Qaadow Adigaa Leh!

Gabay ka hadlaaya waxyeellada iyo dhibaatada qaadku ummadda u leeyahay oo uu tiriyey abwaan Abshir Nuur Faarax Abshir Bacadle. Gabeygaan waxa uu noqdey gabayada ugu caansan maansooyinka uu curiyey abwaan Abshir Nuur Faarax, Ilaahey ha u naxariisto.

Boqollaal qorshoo wada qabyaa qaadow adigaa leh
Qorya raamso quudkana yaree qaadow adigaa leh
Qalbi olol mar qabo oo qaniin qaadow adigaa leh
Qalbi guban sigaar lagu qanciyo qaadow adigaa leh
Qatar caafimaadoo qarsoon qaadow adigaa leh
Qabri kahor qandho aan laga bogsoon qaadow adigaa leh
Qabsimadu inay kala xirmaan qaadow adigaa leh
Qalbi qooqan qooraan wax tarin qaadow adigaa leh
Qardarreeye kaadida ha qubo qaadow adigaa leh
Macdan qubata hawshoon la qaban qaadow adigaa leh
Raggoo quusta dumarkoo qawada qaadow adigaa leh
Qamiis walaf quluubtoon xasilin qaadow adigaa leh
Qamiistiyo Jimcaha yeyga qaban qaadow adigaa leh
Magnad kugu qasbiyo qaac yabaal qaadow adigaa leh
Iska qari cid baa kugu qabsane qaadow adigaa leh
Inoo qaybi aan lagu qanceyn qaadow adigaa leh
Wax nin wayni qaadoo qawado qaadow adigaa leh
Qayrkaa shaxaad hana qajilin qaadow adigaa leh
Qof kaa hoosa laba qori ka tuug qaadow adigaa leh
Dhalinyaro afkooduun u qoran qaadow adigaa leh
Iska qaado qaantana ha bixin qaadow adigaa leh
Shaluu qaatay maantana qafaal qaadow adigaa leh
Kaga qaada qori caaradii qaadow adigaa leh
Qayil oo cun reerkiina qadi qaadow adigaa leh
Qoys laga dhixiyo qaaqlanimo qaadow adigaa leh
Qoys dumiyo qayliyo huruuf qaadow adigaa leh
Qaraabo iyo ehelaan la tebin qaadow adigaa leh
Is qandiiri kana qoomamee qaadow adigaa leh
Dubaab lagu qarwoo kugu qulqula qaadow adigaa leh
Bisad ku quustay dabadeeda qabo qaadow adigaa leh
Qarjaf sayntu inay kuu tiraa qaadow adigaa leh
Qannaaskiyo waswaas kaa qarsoon qaadow adigaa leh
Ibliis qarawga aadmiga ku qaba qaadow adigaa leh
Qabiltu jaanku aadmiga ku qabo qaadow adigaa leh
Qosolaan qalbiga hoose jirin qaadow adigaa leh
Qasad dhaara qawlaan la fulin qaadow adigaa leh
Qur’aan lagu kaftamo qadafya been qaadow adigaa leh
Salaadaha dib qabo ama qallee qaadow adigaa leh
Waa quutul owliyaad kidbiya qaadow adigaa leh
Intuu qadaf qof uun ku hadli karo qaadow adigaa leh
Qosol iyo qamuunyo isku xiga qaadow adigaa leh
Ku qasaar macaashkana ku qaraw qaadow adigaa leh
Deg deg loo qasaariyo shil qoran qaadow adigaa leh
Qashin iyo qashaabiir qurmuun qaadow adigaa leh
Indha qoriya iyo dhidid qurmuun qaadow adigaa leh
Qaaddirada subixii ku qaban qaadow adigaa leh
Xubna qaadiwaa sidii qof qalan qaadow adigaa leh
Qubays laga wahsado iyo qurmuun qaadow adigaa leh
Jirkoo qaasha nadarkoo qayiran qaadow adigaa leh
Qurux doorsantiyo dhimir khalkhala qaadow adigaa leh
Qarbaboosh ilkiyo gawso qodan qaadow adigaa leh
Af qashuusha oon cadaygu qaban qaadow adigaa leh
Af qalalay bushimo qolof dhacsaday qaadow adigaa leh
Isla qabwayni aan sii qodnayn qaadow adigaa leh
Faqiir qani ismoodoo qayila qaadow adigaa leh
Qandiga fuqurka iyo quus rageed qaadow adigaa leh
Quraysh gabara waxa qiima rida qaadow adigaa leh
Gabar qurux u dhalatoo qayiran qaadow adigaa leh
Dad qamaama qayliyo dagaal qaadow adigaa leh
Tafa qaawan dumar wada qarriban qaadow adigaa leh
Cimri kuu qorraa qayb ka lumi qaadow adigaa leh
Qofka aadmigoo qiima dhaca qaadow adigaa leh
Qurbaha joog adoon hawl ka qaban qaadow adigaa leh
Quflad aan dareenkeed la qabin qaadow adigaa leh
Waxaad shalayto qabatoo qabyaa qaadow adigaa leh
Qaaddicu salaadnimo qasada qaadow adigaa leh
Qabyaalad iyo iimaan la’aan qaadow adigaa leh
Qasban qayb daroogada ka mida qaadow adigaa leh
Hanti qaran qanaafiir u gey qaadow adigaa leh
Qaamuuska cay waxa ku qoran qaadow adigaa leh
Qiso yaab lahooy qarinayaan qaadow adigaa leh
Afku wuxuunan ii qaban karayn qaadow adigaa leh
Qandaraaska qababaal xumida qaadow adigaa leh
Qarnigaan qasaaraha u badan qaadow adigaa leh
Quful kugu jaboon furuhu qaban qaadow adigaa leh
Nolol qiyaali ehe qiima daran qaadow adigaa leh
Qacna maahi qaybina imaqan qaadow adigaa leh
Hadal qararac laahoo qaddiman qaadow adigaa leh
Iska quusashada lays qaddimo qaadow adigaa leh
Rag bey qaaday qirish kama bixine qaadow adigaa leh
Kabar qolofa xaabshaan hor quban qaadow adigaa leh
Qaangaarro qayrkood ka haray qaadow adigaa leh
Ha qasaalin lama qoonsadee qaadow adigaa leh
Ku qaraabo xalay waa qadeen qaadow adigaa leh
Qada isiiya meel kale ku qoran qaadow adigaa leh
Qaatilu nafsihi kuu qabiran qaadow adigaa leh
Quukhaac dalqada laga qufaco qaadow adigaa leh
Marduuf qaadoo iisoo qafaal qaadow adigaa leh
Qawlalada cagaar kaa qubtana qaadow adigaa leh
Qallad iyo inkaar qoorta suran qaadow adigaa leh
Qolfa muuqda iyo qoon la rogay qaadow adigaa leh
Quraafaad Qu’raan lagu matalo qaadow adigaa leh
Hadba qaaba qawsayn kirkira qaadow adigaa leh
Qabya tiraha daankoo qonbora qaadow adigaa leh
Il qalloocan camankoo qaldhacan qaadow adigaa leh
Qummanahooda qoorta ugu jira qaadow adigaa leh
Sidii qadow laguu qawshadana qaadow adigaa leh
Qorya feenashaan laga qajilin qaadow adigaa leh
Qori isiiya waa iga qabyee qaadow adigaa leh
Mar ii qaada aan qaaddacee qaadow adigaa leh
Qatar iyo qabyaan la ebyi karin qaadow adigaa leh
Boqolkaa qisoo wada qubxiya qaadow adigaa leh
Qaatalaka-llaahuye adigaa qaranka aafeeyay
Ilaahey ha naga kaa qabtee qayba herawiinle!

Erayada
Qawada: Saluugga.
Qamiis walaf: Shaxaadka waalan oo maalinta Khamiista iyo Jimcaha ka cararaya.
Qaac yabaal: Tashwiishka shaydaanka.
Qannaas iyo waswaas: Ilmaha shaydaanka qarsooma durbana usoo nagda.
Qayiran: Jirkoo jilca iyo midabkoo beddelma.
Dhimir: Xiska ama ogaalka.
Qanaafiir: Gaalo madowga.
Qababaal: Anshax xumada.
Kirkira: Iriiri badan.
Qonbora: Daankoo kuusma.
Qadow: Waa geed baadiyaha ka baxa oo la cuno.
Ebyi: Ebyid, abyada ka bi’in, dhammaystirid, buuxin.
Qaatalaka-llaahu: Waa kalimad Carbeed oo ku tusineysa habaar aad u xun. [Carabi: قاتلك الله]
Herawiin: Waa nooc ka mid ah daroogada iyo maandooriyaasha. [Ingiriis: heroin]

5 thoughts on “Qaadow Adigaa Leh!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *