Amiirrada Khaliijka

Maansadan wuxuu abwaanku tiriyey sannadkii 1992, xilligaas oo ay dalka Soomaaliya ku habsatay abaar iyo colaad aad u xun taaso keentay inay dad badan u dhinteen gaajo, macaluul, duumo, rafaad iyo darxumo. Abwaanku wuxuu dawladaha Khaliijka ka quud-darraynaya inay walaalahooda tabaalaysan u soo diraan gurmad degdeg ah. Nasiib darro arrintaas ma dhicin, waxay noqotay sida ay maahmaahda Soomaalidu tilmaanto oo kale, dhedo roob noqon weyday. Hay’adihii kaalmada iyo gurmadka soo diray waxay ahaayeen hay’ado aan ka iman dalalka Muslinka oo aan Soomaalida la wadaagin dhaqan iyo diin midnada.
Hay’adahaas kaalmadii ay bixiyeen mahad iyo gallad ayey mudan yihiin. Abwaanku isagoo arrintaas aad ugu dhaliilsan gaar ahaan dawladaha Khaliijka ayuu markaas maansadan tiriyey:

Aasaaska gabaygoon murtida ka anba qaadaayo
Ilaa dulucda aan ku ebyayoon ku intihaynaayo
Astaamaha waxaan kaga dhigaa ereyo waaweeyne
Af-Soomaali hanaqaaday baan ku isticmaalaaye
Ujeeddada si loo wada fahmaan wax u iraahdaaye
Abaartiyo colaadii markii nala ku aafeeyay
Oo Carabi naga aamustoo noo arxamiweyday
Allay diliye Suudaani waa inala ooyeene
Ninase waxaan awoodii ahayn laguma eedeeyo
Ajnabi ha iga dhihin Yamani waa eheladeeniiye

Iimaan Yaxyoo miiranbay ila ahaayeene
Isagaa wuxuu urursan jiray Ahalu Tawxiidka
Amiirada Khaliijkow waxaan idiin ogeysiiyay
Abaartiyo colaadiyo faqrigu ebed ma waaraane
Imtixaanka nagu dhacayna waa xugun Ilaahaye
Amnigiyo nicmadu meel un bey ku intihoodaane
Alle wuxuu idiin dhiibayoo idinku eegaayay
Rabbi nimuu Islaamku arsuqoo taqi ah mooyaane
Inoo diide gaaladana waad u ogolaateene
Ay.Sii.Aar.Sii xeryahay oodatiyo ubadka loo dhibay
Ameerikaanka nagu soo dagiyo Banuu Israa’iilka
Amiirada Khaliijkaa ina baday ma oggolaaneene
Ayaamaha nasoo marayna waa lama ilaawaane.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *