Bulugley

Geeraarkan waxaa uu ku aaddan yahay u dabaal dagga maalinta calansaarka, waxaana uu ka jeediyey Abshir xafladdii afartan guuraddii ee maalinta Soomaalida Koonfureed ay ka xurooday gumeysigii Talyaaniga, isla markaana ay isku darsameen labadii qeybood ee Soomaalida Waqooyi iyo Koonfur. Abshir waxaa uu geeraarkan ka soo jeediyey xaflad lagu qabtay Hoteel Ramadaan, oo ay soo qaban qaabiyeen ururada isku tagay ee nabadeenta iyo xuquuqul insaanka, ee loo yaqaano marka la soo gaabiyo INXA taariikhdu markay ahayd 1dii Luulyo, 2000.

Allaha baaqiyahoow
Boqorkii na abuurayoon
Baryihiisa jeclaayoo
Badbaadadeena lahaayoow
Barigii isticmaarkoo
Bandiiradoodii xumeyd
Inta bir dheer laga taagay
Aqalkii Barlamaankiyo
Gurigii Barasaabkiyo
Bartii Fiisho Gubeyrno
Dusheena ay babaneysoo
Badankeena gubey soo
Beerka ay naga haysoo
Misana aan ka baqeynay
Bahashaa naga siiba
Ciilkuna uu naga buuxay
Butuli aan oron waynoo
Ilaahii badalkeedi
Bulugley ina siiyoo
Xiddigtii boqraneydna
Bartanka ay kaga taalloo
Shanta baal fidinaysay e
Midnimadeena ku baaqday
Inta bir dheer laga taagay
Aqalkii Barlamaankiyo
Bartii Fiisha Gubeyrniyo
Gurigii Barasaabka
Baanbaydii u tumeysoo
Dushooda ay babaneysoo
Baallaha isla dhacaysoo
Bogga aan ka jeclaynoo
Markaan saa u bacleelno
Waa bururkii farxadeena
Waa boolyowgii calankeena
Waa bishaaradii ummaddeena
Waa barwaaqadii qarankeena
Waa baabi’ii cadawgeena
Baryo aynu sugaynoo
Jabuutey ka bidhaantoo
Boolyow baan u qabnaaye
Ilaahow biligtaa yar
Maanta ha iga bakhtiinoo
Baryahayga ajiibeey
Allaha baaqiyohoow
Boqorkii na abuurayoon
Baryihiisa jeclaayoow
Barigii dhagax tuuroo
Bulshadeenu gadoodoo
Shacabku ay birmadeenoo
Birta layska aslaayoo
Gaalada aynu bashaaqney
Bulshadii dirireysay
Dadkii boorka shidaayey
Dumarkaa u badnaayoo
Wayna boorinayeenoo
Way baraanburayeenoo
Way barooranayeenoo
Bombadey ridayeenoo
Haruud bay ifiyeenoo
Ragga way ka badnaayeen
Beena maaha warkaasi
Dahabkey beecinayeenoo
Bulshadey kiciyeenoo
Warkay baahinayeenoo
Bishaaradii barigaas
Qalbigeena ka buuxday
Boholyow baan u qabnaayoo
Jabuutay ka bidhaantaye
Ilaahow biligtaa yar
Maanta hayga baqtiinoo
Baryaheena ajiibeey
Allaha Baaqi ahoow
Boqorkii na abuurayoon
Baryihiisa jecleynoow
Badbaadadeena lahaayoow
Birimo Luulyiyo dowlad
Baahi baan u qabnaayoo
Baryo way naga raagtaye
Jabuutay ka bidhaantaye
Ilaahoow biligtaa yar
Boolyow baan u qabnaaye
Maanta hayga baqtiinoo
Baryaheena ajiibeey
Allaha baaqi ahoow
Boqorkii na abuurayoon
Baryihiisa jeclaayoow
Badbaadadeena lahaayoo
Bulugley ina siiyoow
Bushigii nagu raagay
Maanta aan ka biskoon
Boogtu ay dhayantaayoo
Laysku soo bururaayoo
Bogga lasyku qabtaayoo
Bushigeeni la waayoo
Baraaraheeni ka yeeleey
Iyo bishaaro wanaagsan!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *