Guuleed Fansalakh

Gabaygaan waxaa lagu tiriyey dalka Sacuudi Carabiya magaalada Jidda, dabayaaqadii 1984kii, wuxuuna gabyaagu kula hadlayaa Sheekh Maxamed Guuleed Kaarshe – Ilaahay ha u naxariistee – inta uusan dhiman oo ahaa agaasimaha waaxda diinta ee Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Garsoorka, ka dibna loo magacaabey Wasiirka Arrimaha Diinta iyo Garsoorka. Waxaa shaki ku jirin in Abshir uu ku xadgudbayo Shiikha ilaa uu isirkiisa wax ka sheego, meeshana ma qabato habaar iyo aflagaaddo aan ku habbooneen qof Muslim ah. Sheekhu wuxuu ka mid ahaa khayr Eebbe ha siiyee culimadii fidinta Diinta Islaamka doorka weyn ka qaatay oo tafsiirka Qur’aanka Kariimka ah Masaajidka Siigaale ee ku yiilley xaafadda Hodon ee magaalada Muqdisho ka akhriyi jiray, waxaana cilmigiisa ka aflaxay dad aad u badan. Abwaan Bacadle gabaygan uu Sheekha aad ugu gafayo waxaa ka keeney caro uu ka caroodey xarig iyo xabsi loo geystey dhowr hablood oo loo aaneeyay xijaabka xirashadiisa, laakiin waxaan filayaa in mas’uuliyadda arrinkaa ay leeyihiin madaxdii sare ee dalka ee aanan lala soo aadan cid kale. Qofku mansab dawladeed oo sare soo qabta ayaa garan kara dhibka ay leedahay in la isu miisaamo arrimaha dawladda oo marar badan arrimo xoog ku fulinaysa iyo arrimaha diimaha khuseeya oo miisaan kale lagu eegaayo. Waa arrin aan fududayn. Alle labada ha u wada naxariistee, abwaan Bacadle waayo-aragnimadaas isagu ma lahayn, marka way u fududayd inuu siduu rabo u hadlo. Marka aad dawlad ka tirsan tahay,
arrintu way ka duwan tahay. Abwaan Bacadle oo ra’yigiisa cabbiraya wuxuu yiri:

Ilaahayow nicmadaad ii gashood igu gargaaraysay
Galladdeeda adigaa iska leh goor iyo ayaane
Gafkeygana inaad saamaxdaa adiga kuu gaar ah
Mana qabo guddaa jira Allaha ugu gargaaraaya
Inkastoonse gaabshoow ahoon gabi dhaclaynaayo
Gafkeygaan aqaanoo muwaxid guun ah baan ahaye
Gobna waxaan ku ahay inaan Shirkiga layla soo gelin
Markaanse gacanta kuu hoorsadeen ducada gaagaabsho
Inaad igu gar-gaartaan bartaye guusha ha i seejin
Dariiqadu halkey goosataye loogu geli waayay
Inaad gacanta noo saartid baan kuu galliin ahaye
Markaanse guusha libineed helliyo buurta guradeeda
Gaaliyo Islaam bay mid uun gali lahaayeene
Ninka meyd ku garab taagay iyo guud qandhicilwayne
Guuleed-fansalakh iyo Xabriga ganacu weynaadey
Iyo kuwa ku garab taaganoo aan wax garaneynin
Waxaa garabka loo suri lahaa gorofta ceyreede
Gefloo saxayna kuma goodiyeen goor iyo ayaane
Hadba gabar muxsinadiyo wadaad xarig ma geeyeene
Gab-gabta iyo caadaduna way guri lahaayeene
Gablanse talo adduuney nin baad gabi ka tuurtaaye
Gabaahirig markay kugu furtaad rara gubyootaaye
Ood gogosha diidaa hurda, aad gama’ ka siisaaye
Guuleed ma maantuu xaqii go’ iyo shaal siistay
Gafuur xume shaqaawadu halkaa ma idin gaarsiisay!
Mar hadduuse gabar maxajabaa guulwade u dhiibay
Gafna uu ku been uuntayoo shacabka gaarsiiyey
Gablan iyo Ilaahey u keen geeri filan waaya
Gobanimana uma dhalan xaqana meella kama gaarin
Markuu guur ku waayoo la yiri nagu gayaan maahid
Wuxuu garab u helay inuu yiraa goono wada qaata
Garbasaarka weyn baa nacood gab isku siisaane
Gacma dheerihiinuna qalbiga wayga gubayaaye
Gollonkiina muujiya ishaan guluc ku siistaaye
Ama gala xabsiga shay horaan maanta gudayaaye
Waxba gabaygu yuu ila gudbine waxaan kusoo gooyey
Xashara iyo Guuleedba waa Shuuci gaamuraye
Waxay garab ka heystaana waa doqonki gaabnaaye
Markii waagu geesbari ka kaco ama gaduud keeno
Qorraxduna gantaaleyso ama gabalka soo jeedo
Ninkii gacanta saaree yiraa dunida yey gaarin
Rabbi buu dagaal ugu guntaday kumana guuleysan
Ilaahey geddii lagu yaqiin waa isaga gaare
Cirkoo naga guraan jiray hadduu godalku soo taago
Daruur gaaxsaneyd iyo hadduu gibilo soo saaro
Gufaaciyo hillaac iyo markuu gugaco soo yeero
Xashara iyo Guuleed miyaa gacanta saaraaya!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *