Gogol Dhig

Ummad waliba waxay leedahay suugaan iyada u gaar ah oo ay ku faanto, suugaantaas oo ay ku cabbirto ujeedadeeda, dareenkeeda iyo waxa ay rumeysan tahayba. Ummadda Islaamka ahina waxaa u gooni ah suugaanno diini ah oo ku fadhida caqiidadooda taas oo badanaaba ka duwan kuwa shacuubta aan Islaamka ahayn, lehna saldhig iyo tixraac fac weyn oo marjac ah. Suugaantuna waa muraayadda bulshada laga daawado, dhan kastaba ha ahaatee waxayna u kala baxdaa tix iyo tiraab. Ummadda Soomaaliyeed waxa ay ka mid tahay ummadaha Muslimka ah ee ku baahsan dunida daafaheeda, oo gobollo waawayn deggan.

Sida horay loo yirina, “Soomaalidu waxay leedahay af ballaaran, lehna erayo aad u badan, dhan loo eegaba hadal iyo howraar, maanso iyo maahmaah, gabay iyo geeraar, masalo iyo madadaalo, hees iyo heelo, sheeko iyo shararraaxin, qorriin iyo qun-u-hadal.”

Annaga oo aan halkan ku dheeraanaynin ka warranka suugaanta Soomaaliyeed heerka iyo taariikhda ay soo martay, haddana waxaa lagama maarmaan ah inaan xoogaa aannu ka iftiiminno, qaybaha iyo tilmaamaha ay leedahay suugaanta Soomaalida oo aad u qoto dheer, soona martay marxalado kala duwan, marxalad walbana waxay lahayd astaamo iyada u gaar ah, taana waxay ku xirnayd hadba xilliga iyo daruufta ay ku sugnayd Soomaaliya, tusaale ahaan, xilligii ka horreeyey Islaamka qaab gooni ah ayay lahayd suugaanta Soomaalida, laakiin markii Islaamku dalka iyo dadkaba soo gaaray, oo ay qaateen diinta Islaamka uu Eebbe weyne ku soo dejiyey Nebi Muxamed (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee), way ka duwaneyd inta ay dadku rumeysnaayeen waxyaaabo kale, sidoo kale suugaantii iyo murtidii jirtay xilliggii isticmaarka ka horreysay lama mid ahayn xilligii ay bulshadu ku jirtay xornimo raadis iyo la dagaallan gumeysi, si loo helo gobonnimo, madaxbannaani iyo xorriyad.

Si kastaba ha ahaatee suugaanta waa irrid ama kadin u furan bulshada soo aaddana fac ama kacaan kastaa ha ahaatee, oo ay dadku wax ku darsadaan, taasina waxa ay u baahan tahay xeelad gooni ah iyo fiiro gaar ah, si loola soo baxo waxa dhabta ah, loona hufo waxyaalaha diiwaangashan oo qiiqa saaran. Maskaxda furan oo caafimaadka qabtana waa tan kala sooci karta waxa dhabta ah iyo waxaan ahayn.

Ereyga suugaan markii miyiga la joogay waxay Soomaalidii hore ay u taqiiney dhawr macne oo kala duwan, mar suugaan waxaa loo yaqiinay madowga dhirta; oo ninka sahan ka yimaaddaa markuu meel doogle soo arko wuxuu odhan jirey meel heblaayo suugaan bay leedahay.

Mar kale dadka qaarkii wuxuu u yaqaanney hadalka gunuunuska ah ee aan ujeedadiisa si fiican loo garanayn; oo waa tuu ninkii maahmaahay yidhi, “hilib sooryo maaha; doqoni sokeeye maaha; suugaani hadal maaha.” Waxaase suugaani ku caan ahayd, oo carrabka dadku u badnaa in ay tahay hadalka dhaqan-galka ah ee dhuuxa iyo murtida leh.

Erayga suugaan waxaa kaloo loo isticmaali jiray in uu yahay, “dhadhansi,” oo marka la yiraahdo suugaanso la macna ah, “hadalkayga dhadhanso,” ama “cuntada dhadhanso,” taana waa mid la xiriirta dareemayaasha qaarkood. Waxaa kaloo waagii hore loo aqoon jiray suugaan cawska yar oo qoyan oo ku hara geedaha hoostooda marka uu roobku da’o, cowskaana waa mid ka duwan cawska kale ee qalalan ee ka baxa geedaha agagaarkooda, ama waxaa la oran jiray cowska qoyan oo ka baxa meel cowska qalalan ku yaalay markaana noqday mid dhaf ah markii uu roobka ku da’ay meeshaas.
Waxaa kaloo suugaani loo aqoon jiray in ay tahay hadalka dabacsan oo daciifka ah oo cabsidu ku jirto, sida laga fahmayo tuducyadan ka mid ah gabay uu mariyey Raage Ugaas:

Nin maalintaa kaa siteen laga sad qaadaynin
Suugaan hadal ah baa loo celshaa laguma sooyaansho.

Dadka qaarkood suugaanta waxay u yaqaanaan neef ka mid ah riyaha oo aan cayilnoonayn waxayna yiraahdaan neefka noocaas oo kala ah: neefka waa suugaaneeysan yahay, tabardaran yahay, waa caato.
Laakiin marar kale ayaa waxaa loo adeegsaday inay erayga suugaan inuu la toodyahay faras layli ah, sida ku timid gabay uu tiriyey Sayid Maxamed Cabdulle Xasan:

Suugaan darmaan iyo ragaan salab u dhiibaayey
Raggaan sumaca maadhiinka iyo saanada u buuxshay.

Meeshana wuxuu u adeegsaday Sayidku erayga suugaan in uu yahay faras layli ah oo darmaan oo nooca fiican ah.

Run ahaantii suugaanta Soomaalida waxay sal dhig wayn u tahay raad raaca taariikheed ee aynu leenahay.

Suugaanta guud ahaan waxay u kala baxdaa tix, tiraab iyo maahmaah, tixduna waxay abwaaniinta Soomaaliyeed oo si qoto dheer u baaray u kala saareen maanso iyo heeso. Haddii aan soo qaadanno heesaha oo qeybo iyo ujeeddooyin badan leh, mar walbana isbeddel ku dhacayey, waxna ku kordhayeen, taana ay la xiriirto hadba xilliga iyo garaadka ay marayso bulshada, waxaana arrintaas kuu caddeenaya qaybaha heesuhu u kala baxaan oo kala ah:

  • Hees diineed (Nebi ammaan iyo wixi la mid ah)
  • Hees waddani
  • Hees howleed (beer, xoolo, raro, badda, masago tumid)
  • Hees horukac
  • Hees jacayl
  • Hees ugaareed
  • Hees carruureed
  • Hees anaaseed (waa heesaha dadka samaanyaha qaata marka ilmuhu dhashaan gaar ahaan wiilasha)
  • Hees ciyaareed
  • Hees ruuxi sida: shixir, mingis, saar, beebe, luumbi, boorane ama ayaaman iyo xayaad
  • Hees maamuus (sida dhaanto, baxdo, hirwo, eeho, shirib, gabley shinbir, beerrey, shoobo, kabeebey)
  • Hees dagaal (sida rukus iyo rigo)

 

Dhinaca kale haddii aynnu jalleecno dhanka maansada oo ka kooban qaybo kala duwan, qayb walibana raad weyn ku leh suugaanta Soomaaliyeed, sida ay u kala sarreeyaanba, xagga ku baahsanaanta bulshada iyo tayadaba, waxaana jirta in qayb ka mid ah qaybaha maansada ay noqoto mid ku firirsan dhammaan bulshada iyo deegaannadooda, islaamarkaasna qaybo kale ay go’doon ku yihiin degaan iyo bulsho gaar ah. si kastaba ha ahaatee maansada Soomaaliyeed oo qeybo badan ka kooban waxaa ka mid ah:

  • Gabay
  • Geeraar
  • Masafo
  • Jiifto
  • Weglo
  • Guurow
  • Buraanbur
  • Jiib
  • Saar heer

Gogoldhiggaan degdegga ku jira micnihiisu ma aha inaannu dhammaan maansada Soomaalidu leedahay aan mid mid u falanqeyno, oo aannu wax ka tilmaanno maanso waliba astaamaha ay leedahay iyo waxa ay la kali tahay, balse ujeedddadu waxay ku foorartaa inaannu wax ka niraahno qaybta aannu u aragno iney tahay midda ugu muhiimsan oo laysku raacsan yahay iney tahay horyaalka maansada, marka laga eego degaanno badan oo bulshadu ku baahsan tahay, maansadaas oo ah gabayga.

Waxaana xaqiiq ah in gabaygu uusan hormuud u ahayn suugaanta Soomaalida oo kaliye, laakiin ummado kale suugaanadooda iyo maansadooda uu u yahay hoggaanka suugaanta, sida suugaanta ummadaha Carbeed oo gabaygu baal dahab ah kaga jiro, ha ahaado waqtiga Islaamka ka horreeyay ama casrigii ku xigay ee Islaamka, haba soo maro marxalado kala duwan iyo duruufo kala gooni ahe.

Haddii aannu u soo noqonno gabayga kaalinta uu kaga jiro suugaanteenna, waxaa qof waliba oo garaad suugaaneed leh ogyahay in gabayga iyo gabyaaguba ay qiimo aad u weyn leeyihiin, aadna looga tix gelin jirey bulshada gudaheeda, ninkii Ilaahay hibo gooni ah u siiyayna dadka kale waa uu ka soocnaa, waana la tixgelin jiray, sideeda gabyaagu maamuus gooni ah ayuu lahaa oo aanay cidi la wadaagin, maxaa yeelay howlo aan laga maarmin oo waagii hore dadka ay u baahnaayeen ayuu u qaban jirey gabyaagu iyo gabaygiisaba, taana waxaa ka mid ah inuu kaalin weyn ka ciyaari jirey dagaallada haddii ay dhacaan oo uu ku howl lahaa dhiirro gelinta iyo ku boorrinta dagaalka, ama u dhawaaqidda nabadda, marna waxaa uu u ahaa ummadda oo uu u joogey kaalinta wasaaradda warfaafinta iyo isgaarsiinta bulshada dhexdeeda.

Hawlaha gabyaagu uu gabaygiisa ku qabto aad ayey u badanaayeen hadba waxay ku xirneyd aragtida iyo dareenka uu qabo, waxaa dhacaysay in gabyaaga Soomaaliyeed uu kala qayb gali jirey gabaygiisa murugada iyo dhibaatada haysata bulshada sida roob doonka oo uu Ilaahey gabay ku baryi jirey gaar ahaan marka uu jiilaal aad u daran dhaco. Marka ay raynreyn jirto oo ay bulshadu farxad iyo bash bash ku riyaaqayso waxa uu gabyaagu arrintaa ku cabbiri jirey gabay uu kala qeyb qaadanayo bulshadiisa farxaddaas. Taariikhda iyo qiimaha uu gabayga iyo gabayaagu bulshada dhexdeeda ku lahaa ama uu ku leeyahay waxaa uu abwaanka Abshir Nuur Faarax Abshir-Bacadle ka tiriyey gabay aad u qiima badan oo uu ku tilmaamayo kacdoonkii Xamar 1991kii, gabaygaana waxaynu ku soo aruurinay diiwaankan, Abshir gabayadiisaas waxaa uu ku tilmaamay taariikhda gabayga iyo heerarka uu soo marayba isagoo si tifatiran oo hufan ku muujiyey caaddifaddiisa suugaaneed.

Si kastaba ha ahaatee waxaa laga yaabaa in uu qofku is weydiiyo, goormaa la curiyey gabaygii ugu horreeyey ee Soomaaliyeed? Kumuuse ahaa gabayaagii ugu horreeyey ee Soomaaliyeed? Waxaa aad u adag in jawaab laga bixiyo labadaa is weydiin, maxaa yeelay waxaan jirin qoraal iyo xaqiiqo caddeynaysa arrinkaa, Soomaalidana waxaa caado u ahayd in ay gabayga qaybaan oo korka ka qabtaan iyagoo aan haysan qalab warka lagu qoro ama lagu baahiyo, waxaana gabayada isugu gudbin jireen hab isku dhiib ah oo ay ku jirto xifdin, waxaana dhacaysay in gabay laga hilmaamo qeyb ka mid ah, haddii muddadu dheeraatana waxaa la arkaa in la wada hilmaamo, maxaa yeelay ma jirin af qoran oo Soomaali ah.

Xagga gabyaaga Soomaaliyeed haddii aan u leexanno waxaa jirtay abwaanno aad u tiro badan oo ay adag tahay in la tiro koobo oo u banbaxay jeedinta maansada gabayga, inta maanta aan is leennahayna waxay ahaayeen abwaanniin gabayaa ah waxaa ka badan inta ayna taariikhdu sheegin sababo badan awgeed, haddii aan aad u baarno abwaannada ku caan baxay gabayga ee beel walba oo Soomaaliyeed lahayd waxaa inoo caddaanaya dhumucda iyo tirada ay leeyihiin, maxaa yeelay beel walba oo Soomaaliyeed iyo jilib walba waxaa uu lahaa gabayaa ay ku faanaan oo iyaga difaaca ama ammaana, meelaha qaarkood oo gayiga Soomaaliyeed ka mid ah waxaa ka jiray gabayaa qoys ama reer walba. Marka qofkii isku kallifa in uu yiraahdo nin hebel ayaa ahaa qofkii ugu horreeyey waxaa laga yaabaa in uusan haleelin xaqiiqdii, maxaa yeelay ummado kale oo ku caan baxay ilbaxnimo muddo aad u fogna lahaa qoraallo da’ weyn ayaa waxaa maanta ku adag in ay xaddidaan waxaannu soo sheegnay.

Run ahaantii waxaa la tilmaamaa qaar ka mid ah abwaannadii Soomaaliyeed oo ku caan baxay gabayga, tilmaantaasna waxay ku kooban yihiin kuwa ku gabyey afka Soomaaliga gaar ahaan qeybtiisa micyaariga (Maxaa Tiriga) maxaa yeelay lahjadaha kale ee Soomaaliyeed iyo suugaanteeda waxay u baahan tahay baaritaan qoto dheer, sababtoo ah deegaannada ku caan baxay lahjadaha ay ka mid yihiin Maay, Garre, Jiido, Tunni, Reer-Xamar iyo wixi la mid ah oo ku xiriirsan koonfurta Soomaaliya waxay la kulmeen xadaaradihii iyo ilbaxnimadii Soomaaliya ka jiray badankood, taana waxay ku reebtay raad culus oo suugaaneed, nasiib xumase arrintaa waxaa aad u fahmay aqoon yahanno shisheeye oo ka diyaariyey qoraallo cilmiyeed, marka laga reebo in yar oo qorayaal Soomaliyeed ah, halkakanna kuma aannu sheegi doonno abwaaniinta Soomaaliyeed ee ka soo jeeda bulshooyinka u dhexeeya labada wabi.

Gabayaaga laga tilmaamo degaanada kale waxaa ka mid ah Raage Ugaas, Ismaaciil Mire, Wiil Waal, Cismaan Keenadiid, Nuur Cali Qanof, Cali Dhuux Aadan, Qammaan Bulxan Yuusuf, Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, Cabdullaahi Suldaan Timacadde, Salaan Carrabeey, Cali Xuseen Xasan, Cabdi Gaheyr, Cali Jaamac Haabiil, Faarax Shuuriye, Jimcaale Jaamac Lugey, Ciise Gabay, Kulan Xasan Jurun, Shiikh Axmed Gabyow, Shiikh Xasan Filey Dheere, Jimcaale Dhagataag, Cabdulle Raage Taraawiil, Rooble Macow Rooble-Boon, Shiikh Nuur Hilowle, Shiikh Cali Cabdiraxmaan Majeerteen, Aw- Muuse, Cali Sharmaarke, Khaliif Shiikh Maxamuud, Guuleed Jucfe, Cabdi Galayax, Xaaji Ilka Dahab, Xaaji Afqallooc, Ibraahim Mire Fiqi-Buraale, Xaaji Maxamed Axmed Liibaan, Shiikh Maxamed Siyaad Xeendo, Garqaniinyo, Xaaji Indho Buur, Siciid Gacaneey iyo boqollaal kale oo badan.

Gabay kastoo la curiyaa wuxuu leeyahay ujeeddo iyo sabab loo tiriyo, abwaannada Soomaaliyeed ujeeddooyin badan oo kala geddisan ayey u curiyaan gabayga, waxaana ka mid kuwan hoos ku xusan:

  • Ammaan
  • Kaftan
  • Sarbeeb
  • Waano
  • Kuhaan
  • Xikmad
  • Cay
  • Ergo
  • Baryo
  • Farriin
  • Faan
  • Habaar
  • Jaceyl
  • Maslaxo
  • Siyaasad
  • Waddaniyad
  • Sifaale (quruxda geela, dabeecadda, haweenka iyo wixi la mid ah)
  • Diradire
  • Naftiihafar
  • Baroordiiq
  • Calaacal
  • Diin
  • Digasho
  • Guubaabo
  • Gabay-xayir

1 thought on “Gogol Dhig

aragtidaada nala wadaag...