Booraan Ibliis (Guurow)

Guuroowgaan waxaa uu ka mid yahay maansooyinkii ugu caansanaa sannadihii siddeedamaadkii ee uu abwaanku ku kale caddeenayey sunnaha iyo bidcada, towxiidka Alle lagu baraxyeelo iyo khuraafaadka dadka qaarkood iska maleegtaan.

Bismilaahi waa magac Alloo lagu billowdaahe
La bax hadalka gabaygayga wa lagu biskoodaahe
Muqadamada1 baro goor dhowaan kaa bajinayaahe
Balaaqada af Soomaaligoo gabay bayaankiisa
Waa boqol tixood iyo sagaal boorka ka ilaalsha
Baallaha toddoba roogsataa Bi’iya deel qaafka
Bartamahana waa tomanya koow lagu bineeyaahe
Ba’daan saaro beydkaan xadfiyo bidixu laadkayga
Buundooyin gaagaabanoo Buqunadow daarsha
Iyo baabka laga soo galaa Baratilmaameeda
Goortey madkuhu1 ii baxaan waa bedelayaahe 
Inaan boolyey how qabina waa bixin Ilaaheeye
Mana baawsanine waa hibaan laga bakhiileyne
Balwadna uma iilee xaqaan jid u banneeyaahe
Caawana bidcada iyo sunnaha buuqa laga taagey
Inaan kala baxshaan doonayaa weysku baraxdeene
Baraawi iyo Booyaaye1 iyo Buube iyo Suufi  
Barkhadliyo barkaan iyo ulaha baali laga keenay

Bakooradaha shiikh Nuur Xuseen’ Baladul Amiinka
Busuri iyo2 Jiilaani iyo2 Boqolo-Soomowga
Badawi iyo Shiikh Ceydaruus Badaha nuurkooda
Inta bacadka kheyr qabe idaha lagu bireyhaayo
Oo barako loo doonahaa Badaha reedoodda
Anna gabay inaan baahiyaa wey bannaan tahaye
Ilaaheyna boogtaan dhayaa Wey biskey jiraye
Wadaadow bidcadan iyo sunnaha Buuqa laga taagey
Inaan baaritaan suubinaan uga baxey naahe
Wax yar inaan bidhaan shaan jeclahay saad u baratiine
Waxaan soo buruufaba ‘haddaan Boontigii helaye
Mehey baladu naga raacdayaan sou bandhigayaahe
Balwaddii dariiqoodhinkaa baraxday diintaayna
Muggaasey u sii kala bexeen Boqol ya dheeraade
Midaa yiri war aan kuu bandhigo Beenu raad malehe
Burjikada ninkii lagu dhiboo Biil ku waa jibayo
Inoow badar u jeriyaa ilmaha wow banaan tahaye
Adiguba badrooleyda iyo beeca kama taalid
Aniguna bukhuurkiyo xadrada baahi kuma joogo
Burdihiyo manaaqiibta waa lagu bunaystaahe
Waxaan deyn ka bixiyaahu waa bilaha mowliidka
Inta kale waxaan balaqsadaa biilka kamaroona
Bakhti naqatayee iyo xalaal iigu badateeba
Ilaahey mohow igu baxshaba nin iyo beertiisa
Waxaan iri war aan kuu bandhigo beeni raad malehe
Adaa booli quutoo ku nool baraka soo dhiibe
Ballamoow Ilaah qaadayaad beeni leedahaye
Waxaan guriga hiirta’ uga baxay ma’ahan baashaale
Anmaa baaga muudaa ilmaan bill u jiriyaahe;
Midaa yiri salaadaha barkood looma baahana’e;
Inaad beerdareysaa hurdada waa badownimo’e
Baradka iyo dhaxantuna jirkey kaa bedelayaane
Bidco iyo axkaanleydu waa bukhalo diimeede
Raaxada inaad bogatidey kaaga ba’ayaane
Sidaan anigu kuu baro qabsoo beeni hadal kooda
Bil ka seexo beri soo qalley Boqolya dheeraadka
Ama Beytullaahiga catiiq boqorka weydiiso.
Sii buube soo buub hal saac kaaga bada meehe
Waa boqolkun lammadii ragcoo bixisey daynkiiye
Bidco gerer xummaa joogta oo Baraka diidyaahe
Abidkeyba kama soo bexeen weyga buriyeene
Midaa yiri waxaan bixi rabaa beri isniinaade;
Inaan nabiga baadshaan rabaa Soona barakaysto
Haddaanse beytullaahiga catiiq beriyo soo joogo
Bidco gerar xumaa sheegtayoo baraka diidyaahe
Shiiqoow sidaan uga baxsaa waa ka baqayaahe
Woxow yiri anaa kuu bandhigi baratilmaameede
Basarkooda heerkaan aqaan waa bedelayaane
Bara1 iyo Ancaam iyo haddow Baqara kuu sheego
Haka baranin diintooda waa lugu bidcaabaahe
Bismilaahi goortay dhahaan booba kabihiina
Beer laxawsigoodiyo ha’arag baarinimadooda
Ayagoo Asleynkii bartey kuu bedelayaane
Bidcannimo waxaa iiga roon banu Israa’iil dheh;
Midaa yiri Bukhaariga ka hera oo burdaha qaadha
Bakhuurkiyo xadrada noo camira barako weeyaane
Barbariiqsi geedaan jeclahay bahan isku buuskaahe
Bartamaha muggaan roogsadiyo baala dhugadkeyga
Bulaanka iyo yabaqiyo habraha burur la taahooda
Bidcadaan ku guulguulayaa yaaney soo badane
Burhaanteydu berigey kacdoon buunka dhabahaayo
Burji adag inaan leeyahay iiga baqayaane
Rooxaanigey igu barteen biriq gemow gaahe
Bidci iyo bakhiilkaan iraa barako soo dhiiba
Iney hadalka igu beeniyaan uma bareeraane
Kolley walax bartoor waa baxshaan boqolba haateehe
Xaa jira buruudkeygu1 waa baahi cadowgeera;
Midaa yiri burhaanaa jirtiyo barako noo gaara
Waxaan iri baraahiin cad keen beeni raad ma lahe.
Intow baybal soo qaatayow baal ka soo rogaye
Ibraahiim in Shiiq bixiyayoo naar ka bariyeelay
Wamaa baradat niiraaniyow iila soo baxaye
Bixaarta iyo duufaanadii berigi nuux joogay
Waagii naflaha loo boqoo doonta laga buuxshey
Inow Shiiqu beri yeelayow iila soo baxaye
Bahyartiyo markii Nabi Yacquub Yuusuf laga boobay
Banyaamiina laga daba dhigoo oow indhaha beelay.
Bajaq inow ku siiyoo candhuuf Shiiqu beri yeelay
Wamaa Bari’at Caynaahuyoow iila soo baxaye
Anna waa ka beensadey marabo Baybal suufiyo’e
Iney aayad beensheen ma’oga baraka beeloodhin;
Midaa yiri bidcada lama yiraa saad u barateene;
Hadba meesha loo badan yahcy barako taallaahe
Boqolkiiba toman maahidiin badana meysiine
Arooy baal ka raacoo dadkaan buuqa naga deeya!
Birtey idinla wada goobayaan bah Ina Guuleede1
Waxaan iri bidcada lama yiraa saad u barateene
Hadba meesha loo badan yahaad biilka dayatiine
Bicthatu naarku weligoodba waa naga badnaayeene
Ilaah boqor ahaan leenahoo aan ka baqanaaye
Adigaa nasiibkaa ku baday bah Ina Guuleede
Booraan’ ibleys kuu qodoo bohol ka sii jeexay
Oo naarta laga buufiyoo bari u sii jeeda
Oo baahidiyo oonka aan maalin laga baajin
Oo bahalo lagu soo salliday biisha hilibkiina
Oo baadinkeediyo dushaba ba’ay ka yeerayso
Oo shaqiga baadsheystey iyo suufi laga buuxshey
Ilaaheyna naga soo baxshaad barako moodaane
Haddii been lagaa soo gatoo barax lagaa iibshey
Inaad bohosha igu jiidataa ba’iyo hoog kuu leh;
Midaa yiri nafcanalaahu bihi Baybal suufiya e;
Midaa yiri biyooley1 xajaan ugu bexeynaahe
Bidcaa nugu qilaaftee ma jiro baab mancinayaahe
Bakhiil iyo kitaab baalcad iyo carab batrooleeya
Inkastooy dadkii buub sadeen barako beeloodhin
Anna baal caddow raac hadoo layga baqi maahe
Iney walax barteen waa hubaa haba bidcaabaane
Barako iyo khayraadse maleh beeja qabayaalku
Iyaguba bariis koora waa buri yaqaaniine
Burhaantaayna xaa daba dhigiyo biiika gurigayna
Waxaan iri anaa kuu bandhigi bara tilmaameede
Banka carafo buuraha Makoo qaadir barakeeyey
Haddaad Baytullaahiga Catiiq boorso geliheysid
Oo aad Biyooley ku furi iyana baabwaaye
Adigoo gerkaagii beneday oo bir ku idleeyey
Oo shaaribkii kugu baxood bal iyo caws moodid
Cibaadada ninkii barax tirana baadil u arkaaya
Bidcanimana igu soo gaddaa iyana baab waaye;
Midaa yiri anaa beder ku jirey beenu raad ma lahe
Gaaladu muggay baqatayoon bililiqayseyney
Bidco lama aqaan jirin haddey buuqa kiciyeene
Abuu jahal intaan buubsadow boodayoo dhacaye
Birtii aan lahelayow mihii ii baraaqsadaye
Anna gaaladiiyaan bursaday iga baxsaayeene
Muggaan boqolya dheeraad dilaan baaritaan galaye
Illey Binu Mascuudaa1 dibkey baangad kala noogey
Baabkaayna lamma geli karoo baxarsitiin waaye
Bedriyiinta qaadiriyo waa boqolya dheeraade
Mid haddow ka baxo ama banjaro ama bidcowmaago
Baas malaha weli boor lahaa loo beddelayaahe
Baabkayna lamma geli karoo Baxarbuxuur waaye
Mid basaasanoo boor lohoo baahi la ciroobay
Oo baabuurta hoos jooga oo beesa jirihaaya
Oo Baasajeeriga yiraa barako soo dhiiba
beder ku jiisaa bayaa badaneyaa hee og
Waxaan iri war aan ku bandhigo beenu raad ma lahe
Wadaadyohow dadaa buubay iyo sheeko baraleyda
Siirada muggaad baratidaa laga biskoodaahe
Bedrudiinka nabigaaynu waa boqorki owlyaade
Bacdigina Abuu Baakaraa baraka non roone
Oo birimo noo qaatayoo booski roogsadaye
Waagii hijrada1 loo baxoo lugu basaasoobey
Bacadka iyo caga gubashadiyo baahidiyo oonki
Buur qaraxa fuul bohol galey baqo u dheerayde
Abidkood ma buubine dhulkey boorka kiciyeene
Baabacada ciiddey dhigeen beenu raad malahe
Baryahoodiyaa laga aqbalay barax la’aaneede
Ilaahey sidii laga bartey uga badbaadeene
Haddey buubi karayaan dhibkaas uma bareereene
Basharnooga khayr badan ilaah nooma soo bixine
Bacdi goor dadaa buubey waa sheeko baralceye
Arooy beenta naga deeya iyo borobogaankiina;
Midaa yiri cilmiga baadinkaa waa ku baramoosey;
Inta kalana baramaa minii lugu bidcoobaayo
Waxaa aniga laysoo bandhigay boqol jibbaarkiisa
Middaa yiri intow biirka baday waa biyoo kale’e;
Middaa yiri rishwadu waa baqshiish weysan soo barane
Middaa yiri aniga booli qaran wey banaan tahaye
Maxaa yeelay waa beytumaal ’ waana baahnahaye
Midaa yiri bashuuqsada cunnada bariga soonqaadka
Midaa yiri Sakada yaan la bixin xoola bi’iskiina
Midaa yiri Ilaah laga baqaa waa badownima’e
Midaa yiri sagaaley bannaan wada bikaaraahe
Bilmiddaan la seexdaba misana waa baddalayaahe
Bacdigeyna kii guursadaa waa ku ba’ayaahe
Intaasoo beliyo baasohoo boqolyo dheeraada
Bidco uma taqaaniine waa baha wadaagtiine
Baandada gabowdee xadrada baala dhabahaysa
Waxey nugu bidceeyeen xaqaan baranaysow maaha
Iska booba caamada kolley weyga badateene
Anna boqol tixoodaan nadroo boogta dhimihaaya

Shirib
Wax buuba barakaad mudiin barkoodse baqtigey cunaan
Mineednaan baadil baraneyn banaanka maa u soo baxdiin!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *