Nooca iyo Astaamaha Gabayada Bacadle

Ugu horreyntii waxaa haboon inaannu caddeyno masaadirta ama ilaha wax laga soo xigto iyo meelaha ay ku tiirsan tahay suugaanta uu Bacadle mariyo, qof kasta oo si dabacsan u aqriya ama u jalleeca maansada Abshir waxaa u caddaanaysa in uu gabyaagu ka shidaal qaato dhowr meelood marka uu rabo inuu soo bandhigo gabay ama maanso kalaba, sida:

  1. Qur’aanka Kariimka. Waxaa si aad u xoog badan ku arkeysaa gabayada Abshir Bacadle leeyahay inay ku badan yihiin kuwo uu ku cabbirayo aayado Qur’aan ah, micnaha aayadahaas iyo waxa ay xanbaarsan yihiin oo xikmad ahba, suugaantiisa uu Ilaahay hibada u siiyey, gaar ahaan marka uu soo bandhigayo arrimaha la xiriira caqiidada waxa uu tusaaleeyaa tusaale soo maray rusushii Ilaahey iyo ummadahoodii, sidoo kale wuxuu tusaale ahaan u soo qaataa noloshii Nabigeenna Muxamed (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaadeene) iyo asxaabtiisa sida ay caqiidada Islaamka u barax tireen. Arrintaana waxay aad innoogu caddaynaysaa marka aynu eegno gabayada ay ka mid yihiin Ma Ilaahay baan eed ka galay, Booraan Ibliisa, Doqonki Gaabnaaye, Dahabka Maaroobay iyo wixi la mid ah.
  2. Axaadiista Rasuulka iyo siirada suubban. Sidoo kale gabayada uu Abshir Bacadle mariyey waxaa aad ugu badnayd, inuu soo daliishado axaadiista Nabigeena (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) ee saxiixa ah, iyo siiradiisii sharafta iyo udgoonka badan arrintaana waa mid aad uga muuqato suugaanta Bacadle, waxaana tusaale innooga filan gabayga la yiraahdo Yaad innagu hallayn? iyo wixi la mid ah.
  3. Waaqaca, bii’adda iyo dhacdooyinka ka jira mar walba. In badan oo suugaanta Bacadle ka mid ah waxaa ay ku tiirsan tahay oo uu ka soo qaataa waaqaca uu ku nool yahay iyo bii’ada uu joogay sida ay tahay, taasoo si xoog leh ugu muuqata gabayadiisa, taana waxaan oran karnaa gabyaagu mar walba wuxuu ka tarjumayey heerka iyo xaaladda ay maraysay daruufaha ku wareegsan.

Xaqiiqdii waxaa aad ugu cad gabayada in ay heerar soo mareen, haddii aannu si fiican ugu fiirsanno guud ahaan Bacadle suugaanta uu tiriyey Bacadle oo isugu jirta gabay, guurow, geeraar, salsal iyo shirib, waxaa si caddaan ah innoogu muuqanayo in gabyaagu uu soo maray marxalado kala geddisan oo aan islahayn, ha ahaadeen kuwo dhaqaaleed, ama siyaasadeed, waxaa durbadiiba aad kuugu muuqanayo daruufaha iyo marxaladaha aan isku midka ahayn ee kala duwan oo soo food saartay gabyaaga.

Tusaale ahaan, gabayada uu ku muujinayo kuna caddaynayo towxiidka iyo la dagaalanka shirkiga iyo khuraafaadka waa marxalad hore oo ka mid ah noloshii gabyaaga, waxaana dhihi karnaa waa waqtiyadii ay gashay dacwadii uu hormoodka ka ahaa Abuu Maxamed Shiikh Nuuraddiin Cali Axmed (Shiikh Nuur Cali Colow Alla ha u naxariistee). Waxayna ahayd dabayaaqadii lixdamaadkii ilaa iyo toddobaatameeyadii dhammaadkeeda.

Marxaladda xigtay waxaannu oron karnaa waa marxaladii uu soo dhex galay gabyaagu saxwada iyo kacdoonkii Islaamka ee u badnaa dhallinyaradii wax baratay, uuna si toos ah ugu soo xirmay dhaqdhaqaaqyada Islaamiga ah oo ay majaraha u hayeen kooxaha Islaamiga ee aad u xoogaystay sannadadii toddobaatamaadkii ilaa siddeetamaadkii. Marka aad fiiriso gabayada ka hadlaya fidinta dacwada Islaamka, guurka, xijaabka, qaadka, xarigga iyo xabisidda ducaadda, cadowga Islaamka iyo hagardaamooyinkooda iyo wix la mid ah, waxaa kuu caddaaneysa marxaladaas.

Marxaladda saddexaad waxay tahay burburkii qaranka Soomaaliyeed oo uu goobjoog ka ahaa abwaanku, si waynna uga dhiidhiyey kuna muujiyey suugaantiisa nooc kastay tahayba, isagoo adeegsanaya soona bandhigaya malxamad iyo taxane suugaaneed oo taariikheyneysa qayb ka mid ah taariikhdeenna oo muhiim ah. waxayna suugaanta noocaas ah qiimo wayn yeelanaysaa marka aannu ogaanno in suugaanta iyo maansada astaamahaas leh gabyaagu tiriyey, ay noqoto midda ugu tiro iyo tayo badan, ugana baaxadda weyn ilaa iyo hadda ee aannu aragnay oo ka hadlaysa burburka dalka iyo wixii la xiriiray. Suugaanta aannu soo sheegnay waxay qiimo dlieeraad yeelataa marka aannu ogaanno in gabyaagu goob joog ka ahaa waxyaalihii ka dhacay waddanka oo ay ku le’deen dad iyo duunyo, gaar ahaan caasimaddii Soomaaliya ee Muqdisho.

Tusaalooyinka iyo maansada uu ka tiriyey Bacadle qaranjabka ku dhacay Soomaaliya kuma koobnayn inuu inoo soo bandhigo habka iyo sida uu qaranka iyo hantida ummaddu u burburtay oo kaliya, balse wuxuu abwaanku door wayn ka ciyaaray dib-u- heshiisiinta shacabka iyo tilmaan ka bixinta cudurka iyo dhibaatada sidaa u wayn ee ku habsatay dalka iyo dadka.

Suugaanta aanu soo sheegnay ee xanbaarsan talooyinkaa iyo wax tusaaleenta waxuu u soo jeediyey dhammaan qaybaha ay bulshadu ka kooban tahay, gaar ahaan kuwa ay khusayso arrintaa sida aqoonyahanka, culumada, ciidamada, hoggaannada bulshada, gabyaaga iyo dumarka.

Run ahaantii dhibaatadii waddanka ka dhacday kuma koobnayn mid ay u sabab ahaayeen oo kaliya dadka Soomaaliyeed, ee waxaa jiray kuwo ay gacan ku lahaayeen awoodo shisheeye oo ay ugu muhiimsanayd fara galinta shisheeye oo aannu u qaybin karno seddax qaybood:

  • Soo galintaankii ciidamada Yunisoom (UNISOM) oo uu hormoodka ka ahaa Maraykanka, dabayaaqadii 1992kii ilaa 1994kii, ka dib markii ay dalka ka dhacday dhibaato aad u xoog badan oo ay ku hoobteen nusmalyuun (500,000) dad gaaraya gaar ahaan deegaannada koonfureed, sababo colaadeed iyo abaar awgood iyo iyadoo dadka tabaalaysan ay gaari wayday sahaydii loogu talo galay.
  • Faragelinta hay’adaha gaalada ka yimid ee reer galbeedka oo aalaaba ahaa kuwo habka ay ku yimaaddiin aan ku socon, dano gaar ah awgeedna khalkhal galiya ammaanka iyo xasilloonida iyagoo taageera hoggaanada kooxaha, caburiyeyna kaalinta wax garadka Soomaaliyeed kaga aaddanayd wax qabadka dalkooda iyo dadkooda, oo hay’adahaas marar badan isku diray bulshada, qaybna ka qaatay hurinta dabka ka kacay Soomaaliya, ay dhaawacantay.
  • Weerarro ay ku soo qaadday dawladda Xabashida dhulka Soomaaliyeed qaybo ka mid ah qabsatayna, wax yeelana u geysatay ummaddeenna, iyadoo la dagaaleysa kooxo Islaami ah, garabna ka heystay kuwa Soomaaliyeed.

Arrimahaas aannu soo sheegnay gabyaagu si cad cad oo waafi ah ayuu ugu muujiyey suugaantiisa. Si kastaba ha ahaatee waxaan oron karnaa Abshir waxa uu raacay hannaankii ay ku socon jireen gabayaaga caalamka oo ah inay markastaa ku xiran yihiin bay’ada iyo duruufta ku wareegsan kuna cabbira ra’yigooda sida ay la tahay.

Gabayo badan uu mariyey Abshir waxaad ku arkaysaa inuu ku billaabanayo faan iyo ismuujin, sida dabeecadda gabayaaga Soomaaliyeed qaar ka mid ah, laakiin gabayadiisa arar dheer oo faan ah ma laho oo ulajeeddada gabayga ku illowsiiya, taana waxaan oran karnaa waxaa uu kala mid yahay gabayaagii weynaa ee Ismaaciil Mire oo tixdiisa laheyn arar dheer oo faan ah, hadday lahaatana waxay ahayd labo ama seddex tuduc, gabaygana toos buu u abbaari jiray ulajeeddadiisa.

Abshir Bacadle run ahaantii ma aha nin ka gabay badan gabyaaga Soomaaliyeed ee kale oo ay isku xilliga yihiin, laakiinse tobankii sano ee ugu dambeeyey waxuu muuqday nin gabayadiisa ay hanaqaadeen oo ay bulshadu hadal hayso mar walba, taana waxey iila muuqataa isagoo markastaba la jaanqaadayey hadba xaaladda iyo daruufaha kala duwan ay ummaddu maraysay sidaa darteed gabayadiisa waxey noqdeen kuwo dhaxalgal ah oo madhintaan ah.

Qofka u kuur gala oo si fiican u aqriya gabayada Bacadle waxaa u muuqanaya in uu gadgaddoon badan yahay, oo fikrad mar hore u aamminsanaa aad arkaysid inuu iska baddalay, sidoo kale waxaa kuu muuqanaya in arrimaha qaarkood habka uu u cabbirayo ay yihiin hab aragti gaaban gaar ahaan marka uu ka hadlayo dhacdooyinka siyaasadeed.

Abwaan Abshir Bacadle in kastoo ayna ku jirin gabaydiisa kuwa diradiraala ah oo ummadda isku dira haddana waxaad ku arkaysaa aflagaaddo ku wajahan shakhsiyaadka qaarkood oo uu wax ka sheegayo akhlaaqdooda iyo isirkooda, sida ku cad gabayada S.S.D.F, Ina Cigaal, Guuleed Fansalaq, Cantara Baqash iyo wixi la mid ah.

Gabayada Bacadle waxaa kalood ku arkeysaa caddaalad darro, gaar ahaan marka uu isbarbar dhigayo qabaa’ilka qaarkood iyo marka uu doodsiinayo Suufiyada iyo dadka ka soo horjeeda, asagoo isku qaldayo Suufiyada iyo sixiroolayaalka.

Gabayada Bacadle waxay u baahan yihiin in lagu sameeyo baaritaan weyn si loo dhuuxo murtida iyo suugaanta ay xambaarsan tahay waxeyna mudan yihiin in lagu sameeyo daraasaad akadeemi ah oo hufan.
Ugu danbeentii waxaan ka cudur daaraneynaa wixii khalad ah oo ka yimaada qoraalka buuggaan iyo cabbirka fasiraadda aragtida ay xanbaarsan yihiin gabayada aanu ku soo bandhigney buuggaan.

Maxamed Xuseen Macallin
Muqdisho, Soomaaliya
7 Oktoobar, 2002

aragtidaada nala wadaag...