Danta Guud

Gabaygaani waxaa uu ka mid yahay gabayada ka hadlaaya dib u heshiisiinta Ummadda Soomaaliyeed kaddib markii ay ku habsatay musiibo iyaga ay gacmahooda ku keensadeen, waxaana uu Abshir mariyey bilowgii 1992kii.

Deeleyda maansada markey damacdo laabtaadu
Dembi inaysan kaa raacin baa lagu dadaalaaye
Diiwaanka waxad geysataad dib ugu aaydaaye
Muslim laysku diro duul horaa naar ku daakhilaye
Dibnahaaga lama baro midaan lagu dawoobeyne
Dabna laguma sii shido inaa damiso mooyaane
Ninkaanse dhiigga daadanahayaa damaqin yeelkiisa
Oon labada daarood tan hore derejo moodaaya
Gubey kaga daydeen oo dulmi bey derejo moodeene
Rabbi hibadu ugu deeqay bay dacarku beereene
Waana inagu kala dilahayaan tan iyo deeleeye
Waa loo darsadey odayga wey nagu diraayeene
Duqii lagama reysane afkaa diidayoo nacaye
Ciilkii nadaa lamase helin dux iyo iidaane
Dibse wexey ka noqon moogiyoo Daa’inkaa garane
Dad weynow su’aal diiran baan idin dareensiine
Gartii adiga kuu daadegtaa lagu dawoobaaye
Dadkuna kuma qancaan been cadoon maro ku daahneyne
Duqii hore maxaa loo eryoon kula dagaaleyney
Dalkii iyo dadkiyo diinti buu dumiyey sow maaha!
Digtatoornimuu keenay iyo dulun cad sow maaha!
Ka daroo dibi dhalbaan aragnay iyo furuqyo daacuune
Nin walbow walaalkaa dad qala how durbaan tumine
Yaan laydin dabargoyn qabiil dowlad noqon waaye
Gobtaan didiney nabad uma deganin daharo hoodiiye
Daliil kalana waa dood yaroon idin dareensiiyey
Dadku inuyan kala maarmi karin dib u xasuusnaada
Qolona qolo ma dabargoyn kadhee weysku daganteene
Inaan dagaalkii wiil noogu dhalan dib u xasuusnaada!
Dabley dooxataa iyo Qabiil laysku dabar gooyo
Daryeel li’ida maatida dayacan lana duqeynaayo
Denbi nimaan leheynoo sidii deero lagu tuujo
Ayax bililiqoo nagu degoo diirtay beledkeena
Dagaalaan dhammaan waxaa ka roon dowlad jaa’irahe
Duqii doona ducana ugu dara waadna dilateene
Ama dowladnimo muujiyoo qurunka daaweeya
Kala doorta labadaasi waa kama danbeystiiye
Dal shisheeye duulkii mutaa dowlad wuu tabiye
Duruufihii na soo marey qalbiga waa damqinayaane
Allow yaa inoo diga markaan duqa ku yaaceyney
Allow yaa inoo diga markaan deriska riixeyney
Allow yaa inoo diga markaan ugu darraaneyney
Allow yaa inoo diga markaan dacarta beereyney
Allow yaa dersiga naga khaldamey diirad ku iftiinsha
Allow yaa dabaadiga hariyo degelka noo ceynsha
Allow yaa dabkoo idil ku rida dowlad gacanteeda
Allow yaa ninkii madax dalbada duco u raacsiiya
Allow yaa dagaalada ahliga dib uga waantooba
Allow yaa dadkii wada dhashoo laysku dacareeyey
Allow yaan mar kale daawadaa deris wanaagooda
Allow yaa dalkoo nabadgalyaa diinta ku hoggaansha
Allow yaa dersiga muqadaska ah dib ugu soo laabta
Allow yaa difaaciyo amniga dhidibadu u duuga
Allow yaa daroogiyo qabiil inaga daaweeya
Allow yaa dakanadiyo fidnada deli ka tuuryeeya
Allow yaa duruufahan ad-adag deben ka sheekeeya
Allow yaa dariis ciidan iyo dowlad mar u jeeda
Dib wax ugama sheegeen askari daa’in abidkeeye
Mana dicaayadeeyeen mas’uul qaranku doorteene
Afartaa qabiil nimuu dishoo dudaya how sheegin
Danta guud nimaan eeginoo doqona how sheegin
Dalka nimaan u dhalan kuma duxdee duulow ha u sheegin
Dad-qal dib u heshiisiinta neceb dulucda haw sheegin
Nimaan diin laheyn iyo dabley dirirsan how sheegin
Murti nimaan da’deed gaariniyo ducufo how sheegin
Afar jeeble dayn hore cunoo dabacsan how sheegin
Digtatoor dan gooniya watoo durugsan how sheegin
Nimaan dhiigga daadanahayaa damaqin how sheegin
Danbarkeeda nimaan maali jirin dowlad ha u sheegin
Dufna ku baxa wixii diidanow dib u heshiisiinta!

One thought on “Danta Guud

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *