Hordhigga Labaad

Ilaa iyo xilligii uu qoraalka afka Soomaaligu hirgalay sannadkii 1972kii waxaa dadaal fara badan loo galay ururinta iyo qorista taariikhda, dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida, taas oo sababtay inay aqoonyahanno Soomaali iyo shisheeye isugu jiraa dadaalkooda ka midho dhaliyaan, waxaana suura gashay in la daabaco kutub hanaqaaday oo afkeena hooyo ku qoran iyo kuwo kale oo afaf shisheeye lagu turjumay, waxaa kaloo jirey qoraal suugaaneedyo dhawr boqol kor u dhaafay oo aan la daabicin kuna kaydsanaa Akadeemiyada cilmiga, fanka iyo suugaanta, qoraaladaas oo markuu dagaalka sokeeye dalka ka qarxay wax lumay iyo wax baaba’ay u qaybsamay.
Khasaarahaasina wuxuu dadyoowga wax-garadka ah ee qiimaha aqoonta wax ka yaqaana ku reebay caloolyow iyo uur-kutaallo sababtoo ah waayo-aragga Soomaaliyeed waxay arkayeen abwaaniinta iyo taariikhyahanadii cilmigan lumay maankooda laga soo dhuray oo sii dabar go’aya., si kastaba arrintu ha ahaatee in kastoo uu khasaare ballaadhan iyo dib udhac ay sida looga soo kabtaa adagtahay suugaanta Soomaalida ku habsaday haddana rag talo kama dhamaatee waxaa noo muuqda dhaq-dhaqaaqyo ay gadh wadeen u yihiin shaqsiyaad guntiga u maroorsaday inay caano daatay dabadaa la qabtayee wax bad-baadiyaan, dadkaas waxaa ka mid ah dhalinyaro nasiib u yeelatay inay suugaantooda iyo dhaqankooda hufan fahmaan isla markaana isu xilqaamay in ay uruuriyaan oo qoraan suugaanta Soomaalida.
Haddaba, haddii aan ujeedadayda u gonda dego waxaan soo joogay qoraha diiwaankan Maxamed Xuseen Macallin oo dadaal ba’an ugu jira baadidoonka suugaanta Soomaalida taasoo ay ka dhalatay inuu ururiyo agab badan oo uu ka mid yahay diiwaanka Abshir Bacadle oo uu qoruhu u guntaday xilli ay dalkeena iyo dadkeenuba xaalad qalafsan ku sugan yihiin.
Maxamed Xuseen waxaan aqaanay muddo dhawr sano ah oo ku beegnayd markii uu ku dhex jirey cilmi-baarista guud iyo midda diiwaankan ku saabsan, waxaana intaan aqaanay iiga muuqday karti iyo dadaal fara badan iyo isagoo cilmi-baarista geed gaaban iyo mid dheerba u fuulay, diwaankanina waa maxsuul ka mid ah midhaha ka dhashay dadaalka Maxamed.
Waxaa lagama maarmaan ah inay dhallinyarada Soomaaliyeed iyagoo xooggooda cusub iyo aqoontooda ka faa’iidaysanaya ay guntiga dhiisha isaga dhigaan sidii ay suugaantooda, dhaqankooda iyo taariikhdooda u daba qaban lahaayeen, sidoo kale waxaa loo baahan yahay in dhalinyarada uu Maxamed Xusecn ka mid yahay ee dib u uruurinta dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida u heellan dhiiri-gelin iyo taageero wax ku ool ah lala garab istaago.

Brofesoor Maxamed Cabdi Maxamed ‘Gaandi’
Nayroobi, Keenya
Luulyo, 1999

aragtidaada nala wadaag...