Qeybta 27aad

Markuu markabkii ka shiraaqday magaaladii ayuu Jetro u tegay sarkaalkii Masriga ahaa; waxanu siiyey haddiyad habboon. Ka dib markii uu la sheekaystay cabbaar, wuxuu arkay in uu yahay nin aan waxba ka shakisnayn oo isla mar ahaantaa kala talin kara socdaalkooda ay kaga gudbayaan lamadegaanka bari. “Way ii suurtagali weydey in aan la sii socdo markabkii,” ayuu yidhi Jetro. “Waayo wiilkayga yar ayaa aad u xanuunsanaya. Inta markabka kale imaanayana muddo dheer ayey qaadanaysaa, markaa waxay ila noqotay in aan Mo’aab u gaaro si aan uga soo iibiyo bucsharaddan aan sito.”

“Si dhib yar ayey kuugu suurtoobaysaa in aad gaadho Mo’aab,” ayuu yidhi sarkaalkii Masriga ahaa, “dhulka ganacsatada aad baa looga soo dhaweeyaa. Hase yeeshee jidka aad sii maraysaan ayaa halis miidhan ah. Waxad sii maraysaan dhul aan cidina xukumin. Budhcadda lamadegaanka wareegaysaana cidday la kulmaanba way weeraraan. Kaaga darane, hadday alaabta ay kaa dhacaan uun kaaga tegayaan waxba may ahaateen ee waxaa suurtowda in ama ay qudhaba kaa jaraan ama ay addoon kaa dhigtaan oo ay ku wataan. Kolse haddii aad Mo’aab gasho dhulku waa nabad. Waxaase fiican in aad geesta galbeed ka martaan harta milixda ah ee uu webiga Urdun ku soo shubo.”

“Oo sidee uu yahay jidka harta milixda iyo Mo’aab u dhexeeyaa,” ayuu yidhi Jetro.

“Wallaahi, sidaa uma sii adka in kasta oo loo baahan yahay in aad biyo idinku filan sii qaadataan, waayo, ceelashu way kala fogyihiin inta badanna waabay qalalan yihiin. Waxayse ila tahay in aad wiilka kaa buka isaga tagto waayo waxaan ka cabsi qabaa in uu kuu jid mari kari waayo,” ayuu ku jawaabay Masrigii.

“Maya durba wuu soo yar ladnaanayaa kollayba dhib kastuu qabo in aan kaxeeyo waxay ku dhaantaa ma jirto.” ayuu yidhi Jetro. “Haddii aannu harta milixda iyo webiga Urdun galbeed ka marno wax badaniba nooma hadhin ilaa inta aannu ka gaadhayno magaalada badda weyn ee waqooyi ku taaL Halkaana markab ayaannu ka raaci doonnaa ilaa Belisiyam (magaalo bariga xeebta waqooyi ee Masar ku taallay) oo aannu ku tegi doonna dhulkeennii; kana dhakhso badan haddii aannu halkan ku sugi lahayn (ogow: Jetro wuxuu sarkaalka Masriga ah ugu sheekaynayaa sidii oo ay u socdaan Masar).

“Haa waa sidaa,” ayuu yidhi sarkaalkii, “Halistu waxay badan tahay qaybta hore ee socdaalka. Ganacsata dawgaa martaa inta badan waay isku kaxaystaan gaashaanbuur xoog leh si ay iskaga kaalmaystaan budhcadda, sidaa darteed waxaa habboon in aad safar badan oo baxaya sugtaan. Toddobaadkii dhawayd mid baa baxay, waxaana laga yaabaa inay ilaa lix bilood qaadato inta mid kale diyaar noqonayo.”

“Oo maxaa gaadiid ah ee aannu raran karnaa?” ayuu Jetro weydiiyey Masrigii.

“Halkani waa dhul lamadegaan ah, markaa awrta ayaa ugu fiican wax la rarto. Imika waxaan u malaynayaa in uu magaalada joogo nin lix ilaa toddoba awr haysta. Waxaan maqlay wuxuu la socday safar beri dhexdaasa yimid; hase yeeshee wuu bukooday oo wuu raaci kari waayey markii uu safarkii noqonayey. Waxay ila tahay in uu aad u jeclaan doono in aad israacdaan. Bal askari baan ku raacin doonaa gurigiisa ku soo tusa,” ayuu ku jawaabay sarkaalki.

Markii ninkii safarka ahaa loo geeyey ayaa wuxuu Jetro ogaaday in ninku aad u doonayey dad uu sii weheshado ilaa dhulkiisii oo la odhan jiray Meediya, (imikana loo yaqaanno waqooyiga Iiraan) una dhowaa dalka ay Jetro iyo saaxiibaddii u socdeen. Wuxuuse shuruud kaga dhigay Jetro in haddii ay doonayaan inuu raaco ay kiraystaan toban nin oo hub sita oo sii ilaalisa ilaa inta ay Mo’aab gaadhayaan. Sidii buu Jetrona oggolaaday. Wuxuu dabadeed u soo kacay gurigii ay saaxiibbadii ku sugayeen; waxanu uga warramay siday ninka awrta haysta ku soo heshiiyeen.

“Waxaan inoo soo qalqaaliyey socdaalkeenna ilaa Balmira,” ayuu yidhi Jetro, “inta dambana hadhaw baynu ka tashan doonnaa. Ninku wuxuu iga codsaday in aan kiraysanno toban nin waxase aynnu kaxaysan doonaa ilaa labaatan. Maxaa yeelay mar hadday kan innagu soo food lihi yahay socdaalkeenna kii ugu halista badnaa, waa in aynnu aad uga tabaabulshaysanaa. Xagga kharashka, dahabkii Ameres inna soo siiyey ayaan weli hayaa. Bucsharaddii aan ka soo iibiyey Semnehne macaash badan baynu ka hellay. Kollayba lacagta socdaalkan nabadgalyadeenna ku baxdaa waa mid meel u qalanta ku baxday. Waxaan u sheegay ninka awrta leh in aynnu diyaar ku noqon karno ilaa toddoba cisho waayo waxaa habboon in aan marnaba loo qaadan in degdegsiiye inna haysto. Adiguna, Maysa waa in aadan xanuunkaagii been been ahaa dhakhso uga bogsan.”
Toddobadii cisho markay dhammaadeen ayuu Jetro isku aoo ururiyey labaatan nin oo fardahoodii wata. Heshiiskiina wuxuu u dhacay in lacagta kiradooda ah loo dhiibo sarkaalka Masriga ah. Taasoo marka ay soo noqdaan la siin doono ka dib marka ay warqad uu Jetro soo saxiixay ay ula yimaadaan. Warqaddaas oo caddaynaysa in ay waajibkoodii soo guteen.

Gorfagorfayntii tabaabulshaha ayuu ka ogaaday ninkii awrta lahaa in ay Jetro iyo saaxiibbadii doonayaan in ay bari ka maraan harta Milixda; waxanu sheegay in sidaasi fikrad aan toosnayn tahay, “Waxa habboon,” buu yidhi, “in wolow kollay bari la marayo, haddana la raaco dawga mara Betra ilaa Hesbo oo Mo’aab ku taalla. Dawgaa oo ah ka yaalaa ay maraan safaradu. Waxaana dawga isaga ah ku yaalla tuulooyin isku dhawdhaw oo ceelal leh.” “Awrtaydu,” ayuu yidhi ninkii, “waxay socon karaan muddo badan oo aanay biyo u baahan; waxaanse u cabsi qabaa fardaha oo laga yaabo in ay harraadka iska xajin waayaan.”

Jetro taladii ninka awrta leh ayuu raacay; isla mar ahaanta wuxuu ku farxay markuu maqlay in aan socdaalku siduu moodayey u dhib badnaan doonin. Wax walbana dabadeed degdeg baa loo habeeyey; waxayna kooxdii dawga cagta saareen markay qorraxdii fudh soo tidhi. Labadii gabdhood iyaga oo weli dharkii wiilasha gashan ayaa awr rakuub ah loo salaxay oo midba dhinac fadhiisin raaxa leh looga sameeyey. Ninkii awrta lahaana, awrkaa gabadha la saaray oo ahaa ka u horreeya xidhiidhka ayuu hoggaanka u qabtay. Jetro, Amuba iyo Jebronna iyaga oo giddi ku gaadhan fallaadho iyo seefo ayey saddex faras oo la yaqaan ku og kadleynayeen awrta gabdhaha la saaray. Labaatankii ilaallada ahaa toban hore ayey ka socdeen, tobanna gadaal.

“Waa meelahee meelaha ugu halista badan dhulkan?” ayuu Jetro weydiiyey awr-wadihii.

“Inta hore,” ayuu ku jawaabay, “mar haddaynu Betra gaadhnase dhulka intiisa kale waa nabad. Marka hore waxaa innagu soo bixi doona dhul xoog ah oo buuro yar yar leh waana meesha laga yaabo in aynnu dadka guuraaga ah ee lamadegaanka kula kulanno, waayo halkaasay maraan marka ay buurta Siinaay ku socdaan ama ka socdaan. Buuraha yar yar ee bidixda innaga qaban doona ayey ka dhigtaan dhufaysyo ay ku dhuuntaan islamar ahaanta ay ka ilaashadaan socotada banka maraysa.”

“lmisaynu u sii socon doonaa Betra?” ayuu yidhi Jetro.

“Illaa saddex cisho, awrtaase weli dedertii qabta oo waxaa dhici karta in ay laba maalmood oo kali ah innagu qaadato. Haddana waa in aynnu hadda dhakhsanno si aynnu hore ugu dhaafno dhulka halista ah. Markaynnu Betra gaadhno ayeynnu awrta nasin doonaan.” Qorrax aad naartii mooddo ayaa iska soo deldeshay cir aan midh daruur ah lagu ogayn. Holaca kulka ee ka soo kacaya buuraha iyo burcooyinka waxabay la noqotay qoladeennii sidii waxay meel dab laga shiday dhexmarayaan. Hase yeeshee umay jixinjixin ee laba jeer oo kali ah ayey maalintii u joogsadeen nasasho iyo cunto. Hadday cadceeddii casar gaaban isku shubtayna, waxay qalqaalsadeen halkay habeenkaa baryi lahaayeen. Dhawr qarbad oo waaweyn oo ay biyo ku siteen ayey fardihii ka waraabiyeen, Deeto intay awrtii weegaar u tu’iyeen; ayey iyaga iyo raradoodii xero ka sameeyeen; badhtankeediina waxay ka dhiseen taanbuugii gabdhaha. Dushana waxa isaga soo xeeray raggii ilaallada ahaa, oo intay warmihii dhulka ku qotomiyeen, fardihii ku xidhay.

Markii ay casheeyeenba way kala daateen waayo daal buu qof waliba la il darraa. Afar nin bayse ilaallo ahaan ku amreen in ay soo jeedaan. Jetro, Amuba iyo Jebronna waxay ku tashadeen in aanay ragga isku hallayn ee midkoodba mar soo jeedo habeenka; walow nimanka la socdaa ay u sheegeen in haddii xataa la soo weeraro in aan subaxda ka hor aan weerar dhacayn. “Lagama yaabo in ay qaflad innagu qaban karaan,” ayuu yidhi ninkii awr-wadaha ahaa, “maxaa yeelay kollay waxaynu maqlaynaa gurxankooda. Haddii ay inna soo weeraraanna waxa laga yaabaa in ay noqoto waa ku dhawaadka.” Sidaa darteed Jetro soo jeedka hore wuxuu siiyey Jebron ka labaadna Amuba. Waa ku dhowaadka iyo inta ka horraysana isaga ayaa isku beegay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *