Category: Af-Soomaaliga Dugsiyada Sare – Fasalka 3aad

  • Sahan: Saar

    Saarkaan hal ku dheggiisu yahay Sahan waxaa tiriyey Alla ha u naxariistee abwaan Careys Ciise Kaarshe, wuxuuna si qoto dheer uga hadlayaa dhaqanka dadka Soomaaliyeed ee la xiriira marka xoolaha loo sahmiyo, wuxuuna yiri: Gahaa gabey laga galaa,Gawaan waa lagu kufaa,Gabiib waa la cuskadaa,Goon waa laga dhaadhacaa,Ga’dii kale waxaan lahaa,Abaar xooluhu go’een,Iyadoo geelii gawaray,Gudbanahaan deyrta […]

  • Cabdi-Gahayr iyo Geela

    Beri ayaa nin Cabdi Gaheyr la oran jiray geel laga dhacay. Markii loo sheegay in geeliisii la qaaday ayuu wuxuu ballan ugu qaaday nimankii dhacaa ku kacay in uu ka aar gudan doono, aargudashadiisuna ay keeni doonto cirib xumo weyn oo aan laga soo waaqsan. Markaas ayuu tuducyadan soo socda ee kala googo’an tiriyey isagoo […]

  • Xeerka Af-Soomaaliga

    Fal-Kaab Waa erey caddeeya sida falku u dhacay wuxuuna u kala baxaa lix qeybood: 1. Fal-kaab waqtiyeed, sida: Cali baan barqadii arkey.2. Fat-kaab meeleed, sida: Bisad baa kursiga hoos fadhida.3. Fal-kaab jiho, sida: Iridda waxey u jeeddaa bari.4. Fal-kaab masaafo, sida: Soddon tillaabo ayaan horey u qaaday.5. Fal-kaab siyeed, sida: Degdeg buu Warsamc igu dhaafay.6. […]

  • Ha Socoto! Ha Socoto!

    Gabaygan waxaa tiriyey Cabdi Muxumed Amiin taariikhdu markay aheyd 10.9.1992, wuxuuna kaga hadlayaa sidii ay dadkii Soomaaliyeed isu dhalanrugeen oo ay qabyaaladdu u saamaysay, wuxuuna yiri: Haddaan diidney samihii Sinaantiyo wanaagiiSoomaalinimadii, la sadqeeyey nabaddiiCadaaladdii surgooyiyo Lagu jiiday secf wcyn,Sulankeed la naaroo Lala dhacay serbiyo kulul,Anignn jwirr_e_e_yjt_y_o lKuiwbuir say’nta ala lulavUawlHdnimo aadwccycc Haday sahal inala tahay,Re*r […]

  • Wayga Degi Waayey

    Gabaygan waxaa tiriyey abwaan Abshir Nuur Bacadle, wuxuuna kaga hadlayaa tirqooyinka Diinta iyo sida ay madaahibta isugu khilaafsan yihiin, isagoo abwaanku laa xun ayuu arrintaas gabaygan ka tiriyey, wuxuuna yiri: Toddobaatan toban lagu daroo diinta wada sheegta.Go qoloba qolo diidan tahay doodna ka horgaysayDaldaloolka mceshaa ku jira wayga dagi waayey.Maraan iri ma diintaa qabtoo waadan […]

  • Qaadow Adigaa Leh

    Gabaygan ka hadlaya waxyeelada iyo dhibaatada uu qaadku ummada u leeyahay waxaa curiyey abwaan Abshir Nuur Faarax Abshir-Bacadle, gabaygan intaa kuma dhama oo waxa aan ka soo qaadanay qayb ka mid ah. Cimri kuu qoraa qeyb kalumi qaadow adigaa lehQofka aadmigoo qiimo dhaca qaadow adigaa lehQurbaha joog adoon hawl ka qaban qaadow adigaa lehQaflad aan […]

  • Tusaale Waalid

    Gabaygaan waxaa tiriyey ninka la yiraahdo Cali Mire Cawaale oo u tiriyey gabdhihiisii waaweynaa ee uu rajonimo ku soo koriyey. Ujeeddaduu Cali ka lahaana waxay ahayd inuu ku waaniyo gabdhihiisa waaweyn si ay u xannaaneeyaan caruurta ka yaryar ee haweyneyda uu qabaa ay dhashay iyo in uu ogeysiiyo inuu dhib badan ka soo maray koriimadooda. […]

  • Heerin

    Afar hablood ayaa beri ku guur seegay beeshoodii, waxay guudka fidhaan oo gayaankooda sugaanba, habeenkii dambe ayey hoos isula faqeen, “Waxaynu dhawrnaaba waa guumaysnimo ee aan ka heerino oo ka huleelno meesha,” ayey tala ku goosteen. Haddii dayaxii dhacay habeenkaa, ayey muska soo jeexeen. Mid walba hu’ waxay laheyd ayey gosha soo gashatay, laba caano […]

  • Haddii Dunida Lagu Waarayo

    Nin gabyaa ahaa oo ku magac dheetaa ina-Cabdulle Muuse lana oran jiray Yuusuf Cabdulle Muuse ayaa gabaygaan curiyey. Yuusuf markii uu arkay in uu da’ noqday ayaa waayo aragnimadiisa tustay in uu dadka raad kaga tago oo uu la dardaarmo, wuxuuna dadka kala sii dardaarmayey waxyaabo nolosha ku haboon ee dunida la xiriira wuxuuna yiri: […]

  • Isma Gabo Fariid

    Nin safar ah ayaa habeen ku soo beegmay tuulo. Gurigii ugu soo horreeyey ayuu albaabkiisa garaacay. Islaan buuran baa lahayd. Keligeed bay degganayd. Iyadii baa irridkii ka furtay. “Marwooy, socotaan ahayee, caawa i marti geli,” ayuu yiri ninkii. Islaantii doc bay uga joogsatay. “Soo gudub,” ayey tiri. Ninkii aqalkii ayuu horay usii galay. Gambar ayuu […]