Xantayda Ma Moogiye

Gabaygaan waxa uu mariyey gabyaaga sannadku markuu ahaa 1993-kii, kaddib markii lagu eedeeyey inuu taageeray kooxdii uu hogaaminayey Janaraal Max ’ed Faarax Caydiid si qabyaalad ay ku jirto, taana lagurna helin Bacadle inuu taageeray ka hor iska horimaadkii Caydiid iyo Yunisoom, laakiin markii ay isku dhaceen labadaa dhinac ee aanu soo sheegnay, waxuu halkaa ku difaacayaa inuu ku saxsanaa taageerada uu u fidiyay kooxda Soomaalida ee uu hogaaminayey Caydiid, una badnaa reerka uu ka soo jeedo gabyaaga. Isagoo arkayey in taasi ay tahay mid sharci ah oo jihaada, tiigsanayana Fadwa uu ku jawaabayey Shiikh Shariif Cabdinuur Al-Muqbuli arrintaas.

Xigmaddiisu gabay waa inuu ximin ku joogaaye
Waa inaadan xeer kiisa jebin kuna xadeysaaye
Waa inaad xaqsoor iyo midnimo ku xakameysaaye
Xilli waliba waa inay nafluhu xarakadeeyaane
Waa inuu xul iyo sooc yohood xanaf ka dhowrtaaye
Waa inaad xaqiiqada runta ah xagaf ku siisaaye
Xal nabadeed si loo helana waa inaad ku xiiqdaaye
Waa inuu xasuus reeb yahoo xaada kiciyaaye
Xafladaad ka soo jeedisana xiiso geliyaaye
Xubbi iyo kal gacal waa inay rag u xanbaaraane
Xabbad weynihiyo nuxurku waa xarakadeeyaane
Mar haddaan lagaa xigan karayn xaabo kaanoqoye
Xikmad yahanka Soomaaliyeed nin iyo xeer kiise
Xoogaa tayo leh baan anigu ku xakameeyaaye
Rag uun baase been lama xardhee igaga xeel dheer e
Maxag jiro xaq iyo baadilkaan kala xujeystaaye
Xantaydana ma moogiye tolkey wow xanuunsaday e
Xarbigii ahliga kulama jirin xum iyo duulaane
Yunisom xasuuqeedi baa ila xaraaraadey
Xasidkeenu goortuu farxaan xaytay maradiiye
Haddaadse igu xamateen in taa waa xadgudubteene
Xaq waa lagu gargaaraa tolkaa baadilkaa xirane
Kamana xumi ninkeenii xag jira xaal halaga qaado
Afartaa halkaasaan ku xiray ximinka ley dheere
Xilligii gumeysiga wadadu nagama xeereyne
Nagama xayireyn wacad Allee tan iyo Xaafuune;
Maantana xaduudaa la dhigay xagarki dheeraaye
Balad Xaawo iyo Faafaxdhuun xoolo laga iibshay
Anoon gaari ku xanbaarinoo la xaragoonaaya
Inaan saaxil xera wayn u dhigay waa xasuusnahaye
Xiis iyo Maydh cidina igama xigin xararti dheereyde
Xammuul waxaan ka soo rogay Barbara Xamarna keenaayey
Xigta iyo shisheeyaba ma arag cid i xumeysaaye
Maantana xuduudaa la dhigay xamar dhaxdiisiiye
Xabsi kama duwana meesha ay nagu xareeyeene
Xalbaa nala gudboon iyo inaan xaqa abaarnaaye
Intiinaa la soo xuley afkaan ku xajinaynaaye
Haddey idin xanuujidey tixdaan idinku xayndaabey
Nin xil qaadey eed qaad yeybaad ku xamilaysaane
Ragga nabadda xiiseynayow ku xusa taariikhda!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *