Dastuurka 1979

DASTUURKA JAMHUURIYADDA DIMOQRAADIGA SOOMAALIYA

MUQDISHO, 1979

GOGOLDHIGGA DASTUURKA
Shacbiga Soomaaliyeed ee wadajir iyo midmidba ugu halgamaya nolol sharaf leh iyo sinnan aadaminimo ee qaaya leh, dagaalna ugu jira xasilloonida iyo nabadda joogtada ah, gudaha iyo dibeddaba, si uu u fuliyo danaha guud ee Dadweynaha xoogsatada ah, una xaqiijiyo himilooyinka waaweyn ee Kacaankiisa, midnimada Ummaddisa, hirgelinta dhismaba Hatiwadaagga, si uu u gaaro bulsho ku dhisan caddaalad, sinnaan iyo dimoqraadiyad ijtimaaci ah ee qofkeedu gaaray garaad sare, tiro iyo taya ahaanba, una adkeeyo tiirarka Kacaankiisa iyo gobannimadiisa qiimaha weyn ugu fadhiya, dabadeedna uu u gaaro horumar degdeg ah ee siyaasadeed, dhaqaale iyo bulshaba, wuxuu go’aan ku gaaray inuu qaato Dastuurkan saldhigga u noqon doona halganka horumarinta Bulshada Soomaaliyeed, nabad iskula noolaashada, iskaashiga iyo wax wada qabsiga Ummadaha Addunweynaha, gaar ahaan kuwa ay dantoodu si gaar ah isugu xirmi karto.

DASTUURKA JAMHUURIYADDA DIMOQRAADIGA SOOMAALIYA
QAYBTA KOOWAAD

Mabaadi’ guud

XUBINTA KOOWAAD

Jamhuuriyadda

Qodobka 1aad
(Qaranka Soomaaliyeed)
1. Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya waa Qaran Hantiwadaag ah oo ay hoggamineyso dabaqadda xoggsatada ahi, waana qayb ka mid ah Ummadda Carabta iyo Shucuubta Afrika.
2. Awoodda oo dhan waxaa leh Dadweynaha, wuxuuna ugu isticmaalayaa isagoo adeegsanaya hay’adihiisa masila.

Qodobka 2aad
(Calanka, Astaanta iyo Magaalo-madaxda)
1. Calanka Qaranka midabkiisu waa buluug furan, muuqaalkiisuna waa laydi ay dhexda kaga taal xiddig cad oo shan geesley ah, madaxyo simanna leh
2. Astaanta Soomaaliya waxay ka kooban tahay gaashaan buluug ah oo leh xiddayad dahabiya, dhexdana ku leh xiddig shan-geesley ah oo dheeh qalin ah leh. Gaashaanka dushiisa waxaa ku yaal rukumo Carbeed ee xardhan, lehna shan madax oo dahabiya oo labada geesaha ku yaalli ay kala qaaran yihiin. Hareeraha waxaa ka haya labo shabeel oo dabiici ah, isuna tusmaysan, kuna kala taagan labo waran ee isku weydaaranaya caaradda hoose ee gashaanka, ayna weheliyaan labo caleencawbaar oo dabiici ah, diilin cadina ay ay ku qoofalan tahay.
3. Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Dimoqaraadiga Soomaaliya waa Muqdisho (Xamar).

Qodobka 3aad
(Diinta iyo Afka)
1. Diinta Islaamku waa Diinta Qaranka
2. Af Soomaaligu waa afka qur ah oo Shacbiga Soomaaliyeed ku wada hadlo, iskuna wada garto, Afka Carabiguna waa Afka Shacbiga Soomaaliyeed, waana midka ku xiriiriya Ummadda Carbeed oo uu ka midka yahay, labadubana waa afafka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya.

Qodobka 4aad
(Midnimada Shacbiga Soomaaliyeed)
1. Shacbiga Soomaaliyeed waa shacbi mid ah, Jinsiyadda Soomaaliyeedna waa mid qura
2. Sharciga ayaa xaddidaya sida lagu helayo ama lagu waayayo jinsiyadda Soomaaliyeed.

Qodobka 5aad
(Dhulka Qaranka)
1. Dhulka Qaranku waa muqaddas, waana laguma xadgudbaan.
2. Gobannimada dhulku waxay koobaysaa berriga, jasiiradaha, biyaha goboleed, dhulka iyo badda uurkooda hoose, hawada sare iyo xeebaleyda.

Qodobka 6aad
(Sumaanta Muwaadiminta)
Muwaadiniinta oo dhan, iyagoon loo eegin lab iyo dheddig, diin, dhalasho iyo af toona, xuquuqda iyo waajibaadkaba waa u simman yihiin sharciga hortiisa.

XUBINTA LABAAD
XISBIGA
Qodobka 7aad
(Awoodda iyo hoggaaminta Xisbiga)
1- Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed waa midka qur ah ee ka jira Dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya, lamana abuuri karo xisbi kale ama urur siyaasi ah.
2. Xisbiga Hantiwaagga Kacaanka Soomaaliyeed ayaa leh awoodda ugu sareysa ee hoggaaminta siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshada Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya.

Qodobka8aad
(Midnimada hoggaanka dalka)
Hoggaaminta Dalku waxay ku dhisan tahay midnimada hoggaanka siyaasadeed ee Xisbiga iyo kan Qaranka.

Qodobka9aad
(Doodaha, go’aanka iyo fulinta)
1. Hay’adaha siyaasadeed ee la doortaa waxay ku shaqeynayaan, heer kasta oo ay yihiin, mabda’a WADARTA DOODAHA, AQLABIYADDA GO’AANKA iyo U WADAJIRKA FULINTA.
2. Hay’adaha Xisbiga dhexdooda, mabda’ aasi wuxuu farayaa aragti, dareen iyo doonis mideysan iyo iskuduubni shaqo.

Qodobkal0aad
(Iskaabidda wa’ajibaadka Xisbiga iyo Qaranka)
1 Hay’adaha Xisbiga iyo kuwa Qaranku waxay qabanayaan hawlaha mid kasta u gaarka ah ee sharciyadu tilmaamayaan, iyaagoo u maraya jidad kala duwan, si ay u gaaraan ujeeddo mid ah.
2. Abaabulka siyaasadeed ee Dalku wuxuu ku dhisan yahay iskaabidda waajibaadka hay’adaha Xisbiga iyo kuwa Qaranka, sida sharciyada ay ku dhisan yihiin tilmaamayaan.

Qodobka 11aad
(Xeerka Xisbiga)
Qaabka dhismaha hay’adaha Xisbiga iyo shaqadooda waxaa caddeynaya Xeerka Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed.

Qodobka12aad
(Ururrada, Bulshada)
1. Qaranku wuxuu jideynayaa dhismaha ururro bulsbo oo ka kooban dhallinyaro, shaqaale, iskaashatooyin iyo haween.
2. Ururrada bulshadu waxay u dhismayaan heer Qaran. heer degaan, heer wax soo soo saar iyo xaruun waxbarasho.
.3. Dhismaha, Xeerarka iyo Barnaamijyada gaar ahaaneed ee Ururrada Bulshadu waa in ay waafaqsanaadaan danaha guud ee Dadweynaha, Dastuurka, Xeerka iyo barnaamijka Xisbika Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed.

Qodobka13aad
(Awoodda iyo waajibaadka Ururrada Bulshada)
Ururrada Bulshadu waxay Ka qaybgalayaan, si waafaqsan waajibaadka xeerarkooda gaar ahaaneed u xilsaarayaan, hoggaaminta arrimaha Qaranka iyo Bulshada, iyo xallinta arrimaha la xiriira siyaasadda, dhaqaalaha, bulshada iyo dhaqanka.

Qodobka 14aad
(Diimooqraadiyadda Guddoonka Dhexe)
Abaabulka iyo hawlaha Xisbiga iyo Qarankaba waxaa saldhig u ah Mabda’a Diimooqaraadiyadda Guddoonka – Dhexe.

XUBINTA SADDEXAAD
(SIYAASADDA DIBEDDA)
Qodobka15aad
(Mabda’a Aayakatalinta)
1. Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya waxay aaminsan tahay Mabda’a aayakatalinta dadyowga Adduunka, waxayna si buuxda u taageereysaa dhaqdhaqaaqyada gobanimadoonka iyo dhammaan dadyowga u halgamaya xornimadooda iyo madax bannaanidooda.
2. Waxay si adag uga soo horjeeddaa gumeysiga, gumeysiga cusub, imberyaaliyadda caalamiga ah iyo midabtakoorka.

Qodobka16aad
(Dalalka Soomaaliyeed ee la gumeysto)
Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya, iyadoo ku isticmaaleysa dariiq nabadgelyo iyo qaanuun, waxay taageereysaa xoreynta Dalalka Soomaaliyeed ee weli ku jira gacanta gumeysiga, waxayna soo dhaweyneysaa midowga Shacbiga Soomaaliyeed ee ku yimaadda dariiq nabadeed iyo rabitaanka dadka ay khuseyso.

Qodobka17aad
(Siyaasadda dex-dhexaadka iyo nabad-kuwadanoolaashada)
1. Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya waxay ku soconeysaa siyaasadda dhexdhexaadka wax ku oolka ah.
2. Waxay si buuxda u aqoonsan tahay mabda’a nabad-kuwadanoolaashada Dadyowga Adduunka.

Qodobka 18aad
(Siyaasadda wax-wada-qabsiga)
Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya waxay horumarineysaa siyaasadda waxwada-qabsiga Dadyowga iyo Qarammada Adduunka ee ku dhisan kala faa’ideysiga, sinnaanta iyo xurmeynta Gobannimada iyo habka siyaasadeed ee qola kasta u gaarka ah

Qodobka 19aad
(Qaanuunka Dawliga ah)
Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Sooomaaya waxay aqoonsantahay Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamiga iyo Qaanuunka Dawliga ah ee guud ahaan la aqoonsan yahay.

QAYBTA LABAAD
XUQUUQDA, XORRIYAADKA IYO WAAJIBAADKA ASAASIGA AH EE MUWAADINKA IYO QOFKA

Qodobka20aad
(Xuquuqda siyaasiga, dhaqaalaha, bulshada iyo hiddaha)
Muwaadin kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu ka qaybgalo hawlaha siyaasadeed, dhaqaale, bulsho iyo hiddahaba, si waafaqsan Dastuurka iyo Shuruucda.

Qodobka 21aad
(Xaqa shaqada)
1. Muwaadin kasta wuxuu xaq u leeyahay shaqo. Shaqadu waa waajib, sharaf iyo saldhigga Bulshada Hantiwadaagga ah.
2. Qaranku wuxuu horumarinayaa abuurista goobo shaqo si loo xaqiijiyo xaqa muwaadinka ee shaqada.

Qodobka 22aad
( Xaqa doorashada)
Muwaadin kasta oo buuxiya shuruudaha sharcigu tilmaamayo wuxuu xaq u leeyahay in uu wax doorto, lana doorto.

Qodobka 23aad
(Xaqa tacliinta)
Muwaadin kasta wuxuu xaq u leeyahay tacliin lacag la’aan ah.

Qodobka24aad
(Xorriyadda bannaanbaxa, faafinta qoraallada iyo ra’yiga)
1. Muwaadin kasta wuxuu xor u yahay in uu ka qayb galo kulan, bannaanbax ama abaabulkooda.
2. Wuxuu kaloo muwaadinku xor u yahay daabacaadda qoraallada, hadalka iyo bandhigga ra’yigiisa si kastaba ha ku muujiyee.
3. Ku isticmaalka xorriyadaha ku qoran lambarka laad iyo 2aad ee Qodobkan waa ineysan ka hor imaan Dastuurka iyo Shuruucda Dalka, anshaxa guud iyo xasilloonida Dalka, waxna u dhimin xorriyadaha muwaadiniinta kale.

Qodobka25aad
(Xaqa nolosha iyo nabadgelinta qofka)
1- Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay noloshiisa iyo nabadgelinta qofnimadiisa.
2. Sharciga ayaa tilmaamaya xaaladaha qofku ku muteysan karo ciqaab dil.

Qodobka 26aad
(Xorriyadda qofnimo)
1. Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay xorriyaddiisa shakhsiga ah.
2. Qofna lama xiri karo, xorriyaddiisa qofnimana ciriiri lama gelin karo, haddii aan loogu imaan isagoo denbi faraha kula jira, ama aan lagu qaban amar ka soo baxay Hay’adaha Garsoorka ee awoodda sharciyeed u leh, iyadoo la raacayo habka Sharcigu tilmaamayo.
3. Qofkii nabadsugid awgeed loo xiro, waa in si deg deg ah loo horgeeyo Hay’adaha Garsoorka ee awoodda sharciyeed u leh dembiga loo haysto, muddada sharcigu farayo dhexdeeda.
4. Qof kasta ee xorriyaddiisa shakhsiga ah laga qaado waa in isia markiiba la ogeysiiyaa dembiga lagu tuhunsan yahay.
5. Qofna shakhsi ahaan looma baari karo haddii aysan jirin shuruudaha ku tilmaaman lambarka 2aad ee Qodobkan ama shuruucda ku saabsan arrimaha la xiriira garsoorka, caafimaadka iyo maaliyadda, ama nabadgelyo awgeed, iyadoo markasta la raacayo habka Sharcigu tilmaamayo, lana dhowrayo sharafka iyo xurmada qofka.

Qodobka 27aad
(Nabadgelinta qofka xorriyaddiisa shakhsiga ah laga qaado)
1- Qofka xorriyaddiisa shakhsiga ah laga qaado looma geysan karo waxyeello jirkiisa ama moralkiisa.
2. Ciqaabta jirku waa mamnuuc.

Qodobka 28aad
(Lahaanshaha gaar ahaaneed)
1. Lahaanshaha gaar ahaaneed waa la damaana qaadayaa Sharciga ayaana xaaddidaya dariiqadda lagu kasbi karo ama lagu waayi karo, nuxurkeeda iyo xuduudda isticmaalkeeda si loo ilaaliyo dowrka bulshadeed ee ay leedahay.
2. Isticmaalka lahaanshaha gaar ahaaneed waa in uusan marna wax u dhimin danta guud ee bulshada, waana in uusan ka hor imaan ujeeddoyinka Kacaanka.
3. Lahaanshaha gaar ahaaneed waxaa lagula wareegi karaa dan guud awgeed, gebi ahaanteed ama si ku meel gaar ah, iyadoo qofkii lahaa la siinayo cawilcelin munaasib ah.

Qodobka 29aad
(Xurmada hoyga)
Qofna gurigiisa ama meeshii kale ee isaga u gaar ah lama geli karo, haddii aysan jirin shuruudaha ku xusan lambarrada 2aad iyo 5aad ee Qodobka 26aad.

Qodobka 30aad
(Xorriyadda isgaarsiinta)
Qarsoodiga warqadaha iyo waxyaalaha kale ee war isgaarsiinta la xiriira lama fara gelin karo, haddii aysan jirin shuruudaha sharcigui tilmaamayo.

Qodobka 31aad
(Xorriyadda diinta)
Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu rumeeyo diinta ama caqiiddadii kale ee uu aamminsan yahay.

Qodobka32aad
(Xaqa dacwada iyo isdifaaca)
1 Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu dacwad sharciga waafaqsan ka furto Maxkamadda awoodda u leh.
2. Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu iska daafaco Maxkamadda horteeda.
3. Xaaladaha Sharcigu tilmaamayo, Qaranku wuxuu kafaala qaadayaa inuu bixiyo difaac lacag la’aan ah.

Qodobka 33aad
(Mas’uuliyadda ciqaabta)
1. Mas’uuliyadda ciqaabtu waa shakhsi.
2. Eedeysanuhu wuxuu la mid yahay qof aan dembi gelin ilaa Maxkamadi si kama dambeys ah ugu caddeyso dembiga loo haysto.

Qodobka 34aad
(Dib u noqosho la’aanta Sharciga Ciqaabta)
Qofna looma ciqaabi karo fal markii au ku kacay sharcigu dembi uusan u aqoonsaneyn,
sida aan loogu xukumi karin ciqaab aan sharciga ku xusnayn.

Qodobka 35aad
(Isucelinta eedeysanaha ama dembiilaha iyo magangelyada siyaasadeed)
1. Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya dib waa u celin kartaa qof dembi ka soo galay dalkiisa ama dal kale oo ku soo cararay Dalka Soomaaliyeed, haddii uu jiro heshiis dhexmaray Qaranka Soomaaliyeed iyo kan soo weydiistay celinta eedeysanaha ama dembiilaha.
2. Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya waxay siin kartaa xaq magangelyo siyaasadeed qofkii uga soo carara dalkiisa ama dal kale cadaadin siyaasadeed awgeed, isagoo u halgamaya daryeelka danaha dadweynaha, xuquuqda aadamiga ama nabadgelyada.

Qodobka 36aad
(Ilaalinta hantida guud)
Muwaadin kasta waxaa waajib ku ah ilaalinta iyo xoojinta hantida guud.

Qodobka 37aad
(Ka qaybgalba kobcinta dhaqaalaha Dalka)
Qof kasta waxaa waajib ku ah inuu ka qayb qaato kobcinta dhaqalaha Dalka, bixinta cashuuraadka iyo ka qaybgalka kharashka Qaranka si waafaqsan awooddiisa iyo shuruucda Dalka.

Qodobka 38aad
(Difaaca Dalka Hooyo)
Difaaca Dalka Hooyo iyo adkeynta midnimada shacbiga Soomaaliyeed waa waajib muqaddas ah oo saaran muwaadin kasta.

Qodobka39aad
(Dhowrista Dastuurka iyo Shuruucda)
Qof kasta waxaa waajib ku ah inuu si daacad ah u dhowro Dastuurka iyo shuruucda Qaranka.

QAYBTA SADDEXAAD
SALDHIGGA DHAQAN DHAQAALE

XUBINTA KOOWAAD
DHAQAALAHA .
Qodobka 40aad
(Horumarinta dhaqaalaha)
1. Qaranku wuxuu horumarinayaa dhaqaalaha dalka iyo kordhinta wax soo saarka isla markaana wuxuu xaqiijinayaa in si caddaalad ah dadweynaha wax loogu qaybsho.
2. Si loo dedejiyo horumarinta Dalka, Qaranku wuxuu dhiirrigelinayaa Mabda’a Iskaa Wax U Qabso.

Qodobka 41aad
(Qaybaha dhaqaalaha)
Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya wuxuu ka koobmaa qaybaha soo socda :
— QAYBTA HANTIDA QARANKA: oo ah horseedka horumarinta dhaqaalaha Dalka, lehna, mudnaan gaar ah;
— QAYBTA HANTIDA ISKAASHATOOYINKA: oo lagu horumarinayo dhaqaalaha xubnaha Iskaashatooyinka, isia markaana lagu kobciyo dhaqaalaha guud ee Dalka, Qarankuna qorshadeeda iyo dhiirrigelinteeda ka qayb galo;
— QAYBTA HANTIDA GAAR AHAANEED: oo ah lahaansho gaar ahaaneed ee aan ku dhisnayn iskudulnoolaasho;
— QAYBTA HANTIDA ISKU DHAFKA AH: oo ah hanti ay wada leeyihhn Qaranka Soomaaliyeed iyo cid kale.

Qodobka42aad
(Kharyraadka dhulka iyo badda)
1. Dhulka, khayraadka dabiiciga ah iyo kuwa badda iyo berrigaba, waa hanti Qaran.
2. Sida ugu habboon oo kheyraadkaas looga faa’iideysanayo Qaranka ayaa sharci ku habeynaya.

Qodobka 43aad
(Qorshaha dhaqaalaba)
1. Dhaqaalaha Dalku wuxuu ku dhisan yahay qorshe Qaran ee Hantiwadaag ah.
2. Qorshuhu wuxuu leeyahay awood sharci oo ka sarreysa tan shuruudda kale.
3. Waxaa jireysa hay’ad sare ee qorshaha qaranka, Sharciga ayaana tilmaamaya qaabka dhismaheeda, waajibaadkeeda iyo awoodeeda.

Qodobka 44aad
(Ganacsiga dibedda iyo gudaha)
Qaranku wuxuu hoggaaminayaa ganacsisiga dibedda iyo gudaha, isagoo ku hirgelinaya horumarinta dhaqaalaha Dalka.

Qodobka 45aad
(Ilaalinta lacagta)
Qaranku wuxuu habeynayaa nidaamka maaliyadda iyo lacagta ee Dalka, wuxuuna sharci ku goynayaa cashuuraha.

XUBINTA LABAAD
HORUMARINTA TACLIINTA, CILMIGA IYO ADABKA
Qodobka 46aad
(Tacliinta)
1. Qaranku wuxuu mudnaan gaar ah siinayaa horumarinta, ballaarinta iyo faafinta tacliinta iyo cilmiga, wuxuuna tacliinta u arkaa maalgelinta ugu habboon ee kaalinta ugu weyn ka qaadaneysa horumarinta siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshada soomaaliyeed.
2- Tacliinta Dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya waa mid u daneyneysa dabaqadda xoogsatada ah, kuna habeysan waayaha iyo degaanka gaar ahaaneed ee Bulshada Soomaaliyeed.
3. Tacliinta farsamada iyo xirfaddu waxay leeyihiin mudnaanta koowaad.

Qodobka 47aad
(Tacliinta khasabka ah)
Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya tacliintu waa lacag la’aan, waana khasab ilaa iyo dhammaadka dugsiga dhexe.

Qodobka 48aad
(Ciribtirka jahliga)
Ciribtirka qoris iyo akhris la’aanta iyo waxbarashada dadka waaweyn waa waajib ummadeed, waana in Dadweyne iyo Qaranba awoodda la isugu geeyaa fulinta waajibkaas.

Qodobka49aad
(Horumarinta cilmiga iyo adabka)
1. Qaranku wuxuu horumarinayaa cilmiga iyo adabka. wuxuuna dhiirrigelinayaa hindisaha cilmiga iyo adabka.
2. Xuquuqda qoraalka iyo hindisaha sharciga ayaa habeynaya.

Qodobka50aad
(Dhailinyarada iyo ishoortiga)
Si dhaliinyarada loogu xaqiijiyo koritaan jir iyo maskaxeed ee caafimaad qaba. barbaarintooda iyo garaadkooda siyaasAdEedna kor loogu qaado. Qarana wuxuu ahmiyad gaar ah siinayaa horumarinta iyo dhiirrigelinta ciyaaraha jirka iyo isboortiga.

XUBINTA SADDEXAAD
DHAQANKA IYO DARYEELKA BULSHADA
Qodobka 51aad
(Horumarinta hiddaha iyo dhaqanka)
1. Qaranku wuxuu horumarinayaa hiddaha iyo dhaqanka horusocodka ah ee Shacbiga Soomaaliyeed, iyadoo isia markaa laga faa’iideysanayo aqoonta caalamiga ah ee bulshada aadamiga.
2. Wuxuu dhiirrigelinayaa fanka, suugaanta iyo ciyaaraha waddaniga ah ee dadweynaha.
3. Wuxuu ilaalinayaa, daryeelayaa, waxyaabaha iyo xarumaha Taariikhiga ah ee Dalka.

Qodobka52aad
(Caadooyinka Bulshada)
Qaranku wuxuu dhawrayaa caadooyinka hagaagsan, wuxuuna bulshada ka xoreynayaa caadooyinka haraaga ah, iyo kuwa laga dhax lay gumeysiga, gaar ahaan qabyaaladda eexda, goboleysiga.

Qodobka53aad
(Xannanada Dhallaanka)
Qaranku wuxuu horumarinayaa guryaha xannaanada carruurta iyo xarumaha dhallinta Kacaanka.

Qodobka 54aad
(Horumarinta Miyiga)
Qaranku wuxuu xoojinayaa barnaamijka Joogtaynta Ololoha Horumarinta Reer Miyiga si loo tirtiro jahliga, laysuguna soo dhaweeyo nolosha reer miyiga iyo reer magaalka .

Qodobka55aad
(Caafimaadka)
Qaranku, isaagoo fulinaya siyaasadda daryeelka caafimaadka guud, wuxuu xoojinayaa ka hortagga cudurrada faafa, daryeelka nadaafadda guud iyo daaweynta lacag la’aanta ah.

Qodobka 56aad
( Daryeelka Qoyska )
1. Qaranku wuxuu daryeelayaa Qoyska isagoo u arkaya aasaaska bulshada, wuxuuna taakuleynayaa hooyada iyo ilmaha.
2. Qaranku wuxuu xil iska saarayaa xannaanada naafada, carruurta aan waalidkood, la aqoon iyo dadka duqooba, haddeyan lahayn cid kale ee xannaanaysa.
3. Qaranku wuxuu kafaala qaadayaa carruurta waalidkood ku geeriyoodo difaaca Dalka.

Qodobka57aad
(Shaqada iyo Shaqaalaha)
1. Qaranku wuxuu dhowrayaa, horumarinayaana shaqaada iyo noocyadeeda kala duwan.
2. Dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya, da’da ugu yar ee shaqada loo qaadan karo waa 15 sano.
3. Xoogsatadu waxay xaq u leeyihiin, iyadoo aan sina loo kala soocin, mushaar u dhigma hawsha ay qabtaan iyo qiimaheeda.
4. Xoogsatadu waxay xaq u leeyihiin nasasho toddobaad iyo fasax sannadeed.
5. Sharcigu wuxuu xaddidayaa saacadaha shaqada, habka iyo dadka loo qaadan karo shaqooyinka qaarkood.

Qodobka 58aad
(Qiimeynta Shaqada)
Qiimeynta Shaqada Qaranku wuxuu ku dabbaqayaa mabda’a: QOF KASTA INTA AY KARTIDIISU LA EG TAHAY INUU QABTO, QOF KASTANA INTA AY SHAQADIIISU LA
EG TAHAY INUU QAATO.

Qodobka 59aad
(Taakuleynta iyo badbaadinta Bulshada)
Qaranku wuxuu horumarinayaa habka taakuleynta iyo badbaadinta Bulshada, wuxuuna xoojinayaa hay’adaha caymiska guud ee Dalka.

QAYBTA AFRAAD
QAABKA DHISMAHA QARANKA
MADAXA KOOWAAD
GOLAHA SHACBIGA
Xubinta Koowaad
NIDAAMKA IYO HAWLAHA GOLAHA SHACBIGA
Qodobka 60aad
(Awoodda sharci dejinta)
Awoodda sharci dejinta Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya waxay gaar u tahay Golaha Shacbiga.

Qodobka 61aad
(Doorashada Golaha Shacbiga)
1. Golaha Shacbigu wuxuu ka kooban yahay xildhibaanno Dadweynuhu ku soo doortay madaxbannaani, toos iyo qarsoodi.
2. Xilka Xildhibaannimada Golaha Shacbiga waxaa loo dooran karaa qofkastoo Soomaali ah oo da’diisu ay gaartay 21 sano. Sharciga ayaa xaddidaya xaaladaha qofka aan la dooran karin.
3. Tirada Xildhibaannada, shuruudaha iyo habka doorashada waxaa tilmaamaya sharci gaar ah.
4 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya wuxuu u magacaahi karaa Xildhibaanimada Golaha Shacbiga ilaa lix qof oo laga dhex xulo dadka si gaar ah ugu soocmay goobaha cilmiga, adabka iyo fanka, ama leh qiimo sare ee waddaninimo.

Qodobka62aad
(Muddada xilka)
1. Muddada xilka Golaha Shacbigu waa shan sano, laga bilaabo maalinta la soo saaro natiijada doorashada.
2. Markii ay timaaddo duruuf suurta gelin weyda in doorasho la qabto, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya, isagoo la tashaday Golaha Dhexe ee Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed wuxuu awood u leeyahay inuu muddada ku kordhiyo waqti aan hal sano ka badneyn.

Qodobka63aad
(Kala diridda Gotaha Shacbiga )
1. Golaha Shacbiga waa la kala diri karaa isagoon waqtigiisu dhammaan, marka ay talo ku soo jeediyaan saddex meelood meel xildhibaannada Golahu. ayna isku raacaan saddex meelood laba.
2. Waxaa kale oo kala diri kara Madaxweynaha Jamhuuriyadda, isagoo la tashaday Golaha Dhexe ee Xisbiga Hantiwadaagga Kaeaanka Soomaaliyeed iyo Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacbiga.
3. Doorashada Golaha cusubi waxay dhacaysaa saddex bilood gudahood laga bilaabo maalinta lagu dhawaaqo go’aanka kala dirka Golaha.

Qodobka 64aad
(Kalfadhiyada)
1. Golaha Shacbigu sannadkiiba wuxuu yeelanayaa laba kalfadhi.
2. Goluhu wuxuu isugu imaan karaa fadhi aan caadi ahayn markii uu sidaas go’aan ku gaaro Guddiga Joogtada ah, ama ay codsadaan saddex meelood meel Xildhibaannada Goluhu.
3. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya wuxuu awood u leeyahay inuu Golaha isugu yeero fadhi aan caadi ahayn.

Qodobka 65aad
(Fadhiyada iyo go’aannada Golaha)
1. Golaha Shacbigu wuxuu fadhigiisa ugu horreeya ka dhex dooranayaa xubnihiisa Guddoomiye, Guddoomiye Ku-Xigeenno iyo Guddiga Joogtada ah.
2. Fadhiyada Goluhu waa u furan yihiin dadweynaha. Hase yeeshee fadhiyo qarsoodi ah waa la qaban karaa haddii ay soo jeediyaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Guddiga Joogtada ah, Dawladda ama ugu yaraan afar meelood meel xildhibaannada, Goluhuna oggolaado.
3- Fadhiga Goluhu wuxuu ku ansaxayaa marka ay ka soo qaybgalaan Xildhibaannada intooda badan.
4. Go’aannada Goluhu waxay ku ansaxayaan cod hal dheeri ah haddii Dasluurka ama
Sharcigu uusan tilmaanun aqlabiyad gaar ah.

Qodobka66aad
(Xeer Hoosaadka Golaha)
Habka shaqada Go1aha Shacbiga waxaa lagu nidaaminayaa Xeer Hoosaadka Goluhu guddonsado.

Qodobka 67aad
( Awoodaha Golaha)
Golaha Shacbigu wuxuu leeyahay awoo daha soo socda:-
1. Wax ka beddelidda Dastuurka Dalka;
2. Dejinta shaciyada iyo oggolaashaha go’aannada saameeya horumarka Dalka;
3. Doorashada iyo xil ka qaadidda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya sida ku cad Qodobka 80aad ee Dastuurka;
4. Doorashada iyo xil ka qaadidda Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacbiga;
5- Oggolaashada heshiisyada caalamiga ah ee ku saabsan siyaasadda, dhaqaalaha, ganacsiga, ama heshiisyada Qaranka u keenaya masuuliyad lacageed.
6. Hubinta dhawridda Dastuurka iyo sharciyada Dalka;
7. Oggolaashaha qorshaha horumarinta dhaqaalaha Dalka;
8. Oggolaashaha miisaaniyadda sannadka iyo miisaanayadda xisaabxirka.
9. La xisaabtanka Dawladda iyo xubnaheeda;
10. Awoodaha kale ee Dastuurku siiyey Golaha..

Qodobka68aad
(Xilsaarasho Sharci dejin)
1. Golaha Shacbigu wuxuu Dawladda.u wakiilan karaa inay ka soo saarto sharci, waqti xaddidan gudahiis, arrimo la isia meel dhigay. Sharciga xilsaarashada waa lagu tilmaami karaa mabaadi’da ama tusaaloooyinka in Dawladdu raacdo loo baahan yahay.
2. Sharciga Dawladda loo wakiishay waxaa lagu soo saarayaa xeer Madaxweyne-

Qodobka 69aad
(Sharciyada degdegga ah)
1. Markii ay jiraan duruuf gaar ahaaneed ee degdeg ah, Dawladdu waxay dejin kartaa sharci leh dhaqan ku meel gaar ah oo lagu soo saaro Xeer Madaxweyne. Muddo bil ah gudaheed waa in sharcigaas lagu hor geeyaa Golaha Shacbiga, ama Guddiga Joogtada ah, si looga dhigo mid rasmi ah.
2. Golaha Shacbigu, haddii uu kulansan yahay, ama Guddiga Joogtada ah, marka uusan Goluhu kulansaneyn, waa in ay go’aan ka gaaraan 15 maalmood gudahood laga bilaabo taariikhda Sharciga la soo hordhigay.

Qodobka 70aad
(Mashruuc Sharci)
Mashruuc Sharci waxaa soo jeedin kara Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya, Guddiga Joogtada ah ama Dawladda. Waxaa kaloo soo jeedin kara xildhibaannada Golaha Shacbiga haddi ay soo jeedintaa isku raacaan saddex meelood meel xildhibaannada Goluhu.

Qodobka 71aad
(Sharciyada Saameynaya Istraateejiyada Xisbiga)
Mashruuc sharci oo kasta ee saameynaya istraateejiyada Xisbigu ku xaqiijinayo himilooyinka Kacaanka iyo nidaamka uu Dalka ku hoggaaminayo waa in Golaha Dhexe ee Xisbigu soo oggolaadaa, inta aan Golaha Shacbigu go’aan kama dambeys ah ka gaarin.

Qodobka72aad
(Soo saaridda iyo faafinta Sharciga)
1. Sharci kasta ee Golaha Shacbiga ama Guddiga Joogtada ah isku raaco waxaa soo saaraya Madaxweynaha shaniyoafartan maalmood dhaxdood.
2. Madxaweynaha Jamhuuriyadda Dimoqradiga Soomaaliya wuxuu awood u leeyahay, muddada ku xusan lambarka laad ee qodobkan dhexdeeda, in uu sharcigaas dib ugu celiyo Golaha Shacbiga, isagoo sababta raacmaya, codsanayana in dib looga doodo, go’aanna laga gaaro-
3. Haddii Goluhu mar kale saddex meeloodoo laba xubnihiisa sharcigaas isku raaco,
Madxweynuhu waa inuu ku soo saaraa shan iyo afartan maalmood gudahood.
4. Sharciga Goluhu isku raaco, Madaxweynuhuna soo saaro, waxaa lagu baahinayaa Faafinta Rasmiga ah, wuxuuna dhaqan galayaa 15 maalmood kaddib marka lagu soo saaro Faafinta Rasmiga ah, haddusan sharcigu muddo ka duwan sheegin.

Qodobka 73aad
(X i1dhibaanka)
1. Xildhibaan kasta wuxuu masilayan danta guud ee Shacbiga Soomaaliyeed.
2. Xildhibaanku marka uu havsha Golaha bilaabayo wuxuu marayaa dhaarta soo socota :
«Waxaan magaca Ilaahey iyo kan Waddanka ku marayaa inaan ammaano, kalsoni iyo hagar la’aan ugu adeego Shacbiga Soomaaliyeed. inaan f’uliyo mabaadi’da Kacaanka 21ka 0ctoobar 1969. Inaan dhawro Dastuurka iyo Shuruucda Dalka. inaan hirgeliyo mabaadi’da Hantiwadaagga, inaan ilaaliyo danta guud ee Shacbiga iyo danaha Qaranka Soomaaliyeed, inaan kartideyda oo dhan ku daafaco madaxbannaanida, gobannimada iyo midnimada Dalka, inaan danta guud ka hormariyo danteyda gaar ahaaneed, inaan dadka Soomaaliyeed ku dhaqo sinnaan iyo caddaalad».
3. Xildhibaanka dhibaato kama soo gaari karto fikradaha iyo aaraada uu ka hor dhiibto Golaha iyo Guddiyadiisa isagoo gudanaya xilkiisa.
4. Xildhibaanka Golaha laguma qaadi karo dacwad ciqaabeed, lama xiri karo, lamina baari karo qof abaan ama hoygiisa, haddaan lagu qaban isagoo dembi faraha kula jira, ama laga haysan oggolaasho Golaha Shacbiga, markuusan kulansaneenna Guddiga Joogtada ah isagoo dib uga ansaxinaya Golaha Shacbiga.
5. Xildhibaanka Goluhu wuxuu xilkiisa gudanayaa isagoo wata hawlihiisii hore ee caadiga ahaa- Inta ay socdaan kalfadhiyadu ama marka loo diro hawl la xiriirta xilka Golaha, Xildhibaanku wuxuu xaq u yeelanayaa gunno lagu xaddidi doono sharci gaar ah.

Qodobka 74aad
(Xil ka qaadidda Xildhibaanka)
1. Xildhibaan kasta ee oofin waaya shuruudaha Xildhibaannimada, ama ka soo bixi waaya waajibaadka xilkiisa la xiriira, waxaa laga qaadayaa xilka.
2. Xildhibaan kasta Dadweynihii soo doortay waa kala noqon karaan kalsoonidooda, waxaana codsigaas soo jeedin kara afar meelood meel doortayaasha.
3. Xil ka qaadidda Xildhibaanka waxaa hal dheeri xubnihiisa ku guddoominaya Golaha Shacbiga.

Qodobka 75aad
(Kormeeridda Golaha)
1. Xildhibaan kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu u jeediyo Dawladda ama Xubnaheeda su’aalo iyo afti oo ay waa jib ku tahay inay ka jawaabaan labaatan maalmood gudahood.
2. Goluhu wuxuu amri karaa in baaris la sameeyo isaguu u xilsaaraya waajibkaas guddiyo ka kooban Xildhibaannadiisa.

XUBINTA LABAAD
GUDDIGA JOOGTADA AH
Qodobka 76aad
(Xilka Guddiga Joogtada ah)
Guddiga Joogtada ah waa hay’adda hog gaamisa hawlaha Golaha, wuxuuna qabtaa xilka Golaha Shacbiga, muddada u dhexeysa kalfadhiyada, marka laga reebo awoodaha ku xusan Qodobka 67aad, lambarradiisa 1, 3, 7 iyo 8, iyo Qodobka 82aad, lambarradiisa 3 iyo 12 ee Dastuurka.

Qodobka 77aad
(Xubnaha Guddiga Joogtada ah)
1. Guddiga Joogtada ah wuxuu ka kooban yahay xubnaha soo socda:
—Guddoomiye;
— Guddoomiye Ku-xigeenno;
— Xoghaye iyo
—Toban xubnood.
2. Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada Golaha Shacbiga ayaa noqonaya Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Kuxigeennada Guddiga Joogtada ah.

Qodobka 78aad
(Awoodda Guddiga Joogtada ah)
Guddiga Joogtada ah wuxuu leeyahay awoodaha soo socda:
1) Dejinta iyo wax ka beddelidda Sharciyada muddada u dhexeysa kalfadhiyada Golaha, isagoo kaddib ka ansaxinaya Golaha Shacbiga;
2) Fasiraadda Sharciyada iyo go’aannada Goluhu soo saaro;
3) Isugu yeeridda kalfadhiyada iyo fadhiyada aan caadiga ahayn ee Golaha Shacbiga;
4) Ilaalinta maamulka doorashada Xildhibaannada Golaha Shacbiga;
5) Wax alia wixii awood ah ee Dastuurku siiyey ama Golaha Shacbigu u xil saaro.

MADAXA LABAAD
MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA DIMOQRAADIGA SOOMAALIYA
Qodobka 79aad
(Madaxa Qaranka)
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya waa madaxa Qaranka, wuxuuna masilaa awoodda Qaranka iyo midnimada Shacbiga Soomaaliyeed.

Qodobka 80aad
(Doorashada iyo muddada xilka)
1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaa soo sharraxaya Golaha Dhexe ee Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed, Golaha Shacbiga ayaana dooranaya.
2. Doorashada Madaxweynaha waa in ay isku raacaan saddex-meelood laba Xildhibaannada Golaha Shacbiga, aftida kowaad iyo labaad. Aftida saddexaad waxaa ku filan cod hal dheeri ah Xildhibaannada Golaha.
3. Golaha Shacbigu waa casili karaa Madaxweynaha isagoo raacaya hababka ku xusan lambarka koowaad iyo labaad ee Qodobkan.
4. Madaxweynaha Jamhuuriyaddu wuxuu xilka haynayaa lix sano laga bilaabo maalinta la dhaariyo, dibna waa loo dooran karaa.
5. Marka uu hawsha bilaabayo, Madaxweynaha Jamhuuriyaddu wuxuu marayaa dhaarta ku xusan Qodobka 73aad ee Dastuurka.

Qodobka 81aad
(Shuruudda Doorashada)
Waxaa loo dooran karaa jagada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya qof kastoo Soomaali ah, aabihii iyo hooyadiina Soomaaali asal ah yihiin, horey aan u guursan, intuu xilka hayana guursanin, qof aan Soomaali asal ah ahayn, lehna shuruudaha lagu dooran karo xildhibaanka Golaha Shacbiga, da’diisuna gaartay afartan sano.

Qodobka 82aad
( Awoodda iyo Hawlaha Madaxweynaha )
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya awoodaha iyo hawlaha Dastuurka iyo Sharciyadu siinayaan waxaa u wehliya kuwa soo socda:
1. masilaadda xiriirka Qaranku la leeyahay dibedda;
2. masilaadda midnimada hoggaanka siyaasadeed ee Xisbiga iyo Qaranka;
3. meelmarinta heshiisyada caalamiga ah ee saameynaya difaaca iyo nabadda, qarannimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda, kaddib marka ay oggolaadaan Golaha Dhexe ee Xisbiga iyo Golaha Shacbiga;
4. meelmarinta heshiisyada kale ee caalamiga ah;
5. qaabilaadda iyo aqoonsiga danjirayaasha iyo madaxda ergooyinka shisheeyaha;
6. guddoominta shirarka ay u wada jiraan hay’adaha Xisbiga iyo kuwa Qaranku;
7. magacaabidda iyo xil ka wareejinta Wasiirrada iyo Wasiirro Ku-xigeennada;
8. magacaabidda iyo xil ka wareejinta Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka isagoo dhegeystay talada Golaha Dhexe ee Xisbiga;
9. magacaabidda iyo xil ka qaadidda saraakiisha sare ee Qaranka, isagoo dhegeystay talada Golaha Wasiirrada;
10. inuu bixiyo masaabax, ciqaabtana dhimo;
11. waa Tally aha Sare ee Ciidammada Qalabka Sida iyo Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Qaranka;
12. ku dhawaaqidda xaaladaha dagaalka iyo nabadda, kaddib marka ay go’aamiyaan Golaha Dhexe ee Xisbiga iyo Golaha Shacbigu;
13. inuu dadweynaha u bandhigo afti markii ay Dalka la soo gudboonaadaan arrimo muhiim ah;
14. inuu soo saaro xeerar Madaxweyne;
15. bixinta billadaha iyo aqoonsiyada mudnaanta ee kale.

Qodobka 83aad
(Awoodda aan caadiga ahayn ee Madaxweynaha)
1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya wuxuu awood u leeyahay, isagoo la tashaday Guddiga Difaaca Qaranka, inuu xukun degdeg ah ku soo rogo, tilaabo kasta oo ku habboonna ka qaado, Dalka guud ahaantiis ama qayb ka mid ah, marka ay la soo gudboonaadaan arrimo khatar gelinaaya qarannimada, nabadgelyada gudaha ama dibedda ee Dalka, ama markasta oo ay jirto baahi lagama maarmaan ah.
2. Xaaladaha dagaalka, Madaxweynuhu wuxuu la wareegayaa awoodda Dalka oo dhan, ku dhaqanka qodobbada Dastuurka ee aan la socon karin xaaladahaasna waa la laalayaa.

Qodobka 84aad
( Madaxweyne Ku-xigeen )
1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya wuxuu magacaabi
karaa Madaxweyne Ku-xigeen ama Madaxweyne Ku-xigeenno, isagoo dhegeystey ra’yiga Golaha Dhexe ee Xisbiga iyo Golaha Shacbiga.
2. Madaxweyne Ku-xigeenku marka uu hawshiisu bilaabayo, wuxuu marayaa dhaarta ku xusan Qodobka 73aad ee Dastuurka.

Qodobka 85aad
(Xil gudasho karid la’aan)
1. Marka ay geeri ku timaaddo, ama shaqo ka fariisad, ama sabab joogto ah ee ka reebeysa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya inuu xilkiisa guto, waxaa la dooranayaa Madaxweyne cusub lixdan casho gudahood, iyadoo la raacayo habka ku xusan Qodobka 80aad ee Dastuurka.
2. Inta ay doorashada Madaxweynaha cusub ka dhacayso iyo markastoo ay jiraan sababo aan joogto ahayn ee ka reebaya Madaxweynaha inuu guto xilkiisa, waxaa jagadiisa sii haynaya Madaxweyne Ku-xigeenka koowaad ee Jamhuuriyadda.

MADAXA SADDEXAAD
DAWLADDA
XUBINTA KOOWAAD
MAAMULKA DAWLADDA DHEXE

Qodobka 86aad
(Golaha Wasiirrada)
1. Golaha Wasiirradu waa hay’adda ugu sarreysa fulinta maamulka Dawladda.
2 Golaha Wasiirradu wuxuu ka kooban yahay Guddoomiyaha Golaha Wasiirrada iyo Wasiirrada.
3. Guddoomiyaha Golaha Wasiirrada waxaa noqonaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya.
4. Madaxweynuhu wuxuu magacaabi karaa, haddii ay la habboonaato, Wasiir Koowaad.

Qodobka87aad
(AwooddaGolaha Wasiirrada)
Awoodaha Dastuurka iyo Sharcigu siinayo ka sokow, Golaha Wasiirradu wuxuu leeyahay awoodaha soo socda:
1. inuu hor dhigo Golaha Shacbiga talooyin sharci;
2. inuu jiheeyo, iskuna duwo, kormeerana hawlada Dawladda;
3. inuu soo saaro xeerar;
4. inuu hoggaamiyo hawlaha la xiriira difaaca iyo nabadgelyada Qaranka;
5. inuu diyaariyo miisaaniyadda sannadka iyo xisaab xirkeeda;
6. inuu dejiyo qorshaha lagu horumarinaayo dhaqaalaha Dalka;
7. inuu la galo heshiisyo waddammada dibedda iyo hay’adaha caalamiga ah;
8. inuu qaado tallaabo kastoo uu ku ilaalinaayo danta Qaranka iyo nabadgelyada dadweynaha, isagoo dhowraya xadka Dastuurku u gooyey awooddiisa.

Qodobka 88aad
(Nidaamka Dawladda)
1. Awoodaha iyo xilka Golaha Wasiirrada ee aan Dastuurkan ku xusneyn, tirada iyo xilka wasaaradaha, waxaa lagu caddeynayaa sharci gaar ah.
2. Habka dhismaha Golaha Wasiirrada, Wasaaradaha iyo Xafiisyada la xiriira, waxaa lagu nidaaminayaa Xeer Madaxweyne.

Qodobka 89aad
(Mas’uuliyadda ciqaabeed eeWasiirrada)
1. Wasiirradu waxay mas’uul ka yihiin dembiyada ka dhasha fulinta xilkooda.
2. Shariciga ayaa tilmaamaya habka Wasiirrada loogu qaadayo dembiyada ka dhasha fulinta xilkooda iyo dembiyada kaleba.

Qodobka 90aad
(Dhaarta)
Xubnaha Dawladda, marka ay xilkooda billaabayaan, waxay Madaxweynaha Jamhuuriyadda hortiisa ku marayaan dhaarta ku xusan Qodobka 73aad ee Dastuurka.

Qodobka 91aad
(Barnaamijka Dawladda)
Dawladdu magacaabiddeeda kaddib, waxay Golaha Dhexe ee Xisbiga iyo Golaha
Shacbiga soo hordhigeysaa barnaamijka ay dooneyso inay hirgeliso.

Qodobka 92aad
(Wasiirro Ku-xigeenno)
Wasiirrada waxaa xilkooda ku kaalin kara Wasiirro Ku-xigeenno uu magacaabo Madaxweynaha Jamhuuriyadda, isagoo dhegeystay talada Golaha Wasiirrada.

XUBINTA LABAAD
BAAHINTA AWOODDA IYO MAAMULKA DALKA

Qodobka 93aad
(Fidinta Maamulka)
Xilka maamuleed ee Qaranka waxaa lagu fidinayaa, inta ay suurta gal tahay, maamulka hoose iyo wakaaladaha.

Qodobka 94aad
(Maamulka Hoose ee Qaranka)
1. Awoodda maamulka hoose waa qayb ka mid ah awoodda Maamulka Dhexe ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya.
2. Sharciga ayaa u nidaaminaya awoodda maamulka hoose, si waafaqsan mabda’a dimoqraadiyadda guddoonka dhexe.

Qodobka 95aad
(Golayaasha Shacbiga ee Degaanka)
1. Dadweynuhu si toos ah ayuu u dooranayaa Xubnaha Golayaasha Shacbiga ee Degaanka.
2. Sharcigu wuxuu tilmaamayaa dhismaha, awoodda, ilaha dhaqaale iyo xiriirka Golayaasha Shacbiga ee Degaanku la leeyihiin Xisbiga, Golaha Shacbiga iyo Dawladda.

MADAXA AFRAAD
GARSOORKA
XUBINTA KOOWAAD
MABAADI’DA GARSOORKA

Qodobka 96aad
(Ujeeddada Garsoorka)
1. Maxkamadaha iyo Xeer Ilaalintu waxay ilaalinayaan nidaamka Qaranka Hantiwadaagga ah iyo dhismihiisa bulsho.
2. Maxkamadaha iyo Xeer Ilaalintu gudashada xilkooda, waxay ku barbaariyaan muwaadinka Soomaaliyeed inuu ka qayb qaato dhismaha Dalka, difaaca nidaamka Hantiwadaagga, dhawrista sharciyada, habka wada noolaashada bulshadeed iyo daacadnimo u gudashada waajibaadka Qaranka iyo Bulshadu ku leeyihiin.
3. Garsooruhu wuxuu sugaa dhawridda sharciyada, wuxuuna kafaalo qaadaa ilaalinta xorriyadda, xuquuqda iyo nolosha muwaadinka, danaha iyo sharafta qofka aadadamiga ah.

Qodobka 97aad
(Midnimada Garsoorka)
Garsoorka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya waa mid mideysan.

Qodobka 98aad
(Madaxbannaanida Garsoorka)
Garsoorayaasha Maxkamadaha iyo xeer-Ilaaliyayaashu waa u madax bannaan ythiin hawshooda, lagama qaadi karo xilka, xaaladaha Sharcigu tilmaamay mooyaane, waxayna u hoggaansamayaan Sharciga oo keliya.

Qodobka 99aad
(Doodaha Maxkamadaha)
1. Doodaha Maxkamaduhu, mabda’ ahac.n, waa tiraab, dadweynuhuna waa dhegeysan karaa. Sharciga ayaa tilmaamaya xaaladaha Maxkamadaha albaabka loo xiri karo.
2. Xukunka Maxkamadaha waxaa lagu soo saarayaa Magaca Dadweynaha Soomaaliyeed.

XUBINTA LABAAD
MAXKAMADAHA
Qodobka 100aad
(Maxkamadaha Jamhuuriyadda)
1. Maxkamadaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya waa kuwa soo socda: Maxkamadda Sare, Maxkamadaha Rafcaanka, Maxkamadaha Gobollada. Maxkamadaha Degmooyinka, Guddiyada Garsoorka ee goobaha shaqada iyo Maxkamadaha Ciidammada Qalabka Sida.
2. Waxaa la dhisi karaa Maxkamado gaar ah ee awooddooda iyo dhismahooda lagu jideeyey Sharci.
3. Guddiyada Garsoorka ee Maxkamadaha waxaa ka qayb gala Garsoorayaal dadweyne ee Sharci gaar ah lagu dhisay.

Qodobka 101aad
(Maxkamadda Sare)
Maxkamadda Sare waa hay’adda ugu sarreysa Garsoorka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya. Waxay habeysaa. Kormeertana hawlaha Maxkamadaha oo dhan.

Qodobka 102aad
(Habka shaqada Maxkamadaha)
Habka shaqada Maxkamadaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya iyo magacaabidda Garsoorayaasha waxaa nidaaminaya sharci gaar ah.

XUBINTA SADDEXAAD
(XEER ILAALINTA)

Qodobka 103aad
(Xeer Ilaalinta Guild ee Qaranka)
1. Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranku waxay ka kooban tahay: Xeer Ilaaliyaha Guud iyo Kuxigeennadiisa.
2. Qaabka Dhismaha Xeer Ilaalinta Guud iyo Hawlaha Xubnahaheeda waxaa nidaaminaaya Sharci gaar ah.

Qodobka 104aad
(Xilka Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka)
1. Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranku waxay ilaalisaa ku dhaqanka dhabta ah ee Sharciyada Dalka.
2. Waxay hubisaa in go’aannada, awaamirta iyo tusaalooyinka Hay’adaha Qaranku waafaqsan yihiin Dastuurka iyo Sharciyada Dalka.
3. Waxay dacwad ku oogtaa qofkii gala fal dembi ah.
4. Waxay kormeertaa Xabsiyada iyo xarumaha dib u edbinta carruurta.
5. Waxay ilaalisaa xuquuqda Dadka tabarta yar.
6. Waxay fulisaa hawlihii kale ee Sharcigu u xilsaaro.

XUBINTA AFRAAD
GOLAHA SARE EE GARSOORKA

Qodobka 105aad
(Xilka Golaha Sare ee Garsoorka)
1. Golaha Sare ee Garsoorku waa hay’adda hoggaamisa siyaasadda iyo maamulka Guud ee Garsoorka.
2. Golaha Sare ee Garsoorku wuxuu talo ka dhiibtaa masaabaxa Madaxweynaha Jamhuuriyaddu bixiyo, magacaabidda, beddelka, dallacaadda iyo shaqo ka fariisinta Garsoorayaasha iyo Xeer Ilaaliyaasha.
3. Wuxuu kormeeraa hawlqabadka iyo anshaxa Garsoorayaasha iyo Xeer Ilaaliyayaasha.
4. Dhismaha Golaha Sare ee Garsoorka iyo habka shaqadiisa waxaa nidaaminaya sharci gaar ah.

Qodobka 106aad
(Guddoominta Golaha Sare ee Garsoorka)
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqqraadiga Soomaaliya ayaa ah Guddoomiyaha Golaha Sare ee Garsoorka.

XUBINTA SHANAAD
MAXKAMADDA DASTUURKA

Qodobka 107aad
(Dastuuriyadda Shuruucda)
1. Waxaa jireysa Maxkamad Dastuur oo awood u leh in ay go’aan ka gaarto dastuuriyadda shuruucda.
2. Maxkamadda Dastuurku vvaxay ka koo bantaa Maxkamadda Sare oo ay kaabayaan Xubno ka tirsan Golaha Shacbiga ee uu magacaabo Madaxweynuhu, isagoo dhegeystay talada Guddiga Joogtada ah.
3. Habka shaqada, tirada xubnaha iyo muddada xilka ee Maxkamadda Dastuurka waxaa nidaaminaya sharci gaar ah

QAYBTA SHANAAD
DIFAACA IYO NABADGELYADA DALKA
Qodobka 108aad
(Xilka Ciidammada Qalabka Sida)
1. Cildammada Qalabka Sida waxay ilaaliyaan gobannimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya, waxay guulaha iyo miraha Kacaanka ka ilaaliyaan cadawga gudaha iyo kan dibedda, waxay sugaan nabadgelyada iyo xasilloonida gudaha, kaalin ka qaataan dhisdhismaha Dalka.
2. Qaranku wuxuu xoojinayaa awoodda iyo aqoonta farsamo ee Ciidammada Qalabka sida, kor u qaadidda garaadkooda siyaa sadeed, ku beeridda ruuxa waddaninimo iyo naf u huridda Dhulka Hooyo.

Qodobka 109aad
(Dhismaha Ciidammada Qalabka Sida)
Sharci gaar ah ayaa tilmaamaya dhismaha iyo qaabka ay u habeysan yihiin Ciidammada Qalabka Sida.

Qodobka 110aad
(Guddiga Difaaca Qaranka)
1. Guddiga Difaaca Qaranka xilkiisu wuxuu yahay inuu qiimeeyo Xaaladaha la xiriira difaaca iyo nabadgelyada Dalka, gurmadiyana wax kasta oo waxtar u leh haqabtirka baahida difaaca Dalka.
2. Guddiga Difaaca Qaranka waxaa Guddomiye ka ah magacaabana xubnihiisa kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya.
3. Sharciga ayaa tilmaamaya awoodda Guddiga Difaaca Qaranka waqtiga nabadda iyo dagaalkaba.

QAYBTA LIXAAD
QODOBBO KALA DUWAN

Qodobka 111aad
(Saldhigga Shuruucda )
1. Dastuurku wuxuu leeyahay awoodda sharci ee ugu sareeysa.
2. Dhammaan Shuruucda, Xeerarka iyo awaamirta hay,adaha Qaranka waxaa saldhig u ah Dastuurka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya, waana in ay waafaqsanaadaan.

Qodobka 112aad
(Wax ka baddelka Dastuurka)
1. Talo wax ka beddel Dastuurka waxaa soo jeedin kara: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya, Golaha Dhexe ee Xisbiga ama saddex meelood meel Xildhibaannada Golaha Shacbiga.
2. Golaha Shacbigu wax ka beddelka Dastuurka wuxuu ku guddoominayaa go’aan ay isku raacaan saddex meelood laba xubnahiisa.
3. Wax ka beddelka Dastuurka ma saameyn karo arrimaha soo socda:
a) nidaamka Jamhuuriyadnimada ee Dalka;
b) doorashada mabda’a Hantiwadaagga;
t) midnimada dhulka;
j) xuquuqda iyo xorriyadaha aasaasiga ah ee muwaadinka iyo qofka.

Qodobka 113aad
(Ku Dhaqan ku meel gaar ah)
1. Sharciyada hadda jira waa lagu sii dhaqmayaa, iyadoo intooda aan Dastuurka wafaqsaneyn lagu beddeli doono hal sano gudaheeda.
2. Ilaa iyo inta laga dhisaayo hay’adaha Dastuurkani tilmaamayo, awoodahoodii waxaa sii fulinaya hay’adaha imminka Dalka ka jira.

Qodobka 114aad
(Dhaqangalka Dastuurka)
Dastuurku wuxuu dhaqan galayaa laga bilaabo maalinta la soo saaro natiijada aftida oggolaashaha Shacbiga.

1 thought on “Dastuurka 1979

  1. Pingback: Soomaalida Maanta.

aragtidaada nala wadaag...