Diiwaankan

Marka hore diiwaan waa erey Faarisi asalkiisu yahay, ka dibna Caraboobay, waxaana loola jeedi jiray meesha lagu qoro magacyada askarta iyo kuwa dawladda mishaarka (lacagta) siiso.

Waxaa kaloo diiwaan loo yiqiiney meesha iyo kitaabka lagu kulmiyay gabay qof gabyaa leeyahay.

Waxay ahaataba diiwaankan waxaannu ku soo uruurinnay gabayadii iyo maansooyinkii uu tiriyey abwaan Abshir Nuur Faarax Abshir-Bacadle oo isugu jira gabay, guurow, deeraar, salsal iyo shirib.

Run ahaantiina uruurinta diiwaankan dhibaato badan ayaannu kala kulannay, haba u badnaatee muddada dheer ee aan ku howlanaa, iyo safarradii aan u galay awgiis.

Gabayada Abshir ma aha mid si fudud loo heli karo, maxaa yeelay meelo badan oo kala duwan ayey ku kala firirsan yihiin, marka aad is tiraahdidna waad ka guul gaartay arrinka uruurinta waxaad arkeysaa in ay soo baxayaan kuwo kale, taana waxaa ugu wacan abwaanka oo wali aan ka suulin in uu soo saaro wax ka mid ah himmadiisa suugaaneed, sida uu isaguba hore u yiri:

Deeleyda maansada markaan demen ka reystaaba
Wax uun bey damqiya oo qalbigu ila dikaamaaya
Markaasaan dib ugu soo noqdaa yaanba lay dirane.

Abshir ma ahayn nin ay u qoran yihiin gabayada uu mariyay, balse waxaa dhacday in qaarkood uu ka lumeen oo aanu hadda wada xusuusneyn, taana waxay inagu qasabtay inaan dabagal dheer u sameyno wada helidda gabayada annagoo adeegsanayna xusuusteenna iyo wixii aan garaneyney maansadii uu Abshir marin jiray, iyo annagoo dib ugu noqonney cajaladihii ay gabayada ku duubnaayeen, maxaa yeelay Abshir waxaa caado u ahayd in haddii uu curiyo gabay inuu ku qabto cajalad si ay dad badan u gaarto, sababtoo ah gabayada waxay xooggooda ka hadlayaan arrimo quseeya diinta iyo kuwa faa’iido u leh bulshada, sidaa darteed gabayga uu mariyo Abshir waxaa uu u arkayay in uu yahay cashar diini ah oo loo soo jeediyay hab wacdi ah.

Laakiinse waxaa dhacday markii uu dalkii burburay oo ay ummaddii kala firirtay in cajaladihii badankood ay noqdeen kuwo luma, sida ay u lumeen waxyaabo badan oo la xiriirey aqoonta iyo tacliinta dalkeena.

Si aan u wada helno gabayada Abshir waxay kaloo nagu kalliftay in aan u noqonno wixii wax ka qoray gabayadiisa, kuwaa oo isugu jira buugaag iyo wargeysyo, tusaale ahaan shan gabay oo la xiriira nabadda iyo burburkii ku dhacay dalka waxaannu ka helnay buugga uu qoray Shiikh Jaamac Cumar Ciise oo la magac baxay Qaranjabkii Soomaliya, sidoo kale waxaan gabayo badan ka helnay qaar ka mid ah wargeysyada ka soo baxa dalka Soomaliya, gaar ahaan kuwa ka soo baxa magaala madaxda dalka Soomaaliya ee Xamar sida wargeyska Xog-Ogaal, wargeyska Qaran iyo wargeyska Ayaamaha.

Waxaa iyadana xusid muddan in idaacadaha afka Soomaaliga ku baxa aannu ka qabannay gabayada qaarkood sida idaacadda Biibiisii Landhan, idaacadda Codka Nabadda ee Itoobiya iyo kuwa ku yaalla magaalada Muqdisho.

Laakiin waxaa ammaanadu ay ku jirtaa inaan isagana sheegno gabayo aanu ka helnay walaalkay Cabdikariin Cismaan Cibaar oo in badan dadaal weyn ku bixiyey iskuna dayey inuu ururiyo qaar ka mid ah gabayada abwaan Abshir, muddana isku howlay arintaa.

Dhab ahaantii howsha uruurinta diiwaankaan iyo isku dubbaridkiisa waxay igu qaadatay muddo badan, sideedana arrinkaa waxay igu dhalatay bishii Agoosto 1995kii kaddib markii aan la yeeshay Abshir Nuur Faarax kulan suugaaneed muddadii aan ku jiray baaridda iyo bandhigidda dhaqanka iyo taariikhda ilbaxnimada Soomaaliyeed, kuwaas oo aalaaba aan la yeelannay abwaanno iyo aqoon yahanno ku xeeldheer taariikhda iyo xadaaradda dalkeenna.

Waxay ahaataba kulankii Abshir waxaa iiga soo baxay in ay muhiim tahay in la urursho maansada xoogga leh ee uu curiyey Abshir, taas oo wax ka tari doonta caddeynta arrimo badan oo diini ah, iyo nabadeynta dadkeenna, sidoo kale waxay wax u tari doontaa kuwa baara dhaqanka iyo hiddaha dadkeena sida sida taariikhyahano, suugaanyahanno iyo wixii la maqaama.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *