Qeybta 29aad

Intii ay ilaa Mo’aab gaadhayeen, safarkoodii wuxuu ahaa mid aan shiddo lahayn. Markay Mo’aab yimaadeenna raggii ilaallada ahaa ayaa halkaa kaga hadhay, Jetro wuxuu nimankii mid walba siiyey hadiyad fiican iyaga islamarahaantaa qaadanayaa lacagtii kirada markay ku noqdaan Elana. Markay Mo’aab ka gudbeen qoladeennii waxay foodda saareen daw lamadegaanka woqooyi bari badhtanka ku dhufta. Waxay sii mareen Balmira ilaa ay ku baxeen webiga la yidhaa Furaat ee mara dalalka hadda loo yaqaan Suuriya iyo Ciraaq; waxayna halkaasi qiyaastii noqonaysaa dhulkii beryahaa Asiiriya la isku odhan jiray. Waxay gawda hayaanba waxay ku soo baxeen buuraha u dhexeeya Asiiriya iyo badda Kasbiyan.

Shilal dhawr ah ayaa dawga ku helay, waxayse ugu dambeystii galeen dhulka la odhan jiray Meediya ka dib markay qiyaastil ilaa lix bilood ka sokeeyeen Elana. Dadka Meediya ku dhaqnaa waxay ahaayeen dad guuraa ah oo xagga midabka reer Reebu ay isku dhawaayeen; nabadina ka dhexaysay.

Jetro iyo Amuba hadda waxaa galay dareen nabadeed iyo xiise; waxayse ku tashadeen in ay iska hubsadaan oo ay horta inta ay ogaanayaan waxa dalkoodii ka dhacay labiskii ganacsatada ee ay xidhaayeen sii gashanaadaan. Qummaati ayey deeto woqooyi ugu baxeen oo waxay kolba si fiican u sii nastaanba waxay galeen tuuladii ugu horreysay ee reer Reebu.

In badan ayey ka sii xaajoodeen waxa ay yeeli doonaan kolkay dhukooda galaan. Jetro isagu marka u horraysayba wuu isku sheegi lahaa dadka cidduu yahay; dadkuna hubaal aad bay u soo dhawayn lahaayeen, uguna farxi lahaayeen nasiibka uu kaga soo fakaday Masaaridii qafaashtay. Amubaase isbandhigga dhakhsa ihi ay ku ahayd halis weyn ilaa inta ay ogaanayaan cidda dhulka xukunta. Sidaa ahaan Amuba wax damac ihi kama hayn in uu jagadii aabbihii qabsado oo uu boqor noqdo; waxanu iskaba jeclaa in uu nabadgalyo iyo xasilooni iskaga noolaa dalkiisa.

Warkii u horreeyey ee dhulka ku saabsanaa ee ay heleen wuxuu noqday: in guuto ciidankii Masar ihi magaalo weynta joogaan; dadkuna cashuur aad u badan siiyaan Masar sanad walba. Waxa kale oo ay ogaadeen in Amusis boqornimadii isa siiyey kadib markii ciidanweynihii Masar dhulka ka baxay. Waxanu la heshiiyey saraakiishii ciidanka Masar, sidaa darteedna dadkii uu aad u nacay; isna waxa alla wixii ay boqorkii dhintay qaraabo ahaayeen oo dhan ayuu wada laayey, si aan cid madaxnimada ugula dooddaba aanay meelahaa uga dhawaan.

Amuba iyo Jetro dhawr goor ayey aad u falanqeeyeen waxa Amuba la gudboon in uu ku dhaqaaqo mar haddii ay ogaadeen in boqorka waddanku yahay nin aan bixinayn.
“Laakinse aniga inna damac igama hayo in aan boqor noqdo,” ayuu ku dooday Amuba.
“Waad u dhalatay boqornimada, Amuba,” ayuu ku dhiirriyey Jetro, “Mana aha wax aad adigu maanta dooranayso. Waa danta dadkeenna midda khasab ka dhigaysa in Amusis meesha laga tuuro adiga oo boqorkii xaqa ahaana lagu saaro.” Deeto intuu yara ilkacaddeeyey ayuu raaciyey, “Ilama aha adoo waxaas oo dhib iyo halis ah la soo maray Maysa, haddana doonayso in aad faraha ka qaaddo. Waxaan cindigayga gashaday, haddaan ku fiirinayey lixdii bilood ee ugu danbaysay in aad kollayba waxyaalo badan damacsan tahay.”

“Waa runtaa, Jetro,” ayuu yidhi Amuba ka dib markii cabbaar aamusnaa. “Waana waajib i saaran in aan madaxnimada gacanta ku dhigo oo aan dalka iyo dadkaba ka xoreeyo. Maxayse kula tahay tallaabada ugu habboon ee aynnu qaadi karnaa?”

“Horta waxaynnu socon doonnaa ilaa magaalo yar oo badda ku taalla. Halkaasaynnu guri nin ganacsada ah oo saaxiibkay ihi leeyahay gayn doonaa gabdhaha. Ka dib markaasaynnu, dhulka mari doonnaa waxanaynnu raadsan odayaasha magaalooyinka iyo tuulooyinka dalka oo dhan iyo wax alla wixii kale ee neceb kuwa dhulka xukuma. Kollay waxaynnu la kulmaynaa saaxiibadeen wixii ka nool. Lagamana yaabo in aynnu la dhib mudanno ururinta col innagu filan oo aynu si qaflad ah magaalada ugu weerarro.”

Markay dalkoodii dhex qaadeen ayuu Jetro dadkii isku sheegay; ugana sheekeeyey siday isaga iyo Amuba uga soo baxsadeen addoonsigii Masar, iyo waxa ay hadda ku talo jiraan. Dadka badidiisu isaga aad bay u yaqaaneen oo kolkiiba way rumaysteen. Amubase way garan waayeen; waxanu deeto qanciyey in Amuba hadda meel kale joogo oo uu sugayo kaliya in dadkiisu u yeedhaan oo boqornimada siiyaan. Warkaa isaga ah dadkii meel kasta ha joogaane, aad bay ugu riyaaqeen.

“Waxaan damacsannahay,” ayuu ku yidhi Jetro dadkii, “inaan ciidan xoog leh ururiyo oo aan ka tuuro Amusis meesha. Markaa waxaa innoo hadhay waa Masaarida oo aynnu iyana dhulkeena ka xorrayno.”

Meeshay tagaanba dabadeed, dhallinyar oo dhan ayaa ku tabarrucday in ay ciidankiisa galaan. Wuxuuse digniin ku bixiyey in ay si qarsoodi ah isu urursadaan, una hubsamaystaan ilaa inta ay isaga war ka helayaan, meesha iyo goorta ay kulmi doonaan. Lix toddobaad intaanay dhammaanba wuxuu isku keenay ciidan lixaad leh. Dabadeed wuxuu magacaabay maalinta lagu kulmi doono buuraha magaalada u dhaw. Koox kastana marka ay yimaaddaan ayuu intuu iskudubbarido uu u yeelayey nin madax u ah.

Dhawr cisho dabadeed ayuu goor habeen ah ciidankii oo dhan meela saldhig ah iskugu keenay. Markuu arkay in ay diyaar yihiin oo ay hubkoodii u dhan yahay ayuu Amuba oo uu taanbuug ku qarinayey soo saaray oo ciidankii oo saf u taagan horkeenay. Hadduu magaciisilba sheegay baa raggii Amuba jac ku soo siiyeen oo hortiisii dhulka isdaadiyeen iyaga oo leh: “Boqorkayagiyow! Ballan waxaannu kuugu qaadaynaa in aannu kula dagaal galno.”

Toddobaad gudihiisa ayaa qabanqaabadii iyo isdiyaarintii lagu dhameeyey. Waxaa lagu heshiiyey in Jetro iyo laba boqol oo nin oo uu xushay magaalada galaan maalinnimada. Qaarna ay xagga badda ka yimaaddaan. Dar kale oo seddexaadna ay mid mid uga galaan irdaha waaweyn ee magaalada; habeenbadhkana ay giddigood bannaanka weyn ee magaalada ku yaalla yimaaddaan. Amuba iyo ciidanka intiisa kale iyaga waxaa lagula ballamay in ay cawaysinka horyimaaddaan irridaha magaalada ee waaweyn mid ka mid ah.

“Marnaba waxa dhici doona kuma talogali kartid,” ayuu ku yidhi Amuba, “waxaan rumaysanhay in raggii innoo wada daacad yahay, hase yeeshee kollayba nin xun lama waayo, markaa sidaa darteed ayaan qaarba qaar inay ilaaliyaan ugu ballamiyey.”

Wax walba sidii loogu talo galay ayey u dhaceen. Raggiina magaaladii ayey galeen iyada oon cidina ka shakiyin. Kuwii xagga badda soo maray oo ahaa kalluumaysato iyagu waxay soo galeen magaalada qaybta badda xigta. Giddigood, mid rnid ama laba labo, ayey iyaga oo seefahoodiina hoosta ugu qarsoon yihiin, magaaladii iska dhex mushaaxayeen. Kuwii magaalada cid ka yaqaanayna guryihii saaxiibbadood ayey iska aadeen.

Jetro markuu magaaladii soo galay wuxuu u tegay nin ay saaxiibbo anaayeen gurigiisa, kaasoo uu farriin u sii diray. Halkaasuu deeto marba marka ka dambaysa kala socday wararka.

Waxaa markiiba soo gaadhay in arrimihii si habsan u socdaan waa mide: ninkii Amusis markuu maqlay imaatinka Amuba ayaa baqdin dhulkii qaadi waayey. Isla aroornimadaana argaagaxii ayuu dhawr nin oo odayaal ah oo uu ka shaki qabay inay isku dhadhawaayeen boqorkii dhintay ayuu xabsiga ku tuuray.

Guutooyin dhoor ah oo ciidamadiisii ka mid ahna dhulka ayuu ku firdhiyey si ay u baadigoobaan Amuba. Waxay ciidamadaasi fatash kula kaceen meelihii Amuba lagu tuhmayey oo dhan. Taasi waxay noqotay war uu aad ugu riyaaqay Jetro, maxaa yeelay wuxuu halkaa ka gartay in aan Amusis cabsiba u qabin nabadgalyada magaalada isla mar ahaantaa waxa yaraatay tiradii askarta magaalada joogtay, oo aan markaan hadda ah kuwiisa waxba ka badnayn.

Jetro wuxuu intii qorraxdu soo jeedday gurigii saaxiibkii ku gabbadaba, kolkuu dhulkii madoobaaday, ayuu magaaladii u soo baxay. Wuxuu markiiba arkay isbeddelka weyn ee magaaladii ku dhacay. Gees dhan ayaa carshaantii laga baabi’iyey oo halkoodii Masaaridii ayaa guryo waaweyn oo dhagax ah ka dhistay. Guryahaas oo ay dayr weyn oo iyaga iyo magaalada inta kale kala ooda ay ku soo wareejiyeen.

Jetro waxa uu warka ku qaatay markay Masaaridu xeradaa dhisteen in ay magaalada inteeda kale ilaalinteedii faraha ka qaadeen. Hase yeeshee irridda weynee xeradooda laga galo ayey dhawr askari dhigeen. Caweysin danbe hadday tahay ayuu Jetro farriin u diray Amuba. Farriintaas oo uu ugu sheegayo in uu irridda weyn ee magaalada ee aan la ilaalinayn ka soo galiyo ciidankiisa, marka ay isaga amar ka helaanna uu weerarro iridda Masaarida.

Xilligii lagu ballamay hadday tahay ayuu Jetro u kacay xaggii irriddii Amuba iyo ciidankiisu ka soo gali lahaa. Ugu horayntiiba sanqadhoodii ayaa u baxday. wax yar ka dibna saf dheer oo iswada daba gambinaya; Amubana madaxooda socdo ayaa irriddii isasoo taagay. Jetro baa dabadeed Amuba ugu warramay xeeladda uu damacsan yahay. Markii la isla oggolaaday ayey Amuba iyo ciidankiisa ku dhaqaaqeen xaggii xerada Masaarida, Jetrona magaalada badhtankeedii oo durba kooxdiisii in door ihi isugu timid ayuu ukacay. Iyagoo sanqadha ilaalinaya ayey ku baxeen banaankii ka sokeeyey guriga reer boqor; dabadeed Jetro ayaa dhawaaqi ay ku ballameen ku dhuftay; isla gacdiibana kooxdiisii intii hadhay ayaa gig soo tidhi oo iyaga oo faashash waaweyn ku gaadhan agtiisi isasoo tubay markiiba irridii guriga boqortooyada ayey faashashkii la dhaceen,. Sanqadhii yeedhay baa habeenkii xasilloonaa meel kasta ka baxday. Durba guriga gudihiisa ayaa qaylo iyo sawaxan fajac iyo baqdin ah la iska daray oo askartii boqorka ayaa darbiga soo boobtay,. Jetro iyo saaxiibadiina falaadha ayaa sida roobka ugu soo dhacday hase yeeshee isla mar ahaantaa ayey jabiyeen irriddii oo isku shubeen gurigii.

Amusis iyo askartiisii gudaha ku jirtay ayaa isku dayday in ay is hor taagaan, nasiibdarrose qafladdii lagu weeraray iyo iyaga oo aan diyaar ahayn awgeed waxba way iska dhicin kari waayeen. Jetro isagu intuu waydaartay raggii foodda iskula jiray ayuu isku aaddiyay Amusis. kan kalana isaga oo cadho iyo farkanax la asqaysan ayuu jilibdhig qaabdaran kolba gees u booday; hase yeeshee girifgiriftiisaba waxaa jiqjiqa u gooyey faashkii weynaa ee Jetro sitay oo markiiba madaxiisii ayaa gees u duulay.

aragtidaada nala wadaag...