ku reebtay dhabannahays cid kastaba waxa ay ahay markii saddex eyda ka mid ahaa ku soo haadeen Boskar. Boska markii uu arkay sida ay ugu soo haadayaan ayuu la kala baxay qoobabka. Saddexda ey mid ka mid ah oo hawada soo lalaya, buu mar kaas la haleelay qoobka oo dhulka ku xanjeeyey. Eygii oo cabaadayaana Boskar buu ka baryey in aanu dilin. Labadii ey ee kale, markii ay arkeen waxa saaxiib kood qabsaday, ayay cagaha wax ka dayeen, Labada addin ee danbe dhex dooda ayaq mid kastiba ku nabay dabada markii uu sii cararayey. Eydii soo daandaansatay markii uu si daas u kala caydhiyey, ayaa Boskar jeedaaliyey meelshii Naabooliyoon taagnaa si uu u ogaado in Naabooliyoon rabo in uu burburiyo eyga ku hoos jira qoob kiisa iyo in kale. Nabooliyoon oo aad mooddo in weji giisu doorsoomay markii uu arkay sida ey diisii loo galay, baa halkii ku siiyey Boskar amar kulul si uu u sii daayo eyga. Eyga oo nabarro qaba oo cabaad ku waalshayna si daas ayuu uga hoos baxay qoobka Boskar sare uga qaaday markii la siiyey amarka.
Cabbaar daba deedna, qubtii iyo qayladii baa joogsaday. Afartii doofaarna meelshii loo soo jiiday bay weli joogeen, iyaga oo baqdin la gariiraya, dhagarqabnimona kaga dhigan tahay wejiyada. Naabooliyoon baa mar kaas afar toodiiba u wacay in ay qirtaan denbiya dooda. Afar taas doofaar waxa ay ahaayeen afartii is-hor taagay markii Naabooliyoon baabi’iyey kulannada Axadaha la isugu iman jirey. Iyaga oo aan la sii gugujin bay kolkiiba qirteen in ay xidhiidh qarsoodi ah la lahaayeen Isnoobool muddadii ka danbeysey eri giisa oo dhan. Waxa kale oo ay in taas raaciyeen in Isnoobool hoos ahaan ugu qirtay in uu weli giisba Joonis u ahaa basaas. In taasi markii ay ka soo baxday af kooda, baa markiiba eydu kala xaabisay dhuunta. Naabooliyoonna, inta uu ku soo jeestay xayawaanka oo ka kacay qaylo kaga wada argagixisay ayuu weydiiyey in ay jirto cid kale oo denbi qiraneysaa.
Saddexdii digaagadood ee hor kacay gadoodka digaagga markii digaagga la weydiiyey in ay bixiyaan ukunta, ayaa mar kan hore u soo maray. Shirkiina waxa ay u caddeeyeen in ay ku riyoodeen Isnoobool oo ku guubaaninaya in ay caasiyaan amarrada Naabooliyoon. Iyagiina bartii baa qudhdha lagaga jaray. Digaagga waxa ka danbeeyey shinbir-badeed qiratay in ay xadday lix madax oo ah galleydii kal-hore la goostay, lix daas madax oo, sida ay sheegtay, ay curd jirtey habeennimada. Taas waxa ku xigey lax qiratay in ay ku kaadiday balliga laga cabbo, iyada oo caddeysay in Isnoobool ku dhiirri geliyey in ay si daas yeelsho. Laba laxaad oo kale waxa ay qirteen in ay dileen wan da’ ahaa oo si gaar ah ugu daba tukan jirey Naabooliyoon. Sida ay u dileenna waxa ay ahayd iyaga oo baacsaday wanka mar uu qabey qufac. Giddi goodba bartii baa lagu wada dilay. Qirashadii iyo dilku si daas ayay u socdeen ilaa meydku tuurmay Naabooliyoon manja hiisa, hawa diina ka buuxsantay urtii dhiigga daadtay. Erigii Joonis baana ugu danbeeyey dhiig ka ura beerta.
Dilku goortii uu joogsaday, ayaa xayawaanka in toodii badbaadday oo aanay ku jirin doofaarada iyo eydu, wadajir meelshii uga luudeen iyaga oo tiiraanyeysan, aadna loo gilgilay. waxa ay saari waayeen labada arrimood ee meelsha ka dhacay tooda sii fool xumayd: Ma waxa darnaa khaa’innimada xayawaanka kala soo jeestay meel Isnoobool, mise abaalmarinta aan naxariista lahayn ee ay u ahaayeen goobjoogga? Beryihii horeba waxa jirey marmar badan oo dhiig daadan jirey, sidan ay maanta uga argagaxeen oo kalena looga argagaxi jirey. Hase yeelshee, waxa ay la noqotay xayawaanka in tan maanta dhacday bara dheereysay wax kasta oo hore u dhacay; maxaa yeelay, iyaga ayay maanta tani ka dhex dhacday. Sidii loo eryey Joonis ilaa maanta, looma soo joogin xayawaan mid kale ka jaray qudhdha. Iskaba daa cid kale, ee jiir kay ku tahay lama dilin. Xayawaanku, sidii ay u luudayeen bay gaadheen taaggii uu ka taagnaa dhismaha qabyada ahi. Iyaga oo la moodo in ay dhaxan iska dugsanayaan ayay meelshii fadhiisteen. Xayawaanka hal kaas fadhiistay waxay ahaayeen Koloofar, Mureel, Banjamin, lo’da, idaha iyo xaymo dhan oo digaag iyo shinbir-badeed ah. Bisadda oo keli ah ayaa maqneyd. Iyadana muuq qeedii baa la waayey goortii Naabooliyoon soo shiriyey xayawaanka. Markii la fadhiisteyna, cabbaar iska dhan ayaa cidina juuq iyo jaaq midna odhan weydey. Boskar keli giis ayaa sara joogey. Isaguna hor iyo dib buu u socsocdey oo sayn tiisa dheer la dhacayey sararaha. Marmarka qaar koodna waxa Boskar ka fakanayey dhawaaq u- qaadasho-waa ka keenay. Fekeraadda uu fekerayey murti deediina waxay noqotay waxxii uu la yeedhay markii uu yidhi:
“Waan garan la’ahay meelsha ay innagaga dhacday qasuumadu. Mana aan rumeysteen baddii la igu yidhaahdo Beerta Xayawaanka ayaa wax xaas oo kale ka dhaceen. Hase yeelshee, indha hayga ayaan ku arkay. Sida ay aniga ila tahay, innaga ayaa keensannay gefka, oo qalladda u sabab ah. Dawa deeduna, sida aan u arko, waa innaga oo u hawl galna sida aynnu u hawl galno si ka daran. Maanta waxxii ka danbeeyana, saacad buuxda ayaan ka hor toosi doonaa xayawaanka kale.”
In taas markii uu yidhi buu meelshii ka faaqsaday oo u sii kadleeyey godka dhagaxxa, hal kaas oo uu ka ururiyey laba rar oo dhagax ah. Labada rama waxa uu u jiiday meelshii dhismuhu ahaa, intii aanu hoyan.
Xayawaanka kalese, waxa ay dugsadeen Koloofar iyaga oo aan yeedhyeedhin. Taag gaas ay fadhfadhiyeen waxa ay ka arki karayeen dhulka ballaadhan ee ahaa hareera hooda. Beerta Xayawaanka badi deeduna waa u muuqatey: xeryaha daaqqa ee ku sinnaa dhabbada weyn, kuwa cawsku ka baxayey, balliga laga cabbayey, beeraha la qoday ee sarreenka cagaaran ee curdinka ahi ku yiil, iyo guryaha beerta ee oogada casaa, qiiqquna ka baxayey, intuba qumaati bay ugu muuqdeen. Galab taasina waxa ay ahayd galab la joogo gu’, hase yeelshee, aan cirku lahayn caad. Fallaadhaha qorraxduna midab dahab bay u yeeleen daaqqa iyo oodaha caleemeystey. Loomana soo joogin xayawaanka oo ujanta beer tooda sida ay maanta u jamanayeen, la-yaabna waxa la noqday gocasha daas ay soo gocdeen in waxaba iyagu iska leeyihiin, taako kasta oo beerta ahina in ay tahay yed dooda. Koloofar baa mar kaas jeedaalisay aroorka ahaa hoos tooda, iyada oo ilmo kaga soo taagtaagan tahay indhaha. Fladdii ay sheegi kari lahayd waxa ku wareegayey maskax deeda, waxa ay sheegi lahayd in waxa maanta dhacay, aanu sina ula socon ujeeddadii iyo yididdiiladii ay lahaayeen beri hore oo imminka laga joogo sannado, beri gas oo ay meel dhigteen in ay u hawl galaan Bani- aadmiga afgembi giisa; waxa ay sheegi lahayd in waxyaalaha ay aragtay ee argagaxxa iyo gawracca ahi aanay ahayn himilooyinkii ay lahaayeen habeenkii Duqqa Mijir ku guubaabiyey, in ay kacaamaan; waxa ay sheegi lahayd, in haddiiba uu jirey sawir maskax deeda ku sameysmay oo ay ka haysatey aayatin koodu sida uu noqon doono, in sawir kaasi ahaa mid muujinayey bulsho xayawaan ah oo ka xorowday macaluul iyo karbaash, sinnaatay, bulsho koodii waliba shaqeeyo inta tamar tiisu tahay, bulsho kooda xoogga weyni ilaaliyo kan taagta daran, sidii iyaduba u illaalisay xayntii ahayd dhallaanka shinbir-badeedda, habeenkii Duqqa Mijir jeediyey hadal kiisa; waxa ay sheegi lahayd, hal kaas oo ay gaadhaan iska daa, ee in ay gaadheen waqti, ey bahalo ah oo gurxamayaa meel la arko ku meereysteen; waqti ay cid kasta sandulle ku noqotay in ay daawadaan Jaallayaal shooda oo xubin-xubin hor tooda loogu jarjarayo markii ay qirteen denbiyo xil leh.
Hana moodin in ay ku jireen Koloofar kacaannimo danbe iyo dhiidhdhi mid koodna, marka ay u fekereysey si daas. Waxa ay la ahayd in xaalku weli dhaamey sidii uu ku sugnaan jirey waagii Joonis. Aadna waxa ugu caddaa baahida loo qabo in Bani- aadmiga laga eryo beerta, taas oo mudan in wax kasta laga horreysiiyo. Si kasta wax ha u dhaceen, ee Koloofar haddii ay tahay, daacad bay noqon doontaa, sida ay imminka u hawl galsho si ka sii daran bay u hawl geli doontaa, amarrada la siiyo “hayye” bay odhan doontaa, madaxtinnimada Naabooliyoonna “weligaa hay” bay odhan doontaa. In kasta oo Koloofar ku nidar galshay si daas, haddana waxa ay ogsooneyd in tabaalaha dhacay ka soo hor jeedey yididdiilada ay lahaayeen iyo ujeedooyinka ay u rafaadeen. In kasta oo ay si daas ku nidar galshay, haddana waxay ogsooneyd in aanay dhiseen Wershedda Dabaylsha, in aanay ka hor tageen rasaasta Joonis, haddii ay ogaan lahaayeen in arrintu isu rogi doonto sida ay tahay maanta. Fekradaha ku soo dhacay geenyada Koloofar goortii xayawaanka kale iyada soo bideen dugsi iyo dhiirrigelin si daas ayay ahaayeen, in kasta oo ay iska weydey ereyyo ay fekrada heeda ku caddeyso.
Si daas ayaa Koloofar u bilowday heesta ‘Iglan Xoola heedow’ iyada oo is-leh ku buuxi meelsha aad u weydey hadalka. Xayawaankii ku xoonsanaana, heestii bay qun yar, saddex jeer/ si macaan oo tiiraanyo ku dhan tahay, u dhammeeyeen, iyaga oo u heesay si aan hore loogu heesin.
Mar-saddexaadka kolkii ay dhammeeyeen ayaa Iskuwiilar oo laba ey ilaalinayaan yimi, isaga oo is-neefinaya sidii uu sido war qaaya leh. Warka uu meelsha kaga dhawaaqay waxa uu noqday in sharci gaar ah oo ka soo baxay Jaalle Naabooliyoon lagu xaaraantimeeyey heesta ‘Iglan Xoola heedow’. Xayawaanku, sida ay u dhammaayeen, way naxdin gariireen. Rida Muureel oo yaabsan baa mar kaas weydiisay oo tidhi:
“Oo heestana maxaa loo sheegtay?”
Iskuwiilar oo si naxariis daran ugu jawaabayeyna waxa uu yidhi, “Dib baan loogu baahneyn heesta, Jaalle. Heesta ‘Iglan Xoola heedow’ waxa ay ahayd hees kacaannimo. Kacaan kiina waa hir galay. Dilkii galabta la dilay khaa’imiinta ayaa gebageba diisu ahayd. Nacabkii debedda iyo kii gudahaba waa la jebiyey. Hees taas waxa aynnu ku caddayneyney rabitaanka aynnu rabney bulsho ka sidata tii hore. Bulsha daas iyada ahna waa la gaadhay, dhidibbadana loo aasay. Haddaba, miyaanay caddayn in ay baaba’day ujeeddadii heestu?”
Waxaaba la arkaa in xayawaanka qaar kood diidi lahaayeen sharciga cusub in kasta oo ay aad u cabsoonayeen. Hase yeelshee, isla mar kaas ayaa idihii isugu jiibiyeen bacaacdii u ahayd caadada “Samaa Afar Lugood, Xumaa Laba Lugood”, taas oo dooddii ku xidhdhay meel sheeda markii ay dhawr jeer ku celceliyeen.
Si daas ayaan beerta dib loogu maqlin heesta ‘Iglan Xoola heedow’. Hal keediina waxa la geliyey hees uu tiriyey doofaarka Minimas ee gabayyaaga ahaa, hees taas oo ku bilaabmeysey:
Xoolaha beertoodow, Xoolaha beertoodow,
Xaasha weeye anigoo, Xumo kuu hor seedee!
Hees taas ayaa la qaadi jirey aroor kasta oo Axad ah goorta calanka la saaro. Xayawaan kiise waxay la noqotay in heesta cusub midha heeda iyo cod keeda, mid koodna aan sina loo barbar dhigi karin midhaha iyo codka heesta “Iglan Xoola heedow’.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *