Category Archives: Af-Soomaaliga Dugsiyada Sare – Fasalka 3aad

Garsoorka Wanaagsan

Bari baa waxaa jiray saddex nin oo saaxibo ah, saddexda nin magaalay joogeen, shaqana waa ka waayeen. Markaasay magaalo kale shaqo ka doonteen. Markay habeen iyo maalin soconayeen ayey meel bannaan seexdeen. Saddexdii nin mid ka mid ah ayaa dahab sitay. Markuu toosay ayuu dahabkiisii waayey. Markaasuu saaxiibadii ku yiri, “Waar yaa dahabkaygii arkay.”

Maanu arag ayey ku yiraahdeen: markaasuu ninkii dahabka lahaa ku yiri Saaxiibadii “Waxaan idinku dacweynayaa Magaalada aynu tagi doono suldaanka xukuma haddii aad dahaybkaygii i siin weydaan.

Dabadeed waxay yimaadeen magaalo markaasuu ninkii dahabka laga xaday ku yiri saaxiibadii, “Suldaanka magaaladaan idiin geynayaa ee isoo ruaca”. Markaasay raaceen oo Suldaankii magaalada u wada tageen. Wuxuu ku yiri suldaankii “labadan nin oo aanu saaxiibka nahay ayaa dahab iga dhacay. Waxaan rabaa inaad dahaybkaygii iga siiso adigoon xirin oo aan dilin.”

Markaasuu suldaankii ninkii dahabka lahaa ku yiri, “Haddaan la xirin lana dilin sidee baa looga helayaa dahabkaagii?”

Meesha garta lagu qaadayey waxa fadhiyey inan uu suldaanku dhalay. Markay hadalkii dhageystay bay tiri, “Aniga ayaa nimanka garta u qaadaya, kana soo saaraya dahabka iyadoon la xirin lana dilin.”

Markaasuu suldaankii ku yiri gabadhiisii, “Waa tahay ee kaxayso.” Inantii nimankii bay kaxaysay oo geysay aqalkeedii, waxayna ku tiri, “Saddexdiinaba sheekaan idiinka sheekaynayaaye i dhagaysta.”

Markaasay hadalkeedii ku billowday: “Maalin maalmaha ka mid ah ayaa gabari badda damacday inay ku qubaysato islamarkaa waxaa badda ku qubaysanayey nin, Wuxuu arkay inantii oo baddii ku hafatay. Kolkaasuu u gurmaday oo kasoo saray.

Markaasay tiri inantii, “Maxaan kuugu abaal gudaa?”

“Abaalkayga ma gudi kartid,” buu yiri.

“Waan gudi kara,” ayey ugu jawaabtay.

Markaasuu yiri, “Haddaad gudi karto, marka lagu guursado intaanad aqal gelin isoo ogaysii.”
“Waa yahay,” intay tiri bay tagtay.

Beri dambe ayaa gabadhii la guursaday markaasay inankii guursaday ku tiri, “Ii oggolow inaan laba saacadood kaa maqnaado,” isna wuu u oggolaaday.

lyadoo waddada haysa, ayaa tuugo heleen oo yiraahdeen, “Alla waa gabadh! Alla dahab bay sidataa! Alla nasiib badninaa.”

Markaasay ku tiri, “Nasiibkiin ba’aye isii daaya. Meel baan ku de-degayaaye, waanse idiin soo noqone.”

Way sii daayeen, ninkii abaalka ku lahaa bay u tagtay. Wuxuu ku yiri: “Allay lehe, abaalkii waad guday ee iska tag.”

Markaasay soo noqotay oo u timid tuugadii. Iyana waxay yiraahdeen, “Allay lehe ballantii waad oofisay e iska tag marka.”

Halkaa markay sheekadii marinayso ayey ku tiri saddexdii nin ee dahabka isku haystay, “Saddexda qolo kuwee baa u wanaagsanaa?”

Markaasaa mid yiri, “Tuugadaa ugu wanaagsan.” Midna “Ninkii badda.”

Midkii kalena yiri, “Ninkii arooska ahaa.”

Markaasay inantii tiri: Waxaa dahabka haya ninka yiri, ‘Tuugada ayaa ugu wanaagsan.’”
Kolkaasuu dahabkii soo saaray oo u dhiibay inantii.

Xumaanta Qabyaaladda

Gabaygaan waxaa tiriyey abwaan Cabdullaahi Suldaan Timacadde, isagoo caan ku ahaa la dagaalanka qabyaaladda. Mar uu ceebaheeda tilmaamay, waxaa uu gabaygan soo socda ka tiriyey Hargeysa 1964kii, wuxuuna yiri:

1. Dawladahaan laga qeyliyee qaaq wax kaga siiyey
2. Nin waliba mar buu qaadan jiray qaanso iyo leebe
3. Qarfo iyo marbuu seexan jiray qalanqal hoosteede
4. Ha yeeshee quluub wadajirtaa qaniya sheekhoowe
5. Qalalaase meel lagu lumiyo qeylo iyo oohin
6. Qoraxdii dhacdaba teenu wey kala qaxeysaaye
7. Qod la riday qudhaaxyada gashaa qoob dad waa u halise
8. Hadduu geed qalalo roobku waa u qamac kaliileede
9. Dirxiga qudhunka uma soo uree waabu quudsadaye
10. Qasdi jeeray wadayo yelatoo qawlka ku heshiiso
11. Qabyo weeye Soomaaliyeey qiiradaadaniye
12. Qof qalbi la’ Quraankii uu akhriyey qaaf dheh ku haraadye
13. Kutaabtaa sidii lagu qariyey qiil la’ aakhiro e
14. Qeyrkii ka hare waa ninkii qalay walaalkiiye.

SHARAXA EREYADA

Qaaq wax kaga siiyey: kaga oohiyey.
Qarfo: dibed
Qalanqal: geed magacii, ujeeddadu waa baadiye.
Quluub wadajirta: midnimo, iskaashi.
Qalalaase: shaqaaqo.
Qoraxdii dhacdaba: maalin kastaba.
Teenu: Soomaalideennu.
Qamac: kuleyl.
Kaliil: dabayaaqada jiilaalka.
Qasad: ujeeddo.
Qawl: hadalka.
Qabyo weeye: wey kala dhiman tahay.
Qeyrkii ka hare: asaagii ka hare.

WEYDIIMO

  1. Gabaygu marka uu leeyahay “Nin waliba marbuu qaadan jiray qaanso iyo leebe,” muxuu uga jeedaa?
  2. Ujeedada gabayga haddii aynu eegno maxaa hore loogu mari karaa?
  3. Abwaanku Soomaalidii markaa joogtay muxuu ku canaantay?
  4. Muxuu u ekeysiiyey gabyaagu qofka qabyaalada jecel?
  5. Gabyaagu wuxuu si duurxul ah u tilmaamay in uu Soomaalida waanadeeda ku daalay, waa kee tuduca arrintaa sheegaya?

Saanu Yeellaba Waa Saanu Eednee

Sheeko

Waxaa la yiri: Nin doob ah ayaa beri doonay inuu guursado. Xoolihiisuna, waxoogaa ari ah iyo neefaf geel ah ayey ahaayeen. Wiilkii baa intuu isla hadlay, yiri: “Gabar uma geed fariisan karti, oo xoolahaagu gabbaati iyo yar iyo wax kuu soo hara kuuma wada gaari karaan, waxaad kurrayn laheyd, qoys xaas yar ah oo xoolo badan, gabar wanaagsanna leh, oo aad isku tiirsataan”. Inankii oo sidaa niyadda ku yaha, ayey berigii dambe reer jees ah oo ari badan isa soo agdageen, Reerka jeeska ah dadka jooga waxay ahaayeen: Oday la oran jiray, Diiriye Miskiin, iyo Islaantiisi oo aheyd Dahaba Duiyama iyo Gabar rima tidcan oo la oran jiray Deeqa. Inankii bay reerkii is barteen. Inantii iyo aabaheed iyo hooyadeedba, iyaga oo aan is weydiin baa mid waliba inankii jeclaaday.

Inankiina inantii iyo qoyskoodiiba kuwii uu Ilaahay ka baryaycy bay noqdeen, sidii ninkii yiri “Reerkii aan doonayey roob igu eri.”

Kolkii Inankii arkay in qoysku wada jecel yahay, ayuu odaygii ku yiri: “Aabbo maad ii noqon, Dahabana hooyo may ii noqon, oo manta Deeqa ma laysiin?”

Diiriye iyo Dahabo oo kolkii horeba inanka jeclaaday oo garan la’aan si ay isaga oon weydiisan inantooda ula maagaan, ayaa markii inankki inanta isiiya yiri: intay aad ugu farxeen ku yiraahdeen: “Ku siinnay!”

Inankii baa inantii loo dhisay. Labadii reer, inanka reerkoodii iyo inanta qoyskoodiina way wada degeen; waayo badan kolkii ay wada yiillen oo inankii iyo inanti is guursadayna dhawr carruur ah yeesheen, ayaa odaygii Diiriye Miskiin ee inanka soddogii ahaa, inantana aabaheed ahaa dhintay.

Islaantii Dahabo-Duryama sidii caadadu ahayd bay asay xiratay hadalkiina way yareysay. Asayda, waxa xirata afada ninkeedu dhinto oo afar bilood iyo toban ha been bay xirnaataa. Magic bilaash uma baxa Islaantii Dahabo-Duryama kolkii muddadii asaaydu ka dhamaatay bay hadal keedii badnaa la soo noqotay.

Maalin maalmaha ka mid ah, oo xilliguna jiilaal yahay oo reerihii soo ceel fariisteen, ayaa kalkii ugu hroeeyey aryihiin reerku soo arooreen. Ninkii Deeqa qabay ee Dahabo-Duryamana soddohda u aheyd oo aiyaha wax ka waraabinayey ayaa is yiri, “Ariga Soddohdu ha u hor cabbo. Oo durba kayn caws leh ha gaaro inta aryaha kale la waraabinayo.”

Arigii soddohda oo barqadiiba dardugay oo weli sabadii jooga, ayuu ninkii maqlay soddohdii oo hadlaysa oo leh, “bal ariga la waraabiyey daya, waa qaboonc c ma isagaa biyaba qaatay. Sidii buu arigii ku fulay.

Kalkii xigay baa soo galay. Kolkaasuu ninkii yiri: waa tii soddohdii kalkii hore cabanaysay ee laheyd arigii goor qaboone ah oo aanu biyo qaadanayn baa la waraabshce bl kalkan aiyaha ha u dhexeeyo, oo badhtanka ha galo. Sidii buu yeelay.

Kolkii cadceeddu xidrataqy ee ay ugu kululayd buu arigii soddohdu cabbay. Arigii oo durduuranaya ayuu ninkii maqlay islaantii dahabo-Duiyama oo hadlaysa, oo leh “ma ari cidi dan u leedahay baa, bal goorta ariga la waraabshay eega, sida qoraxdu u kulushay ee neef waliba biyaha ugu kawkabyo. Sow wada biyadhebi mayo.

Kalkii saddexaad baa soo galay, markaasuu ninkii is yiri: “Waatay islaantii soddohda aheyd labadii kal ee hotre cabanaysay, ee aad kalna arigeedii ugu hor waraabisay kalkii xigayna aad u dhexaysiisay ee bal kalkan arigeeda ha u dambeeyo.

Kalkii saddexaad baa arigii sodohdii, Dahab-Duryama sabadii ku soo dhamaaday goor casar ah.
Kolkaasuu maqlay soddohdii oo hadlaysa, oo leh, “Waa habeen e, bal goorta arigaasu fulaayo dhowr, aryihii raga lahaa waa hore ayey meyracdeen.

Dabadeed ninkii oo arigii durdurinaya ayaa ku heeesay:

Saanu yeelaba waa saanu eednee
Saanu yeelaba waa saanu eednee
Saanu yeelaba waa saanu eednee.

Maahmaahyo

Xidid wada yaal waa xil wada yaal.
Xidid xeradiisu waa isu furan tahay.
Ninkii ka daraaba ka ree buu islahaa.

Maandeeq

Gabaygaan waxaa tiriyey gabyaagii caanka ahaa ee la oran jiray Cabdullaahi Suldaan Timacadde. Timacadde wuxuu gabaygaan tiriyey markii gobanimadii la helay ee isku darkii dhacay. Munaasabaddii uu gabaygan ka tiriyey waxay ahayd iyada oo Amxaaradu ku hanjabtay inay gobalada xoroobay weerari doonto. Wuxuuna yiri:

Gumeysiga hashuu naga dhacay een gurayey raadkeda
Gu’yaal iyo gu’yaal badan hashii gama’a noo diiday
Goobtaay istaagtaba hashaan joognay garabkeeda
Guuraa habeenimo hashaan gabi walba u jiidhay
Waxaan soo gucleyahaba hashaan rag isku soo gaarnay
Gaashaandhigeedii hashuu galowgu eedaamay
Hashii geedankeedii rag badan goodku ku casheeyey
Hashaan labada gaal ee iska barkani gedh u dirireysay
Gacmaa lagu maquunshee xornimo nooma ay garane
Garre iyo guntane maalintay gees isugu booday
Allaa noo gargaaree markuu shicibku guulaystay
Geeraaradeedii hashaan anigu googooyey
Galoolkiyo maraagiyo hashaan kidiga geylaanshay
Gaajiyo haraad badan hashaan ugu garaacaayey
Goortuu sidkeedii go’ay eey galabii fool qaaday
Iyadoo candhada giijisay oo godol ku siidaysay
Garaad nimaan laheyn bay la tahay waad ka gaagixine
Annagoon gantaalada dhiciyo heysan qori gaaban
Hashaan gaada weyniyow libaax uga gaboon waayey
Inaan goraya cowl uga tagaa waa wax soo gudhaye.

SHARAXA EREYADA

Gumeysiga hashuu iga dhacay: gobanimadu
Gurayey: daba socday
Goobtay istaagtaba: meeshay istaagtaba
Galowgu: shimbir dagaalka ka oyda
Geedaankeedii: dagaalkeedii
Goodku: dugaag (mas)
Laba gaal ay is barkani: Ingiriis iyo Talyaani
Geydh u dirireysay: xoog u dirireysay
Garre iyo guntane: rag iyo dumar
Galool, maraa, kidi: geedo magacood
Geylaanshay: googooyey

Weydiimo

  1. Gabyaagu hasha uu sheegayaa waa maxay?
  2. Waa maxay micnaheeda hashaan rag isku soo gaarnay?
  3. Galowgu goormuu eedaamay?
  4. Labada gaal ee is barkani waa kuwee?
  5. Gabaygaan kasoo saar tuduca sheegaya ragga iyo haweenka iskaashigooda?
  6. Yaa loola kala jeedaa gaada weynow libaax iyo gorayo cawl?
  7. Soomaalidu xornimada siday ku heshay?
  8. Markaad gabaygaan u fiirsato, maxaad ku garan kartaa in geelu Soomaalida qiimo weyn ugu fadhiyey?

Tashan Waydayee Waa Laguu Talin

Gabaygan waxaa tiriyey abwaan Cabdi Muxumed Amiin, wuxuuna abwaanku gabayga kaga hadlayaa sida ay dadka Soomaaliyeed kaalintii wadaninimo ee uu dalkooda uga baahnaa u gabeen. Wuxuuna isaga oo dalka la hadlaya kuna halqabsanaya hal magaceeda Tooyo la yiraahdo yiri:

Adoon tabar hayn, talana aan heyn
Oo tallaab gabay, kolka Tooyooy
Niman turuqyo leh oo tafaafulan
Oo aan kuu turin ku taxaabtaan
Ee lagu tago tashan way day
Waa laguu talin.

Kolka taxanaha taariikhaha guud
Tubta Aadmiga tii uu soo maray
Teena lagu daro abaar togan iyo
Tows colaadeed isku tiirsada
na tumaatiye adna kula taga
Tashan waynaye waa naloo talin.

Walle Tooyooy Taan ogsoonahay
Waxaad taban iyo Toogadaadaba
Dad ku taamoo Soo tukubiyaa
Kuuma taagnoo Kuuma tababaran
Ta ilaahiyo Tiisa kuma darin
Tashan waydaye waa laguu talin.

Inaad tiir iyo Tacab beeshaan
Tuugsataan abid Ceyr la tiriyo iyo
Wax matarayaal Taagan noqoteen
Tuug aan nixin iyo Burcad aan tudhin
Innoo taliyaan Ama tooyooy
Nabad taamiyo Nolol daba taal
Oo wax taransi leh Toobiye cadoo
Ceelka lagu tago
Oon turxaan qabin Labadaa talo
Tii inoo roon Ku tallaabsada
Tashan waydaye Waa laguu talin.

Tagto daayoo Timaadana qabo
Waa tusaalee Wax u taransada
Ha iska tuurina Ma tawaawaca
Tabar li’daan Ku tasownaa?
Allow labo labo Oo mataano ah
Hadba tii roon Noo tilmaanoo
Nagu taageer Tashan waydaye
Waa laguu talin Habaas laga tagay
Oo waxba aan tarin Tookh bilaash iyo
Nin tola’ay yiri Tuulo magansaday
Oo cidla is tubay, tuuray qarannimo
Wallee Tooyooy, tog cagaar liyo
Tigaad kuma furo, oo wax kuma taro
Tashan wayday, waa laguu talin.

Weydiimo

  1. Yaa tiriyey gabaygan?
  2. Muxuu kaga hadlayaa abwaanku gabaygiisan?
  3. Muxuu dalka abwaanka ku tilmaamayaa?
  4. Muxuu ku dhaliilay abwaanku dadka Soomaaliyeed?
  5. Muxuu aaminsan yahay abwaanku haddii ay dadka Soomaaliyeed iyagu tashan waayaan?

Waa Maxay Tix iyo Tiraab?

Hordhac

Inta aynaan qeexin waxa ay kala yihiin tix iyo tiraab, waxa habboon in aynu marka hore qeexno waxa uu yahay afka Soomaaliga ee ay tixdu iyo tiraabtuba ka mid yihiin.

Af-Soomaaligu waa af xuruuftiisu ay Laatiin tahay dhawaaqiisuna uu Carabi yahay. Waxaana la qoray fartiisu sanadku marka uu ahaa 1972kii.

Codadka uu far-Soomaaliga ka kooban yahay ama leeyahay waa toban shaqal, kow iyo labaatan shibbane iyo sumadda hamsada oo iyadu leh cod gaar ah.

Afka Soomaaligu waxa uu u qaybsamaa guud ahaan labo qaybood oo waaweyn oo kala ah:

  • Tix
  • Tiraab

Qeexid Tix

Tixdu waa qayb hadalka ka mid ah waxayna leedahay ridmo iyo qaafiyad u gaar ah oo xaraf ku socota oo tuduca horey ama dhexda ka gala kuna soo noqnoqda labo, saddex ama afar goor. Tixdu waa suugaan, suugaantuna waa maanso, maansaduna waxa ay ka kooban tahay qaybo badan, waxaana ugu waaweyn:

  • Gabayga
  • Geeraarka
  • Jiiftada
  • Masafada
  • Buraanburka
  • Heesaha
  • Guurowga
  • Shiribka
  • Welgada
  • Maahmaahyada

Xeerka tixdu waa inaad saddex waxyaabood dhawrtaa: munaasabadda, macnaha iyo xarafkaba.

Qeexid Tiraab

Tiraabtu waa qaybta hadalka ka midka ah ee aan lahayn ridmo iyo qaafiyad ama xaraf ay ku socoto, waxa ayna ka kooban tahay murti, googaaleysiga, sheeko, baaniso, oraah iyo qayb ka mid ah maahmaahyada.

Xeerka tiraabta loo adeegsado waa in loo ilaaliyo meel dhacdo iyo macno, laakiin kugu dabrimeyso tiraabtu inaad xaraf iyo xubin midna ku socodsiiso ee hadalku tiraabta ahi waad dheereyn kartaa waadna gaabin kartaa.

Weydiimo

  1. Waa maxay tix? Waa maxayse tiraab?
  2. Goorma ayaa la qoray far-Soomaaliga?
  3. Immisa ayuu u qeybsamaa Af-Soomaaligu?
  4. Sheeg saddex ka mid ah qaybaha tixda.
  5. Sheeg xeerka tixda iyo tiraabta.

Af-Soomaaliga Dugsiyada Sare – Fasalka 3aad


 

Tusmada Buugga

Waa Maxay Tix iyo Tiraab?
Tashan Weydayee Waa Laguu Talin
Maandeeq (Gabay)
Saanu Yeelaba (Sheeko)
Xumaanta Qabyaaladda (Gabay)
Garsoorka Wanaagsan (Sheeko)
Dayax (Gabay)
Isma Gabe Fariid (Sheeko)
Haddii Dunida Lagu Waarayo (Gabay)
Heerin (Sheeko)
Tusaale Waalid (Gabay)
Qaadow Adigaa leh (Gabay)
Wayga Degi Waayey (Gabay)
Ha Socoto, Ha Socoto
Xeerka Af-Soomaaliga (Falkaab)
Cabdi Gaheyr (Sheeko)
Sahan (Saar)
Dhaadaa Wax Ma Dhaafaan (Sheeko)
Afku Wuxuu La Xoog Yahay (Gabay)
Wadaaddo iyo Wiilwaal (Sheeko)
Miyi iyo Magaalo (Gabay)
Waa Xaq (Sheeko)
Gogosha Ha Igeynin (Gabay)
Ina Xagaa-Dheere (Sheeko)
Tallan Baan Qabaa
Qaali Waxaad Tiraahdaa (Gabay)
Dixdhagaxeed (Gabay)

Dayax

Gabaygaan waxaa tiriyey Axmed Ismaaciil Diiriye oo ku magac dheer Qaasim. Qaasim gabaygaan waxaa uu curiyey sanadkii 1964-kii markaasina waxay ka mid ahayd waqtigii ay umada Soomaaliyeed sida foosha xun u hogaaminayeen mudanayaashii ay dadku soo dooran jireen. Wuxuuna yiri:

Dayaxaa lakala boobayaa iyo dirirki cawleede
Dabagaabihii laga career dunina yeelkeede
Xidigtii dagaariyo la dhaaf diilintii furey e.
Dibbaa laxaha loo eegayaa sacana waa dhaafe
Duqii samada lagu sheegayiyo dide ciijiidhiiye
Dabaylaha rag baa kala yaqaan dawga loo maro e
Hadba waqalka dihin Ruushku wow doogsin cararaaye
Daruuraa laweeraray nin ogi dan uga faalooye
Ha yeeshee dabkeedu haba’ee doqoni waa mooge
Nin da’diisu meeshaa tagtoo daalan baan ahaye
Daab gudimo wali sooma jarin wiilashaan diraye
Halka dunida lagu geedi yahay dayiba maysaane
Umadii daryeel wali mahelin daacada ahayde
Sidii bay u dooyaysan tahay damasha waaweyne
Sidii buu dugaag uga gurtaa daaqa xoolaha e.
Sidii bay dudada aar dhiciyo dacaw u joogaane
Sidii bay dushaa uga sidaan dumar caruurtiiye
Sidii bay dagmadu ceelashii ugu dar leeftaaye
Sidii bay docaha aqaladii uga daloolaane
Sidii bay daroorimada iyo daad u galayaaye
Sidii baa dagaalow biyaha loo dawariyaaye
Sidii bay u daba goosi tahay haradii dooloode
Oy waliba dibindaabiyo iyo diriri joogtaaye
Waa kaa dareersaday Amxaar dayr cadkii dhalaye
Dambi kuma hadlaayee ma arag dawladaan rabaye
Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galaye
Dusha midabka Soomaali baad dugulka moodaaye
Misna laguma diirsade qalbigu waa dirkii Kaaral e
Meeshaan dad aan urursho iyo dirir ka eegaayey
Iyaba waa darxumo ii hadhee dacar miyaan leefay
Ma doraato raadkaan dhigaan dib ugu soo laabtay
Sidii aan dayfeysanahay miyaan dawgii ka habaabay
Waxba arartu yay ila durkine waxaan ku soo duubay
Maruun buu daf oran nabsigii diinku soo sidaye
Maruun bay daruur caafimaad dooxa soo rogiye
Darridaa abaarta ah mar buu doog ka soo bixiye
Dibjirkiyo marbay reer miyigu daasadaa qubiye 2
Maruunbuu dagiigaxan ragii daalanaan jiraye
Oo dabar danbeedkiyo dhibtiyo diidi keenada e
Maruun buu daboolka iska rogi doob la quursadaye
Dibnihii shakaalnaa marbaa dooda loo furiye
Markaasaa la daydayi xaqii naga dahsoonaaye.

SHARAXA EREYADA
1. Waxaa loo tartamayaa dayaxa iyo xidigaha tagistooda.
2. Laga career: laga tag, laga fogaa.
3. Xidigihii inoo muuqanayey iyo jiitintii waaq habaar qaba haatan la dhaaf oo kor baa loo sii socdaa.
4. Lo’da iyo laxaha labaduba waa xidigo laga faaliyo.
5. Duqa samada: awrka cirka
6. Cirjiidh: xidigo.
7. Doolo: waa harooyin hawada ku yaal.
8. Kaaral: waxa uu ahaa gaal Ingiriis ahaa oo 18 sano Waqooyi xukumi jiray.

WEYDIIMO
1. “Ha yeeshee dabkeedu ha ba’ee doqoni waa mooge.” Waa maxay waxa Qaasim leeyahay doqonta lama socoto? Yuuse doqonta ula jeedaa?
2. Meesha uu leeyahay da’diisii baa gaadhay waa xagee?
3. Ka hadal waxyaabaha kuu muujinaya dawladii Soomaaliyeed ee markaa dalka ka talinaysay in aanay dalka wax hormar ah gaarsiin.
4. Sadexda su’aalood ee Qaasim is weydiinayaa shucuurtiisa wadaninimada ah maxay kaaga muujineysaa?
5. Si kooban uga hadal tuducyada soo socda waxa ay muujinayaan:

“Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galaye.”

“Misna laguma diirsade qalbigu waa dirkii Kaaral e.”

“Dusha midabka Soomaali baad
dugulka moodaaye.”

  1. Faallo kooban ka bixi todobada tuduc ee gabayga ugu dambeeya.