Hordhac

HORDHAC
Farax weyn ayay noo tahay in aannu markii u horreysey u soo bandhigno dadka ku hadla Af Soomaaliga, buuggan magaciisu yahay ‘Beerta Xayawaanka’ (Animal Farm).
Buugga waxa ku qoray Af Ingriisi nin magaciisa la odhan jirey Erik Aartar Beleer (Eric Arthur Blair) oo magacca uu wax ku qoraa ahaa Joorj Orwel (George Orwell), dhalashadiisuna ahayd Ingiriis. Orwel waxa uu ku dhalshay dalka Hindiya markii sannadku ahaa 1903, halkaas oo aabbihii ka mid ahaa shaqaalaha Dawladda Ingiriiska oo u talin jirey Hindiya berigaas. Sannadkii 1907 ayaa reerkii ku soo laabtay Iglan, isagiina halkaas ayuu ka galay dugsiyada ilaa uu ka baxayey dugsiga sare ee Iiton 1921. Sannadkii ku xigeyna waxa uu galay ciidanka Bileyska ee Barma oo iyana Ingiriisku u talin jirey. Toddoba sannadood buu u shaqeynayey ciidanka Bileyska Barma.
Wax Orwel qoro oo soo baxa waxa u horreeyey maqaal uu ku qoray jariidad Faransiis ah sannadkii 1928. 1929 kii markii uu ku soo laabtay Iglan, macallin u shaqeysta is-kiis oo guryaha wax ugu dhiga dadka ayuu noqday. Dabadeedna cabbaar buu dugsi wax ka dhigay. Hase yeelshee, markii caafimaad kiisu u oggolaan waayey in uu sii wado macallinnimada ayuu iska daayey. Guryaha buugagga lagu gado mid ka mid ah ayuu markaas ugu shaqeeyey kaaliye aan joogto ahayn. Dabadeedna jariidad buu u shaqeeyey oo u ahaa faalleeyaha buugagga cusub ee soo baxa. Shaqadaas ayuu hayey ilaa 1940kii.
Sannadkii 1936 dabayaaqadiisii, Orwel waxa uu aaday dalka Isbeyn si uu halkaas uga soo dagaallamo isaga oo barbar kala soo jeedey qoladii u dagaallamaysey si ay Isbeyn uga dhigaan Jamhuuriyad. Halkaas ayaa Orwel lagu soo dhaawacay. Dagaalkii Labaad ee Adduunkana waxa uu ka mid ahaa ciidan loogu tala galay in ay waddanka ka ilaaliyaan gudaha. 1940 – 1943kii waxa uu ka shaqeynayey Qaybta Dalalka Bariga ee Idaacadda Bii.Bii.Sii.
Wargeyska la yidhaahdo Tribyuun (Tribune) oo qaybtiisa suugaanta uu tifatire ka ahaana, bog buu si joogto ah ugu qori jirey faallo la xidhiidhdha suugaanta iyo siyaasadda. Sannadkii 1945 Wargeyska Obsaafar (Observer) buu u noqday weriye uga soo warrama dagaalkii markaas socdey; dabadeedna si joogto ah buu wax ugu qori jirey wargeyska Wararka Galabta ee Manjestar (Manchester Evening News).
Orwel waxa uu qabey qaaxo. 1947 – 1950kii cisbitaalka ayuu marna gelayey, marna ka soo baxayey. Waxa uu dhintay 1950kii isaga oo lix iyo afartan jir ah.
Buugag badan baa Orwel qoray intii uu noolaa. Hase yeelshee, waxa uu ku noqday caan labada buug ee la kala yidhaahdo ‘Beerta Xayawaanka’ iyo ‘1984’ – labadaas buug oo mid walba laga iibiyey buugag kor u dhaafay laba malyuun.
‘Beerta Xayawaanka’, oo ah buuggan aannu markii u horreysey ku soo ban dhigaynno Af Soomaali, waxa uu ka sheekeynayaa sida koox xayawaan ah oo ku noolayd beer mar keli ah uga gilgilatay dulmigii Bani-aadmigu ku hayey. “Kacaan weeye arrinta innala gudbooni,” markii ay yidhaahdeen, ayay dabada kaga dhaceen Bani-aadmigii addoonsan jirey ee iyaga uun ku kor noolaa. Hase yeelshee, yididdiilo kasta oo hore ay u qabeen iyo himilo kasta oo ay lahaayeen waxa ay baabe’een markii xukunku u galay gacanta koox xayawaanka ka mid ah oo taladeedii noqotay been, musuqmaasaq, dil iyo argagixis ay kula kaceen xayawaanka kale. ‘Bulshadii sinnaatay ee ka xorowday gaajo iyo karbaash, bulshadii mid kastiiba shaqeynayey inta tamar tiisu tahay, bulshadii kooda xoogga weyni ilaalinayey kan taagta daran’ ee ay higsanayeen waxa ay ku danbeysey ‘goor ey bahalo ah oo gurxamayaa meel la arko ku meereystaan; goor ay cid walba sandulle ku noqotay in ay daawadaan jaallayaal shooda oo hor tooda xubin-xubin loogu jarjarayo’.
Dhaqanka Soomaalidana kuma ah wax cusub in xayawaanka laga hadliyo sida buuggu uga hadalsiinayo oo kale; sheekooyin badan oo dhaqanka Soomaalida ku jiraana waxa ay ku saabsan yihiin xoolaha la dhaqdo iyo habar-dugaagga, oo labaduba si aad ah ugu xidhan yihiin nololsha dadka. Hase yeelshee, dhaqannada dadyowga adduunka ee kala geddisan, iyo sida dhaqan kastiba u arko xayawaanka ku dhex nool (sida dhaqanka uu ka mid yahay ninka buugga qoray) ayaa keeni kara, in dad badan oo buugga akhriyayaa saari waayaan kaalinta doofaarrada. Horraantiiba waxa aannu ku sii baraarujineynaa dadkaas in ay jiraan dhaqanno la dhaqdo doofaarka, sida Soomaalidu u dhaqato xoolaha, hilib kiisana la cuno, in kasta oo caano aan laga maalin. Waxa kale oo aannu ku baraarujineynaa in dhaqannadaas qaar ka mid ahi aqoonsan yihiin in doofaarku u fariidsan yahay xayawaanka, iduhu u doqonsan yihiin, farduhuna u dammiinsan yihiin.
Qoraalka Af Soomaaliga ayaannu iyana xoogaa ka odhanaynaa. Marka u horreysaba mahad weyn baannu u celineynaa Guddida Far Soomaalida ee soo gaadhsiisay qoraalka afka heerka uu maanta marayo; iyo dadka badan ee kale ee guddida aan ka mid ahayn, hase yeelshee, aan dedaal koodu sina uga yarayn dedaalka guddidu la timi. Waxba annaga oo aan ku sii dheeraan ayaannu aqoonsan nahay in abaal-gud koodu iman doono goorta ummadda Soomaaliyeed la soo noqoto awood ay ku abaal mariso ninkii wanaag u galay iyo kii xumaan ka galayba.
Markii aannu isku daynay in aannu buuggan u beddelo Af Soomaali, haddiiba waxa aannu ku dhufannay foodda dhibaatooyin badan oo la xidhiidha qoraalka Afka. Dhibaatooyin kaas waxa u horreeya xuruuf ay nala noqotay in ay laba laabmaan sida: ‘dh’da,’x’da, ‘q’da, ‘c’da iyo ‘h’da. Xuruuf taas oo dhanna waannu laba laabnay goor kasta oo ay nala noqotay in ay u baahan yihiin laba-laabid. ‘Dh’da haddii aannu ku horreynno, dhibaatada ‘dh’da laba laabantaa waxa ay u gaar tahay dadka ku hadla ‘dh’da oo ka duwan kuwa ku hadla ‘r’da meelaha la isku beddelo ‘dh’da iyo ‘r’da. Waxa ay nala tahay in dadka ‘dh’da ku hadlaa leeyihiin ‘dh’ culus iyo ‘dh’ fudud; halka dadka ‘r’da ku hadlaa ka leeyihiin ‘dh’ culus oo keli ah. Meelaha dadka ‘dh’da ku hadlaa ka isticmaalaan ‘dh’da fududna, dadka ‘r’da ku hadlaa waxa ay ka isticmaalaan ‘r’. Sidaas darteed ayaan dadka ‘r’ da ku hadlaa u baahnayn in ay laba laabaan ‘dh’da; dadka ‘dh’da ku hadlaase u baahan yihiin laba-laabidda ‘dh’da si ay u kala soocaan ‘dh’da culus iyo ‘dh’da fudud. Laba-laabidda ‘dh’du maanta ma aha arrin fudud, maxaa yeelay, hindisaha hore ee qoraalka oo ‘dh’da u gartay wada-jirka labada xaraf ‘d’ iyo ‘h’ ayaan tix gelin in ‘dh’du laba laabanto. Sida Afku u qoran yahay maantana waxa uu khasbayaa in laba-laabidda ‘dh’du u qormo ‘dhdh’ taas oo aan noola muuqan wax la aqbali karo. Waxa beegan oo ay nala tahay in dadka qoraalka Afka daneeyaa arrinta ka geystaan talooyin si ay u suurtowdo in xarafka ‘dh’ si hawl yar u laba laabmo.
In xarafka ‘dh’ u laba laabmo dadka ku hadla ‘dh’da, sida aannu horeba u sheegney, shaki kuma jiro. Tusaalena waxa innoogu filan: Fadhiiso oo ‘dh’ fudud ah, dadka ‘r’da ku hadlaana u qoraan fariiso iyo fadhdhi oo ‘dh’ culus ah, dadka ‘r’da ku hadlaana u qoro fadhi; in kasta oo ay nala tahay in iyaga qudh dhoodu u qori karaan fadhdhi, kol haddii si loogu wada dhawaaqayo, looguna dhawaaqayo fadh-dhi ee aan loogu dhawaaqayn fa-dhi. Tusaale kalena waxa weeye: Fadhi maayo oo macne heedu yahay qodi maayo ama baadhbaadhi maayo oo ‘dh’ fudud ah, dadka ‘r’da ku hadlaana u qoraan fari maayo iyo fadhdhi oo ‘dh’ culus ah, horena aannu u taabannay. Waxa isna jira ereyga cadho oo macni hiisu yahay xanaaq oo ‘dh’ fudud ah, dadka ‘r’da ku hadlaana u qoro ‘caro’ iyo ereyga ‘cadhdho’ oo ‘dh’ culus ah, macna hiisuna yahay cudur ku dhaca jidhka. Ereyada innoo muujinaya in ‘dh’du laba laabanto waa badan yihiin sida: aan gaadho, aan baadho, aan saydho oo dhammaan ‘dh’ fudud ah iyo aad gaadhdho, aad baadhdho aad saydhdho, oo ‘dh’ culus wada ah, loona akhriyayo: aad gaadh-dho, aad baadh-dho, aad saydh-dho, lagana dhigi karo sida saxa ah: aad gaadhto, aad baadhto, aad saydhto.
Xarafka ‘y’ ayaannu isagana laba laabnay. Marar badan oo ay nala noqotay in uu laba-laabid u baahan yahayna waannu ka deynnay si aannaan buugga akhris kiisa u gelin dhibaato. Meelaha aannu ka fursan weyney ‘y’da laba-laab keeda waxa ka mid ah: erey, ereyyo oo loogu dhawaaqayo erey-yo, iyada oo ‘yo’da xagga danbe tilmaameysa jamac, sida balli, balliyo. Wayna nala toosnaan weydey in ereyga loo qoro sida faaftay ee ah: ereyo oo loogu dhawaaqayo ereyo. Horta wax ‘ere’ la yidhaahdaaba ma jiro. Haddii si daas la yeelona waxa ay nala tahay in ereygii si xun loo qalay oo laga tegey xaraf ka mid ah asalka ereyga, kaas oo ah xarafka ‘y’.
Ereyyada kale ee arrin taas la xidhiidha waxa ka mid ah: gabay, gabayyo, gabayyaa; odey, odeyyo, odeyyaal; looguna dhawaaqayo gabay-yo, gabay-yaa; odey-yo, odey-yaal. Ereyga fule ama fuley hadba sida loo yaqaan, oo macna hiisu yahay qofka cabsada marka uu yahay jamac waxa loo qorayaa laba siyood oo ku xidhan hadba sida qofku u yaqaan ereyga – Fule, fuleyaal; fuley, fuleyyaal.
Xuruufta ‘q’, ‘c’, ‘x’ iyo ‘h’, iyaguna waa laba laabmaan, gaar ahaan marka ay ugu danbeeyaan magac lab sida: xaq, faq, naq, baaq, baac, sac, laac, guux, foox, loox, rah, daah oo goorta la raaciyo qodobka caddeynta u qormaya: xaqqa, faqqa, naqqa, baaqqa, baacca, sacca, laacca, guuxxa, fooxxa, looxxa, rahha, daahha; looguna dhawaaqayo: xaq-qa, faq-qa, naq-qa, baaq-qa, baac-ca, sac-ca, laac-ca, guux-xa, foox-xa, loox-xa, rah-ha, daah¬ha. Ereyyada kor ku xusan marka lagu xidhiidhiyo ’tilmaan lahaansho’ sida: kayga, kiisa, keeda, tayda, teeda iwm, waxa ay u qormayaan sidan:
xaq, xaqqa, xaq qeeda, xaq qayga, xaq qaaga, xaq qiisa.
sac, sacca, sac ceeda, sac cayga, sac caaga, sac ciisa.
loox, looxxa, looxxeeda, looxxayga, looxxaaga, looxxiisa.
daah, daahha, daah heeda, daah hayga, daah haaga, daah hiisa.
Marka ereyga loo qoro sida kor ku tilmaaman oo la kala reebo magacca iyo tilmaanta lahaansho, waxa meelsha ka baxaya ereyyadii dhaadheeraa ee qoraalka iyo akhriskaba ku ahaa dhibaato. Guud ahaan waxa ay nala tahay in ay laba laabmaan xuruuf ka badan kuwii la yidhi waa ay laba laabmaan. Waxa ay nala tahay waqti gan la joogo in la sheego xuruufta la hubo in aanay laba laabmin oo keli ah, kuwa kalena loo dhaafo hadba sida aqoontu u korodhto. Ilaa imminkana waxa aannu odhan karnaa, malaha ‘k’ da iyo ‘t’ da oo aan si doodaba ereyga Soomaaligu ku dhammaan ayaan u baahnayn laba-laabid, in kasta oo odhaah daas qudh dheeda laga doodi karo.
Xuruufta laba laabanta ee aannu hore uga faalloonay ka sokow, waxa jira marar badan oo falku ku dhammaado ‘y’ oo aannu laba laabnay ‘n’da ka danbeysa ‘y’da marka qofka kowaad ee jamacca ahi hadlayo sida: hay, aannu haynno; lay (laa), aannu laynno; ray, aannu raynno; goy (goo), aannu goynno; gey (gee), aannu geynno; qoy (qoo), aannu qoynno; hoy (hoo), aannu hoynno; iyada oo aannaan laba laabin kuwa kale: cay, aannu cayno; day, aannu dayno; dhay, aannu dhayno; qoy, aannu qoyno. Waqti ganna wax badan kama odhan karno sababta ‘n’du u laba laabantay qaybta hore, qaybta danbese u laba laabmi weydey. Qaybta hore magacyada ka sameysmaa waa: hayn, layn, rayn, goyn, geyn, qoyn iyo hoyn, iyada oo ‘no’ danbena tilmaameysa qofka kowaad ee jamacca ah (Annaga ama Innaga). Qaybta labaad magacyada ka sameysmaa waa: caayid, dayid, dhayid, qoyid. Arrinta ka-faallood keedu waa mid u taal culimada qoraalka Afka iyo ciddii kale ee daneysa.
In taas waxa noo raaca oo aannu soo qaadeynaa falal badan oo ku dhammaada xarafka’d’, sida: gad, qaad, shid, jiid, iwm. Laba siyood baannu u isticmaaleynaa fal kasta si aannu u muujinno ujeeddada aannu ka leenahay: way gadday, way gadatay; way qaadday, way qaadatay; way shidday, way shidatay; way jiidday, way jiidatay. Ujeeddada yaduna waxa weeye goorta falka loo isticmaalo sida labaad, laguna isticmaalo qofka saddexaad ee jamac ah (iyaga); ama qofka saddexaad ee keli ah ee lab (isaga); ama qofka kowaad ee keli ah (aniga). Tusaale ahaan haddii aannu u qaadanno qofka kowaad ee keli ah, waxa aannu aragnay in sida faaftay ee falal kaas loo qoraa tahay: waan gatay oo qaatay. Markii aan ka jiitay meelshii aan ka gatay, baan dab shitay. Annagase waa nala noqon weydey in qoraalka falalku si daas yahay. Iyada oo lagu dhawaaqo mooyaane, ereyyada laguma suureyn karo falalka ay ka yimaaddeen ee ah: gad, qaad, shid, iyo jiid.
Sababtu waxa weeye iyada oo laga tegey xaraf ka badh ah ereyga, oo la’aantiis aan ereygu macne yeelan karin, kaas oo ah xarafka ‘d’. Waxay nala tahay in aan xaraf shibbane ahi lumi karin, wuuse isbeddeli karaa sida: ‘n’ iyo ‘m’, la isku beddelo; ‘b’ iyo ‘w’, la isku beddelo; ‘g’ iyo ‘k’ la isku beddelo. Xaraf shaqal ahise waa lumi karaa. Si daas dar teed, falalka qoraal kooda iyo dhawaaq qooduba waxa ay noqonayaan: waan gadtay oo qaadtay. Markii aan ka jiidtay meelshii aan ka gadtay baan dab shidtay ‘d’da dhawaaq qeedu haddii uu aammusan yahay waxba kuma jabna. Lagamase tegi karo, bay nala tahay.
Faallada la xidhiidhta qoraalka Afka waxa aannu ku soo gebagebeeneynaa ereyyo kale oo iyana qoraal koodu nagu adkaaday; sida faaftay ee loo qoraana na qancin weydey. Ereyya daasi waxay ku dhammaadaan xarafka T. Qaar waa falal sida: hel, dil, fil, iwm; qaarka kalena waa magacyo dheddig sida: Hal, meel, beel, fool iwm.
Falalka haddii aannu ku horreynno, dhibaatada nala kulantay waxa weeye sida falku u qormayo goorta lagu isticmaalo: qofka labaad ee keli ah ama jamac ah (adiga iyo idinka) iyo qofka saddexaad ee keli ah ee dheddig (iyada). Sida faaftay, falka ‘hel’ marka lagu isticmaalo qofaf kaas aannu kor ku sheegnay waxa loo qoraa sidan: waad heshay, (adigu); waa aydin hesheen (idinku); way heshay, (iyadu).
Waxa meelsha ka baxay xarafka ‘l’ oo falka ‘hel’ aanu ka maarmin. Waxa la lumiyey xaraf shibbane ah oo ay tahay in aanu lumin, sida aannu hore u sheegnay. Waxa ay nala tahay in aan qoraal kaasi toosneyn, oo erey yadaasi u qormayaan sidan: waad helshay (adigu); waa aydin helsheen (idinku); way helshay (iyadu). Aamusnaanta ‘l’du waxba ma dhimeyso. Waxaase lagama maarmaan ah in ay joogto oo aan la lumin.
Magacyada dheddig ee ku dhammaada xarafka ‘l’ waxay la mid yihiin falalka oo iyagana waxa laga lumiyaa ‘l’da goorta lagu xidhiidhiyo qodobka caddeynta oo ah ‘sha’da. Waxa faaftay in magacya daas loo qoro sidan: hal, hasha; meel, meesha; beel, beesha; fool, foosha; iwm. Sidii hore oo kale waxa la lumiyey xarafka ‘l’da oo ka tirsan asaaska ereyga. Waxa ay nala tahay in qoraalka ereyya daasi noqdo sidan: hal, halsha; meel, meelsha; beel, beelsha; fool, foolsha. Aamusnaanta ‘l’du waxba ma dhimeyso oo ‘sha’da ayaa la xoojinayaa ama la shedayaa; waase in ay joogto oo aanay lumin.
Faalla daas dheer ee ku saabsan qoraalka Afka ugama jeedno in aannu cid ku xumeynno, ama aannu sheeganno aqoon aannaan lahayn. Ujeeddada aannu ka leenahay faallada waa laba: Ujeeddada kowaad waxa ay tahay in aannu uga sii digno dadka akhriyaya buugga in ay kala duwan yihiin sida ay u qoraan ereyyada qaar kood iyo sida aannu u qornay. Maskax dayaduna waa u furan tahay cid kasta oo nagu baraarujisa gef aannu galnay, annaga oo fileyna in gefaf badani ku jiraan.
Ujeeddada labaad ee aannu ka leenahay faallada qoraalka Afka waxa weeye in aannu ku baraarujinno inta xiiseysa qoraalka Afka oo ay ku jiraan mas’uuliinta, culimada Afka, wargeysyada iyo dadweynuhuba in qoraalka Afku yahay bilow weli ceedhiin, hore-u-marin tiisuna u baahan tahay hawl aan yarayn.
Ugu danbeyntiina waxa aannu qireynaa kaalinta weyn ee soo-saaridda buugga ay ka qaadteen Qaalib Muuse Caafi, Axmed Zaki Guuleed iyo Cabdillaahi Cabdi Axmed oo dhammaan tood waqti badan ku lumiyey; talooyin iyo toostoosin aan la qiimeyn karin oo xagga Afka ahna noo geystay.
Maxamed Yuusuf Cartan


Posted

in

by

Comments

3 responses to “Hordhac”

  1. waxaan jeclahay buugaagta Ku saabsan suugaanta iyo farshaxanka

  2. Sakariye

    Maasha Allaah, waan jeclahay aqriska buugaagta waadna mahadsantihiin

    1. maamul

      adaa mudan walaal.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *