Abshirow Guuxi Lagu Toosye – Cabdillaahi Cawad Cige

Tixdan gaaban ee soo socota waa gabay uu tiriryey abwaan Cabdillaahi Cawed Cige oo uu dhextaal uga dhigey tuducda ah Garasho Waayeel, waxayna soo baxday 25kii Febraayo 2005tii, waxa ay jawaab uga celinaysaa Abshir Bacadle gabaygiisa uu ugu yeedhay Gob Cunsuri Ah oo Waxa Tihiin, Ficil Gumeed Yeeshay. Abwaanka gabaygiisu wuxuu maray masaafad aad u ballaadhan, tixdani qaybo ka mid ah ayay wax ka odhanaysaa. Abwaanka waxaa uu iminka ku nool yahay magaalada Lifarbuul ee Ingiriiska.

Abshirow gantaalkaad riddiyo, guuxi lagu toosye
Gun baa reer Isaaq yahay inuu, hadalku kaa gaadhay
Gaashaammo iyo Hawd warkii, geeswalbow socoye
Goonyaha Hargeysiyo Burcuu, galay akhbaarkiiye
Godkii Caynabaa laga maqliyo, go’o dhexdoodiiye
Ilamaa Gebilay iyo Xaraf, gaafahuu maraye
Dadka uma gudboonee tolkay, gocasho qaadsiiye
Guhaad iyo xanuun laga bogsaday, godol ku nooleeye
Sheekadu garqaad iyo ka badan, gabadh difaaceede
In baroortu Garo dhaafsantahay, geliyay maankayga
Anna gabay inaan soo hollado, gaanka igu qaadyay
Afartaas ammuuraha gedmiyo, guga hillaacii dheh
Gacal samo u baaqoo la baday, gacantogaalayn dheh
Gobo’ kalena way eray yaroo, garasho waayeel ah
Gal ninkii kitaabka u toshee, diinta garanaaya
Ee ay bulshadu gibil sudhee, xarafka loo geeyo
Dharaartay arrini gaaxsantee, Geer u bixiwaayo
Gamco-siman shareecada inuu, gooyo laga dhawrye
Kol hadduuse xeerkii gembiyo, tiirarkana gooyo
Gole aanu taagnayn hadduu, gar isla soo mooso
Godadkii qiyaastiyo hadduu, male ku goobyaalo
Gudcurkiyo hadduu xaajadii, goorxun socodsiiyo
Sow inuu gurracay talo Islaam, guudka kama muuqan?
Bacadlaa geddaas iyo ka dhigan, garab-ka-fuulkaase
Kunka geeddi sheekada fadhida, godob-ka-qaadkeeda
Waxa adiga guul kaaga noqon, yaa i geliweyday?
Afartaas ammuuraha gedmiyo, guga hillaacii dheh
Gacal samo u baaqoo la baday, gacantogaalayn dheh
Gobo’ kalena way eray yaroo, garasho waayeel ah
Haddii gari Isaaq iyo Hartiga, taallo gudahooda
Iyagaa go’aan waxay damcaan, goosan kara taase
Waa niman gefkii dhaca ka adag, inay gorfeeyaane
Haddii taada lagu guuro oo, laysku galo caawa
Gumucaad cabbaysiyo hadday, guudcasdi qaraxdo
Gadhka iyo haddii dhiig la daro, gawsihiyo saynta
Goblan lagu dambeeyiyo hadday,guuldarradu baaqdo
Geyigoo dhan Fiintiyo haddii, galow ka luuqeeyo
Waxa adiga guul kaaga noqon; yaa i geliweyday?
Afartaas ammuuraha gedmiyo, guga hillaacii dheh
Gacal samo u baaqoo la baday, gacantogaalayn dheh
Gobo’ kalena way eray yaroo, garasho waayeel ah
Dhankayaga gammaan baa murtida, lagu gardaadshaaye
Garowgiyo babbaaygiyo cuntada, gabaygu maansheeyay
Gelimaayo maansadu dhulkay, gaadhay Bacadlowe
In barwaaqadaas kuu gingiman,lagugu sii gaaxsho
Oo uu Guulle kuu sii burshaan, geynayaa duco’e
Guutooyin baa soo socdiyo, geyshashkii Xabashe
Gaalkaad rag kale taarataa, Gaadhadh soo wada’e
Ninkaad geysay fooqee sidii, aarka kugu guuxay
Geesigaaga oo tuban ninkii, goolka kaa dhaliyay
Gubniyaaba kuu soo melmelan, ganacyaweyntiiye
Guryahaad ku faantiyo dhulkaad, igu gufaynayso
Goofafkiyo xabaalahan lafii, sula la iib geeyay
Geeddiga raggii furi lahaa, godanka soo dhaafye
Sidii guushki loo laastay iyo, Ginigi Nayroobi
Gaajiyo waxay diif qabaan, garanba maysaane
Gallaydiyo badh reeb moofadaa, la isku soo gaadhye
Afartaas ammuuraha gedmiyo, uuga hillaacii dheh
Gacal samo u baaqoo la baday, gacantogaalayn dheh
Gobo’ kalena way eray yar oo, garasho waayeel ah!
Godkii aan ku idhi haysku marin,waadigaa galaye
Goosashadan sidii faal cuqle ah, goysay madaxaaga
Go’aankaas bulshadu qaadatee, kuu guntami waayay
Gari kama furniyo xaajo aad, maanta godoshaaye
Gaasira xoraynteed rag baa, iilasha u galaye
Gaasdhegoolihii kacay warkuu, geystay baa qorane
Kala guurnay waa hore haddaad, gaadh is leedahaye
Gudban baynu nahay dawladahan, gobolka uun yaalle
Gacalnimo middaan kuu fidshiyo, geela laba reer ah
Haddii aad ka giigtoo colaad, gaaxsan fidinayso
Intaad guluf Togdheer iyo ku dhaca, Saaxil gocanayso
Dhul aan galabna kuu dudin intaad, geysh u duminayso
Garbahaaga eeg yaan col kale, madaxa kaa goyne!

aragtidaada nala wadaag...