Haldoorkii Abwaanka – Cismaan C. Guure

Jiiftadan waxaa tiriyey abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure oo ah abwaan caan ka ah Muqdisho iyo hareeraheeda ayna saaxiib ahaayeen abwaan Abshir Bacadle. Sababta ku bixisey inuu gabaygaan tiriyana abwaan Guure waxay aheyd sida aanu ka soo xiganey Abuukar al-Badri markii ay ciidamadii Xabashida ee soo galay magaalada Muqdisho ay xireen Abshir Nuur Faarax ka dib markii uu ka soo horjeeday duulaanka Itoobiya kuna muujiyey mucaaradadaa tix iyo tiraab. Abwaan Guure wuxuu gabayga beydadkiisa hore ku fasirayaa qofka uu ahaa Abshir Bacadle, qeybta dhexena wuxuu ku sheegayaa sababta loo qafaashay, qeybta ugu dambeysana qiimaha uu bulshada Soomaaliyeed u lahaa abwaanka. Waxaan halkan ka maqan aaraartii gabayga, waxaana toos u soo qaadaneynaa qeybta uu Abwaan Guure sida tooska ah uga hadlayo shaqsiyadda Abshir Bacadle oo markaas ku jira xabsi ay leeyihiin gumeystihii amxaarada. Sidan ayuuna ku bilaabay:

Hal doorkii abwaankiyo,
Qareenkii dadkeygee,
Dooxatadu qafaasheen,
Taariikhdiisa dahabka ah,
Dib haddaan u milicsado,
Rabbiyaa i dilayee,
Abshir laba dibleyn iyo,
Ma mudneyn dibindaabyo.

Abwaan Guure wuxuu sii fasirayaa in Abshir Bacadle aan loo xirin dembi uu galay, balse loogu maagayo qofka uu yahay darteed.

Abshir ma aha dembiile,
Daqar ruux uma geysan,
Ninna dhiig kama daadin,
Cidna daaqad kama jebin,
Qofna duunyo kama dhicin,
Dirir sokeeye kuma talin,
Dulmi raalli kama noqon,
Wax Ilaahey diidana,
Damiirkiisa ma aqbalin.

Abwaan Guure aad ayuu gabaygiisii ugu fogaaday inuu Abshir kaga sheekeeyo, wuxuuna qeybtan ku cabbirayaa sifooyinka wanaagsan ee uu Abshir Bacadle lahaa.

Ma dafiro xaqiiqada,
Runtana daaha ma saaro,
Been uma durbaan tumo,
Ma daliishado baadil,
Ma dawarsado addoomada,
Ilaahey cid kuma daro,
Shirki diin kama yeesho,
Waa muwaxid dantiisiyo,
Dacwadiisa u sheegta,
Allaha deeqda bixiyee,
U dahira cibaadada,
Rabbi daa’in keligii.

Abwaan Guure wuxuu kaloo yiri:

Caaqil aan ku dayaniyo,
Waa caalim daaciya,
Shaqsi dabci macaan iyo,
Waa saciim dulqaad badan,
Waa nin door ka dhiidhiya,
Dulmigiyo xadgudubyada,
Waa qareen u dooda,
Inta laga gardarran yahay,
Waa daryeele u taagan,
Danyarta iyo maatida,
Waa geesi deeqsi ah,
Waa abwaan u daacad ah,
Diintiyo dalkiisoo,
Ruuxii u daran neceb.

Abwaan Guure waxaa kale uu mariyey tixdan ku aadan isla Abshir Bacadle oo uu yiri:

Waa abwaan ka sii diga,
Dabinnada gumeysiga,
Waa daljire cadaawaha,
Addinkiyo maalkiyo,
Afka kula dagaalama,
Waa hal doorka abwaane,
Suugaanta danabka ah,
Ku difaaca Islaamka.

Qeybtan ugu dambeysa wuxuu Abwaan Guure kaga hadlayaa sababta uu rumeysnaa in Abshir Bacadle loo xiray ee uu u jiifay xabsi ay leeyihiin cadowgii dalka duulaanka ku heystay.

Xaq abwaan ku daakira,
Dal gumeyste heystiyo,
Dugsi cadow ku hoos nool,
Koley laba dibleyn iyo,
Dibindaabyo ma huree,
Markuu dulucda maansada
Intuu deel ka hingaadsho,
Murti dubba ka qira weyn,
Nabarada damqanayiyo,
Doogta hoos ka quruntiyo,
Qolofta saaran daqarkiyo,
Ku dillaaciyo boogtee,
Ugu baaqo dadkiisa,
Nin ku dilay har kuma dhigo,
Xasaan kama duwana oo,
Diinlaawayaashiyo,
Dabadhilifyo gaalaba,
Rucbiyaa u soo dega.

Abwaan Guure wuxuu gabaygiisii ku soo gunaanadayaa inkastoo ay gumeystayaashii qafaasheen Abshir Bacadle, xabsigoodana u taxaabeen inay shacabka Soomaaliyeed jecel yihiin Abshir oo ay ku diirsan doonaan suugaanta dahabka ah ee diinta, waddaniyadda iyo iimaanka ku dhisan ee uu u dhaafay ummadda.

Guud ahaan dadkeenuna,
Way ku diirsadaanoo,
Rabbiyaa i dilayee,
Dar Allaan u jecel nahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *