Ma Ilaahey Baan Eed Ka Galey

Gabaygaan waxaa uu abwaanku ku soo bandhigayaa baryada Alle keligii in loo barax tiro isagoo beegsanaya Qur’aanka kariimka iyo suuradaha xoogga saarey towxiidka iyo in Ilaahey loo kali yeelo cibaadadiisa oo ay ugu horreyso ducada Ilaahey.

Aafada Shirkiga waxaa yaqaan Suuratul Ancaame
Bal Acraaf day waxa Nabi Allahay ood shirkiga saarey
Huud iyo akhwaadkeedu waa ilaha tawxiidka
Indhaha beele Faataxada arag shicir ma aadeene
Ilaahey ninkii aaminoo qaata amarkiisa ha aqriyo
Tanziil3 wuxuu arkana uunka ha u sheego
Ha aamino ilaahiisa iyo aayadaha diinta
Ha u ololo inuu xugun Islaam maalin iman doono
Ha adkeysto aakhiro runtaa la arki doonaaye
Ha eedeeyo caadaduu kufriga unuggi weeyaane
Aabbaan ka soo gaarey iyo odayadii diinta
Intaas oo dhan baa ila qabtoo eheladaydiiya
Afartaa miyaan raacayaa wadarta maan aado
Waa waxay Muqiiriyo1 Ubay ku Alle seegeene
Waa waxay Aqsada’ ugu go’een Reer Abii Jahale
Waa wuxuu Ilaahay ku nacay Khaalid1 aabbihiye
Waa waxay al aankaa hayaan odayadeeniiye
Ilaahayow ka saar nimanku waa eheladeeniiye
Ama eber ka yeel kuwa danbay ababinaayaane
Ubad kheyr leh looguma fadhiyo eeggan dabadeede
Ilaahayow axsaankaagi aad aniga ii yeeshay
Afka kuma dhamaystiri karoo waan ogsoonahaye
Marse haddaan addoonkaagi ahood ii Ilaah noqotay
Istiqaatho goortaan damcoon amarka kuu dhiibto
Haddaan Ulil-Casmiga kula baryiyo malag itaal weyn leh
Amaan awliyada soo kacshiyo odayadii diinta
Iridaada iga xiro Shirki baan soo abaabulaye
Hana iga aqbalin waanigaa kaa abaal dhacaye
Jahannamana abid ha iga bixin waan astaahilaye
Bal maxaan addoon kula baryaa amarka yey siiyey!
Aawgood wax igu siina nacay aayadna u waayay
Ma Ilaahey baan eedka galey Anigu maan tuugo
Iqtiraacashadu waa bidcoo waan ogsoonahaye
Allawdaa i deeqdaye Rabbow ha iga aafeynin!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *