Duduble iyo Murursade

Waxaa uu Abshir gabaygaan u direy meel lagu heshiisiinayo labo heelood oo la kala yiraahdo Duduble iyo Murursade, si uu door ugu (jaato, nabadeenta qabaa ’ilka diriraya sida caadadda abwaaniintii hore qaarkood aheyd, kuna caan baxey Abshir. Ereyadiisana waa kuwan:

Duduble iyo Murusade haddaan dib uga faaleeyo
Dabci adegii lagu sheegi jiray waa ku soo duxaye
Dersi uu ibliis ku akhriyaa degay calooshooda
Waa yaan lagugu diganine dagaal daa’in abidkaaga
Aakhirana hadalkeed daa dan iyo yeelkeede
Waxaa kaaga daran nimankanoo idin duleystaaye
Waa kaa dersiga labada qolo degay calooshooda
Waxaana u dawo ah diinta oo lagu dabiibaaye
Duf ku baxa intii diidaney dib u heshiisiinta;
Degdegna ugu dhaca dabin qarsoon waadna dilateene
Intase nabadda dooneysa oo daacadda u jeeda
Rabbigay ha darajeeyo waa naga duceysteene
Duduble iyo Murursade waxay nabad ku daaqaanba
Dalka meesha ugu ladan waxay darar ku maalaanba
Waxay deris wanaag iyo kalgacal daban ku ceyshaanba
Dabbaa laga dhex shiday oo ku fiday degaladoodiiye
Deegaankooda kama dhalan fidnadu duul kalaa wadaye
Mana dareemayaan oo dheguhu uma daloolaane
Dhaaxaan u digay oon u digay igase diideene
Dabci adegii lagu sheegi jirey waa kusoo duxaye
An uun baa u danqanayee iyagu diiri mahayaane
Daneysiga siyaasaduhu waa nin iyo dooqiise
Dagaalse lama jeclen iyo iney dib isu laayaane
Qalbigoodii baa kala durkaye diidey nabadiiye
Ilaahow dawiyo nabad ku beer deriskan eedoobey
Ilaahow kalkacal daa’imiyo daacad ku hanuuni
Dufna ku baxa kuwii diidanoow dib u heshiisiinta
Deg degna ugu dhaca debin qarsoon waadna dilateene
Intase nabadda dooneysa oo daacadda u jeeda
Ilaahey ha darajeeyo waa naga duceysteene!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *