Burburkii Baladkeena

Gabayga soo socda wuxuu gabyaagu ku cabbirayaa dhibaatada dalka iyo dadka Soomaalida ku habsatey, kaddib markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliyeed, adeegyadii bulshadana baaba’ay. abwaan Abshir Nuur Faarax isaga oo arrinkaa ku muujinaya dareenkiisa waddaniyeed, waxaa uu halkan ku soo bandhigayaa gabaygaan, isagoo hab su’aalo ah ku tusaaleenaya arrinkaa:

Burburkii jabhaduhu ay badeen baladki aan joogey
Iyo baalihiisaba qalbigu way balbalayaaye
Ma badbaadin karin ciilse waa bogatey laabteydu
Boqolkiiba toban aan ifiyo ba’iyo hooggiiye
Ha ku bakhiilin adigaa bartaye bogogga taariikhda
Immisaa busaarad u dhintoo beerku kor u xoodmey?
Immisaa taleefoon baryaa bari kastaa sheega?
Immisaa dabkaa iga bakhtiyey ugu bariiseeya?
Imisaa aroortii baxdoo biilku ku cuslaaday?
Immisaa bashuuqsada xaaraan aadmi laga boobey?
Immisaa balqinayoo ilmaha baahi ku abaadey?
Immisaa bariis doonahoo turubka baandheeya?
Immisaa marwoo bilic lahayd fuqur basaaseeyey?
Immisaa bacluushiyo1 abqada baad ka dhiganaya?
Immisaa bed qaboon baahi arag baqatin mooyaane?
Immisaa nimcadii ay barteen wali u booyaaya?
Immisaa Banyaamiin u galay baahi waa cadawe?
Imisaa sanduuq baalashiyo baco la rooraaya?
Immisaa labo ka badin waydey inay buush isku aroosto?
Immisaa indhuhu bohol galeen baraxna loo waayey?
Immisaa bunruug iyo wadaad baadilku adeegtay?
Immisaa bukaan socodohoo cidina baareynin?
Immisaa adeegii bulshada baabah laga yeeley?
Immisaa batrool iyo dab iyo bacadle jiiraan ah?
Immisaa biyaan cabid laheyn cuduro beeraaya?
Immisaa xalaashii bannadoo bililiqow jeeda?
Immisaa Ilaahey baryihii kaga badbaadaaya?
Immisaa waxbarashiyo nidaam baylah laga yeelay?
Immisaa khudaar boloshey cuna baahina u gaysay?
Immisaa ilkaha hilib baroon marakan boolyoobey?
Immisaa nin beri hore ladnaa biilki ku cuslaadey?
Immisaa bariis dhaxag le iyo bur iyo shaah waayey?
Immisaa ka baaqdoo hurdada beerka dhiganaaya?
Immisaa dhilmaanyo u bukiyo bahal calooleedka?
Immisaa intay bari qabteen doonyo laga buuxshay?
Immisaa tahriib ba’an gashoo badaha loo daadshey?
Immisaa saxaaraha Buney ruuxu kaga boodey?
Immisaa la beecgeeyey kuwo baahi ka ordaayey?
Immisaa Quraanki ay barteen Baybal kaga booday?
Immisaa bahdalan oo ku nool bowdka cadowgeena?
Immisaa dhalaan booyayee badaha loo tuurey?
Immisaa saxaaraha bilqanoo baahi ku aqsoobey?
Immisaa bilcaan dhiig baxdaye fooshi kaga boodey?
Immisaa dhallaan bilic lahaa badan madoobaadey?
Immisaa aqoon yahan ku ba’ay baladka aan joogno?
Immisaa baryada lagu fongorey baahina u geysay?
Immisaa bac qaad lagu sitiyo haaf ka badin waayey?
Immisaa bulshadu kaarahdoo badankii door soomey?
Immisaa ku biirsada qadada baradho duugowdey?
Immisaa la baafinayayaa badina loo duugay?
Immisaa bushi aan laga dawcyn bcydka kula dhuuntay?
Immisaa wax laga baahan yahay badaha noo jiifa?
Immisaan batrool iyo macdano aan la bixi weynay?
Immisaa ku biirsada shaxaad kuna badbaadaaya?
Immisaa badeeniyo biriga naga baryoodaaya?
Oo cadowga loo beylah shiyo Banuu Israa’iilka!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *